Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Jugta qaraxa ayaa goordhow waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyey waxayaabaha qarxa oo lagu weeraray Xarunta degmada Wartanabada,waxaana qaraxa kadib degmooyinka Gobolka Banaadir laga arkayay Uuro cirka isku-shareertay. Qaraxa halkaas lagu weeraray ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jiro naf iyo Maal, inkastoo aan tirada rasmiga ah la heyn. Gaariga xarunta lagu soo weeraray ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa nooca raaxada ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii qaraxa uu dhacayay ay xarunta ka socotay Raashin qeybin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Booliiska gobolka Banaadir ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey iney dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen qarax gaari oo lala eegray xarunta degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay sida la sheegay kadib markii uu gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey gudaha u galay xarunta halkaasi oo khasaare ka dhashay. Waa qaraxii 3aad ee dhaca bisha barakeysan ee Ramadaan, waana kii ugu khasaaraha badnaa. Faah-faahinta kala soco, halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. A loud explosion said to be suicide was reported in the heart of Mogadishu, the Somali capital on Tuesday morning. Police sources said the blast took place in the capital as hundreds of students are marching in the streets in protest of canceled secondary schools exam. Details of the explosion still unknown. More to follow soon. View the full article
  4. Qarax aad u xoog badan ayaa goordhow ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa si weeyn looga maqlay ayaa ka dhacay xarunta degmada Warta Nabada ee Muqdisho. Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhinaca dambe ee degmada ka soo galay ayaa is qarxiyay sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal. Qaraxaasi ayaa waxaa uu geeystay qasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Faah faahinta dib kala soco insha allah Puntland Post The post Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. Banaanbax ka dhan ah go’aankii lagu joojiyay imtixaanka dowlada ayaa kkasocdo Muqdisho. Banaanbaxaan waxaa dhigaya ardeyda dugsiyada Sare ee dalka,waxayna ka careysan yihiin go’aankii xalay kasoo baxay wasaaradda waxbarashadda ee ku aadanaa in la joojiyay imtixaankii Shahaadiga kadib markii ardeyda ay haleen qish sida wasaaradda sheegtay. Ardayda ayaa ku dhawaaqayo erayo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo ay sheegayaan inaysan dooney,waxayna isugu tageyn taalada daljirka daahsoon Degmadda Boondheere, halkaasi oo ay ku dhigayaan banaanbaxooda. Puntland Post The post Ardayda dugsiyada sare oo banaan bax ka wada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay xarunta degmada Warta Nabadda ee gobolka Banadir. Qaraxa oo ismiidaamin ahaa ayaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday Gaari Noah-ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo uu waday ruux naftii hore ahaa. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxani, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta sii gaaraya gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Wixii soo kordha kala soco Radioshabelle.com View the full article
  7. Suxufi Cabdiraxmaan Kayse Tungub Ciidamada amniga maamulka Somaliland ayaa xalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku dhaawacay suxufiga Cabdiraxmaan Kayse Tungub. Weriyaha oo maalmo ka hor shir jaraa’id ka duubay odayaal cambaareeyay xariga xildhibaan Dhakool loogu geystay magaalada Hargeysa ayaa isna xalay waxaa dhaawacay askar ka tirsan ciidamada amniga Somaliland sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta gobolka Sool. Mid kamid ah saaxiibadiis ayaa sheegay in suxufiga oo la dhaawacay fiidnimadii xalay haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sidoo kale wuxuu sheegay in askar ka tirsan kuwa Somaliland ay rasaas si bareer ah ugu fureen suxufigaasi xilli uu ka soo baxay goob uu ku afuray. Balse ciidamada ayaa sheegay in rasaasta ay rideen kadib markii uu carar isku dayay suxufiga oo ay doonayeen in ay xiraan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo Laascaanood ku dhaawacay nin suxufiya appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay. “Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”. Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah. Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Xisbiyada kala ah Ilays, NDP, UPD, Wadajir & NPP ayaa si wadajir ah usoo saaray qoraal ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aaddan doorashooyinka dalka: Source: goobjoog.com
  10. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka warbixiyey Shirkii Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS. “Qodobka ugu xasaasisanaa shirkii wuxuu ahaa in loo baahday in lahelo gole siyaasadeed oo ay rabeen Dowladdaha Xubanaha ka ah DFS, runtiina Madaxweyne Farmaajo wuu qiray arrintaas in dastuurku ogol yahay, muhiimadda shirka waxay ahayd, in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, laakin wax is afgarad ah majirin, waxaana sabab u ahayd in loo baahday waqti badan”.Ayuu yri Madaxweynaha Puntland. Sidoo Kale Madaxweyne Deni ayaa xusay waxayaabaha ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. “Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. waxay si cad u sheegeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, waxay ahayd doodaha shirka”. “Doodda kale waxay ahayd, qeybsiga kheyraadka dalka oo Baatroolku kamid yahay, dalka Soomaaliyeed wuxuu soo maray burbur, dadka Soomaaliyeed waxay ku kala duwan yihiin wax badan, si loo mideeyo ayaa federaalka loo qaatay, si aan mar kale ay naan ugu laaban dhibaatooyinkii dagaallada sokeeye iyo is aaminaad la’aanta”. Madaxweynaha ayaa baaq u diray Madaxda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah. “Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS waa kuwo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waa in ay ka shaqeeyaan midnimada ummda Soomaaliyeed, waa in lawada hadlo hadii xataa la kala aragti duwan yahay, waxyaabaha la isku afgaran waayo in dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay sababta ay Puntland Iskaashi ula yeelatay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed. “Hore waxaan Iskaashi ula lahayn Jubbaland iyo Galmudug, haatanna Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaan uga faa’iidaysanay in wada shaqeyn la helo, Hirshabeelle dhaqaale ayaa naga dhexeeya, Koonfur-galbeedna sidoo kale”ayuu Yiri Madaxweyne Deni. Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ahaa mid aad loo wada sugayay, maadaama Shirkii dhowaan ka dhacay Garowe uu ku dhamaaday natiijo la’aan, isla markaana Madaxda ay ka tageen, iyagoo aanay hal qodob heshiis ku aheyn, taasoo sababtay in shirku fashilmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa saaka magacaabay guddiyada qaban-qaabada xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May oo ku beegan Arbacada berriya. Dikreeto uu soo saaray agaasimaha guud Axmed Cabdalle Tigaana, ayaa lagu magacaabay laba guddi oo qaban-qaabin doona, xuska 15 May, kuwaasi oo kala ah guddiga diyaarinta goobta iyo guddiga farsamada. Guddiga qurxinta iyo diyaarinta goobta munaasabadda oo ka kooban 4 xubnood, ayaa qaabilsan ballaminta warbaahinta, qurxinta iyo diyaarinta goobta munaasabadda iyo soo dhoweynta. Sidoo kale, guddiga labaad oo isna ka kooban 4 xubnood, ayaa u xil saaran casumaadda martida, diyaarinta ajandaha munaasabadda iyo war-murtiyeedka. 15 May oo ku astaysan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sannad kasta la xusaa dalka , waxaana dib loogu xasuusta, halgankii SYL ee xornimada u dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya. 15-kii May 1943 ayaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah aas’aaseen, ururkii xornima-doonka Soomaaliyeed ee SYL oo baal-dahab ah kaga suntan taariikhda dalka. Halkaan ka akhtiso dikreetada PUNTLAND POST The post Puntland: Guddiyada qaban-qaabada xuska 15 May oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa saaka ka bilowday magaalada Muqdisho banaan bax ay dhigayaan qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Iskuulada, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay u fadhiyay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay dowladdu qaadeysay. Ardayda ayaa ku baaqay in shaqada degdeg looga ceyriyo wasiir C/laahi Goodax Barre oo ay sheegeen in aanu xilkaasi u qalmin. “Dooni meyno Goodax Barre, waa in Ra’iisul wasaaraha shaqada uu ka eryaa” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah ardayda dibadbaxyada dhigaya. Ardayda ayaa ka cabanaya sababta loo joojiyey Imtixaanka oo mudo Saddex maalin ah socday oo uu dhaqaalo farabadan uga baxay,iyada oo Wasiirka Waxbarashada uu sheegay in imtixaanka gebi ahaanba la baabi’iyey, dibna loo bilaabi doono 27-ka Bishaan. Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in banaan baxyo kale ka socdaan Isgoyska Zoobe oo ay isugu soo baxeen Arday ka careysan go’aankii Wasiirka Waxbarashada uu ku joojiyay Imtixaankii socda, kuna baabi’iyay Imtixaankii la galay saddexdii maalmood, kaddib markii suuqyada la soo geliyay qishka Imtixaanaadkaas oo la iibinayo. Ardayda iyo dadweynaha kale ee banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa mararka qaar rasaas ku ridaya Ciidamada dowladda Soomaaliya. Isku socodkii gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas ay ridayaan askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Go’aanka Wasiirka waxbarashada ayaa waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan kala duwan, iyadoo baraha bulshada si aad ah looga hadal hayay oo ay dadka ku kala aragti duwanaayeen, qaarna taageeray, kuwana ka soo horjeeday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Human rights abuses and atrocities committed in Somalia during the brutal 21-year reign of the dictator Siad Barre will come under scrutiny in a Virginia courtroom this week as a villager finally confronts the military commander he accuses of attempting to kill him. Source: Hiiraan Online
  14. The story of Africa and its culture can only be found among its people who live the beautiful moments shared. The image of the continent has for a long time been shattered by misrepresentations of the continent in Western media. Source: Hiiraan Online
  15. Dibadbaxyada ay dhigayaan ardayda Dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa ku fidey meello badan oo magaalada ah, waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa uu yahay mid dhallinyaro hor leh ay kusoo biirayaan. Ardayda ayaa ku baaqay in shaqada degdeg looga ceyriyo wasiir C/laahi Goodax Barre oo ay sheegeen in aanu xilkaasi u qalmin. “Dooni meyno Goodax Barre, waa in Ra’iisul wasaaraha shaqada uu ka eryaa” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah ardayda dibadbaxyada dhigaya. Isku socodkii gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas ay ridayaan askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.\ Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Police ignored and dismissed concerns over suspicious activity in the lead-up to the Christchurch terror attacks, the Imam of the Al Noor Mosque says. Source: Hiiraan Online
  17. Kumanaan arday ah ayaa goor dhow waxa ay dibadbaxyo ka bilaabeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood, sida wadada wadnaha. Ardaydan oo ka careysan go’aankii uu wasiir Goodax ku joojiyey imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiga sare oo Saddex maalin ay galeen, ayaa joojiyey waddooyinka qaar isku socodka gaadiidka. Aargada Lambar Afar iyo qeybo badan oo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ayeey ardadu ku banaanbaxayaan, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas u muuqata in kor loo ridayo. Sidoo kale arday kale oo badan ayaa isugu tagay taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ay ku hadaaqayaan erayo ay ka mid yihiin “Dooni meyno Goodax Barre” Qaar ka mid ah ardaydan oo nala hadlay waxay sheegeen in aysan u dulqaadan karin waqtigii iyo juhdigii ay ku bixiyeen imtixaannadii ay galeen in hadane dib loogu celiyo. Wasaaradda waxbarashada ayaa sababaha ay ku joojisay imtixaannadan ku sheegtay qish la siiyey ardada, iyo iney baaritaan ku hayaan dadka qishkaasi bixiyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/Codka-ardada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. ADDIS ABABA, (Xinhua) -- The United Nations High Commission for Refugees (UNHCR) on Monday said it has only received 14 percent of the 346.5 million U.S. dollars it requires to meet the needs of refugees in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  19. Boondheere (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen dagmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Dilkan oo ay fuliyeen Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cali Hilowle (Cali Dheere). Wararka qaar ayaa sheegay in Marxuumka uu horay xil uga soo qabtay Boondheere, islamarkaana uu ahaa guddoomiye ku xigenka amniga degmadaasi. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo hadase ma jirto wax faah faahin oo ay laamaha amniga dowladdu ka bixiyeen Dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. View the full article
  20. Hargeysa (SMN) – Waraka naga soo gaaraya magaalada Hageysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa ku warramaya in xalay, illaa saaka roobab Mahiigaan ah ay ka da’een gudaha magaaladaasi. Robabkani oo watay daadad ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 5 Qof oo Caruur ay ku jirto, kuna dhaawacmeen ku dhawaad 9 kale. Dadka dhintay ayaa waxaa dishay Koronto iyo Gaadiid ay qaadeen Biyuhu, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Madaxweynaha S/lanad Muuse Biixi Cabdi oo booqday meelaha mashaqadu ka dhacday ayaa Tacsi u diray Ehelada ay dadkoodu ku dhinteen Roobaabkaasi. Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Biixi ka warbixiyay khasaaraha guud ee ka dhashay Roobanbkaasi. Halkan hoose la dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/www.mp3 View the full article
  21. Abdikadir Mohamed felt nervous as he approached the customs desk at John F. Kennedy Airport on December 13, 2017. The previous summer he had married his wife, Malyuun, in a ceremony held in South Africa, and now he was on his way to Ohio, where she lived. Source: Hiiraan Online
  22. NAIROBI, May 14 (Reuters) - Somalia’s economy continues to recover, with growth expected to strengthen to 3% in 2019 from 2.8% in the previous year, while inflation could ease to 3% from 3.2% over the same period, the International Monetary Fund said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  23. Bariire (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay labo jiho ka weerareen deegaankaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo la sheegay in uu xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weeraro kaga yimid dhanka Al Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weeraradaasi. Dhawaan ayaa aheyd markii Ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanka Bariire oo muddo ay ka talinayeen dagaalyahannada Al Shabaab. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku tartamay degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jajab oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labadaani degmo ayaa sidoo kale ka wada tirsanaa Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Cabdicasiis ayaa waxaa la weydiiyay todobo Su’aal, waxaana ay ka Jawaabeen afar ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Su’aal kale oo soo hareer martay dhigooda Xamar Jajab, sidaasina waxa ay ku heleen 10 Buundo. Xamar Jajab oo iyana la weydiiyay todobo su’aal ayaa waxa ay ka jawaab celisay shan ka mid ah, sidaasina waxa ay ku keensatay dhibco gaaraya 10. Guddoomiyaha guddiga tartanka aqooneeda Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale oo ku dhaawaqay natiijada ayaa sheegay in labada degmo ay galeen barbar dhac. Dhinaca kale waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle ku ballansan degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Degmooyinkan oo ku wada jira Group-ka D ee tartanka ayaa ah kuwa ugu dambeeya Groupkaasi. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article