-
Content Count
208,260 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay ciidamo loogu talo galay ka hortaga rabshadaha iyo banaanbaxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa tababar kusoo qaatay dalka Jabuuti, waxaana maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, iyadoo loo diyaarinayo inay ka hortagaan rabshado iyo banaanbaxyo ka dhaca magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah ciidamada booliska ee la doonayo inay ka hortagaan rabshado ka dhaca magaalada Muqdisho. Masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka amniga, taliyaha ciidamada booliska, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada lagu soo bandhigayay. Masuuliyiinta amaanka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ku biiri doonaan ciidamada sugaya amaanka caasimada Soomaaliya, walow aysan tiro ahaan badneyn, haddana waxaa qorshaha uu yahay in la geeyo isgoysyada qaar ee magaalada Muqdisho. Arinta soo bandhiga ciidamadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo maalmahaan la hadal hayay banaanbax xoogan oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasi oo walwal badan ku beeray dowladda Soomaaliya. Waxaa ka digay banaanbaxyadaan siyaasiyiin badan oo dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo ku bixisay inay difaacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 15-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday maqaayad ku taalla agagaarka saldhigga booliiska degmada Waaberi. Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Somalia, Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo la hadashay warbaahinta qaraxa kaddib ayaa sheegtay in khasaaraha qaraxa ee ay iyagu xaqiijiyeen uu yahay afar dhimasho ah iyo shan dhaawac ah. Balse, Goobjoogayaal hadlay warbaahinta ayaa iyaguna sheegay inay arkeen dhimashada shan ruux, sidoo kalena mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Aamin Ambulance ayaa sheegay in dhaawacyada ay qaadeen ay ka badan yihiin 15-qof. Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii galabta ka dhacay isgoyska Dabka, iyadoo afhayeen u hadlay kooxda uu sheegay inay si gaar ah ula beegsadeen goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda FS, ayna tiro dhawr ah ku dileen. Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia oo soo gaaray halka uu Qaraxu ka dhacay ayaa cidna u qaban qaraxa, mana jirto ciidammo goobta galay sida looga bartay Al-shabaab marka ay qaraxyada ku weeraraan goobaha ay bartilmaameedsadaan. Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay qaraxyo la beegsadaan goobo ay shacabku ku badan yihiin, waxaana qaraxaan uu ka mid noqonayaa tiro qaraxyo ah oo dhawaanahan ka dhacayay Xamar. Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu dhacay saacado kaddib markii Qarax kale oo sababay burbur hantiyeed uu isla maanta ka dhacay waddada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, taasoo ah mid ay inta badan is-ticmaalaan madaxda dowladda iyo ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post Faahfaahin Khasaarihii ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Dabka ee Xamar appeared first on Puntland Post.
-
The Minister for the Somali Ministry of Education, Culture and Higher Education, Mr Abdullahi Godah Barre has criticised Puntland for not allowing its students to take the “National Examination” under umbrella organisations. In a statement broadcast on the Somali National Television, Godah said that the Ministry will not recognise any other examination administered by Puntland State. The Minister said that he had thought “ solution has been found to areas of disagreement between Puntland Ministry of Education and the Somali Federal Ministry of Education.” What is unprecedented under the current Somali federal administration headed by President Mohamed Abdullahi Farmaajo is the policy the Ministry of Education has adopted to aggressively promote what it views as National Examinations in a country with multiple examinations boards and with no a national curriculum. Early 1990s Unesco introduced a Somali primary school curriculum under its former PEER programme. The curriculum was partly based on pre-1991 national curriculum. The Unesco-produced curriculum was also taught at refugee camps for Somali refugees. However, post-1991 Somali regions have adopted curricula promoted by NGOs keen on replacing Somali as the medium of instruction. The Ministry recognises examinations administered by “umbrella organisations “ In 2007 when a former Minister of Education for the Transitional Federal Government paid a visit to several Mogadishu schools, he was surprised to learn five schools he visited were following different curricula from Saudi Arabia, Sudan, UAE, Qatar and Egypt. A country with no an inclusive national army cannot have a national curriculum. Puntland has private schools and many poorly funded government schools. Mr Godah’s intervention damages the trust and cooperation between the Federal Government and the Puntland State when he argues his Ministry has the imprimatur not to recognise any other examination not set in and approved by Mogadishu. There is a question mark over how the Somali Federal Government can fairly distribute scholarships provided by friendly countries if it considers Mogadishu-mandated curriculum as the genuine one for the whole country. The Federal Government has a duty not to undermine educational institutions that have been functioning in Puntland before the formation of the Transitional National Government and subsequent federal governments. Liban Ahmad libahm@gmail.com The post Somalia Has No a National Curriculum appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: Waddani “Adminstration Has Failed To Deal With Inflation” Hargeisa, (Qaran news)-The Waddani party’s spokesperson, Barkhad Jama Batun, has severely criticized the administration of President Muse Bihi of being unable to deal with the rampant inflation in the country, the continuing decline in the value of the Somaliland shilling and the brazen profiteering of Somaliland’s commercial market. Barkhad Jama Batun stated in his statement, the administration has failed to address the hurdles hindering the holding of parliamentary and local elections in Somaliland and declared that “Kulmiye doesn’t want to see elections in Somaliland, because it knows it will lose control of the House of Representatives, and all the local councils” According the Waddani party spokesperson, Barkhad Jama Batun, “my party will never accept the conducting of any elections by the National Elections Commission (NEC), as it is currently constituted. Their mandate expires before December, 2019, their malfeasance in the 2017 presidential elections is well documented, so we will not have that happen again”. Finally, the Waddani spokesperson accused the President of being “busy with litigation about land, farms and other personal assets” rather than governing the country and recognizing that for “good or bad, he is the President of the country and not a “dilaal” engaged in business deals”. Qaran News
-
1 Sano iyo Badh Ka-dib, Madaxweyne Muuse Ballanqaadkiisii oo Aan Midho Dhalin Iyo Mahadhooyinkii Laga Dhexlay! Hal Sano iyo badh ayaa ka soo wareegtay markii hoggaanka dalka uu Majaraha u qabtay Madaxweyne Muuse Biixi, Mudadaasi uu xilka hayey waxaa laga filaayey inuu iska qurxiyo Sawirka ay bixinayso Xukuumadiisu, Si kasta oo ay tahayba, Marba marka ka-sii danbeysa waxaa abuurmaaya Gal-daloollo hor leh oo ifinaaya, In dhammaan Ballamihii uu Madaxweyne Muuse ku soo galay doorashadii ama ku hantiyayba hoggaanka dalka , Aysan u muuqan karin kuwo hir-galaaya. Dowladdu waxay Hal Sano iyo Badhkii la soo dhaafay u Muuqataa mid sii luminaysa Shacbiyadda dhamaan Dadweynaha siiba kuwii fartooda iyagu eeday. Waxayna dib u cunaysaa Sharaftii Iyo Sumcaddii ay Abuureen Xukuumaddii ka horeeyey. Hadaba Marka la eego : Sida xaalku yahay,Waxaa jira Caqabado badan oo la soo gudboonaaday Mudadaasi ay jirtay Dowladda Madaxweyne Muuse Biixi. 1. Madaxweynuhu wuxuu si aan gabasho lahayn u beegsaday qaar ka midda Tageerayaashii Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiinta ka aragti duwan. Iyada oo uu qaarkood kula kacay falal isugu jira Xadhig, Xil ka-qaadis, Cabbudhin, Xannibaad Iyo Magac-dilid. Taasoo Xad-gudub ku ah xorriyadda hadalka, Dimuquraadiyadda iyo Sareynta sharciga ee dastuurkeenu kafaalo qaaday.waana sababta Ay dad badan qabaan.: Xisbiga Kulmiye inaanu gaadhaynba Sanadaha Madaxweyne Muuse xilka hayo, marka eegto, falalka Madaxweynaha iyo qaar ka midda Golihiisa wasiirada, kuwaasi oo tageerada Dowladda Iyo Tii-xisbigaba luminaaya. 2. Madaxweynuhu wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Shacabka Gobolada Bariga ku dhaqan. isla-markaana khudbadihiisa iyo kuwa qaar ka midda golihiisuba ay jeediyaan; Waxaa ka buuxda markasta qaladaad fara-badan: waxaana jirta kalsoonida darri shacabku ka qaadeen Ereyadda iyo Hadallada la isticmaalo, waxayna dadka qaarkood dhawaaqyadaasi ku tilmaameen kuwo aan la qaadan Karin. 3. Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hada wax- isbedel ah kumuu sameyn sanad iyo dheeraad Isku shaandhayn uu wakhtiyo kala duwan soo saaray, kamana muuqato Sansaan muujinaysa inuu dheeliga ka Biiyo xukuumadiisa isla-markaana kuraasta muhiimka ah uu ka saaro gacanta masuuliyiinta ka soo jeeda deegaankiisa. taasi oo weli u muuqata mid dhinac ka Raran. 4. Madaxweynaha ilaa iminka lagama hayo, sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan qabsoomaddii doorashada Somaliland, taasi oo sababtay in ay joojiyaan xisbiyada Mucaaradku xidhiidhkii wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeyay iyaga iyo komishanka doorashooyinka. Khilaafkaasi wuxuu hakad geliyay meel-marinta waqtigii doorashooyinka, shuruucdiisii muhiim u ahayd, saami qabsigii iyo hawlihii doorashooyinka oo dhan. 5. Madaxweynaha ilaa Maanta waxaa laga la, yahay Fulinta Qodobadii Heshiiskii lala galay Siyaasiga Prof, Cali Khaliif, Taasi oo dhalisay in Profesorku Magaalada Hargeysa kaga dhex-baadho ciddii heshiiskaasi fulinteedda lahayd! : “Dhawaqaasi wax-weyn Ayuu iftiimiyey” In heshiiskaaasi dhabarka loo jeediyo, haddana Midnimo Somaliland Ayeynu Uunsiga u shidaynaa. 6. Madaxweyne Muuse Biixi: Ayaa awooddii ka qaaday Golaha Wasiiradiisa ee uu soo magacaabay, isagoo ku war-geliyey inaanay qaadi-Karin talaabo aanu ogayn isla makaana xadi go’an ayuu dajiyey lacagaha ay ka saari karaan Baanka. Taasina waxay caqabad ku noqotay wasiiradiisa iyo wax qabadkii laga filaayey inay awood u helaan. 7. Madaxweynaha Golihiisa Xukuumadda Ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin siyaasiyiinta aan saameynta badan ku lahayn Goboladda ay ka soo jeedaan. Waxaasoo dhan waxa ka sii daran oo uu guul-daro weyn iyaduna noqotay habka Cadaaladda ee Qoondada Mashaariicda Horumarinta Goboladda Somaliland gaar ahaana qaybaha Goboladda Bariga loogu talo-galay oo aad u yar , madaama ay yihiin kuwa ugu baaxadda weyn dalka. 8. Madaxweynuhu wuxuu dagaal aan loo meel-dayin ku qaaday Ganacsade : Axmed Cismaan Geelle; isagoo la saftay dowlad cadow ku ah Somaliland ,isla-markaana hantidisii awood dowladeed ku haysata, Marka aad eegto dhaliisha odayaashii dhaqanka jeediyeen iyo jawaabtii Afhayeenka Madaxweynuhu siiyay , Waxaad arkaysaa mikrafoon deg dega iyo in markasta aan la dhegaysan Cabashada shacabka iyo helidda Garnaqsi muddeysan.,Waana qodobada ay liig ku tahay xukuumadani. sidaa dardeed ficiladeedu noqdaan kuwo quluubta umadda aan isu soo jeedinayn. Ugu danbeyntii: Waxaan sugnaaba waa Seddexda sano ee inagu soo fool leh , Waxa u hagaaga iyo waxa ay ka habsaanto dowladda Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi uu Majaraha u hayo. gunaanadka hadalkeyga waxaan kula talinayaa Madaxweynaha in uu ka faa’iideysto mudada kooban ee maamulkiisa u hadhay. Adan Yusuf Cilmi adanyusuf@hotmail.com Qaran News
-
Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halis ugu jiro inuu waayo Dhalashada dhanka Mareykanka kadib go’aan xasaasi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay amar xasaasi ah oo ku socdo muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee wadamada kale ka hayo xilalka Siyaasadeed ee saameynta leh. Amarka kasoo baxay Wasaaradda ayaa ah mid lagu caddeynayo Shuruucda dalkaas u taal, waxayna wasaaradda sheegtay inay macquul tahay in qofkaas lumiyo Dhalashada dalka Mareykanka. Amarkaan ayaa qabanayo muwaadiniinta Mareykanka ee u tartamay ama loo dhaariyey xilal kale oo ay ka qabtaan Wadamo kale. Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamatay In muwaadiniinteeda ay u tartamaan xilal wadamo kale ay tahay mid sharci darro ah oo aan marnaba waafaqsaneyn shuruucda u taal dalka Mareykanka. “ Sharciyo Caalami ah ayaa ka dhallan doono arrimaha la xiriira Dadka Mareykanka u dhashay ee waqtigaan madaxweynaha ka ah dal kale ama hayo xil Wasiir Arrimo debadeed, waxayna taas keeni doontaa Su’aalo adag, waxayna Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka u eegi doontaa si gooni ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Bogga rasmiga ah. Sharcigaan ayaan qaban doonin muwadiniinta u dhashay Mareykanka ee Shaqooyinka u raadsado wadamada kale sida ay sheegtay Wasaaradda balse dadka uu sharcigaan qabanayo ayaa ah kuwa xilalka siyaasadeed ee saameynta leh ka qabto wadamo kale. “Haddii muwaadiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arramaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaadiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaadinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay. Dadka uu Sharcigaan qabanayo waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heysto Dhalashada dalka Mareykanka waana hoggaamiyaha talada u hayo Soomaaliya. Arrintaan ayaa qaban doonto Madaxweyne Farmaajo haddii uu doonayo inuu tago dalka Mareykanka maadaama uu heysto Dhalashada Dalka Mareykanka. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa dhawr kulan oo ka dhacay Mareykanka wuxuu u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inkastoo ay madaxtooyada ku doodeyso inuu madaxweynaha ku mashquulsanaa shaqooyin kale. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
At least four people were killed and five others injured when a vehicle parked at Dabka junction in Mogadishu exploded on Wednesday, police and witnesses said. Zakia Hussein, a deputy police commander said that the vehicle loaded with an improvised explosive device (VBIED) detonated outside a restaurant near Wabari police station in the restive capital. “An VBIED Harrier vehicle parked at Dabka Junction went off; so far we can confirm four dead and five wounded. We offer our condolences to the victims. We once again ask the public to be vigilant and report any suspicious activities and vehicles to police via our 991 hotlines,” Zakia said. Witnesses reported the blast saying it was so huge noting that the injured were rushed to the hospital. “I heard a huge blast and saw black smoke billowing above the scene. The blast destroyed auto-rickshaws travelling nearby,” witness Hani Abdi told Xinhua. The attack came hours after bomb explosive fitted into a car exploded at Maka Al Mukarama road in Mogadishu earlier on Wednesday. No group has claimed responsibility for the latest attack in Mogadishu but extremist group, al-Shabab which is fighting to overthrow the government, usually stages such deadly attacks in the Horn of Africa nation. The move comes while Mogadishu is on high alert as police forces blocked the main roads of the capital to prevent possible attacks by the militants. Somali national army (SNA) backed by African Union Mission in Somalia (Amisom) drove al-Shabab militants out of Mogadishu, but the terror group is still capable of conducting attacks, targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article
-
Al-Shabaab claims killing two soldiers, including Ethiopian
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
At least two soldiers were killed in Baidoa city, the interim administrative capital of Southwest State of Somalia on Wednesday, according to Al-Shabaab statement. The two soldiers, including an Ethiopian force member, have been shot dead in an attack in the town, which has been relatively calm in the past few months. Al-Shabaab said its fighters murdered a soldier serving with Southwest regional army before engaging in a gunfight with Ethiopian forces that led to the death of the second soldier. There was no independent verification of the claim as Southwest State security officials are yet to release a statement regarding the incidents. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu maanta ka dhacay afaafka hore ee maqaayad ku taalla isgoyska Dabka, una dhow agagaarka Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, waxaana qaraxaas faah faahin ka bixiyey taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye kuxigeenka Ciianka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday gari noociisu yahay Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ee Magalada Muqdisho. “Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo ayay tiri Taliye Zakiya. Shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqday inay in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991, sidoo kale waxa ay dalbatay in qof walba uu fiiro u yeesho halka uu dhigayo gaarigiisa. Qaraxaan Galabta ka dhacay Magalada muqdisho ayaa ahaa qarixii labaad ee ka dhaca isla Maanta Muqdisho, balse qarixii dhacay Maanta barqadii uusan geysan wax khasaaro ah balse kan Galabta ay ku geeriyoodeen ilaa 4 ruux. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiir ku xigeenkii hore arimaha dibada Somaliland ee xukumadii Siilaanyo Isla markaana hada ka mid ah la taliyayaasha wasaarada arimaha dibada ee Somaliland mudane Kaysar Maxamed Cabdillahi ayaa maanta ka degay magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, ma cada ilaa hada u jeedada safarka masuulkaasi Hase ahaatee wararka ay Qarannews ka helayso Moscow ayaa Sheegayaa in Kaysar Maxamed Abdillahi si heersare ah ay wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi ugu qaabishay madaarka Moscow, waxana wararku sheegayaan in uu halkaasi ku joogi doono mudo sadex cisho ah oo Marti qaad ah. Dhanka kale ma cada ilaa hada in ay socdaalkani ka danbayso xukumadda Muuse Biixi Iyo inkale, waxana jiray warar horey u baxay oo sheegaayay in dawlada Ruushku ay aad u danaynayso in ay saldhig malatari ka samaysato magaalo xeebeedka Saylac ee ku yaala bogacad mihiim ah. Qaran News
-
Khartoum (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa talaadadii loo wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Ilo-wareed ku sugan xabsiga ayaa sheegay in Al-Bashiir kaligiis lagu hayo qeyb xabsiga ka mid ah oo cidlo ah, islamarkaana amnigeeda aad loo adkeeyey. Tan iyo markii ay khamiistii tagtay xukunka ka tureen militariga Sudan, Al-Bashiir ayaa waxa uu ku xabisnaa xarunta madaxtooyada oo ay ku ilaalinayeen ciidamada aad xooggan. Militariga ayaa Al-Bashiir xukunka ka tuuray kadib toddobaadyo dibad-baxyo oo isaga ka dhan ah, ayada oo dibd-baxayaasha ay tan iyo 6-dii bisha April hor deganaayaan xarunta ciidamada oo ay madaxtooyada ku dhex-taal. Axmed Cawad Bin Cawf oo ku dhowaaqay xukun ka tuurista Al-Bashiir iyo in lagu hayo goob nabdoon ayaa isna ka tagay jagadii madaxa golaha militariga ee la wareegay talada dalka Sudan, maalin un kadib markii uu xilkaas qabtay. Golaha ayaa waxaa iminka hoggaaminaya Cabdi Fatax Al-Burhan oo ballan-qaaday in doorasho ay ku dhici doonto laba sano gudahood. Isha: VOA
-
War haatan naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax xoogan isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay [...] Source
-
A car laden with explosive went off in Mogadishu Maka Al-Mukarama road on Wednesday. According to witnesses, the blast affected restaurant near Waberi police station along the busy Maka al-Mukara street. At least seven people have been confirmed wounded in the blast so far but paramedics are at the scene for medical evacuations. No one has so far claimed the responsibility of the attack but armed group al-Shabaab is normally blamed for carrying out such an explosion. View the full article
-
Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya goor dhawayd uu Qarax gaadhi ka dhacay. Qaraxa gaadhi ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Saldhigga Waaberi sida Saraakiisha ay noo xaqiijiyeen. Qof goobooge ah ayaa sheegay inuu arkaayay illaa afar qof oo mayd ah oo Qaraxa ku dhintay iyo dad kale oo dhaawac ah. Gaadiidka gurmadka deg-dega ayaa gaadhay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo ay ka qaadayaan dhaawacyada ka dhashay Qaraxa. Ciidammada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa ku yaacay goobta ay wax ka dhaceen. La soco wixii ku soo kordha Source
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa xusay in caawa fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi dhagar-qabe ah oo bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka. Inj. Yarisow ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisada ay meel walba uga dabatagayaan, maadaama ay bulshada Caasimaddu diyaar u tahay in kaalintooda ay ka qaataan cid walba oo carqaladeynaysa ammaanka. “Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo caawa fiidkii Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ” Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay bulshada ku nool Gobolka Banaadir sida ay had iyo jeer uga digtoon yihiin kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxuna ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan kaalintooda ku aaddan sugidda amniga, bacdamaa aysan argagixisadu cid gaar ah beegsanayeen oo baneysteen dhigga ummadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post DUQA MUQDISHO: Argagaxisadu marna kama dhuuman karto Ciidamada Ammaanka DFS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Maanta waxa ay bilowday Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaal loo heysto in ay ka dambeeyeen fal isugu jiray Dil iyo gubid loo geystay Muwaadin Soomaaliyeed. Falkaas oo Sanadkii la soo dhaafay ee 2018 ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,isla markaana loo geystay Marxuum Axmed Dowlo ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen 7 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar. Saraakiisha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka dilkaasi loo heysto ay yihiin todobo ruux oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasoo bilihii u dambeeyay ku jiray gacan laamaha ammaanka, balse maanta la guda galay dhageysiga kiiskooda. Fadhiga Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Maanta ka bilaabatay Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaasha ayaa waxaa Guddoominayay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed,waxaana weli si rasmi ah loo shaacin xiliga la soo gabagabeen doono Dhageysiga Kiiskaas. Dilkaas ayaa hadal-heyntiisa waxa ay noqotay mid gaartay guud ahaan Soomaaliya,hayeeshee dhowr bil kadib ay istaagtay waxaana maanta Maxkamada Gobolka Banaadir u fariisatay dhageysigeeda. Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku reer ah qoyska dilkaasi geystay ayaa sanadkii hore dhowr jeer isku dayay in qaab damaanad ahaan uga sii daayaan xabsiga todobada qof ee dambigaas u xiran, balse waxaa arrintaas ka hor istaagay hay’adaha Garsoorka dalka. Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc dhanka guurka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay isgosyka Dabka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in uu ahaa mid ka dhashay gaari, kaas oo ku qarxay agagaarka saldhigga degmada Booliska Waabari ee G/Banaadir. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad ay fidinayaan gaadiidka Ambalaasta. Waa qaraxii labaad oo magaalada Muqdisho ka dhacaya, iyadoona barqanimadii hore ee maanta gaari uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug uu ku qarxay agagaarka Isgoyska shaqaalaha dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. View the full article
-
(SLT-Uganda)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda, Henry Okello Oryem ayaa sheegay inay ka baaraan-degayaan inay Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Albashiir inay siiyaan magangelyo. Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalada Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan. “Haddii uu Albashiir naga soo codsado magangelyo uu ku joogo Uganda, taasi waa arrin uu garwaaqsan karo Madaxwyne Yoweeri Museveni” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda. Dhinaca kale Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaaladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan. Source
-
Waxaa goordhow waddada Maka Al-mukarama ee bartamaha Muqdisho ka dhacay qaraxii 2aad muddo saacado ah kadib markii goor sii horeysay uu isla jidkaasi ka dhacay mid kale. Inta la xaqiijiyey ilaa 7 qof ayaa dhaawac ah, waxaana la sheegayaa in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay laakin uu weli gurmadka socdo. Qaraxa ayaa ka dhacaya goob lagu cunteeyo, waxaana la sheegayaa inuu qaraxa dhacay xilli qado, oo meesha ay mashquul aheyd. Wararka oo faah-faahsan, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Khasaare aan la xaqiijin ayaa ka dhashay qarax goor dhaw ka dhacay isgoyska dabka ee Muqdisho, kaasoo ku yaalla waddada maqshuulka badan ee Maka Al-Mukarama oo ay inta badan maraan madaxda Dowladda Somalia. Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobta gaaray iyagoo qaadaya khasaarihii ka dhashay Qaraxa, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu le’eg yahay. Qaraxan oo intiisa badan laga maqlay Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday gaari waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay, isagoo ka dhacay maqaayad ku dhaw saldhigga booliiska ee degmada Waaberi. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, sidoo kalena kama aysan hadlin hay’adaha amniga dowladda, waxaana goobta uu qaraxaan ka dhacay soo gaaray ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Somalia ah. Dhanka kale, Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo Muqdisho ka dhaca maanta oo keliya, iyadoo qaraxii hore oo ka dhacay isla waddada Maka Al-mukarama aysan jirin cid wax ku noqotay, basle ay ku gubteen laba saddex gaari oo uu ku jiro midkii qaraxa lagu soo xiray. Wixii warar ah ee ku saabsan Qaraxan waxaad kula socon donaan wararka soo socda ee Puntland Post haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Qarax weyn oo goor-daw ka dhacay Waddada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors