-
Content Count
208,260 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay 8 qof oo ka mid ah qoyska ku doodaya in ay leeyihiin goobta laga dhisaayo madaxtooyada cusub ee galbeedka Hargeysa. dadka la xidhay waxa ku jirta inan ( gabadh ) uu dhalay wasiirka warfaafinta Somaliland iyo qaar kale oo eheladiisa ah. Odayga dhulka sheeganaya in laga qaaday ee Maxamed Xasan Dalab waxa uu sodog u yahay wasiirka warfaafinta Somaliland. Source
-
(SLT-Hindiya)-Jilaaga caanka ah ee aflaanta Hindiga, Shahrukh Khan, oo inta badan looga bartay aflaan xiiso badan oo guuleystay, sumcad badan na uu ku helay ayaa ka hadlay arrin uu sheegay inay ku keentay walaac uusan horay u arag. Shahrukh Khan oo dhawaan dalka Ingiriiska lagu guddoonsiiyay shahaado sharafeed ayaa filimkii ugu dambeeyay ee uu sameeyay waxa uu ahaa filim loogu magacdaray Zero, kaas oo aan noqonin sidii la filayay. Mar uu ku sugnaa dalka Shiinaha ayaa Shahrukh Khan wuxuu sheegay in filimkaasi aysan dadka jecleysan, oo uu noqday filim guul darreystay, walaac na ku abuuray isaga. Wuxuu dalka Shiinaha u tagay si uu suuq horleh ugu raadiyo Filimka Zero oo ku fashilmay gudaha dalka Hindiya. Guul darradan ayaa filan waa ku noqotay jilaaga, maadaama uu horay usoo bandhigi jiray aflaan xiiso leh oo dhaqaale badan uu ka sameeyay. “Dabcan waxaa laga yaabaa in aan sameeyay Filim aan sheekadiisa la jecleysanin, waxaan ka walaac sanahay in uu suuq ka heli doono Shiinaha, balse waxaan rajeynayaa inay shacabka Shiinaha ka helaan”, ayuu yidhi Shahrukh Khan oo wareysi siinayay telefishinka dowladda Shiinaha. Sameynta Filimkan oo uu Shahrukh Khan sheegay in uu ku baxay qarash badan ayaa waxaa isku howshay shirkadda Redchilles ee uu isagu leeyahay. “Wakhti badan ayaannu galinay sameynta filimkan, aad ayaan uga walwalay oo waxaan gaaray heer aan mardambe dib u daawanin Filimka, marka Filim saddex sano aad sameneysay ay dadku iska diidaan aad ayaad uga murugoneysaa, balse saddex bilood kadib ayaan dib uu eegi doonaa”, ayuu hadalkiisa raaciyay Shahrukh Khan. Inkastoo aan la ogayn waxa sababay guul darrada filimkan ayaa haddana waxay dad badan qabaan in filimka uusan ahayn mid u xiiso badan sida aflaamtii hore ee looga bartay Khan, waxaan jilista filimkan ku wehliyay atirishooyinka kala ah Anushka Sharmaa iyo Katrina Kaif. Filimka Zero oo ilaa iyo iminka soo xareeyay lacag dhan 16 milyan oo doolar aya ah mid jilaaga uu ku matalayo nin aad u gaaban, balse wax jeclaaday, waxaana qoraaga Filimkan oo lagu magacaabo Anjum Rajabali uu sheegay in guul darrada Zero ay saameysay hamiga Shahrukh Khan uu u hayay in uu smaeeyo filimo kale. Shahrukh Khan oo sidoo kale loo yaqaano “Boqor Khan” ayaa caan ku ah jilista aflaanta Hindiga ee qisooyinka jaceylka ku saleysan, waxaana kamid ah Filimkii caan baxay ee Kuch Kuch Hota Hai, Jab Tak Hai Jaan, Baazigaar iyo kuwa kale oo badan. Lama oga saameynta ay guul darrada filimka Zero uu ku yeelan doonto mustaqbalka jilliin ee Shahrukh Khan oo sanad walba soo saara filimo kala duwan. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta sameysay marin habaabin dhanka Saxaafadda ah kadib markii ay Suxufiyiinta u sheegtay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u baxay dalka Sacuudiga. Suxufiyiinta ayaa loo sheegay inuu Madaxweynaha ku sugan yahay Garoonka DIyaaradaha Aadan Cadde isla markaasna uu socdaal u yahay dalka Sacuudiga, balse arrintaas waxay aheyd mid laga lahaa ujeedo qarsoon. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu qorshuhu ahaa inuu Aado deegaanka Sabiib ee duleedka Afgooye halkaasoo todobaadyo ka hor la wareegeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada Kumaandooska. Sababo amni iyo Cabsi laga qabo inay Kooxda AL-Shabaab usi diyaar garowdo imaanshiyaha Madaxweyne Farmaajo ayaa keentay inaan safarkaas saxaafadda lala wadaagin isla markaasna lagu qiyaano inuu Madaxweynaha u safray Dalka Sacuudiga. Hase ahaatee Madaxweynuhu waxaa uu maanta Garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Wasiiru dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika oo saacad ku sugnaa garoonka, waxaa uu Wasiiru dowlaha safaro ku marayaa wadamada Gobolka Geeska Afrika. Axmed Kattan ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriin uu kaga siday Boqorka Sacuudiga oo ah martiqaad shir ka dhacaya Sacuudiga Ramadaan kaddib Markaas kadib Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha ayaa diyaarad Helicopter ku duulay isagoo tagay deegaanka Sabiib oo Muqdisho u jira illaa 40KM. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu la kulmay Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Kumaandooska iyo dadka deegaanka. Farmaajo ayaa Bogaadiyay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka danab, waxaana uu ka dalbaday in ay sii waddaan howlgallo ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda Shabeellaha Hoose. Ciidanka Danab ayaa howlgallo xooggan ka wadda gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo lagula dagaallmaayo Al-Shabaab. Deegaanada uu Madaxweynaha booqday ayaa ah deegaanada ay halista ugu badan ka geystaan Kooxda Al-SHabaab, waana meesha ay aadka ugu xooggan yihiin waana arrinta keentay inaan la shaacin safarka Madaxweynaha isla markaasna marin habaabin loogu sameeyey Saxaafadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
