-
Content Count
208,249 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu maalin kahor gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii uu safar aan la shaacin kaga baxay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose. Laba kamid ah Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa noo sheegay in Madaxweynaha uu Isniintii ka baxay Kismaayo waxa uuna gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Ujeedada socdaalka Axmed Madoobe si rasmi ah looma oga balse waxaa jira warar sheegaya in uu kulamo la soo qaadan doono safaaradaha Yurub iyo madax katirsan Dowladda Kenya. Xubnaha uu lakulmi doono waxaa kamid ah Saraakiil katirsan Madaxtooyada Kenya iyo Odayaal ka soo jeeda Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Ilo wareedyo lagu Kalsoonyahay ayaa Caasiamda Online u sheegay in Axmed Madoobe iyo madax Kenya ay kawada hadli doonaan qodobo ay kamid ah tahay doorashada Jubbaland ee Sanadkaan 2019 iyo heshiiska Dowladda Soomaaliya ay la gashay Maamulka Axmed Madoobe oo aan wali dhaqan gelin. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in Kalsooni darro wayn uu ka qabo fulinta heshiiskii uu la galay Dowladda Soomaaliya waxaana xooga waxyaabaha uu ka shaki qabo ay yihiin arimaha doorashooyinka iyo Lacagtii ay Dowladda Gobaleedyada ka heli jireen Dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa raadinaya in uu wali sii hogaamiyo Maamulka Jubbaland, halka Kenya ay muhiim u tahay in Axmed Madoobe uu sii hogaamiyo Maamulka Jubbaland maadaama la sheegay in ay dano badan ku qabaan joogitaankiisa Kismaayo iyo Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Boorama)-Wararka aanu helay ayaa waxa sheegayaan in caasimada Dowlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga lagu qabtay lacag lagu soo qariyey gaadhi xamuul ah oo qaad u siday Somaliland. Lacagtan ayaa waxa qabtay Mas’uuliyiin katirsan kastamka heer federaal, Sida ay wararku sheegayaan, lacagtan ayaa aheyd mid si sharci-darro ah lagu dhoofinayey. Lacagtan ayaa isugu jirtay dollar-ka Mareykanka, Riyaalka Sacuudiga iyo Dirhamka Isu tagga Imaaraadka, iyada oo wadar ahaan dollar-ka la qabtay uu gaadhayey 182,247, halka Riyaalka Sacuudiga uu ahaa 235,375, Dirhamka Imaaraadkuna uu ahaa 110,920. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya inay gacanta ku hayaan Waaxda kastamku wadihii gaadhiga iyo qof kale oo la socday. Illaa iyo hadda weli war rasmi ah kama ay soo saarin maamulada dowlad degaanka Soomalida iyo xukuumadda Somaliland, lacagtan ay qabteen Waaxda kastamka federaalka itoobiya. Source
-
Dibad-bax aamusan oo looga horjeedo kufsiyada ku soo banadaya degaannada Puntland, ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Haween iyo dhalinyaro iskood isu abaabulay oo dalbanayaa in ay caddaalad helaan dhibbanayaashii loo geystay kufsiga iyo dilka, ayaa socod dheer ku maray laamiga xiriiriya magaalada iyo wasaaradaha dowladda ee buurta, iyagoo albaabka u istaagay wasaaradaha; Haweenka, Arrimaha gudaha iyo Caddaaladda ee arrintani khusayso. “Mudaharaadkan soconaya ma joojinayno ilaa la helo caddaalad. Caddaaladu hadal maaha, caddaaladu waa ficil la sameeyo; waa kufsadihii oo la soo qabto oo la mariyo sharcigeenna iyo constitution-ka Puntland waxa uu qorayo” ayaa tiri gabar kamid ah dibad-baxayaasha. “Maanta Waxaan u soo baxnay kacdoon la baxay: Caddaalad-doon, waxaan dalbaynayaa saddex shay oo kala ah; in caddaalad la helo, in xogta baaritaannada lala wadaao bulshada iyo midda saddexaad oo ah in idiin sheegno in dibax-baxdayada aanan joojin doonin inta caddaalad laga helayo” ayay tiri gabar kale oo halkaasi ka hadashay. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xafiiskiisa uga soo baxay dibad-baxayaasha, ayaa u sheegay in dowladda Puntland ay sida ugu dhakhsaha badan caddaalada u horkeeni doonto dadka loo hayo kiisaskii kufsi ee dhacay. Sidoo kale, wasiirka Haweenka Aamino Cismaan Xaaji jaamac ayaa dibad-baxayaasha u xaqiijisay, in odoyaasha dhaqanka beelaha aan dowladdu wax door ah ka siin doonin kiisaska kufsiga ee dhacay, balse si toos ah caddaaladda loo horgeyn doono cid kasta oo arrimahaasi ku eedaysan. Halkaan ka eeg sawirro P PUNTLAND POST The post Dibad-bax aamusan oo kufsiyada looga horjeedo ayaa Garowe ka dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelinta Dastuurka, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Masuuliyiin ka socotay hay’adaha UNDP iyo Maxplanck, iyo howlwadeenada Wasaaradda. Ugu horeeyn, labada Gudoomiye ee Gudiyada arrimaha Dastuurka ayaa khudbado soo dhaweeyn ah ka jeediyay xafladda iyagoo ballanqaaday inay si dhow u la shaqeeyn doonaan wasiirka cusub. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo xilka wareejinayay ayaa khudbad uu ka jeediyay xafaladda waxa uu kaga hadlay guulihii ay wasaaradda gaartay laga soo bilaabo sanadkii 2017ka ilaa iyo maanta, Wasiir Ku-xigeenka waxqabadkii uu sheegay waxaa kamid ahaa hagaajinta hab-maaamulka Wasaaradda, aas-aasidda Madasha ay ku kulmaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, qabashadii Shir-weynihii Qaran ee lagu Daah-furay Ollolaha Dib-u-eegista Dastuurka, xoojinta arrimaha wacyigelinta bulshada ee sare u qaadidda ka qaybgalka dadweynaha ee arrimaha dib-u-eegista Dastuurka, iyo arrimo kale oo waxqabadka wasaardda kamid ahaa. Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad jeediyay kadib markuu xilka la wareegay ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka ee anigoo aanan doonan ii dhiibay xilkan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si dhow idiin la shaqeeyo, ma noqon doono carqalad idinku soo korortay ee howshii sideeda ayay u sii socon doontaa. Waxaan ka dalbanayaa dhamaan Gudiyada, Madaxda Xukuumadda iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda inaan isku garab istaagno dhameeystirka Dastuurka ee muddo soo jiitamayay si aan u helno Dastuur dhameeystiran oo ku yimaado wadajir”. Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo xafladda soo xiray ayaa ugu horeeyn Alle ugu baryay Wasirkii hore Avv Cabdi Xoosh inuu Alle Janatul Firdowz ka waraabiyo, dhanka kale waxuu Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu howsha Wasaraadda sii dar-dargeliyo, wuxuuna howlwadeenada Wasaaradda ku ammaanay guulaha ay gaareen labadii sano ee la soo dhaafay. Ugu dambayn, Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka wuxuu sheegay in madaxda sare ee Qaranka ay ka go’antahay dhameeystirka Dastuurka. View the full article
-
Dhoobley (SMN) – Wararka ka imaanaya Xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Ken ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdaan halkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay uga wadaan deegaano hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Ilo dadka deegaanka ahaa Shabelle u sheegay in ay arkayeen Ciidamada fara badan oo u ruqaansaday deegaano dhaca dhanka xadka labada dal. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama deegaandasi ay fariisimo ku leeyihiin Al Shabaab. Dhawaan ayey aheyd markii saraakiisha Jubbaland ay shaaciyeen in ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab, kuwaas oo looga saarayo gobollada Jubbooyinka. View the full article
-
Wafdigan ka socda midowga Yurub oo isniintii soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed iyo xubnaha guddiga Maaliyadda ee aqalka sare ayaa la kulmay wafdigaasi. Intii kulanka uu socday ayaa waxaa la isla soo hadal qaaday taageerada midowga Yurub ee Soomaaliya,gaar ahaan Aqalka Sare,,qaabka loo maareeyo taageerada,waxaana ay ahaayeen koxda farsamada caawinaada miisaaniyadda dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen arrimo kale oo ay kamid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya. Goobjoog News ???????????????????????????????????? Source: goobjoog.com
-
Koox hubaysan ayaa Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid waxa ay maanta ku dileen nin ganacsade ahaa oo ka mid ahaa dadka Suuqa ku shaqeysta. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Suuq qandalaha, iyadoo aanan la ogeyn sababta loo dilay ninkaasi ganacsadaha ah. Ragga dilka gaystay oo watay Bistoolado ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen ninkaasi ganacsadaha ahaa ee Suuq bacaad laga garanaayay. Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa tagay ciidamada booliska degmada Yaaqshiid, lamana soo sheegin cid ay gacanta ku soo dhigeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Mar kasta oo ay xaaladi soo kororto waxaa qasab ah in ay wax walbaa iska bedalayaan dabeecadihii hore. Bishan aynu ku jirno ee April waxaa ay ka mid tahay bilaha kulul sanad kasta. Magaalada Muqdisho marka aad iminka ku soconeysid waddooyinkeeda indhahaagu waxa ay soo qabanayan miisas cusub oo lagu iibinayo cabitaano ka sameysan qudrad kala duwan. Nuuradiin waxa uu Isgosyka Xaaji Baasto ku leeyahay miis lagu iibiyo cabitaanada qabow, Shabelle waxuu u sheeegay macamiishu in ay badan tahay, xilligan oo uu jiro kuleel daran. Waxaa waqtigan kuleylaha sidoo kale Caasimadda ku soo kordhay gaari gacano lagu dul iibanayo geed miroodka Qaraha, dadka ayaana si aad ah u iibsanaya, iyaga oo ka raadinaya qabow. Dhinaca kale kuleelka xaddhaafka ah ee ka jira Muqdisho wuxuu qaar ka mid ah bulshada u horseeday cuduro kala duwan. Cabdirashiid Maxamed C/laahi waa maamulaha isbitaalka Soomaali Syrian waxuu sheegay in ay hayaan kiisas badan oo ka dhashay kuleylka. Cudurada ay qabaan bukaanadaas waxaa ka mid ah neef qabatin iyo shuban biyood. Dhaqaatiirtu talo ahaan waxa ay dadka taagta daran u soo jeedinayan in xilliga ay cad ceedu kulushahay aysan soo socon, islamarkaana ay iska ilaaliyaan biyaha an nadiifka aheyn. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in caasimada Dowlad deegaanka Soomaalida lagu qabtay lacag lagu soo qariyey gaari xamuul ah oo qaad u siday Deegaanada Somaliland. Lacagtan ayaa waxa qabtay Mas’uuliyiin katirsan kastamka heer federaal, Sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha waaxdaasi, lacagtan ayaa aheyd mid si sharci darro ah lagu dhoofinayey. Lacagtan ayaa isugu jirtay dollar-ka Mareykanka, Riyaalka Sacuudiga iyo Dirhamka Isu tagga Imaaraadka, iyada oo wadar ahaan dollar-ka la qabtay uu gaarayey 182,247, halka Riyaalka Sacuudiga uu ahaa 235,375, Dirhamka Imaaraadkuna uu ahaa 110,920. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya inay gacanta ku hayaan Waaxda kastamku wadihii gaariga iyo ruux kale oo la socday. Ilaa iyo hadda weli war rasmi ah kama ay soo saarin maamulada dowlad degaanka Soomalida iyo ka Somaliland-ba, lacagtan ay qabteen Waaxda kastamka federaalka itoobiya, inkasta oo ay Caasimada Online, isku dey inay wax ka weydiiso maamuladaas hadana uma suura-galin kadib markii ay kasoo jawaabi waayen. Muddooyinkii udambeeyay dowladda Itoobiya ayaa la daaladhaceysa dhibaatooyin dhanka lacagaha ah xili suuqa madow ee lagu kala iibsado badeecadaha uu sare u kacay, xili ay dowladu kula jirto dagaal adag kula jirto. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Berbera)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic waddooyin iyo dhismeyaal isugu jira oo laga hirgeliyey gudaha magaalada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Ugu horrayn madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa soo kormeeray mashaariic waaweyn oo dhinaca horumarka ah oo gudaha magaalada Laga hirgeliyey, kuwaas oo kamid ah qorsheyaashii saddex biloodka ahaa ee ay fulisay dawladda Hoose ee Berbera, islamarkaana bilic kusoo kordhiyey magaalada. Meelaha uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray waxa kamid ah saddex waddo oo casri ah oo ay dawladda hoose ka hirgelisay magaalada Berbera, kuwaas oo mid kamid ahi laba haad ka kooban tahay iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka guud ee Berbera, isaga oo sidoo kale kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee Berbera. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray ballaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyey laanta uu Baanka Jamhuuriyadda Somaliland ku leeyahay magaalada Berbera iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, isaga oo sidoo kalena kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Berbera, madaxda Baanka iyo hay’adaha kala duwan dhaqaalahana ku ammaanay sida ay u xakameeyeen kor-u-kacii lacagta Doollarka. Garoonka kubadda cagta ee Cabdalle sandheere Stadium ee magaalada Berbera oo roogga casriga ah la dhigay, islamarkaana la casriyey, ayuu madaxweynuhu xadhigga ka jaray, waxana uu wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed shaaca ka qaaday inay wasaarad ahaan hirgeliyeen casriyeynta garoonka, islamarkaana uu madaxweynuhu arrintaas kaalin mug leh ka qaatay. Maayarka magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan oo hadallo kooban ka jeediyey xadhig-ka-jarista waddooyinka cusub ee magaalada laga hirgeliyey, ayaa faahfaahiyey sida ay maamul ahaan iskaga kaashadaan horumarinta magaalada, islamarkaana ay xil iska saareen sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen sidii ay u abuuri lahaayeen jawi soo jiita maalingelinta ballaadhan ee ka socota magaalada Berbera. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka gobolka, isaga oo ka marag kacay sida ay iskaga kaashadeen horumarinta degmada iyo bilicdeedaba, waxana uu yidhi, “Waxa aynnu u mahadnaqaynaa dadweynaha gobolka Saaxil iyo kuwa Berbera, runtiina waannu bogaadinaynaa maamulka gobolka iyo dadweynahaba, labaduba bogaadin bay leeyihiin oo maamulkiina hoggaamin wacan iyo la xisaabtan iyo inuu yidhaahdo wixii aad Ii dhiibteen waxaas baan idiinku qabtay iyo Daah-furnaan uu yidhi wixii aad dhiibteen waakaas oo meel walba wixii loo qorsheeyey baa la helay.” Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Berbera heshay hoggaamin wanaagsan, isaga oo meesha ka saaray wax dheeraad ah oo si gaar ah loo siiyo magaalada Berbera, “Dad badani waxa ay qabaan in dawladda Hoose ee Berbera ay taageere dhaqaale oo dheeraad ah hesho oo ay dekedda ka hesho, waxanse sheegayaa inaanay wax dheeraad ah oo dawladda Hoose ee Berbera heshaa aanay jirin, Berbera hoggaamin wacanna way heshay, dadkoodiina way aamineen, waxoodiina way isku darsadeen, wixii ay dawladda dhexe ay ka heleenna dadka kale ayey ula mid yihiin, markaa maamulka waxan usoo jeedinayaa in qorshahoodu uu gobolka oo dhan gaadho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu socod lug ah ku maray laamiyada kala duwan ee magaalada Berbera, isaga oo la shaaheeyey shacabka magaalada. Source
-
Baydhabo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo barqadii maanta ka dhacay magaalad Baydhabo ee xarunta G/Baay. Shilka ayaa yimid, kadib markii Gaari kuwa Xabaara Wiishka uu ka dhacay Buudada Isha Baydhabo ee magaaladaasi. Inta la xaqiijiyay waxa shilkaasi ku dhintay illaa labo Qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale. Dadka dhintay aya kala ahaa darawalkii gaariga waday iyo Wiil arday ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga shilka galay ay laheyd shirkad bixisa adeegga Korontada ee ka howgasha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo ku aadand hdhcdadaas. View the full article
-
(SLT-Washington)-Taageerayaasha xildhibaanka Aqalka Congress-ka Maraykanka Ilhaan Cumar iyo kuwa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhigay banaanbaxyo iska soo horjeeda xilli Trump uu booqanayay magaalada Minnepolis ee ay Soomaalida ku badantahay iyo taageerayaasha Ilhan. Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku sugnaa magaalada Minnesota, halkaas oo ka samaynayay hadal jeedin ku saabsan wareegtada dib u habeynta canshuuraha. Boqolaal qof oo taageersan xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Trump ku eedeeyay in uu maagis iyo daandaansi ku hayo Ilhaan Cumar. Madaxweynaha ayaa dhowaahan aad u hadal hayay Ilhaan, isaga oo ku eedeeyay wax u muuqday in ay u qiil samaynayso weeraradii 9/11 ee lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee New York. Dhanka kale taageerayaasha Trump ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhegyo ay ku taageerayaan madaxweynaha iyo ololihiisa dib usoo doorashada ee sannadka 2020-ka. Madaxa hay’adda u doodda xuquuqda Islaamka ee Caira Jaylaani Maxamed ayaa yiri “Arrinka ugu weyn ee aan maanta meesha u nimid waa in aan taageerno walaasheen Ilhaan, tan labaadna waa in aan muujino in dhaqdhaqaaqa uu madaxweynaha sameeyay aysan ahayn wax reer Minnesota ay diyaar u yihiin”. Habboon Cumar oo sidoo kale ka mid ahayd dadkii banaanbaxa qeyb ka ahaa ayaa sheegtay in Ilhaan weerar lagu yahay. Ilhaan oo loo hanjabay Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in maalin kasta ay hesho hanjabaad kaga timaada dad aysan garanaynin, taas oo ah halis nafteeda ku wajahan. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne Trump uu Ilhaan ku eedeeyay in u geftay Maraykankanka kadib hadal ay jeedisay oo si aan sax ahayn loo fasirtay. Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay inay weerarki September si xun uga hadashay, balse dimoqaraadiyiinta ayaa si weyn u difaacay, iyaga oo sheegay in si qaldan hadalkeeda loo tarjuntay qaarkoodna waxay ku eedeeyeen Trump inuu iyada iyo muslimiinta kale ku kiciyay dadka Mareykanka ah. Muxuu yahay hadalka lagu heysto Ilhaan ? “Dadka qaar ayaa qalad sameeyay”oraahdaan ayaa ku jirtay khudbadii Ms Cumar ay ka hor jeedisay koox u doodda xuquuqda rayidka, ee golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka ee (Cair), 23 bishii Maarso. Khudbad 20 daqiiqo soconeysay ayaa waxay uga hadashay arrimaha saameynaya bulshada sida islaam-neceybka iyo weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday masaajid ku yaalla New Zealand. Hadaladaasi oo lagu soo daray muuqaal uu bartiisa Twiterka soo dhigay madaxweyne Trump ayaa laga qaatay qodob ay uga hadashay sida loola dhaqmo muslimiinta Mareykanka kaddib weerarkii September 2001. “Runta ayaa ah. Inaa in muddo ah kusoo nooleyn inagoo neceb ahaanshaha muwaadiniin heerka labaad ah, si run ahna markii loo hadlo waan ka daalnay arrintaas, qof walba oo muslim ah oo ku nool dalkaan waa qasab inuu necbeystay arrintaas.Gollaha muslimiinta Mareykan ee Cair waxaa la aasaasaay 9/11 maadaama ay qirteen in dadka qaar ay sameeyeen qalad inaga dhana aan bilownay inaa noqono dad luminayay xuquuqdii iyo xuriyadoodii sababo la xiriira qaladkaas dhacay.” Source
-
Kaaraan (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda qof shacab ahaa uu ugu geystay isgosyka Sana degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii Marxuumka iyo Askarigu uu soo kala dhexgalay muran sababay gacan ka hadal. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawac fudud marka hore la gaarsiiyay Askariga dilka geystay , kadibna uutoogasho ku dilay ninkaas oo la soo warinayo in madaxa looga jiray. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Askarigii ka dambeeyay dhacdadaasi uu goobta isaga baxsaday. Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana dib u soo noqday dhaq dhaqaaqa Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
(SLT-Jubba)-Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay Xaaska 2-aad ee Madaxwihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir iyo carruurteeda iyo Walaalkiisa u diideen fasax ay kaga dhoofaan dalka Koonfurta Suudaan. Shabakadda Wararka ee Masraawi ee dalka Masar ayaa qortay in Xaaska 2-aad ee Albashiir oo lagu magacaabo Widaad Babikar Cumar iyo carruurteeda iyo Nin la dhashay Albashiir oo lagu magacaabo Cabdillaahi Xasan Al-bashiir ayaa la hor joogsaday inay ka ambabaxaan Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, iyagoo raaci lahaa Diyaarad Rakaab oo ku sii jeeday caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Dubai. Shabakadda Masraawi waxay kaloo qortay inay Dowladda Suudaan ka codsadeen Qaraabadda Alshabaab inay isku tijaabiyaaan inay Khartoum kaga dhoofaan dalka Imaaraadka Carabta, ee aysan ka dhoofi karin Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jubba. Widaad Babikar Cumar waxay iyada iyo carruurteeda bishan April 10-dii ka soo dhoofeen Khartoum, hal maaalin ka hor Afgembigii Albashiir, waxayna maalmihii la soo dhaafay ku sugnayd Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba. Dhinaca kale, Albashiir walaalkiisa, Cabdillaahi Xasan Al-bashiir waxa la sheegay inuu tan iyo bishan April 6-dii socdaal Ganacsi ku joogay isla Caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba. Si kastaba ha ahaatee, arrinta Xayiraaddooda ayaa timid, kadib, markii Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir xilka laga tuuray bishan April 11-di, waxayna Millitreigii afgembiyey sheegeen inay Xabsi Guri ku hayaan. Albashiir waxa uu talada dalkaasi hayey tan iyo bishii June 30-dii ee sannadkii 1989-kii. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Soomaalida Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa sheegay in howshii baarista iyo soo saarista shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya ay hakatay, kadib markii dalal shisheeye ay cadaadis saareen madaxda dowladda Soomaalya. Faarax Macalin Dawaare ayaa ku eedeeyay dowladaha Khaliijka inay diidan yihiin shidaalka Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in shirar looga hadli lahaa nidaamka shidaalka Soomaaliya oo ka dhici lahaa Addis Ababa iyo Istanbul la baajiyay. Wuxuu sheegay in la baajiyey shirarkii daba socday bandhigii shirkii London ee Febraayo 2019 oo kal ahaa shir farsamo oo ka dhici lahaa magaalada Addis ababa, shirkii labaad ee Turkiga iyo weliba shir kale oo ka dhici lahaa dalka Mareykanka, taasoo caddeyn ah in jilbaha loo dhigay howshii. Faarax ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato illaa 280 Block oo shidala ah, balse 53 ka mid ah lagu sameeyay sahan, lana xaraashay, waxaana uu xusay in la isku haayo oo kaliya 3 Block. Faarax Macalin oo taageere weyn u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dalalka Carabta sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ku eedeeyay inaysan ogoleyn soo saarka shidaalka Soomaaliya, ayna ka mideysan yihiin arrintaasi. Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inuu shaqadii ka eryay aqoonyahanadii ugu waaweyna ee mashruucan waday, kuwaasoo afar xubnood ahaa, iyadoo saddex ka mida shaqadii laga joojiyey, laguna bedelay dad kale, taasoo dhabarjab ku ah howshii ay wadeen oo Soomaaliya ka dhigi lahayd dal qani ah. Sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay aheyd inay ka dhega fureysato dalalka diidan, isla markaana ay sii wadaan arrimaha shidaalka soo saarista Soomaaliya. Faarax Macalin ayaa wareysi uu siiyay telefishanka Dalka ku sheegay in madaxda Soomaalida aysan lahayn adkeysi iyo ka go’naasho ay talada danaha qarankooda ku qaataan, una nugul yihiin cadaadiska dalalka dibadda. Halkaan hoose ka daawo wareysiga Faarax Macalin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-16042019.mp3 View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Hirshabelle cabasho xooggan ay ka keeneen habka loo qaybsaday Dhaqaale loogu talo galay ka hortagga masiibooyinka, islamarkaana Hirshabelle saami aad u yar ay ku soo aaday, ayaa masuuliyiinta Hirshabelle, waxa ay sheegeen haddii dowladda aysan wax ka qaban cabashadaasi inay qaadayaan tallaabooyin. Wasiirka Madaxtooyadda Maamulka Hirshabelle C/laahi Maxamed Cadow oo la hadlay Tv-ga Universal, ayaa wuxuu ku hanjabay inay furanayaan Dakadda Ceel Macaan, Garoonka Cisaley, xuduuda Gobolka Banaadirna ciidan ay soo dhiganayaan. Wasiirka wuxuu sheegay Dowladda Somaliya inay ka tabanayaan eex ballaaran oo ku aadan saamiga yar ee la siiyay Maamulka Hirshabelle, arrintaasina wax u qalma aysan aheyn Maamulkooda. “Waxa socda haddii ay ku sii socdaan Hirshabelle go’aan ayeey qaadan doontaa, Hirshabelle Garoonka Cisaley ayeey furan doontaa, xuduuda Banaadir waxaan gaynaynaa Ciidamadaan doraad qabaailka lagu tilmaamay waxaan gaysan doonaa xadka Banaadir & Hirshabelle, nin walibow isku tasho ayeey noqon doontaa, waxaan rabnaa dowladnimo & cadaalad.” Ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyadda Hirshabelle. Dowladda Federalka Somaliya ayaanan wali ka hadlin cabashada ay qabaan Maamulka Hirshabelle ee ku aadan saamiga yar ee Maamulkaasi uu sheegay in laga siiyay dhaqaale loogu talo galay gurmadka masiibooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ismail Warsame April 16, 2019 In 1998 before the foundation of Puntland State of Somalia, GAROWE, the Capital City of the first Federal State [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaadhinta dekadda Berbera. Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay. Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo ballaadhinta dekadda magaalada Berbera. Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaadhay kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaadho shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera ballaadhin weyn lagu sameeyo. Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaadho Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaadhinta dekada magaalada Berbera. Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaadhiyo Dekadda. Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera Source
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay Mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka, cabashada ka taaggan madaxtooyada xukuumaddu sheegtay in la dhisayo iyo hoos u dhaca Doollarka ee aanay la jaanqaadin maceeshaddu. Afhayeenku wuxuu sheegay in hannaanka dimuqraaddyadda oo ah waxa ugu weyn ee Somaliland Dunida ka iibinaysay meesha ka sii baxayso “Somaliland warshado ma hayso alaabo ka soo baxdo oo ay Dunida ka iibiso, Dunida ayaynu citiraaf ka raadina waxaynu citiraafka ku raadina dal dimuqraadiya oo doorashooyin ka dhacaan baanu nahay. Doorashadaasi waxay dunida ka iibisa iyo deeq bixiyeyaasha inaga taageera doorashada in aynu dal dimuqraaddiya nahay. Waxa muuqata muddadan labada sanno ee xukuumadda Muuse sanka la sii galayso in rajadii doorashada laga qabay meesha ka sii baxayso oo nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn dalku galayo, anagu WADDANI ahaan goobta aanu taagan nahay waa in doorasho dalka ka dhacdo,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeen Barkhad. Waxa uu intaasi raaciyay mawqifka xisbiga ee Komishanka “Doodayada Waddani ee doorashadu waxa weeye haddii Madaxweynenimadii, maaliyaddii dalka, maamulkiisii iyo Militarigiisii aanu Muuse Biixi nidhi madaxweyne noogu noqo si doorasho dalka uga dhacdo dadka inoo xaqsooraya ee Komishanka doorashooyinka ah si caddaalad ah inoogu qaybi taas ayuuna madaxweynuhu diidan yahay.” Afhayeenka xisbiga WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay qoysas sheegay in xoog lagaga qaaday dhul laga dhisayo madaxtooyo xukuumaddu sheegtay in laga dhisayo duleedka Galbeed ee Hargeysa “Madaxweyne sooyaalkaaga taariikheed intii aanad jagada madaxweyne Iman waxa hore suuqa ugu jirtay in aad dad beero isku haysateen 20 sannadood, adiga oo laba sanno madaxweyne ahna waxa la leeyahay beer bay qolo isku haystaan. Haybadda iyo sharafta dawladnimo uma qurux badna, xasaanadda aad Qaranka afarta milyan ee qof ah ku metelaysana uma qurux badna arrinta madaxweyne hoos u eeg oo dhiilladeedu mar dambe yaanay soo bixin oo haddii aad Qaranka qurxinayso waa in wada jir iyo tanaasul dhankaaga ka yimaaddo si Qarankani u taabbo galo hoggaamintaada iyo haybaddaadu u soo baxdo waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexadda ku ah haybadda Qarannimo in aad ka dheeraato taladaas ayaanu xisbi ahaan kuu soo jeedinayna,” sidaas ayuu yidhi Mudane Barkhad. Waxa kale oo uu xukuumadda ugu baaqay in ay dejiso siyaasad isu dheelli tiraysa hoos u dhacay ku yimid Doollarka iyo Sicir bararka oo wali taaggan “Cisbitaalkii caasimadda oo labaatan tallaabo u jira madaxtooyada aad shirka golahaaga wasiirrada kula gasho oo wasiirradaada kuwa xanuunsada aanay isku aamminayn in maanta haddana la yidhaahdo $432,000 oo dollar oo dayn ah ayuu ku jira cisbitaalkii dawladdu oo wuu dumaya oo adeeggiisii laydh iyo biyaba waa baaba waa boog kale oo (madaxweyne) hoggaamintaada ku jira,” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Mar kasta oo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi isku shaandhayn ku sameeyo masuuliyiinta xukuumaddiisa ama soo kordhiyo xilal cusub waxay bus kicisa dareenka haweenka ee ku aaddan ka qayb galka siyaasadda kuwaas oo marka ay iska dhex waayaan dareen diidmo ah ku muujiya baraha bulshada. Xarunta daraasaadka siyaasadda ee Center For Policy Analysis (CPA) ayaa warbixin ay diyaarisay waxay xustay in golaha wasiirrada Somaliland oo dhan 32 wasiir ay ku jiraan kaliya 3 dumar ah. Sida oo kale ma jirto haweenay kaliya oo madax ka ah hay’adaha madax bannaan ee dawladda. Waxa kale oo aan jirin gobol kaliya oo haweenay badhasaab ka tahay. CPA ayaa kadib isku shaandhayntii dorraad ee madaxweyne Biixi waxay tilmaantay in Dastuurka Somaliland dammaanad qaaday in haweenka la dooran karo lana magacaabi karo meeshana ka saaray kala sarayn jinsi ku dhisan. Sidaas awgeedna ay tahay in la aqbalo in haweenku siyaasadda ka qayb galo. Somaliland constitutions states women have a right to be elected & nominated, & prohibits gender discrimination and inequality. The National Development Plan requires women empowerment & political participation, yet women are underrepresented. #AcceptWomeninLeadership #Somaliland pic.twitter.com/C74SRCwo8U — Center for Policy Analysis Think Tank (@CPA_Horn) April 14, 2019 Sida oo kale haweenka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dumarku helaan masuuliyiin dumar ah oo metela kuwaas oo fahmaya baahida haweenka iyo siyaasadda iyo shuruucda kor u qaadaysa noloshada haweenka. Dhinaca kale shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku qabsaday magaalada Boorama madaxweyne Biixi oo metelaya guddoomiyaha xisbiga iyo madaxweynaha xukuumadda ayaa su’aalo lagu sheegay isla xisaabtan la waydiiyay. Su’aalaha waxa hadheeyay cabashada haweenka ee ku aaddan in iyaga oo soo halgamay aanay doorkooda ka helin xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba xilalka. Madaxweynaha oo arrintan uga jawaabay haweenay reer Togdheer ah ayaa yidhi “Ta xilka wixii aad qabateen iyo dagaalkii aad gasheen intaba xisbigu wuu idiin ogsoon yahay waana la idiinka mahaqnaqaya; ta xilkana xaq baa u leedihiin oo dhalliisha waxa leh aniga iyo ragga xisbiga kaga jira golaha dhexe, guddida fulinta iyo xukumadda ee reer Togdheer oo hablaha intaa gujinaya.” Madaxweyne Biixi oo marar badan ammaanay doorka haweenka sidoo kalena sheegay in aanay mararka qaarkood sahlanayn in ay soo gaadhaan maaddaama ay xishoonayaan ma cadda in ay culays saareen dalabyada ragga xil doonka ah iyo in ay jirto siyaasad kale oo uu haweenka ka leeyahay. https://twitter.com/MariaGaheir/status/1117460895700070400/photo/1?ref_src=twsrc%5Etfw%7Ctwcamp%5Etweetembed%7Ctwterm%5E1117460895700070400&ref_url=https%3A%2F%2Fwww.sayruuq.com%2Fmuxuu-madaxweyne-biixi-dhegaha-uga-furaystay-cabashada-siyaasiga-ah-ee-haweenka-somaliland%2F Source
-
Popular Contributors