-
Content Count
208,250 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta markale ka hadlay mowqifkiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka, isagoona markii uhoreysay ka hadlay cabashooyin sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu xoogay dhul laga dhisayo Madaxtooyo. Afhayeenka guud ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo ka hadlaya arrimahaas, ayaa wuxuu sheegay in hannaankii dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka iibinaysay dunida, uu gabalkeedu sii dhacayo, wuxuuna yiri: “Somaliland warshado ma hayso alaabo ka soo baxdo oo ay Dunida ka iibiso, Dunida ayeynu citiraaf ka raadina waxaynu citiraafka ku raadina dal dimuquraadiya oo doorashooyin ka dhacaan baanu nahay. Doorashadaasi waxay dunida ka iibisa iyo deeq bixiyeyaasha inaga taageera doorashada in aynu dal dimuqraaddiya nahay. Waxa muuqata muddadan labada sanno ee xukuumadda Muuse sanka la sii galayso in rajadii doorashada laga qabay meesha ka sii baxayso oo nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn dalku galayo, anagu WADDANI ahaan goobta aanu taagan nahay waa in doorasho dalka ka dhacdo”. “Doodayada Waddani ee doorashadu waxa weeye haddii Madaxweynenimadii, maaliyaddii dalka, maamulkiisii iyo Militarigiisii aanu Muuse Biixi nidhi madaxweyne noogu noqo si doorasho dalka uga dhacdo dadka inoo xaqsooraya ee Komishanka doorashooyinka ah si caddaalad ah inoogu qaybi taas ayuuna madaxweynuhu diidan yahay”. ayuu yiri Afhayeen Batuun Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qoysas sheegay in xukuumada Biixi ay ka xoogtay dhul ay ka dhisaneyso Madaxtooyo oo ku yaala galbeedka caasimada hargeysa, isagoona ka dhawaajiyey arrin suuqa ugu jirtay Muuse Biixi inta uusan Madaxweyne noqon, wuxuuna yiri: “Madaxweyne sooyaalkaaga taariikheed intii aanad jagada madaxweyne Iman waxa hore suuqa ugu jirtay in aad dad beero isku haysateen 20 sannadood, adiga oo laba sanno madaxweyne ahna waxa la leeyahay beer bay qolo isku haystaan. Haybadda iyo sharafta dawladnimo uma qurux badna, xasaanadda aad Qaranka afarta milyan ee qof ah ku metelaysana uma qurux badna arrinta madaxweyne hoos u eeg oo dhiilladeedu mar dambe yaanay soo bixin oo haddii aad qaranka qurxinayso waa in wada jir iyo tanaasul dhankaaga ka yimaaddo si qarankani u taabbo galo hoggaamintaada iyo haybaddaadu u soo baxdo waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexadda ku ah haybadda qarannimo in aad ka dheeraato taladaas ayaanu xisbi ahaan kuu soo jeedinayna”. Wuxuuna intaas kusii daray Afhayeen Batuun “Cisbitaalkii caasimadda oo labaatan tallaabo u jira madaxtooyada aad shirka golahaaga wasiirrada kula gasho oo wasiirradaada kuwa xanuunsada aanay isku aamminayn in maanta haddana la yidhaahdo $432,000 oo dollar oo dayn ah ayuu ku jira cisbitaalkii dawladdu oo wuu dumaya oo adeeggiisii laydh iyo biyaba waa baaba waa boog kale oo (madaxweyne) hoggaamintaada ku jira”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in dood badan ay ka taagan tahay dhismaha hey’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeeed, taas oo u dhaxaysa mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban labada Aqal ayaa bishii December ee sanadkii hore meel mariyay Sharciga Naafada Qaranka kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale 30-kii December ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu saxiixay Warbaahinta u sheegay in hey’adda Naafada Qaranka si deg deg ah loogu baahan yahay. Dhowr bilood kadib ilaa hada lama dhisin hey’adda Naafada Qaranka oo la rabo in ay ka koobnaato 5 qof Islamarkaana ka kooban rag iyo haween. Yuusuf Sheekh Cali oo ah Xogyahay Urur ay ku midaysan yihiin Naafada Qaranka ayaa Caasimada Online u sheegay Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ku muransan yihiin dhismaha Hey’adda. “Xildhibaano badan ayaa keensaday rag iyo dumar Naafo ah oo ay rabaan in ay kamid noqdaan 5-ta qof ee Guddiga, Wasiiradana waxay keensatay qaar kale waana lagu murmay” ayuu yiri Yuusuf Sheekh Cali. “Ma jirto cid tixgelin iyo mudnaan nasiiso maadaama hey’adda na qusayso waana ka walaacsanahay” ayuu hadalkiisa raaciyay Yuusuf Sheekh Cali. Dhinaca Kale Caasimada Online ayaa ogaatay laba qodob oo yaab leh oo ay sameeyeen Xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. Labada qodob ayaa kala ah: 1) – In Xildhibaanada qaar ay dibadda ka keeneen dad Naafo ah si ay uga mid noqdaan hey’adda Naafada Qaranka. 2 . Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa wada qorshe Guddoomiyaha hey’adda uga dhigayso qof heesta dhalashada wadanka kale iyadoo u cugsaneysa in uu ku hadlo luqado badan oo muhiim u ah hogaaminta hey’adda sida Luqadda Englishka. “Waa nasoo gaartay in Xildhibaano dibadda ka keeneen dad Naafo ah si ay uga mid noqdaan hey’adda” ayuu ku jawaabay mar aan weydiinay Yuusuf Sheekh Cali. “Waan la kunay Wasiiradda waana waydiinay in qof baasaboor kale heesta Guddoomiye laga dhigi rabo waxayna noo sheegtay in qofkii Alle uqoray hogaamin doono” ayuu yiri mar aan weydiinay su’aal ku saabsaneed in qof qurba joog ah Guddoomiye loo wado. Arintaan ayaa muujineysa in musuq maasuq xoog leh uu ka jiro dhismaha hey’adda Naafada Qaranka waana sababta keentay in aan ilaa hadda la dhisin hey’adda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaki galiyey in xukuumadiisu ay awoodo inay soo saarto biyo gaadha dhamaan bulshada ku nool magaalada Hargeysa. Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay Xukuumadiisu hubin biyaha ku keydsan deegaanka Geed-deeble ee laga waraabiyo caasimada Somaliland, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer Hargeysa isku tashadaan. Madaxweyne Biixi ayaa ka dhawaajiyey ineyna macquul aheyn in bulsho-weynta Hargeysa oo xiligan ka badan hal Milyan ay isku haleeyaan biyo soo saarka Geed-deeble, ee ay isku diyaariyaan inay helaan biyo kale. “Macquul maaha, Hargeysa oo Milyan Qof mareysa in Geed-deeble oo aan la ogayn biyaha ku jira, intay soo saartana aynu qasabado waaweyn u samaysanay, inta soconayaan garan mayno, markaa waa inaynu biyo badan qabsanaa oo aynu xoogeena ku tashanaa iyo xoolaheena. Hargeysa biyo way qabsan kartaa iyadoon Cidna u qayshan, markaa hadaanu madaxdii-nahay waxaanu codsanaynaa aynu isugu tagno, tilmaantaa aynu qaadano, weliba mushtamaca Hargeysa deggani ha hoggaamiyo” ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Wuxuuna intaas kusii daray Muuse Biixi “Shiki baa laga qabaa Dawladaha oo waxbay halleeyaan baa la is yidhaahdaaye, Hargeysa intay isu tagto oo ay dhaqaalaha ururiso oo ay ta Dawladdana ku darto, Dadkii aqoonta lahaana aynu keeno aynu Caqligeena iyo Muruqqeena aynu biyaha ku joojino. Hay’adahoow na soo gaadha waxba tari mayso, waa Dad inala mid ah oo aynaan isku Diin ahayn, Xoolaha aynu qaadano ee Sadaqada ah waxa laga soo ururiyaa Kiniisado, Ilaahayna Gaalo barya inama odhanin, inaga oo Caqligeena qabna”. Sikastaba, Hadalkan Madaxweyne Biixi ayaa kusoo aadaya xili muddo 7-sanadood oo xidhiidha la waday mashruucan, kaasi oo ay ku baxday lacag ka badan 30-Milyan oo Euro, oo ay ugu deeqay Midowga Yurub, iyada oo ay dheertahay Malaayiin dollar oo loogu deeqay biyo balaadhinta Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dadka Soomaaliyeed ee kunool dhulka imminka loo yaqaan Itoobiya waxay noloshooda ku jireen halgan xornimo/gobannimo doon ah, oo marxalado kala geddisan soo maray. Marka laga tago dagaallada boqoqrtooyinkii Islaamka ahaa ee Soomaalidu hormoodka ka ahaayeen, qabaa’illada jiidaha deggani waxay hadh iyo habeen ku jireen dagaal aan kala go’ lahayn. Laga bilaabo aasaaskii Saldanaddii Muslimka ahayd ee Showa (896 to 1285) Geeska Afrika waxa ka jirey isherdi diimeed iyo mid dhuleed oo u dhexeeyey dadkii Abyssinia (Amxaaro iyo Tigree) iyo Dadkii Muslimiinta ahaa ee Soomaalidu hormuudka u ahayd. Dagaalkaasi wuxuu ahaa mid qori isu dhiiba oo Saldanad waliba midda ka danbeysaa kala wareegayso dagaalkii lagula jirey Abasiiniya. Tusaale ahaan, Showa waxa kala wareegay Ifat (1285-1415). Waxay iyana qoriga ku wareejisay Saldanaddii Adal ( 1415 to 1577). Inkastoo aanu dagaalkaas diinta iyo dhulriixu marna ka demin geeska Afrika muddo hakad buu galay, waxase dabkii halganka dib u shiday dabayaaqadii qarnigii 19aad Sayid Maxammed Cabdulle Xasan (AHN) iyo dagaalkii Daraawiishta ee gumasystaha midabadda badan lala galay. Dagaalkaasi wuxuu bilaabay baraarug qawmiyadeed iyo in Soomaali meelay joogtaba u midoowdo la dagaallanka gumaysiga mid cad iyo mid madowba Soomaalina xaq u leedahay inay is xukunto. Baraaruggii xigay wuxuu noqday kii SYL oo isaguna dabkii Darwiishka halkii ka sii qaaday hadafkiisuna ahaa xornimo Soomaaliyeed, midnimo Soomaaliyeed iyo Dawlad Soomaaliyi yeelato oo qayb ka noqota caalamka. Intaa dabadeed dhalashadii dawladnimada Soomaaliyeed ee labadii qaybood ee xoroobay 1960 waxay tuurta u riteen inay dareenkii Soomaalinnimada iyo halgankii loogu jirey xuquuqda dadka Soomaaliyeed iyo dhulka Soomaaliyeedba ay dawladdii curatay masuul ka tahay dabkiina aanu bakhtiyin ilaa laga xaqiijinayo xorriyadda dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Dagaalladii dhacay 1964 iyo 1977 waxay qayb ka ahaayeen halkankaa qori-isudhiibka ah. Jabhaddii Xoraynta Soomaali Galbeed iyo Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya oo iyadu weli dabkii oo nool sidda waxay qayb ka yihiin halgankaa dheer. Sheekh Bashiir, Xaaji Faarax Oomaar, Maxamuud Xarbi, Sheekh Xasan Barsame, Nasiib-Buundo iyo qaar kaloo badan oo ay ka mid ahaayeen kuwo badan oo lagu deldelay Jigjiga iyo Dirirdhabe, kuwo ku dhintay xabsiyada iyo Malaayiin dagaalladaas qarniyada socday ku dhintayba waxay sababsadeen halgankaa aan weli dhammaan ee ilaa maanta taagan oo nool. Dulucda qormadaydani waxay daarran tahay isbeddelkii ka dhacay Itoobiya 1991kii ee nidaamka Federaalka ah lagu unkay dadka Soomaaliyeed lamuu jaanqaadin wax weyn oo ugu kordhayna ma jirto aan khasaare iyo tafaraaruq Soomaalida dhexdooda ahayn. Maanta waxa taagan marxalad cusub oo kala guur ah oo ummadda Soomaaliyeed ee gobolkaas DDS deggani ay ku sixi karaan khaladkii ay sagaashameeyadii galeen. Waxaa loo baahan yahay qolada hadda talada haysa ee Madaxweyne Mustafe M Cumar iyo guddoomiye Axmed Shide inay la yimaadaan talo Soomaaliyeed oo aan kooxaysnayn, aan reeraysnayn, aan gobolaysnayn, aan u adeegayn shisheeye, ka xor ah dan qof xukun raadinaya, ka xor ah qof xukun laga raadinayo oo la qanciyo (amaba aan Abiyaysnayn amaba Oromayasnayn). Qolada labaad ee aan la hadlayaa waa ONLF ama JWXO, oo hadda u muuqata xoog abaabulan waayo-arag ah, haysata shacbiyad ballaadhan oo xukunkii Cabdi Iley iyo kan Mustafe labadaba ka niyad jabsan. ONLF waxa looga baahan yahay inay sidii Xisbi Siyaasiya isu abaabulaan ogaadaana tabihii hore ee jabhadnimada tabo ka geddisan ayay siyaasadda bulshadu u baahan tahay. Waxa loo baahan yahay dhegeysi, debecsanaan, furfurraan, lasocosho xogaha cusub iyo xidhid xadhko siyaasadeed ( rules of the game have changed). Si kale haddaan u idhaahdo waxa loo baahan yahay dhaantadii jabhadnimada inay ku beddelaan “DHAANTO SIYAASADEED”, dhaanto u wada cuntami karaysa dad fikrado kala geddisan aaminsan, aqoon kala geddisan leh, gobollo kala geddisan ku kala nool, damac kala geddisan leh. Soomaalida kale waxaan kula