-
Content Count
208,250 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu maanta ka dhacay afaafka hore ee maqaayad ku taalla isgoyska Dabka, una dhow agagaarka Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, waxaana qaraxaas faah faahin ka bixiyey taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye kuxigeenka Ciianka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday gari noociisu yahay Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ee Magalada Muqdisho. “Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo ayay tiri Taliye Zakiya. Shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqday inay in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991, sidoo kale waxa ay dalbatay in qof walba uu fiiro u yeesho halka uu dhigayo gaarigiisa. Qaraxaan Galabta ka dhacay Magalada muqdisho ayaa ahaa qarixii labaad ee ka dhaca isla Maanta Muqdisho, balse qarixii dhacay Maanta barqadii uusan geysan wax khasaaro ah balse kan Galabta ay ku geeriyoodeen ilaa 4 ruux. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiir ku xigeenkii hore arimaha dibada Somaliland ee xukumadii Siilaanyo Isla markaana hada ka mid ah la taliyayaasha wasaarada arimaha dibada ee Somaliland mudane Kaysar Maxamed Cabdillahi ayaa maanta ka degay magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, ma cada ilaa hada u jeedada safarka masuulkaasi Hase ahaatee wararka ay Qarannews ka helayso Moscow ayaa Sheegayaa in Kaysar Maxamed Abdillahi si heersare ah ay wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi ugu qaabishay madaarka Moscow, waxana wararku sheegayaan in uu halkaasi ku joogi doono mudo sadex cisho ah oo Marti qaad ah. Dhanka kale ma cada ilaa hada in ay socdaalkani ka danbayso xukumadda Muuse Biixi Iyo inkale, waxana jiray warar horey u baxay oo sheegaayay in dawlada Ruushku ay aad u danaynayso in ay saldhig malatari ka samaysato magaalo xeebeedka Saylac ee ku yaala bogacad mihiim ah. Qaran News
-
Khartoum (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa talaadadii loo wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Ilo-wareed ku sugan xabsiga ayaa sheegay in Al-Bashiir kaligiis lagu hayo qeyb xabsiga ka mid ah oo cidlo ah, islamarkaana amnigeeda aad loo adkeeyey. Tan iyo markii ay khamiistii tagtay xukunka ka tureen militariga Sudan, Al-Bashiir ayaa waxa uu ku xabisnaa xarunta madaxtooyada oo ay ku ilaalinayeen ciidamada aad xooggan. Militariga ayaa Al-Bashiir xukunka ka tuuray kadib toddobaadyo dibad-baxyo oo isaga ka dhan ah, ayada oo dibd-baxayaasha ay tan iyo 6-dii bisha April hor deganaayaan xarunta ciidamada oo ay madaxtooyada ku dhex-taal. Axmed Cawad Bin Cawf oo ku dhowaaqay xukun ka tuurista Al-Bashiir iyo in lagu hayo goob nabdoon ayaa isna ka tagay jagadii madaxa golaha militariga ee la wareegay talada dalka Sudan, maalin un kadib markii uu xilkaas qabtay. Golaha ayaa waxaa iminka hoggaaminaya Cabdi Fatax Al-Burhan oo ballan-qaaday in doorasho ay ku dhici doonto laba sano gudahood. Isha: VOA
-
War haatan naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax xoogan isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay [...] Source
-
A car laden with explosive went off in Mogadishu Maka Al-Mukarama road on Wednesday. According to witnesses, the blast affected restaurant near Waberi police station along the busy Maka al-Mukara street. At least seven people have been confirmed wounded in the blast so far but paramedics are at the scene for medical evacuations. No one has so far claimed the responsibility of the attack but armed group al-Shabaab is normally blamed for carrying out such an explosion. View the full article
-
Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya goor dhawayd uu Qarax gaadhi ka dhacay. Qaraxa gaadhi ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Saldhigga Waaberi sida Saraakiisha ay noo xaqiijiyeen. Qof goobooge ah ayaa sheegay inuu arkaayay illaa afar qof oo mayd ah oo Qaraxa ku dhintay iyo dad kale oo dhaawac ah. Gaadiidka gurmadka deg-dega ayaa gaadhay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo ay ka qaadayaan dhaawacyada ka dhashay Qaraxa. Ciidammada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa ku yaacay goobta ay wax ka dhaceen. La soco wixii ku soo kordha Source
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa xusay in caawa fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi dhagar-qabe ah oo bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka. Inj. Yarisow ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisada ay meel walba uga dabatagayaan, maadaama ay bulshada Caasimaddu diyaar u tahay in kaalintooda ay ka qaataan cid walba oo carqaladeynaysa ammaanka. “Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo caawa fiidkii Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ” Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay bulshada ku nool Gobolka Banaadir sida ay had iyo jeer uga digtoon yihiin kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxuna ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan kaalintooda ku aaddan sugidda amniga, bacdamaa aysan argagixisadu cid gaar ah beegsanayeen oo baneysteen dhigga ummadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post DUQA MUQDISHO: Argagaxisadu marna kama dhuuman karto Ciidamada Ammaanka DFS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Maanta waxa ay bilowday Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaal loo heysto in ay ka dambeeyeen fal isugu jiray Dil iyo gubid loo geystay Muwaadin Soomaaliyeed. Falkaas oo Sanadkii la soo dhaafay ee 2018 ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,isla markaana loo geystay Marxuum Axmed Dowlo ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen 7 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar. Saraakiisha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka dilkaasi loo heysto ay yihiin todobo ruux oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasoo bilihii u dambeeyay ku jiray gacan laamaha ammaanka, balse maanta la guda galay dhageysiga kiiskooda. Fadhiga Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Maanta ka bilaabatay Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaasha ayaa waxaa Guddoominayay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed,waxaana weli si rasmi ah loo shaacin xiliga la soo gabagabeen doono Dhageysiga Kiiskaas. Dilkaas ayaa hadal-heyntiisa waxa ay noqotay mid gaartay guud ahaan Soomaaliya,hayeeshee dhowr bil kadib ay istaagtay waxaana maanta Maxkamada Gobolka Banaadir u fariisatay dhageysigeeda. Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku reer ah qoyska dilkaasi geystay ayaa sanadkii hore dhowr jeer isku dayay in qaab damaanad ahaan uga sii daayaan xabsiga todobada qof ee dambigaas u xiran, balse waxaa arrintaas ka hor istaagay hay’adaha Garsoorka dalka. Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc dhanka guurka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay isgosyka Dabka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in uu ahaa mid ka dhashay gaari, kaas oo ku qarxay agagaarka saldhigga degmada Booliska Waabari ee G/Banaadir. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad ay fidinayaan gaadiidka Ambalaasta. Waa qaraxii labaad oo magaalada Muqdisho ka dhacaya, iyadoona barqanimadii hore ee maanta gaari uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug uu ku qarxay agagaarka Isgoyska shaqaalaha dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. View the full article
-
(SLT-Uganda)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda, Henry Okello Oryem ayaa sheegay inay ka baaraan-degayaan inay Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Albashiir inay siiyaan magangelyo. Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalada Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan. “Haddii uu Albashiir naga soo codsado magangelyo uu ku joogo Uganda, taasi waa arrin uu garwaaqsan karo Madaxwyne Yoweeri Museveni” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda. Dhinaca kale Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaaladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan. Source
-
Waxaa goordhow waddada Maka Al-mukarama ee bartamaha Muqdisho ka dhacay qaraxii 2aad muddo saacado ah kadib markii goor sii horeysay uu isla jidkaasi ka dhacay mid kale. Inta la xaqiijiyey ilaa 7 qof ayaa dhaawac ah, waxaana la sheegayaa in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay laakin uu weli gurmadka socdo. Qaraxa ayaa ka dhacaya goob lagu cunteeyo, waxaana la sheegayaa inuu qaraxa dhacay xilli qado, oo meesha ay mashquul aheyd. Wararka oo faah-faahsan, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Khasaare aan la xaqiijin ayaa ka dhashay qarax goor dhaw ka dhacay isgoyska dabka ee Muqdisho, kaasoo ku yaalla waddada maqshuulka badan ee Maka Al-Mukarama oo ay inta badan maraan madaxda Dowladda Somalia. Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobta gaaray iyagoo qaadaya khasaarihii ka dhashay Qaraxa, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu le’eg yahay. Qaraxan oo intiisa badan laga maqlay Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday gaari waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay, isagoo ka dhacay maqaayad ku dhaw saldhigga booliiska ee degmada Waaberi. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, sidoo kalena kama aysan hadlin hay’adaha amniga dowladda, waxaana goobta uu qaraxaan ka dhacay soo gaaray ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Somalia ah. Dhanka kale, Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo Muqdisho ka dhaca maanta oo keliya, iyadoo qaraxii hore oo ka dhacay isla waddada Maka Al-mukarama aysan jirin cid wax ku noqotay, basle ay ku gubteen laba saddex gaari oo uu ku jiro midkii qaraxa lagu soo xiray. Wixii warar ah ee ku saabsan Qaraxan waxaad kula socon donaan wararka soo socda ee Puntland Post haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Qarax weyn oo goor-daw ka dhacay Waddada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Baladweyne (SMN) – Taliye ku xigeenka guutada shanaad ee Ciidanka Xoogga dalka qeybta Hiiraan Maxamed Cabdi Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgallo cusub oo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilowdeen gobolkaasi. Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in u jeedka howlgallada ay yihiin, sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab ee G/Hiiraan. Sidoo kale Maxamed Cabdi Xasan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan dhammaan deegaanada HirShabelle in ay Ciidamadu ku gacan siiyaan dagaalanka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi. Al Shabaab oo inta badan weeraro ku qaada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weli ku xoogan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadd Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada. Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari ayaa wuxuu ka dhacay Agagaarka Saldhigga Dagmada Waaberi oo ku yaal meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Dabka. Qaraxa ayaa waxaa lagu xiray gaari, wuxuuna ka dhacay iridda hore ee Maqaayadda Barwaaqo oo u dhow Xarunta Saldhigga Waaberi. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 7 qof illaa haddana lama sheegin dhimasho. Sidoo kale xog lagama helin weli cidda leh gaariga Qaraxa lagu xiray iyo haddii ay khasaaro kasoo gaartay inkastoo qaraxa ahaa mid xooggan. Qaraxaan ayaa noqonayo midkii labaad oo Maanta ka dhaco Magaalada Muqdisho, waxaana saacado ka hor Qarax ka badbaaday Taliyaha Nabadsugidda Galmudug oo gaarigiisa Qarax loogu xiray xilli uu marayey Shaqaalaha. Wixii Warar ah ee kusoo kordha qaraxaan kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab siyaabo kala duwan ay Askar ugu dileen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi. War ka soo baxay Al Shabaab, laguna baahiyay barahooda Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerar qorsheysan ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Al Shabaab ayaa magaca Askarigaasi ku sheegay Isxaaq Macalin Weyne, waxaana ay tilmaameen in ay horay uga qaateen qoray uu watay. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in dilka Askarigaasi kadib ay dagaal la galeen Ciidan Itoobiyaan ah oo gurmad u soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen. Weerar iyo dagaal toos ah oo dhexmaray labad dhinac ayey sheegeen in Ciidanka Itoobiya ay uga dileen hal Askari, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro illaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Koonfur Galbeed oo ku aadan dilka Askartaasi. Ammaanka Baydhabbo ayaa mudddooyinkii dambe ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka wada Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaaladaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Biixi, xoog kaga qaaday dadkii lahaa dhulka ay ka dhisayso madaxtooyada cusub. Maxamuud Saleebaan Ramaax xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID ayaa sheegay in arrintaasi uu mas’uul ka yahay madaxweyne Biixi. Dhan kale waxa si adag u naqdiay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Magaalada Berbera iyo mashaariic la sheegay in laga hirgaliyay gobolka Saaxil,Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay waddada Makka Al- Makarrama ee M/ Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca raaxada ah oo yiillay inta u dhexeysa isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto ee degmada Hodan. Wararka qaar ayaa sheegay in gaariga uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug Cabdi Dheere, kaasi oo la sheegay in qaraxa uu ka badbaaday. Khasaare hantiyadeed ayaa ka dhashay qaraxani, waxaana uu saameeyay labo gaari iyo dhismo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyay dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal lidi ku ah nabad galyada ah oo maalmihii dambe ka dhacayay Muqdisho oo ay howlagllo ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-17042019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkad Shiinaha laga leeyahay ayaa heshiis baaxad wayn la sixiixatay Somaliland sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Ahmed Cawad. Heshiiskan ayaa dhidibada loogu taagayaa warshad sifaysa shidaalka. “Saddex shirkadood ayaa shidaal qodis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan” ayuu yidhi Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Ahmed Cawad. “Maadaama oon meel dhexe ku naalo waa meel la keeni karo shidaallada bari iyo galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo” ayuu intaas ku sii daray wasiirka. Sannadkii hore ayay Itoobiya soo saartay shidaal ka dib wakhti dheer oo ay sahan shidaal ka wadday Dawladda Deegaanka Soomaalida. Dawladda Kenya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay inay shidaal ka heshay dalkeeda, arrimahaas oo dhan marka la eegayo warshad shidaal samaysa oo gobolka laga billaabo hadda ayaa u muuqata mid mustaqbal ifaya leh. “Waddankan aan jaarka nahay ee Itoobiya ayay shirkadaha oo dhan tartan ugu jiraan” ayuu yirdh wasiir Maxamed oo ku baraarugsan ahmiyadda suuqa 100 milyan ee qof ee ku nool dalka Itoobiya oon bad lahayn. “Wallaahay waan ku faraxnay” Mashruucan warshadda shidaalka sifaysa oo lagu wado in uu noqdo mid baaxad wayn ayaa loo arkaa in uu wax wayn ka qaban doono mashaakilka Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ka haysta shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada. Shirkaddan Shiinayska ah ayaa ogolaatay in ay waxbarasho dibadda ugu qaaddo isla markaasna shaqo siiso 300 oo ka mid ah dhallinyaraas, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maalgashiga Somaliland. “Qorshahaas ay shirkadda shidaal sifayntu shaqo abuurka ugu samaynayso wallaahay waan ku faraxnay waana soo dhawaynaynaa waayo dadkani waa dad dhallinyaro ah oo ku yimid mashruuca shaqo qaran, marka dhallinyaradan oo shaqo la’aan ah jaamacadana ka soo baxay aad bay u soo dhaweeyeen” ayuu yidhi Faysal Cabdi Muxumed oo ka mid ah difcada koobaad ee shaqada loo ballamiyay. Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale oo telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC ku waraystay Maxamed Ahmed Cawad ayaa waydiiyay waxa heshiiska shirkaddan uu uga duwanaan karo kuwii ka horreeyay ee ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen? “Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis.” waana la dhagax dhigay ayuu yidhi Cawad. Source
-
Waxaada garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta oo da’daalo ku bixinaya horomarinta aqoonta xirfadlayaasha garsoorka ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay qalab casri ah kaas oo lagu ogaanayo fay-qabka iyo heerka tababarka waxaana qalabka loo yaqanaa (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) (GPS). Aaladan oo sanadkan laga dhaqan geliyay wadamada qaaradda Afrika ayaa loogu talo galay cayaartoyda iyo garsooryaasha si loo agaado qaybaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha ay ku liitaan mudada tababarka uu socdo, waxaana markii ugu horeesay caasimada ku isticmaalay garsoorayaasha heerarka kale duwan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Garsoorayaasha heerka kala duwan ee Xiriirka Kubbadda cagta ayaa iyaga qudhooda soo dhaweeyay horomarka iyo garab istaagida waxaad garsoorka,iyagoo sheegay in ay da’daal badan bixinayaan si ay guulo waaweyn ay ugu soo hooyeen tartamada iyo gudaha iyo Qaarada Afrika kolke ay dhex dhexaadinayaan. Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Xasan Aadan Xaaji Yabaraow (Wiish) oo isaga xilkan loo magacaabay 08-02-2019 ayaa da’daalo badan ku bixinaya kor u qaadida aqoonta iyo horomarinta garsooorayaasha dalka si ay ula jaanqaadaan dhiggooda qaaradda Afrika iyo Yurub. Macallin Maxamed Cabdulle Fare yare oo ah haysta darajada heerka koowaad ee macallinimada xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee (CAF) iyo madaxda tababarka X.K.Cagta Cabdi Cabdulle Baasaale oo casharo la xiriira isticmaalka aaladan kusoo qaatay dalka Koonfur Afrika ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay si wanaagsan ula qabsadeen Garsoorayaasha dalka fahanka iyo isticmaalada qalabkan cusub ee GPS. Si kastaba Soomaaliya ayaa noqotay wadankee sideedaad ee dhaqan galiya istcimaalka aaladan waxayna tani muujinaysa sida uu garsoorka kubbadda cagta Soomaaliya dhanka kasta uga dadaalayo horomarka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Adeegsiga Aalada Garsoorayaasha Ee GPS W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Khartoum)-Madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa salaasadii loo wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Ilo-wareed ku sugan xabsiga ayaa sheegay in Al-Bashiir kaligiis lagu hayo qeyb xabsiga ka mid ah oo cidlo ah, islamarkaana amnigeeda aad loo adkeeyey. Tan iyo markii ay khamiistii tagtay xukunka ka tureen militariga Sudan, Al-Bashiir ayaa waxa uu ku xabisnaa xarunta madaxtooyada oo ay ku ilaalinayeen ciidamada aad xooggan. Militariga ayaa Al-Bashiir xukunka ka tuuray kadib toddobaadyo dibad-baxyo oo isaga ka dhan ah, ayada oo dibd-baxayaasha ay tan iyo 6-dii bisha April hor deganaayaan xarunta ciidamada oo ay madaxtooyada ku dhex-taal. Axmed Cawad Bin Cawf oo ku dhowaaqay xukun ka tuurista Al-Bashiir iyo in lagu hayo goob nabdoon ayaa isna ka tagay jagadii madaxa golaha militariga ee la wareegay talada dalka Sudan, maalin un kadib markii uu xilkaas qabtay. Golaha ayaa waxaa iminka hoggaaminaya Cabdi Fatax Al-Burhan oo ballan-qaaday in doorasho ay ku dhici doonto laba sano gudahood. Source
-
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo maanta shir guddoominayey kulanka aqalka ayaa bogaadiyey warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka ee halkaasi laga jeediyey balse waxaa uu guddigaas iyo midka doorashada ku canaantey sida aaney u waqtiyeyn jidka la marayo, jadwaleynta iyo cidda mas’uuliyad qaadaneysa. Mudane Abshir oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri “ Guddiyada madaxa bannaan ee la sameeyey ha noqdo guddiga dastuurka ama guddiga doorashooyinka ma sheegaan, ma yiraahdaan haddii caqabadahaas ama arrimahaas aan u baahanahay aanan helin ama caqabada na hortaagan aan nala kala hor wareejin mas’uuliyadda naloo igmaday naluma oga, waxaa dalka dhaqan ka noqotey inuu guddi walbo ama qof kasta yiraahdo waa mas’uuliyad wadareed, dalka mas’uuliyad wadareed ma jirto ee waxaa jirto waxqabad wadareed, waxbaa la isla qabaa, ee mas’uuliyadda cidbey dusha uga dhaceysaa…arrimaha u baahan heshiisyada siyaasadeed hal iyo labo mooyee weli laga hadal, oo aysan ku cadeen jadwal arrimahaas wax looga gaaryo, waxaa nasiib darro in dastuurkeenna uu 6 sano ku jiro dib u eegis”. Guddoomiye Abshir Axmed waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aan lagu soo darin caqabada in haddii Somaliland aysan geedi-u-socodka ku soo biiray aanu dhameystirmi karin. “Caqabadaha kama muuqan in haddii Somaliland aysan geedi-u-socodka si toos ah ugu soo biirin dastuurka inuusan noqon doonin dastuur ebyama, oo dastuur gebo-gebo ah, Soomaaliya dastuurkeeda ma dhameystirmi karo haddii aysan kasoo qeyb gelin aftideeda iyo ansixinteeda Somaliland”. Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka golaha aqalka sare Abshir Axmed waxaa uu faray laanta fulinta iney hormuud ka noqoto doonista Somaliland, si ay u dhameystiranto midnimada Soomaaliya, waxaanu balan-qaadey in ka aqal ahaan ay kaalintooda qaadan-doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors