Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,250
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa uu sababay gubashada seddex gaari oo yaalay agagaarka isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu ka dhacay meel ku dhow Hotelka Mubaarak oo ku dhow isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho. Gaadiidka Gurmadka deg dega iyo wariyaasha ayaa horey loogu diiday inay horey ka tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan, waxaana gabi ahaanba la xiray agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray, kaasi oo sababay in gaadiid badan oo la dhigay agagaarka Hotela Mubaarak ay gubtaan. Lama sheegin illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo xiray wadada soo gasha goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo ay adag tahay in xog fiican laga helo qaraxa maanta dhacay. Qaraxa ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay ciidamadii Booliska ee ugu badnaa laga wareejiyay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Baxrayn)-Maxkamad ku taalla dalka Baxrayn ayaa xukun xabsi ah ku ridday 139 qof, waxayna dhalashada kala laabatay dhammaantood marka hal qof laga reebo, waxay dadkaas ku heshay dacwado argagixiso. Lixdan iyo sagaal ka mid ah dadkaas ayaa lagu xukumay cimrigaa haku furto, kuwa kalana waxaa lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya saddex illaa toddobo sano. Waxaa lagu eedeeyay in ay diyaarinayeen shabakad ku xidhan ciidammada Ilaalada Kacaanka Iiraan. Boqortooyadan ay Suniyiintu maamulaan balse Shiicada u badan ayaa Iiraan ku eedaysay in ay kicin ka waddo bulshada dhexdeeda tan iyo markii la dajiyay kacdoonkii bulshada ee 2011kii. Iiraan ayaa taageertay kacdoonkaas, balse waxay diiday in ay taageero siisay kooxaha malayshiyaadka ah ee weerarrada ku qaaday laamaha ammaanka. Konton iyo siddeed ka mid ha dadkaas ayaa xukunka lagu riday iyaga oo dalka ka maqan, sida ay ilo maxkamadda ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP. Ma cadda waddanka loo masaafurin doono dadkaas jinsiyadda lagala laabtay. Bishii Sabteembar ee sannadkii hore dacwad oogaha rayidka ayaa ku dhawaaqay in dacwado lagu soo oogay 169 ruux oo aan magacyadooda la shaacin, kuwaas oo uu ku sheegay in ay ka mid yihiin xubnaha shabakad argagixiso oo uu ku tilmaamy “Xisbullaah-da Baxrayn” kuwaas oo uu u saarinayo dhaqdhaqaaqa shiicada ah ee Lubnaan ka hawlgala taageeradana ka haysta Iiraan. Dadkan laga shakisan yahay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay bambooyin aaseen, hanti burburiyeen isla markaasna aya si sharci darro ah u haysteen hub iyo waxyaabo qarxa. Dacwad oogaha ayaa Xisbullaah-da Baxrayn ku eedeeyay in ay aasaaseen masuuliyiinta ugu sarreeya Iiraan, kuwaas oo amray in qaar ka mid ah ciidammada Ilaalada Kacaanka Iiraan ay mideeyaan kooxaha argagixisada ah ee Baxrayn ku sugan si ay u fuliyaan hawlo argagixisanimo oo ka dhan ah Baxrayn. Dacwad oogaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Ciidammada Kacaanka Iiraan in ay qaar ka mid ah xubnaha shabakaddan ay ku soo tababareen Lubnaan, Iiraan iyo Ciraaq, ayna ka caawiyaan “farsamada, saadka iyo dhanka maaliyaddaba.” Talaadadii ayuu dacwad ooguhu sheegay in maxkamadda sare ee dambiyadu ay 139 ruux ku ridday xukun xabsi, 98 ka mid ahna ay mid kaste ugu dartay ganaax lacageed oo dhan $265,000. Hal qof ayaa xabsi lagu xukumay balse aan jinsiyaddii lagala laaban, 30 ruux oo kalana wax dambi ah waa lagu waayay. Source
  3. (SLT-Israa’iil)-Raysal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu oo toddobaadkii hore ku guulasytay doorashadii wadankaasi ka dhacday ayaa sheegtay in madax tiro badan oo carabi ahi ay isugu hambalyeeyeen guusha uu gaadhay. Madaxweynaha Israa’iil Reuven Rivlin ayaa maanta la filayaa inuu ka codsado Benyamin Netanyaho inuu soo dhiso xukuumada cusub, kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijadii doorashadii Israa’iil Ka dhacday. Xisbiga garabka Midig ee Likud ee Raysal wasaaraha ayaa ku guulaystay 35 Kursi, halka xisbiga ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Generaal hore oo ka tirsanaa ciidamada oo lagu magacaabo Benny Gantz. Barlamaanka ayaa ka kooban 120 Kursi ”Dhamaan shacabka Israa’iil, Yuhuuda iyo dadka aan yuhuuda ahayn, waxaan ka dalbanayaa inay ka qayb ka noqdaan guusha weyn ee wadanka Isreal gaaray, waxaan noqonayaa Ra’isul wasaaraha qofkasta” sidaas waxaa yidhi Netanyaho Wuxuu sheegay in guushiisii ay ugu soo halbalyeeyeen madax badan oo caalamka ah, oo ay ku jiraan madaxda wadamada Islaamka iyo carabta, kuwasoo oo uusan xusin. Source
