-
Content Count
208,260 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamo fara badan ayaa maanta la soo dhigay waddooyinka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka hortagaya dibadbaxyo la sheegay in la doonayo in lagu qal qal galiyo shacabka iyo Isku socodka dadka iyo Gaadiidka. Dhinaca kale Saraakiisha Ammaanka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay dibadbaxyo rabshado wato oo shaqsiyaad ay ka maleegayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Bashiir America ayaa sheegay in aysan sharci ahayn Dibadbax aan lala soo socodsiin laamaha Ammaanka oo lagu qabto Magaalada Muqdisho. Dowlado shisheeye iyo Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dibadbaxyada la sheegay in lagu qal qal galinayo Ammaanka Magaalada Muqdisho. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumada Soomaaliya oo ku saabsanaa imtixaanaadka dowladda Soomaaliya ay qaadeyso. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa sheegay in wasiir Goodax Warkaasi uu ku ahaa gaf uu u geystay shacabka Puntland, isagoo sheegay inay ka sugayaan jawaab raali gelin ah. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Wasiir Goodax uu qalqal geliyay Waalidiinta Puntland, balse wuxuu sheegay in Shacabka ay iyaga wakiilka ka yihiin inaysan marnaba ka walwali doonin hadalka kasoo yeeray wasiirka. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in dastuurka qabyada ah ee dalka uu dhigayo in Afar qodob oo dowladda dhexe awood u leedahay mooye in waxyaabaha kale wada xaajood laga wada gali karo. “Wasiir Goodax waa nin labo xil haayo, marna waa wasiir marna waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, waxaan ka sugeynaa in hadalka uu sheegay inuu markale meel fagaaro ah inta uu soo fariisto ka sheego inuu ahaa gaf iyo qalad uu ummad dhan u geystay. “Hadalkaasi waxaan u malaynayaa in Cabdullaahi Goodax uusan munaasab u aheyn, shacabkeena anagaa wakiil ka ah, markii horaba dhaqaalaheena wax walbaa ku sameysaneynay, hanjabaadaasi marnaba ma aqbaleyno, waxaan aqbali karnana maaha” “Wasaaradda waxbarashada kaliya waxay xaq u leedahay inay ogaato ardayga xageena ka baxo inuu iskuuladeena ka baxeen kaliya inay xaqiijiso, ee hanjabaad kuma lahan wasiirka”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo received credentials from the new envoy of Bahrain, Juma Ahmed Alkabi and Burundian counterpart, Remy Barampama in Mogadishu on Wednesday. New Bahraini envoy to Somalia, Juma Ahmed Alkabi presented greetings letter from the king to President Farmajo. Ambassador Alkabi said his country is looking forward to establishing trade with Mogadishu particularly in the livestock and fishing export business which several Gulf states are already involved. On the other hand, the President received the new Burundian ambassador to Somalia, Remy Barampama. The two discussed implementation process of the agreement during the meeting of Somalia and Burundi leaders in Bujumbura in February. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-180419.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay isku dhiibeen, kadib markii ciidamadaasi ay mushaar la’aan ku dhacday. Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ay isku dhiibeen tan iyo markii ay soo baxday cabashada la xiriirta mushaar la’aanta ciidamada dowladda. Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku biiray dhankooda ay ku sugnaayeen gobolka Gedo, waxaana la sheegay inay ahaayeen ciidamo Mushaar la’aan ka cabanayay. Ku dhawaad 16 askari ayay sheegeen inay isku dhiibeen ciidamada Al Shabaab, waxaana warbixinta lagu sheegay inay ka baxeen difaacii ay ku sugnaayeen oo ku yaala degmooyinka Garbahaarey,Baardheere iyo Ceelwaaq. Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in shan askari oo kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka ay iska dhiibeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana ciidamadaasi ay ka tirsanaa kuwa gobolka Hiiraan. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray gadood ay sameynayeen ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo ka cabanayay mushaar la’aan soo wajahday muddo afar bilood, waxaana ka dhashay arintaasi xasarad maalmo taagneyd. Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ee ku aadan inay isku dhibeen ku dhawaad 20 askari ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolada Hiiraan iyo Gedo oo ku aadan in ciidamada ku biireen Al SHabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland, ayaa maanta ku amartay dhammaan macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee degaannada Puntland, in ay isku soo diiwaan-geliyaan mudda 10 cisha. Wasaaradda ayaa macallimiinta Qur’aanka ku wargelisay , in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18 April 2019 ay bilaabatay diiwaan-gelinta dugsiyada Qur’aanka Kariimka,iyadoo wixii ka dambeeya 28 bishan April aan la aqoonsan doonin dugsigii aan is diiwaan-gelin. Wargelintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhowaan wasiirka Caddaalada uu sheegay, in gebi ahaanba la xiri doono dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha kale ee ay leeyihiin firqada loo yaqaan Al-takfiir, oo uu ku eedeeyay in ay fasahaad iyo caqiido maroorsan ku faafinayan degaannada Puntland. Balse, culimo ka tirsan kooxdaasi oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilay hadalka waasiirka, iyagoo beeniyay in ay caqiido maroorsan faafinayaan.