Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kulan u dhexeeya dowladda hoose ee degmada Garoowe iyo dadweynaha ku nool caasimadda oo su’aalo lagu weydiinyay mas’uuliyiinta degmada, ayaa xalay ka qabsoomay hoteelka New Rays ee magaalada Garoowe. Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb-galay, maamulka degmada Garoowe, xildhibaannada golaha degaanka, mas’uuliyiinta hay’adda KAALO oo taageeraysay barnaamijkan, aqoon-yahanno, waxgarad, culimo ganacsato iyo dadweyne isaga yimid xaafadaha magaalada Garoowe. Su’aalaha ay kulanka dadweynuhu ku weydiinayeen mas’uuliyiinta degmada Garoowe, ayaa la xiriiray isla’xisaabtanka iyo daah-furnaanta qorshaha iyo miisaaniyadda ay dowladda hoose u diyaarisay horumarinta caasimadda Garoowe. Ugu horrayn, Cabdiraxmaan Bin-Diiriye oo ka tirsan xildhibaannada golaha degaanka Garoowe, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka kulanka, isagoo sheegay in hindisahan ka dhashay kalfahdigii 26 aad ee u soo xirmay golaha degaanka, si dadweynaha caasimadda fursad loogu siiyo in ay su’aalo weydiiyan mas’uuliyiinta degmada, islamarkaana ra’yigooda ku darsadaan qorshaha horumarinta caasimadda. Nuur Shire Cismaan oo isna ku hadlayey magaca hay’adda KAALO oo taageeraysay barnaamijkan, ayaa sheegay in kulankan uu yahay kii ugu horreeyay oo noociisa ee lagu qabto guud ahaan Soomaaliya, maadaama su’aalo lagu weydiinayo mas’uuliyiin dowladeed oo u diyaarsan isla’xisaabtan iyo daah-furnaan. Sidoo kale, maamulka dowladda hoose ayuu ku ammaanay in ay hormuud u yihiin dowladaha hoose ee ka jira magaalooyinka Soomaaliya, islamarkaan ay dhiirri-gelin iyo tusaale u yihiin isla’xisaabtanka iyo daah-furnaanta hay’adaha kale ee dowladda Puntland. Dhankooda mas’uuliyiinta degmada Garoowe ayaa si faahfaahsan dadweynaha ugu soo bandhigay waxqabadkoodii mudada ay xilka hayeen, qorshaha wakhtigan u diyaarsan iyo miisaaniyadda u qoondaysan ee ku baxaysa horumarinta caasimadda. Ugu dambeyntii duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda hoose ayaa kulanka lagu weydiiyay su’aalo ku saabsan horumarinta caasimadda ee dhinacyada amniga, bilicda&nadaafadda, dhismaha waddooyinka, arrimaha bulshada, qorshaha nidaaminta magaalada, habka maamulka lacagaha, shaqaaleysiinta iyo arrimo kale oo la xiriira shaqadooda. Duqa iyo mas’uuliyiintii kale ee degmada ayaana si furan oo faahfaahsan uga jawaabayey su’aalaha, iyagoo dhinaca kale talooyin ku aaddan horumarinta degmada ka dhegaysanayey dadweynaha, ballana-qaaday in ay qorshaha ku darsan doonaan talooyinka muhiimka ah ee loo jeediyay. halkaan ka eeg sawirrada PUNTLAND POST The post Isla’xisaabtan: Kulanka dadweynaha iyo dowladda hoose ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  2. Burco (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen Wariye C/maalik Muuse Coldoon. Ciidamada ayaa qabtay Cabdi Maalik xili la sheegay inuu gaarigiisa ku dhex watay bartamaha magaalada Burco, waxaana la ogeyn waxyaabaha ka dambeeya xariga wariyaha oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada. Qaar kamid ah xubno ka tirsan ehelkiisa ayaa xaqiijiyay in ciidamada booliska ee Somaliland ay xabsiga dhigeen wariye C/maalik, waxaana ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida loola dhaqmi doono. Booliska gobolka Togdheer ayaa horey u sheegay in ciidamada Somaliland ay hayeen Waaran kasoo baxay maxkamada magaalada Hargeysa kaasi oo lagu faray inay xeraan Wariye C/Maalik Muuse. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heyn ku aadan in Ciidamada Booliska Somaliland ay baadi goobayaan Wariyaha oo dhawan kasoo laabtay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Warbixino uu kasoo diyaariyey. Ma ahan markii ugu horeysay oo Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ay ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga dhigaan,waxana horay u jirtay in Maxkamada Magalada Hargeysa ay xukun ku riday. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wariyaha Maanta loo wareejiyay magaalada Hargeysa, si halkaasi loogu maxkamadeeyo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Togdheer oo ku aadan xariga Wariyaha, balse waxaa socda dadaalo ehelkiisa ay sameynayaan. Caasimada Online Xafiiska Smaliland Caasimada@live.com
  3. Ciidamo aad u hubeeysan oo katirsan kuwa Booliska ayaa saakay la soo dhigay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Wadooyinka Makka Al Mukarama wadnaha iyo sodonka ayaa lagu arkayaa ciidamadaan oo aad u hubeeysan oo wata gaadiidka dagaalka. Ciidamadaan ayaa si feejigan uula socdo dhaq dhaqaaqa dadka xili maanta laga cabsi qabo in ay dibad baxyo dhacaan. Qaar kamid ah wadooyinkaasi oo aan soo maray majirin xanibaad isku socodka gaadiidka iyo dadka marka laga reebo wadooyinkii hore xirnaa oo wali sidoodii u xiran. Baraha bulshada ayaa waxaa ka soconayay iclaaminta dibadbaxyo looga soo horjeedo dowlada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamo aad u hubeeysan oo lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku guul dareestay in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Caasimada Online ayaa ogaatay in isku daygii ugu dambeeyay ee Xildhibaan Mahad Salaad uu ahaa dhowr maalmood ka hor, waxaana ka hortaagan Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug. Xubno Xildhibaano ah oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaaf ka dhashay awoodii maamul ee Dowladdii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ku wajahneed dhismaha Galmudug ay sabab u tahay in Mahad Salaad uu tagi waayo Dhuusamareeb. Ahlusunna ayaa u aragta in cadaadis badan uu saaray Maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kaa shanayay mas’uuliyiin uu ugu waynaa Xildhibaan Mahad Salaad oo markaas wasiir ahaa, sidoo kalane saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Macalim Maxamuud oo ah hogaamiyaha Maamulka Ahlusunna iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo dhowr jeer la fariistay Mahad Salaad xiligaasi ayaa isku fahmi waayay arrimo la xariira Ahlusunna, waxaana markaasi bilaawday colaad oo taagan ilaa xiligaan. Qaar kamid ah dhalinyarada degaanka gaar ahaan kuwa aad uga agdhow Mahad Salaad ayaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaanka uu u cadeeyay in muran uu kala dhaxeeyo Macalim Maxamuud iyo Sheekh Shaakir. Mahad Salaad oo maalmihii dambe bilaabay kulamo wadatashi ah uu la qaadanayo dhalinyarada iyo Odayaasha ayaa wajahaya Cadaadis adag. Kulamada uu wado ayaa u muuqda kuwa uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu hada bilaabay Shirar wadatashi ah oo arintaasi ku aadan. Mahad Salaad waa Xildhibaan degaanka ah, waana xaalad aan wanaagsaneen in degaanka laga hor istaago balse waxaa jira kulamo aan wayneen oo ay wadaan Ganacsato ku heeb ah iyagoo doonaya in ay xaliyaa Khilaafka u dhaxeeya Macalim Maxamuud iyo Xildhihaab Mahad Salaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, kaasi oo la ceyriyey markii uu taageeray in Soomaaliya ay xiriir la yeelato Israel, ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka cararay isaga oo naftiisa u baqaya. Wareysi uu siiyey wargeyska Times of Israel ayuu ku sheegay in weli uu aaminsan yahay xiriir dhex mara Soomaaliya iyo Israel, wuxuuna dalbaday in dowladda Soomaaliya ay cudur-daar ka bixiso cayrintiisa. “Waxaan aad u taageerayaa in dalkayga uu xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israel. Waxaan ogahay in dad badan ay sidoo kale arrintan ila qabaan. Waxay sidoo oo kale is-weydiinayaan waxa ay waqti badan u qaadatay” ayuu Cabdullaahi Dool ku yiri wareysiga uu siiyey wargeyska kasoo baxa Israel. Wareysigan ayaa sida la sheegay lagu qaaday WhatsApp iyo Email ayada oo aan la sheegin halka uu joogo Cabdullaahi Dool, sababo amni dartood. “Israel waxay saameyn weyn ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri Cabdullaahi Dool, oo ahaan jiray agaasimada wasaaradda arrimaha dibedda. “Waxaan rumeysanahay in xiriir lala yeesho Israel ay dan u tahay labada dal. Mid ka mid ah sababaha aan u doonayo in xiriir uu na dhex-maro anaga iyo Israel ayaa ah inay naga caawin karto la-dagaalanka argagixisada” ayuu yiri Cabdullaahi Dool. “Waxay ahayd arrin soo daahday. Aas-aaska xiriir diblomaasi oo dhex mara labada dhinac, cidna dhib uma gaysanayso, balse waxay sare u qaadaysaa nabadda iyo wada-shaqeynta” ayuu yiri Cabdullaahi Dool. “Waxaan rumeysanahay in Israel ay naga caawin karto dhameynta rabshdaha dalkeena ka socda, Israel waxay noo furi kartaa albaabo badan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay dunida. Waxaan aaminsanahay in xiriir aan la yeelano Israel ay ahayd in mar hore la aas-aaso” ayuu yiri. Soomaaliya iyo Israel weligood xiriir ma yeelan. Villa Somalia ayaa markii la eryey Cabdullaahi Dool sheegtay inay Sooomaaliya iyo Israel uusan marnaba xiriir dhex-mari doonin inta Israel ay haysato dhulka Falastiiniyiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Mareykanka oo soo saaray go’aan uu Farmaajo ku weyn karo dhalashadiisa USA Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halis ugu jiro inuu waayo Dhalashada dhanka Mareykanka kadib go’aan xasaasi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay amar xasaasi ah oo ku socdo muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee wadamada kale ka hayo xilalka Siyaasadeed ee saameynta leh. Amarka kasoo baxay Wasaaradda ayaa ah mid lagu caddeynayo Shuruucda dalkaas u taal, waxayna wasaaradda sheegtay inay macquul tahay in qofkaas lumiyo Dhalashada dalka Mareykanka. Amarkaan ayaa qabanaya muwaadiniinta Mareykanka ee u tartamay ama loo dhaariyey xilal kale oo ay ka qabtaan Wadamo kale. Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamatay In muwaadiniinteeda ay u tartamaan xilal wadamo kale ay tahay mid sharci darro ah oo aan marnaba waafaqsaneyn shuruucda u taal dalka Mareykanka. “ Sharciyo Caalami ah ayaa ka dhallan doono arrimaha la xidhiidha Dadka Mareykanka u dhashay ee waqtigaan madaxweynaha ka ah dal kale ama hayo xil Wasiir Arrimo debadeed, waxayna taas keeni doontaa Su’aalo adag, waxayna Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka u eegi doontaa si gooni ah” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Bogga rasmiga ah. Sharcigaan ayaan qaban doonin muwadiniinta u dhashay Mareykanka ee Shaqooyinka u raadsado wadamada kale sida ay sheegtay Wasaaradda balse dadka uu sharcigaan qabanayo ayaa ah kuwa xilalka siyaasadeed ee saameynta leh ka qabto wadamo kale. “Haddii muwaadiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arramaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaadiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaadinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay. Dadka uu Sharcigaan qabanayo waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heysto Dhalashada dalka Mareykanka waana hoggaamiyaha talada u hayo Soomaaliya. Arrintaan ayaa qaban doonta Madaxweyne Farmaajo haddii uu doonayo inuu tago dalka Mareykanka maadaama uu heysto Dhalashada Dalka Mareykanka. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa dhawr kulan oo ka dhacay Mareykanka wuxuu u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inkastoo ay madaxtooyada ku doodeyso inuu madaxweynaha ku mashquulsanaa shaqooyin kale. Qaran News
  7. Kampala (Caasimadda Online) – Uganda waxay ka baaran degeysa in magangelyo ay siiso madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Al Bashiir, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Uganda Henry Okello Oryem. Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalladda Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan. Waxaa uu sheegay in Al Bashiir uu kaalin weyn ka qaatay nabadeynta dalka deriska la ah ee South Sudan. “Haddii laga codsado inay magangelyo u fidiyaan Al Bashiir, waa arrin u baahan inay eegaan hoggaanka ugu sarreyso dalka” ayaa laga soo xigtay xilli uu u warramayay wakaaladda wararka ee AFP. Wasiirka wuxuu ugu baaqay hoggaanka militariga Suudaan inay qaddariyaan codsiga shacabka isla markaasna ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah. Dhinaca kale, Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaalladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Fadeexad: Mashruuc & Wershad Saylaci dhagaxdhigay Dhowaan oo La Sheegay Inay Sifeynayso Shidaalka oo Noqotay Mid Bug ah Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaa uu 10kii bishan April, ka dhagax-dhigay magaalada Berbera warshed uu sheegay in ay sifeynayso shidaalka qaydhin oo Somaliland la keeni doono. Saylici iyo mas’uuliyiintii kale ee la socdayba waxay ku tilmaameen mashruucan, kii ugu ballaadhnaa ee abid laga fuliyo Somaliland. Shirkadda mashruucan ballaadhan fulineysa oo la yidhaahdo “Singapore New Silk Energy PTE LTD” ayaa cimrigoodu uu dhan yahay hal sano, iyadoo laga aas-aasay dalka Singapore bishii March ee 2018kii. Lama yaqaanno meel ay shirkaddani horey shaqo uga soo qabatay. Wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, ayaa sannadkii hore heshiis hal bilyan oo doollar ah la gashay baanki ay sheegtay in laga leeyahay dalka China, balse markii dambe noqday Bangi aan jirin. Hoos ka daalaco Macluumaadka Shirkada Saylaci:- Qaran News
