Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB. Ururka Gorogor oo ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto, ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada Turk-Som ee maanta ay ka dhacday munaasabadda qalin jebintooda iyo gudaha dalka Turkiga, waxaana loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen. Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafadda Kaawo Godey ee magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay fal argagax leh kadib markii si wadar ah hal meel loogu dilay qoyska reer Abshirow,. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa shan qof goobta ku dilay halka 4 kale la dhaawacay. 5-ta qof ee dilay oo ilmo adeer ahaa waxaa ay joogeen guriga Xuseen Abshirow, oo ku yaalo Wadajir, ee koonfurta Muqdisho, waxaana ku jira cunug yar. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Cusmaan Abshirow iyo walaashiisa, waa 4 qof, waxaana lagu dhabiibayaa Cusbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho. Mas’uul ka tirsan qoyska reer Abshirow ayaa sheegay in arrintan ay tahay aano qabiil, oo la xiriirta dagaallada gobolka Shabeellada Hoose. Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa sanadihii dhowaa ka taagnaa colaad ba’an oo u dhaxeysa laba bee loo gobolka wada dega, kuwaas oo marar badan dad isaga laayey aano qabiil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-18042019.mp3 View the full article
  4. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u dhoofay waddanka Imaaraadka Carabta, xilli madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu dalkaasi safar ku joogo. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, yaasiin Xaaji Maxamuud Xiin (Faratoon), oo saxaafadda uga warbixinayey ujeedka safarka madaxweynaha Somaliland ee dalka Imaaraatiga, ayaa sheegay in socdaalkiisu ku saabsanyahay, xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo UAE, isagoo xusay in uu yahay safar gaaban oo maalin ama laba maalmood qaadan doona. Dhinaca kale, ilo’ warkooda lagu kalsoonaan karo, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweynaha Puntland oo shalay tegi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, uu safarkaasi ka baaqday, kadib markii dowladda UAE ku wargelisay in Muuse Biixi aqblay qorshe ay dabada ka riixayso Imaaraatigu oo si toos ah loogu wada-hadalsiinayo Deni iyo Biixi. Dowladda Imaaraadka Carabta oo maalmihii la soo dhaafay diyaarinaysay qorshahan, ayaa si deg dega ugu yeertay madaxweynaha Somaliland, halka madaxweynaha Puntland ay ka dalbatay in uu ka baaqdo safar uu Arbacadii ku tegi lahaa magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kulan kula qaadan lahaaa wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Xubno si hoose ula socdan warkan, ayaa Puntland Post ka xigatay in Deni iyo Biixi ay caawo kulan qarsoodiya ku yeelan doonaan gudaha Imaaraadka Carabta, inkastoo aan la ogayn magaalada ay ku kulmayaan iyo waxa ay ka wada-hadlayaan midna. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa hore uga baaqday socdaal uu ugu sii gudbi lahaa dalka Shiinaha, kaasi oo salka ku hayey dhinaca mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaanna waddooyin laamiya oo shirkadda CCECC ee Shiinaha ay ka hirgelin lahayd Puntland. Xogtan wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Imaaraadka oo si qarsoodiya u kulansiinaya Biixi iyo Deni! appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Iran)-Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa dalalka Bariga Dhexe ugu baaqay inay iska caabiyaan sahnuuniyadda, isaga oo weerar ku qaaday Israel. Rouhani oo ka hadlayey munaasabadda maalinta ciidamada Iran ayuu sheegay in hubka lagu soo bandhigay uu yahay kaliya mid Iran ay isku difaaceyso. “Dalalka gobolka waxay isku dhinac noolaayeen qarniyo, wax dhibaato ahna ma qaabin, haddii ay dhibaato jirto waxaa sababay kuwa kale” ayuu Rouhani ku yidhi khudbad laga sii daayey taleefishinka. “aan is garab istaagno, aan isla jirno oo aan iska saarno joogitaanka kan gardarrada ka wada gobolka” ayuu yidhi. Waxa uu sheegay in hubka iyo awoodda Iran aysan marnaba dhibaato ku ahayn dalalka gobolka. “Awoodda ciidamada hubeysan ee Iran waa awoodda dalalka gobolka iyo dunida Islaamka” ayuu yidhi. “Haddii maanta ay dhibaato ka jirto gobolka, waxaa xuddun u ah sahnuuniyadda ama kibirka Mareykanka” ayuu yidhi. Source
