Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,250
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland. Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa maanta ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay lagunasoo wareejiyay natiijada baaritaanka dheecaamadii laga qaaday kiiskii kufsiga [...] Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa 194 Arday oo Xaafidul Qur’aan ah u furay tartan oo saddexda arday ee ugu sarreeyaa dalka Jabuuti kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo lagu qabanayo magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo ugu horreyn kulankaas tartanka oo lagu qabtay Masaajidka xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada tartankaas, isaga oo sheegay inay saddexda arday ee ugu sarreeyaa magaca Somaliland kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan lagu qaban doono Jabuuti. Agaasimuhu waxa uu sheegay inay tartanka adkeeyeen maaddaama oo lagu xulayo 3 arday oo Somaliland oo dhan ku meteli doona tartanka ay kaga qaybgalayaan Jabuuti. Waxa uu agaasimuhu u mahad-celiyey dowladda Jabuuti, waxaanu yidhi; “Tartankan Qur’aanka waxa bisha barakaysan ee Ramadaan lagu qabtaa dalka Jabuuti, waxa loogu magac-daray Madaxweynaha Jabuuti. Waxaannu u mahad-naqaynaa dowladda Jabuuti iyo Madaxweynahooda, sida milgaha, sharafka iyo qarannimada leh ee ay dalkeenna ugu soo casuumaan inaannu ka qaybgelno tartanka Qur’aanka bisha Ramadaan ee Jabuuti. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa wasaaradda Diinta, awqaafta iyo dhaqanka dowladda Jabuuti oo Wasiirku xidhiidh la soo sameeyo Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, kana codsado diyaarinta ardayda tartanka innooga qaybgelaysa.” “Tartankan la doonayo ardayda ehlu Qur’aanka ah ee halkan fadhida inaynu ku kala saarno, waad dareemaysaan culayska ay wasaaradda ku leedahay. Laakiin, markaannu eegnay guddiga aannu u xulnay, markaannu eegnay sida aannu daacadda uga nahay tartankan, Insha Allaah waxaannu rejaynaynaa inay soo baxaan saddexda arday ee meteli doona Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee tartankaas Qur’aanka ee lagu qabanayo Jabuuti ka qaybgeli doono.. Halkan waxa fadhiya 194 arday oo diyaar u ah inay saddexdaas boos u tartamaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland. Agaasimaha waaxda Maddaarista iyo Masaajiddada ee wasaaradda Diinta Shekh Maxamed Macallin Aadan, ayaa ka warramay habka ay xidhiidhka ula sameeyeen Maddaariska Hargeysa, waxaanu yidhi; “Lix boqol oo macallin baannu la hadalnay afar cisho looma kala hadhin, waxaannu nidhi wixii kaa diyaarsan keen, rag badani way cudur-daarteen oo waxay yidhaahdeen maannaan diyaar-garoobin, intii diyaar-garawdayna waynaga halkan ku kulansan ardayday soo xuleen. Maanta 194-ka arday ee aad halkan ku fadhidaan saddex arday ayuun baa laga qaadanayaa oo noqonaya saddexda ku guulaysta tartanka 10-ka Jis, 20-ka Jis iyo 30-ka Jis, markaa nasiibkiinnaad qaadaysaan.” Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo gebo-gabadii kulankaas tartanka ardaydan loo sameeyey, ayaa sheegay inay ka cudur-daaranayaan inaan ardayda tartamaysaa isaga imannin gobollada dalka ee ay Hargeysa ku kooban yihiin, maaddaama oo waqtiga iyo dhaqaaluhuba koobnaayeen laga gaadhsiin waayey in gobollada laga soo xulo. Waxa uu Wasiirku sheegay inay muhiimad weyn leedahay in kor loo qaado Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee Qawlka eebbe, tahayna masuuliyad saaran qof kasta oo Islaam ah, wasaaraddana waajibaad gaar ahi ka saaran yahay oo ay qaranka masuul uga tahay arrimaha Diinta. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa dowladda Jabuuti oo dowlad aynu walaalo nahay ah, iyadoo xidhiidh fiicani naga dhexeeyo wasaaradda Diinta, awqaafta iyo Hiddaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay tahay sannadkii saddexaad ee ay Somaliland ahaan innagu soo marti-qaadaan. Tartankaas oo loogu loo bixiyey tartanka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waa tartanka Qur’aanka kariimka ah, Ramadaan kasta waa la qabtaa, waxa uu magaalada Jabuuti ka bilaabmi doonaa toddobada bisha Ramadaan, waxaanu socon doonaa illaa 11-ka bisha Ramadaan haddii Illaahay idmo,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo awqaaftu. Wasiir Khaliil waxa uu dardaaran iyo ducoba u jeediyey ardayda ay ka soo dhex bixi doonaan 3 arday ee tartanka Jabuuti ka qaybgeli doona, waxaanu yidhi; “Cidda innaga tegaysaa waxay noqonaysaa arday magaca Somaliland ku meteli doona shaygii ugu qiimaha badnaa ee Qur’aanka kariimka ah. Waxaannu idinka rejaynaynaa inaad diyaar-garaw adag oo aad la gashaan 30 dowladood oo ka soo qaybgeli doona tartankan Qur’aanka ee dalka Jabuuti ka dhici doona inaad guul weyn ka soo hoysaan. Mar baynu kaalinta labaad gaadhnay tartankaas, waan idiin ducaynayaa, Illaahay baan ka baryayaa inuu innagu guuleeyo tartankaas, karaamada Qur’aankana Illaahay sharaf innagu siiyo.” Source
  3. Dibad-bax si aamusnaan ah lagu muujiyaynayay oo loogasoo horjeeday kusfiyadii ka dhacay Puntland ayaa maanta lagu qabtay ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Dibaxbaxayaasha [...] Source
  4. Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo horey xilka uga qaadeen Garabka Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulkaas ayaa afka furtay. Carabey oo markii horeba garab ka helayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka deyriyey rajada laga qabo inay wax ka qabato Khilaafka ka taagan Maamulka Galmudug. Wuxuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku fashilmatay inay go’aan iyo xukun cad ka qaadato cidda qaldan labada garab ee isku hayo maamulkaas. Carabey ayaa xusay inuusan jirin Khilaaf shakhsiyan kala dhaxeeyo Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf balse ay isku hayaan fulinta qaar kamid ah qodobadii heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna. Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee xilka laga qaaday ayaa tibaaxay inay weli wax socon la’yihiin isla markaasna uu fadhiisad noqday Maamulka Galmudug. Maamulka Galmudug ayaa noqday maamul aan dadkiisa u shaqeyn, waxayna madaxda maamulkaas waqtigii ku lumiyeen khilaaf dhexdooda iyo dano shakhsiyadeed oo ay ugu horeyso sidii ay qolo kasta u heli laheyd lacag. Inta badan Siyaasiyiinta kasoo jeedo Maamulka Galmudug ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay iyada sabab u aheyd burburka Maamulka Galmudug, sidoo kalana ay garab taagan tahay garabka uu hormuudka u yahay Carabey inkastoo ay hadda muuqato inay kala furteen Carabey iyo Dowladda Dhexe. Khilaafka Galmudug ayaa meeshii ugu darneyd gaaray kadib Heshiiskii dhexmaray Ahlu Sunna iyo Galmudug oo kenay in Maamulka loo soo raro Magaalada Dhuusa-Mareeb oo ah Caasimadda rasmiga ah ee lagu heshiiyey markii maamulkaas la dhisayey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Gaariga oo la sheegay inuu ahaa kuwa xambaara Wiishka ayaa ka dhacay Buundada magaalada Baydhabo, waxaana ka dhashay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca dad kale oo goobta ku sugnaa. Buundada Insha Baydhabo ayaa la sheegay inuu Gaariga ka dhacay, waxaana ku dhintay ruuxii waday iyo ruux kale oo arday ahaa sida dadka deegaanka ay sheegeen. Maamulka degmada Baydhabo iyo shacabka degmada ayaa isku dayay inay u gurmadaan dadka waxyeelada soo gaartay, waxaana ku dhintay shilkaasi labo ruux oo mid kamid ah uu ahaa darawalkii gaariga waday. Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Gaariga uu ahaa mid kamid ah gaadiidka Shirkadda Korontada ee BECCO. Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal ay badi sabab u yihiin burbruka Wadooyinka,waxaana shilka Maanta Baydhabo ka dhacay uu kusoo aadaya xilli shalay duleedka Hargeysa shil ka dhacay ay dad ku dhinteen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. The Kenyan government has relocated Cuban doctors based in Garissa and Wajir barely four days after armed men kidnapped two doctors from Mandera town. Early Friday morning, gunmen suspected to be al-Shabaab kidnapped two Cuban doctors from Mandera town. The abducted doctors had been identified as Landy Rodriguez (a surgeon) and Herera Correa (general practitioner). In a statement by the minister of Health, Wajir and Garissa administration was directed to evacuate the Cuban doctors to Nairobi following a national security adviser. Garissa OCPD Aaron Morasae disclosed that the team from Garissa left on Saturday morning, and it was not clear when they would resume work. Last weekend, the two specialists posted to Lamu and Tana River left in a huff. “It’s true. The two Cuban doctors traveled out of Lamu abruptly over the weekend,” Lamu Health Executive Anne Gathoni told a local newspaper, the Nation. “The Mandera incident is really traumatizing them, and that’s why they are seeking guidance and counseling. It’s a matter under discussion on whether they will return to Lamu or not bearing in mind that our county also borders Somalia.” Kenyan authorities suspected the attackers are members of al-Shabaab and believed the two victims had been taken to neighboring Somalia. The two doctors are among 100 Cuban specialists who arrived in Kenya in June 2018 under a bilateral arrangement between Kenyan and Cuban governments. View the full article
  7. Xidigaha xulka qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinayna ka qeyb galka tartamada qorshaysan sanada 2019 ayaa maalmihii lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Midnimo iyo L.L.P Jeenyo,iyagoo gaaray guul muhiim ah maadaama ay u aheyd ciyaaro saaxiibtinimo oo tijaabo ah. Kulankii 1aad waxa ay la ciyaareen kooxda Midnimo waxayna ciyaartaas kusoo idlaatay 5-2 oo ay guusha qaateen xidigaha Ocean Stars waxaana goolashaas u dhaliyay xidigaha kala ah Cabdullahi Cali Bile,Feysal Axmed Xasan,Feysal Xasan Xaashi iyo Abuukar Cabdullahi Siidoow. Waxayna ka kala tirsanyihiin kooxaha kala ah Horseed,Dekedda iyo Muqdisho City Club macalmin Cabdiraxmaan Axmed Taree oo ka mid ah tabarayaasha xulka qaranka ayaa sheegay in howshan ay bilaawo tahay ayna sii wadi doonaan in ay Ciyaartooyda xulka ka gaarayaan kaalamaha hore taratamada ay ka qeyb galayaan sanadan. 14-Maarso 2019-Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa tababaraha xulka qaranka Soomaaliya ee sanadaha soo aadan u magacaabay Bashir Hayford oo u dhashay dalka Ghana,isagoo soo hogaamiyay xulka gabdhaha iyo wiilasha Ghana,Macalin Hayford ayaa sheegay in uu da’daal ku bixinayo dhismaha heerar kala duwan ee xulka Soomaaliya si mustaqbalka loo gaaro guul waaweyn Kualankii labaad ee saaxiibtinimo ciyaartioyda xulka waxa ay natiijo 4-2 ka gaareen dhigooda Jeenyo waxaana goolasha u dhaliyay xidigaha kala Q eys Cabdulle Macalin,Deeq Cabdiraxmaan Taree,Cabdullahi Cali iyo Feysal Saabuuni macalimiinta xulka ayaa bogaadiyay xidigahooda,iyagoo sheegay in bandhigan loogu baahan yahay tartamada banaanka ee kusoo wajahan. 01 April 2019-Xulka ayaa si rasmi u bilaaway tababarka guud ee 2019 mar aan booqday xerada tabababarka ee garoonka Jamaacadaha ciyaartooyda ayaa inoogu waramay in ay qaadayaan tababar xoogan si natiijooyin wanaagsan ay ugu soo hooyaan taratamada ay ka qeyb galayaan Xulalka heerar kala duwan ee qaranka ayaa bilaha soo aadan ka qeyb galaya ilaa saddex tartan waxaana laga sugayaa in ay soo hooyo natiijooyin aad u waangsan oo horomarka dalka Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Guulaha Ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isku shaandheyn iyo xilka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir. Guddoomiyayaasha qaar ayaa la beddelay halka kuwo kale loo wareejiyay degmooyin kale ama degmooyinka look ala beddelay. Tusaale Degmada Dharkenley waxaa laga qaaday C/Raxmaan Sayid Cali,waxaana loo wareejiyay Degmada Shibis, halka degmada Dharkenley loo magacaabay Abuukar Axmed oo ay isku heyb yihiin Guddoomiyihii hore ee Shibbis Safiya Xasan Cali. Degmada Wadajir waxaa lo magacaabay C/Raxmaan Cali, halka Sabaax Cabdullahi Asad,waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada C/Casiis. Degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay Guddoomiye cusub waxaana lagu magacaabaa Abshir Kaaraan,horay waxaa uu u ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaas. Dhinaca kale waxaa xilka laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Howlwadaag C/Kariin Cali Kaar, waxaana xilkaas loo magacaabay Mustaf Cali Kheyre . Tan iyo markii uu Yariisow qabtay Xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa dhacay isbadalo badan oo lagu sameeyey Guddoomiyaasha degmooyinka, waxaana isbadalada qaar u dhaxeeyey waqti yar oo kooban. Isbadalada uu Yariisow sameenayo ayaa ah cadaadis uu kala kulmayo Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta sida weyn ugu dhow Nabad iyo Nolol kuwaas oo rabo inay xilal u helaan asxaabtooda, wuxuuna Yariisow ku qasban yahay inuu fuliyo amarkooda si uu u difaacdo kursigiisa. Waxaan dhawaan idinla wadaagi doonaa sheeko yaab leh oo la xiriirto sida ay u dhacday in xilka laga qaado Guddoomiyaha dhawaan loo magacaabay Degmada Howlwadaag ee Cabdikariin Cali Kaar kaasoo cadaadis kala kulmayo Siyaasi ay isku beel yihiin kaasoo xiriir dhow la leh Dowladda Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. DP World oo shaacisay caqabadaha ka heysta Balaadhinta Dekadda Berbera oo hakad galay Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaadhinta dekadda Berbera. Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay. Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo balaadhinta dekadda magaalada Berbera. Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaadhay kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaadho shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaadhin weyn lagu sameeyo. Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaadho Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaadhinta dekada magaalada Berbera. Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaadhiyo Dekadda. Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera Qaran News
  10. Ganacsade Soomaaliya oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Africa Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox budhcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar. Sidoo kale kooxda budhcada ah ayaa la sheegay in ay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday. Dhinaca kale Budhcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg, waxaana ay dhaawaceen muwaadin soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay goobhtiisa Ganacsi. Toddobaadyadii ugu danbeeyay dalka Koonfur Africa waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo wajahay soomaalida,isla markaana dukaanadooda la boobayey,waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere. Qaran News
  11. Somalia’s Foreign Affairs and International Cooperation Minister, Ambassador Ahmed Isse Awad met his Russian counterpart, Sergey Lavrov in Moscow on Monday. The two discussed ways to strengthen the bilateral relations between the two former communist allies. “I met with Foreign Minister, Sergey Lavrov in Moscow ahead of the 5th Russian-Arab Coop Forum,” Ambassador Awad tweeted, adding “Discussed strengthening relations between Russia and Somalia, and prospects for new partnership fronts.” Mogadishu and Moscow shared strong diplomatic relations rejuvenated by military cooperation before the break out of the civil war in the early 1990s. Russia had a military base in the port city of Berbera before fall out with Siyad Barre regime. Somali Foreign Minister, Ahmed Awad is among Arab leaders attending the fifth Russian-Arab Cooperation Forum scheduled on Tuesday. Discussions will cover a range of issues, including the conflicts in Syria and Libya, but will mostly focus on Israel-Palestine developments. The focus on Israel is likely a deliberate strategy by Moscow to drive a wedge between the Arab League and the US after Washington’s decision to recognize Jerusalem and the Golan Heights as Israeli territory was met with strong condemnation. View the full article
  12. Tartan adag oo soo wajahay madaxwayne Trump doorashada soo socota Bill Weld Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu wajahayaa tartan adag oo kaga imanaya gudaha xisbigiisa ka hor doorashada soo socota. Barasaabkii hore ee gobolka Massachusetts Bill Weld ayaa noday musharaxii ugu horeeyay ee ka socda xisbiga Jamhuuriga oo shaaciyay in uu Mr Trump kula tartami doodoono doorashada 2020. Mr Weld, oo ay da’diisu tahay 73 jir ayaa soo saaray muuqaal uu ku soo bandhigayo ololahiisa islamarkana uu ku sharaxayo sida uu uga aragti duwan yahay Mr Trump. Balse Mr Weld, waxa uu wajahayaa caqabad ah sidii uu sare ugu qaadi lahaa muuqaalka iyo sumacadda xisbiga Jamhuuriga oo uu la dagay Mr Trump. Mr Weld ayaa ahaa Barasaabkii gobolka Massachusetts sanadihii 1991-97. Waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay waaxda garsoorka xilligii dowladdii madaxwayne Ronald Reagan. “Waxa