\ PUNTLAND POST The post Wasaaradda Caddaaladda Puntland oo amar ku soo rogtay dugsiyada Qur’aanka appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa xalay si wadar ah hal meel loogu dilay qoyska reer Abshirow, arrintaas oo fajac gelisay magaalada Muqdisho, 5 ayaa goobta lagu dilay halka 4 kale la dhaawacay. 5-ta dilay oo ilmo adeer ahaa waxaa ay joogeen guriga Xuseen Abshirow, oo ku yaalo Wadajir, ee koonfurta Muqdisho, waxaana ku jira cunug yar. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Cusmaan Abshirow iyo walaashiisa, waa 4 qof, waxaana lagu dhabiibayaa Cusbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho. Mas’uul ka tirsan qoyska reer Abshirow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintan ay tahay aano qabiil, oo la xiriirta shabeelada hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Austin, Texas-based independent think tank Stratfor has ranked Artsakh among de facto independent countries in its latest study covering recognized states, states with partial recognition or no recognition at all. “One of the most basic questions for map-lovers is: ‘How many countries are there in the world?’ But anyone who just gives you a number isn’t telling the whole truth. It actually depends a lot on how you define a ‘country,’” Stratfor, which bills itself as the “world’s leading geopolitical platform” said in its report published on Monday. The study cites the United Nations’ figures, according to which there are a total of 195 sovereign states in the world, of which 193 are the organization’s member states, while the two other countries, Vatican City and Palestine, have the status of observer states. In addition to Artsakh, Strafor lists Transnistria and Somaliland in its list “de facto independent countries.” “The three places most often considered de facto independent countries despite having no recognition from U.N. members are Artsakh (Nagorno-Karabakh), Transnistria and Somaliland. And since 2014 there have been three more contenders for the list, questionable because they’re located in active war zones and have only limited government structures: The so-called “Islamic State” is almost out of the running now that it’s lost most of its territory in Syria and Iraq, but the Donetsk People’s Republic and the Lugansk People’s Republic, which claim independence from Ukraine, don’t seem to be going anywhere,” reads the report. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safar aan la sii shaacin ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta. Wali madaxtooyadu wax faah faahin ah kamay soo saarin safarkan deg deg ah ee madaxweyne Biixi ugu baxay Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha Sonaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii saddexaad u safraya dalka Imaaraadka Carabta. Laba Bilood ka hor ayey aheyd markii madaxweyne Muuse Biixi uu safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Lix safar oo uu dalka dibeddiisa ugu baxay tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaa uu saddex ka mid ah safarradaasi ku tagey dalka Imaaraadka carabta. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dhammaadkii bishii Maarij ee la soo dhaafay waxa dalka Masar bookhasho rasmi ah ku tagay wefti uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenkii arrimaha didbadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo madaxweynuhu markii dambe xilkaasi ka bedelay. Weftiga Somaliland oo bookhasho rasmi ah ka helay dawladda Masar waxay kulamo la qaateen masuuliyiin sarsare oo ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhigga iyo saraakiil sarsare oo militari waxaana bookhasho lagu geeyay marin biyoodka muhiimka ah ee gacanka Suways. Xukuumadda Masaaridu arrintan waxba kama odhan laakiin, warbaahinta Arab21 oo arrintan warbixin ka qortay ayaa tilmaantay in ay u muuqato in Masar Somaliland meeqaamkeeda kor u qaadayso si ay cadaadis ugu saarto Itoobiya oo ay ku muransan yihiin dhaamka biyaha Webiga Niilka. Amb Baahir Al-Duwayni oo ah xeel dheere xidhiidhka caalamiga ah ayaa warbaahinta Arab21 u sheegay in aanay bookhashada Somaliland ee Masar kaliya ku koobnayn marti qaad ka yimid wasaaradda arrimaha dibadda laakiin, ay tahay arrin ay soo dhiraan dhiriyeen waaxda Sirdoonka ama laamaha ammaanka. Waxa uu sheegay in arrintan loo arki karo cadaadis Qaahira ku doonayso in ay dawladda Itoobiya kula gaadho heshiis labada dhinac ee Addis Ababa iyo Qaahir ba qanciya. Waxa uu sheegay in kor u qaadista meeqaamka Somaliland ee Masar fursad weyn u yahay masuuliyiinta Somaliland maaddaama Masar xilligan hayso xilka hoggaamiyaha Midawga Afrika taasna ay guuldarro u noqonayso dawladda Itoobiya. Amb Baahir Al-Duwayni oo tilmaamaya in aanay arrintani siyaasad ka madhayn wuxuu sheegay in socdaalka weftiga Somaliland yimid laba todobaad kadib markii wefti sare oo Imaaraad ahi joogeen dalka Masar. Cilmi baadhe kale oo ka tirsan Machad Darsa siyaasadda Afrika oo fadhigiisu yahay Masar ayaa Arab21 u sheegay in dawladda Itoobiya la odhan karo way aqoonsan tahay Somaliland marka la eego sida ay ula macaamilayso oo ay ka mid yihiin mashaariicda wada jirka ah ee dekedda Berbera ka mid tahay sidaas awgeedna ay noqonayso Masar in ay meeqaamka Somaliland kor u qaaddo si ay ugula gorgortami karto Itoobiya. Waxa kale oo uu sheegay in ay Masar doonayso in ay dib u soo celiso saamaynteedii gobolka oo ay lumisay, islamarkaana arrimaha xilligan taaggan ee ay ka mid yihiin isbedellada ka dhacay Itoobiya oo qalalaase gudaha ah horseeday, isbedelka Sudan iyo gaabiska Dhaamka Itoobiya ku yimid ay u sahlayaan in ay culays saarto Itoobiya si ay heshiis labada dhanba maslaxad u ah uga gaadhaan xafiiltankooda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Tobankii bishan April madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminayo wasiirro dhawr ah oo xukuumadda ka tirsan ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu tilmaamay maalgashigii ugu weyna ee Somaliland laga hirgelinayo oo ah warshad sifaynaysa Saliidda Qaydhiin. Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada Berbera ama gobolka Saaxil oo munaasibadda ka hadlayay waxay si weyn ugu faaneen in warshaddani tahay mashruuca ugu weyn iyaga oo qaarkood gaadhsiiyay in ay Afrikaba meelo kooban arrintan oo kale ka hirgashay. Hase ahaatee su’aalo waaweyn ayaa ka taaggan jiritaanka shrkaddan; su’aalaha taaggan ayaa kala ah in shirkadda laga leeyahay Singapore iyo in laga leeyahay Shiinaha maaddaama la sheegay in laba shirkadood oo la kala yidhaahdo Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD (SNSSEC) iyo China Power. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay yihiin shirkado jira. Waxa kale oo aan la ogayn shidaalka Qaydhiin ee ay sifaynayaan midka uu yahay. Warbaahinta Somalilandchronicle oo baadhitaan xeeldheer ku samaysay jiritaanka shirkadahan ayaa warbixin dheer oo Af Ingiriisi ah oo ay arrintan ka qortay ku sheegtay in aanay jirin xog laga hayo jiritaanka shirkadahan marka laga reebo shirkad ku magac dhaw Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD oo magaceedu yahay Singapore New Silk Energy PTE. LTD taas oo la aasaasay sanadkii 2018 laakiin, aan la aqoon meelo ay ka soo shaqaysay. Masuul shirkadda u hadlay oo ka hadlayay munaasibadda dhagax dhigga ayaa sheegay in shirkaddani shaqadan bilawday sanadkii 2017. Waxa kale oo uu sheegay in mashruucani bilaw u yahay isku xidhnaanta Somaliland iyo Singapore laakiin, waxa jira arrimo kale oo mashruuca la xidhiidhinaya Shiinaha oo ay ka mid yihiin in mashruuca ay qayb ka tahay in 300 oo dhallinyaro ah lagu soo tababari doono Shiinaha kuwaas oo madaxweyne xigeenku sheegay in ay noqon doonaan kuwa ku jira mashruuca Shaqo Qaran. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka hadlay su’aalaha la iska waydiinayo mashruucan ayaa u muuqda in aanay wax aqoon ah u lahayn shirkadda iyo shidaalka la sifaynaya halka uu ka imanayo. Agaasimaha guud ee Bandhiga Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo u holladay in uu madmadowga ka saaro mashruucan ayaa ku tilmaamay kii ugu weyna Somaliland oo ay daba socdaan warshado farsameeya hadhaaga shidaalka la sifeeyo iyo caagadaha sharaabka sidoo kalena ay barbar socoto shirkad weyn oo laydh oo wada hadal kula jirta shirkadaha laydhka Somaliland si laydh jaban ay u helaan warshaduhu. Mr Carwo wuxuu intaasi raaciyay shidaalka uu noqon doono kan lagu sifaynayo warshadda Berbera laga dhisayo waxaanu ka hadlay in shidaalka Itoobiya laga helay qayb ka yahay “ Waa hubaal, inagu dekeddii baynu leenahay Itoobiya deked ma leh marka haddii sifaynteenu shaqayso wayxaabaha ay lacagta intaa leeg galinayaan maaha oo kaliya in ay ku fillaato Somaliland ee waa in Somaliland wax sii dhoofiso. Had iyo jeer iskuma xidhna dawladduhu iyaga oo aan baadrool haysan ayaa halkii ay baadrool saafiya ka soo qaadan lahaayeen ayay baadrool qaydhiin soo qaataan markaas ayaa warshaddaadii dib ugu sifaynaysa si aad adigu dadkaaga shaqo ugu hesho. Inagu shidaalka oo saafi ah ayaynu keenaynay ee waxaynu keenayna shidaalka oo qaydhin oo aynu inagu dib u sifayno oo aynu dib u iibino oo waddamada jaarkeena oo dhan loo dhoofiyo shidaalkii lagu sifeeyay halkan,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Axmed Xasan Carwo. Hase ahaatee wasiirka maalgashida Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo BBC-da uga warramay arrintan ayaa sheegay in shidaalka warshaddu sifayn doonta yahay kan la rajaynayo in Somaliland laga helo “Saddex shirkadood ayaa shidaal baadhis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan,” ayuu yidhi wasiir Cawad. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland oo meel muhiim ah ku taalla rajo laga qabo in shidaallo meelo kale laga keenay lagu sifeeyo “Maaddaama oon meel dhexe ku naallo waa meel la keeni karo shidaallada Bari iyo Galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku. Wasiirku waxa aanu meesha ka saarin rajada laga qabo in Itoobiya noqoto meelaha suuqa u noqonaya warshadda laakiin, sida laga warqabo shidaalka laga helay gobolka Soomaalida Itoobiya waxa laga xidhaya dhuumaha qaada dekedda Jabuuti si halkaasi looga dhoofiyo. Somaliland ayaa marar hore soo hadal qaadday in ay uga dhawdahay dekedaha kale oo dhan laakiin, ma muuqdo qorshe arrintaasi wax lagaga bedelayo. Xukuumadda Somaliland ayaa hore heshiisyo mashaariic waaweyn ah u gashay kuwaas oo aan la garanayn meesha ay ku dambeeyeen. Waxa heshiisyada ka mid ah Bangi Shiine ah oo lala galay in uu hal Bilyan oo dollar ku maalgashanayo Somaliland laakiin, loo malaynayo in uu ahaa bangi aan jirin. Waxa kale oo jirta shirkad Ustareeliyan ah oo xukuumadda Somaliland kula heshiisay in ay samaynayso mashruuc weyn oo uumi baxa biyaha badda lagaga dhallinayo milix kaas oo ay xukuumaddu kula heshiisay in ay dhul ilaa 200km oo isku wareega ah ka hirgeliyaan muddo 25 sanno ah laakiin, ay u muuqato in aanay shirkaddaasi ahayn wax jira baadhis lagu sameeyay awgeed. Tuhunnada ka dhashay heshiisyadan awgeed waxa wasiirka maalgashiga Somaliland la waydiiyay waxa uu mashaariicda hore ee aan hirgelin kaga duwan yahay kan cusub “Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis, waana