  6. Ururka horseedka Maakhir Cost ayaa maanra deeq raashin ah waxa ay gaarsiiyeen ciidamada Difaaca dowladda Puntland ee kusugan deegaanka Yube ee gobolka Sanaag oo ay [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Dibad-bax lagaga soo horjeedo xadhiga weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Booliska Somaliland ayaa xalay Burco ku xidhay wariye Coldoon, iyadoo markii dambena loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa – sida laga soo xigtay ehelladiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) Magaalada Muqdisho waxay Maanta ku jirtaa Xaalad cabsi ah kadib markii la sheegay inuu dhici doono banaanbax aad u weyn oo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Banaanbaxaas waxaa kasoo horjeestay Siyaasiyiin iyo Culumo lagu tiriyo inay Dowladda Soomaaliya ka qaataan lacag si ay u taageeraan. Waxaana saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta dowladda ka hadlayey siyaasiyiintaas iyo culimadaas taageeraya dowladda oo mamnuucay inay Shacabka qabtaan banaanbaxyo. Dadka ka hadlay inaan bannaanbax la qaban karin waxaa ka mida siyaasiyiinta Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Geedi, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Taliyaha ciidamada Booliska, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale, waxayna bannanbaxa ku tilmaameen mid qas looga damacsan yahay oo lagu abuurayo nabadgelyo darro. Midda ugu yaabka badan ayaa ah in Xildhibaannada, Culimada iyo Siyaasiyiinta taageersan dowladda ay bannaanbaxyada shardi uga dhigay inay fasax ka qaataan dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir balse waxay hilmaameyn in Dastuurka Dalka u yaal uu iyaga ka weyn yahay. Dastuurka Kumeel gaarka ah ee lagu dhaariyey madaxweynaha Soomaaliya ayna ku dhisan tahay dowladda waxaa ku cad in la qaban karo bannaanbax iyadoo aan weliba fasax loo baahneyn. HOOS KA AKHRISO QODOBKA DASTUURKA Qodobka 20aad. Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxtooyada Somaliland Oo Geleleftay, Cagtana Marisay Qoys Muran Dhul Ka Dhexeeyay, Agabkoodii Oo Banaanka Loogu Saydhiyay+Qaar La Xidhxidhay Iyo Kuwo La Jidh-Dilay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa galabta ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre. War-saxaafadeed laba bog ka kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Puntland aysan ka qeyb-geli Karin imtixaanka ay qaaddo xukuumadda Federaalka Soomaaliya maadaama sida ay sheegtay aysan Puntland iyo Federaalku isku manhaj ahayn islamarkaana aan sideedaba loogu kalsoonaan Karin imtixaanka ay qaaddo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo marwaba ardadu sii helaan. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post war-saxaafeed: Wasaaradda waxbarashada Puntland oo u jawaabtay wasiir Goodax appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Safarka madaxweynaha, ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray, taas oo madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo saaka ka qaadday madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo, waxana uu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.” Socdaalka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin). Source
  12. Duqa degmada Bosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay in mudooyinkii udambeeyay ay ku mashquulsanaayeen samaynta Guddiyada xaafadaha magaalada Bosaaso ,si maamulka dowladda hoose loo daadajiyo. [...] Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile oo waxa la waydiiyay su’aal ahay inay xoog kaga rarayaan dadwaynaha Madaxtooyada cusub dagan ayaa iigu jawaabay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Deegaanka Magacley oo qiyaastii degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ujira 30kmtr ayaa waxaa ka da,ay Roobkii Guga oo ay dadku unaq raaceen. Dadka deegaanka iyo [...] Source
