-
Content Count
208,260 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xil cusub u magacaabay Nicholas Haysom wakiilkiisii gaarka ahaa u qaabilsanaa Soomaaliya, kaasi oo bilowgii sanadkaan laga ceyriyay Muqdisho. Nicholas Haysom ayaa loo magacaabay lataliye gaar ah oo Midowga Africa ka taageeraya dadaalada dhexdhexaadinta Sudan, halkaasi oo todobaadkii lasoo dhaafay ciidamada Meletariga xilka kaga tuureen Cumar Xasan Al Bashiir. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa wariyaasha u sheegay in Nicholas Haysom uu ka taageeri doono midowga Africa wax walbaa oo uu awoodo oo lagu badbaadinayo Sudan. Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kala hadlay guddoomiyaha guddiga Midowga Afria Muusa Faki Maxamed xilka loo magacaabay Haysom iyo in mar walbaa uu garab taagnaan doono shacabka Sudan. “Xoghayaha guud wuxuu si aad ah u sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka uu la leeyahay Midowga Afrika, wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo uu awood u leeyahay inuu ku taageero dadaalkooda,” ayuu yiri Dujarric. Nicolas Haysom, ayaa ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse waxaa laga eryay Soomaaliya afar bilood ka hor, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysan inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha dalka. Haysom waa Qareen Koofur African ah, waxaana uu horey usoo noqday Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Sudan iyo Koofurta SUdan, sidoo kale wuxuu madax ka noqday Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukumada Muuse Biixi & Xubno ka mid ah Gudida Qandaraasyada oo faafinaya Dacaayado Buga Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warbaahinta, Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland ee Muuse Biixi eryay dhawaan Yusuf Maxamed Cabdi,Hadeerna ah Mulkiilaha shirkad dhawaan la unkay,Magaceedana lagu sheegay SAAB oo Usbuucii ina dhaafay lagaga guulaystay Tartan Shirkado badani u galeen Qandaraaska Timirta Bisha Ramadaan la siiyo Ciidamada Somaliland ayaa u soo tafaxaytay,Geed gaaban & Mid dheerna u fuulay faafinta Dacaayado raqiisa oo uu ku baahiyey intooda badan Baraha bulshada & Wesbite-yada,isagoo qasdigiisu yahay inuu xajiimeeyo oo keliya Sumcada shirkadii Tartanka Qandaraaska Timirta kaga adkaatey ee Gudida qandaraasyadu ku dhawaaqeen oo Magaceeda la yidhaahdo Kaarshe Stores. Ex-Wasiir Yuusuf ayey weli ka daadegi leedahay in tartanka Qandaraaska Timirta laga helay oo Ganacsade kale nasiibsaday maadaba uu aaminsan yahay inuu Xisbiga Kulmiye miisan ku leeyahay, ahaydna in mudnaanta Qandaraaska la siiyo,oo Shirkadiisa laga fuudh yeelo,Qadiyadaas ayaana ku dhalisay inuu Dacaayado Buga & Xagxagasho bilaabo,oo goor xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen oo tartankii lagu kala nasiib qaaday oo shirkadiisii hadhay soo hanbaabiro. Ex-wasiir Yuusuf oo ku gaashamaan laba xubnood oo ka tirsan Gudida Qandaraasyada oo si hoose ula shaqeynaayey,xoggo badana u soo dusiyey intii Tartanka Qaradaraasku socday Magacyadoodana lagu sheegay Maxamuud Maal & Maxamed Baarcad Taysa ayaa si toosa iyo si dadbanba u faafinaya Brobogaandooyin wax u dhimaya shirkadiisa,iyagaoo Qoraalo Cinwaanadooda Rasmiga ah ku xardhan yihiin u soo diray Website-yada,aadna u dhaadaneyn Cawaaqibkay ku yeelan karto Xubinimadooda Gudida iyo magaca Shirkada uu Yuusuf Budhtuurka u yahay balse Qasdigooda fogi tahay dhadhamo ,haddii la waayana inay xagxagtaan shirkada Ka heshay Tartanka Qandaraaska Timirta. Geesta kalena Ex-wasiir Yusuf wuxu weli ku doodayaa inuu xaq u lahaa Qandaraaska in la siiyo balse ay Gudida qandaraasyada Qaranku ka eexdeen oo lixdan kun ($60.000) oo Dollar oo laaluush ah qaateen,Ku darsoo Wuxuu si gaara u bartilmaameedsaday Gudoomiyaha Shirkada Daabacada Sagal jet oo uu sheegay inuu Saami ku leeyahay Shirkada Kaarshe Stores ee kaga guulaysatey Tartanka Qandaraaska Timirta,kaas oo uu ku eedeeyay inuu fududeeyay Helitaanka Qandaraaska,Ha yeeshee Doodiisa la xaqiijiyey inay tahay Mid jaban oo aan sal iyo Raad toona lahayn,Ku darsoo Gudoomiyaha Sagal jet-na waxba ku lahayn Shirkada Kaarshe Stores ee Heshay Qandaraaska Timirta. Isku soo wada Duuboo Ex-wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo Markii uu ku fashilmey Xilkii Wasiirnimo ee Wasaarada Maaliyada la eryay ayaa hantidii uu ka urursaday Xilligii uu wasiirka ahaa ku sameytay Bakhaaro iyo Shirkado Qandaraaslayaalla oo ay ka mid tahay Tan “SAAB” ee tartanka laga adkaaday ayaa Dacaayado raqiisa Ganbadh Gaaban ugu soo fadhiistay Shirkada Kaarshe Stores oo Qandaraaska Timirta kaga guulasatey,Shirkadan ayaa dhawr jeer oo hore ku guulaysatey Qandaraaskan Timirta, islamarkaana si caadiya uga ganacsata, lagu yaqaana Soo dejinta Timirta halka shirkadan Ex-Wasiir Yuusuf mulkiilaha ka yahay qasdigeedu yahay inay hesho Qandaraas laga helo Macaash buuran ,Magaca kulmiyena lagu dagaal galo. Guntii & Gebagebadii Ex-wasiir Yuusuf ayaa Sida xogguhu tibaxayaan Gudoomiynimada Shirkadiisa SAAB u igmaday Shaqsi kale Balse isagu daaha dabadiisa ka hagaaya si uu u xagxagto cid kasta oo Qandaraas ka hesha. Halkan ka Daawo sidii Qandaraaska Timirta loogu kala guulaystay:- NB.Dhawaan Filo xoggo Muujinaya Xubno ka mida Gudida Qandaraasyada oo faafinaya Dacaaydo Gudigooda wax u dhimaya Qaran News