talin lahaa inay aad dhegaha ugu furaan indhahana ugu hayaan waxa ka socda DDS ogaadaanna haddii DDS Soomaalida deggani guulaysto inay tahay guul Soomaaliyeed, hadday hagaasaanna sidii sagaashameeyadii Soomaalida kalena la hagaasayso. Wixii ka dhaca DDS waxay saamayn togan ama taban oo toosa ku yeelanaysaa Soomaaliya. Haddii aynu helno dad Soomaaliyeed oo xor ah oo xooggan oo talada Itoobiya aan marti ka ahayn ee wax ka goynaya wixii aynu ka caban jirney ee Itoobiya inagaga imaan jirey way yaraanayaan ama maba jirayaan. Waa inaynu ka shaqaynaa oo taageernaa oo xoog iyo xoolo iyo maskaxba ku bixinnaa sidii dadka DDS ay u midoobi lahaayeen taladooda u hanan lahaayeen, ta weyn ee Itoobiyana mustaqbalka dhow u hawaysan lahaayeen. Gebagebadii inta aan Itoobiya xoogaysan xukunkeeduna adkaan ayaan haysannaa fursad aan dib ugu sixi karno khaladaadkii taariikheed ee aynu hore u galnaye yaanay maanta arrintu faraheenna ka bixin. Ogaadana haddii waqtigan maanta taagan ee Itoobiya kala daadsan tahay ee qawmiyaduhu kala wada shakisan yihiin aynaan is abaabulin oo si fiican u gorgortamin waxa la gaadhayaa waqti qawmiyaduhu midoobaan, ama xukunku adkaado oo sidii Tikreega qolo wax muquuniso ama labaduba dhacaan oo dabadeedna sideennii goonni laynoo saaro oo geeska laynagu feedho. Waxa keliya ee qawmiyadaha Itoobiya heshiiska ku yihiin waa in Soomaalida la takooro, intaanay inoo midoobin aynu midoowno oo meel isa saarno. Maxamuud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Dhamaan maqaalada shabakadani ku soo baxaa ma ah kuwo matalaaya habsami u socodka shabakada, waxana fikrada mid ka mid ah akhrisayaasha sida kor ku xusan. Qaran News
-
Kooxaha Barcelona iyo Ajax ayaa u soo baxay wareega Afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League. Barcelona ayaa garoonkeed Camp Nou 3:0 ugu awood sheegatay Manchester United lugta labaad ee siddeed dhamaadka tartankan, waxayna wadarta goolashada labadii kulan ku badisay 4:0. Messi Lionel Messi ayaa labo kamid ah goolasha Barcelona dhaliyay, halka kan saddexaadna uu dhaliyay Coutinho, waxayna Manchester awoodi weyday in ay la timaado wax gool ah. Barcelona ayaa hadda sugeysa tii soo baxda kooxaha Liverpool iyo FC Porto oo habeen dambe oo Arbaco ah kala bixi doona. Dhanka kale kooxda Ajax oo horey uga soo yaabsatay Real Madrid ayaa markan shacar lama ilaawaan ah gurigeeda ugu dhigtay Juventus, kadib markii ay 2-1 ugu awood sheegatay, waxayna wadarta labadii kulan ku badisay 3-2. Juventus ayaa goolka la hormartay bilowgii ciyaarta waxaana u dhaliyay Cristiano Ronaldo, balse labo gool oo ay kala dhaliyeen Vande Beek iyo Matthijs de Ligt ayaa ka dhigay hal bacaad lagu lisay. Ajax Ajax oo sanadkan Champions Leugue ku soo bandhigtay ciyaaro aad loo la dhacay ayaa hadda sugeysa midkood tii soo baxda kooxaha Manchester City iyo Tottenham oo habeen dambe Arbacada balansan. PUNTLAND POST The post Barcelona iyo Ajax oo u soo baxay Afar dhamaadka koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Sannadkii 1968 waxa magaalada Muqdisho guri wada deganaa Abwaan Hadraawi iyo afar nin oo ay saaxiibbo ahaayeen kuwaasi oo ay horena uga soo wadaguureen Cadan . Gurigan ay deganyihiin shanta nin waxa daris la ah guri kale oo ay degantahay gabadh dhallinyaro ah oo jaarnimo aqoon dhaafsiinin ayna ka dhexaynin , afar nin oo ka mid ah ragga guriga degan wuxuu midkasta gaarkiisa indhihiisu u soo jiiteen gabadhan dariskala ah . Afartooda midna ka kale ma oga arrintiisa , balse maalin ayuu midkood wuxuu qorsheeyey in guriga meel daaqad ah uu ka banneeyo meel yar oo ku beegan guriga gabadha , si uu marmar halkaasi uga eegto, waxayse doodi ka dhalatay ka dib markii ay saddexdii nin ee kale uu midkasta damcay inuu isagu noqdo qofka halkan gabadha ka eegaya . Abwaan Hadraawi oo arrintan ka sheekeeyey wuxuu xusay in maalin uu roobweyni ka da’ay magaalada ka dibna xaafaddii ay deganaayeen uu Daad badani soo galay , uu arkay afartii nin ee la deganaa oo dhammaantood biyihii ka dhuraaya gurigii gabadha halka kii ay daganayeen ay sidoo kale biyo galeen. Sheekadii ayaa soo shaac-baxday oo midkasta raggii wuxuu qirtay ay gabdhani ku mudantahay oo uu damcay , habeen habeenada ka mid ah waxay kooxdan oo dhammanatood bahda fanka ahaa ay dhigeen bandhig faneed dad badani ka soo qaybgaleen , dadkii la soo casuumay waxa ku jirtay gabadhii dariska ahayd . isla bandhiggii ayuu hobolkii Axmed Mooge Liibaan oo aan isagu ku jirin afarta nin ee tartamaysay wuxuu ka qaaday heesta ” Suleekhaay Aragaagu nafta waa u samirsiis” heestan oo Abwaan Hadraawi ka sameeyey arrinta ka dhaxaysa gabadha iyo afartiisa saaxiib waxa laxameeyey Bashiir Xaddi Axmed , markii dambena waxa qaaday Maxamed Nuur Giriig, waxayna sifaynaysaa macnaha dhabta ah ee ay saaxiibadii uga dhigantahay gabadhu.. Gabadhii waxay dhuuxday heestan oo ay fahamtay inay iyada ku socoto , markii baraamijkii dhammaaday , ee ay kooxdiina ku laabatay gurigoodii waxay arkeen qof haweenay ah oo fadhida Al-baabka gurigooda laga galo , markii ay la hadleen waxay arkeen inay tahay gabadhii oo saw ay ku dhibicday heestii sidaasina iyadiina lagu saaqay . Markii ay la hadleen ee sheeko loo dhanyahay lala yeeshay waxay soo jeedisay in afarta nin ee jeclaaday nin looga xulo , Abwaan Hadraawi ayaa ku yidhi ” adigu ka aad rabto la bax” nin ka mid ah ayeyna sheegtay sidii ayeyna ugu noqotay Oori markii dambena Ubad u dhashay oo ilaa maantana ku dhaqan dalka Ingiriiska . Sheekadan waxa iiga waramay Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) oo uu isna Abwaan Hadraawi uga waramay. Halkan hoose ka dhagayso heesta oo uu qaadayo Maxamed Nuur Giriig IHN Source
