Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyihii hore ee Qeybta 27-aad ee xoogga dalka Jen Koronto ayaa ka hadlay Xaaladihii ugu dambeeyey ee Magaalada Muqdisho iyo banaanbaxyada la hadal hayo inay ka dhici doonaan Magaaladaan. Jen Koronto ayaa sheegay in Siyaasiyiinta u hadlay dowladda aanay aheyn dad matala dadka Banaadir ee ay yihiin kuwo horay u kala qeybiyay dadka oo taariikhdooda la haayo. “nimanka xalay hadlay ee Siyaasiyiinta ah, Salaad Cali Jeelle iyo Cali Maxamed Geeddi waa nimanka kala qeybiyay dadka Banaadir oo horay uga soo fashilmay dalka inay maanta dowladda u hadlaan waa nasiib darro, dadkaas Banaadir kuma qancaan inay ku hadlaan oo ay ku soo horkacaan, waxay abuureysa waxyaabo horay loo iloobay in la soo xusuusto, Madaxweynaha waxaa loo qaadanayaa inuu raalli ka yahay, nimankaas mama talaan dadka Banaadir waa dad taariikhdooda qoran tahay oo dhibaatooyin u geystay dadkaan” Konronto ayaa sheegay inaan qofka lagu daaweyn wixii ay Calooshiisa ku jiratay balse loo baahan yahay in daawo kale loo raadiyo, isagoo ula jeedo in Dhibaatada Gobolka Banaadir heysato ay keeneyn Cali Geedi iyo Salaad Cali Jeelle sidaas darteedna aan iyagii lagu daaweyn karin. Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay inaan loo dulqaadan karin in Ciidamadii ka tirsanaa Dowladda ee dhawaan kasoo baxay Furumaha dagaalka ee mushaarka waayey lagu tilmaamo inay yihiin kuwa Qabiil, wuxuuna xusay in Mid kamid ah la taliyaasha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo uu sheegay inaan ciidamadaas loo heyn mushaar isla markaasna ay yihiin kuwa Qabiil. Koronto ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu Madaxweynaha arrintaas ka hadlo haddi kale loo qaadan doono inuu Madaxweynaha aaminsan yahay in qaar ka tirsan Ciidamada Qaranka ay yihiin kuwa Qabiil isla markaasna aan lacag la siineyn. Wuxuu intaas ku daray in Ciidamadaas Madaxweynaha markii hore lagu wareejiyey iyagoo qaran ah oo aan qabiil aheyn haddana aan laga yeeleyn inuu ka dhigo kuwa Qabiil. Koronto ayaa ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu shaqadiisa dhanka ciidamado uu qabsado uuna kasoo baxo godka uu isku qarinayo sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (PP) ─ Boqolaal ka tirsna ciidanka kumaandoosta Somalia ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada ay Turkigu ka dhiseen Muqdisho, iyadoo xiritaanka tababbarkan ay goob-joogayaal ka ahaayeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa DANAB ayaa waxaa tababaray Turkiga, iyagoo qayb ka ahaa 5,000 oo askari Dowladda Somalia ay kula heshiisay dowladda Turkigu inay u tababarto. Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen. Indha-Qarshe ayaa sheegay in ciidamadan ay ka mid yihiin ciidamada ay ugu talogaleen inay kula dagaalamaan Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaatooyin dhanka amniga ah ay dalka ku hayaan. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Turkiga tababarka ay ciidamadan siiso, isagoo u hambalyeeyay ciidamada loosoo xiray tababarka, wuxuuna u rajeeyay inay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada Somalia. Dhanka kale, Tababarka ciidamadan oo qayb ka ah hal-beegyada Tubta amniga iyo cadaaladda, ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Dhawaan ayay ciidammo kumaandoos ah oo lagu soo tababaray dalka Turkiga waxay soo gaareen Muqdisho, iyadoo sidoo kalena loo qaaday Turkiga ciidammo kale oo lasoo tababarayo. PUNTLAND POST The post Ciidan Kumaandoosta ah oo Maanta Tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia, ayaa soo bandhigtay qabyo-qoraalka siyaasada Qaran ee isgaarsiinta iyo tiknoojiyada (National ICT Policy and Strategy), taas oo loogu talo galay inay hagto sida teknolojiyada loogu adeegsan karo horumarinta dhaqaalaha dalka. Wasiirrada Ganacsiga iyo Caafimaadka ee heer federal, Md. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Marwo Fawsiyo Abiikar Nuur iyo wasiirrada boostada, isgaarsiinta & teknolojiyada ee heer federal iyo heer dawlad-goboleed oo kulankaas ka qeyb galay ayaa aad u bogaadiyay qabyo-qoraalkan, iyagoo xusay inuu yahay siyaasaddii jiheyn lahayd horumarka ICT ee shanta sano ee soo socota (2019-2014), wasaarad walbana ay ka qaadan doonto kaalinta kaga aaddan diyaarinta iyo fulinta siyaasaddan. Siyaasaddan oo ah tii ugu horreysay ee uu dalkeenu yeesho waxaa looga gol leeyahay inay horseeddo isbeddel, kobac, hal-abuur iyo iskaashi dhex mara dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha, iyadoo talo ka bixineysa waxyaabaha loo baahan yahay ee gacanta ka geysan kara fulinta siyaasaddan. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Cashuur Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in siyaasaddani ay soo koobeyso qeybaha kala duwan ee nolosha. “Waa qorshe dhammeystiran oo isku keeni doona dhammaan hawlaha ICT ee dalka ka socda ama laga hirgelin doono 5ta sano ee soo socota. Waxaan rajeyneynaa in siyaasaddani ay hagto sida teknolojiyaddu u caawin karto horumarkeena dhinac kastaba,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray inuu ka rajeynayo dhammaan wasaaradaha ay khuseyso inay taladooda ku soo biiriyaan ka hor 31ka Maajo 2019. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay Ururka Isgaarsiinta Adduunka (ITU) iyo Bankiga Adduunka oo gacan ka siiyay Wasaaradda sidii loo dajin lahaa siyaasad la jaan-qaadi karta adduunka, si looga baxo qorshe la’aanta qaran ee dhinaca teknolojiyada. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo soo bandhigtay Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.
  4. Sanqadh dhaga bani aadamka dhagahiisa kusoo dhacda waxa ugu qiimo badan xaga nolosha inagu xeeran ee dabiiciga ah cida iyo shaamareerka shimbirimaha. Shimbiruhuna waxay ku noolyihiin dhirta waawayn. Markii geed wayn lajaro ee loo bedelo dhuxul waxaa meesha ka baxa nolosha noole badan oo ku dul noolaa oo ay ugu muhiimsanayeen shimbiro. Cidi shimbiraha marka aad joogto meel bilaa sanqadha waxa ku safaysma maqalka, waxa ku raxaysta dhega sidoo kale waxaa kaa yaraanaya culayska iyo (depression) uu dhaliyo buuqa magaaladu. Qof waliba wuxu jecelyahay hadhka dhirta xataa gaadhigiisa wuxu la jecelyahay hadh hadana waligaa geed aad jarto mooyee geed maad beerin adigaan haa waa runtay aqriste waad jeceshay dhulku wada dhir noqdo lakin hadana waxad necebtay dhir beerista. Dhirtu waxay ka mid tahay waxyaabaha noolaha ka caawiya nolosha. Dhanwalba markad eegto nolosheenu waxay kutiirsantay waxa dhulka kasoo baxa wayo samada rooobka iyo raxmada Allah swt. Aya inaga xigta lakin nolosheeyo wa dhirta iyo wixi lahalmaala. Magaalada hargeisa waxay ahanjirtay ta ugu dhirta badan Somaliland maantana waata ugu dhirta yar. Waxay ahayd magaalo qabow oo cimilo wanaagsan maanta lakin berbera Aya ka qabow. Bilkasta waxa la dhisaa ugu yaraan 270 guri halgeed cidi m beerto. Dadkii xanuuno badan oo barigii ay dhirtu badnayd aan la arki jirin ayay kawada cabanayaan maanta. Waxan ku talinayaa inaan dhirta beeristeeda ku dedaalno kaliya afar geed ka hor beer gurigaaga faa,idada waad arki doontaaye. Allah MahadlehWaa qalinkiiAbdiqani Salaf. Source
  5. Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa looga hadlay arrimaha amniga dalka, [...] Source
  6. Muqdisho (SMN) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar islow (Ducaale) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aysan ka qeyb galin dibadbaxyo uu sheegay in ay ababulayaan dad leh dano gaar ah oo ku sugan magaalada Muqdisho. Wasiir Ducaale ayaa hoosta ka xariiqay in banaanbaxyadaasi oo rabshada wata laga abaabulaya baraha bulshada ee Internet-ka. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in shacabku ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga ee Soomaaliya. Hadalkan ayuu wasiirka amniga ka jeediyay munaasabad is dhexgal bulsho ah oo maanta lagu qabtay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. View the full article