  9. Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aan ku bilaabo’e hogaamiyaha maamulka Puntland: Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi lasocday, ayaa bishan Abriil 15-keedii kulan dalka Imaaratka kula qaatay madaxda shirkadda DP-World, oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada: Sultan Ahmed Bin Sulayem. Waxaa kulanka looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai duulimaadyo uga sameyn lahayd garoomada Puntland. Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulankey la qaateen “Madaxweynaha” Puntland, uu yahay “Mid muhiimad gaara u leh”, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan “Toos isugu xirka” Puntland iyo Imaaraadka. Dhinaca kale; Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday, inay dedejin doonto dhammaan hawlaha la xiriira dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas, ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka. Waayaabe! Dowladda Imaaraadka Carabta soow ma aha dowladan xiriirka xumi uu dal ahaan inagala dhexeeyo, oo illaa UN-ta iyo Jaamacada Carabta aan ku dacweeyney? Heshiis-kusheegaa eey la gashay maamulada Somaliland, iyo Puntland-na, soow baarlamaanka Soomaaliya sharci-darro kuma tilmaamin, walibana “Dalka” kama mamnuucin Shirkadda DP World? Yaab! Sideedaba maadada taariikhda (History) Aduunka muhiimad gaar ah ayey uleedahay, maxaa yeelay dhaqankii, iyo dhacdooyinkii hore, waxaa looga qiyaasqaataa, ama lagusii odorosaa waxa dhicikara mustaqbalka, sidaa daraadeed dhaqankan foosha xune maamulka Puntland, ma aha wax cusub, ee waa dhaqan soojireen ah, waxa kaliya ee isbadalayey waa hogaamiyeyaasha maamulka. Waxa kaliga ee maamulka Puntland, iyo Dowlada dhexe kuheshiin karaan, waa in dowlada dhexe uyeesho maamulka Puntland sida uu rabo, oo ah marna ineey dowlada dhexe katirsanaato, markeey doontana udhaqanto sidii dalka Soomaaliya ka madax bannaan, iyadoon kudhawaaqin, ama kabasiidarane, dowlada dhaxoo dhan la hoosgeeyo maamulka Puntland, sida mararka qaar dowladihii hore ugu dhicijirtay. Akhristoow mudo laga joogo kudhawaad 5-sano (Monday 21 July 2014) ayaan maamul-Beeleedyada ka qoray maqaal ciwaankiisu ahaa: Maamul-beeleedyadu waa siriqda Soomaali loosii milqay. Dabcan sida maqaalkaba aad ka dheehankarto, xilligaa maamul-Beeleedyadu intan weey ka badnaayeen, balse waxaan waxba iska badalin, danihii uu kalahaa cadowgii federal/fadaro-Aalka shirkii Mbagathi, ugu soodhiibay hogaamiye-kooxeedyadii xilligaa, taasoo aheyd, in lahelo Soomaaliya oo lakala qeybiyey, ama lakala googooyay (Balkanization of Somalia), taasoo aan dib unoqon dal mideeysanoo, doowlad xoogna leh, iyo waliba hal wadoo loogu hagaagikaro. Kasooqaadashadii Melez Zenawi-gii Itoobiya qandaraaska Federal/Fadaro-Aalka, oo xilligaa madaxweynenimo looga badashay, fulintiisii xiligaa, iyo udoodidiisa markastaba, waxaa hormood ka ahaa, hadana ka ah siyaasiyiin kasoo wada jeeda maamulka Puntland. Macquul ma aha maamul katirsan dal, inuu xiriir dibadeed layeesho dalkale, oo dalkii maamulkaa kadirsanaa eey isku kacsan yihiin. Bal kawaran, hadii maamul (State) Mareeykanka ah, xiriir toos ah lasameeyo wadamada Mareeykanku isku kacsan yihiin, sida: Iiraan, Kuuba iyo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo heer dal wali dhibka kadhexeeya aan wax xal ah lagagarin? Jawaabtu waa: Wax dhicikara maaha. Waxa maamulka Puntland sameeynayo, ma aha wax caadi ah. Waa foowdo. Waxeey fadeexo kutahay siyaasada arimaha dibada ee dalkeena Soomaaliya. Waxa madaxda maamulka Puntland sameeynayaana waa khaa’inul-wadannimo (Treason). Nasiibdarrase! Waxeey maamulka Puntland iyo madaxdiisaba taaganyihiin, hadaan sikastoo fool xun, oo fadeexo qaranka ummada Soomaaliyeed ku ah u dhaqanno, maxeey dowladan dhexee dalkoo dhan gacanta ugu jirin inaga qaadikartaa? Waxeey sidoo kale taagan yihiin: Soow Somaliland kama caqli, iyo farsamo badinin, mar hadii markaan doonana aan udhaqmeeyno, dowlad kamadax bannaan Soomaaliya, innagoon arintaa kudhawaaqin, dhanka kalana, markaan doono kudhexjirna Soomaaliya. Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, maxaa dowlada dhexe uladagaashey Xaaf iyo maamulka Gal-Mudug, markii Xaaf “isaga qaraab tagay” Imaaraatka, kadib markuu kaligii maamulkii Gal-Mudug boorsada isagasii qaatay, mar hadii maanta waxa maamulka Puntland sameeynayo, dowlada dhexe isaga aamusan tahay? Illeen wuxu waa lama maamuloo dowlada dhexe kawada tirsan, ficilka eey sameeyeenna waa isku mide, maxeey tahay farqiga ka muuqda ficilka doowlada dhexe, oo midna si dhab ah uga fal-celisay, illaa uu ka gilgilmay jiritaankii maamulka Gal-Mudug, kaasoo illaa maanta uu kasoo kaban la’yahay, halka dhaqanka maamulka Puntland, ee kaa Gal-Mudug la midka ahna, dowlada dhex wali uga falcelin sidii uu mudnaa, waliba iyadoo wasiirka arimaha dibadee dowlada dhexe, uu deegaan ahaan kasoojeedo maamulka Puntland? Gabagabo iyo gunaaanad Waxa Maamulka Puntland sameeynayo ma aha wax caalamka kadhaca, ma aha wax uu