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Sida wararkii hore ee Caasimada Online idinku soo tabinay, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxa uu safar aan horey la shaacin ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta. Haddaba, Xukuumada Somaliland ayaa war kasoo saartay safarkan Madaxweyne Biixi, iyada oo ku sheegtay inuu yahay safar shaqo oo deg-deg ah, kaasi oo qaadan doona muddo labo cisho ah. Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Yaasiin Faratoon, oo goordhoweyd warbaahinta faah-faahin kooban ka siiyey safarkan Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu yiri “Waxan umadda reer Somaliland u sheegaya inuu jiro socdaal uu Madaxweynaha Somaliland ugu baxay dalka Imaaraadka, waana socdaal gaaban oo aan maalin iyo labo dhaafsiisneyn oo uu shaqo ugu baxay Madaxweynuhu”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxay ku saabsantahay un xiriiradii, wax wada qabsigii iyo iskaashigii horeba uga dhaxeeyay labada dal, ayuunbu socdaalkaasi ku saabsanyahay, sidan u sheegayna waa socdaal gaaban oo shaqo, waxaana raacaya xubno xukuumada kamid ah, waana socdaal gaaban oo wakhtigii gaadhay oo si deg-deg ah oo ay arrintiisu u dhalatay, markana uu madaxweynuhu ugu baxay”. Wasiir Faratoon ayaa gebi ahaan iska diiday su’aalo ay warbaahintu rabtay inay ka weydiiso socdaalkan deg-deg ah ee Madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Imaaraadka. Wararka ay Caasimada Online helayso ee ku saabsan ujeedka safarkan Biixi, ayaa waxay sheegayaan in safarka uu la xiriiro xaalado caafimad oo dhowaan soo wajahay madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa waxaa la sheegay inuu xanuun dhanka madaxa ah hayo, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay, islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono inta uu joogo Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa baaq wadajir ka soo saaray Xaaladda amniga Magaalada Muqdisho. Qoraalkooda Wadajirka ah ayey si toos ah ugu jeediyeen bajaajleyaasha Magaalada Muqdisho oo tacadiyo kala kulma Ciidanka dowladda,isla markaana ku dhawaad 50 kamid ay yihiin Booliska,wuxuuna baaqaan kusoo beegmay iyadoo la sheegay in la qaban-qaabinayo banaanbaxyo ka dhaca Maalinta berri Magaalada Muqdisho. B A A Q F U R A Annaga oo ka warqabna culeysyada kala duwan ee saaran dhallinyarada, gaar ahaanna wadayaasha bajaajka, BL-ka iyo tagaasida Muqdisho, ayaan haddana idiin qireynaa in aad ku dadaasheen kuna guuleysateen in aad shaqo abuurataan. Waxa aad gacan weyn ka geysataan isu socodka dadweynaha magaalada idinka oo ugu adeegaya qiimo jaban. Waxaan wadajir idiinkugu baraarujinaynaa muhiimadda nabadda iyo xasilloonida oo la’aanteed aan shaqadiinnu socon karin. Sida aad ogtihiin, Amni-darro iyo xasillooni la’aani waxay sababi karaan dhibaatooyin shaqo la’aan aad uga culus. Sidaa darteed waxaan idinku boorrineynaa in adinka oo dantiinna ilaashanaya, u turaya shacabka Soomaaliyeed oo waalid iyo walaal ah, kuna kabaya Dowladnimada Soomaaliya aad ka fogaataan wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasilloonida oo ah danteenna guud. Cabashooyinka aad qabtaan, oo waliba qaarkood aan ka garaabeyno, waxay tahay in aad xalkooda u martaan dariiq nabadgelyo. Haddii aad sidaas ku sifowdaan waxaan ku kalsoon nahay in ay dad badani idinku taageri doonaan halgankiinna xuquuq u doodka ah. Dowladda waxaan u soo jeedineynaa saddex qodob oo kala ah in xaaladda aan looga darin, la qaboojiyo rabshadaha hadda taagan iyo in xal waara loo helo oo tan oo kale aanay dib u soo noqon. Si aan xaaladdu uga sii darin waxaa nala habboon in laga dhowrsado erayada uga dari kara xaaladda. Si gaar ah waxaan u soo jeedineynaa in laga gaabsado eedeymaha aan loo heyn caddeyn buuxda iyo wax kasta oo shaki iyo kala qeybin u horseedi kara bulshada magaalada, maaddaama ay tahay in ay Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee magaaladu ay wadajir u wajahaan mushkiladda. Si karka magaalada hoos loogu dhigo waxaan Mas’uuliyiinta Dowladda ugu baaqeynaa in dhallinyarada loo turo, lana fahmo in ay cadaadis iyo xad gudub dhab ah ka cabanayaan. Waxaan soo jeedineynaa in dhallinyarada la xiray oo dhan la sii daayo. Iyo in la baaro dilalka dhacay ciddii dembi geysatayna Maxkamad la soo taago. Ugu dambeyn waxaan soo jeedineynaa in la qaado tallaaboyin lagu xaqiijinayo in dilka iyo xadgudubyada ka dhanka ah dhallinyaradu aanay dib u soo laaban. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta waxa uu safar aan la shaacin ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta. Safarkan uu Madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya safarkiisi saddexaad ee tan iyo xiligi la doortay uu ku tago dalkaasi. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ku wehlinaya safarkiisan xubno katirsan Golahiisa Wasiirada, Inkasta oo ilaa hadda Madaxtooyada Somaliland aysan wax war ah kasoo saarin ujeedka safarkan iyo xubnaha ku wehlinaya. Wararka ay Caasimada Online helayso ee ku saabsan ujeedka safarkan Biixi, ayaa waxay sheegayaan in safarka uu la xiriiro xaalado caafimad oo dhowaan soo wajahay madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa waxaa la sheegay inuu xanuun dhanka madaxa ah hayo, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay, islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono inta uu joogo Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Muuse Biixi ayaa saaka si dhuumasho ah uga dhoofay magaalada Hargeysa isaga oo u kicitimay dalka Imaaraadka oo aan la sii shaacin. Wararka laga helaayo Imaaraadka ayaa sheegaaya in madaxweyne Biixi uu martiqaad dedeg ah ka helay dawlada Imaaraadka kaasi oo dalka ku haya wada hadashiinta Iyo dhex dhexaadinta maamulka Puntland Iyo xukumadda Muuse Biixi oo labadooduba ay la ganacsadaan dalkaasi. Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadkani a ku sugnaa dalkaasi. Ma jirto wax faah faahin ah oo ay madaxtooyadu ka bixisay socdaalka Mr Biixi, waxana Jira warar kale oo sheegaaya in madaxweynahu uu xagaasi si Deg Deg ah ugu dhoofay hawlo caafimaad Qaran News
  19. Muqdisho ( SMN):-Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlayey arrimo ku saabsan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Wasaaradu ay qaado ayaa ugu baaqay Waalidiinta iyo Ardeyda wax ka barata Deeganada Maamulka Puntland in ay ka fiirsadaan Go’aan ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ah in aysan shaqo ku lahayn Imtixaanka Shahaadiga ah ee Soomaalaiya. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Sanadihii Lasoo dhaafey qaadaysay Imtixaanadka Shahaadiga ah ayaa waxaa ka maqnaa Ardeyda wax kabarata Puntland, Marka laga yimaado Somaliland oo iyadu sheegata Dal Madaxbanaan. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Yiri ‘’ Ardeyda Puntland iyo Waalidiintood waxaan u sheegaynaa in ay kasoo qayb galaan Imtixaanka Shahaadiga ah, hadii kale iyaga ayaa qaadanaya wixii ka yimaada Xaq ma ahan in hadhow ay isku Xaquuq noqdaan Arday Imtixaan galay iyo Ardey aan meeshaba Joogin’’. Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ka falceliyey hadalka Wasiir Goodax, waxa ayna u muuqden kuwo ka xun sida ay Go’aanka u qaadatay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya. View the full article
  20. Marka ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdullaahi Waafow ayaa walaac ka muujiyay wax uu ku sheegay Go’doon ay ku jirto Magaaladaasi. Mar Waafow ayaa hoosta ka xariiqay in waddooyinka soo gala Magaalada Marka ay jareen Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab , sidaas daraadeedna ay dowladdu wax ka qabato arrintaasi. Waxa uu xusay Guddoomiye Waafow in go’doonka saaran Magaalada Marka ay saameyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqii Guud ee Magaaladaasi. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaalia ayaa kol hore la wareegay gacan ku heynta Magaaladaasi Marka kadib markii laga saaray dagaalamayaasha Al Shabaab ee halkaas ka arriminayay. View the full article
  21. Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caasimada dalka Canada ee Toronto kula kulmay ciyaartooydii hore xulka qaranka ee kala ah Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtar Cuti) iyo Maxamed Xaaji wuxuuna xilidhabaanka casuumada uu ka helay bahda isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Canada. “Waad mahadsantihiin ma qiyaasi karo sida uu yahay dareenkayga bahda isboortiga Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan way ka duwanyihiin dadka kale,sababtoo ah waa saaxiibo iyo walaalo is jecel waxayna ku midaysanyihiin ka shaqeynta wanaaga iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo gudaha Soomaaliya”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay xilidhibaan Xasan Macalin Maxamuud. 09-Maarso 2019-Xildhibaan Xasan Macalin oo safar shaqo ku joogay magaalada London ee dalka England ayaa la kulmay wafdigii iyo mas’uuliyeentii kooxda qurbajoogta ee caasimada Muqidsho u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada bishii October 2018, isagoo kolkaa sheegay in uu diyaar u yahay dhiiri gelinta iyo garab istaagida dhalinyarada ciyaartooyda ku koray ee qurbaha ee doonaysa in ay imaadaan wadankoda hooyo ee Soomaaliya. “Waa mid ka mid ah xildhibaanada sida wanaagsan u taageera horomarinta iyo garab siinta isboortiga waxaad la socotaa in uu kaalin mug leh ka qaatay guulihii uu laacib Feysal Axmed la gaaray xulka qaranka Soomaaliya tani wa fursad kale uu xildhibaanka ku doonayo in dhalinyaro badan oo xirfado wanaagsan ay dalka yimaadaan”waxaa Gooboog ugu waramay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ah bahda ciyaaraha UK. Xildhibaan Xasan dhalinyaradii uu taageeray sanadkii lasoo dhaafay dalkana u imdaay is-dhaxgalka bulshada xulka Soomaaliyana guulo la gaaray waxaa qeyb ka ahaa Feysal Axmed Xasan oo ka yimid Norway,isagoo xulka u dhaliyay ilaa afar gool welina uu qeyb ka yahay. “Ciyaartooyda imaanaysa Soomaaliya waxa ay fure u yihiin horomarka isboortiga waxayna booqashadooda dhaxgal u tahay iyo in is bartaan laaciibtinta gudaha iyo kuwa qurbajoogta waana wax loo baahan yahay sababtoo ah dhalinyarada imaanaysa waxa ay baranayaan dhaqanka iyo dalka ay lee yihiim” Xildhibaan Xaasan Macalin. Sida uu qorsha yahay 2019 waxaa Soomaaliya kusoo wajahan kooxo badan oo qurbajoog ah kuwaas oo u imaanaya ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho waxaana talaabadan falanqeeyaaasha gudah ay u arkaan mid guulo u horseedi karta isu soo dhawaashaha kooxaha gudaha iyo qurbajoogta. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  22. The Somali federal government has deployed security police officers to the main roads in Mogadishu to boost the public security of the city. Hundreds of police officers were today seen on the main roads of the capital Mogadishu investigating the public vehicles using the roads. The police officers were all expanded to the main controls in the town. Among the roads the government deployed soldiers is Maka Almukaramma, the main roads linking different parts of the city. This comes barely weeks ago when Al-Shabaab has targeted with car bombs in two districts headquarters in Mogadishu. View the full article
  23. At least five people from the same family were killed and six others seriously injured at an attack in a house in Kaawo Godey village of Wadajir district in Banaadir region. Sources revealed that all the casualties were civilians, including a young boy. The raid was carried out by unknown gunmen in Godey location in Wadajir district. It is unclear why the gunmen carried out the out at civilians in the area. The attackers fled the area to an unknown location using a vehicle after they executed the attack. It is said that the attackers were armed AK47 rifles. View the full article