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-18042019-web.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Jabuuti, halkaasi oo shalay uu uga furmay shir ku aadan arrimaha shidaalka Soomaaliya. Shirka guddigan oo dhowr toban xildhibaan ka kooban, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galaya Wasaaradda Batroolka , hase yeeshee ma jirto cid ka socota dowlad goboleedyada oo shirka joogta. Kulamadan ayaa la sheegay in dib u eegis loogu sameynayo sharcigii 2008 ee batroolka Soomaaliya, kaasi oo isbeddel lagu samaynayo islamarkaana la doonayo in laga dhigo sharci cusub oo baarlamanka la horgeeyo, si loo ansixiyo. Hase yeeshee, sababta guddiga ay ugu shirayaan meel dalka ka baxsan ayaa abuurtay su’aalo iyo tuhuno la xiriira waxa ay damacsan yihiin. Xildhibaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in guddiga ay ku shiri kareen mid ka mid ah hoteellada Muqdisho, ama xitaa gobollada kale ee dalka, haddii ay amni darro uga baqayaan caasimada. Waxyaabaha tuhunka abuuray ayaa waxaa ka mid ah in ansixinta sharciga batroolka dalka ee baarlamanka laga sugayo ee ku lug leeyihiin gacmo saddexaad, gaar ahaan shirkadaha aadka u danaynaya shidaalka Soomaaliya. “Sharci yaqaannada shirkadaha shidaalka ma doonayaan inay yimaadaan Muqdisho, marka waxaa macquul ah in xildhibaanadeennii ay ayaga u tageen” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online. Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu dhaliilay inay ku deg degeyso xaraashka shidaalka Soomaaliya, xilli aysan xitaa dalka gacanta ku wada hayn, oo aysan awood u lahayn inay shidaal soo saarto. Waxyaabaha dowladda lagu dhaliilay ayaa waxaa ka mid ahaa inay gadaal ka riixayaan shirkadaha ka faa’iideysanaya diyaar garow la’aanta Soomaaliya, si ay u helaan heshiis ayaga u janjeera, oo Soomaaliya aysan faa’iido badan ku qabin. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa horey uga tirsanaa shirkadda Soma Oil and Gas, oo uu ka baxay markii uu ra’iisul wasaaraha noqday, isaga oo saamigii uu ku lahaa ku iibiyey laba milyan oo dollar. Si kastaba, Kheyre ayaa weli la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay mas’uuliyiinta shirkaddaas iyo qara badan oo ka mid ah shirkadaha shidaalka ee Soomaaliya danaynaya. In kulan lagu qaban karo gudaha dalka la geeyo dibeddana waxay sii kordhineysaa un shakiga. Caasimada Online xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Wafti Ka Culus Oo Ka Socda Golaha Guurtida JSL Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB. Ururka Gorogor ayaa ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto. Ciidamadan ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada Turk-Som ee maanta ay ka dhacday munaasabadda qalin jebintooda iyo gudaha dalka Turkiga, waxaana loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen. Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahad-celiyay dawladda Turkiga Tababarka ciidanka, ayaa u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Tababarka ciidanka oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo cadaaladda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.
  11. The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has warned of impending food insecurity amid severe drought ravaged the region. In a statement, the bloc said urgent action is immediately needed to prevent food crisis in the Horn of Africa region, an eight-nation security bloc of the region. The imminent food insecurity may affect the people in the nations of Kenya, Ethiopia, Somalia, Uganda, Djibouti, Eritrea, and South Sudan. Mahboub Maalim, IGAD executive secretary, said analyses show rainfall levels through mid-April will likely be amongst the driest since 1981. The places are southern Kenya, much of Somalia, Somali region of Ethiopia, and localised areas of Uganda due to climate change effects. “We are currently at the crisis stage. Very, very fast we will be at the emergency and famine stages, environmental conditions are becoming worse, all countries should do something,” he said. According to IGAD, 2.76 million children under 5 are expected to suffer from acute malnutrition in Ethiopia, over 900,000 in Somalia, and over 540,000 in Kenya. View the full article