It is true that in certain cases such as dictatorial and authoritarian governments, criticizing the government is considered criminal speech and is punished in accord which the perceived severity of the claimed crime. But bad governments have also the same traits with that of the dictatorial governments. The traits that can be associated with a bad government are oppression, power abuse and corruption in the form of bribery and misuse of public funds; and these are the major obstacles to democracy, to the improvement of the common peoples’ livelihoods, and to the economic development of a country. The evil of corruption lies at the heart of the most urgent problems such governments are facing—from economic uncertainty, to the ever-present threat of income inequality and to endemic poverty on the majority of the population. Practically a bad government does not know any limit to its power abuse, but to the length of the endurance of its people. The peoples with zero endurance to injustice, oppression, power abuse and government’s wrong decisions always get good governments. Saint Augustine said “In the absence of justice, what is sovereignty but organized robbery?” As long as the bad government pays the army and security agencies, it doesn’t need to commit itself to improve the livelihoods of its people; it doesn’t need to improve the economy; it doesn’t need to take account of its disgruntled citizens; it doesn’t need to avoid doing any wrong action of its favour; and it doesn’t even need to respect the constitution and related bylaws. On the other hand bad governments don’t want a population of thinking citizens; they don’t want well informed people; they don’t want well educated people capable of critical thinking. Leaders of bad governments always want more for themselves, less for everybody else and less for the whole community. Leaders of bad governments want to get “yes men personalities” for their cabinet members and other government officers; meaning there is no government’s internal corrections. Bad governments use to govern by telling pretty and promising but false stories to their people. If a government hides the truth from its people, it is deceiving them; and this happens when that government is so out of control, so bloated and infested with fraud, deceit, corruption and abuse of power. Promising with so many born breaking issues to the people that become false is practiced in all countries governed by bad governments. What matters to have a good government is that its people should know that government is themselves and not an alien power that come over them. The ultimate rulers of democracy are not the President, the government officials and the MPs but the voters of that country. The voting decision of the Election Day is the best position to pre-correct and avoid all evils of a bad government. Another thing that matters to have a good government is that its leader be a selfless with national success values; who can able to gather around him extraordinary individuals with experiences and specializations; getting the best out of them and appointing each with the post of his/her specialization; then allowing them to do their duties independently. The constitutional rights of the people of a country to talk about and criticize injustice and government’s wrong doings are really the only correction and protection that any people ever can have for their liberties. Criticizing bad government and Fighting against its corruptions have to be part of the culture and fundamental values of any people who want success and development for their country. In Somaliland our people do not still understand that corruption and bad government are the enemies of development and good governance of a country; and the security guards who have the responsibility to defend the state from these two enemies are themselves or the citizens. It is unfortunate that somalilanders are not aware of what their constitutional rights to have are, and what the constitutional obligations or courses of actions required from the citizens to fulfill are. Because of that, we are often very passive about what happens when the government violates those rights; likewise we are not aware when we are violating some constitutional obligations upon us. The problem of our people is that whenever the opportunity of electing their leaders comes in front of them, they miss the target. At the same time if the government they elect becomes a bad government, our People are not conscious that they can change its bad and corrupt system in to the right direction. Loyalty to the Nation is must all the time to all citizens; but loyalty to the Government is when it deserves it. These together undermined our legal system and confidence in the functioning of the state. Corruption is widespread evil in Somaliland’s last two governments, in the legislative sector as well as in the judicial sector; and the people are watching and not caring. Our country will not be destroyed by those who are doing the corruption; but by those who are watching them without making anti-corruption shouting and slogans against the government and its leaders; not showing the leaders that they don’t have any tolerance to see selfishly obtaining public money under fraud, to see situations of injustice and to see government’s power abuse acts. Instead of advocating for the elimination of corruption in our public management system; instead of lighting a torch on public money misuses and public assets selfish privatization; instead of pointing to the daily unjust judgments and government’s undesirable actions or decisions occurring in the country; our people are expressing constant stream of widespread praises, admiration and approval of the government’s undesirable activities. Our people are nurturing these social evils to enlarge and expand in to all state pillars (executive, legislative & judicial sectors). This “government praising” habit of the community is a major cause that leads a bad government to do nothing for its people; and this is a perfect way of encouraging the government to go on with in its inefficiency, power abuse and bad actions. Somaliland was founded to end and eliminate oppression; but now it is likely becoming a land of oppression. Our last two government’s political system is deeply disordered by promoting injustice, nepotism and favoritism in the courts and among the whole society; its local currency devalued against the dollar, inflation and prices are in their highest level; its expenditures extravagant and wasteful; its disbursements without efficient accountability; and its taxes and duties are enormous, unequal, and oppressive to the great consuming classes of the country. All these mismanagements on the ground happened because of the peoples’ endurance, that the government got enough space to use oppressive activities, to do every kind of corruption, to do injustice, to introduce inequality among its society, to be inefficient to work and serve for the betterment and improvement of its peoples’ livelihoods, to deliberately violate to govern on national constitution, and to do whatever wrong or right but are in its favor. If these two governments made trails to solve the social, economic and political problems, their trails become as bad as the problems they were trying to solve. Another regretful policy that the last two governments of Somaliland used is that they always bend their decisions and actions to the selfish interests and economic gaining strategies of the rich and powerful persons and companies in Somaliland. All the measures of these governments are directed to the purpose of making the rich richer and the poor poorer; deliberately ignoring their mandate to work for the good of all people and the nation. They directed their priority to serve for the interest of a little group of willful company owners, representing for their own good only. This kulmiye policy has rendered Somaliland’s common people making them helpless, contemptible, worthless and beneath consideration. In summary the content of the art of these governments was and is to collect taxes money from one class of citizens–the tax payers of the common people, and accept to be taken by few others due to fraud. And this is one of the consequences that many citizens mainly the young people lost their trust of hoping to see Somaliland developed, recognized and become part of the international community and decided to go to Somalia; an act increasing in the recent months. We are the citizens of a country called Somaliland; who have constitutional rights to criticize the government for its unconstitutional decisions and actions; or to talk about any wrong actions and injustice when it is done. The behavior of avoiding government criticism, when it is doing unconstitutional actions or making unconstitutional decisions puts a blanket over the failures of the government; and decorates all its irregularities, its corruption and its failed policies. It was needed from us as the people of this country to exercise our constitutional rights of guiding, correcting and pointing to the mistakes, duty negligence and constitutional violations of the government to the right direction; that is to make our government the government of the people, by the people, for the people. We are not expecting any rescuing miracles of our country from heaven; so we have to put all necessary efforts to protect our nationhood which is now towards the uncertainty road; and save its name to be perished from the earth. The people of Somaliland should remember that today we are sitting in the shades of the trees our great martyrs planted before 28 years; who died for the cause of liberating this country we called Somaliland. Then it is true that we want from the government to protect this existing shade and to plant new trees with more comfortable shades for our children. But the current situation or what is happening right now seems as if we are uprooting those that existed and growing nothing; which is a glimpse of what is the future to come will look like. It is shame and regretful to us – the people of Somaliland, just looking and watching the government messed up with all traits of a bad government; seeing the boat we are getting on board is sinking in a deep black sea with no saving responses. And it is sure that realistically in such situation we cannot get the results we wanted from the seeds we grew with the blood of the martyrs. We have to compel our government before it is too late, to become a government with the moral tests of the good governments. The moral tests of good governments we mean are how sincere our government works for the betterment of its people, how the leader connects the dots between the problems facing our people in to common solution – being a leader with selfless values, how it sympathizes to the needy groups of its people; how it treats those who are in the dawn of life – or the children and youth of our country; how it treats those who are in the vulnerability of life – communities in the drought affected IDP camps, the homeless people, the street children, the poor and the have-nots; how it treats those who are in the shadows of life – the sick people, the handicapped and the aged; and how it treats those in the loneliness of life— or the special needs community. As Muslims we are really hoping for the best outcomes from all situations Somaliland is within; but we should be prepared to prevent and save the country from even if unpredicted absolute worst will come in the future. As realists we have to know that good things and success come to those who work their asses off and go make it happen. Adam Ali Younis. Email: aayonis@hotmail.com Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Hirshabelle State ayaa u muuqata in xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe uu aad usii xumaaday kadib markii ay soo bandhigeen tabashayin cadaalad darro ay ku heeyso dowladda federaalka Soomaaliya. Maamulka Hirshabelle oo horay uga tirsanaa isbaheeysigii maamul goboleedyada dalka ee saluugsanaa dowladda dhexe ayaa horey isaga baxday isbaheeysigii ay ku mideeysnaayeen, waxeyna mas’uuliyiinta Hirshabelle cadeeyeen in ay lasafan yihiin dowladda dhexe . Hishiisyo fara badan oo aan waxba ka suuro galin ayaa kala dhaxeeyay dowladda dhexe, sida mas’uuliyiin Hirshabelle kamida ay u xaqiijiyiin Caasimadda Online. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo muuqday khilaafka u dhaxeeya Hirshabelle iyo dowladda dhexe kagadaal markii wasiirka madaxtooyada Hirshabelle uu warbaahinta u xaqiijiyay in cadaalad darro lagu haayo maamulkooda ,wuxuuna sidoo kale uu sheegay wasiirka in ay dhawaan furi doonaan dekadda ceel macaan, garoonka Cisaleey, sidoo kale waxa uu ku goodiyay in ay xiri doonaan xuduudda ay gobalka banaadir la leeyihiin maamulkooda. Khilaafka ayaa soo if baxay markii shir kasocday Muqdisho loogana hadlayay gar gaarka masiibooyinka uu isaga baxay wasiirkii wakiilka ahaa Hirshabelle. Shirar badan oo ay qabatay dowladda dhexe laguna wadaagayay mashaariicda dalka ayeey Hirshabelle sheegtay in aan waxba laga siin sida uu sheegay wasiir katirsan maamulka Hirshabelle. Madaxda ugu sareeysa dalka ayaa u muuqda in ay ka gaabiyeen hoowlihii ay ka sugayeen shacabka ku dhaqan hirshabelle oo maalmihii lasoo dhafay baraha bulshada ku soo bandhigaayay eedaha ay u qabaan dowladda dhexe . Lataliyaha sare ee madaxweynaha Hirshabelle Xasan C/qaadir Muudey ayaa malmahan bartiisa facbooka kusoo daabacayay dhibaatada ay ka tirsanayaan dowladda dhexe iyo cadaalad darada sida gaarka ah loogu haayo maamulkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Mali) Waxaa ku dhawaaqay inay is casileen Ra’iisul Wasaarihii dalka Maali iyo dhamaan xubnihiisii Golaha Wasiirada, kadib markii dalkaasi Maali ay ku bateen falalka la xiriira amnidarrada taas oo ay walaac ka muujiyeen Shacabka dalkaas. Bishii lasoo dhaafay, tiro xoolo dhaqata ah ayaa lagu laayay dalka Mali markii uu qarxay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee ku nool halkaasi. Kulan ay yeesheen Arbacadii la soo dhaafay ee todobaadkaan Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Maali ayaa waxaa ay Ra’iisul Wasaare Soumeylou Boubeye Maiga iyo Golihiisa Wasiirada ay ka gudbiyeen mooshin ku saabsan kalsooni kala noqoashada taas oo ugu dambeyn keentay inay is casilaan. Xubnaha Baarlamaanka dalka Maali ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ku eedeeyeen in uu ku guul dareystay wax ka qabashada xaalada amniga taasina ay dhibaato ku tahay Shacabka dalka Maali. Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Maali Abuu Bakar ayaa dhankiisa sheegay inuu warqadda iscasilaadda ka guddoomaay ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan golahiisa wasiirada,isla markaana dhawaan lasoo magacaabi doono ra’iisul wasaare cusub marka wadatashiyo lala yeesho axsaabta siyaasadda ee dalkaasi. Source
-
Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ayaa xalay kulan qarsoodiya ku yeeshay waddanka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu shalay gaaray madaxweyne Biixi, halka madaxweyne Deni uu hore u sii joogay. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo Arbacadii u safri lahaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa u baaqday kulanka madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonaan karo. Labada mas’uul ayaa xalay ku kulmay shir qarsoodiya oo aad warbaahinta looga ilaaliyay, inkastoo aan si faahfaahin loo ogayn qodoba ay ka wada-hadleen iyo in ay ku heshiiyeen midna. Sidoo kale, kadib markii uu soo baxay warka sheegaya kulankooda ayaa sida aan xogta ku helnay labada dhinacba si weyn uga caroodeen, waxaana ay xiriiro la sameeyeen qaar kamid ah suxufiyiinta iyo warbaahinta aadka loo akhristo oo ay u ballan qaadeen lacago, in ay warkan beeniyaan. Madaxweynaha Puntland ayaa jimcaha maanta ka soo dhoofay magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga UAE, isagoo u safray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu ka furmayo shir u dhexeeya dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland ayaa isna weli ku sugan waddanka Imaraaadka, iyadoo la filayo in uu dib ugu laabto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. PUNTLAND POST The post Biixi iyo Deni oo kulan qarsoodiya ku yeeshay dalka Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga. Safarka madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, waxaana safarkaan uu yahay mid deg deg madaxweynaha uu kaga baxay dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa safaro ku tagay dalka Sacuudiga, waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo balanqaadyo badan ka helay. Safarka maanta uu madaxweynaha uu ugu baxay Sacuudiga ayaanan horey loo shaacin, waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii casuumaad deg deg ah uu ka helay boqortooyada Sacuudiga. Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa culeesyo badan oo dhaqaalo iyo mid bulsho dareentay bilihii ugu dambeeyay, waxaana culeeska ugu badan uu kala kulmayaa xubnaha mucaaradaka dowladda. Dowladda Sacuudiga ayaa taageero badan u fidisay dowladda Soomaaliya, balse xiriirka ayaa xumaaday markii khilaaf uu soo kala dhex galay madaxda Carabta. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa dib ugu celiyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ku dhawaad 50 ruux oo muhaajiriin ahaa kuwaasi oo si iskood ah isku diiwaan geliyay in dib loogu celiyo dalkooda. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa shaacisay in dadkaasi dalkooda dib loogu celiyay, kadib markii ay dalbadeen in la celiyo, waxana laga dhoofiyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Puntland ayaa sheegtay in dhamaan dadkaasi la marsiiyay nidaamka caalamiga ah ee dib u celinta Muhaajiriinta, islamarkaana iyaga oo raali ah laga celiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Waxay ka koobnaayeen Rag, Dumar iyo Caruur tiro ahaan gaarayay 50 ruux, sida masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha ay warbaahinta u sheegeen. Muhaajireentaan u dhalatay Ethiopia ayaa ka xoogsan jiray gudaha Puntland sida ay sheegtay wasaarada arimaha Gudaha, haatana waxay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo sidaasna ay u dhoofeen. Puntland ayaa tan iyo horraantii sannadkan bilowday, dib u celinta soogalootiga Ethiopian-ka ee u badan qowmiyadda Oromada, balse dhinaca kale muhaajiriinta Oromada ayaa weli ku soo galaya gudaha Puntland.
-
Eritrea has deployed troops to along the border area with Sudan whose long time leader, al-Bashir, was deposed in a military coup and subsequently arrested, according to Eritrean Press(EP) report on Thursday. The source also added that Eritrea has denied entry for non-Eritreans along the Omhajer-Humera border crossings which was opened this year. It is unclear why Eritrea is now closing its door but EP reported that the restrictions are only from the Eritrean side which means that Eritreans entry to Ethiopia is not restricted by the Ethiopian government. Ethiopia and Eritrea are expected to sign a comprehensive agreement in a range of areas. Ethiopian state media outlets did not report about the recent development along Omhajer-Humera border at this writing. Source borkena Qaran News
-
Somaliland: President Muse Bihi On A Brief Visit To UAE Dubai, (Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi is currently on a brief visit to the United Arab Emirates. The visit is expected to last a few days and will include discussion with Emirate officials on areas of mutual interest. According to informed sources, President Muse Bihi will conclude agreements pertaining to the UAE military base in Berbera, which is almost completed and scheduled to be opened around the middle of this year. Other areas of discussion include the recently inaugurated Berbera Corridor and the continuing development of the Berbera port. The President was accompanied by the Somaliland Foreign Minister, Prof. Yasin Mohamud Haji Hir “Faraton”, other senior officials. Qaran News
-
G/dhexe Axmed Abshir Axmed (jaraale) Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in xabsi-guri la geliyay taliye xigeenkii hore ee Booliiska gobolka Bari, G/dhexe Axmed Abshir Axmed (jaraale) oo sida la sheegay ku eedaysan arrima kala duwan. Ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland ayaa maalmo ka hor weeraray guriga sarkaalkan oo lagu eedaynayo in uu hub dowladdu leedahay gurigiisa geystay mudadii uu xillka hayey, iyo sidoo kale in uu hub sharci-darro ah la soo degay, sida ay sheegeen saraakiil ciidan. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, taliyaal ciidan, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa ku guulaystay in ay kala qaadan ilaalada sarkaalkan iyo ciidamo Booliis ah oo gurigiisa hareereeyay,iyadoo ay rasaas is weydaarsadeen labada dhinac balse aan wax khasaare ah ka dhalan. Guddi dhex-dhexaad ah oo arrintan loo saaray ayaa la sheegayaa in ay guriga sarkaalkan ka heleen ilaa 30 qori oo isagu sheegtay in uu leehay, balse waa lagala wareegay, waxaana lagu amray mudada baaritaanku socdo in uusan gurigiisa ka bixi Karin. Dhinaca kale, waxay ku soo aadday laba maalmood kadib markii dowladda Puntland mamnuucday, soo dejinta, dhoofinta, iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada, islamarkaana amartay in aan wax hub ah lala geli Karin garoomada diyaaradaha iyo dekedda magaaalada Boosaaso. Xubno ka tirsan guddiga hawshan ku jira ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in weli uu socdo baaritaan la xiriira arrimaha lagu eedeyanayo G/dhexe Jaraale oo hore u soo noqday taliye ku xigeenka ahna, ku simaha taliyaha Booliiska gobolka Bari ka hor intaan xilka laga qaadin 23 Maarso ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Puntland: Sarkaal ciidan oo xabsi-guri la geliyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN):–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa ayaa shalay guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo ay usoo gudbisay wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed. Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayo-dhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayo-dhawrka. Ujeedada sharciga ayaa ah in horumarin lagu sameeyo siyaasadda Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka qaranka, in la dhowro xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed. View the full article
-
Popular Contributors