ogolyahay nidaamka Federaalka/Fadaro-Aalka. Ma aha wax midnimada, iyo isku duubnida dalka u adeegaya. Waa foowdo cad, oo aan cidi inkiri karin. Waa dhaqankii hogaamiye-Kooxeedyada Itoobiya midkii eey rabtaba uyeeran jirtay, una isticmaali jirtay danaheeda guracan, ee ka dhanka ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Waa qas iyo qalalaaso loogu dhiiranayo oo kaliya, maadaama dowlada dhexe aan dalkoo dhan gacanta ugu jirin. Dowlada dhexe waa ineey arintan foosha xun si aan kala har laheyn uga dhiidhisaa, sideey hore uga dhiidhiseyba markii maamullada qaar hore ugu dhaqaaqeen. Waa dhaqan hadii dowlada dhexe ogolaato, sidii dowladihii ka horeeyey u ogolaan jireenba, dhigidoona meeshii dowladihiii hore uu dhigay. Mahadsanidiin Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com, Minnesota-USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa maanta ka hadashay halkii ay ku dambeeyen dacwadihii musuq ee loo haystay Wasiiradii hore ee Gaashaandhiga Axmed Xawar iyo Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo. Xeer ilaalinta guud ayaa sidoo kale sheegtay in Hanti-dhawrka guud ee Somaliland ay dib ugu celisay dacwadihii musuq ee loo haystay Wasiiradii hore ee Xukuumada Muuse Biixi. Kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud Mowliid Cabdi Maax, oo arrimahaas ka hadlaya ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn Mas’uuliyiin u xidhnaa arimo musuq-maasuq oo maxkamaduhu kusii daayeen damaanad. “Waxaanu doonaynaa runtii inaanu maanta halkan kaga hadalno caqabad balaadhan oo naga haysata maxkamadaha, maxkamadan gobalka Maroodi-jeex waxa jiray eedaysanayaal loo haystay inay ku tagri-faleen hanti qaran, oo ay dhaceen baanka Berbera oo muddo dheer ay dacwadoodu socotay oo marka horena ay maxkamaduhu damaanad ka qaadeen ilaa maxkamada sare, kiiskii markuu dhaqaaqi waayeyna in guddoomiyha gobalka Maroodi-jeex uu dammaanadii kala noqday, dhinicii eedaysanayaashu waxay dureen gudoomiyaha waxaana loo wareejiyay garsoore Idirs Maxamed Maxamuud, anagu xafiis ahaan markii kiiskaas aanu si fiican u dhaqaajinay ee aanu cadaymihii markhaatiyadii, faylalkii aanu maxkamada hordhignay ayaa markii la arkay inay dacwadaasi soo gabo-gaboobayso oo cadaymaha aanu maxkamada keenayna la arkay inay yihiin kuwo xoog badan in nimankii damaanad laga qaado, taas oo aanu anagu dareen ahaan qabno inay yihiin niman lagala ordaayo falkaas ay galeen, maadaama oo ay hanti faro-badan oo si cad looga dhacay bangiga Berbera oo uu dhibane ka yahay bangiga dhaxe, kuwaas oo isugu jiray shaqaale bangiga ah iyo niman sariflayaal ah oo ay leeyihiin gacan saar”. ayuu yiri Mowliid Maax. Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha guud ayaa sidoo kale sheegay in xeerka musuq-maasuqu aanu u ogolaaneyn in la damiinto qofka ku eedaysan arrimo musuq, oo aan loo iibin karin xariga, xitaa kama faa’iideysan karo cafis Madaxweyne haddii uu xukun ku dhaco. “Waxay noqotay inay maxkamadii si badheedh ah damaanad looga qaado, waajibaadkayaga ayuun baanu ka gudanaynaa waana waajib in ay maxkamaduhu ilaaliyaan sharciga waana ruuxdii sharciga, waxa nasiib daro ah maxkamadii sharciga ilaalin lahaa inay ku tuntaan sharcigii. Bangigiina waa uu nala dul taagan yahay waxaanu na leeyahay maxay sidani u dhacday, markaas waa jaah-wareer na haysta. Caqabad weyn ayaa naga haysata, damaanadaas way jirtaa oo waxa ugu danbeeyay kii madbacada oo ay damaanad maxkamaduhu ku sii daayeen, dacwad soconaysaana haba yaraatee ma jirto waxa la la’yahay kii damiintay, maxbuuskii lama hayo jaah-wareer ayaa naga haysta” ayuu yiri Mowliid Cabdi Maax. Wuxuuna intaa kusii daray Kuxigeenka Xeer ilaaliyuhu “Nimankan lacagta ay ku eedeysan-yihiin ma xadi ayay leedahay boqol kun oo milyan oo Somaliland ah ayay ku eedaysan yihiin”. Ugu dambayntii Mowliid Maax ayaa ka hadlay halka ay ku dambeysay eedihii musuq ee loo haystay qaar kamid ah Wasiiradii uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday, wuxuuna yiri “Runtii faylkaasi waxa uu ubaahnaa cadaymo dheeraad ah waxaana lagu celiyay hanti-dhawrka guud, wixii ka dhimana maadaama oo uu baadhis dheer galaayo, waxa uu ku maqan yahay dhanka hanti-dhawrka guud”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Kooxaha reer Ingiriis ee Liverpool iyo Tottenham ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, waxayna ku biireen Barcelona iyo Ajax. Tottenham ayaa ku soo baxday sharciga goolasha, kadib markii ay Manchester City garoonkeeda Etihad uga badisay 4-3, halka lugtii hore ay Tottenham ku soo adkaatay 2-1, waxayna wadarta goolasha labada kulan noqdeen 5-5. Kulanka Manchester City iyo Tottenham ayaa ahaa mid xiiso badan, waxaana 21 daqiiqo ee ugu horeeyay la dhaliyay 5 gool, halka wakhtigii dheeriga ee lagu daray dhaceen labo farxadood iyo labo murugo, Manchester City ayaa u dabaal degtay gool Offside ahaa, balse daqiiqad ayaa la diiday, waxayna marka kale farxad u dabaal degtay Tottenham. Tottenham oo markii labaad timi taariikhda afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa ku aaday kooxda Ajax. Dhanka kale Liverpool ayaa si sahlan uga soo baxday afar dhamaadka tartankan, kadib markii ay FC Porto oo ay marti u ahayd uga adkaatay 3-1, waxayna wadarta labada kulan ku soo baxday 6-1. Liverpool oo sanadkii labaad oo xiriira siddeed dhamaadka tartankan ku reebtay FC Porto ayaa ku aaday Barcelona. PUNTLAND POST The post Liverpool iyo Tottenham oo u soo baxay afar dhamaadka koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  12. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko ayaa ka hadlay dibad baxyo bari laga cabsi qabo in uu ka dhaco Muqdisho. Dibad baxaasi ayaa waxaa soo ababulaya siyaasiin la sheegay in ay mucaaradka ku yihiin dowlada Soomaaliya. Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in dibad baxyo kasta oo rabshado wato lagu hor istaagi doono. Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in dibad baxyo ay ka dhacaan Muqdisho. Ugu dambeeyntii Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo amniga Muqdisho sugaya Puntland Post The post Taliska Booliska oo ka digay dibad baxyo ka dhaco Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Wararka ka imaanaya Xaafada Kaabo Godey qeybta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas caawa lagu laayay dad Qaraabe Soke ahaa Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal kooxo la socday gaari kuwa Raaxadda ah ayaa fuliyay dilka,waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen xili fadhiyeen afafka hore ee guriga. Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay 5,ruux,waxaa sidoo kale dhaawacyo culus ay soo gaareen 4-kale kuwaasi oo la dhigay isbitaalka Madiina. Magacayadda dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ah Maxamed Cabdi maxamed Maxamed saciid muuse Cabdi Xasan ibraahim Cismaan Xasan iidow Maxamed Cumar Axmed Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadka lagu dilay weerarka iyo kuwa dhaawaca ah intooda badan ay yihiin kuwo Qaraabo soke ah oo hal qoys ka soo wada jeeda. Si rasmi ah looma oga falkaasi waxa sababay laamaha amaanka ayaana goobta gaaray oo baaritaano wada. Puntland Post The post 5 qof oo qaraabo ah oo caawa lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa caawa rasaas ooda kaga qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa guri ku yaalla agagaarka Suuqa Kaawo Godey qeybta xigta Degmada Dharkiinley. Goobjoogayaal ayaa ku waramay inay arkeen koox hubeysan oo ka degatay gaari nuuca raaxada ah, intaasi kadibna ay rasaas ku fureen guri dad shacab ah ay deganaayeen. Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in tacshiiradan ay ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux oo isku qoys ahaa, ayada oo lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Waxaa kaloo naloo xaqiijiyay dadkan la beegsaday inay ehel yihiin Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluuneysiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arrintan salka ku heyso aanooyin qabiil, balse lama xaqiijin karo. Ragii ka dambeeyay falkaas Caawa ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ayaa waxaa la sheegay in ay ku baxsadeen gaari nooca raaxada ah oo wateen. Ciidamada ammaanka oo tagay goobta ayaa bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan raggii falkan ka dambeeyay oo baxsad ah. Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa aagga uu falkan ka dhacay, bacdamaa dadka deegaanka ay muujinayaan baqdin badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Amnesty International spokespeople are available for interview Responding to news that former Sudan president Omar Al-Bashir is being detained in Kober prison in Khartoum, Joan Nyanyuki, Amnesty International’s Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes, said: “Omar Al-Bashir stands accused of crimes against humanity, war crimes and genocide, and must be immediately handed over to the International Criminal Court (ICC) for due process to be followed. His case must not be hurriedly tried in Sudan’s notoriously dysfunctional legal system. Justice must be served. “An ICC trial is not only vital for the victims of the atrocious crimes that led to his indictment but must constitute a first step in ensuring justice and accountability in the country. Sudan must take urgent steps to rebuild its justice sector but, in the meantime, the only way victims of his alleged crimes will see progress towards justice are if Bashir faces a fair trial at the ICC”. Meanwhile the authorities in Sudan must ensure that Al-Bashir, along with all other people arrested and detained since the military coup, are protected from torture and other ill-treatment that have been typical of imprisonment in Sudan. “More than a decade after the first arrest warrant was issued against him in 2009, the time has come for Al-Bashir to face justice at the ICC,” said Joan Nyanyuki. The ICC has issued two arrest warrants for Al-Bashir on the basis that there are reasonable grounds to believe that, along with war crimes and crimes against humanity including murder, extermination and rape, he has committed genocide against the Fur, Massalit and Zaghawa ethnic groups. Amnesty International has cautioned countries against sabotaging justice for victims of the war crimes, crimes against humanity and genocide that Al-Bashir is accused of by offering him asylum. Qaran News
  16. DECOMENTRY: waa sidee xaalada FGM ee Puntland, barnaamijkaan waxaa iska kaashaday idaacada Horseed Media iyo hay'ada badbaadada caruurta ee SaveTheChildren , waxaana soo jeedinaya barnaamijkaan [...] Source
  17. Nairobi (Caasimadda Onlin) – Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Nairobi ka socdo qaban qaabada kulan ay halkaas ku yeelanayaan Madaxda Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland kaasoo looga hadli doono arrimo xasaasi ah. Madaxweynayaasha maamuladaas oo aan xiriir ffiican la laheyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday kulankaas ay la yeelanayaan Beesha Caalamka waxayna cabasho ka yihiin inaysan helin lacagaha Mashaariicda ee Dowladda Soomaaliya loo soo mariyo. Deni, Xaaf iyo Axmed Madoobe ayaa doonayo inay Beesha Caalamka si rasmi ah ugu sheegaan in hadda kadib aan wax lacag iyo mashaariic ah aan loo soo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya taas badalkeedana iyaga si toos ah loola macaamilo. Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shalay gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, Sidoo kale waxaa maalmo ka hor isna halkaas tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu dhawaan halkaas soo gaaro Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka Carabta. Sida ay Caasimadda Online ogaatay Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland in wadajir magaalada Nairobi kula kulmi doonaaan wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo kala hadlaya barnaamijka la macaamilka gaarka oo Beesha Caalamka dib u soo cusbooneysiisay in maamul goboleedyada si gaar ah uga taageerto barnaamijka Horumarinta iyo arrimaha bani’aadaminada. Waxaa weli taagan Khilaafkii xoogaana ee u dhaxeeyey Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo kasoo bilowday go’aanka ay Dowladda Dhexe ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay Dowladaha Khaliijka. Tan iyo markaas waxaa hakad la geliyay barnaamijyadii mashaariicda horumarineed ee Beesha Caalamka soo marsiin jireen dowladda Federaalka, waxaana muddo la hadal hayay in Beesha Caalamka ay qorsheyneyso sidii ay dib ugu soo celin laheyd barnaamijka macaamilka gaarka ah ee Maamulada iyo dowladda Federaalka ay si isku mid ah uga taageereyso mashaariicda horumarineed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku fashilmay kulan uu doonayey inuu Madaxda Maamul Goboleedyada isugu keeno Magaalada Muqdisho, waxayna madaxda Maamulada xujo ka dhigeyn in marka hore loo soo fasaxo Miisaaniyadda laga xajiray markii uu Khilaafka bilowday. Wixii kasoo baxo kulankaas waxaad kala socon doontaa Caasimadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Somaliland: Senior Foreign Minister Adviser In Russia Moscow,(Qaran news)-The former Somaliland Deputy foreign minister, Kaysar Mohamed Abdillahi arrived in Moscow today. The former deputy minister who still works as a consultant to the ministry was received with high level protocol in Russia by members of the Putin administration. It is not clear whether the visit by the former Somaliland deputy foreign minister is a private and personal one, or whether he is being sent as an unofficial envoy by the administration of President Muse Bihi Abdi. However, according to informed sources, the visit has some roots in the desire by the Russian government to acquire a Marine base in and around the port of Zeila in Somaliland. The former Soviet Union was responsible for building one of the longest runway in Africa at Berbera airport during the union between Somaliland and the defunct Somali Democratic Republic, and it is no secret the Russia has a strong desire to have a presence in the Red Sea and the Gulf of Mandeb. With the United States, France, China and Japan currently with bases in Djibouti, the United Arab Emirates in Assab, Eritrea and Turkey in Somalia, Russia would like to join the UAE in establishing a presence in Somaliland. Qaran News
  19. Taliska Booliska gobolka Banaadibanaadir ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Qaraxan ayaa la sheegay in ay ku [...] Source
  20. (SLT-Peru)-Madaxweynihii hore ee dalka Peru Alan García ayaa geeriyooday ka dib markii uu istoogtay xilli ay booliksa tageen gurigiisa, si ay ugu soo xidhaan eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyay. Mr García ayaa markii hore loola cararay cisbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima. Dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Peru ee hadda xilka haya, Martín Vizcarra. Dadweyne taageerayaashiisa ah ayaa isugu tagay afaafka hore ee cisbitaalka la geeyay waxaana is hor taagay booliska oo is abaabulay. Mr García ayaa lagu eedeeyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leyahay dalka Brazil, inkastoo uu horay u beeniyay sheegashadaas. Saraakiil ka tirsan booliska ayaa loogu diray inay soo xidhaan, si loogu sameeyo baadhitaanno la xidhiidha eedeymahaas. Wasiirka arrimaha gudaha Carlos Morán ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay booliska tageen gurigiisa, uu Mr García ka codsaday inuu telefoon dirsado, ka dibna uu galay qol, albaabkana uu soo xidhay. Daqiiqado ka dib, waxaa la maqlay dhawaaq rasaas, ayuu yidhi Mr Morán. Booliska ayaa xoog ku furay albaabka waxayna arkeen Mr García oo ku fadhiya kursi, madaxana ay uga taallo xabad. Alan García ayaa horay laba jeer madaxweyne uga soo noqday dalka Peru. Markii hore waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Warbixin Xiiso leh Oo Laga Diyaariyay Siyaasiyiin Mucaarid Adag Ku Ahaa Madaxweyne Siilanyo, Muuse Biixi Qaab Qabyaaladaysan Uga Aamusay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Wiirka arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Diyaaraha aan la aqoonsan ee walxaha ku daadiyey Deegaano ka tirsan Degmada Salaxlay, waxaanu sheegay in xukuumad ahaan ay arintan baadhitaan ku samaynayaan, balse aanay marnaba raali ka ahayn in lagu soo xad gudbo Badda, Hawadda iyo Dhulka Somaliland. Wiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Berbera iyo roobabka curtay, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay isagoo ka jawaabay diyaaradahan walxaha daadiyey iyo waxaa Xukuumad ahaan uga meel yaala “Dawladdu marnaba raali kama ah, cid cadaw ah, ama cid kasta oo dalkeeda iyo dadkeeba ku soo xad gudba, Dawladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ama hub iyo wax kale ku soo daadiya dalkeena, Dawlad iyo Shacabna raali kama nihin in xadkeena lagu soo xad gudbo, wixii aynu ka qaban karnaan waa laga qabanayaa, arimahan oo kalena dalka hore wey uga dhac-dhaceen, diyaaradahan cid wadaa iyo ujeedada laga leeyahayna lama fahansana, laakiin Dawlad ahaan arintan waanu hubinaynaa, oo waanu baadhaynaa siday wax u dhaceen, marka ay wax dhacaana waa la buun-buuniyaa, laakiin diyaaradahani haddii ay ka yimaadan Wadamada Jaarka, iyo haddii ay ka yimaadan baddahaba, marnaba raali kama nihin in Baddeena, Dhulkeena iyo Hawadeenaba lagu soo xad gudbo,”. Mar uu ka hadlaayey Socdaalka Madaxweynaha ayaa yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa Dadkii Madaxweynaha u raacay Magaalada Berbera, Mashaariico badana waanu furnay maanta (shalay), horumarkaas ka socda Berbera waa horumar inoo soo kordhay, oo faa’iido badan u leh dalkeena iyo dadkeenaba, oo Dekaddeena oo ah halkay wax inooga soo degaan horumar weyn baa la gaadhsiiyey, aad iyo aadna waanu ugu faraxsan nahay, qaabka ay hadda u shaqeeyso iyo dawladdu waxay mar kasta diyaar u tahay inay dalka horumar balaadhan oo dhan kasta ah gaadhsiiso iyo inay shaqo abuur sameeyso” Source
  23. Wasiir Qaran mise wasiir doonaya in uu hubiyo burburka systemkii waxbarashada Soomaliya ugu tayada badnaa, ugu fiicnaa looguna kalsoonida badnaa soomali oo dhan, kaas oo [...] Source