  12. Shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta, oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka ahna, ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin; amniga, waxbarashada, abaaraha, Khilaaf ka dhex-qarxay Puntland iyo Federaalka . Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo arrimaha Dastuurka dowladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac oo ka warbixiyay shirka, ayaa sheegay xukuumadda Puntland cambaareysay hadal uu shalay jeediyay wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre waxaana uu sheegay in hadalkaasi kala fogayn karo xiriirka Puntland iyo Federaalka. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirka Wasaaradda Dowladda Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa u sheegay wasiir Goodax iyo kuwa lamidka ah inaysan halis galin karin mustaqbalka waxbarashada ee ubadka reer Puntland. Halkaan hoose ka [...] Source
  14. Somaliland President Musa Bihi Abdi began a visit to the UAE, a statement from the presidency has reported. The president and his delegation departed on Thursday, April 18, 2019. The president has received a formal invitation from UAE leaders and they sent a special plane that they boarded. The foreign minister, Yasin Faraton, while speaking on the president’s UAE visit said that the tour is expected to take at least two days on an official working visit. The FM revealed that this is part of a cooperation between Somaliland with the UAE. Ministers of foreign affairs and the planning and development are with the president. The discussions will centre on fostering direct UAE investment in Somaliland and cementing relations between the UAE and Somaliland, said a press release from the Presidency. This the President’s second official visit to the UAE in just a month. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa wasiirka gaashaan dhigga u magacaabay madaxweynahihii gobolka Oromada Lemma Megersa. Baarlamaanka dalka Itoobiya oo maanta lahaa kal fadhigoodii caadiga ahaa ee 34 ayaa meel mariyay saddex wasiir oo cusub oo la soo hordhigay. Wasiirradaas waxaa kale oo ka mid ah Caasho Maxamed oo ahayd wasiirkii hore ee gaashaan dhigga oo hadda noqotay wasiirka cusub ee wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo isna loo magacaabay Gedu Andargachew. Haddaba waa kuma Lemma Megersa? Lemma Megersa ayaa ahaa madaxweynaha Oromada waana nin magac iyo maamuus ku leh bulshada Oromada ah, sida uu BBC-da u sheegay Mukhtaar Ismaa’iil oo wax ka qora siyaasadda dalka Itoobiya. “Kacdoonkii ay Oromadu xukunka kula wareegeen raggii hoggaaminayay ayuu ka mid ahaa, wuxuuna caan noqday markii isaga oo xisbiga talada haya ee EPRDF ka mid ah uu ka soo horjeedsaday, dhallinyaradii Qeerada la baxday ee kacdoonka wadday ayuuna taageero badan ka helay”. Ayuu intaas ku sii daray Mukhtaar. Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale kalsooni wayn ku qaba oo ay aad isugu dhaw yihiin Lema. Intii uuna Abiy Axmed Ra’iisulwasaare noqonna wuxuu madaxweyne ku xigeen u soo noqday Lema. “Lema markii hore toos ayuu ii xukumay, haddana si dadban ayuu ii xukumaa” ayuu mar ku kaftay Abiy intii uu Raysal wasaaraha noqday. Inkastoo Lemma uu wali ku naaloonayo taageero xoog badan oo gobolkiisa ah haddana Itoobiya oo dhan sidaas loogama wada jecla. Sidee looga arkaa gobollada kale ee Itoobiya? “Haddii runta laga hadlo walaac badan ayaa arrintan laga muujiyay, sababtoo ah waa nin ay ku wayntahay Oromonimadu, loomana arko nin qaranka matali kara,” “Intii uu ahaa madaxweynaha gobolka Oromada dagaal ayaa ka dhacay dhammaan goboladii ay xadka la lahaayeen, sida gobolka Beenhsaalgulka, kan Amxaarada, shucuubta Koonfureed iyo dhammaan gobollada kalaba,” “Tusaale ahaan gobolka Soomaalida iyo Oromada dagaal ayaa ka dhex dhacay waxaana Oromo ka soo qaxay dad hal milyan kor u dhaafaya” ayuu yiri Mukhtaar Ismaa’iil oo wax ka qora arrimaha Itoobiya. Waxaa Mukhtaar sidaa ku raacsan Fatxiya Maxamed Xaaji oo sheegtay in aysan marnaba ku faraxsanayn xilka Lemma loo dhiibay iyo kii uu hayn jiraytoona, Fatxiya ayaa ka mid ah dadka shacabka ah ee degan Jigjiga. Inkastoo dareenkaasi uu xoog badan yahay haddana waxaa jira dad ay BBC kula hadashay isla magaalada Jigjiga oo sheegay in ay u arkaan in Lemma Megersa uu u qalmo jagadan isla markaasna ka soo bixi karo. “Magacaygu waa Xasan Siciid waxaana dhihi lahaa Lemma Megersa wuu ka soo bixi doonaa xilkan, isbadal ayaana iman doona” ayuu yiri Xasan Siciid oo BBC-da la hadlay. Mukhtaar Ismaa’iil wuxuu hadalka ku soo gabagabeeyay in Lemma uusan madaxweyne u ahayn gobolka Oromo ee uu masuul u yahay in kabadan 100 milyan oo ruux oo Itoobiyaan ah loona baahan yahay in uu badalo sida uu u fikirayo. Barnaamijka dunida iyo maanta kaga bogo sida ay shacabka Jigjiga u arkeen xilka cusub ee loo magacaabay Lemma Megersa. Source
  16. Muqdisho (Caasimadd Online) – Shakhsiyaad adeegsanayo Facebook ayaa qalqal geliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Social Media –yaha laga sheegay inuu dhici rabo banaanbax loogu soo horjeedo didadka xiran ee Magaalada Muqdisho. Inkastoo wax banaan bax ah uusan ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay, baraha bulshada laga abaabulayay dibadbax la sheegay in uu 18-ka bishan ka dhici doonaa magaalada Muqdisho, kaas oo dadka ku howlan ay shegeen inay ku dalbanayaan xal u helida dhibaatooyin ay shegeen inay heystaan shacabka ku nool gobolka Banaadir. Salaad Cali Jeele oo ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada shisheeye iyo siyaasiyiin soomaali ah ay gadaal ka riixayaan dibadbaxyada la hadal hayo ee Muqdisho. “Dowladda Imaaraatka waxaad ogtahay inay faragelin ku heyso dowladda Soomaaliya tan iyo markii dowladda ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta, banaan baxaas waa mid barakaacyaasha lagu siinayo lacag oo lagu dhahayo laamiga fariista”. Ayuu yiri Salaat Cali Jeele. Dibadbaxyada la hadal hayo ayaa sidoo kale waxa ka hadlay cullimada magaalada Muqdisho, kuwa oo sheegay in banaan baxyadaas aysan waafaqsanayn diinta Islaamka. “Walaalayaal in dowlad sharci ah oo dalka si nidama ku maamusho lagu banaanbaxoo oo laga hor yimaado oo la muujiyo muqaalo diidma ah, iyo in dad siyaasiyiinta dowladdas mucaaradaya ay shacabka ka dhigtaan gabaad dana siyaasdaeed awgeed, Diin ahaan ma banaana”. Sidaas waxaa warbaahinta dowladda ka sheegay sheekh Cali Wajiis. Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna ka hadlay warbaahinta Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digey in aysan qaldin kuwa uu sheegay inay leeyihiin dano gaar ah iyo in aan loo baahnayn in fawdo iyo qalalaase la geliyo caasimadda dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday abaabul iyo diyaar garow ay uga hortageyso dibadbax walba oo ka dhaca magaalada Muqdisho. Taliyaha booliska dowladda federaalka, Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyada la hadal hayay maalamahan, kuwaa oo looga soo horjeedo siyaasdaaha dowladda federaalka, waxaana madaxda amniga ay maalin kahor magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen ciidamo loo diyaariyay ka hortaga rabshadaha. Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku jirta xaalad ka duwan xaaladihii hore looga bartay, iyadoo Isgoysada waa weyn ee waddooyinka la dhigay Ciidamo Boolis ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka. Ciidamadan oo boolis ah ayaa feejignaan dheeraad ah ku jira, iyagoo wata gaadiidka dagaalka, mid Ambalaas ah iyo hub fara badan, waxaana jira warar sheegaya inay doonayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen banaanbaxyada laga cabsi qabo inay maanta ka dhacaay maagalaada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada lagu soo daadiyay inta u dhexeysa Isgoyska Dabka ilaa midka Ex Koontarool Afgooye, iyadoo sidoo kale Ciidamo fara badan la dhigay qeybo kamid ah wadada Wadnaha, iyadoo la doonayo in laga ceiyo hadii banaabnaxayaal ay u soo tilaabayaan dhanka wadada Maka Al-Mukarama. “Ciidamadan waa kuwo aad u taxadaraya, waana Ciidan aan hore loo arag, waxey tagayaan maqaaxiyaha ay dadka fariistaan, iyagoo kala eryaya meeshii ay fadhiyaanba wax ka badan shan ruux, waxeyna dadka u sheegayaan iney xaafadohooda isaga xaroodaan, mana garaneyno waxa jira” ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku sugan nawaaxiga Isgoyska Debka. 48dii saac ee lasoo dhaafay waxaan raadineynay dhab ahaanshaha banaanbaxa la hadal hayo inuu Maanta ka dhacayo Muqdisho, waxaana weynay cid si sax ah u xaqiijin karta inuu banaanbaxaas jiro, sababta loo banaanbaxayo iyo abaabulayasha midna. Qof walba wuxuu ku lee yahay Facebook umbaan ka arkay. Dowladuna waxey diyaarisay ciidan hubeysan iyadoo aan hubin xaqiiqada arrintaan, sidoo kale qarash badan ayaa ku baxay in laga hadal siiyo odayaasha dhaqanka,siyaasiyiin xilal soo qabtay, culumo iyo ururada haweenka kuwaas oo dhamaan ku baaqaya inaan la dhigin banaanbax. (Been waligaa beeso ma ku qaadatay) Sheekadan waxaa abuuray dad qurbaha jooga oo ku mideysan Facebook iyo Whatsapp Groups, kuwaas oo fahamsan in taliska Villa Somalia uu baraha bulshada ku dhex nool yahay, oo halkaas laga jahwareerin karo. \Waxaa la sameeyay qoraalo, muuqaalo iyo boorar Facebook ku eg. Dad kicinta ololaha warbaahinta ku fiican ayaa ka adeegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Madmadow Hadheeyay Jiritaanka Shirkadda Fulinaysa Mashruuca Xukuumaddu Ka Dhagax Dhigtay Berbera Ee Sifaynta Shidaalka Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ku Kala Aragti Duwan Su’aalaha Waaweyn Ee Ka Taaggan Mashruuca Tobankii bishan April madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminayo wasiirro dhawr ah oo xukuumadda ka tirsan ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu tilmaamay maalgashigii ugu weyna ee Somaliland laga hirgelinayo oo ah warshad sifaynaysa Saliidda Qaydhiin. Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada Berbera ama gobolka Saaxil oo munaasibadda ka hadlayay waxay si weyn ugu faaneen in warshaddani tahay mashruuca ugu weyn iyaga oo qaarkood gaadhsiiyay in ay Afrikaba meelo kooban arrintan oo kale ka hirgashay. Hase ahaatee su’aalo waaweyn ayaa ka taaggan jiritaanka shrkaddan; su’aalaha taaggan ayaa kala ah in shirkadda laga leeyahay Singapore iyo in laga leeyahay Shiinaha maaddaama la sheegay in laba shirkadood oo la kala yidhaahdo Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD (SNSSEC) iyo China Power. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay yihiin shirkado jira. Waxa kale oo aan la ogayn shidaalka Qaydhiin ee ay sifaynayaan midka uu yahay. Warbaahinta Somalilandchronicle oo baadhitaan xeeldheer ku samaysay jiritaanka shirkadahan ayaa warbixin dheer oo Af Ingiriisi ah oo ay arrintan ka qortay ku sheegtay in aanay jirin xog laga hayo jiritaanka shirkadahan marka laga reebo shirkad ku magac dhaw Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD oo magaceedu yahay Singapore New Silk Energy PTE. LTD taas oo la aasaasay sanadkii 2018 laakiin, aan la aqoon meelo ay ka soo shaqaysay. Masuul shirkadda u hadlay oo ka hadlayay munaasibadda dhagax dhigga ayaa sheegay in shirkaddani shaqadan bilawday sanadkii 2017. Waxa kale oo uu sheegay in mashruucani bilaw u yahay isku xidhnaanta Somaliland iyo Singapore laakiin, waxa jira arrimo kale oo mashruuca la xidhiidhinaya Shiinaha oo ay ka mid yihiin in mashruuca ay qayb ka tahay in 300 oo dhallinyaro ah lagu soo tababari doono Shiinaha kuwaas oo madaxweyne xigeenku sheegay in ay noqon doonaan kuwa ku jira mashruuca Shaqo Qaran. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka hadlay su’aalaha la iska waydiinayo mashruucan ayaa u muuqda in aanay wax aqoon ah u lahayn shirkadda iyo shidaalka la sifaynaya halka uu ka imanayo. Agaasimaha guud ee Bandhiga Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo u holladay in uu madmadowga ka saaro mashruucan ayaa ku tilmaamay kii ugu weyna Somaliland oo ay daba socdaan warshado farsameeya hadhaaga shidaalka la sifeeyo iyo caagadaha sharaabka sidoo kalena ay barbar socoto shirkad weyn oo laydh oo wada hadal kula jirta shirkadaha laydhka Somaliland si laydh jaban ay u helaan warshaduhu. Mr Carwo wuxuu intaasi raaciyay shidaalka uu noqon doono kan lagu sifaynayo warshadda Berbera laga dhisayo waxaanu ka hadlay in shidaalka Itoobiya laga helay qayb ka yahay “ Waa hubaal, inagu dekeddii baynu leenahay Itoobiya deked ma leh marka haddii sifaynteenu shaqayso wayxaabaha ay lacagta intaa leeg galinayaan maaha oo kaliya in ay ku fillaato Somaliland ee waa in Somaliland wax sii dhoofiso. Had iyo jeer iskuma xidhna dawladduhu iyaga oo aan baadrool haysan ayaa halkii ay baadrool saafiya ka soo qaadan lahaayeen ayay baadrool qaydhiin soo qaataan markaas ayaa warshaddaadii dib ugu sifaynaysa si aad adigu dadkaaga shaqo ugu hesho. Inagu shidaalka oo saafi ah ayaynu keenaynay ee waxaynu keenayna shidaalka oo qaydhin oo aynu inagu dib u sifayno oo aynu dib u iibino oo waddamada jaarkeena oo dhan loo dhoofiyo shidaalkii lagu sifeeyay halkan,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Axmed Xasan Carwo. Hase ahaatee wasiirka maalgashida Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo BBC-da uga warramay arrintan ayaa sheegay in shidaalka warshaddu sifayn doonta yahay kan la rajaynayo in Somaliland laga helo “Saddex shirkadood ayaa shidaal baadhis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan,” ayuu yidhi wasiir Cawad. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland oo meel muhiim ah ku taalla rajo laga qabo in shidaallo meelo kale laga keenay lagu sifeeyo “Maaddaama oon meel dhexe ku naallo waa meel la keeni karo shidaallada Bari iyo Galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku. Wasiirku waxa aanu meesha ka saarin rajada laga qabo in Itoobiya noqoto meelaha suuqa u noqonaya warshadda laakiin, sida laga warqabo shidaalka laga helay gobolka Soomaalida Itoobiya waxa laga xidhaya dhuumaha qaada dekedda Jabuuti si halkaasi looga dhoofiyo. Somaliland ayaa marar hore soo hadal qaadday in ay uga dhawdahay dekedaha kale oo dhan laakiin, ma muuqdo qorshe arrintaasi wax lagaga bedelayo. Xukuumadda Somaliland ayaa hore heshiisyo mashaariic waaweyn ah u gashay kuwaas oo aan la garanayn meesha ay ku dambeeyeen. Waxa heshiisyada ka mid ah Bangi Shiine ah oo lala galay in uu hal Bilyan oo dollar ku maalgashanayo Somaliland laakiin, loo malaynayo in uu ahaa bangi aan jirin. Waxa kale oo jirta shirkad Ustareeliyan ah oo xukuumadda Somaliland kula heshiisay in ay samaynayso mashruuc weyn oo uumi baxa biyaha badda lagaga dhallinayo milix kaas oo ay xukuumaddu kula heshiisay in ay dhul ilaa 200km oo isku wareega ah ka hirgeliyaan muddo 25 sanno ah laakiin, ay u muuqato in aanay shirkaddaasi ahayn wax jira baadhis lagu sameeyay awgeed. Tuhunnada ka dhashay heshiisyadan awgeed waxa wasiirka maalgashiga Somaliland la waydiiyay waxa uu mashaariicda hore ee aan hirgelin kaga duwan yahay kan cusub “Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis, waana la dhagax dhigay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cawad. Masuuliyiinta Somaliland ee arrintan ka hadlay ayaa u muuqda kuwa aan xog badan ka hayn qorshaha mashruucan iyo cidda ay tahay shirkadda loo dhagax dhigay. Waxa ay sidoo kale su’aali ka taaggan tahay suuro galnimada shirkad aan la ogayn mashaariic hore oo ay soo fulisay sida ay u haysan karto lacagta badan ee ku baxaysa mashruucan. Shirkadda hore ugula heshiisay Somaliland soo saarista Milixda ayaa la ogaaday in aanay haysan lacag ay mashruuca ku maalgaliso haddana ay raadinayso dad saami ku yeesha oo mashruuca maalgaliya taas oo u muuqatay in ay kaliya hayaan fikradda raadinayaana cid maalgalisa. Qaran News
  18. Hargeysa (SMN) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Biixi ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi oo uu soo diray diyaarad qaas ah. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda S/land Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay safarkaasi. “Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynahu ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”ayuu yidhi wasiir Farotoon oo ka hadlayey ujeedadda socdaalka madaxweynaha Waa booqashadii saddexaad ee uu Madaxweynaha Somaliland ku tagayo Imaaraadka, tan iyo markii loo doortay hoggaanka maamulkaasi. View the full article
  19. Masar Ma Cadaadis Bay Itoobiya Ku Saaraysaa Xidhiidhka Ay La Samaysatay Somaliland? Hargeysa(Waaberi) Dhammaadkii bishii Maarij ee la soo dhaafay waxa dalka Masar bookhasho rasmi ah ku tagay wefti uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenkii arrimaha didbadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo madaxweynuhu markii dambe xilkaasi ka bedelay. Weftiga Somaliland oo bookhasho rasmi ah ka helay dawladda Masar waxay kulamo la qaateen masuuliyiin sarsare oo ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhigga iyo saraakiil sarsare oo militari waxaana bookhasho lagu geeyay marin biyoodka muhiimka ah ee gacanka Suways. Xukuumadda Masaaridu arrintan waxba kama odhan laakiin, warbaahinta Arab21 oo arrintan warbixin ka qortay ayaa tilmaantay in ay u muuqato in Masar Somaliland meeqaamkeeda kor u qaadayso si ay cadaadis ugu saarto Itoobiya oo ay ku muransan yihiin dhaamka biyaha Webiga Niilka. Amb Baahir Al-Duwayni oo ah xeel dheere xidhiidhka caalamiga ah ayaa warbaahinta Arab21 u sheegay in aanay bookhashada Somaliland ee Masar kaliya ku koobnayn marti qaad ka yimid wasaaradda arrimaha dibadda laakiin, ay tahay arrin ay soo dhiraan dhiriyeen waaxda Sirdoonka ama laamaha ammaanka. Waxa uu sheegay in arrintan loo arki karo cadaadis Qaahira ku doonayso in ay dawladda Itoobiya kula gaadho heshiis labada dhinac ee Addis Ababa iyo Qaahir ba qanciya. Waxa uu sheegay in kor u qaadista meeqaamka Somaliland ee Masar fursad weyn u yahay masuuliyiinta Somaliland maaddaama Masar xilligan hayso xilka hoggaamiyaha Midawga Afrika taasna ay guuldarro u noqonayso dawladda Itoobiya. Amb Baahir Al-Duwayni oo tilmaamaya in aanay arrintani siyaasad ka madhayn wuxuu sheegay in socdaalka weftiga Somaliland yimid laba todobaad kadib markii wefti sare oo Imaaraad ahi joogeen dalka Masar. Cilmi baadhe kale oo ka tirsan Machad Darsa siyaasadda Afrika oo fadhigiisu yahay Masar ayaa Arab21 u sheegay in dawladda Itoobiya la odhan karo way aqoonsan tahay Somaliland marka la eego sida ay ula macaamilayso oo ay ka mid yihiin mashaariicda wada jirka ah ee dekedda Berbera ka mid tahay sidaas awgeedna ay noqonayso Masar in ay meeqaamka Somaliland kor u qaaddo si ay ugula gorgortami karto Itoobiya. Waxa kale oo uu sheegay in ay Masar doonayso in ay dib u soo celiso saamaynteedii gobolka oo ay lumisay, islamarkaana arrimaha xilligan taaggan ee ay ka mid yihiin isbedellada ka dhacay Itoobiya oo qalalaase gudaha ah horseeday, isbedelka Sudan iyo gaabiska Dhaamka Itoobiya ku yimid ay u sahlayaan in ay culays saarto Itoobiya si ay heshiis labada dhanba maslaxad u ah uga gaadhaan xafiiltankooda. Qaran News
  20. Muqdisho (SMN)- Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan M/ Muqdisho oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan dibadbax rabshada wata oo la sheegay in ay ka hortageen Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Dadweynahan ayaa sheegay in ay taageersan yihiin, islamarkaana ay la dhacsan yihiin dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in aysan raali ka aheyn in qal qal la galiyo amniga magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/VOXPOP.mp3 View the full article
  21. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay u fadhiisatay dacwad ay horgeysay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, kaasi oo ku saabsan Dawaddii Marxuum Axmed Muqtar (Axmed Dowle). Warkaan oo ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in uu qabsoomay dhageysiga 1aad ee dacwadda Marxuum Axmed Muqtaar (Axmed Dowle) kaasoo lagu gubay Degmada Yaaqshid taariikhdu markay aheyd 20.9 .2018-kii, waxaana Dacwadaan u eedeysan todobo Ruux , iyadoo seddax ka mid ahna la soo qabtay taariikhdu marki ay ahayd 21.09.2018-ki, halka seddax kale oo ku eedeysan dacwadan la soo qabtay 17.10.2018-kii, halka eedeysaneha todobaad uu yahay maqane. Markii dacwadda la guda galay waxaa caddeymo iyo maragyo soo gudbiayay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Dood dheer kadib Maxkamadda ayaa go’aamisay in fadhi kale la isugu yimaado maalinta arbacada ah taariikhdu ay ku beegan tahay 24.04.2019-ka, si dacwadu u sii socoto. View the full article