-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan. Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
-
Maxaa Looga Hadli Doonaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Habeenkii xalay ahaa ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in maanta uu jiro kulankaan, islamarkaana inta joogta ay soo wada xaadiraan. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa ah Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka jaangooynta iyo tayadhawrka Soomaaliyeed iyo sidoo kale ka doodista xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Kaaraan (SMN) – Sida Shabelle ay u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Kooxo Hubeysan ayaa xalay waxa ay Xaafadda Argentine ee degmada Kaaraan ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS iyagoo dhaawacay Askar kale. Wararka ayaa sheegaya in Askariga la dilay ay dableydaasi ka qaateen qorigii uu sitay. Waxaana la xaqiijiyay Kooxahaasi Hubeysan ay meesha wax ka dhaceen isaga baxsadeen kadib dilka. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo laamaha Ammaanka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dilkaasi xalay ka dhacay gudaha degmada kaaraan ee ka dhanka ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Al Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka ka dhanka ah Ciidamada iyo Howlwadeenada dowladda Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhex maray deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, waxaana dad deegaanka ah ay Shabelle u sheegeen in la’isku aadeegsaday hubka nuucyadiiska kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Milatari ayaa waxaa la laga dareemayaa deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Arbacow ee gobolka Sh/ Hoose. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
-
Muqdisho ( SMN)- Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-13052019-Sx.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan. Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay waxqabadkii dowladii Xasan Sheikh Maxamuud iyo waxqabadka dowladda hadda dhisan ee dhanka dhismaha maamulada. Yuusuf Garaad ayaa sheega in dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheikh Dhibaato badan kadib iney ku guuleysatay dhismaha maamul goboleedyada hadda ka jira dalka qaarkood. Wuxuu sheegay in awood, isku dhac iyo Khilaaf badan kadib uu ku guuleystay inuu dhiso maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaana ka horeeyay maamulka Puntland. Wuxuu sheegay in dowladda hadda dhisan looga baahan yahay inay ka shaqeyso dhismaha maqaamka gobolka Banaadir, waxaana uu si dadban u weeraray dowladda. “Dowladdii xilka qabatay 2012, Khilaaf, muran, gacan maroojis xanuun badan iyo isku dhac ka dib waxay aqbashay ama iyadu ay hirgelisay unkidda Afar Dowlad Goboleed” “Dowladda Xilka qabatay 2017 ma ahan in uu culeys ku noqdo Maqaamka Caasimaddu, si uu u dhammaystirmo heykalka Federaalku”ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xiriir aan wanaagsan uu kala dhaxeeyaa dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana muuqata in hadda isbaheysi cusub uu ka dhex abuurmay Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu kala booday, waxaana Galmudug iyo Jubbaland ay ku qanci waayeen waxyaabaha shirka la keenay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga . Taliyaha Booliska ayaa kormeerkaan ku wehlinayay Ra’isilwasaaraha. Ra’isilwasaaraha ayaa saraakiisha ciidamada kula dar daarmay sii wadida qorshayaasha lagu sugayo amaanka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi. Puntland Post The post Ra’isilwasaare Kheyre oo kormeeray Isgooysyada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Shir ay xalay Garoowe ku yeesheen saddexda dowlad goboleed ee Puntland, Hirshabeelle iyp Koonfur Galbeed ayay ka soo saareen, war-murtiyeed ka kooban 7 qodob oo ay ku heshiiyeen. War-murtiyeedka ayay ku sheegeen in ay ku heshiiyeen, iskaashi cusub oo ku saabsan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, federaalaynta dalka iyo tayaynta hay’adaha dowladda. Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Puntland Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo heshiis iskaashi gaaray appeared first on Puntland Post.
-
WELLINGTON, New Zealand — Prime Minister Jacinda Ardern of New Zealand will attempt this week to use the terrorist attack that killed 51 Muslim worshipers in Christchurch mosques in March to demand that the biggest internet platforms do more to stamp out violent and extremist content. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in odayaasha dhaqanka ee matala dadka dega magaalada Muqdisho ay dhamaadka todobaadkaan Muqdisho ku yeelanayaan kulan looga tashanayo dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho. Odayaashaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhib badan wajahaan dadka ku nool Gobalka Banaadir, oo ah Canshuur bixiyaal Islamarkaana ay kala-kulmayaan Dowladda Soomaaliya. Kulankaan ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Guriga Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ku yaala degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, oo kulankii kan ka horeeyay lagu qabtay. Odayaashaan ayaa sheegay in Muqdisho ay ku jirto xaalad aysan waligeed soo marin oo asyan kala kulmin dowladihii dalka soo maray bur burkii kadib. Sidoo kale waxay sheegayn in ay dhowaan soo saari doonaan go’aano lagu badbaadinayo dadka ku nool Gobalka Banaadir oo wajahaya Xaalad adag oo aysan ku sii noolaan karin sida ay hadalka u dhigayn. Kulanka todobaadkaan oo la filayo in uu qabsoomo Khamiista soo socota ayaa la aaminsanyahay in dhinacyada ay ka soo saari doonaan baaqyo hadii ay dowladda Soomaaliya ay wax kaqaban waysana ay soo saari doonaan go’aano xal u ah Muqdisho, sida ay noo sheegayn Odayaal katirsan waxgaradka arimahaan ku howlan. Khamiistii la soo dhaafay ayaa kulan ay yeesheen Odayaasha Abgaal iyo Habar-gidir waxay ku sheegeyn in Dowladda Soomaaliya ay diiday in lagala hadlo Cunaqabataynta ay saartay magaalada Muqdisho iyo dilalka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay u geestaan dadka Shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Revolutionary Guards chief says presence of US aircraft carrier in Gulf poses no threat Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay in Kismaayo uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Saraakiisha amaanka ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan xubnaha aadka ugu dhow maamulkiisa. Saraakiil katirsan Milateriga Magaalada Kismaayo ayaa Caasimada Online u sheegay in Saacadihii la soo dhaafay uu u yeeray Dhowr Sarkaal iyo la-taliyayaal uu leeyahay oo dhanka amaanka ah, waxayna kawada hadleen Xaaladda magaalada Kismaayo iyo doorashada 2019 ee hogaanka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa Saraakiishii uu la kulmay u sheegay in Kismaayo uu ka bilaabin doono qorshe hubka looga qaadayo dhamaan Ciidamada hubeysan ee taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada kale ee ka tirsan Maamulka Jubbaland ee ku dhow Musharaxiinta qaar. Arrinta ayaa u muuqato beegsi loo geysanayo dhamaan Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Ciidan ee loo arko in ay ka hor imaan karaan Axmed Madoobe, kuwaas oo aan loo fiirin doonin oo kaliya in Dowladda ay ka tirsan yihiin balse sidoo kale laga dhax-raadin doono Ciidamada iyo Saraakiisha Jubbaland. Howlgalkaan waxaa lagu wadaa in ay qayb ka qaataan Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay daacad u yihiin hogaanka Axmed Madoobe maadaama ay dano dhaqaale oo badan ay ku qabaan Gobalka Jubada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo. Qorshahan Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah dadaal uu ku xaqiijinayo in dowladda Soomaaliya aysan awood u yeelan inay fara-geliso doorashada maamulka Jubaland ee dhowaan dhacaysa. Waxaa aad looga cabsi qabaa in Kismaayo ay mar kale marti geliso dagaalo Sokeeye oo dhiig badan ku daato, hadii aysan xaaladda sidaan iska badalin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ayaa shir saddex geesood ah oo ay ku samaysanayeen is-bahaysi ka furay magaalada Garoowe ee xarunta Galmudug. Shirkan oo furay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay. Illaa iyo hadda ma cadda sababta saddexdan maamul ay u yeesheen shir gaar ah oo ay ka maqan yihiin maamul goboleedyada Jubaland iyo Galmudug, inkasta oo Puntland ay isbahaysi kale oo gaar ah la leedahay maamulladaas. Si kastaba, shirkan oo looga wada-hadlay iskaashiga dhinacyada federaalaynta dalka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, tayaynta hay’addaha dowladda iyo isweydaarsiga xogaha iyo khibradaha, ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda:
-
Sadex Maalmul Goboleed oo ku shiray Garowe ayaa heshiis iskaashi oo todoba qodob ka kooban kala saxiixday. Read More
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka hor-yimid xeerka Cashuuraha dalka ee Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka uu horgeeyey Golaha baarlamanka federaalka Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay inay yaab ku noqotay in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle “uu Xeerka Cashuuraha Dalka horgeeyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo aan cidna kala tashan kung xadgudbay hiigsiga nidaam federal ah oo ka dhaqangala dalka oo dhan.” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xeerkan “uu Wasiirku afduubay islamarkaana uu si buuxda uga hor-imaanayo Dastuurada Maamullada iyo hab-fulinta xeerarka cashuuraha dalka. “ Maamul goboleedyada ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamanka in aysan ansixin xeerkan, maadaama ay sheegeen inuusan ka dhaqan gali doonin deeganadooda. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan. Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed.
-
Click here Qaran News
-
Dowladda Kenya ayaa dhawaan joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo duulimaadyadu ay soo marayaan Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyiga Bari Kenya. Read More
-
The Turkish Embassy in Mogadishu says a Turkish citizen was killed Sunday following an explosion near the city’s busy K-4 junction. The embassy told VOA Somali the victim was an engineer working for a Turkish company. Witnesses told VOA Somali there was an explosion in the vehicle the victim was riding in. The explosion is believed to have been from an improvised explosive device planted in the car. The al-Shabab militant group claimed responsibility for the attack, claiming the engineer was working at the Turkish military training facility in Mogadishu. Al-Shabab also claimed a killing in the central Somali town of Galkayo. Major Khalif Nur Shil, commander of joint security forces in the town died from wounds suffered in an attack by gunmen armed with pistols as he left a mosque late Saturday. View the full article
-
A car bomb attack in the Somali capital Mogadishu has killed a Turkish citizen, police said Sunday. The man was killed when explosives fitted to his car exploded on Sunday, police told dpa. “A Turkish a civil engineer was mercilessly blown up in his car near KM4 street,” said police spokesman Ali Hassan. The heavily injured engineer was taken to the Turkey Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital but was not able to be saved. It was unclear who planted the bomb, but the police suspect militant group al-Shabaab, they said. Somalia has launched an investigation into the attack. Turkey’s embassy in Mogadishu is closely following the process, according to Demirören News Agency. On Saturday, al-Shabaab claimed responsibility for a roadside bombing targeting a local government official in the port city of Bosaso. Eight people were killed in the incident. The terrorist group al-Shabaab has fought the Somali army and African Union peacekeeping troops for over a decade. The al-Qaida-linked group was driven out of Mogadishu in 2011, but still controls large swathes of remote areas in the south and center of the country. Source: Daily Sabah
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland, Xasan Gaafaadhi oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa wuxuu ka hadlay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Somaliland.. Wasiirka ayaa sheegay in weli lagu raad-joogo dadkii falkaasi geystay, isagoona sheegay inay jiraan dad loo soo qab-qabtay dilkaasi. Wasiir Gaafaadhi oo ka hadlaya arrimahaasi wuxuu yiri “Dhacdada howl badan ayaa laga galay dadkii geystay waxna waa la hayaa waxna waa lagu daba jiraa, sharciga iyo cadaaladuna wuxuu farayaa in dambiilaha lasoo qabto, Xukuumada iyo ciidamada qarankuna xil weyn-bey howshaa ay ka hayaan, dhowaana ‘Insha-allahu-tacaala’ waxaan rajeynaynaa wixii waxaa geystay in lasoo qabto”. Wuxuuna intaas kusii daray “Dadka taakuleyay dadkaa wax geystay iyo iyagu waa isku dambi meel ay ku kala harayaana ma-jiraan, waxaanu leenahay cidii uu dambigaa la galay dadkaa waa inay soo dhiiban, hayn kari maysaan waana ku eedoweysan, waadna ku godobowaysan, sharciga ayaa idin qabanaya, iska soo dhiiba, iska tilmaama oo sheega”. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadal uu dhowaan ka yiri Boqor Cismaan Buur-Madow dilkii Saraakiishaas, wuxuuna yiri “Waxaan rabaa inaan tix-raac ku sameeyo boqor Cismaan Buur-Madow oo ku tiraabay dhacdadani inay horeba u dhici jirtay, waa ayaan-daro Dhacdadaa dhacdo la mid ah hore u dhacday ma jirto”. “Marka la eego waxyaabihii ka dhacay deegaankaasi oo ay ugu danbeysay dhacdadani waxay maraysa dad boqol ku dhaw-dhaw inay dhintaan, laakiin meel ay ka dhacday oo loo nisbeyn karo oo la odhan karo hore u dhici jirtay ma jirto, hadalkaasi dadkii dhibaatadu gaadheyna dacar iyo naxli buu ku abuuray, dadkii geystayna dad aan kala garaneyn dhibaatada iyo khaladka iyo saxa ayuu ku tilmaamay. Waxaan leeyahay waa dhacdo xun oo fool-xun oo aan hore u dhicin oo aan qaranka qaban”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com