la dhagax dhigay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cawad. Masuuliyiinta Somaliland ee arrintan ka hadlay ayaa u muuqda kuwa aan xog badan ka hayn qorshaha mashruucan iyo cidda ay tahay shirkadda loo dhagax dhigay. Waxa ay sidoo kale su’aali ka taaggan tahay suuro galnimada shirkad aan la ogayn mashaariic hore oo ay soo fulisay sida ay u haysan karto lacagta badan ee ku baxaysa mashruucan. Shirkadda hore ugula heshiisay Somaliland soo saarista Milixda ayaa la ogaaday in aanay haysan lacag ay mashruuca ku maalgaliso haddana ay raadinayso dad saami ku yeesha oo mashruuca maalgaliya taas oo u muuqatay in ay kaliya hayaan fikradda raadinayaana cid maalgalisa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Doorashada Guud ee Barlamaanka ayaa Axaddii todobaadkan ka qabsoontay Dalka Finland, waxaana doorashadaas ku soo baxay Xisbiga talada dalkaas haya ee SDP oo Kursi hal-dheeri ah kaga guuleystay Xisbiga cunsuriga ah ee dhinaca bidix oo lagu yaqaanno in afkaartiisu ka soo horjeeddo Dadka soo-galootiga ah, balse natiijo fiican ka gaadhay doorashada. Guddoomiyaha Xisbiga SDP, Antti Rinne, ayaa noqonaya Raysal wasaaraha cusub ee dalkaas, isagoo lagu yaqaanno siyaasad furfuran oo xisbigiisu sumcad iyo taageero badan kaga helay shacabka dalkaas. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Finland Marwo Saamiya X Muuse oo Xubin ka ah Xisbiga SDP oo u wakiishay inay ka mid noqoto muraaqibiintii Xisbiga uga qayb-galay doorashada maalintii Axaddii ku qabsoontay dalkaas, waxa ay ka hadashay muhiimadda siyaasadeed ee Somaliland ugu jirta guusha Xisbsigeedu ka gaadhay doorashada. Danjire Saamiya Muuse waxa kale oo ay Xubin ka mid ahayd 500 ergay oo shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP oo cod aqlabiyad ah ugu doortay inuu siyaasaddiisa hoggaamiyo raysalwasaaraha cusub ee dalkaas Antti Rinne oo ay xidhiidh aad u dhow leeyihiin safiirka Somaliland ee dalkaas. Saamiye Muuse oo ka mid ahayd Muraaqibiinta Xisbiga SDP ee Doorashada Finland ayaa waxay tidhi, “Waxaanu ku guulaysannay doorashada Baarlamaanka Finland oo xisbigaygu ku soo baxay, waxaana noqday raysalwasaaraha cusub ee Finland guddoomiyaha xisbigayaga SDP mudane Antti Rinne. Runtiina Guul weyn bay u tahay Somaliland,” Sidaas waxa tidhi danjire Saamiya Muuse oo u warrantay warbaahinta Somalilandpost.net. “Waxa sharaf weyn ii ahayd inaan ka mid ahaa 500 qof ee ahaa ergooyinka shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP uu ku doortay Guddoomiyaha xisbiga mudane Antti Rinne,” ayay tidhi. Marwo Saamiya Muuse waxa ay faahfaahin ka bixiyey kulamo ay xaflad xisbigeedu ugu dabbaal-degayey guusha doorashada fursad ugu heshay inay la yeelato madaxda ugu sarreysa Xisbiga SDP, kuwaas oo ay xustay muhiimadda ay u leedahay danaha Qaran ee ay ugu xil-saaran tahay dibloomasiyadda siyaasadda dibadda Somaliland. Kulanka Saamiyada Muuse iyo Madaxda Xisbiga SDP “Waxa sharaf weyn ii ahayd xalay inaan kulan fiican wada-qaadannay mudane Tero Shemeikka oo ah xoghayaha Arrimaha Caalamiga ah ee Xisbiga SDP iyo Xogahaya Guud ee ururka Socialist International Organization oo ka soo qayb-galay Doorashada Baarlamaanka Finland oo dhacday 14-kii April,” Sidaas ayay tidhi Danjire Saamiya Muuse. Waxa kale oo ay sheegtay in iyada oo hoggaaminaysa Qurbejoogta Somaliland ee dalkaas ay kulan la qaateen mid ka mid ah Xildhibaannada guulaystay ee Xisbiga SDP, waxaanay tidhi, “Waxa xalay (habeen hore) sharaf weyn noo ahayd qurbejoogta Finland in Hussein Al-Taee oo ku guulaystay xildhibaanimada baarlamaanka Finland oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq, oo waliba ka tirsan xisbiga SDP ahna la taliyaha Ururka Xalinta Khilaafaadka ee CMI oo ah ururka madaxweynihii hore ee Finland, Martti Ahtissaa.” “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland runtii waxay noo tahay guul aad u weyn oo ku timi dedaal badan iyo Juhdi badan oo aanu samaynay,” Sidaas ayay tidhi Marwo Saamiya Xaaji Muuse oo xustay inay kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto sidii ay xisbiga ay ka tirsan tahay ee doorashada ku guulaystay ugu dhaadhicin lahayd qadiyadda Somaliland ee dhinacyada ictiraaf raadinta, siyaasadda iyo taageero dhaqaale oo dalkaasi ka geysto horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland. Source
-
(SLT-Washington)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horraantii bishii saddexaad ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale. Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aanay waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda. “Kiisaska la xidhiidha muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xidhiidha sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”. Ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniintan aanay quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aan ku lugta lahayn go’aannada siyaasadeed. “Haddii muwaaddiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arrimaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaaddiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaaddinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Saameynta ka dhalan karto arrinta ayaa la sheegay inay taaban karto madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha haddii uu damco inuu tago Mareykanka, maadaama uu heysto dhalasha Mareykan ah. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayey sii raacisay dowladda Mareykanka. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto baasaboorka Mareykanka. “Saameynta ka dhalan karta way cadahay, tusaale ahaana madaxweynaha Soomaaliya waa nin Mareykanka oo dhalashda dalkaas heysta, isaga ma ahan qof la taliye ama shaqo kale haya, wuxuu noqonaya qof isu soo sharraxay xil siyaasadeed, ku guuleystay, kuna dhaartay in madaxweyne dal kale yahay, madaxweynaha xasaanad diblomaasiyadeed ma yeelan karo, haddii uu tago Mareykanka dacwad ayaa lagu soo oogi karaa, muwaaddiniinta Mareykankana maxkamad ayay soo taagi karaan madaxweynaha Soomaaliya oo haddii lagu helana la xidhi karo”. Sidaas waxaa BBC-da u sheegay Ciid Badal oo ah diblomaasi hore. Source