-
Waxaan salaan kadib beryahayn danbe maalinba maalinta kadanbaysa soo muuqanaysay in mashruucii muranka iyo qaylada badnaa ee DPWORLD EE BERBERA in uu runta iyo in uu hirgalo u dhow yahay arinkaa oo dawladii m/wayne SIILAANYO dhibaato iyo qaylo badan ay u adkaysatay so uu mashruucaasi u hirgalo ilaahay mahadii waxa muuqata in uu tubtii saxda ahayd haysto ayna ku saxsanaayeen raggii iyo dawladii iyo xisbigii fikradaa lahaa. Waxaanay cadaynaysaa in dhamaan dadkii arinkaa diidanaa ay dano gaar ah oo shakhsi ah ay kala haayeen arinkaa qaarkoodna ay caadifad qabiil oo yar ay uga jeedeen . maanta m/wayne MUUSE BIIXI WAXA uu dhamaystirayaa mushruucaa uu isagu nasiibka u helay in uu gebabadiisa joogo iyo insha Allah furitaankiisa dadkii diidanaana maantaba maxay ku hadli Qore: Ahmed abdi aabdi7002@gmail.com Source
-
Mashaariicda horumarinta ee aynu ka filaneyney DPW in ay inoo fuliyaan waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha,Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamahaShidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyohorumarintakorontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera.Waxa ku cad nuqulka isfahankain heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somalilandiyo Shirkada DPWisla qaateen uu qeexayey in balaadhintaDekeda Berbera lagubilaabi doono laguna dhisi doono mudosanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doonosadexdan weji ee hooseoo kala ah: 1- Phase0 Waxaa lakeeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiishoo raseeyayaal ah ( 5 reachstackers)3Tareele oo containarada qaada ( 3 empty carriers)NewSecurity system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub eekumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hadaDPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta ooqalab yar oo baali ahay DekedoodaJabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey.Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPWqalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda . 2- Phase 1Wejigan wuxuu leeyahaywaxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400miyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiishoo ah kuwa casriga ah ee qaadaisla markaanaraseeyakontaynarada ( 7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejiganilagu maalgelindoonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejiganoo sanad ka hor aheyd. 3- Phase 2Wuxuu qeexayaa inwejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahaymar kastasida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay kusoo xidhan karaan ilaa iyo 3 markaboo kale. Qiimaha wejigan 2-aadlaguMaalgelinaayoayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar. Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaaweji ee sareayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oonoqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtayQaranka Somaliland sanad kasta intaan la wareejin. Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld DekedaBerbera maamulaysaywaxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro. 2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kaladhisto laba jeer oo min 400 mitir ah. 3- In Wadadii Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale )taasina maydhicin eeteeniiayaa laynookab-kabayaa. 4- In Madaar Madani ah Berberalaga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufadaimaaraatigu. 5- In aydalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas ooarimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska,Beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone ) 7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxaynoqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine eebalanqaad bay ahaayeen ee barwaaqada la suga. Waxaa khatarteeda leh Khiyaamooyinkadahsoon eemaalkii shacabka Somaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn inla jumladojoharadii ummaddu wada laheyd, Boowe ! Waxaa ummadda JSL u cadaatay in : 1- KiradiiSaldhigaCiidamada Berberauu jeeb khaldanku dhacday, Laakiin ummadda loogu sheekeeyey in aynumashariic dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ? ma Wadada lay noo kab-kabaayo !! 2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “. 3- Saamiga JSL ee DPW eeDekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay inlagujaxaasoshirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh. Fiiro Gaar ah :Kadib markii loo kuur galay heshiisyadii ay hore u gashay shirkada Macaashdoonka ah ee DPW Waxaalaysku raacay in heshiiskan ay JSL la gashay uukhatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilantay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal,iyo Deked Mareykanka ku taala. Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
(SLT-Hargaysa)Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo hadal ka jeediyay Munaasibad Qado Sharaf ah oo lagu Sooryeeyay Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee Maalmihii u Dambeeyay ku sugnaa Caasimada Hargeysa, ayaa hadal Duur xul ah dusha uga Tuurey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isagu Cidhiidhsadey inuu hadal ka jeediyo Munaasibadaha Qado sharafeedka ah ee lagu Maamuusayo Madaxdhaqameedka . Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadalkiisa ku Suntey Soo dhaweynta ergada Madaxdhaqameedka iyo ahmiyada loo hayo Wakhtigan isagoo Carabka ku dhuftey, in Aaney Wali joogsan haseyeeshee, ay isdaba socoto Casuumadaha lagu Sooryeynayo, Waxa uu sigaar ah u Xusey isagoo u Duur Xulaya Wasiirkii hore ee Wsaaradda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami islamarkaana uga hal Celinaya in hadaladiisa Xiligani aaney Macno badan Sameyneyn haseyeeshee, ay Munaasib ku ahaayeen mudadii uu Xilka hayey oo aanu Inta badan ka hadli jirin Duruufaha ka jira Deegaanadaasi, isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu yidhi. “Axmed Xaaji Cali Cadami Waxaanu labadayaduba kawada Tirsaneyn Xukuumadii hore, Anigu Xukuumadana Waan ka tirsanahay Waxaan Leeyahey Labadeenuba Waxeynu Nahey Dadka lala Xidaabtamayo ee Safka Martida aynu kasoo Baxno”Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi. Waxaanu intaa ku Darey hadalkiisa, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay Anigoo kamid ah Gudida Qabanqaabadda in ay kala Badan yihiin Liiska kutalagalka Dadka Casuumadaha ugu talagaley, iyo Wakhtiga kutagalka inta Waftigu joogi Karaan taasina Waxey tilmaamaysaa Quluubta Wanaagsan iyo Isjacelka ehelnimada ah Waa Wax illaahay.loogu mahadiyo Maanta ilaa Gabiley iyo Boorama Waxaa la leeyahey goormaad Waftiga isa soo dhaafinaysaan insha Allah Waala Doonaa” Ayuu yidhi Wasiirku. Hadalkan Wasiirku ugu Duur xuley Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa daba Socda lacago Fara badan oo uu Sanaag Bari u qaadey ee aheyd lacagihii 2% Gobolada Bari oo ay Wada Qaadeen Xubno kooban oo Isugu jirey Xildhibaano iyo Odayaal uu kamid Yahey Siciid Bidaar oo hada ka daba yimid Waftiga iyo Wasiirkii gacamey iyo Rag kale taas oo mudo badan lagu Xansanayay haseyeeshee, aan gaadhin guud ahaanba Deegaanadaasi Sanaag/Barri Source
-
United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) PRESS RELEASE Detained refugees in Libya moved to safety in second UNHCR relocation Refugees who were relocated today were among those most vulnerable and in need and included women and children GENEVA, Switzerland, April 16, 2019/ — UNHCR, the UN Refugee Agency, today relocated another 150 refugees who were detained in the Abu Selim detention centre in south Tripoli to UNHCR’s Gathering and Departure Facility (GDF) in the centre of Libya’s capital, safe from hostilities. The Abu Selim detention centre is one of several in Libya that has been impacted by hostilities since clashes erupted in the capital almost a fortnight ago. Refugees at the centre told UNHCR that they were petrified and traumatised by the fighting, fearing for their lives. UNHCR staff who were present and organizing the relocation today reported that clashes were around 10 kilometres away from the centre and were clearly audible. While UNHCR intended to relocate more refugees, due to a rapid escalation of fighting in the area this was not possible. UNHCR hopes to resume this life-saving effort as soon as conditions on the ground allow. “It is a race against time to move people out of harm’s way. Conflict and deteriorating security conditions hamper how much we can do,” said UNHCR’s Assistant Chief of Mission in Libya, Lucie Gagne. “We urgently need solutions for people trapped in Libya, including humanitarian evacuations to transfer those most vulnerable out of the country.” Refugees who were relocated today were among those most vulnerable and in need and included women and children. The relocation was conducted with the support of UNHCR’s partner, International Medical Corps and the Libyan Ministry of Interior. This relocation is the second UNHCR-organized transfer since the recent escalation of the conflict in Libya. Last week UNHCR relocated more than 150 refugees from the Ain Zara detention centre also in south Tripoli to the GDF, bringing the total number of refugees currently hosted at the GDF to more than 400. After today’s relocation, there remain more than 2,700 refugees and migrants detained and trapped in areas where clashes are ongoing. In addition to those remaining at Abu Selim, other detention centres impacted and in proximity to hostilities include the Qasr Bin Ghasheer, Al Sabaa and Tajoura centres. Current conditions in the country continue to underscore the fact that Libya is a dangerous place for refugees and migrants, and that those rescued and intercepted at sea should not be returned there. UNHCR has repeatedly called for an end to detention for refugees and migrants. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
Somaliland: The Berbera Port Project Is Working And More To Come Somalilanders love to oppose, oppose anyone and anything, and that is fine. But, opposing for the sake of opposing is just ridiculous. I am not apologist for nor a member of the administration of President Muse Bihi Abdi, but you have to give credit where credit is due. Certainly, there are issues that we need to resolve in Somaliland, and first and foremost is to hold the scheduled parliamentary and local elections councils in December, 2019. This is something we must do for the sake of the country. It has to be done, and the administration and Somaliland political parties are dragging their feet. They should be called out on this, and rightly so. But, one thing President Muse Bihi Abdi has brought to the Somaliland political arena, is strength of purpose and will, and no nonsense attitude. After eight years of malaise and endemic corruption in the last administration of President Ahmed Mohamed Mohamud “Silaanyo”, it is refreshing to have a president who is on top of things and is running the administration. No chef-de-cabinet or kitchen cabinet for this President. Somalilanders can rest assured that our enemies will not be so foolhardy as to try his fortitude. With regard to the Berbera project, this administration inherited the project from the previous administration. Of course, President Muse Bihi Abdi was among those who took part in the