  4. (SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa xalay diidmada qayaxan u adeegsaday qaraar uu Koongareeska Mareykanka ku diiday ku lug-lahaashaha Mareykanka ee dagaalka ay Sacuudiga iyo xulufadiisa ka wadaan dalka Yemen. Qarraarki Kongareeska ayaa ahaa mid taariikhi ah, kaddib marki mudanayaasha labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee ku jira Senetka iyo Aqalka Wakiilada ay isku raaceen, in la soo dhameeyo taageerada Mareykanka ee dagaalka Yemen. Hase yeeshee, madaxweyne Trump ayaa bayaan uu soo saaray xalay ku sheegay in qaraarkaasi uu yahay mid aanan loo baahneyn, khatar wiiqeysa awoodihiisa dastuuriga ah isla markaana khatar ku ah nolosha muwaadniinta Mareykanka iyo sidoo kale ciidanka qalabka sida ee xilligaan iyo kuwa mustaqbalka. Codka Fiitooga ama diidmada qayaxan ee uu Trump uu ku hor-istaagay qaraarka koongareeska ee dagaalka Yemen, ayaa ah kii labaad ee uu adeegsaday tan iyo marki uu xafiiska yimid. Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadada Aduunka, David Miliband, ayaa sheegay in tallaabada madaxweyne Trump uu ka qaatay arrintani ay fasaxeyso istaraatiijiyadda dagaalka Yemen ee abuurtay masiibo bani’aadannimo tan ugu xun. Dagaalka Yemen ee u dhaxeeya isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga iyo maleeshiyada Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rayidka Yemen, iyo in ay macluul qarka u koraan 10 milyan oo ruux oo ku nool Yemen. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo ah lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay banaanbaxyo uu sheegay inay abaabulayaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Salaad Cali Jeelle,ayaa ku eedeeyay siyaasiyiin uu kamid yahay Cumar C/rashiid oo ra’iisul wasaare labo jeer kasoo noqday dalka, inuu ka dambeeyo abaabulka banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda Madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay in xisbiyada Mucaaradka ay dhaqaalo ka helayaan dowlado shisheeye kuwaasi kasoo horjeeda nidaamka dowladeed ee dalka, islamarkaana ay hadda abaabulayaan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda. Dowladda Imaaraatka Carabta ayuu eedeynta ugu badan u jeediyay wuxuuna sheegay inay bixinayaan dhaqaalo loo qeybinayo dadka barakacayaasha ah si ay banaanbax kaga dhigaan magaalada Muqdisho. “Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaale ku bixinaya waxyaabaha ka dhanka ah jiritaanka dowladda, Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah oo Senator ka tirsan Aqalka Sare oo ku nool Imaaraadka”ayuu yiri Cumar C/rashiid. “Waxaa la abaabulayaa banaan bax ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay qaban qaabinayaan mucaaradka iyo Xisbiyo halkaan fadhiya, waxaa banaan baxa la rabaa in lagu wiiqo jiritaanka umadda iyo dowladnimada, waxaa ognahay in dad u adeegaya dowlado shisheeye ayaa banaan baxan wada”ayuu hadalkiisa kusii daray. Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo saaxiib dhow la ah madaxda dalka ayaa kamid ah siyaasiyiin difaaca dowladda Madaxweyne Farmaajo marka dadka shacabka ah ku mucaaradaan waxqabad la’aanta dowladda. Si kastaba weli dhankooda wax war ah kama soo bixin siyaasiyinta mucaaradka ah ee Siyaasi Salaad Cali jeelle uu ku eedeeyey inay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Indonesia)-Shacabka waddanka Indonesia ayaa saaka 7:00 subaxnimo xilliga dalkooda u dareeray goobasha codbixinta, si ay u soo doortaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota. Doorashadan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu ballaaran caalamka, ayaa waxaa si aada ugu loollamaya madaxweynaha talada haya Joko Widodo iyo general hore ugu soo shaqeeyay ciidamada Indonesia oo lagu magacaabo general Prabowo Subianto. Ilaa 193 million oo ruux ayaa isu diiwaangeliyay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada Arbacada maanta ah, taasoo go’aan ka gaari doonta qofka hogaamin doono dalka Indonesia oo ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan caalamka. Codbixinta ayaa soo xirmi doonta 1-da duhurnimo xilliga Indonesia, waxaana saacado gudahood lagu ogaan doona natiijooyinka hor-dhaca ah sida uu sheegay guddiga doorashada. Natiijada kama danbeysta ah ayaa la shaacin doonaa bisha May ee soo socota. Source
  7. Howlwadaag (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay degmada Howlwadaag ee G/ Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu guri guri ugu baarayeen xaafado ka tirsan degmadaasi. Lama oga natiijada ka soo baxday baaritaanadaasi, balse saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in u jeedku ahaaa xaqiijinta amniga degmada Howlwadaag. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmihii dambe degmooyinka gobolka Banaadir ka waday howlgallo looga hortagayo amni darrada Muqdisho. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Sarreeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay ku raad joogaan xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka war qabaan laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Zakiyo ayaa hoosta ka xariiqday in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu doonayo in lagu soo qabto raggaasi. Sidoo kale taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday shacabka in ay kala shaqeeyaan sugida amniga magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa waxa ay imaamneysaa, xilli maalmihii u dambeeyay Ciidamada dowladdu ay wadeen howlagllo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda. View the full article
  9. Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa sheegay in dhowaan la dhisayo guddi u gaar ah oo soo baara arrimaha kufsiga la xiriira. Hindisaha guddigaan ayaa ka dhashay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay’addaha garsoorka Puntland, iyagoo ka doodayay sababaha qarsoon ee ka dambeeya kufsiyada isdaba jooga ah. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu guddigaan kusoo magacaabo degreeto. Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa aaminsan inay jiraan ujeedooyin aan weli la ogaan oo loo kufsanayo dumarka ku nool Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Gaalkacyo (SMN) – Hooyada dhashay Caas’isho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar 12 jir la’iskugu daray Kufsi iyo dil ayaa sheegtay in ay weysay cadaaladii ay ka sugeysay Puntland. Hooyadan oo la hadashay Warbaahinta ayaa tilmaamtay in labadii Cisho ee u dambeysay ay ku soo noq noqonayeen laamaha amniga, islamarkaana ay weydiinayeen su’aalo u muuqday in kiisku uu yahay mid bilow ah, halkii ay sugeysay maxkamad. Waxaana ay xustay in caddaalad darro ay ka sheeganeyso Puntland, gaar ahaan mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Caaisha-Ilyaas-Hooyadeed.mp3 View the full article
  11. Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan caadi, kulanka ayaa ka dhacaya xaruntooda Muqdisho, waxaana loo hadli-doonaa labo ajende oo muhiim ah. Ajendaha kulanka ayaa ah. 1. Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka. 2. Aqrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa mid xooagn ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay wateen Ciidankaasi, xilli ay marayeen deegaanka Madharaan oo u dhexeeya jaziiradaha Raas-Kaanbooni iyo Buur Gaabo ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxan, walow aan si arsmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Al Shabaab oo sheegtay massuliyadda qaraxaasi ayaa baahiyay in ay ku dileen illaa 15 Askari, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale Al Shabaab aya sheegay in meydadka iyo dhaawaca Askartaasi lagu qaaday diyaarad Helicopter ah, loona duuliyay gudaha dalka Kenya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland. View the full article
  13. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-170419.mp3-webk.mp3 View the full article
  14. Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa Warbaahinta sharaxaad ka siisay Howlgalada amniga lagu sugayo ee Ciidanka Ammaanka ay ka wadaan Muqdisho. Gen. Zakia ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan Hareeraha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo argagixisada ay doonayeen inay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Amaanka ay gacanta ku hayaan 16 Ruux oo lagu tuhmayo Argagixisada Alshabaab inay ka tirsan yihiin iyo dhagar qabe kale oo isaggoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada. Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa tilmaamtay in Ciidanka Ammaanka ay ku raad joogaan Xubo ka tirsan Maleeshiyada arxanka darran ee Alshabaab, kuwaasi oo ku dhex dhuumanaya Bulshadda Dhexdeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Beledxaawo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen labo ruux oo dil ka geystay magaalada. Labada ruux ayaa la qabtay kadib markii ay toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada amaanka oo ku sugnaa degmada Beledxaawo, waxaana la dhigay xabsiga magaalada Beledxaawo. Dhalinyarada ayaa ku toogtay degmada Beledxaawo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Bishaar Xareed oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana hadda lagu hayaa degmada Beledxaawo. Saraakiisha ciidamada dowladda ee soo bandhigay labada ruux ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan hubka iyo rasaastii loo adeegsaday dilka Bishaar Xareed oo si weyn looga yaqaan Gedo. Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaallamay Beledxaawo waxaana ay marar badan kala qabsadeen Magaalada iyada oo ugu dambeyn ku hartay gacanta ciidamada dowladda Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada dowladda ma aysan sheegin labada ruux iyo waxay ahaayeen, waxaana socda baaritaanka labada ruux lagu ee dilkaasi ka dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Beledxaawo Caasimada@live.com
  16. Dowladda Puntland ayaa guddi gaar ah u saaraysa sababaha ka dambeeya kufsiyada foosha xun ee kusoo badanaya dhulkeeda, kuwaas oo keenay in Puntland sumcadeeda uu [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xil cusub u magacaabay Nicholas Haysom wakiilkiisii gaarka ahaa u qaabilsanaa Soomaaliya, kaasi oo bilowgii sanadkaan laga ceyriyay Muqdisho. Nicholas Haysom ayaa loo magacaabay lataliye gaar ah oo Midowga Africa ka taageeraya dadaalada dhexdhexaadinta Sudan, halkaasi oo todobaadkii lasoo dhaafay ciidamada Meletariga xilka kaga tuureen Cumar Xasan Al Bashiir. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa wariyaasha u sheegay in Nicholas Haysom uu ka taageeri doono midowga Africa wax walbaa oo uu awoodo oo lagu badbaadinayo Sudan. Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kala hadlay guddoomiyaha guddiga Midowga Afria Muusa Faki Maxamed xilka loo magacaabay Haysom iyo in mar walbaa uu garab taagnaan doono shacabka Sudan. “Xoghayaha guud wuxuu si aad ah u sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka uu la leeyahay Midowga Afrika, wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo uu awood u leeyahay inuu ku taageero dadaalkooda,” ayuu yiri Dujarric. Nicolas Haysom, ayaa ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse waxaa laga eryay Soomaaliya afar bilood ka hor, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysan inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha dalka. Haysom waa Qareen Koofur African ah, waxaana uu horey usoo noqday Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Sudan iyo Koofurta SUdan, sidoo kale wuxuu madax ka noqday Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Xubno katirsan urur diimeed la magac baxday Jameeca Islaamiya, balse dadku uyaqaaniin Takfiir, ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiirka cadaalada [...] Source
  19. Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukumada Muuse Biixi & Xubno ka mid ah Gudida Qandaraasyada oo faafinaya Dacaayado Buga Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warbaahinta, Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland ee Muuse Biixi eryay dhawaan Yusuf Maxamed Cabdi,Hadeerna ah Mulkiilaha shirkad dhawaan la unkay,Magaceedana lagu sheegay SAAB oo Usbuucii ina dhaafay lagaga guulaystay Tartan Shirkado badani u galeen Qandaraaska Timirta Bisha Ramadaan la siiyo Ciidamada Somaliland ayaa u soo tafaxaytay,Geed gaaban & Mid dheerna u fuulay faafinta Dacaayado raqiisa oo uu ku baahiyey intooda badan Baraha bulshada & Wesbite-yada,isagoo qasdigiisu yahay inuu xajiimeeyo oo keliya Sumcada shirkadii Tartanka Qandaraaska Timirta kaga adkaatey ee Gudida qandaraasyadu ku dhawaaqeen oo Magaceeda la yidhaahdo Kaarshe Stores. Ex-Wasiir Yuusuf ayey weli ka daadegi leedahay in tartanka Qandaraaska Timirta laga helay oo Ganacsade kale nasiibsaday maadaba uu aaminsan yahay inuu Xisbiga Kulmiye miisan ku leeyahay, ahaydna in mudnaanta Qandaraaska la siiyo,oo Shirkadiisa laga fuudh yeelo,Qadiyadaas ayaana ku dhalisay inuu Dacaayado Buga & Xagxagasho bilaabo,oo goor xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen oo tartankii lagu kala nasiib qaaday oo shirkadiisii hadhay soo hanbaabiro. Ex-wasiir Yuusuf oo ku gaashamaan laba xubnood oo ka tirsan Gudida Qandaraasyada oo si hoose ula shaqeynaayey,xoggo badana u soo dusiyey intii Tartanka Qaradaraasku socday Magacyadoodana lagu sheegay Maxamuud Maal & Maxamed Baarcad Taysa ayaa si toosa iyo si dadbanba u faafinaya Brobogaandooyin wax u dhimaya shirkadiisa,iyagaoo Qoraalo Cinwaanadooda Rasmiga ah ku xardhan yihiin u soo diray Website-yada,aadna u dhaadaneyn Cawaaqibkay ku yeelan karto Xubinimadooda Gudida iyo magaca Shirkada uu Yuusuf Budhtuurka u yahay balse Qasdigooda fogi tahay dhadhamo ,haddii la waayana inay xagxagtaan shirkada Ka heshay Tartanka Qandaraaska Timirta. Geesta kalena Ex-wasiir Yusuf wuxu weli ku doodayaa inuu xaq u lahaa Qandaraaska in la siiyo balse ay Gudida qandaraasyada Qaranku ka eexdeen oo lixdan kun ($60.000) oo Dollar oo laaluush ah qaateen,Ku darsoo Wuxuu si gaara u bartilmaameedsaday Gudoomiyaha Shirkada Daabacada Sagal jet oo uu sheegay inuu Saami ku leeyahay Shirkada Kaarshe Stores ee kaga guulaysatey Tartanka Qandaraaska Timirta,kaas oo uu ku eedeeyay inuu fududeeyay Helitaanka Qandaraaska,Ha yeeshee Doodiisa la xaqiijiyey inay tahay Mid jaban oo aan sal iyo Raad toona lahayn,Ku darsoo Gudoomiyaha Sagal jet-na waxba ku lahayn Shirkada Kaarshe Stores ee Heshay Qandaraaska Timirta. Isku soo wada Duuboo Ex-wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo Markii uu ku fashilmey Xilkii Wasiirnimo ee Wasaarada Maaliyada la eryay ayaa hantidii uu ka urursaday Xilligii uu wasiirka ahaa ku sameytay Bakhaaro iyo Shirkado Qandaraaslayaalla oo ay ka mid tahay Tan “SAAB” ee tartanka laga adkaaday ayaa Dacaayado raqiisa Ganbadh Gaaban ugu soo fadhiistay Shirkada Kaarshe Stores oo Qandaraaska Timirta kaga guulasatey,Shirkadan ayaa dhawr jeer oo hore ku guulaysatey Qandaraaskan Timirta, islamarkaana si caadiya uga ganacsata, lagu yaqaana Soo dejinta Timirta halka shirkadan Ex-Wasiir Yuusuf mulkiilaha ka yahay qasdigeedu yahay inay hesho Qandaraas laga helo Macaash buuran ,Magaca kulmiyena lagu dagaal galo. Guntii & Gebagebadii Ex-wasiir Yuusuf ayaa Sida xogguhu tibaxayaan Gudoomiynimada Shirkadiisa SAAB u igmaday Shaqsi kale Balse isagu daaha dabadiisa ka hagaaya si uu u xagxagto cid kasta oo Qandaraas ka hesha. Halkan ka Daawo sidii Qandaraaska Timirta loogu kala guulaystay:- NB.Dhawaan Filo xoggo Muujinaya Xubno ka mida Gudida Qandaraasyada oo faafinaya Dacaaydo Gudigooda wax u dhimaya Qaran News
  20. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay ariKulla xariira dhageeysiga warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka. Xildhibaanada ayaa xalay loo diray fariimo ku aadan qamsoomiida kulanka maanta. Xildhibaanada ayaa baryihii la soo dhaafay kulamo xasaasi oo looga hadlayay amniga ku yeelanayay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Waxaa goor hore llasii xiray wadooyinka soo gala xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Puntland Post The post Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Nin hubeeysan ayaa xalay waxa uu Bambaanooyin ku weeraray xarun ciidamada dowlada ay ku leeyihiin degmada warta Nabada ee Muqdisho. Ciidamada amaanka ayaa durba eryaday ninkaasi falka geeystay isaga oo gudaha u galay guri dad shacab ah ay dagaanaayeen. Booliska ayaa isku gadaamay gurigaasi uu galay ninkii weerarka geeystay ugu dambeeyntiina waxa ay toogteen shaqsigii falkaasi geeystay. Arintaan waxaa ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisoow waxaana uu u mahad ciliyay shacabka iyo ciidamada amaanka. “Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo xalay fiidkii Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba “ayuu yiri gudoomiyaha. Puntland Post The post Ciidamada Booliska oo Toogtay shaqsi weeraray xarun ciidan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Taniyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo, bishii Febr. 8, 2017, waxaa si xoogleh usoo if-baxday in dadka reer Puntland ee ka shaqeeya Hay’adaha Dawladda Federaalka ah si gaar ah loo beegsado. Muddadaas kooban ee Dawladdu jirtey, waxaa xilalkoodii waayey tiro badan oo reer Puntland ah oo isugu jira diblomaasiyiin, saraakiil sare oo rayad ah, siyaasiyiin caan ah iyo saraakiil ciidan. Arrintan ayaa lagu tilmaamay sifayntankii labaad oo si gaar ah loogu beegsado dadka kasoo jeeda Gobolada Puntland, taniyo dhamaadkii 70-aadkii iyo bilowgii 80-aadkii xilligaas oo Dawladdii kacaanku arrimo siyaasadeed awgeed u faquuqday deegaanada Puntland, oo ay ku tilmaantay “kacaandiid”. Taas oo markii dambe horseeday burbur iyo qalalaase aan weli Soomaaliya kasoo kaban. Magacyada dadka la eryey Illaa intii Farmajo la doortay: 1. Cabdi Faarax Juxa, oo ahaa Wasiir aaminsan in waddanku federaal yahay awooddana la qaybsado, inkasta oo lagu badelay Axmed Cawad oo ka soo jeeda Puntland, walise aan la buuxin jagadii uu baneeyay 2. Bashiir Ciise, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, oo lagu badelay mudane ka soo jeeda Soomaaliland oo aan la marsiin tartankii ay dawladdu qorshaysay in la maro 3. Jamaal Maxamed Xasan, Safiirkii hore ee Nairobi u fadhiyey Soomaaliya oo Wasiir noqday, oo booskiina lagu badelay Maxamuud Nuur Tarsan oo ka soo jeedda gobolka Banaadir. 4. Safiir Axmed Ciise Cawad, Safiirkii Washington u fadhiyey Soomaaliya oo Wasiir noqday welina aan la buuxin jagadiiisii, laakiin aan xogta ku hayno in loo wado mudane ka soo jeeda Soomaaliland 5. Safiir Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari Ilaahay ha u naxariisto, oo qarax lagu dilay magaalada Xamar Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Geneva , waxaa lagu badelay Marwo ka soo jeedda gobolada Dhexe 6. Axmed Dayib Nuur, Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Maaliyadda 7. Maxamed Keynaan, Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Raysul Wasaaraha 8. Sonkor Geyr, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga 9. Maxamed Cabdiwahaab, Agaasimihii Guud ee Arrimaha Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 10. Axmed Cabdullahi sheikh, Taliyihii Ciidanka Danab 11. Cabdirisaaq Xidig, Agaasimihii Guud ee Haya’dda Cimilada Soomaaliya (Environment) 12. Amiin Xaaji Kheyr, ku-xigeen-kii Haya’dda Nabad Sugidda. 13. Cismaan Yusuf, Agaasime ku-xigeenkii Haya’dda Duulista Hawada 14. Axmed Faarah Yare, Agaasimihii Waaxda Tebinta Siyaasadda (Policy Delivery) ee Xafiiska Raysul Wasaaraha 15. Xasan Qacle, Xoghayaha 1-waad (First Secretary of Somali Embassy), Safaarada Turkiga, Ankara, oo laga qaaday 16. Faarax Walanteeri, Agaasime Waaxeedkii Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Haddaba su’aashu waxay tahay maxay galabsadeen reer Puntland oo gaar ku ah? Ma shabaddii qaran-dumiska iyo kacaan-diidka ayaa markale lagu dhuftay? Maxaa la gudboon reer Puntland oo xooggoodii, xoolahoodii iyo waqtigoodiiba geliyey sidii loo heli lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo dib-u-dhalata? Waxaa kaloo is-weydiin leh maxaa ku dhacay xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii Puntland ku metelayey Dawladda Federaalka ah? Maxaase ku dhacay Dawladdii Puntland oo la dhisay 20 sano kahor si ay u ilaaliso danaha dadka reer Puntland? Waxaa si weyn u muuqata inaan 20 sano kadib Puntland wax saamayn iyo tixgelin midna ku lahayn siyaasadda Federaalka, loona baahan yahay in dib-u-xisaabtan iyo wax is-weydiin ay reer Puntland yeeshaan. Cabdi Dagal Faahiye Md. Faahiye wuxuu ka falnqoodaa arimaha Soomaaliya (Senior Political Analyst ) Email: Karardagal@gmail.com wardheernews.com
  23. Balcad (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Bar-Kontarool oo lacag lagu qaado soo dhigtay laba degaan oo ku yaala duleedka degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada dhexe kadib markii ay ka go’een Mas’uuliyiinta HirShabeelle iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Degaanada Al-Shabaab ay ku qaadaan Lacagta islamarkaana ay ku baaraan dadka iyo Gaadiidka ayaa kala ah Ilbaq iyo Qalimow waxayna ku yaalaan inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelada Dhexe. Dad shacab ah oo ku soo safray wadadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-shabaab ay lacag dhan 100 kun oo Shilin Soomaali ah ka qaadaan Gaadiidka isaga Gudba Shabeelada dhexe iyo Gobalka Banaadir. Sidoo kale Al-shabaab ayaa baara dadka gaadiidka saaran iyagoo weydiiya su’aalo ku saabsan hadii ay arkeen Askar Ciidamada katirsan iyo Shaqaalaha Dowladda ama kuwa HirShabeelle. Degaanada ay Al-shabaab soo dageen Islamarkaana ay lacagta ku qaadaan ayaa hore waxa Al-shabaab uga fuliyeen Weeraro badan oo ay ku dhinteen Askar, Xildhibaan iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan HirShabeelle. Arintaan ayaa u muuqata in Dowladda Soomaaliya looga adkaaday inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar. Ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiinta HirShabeelle ayaa marin ka dhigtay wadada marta dhulka Xeebta ah ee Shabeelada dhexe halka qaar kalane ay raacaan diyaarad todobaadkiiba 2 mar ka baxda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimad Online ayaa sheegay in taliyayaasha ciidamada booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir lagu war-geliyey in ay kawar qabaan rag uu ku tilmaamay Al-Shabaab kuwaas oo kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajta magaalada Muqdisho. Taliyayaasha ayaa dhowr maalmood ka hor lagu amray in ay il gaar ah ku hayaan Bajaajlayda islamarkaana aysan ogolaanin qayla dhaanta iyo banaanbaxyada qaarkood ka soo baxaysa, ayadoo loo sheegay in aysan jirin cid ku qabsan karta hadii ay toogtaan qof looga shakiyay qal qal gelinta amniga. Si kastaba, qorshahan ayaa markii dambe is-beddelay, waxaana ciidamada hadda laga qaaday isgoysyada ayadoo lagu beddelayo ciidamo cusub, mana cadda in weli amarkii la siiyey kuwii hore ay ayagana haystaan iyo in kale. Mid kamid ah Taliyaasha Ciidamada Booliiska ee degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay “Waxaa na loo sheegay in Bajaajlayda ay ku jiraan xubno badan oo Al-shabaab ah kuwaas oo iska dhigo Bajaajlay Shacab ah” ayuu yiri Sarkaal Booliiska ah oo aan qarinay magaciisa iyo degmada uu joogo. Wali waxaa jira taag taag iyo kala shaki u dhaxeeya Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo dhalinyarada Kaxeysa gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajta lamana oga sida xalka lagu heli doono. Hadii ay sidaan wax ku sii socdaan ayaa laga cabsi qabaa in dhalinyao badan ay toogasho ku dilaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay cabsi ka qabaan qaar kamid ah dhalinyarada Bajaajlayda ee Gobalka Banaadir. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sabtidii dibad-baxayaashii Muqdisho ee ka cabanayey dilka bajaalayda, oo u badnaa darawallada bajaajta ku til-maamay inay yihiin Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com