-
Content Count
210,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in odayaasha dhaqanka ee matala dadka dega magaalada Muqdisho ay dhamaadka todobaadkaan Muqdisho ku yeelanayaan kulan looga tashanayo dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho. Odayaashaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhib badan wajahaan dadka ku nool Gobalka Banaadir, oo ah Canshuur bixiyaal Islamarkaana ay kala-kulmayaan Dowladda Soomaaliya. Kulankaan ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Guriga Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ku yaala degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, oo kulankii kan ka horeeyay lagu qabtay. Odayaashaan ayaa sheegay in Muqdisho ay ku jirto xaalad aysan waligeed soo marin oo asyan kala kulmin dowladihii dalka soo maray bur burkii kadib. Sidoo kale waxay sheegayn in ay dhowaan soo saari doonaan go’aano lagu badbaadinayo dadka ku nool Gobalka Banaadir oo wajahaya Xaalad adag oo aysan ku sii noolaan karin sida ay hadalka u dhigayn. Kulanka todobaadkaan oo la filayo in uu qabsoomo Khamiista soo socota ayaa la aaminsanyahay in dhinacyada ay ka soo saari doonaan baaqyo hadii ay dowladda Soomaaliya ay wax kaqaban waysana ay soo saari doonaan go’aano xal u ah Muqdisho, sida ay noo sheegayn Odayaal katirsan waxgaradka arimahaan ku howlan. Khamiistii la soo dhaafay ayaa kulan ay yeesheen Odayaasha Abgaal iyo Habar-gidir waxay ku sheegeyn in Dowladda Soomaaliya ay diiday in lagala hadlo Cunaqabataynta ay saartay magaalada Muqdisho iyo dilalka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay u geestaan dadka Shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Revolutionary Guards chief says presence of US aircraft carrier in Gulf poses no threat Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay in Kismaayo uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Saraakiisha amaanka ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan xubnaha aadka ugu dhow maamulkiisa. Saraakiil katirsan Milateriga Magaalada Kismaayo ayaa Caasimada Online u sheegay in Saacadihii la soo dhaafay uu u yeeray Dhowr Sarkaal iyo la-taliyayaal uu leeyahay oo dhanka amaanka ah, waxayna kawada hadleen Xaaladda magaalada Kismaayo iyo doorashada 2019 ee hogaanka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa Saraakiishii uu la kulmay u sheegay in Kismaayo uu ka bilaabin doono qorshe hubka looga qaadayo dhamaan Ciidamada hubeysan ee taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada kale ee ka tirsan Maamulka Jubbaland ee ku dhow Musharaxiinta qaar. Arrinta ayaa u muuqato beegsi loo geysanayo dhamaan Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Ciidan ee loo arko in ay ka hor imaan karaan Axmed Madoobe, kuwaas oo aan loo fiirin doonin oo kaliya in Dowladda ay ka tirsan yihiin balse sidoo kale laga dhax-raadin doono Ciidamada iyo Saraakiisha Jubbaland. Howlgalkaan waxaa lagu wadaa in ay qayb ka qaataan Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay daacad u yihiin hogaanka Axmed Madoobe maadaama ay dano dhaqaale oo badan ay ku qabaan Gobalka Jubada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo. Qorshahan Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah dadaal uu ku xaqiijinayo in dowladda Soomaaliya aysan awood u yeelan inay fara-geliso doorashada maamulka Jubaland ee dhowaan dhacaysa. Waxaa aad looga cabsi qabaa in Kismaayo ay mar kale marti geliso dagaalo Sokeeye oo dhiig badan ku daato, hadii aysan xaaladda sidaan iska badalin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ayaa shir saddex geesood ah oo ay ku samaysanayeen is-bahaysi ka furay magaalada Garoowe ee xarunta Galmudug. Shirkan oo furay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay. Illaa iyo hadda ma cadda sababta saddexdan maamul ay u yeesheen shir gaar ah oo ay ka maqan yihiin maamul goboleedyada Jubaland iyo Galmudug, inkasta oo Puntland ay isbahaysi kale oo gaar ah la leedahay maamulladaas. Si kastaba, shirkan oo looga wada-hadlay iskaashiga dhinacyada federaalaynta dalka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, tayaynta hay’addaha dowladda iyo isweydaarsiga xogaha iyo khibradaha, ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda:
-
Sadex Maalmul Goboleed oo ku shiray Garowe ayaa heshiis iskaashi oo todoba qodob ka kooban kala saxiixday. Read More
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka hor-yimid xeerka Cashuuraha dalka ee Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka uu horgeeyey Golaha baarlamanka federaalka Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay inay yaab ku noqotay in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle “uu Xeerka Cashuuraha Dalka horgeeyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo aan cidna kala tashan kung xadgudbay hiigsiga nidaam federal ah oo ka dhaqangala dalka oo dhan.” Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xeerkan “uu Wasiirku afduubay islamarkaana uu si buuxda uga hor-imaanayo Dastuurada Maamullada iyo hab-fulinta xeerarka cashuuraha dalka. “ Maamul goboleedyada ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamanka in aysan ansixin xeerkan, maadaama ay sheegeen inuusan ka dhaqan gali doonin deeganadooda. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan. Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed.
-
Click here Qaran News
-
Dowladda Kenya ayaa dhawaan joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo duulimaadyadu ay soo marayaan Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyiga Bari Kenya. Read More
-
The Turkish Embassy in Mogadishu says a Turkish citizen was killed Sunday following an explosion near the city’s busy K-4 junction. The embassy told VOA Somali the victim was an engineer working for a Turkish company. Witnesses told VOA Somali there was an explosion in the vehicle the victim was riding in. The explosion is believed to have been from an improvised explosive device planted in the car. The al-Shabab militant group claimed responsibility for the attack, claiming the engineer was working at the Turkish military training facility in Mogadishu. Al-Shabab also claimed a killing in the central Somali town of Galkayo. Major Khalif Nur Shil, commander of joint security forces in the town died from wounds suffered in an attack by gunmen armed with pistols as he left a mosque late Saturday. View the full article
-
A car bomb attack in the Somali capital Mogadishu has killed a Turkish citizen, police said Sunday. The man was killed when explosives fitted to his car exploded on Sunday, police told dpa. “A Turkish a civil engineer was mercilessly blown up in his car near KM4 street,” said police spokesman Ali Hassan. The heavily injured engineer was taken to the Turkey Recep Tayyip Erdoğan Training and Research Hospital but was not able to be saved. It was unclear who planted the bomb, but the police suspect militant group al-Shabaab, they said. Somalia has launched an investigation into the attack. Turkey’s embassy in Mogadishu is closely following the process, according to Demirören News Agency. On Saturday, al-Shabaab claimed responsibility for a roadside bombing targeting a local government official in the port city of Bosaso. Eight people were killed in the incident. The terrorist group al-Shabaab has fought the Somali army and African Union peacekeeping troops for over a decade. The al-Qaida-linked group was driven out of Mogadishu in 2011, but still controls large swathes of remote areas in the south and center of the country. Source: Daily Sabah
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland, Xasan Gaafaadhi oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa wuxuu ka hadlay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Somaliland.. Wasiirka ayaa sheegay in weli lagu raad-joogo dadkii falkaasi geystay, isagoona sheegay inay jiraan dad loo soo qab-qabtay dilkaasi. Wasiir Gaafaadhi oo ka hadlaya arrimahaasi wuxuu yiri “Dhacdada howl badan ayaa laga galay dadkii geystay waxna waa la hayaa waxna waa lagu daba jiraa, sharciga iyo cadaaladuna wuxuu farayaa in dambiilaha lasoo qabto, Xukuumada iyo ciidamada qarankuna xil weyn-bey howshaa ay ka hayaan, dhowaana ‘Insha-allahu-tacaala’ waxaan rajeynaynaa wixii waxaa geystay in lasoo qabto”. Wuxuuna intaas kusii daray “Dadka taakuleyay dadkaa wax geystay iyo iyagu waa isku dambi meel ay ku kala harayaana ma-jiraan, waxaanu leenahay cidii uu dambigaa la galay dadkaa waa inay soo dhiiban, hayn kari maysaan waana ku eedoweysan, waadna ku godobowaysan, sharciga ayaa idin qabanaya, iska soo dhiiba, iska tilmaama oo sheega”. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadal uu dhowaan ka yiri Boqor Cismaan Buur-Madow dilkii Saraakiishaas, wuxuuna yiri “Waxaan rabaa inaan tix-raac ku sameeyo boqor Cismaan Buur-Madow oo ku tiraabay dhacdadani inay horeba u dhici jirtay, waa ayaan-daro Dhacdadaa dhacdo la mid ah hore u dhacday ma jirto”. “Marka la eego waxyaabihii ka dhacay deegaankaasi oo ay ugu danbeysay dhacdadani waxay maraysa dad boqol ku dhaw-dhaw inay dhintaan, laakiin meel ay ka dhacday oo loo nisbeyn karo oo la odhan karo hore u dhici jirtay ma jirto, hadalkaasi dadkii dhibaatadu gaadheyna dacar iyo naxli buu ku abuuray, dadkii geystayna dad aan kala garaneyn dhibaatada iyo khaladka iyo saxa ayuu ku tilmaamay. Waxaan leeyahay waa dhacdo xun oo fool-xun oo aan hore u dhicin oo aan qaranka qaban”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi rajicuun MAANSO BAROOR DIIQ AH GEERIDA “XAJI CABDI WARAABE” By: Ali Xaruuri Dhaaxaa rag go’ayoo godka aynu dhigaynoo geeri aan u joognee tani goba’di weeyaan Warkan galabta noo yimi gundhigiisu wuxuu yahay geestii loo badnaa buu CABDI uu guuroo guula kaxaystee ALLAH gocasho weynaa galiilyadani kululaa murugadu gun dheeraa XAAJIGU ma guurtiyo Gallad EEBBE siiyuu gayigan u ahaayoo ka tilmaaman GEESKEE ma galbaday halyeygii guurti buu ahaa dhaba nabadda u guntada oo qaranimada gaadh ka ah abaalkii u noo galay Alluun baa u gudi kara TAWXIID baa ku gaadhane Calankan guudka sudhan baan maanta gaabin laayoo gunta aan ku simi laa e GUULLAAN ka baqayaa gebagabadii maansada Somaliland guud goluhuu ka baxay iyo eheladiisa gaarka ah tacsi baan u gudbinayaa isna guriga Aakhiro inu galo fardowsaan guula uga tuugee Aamiinta ila gura Aamiin Aamiin Aamiin By: Cali Xaruuri Rotterdam, Holland Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta oo axad ahayd kulan deg deg ah la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yahay ayaa waxa uu dhaxmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirada Mareykanka, Ingiriiska iyo Kusimaha Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya. Kulankaan oo dhacay Galabta markii uu kasoo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa waxa uu ka dhacay qaybta VIP-da ee Garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xubnaha uu la kulmay warbixin ka siiyay kulankii Natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee magaalada Garowe. Waxyaabaha sababay in Shirka lagu kala tago ayuu Madaxweyne Farmaajo faah faahiyay waxaana warar ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada lagu eedeeyay in aysan ka fekerin dan Soomaaliyeed, balse ay ku kala tagayn qorshaha doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021 iyo tan 2019 ee maamulada Galmudug iyo Puntland. Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya warbixin kadib u sheegay in ay ku soo warcelin doonaan oo ay soo saari doonaan go’aan wadajir oo ah ku saabsan Shirkii Garowe. Beesha Caalamka ayaa aaminsan in dhinacyada ku shiray Garowe ay dhamaantood isku qabteen arrimo ku saabsan dano gaar ah halkii laga rabay in ay ka fekeraan dan guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Riyad)Ciiddamada boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay inay 8 nin oo hubeysan ay ku dileen Howlgal ka dhacay Jasiirad ku taalla gobalka Al-Qatif maalintii shalay. Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay inuu Hawlgalkaasi ka dhacay Jasiiradda Tarout oo ku taalla bariga dalkaas ka dib markii Boolisku ay weerareen koox cusub argagixiso oo halkaas lagu asaasay Ragga la laayey oo iska caabin adag sameeyey ayaa waxaa lagu eedeeyey iney qorsheynayeen inay weeraro qorsheysan ku qaadaan Xarumo dowlada Sacuudigu ku leedahay gobolka Al-Qatif. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay shirka Iskaashiga, xiriirka iyo wax wada-qabsiga dowladdaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ee kala ah Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, maadaama Puntland hore xiriir iskaashi ula lahayd Jubbaland iyo Galmudug. Shirkaan oo ka furmay Garoowe waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirkan iskaashiga ah “Runtii waxaa sharaf wayn noo ah inaan halkaan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo runtii qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, waxaan ku faraxsanahay saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah“. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowaladda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale bogaadiyey iskaashiga iyo xiriirka cusub ee dhexmaraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. “Waxaa si gaar ah sharaf weyn noogu ah Puntland inay maanta labadan maamul ay wadayeeshaan iskaashi iyo xiriir, iyadoo hadda ka hor dowladdaha Galmudug iyo Jubbaland u dhexmareen heshiisyo iyo shirar noocaan oo kale ah oo ay iskaashi iyo wax wadaqabsi uga wada hadlayeen”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka ee dhinacyada ganacsiga iyo wadashaqaynta dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Halkaan ka eeg sawirada shirka PUNTLAND POST The post Shir u dhexeeya Puntland Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa caawa laba wiil oo dhalinyaro ah kala baxay maqaayad ku taala degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir. Wiilashaan ayaa ka tirsanaa shaqaalaha maqaayadda, waxaana la sheegay in Ciidamada markii ay soo galeen maqaayadda ay toos u abaareen labada wiil, kadibna ay ka kaxeesteen goobtaasi. Dadkii Maqaayadda ku sugnaa iyo shaqaalaha kale ee maqaayadda ayey ku wargeliyeen in aysan jirin wax dhib ah oo ay shaqadooda sii wataan ragaana la soo baari doono. Maqaayadda Wiilashaan laga ka xeestay ayaa habeen hore banaankeeda waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya, waana markii saddexaad oo maqaayadaan gudaheeda iyo banaankeeda lagu dilo shaqaale iyo ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay hey’adaha amaanka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir oo arintaan ku saabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe)Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaliya ee Puntland Mudane Siciid Cabdulllahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 24, May, 12, 2019 ku Magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo Waxuu Xeeriyey: Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac Jama Deperani loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. Source
-
Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya waxay si cad uga hor-imaanayaan Xeerka Cashuuraha Dalka ee Wasiirka Maaliyadda DFS uu horgeeyey Golaha Baarlaamaanka Federalka Soomaaliya. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Faafin: Dowlad goboleedyada oo ka soo horjeestay xeerka Canshuuraha ee DF Soomaaliya appeared first on Puntland Post.