discussions with DP World, but the final decision was not his. But, in all fairness, can anyone say that there has not been considerable improvement in the operations at the port? New equipment, new facilities, the improvement of staff training and safety, etc. etc. Rome was not built in a day, and the Berbera project will take sometime to reach its full potential. Do we want to be like Djibouti and be saddled with a half a billion dollars judgement around our necks? No, I don’t think so . We need to remain patient, and see the new Berbera port and corridor in action. Berbera is part of the Somaliland national assets, just like our roads, schools, hospitals, etc, they belong to all of us, not to just any particular community. We have to stop thinking like that. We are an inclusive society, and not an exclusive one. We are Somalilanders and also members of communities. The two are not mutually exclusive. Somalilanders have every right to hold their leaders and government accountable, and to criticize the flaws and highlight the weaknesses, but we must also suggests the answers and the way forward. Criticizing just for the sake of criticizing and point scoring will get us nowhere. And we have not come this far without our own unique formula of dialogue, discussion and consensus. Yesterday, the President inaugurated three new mobile cranes worth over $12 Million dollars in Berbera, three cranes that we didn’t have the day before, that we needed, that help the port operations, that will contribute to the economy of the country and all you hear from the critics is, “Is that all?” Well, the answer is no, there is more to come, Insha’Allah. Let us be patient. Wa Bilaahi Towfiiq. Ahmed Kheyre. As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qaatay ku dhowaad 1 saac ayaa ka dhacay Guri ku yaalla degmada Wardhiiglay ee Gobalka Banaadir kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada Booliiska iyo Nin hubeysan. Goob jooge ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada oo Ceersanaya nin hubeysan uu ka galay Guri ku yaala dhabarka dambe ee Saldhigga Wardhiiglay. Ninka ayaa la sheegay in uu Bam gacmeed ku tuuray meel ay Ciidamo ku sugnaayeen waxa uuna galay guri ay dad Shacab ah ku sugan yihiin isagoo dhaxda ka xirtay Guriga. Ciidamada ayaa ku guul dareestay in ay soo saaraan Shacabka mudo ka badan saacad, waxaana shacabka gadaal marsaday ninkii hubeesnaa si aysan uga bixin Guriga sida uu noo sheegay Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya. Ciidamada ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan ninka hubeysan, lamana sheegin weli wax khasaare ah oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku jiray guriga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad ku akhrisateen wararkeenii hore, waxaa Magaalada Muqdisho laga qaaday dhammaan ciidamadii Booliska ahaa ee ku sugnaa Isgoyada Magaalada Muqdisho ee maalmihii dambe xirnaa. Ciidamadaan oo gaarayey illaa Kun Askari ayaa lagu xareeyey Xerada Iskuul Boolisiyo ee Magaalada Muqdisho waxaana maalmaha soo socdo loo qaadi doonaa Dalka Jabuuti si halkaas loogu soo tababaro. Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan Ciidamada la doonayo in lagu wareejiyo Amniga Muqdisho, si ay magaalada u sugaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ay ka dhiman tahay maalmo. Ciidamada Cuscub ee lagu wareejin doono Amniga Muqdisho ayaa waxaa lagu tababaray Xerada Militariga ee Dowladda Turkiga ku leedahay Muqdisho. Ciidamadaan ayaa waxaa loo bixiyey magaca “ Ciidamada Booliska ee Gaarka ah” oo laga soo min guuriyey Dowladda Turkiga oo leh Ciidamada loo yaqaan “POLIS OZEL HAREKAT” oo la micno ah “ Ciidamada Booliska ee Gaarka ah” sida aad ka arki karto Calaamaddaha labada Ciidan ee hoos yaal. Sida ay Caasimadda Online ogaatay ciidamadaan ayaa tiradooda waxay u dhaxeysaa 300 illaa 500 waxaana loogu talagal howlgalo adag oo laga fulin doono Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Ciidamadaan loogu talagalay in looga hortagalo Siyaasiyiinta Dowladda Mucaaradsan oo hadii la rabo lagu weeraro laguna soo qabto. Ciidamadaan ayaa waxaa Magaalada lagu soo daadin doonaa Maalmaha soo socdo, waxayna wararka ugu badan sheegayaan inuu qorshaha yahay Maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25 Bishaan April . Ciidamadaan ayaa waxay hoos imaan doonaan Gobolka Banaadir inkastoo ay ka tirsan yihiin Ciidamada Federaalka Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneral Zakiya Xuseen Axmed ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixisay ciidamada dowladda Baaritaano ay ka sameeyeen Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran. Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in howlgalada ciidamada ay yihiin kuwo lagu guuleystay, islamarkaana laga sameeyay Afgooye, Ceelsha Biyaha, Heliwaa, Seybiyaano iyo Suuqa Bakaaraha. Waxaana lagu qabtay ku dhawaad 16 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, sida ay saxaafadda u sheegtay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Zakiye ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay soo saareen miinooyinka dhulka lagu aasay, sidoo kalana ay ku raad joogaan dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab kuwaasi oo bam gacmeed ku weeraray ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Miinooyinka kale ee lasoo saaray ayay ku sheegtay inay ku jiraan nooca Taangiga, kuwaasi oo la geliyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay sheegtay in la doonayay in gaadiidka wadadaasi adeegsado lala beegsado. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday baaritaano lagu sameynayay xaafadaha magaalada Muqdisho, iyo deegaanada ku yaala duleedka magaalada. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ciidamo ka tirsan Puntland ay ku qaadeen guri uu degan yahay sarkaal ka tirsanaa ciidamada amaanka ee Puntland. Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana ka dambeeyay ciidamo la sheegay inay ka mid ahaayeen booliska Puntland, lamana oga cidda ka dambeysay amarka weerarka. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guriga la weeraray uu lahaa taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Booliska gobolka Bari, kaasi oo lagu magacaabo G/dhexe Axmed Abshir Axmed Jaraale. Axmed Jaraale, ayaa la sheegay inuu diiday inuu wareejiyo hub maamulka uu leeyahay, waxaana ka dhashay weerar ciidamada Puntland ku qaadeen gurigiisa. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah, iyadoo wali Puntland aysan war rasmi ah kasoo saarin. Balse Masuuliyiin kala duwan oo katirsan Puntland ayaa gaaray goobta iska hor imaadka uu ka dhacay, waxaana ay ku guuleysteen in xiisadda la qaboojiyo, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan taliyah Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo wasiirkii hore Amniga Puntland Gen Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa kamid ahaa masuuliyiinta goobta tagay islamarkaana xiisadda qaboojiyay. Puntland ayaa maalin ka hor soo saartay wareegto lagu mamnuucayo ka ganacsiga, soo dajinta iyo dhoofinta Hubka, waxaana kadib Boosaaso laga bilaabay howlgalo kala duwan oo hubka lagu baadi goobayo. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Somali government police officer was reported to have killed a man today. The officer shot the national at Sanca junction in the Somali capital Mogadishu. The residents reported that the man killed after they both quarreled for a short period of time. They said that the deceased attempted to stub the police officer with a knife before he was killed. However, different reports came out of that incident in Mogadishu today. Others claim that the slain man was insane. It is not the first Somali government police were involved in killings within the capital. It was only two days ago after a police officer shot dead a taxi driver and his passenger in Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaraya ayaa sheegay in qarax xooggan ciidamada Amisom lagula eegtay isgoyska Ex-Control Baclad ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogeyaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino dulka lagu aasay oo haleeshay kolonyo babauur ah oo ay la socdeen ciidamada Amisom. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidaamda Amisom kasoo gaaray qaraxa, hase yeeshee dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada Amisom kadib qaraxa. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in gebi ahaanba ciidamadii laga qaaday Isgoysyadii dhawaan la dhigay. Isgoysyadii ay Ciidamada Booliska ka joogeyn Magaalada Muqdisho ayaa haawanayo kadib ku dhawaad 20 Maalin oo ay ku sugnayeen halkaas, inkastoo meelaha qaar lagu arkayo balse uu qorshaha yahay in laga qaado Waxaa u xirnaa inta badan jidadka Muqdisho, waxayna taas keentay culeys farabadan oo dhanka shacabka ah sidoo kalana waxaa dhacay inta ay jidadka u xirnaayeen Rabshado ka dhashay darawalada Bajaajyada ee la dilay. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, ciidamadaan oo tiradooda gaarayo illaa kun Askari ayaa waxaa lagu xareeyey Xerada Iskuul Boolisiyo ee Magaalada Muqdisho. Sida qorshaha yahay seddex maalin ee soo socoto ayaa Ciidamadaas loo qaadi doonaan dalka Jabuuti si loo soo siiyo tababar dhanka Booliska ah maadaama aysan markii hore helin tababar ku filan iyagoo kaliya soo qaatay Tababar ku siman 3 Bil, waana Ciidamadii lagu aasaasay Taliska Booliska ee uu hoggaamiyo Saadaq Joon. Ciidamadaan ayaa Magaalada Muqdisho geliyey jah wareer amni iyo mid siyaasadeed, waxaana Magaalada ka dhacay dilal ay ciidamadaan geysteen iyo banaanbaxyo looga cabanayey. Tallaabadaan ayaa ah mid lagu yareenayo culeyska Dowladda uga imaaday Ciidamadaan Shacabka ula dhaqmayey si aan waafaqsaneyn dhaqanka Ciidamada Booliska oo loogu talagalay inay badbaadiyeen dhiigga Shacabka. Isgoyska qaar ayaa lagu arkayaa ciidamo yar oo lagu talagalay inay Baabuurta baaraan inta kuwa kale looga wareejinayo. Wararkeena soo socdo ayaa idinkula wadaagi doonaa Inshaa Allah qorshaha xigo oo ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay Amniga Muqdisho iyo Ciidamada la doonayo in lagu wareejiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar oo kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta warbaahinta u sheegtay in kadib mudda 2 bilood ah oo ay caddaalad sugaysay ay shalay gurigeeda ugu yimaadeen saraakiil ka tirsan CD-da Puntland ayna weydiiyeen halkii Caa’isha lagu dilay iyo markii la dilay kadib halkii la soo dhigay. Waxay sheegtay in saraakiisha shalay u yimid ee weydiiyay su’aashaasi ay ahaayeen kuwii maalintii maydkeeda la helay guriga yimid ee baaritaanka samaynayey waxaana ay sheegtay in lagu wargeliyay in mar kale dib loo baarayo. Hooyadan ayaa caddaalad-darro ka sheegatay dowladda Puntland gaar ahaanna mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyadoo dalbatay in caddaalad loo sameeyo gabadheedii saqiirka ahayd ee sida foosha xun loo dilay. Xubno kale oo ka tirsan qoyska gabadha ayaa iyagoo ilmaynaya dowladda ka dalbaday in caddaalad loo sameeyo oo sharciga la horkeeno dadka loo hayo kufsigii iyo dilkii Caa’isha. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Caa’isha hooyadeed oo sheegtay in ay caddaalad wayday appeared first on Puntland Post.
-
Guriga sarkaalka oo lagu hareeraysanyahay Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegay in ciidamada Booliiska Puntland ay duhirnimadii maanta hareereeyeen guriga taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska gobolka Bari G/dhexe Axmed Abshir Axmed Jaraale kadib uu diiday in uu wareejiyo hub dowladdu leedadahay. Ciidamada Booliiska oo wata gaadiidka teknikada iyo ilaalada sarkaalkan ayaa mudda saacado ah is horfadhiyay waxaana halkaasi laga maqlayey rasaas goos-goos ah inkastoo markii dambe si nabdoon loo kala qaaday labadii ciidan kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay goobta gaareen. Mas’uuliyiinta goobta tegay waxa kamid ah wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan taliyahay Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo wasiirkii hore Amniga Puntland Gen Cabdullaahi Siciid Samatar kuwaasi oo ku guulaystay in la joojiyo dagaal halkaasi ka dhaca. Wararka ay Puntland Post heyso ayaa sheegaya in taliyaha Booliiska Puntland uu marar badan sarkaalkan ku amray in uu soo wareejiyo hub dowladdu leedahay oo uu gurigiisa geystay mudadii uu xilka hayay balse uu diiday in uu wareejiyo. G/dhexe Jaraale oo ahaa taliye ku xigeenka ahna ku simaha taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa xilkaasi laga qaaday 23 bishii Maarso ee sannadkan kadib markii taliye cusub loo magacaabay qeybta gobolka Bari. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Boosaaso: Booliiska Puntland oo weeraray guri uu leeyahay sarkaal ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka socday dalka Uganda ayaa isaga baxay Muqdisho, kuwaas oo dhameystay shaqadooda halka sano ahayd ee ay ka hayeen howlgalka Amisom ee Soomaaliya, waxaana lagu beddelay ciidamo cusub. Ciidamadan ayaa waxaa ay masuul ka ahaayeen Xarumaha ugu muhiimsan dalka sida Madaxtooyada, Baarlamaanka, Dekadda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo meelo kale oo ka mid ah Muqdisho. Saraakiil ka socda Howlgalka Amisom ayaa munaasibad sagootin ah ugu sameeyay Magaalada Muqdisho, waxaana la guddoonsiiyay billado sharaf ay ku muteysteen howsha ay ka hayeen Soomaaliya. Ciidamada Uganda ee dalka ka baxay ayaa sidoo kale ku sugnaa Gobolka Shabeellaha hoose sida, Balli-doogle, Afgooye, Laanta Buuro, Arbacow, iyo Carbiska. Waxaa lagu soo beddelay Guuto kale oo la wareegtay dhamaan howlihii Ciidamada ka baxay Soomaaliya, kuwaas oo laftooda todobaadkii hore soo gaaray Magaalada Muqdisho. Taliyaha CiidankaUganda ee Soomaaliya Michael Kabango, ayaa aad u bogaadiyay Ciidamadaas oo uu sheegay in ay howl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya si wanaagsanna u guteen shaqadooda. Taliyaha Guutada ka baxday Soomaaliya Col. Jackson Kayanja ayaa sheegay in Guulaha guutadiisa ay gaartay ay ka mid tahay qabsashada Degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha hoose, sidoo kalena ay ka hortageen Qaraxweyn oo ay Alshabaab ku diyaariyeen degaankaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xaflad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee waaaradda Dastuurka DF ayaa maanta ka dhacaday Xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelinta Dastuurka, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Masuuliyiin ka socotay hay’adaha UNDP iyo Maxplanck, iyo howlwadeenada Wasaaradda. Ugu horeeyn, labada Gudoomiye ee Gudiyada arrimaha Dastuurka ayaa khudbado soo dhaweeyn ah ka jeediyay xafladda iyagoo ballanqaaday inay si dhow u la shaqeeyn doonaan wasiirka cusub. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo xilka wareejinayay ayaa khudbad uu ka jeediyay xafaladda waxa uu kaga hadlay guulihii ay wasaaradda gaartay laga soo bilaabo sanadkii 2017ka ilaa iyo maanta, Wasiir Ku-xigeenka waxqabadkii uu sheegay waxaa kamid ahaa hagaajinta hab-maaamulka Wasaaradda, aas-aasidda Madasha ay ku kulmaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, qabashadii Shir-weynihii Qaran ee lagu Daah-furay Ollolaha Dib-u-eegista Dastuurka, xoojinta arrimaha wacyigelinta bulshada ee sare u qaadidda ka qaybgalka dadweynaha ee arrimaha dib-u-eegista Dastuurka, iyo arrimo kale oo waxqabadka wasaardda kamid ahaa. Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad jeediyay kadib markuu xilka la wareegay ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka ee anigoo aanan doonan ii dhiibay xilkan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si dhow idiin la shaqeeyo, ma noqon doono carqalad idinku soo korortay ee howshii sideeda ayay u sii socon doontaa. Waxaan ka dalbanayaa dhamaan Gudiyada, Madaxda Xukuumadda iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda inaan isku garab istaagno dhameeystirka Dastuurka ee muddo soo jiitamayay si aan u helno Dastuur dhameeystiran oo ku yimaado wadajir”. Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo xafladda soo xiray ayaa ugu horeeyn Alle ugu baryay Wasirkii hore Avv Cabdi Xoosh inuu Alle Janatul Firdowz ka waraabiyo, dhanka kale waxuu Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu howsha Wasaraadda sii dar-dargeliyo, wuxuuna howlwadeenada Wasaaradda ku ammaanay guulaha ay gaareen labadii sano ee la soo dhaafay. Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda sare ee Qaranka ay ka go’an tahay dhameeystirka iyo afti u qaadiddda Dastuurka dalka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dastuurka Dowladda Soomaaliya oo Xilka la Wareegay appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors