Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,898
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa u dambeeyay Group-ka D iyo guud ahaan is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaaraan ayaa qeybta hore la yimid 4 dhibcood, hayeeshee guddiga habsami u socodka tartanka ayaa ka jaray labo buundo, kadib markii ay ku xadgubeen mid ka mid ah xeerarka u yaalla tartan aqooneedka Shabelle, sidaasina waxa ay ku heleen 2 dhibcood. Kaaraan ayaa ka hortimid go’aankaasi, waxaana ay gabi ahan ka biyo diiday in sii wadato tartanka, tan iyo inta laga soo gabagabeynayo. Dhinaca kale Degmada Afgooye ayaa qeybta hore keensatay 6 Dhibcood, waxaana qeybta labaad, ay si Forfeit ah ku heshay 14 bundo. Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana caawa laguda gali doona is araga labaad ee Wareega koowaad ee tartan aqooneedka Shabelle. Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo ku wada jira Group-ka A ayaa kulanka ugu horreeya isku arki doona. Waa labo degmo oo kala matalaya gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Taaba gelinta tartanka Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay dugsiga sare ee ganacsiga iyo Xisaabaadka Adult. View the full article
  2. Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhallinyaro Kala Fikir ah: Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura. Dalka Sidee Buu Ahaa: Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha. Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho. Dastuurkii SYL: Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: -In Soomaaliwayn la isu raadiyo, -Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado. -In dadka wax la baro. Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa: -Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye -Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen -Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL Geesiyaddii SYL: Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe . Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL. Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada . October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani: Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii. SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad: SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay. Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer. SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura. 76 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (SMN ) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka warbixiyay cidda ay tuhunsan yihiin in ay ka dambeysay Xadida Imtixaankii Shahaadiga ee la ogaaday in Ardayda ay heleen. Mr Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in ku raad joogaan shaqsiyaadkaasi ayna soo bandhigi doonaan kadib markii la ogaado si sharciga loola tiigsado. Waxaana uu cadeeyay in arrintaas ay kala kaashanayaan Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia ayaa Habeen ka hor soo saartay go’aan ay ku kansashay gebi ahaan imtixaanaadkii shahaadiga ee ay soo galeen Ardayda maadaama ay heshay Macluumaad la xiriira in Imtixaankaasi uu faraheeda ka baxay. Go’aankaas ayaana sababay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah Wasaaradda hayeeshee Wasaaradda Waxbarashada , Maamulka gobolka Banaadir iyo dalladaha Waxbarashada dalka oo shir deg deg ah shalay yeeshay ayaa isku afgartay in Imtixaankaasi dib loogu celiyo si Ardayda looga qaado Imtixaan hufan View the full article
  4. Qoryooley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in Xalay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariismo Ciidamadaasi ay ku leeyihiin degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana meelihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
  5. Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa ku amartay dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala degaannada Puntland, in ay mudda bil gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan. Dikreeto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland, ayaa lagu amray dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee hawlgala degaannada Puntland, in ay xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan ku soo gudbiyaan mudda bil ah, si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada waddanka iyo arrimaha ka dhalan kara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba. Sidoo kale, wasaaradda ayaa ku amartay shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan, in aysan shaqaalayn karin qof aan hab sharciga waafaqsan soo marin, islamarkaana aysan keensan karin shaqaale ajnebi ah oo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland. Go’aankan ayaa ku soo beegmay, xilli ay Puntland shaqooyin ka hayaan dad ajnebiya oo qaarkood la sheegayo in ay shahaadooyin been-abuura sitaa, halka dhalinyaradii waxbartay ee Puntland ay suuqa shaqa la’aan ku yihiin. Halkan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo go’aan ka soo saartay ajaanibta ka shaqeeya degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Stockholm (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh. Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’. Madasha oo seddex cisho socon doonta (14-16 May) ayaa Mudane Danjire Axmed Cawad ka jeedin doonaa hadallo dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-15052019-ok.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay go’aanki dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa joojinta Imtixaanaadka dugsiyada Sare ee sanadkaan. Wuxuu marka hore ka hadlay imtixaanaadkii ay gali jireen xiliyadii hore ee dalka uu lahaa nidaamka dowladnimo ee aadka u wanaagsanaa. Wuxuu sheegay in xitaa haddii la joojiyo adeegsiga Internetka aanu joogsaneyn in ardayda ay helaan Qishka. Wuxuu qormadiisa Kooban uu ka hadlay saameynta baraha Bulshada iyo imtixaanaadka dowlada. “Imtixaanka Fom Four waxaan ku galay Dugsiga Sare ee 15-ka May. Toddoba arday oo laba macallin ay ilaalaneyso ayuu Fasalkeygu ahaa. Inta aan fasalka la gelin ayaa arday wuxuu iga codsaday in aan u diyaariyo qoraal aan uga warramayo Fatahaadda webiyada oo af Ingiriis ah. Ardayga oo aan aqaannay inuusan waxbarashada ku wanaagsanayn oo aan su’aal aqoon ah i weydiin jirin, mowduuca uu doortay iyo xilliga intuba waa ay isu keey qaban waayeen. Saacado yar ka dib markii la furay bakhshadihii imtixaanka, waxaan ka fekerayay sida aan uga jawaabi lahaa isla su’aashii uu yarku i weydiiyay oo imtixaanka iiga soo boodday. Inkasta oo ardayda waxbarashada ku wanaagsan aan ku jiray, haddana aad iyo aad ayaan uga carooday, in ugu yaraan hal arday uu sii ogaa su’aal imtixaanka ka mid ah. Social Media iyo Internet midna ma jirin. F. G. Dadka qaar maaddaama ay fahmi waayeen, waxaan u jeedaa in Internetka oo la xannibaa aanuu qish joojineyn ee loo baahan yahay, macallimiin, maamul iyo kormeerayaal isku kalsoon, si adagna loola xisaabtamo”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu dambeeyay soo Ifbaxay warar sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay heleen Liiska dhamaan Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya oo gaaraya in kabadan 5 kun oo qof. Caasimada Online ayaa maanta la kulantay dhalinyaro badan oo ka tirsan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, kuwaas oo qaba walaac xoogan oo ku aadan amnigooda kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab loo gacan geliyay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Dhalinyaradaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Warbixinta ay ka heleen Xafiiska Wasaarado ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta oo si cad ugu sheegay in uu jiro tuhun arintaasi ku saabsan. Dad kala duwan oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in ay soo gaartay Warbixinta nuucaas ah balse aan la ogayn ilaa hadda goobta laga helay. Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta amniga oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay warbixintaan, islamarkaana loo sheegay in ay aad u adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho si loo ilaaliyo shaqaalaha Dowladda oo ay qatar soo wajahday. Si rasmi ah looma oga halka laga helay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya balse waxay Caasimada Online ogaatay in Liiska Shaqaalaha uu yaalo dhowr Xafiis oo ay kamid yihiin. Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Xafiiska Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre Xafiisyada hey’adaha amniga Soomaaliya sida Booliiska iyo Nabad Sugidda. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Liiska sidoo kale yaalo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Arintaan ayaa maanta ah hadal heynta ugu wayn ee Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay hey’adaha Dowladda Soomaaliya ee dhanka amaanka ah ay wadaan baaritaanka arintaan si loo soo hubiyo sax ahaanshiyaheeda iyo hadii ay jirto halka laga bixiyay. Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wali hey’ adaha amaanka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan baaritaanka Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya. Ciidamada amaanka ayaa Todobaadkii baara ugu badnaan 2 Xarun oo ka diiwan gashan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa muddo ku dhow 150 maalmood ku xiran Xabsi ay maamulaan Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya, oo ku yaala taliskooda ugu wayn ee Habar Qadiijo, waxaana isa soo taraya qayla dhaanta loo jeedinayo dowladda ee ah in la sii daayo Abuu-Mansuur. Ilaa hadda ma jirto maxkamad la soo taagay Abuu Mansuur, waxaana dad badan ay u arkaan xeraggiisa inuu yahay mid Sharci darro ah, ayada oo lagu eedeeyay hogaanka dowladda Soomaaliya in ay is hortaageen heshiiyo badan oo lagu sii deyn lahaa Abuu Mansuur. Shalay oo ugu dambeysay magaalada Baydhabo waxaa kulan ay ku yeesheen digniin ka soo saaray siyaasiinta iyo odayaasha beelaha digil iyo mirifle kuwaas oo sheegay in ay Afduuban doonaan nin saameen leh oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay Dowladda Soomaaliya u heysato laba arin oo kaliya kuwaas oo kala ah. 1 – Abuu Mansuur waxa uu heestaa dhalinyaro hubeysan oo leh awood ciidan kuwaas uu ku mucaaradi karo dowladda Soomaaliya, waana qodob kamid ah waxyaabaha ay uga cabsi qabto sii dees-madiisa. 2 – Waqtiga dowladda oo gabaabsi ah, haddii ay dowladda Soomaaliya sii deyso Abuu Mansuur waxa uu ka mid noqonayaa mucaaradka Dowladda ee dhanka siyaasadda ,waxana uu ku wiiqayaa awoodda dowladda saameentiisa siyaasi iyo midda deegaan, waana sababta labaaad oo ay dowladda Soomaaliya uga cabsi qabto Abuu Mansuur. Dowladda Soomaaliya oo rajo ka qabta doorashada 2020-ka hadii ay sii deyso Abuu Mansuur oo ka saameen Lafta gareen waxay aaminsan tahay in ay lumin doonto degaanadaasi. Arimahaas ayaa la sheegay in ay yihiin qodobada ugu waa-wayn oo ay Dowladda Soomaaliya Xabsiga ugu sii heyso Abuu Mansuur oo ah hogaamiye saameyn ballaaran ku leh degaano badan oo Soomaalida degto gaar ahaan dhulka Koonfur Galbeed iyo beelaha ku heebta Roobow. Soomaali iyo ajaaniib la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayday in la sii daayo Abuu Mansuur, balse waxay madaxda dalka ku adkeesteen in aysan sii deyn doonin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo bishii December laga xiray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. NAIROBI, May 14 (Reuters) - Growth in Somalia’s economy is expected to strengthen to 3% in 2019 from 2.8% last year, but it is vulnerable to destabilising factors including fragile security, climate change and poverty, the International Monetary Fund said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  12. A suicide bomber killed at least four people and injured several others Tuesday after detonating a car packed with explosives in Mogadishu, Somali security forces said. Source: Hiiraan Online
  13. Amnigu waa ahmiyada koowaad markii laguu doorto maamulka wadan kasoo kabanaya dagaalo sokeeye sida Soomaaliya.Qorshaha ciidan ee Soomaaliya waxaa sal-dhig u ah soo celinta amniga iyo la dagalaanka Al Shabaab. Milatri, Boolis, Nabad Sugid iyo Asluub ayuu ka kooban yahau ciidanka Somaliya. 2012 markii uu xafiiska la wareegay Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ciidan Milatarigu ahaa 15 kun, waxey qaadan jireen mushaar siman dhamaan oo ahaa 100 dollar, ma heysan isbitaalo, xarumo ciidan oo gaar ah, mana iibsan karin saanad dagaal. Intii uusan ciidan cusub qorin, wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh xooga saaray in ciidanku heleen xuquuq gaar ah. Waxyaabaha uu durba hirgaliyay waxaa ka mid ahaa In askartu ay u kala mushaar badan doonaan sida ay u kala daro sareeyaan, waxaana askari walba uu wax ku qadan jiray garaadihiis (Lacagta ugu yar waa 100 dollar, waxaana saraakiisha qaar uu mushaarkoodu gaaray $1000 dollar bishii). Isbitaalka xooga ayaa dib loo dhisay intii uu xafiiska joogay madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo looga maarmay askartii lagu daaweyn jiray isbitaalada gaarka loo lee yahay.Halkaas waxaa ku baaqatay lacag badan oo Dowlada uga bixi jirtay isbitaalada ay dadka gaarka ah ay lee yihiin. Sidoo kale waxaa la sharciyeeyay in askarigii dhinta mushaarkiisa iyo garaamkisii la siiyo qoyskiisa, taas oo aan marna baaqan.(Arrintaan dhiiri galin fiican ayey u noqotay ciidanka furunta ku jira). Dowladii dalka maamuleysay dhamaadkii 2012 ilaa horaantii 2017 waxey ku guuleysatay iney soo iibsato hubka ay kula dagalaaman xoogaga argixisada, halka markii hore ay bixin jireen wadamada beesha Caalamka. In ciidanku heleen tababar sare waxaa lagu sheegaa mid ka mid ah waxyabihii uu xooga saaray madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu joojiyay in askarta cusub lagu soo tababaro dibbada, si aaney dhaqamo kale usoo qaadan, taa badalkeeda waxaa la diyaariyay ilaa saddex xarumood oo ku yaala darfaha Muqdisho oo lagu tababarociidanka .Saraakiisha oo qura ayaa loo ogolaa tababar dibbad ah waxaana inta badan loo qaadi jiray wadamada Sudan, Masar, Turkiga iyo Uganda. Duulaanadii Gor Gor iyo Badweynta Hindiya waxey ahaayeen labo dagaal oo aaney marna iloobi doonin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu xoreeyay gobalo badan oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.AL-Shabaab ayaa laga xureeyey meelo farabadan, wuxuuna howlgalka ka dhanka ah AL-Shabaab ka bilowday Afgooye iyo Balcad Gobalka Gal-Gaduud waxaaAl Shabaab laga saaraydegmada Ceelbuur.Dhanka Hiiraan intiisa badan ayey heysteen Al Shabaab marka laga reebo magaalada Baladweyne, waxaase laga saaray inta badan magaalooyinka muhiimka ah sida Buulo-Burde, Jalalaqsi, Maxaas, Halgan, iyo Maqokori. Dhanka Sh/Hoose iyo Sh/dhexe, marka laga reebo Agooye iyo Jowhar, inta kale waxaa ay gacanta ugu jireen Al Shabaab, laakiin Duulaanadii Gor Gor iyo Badweynta Hindiya ayaa sababay in inta badan la xoreeyay labada gobal. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ahaa Marko, Baraawe, Buulo Mareer, Qoryooley, Walaweyn, Janaale, Mahadaay, Cadale iyo Buuranle. Jubbada Dhexe, marka laga reebo Saakow waxaa inta kale heystay Al Shabaab, laakiin dhul badan oo maanta nabad ah ayaa laga saaray, sidoo kale gobalka Gedo waxaa intiisa badan heystay Al Shabaab, laakiin dagaal xoogan kadib ciidankii Dowlada ayaa intiisa badan la wareegay gobalkaas. Bay iyo Bakool ayaa inta badan laga saaray Al Shabaab, gaar ahaan magaalooyinka muhiimka ah. Qof kata ayaa xasuusan guushii weyneed ee laga soo hooyay dagaalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh la galay Al Shabaab, kuwaas oo ilaa hada la mahadiyo. Sheeko ay inta badan askartu xasuustaan ayaa dhex martay Xasan Sheekh iyo ciidanka Amisom.(Markii ay dagaal wada aadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxaa jirtay kala tagoorid xaga dhaawacyada ah.Tusaale askarta ka dhawacanta Amisiom waxaa lagu soo qaadi jiray diyaarado, halka Soomaalida gaadiid lagu soo qaadi jiray, taas oo sababi jirtay in dhiig bax jidka ugu dhintaan). Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo arrintaas aad uga careysan ayaa ku amray ama usoo jeediyay Amisom in dhamaan dhawacyada diyaarad lagu soo wada qaado ama gaadiid lasoo wada saaro, balse uusan qaadan karin sida hada loo kala ficilaayo ciidanka. Maalinkii wixii ka dambeeyay ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada Soomaaliya isku diyaarad ayaa lagu soo qaadi jiray dhawacooda.(Inta badan askartu waa xasuustan sheekadan). Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu tirada ciidanka xooga gaarsiiyay 24, halka booliska iyo Nabad Sugidu uu gaarsiiyay 7 kun.Darajo bixinta madaxweynuhu waxey aheyd mid aad looga fakaray, wuxuu inta badan dalacsiin jiray saraakiisha, halka waxa ka hooseeya ay madxda ciidanku bixin jireen darajadooda (Hada taasi ma jirto, hal qof ayaana wax walba sameeya). Labo sanno iyo saddex bilood kadib ciidankii sidaas loo dhisay waa la qabyaladeeyay, waxey ka cabanayaan mushaar la’aan, goobihii dhiiga badan loo daadiyay xoreyntooda dib ayey u qabsadeen Al Shabaab, Nabad Sugidii waa la kala diray, waxaana ay dad badan walaac ka baqaan dib u curashada awoodeed ee Al Shabaab. Maxaa shacabka la gudboon? Waxaa qoray: Ibraahim Cali Xuseen
  14. FM Javad Zarif says his country anticipated 'activities to escalate tension' by 'hardliners' in the US and Middle East. Source: Hiiraan Online
  15. Investors in Dubai’s equities might be feeling whiplash after the main index went from the day’s worst performer worldwide to the biggest gainer in back-to-back sessions, in response to shifting news on regional tensions and local stocks’ presence in global benchmarks. Source: Hiiraan Online
  16. Army officer is among those shot dead at Khartoum sit-in Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wali ka hadlin shirkii fashilka ku soo dhamaaday ee ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Gobalka Nugaal. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garowe ku maqnaa muddo todobaad ah, waxaana hakad u galay dhamaan Shaqooyinka Qaranka ee iyaga ku xirnaa balse nasiib darrada jirto ayaa aheyd markii uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday Shirka oo ay indha ku haayeen Umadda Soomaaliyeed. Dad badan ayaa sugayay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha uu midkood ka hadlo Shirka iyo waxyaabihii sababay in uu fashil ku soo dhamaado, balse wali ma dhicin waxaana dad badan isweydiinayaan sababaha ay uga aamuseen madaxda Qaranka. Dad badan oo ah siyaasiin iyo aqoon-yahaano ayaa aaminsan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay hal sabab uga aamuseen shirka taas oo ah. Madaxda Qaranka waxay ku dhiiran waayeen in ay Shacabka Soomaaliyeed u sheegaan in shirkii lagu kala tagay sababteedana inta ugu badan ay iyagu leeyihiin. Dhamaan dhinacyadii Shirka ka hadlay ayaa cadeeyay in waxa la isku qabtay ay ugu weyneed heshiiskii Batroolka iyo Sharciga doorashooyinka, qaybsiga Kheyraadka iyo qodobo kale oo dhamaantood ka socon waayay dhinaca dowladda waana sababta keentay in aysan dadweynaha la wadaagin natiijada Shirka. Dhowr qof oo ah aqoon-yahaano iyo siyaasiin uu kamid ah Xersi Iimaan ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda Qaranka ay Shirkaas uga aamuseen hal sabab oo ah in iyaga ay wax ka socon waayeen sababta fashilka Shirkana ay mas’uuliyadeedana lahaayeen. Shacabka Soomaaliyeed waxay qanaaco u arkaan oo ay dhowarayeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu midkood la hadli doono dadweynaha islamarkaana uu faah faahin ka bixin doono dhibaatooyinkii shirka ka qabsaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay maalmihii u dambeysay saluug ka muujinaysay hab-dhaqanada siyaasadeed ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar. Prof Samatar ayaa mudooyinkii udambeeyay kulamo kala duwan ku qabtay Gobolada Somaliland isaga oo uu ku wehlinayay kulamadasi Dr. Cali Khaliif Galeyr, kuwaasi oo dadweynaha kula qaadanayey doodo kala duwan. Haddaba, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Xinif oo Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilo usoo jeediyay Prof Samatar, kaasi oo sheegay inuu Profserku ku biyo shubtay hal beel. Xinif oo ka hadlaya arrinkaasi ayaa wuxuu yiri “Haddii Aqoonyahanka hadalkiisa ugu dambeeyaa sida imika jirta uu noqdo ‘Haddaynu reer Hebel nahay waala inna dulmiyey oo xaq baa innaga maqan’, kaasi aqoon ma soo kordhin ee odayaasheenu intay yaqaaneen ayuun buu imika gaaray”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markuu Kulmiye ahaa iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood, markuu Kulmiye noogu yimid ee uu shaqaynayey iyo imika siduu u dhaqmayaa waa kala laba siyood oo aan shaqo isku lahayn, waqtigaana qaranimo iyo aqoon buu ka hadlayey, imikana aqoontiisii xaafad bay ku ururtay” Prof Samatar ayaa xiligii uu socday ololihii doorashadii Somaliland ka qabsoontay 2017-kii ku biiray xisbiga talada haya ee Kulmiye, isagoona door weyn ka qaatay ololahaasi, ayaa hadda’se wuxuu u muuqda iney waxbadan iska badaleen wixii uu ka aaminsanaa Madaxweyne Muuse Biixi. Samatar ayaa dhowr mar goobo fagaare ah ka jeediyay qudbado uu ku dhaliilayo Xukuumada Biixi, isagoona weli ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye Dhinaca kale, Prof Samatar iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Ciro, ayaa waxay galinkii dambe ee Jimcihii todobaadkii hore si wada-jir uga ambabaxeen dalka Kenya, taasi oo xukuumada Biixi ku abuurtay shiki-ba’an. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid caasimada Somaliland. Mas’uuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay inay danaynayaan fursadaha maalgashi ee jirra, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kaluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka. Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Somaliland ku duugan. Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey mas’uuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. High level consultation on addressing debt vulnerabilities in African Development Fund and International Development Association countries WHO: African Development Bank, The World Bank, African Finance Ministers, representatives of African Development Fund (FAD) and International Development Association countries (IDA) WHAT: High-level consultation meeting WHERE: Babacar Ndiaye Auditorium, African Development Bank Headquarters, Abidjan WHEN: 16th and 17th of May, 2019 at 9.00 am The African Development Bank and the World Bank will jointly host a high-level meeting to provide a forum for member countries of both institutions to express their views and lessons learnt from non-concessional borrowing, emerging debt vulnerabilities and IDA’s proposed approach to support countries adopt sustainable borrowing practices. I The meeting will also be an opportunity for countries to discuss “financing for development” and “debt sustainability in the context of the SDGs agenda and the Addis Ababa action plan. Debt in African countries has been on the rise in recent years. One of the causes has been the decline in commodity prices that has unfolded since the global financial crisis of 2008. Proceeds from main exports have dwindled and economic growth has slowed. African governments have increasingly resorted to borrowing to fill the void in their budgets. What is the role of multilateral development banks in solving this challenge? How can the African Development Bank and the World Bank work together to provide solutions? These questions and the outcomes of the meeting will feed into the discussions on policy frameworks for ADF countries and the respective debt policies of both institutions. Qaran News
  21. Jaaliyada Isaxaaq Care ee UK- ayaa ku kala jaybsantay Shir afduub ah oo ay koox hore Caare magaalada Bristol Iyo meelo kalaba qaadhaan dhaqaale uga guray ay fool eryayaan Shirkani oo ay ajandayaasii ka mid yihiin kicinta Iyo colaad ku abuurka beesha Bariga Hargeysa oo la damacsanyahay in laga hor keeno xukumadda Muuse Biixi, kadib markii shaqsiyaad hawshani hagayaa oo xil Ka soo waayay Somaliland Iyo kuwo ku xidhan maamulka Farmaajo ay damacsanyihiin in ay caruurta da’yarta ay ku magac doontaan oo kicin dadweyne ku sameeyaa, arintaasi oo Dhaqanka, diinta Iyo dastuurka dalka intaba ka soo hor jeeda Shirkani oo loo qoondeeyay in uu dhaco maalinta15/6/2019 waxa uu ka qabsoomayaa magaalada Birmingham gaar ahaan. AMOORE HALL, 37 WHITMORE ROAD, B10 ONR. Tallo Dadka qurba jooga ah ee siiba u badan dumarka Iyo dhalinyarada shirka lagu Marti qaaday we waliba aan la siinin agenda-ha shirku in ay ka foojignaadaan dabinada guracan we dalkooda Iyo magaaladooda caasimada ah qaybaha ay ka degaan lagu khalkhalinaayo. La soco warar kale oo arimahani khuseeya Qaran News
  22. Human rights abuses and atrocities committed in Somalia during the brutal 21-year reign of the dictator Siad Barre will come under scrutiny in a Virginia courtroom this week as a villager finally confronts the military commander he accuses of attempting to kill him. Farhan Warfaa last saw the defendant, Yusuf Abdi Ali, in March 1988 when he says Ali – known to terrorized members of the northwestern Somalia Isaaq clan as “Colonel Tukeh” (the crow) – pulled out a handgun and shot him five times at point-blank range following a torture session. Ali was the commander of the Somali army’s notorious fifth brigade responsible for “gross human rights abuses” in the separatist province of Somaliland during the Barre regime of the 1970s and 1980s, according to the complaint brought by the California-based Center for Justice and Accountability. Warfaa, a teenager at the time of his abduction and now a respected village elder, has travelled from Somalia for the scheduled five-day hearing in the US district court for the eastern district of Virginia, at which he is seeking unspecified damages for torture and attempted extra-judicial killing. Just reaching a federal courtroom also marks a victory for the CJA, which first filed the complaint on Warfaa’s behalf in 2004 and which had to overcome some significant legal hurdles that at times threatened to derail the entire case. In 2016 a Virginia appeals court stripped elements from the lawsuit that prevented Ali – who was discovered by a CNN crew in 2016 working as a security guard at Washington DC’s Dulles airport – from facing wider allegations of war crimes and crimes against humanity. “He is hoping to achieve some measure of accountability for the abuses that he alleges he and others have suffered,” Carmen Cheung, legal director of the CJA, told the Guardian. “Even though these crimes took place a long time ago, even though a Virginia courtroom seems very far away from where these acts took place, it is in some ways the only forum. “The case is an important one not just for those people from Somaliland but also for us as Americans. What gives me hope is that this case is going forward in an American federal district court willing to allow a US jury to listen to these claims and make an adjudication.” In what is sure to be emotional testimony, Warfaa will tell the jury that he was abducted by Ali’s soldiers late in 1987 as part of a crackdown on the Somali National Movement (SNM), a militia group trying to defend the Isaaq clan against a fifth brigade push into Somaliland. Warfaa claims he was detained after an army water tanker was stolen, and interrogated over several months. Following another session in which Ali and his henchman stripped and beat him, he says, Ali lost his temper and shot him, ordering the body to be removed and buried. But Warfaa survived and was smuggled out to family members by Ali’s soldiers in return for a bribe, and recovered to tell his story to human rights workers looking into the violence and mass atrocities that took place in Somalia before Barre was toppled in 1991. Ali, who fled the country when the regime fell, first went to Canada and was deported to the US when his past came to light there, becoming a legal US resident in Virginia and living there freely for more than two decades with his American citizen wife. In a short call with the Guardian last week, Ali’s attorney Joseph Peter Drennan would not discuss details but said his client “denies every one of the allegations”. The case against Ali is the third filed in US federal court by the CJA on behalf of survivors against alleged Barre regime figures. In 2012, Judge Leonie Brinkema, who will hear the Warfaa case, recorded a $21m judgment against the former Somali prime minister General Mohammed Ali Samantar for human rights crimes, although he died in 2016 before any money could be recovered. Former Somalia national security service chief Abdi Aden Magan, meanwhile, fled to Kenya to escape a $15m judgment against him for the detention and torture of a law professor who was a prominent Barre critic and human rights advocate. “This is not just a case to me, it’s a part of my life I will never forget and I want to see those responsible realise what they have done,” Warfaa told the Guardian in 2015. Source: The Guardian