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay ariKulla xariira dhageeysiga warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka. Xildhibaanada ayaa xalay loo diray fariimo ku aadan qamsoomiida kulanka maanta. Xildhibaanada ayaa baryihii la soo dhaafay kulamo xasaasi oo looga hadlayay amniga ku yeelanayay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Waxaa goor hore llasii xiray wadooyinka soo gala xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Puntland Post The post Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Nin hubeeysan ayaa xalay waxa uu Bambaanooyin ku weeraray xarun ciidamada dowlada ay ku leeyihiin degmada warta Nabada ee Muqdisho. Ciidamada amaanka ayaa durba eryaday ninkaasi falka geeystay isaga oo gudaha u galay guri dad shacab ah ay dagaanaayeen. Booliska ayaa isku gadaamay gurigaasi uu galay ninkii weerarka geeystay ugu dambeeyntiina waxa ay toogteen shaqsigii falkaasi geeystay. Arintaan waxaa ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisoow waxaana uu u mahad ciliyay shacabka iyo ciidamada amaanka. “Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo xalay fiidkii Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba “ayuu yiri gudoomiyaha. Puntland Post The post Ciidamada Booliska oo Toogtay shaqsi weeraray xarun ciidan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Taniyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo, bishii Febr. 8, 2017, waxaa si xoogleh usoo if-baxday in dadka reer Puntland ee ka shaqeeya Hay’adaha Dawladda Federaalka ah si gaar ah loo beegsado. Muddadaas kooban ee Dawladdu jirtey, waxaa xilalkoodii waayey tiro badan oo reer Puntland ah oo isugu jira diblomaasiyiin, saraakiil sare oo rayad ah, siyaasiyiin caan ah iyo saraakiil ciidan. Arrintan ayaa lagu tilmaamay sifayntankii labaad oo si gaar ah loogu beegsado dadka kasoo jeeda Gobolada Puntland, taniyo dhamaadkii 70-aadkii iyo bilowgii 80-aadkii xilligaas oo Dawladdii kacaanku arrimo siyaasadeed awgeed u faquuqday deegaanada Puntland, oo ay ku tilmaantay “kacaandiid”. Taas oo markii dambe horseeday burbur iyo qalalaase aan weli Soomaaliya kasoo kaban. Magacyada dadka la eryey Illaa intii Farmajo la doortay: 1. Cabdi Faarax Juxa, oo ahaa Wasiir aaminsan in waddanku federaal yahay awooddana la qaybsado, inkasta oo lagu badelay Axmed Cawad oo ka soo jeeda Puntland, walise aan la buuxin jagadii uu baneeyay 2. Bashiir Ciise, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, oo lagu badelay mudane ka soo jeeda Soomaaliland oo aan la marsiin tartankii ay dawladdu qorshaysay in la maro 3. Jamaal Maxamed Xasan, Safiirkii hore ee Nairobi u fadhiyey Soomaaliya oo Wasiir noqday, oo booskiina lagu badelay Maxamuud Nuur Tarsan oo ka soo jeedda gobolka Banaadir. 4. Safiir Axmed Ciise Cawad, Safiirkii Washington u fadhiyey Soomaaliya oo Wasiir noqday welina aan la buuxin jagadiiisii, laakiin aan xogta ku hayno in loo wado mudane ka soo jeeda Soomaaliland 5. Safiir Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari Ilaahay ha u naxariisto, oo qarax lagu dilay magaalada Xamar Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Geneva , waxaa lagu badelay Marwo ka soo jeedda gobolada Dhexe 6. Axmed Dayib Nuur, Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Maaliyadda 7. Maxamed Keynaan, Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Raysul Wasaaraha 8. Sonkor Geyr, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga 9. Maxamed Cabdiwahaab, Agaasimihii Guud ee Arrimaha Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 10. Axmed Cabdullahi sheikh, Taliyihii Ciidanka Danab 11. Cabdirisaaq Xidig, Agaasimihii Guud ee Haya’dda Cimilada Soomaaliya (Environment) 12. Amiin Xaaji Kheyr, ku-xigeen-kii Haya’dda Nabad Sugidda. 13. Cismaan Yusuf, Agaasime ku-xigeenkii Haya’dda Duulista Hawada 14. Axmed Faarah Yare, Agaasimihii Waaxda Tebinta Siyaasadda (Policy Delivery) ee Xafiiska Raysul Wasaaraha 15. Xasan Qacle, Xoghayaha 1-waad (First Secretary of Somali Embassy), Safaarada Turkiga, Ankara, oo laga qaaday 16. Faarax Walanteeri, Agaasime Waaxeedkii Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Haddaba su’aashu waxay tahay maxay galabsadeen reer Puntland oo gaar ku ah? Ma shabaddii qaran-dumiska iyo kacaan-diidka ayaa markale lagu dhuftay? Maxaa la gudboon reer Puntland oo xooggoodii, xoolahoodii iyo waqtigoodiiba geliyey sidii loo heli lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo dib-u-dhalata? Waxaa kaloo is-weydiin leh maxaa ku dhacay xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii Puntland ku metelayey Dawladda Federaalka ah? Maxaase ku dhacay Dawladdii Puntland oo la dhisay 20 sano kahor si ay u ilaaliso danaha dadka reer Puntland? Waxaa si weyn u muuqata inaan 20 sano kadib Puntland wax saamayn iyo tixgelin midna ku lahayn siyaasadda Federaalka, loona baahan yahay in dib-u-xisaabtan iyo wax is-weydiin ay reer Puntland yeeshaan. Cabdi Dagal Faahiye Md. Faahiye wuxuu ka falnqoodaa arimaha Soomaaliya (Senior Political Analyst ) Email: Karardagal@gmail.com wardheernews.com
-
Balcad (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Bar-Kontarool oo lacag lagu qaado soo dhigtay laba degaan oo ku yaala duleedka degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada dhexe kadib markii ay ka go’een Mas’uuliyiinta HirShabeelle iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Degaanada Al-Shabaab ay ku qaadaan Lacagta islamarkaana ay ku baaraan dadka iyo Gaadiidka ayaa kala ah Ilbaq iyo Qalimow waxayna ku yaalaan inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelada Dhexe. Dad shacab ah oo ku soo safray wadadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-shabaab ay lacag dhan 100 kun oo Shilin Soomaali ah ka qaadaan Gaadiidka isaga Gudba Shabeelada dhexe iyo Gobalka Banaadir. Sidoo kale Al-shabaab ayaa baara dadka gaadiidka saaran iyagoo weydiiya su’aalo ku saabsan hadii ay arkeen Askar Ciidamada katirsan iyo Shaqaalaha Dowladda ama kuwa HirShabeelle. Degaanada ay Al-shabaab soo dageen Islamarkaana ay lacagta ku qaadaan ayaa hore waxa Al-shabaab uga fuliyeen Weeraro badan oo ay ku dhinteen Askar, Xildhibaan iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan HirShabeelle. Arintaan ayaa u muuqata in Dowladda Soomaaliya looga adkaaday inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar. Ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiinta HirShabeelle ayaa marin ka dhigtay wadada marta dhulka Xeebta ah ee Shabeelada dhexe halka qaar kalane ay raacaan diyaarad todobaadkiiba 2 mar ka baxda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimad Online ayaa sheegay in taliyayaasha ciidamada booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir lagu war-geliyey in ay kawar qabaan rag uu ku tilmaamay Al-Shabaab kuwaas oo kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajta magaalada Muqdisho. Taliyayaasha ayaa dhowr maalmood ka hor lagu amray in ay il gaar ah ku hayaan Bajaajlayda islamarkaana aysan ogolaanin qayla dhaanta iyo banaanbaxyada qaarkood ka soo baxaysa, ayadoo loo sheegay in aysan jirin cid ku qabsan karta hadii ay toogtaan qof looga shakiyay qal qal gelinta amniga. Si kastaba, qorshahan ayaa markii dambe is-beddelay, waxaana ciidamada hadda laga qaaday isgoysyada ayadoo lagu beddelayo ciidamo cusub, mana cadda in weli amarkii la siiyey kuwii hore ay ayagana haystaan iyo in kale. Mid kamid ah Taliyaasha Ciidamada Booliiska ee degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay “Waxaa na loo sheegay in Bajaajlayda ay ku jiraan xubno badan oo Al-shabaab ah kuwaas oo iska dhigo Bajaajlay Shacab ah” ayuu yiri Sarkaal Booliiska ah oo aan qarinay magaciisa iyo degmada uu joogo. Wali waxaa jira taag taag iyo kala shaki u dhaxeeya Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo dhalinyarada Kaxeysa gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajta lamana oga sida xalka lagu heli doono. Hadii ay sidaan wax ku sii socdaan ayaa laga cabsi qabaa in dhalinyao badan ay toogasho ku dilaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay cabsi ka qabaan qaar kamid ah dhalinyarada Bajaajlayda ee Gobalka Banaadir. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sabtidii dibad-baxayaashii Muqdisho ee ka cabanayey dilka bajaalayda, oo u badnaa darawallada bajaajta ku til-maamay inay yihiin Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta markale ka hadlay mowqifkiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka, isagoona markii uhoreysay ka hadlay cabashooyin sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu xoogay dhul laga dhisayo Madaxtooyo. Afhayeenka guud ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo ka hadlaya arrimahaas, ayaa wuxuu sheegay in hannaankii dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka iibinaysay dunida, uu gabalkeedu sii dhacayo, wuxuuna yiri: “Somaliland warshado ma hayso alaabo ka soo baxdo oo ay Dunida ka iibiso, Dunida ayeynu citiraaf ka raadina waxaynu citiraafka ku raadina dal dimuquraadiya oo doorashooyin ka dhacaan baanu nahay. Doorashadaasi waxay dunida ka iibisa iyo deeq bixiyeyaasha inaga taageera doorashada in aynu dal dimuqraaddiya nahay. Waxa muuqata muddadan labada sanno ee xukuumadda Muuse sanka la sii galayso in rajadii doorashada laga qabay meesha ka sii baxayso oo nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn dalku galayo, anagu WADDANI ahaan goobta aanu taagan nahay waa in doorasho dalka ka dhacdo”. “Doodayada Waddani ee doorashadu waxa weeye haddii Madaxweynenimadii, maaliyaddii dalka, maamulkiisii iyo Militarigiisii aanu Muuse Biixi nidhi madaxweyne noogu noqo si doorasho dalka uga dhacdo dadka inoo xaqsooraya ee Komishanka doorashooyinka ah si caddaalad ah inoogu qaybi taas ayuuna madaxweynuhu diidan yahay”. ayuu yiri Afhayeen Batuun Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qoysas sheegay in xukuumada Biixi ay ka xoogtay dhul ay ka dhisaneyso Madaxtooyo oo ku yaala galbeedka caasimada hargeysa, isagoona ka dhawaajiyey arrin suuqa ugu jirtay Muuse Biixi inta uusan Madaxweyne noqon, wuxuuna yiri: “Madaxweyne sooyaalkaaga taariikheed intii aanad jagada madaxweyne Iman waxa hore suuqa ugu jirtay in aad dad beero isku haysateen 20 sannadood, adiga oo laba sanno madaxweyne ahna waxa la leeyahay beer bay qolo isku haystaan. Haybadda iyo sharafta dawladnimo uma qurux badna, xasaanadda aad Qaranka afarta milyan ee qof ah ku metelaysana uma qurux badna arrinta madaxweyne hoos u eeg oo dhiilladeedu mar dambe yaanay soo bixin oo haddii aad qaranka qurxinayso waa in wada jir iyo tanaasul dhankaaga ka yimaaddo si qarankani u taabbo galo hoggaamintaada iyo haybaddaadu u soo baxdo waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexadda ku ah haybadda qarannimo in aad ka dheeraato taladaas ayaanu xisbi ahaan kuu soo jeedinayna”. Wuxuuna intaas kusii daray Afhayeen Batuun “Cisbitaalkii caasimadda oo labaatan tallaabo u jira madaxtooyada aad shirka golahaaga wasiirrada kula gasho oo wasiirradaada kuwa xanuunsada aanay isku aamminayn in maanta haddana la yidhaahdo $432,000 oo dollar oo dayn ah ayuu ku jira cisbitaalkii dawladdu oo wuu dumaya oo adeeggiisii laydh iyo biyaba waa baaba waa boog kale oo (madaxweyne) hoggaamintaada ku jira”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in dood badan ay ka taagan tahay dhismaha hey’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeeed, taas oo u dhaxaysa mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban labada Aqal ayaa bishii December ee sanadkii hore meel mariyay Sharciga Naafada Qaranka kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale 30-kii December ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu saxiixay Warbaahinta u sheegay in hey’adda Naafada Qaranka si deg deg ah loogu baahan yahay. Dhowr bilood kadib ilaa hada lama dhisin hey’adda Naafada Qaranka oo la rabo in ay ka koobnaato 5 qof Islamarkaana ka kooban rag iyo haween. Yuusuf Sheekh Cali oo ah Xogyahay Urur ay ku midaysan yihiin Naafada Qaranka ayaa Caasimada Online u sheegay Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ku muransan yihiin dhismaha Hey’adda. “Xildhibaano badan ayaa keensaday rag iyo dumar Naafo ah oo ay rabaan in ay kamid noqdaan 5-ta qof ee Guddiga, Wasiiradana waxay keensatay qaar kale waana lagu murmay” ayuu yiri Yuusuf Sheekh Cali. “Ma jirto cid tixgelin iyo mudnaan nasiiso maadaama hey’adda na qusayso waana ka walaacsanahay” ayuu hadalkiisa raaciyay Yuusuf Sheekh Cali. Dhinaca Kale Caasimada Online ayaa ogaatay laba qodob oo yaab leh oo ay sameeyeen Xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. Labada qodob ayaa kala ah: 1) – In Xildhibaanada qaar ay dibadda ka keeneen dad Naafo ah si ay uga mid noqdaan hey’adda Naafada Qaranka. 2 . Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa wada qorshe Guddoomiyaha hey’adda uga dhigayso qof heesta dhalashada wadanka kale iyadoo u cugsaneysa in uu ku hadlo luqado badan oo muhiim u ah hogaaminta hey’adda sida Luqadda Englishka. “Waa nasoo gaartay in Xildhibaano dibadda ka keeneen dad Naafo ah si ay uga mid noqdaan hey’adda” ayuu ku jawaabay mar aan weydiinay Yuusuf Sheekh Cali. “Waan la kunay Wasiiradda waana waydiinay in qof baasaboor kale heesta Guddoomiye laga dhigi rabo waxayna noo sheegtay in qofkii Alle uqoray hogaamin doono” ayuu yiri mar aan weydiinay su’aal ku saabsaneed in qof qurba joog ah Guddoomiye loo wado. Arintaan ayaa muujineysa in musuq maasuq xoog leh uu ka jiro dhismaha hey’adda Naafada Qaranka waana sababta keentay in aan ilaa hadda la dhisin hey’adda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaki galiyey in xukuumadiisu ay awoodo inay soo saarto biyo gaadha dhamaan bulshada ku nool magaalada Hargeysa. Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay Xukuumadiisu hubin biyaha ku keydsan deegaanka Geed-deeble ee laga waraabiyo caasimada Somaliland, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer Hargeysa isku tashadaan. Madaxweyne Biixi ayaa ka dhawaajiyey ineyna macquul aheyn in bulsho-weynta Hargeysa oo xiligan ka badan hal Milyan ay isku haleeyaan biyo soo saarka Geed-deeble, ee ay isku diyaariyaan inay helaan biyo kale. “Macquul maaha, Hargeysa oo Milyan Qof mareysa in Geed-deeble oo aan la ogayn biyaha ku jira, intay soo saartana aynu qasabado waaweyn u samaysanay, inta soconayaan garan mayno, markaa waa inaynu biyo badan qabsanaa oo aynu xoogeena ku tashanaa iyo xoolaheena. Hargeysa biyo way qabsan kartaa iyadoon Cidna u qayshan, markaa hadaanu madaxdii-nahay waxaanu codsanaynaa aynu isugu tagno, tilmaantaa aynu qaadano, weliba mushtamaca Hargeysa deggani ha hoggaamiyo” ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Wuxuuna intaas kusii daray Muuse Biixi “Shiki baa laga qabaa Dawladaha oo waxbay halleeyaan baa la is yidhaahdaaye, Hargeysa intay isu tagto oo ay dhaqaalaha ururiso oo ay ta Dawladdana ku darto, Dadkii aqoonta lahaana aynu keeno aynu Caqligeena iyo Muruqqeena aynu biyaha ku joojino. Hay’adahoow na soo gaadha waxba tari mayso, waa Dad inala mid ah oo aynaan isku Diin ahayn, Xoolaha aynu qaadano ee Sadaqada ah waxa laga soo ururiyaa Kiniisado, Ilaahayna Gaalo barya inama odhanin, inaga oo Caqligeena qabna”. Sikastaba, Hadalkan Madaxweyne Biixi ayaa kusoo aadaya xili muddo 7-sanadood oo xidhiidha la waday mashruucan, kaasi oo ay ku baxday lacag ka badan 30-Milyan oo Euro, oo ay ugu deeqay Midowga Yurub, iyada oo ay dheertahay Malaayiin dollar oo loogu deeqay biyo balaadhinta Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dadka Soomaaliyeed ee kunool dhulka imminka loo yaqaan Itoobiya waxay noloshooda ku jireen halgan xornimo/gobannimo doon ah, oo marxalado kala geddisan soo maray. Marka laga tago dagaallada boqoqrtooyinkii Islaamka ahaa ee Soomaalidu hormoodka ka ahaayeen, qabaa’illada jiidaha deggani waxay hadh iyo habeen ku jireen dagaal aan kala go’ lahayn. Laga bilaabo aasaaskii Saldanaddii Muslimka ahayd ee Showa (896 to 1285) Geeska Afrika waxa ka jirey isherdi diimeed iyo mid dhuleed oo u dhexeeyey dadkii Abyssinia (Amxaaro iyo Tigree) iyo Dadkii Muslimiinta ahaa ee Soomaalidu hormuudka u ahayd. Dagaalkaasi wuxuu ahaa mid qori isu dhiiba oo Saldanad waliba midda ka danbeysaa kala wareegayso dagaalkii lagula jirey Abasiiniya. Tusaale ahaan, Showa waxa kala wareegay Ifat (1285-1415). Waxay iyana qoriga ku wareejisay Saldanaddii Adal ( 1415 to 1577). Inkastoo aanu dagaalkaas diinta iyo dhulriixu marna ka demin geeska Afrika muddo hakad buu galay, waxase dabkii halganka dib u shiday dabayaaqadii qarnigii 19aad Sayid Maxammed Cabdulle Xasan (AHN) iyo dagaalkii Daraawiishta ee gumasystaha midabadda badan lala galay. Dagaalkaasi wuxuu bilaabay baraarug qawmiyadeed iyo in Soomaali meelay joogtaba u midoowdo la dagaallanka gumaysiga mid cad iyo mid madowba Soomaalina xaq u leedahay inay is xukunto. Baraaruggii xigay wuxuu noqday kii SYL oo isaguna dabkii Darwiishka halkii ka sii qaaday hadafkiisuna ahaa xornimo Soomaaliyeed, midnimo Soomaaliyeed iyo Dawlad Soomaaliyi yeelato oo qayb ka noqota caalamka. Intaa dabadeed dhalashadii dawladnimada Soomaaliyeed ee labadii qaybood ee xoroobay 1960 waxay tuurta u riteen inay dareenkii Soomaalinnimada iyo halgankii loogu jirey xuquuqda dadka Soomaaliyeed iyo dhulka Soomaaliyeedba ay dawladdii curatay masuul ka tahay dabkiina aanu bakhtiyin ilaa laga xaqiijinayo xorriyadda dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Dagaalladii dhacay 1964 iyo 1977 waxay qayb ka ahaayeen halkankaa qori-isudhiibka ah. Jabhaddii Xoraynta Soomaali Galbeed iyo Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya oo iyadu weli dabkii oo nool sidda waxay qayb ka yihiin halgankaa dheer. Sheekh Bashiir, Xaaji Faarax Oomaar, Maxamuud Xarbi, Sheekh Xasan Barsame, Nasiib-Buundo iyo qaar kaloo badan oo ay ka mid ahaayeen kuwo badan oo lagu deldelay Jigjiga iyo Dirirdhabe, kuwo ku dhintay xabsiyada iyo Malaayiin dagaalladaas qarniyada socday ku dhintayba waxay sababsadeen halgankaa aan weli dhammaan ee ilaa maanta taagan oo nool. Dulucda qormadaydani waxay daarran tahay isbeddelkii ka dhacay Itoobiya 1991kii ee nidaamka Federaalka ah lagu unkay dadka Soomaaliyeed lamuu jaanqaadin wax weyn oo ugu kordhayna ma jirto aan khasaare iyo tafaraaruq Soomaalida dhexdooda ahayn. Maanta waxa taagan marxalad cusub oo kala guur ah oo ummadda Soomaaliyeed ee gobolkaas DDS deggani ay ku sixi karaan khaladkii ay sagaashameeyadii galeen. Waxaa loo baahan yahay qolada hadda talada haysa ee Madaxweyne Mustafe M Cumar iyo guddoomiye Axmed Shide inay la yimaadaan talo Soomaaliyeed oo aan kooxaysnayn, aan reeraysnayn, aan gobolaysnayn, aan u adeegayn shisheeye, ka xor ah dan qof xukun raadinaya, ka xor ah qof xukun laga raadinayo oo la qanciyo (amaba aan Abiyaysnayn amaba Oromayasnayn). Qolada labaad ee aan la hadlayaa waa ONLF ama JWXO, oo hadda u muuqata xoog abaabulan waayo-arag ah, haysata shacbiyad ballaadhan oo xukunkii Cabdi Iley iyo kan Mustafe labadaba ka niyad jabsan. ONLF waxa looga baahan yahay inay sidii Xisbi Siyaasiya isu abaabulaan ogaadaana tabihii hore ee jabhadnimada tabo ka geddisan ayay siyaasadda bulshadu u baahan tahay. Waxa loo baahan yahay dhegeysi, debecsanaan, furfurraan, lasocosho xogaha cusub iyo xidhid xadhko siyaasadeed ( rules of the game have changed). Si kale haddaan u idhaahdo waxa loo baahan yahay dhaantadii jabhadnimada inay ku beddelaan “DHAANTO SIYAASADEED”, dhaanto u wada cuntami karaysa dad fikrado kala geddisan aaminsan, aqoon kala geddisan leh, gobollo kala geddisan ku kala nool, damac kala geddisan leh. Soomaalida kale waxaan kula talin lahaa inay aad dhegaha ugu furaan indhahana ugu hayaan waxa ka socda DDS ogaadaanna haddii DDS Soomaalida deggani guulaysto inay tahay guul Soomaaliyeed, hadday hagaasaanna sidii sagaashameeyadii Soomaalida kalena la hagaasayso. Wixii ka dhaca DDS waxay saamayn togan ama taban oo toosa ku yeelanaysaa Soomaaliya. Haddii aynu helno dad Soomaaliyeed oo xor ah oo xooggan oo talada Itoobiya aan marti ka ahayn ee wax ka goynaya wixii aynu ka caban jirney ee Itoobiya inagaga imaan jirey way yaraanayaan ama maba jirayaan. Waa inaynu ka shaqaynaa oo taageernaa oo xoog iyo xoolo iyo maskaxba ku bixinnaa sidii dadka DDS ay u midoobi lahaayeen taladooda u hanan lahaayeen, ta weyn ee Itoobiyana mustaqbalka dhow u hawaysan lahaayeen. Gebagebadii inta aan Itoobiya xoogaysan xukunkeeduna adkaan ayaan haysannaa fursad aan dib ugu sixi karno khaladaadkii taariikheed ee aynu hore u galnaye yaanay maanta arrintu faraheenna ka bixin. Ogaadana haddii waqtigan maanta taagan ee Itoobiya kala daadsan tahay ee qawmiyaduhu kala wada shakisan yihiin aynaan is abaabulin oo si fiican u gorgortamin waxa la gaadhayaa waqti qawmiyaduhu midoobaan, ama xukunku adkaado oo sidii Tikreega qolo wax muquuniso ama labaduba dhacaan oo dabadeedna sideennii goonni laynoo saaro oo geeska laynagu feedho. Waxa keliya ee qawmiyadaha Itoobiya heshiiska ku yihiin waa in Soomaalida la takooro, intaanay inoo midoobin aynu midoowno oo meel isa saarno. Maxamuud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Dhamaan maqaalada shabakadani ku soo baxaa ma ah kuwo matalaaya habsami u socodka shabakada, waxana fikrada mid ka mid ah akhrisayaasha sida kor ku xusan. Qaran News
-
Kooxaha Barcelona iyo Ajax ayaa u soo baxay wareega Afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League. Barcelona ayaa garoonkeed Camp Nou 3:0 ugu awood sheegatay Manchester United lugta labaad ee siddeed dhamaadka tartankan, waxayna wadarta goolashada labadii kulan ku badisay 4:0. Messi Lionel Messi ayaa labo kamid ah goolasha Barcelona dhaliyay, halka kan saddexaadna uu dhaliyay Coutinho, waxayna Manchester awoodi weyday in ay la timaado wax gool ah. Barcelona ayaa hadda sugeysa tii soo baxda kooxaha Liverpool iyo FC Porto oo habeen dambe oo Arbaco ah kala bixi doona. Dhanka kale kooxda Ajax oo horey uga soo yaabsatay Real Madrid ayaa markan shacar lama ilaawaan ah gurigeeda ugu dhigtay Juventus, kadib markii ay 2-1 ugu awood sheegatay, waxayna wadarta labadii kulan ku badisay 3-2. Juventus ayaa goolka la hormartay bilowgii ciyaarta waxaana u dhaliyay Cristiano Ronaldo, balse labo gool oo ay kala dhaliyeen Vande Beek iyo Matthijs de Ligt ayaa ka dhigay hal bacaad lagu lisay. Ajax Ajax oo sanadkan Champions Leugue ku soo bandhigtay ciyaaro aad loo la dhacay ayaa hadda sugeysa midkood tii soo baxda kooxaha Manchester City iyo Tottenham oo habeen dambe Arbacada balansan. PUNTLAND POST The post Barcelona iyo Ajax oo u soo baxay Afar dhamaadka koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Sannadkii 1968 waxa magaalada Muqdisho guri wada deganaa Abwaan Hadraawi iyo afar nin oo ay saaxiibbo ahaayeen kuwaasi oo ay horena uga soo wadaguureen Cadan . Gurigan ay deganyihiin shanta nin waxa daris la ah guri kale oo ay degantahay gabadh dhallinyaro ah oo jaarnimo aqoon dhaafsiinin ayna ka dhexaynin , afar nin oo ka mid ah ragga guriga degan wuxuu midkasta gaarkiisa indhihiisu u soo jiiteen gabadhan dariskala ah . Afartooda midna ka kale ma oga arrintiisa , balse maalin ayuu midkood wuxuu qorsheeyey in guriga meel daaqad ah uu ka banneeyo meel yar oo ku beegan guriga gabadha , si uu marmar halkaasi uga eegto, waxayse doodi ka dhalatay ka dib markii ay saddexdii nin ee kale uu midkasta damcay inuu isagu noqdo qofka halkan gabadha ka eegaya . Abwaan Hadraawi oo arrintan ka sheekeeyey wuxuu xusay in maalin uu roobweyni ka da’ay magaalada ka dibna xaafaddii ay deganaayeen uu Daad badani soo galay , uu arkay afartii nin ee la deganaa oo dhammaantood biyihii ka dhuraaya gurigii gabadha halka kii ay daganayeen ay sidoo kale biyo galeen. Sheekadii ayaa soo shaac-baxday oo midkasta raggii wuxuu qirtay ay gabdhani ku mudantahay oo uu damcay , habeen habeenada ka mid ah waxay kooxdan oo dhammanatood bahda fanka ahaa ay dhigeen bandhig faneed dad badani ka soo qaybgaleen , dadkii la soo casuumay waxa ku jirtay gabadhii dariska ahayd . isla bandhiggii ayuu hobolkii Axmed Mooge Liibaan oo aan isagu ku jirin afarta nin ee tartamaysay wuxuu ka qaaday heesta ” Suleekhaay Aragaagu nafta waa u samirsiis” heestan oo Abwaan Hadraawi ka sameeyey arrinta ka dhaxaysa gabadha iyo afartiisa saaxiib waxa laxameeyey Bashiir Xaddi Axmed , markii dambena waxa qaaday Maxamed Nuur Giriig, waxayna sifaynaysaa macnaha dhabta ah ee ay saaxiibadii uga dhigantahay gabadhu.. Gabadhii waxay dhuuxday heestan oo ay fahamtay inay iyada ku socoto , markii baraamijkii dhammaaday , ee ay kooxdiina ku laabatay gurigoodii waxay arkeen qof haweenay ah oo fadhida Al-baabka gurigooda laga galo , markii ay la hadleen waxay arkeen inay tahay gabadhii oo saw ay ku dhibicday heestii sidaasina iyadiina lagu saaqay . Markii ay la hadleen ee sheeko loo dhanyahay lala yeeshay waxay soo jeedisay in afarta nin ee jeclaaday nin looga xulo , Abwaan Hadraawi ayaa ku yidhi ” adigu ka aad rabto la bax” nin ka mid ah ayeyna sheegtay sidii ayeyna ugu noqotay Oori markii dambena Ubad u dhashay oo ilaa maantana ku dhaqan dalka Ingiriiska . Sheekadan waxa iiga waramay Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) oo uu isna Abwaan Hadraawi uga waramay. Halkan hoose ka dhagayso heesta oo uu qaadayo Maxamed Nuur Giriig IHN Source
-
Waxaan salaan kadib beryahayn danbe maalinba maalinta kadanbaysa soo muuqanaysay in mashruucii muranka iyo qaylada badnaa ee DPWORLD EE BERBERA in uu runta iyo in uu hirgalo u dhow yahay arinkaa oo dawladii m/wayne SIILAANYO dhibaato iyo qaylo badan ay u adkaysatay so uu mashruucaasi u hirgalo ilaahay mahadii waxa muuqata in uu tubtii saxda ahayd haysto ayna ku saxsanaayeen raggii iyo dawladii iyo xisbigii fikradaa lahaa. Waxaanay cadaynaysaa in dhamaan dadkii arinkaa diidanaa ay dano gaar ah oo shakhsi ah ay kala haayeen arinkaa qaarkoodna ay caadifad qabiil oo yar ay uga jeedeen . maanta m/wayne MUUSE BIIXI WAXA uu dhamaystirayaa mushruucaa uu isagu nasiibka u helay in uu gebabadiisa joogo iyo insha Allah furitaankiisa dadkii diidanaana maantaba maxay ku hadli Qore: Ahmed abdi aabdi7002@gmail.com Source
-
Mashaariicda horumarinta ee aynu ka filaneyney DPW in ay inoo fuliyaan waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha,Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamahaShidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyohorumarintakorontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera.Waxa ku cad nuqulka isfahankain heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somalilandiyo Shirkada DPWisla qaateen uu qeexayey in balaadhintaDekeda Berbera lagubilaabi doono laguna dhisi doono mudosanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doonosadexdan weji ee hooseoo kala ah: 1- Phase0 Waxaa lakeeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiishoo raseeyayaal ah ( 5 reachstackers)3Tareele oo containarada qaada ( 3 empty carriers)NewSecurity system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub eekumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hadaDPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta ooqalab yar oo baali ahay DekedoodaJabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey.Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPWqalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda . 2- Phase 1Wejigan wuxuu leeyahaywaxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400miyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiishoo ah kuwa casriga ah ee qaadaisla markaanaraseeyakontaynarada ( 7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejiganilagu maalgelindoonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejiganoo sanad ka hor aheyd. 3- Phase 2Wuxuu qeexayaa inwejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahaymar kastasida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay kusoo xidhan karaan ilaa iyo 3 markaboo kale. Qiimaha wejigan 2-aadlaguMaalgelinaayoayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar. Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaaweji ee sareayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oonoqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtayQaranka Somaliland sanad kasta intaan la wareejin. Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld DekedaBerbera maamulaysaywaxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro. 2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kaladhisto laba jeer oo min 400 mitir ah. 3- In Wadadii Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale )taasina maydhicin eeteeniiayaa laynookab-kabayaa. 4- In Madaar Madani ah Berberalaga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufadaimaaraatigu. 5- In aydalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas ooarimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska,Beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone ) 7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxaynoqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine eebalanqaad bay ahaayeen ee barwaaqada la suga. Waxaa khatarteeda leh Khiyaamooyinkadahsoon eemaalkii shacabka Somaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn inla jumladojoharadii ummaddu wada laheyd, Boowe ! Waxaa ummadda JSL u cadaatay in : 1- KiradiiSaldhigaCiidamada Berberauu jeeb khaldanku dhacday, Laakiin ummadda loogu sheekeeyey in aynumashariic dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ? ma Wadada lay noo kab-kabaayo !! 2- Kiradii Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ” Timir lafbaa ku jirta “. 3- Saamiga JSL ee DPW eeDekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay inlagujaxaasoshirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh. Fiiro Gaar ah :Kadib markii loo kuur galay heshiisyadii ay hore u gashay shirkada Macaashdoonka ah ee DPW Waxaalaysku raacay in heshiiskan ay JSL la gashay uukhatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilantay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal,iyo Deked Mareykanka ku taala. Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
(SLT-Hargaysa)Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo hadal ka jeediyay Munaasibad Qado Sharaf ah oo lagu Sooryeeyay Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali ee Maalmihii u Dambeeyay ku sugnaa Caasimada Hargeysa, ayaa hadal Duur xul ah dusha uga Tuurey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isagu Cidhiidhsadey inuu hadal ka jeediyo Munaasibadaha Qado sharafeedka ah ee lagu Maamuusayo Madaxdhaqameedka . Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadalkiisa ku Suntey Soo dhaweynta ergada Madaxdhaqameedka iyo ahmiyada loo hayo Wakhtigan isagoo Carabka ku dhuftey, in Aaney Wali joogsan haseyeeshee, ay isdaba socoto Casuumadaha lagu Sooryeynayo, Waxa uu sigaar ah u Xusey isagoo u Duur Xulaya Wasiirkii hore ee Wsaaradda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami islamarkaana uga hal Celinaya in hadaladiisa Xiligani aaney Macno badan Sameyneyn haseyeeshee, ay Munaasib ku ahaayeen mudadii uu Xilka hayey oo aanu Inta badan ka hadli jirin Duruufaha ka jira Deegaanadaasi, isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu yidhi. “Axmed Xaaji Cali Cadami Waxaanu labadayaduba kawada Tirsaneyn Xukuumadii hore, Anigu Xukuumadana Waan ka tirsanahay Waxaan Leeyahey Labadeenuba Waxeynu Nahey Dadka lala Xidaabtamayo ee Safka Martida aynu kasoo Baxno”Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi. Waxaanu intaa ku Darey hadalkiisa, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay Anigoo kamid ah Gudida Qabanqaabadda in ay kala Badan yihiin Liiska kutalagalka Dadka Casuumadaha ugu talagaley, iyo Wakhtiga kutagalka inta Waftigu joogi Karaan taasina Waxey tilmaamaysaa Quluubta Wanaagsan iyo Isjacelka ehelnimada ah Waa Wax illaahay.loogu mahadiyo Maanta ilaa Gabiley iyo Boorama Waxaa la leeyahey goormaad Waftiga isa soo dhaafinaysaan insha Allah Waala Doonaa” Ayuu yidhi Wasiirku. Hadalkan Wasiirku ugu Duur xuley Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa daba Socda lacago Fara badan oo uu Sanaag Bari u qaadey ee aheyd lacagihii 2% Gobolada Bari oo ay Wada Qaadeen Xubno kooban oo Isugu jirey Xildhibaano iyo Odayaal uu kamid Yahey Siciid Bidaar oo hada ka daba yimid Waftiga iyo Wasiirkii gacamey iyo Rag kale taas oo mudo badan lagu Xansanayay haseyeeshee, aan gaadhin guud ahaanba Deegaanadaasi Sanaag/Barri Source
-
United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) PRESS RELEASE Detained refugees in Libya moved to safety in second UNHCR relocation Refugees who were relocated today were among those most vulnerable and in need and included women and children GENEVA, Switzerland, April 16, 2019/ — UNHCR, the UN Refugee Agency, today relocated another 150 refugees who were detained in the Abu Selim detention centre in south Tripoli to UNHCR’s Gathering and Departure Facility (GDF) in the centre of Libya’s capital, safe from hostilities. The Abu Selim detention centre is one of several in Libya that has been impacted by hostilities since clashes erupted in the capital almost a fortnight ago. Refugees at the centre told UNHCR that they were petrified and traumatised by the fighting, fearing for their lives. UNHCR staff who were present and organizing the relocation today reported that clashes were around 10 kilometres away from the centre and were clearly audible. While UNHCR intended to relocate more refugees, due to a rapid escalation of fighting in the area this was not possible. UNHCR hopes to resume this life-saving effort as soon as conditions on the ground allow. “It is a race against time to move people out of harm’s way. Conflict and deteriorating security conditions hamper how much we can do,” said UNHCR’s Assistant Chief of Mission in Libya, Lucie Gagne. “We urgently need solutions for people trapped in Libya, including humanitarian evacuations to transfer those most vulnerable out of the country.” Refugees who were relocated today were among those most vulnerable and in need and included women and children. The relocation was conducted with the support of UNHCR’s partner, International Medical Corps and the Libyan Ministry of Interior. This relocation is the second UNHCR-organized transfer since the recent escalation of the conflict in Libya. Last week UNHCR relocated more than 150 refugees from the Ain Zara detention centre also in south Tripoli to the GDF, bringing the total number of refugees currently hosted at the GDF to more than 400. After today’s relocation, there remain more than 2,700 refugees and migrants detained and trapped in areas where clashes are ongoing. In addition to those remaining at Abu Selim, other detention centres impacted and in proximity to hostilities include the Qasr Bin Ghasheer, Al Sabaa and Tajoura centres. Current conditions in the country continue to underscore the fact that Libya is a dangerous place for refugees and migrants, and that those rescued and intercepted at sea should not be returned there. UNHCR has repeatedly called for an end to detention for refugees and migrants. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
Somaliland: The Berbera Port Project Is Working And More To Come Somalilanders love to oppose, oppose anyone and anything, and that is fine. But, opposing for the sake of opposing is just ridiculous. I am not apologist for nor a member of the administration of President Muse Bihi Abdi, but you have to give credit where credit is due. Certainly, there are issues that we need to resolve in Somaliland, and first and foremost is to hold the scheduled parliamentary and local elections councils in December, 2019. This is something we must do for the sake of the country. It has to be done, and the administration and Somaliland political parties are dragging their feet. They should be called out on this, and rightly so. But, one thing President Muse Bihi Abdi has brought to the Somaliland political arena, is strength of purpose and will, and no nonsense attitude. After eight years of malaise and endemic corruption in the last administration of President Ahmed Mohamed Mohamud “Silaanyo”, it is refreshing to have a president who is on top of things and is running the administration. No chef-de-cabinet or kitchen cabinet for this President. Somalilanders can rest assured that our enemies will not be so foolhardy as to try his fortitude. With regard to the Berbera project, this administration inherited the project from the previous administration. Of course, President Muse Bihi Abdi was among those who took part in the discussions with DP World, but the final decision was not his. But, in all fairness, can anyone say that there has not been considerable improvement in the operations at the port? New equipment, new facilities, the improvement of staff training and safety, etc. etc. Rome was not built in a day, and the Berbera project will take sometime to reach its full potential. Do we want to be like Djibouti and be saddled with a half a billion dollars judgement around our necks? No, I don’t think so . We need to remain patient, and see the new Berbera port and corridor in action. Berbera is part of the Somaliland national assets, just like our roads, schools, hospitals, etc, they belong to all of us, not to just any particular community. We have to stop thinking like that. We are an inclusive society, and not an exclusive one. We are Somalilanders and also members of communities. The two are not mutually exclusive. Somalilanders have every right to hold their leaders and government accountable, and to criticize the flaws and highlight the weaknesses, but we must also suggests the answers and the way forward. Criticizing just for the sake of criticizing and point scoring will get us nowhere. And we have not come this far without our own unique formula of dialogue, discussion and consensus. Yesterday, the President inaugurated three new mobile cranes worth over $12 Million dollars in Berbera, three cranes that we didn’t have the day before, that we needed, that help the port operations, that will contribute to the economy of the country and all you hear from the critics is, “Is that all?” Well, the answer is no, there is more to come, Insha’Allah. Let us be patient. Wa Bilaahi Towfiiq. Ahmed Kheyre. As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qaatay ku dhowaad 1 saac ayaa ka dhacay Guri ku yaalla degmada Wardhiiglay ee Gobalka Banaadir kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada Booliiska iyo Nin hubeysan. Goob jooge ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada oo Ceersanaya nin hubeysan uu ka galay Guri ku yaala dhabarka dambe ee Saldhigga Wardhiiglay. Ninka ayaa la sheegay in uu Bam gacmeed ku tuuray meel ay Ciidamo ku sugnaayeen waxa uuna galay guri ay dad Shacab ah ku sugan yihiin isagoo dhaxda ka xirtay Guriga. Ciidamada ayaa ku guul dareestay in ay soo saaraan Shacabka mudo ka badan saacad, waxaana shacabka gadaal marsaday ninkii hubeesnaa si aysan uga bixin Guriga sida uu noo sheegay Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya. Ciidamada ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan ninka hubeysan, lamana sheegin weli wax khasaare ah oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku jiray guriga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad ku akhrisateen wararkeenii hore, waxaa Magaalada Muqdisho laga qaaday dhammaan ciidamadii Booliska ahaa ee ku sugnaa Isgoyada Magaalada Muqdisho ee maalmihii dambe xirnaa. Ciidamadaan oo gaarayey illaa Kun Askari ayaa lagu xareeyey Xerada Iskuul Boolisiyo ee Magaalada Muqdisho waxaana maalmaha soo socdo loo qaadi doonaa Dalka Jabuuti si halkaas loogu soo tababaro. Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan Ciidamada la doonayo in lagu wareejiyo Amniga Muqdisho, si ay magaalada u sugaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ay ka dhiman tahay maalmo. Ciidamada Cuscub ee lagu wareejin doono Amniga Muqdisho ayaa waxaa lagu tababaray Xerada Militariga ee Dowladda Turkiga ku leedahay Muqdisho. Ciidamadaan ayaa waxaa loo bixiyey magaca “ Ciidamada Booliska ee Gaarka ah” oo laga soo min guuriyey Dowladda Turkiga oo leh Ciidamada loo yaqaan “POLIS OZEL HAREKAT” oo la micno ah “ Ciidamada Booliska ee Gaarka ah” sida aad ka arki karto Calaamaddaha labada Ciidan ee hoos yaal. Sida ay Caasimadda Online ogaatay ciidamadaan ayaa tiradooda waxay u dhaxeysaa 300 illaa 500 waxaana loogu talagal howlgalo adag oo laga fulin doono Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Ciidamadaan loogu talagalay in looga hortagalo Siyaasiyiinta Dowladda Mucaaradsan oo hadii la rabo lagu weeraro laguna soo qabto. Ciidamadaan ayaa waxaa Magaalada lagu soo daadin doonaa Maalmaha soo socdo, waxayna wararka ugu badan sheegayaan inuu qorshaha yahay Maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25 Bishaan April . Ciidamadaan ayaa waxay hoos imaan doonaan Gobolka Banaadir inkastoo ay ka tirsan yihiin Ciidamada Federaalka Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneral Zakiya Xuseen Axmed ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixisay ciidamada dowladda Baaritaano ay ka sameeyeen Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran. Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in howlgalada ciidamada ay yihiin kuwo lagu guuleystay, islamarkaana laga sameeyay Afgooye, Ceelsha Biyaha, Heliwaa, Seybiyaano iyo Suuqa Bakaaraha. Waxaana lagu qabtay ku dhawaad 16 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, sida ay saxaafadda u sheegtay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Zakiye ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay soo saareen miinooyinka dhulka lagu aasay, sidoo kalana ay ku raad joogaan dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab kuwaasi oo bam gacmeed ku weeraray ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Miinooyinka kale ee lasoo saaray ayay ku sheegtay inay ku jiraan nooca Taangiga, kuwaasi oo la geliyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay sheegtay in la doonayay in gaadiidka wadadaasi adeegsado lala beegsado. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday baaritaano lagu sameynayay xaafadaha magaalada Muqdisho, iyo deegaanada ku yaala duleedka magaalada. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Popular Contributors