-
Content Count
208,232 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay markii u horraysay samaysay keydka Lacagta Puntland oo haddii xaalad la soo deristo ay uga maarmi doonto kaalmadii ay ka heli jirtay caalamka. Isagoo khudbad u jeedinayay jaaliyadda reer Puntland ee ku sugan dalka UAE, ayaa madaxweynuhu ku faanay in xukuumaddiisu ka maarmi karto kaalmada ay ka hesho caalamka maadaama ay hirgelisay kaydka lacagta Puntland oo loo baxsan doono xaaladaha adag. Mudane Deni ayaa tilmaamay in habka nidaamka maaliyadda Puntland ay wax badan ka beddeli doonaan si loo ilaaliyo hantida umadda loona helo daah-furnaan maaliyadeed oo xaqiijisa in wax kasta halkii loo qoondeeyay ku baxaan. Dhanka kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha Puntland taasi oo loo marayo horumarinta ganacsiga iyo maal-geshiga gudaha Puntland isagoo xusay in horraanta bisha 8-aad ee sannadkan Garoowe lagu qaban doono shir ku saabsan Maal-geshiga Puntland oo lagu soo bandhigi doono fursadaha maal-geshiga ee ka bannaan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo markii u horraysay sheegtay in ay samaysatay Kaydka Lacagta appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Taliska ciidammada Maraykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalku ay duqayn ku dileen ku-xigeenkii guddoomiyaha ururka Daacish ee ka dagaalama Buurlayda Gobolka Bari ee Puntland. Maraykanku wuxuu sheegay in duqayntu ka dhacday tuulada xidhiidho ee gobolka bari 14kii April. kaasi oo lagu dilay Cabdixakiim Dhuqub oo ururka Daacish u qaabilsan howlgalada, qorshaynta weerarada, dhaqaalaha iyo loojistikada War-saxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Maraykanku oo kaashanaya dowladda Federaalka ay sii wadayaan dadaalada xididada loogu siibayo waxa ay ugu yeereen kooxaha mayalka adag. “” Waxaan sii wadaynaa inaan la shaqayno saaxibadayada Soomaalida si loo sii xoojiyo cadaadiska lagu hayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish” Sidaas waxaa yiri Maj General Gregg Olson oo ah Madaxa howlgalada ee taliska milateriga Africom. ” Ma jirto dad shacab ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqayntaas” ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay Dilka Sarkaalka Daacish/ISIS ayaa sheegtay in Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka lagu dilay horjooge ka tirsan Daacish. Sidoo kale waxaa ka hadlay dilka Sarkaalkaasi, Wasiirka amniga Puntland C/samad Galan. Source
-
(SLT-Nigeria)-Milliteriga Nigeria iyo kuwa dalka Kaamiruun ayaa la sheegay inay qadaeen hawlgal ay ku dileen 27 ka tirsan Maleeshiyadda Boko Xaram, oo ku sugnaa xuduudka ay wadaagaan labadaasi waddan. Afhayeenka Milliteriga Nigeria, Sagir Musa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen kaydad badan oo hub isugu jiray qoryo, Baasuukayaal, rasaas, Miinooyinka, Qoryaha Lidka Diyaaradaha, Mootooyin iyo Gaadiidka Teknikadda oo ay lahaayeen Maleeshiyadaasi. Waxa uu sheegay inay hawlgallada lagu dilay 27-ka ka tirsan Maleeshiyadaasi ay ka dhaceen qeybo ka mid Tuullooyinka Wulgo, Tumbuma, Jikun Gudu iyo Bukur Maryan oo dhamaantooda ku yaalla xuduudka dhinaca Nigeria. Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu xusay in Ciiddamo Isku-dhaf ah oo ka kala socda dalalka Nigeria, Benin, Jaad, Kaamiruun iyo Nayjar ay hawlgal xiriir ah ka wadaan Deegaanadda isku xira Gombaru iyo Nigaala iyo deegaanadda ku hareeraysan oo ay u baxsadeen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Boko Xaraam. Bishii la soo dhaafay ee Maarso, in ka badan 100 dagalyahanada Kooxdaasi ayaa lagu dilay hawlgalo wadajir ah oo laga fuliyey xuduudaha ku dhereran dalka Nigeria. Source
-
Qoraal ay soo saareen dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo ay heshay Goobjoog News waxaa ku xusan in ay qaadaceen go’aan ka soo baxay wasaaradda gargaarka, gaar ahaan barnaamij la xiriira arrimaha banii’aadnimada. Sida warqadda lagu qoray, maamul Hirshabeelle waxaa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyey qabyaalad, eex iyo arrimo kale. Haddaba Halkan Ka Akhriso: Dawlad Goboleedka HirShabelle waxay uga qeyb gashay shirkaa si niyad wanaag ah, iyadoo daneeyneeysay in si cadaalad ah wax loogu qabto dhamaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo saameeyeen. Waxaan isku daynay inaan si niyad sami ah u tilmaanno qaladaadka iyo caddaalad darada ku jirta barnaamijka lasoo bandhigay, wasaaradda Gargaarka ee heer Federaalkuna iska indhatirtay . Abaaraha iyo dhibaatooyinka Bani’aadamnimo waxay saameeyeen dhamaan waddanka oo dhan waxaana loo baahan yahay in si caam ah loo wajaho. Waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Gargaarka ee heer Federaal soo badhigtay Barnaamij aan ku salaysneyn xaaladda dhabta ah ee bani’aadamnimo ee waddanka ka jirta. iyadoo soo bandhigtay Barnaamij lagu taakooraayo deggaano qaarkood sababao siyaasadeed iyo caadifad qabiil darteed. Haddaba waxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, cadaynaysaa in aysan la qaadanin go’aan Waxaan ugu baaqeeynaa Dowladda Federaalka ah in aan loo kala eexan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxan ugu baaqeeynaa Deeq bixiyeyaasha iyo dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arimaha gargaarka inay masuul ka yihiin wixii cawaaqib xumo ah oo ka yimaada arrintaan, tixgeliyaanna mabda’a bani’aadamnimmo ee ah inaan dhibaato loo soo kordhin dad awelba tabaaleysanaa (DO NO HARM PRINCIPLE). Waxaan ugu baaqeeynaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle inay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, dhamaanna isku tashadaan si loo xaliyo dhibaatooyinka haysta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay maanta oo Isniin ah Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov. Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii shalay Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona maaanta oo Talaado ah (16 April 2019). Puntland Post The post Soomaaliya iyo Ruushka oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Texas)-Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla. Gobolka Texas labo carruur ah ayaa dhintay ka dib markii uu geed ku soo dhacay gaarigii ay saarnaayeen, waalidka oo qaybta hore ee gaadhiga saarnaa ayaysan waxba soo gaadhin. Dhimasho ayaa laga soo sheegayaa Mississippi, Texas iyo Louisiana. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaan la soo badbaadinin saacado, ka dib markii ay wadooyinkii go’een, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka. Masuuliyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 11 duufaan ay ku dhufteen saddex gobolk ka hor inta aysan u jihaysan Xeebaha Bari. Digniinta duufaanta ayaa Isniintii lagaga dhawaaqay Ohio, South Carolina iyo Virginia. Alton Lenderman oo u hadlay booliiska deegaanka Angelina ayaa faahfaahin ka bixiyay carruurta ku dhimatay gaariga uu geedku ku soo dhacay, wuxuuna sheegay in qaybtii ay carruurtu ku jireen ee dambe ay u fidsantay sida malawaxa oo kale balse waa lidkii qaybta hore fadhiyay ay badbaadeen. Labada carruurta ah ayaa kala ahaa siddeed jir iyo saddex jir. Franklin oo Texas ka tirsan ayay waxyeelo wayn soo gaadhay ugu yaraan lixdan dhisme ayaana ku burburray, masuuliyiinta deegaanku waxay sheegeen in 55 guri iyo dhismeyaal ay dawladdu lahayd ay burbureen. Hamilton oo iyadana gobolka Mississippi ka tirsan ayay guryo badan ku burbureen, waxaana sidoo kale burburay xaruntii dabdamiska. Qof ka mid ah shaqaalaha dabdamiska ayaa CNN u shegay in xarruntii dabdamiska ay meesha ka baxday. Source
-
Berbera (Caasimada Online)-Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaarinta dekadda Berbera. Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay. Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo balaarinta dekadda magaalada Berbera. Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaaray kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaarin weyn lagu sameeyo. Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaaro Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaarinta dekada magaalada Berbera. Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaariyo Dekadda. Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera. Caasimada Online Xafiiska Berbera Caasimada@live.com
-
Saldhigga degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir ayaa ka codsaday xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolka Banaadir in la siiyo 5 maalin oo ay ku soo baaraan dibad-baxayaal ku eedeysan dil, dhac iyo kharbudaad. Dadkan ayaa lagu soo qabtay dibad-bax dhacay 13-kii bishan, waxaana halkaasi ku dhintay in ka badan 5 qof. Akhriso: Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Washington (SMN) – Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari lagu dilay Cabdixakiin Dhoqob oo ahaa Hoggaamiye ku xigeenkii Daacish ee Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaacisay in Dhoqob uu soo abaabuli jiray howlgallada iyo weerarada ay fuliso kooxdaasi. Mareykanka ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu sii kordhin doono weerarada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya. Isniintii shalay ayey aheyd markii duqeyn cirka ah lala geegsaday gaari uu la socday Hoggaamiyahaasi oo marayay qeybo ka mid ah gobolka Bari ee Puntland. Inta badan Daacish oo ku xoogan dhulka Buuraleyda ee gobolkaasi ayaa weeraro qorsheysan ka fulisa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay jaaliyadda Puntland ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu guddi xaqiiqa-raadina u saartay cidda soo abaabusha kufsiyada ku soo badanaya degaannada Puntland. Madaxweynaha ayaa sheegay in kufsiga iyo dilka is xambaarsan ee lagula kacayo gabdhaha da’ada yar, uu yahay dhaqan-xun oo hadda soo kordhay, una baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidda soo abaaabusha,si tallaabo adag looga qaado. “Waa daahiro cusub oo baaritaan dhaba u baahan, marka waxaan saarnay guddi xaqiiqada soo raadiya, marka arrintaasi waxay u baahantahay in aan si qoto dheer u baarno, cid kasta oo ka dambaysana tallaabo adag laga qaado” ayuu yiri Deni. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhammaan kiisaskii kufsiga ee Puntland ka dhacay ay gacanta ku hayaan hay’adaha amniga iyo dembi-baarista, qaarkoodna mar hore loo gudbiyay maxkamadaha, islamarkaana cid walba ciqaabta ay mudaysato lagu qaadi doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo shaki ka muujiyay in kufsiyada ka dhaca Puntland la soo abaabulay appeared first on Puntland Post.
-
Mudaharaad aamusan oo looga horjeedo kufdsiyada ka dhaca Puntland ayaa saaka ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Muddaharaadkan oo ay soo abaabuleen haweenka iyo dhalinyarada magaalada Garoowe ayaa lagu dalbanayaa in cadaaladda la marsiiyo dadka ku eedaysan kufsiyada ee ku jira xabsiyada Puntland. Qaar kamid ah haweenka iyo dhalinyaro Garoowe oo wata boorar ay ku xardhan yihiin ereyo looga horjeedo kufsiga ayaa socod ku maraya laamiga iyo barxadda weyn ee Garoowe waxaana ay dalbanayan in cadaaladda la mariyo dadka loo hayo kiisaska kufsiga ah ee Puntland ka dhacay. PUNTLAND POST The post Garoowe: Mudaharaad aamusan oo kufsiga looga horjeedo appeared first on Puntland Post.
-
Ceelwaaq (Caasimada Online)-Maamulka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay lacag dheeraad ah oo shacabka ku dhaqan degmada Ceelwaaq ay kusoo rogeen ururka Al Shabaab. Ururka Al Shabaab ayaa lacagtaasi kusoo rogay ganacsatada ku nool degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyaga oo ka doonaya inay bixiyaan lacagta ay ugu magac dareen zakawaad. Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Cali oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in dhamaan ganacsatada deegaanka lagu soo rogay lacagahaasi, iyagana ay kasoo horjeedaan inay dadka deegaanka bixiyaan lacagaha Al Shabaab ay doonayaan. Wuxuu sheegay in Al Shabaab tuulo kasta oo degmada hoostimaada kusoo rogeen inay bixiyaan dadka ku nool lacag gaareyso Labo kun oo doolar, haddii ay bixi waayaanna ay dhibaato la kulmi doonaan. Iyaga oo taasi ka duulayo ayuu sheegay inay soo rogeen Bandow ay amaanka magaalada ku xaqiijinayaan, si looga hortago handadaad lagula kaco shacabka ku nool degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. “Amar waaye taasi oo ah lacagta intaasi la eg ayaad bixineysaan, hadii kale waa lagu dilayaa, amarkaana waa mid ay ku doonayaan in dadka shacabka ay handadaad kaga qaadaan lacagta, waxayna ka rabaan dhamaan tuulooyinka hoostaga degmada” “Waxaa sidoo kale ay lacagta ka rabaan dhamaan goobaha ganacsiga, Tuulo kastaa waxay ka rabaan 2100 doolar (Labo kun iyo Boqol), arinta ayaa ka dartay markii qufulo waaweyn looga xertay dukaamadooda, laakiin anaga bandow ayaa soo rognay si amaanka loo xaqiijiyo.”ayuu yiri guddoomiye Sahal. Al Shabaab ayaa inta badan lacago ka qaada shacabka ku nool magaalooyinka ay maamusho dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqday xarunta tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ayaa la kulmay qaar ka mid ah saraakiisha Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga digay Ciidanka dowladda in ay ku xadgubaan shacabka Soomaaliyeed, xilliyada ay wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho. Sarreeyo guuto Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadashay warbaahinta ayaa faah faahisay kulankaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-booliska.mp3 View the full article
-
Moscow (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov. Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii maanta Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona beri oo Talaado ah (16 April). View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-160419.mp3-WE.mp3 View the full article
-
Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay xalinta Xiisada u dhaxeysa madaxda maamulka Galmudug. Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa muddo soo jiitamayay, waxaana madaxweyne ku xigeenka uu sheegay in dowladda aysan marnaba raadin sidii xal loo gaari lahaa. Carabeey, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya laga doonayay inay mar hore xal rasmi ah ka gaarto khilaafka mudada soo jiitamayay ee u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, balse aysan dhicin taasi. Wuxuu sidoo kale Nasiib daro ku tilmaamay in khilaafka uu saameeyay dadka deegaanka walina uu ka taagan yahay Galmudug, balse wuxuu sheegay in muddo yar kadib uu iska dhamaan doono Khilaafka. “Waa Nasiib daro runtii, laakiin wey iska dhamaan doontaa, muddo yar ayaa ka hartay, sababtana waxay tahay waxaa fashilmay dadkii howshaan laga rabay, runtii ma jiro khilaaf gooni ah oo inoo dhaxeeya aniga iyo madaxweynaha” “Waxaa kaloo fashilmay dowladda Soomaaliya oo laga doonayay in mowqif cad ka istaagto sidii arintaan loo xalin lahaa, islamarkaana loo xukmin lahaa ruuxa saxan”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Madaxda Galmudug ayaa labo u kala qeybsantay, waxaana xarumo ay ka kala dhigteen Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, iyagoo sidoo kale doorashooyin is diidan ay ku kala qabteen labada Magaalo. Sida dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso bisha July ee sanadkaan doorasho ayaa la filayaa inay Galmudug ka dhacdo, doorashadaasi oo lagu badali doono hogaanka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimad@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa 3 jeer is hortaag lagu sameeyay Xisbi siyaasadeed uu ka furan lahaa Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Guddiga doorashooyinka Qaranka. Guddiga doorashooyinka Qaranka ee qaabilsan diiwaan gelinta Xisbiyada ayaa xubno sare oo u xilsaaran dhismaha Xisbiga Taabid ku celiyay mudo 3 jeer ah Documents ay soo gudbiyeen waxaana markii dambe la helay xog ku aadan in laga soo celiyay Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre. Ragaan ayaa markii koowaad oo ay keeneen loo sheegay in sharciyada ay Guddiga qaateen hore Guddi kale u qaatay, markii labaad ayaa loo sheegay in Sharciyada qaab dhismeedka Xisbiga uusan aheyn Nidaamka loo rabo Xisbiyada Soomaaliya, halka markii saddexaadna lagu celiyay qalad aan lala wadaagin oo la sheegay in uu ka jiro Astaanta iyo Calanka Xisbiga. Taabid ayaa intaasi kadib badalay Sharciyaqaankii u xilsaarnaa sharciyada iyo dhismaha Xisbigiisa walina waxba uma hagaagin. Saraakiil katirsan Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre ayaa Taabid Cabdi Maxamed u sheegay in 3 jeer Xisbigiisa laga celiyay Xafiiska Guddiga sabab la xariirta galaangal ka yimid dhinaca Kheyre. Taabid Cabdi ayaa laga qaaday Xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir bilaawgii 2018 markii ay is qilaafeen Raysal Wasaaraha Soomaaliya balse hada waxaa jira dadaalo ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in la isu keeno Taabid iyo Kheyrre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyey in duqeyn diyaaradeed oo dalka Soomaaliya ay ka fuliyeen lagu dilay hoggaamiye ku xigeenkii kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdixakiim Dhuqub. Dilka Dhuqub ayaa waxaa sabtidii sheegay maamulka Puntland. Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Dhuqub lala beegsaday baabuur uu saarnaa uu ka dhacay deegaanka Xiriiro ee gobolka Bari. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Dhuqub uu msas’uul ka ah howl maalmeedka kooxda, qorsheynta weerarada iyo helista macluumaadka. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa ah koox aad u yar tiro ahaan, waxaana saraakiisha Mareykanka ay rumeysan yihiin inay yihiin qiyaastii 150 dagaal-yahan. Waxay aad ugu yar yihiin kooxda Al-Shabaab oo lagu qiyaaso 5,000 oo askari. Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo horey uga goostay kooxda Al-Shabaab, waxaana xoogeeda ay ka howl-gashaa gobolka Bari ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ilhan Cumar oo wajahaday Xaalad khatar ah Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay halista kusoo badatay Ilhaan Cumar oo ka mid ah wakiillada matala xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sheegtay in ay kusoo bateen hanjabaadaha loogu jeedinayo in la dilayo, tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Domald Trump bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal iyo muuqaal ku saabsan khudbad ay jeedisay bishii lasoo dhaafay, sida uu shaaciyay Telefishinka CNN. Gabadhan oo laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa sidoo kale sheegtay in Trump uu dhiirrigaliyay xagjiriinta garabka midi gee qalalaasaha kiciya. Hase ahaatee xog hayaha dhinaca saxaafadda ee aqalka cad Sarah Sanders ayaa Axaddii gaashaanka ku dhufatay eedeymaha noocaas ah. “Tan iyo markii uu madaxweynaha qoraalkiisa uu muuqaalka la socday Twitter-ka soo dhigay Jimcadii, waxaan arkay in ay sii kordheen khataraha ku wajahan nafteyda, in badan oo ka mid ah waxay si toos ah u soo xiganayaan muuqaalka uu soo dhigay. Waxaan u mahad celinayaa booliska Capitol, FBI-da, ciidamada aqalka iyo afhayeenka aqalkaba sida ay uga walaaceen hanjabaadahan”, ayaa lagu yidhi bayaan ay Ilhaan soo saartay galinkii dmabe ee Axadda. Afhayeenka Koongareeska Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay amaanka Ilhaan Cumar kala hadashay saraakiisha ciidanka ilaalada aqalka, ayna ku amartay in si xoog leh loo adkeeyo amnigeeda. Donald Trump ayaa Twitterkiisa soo dhigay muuqaal laga arkayo Ilhaan Cumar oo khudbad jeedinaysay bishii lasoo dhaafay, isagoo dusha uga qoray “waligeen ma illoobi doonno”. Muuqaalka oo la jarjaray ayaa lagu celceliyay erayada ay dhaheysay qaarkood, taasoo dadka Ilhaan taageera ay u arkeen mid lagu muujinayo Islaam nacayb. Waxay Ilhaan muuqaalkaas uga hadleysay guddiga lagu magacaabo CAIR ee gobolka Calofornia, kaasoo ka shaqeeya xiriirka Mareykanka iyo Muslimiinta. Trump ayaa sidoo kale muuqaalkaas kusoo dhex daray qeybo jarjaran oo ka mid ah weerarkii 9/11 ee lagu qaaday daarigii dhaadheeraa ee Mareykanka Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay Magaalada Hargeysa laga helay laba Xabaal-wadareed, kuwaasi oo ay ku sheegen inay ku aasanyihiin Dad ay laayeen Milletarigii Soomaaliya xiligii Siddeetamaadkii. Guddiga baadhitaanka Xasuuqyada u qaabilsan Somaliland ayaa sheegay inay ka heleen laba Xabaal-wadareed Xaafadda 150-ka ee Waqooyiga magaalada Hargeysa oo ay muddooyinkii u dambeeyay ka wadeen baadhitaano. Agaasimaha Guddiga baadhitaanka ee Somaliland, Axmed Keyse ayaa faah-faahin ka bixiyay Xabaalaha ay heleen, wuxuuna yiri “Baadhitaankii Xasuuqa ayaanu wadnaa, 4-tii bishan waxaanu Xaafadda 150-ka ee Hargeysa ka helnay laba Xabaal-wadareed, labada Xabaal-wadareed waxa aad badan (Dadka ku aasan badan yihiin) ta Beerta ilma Dhamac, waxaanu Tacsiyadaynaynaa Dadka Dadkoodii halkaa lagu laayey ee Imika Lafahoodii hortooda dib loogu soo saarayo”. Axmed Keyse ayaa waxa kale oo uu sheegay in marka dibedda loo soo saaro Lafaha Dadka Xabaal-wadareedyadaa ku aasan loo sameyn doonaa Aas-qaran “Dadkaa si wanaagsan baa loo aasi doonaa marka Lafahooda la soo saaro, waxaana loo samayn doonaa aas qaran” ayuu yiri Keyse. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Goobjoog, kana warramay shirkii sabtidii su’aalaha lagu weydiinayey madaxda hey’adaha amniga ayaa waxa uu xusay in su’aalihii la weydiiyey hey’adahaasi qaarkood ahaayeen kuwoo lagu qanci karo halka qaarna aan lagu qancin. Xildhibaan Fiqi oo arrinkan ka hadlayey waxaa uu yiri“ Kulanku waxa uu ahaa kulan waayahaan oo dhan carabka lagu hayey oo buuq badan ka dhaliyay Baarlamaanka. waxaana la sii shaaciyey in kulan albaabada ay u xiran yihiin oo saxaafaduna dibad joog ka tahay su’aalo lagu waydiinyay Taliyayaasha ciidamada afar taliye iyo ku xigeennadooda iyo labada wasiir gaashaandhiga iyo wasiirka amniga iyo labada wasiiro ku xigeenadooda intaas kulan laysugu keenay ay joogeen, Xildhibaanaduna ay ku weydiinayeey su’aalo xor ah oo furan, amniga, amni darrada jirta iyo talooyinn lagu siinayay amniga, waxa ay bixinayeen jawaabo kuwaas oo lagu qancayay iyo kuwo aan lagu qanceyn qaarna lagama jawaabin oo dib ayeey ula laabteen”. Sidoo kale Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Muqdisho dowladda in badan ay u soo samreen, canshuurana ay bixiyaan taas badalkeedana loo baahan yahay inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo amingu ugu horeeyo iyo isku socodka loo fudeeydiyo. Xildhibaan Axmed waxaa uu yiri “Shacabku, waxa ay dalbanayaan waxaa weeye maadaama ay yihiin canshuur bixiyayaal ay yihiin kuwo dowladduna ay la noolyiin ay magan galiyeen, waxa ay mudan yihiin in dadka loogu badalo adeeggii iyo ay ku muteysteen, waajibkii ay guteen ayey mudan yihiin, marka waxaan leenahay dadka Muqdisho deggan waa ay soo dulqaateen wax bandanna waa ay u soo dulqaateen”. Dhanka kale Axmed Macalin Fiqi ayaa soo qaatey hadalkii Madaxweynaha Jamuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo uu ku sheegay in 20 ruux ay qasayaan magaalada waxa uuna sheegay in ayaan darro ay tahay inuu sidaa ku hadlo madaxweynihii dalka ayadoo shacabkii dhiigooda daadanayo. “Waxa ay aheyd ayaan darro inuu iska aamusnaado markii dadka ay dhibaatada haysto markuu soo baxana uu ku hadlo hadalo xanaf leh, oo aan daawo aheyn la soo baxo oo ma aragtay si kulul uu caroodo, waxaa mudnaa dadkaas dhibaatada haysato inuu uga garaabo, dadka reer Muqadisho dhibaatada soo gaartay dilka iyo dhaawaca laysugu daray intuu asagu madaxweynaha ahaa dhibaatada dadka hoostooda ku soo gaartay 5000 qof ka badan ayaa dhimatay dhaawcyo badan ayaa reero soo gaaray waxaa burbur-burtay hanti aad u fara badan”. ayuu yiri Fiqi Ugu danbeyn Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa halkiisa ku soo gabagabeyay in dadka maanta dhibban inay yihiin dadkii shalay u soo banbaxay madaxweyne Farmaajo markii la doortay, mana jirin shacab cid qasabtay, ma ahan markii ay dareenkooda muujiyaan in la ciqaab markii ay taageeraana lagu faano. “Dadku waa dadkii asaga uu ku faraxsanaa, waa dadkii wax ka dhigay, markii ay taageersan yihiin oo qadyaadka uu wato ay ka hadlaan inuu ku faano, marka ay cabiraan dareenkoodana ciqaabta jamaaciga ah ay galiyeen labadii sano ee la soo dhaafay markii ay cabiraan ay ka jawaab celiyaan inuu dadkaan, xaqa ay dalbanayaan iyo dhibatada ay ka gubanayaan”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Cabdi Good Abees ayaa sheegay in sirdoonka dalka Jabuuti ay dil ugu soo hanjabeen, kadib markii uu dhawaan si adag uga hadlay xiisadii mudooyinkii dambe ka dhex aloosneed Ganacsade Axmed Geelle iyo Qoyska Madaxweynaha Jabuuti. Cabdi Good ayaa dhaliilo ku hurgufay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mar uu falanqeynayey xiisada ka dhex taagan Ganacsadaha iyo Qoyska Madaxweynaha. Abwaanka ayaa sheegay in sirdoonka cabsi galintoodi aysan waxba ka badali doonin ka hadalka arrimahan, isagoona sheegay haddii wax dhibaato ah ay soo gaadhaan in bulshada reer Somaliland ay sirdoonka Jabuuti u raaci doonaan. Cabdi Good oo ka hadlaya Arrimahaas, waxa uu yiri “Saaka labo mar ayaa waxa lay soo kala diray laba farriimood oo Whatsapp-ka laygu soo diray, oo runtii Jabuuti layga soo diray oo laygu hanjabaayo, in ninkaasi uu helay xogo sirdoon oo Hargeysa laygu dilaayo, ama Gaadhi lay jiidhsiinaayo ama xabad inta laygu dhufto magtayda la dulsaaraayo cidkalena aanay idilayn ee ay idilayaan dadka reer Somaliland oo ilaa shaaqiyaduhu ay u yihiin shaqaale oo lacagtayada ku shaqeeya Ama Ismaacil Cumar Geelle la shaqeeya Idiris Cumar Geele ayaad gaadhay ayuu ku leeyahay, markaas Ismaacil Cumar Geele kama hadho dadka ee waa uu dilaa”. waxa uu intaas kusii daray Cabdi Good “Cumar Xasan Al-Bashiir waxa helay waad arkaysaa inuu inqilaab ku qabsaday oo kii ka qaadayna laga sii qabsaday aniguna digtaytar ayaan sheegay hantida reer Jabuuti ee maqana waan sheegay qoyska ku amar ku taagleeyana waan sheegay intaas midna been maaha oo adduunka oo dhan ayaa qirsan, maxaad uga hadashay Ismaacil Cumar Geele ayaa uu sirdoonkiisii iigu soo dirayaa oo uu leeyahay Hargyesa ku dil, waar dhagaxyo soo daadi waxba ha la hadhine anigu Hargeysa ayaan joogaa oo Somaliland ayaan joogaa nin sidaas ku cabsada ma ihi nafta alle ayaa qaada oo marbay baxdaa naabaalo intaad igu soo hogaamiso bal madaxa igaga dhufo nin sidaas ku cabsada ma ihi, waa digtaytar Ismaacil Cumar Geele aniga ayaana taas aaaminsan oo aaminsan in qoyskiisu uu meesha ka shaqeeyo, waxaana kuu cadaynaaya hanjabaadan”. “Nin Sidaas ku baqda oo la iibsado ma ihi, maanta hadaan duray u dhinto waan garanayaa ciddi ay reer Somaliland godobtayda u raacayaan, hadduu duray I dilo ama iskay aan u dhinto” ayuu yiri Abwaan Cabdi Good. Waxa kale oo Abwaanku ka dhawaajiyey in Sirdoonka jabuuti ay ku haystaan maxaad uga hadashay xiisada Axmed Geelle, wuxuuna yiri “Maxaad Ina Cismaan Geele Arab Ugu hiilisay miyaanu ahayn nin ka soo cararay, sida kaas loo eryanaayo ayaa anigana la doonaya maxaad uga hadashay, waar ina Cismaan Geele godabtiisu anigay ii taalaa waanan ka hadlayaa, hadduu dulmiga wadano waan qabanayaa hadduu dulman yahayna waan u hadlayaa, imikana ina Cismaan Geele Arab inta Hargyesa laga kaxeeyo Jabuuti lama gaynmaayo, maxkamadaa sharcigu waxay ku leeyihiin bangiyadu waa halkeeda laakiin maxaad ugu hadashay waar imikaan u hadlayaa,caqliguu jabuuti ku hayayna waa uu hayaa lacagtiina waa uu hayaa, halkanba kanbaniyo waa uu ka samaysanayaa aniguna waan hadli intay saantaydu qoyantahay, qaranka Jabuuti ayaa la dhacay ayaan idhiye ma wax kale ayaan idhi, maamulka Ina Cumar Geelaan wax ka sheegee ma jabuutibaan wax ka sheegay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Popular Contributors