-
(SLT-Burco)-Ciidanka amniga magaaladda Burco ayaa xalay xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudaba la raadinayey. Sida wararku sheegayaan waaranka qabashada wariye Coldoona ayaa diyaar ahaa,isla markaana waxa lagu qabtay magaaladda, inkastoo isku dayey inuu ciidanka ka baxsado ugu dambayn waa la qabtay. Coldoon ayaa marar badan sheegay in lala maagan yahay in la xidho, waxaanu waayadii u dambeeyey ku sugnaa deegaana Soomaalida Itoobiya oo uu cabsi awgeed halkaasi u joogay. Sida wararka aanu ka helayno ciidanka amniga ayaa sheegaya inuu baryahan dambe hadal iyo qoraal ka dhan ah xukuumada ku weerari jirey, isla markaana bartiisa baraha bulshada uu ku leeyahay ku qori jirey taliska Muuse Biixi, taas oo xukuumaduna ay dhibsatay sababna u ah xadhigiisa sida ilo wareedka ka helayo xukuumaddu sheegayaan. Source
-
(SLT-Washington)-Ivanka Trump ayaa xaqiijisay in ay diiday qabashada xilka madaxa bangiga aduunka ka dib markii uu aabaheed u soo bandhigay. Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii Donald Trump uu u sheegay wargayska The Atlantic in uu gabadhiisa waydiiyay inay doonayso xilka ugu sareeya ee Bangiga aduunka “sababtoo ah waxa ay ku wanaagsan tahay xisaabta “.ayuu yidhi. Markii la waydiiyay ayaa waxa uu sheegay madaxwayne Trump in ay u sheegtay”in ay ku faraxsan tahay shaqada ay imika hayso ee la taliyaha aqalka cad. Ivanka Trump ayaa ku lug lahayd soo xulista madaxa bangiga aduunka oo loo soo xulay dhaqaalayahanka u dhashay Mareykanka David Malpass. Mrs Ivanka oo la hadashay wakaalada wararka ee AP xilli ay safar ku joogtay Ivory Coast, ayaa waxay sheegtay in aabaheed uu u soo bandhigay shaqadaasi “uuna su’aal ahaan u waydiiyay “, balse ay diiday codsigaasi. Waxa ay intaa ku dartay in Mr Malpass uu qaban karo “shaqo wanaagsan”. Mar wax laga waydiiyay in madaxwaynaha uu u soo bandhigay shaqooyiin kale oo muhim ah waxa ay ku jawaabtay “taasi waa mid sir ah oo inaga dhaxeysa aniga iyo isaga. Wareysigii ugu dambeeyay ee uu bixiyay Mr Trump ayuu ku sheegay in dhowr xil oo muhim ah oo uu ka mid yahay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay uu la damcay gabadhiisa sababtoo ah buu yiri “waxaan rumaysanahay in ay leedahay dublamaasiyad dabiici ah”. Balse waxa uu sheegay in looga digay in uu soo magacaabo sababtoo ah”waxay igu dhaheen waa eex, iyada oo aysan jirin wax eex ah”.. Ivanka Trump ayaa imika booqasho ku maraysa qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika halkaasi oo ay u ololeynayso hormarinta dumarka. Source
-
Tan iyo shalay waxaa Muqdisho ka socdey Abaabulo iska soo horjeeda oo lagu Abaabulayay Mudaharaad iyo Ciidamadii ka hortagi lahaa Mudaharaadka. Goor dhaweyd waxaa bilowdey [...] Source
-
(SLT-Birmingham)-Maxkamadda magaalada Brimingham ee dalkaasi waxaa la soo taagay Eedeysane lagu magacaabo Abul Khaya, kaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Bile Siyaad. Eedeysanaha oo 41 jir ah ayaa la sheegay inuu Tooreey la dhacay Marxumka bishii November 3-dii ee sannadkii hore, kadib markii uu dhex maray muran Lacageed oo dhamaa 50 Giniga Ingiriiska ee Pound Marxumka ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay Madaxa, isla markaana uu markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii la gaarsiiyey. Garsooraha Maxkamadda Birimingham Crown Court, Robert Price ayaa ku dhawaaqay in Eedeysanaha dilka geystay lagu xukumay Xabsi Daa’in, waxaana laga yaabaa in la sii daayo, kadib marka uu dhamaysto xabsi gaaraya 22 sanno iyo 6 bilood Source
-
(SLT-Berlin)-Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaadhi Bas ah oo siday uu shil galay. Baska oo siday dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa ku rogmaday Madeira. 27 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Caniço. Darawalkii waday gaadhiga Baska ayaa la sheegay in uu koontaroolku ka lumay ka dib na uu waddada ka baxay. “Ma hayo erayo aan ku cabiro waxa dhacay,ma qiyaasi karo dhibaatada dadkan soo gaartay,” waxaa sidaasi sheegay duqa deegaankaasi Filipe Sousa. Dhamaan dalxiisayaashii saarnaa gaadhiga Baska ah ayaa u dhashay dalka Jarmalka, balse waxaa ka mid noqon kara dad maxali ah. 11 ka mid dadkii ku dhintay shilkaasi ayaa ahaa rag halka 17 ay dumar ahaayeen. Baska ayaa la sheegay in uu siday 55 qof, darawalkii iyo dadkii hagayay dalxiisayaasha. Goobta uu shilka ka dhacay ayaa la xiray islamarkana dhaawacyada ayaa isbataalada loo qaaday. Source
-
(SLT-Khartoum)-Golaha Millatariga ee haya Talada dalkaasi waxay xidheen 2 nin oo la dhashay Madaxweynihii tallada laga qaaday ee Cumar Xasan Albashiir. Afhayeenka Golahaasi, Shamsudiin Kabashi ayaa sheegay in la xidhay Cabdillaahi Xasan Albashiir iyo Cabaas Xasan Albashiir, iyadoo ay socdaan hawlgalo lagu soo qabanayo Hoggaamiyayaasha iyo dadka aadka ugu dhawaa Dowladii Albashiir. Tallaabadan ayaa timid, iyadoo ilo-wareedyo sheegeen in Cumar Xasan Albashiir loo gudbiyey Xabsiga Kobar ee ku yaalla Waqooyiga magaalladda Khartuum. Dhinaca kale, Ururka Mucaaradka ee Xirfadleyda Suudaan ee SPA ee abaabulay Dibadbaxyada ka dhaca dalkaasi waxay ku baaqeen in la dhigo Dibadbaxyo si Golaha Milliteriga loogu cadaadiyo inay Talada dalka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah. Dowladaha Reer Galbeedka waxay taageereen Codsiga Dibadbaxyadda ee Dowlad Rayid ah, haalka Ururka Midowga Afrika ay muddo 15 maalmood u qabteen Golaha haya talada Suudaan inay xilka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi oo kamid ah siyaasiyiinta taageera dowladda Soomaaliya ayaa si cajiib ah kaga hadlay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. Cali Maxamed Geedi,ayaa sheegay in Al Shabaab ay kaliya ka dambeeyaan qaraxyada ismiidaaminta ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, balse waxii kasoo haraa inay yihiin kuwo dad kale ay abaabulaan. Wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ay wajiyo badan yihiin, isagoo taasi kala jeeday in Al Shabaab kaliya aysan ka dambeyn dilalka iyo qaraxyada ka dhacayay Muqdisho. Waxaa uu Cali Geeddi sheegay in weerarradaas aysan kaliya ka dambeyn Al-shabaab sidoo kalena ay ku lug leeyihiin dad dano gaar ah leh oo ka horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Al-shabaab lagu yaqaanno weerarrada ismiidaaminta ah maaddaama ay iyagu dhimasha uun u soo baxaan, laakiin gaadiidka la dhigo goobaha ganacsiga ayuu sheegay in dano kale laga leeyahay. Waxaa kale oo uu sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ee ka dhasha qaraxyada lagu xiro Gawaarida gaarka loo leeyahay ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed oo aysan Al-shabaab shaqo ku lahayn. Hadalka Cali Geedi ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay labo qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shir wadatashi oo ay Muqdisho isugu yimaadeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa laga soo saarey qodobo muhiim ah Waxaa Ka Mid aH: Waxa ay Masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga ah waxa ayaa isla meel-dhigay talaabooyinka hoos ku xusan: 1.Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) kulankan wadatashiga ah waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah. 2.Waxa ay bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ku sameysay muddadan kooban iyo howlaha qabsoomey. 3.Waxa ay isla garteen in dib loo soo celiyo dhulalkii iyo xarumahii hore ee Boostada Qaranka ay ku lahayd caasimadda iyo dowlad-goboleedyada dalka. 4.Waxa ay isla qaateen in la hirgeliyo isticmaalka Astaamaha Internetka ee heerka labaad ee u gaarka ah Hay’adaha dowladeed ee Dowlad-goboleedyada ee lagu soo bandhigey shirka, laga sii shaqeeyo qaabkii loo wadaagi lahaa iyo howlaha ku xeeran. 5.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo furitaanka xafiis u gaar ah howlgelinta astaanta heerka labaad ee internetka, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta. 6.Wasaaradaha heer dawlad-goboleed waxaa awood loo siin doonaa inay baro internet uga sameeyaan astaanta heerka labaad ee u gaarka ah dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha heer dawlad-goboleed. 7.In tabashada Maamul Goboleedyada Qod. 10-aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khuseysa xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro si waafaqsan shuruucda dalka. 8.In wasaaradaha Dowlad-goboleedyada ay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan Siyaasada Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada (National ICT Policy and Strategy) si ay u noqoto siyaasad ka tarjunta baahida dalka oo dhan, talooyinkooda oo qorana ay soo diraan muddo 45 cisho ah gudahood oo ku eg 19ka Maajo 2019. 9.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo kordhinta awoodda internetka si ugu sahlanaato gudashada waajibaadkooda. 10.In Bankiga Adduunka laga codsado in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Qaranka oo kaalmo siiya wasaaradda federaalka iyo dawlad-goboleedyada haddii ay suurtogal tahay; haddii kalena la codsado soo dadajinta hirgelinta wajiga 3-aad ee Mashruuca. 11.In laga wada shaqeeyo qorshaha dib-u-soo nooleynta iyo baahinta Boostada Qaranka. 12.In dawlad-goboleed kasta ay bixiso illaa 100 sanduuq boosto oo la siinayo wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee heer dawlad-goboleed si baahinta adeegga boostada looga hirgeliyo dawlad-goboleedyada. 13.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyadu ka qeyb qaataan diyaarinta astaamaha boostada ee degmooyinka (post codes) si magaalooyinka dalka oo dhan loogu sameeyo astaan boosto. Waxaa la isku raacay in laga wada-qeyb qaato howlaha tirkoobyada iyo cilmibaarista la xiriira arrimaha Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ka hirgelinayso dalka. In Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada ay la wadaagaan warbixino ku saabsan howlaha iyo baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee dowlad goboleedyada si loo diyaarin karo warbixin heer qaran ah. in la daraaseeyo baahiyaha tababar ee dhinaca tiknolojiyadda ee shaqaalaha wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee heer dowlad-goboleed. Shirka kan xigaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ugu dambeyntii waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah In la sameeyo xarun lagu soo arruuriyo waxqabadka wasaaraddaha Dowlad goboleedyada laguna soo daabaco Wargeyska Casri ee Wasaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Pyongyang)-Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda loo soo gaabiyo KCNA ayaa faahfaahin kooban bixisay, balse waxay sheegtay in hubkan cusub ay ku xiran yihiin “madaxyo gantaallo oo awood badan”. Arrintan ayaa noqonaysa markii koobaad ee si rasmi ah loo shaaciyo gantaal la tijaabiyay tan iyo markii uu is afgarad la’aan ku dhammaaday wadahadalkii ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo hoggaamiyaha Maraykanka Donald Trump. Kuuriyada Waqooyi ayaa sidan oo kale samaysay sannadkii hore, dadka arrimahan indhaindheeyana waxay u arkaan in ay tahay isku day ay Kuuriyada Waqooyi ku doonayso in ay caddaadis ku saarto Maraykanka. Toddobaadkii hore Kim wuxuu sheegay in Trump looga baahan yahay in uu “wanaajiyo qaabka uu arrinta u wajahayo” si ay wadahadalladu u sii socdaan, ka dib markii uu isfaham la’aan ku soo dhamaaday shirkii ay bishii Feebaraayo yeesheen. Maxay Kuuriyada Waqooyi sheegtay? Sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee KCNA tijaabadan u dambaysay waxaa kormeeray oo indhihiisa kula socday hoggaamiye Kim laftirkiisa. Hubkan ayaa ahaa “nooc gaar ah oo la hagi karo” sida ay ku warrantay KCNA, waxayna intaas ku sii dartay in tijaabadan “lagu sameeyay noocyo kala duwan oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo kala duwan”. Kim wuxuu sheegay in horumarkani uu yahay “mid miisaan u soo kordhinaya awoodda difaaca ciidanka umadda”. Faahfaahin kale lagama bixin, oo xataa lama sheegin in uu gantaal ahaa. Balse erayga xeeladaysi oo loo isticmaalay hubkan la tijaabiyay ayaa tilmaamaysa in uu yahay hub riddo gaaban, isla markaasna uusan u muuqan in uu yahay gantaallada riddada dheer ee afka qalaad lagu yiraahdo ballistic, kuwaas oo Maraykanku u arko in ay halis ku yihiin. Sawirro dhanka saterlaytka ah oo laga qaaday goobka ugu wayn ee hubka nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa muujiyay in dhaqdhaqaaq ka jiray, kuwaas oo tilmaamay in dalku uu shucaac u badalayo shidaalka bambada loo adeegsado. Sannadkii horana hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in uu dalkiisu joojinayo tijaabinta gantaallada qaaradaha isaga kala goosha, maadaama oo la “hubiyay” awooda nukliyeerka ee Pyongyang. Dalkaas ayaa sheegtay in uu sameeyay bam nukliyeer oo yar kaas oo galaya gantaallada riddada dheer iyo gantaallada kale ee ballistic loo yaqaanno ee u muuqda in uu gaari karo gudaha dalka Maraykanka. Ankit Panda oo ka faalooda arrimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ku dhawaaqiddan cusub ay dabo socoto dhoolatuska ay ciidammada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed wada samaynayaan, wuxuuna ku tilmaamay aarsi. Source
-
Puntland is a state twenty years old with people as old as the Pharaohs of Ancient Egypt, but have no strategic plan towards Somalia or how to deal with the rest of Somalia. An Amazing story to tell, you would say. Puntland successive governments had never thought of its urgent need and constitutional mandate to work out a permanent state strategic plan good for the thinking and operations of every Puntlander in Somalia and worldwide to follow and keep in mind for generations to come: be it a member of the Federal Institutions or Puntland officials attached to a foreign or international entities or an individual living or working in a global village. It is really a common sense to do so if she cares about the well-being and progress of the state, her people and position in Somalia and beyond. Do the federal officials and MPs representing Puntland in Mogadishu have a strategic plan to follow on Somalia and Puntland issues? How does Puntland government expect them to operate, under which guidelines other than the constitutions and their individual gut feelings do they carry out their mission, tasks and responsibilities? “Sending Puntland Representatives to Mogadishu without a plan of action, thinking or guidelines is like sending Puntland Football Team to Mogadishu without a coach”, to use my friend Abdi’s football analogy. “It is like sending a team of untrained Puntland camel boys to play ball in Mogadishu”. Moreover, Puntland State is also a mother having kids there, who has properties and interests in other regional states of Somalia. How would our representatives in Mogadishu, Kismayo, Baydhaba and Dusa-Mareb takle with issues of common and Puntland interest? What are the Puntland channels of communication with those supposed to be looking after her interests in those regions? Is Puntland operating blindly in the dark, or she has no idea of what I am talking about? On the internal affairs, you would say, there is nothing wrong with Puntland State except it is caught up and locked in bad governance that prevents her from moving foward in building strong state institutions, not to mention about her playing a leading role in Somalia’s reconstruction efforts. That is good as long as you think that good governance includes elimination of corruption and changing the permanent perception by some of its constituent regions that it is a state dominated by a few privileged clans, doing away its persisting vulnerability to insecurity and lack of economic expansion and business investment, low and poor quality of education and skills training, absence of constructive engagement with the leaders of fedgling Federal Government. Reasonable Puntlanders are OK with this thinking. But, is that all Puntland State and her people could do to build a bright future for her next generations? I would say with confidence that Puntland State is frozen in time and space. Let me give you some examples. Puntland Government has the same salary scale for its personnel as we started 20 years ago. Puntland Government uses the same clan/regional power-sharing arrangements for the selection of members of the House of Representatives as we launched it 20 years ago. Puntland Government fell back to rely on clan militia forces for its security, which we had moved away 20 years ago. 20 years ago Puntland had an independent judiciary, independent parliament, independent auditor-general and independent accountant-general. None of above Puntland institutions of government are independent today. It is a big deal and alarming facts to ignore. This is a critical factor, among many, that Puntland President has absolute executive powers in the absence of checks and balance (Madax-ka-Nool). What to do about the situation? Good question! Let us debate objectively without any attempt to spin. Let me start with my take of things here with a by-line from Garowe. First of all, let us find out areas we can begin work right away: 1. To fight corruption and maintain law and order, restore the independence of those institutions cited above. 2. Have a competent, transparent and independent public service commission right away. 3. Establish state strategic advisory board or commission that act as government think tank or experts on working out strategic plan for Puntland. 4. Puntland regional clan power-sharing arrangements for indirect selection/election had hit dead-end. Let us begin democratization process right away, starting.with local elections first. 5. Streamline state departments to eliminate redundancy, duplications and inefficiency. Make a smaller government by cutting down cumbersome bureaucracy. 6. Know that the Finance and security sectors are the Achelles Heels of Puntland State. The current Administration of President Said Abdullahi Deni is on the spot and hot seat to deliver on his election promises to avoid the bad legacy of his predecessor. People of Puntland have no alternative but to rise up against corruption and mal-administration of their public affairs. They have to meet the challenges of the moment. Finally, it was said by others before us, who too had been there that people get the leaders they deserve. This insight and wisdom is still true as it was then. People may give their leaders initially the benefit of the doubt, but not a free hand to a politician to do whatever he wishes to without making sure that he or she must be held accountable to the people individually and collectively. One good thing about the people of Puntland is that they never give a 2nd chance to their leader, let alone a bad one. If President Said Abdullahi Deni wants to come back to power in Puntland, he could so by popular vote through democratization process starting right now. By Ismail Haji Warsame Former Chief of Staff Puntland State of Somalia The post PUNTLAND REPRESENTIVES ARE FOOTBALL TEAM WITHOUT COACH appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa saaka isgoysyada magaalada Muqdisho lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo afka ka xiran, kuwaas oo aad u hubeysan. Arrintan ayaa imaaneysa xilli la filayo in uu magaalada ka dhacdo dibad-bax weyn oo la sheegay in lagu cabirayo cabashooyin badan. Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyo la hadal hayay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho, kaasoo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale culimo iyo shakhsiyaad taageera dowladda ayaa iyagana ka digay dibad-baxan aan la ogeyn cidda abaabuleysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka caadi ah dhaqdhaqaaqa dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ay adeegsanayaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Balse ciidamada dowladda ayaa feejignaan muujinaya, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka hortagaan banaanbaxyo la hadal hayay maalmihii ugu dambeeyay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho. Cabsi Xoogan ayaa xalay la geliyay qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho, waxaana dadka ay aamisanaayeen inay maanta dhacayaan banaanbaxyo laga digayay maalmihii ugu dambeeyay inay ka dhacayaan magaalada Muqdisho. Gaadiidka qaar ee Bajaajta ay kamid tahay ayaa dhalinyaradii waday waxay sameeyeen shaqo joojin, iyaga oo ka baqayay inuu saameeyo banaanbaxa la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daadisay waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in banaanbaxyada ay noqdeen kuwo lamid ah midkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho. Taliska ciidamada Booliska iyo maamulka degmada Howlwadaag ayaa wali xabsiga ku haya 45 Bajaajlayaal ahaa oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan kuwaasi oo kamid ahaa dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Muqdisho. Waxaana gacanta dowladda ka maqan askarigii uu ka bilowday banaanbixii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo wali aysan cadaalad helin wiilkii dhalinyarada ahaa iyo abtigiis. Dowladda ayaa xalay soo fariisisay TV-ga qaranka Culumaaudiin iyo siyaasiyiin taageero, kuwaasi oo ka horjeeday in shacabka Muqdisho ay dareenkooda ku muujiyaan banaanbaxyo nabdoon. Cabsi weyn ayaa wali ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in banaanbax magaalada dhan is qabsada uu ka dhaco caasimada Soomaaliya, balse Jawiga ayaa hadda ah mid degen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors