-
Content Count
208,260 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Madaxweynaheenu Wuxuu Yidhi Cigaal Ayaa Dekedda Berbera Qarameeyay 1975-kii, Sacad Cali Shirena DP World Isagaa Inuu Keenay Oo U Dhabar Adaygay” Muniir Axmed Cigaal Muniir Axmed Cigaal ayaa qoraal faalo badan bulshadu ka bixisay oo uu kaga hadlay Nuxurka khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Magaaladda Berbera wuxuu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, qoraalkas ayaa u dhignaa sidan … Cajiib: Horta Walal maanigaa moodayay mise Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi Shalay wuu halmaamay mise tollow wuu is moodsiiyay, mise sikale oo aan ahayn sidaynu wax u aragno ayay wax jiraan?: Khudbadiisi Berbera wuxuu yidhi “Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ayaa Dekeda Berbera Qarameeyay 1975-kii” Ogaalkay Cigaal 1975-kii iyo 1974-kii waabu xidhnaa.. Yeelkadeedi Madaxweynuhu wuxuu hadana yidhi “Keenista Dp World waxaaba ammaanteeda leh shar iyo Khayr Wasiir Sacad Cali Shire. “ Cajiib kale .. Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi wuxuu hadana u cudur daaray Dadkii ka soo horjeeday mashruuca Dekeda ee Maantana saxda u arka wuxuuna yidhi “ Marka dagaaladu dhacaan Dadkaa yara wareera oo wax wayn ma ahayn”… Iyana waa Cajaabaha ay khudbadii tariikhiga ahayd ee Madaxweynaheenu xanbaarsanayd.. Ogaalkay Sacad Cali Shire waabu ka soo horjeeday mashruuca Dekeda oo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayuu la dareen aha Youtube ka ayaanu ku jiraa. Xitaa ansixintii Golaha Wakiilada kamuu qayb galin. Waase yeelkadeede kol hadaanu Ninkii Casaa ee Maxamuud Xaashi ku dhici karin waar Siilaanyo ayaa na xukumaayay oo Madaxweyne aha oo keenay Dp World shar iyo Khayr waxay Dalka u soo kordhiso wali khayr keedi ummaddu way sugaysaaye . KULMIYE isagii kala cuqdadaysan oo is aasaaya uun iga dheh… Tusan Muniir Axmed Cigaal . Qaran News
-
Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dhawaaqay arrin quus geliyay shacabka Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaki galiyey in xukuumadiisu ay awoodo inay soo saarto biyo gaadha dhamaan bulshada ku nool magaalada Hargeysa. Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay Xukuumadiisu hubin biyaha ku keydsan deegaanka Geed-deeble ee laga waraabiyo caasimada Somaliland, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer Hargeysa isku tashadaan. Madaxweyne Biixi ayaa ka dhawaajiyey ineyna macquul aheyn in bulsho-weynta Hargeysa oo xiligan ka badan hal Milyan ay isku haleeyaan biyo soo saarka Geed-deeble, ee ay isku diyaariyaan inay helaan biyo kale. “Macquul maaha, Hargeysa oo Milyan Qof mareysa in Geed-deeble oo aan la ogayn biyaha ku jira, intay soo saartana aynu qasabado waaweyn u samaysanay, inta soconayaan garan mayno, markaa waa inaynu biyo badan qabsanaa oo aynu xoogeena ku tashanaa iyo xoolaheena. Hargeysa biyo way qabsan kartaa iyadoon Cidna u qayshan, markaa hadaanu madaxdii-nahay waxaanu codsanaynaa aynu isugu tagno, tilmaantaa aynu qaadano, weliba mushtamaca Hargeysa deggani ha hoggaamiyo” ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Wuxuuna intaas kusii daray Muuse Biixi “Shaki baa laga qabaa Dawladaha oo waxbay halleeyaan baa la is yidhaahdaaye, Hargeysa intay isu tagto oo ay dhaqaalaha ururiso oo ay ta Dawladdana ku darto, Dadkii aqoonta lahaana aynu keeno aynu Caqligeena iyo Muruqqeena aynu biyaha ku joojino. Hay’adahoow na soo gaadha waxba tari mayso, waa Dad inala mid ah oo aynaan isku Diin ahayn, Xoolaha aynu qaadano ee Sadaqada ah waxa laga soo ururiyaa Kaniisado, Ilaahayna Gaalo barya inama odhanin, inaga oo Caqligeena qabna”. Sikastaba, Hadalkan Madaxweyne Biixi ayaa kusoo aadaya xili muddo 7-sanadood oo xidhiidha la waday mashruucan, kaasi oo ay ku baxday lacag ka badan 30-Milyan oo Euro, oo ay ugu deeqay Midowga Yurub, iyada oo ay dheertahay Malaayiin dollar oo loogu deeqay biyo balaadhinta Caasimada. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Muniir Axmed Cigaal ayaa qoraal faalo badan bulshadu ka bixisay oo uu kaga hadlay Nuxurka khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Magaaladda Berbera wuxuu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, qoraalkas ayaa u dhignaa sidan: Cajiib: Horta Walal maanigaa moodayay mise Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi Shalay wuu halmaamay mise tollow wuu is moodsiiyay, mise sikale oo aan ahayn sidaynu wax u aragno ayay wax jiraan?: Khudbadiisi Berbera wuxuu yidhi “Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ayaa Dekeda Berbera Qarameeyay 1975-kii” Ogaalkay Cigaal 1975-kii iyo 1974-kii waabu xidhnaa.. Yeelkadeedi Madaxweynuhu wuxuu hadana yidhi “Keenista Dp World waxaaba ammaanteeda leh shar iyo Khayr Wasiir Sacad Cali Shire. “ Cajiib kale .. Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi wuxuu hadana u cudur daaray Dadkii ka soo horjeeday mashruuca Dekeda ee Maantana saxda u arka wuxuuna yidhi “ Marka dagaaladu dhacaan Dadkaa yara wareera oo wax wayn ma ahayn”… Iyana waa Cajaabaha ay khudbadii tariikhiga ahayd ee Madaxweynaheenu xanbaarsanayd.. Ogaalkay Sacad Cali Shire waabu ka soo horjeeday mashruuca Dekeda oo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayuu la dareen aha Youtube ka ayaanu ku jiraa. Xitaa ansixintii Golaha Wakiilada kamuu qayb galin. Waase yeelkadeede kol hadaanu Ninkii Casaa ee Maxamuud Xaashi ku dhici karin waar Siilaanyo ayaa na xukumaayay oo Madaxweyne aha oo keenay Dp World shar iyo Khayr waxay Dalka u soo kordhiso wali khayr keedi ummaddu way sugaysaaye . KULMIYE isagii kala cuqdadaysan oo is aasaaya uun iga dheh… Tusan Muniir Axmed Cigaal . Source
-
(SLT-Moscow)-Dawladda Ruushka ayaa aqoonsatay xukuumadda talada Sudan kala wareegtay Cumar Al-bashiir sida ay ku warrantay wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA oo soo xiganaysa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mikhail Bogdanov. Hadalkan Salaasada maanta ka soo baxay dawladda Ruushka ayaa imanaya iyada oo Isniintii kooxda hoggaaminaysa mudaharaadeyaasha talada ka tuuray Cumar Albashiir ay ku taliyeen in golaha Militariga ee talada haya ku wareejiyaan xilka gole xukuumadeed oo shacab ah. https://www.reuters.com/article/us-sudan-politics-russia/russia-recognizes-new-authorities-in-sudan-ria-agency-idUSKCN1RS18D Source
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay waddada Makka Al- Makarrama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca raaxada ah oo yiillay inta u dhexeysa isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto ee degmada Hodan. Wararka qaar ayaa sheegay in gaariga uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug Cabdi Dheere, kaasi oo qaraxa ka badbaaday. Khasaare u badan mid hantiyadeed ayaa jira, waxaana la sheegay in qaraxa uu saameeyay labo gaari oo kale, sida ay soo warinayaan Wariyeyaal ka tirsan Shabelle. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Radioshabell.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
-
A huge blast was heard in the heart of the Somali capital Mogadishu on Wednesday and clouds of smoke could be seen rising from the scene of the blast, according to a witness. It was unclear what caused the explosion. The Somali police force is yet to give more information on the blast. Developing story, more to come soon. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax gaadhi lagu xidhay, ayaa goor dhawayd waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Baasto ee wadada Maka Al-Mukarama. Wararka ayaa sheegaya gaadhiga qarxay inuu hor yaalay Hotelka Mubaarak, waxaana qaraxa uu sababay dab Khasaare gaystay oo ka kacay gaadhiga kaasi oo saameeyay gaadiid kale. Qiiq iyo Uuro ayaa isqabsatay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana durbadiiba gaadhay Ciidamada Booliska oo halkaasi Baadhis ka wada. Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan gaadhi ee ka dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Baasto, sidoo kalena lama oga qofka iska leh gaadhiga qaraxa lagu xidhay. Source
-
Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga albaabka hore ee Hotel Mubaarak ee waddada Maka Al-mukarama, Muqdisho. Dad goobjoog ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in uu gaariga ku qarxay albaabka hore, khasaaraha ay jiraan. , waxaana durbadiiba gaaray Ciidamada Booliska oo halkaasi Baaris ka wada. Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan gaari ee ka dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Baasto, sidoo kalena lama oga qofka iska leh gaariga qaraxa lagu xiray. Faah-faahinta Kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Khartoum)-Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Ku-xigeenka Madaxa Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan, Jeneral Maxamed Xamdaan “Xemeti” waxa uu dhowr Danjirayaal Caalami ah kula kulmay Qasriga Jamhuuriga oo ku yaalla magaalada Khaartuum. Wakaalladda Wararka Suudaan ee SUNA ayaa sheegtay inuu Madaxweyne-ku-xigeenka la kulmay Hawl-fuliyaha Safaaradda Maraykanka ku leedahay Suudaan, Steven Koutsis, wuxuuna warbixin ka siiyey xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Suudaan, sababihii loo dhisay Golaha KMG ee Milliteriga ee talada kala wareegeen Madaxweynihii hore iyo tallaabooyinka lagu sugayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Suudan. Madaxweyne-ku-xigeenka cusub ee dalka Suudaan, Jeneral Maxamed Xamdaan “Xemeti” waxa kaloo uu si kala gaar-gaar ah u qaabilay Danjirayaasha Ururka Midowga Europe, British iyo Holland u jooga magaalladda Khartuum, isagoo kala hadlay Xaalladda Amaanka iyo Qorshaha Golaha Milliteriga ee xilliga Kal-guurka Siyasaadeed iyo dhismaha Dowlad KMG oo ay Rayid ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa uu sababay gubashada seddex gaari oo yaalay agagaarka isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu ka dhacay meel ku dhow Hotelka Mubaarak oo ku dhow isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho. Gaadiidka Gurmadka deg dega iyo wariyaasha ayaa horey loogu diiday inay horey ka tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan, waxaana gabi ahaanba la xiray agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray, kaasi oo sababay in gaadiid badan oo la dhigay agagaarka Hotela Mubaarak ay gubtaan. Lama sheegin illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo xiray wadada soo gasha goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo ay adag tahay in xog fiican laga helo qaraxa maanta dhacay. Qaraxa ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay ciidamadii Booliska ee ugu badnaa laga wareejiyay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Baxrayn)-Maxkamad ku taalla dalka Baxrayn ayaa xukun xabsi ah ku ridday 139 qof, waxayna dhalashada kala laabatay dhammaantood marka hal qof laga reebo, waxay dadkaas ku heshay dacwado argagixiso. Lixdan iyo sagaal ka mid ah dadkaas ayaa lagu xukumay cimrigaa haku furto, kuwa kalana waxaa lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya saddex illaa toddobo sano. Waxaa lagu eedeeyay in ay diyaarinayeen shabakad ku xidhan ciidammada Ilaalada Kacaanka Iiraan. Boqortooyadan ay Suniyiintu maamulaan balse Shiicada u badan ayaa Iiraan ku eedaysay in ay kicin ka waddo bulshada dhexdeeda tan iyo markii la dajiyay kacdoonkii bulshada ee 2011kii. Iiraan ayaa taageertay kacdoonkaas, balse waxay diiday in ay taageero siisay kooxaha malayshiyaadka ah ee weerarrada ku qaaday laamaha ammaanka. Konton iyo siddeed ka mid ha dadkaas ayaa xukunka lagu riday iyaga oo dalka ka maqan, sida ay ilo maxkamadda ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP. Ma cadda waddanka loo masaafurin doono dadkaas jinsiyadda lagala laabtay. Bishii Sabteembar ee sannadkii hore dacwad oogaha rayidka ayaa ku dhawaaqay in dacwado lagu soo oogay 169 ruux oo aan magacyadooda la shaacin, kuwaas oo uu ku sheegay in ay ka mid yihiin xubnaha shabakad argagixiso oo uu ku tilmaamy “Xisbullaah-da Baxrayn” kuwaas oo uu u saarinayo dhaqdhaqaaqa shiicada ah ee Lubnaan ka hawlgala taageeradana ka haysta Iiraan. Dadkan laga shakisan yahay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay bambooyin aaseen, hanti burburiyeen isla markaasna aya si sharci darro ah u haysteen hub iyo waxyaabo qarxa. Dacwad oogaha ayaa Xisbullaah-da Baxrayn ku eedeeyay in ay aasaaseen masuuliyiinta ugu sarreeya Iiraan, kuwaas oo amray in qaar ka mid ah ciidammada Ilaalada Kacaanka Iiraan ay mideeyaan kooxaha argagixisada ah ee Baxrayn ku sugan si ay u fuliyaan hawlo argagixisanimo oo ka dhan ah Baxrayn. Dacwad oogaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Ciidammada Kacaanka Iiraan in ay qaar ka mid ah xubnaha shabakaddan ay ku soo tababareen Lubnaan, Iiraan iyo Ciraaq, ayna ka caawiyaan “farsamada, saadka iyo dhanka maaliyaddaba.” Talaadadii ayuu dacwad ooguhu sheegay in maxkamadda sare ee dambiyadu ay 139 ruux ku ridday xukun xabsi, 98 ka mid ahna ay mid kaste ugu dartay ganaax lacageed oo dhan $265,000. Hal qof ayaa xabsi lagu xukumay balse aan jinsiyaddii lagala laaban, 30 ruux oo kalana wax dambi ah waa lagu waayay. Source
-
(SLT-Israa’iil)-Raysal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu oo toddobaadkii hore ku guulasytay doorashadii wadankaasi ka dhacday ayaa sheegtay in madax tiro badan oo carabi ahi ay isugu hambalyeeyeen guusha uu gaadhay. Madaxweynaha Israa’iil Reuven Rivlin ayaa maanta la filayaa inuu ka codsado Benyamin Netanyaho inuu soo dhiso xukuumada cusub, kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijadii doorashadii Israa’iil Ka dhacday. Xisbiga garabka Midig ee Likud ee Raysal wasaaraha ayaa ku guulaystay 35 Kursi, halka xisbiga ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Generaal hore oo ka tirsanaa ciidamada oo lagu magacaabo Benny Gantz. Barlamaanka ayaa ka kooban 120 Kursi ”Dhamaan shacabka Israa’iil, Yuhuuda iyo dadka aan yuhuuda ahayn, waxaan ka dalbanayaa inay ka qayb ka noqdaan guusha weyn ee wadanka Isreal gaaray, waxaan noqonayaa Ra’isul wasaaraha qofkasta” sidaas waxaa yidhi Netanyaho Wuxuu sheegay in guushiisii ay ugu soo halbalyeeyeen madax badan oo caalamka ah, oo ay ku jiraan madaxda wadamada Islaamka iyo carabta, kuwasoo oo uusan xusin. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa xalay diidmada qayaxan u adeegsaday qaraar uu Koongareeska Mareykanka ku diiday ku lug-lahaashaha Mareykanka ee dagaalka ay Sacuudiga iyo xulufadiisa ka wadaan dalka Yemen. Qarraarki Kongareeska ayaa ahaa mid taariikhi ah, kaddib marki mudanayaasha labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee ku jira Senetka iyo Aqalka Wakiilada ay isku raaceen, in la soo dhameeyo taageerada Mareykanka ee dagaalka Yemen. Hase yeeshee, madaxweyne Trump ayaa bayaan uu soo saaray xalay ku sheegay in qaraarkaasi uu yahay mid aanan loo baahneyn, khatar wiiqeysa awoodihiisa dastuuriga ah isla markaana khatar ku ah nolosha muwaadniinta Mareykanka iyo sidoo kale ciidanka qalabka sida ee xilligaan iyo kuwa mustaqbalka. Codka Fiitooga ama diidmada qayaxan ee uu Trump uu ku hor-istaagay qaraarka koongareeska ee dagaalka Yemen, ayaa ah kii labaad ee uu adeegsaday tan iyo marki uu xafiiska yimid. Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadada Aduunka, David Miliband, ayaa sheegay in tallaabada madaxweyne Trump uu ka qaatay arrintani ay fasaxeyso istaraatiijiyadda dagaalka Yemen ee abuurtay masiibo bani’aadannimo tan ugu xun. Dagaalka Yemen ee u dhaxeeya isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga iyo maleeshiyada Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rayidka Yemen, iyo in ay macluul qarka u koraan 10 milyan oo ruux oo ku nool Yemen. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo ah lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay banaanbaxyo uu sheegay inay abaabulayaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Salaad Cali Jeelle,ayaa ku eedeeyay siyaasiyiin uu kamid yahay Cumar C/rashiid oo ra’iisul wasaare labo jeer kasoo noqday dalka, inuu ka dambeeyo abaabulka banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda Madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay in xisbiyada Mucaaradka ay dhaqaalo ka helayaan dowlado shisheeye kuwaasi kasoo horjeeda nidaamka dowladeed ee dalka, islamarkaana ay hadda abaabulayaan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda. Dowladda Imaaraatka Carabta ayuu eedeynta ugu badan u jeediyay wuxuuna sheegay inay bixinayaan dhaqaalo loo qeybinayo dadka barakacayaasha ah si ay banaanbax kaga dhigaan magaalada Muqdisho. “Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaale ku bixinaya waxyaabaha ka dhanka ah jiritaanka dowladda, Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah oo Senator ka tirsan Aqalka Sare oo ku nool Imaaraadka”ayuu yiri Cumar C/rashiid. “Waxaa la abaabulayaa banaan bax ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay qaban qaabinayaan mucaaradka iyo Xisbiyo halkaan fadhiya, waxaa banaan baxa la rabaa in lagu wiiqo jiritaanka umadda iyo dowladnimada, waxaa ognahay in dad u adeegaya dowlado shisheeye ayaa banaan baxan wada”ayuu hadalkiisa kusii daray. Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo saaxiib dhow la ah madaxda dalka ayaa kamid ah siyaasiyiin difaaca dowladda Madaxweyne Farmaajo marka dadka shacabka ah ku mucaaradaan waxqabad la’aanta dowladda. Si kastaba weli dhankooda wax war ah kama soo bixin siyaasiyinta mucaaradka ah ee Siyaasi Salaad Cali jeelle uu ku eedeeyey inay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Indonesia)-Shacabka waddanka Indonesia ayaa saaka 7:00 subaxnimo xilliga dalkooda u dareeray goobasha codbixinta, si ay u soo doortaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota. Doorashadan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu ballaaran caalamka, ayaa waxaa si aada ugu loollamaya madaxweynaha talada haya Joko Widodo iyo general hore ugu soo shaqeeyay ciidamada Indonesia oo lagu magacaabo general Prabowo Subianto. Ilaa 193 million oo ruux ayaa isu diiwaangeliyay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada Arbacada maanta ah, taasoo go’aan ka gaari doonta qofka hogaamin doono dalka Indonesia oo ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan caalamka. Codbixinta ayaa soo xirmi doonta 1-da duhurnimo xilliga Indonesia, waxaana saacado gudahood lagu ogaan doona natiijooyinka hor-dhaca ah sida uu sheegay guddiga doorashada. Natiijada kama danbeysta ah ayaa la shaacin doonaa bisha May ee soo socota. Source
-
Howlwadaag (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay degmada Howlwadaag ee G/ Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu guri guri ugu baarayeen xaafado ka tirsan degmadaasi. Lama oga natiijada ka soo baxday baaritaanadaasi, balse saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in u jeedku ahaaa xaqiijinta amniga degmada Howlwadaag. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmihii dambe degmooyinka gobolka Banaadir ka waday howlgallo looga hortagayo amni darrada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Sarreeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay ku raad joogaan xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka war qabaan laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Zakiyo ayaa hoosta ka xariiqday in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu doonayo in lagu soo qabto raggaasi. Sidoo kale taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday shacabka in ay kala shaqeeyaan sugida amniga magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa waxa ay imaamneysaa, xilli maalmihii u dambeeyay Ciidamada dowladdu ay wadeen howlagllo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda. View the full article
-
Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa sheegay in dhowaan la dhisayo guddi u gaar ah oo soo baara arrimaha kufsiga la xiriira. Hindisaha guddigaan ayaa ka dhashay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay’addaha garsoorka Puntland, iyagoo ka doodayay sababaha qarsoon ee ka dambeeya kufsiyada isdaba jooga ah. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu guddigaan kusoo magacaabo degreeto. Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa aaminsan inay jiraan ujeedooyin aan weli la ogaan oo loo kufsanayo dumarka ku nool Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Hooyada dhashay Caas’isho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar 12 jir la’iskugu daray Kufsi iyo dil ayaa sheegtay in ay weysay cadaaladii ay ka sugeysay Puntland. Hooyadan oo la hadashay Warbaahinta ayaa tilmaamtay in labadii Cisho ee u dambeysay ay ku soo noq noqonayeen laamaha amniga, islamarkaana ay weydiinayeen su’aalo u muuqday in kiisku uu yahay mid bilow ah, halkii ay sugeysay maxkamad. Waxaana ay xustay in caddaalad darro ay ka sheeganeyso Puntland, gaar ahaan mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Caaisha-Ilyaas-Hooyadeed.mp3 View the full article
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan caadi, kulanka ayaa ka dhacaya xaruntooda Muqdisho, waxaana loo hadli-doonaa labo ajende oo muhiim ah. Ajendaha kulanka ayaa ah. 1. Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka. 2. Aqrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa mid xooagn ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay wateen Ciidankaasi, xilli ay marayeen deegaanka Madharaan oo u dhexeeya jaziiradaha Raas-Kaanbooni iyo Buur Gaabo ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxan, walow aan si arsmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Al Shabaab oo sheegtay massuliyadda qaraxaasi ayaa baahiyay in ay ku dileen illaa 15 Askari, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale Al Shabaab aya sheegay in meydadka iyo dhaawaca Askartaasi lagu qaaday diyaarad Helicopter ah, loona duuliyay gudaha dalka Kenya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-170419.mp3-webk.mp3 View the full article
-
Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa Warbaahinta sharaxaad ka siisay Howlgalada amniga lagu sugayo ee Ciidanka Ammaanka ay ka wadaan Muqdisho. Gen. Zakia ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan Hareeraha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo argagixisada ay doonayeen inay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Amaanka ay gacanta ku hayaan 16 Ruux oo lagu tuhmayo Argagixisada Alshabaab inay ka tirsan yihiin iyo dhagar qabe kale oo isaggoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada. Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa tilmaamtay in Ciidanka Ammaanka ay ku raad joogaan Xubo ka tirsan Maleeshiyada arxanka darran ee Alshabaab, kuwaasi oo ku dhex dhuumanaya Bulshadda Dhexdeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledxaawo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen labo ruux oo dil ka geystay magaalada. Labada ruux ayaa la qabtay kadib markii ay toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada amaanka oo ku sugnaa degmada Beledxaawo, waxaana la dhigay xabsiga magaalada Beledxaawo. Dhalinyarada ayaa ku toogtay degmada Beledxaawo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Bishaar Xareed oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana hadda lagu hayaa degmada Beledxaawo. Saraakiisha ciidamada dowladda ee soo bandhigay labada ruux ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan hubka iyo rasaastii loo adeegsaday dilka Bishaar Xareed oo si weyn looga yaqaan Gedo. Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaallamay Beledxaawo waxaana ay marar badan kala qabsadeen Magaalada iyada oo ugu dambeyn ku hartay gacanta ciidamada dowladda Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada dowladda ma aysan sheegin labada ruux iyo waxay ahaayeen, waxaana socda baaritaanka labada ruux lagu ee dilkaasi ka dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Beledxaawo Caasimada@live.com
-
Popular Contributors