aan xaqiiqadii rumaysnahay haddii 6 sano oo kale aan ku sii jirno qaska ka taagan aqalka cad waxa ay noqon doonto labada sano ee soo socta musiibo siyaasadeed,” waxa uu sidaasi u sheegay telefishinka CNN. “Waxa ay igu noqonaysaa ceeb haddii aanan gacanta taagin oo aan tartamin.”ayuu intaa ku daray. Barasaabkii hore ee Florida Jeb Bush, oo isagu uu Mr Trump kaga adkaaday is-reebreebkii xisbiga Jamhuuriga 2016 ayaa ku baaqayay in xisbiga Jamhuuriga ay meesha ka saaraan madaxwayne Trump doorashada soo socota. Barasaabkii hore ee Ohio John Kasich iyo barasaaabka Maryland Larry Hogan ayaa iyaguna la hadal hayay muddooyiinkii ugu dambeeyay in yihiin shaqsiyaad xisbiga kula tartami kara Mr Trump. Sanadka soo socda ayay xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqradiga waxa ay soo xuli doonaan ciddii uga qaybgali lahayd doorashada madaxwaynanimada 2020. Qaran News
  13. The US military confirmed Monday that it had killed the second-ranking Islamic State leader in Somalia in an air strike. US Africa Command said that Abdulhakim Dhuqub was killed Sunday in the strike vicinity of Xiriiro in the Bari region. In the current assessment, the US military said the strike killed only Dhuqub and destroyed one vehicle. “Dhuqub was responsible for the daily operations of the extremist group, attack planning, and resource procurement,” Africom said in a statement. The Islamic State group has a relatively small presence in Somalia, where Al-Shabaab fighters are more powerful and aligned with Al-Qaeda. “We continue to work with our Somali partners to keep the pressure on the Al-Shabaab and ISIS-Somalia terror networks,” said Africom director of operations Marine Corps Major General Gregg Olson. “When it supports the strategy, we use precision air strikes to target those who plan and carry out the violent extremist activities that put Somalis at risk.” In late 2018, the US military estimated that there were between 75 and 250 Islamic State fighters in Somalia, compared to 3,000 to 7,000 Shabaab fighters. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Haween Sheegtay Mulkiyadda Dhulka Madaxweyne Muuse Biixi Ka Dhisayo Madaxtooyadda Cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-King Willaims)-Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox budhcad ah ku dishay magaalada King Willaims Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar. Sidoo kale kooxda budhcad ah ayaa la sheegay inay qaateen lacag u taalay Goobtiisa Ganacsi, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday. Dhinaca kale Budhcad Koonfur afrikan ah ayaa weeraray goobo ganacsi ay Soomaali leedahay oo ku yaalla xaafada Mayfair Magaalada Johannesburg, waxaana ay dhaawaceen muwaadin soomaaliya oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil, iyaga oo sidoo kale boobay hantidii taallay goobhtiisa Ganacsi. Toddobaadyadii ugu danbeeyay dalka Koonfur Africa waxaa ka jiray culeys dhinaca Amniga ah oo soo waajahay soomaalida, isla markaana dukaanadooda la boobayey, waxaana xusid mudan in Habeen ka hor isla dalkaasi Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere. Source
  16. (SLT-Washington)-Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu wajahayaa tartan adag oo kaga imanaya gudaha xisbigiisa ka hor doorashada soo socota. Badhasaabkii hore ee gobolka Massachusetts Bill Weld ayaa noday musharaxii ugu horeeyay ee ka socda xisbiga Jamhuuriga oo shaaciyay in uu Mr Trump kula tartami doono doorashada 2020. Mr Weld, oo ay da’diisu tahay 73 jir ayaa soo saaray muuqaal uu ku soo bandhigayo ololahiisa islamarkana uu ku sharaxayo sida uu uga aragti duwan yahay Mr Trump. Balse Mr Weld, waxa uu wajahayaa caqabad ah sidii uu sare ugu qaadi lahaa muuqaalka iyo sumacadda xisbiga Jamhuuriga oo uu la dagay Mr Trump. Mr Weld ayaa ahaa Badhasaabkii gobolka Massachusetts sanadihii 1991-97. Waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay waaxda garsoorka xilligii dowladdii madaxwayne Ronald Reagan. “Waxa aan xaqiiqadii rumaysnahay haddii 6 sano oo kale aan ku sii jirno qaska ka taagan aqalka cad waxa ay noqon doonto labada sano ee soo socta musiibo siyaasadeed,” waxa uu sidaasi u sheegay telefishinka CNN. “Waxa ay igu noqonaysaa ceeb haddii aanan gacanta taagin oo aan tartamin.”ayuu intaa ku daray. Badhasaabkii hore ee Florida Jeb Bush, oo isagu uu Mr Trump kaga adkaaday is-reebreebkii xisbiga Jamhuuriga 2016 ayaa ku baaqayay in xisbiga Jamhuuriga ay meesha ka saaraan madaxwayne Trump doorashada soo socota. Badhasaabkii hore ee Ohio John Kasich iyo barasaaabka Maryland Larry Hogan ayaa iyaguna la hadal hayay muddooyiinkii ugu dambeeyay in yihiin shaqsiyaad xisbiga kula tartami kara Mr Trump. Sanadka soo socda ayay xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqradiga waxa ay soo xuli doonaan ciddii uga qaybgali lahayd doorashada madaxwaynanimada 2020. Source
  17. Dadka ku nool deegaanka Xudun ee gobalka Sool oo kaashanaya wasaaradda deegaanka oo gacan ka helaya ciidama Milatariga Soomaaliland ayaa howlgal ka sameeyay deegaanno hoos taga dagmada Xudun, kaas oo lagu joojinayo jarista dhirta ee dhuxusha laga dhigo. Howgalkan ayaana laga sameeyay deegaanka Xudun iyo deegaano hoos yimaada, halkaas oo ay ku sugnaayeen dadka dhirta jara haddana dhuxusha u badala si ay lacago iyo ganacsi uga sameeyaan, 2 todobaad ayuu socday. Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax iskuduwaha wasaaradda deegaanka waxa uu sheegay in baaq qeylo-dhaan ah uu uga timid odayaasha deegaanka, kadibna wasaaraddu deegaankaas ay ku baxday iyagoo gacan ka helaya ciidamada saldhigga sideedaad ee Milatariga. “ Waxaan ka wadnay deegaanka Xudun iyo deegaanada hoos yimaada ololaha la dagaalanka xaalufka dhirta labadii todobaad ee la soo dhaafay, annaga oo kaa shaneyna ciidamada Milatariga ee saldhigga sideedaad iyo duqowda deegaanka, Annaga oo isku duuban waxaan bilaawnay howlgal lagu joojinayo dadka deegaanka lagu saliday ama dhibaatada iyo xaalufka ku haya, waxaan soo aragnay goobo badan ay ku diyaarin jireen dhirta oo aan soo gubnay kana soo aasnay godadkii” Isuduwaha wasaaradda oo hadalkiisa siiwato waxa uu sheegay in dadka dhuxusha shida haddana ka gacanacsada ay horay u dhameeyeen dhirtii deegaanada sida Galoolka iyo Quraca, lakiin hadda ay jaris ku bilaabeen geedka Hareeriga oo manfac badan u leh dadka iyo xoolaha. “ Awal deegaanka Sool dhuxu waay ka ladneyd oo dadku waxa ay jari jireen geedaha Galoolka iyo Quraca lakiin hadda waxa ay bilaabeen inay jaraan geedka loo yaqaano Hareeriga kaas oo dadka iyo xoolaha mamfac u leh abaar iyo aaranba, dadkas waad dad shuftaa oo og inay danbiilayaalyihiin markay ciidanka arkaan waxa ay galaan buuraha dhulkana waa dhul aad buura badan” Dhanka kale Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax waxaa xusay in dadkan jaraya dhirta ay jiraan dad ganacsata ah oo soo maalgaliya dhaqaalana ay ku bixiyaan indhirta la jaro lana shido, waxa uuna sheegay in tilaabo sharciya laga qaadi doono. “ Dhibatadaas dhirta lagu hayo, waxaa qeyb ka ah nimman ganacsata ah oo ayagu maalgaliya dhalinyarada reer miyiga ah iyo kuwa tuulooyinka jooga ku yiraahda adinku soo shida annaga ayaa idinka iibsanayno oo halkaan guryo waaweyn ku leh oo ganacsiyo ka dhistay, dadkaas ayaa qeyb weyn ka ah dhibaatada deegaanka lagu hayo oo qarash ku bixiya” Ugu danbeyn iskuduwaha wasaaradda deegaanka dagmada Xudun Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax ayaa sheegan in maamulka deegaanka iyo duqoowda dhaqanka ay isla garteen in dadkaas gacan adag lagu qabto lana badbaadiyo deegaanka. “ Waxaan islagaranay inay nimankaas danbiilayaal yihiin sharcigana la horkeeno wasaaradda sharcibaa uga yaala Soomaaliland sharci ayaa uga yaala, waxaan kaloo isla garanay in qofkii assaga oo dhirta jaraayo la dilo inaan cidna loo raacan odayaashuna waa ay saxiixeen” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Gothenburg)-Maxkamad ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo dilay gabadh uu Saaxib la ahaa sanadkii hore 2018. Yuusuf Shiiraar Xuseen oo 35 jir ah ayaa lagu soo eedeeyay inuu dilay gabadhaas, kaddib markii ay isku dayday inay xidhiidh u jartay. Waxaa uu Maxkamadda ka hor qirtay inuu dilay gabadha, una adeegsaday dilkeeda bir uu kala dhacay madaxa iyo feeraha. Meydka gabadha ayaa laga helay gurigii ay deganeyd, waxaana Booliska ay sheegeen inuu ka muuqday jirdil xooggan. Ninkan ayaa la sheegay in markii uu dilay kaddib uu la xidhiidhiy Booliska, kadibna ku wargeliyay dhacdada dilka ah. Dhacdooyinka dilalka ah ee Ragga Soomaalida u geystaan Haweenka ayaa ku soo kordhaya dalalka reer Galbeedka, waxaana dhowaan ay aheyd markii Mareykanka ay ka dhacday laba dhacdo oo naxdin ah oo labo nin Soomaali ku dileen xaasaskooda. Source
  19. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay markii u horraysay samaysay keydka Lacagta Puntland oo haddii xaalad la soo deristo ay uga maarmi doonto kaalmadii ay ka heli jirtay caalamka. Isagoo khudbad u jeedinayay jaaliyadda reer Puntland ee ku sugan dalka UAE, ayaa madaxweynuhu ku faanay in xukuumaddiisu ka maarmi karto kaalmada ay ka hesho caalamka maadaama ay hirgelisay kaydka lacagta Puntland oo loo baxsan doono xaaladaha adag. Mudane Deni ayaa tilmaamay in habka nidaamka maaliyadda Puntland ay wax badan ka beddeli doonaan si loo ilaaliyo hantida umadda loona helo daah-furnaan maaliyadeed oo xaqiijisa in wax kasta halkii loo qoondeeyay ku baxaan. Dhanka kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha Puntland taasi oo loo marayo horumarinta ganacsiga iyo maal-geshiga gudaha Puntland isagoo xusay in horraanta bisha 8-aad ee sannadkan Garoowe lagu qaban doono shir ku saabsan Maal-geshiga Puntland oo lagu soo bandhigi doono fursadaha maal-geshiga ee ka bannaan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo markii u horraysay sheegtay in ay samaysatay Kaydka Lacagta appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Washington)-Taliska ciidammada Maraykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalku ay duqayn ku dileen ku-xigeenkii guddoomiyaha ururka Daacish ee ka dagaalama Buurlayda Gobolka Bari ee Puntland. Maraykanku wuxuu sheegay in duqayntu ka dhacday tuulada xidhiidho ee gobolka bari 14kii April. kaasi oo lagu dilay Cabdixakiim Dhuqub oo ururka Daacish u qaabilsan howlgalada, qorshaynta weerarada, dhaqaalaha iyo loojistikada War-saxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Maraykanku oo kaashanaya dowladda Federaalka ay sii wadayaan dadaalada xididada loogu siibayo waxa ay ugu yeereen kooxaha mayalka adag. “” Waxaan sii wadaynaa inaan la shaqayno saaxibadayada Soomaalida si loo sii xoojiyo cadaadiska lagu hayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish” Sidaas waxaa yiri Maj General Gregg Olson oo ah Madaxa howlgalada ee taliska milateriga Africom. ” Ma jirto dad shacab ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqayntaas” ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay Dilka Sarkaalka Daacish/ISIS ayaa sheegtay in Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka lagu dilay horjooge ka tirsan Daacish. Sidoo kale waxaa ka hadlay dilka Sarkaalkaasi, Wasiirka amniga Puntland C/samad Galan. Source
  21. (SLT-Nigeria)-Milliteriga Nigeria iyo kuwa dalka Kaamiruun ayaa la sheegay inay qadaeen hawlgal ay ku dileen 27 ka tirsan Maleeshiyadda Boko Xaram, oo ku sugnaa xuduudka ay wadaagaan labadaasi waddan. Afhayeenka Milliteriga Nigeria, Sagir Musa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen kaydad badan oo hub isugu jiray qoryo, Baasuukayaal, rasaas, Miinooyinka, Qoryaha Lidka Diyaaradaha, Mootooyin iyo Gaadiidka Teknikadda oo ay lahaayeen Maleeshiyadaasi. Waxa uu sheegay inay hawlgallada lagu dilay 27-ka ka tirsan Maleeshiyadaasi ay ka dhaceen qeybo ka mid Tuullooyinka Wulgo, Tumbuma, Jikun Gudu iyo Bukur Maryan oo dhamaantooda ku yaalla xuduudka dhinaca Nigeria. Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu xusay in Ciiddamo Isku-dhaf ah oo ka kala socda dalalka Nigeria, Benin, Jaad, Kaamiruun iyo Nayjar ay hawlgal xiriir ah ka wadaan Deegaanadda isku xira Gombaru iyo Nigaala iyo deegaanadda ku hareeraysan oo ay u baxsadeen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Boko Xaraam. Bishii la soo dhaafay ee Maarso, in ka badan 100 dagalyahanada Kooxdaasi ayaa lagu dilay hawlgalo wadajir ah oo laga fuliyey xuduudaha ku dhereran dalka Nigeria. Source
  22. Qoraal ay soo saareen dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo ay heshay Goobjoog News waxaa ku xusan in ay qaadaceen go’aan ka soo baxay wasaaradda gargaarka, gaar ahaan barnaamij la xiriira arrimaha banii’aadnimada. Sida warqadda lagu qoray, maamul Hirshabeelle waxaa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyey qabyaalad, eex iyo arrimo kale. Haddaba Halkan Ka Akhriso: Dawlad Goboleedka HirShabelle waxay uga qeyb gashay shirkaa si niyad wanaag ah, iyadoo daneeyneeysay in si cadaalad ah wax loogu qabto dhamaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo saameeyeen. Waxaan isku daynay inaan si niyad sami ah u tilmaanno qaladaadka iyo caddaalad darada ku jirta barnaamijka lasoo bandhigay, wasaaradda Gargaarka ee heer Federaalkuna iska indhatirtay . Abaaraha iyo dhibaatooyinka Bani’aadamnimo waxay saameeyeen dhamaan waddanka oo dhan waxaana loo baahan yahay in si caam ah loo wajaho. Waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Gargaarka ee heer Federaal soo badhigtay Barnaamij aan ku salaysneyn xaaladda dhabta ah ee bani’aadamnimo ee waddanka ka jirta. iyadoo soo bandhigtay Barnaamij lagu taakooraayo deggaano qaarkood sababao siyaasadeed iyo caadifad qabiil darteed. Haddaba waxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, cadaynaysaa in aysan la qaadanin go’aan Waxaan ugu baaqeeynaa Dowladda Federaalka ah in aan loo kala eexan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxan ugu baaqeeynaa Deeq bixiyeyaasha iyo dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arimaha gargaarka inay masuul ka yihiin wixii cawaaqib xumo ah oo ka yimaada arrintaan, tixgeliyaanna mabda’a bani’aadamnimmo ee ah inaan dhibaato loo soo kordhin dad awelba tabaaleysanaa (DO NO HARM PRINCIPLE). Waxaan ugu baaqeeynaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle inay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, dhamaanna isku tashadaan si loo xaliyo dhibaatooyinka haysta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay maanta oo Isniin ah Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov. Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii shalay Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona maaanta oo Talaado ah (16 April 2019). Puntland Post The post Soomaaliya iyo Ruushka oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
  24. (SLT-Texas)-Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla. Gobolka Texas labo carruur ah ayaa dhintay ka dib markii uu geed ku soo dhacay gaarigii ay saarnaayeen, waalidka oo qaybta hore ee gaadhiga saarnaa ayaysan waxba soo gaadhin. Dhimasho ayaa laga soo sheegayaa Mississippi, Texas iyo Louisiana. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaan la soo badbaadinin saacado, ka dib markii ay wadooyinkii go’een, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka. Masuuliyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 11 duufaan ay ku dhufteen saddex gobolk ka hor inta aysan u jihaysan Xeebaha Bari. Digniinta duufaanta ayaa Isniintii lagaga dhawaaqay Ohio, South Carolina iyo Virginia. Alton Lenderman oo u hadlay booliiska deegaanka Angelina ayaa faahfaahin ka bixiyay carruurta ku dhimatay gaariga uu geedku ku soo dhacay, wuxuuna sheegay in qaybtii ay carruurtu ku jireen ee dambe ay u fidsantay sida malawaxa oo kale balse waa lidkii qaybta hore fadhiyay ay badbaadeen. Labada carruurta ah ayaa kala ahaa siddeed jir iyo saddex jir. Franklin oo Texas ka tirsan ayay waxyeelo wayn soo gaadhay ugu yaraan lixdan dhisme ayaana ku burburray, masuuliyiinta deegaanku waxay sheegeen in 55 guri iyo dhismeyaal ay dawladdu lahayd ay burbureen. Hamilton oo iyadana gobolka Mississippi ka tirsan ayay guryo badan ku burbureen, waxaana sidoo kale burburay xaruntii dabdamiska. Qof ka mid ah shaqaalaha dabdamiska ayaa CNN u shegay in xarruntii dabdamiska ay meesha ka baxday. Source
  25. Berbera (Caasimada Online)-Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaarinta dekadda Berbera. Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay. Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo balaarinta dekadda magaalada Berbera. Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaaray kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaarin weyn lagu sameeyo. Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaaro Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaarinta dekada magaalada Berbera. Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaariyo Dekadda. Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera. Caasimada Online Xafiiska Berbera Caasimada@live.com