-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen xisbiyada dalka ka jira arkood sida; Ilays, UPD, Wadajir, NDP iyo NPP ayaa waxay kaga hadleen aratidooda ku aadan doorashooyinka dalka ka dhicaya, iyagoo soo jeediyay doorashadu inay noqoto mid qof iyo cod ah. Xisbiyadan, ayaa si fog uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku uu xilligan ku jiro, waxayna si gaar ah ugu kuur-galeen doorashooyinka 2020-ka ka dhici doona Somalia. Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada ay noqoto qof iyo cod, isla markaana leh deegaan doorasho qayaxan oo ku saleysan nidaamka axsaabta iyo saami qaybsiga matalaad isku dheelli-tiran. Waxay kaloo sheegeen in baarlamaanka 10-aad ee hadda jira uu waqtigiisa ku eg-yahay 26-ka bisha December ee 2020-ka, xilligaasna ay sharci ahaan ku asteysan tahay xilli lama dhaafaan oo ah inay soo dhameystiranto doorashada wakiilada shacabka iyo wakiilada Dowladaha xubnaha ka ah DF. Dhanka kale, Xisbiyadu waxay walaac ka muujiyeen in Dowladda hadda jirta ay sameysato muddo kororsi, waxaa kaloo sharciga doorashooyinka ee ay dhawaan ansixisay dowladda uu noqdo sharci wadar ogol ah, lagana talo geliyay qaybaha bulshada iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira. Haddaba, AKHRISO: Bayaanka ay soo saareen Xisbiyada dalka ka jira Qaarkood PUNTLAND POST The post Xisiyada siyaasadeed ee dalka oo soo saaray nooca doorasho ee ay doonayaan 2020-ka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kula kulmay Hargeysa madax ka socotay shirkad horumarineed oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu horkacayo guddoomiyaha shirkaddaas, Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Somaliland. Mas’uuliyiinta shirkada laga leeyahay Turkiga ee la kulmay Muuse Biixi ayaa ujeedkooda lagu sheegay inay dooayaan inay maal-gashi ku sameystaan iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda laga wado Somaliland. Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ayaa la sheegay inay doonayaan inay maal-gelin ku sameeyaan; kalluumeysiga, warshadaha, beeraha waddooyinka iyo sidoo kale macdanta, waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Somaliland ka muuqda iyo maal-gashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka socday. Dhanka kale, Madaxda shirkadda Turkiga laga leeyahay ayaa sheegay inay door-bideen inay Somaliland ku sameyaan maal-gashi, isla markaana ay u noqdaan tusaale shirkadaha iyo maal-gashadayaasha Turkiga si ay qayb uga qaataan maal-gashiga Somaliland. Wasiirrada Ganacsiga iyo warshadaha Somaliland ayaa kulanka wuxuu kusoo bandhigay qorshayaasha maal-gashi ee ay rabaan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah. Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiinta shirkadda Turkiga laga leeyahay, isagoo soo dhaweeyay inay xog-ogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee Somailland ka socda, isagoo xusay inay xukuumadda iyo shacabka ka go’an tahay soo dhawaynta cid kasta oo kheyraadka Somaliland ka jira. PUNTLAND POST The post Madaxda Shirkad doonaysa inay maal-gelin sameyso oo maanta booqday Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa shir gudomiyay shir dag dag ah oo ay isugu yimaadeen wasaaradda waxbarashada Soomaaliya madaxda daladaha waxbarasho ee dalka iyo maamuka gobalka Banaadir. Shirka oo jeedkiisu ahaa mid wasaaradda iyo madaxda daladaha ay ugu baaqayeen in ardayda ay ku laabtaan iskuulladooda waxbarasho ayna u diyaar gayoobaan Imtixaanka qaadistiisa sanad dugsiyeedka 2018-2019 maalinta taariikhdu tahay 27 may 2019ka.. Ugu horeyn waxaa shirka ka hadlay xog’hayaha daladda waxbarashada Safe Maxamed Siciid Faarax waxa uuna sheegay iney tahay wax laga xumaado ceebna ku ah waxbarashada in ardaydu ay galaan Imtixaan Suuqa lagu iibinayo, waxa uuna ugu baaqay in ardayda in ay dulqaataan. “Umadda Soomaaliyeed iyo waxbarashadaba sax kuma ahan in Imtixaan la og yahay oo Suuqa yaalo in Shahaadada ardayda uu soo baxo, Sharafka Tacliinta iyo midka waxbarashada mid baabinnaya waaye ,waxaa ka fiican sida ay wasaaradu hadda ay qaadatay” Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha daladda waxbarasha Fpens C/raxmaan Cumar Shiikh nuur , waxa uu sheegay in fashidaadda Imtixaanka sanad waliba ay dad gaar ah ay suuqa galiyaan waxa uuna xusay in laysku raacay in imtixaanka dhan lagu celiyo. ” Marwaliba fashilaadiisa dad yar ayaa sameynaya maadaama uu imtixaankii dhamaantiis uu baxay waxaan isla garanay dalado ahaan wasaaradda waxbarashada ayadda ayaa wakiil ka ah wasaaradaha waxbarasho ee maamul-gobaledyada dhan iyo maamulka gobalka Banaadir in Imtixaankii dhamaantiis lagu wada celiyo 12kii maado ee dugsiga sare waxaana la gali doonaa 27ka may 2019ka” Dhanka kale Afhayeenka guud ee daladaha waxbarasha Aweys Shiikh Maxamed ayaa kulanka ka sheegay arday galay Imtixaan qishkiisa uu suuqa yaalo aqoontiisa ay wax u dhibayso ardayda caalamkana barri uusan la tartami karin. ” Ardayga barri caalamka noo aadayo la rabo inuu ka gadmo waa inuu qish iyo laab laab uusan uga soo bixin Imtixaankiisa waxaa la rabaa inuu duruustii la baray uu ka turjumo, waxaan leenahay ardaydu ha is dajiyeen, haddii ardayda si qaldan wax loogu sheegayna waa inaysan aaminin oo dalkooda iyo dowladdooda ay ku kalsoonaadaan una diyaar garoobaan Imtixaanka” Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda waxbarada oo kulanka soo xiraya ayaa sheegay in dowladda ay ka go,an tahay ilaalinta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed. ” Waxaa habon in ardayda iyo waalidiintu hal shey ay ka fakaraan, oo ah shahaadada ardaygu uu qaadanayo aysan noqon xujo hor taalo ay noqoto mid ardaygu leeyahay aqoonteeda ,Waan ognahay in wax xun ay tahay marka imtixaan aad isku soo diyaarisay lagu dhaho waa wax kama jiraan, lakiin waxaa ka sii xun markii shahaado aad qaadatay lagu dhaho aqoonteeda ma lihid ee dib sanado waxbarashadii lagugu celiyo, dowladdana waa ka go,an tahay ilaalinta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed ” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadaha laydhka ee Somaliland ay khatar badan ku hayo bulshada waxaana isasoo taraya cabashooyinka ay bulshadu ku muujinayaan. Shirkadda Sompwer ayaa si fudud uga hadashay 2 qof oo laydhkooda ku dhintay xalay waxaanay tacsi u dirtay dadkii ay ka dhinteen iyada oo aan marna soo hadal qaadi wax ka bedel ay ku samayn doonaan adeegga ay bulshada u hayaan. Sannadihii u dambeeyay waxa soo badanayay khatarta shirkadaha laydh iyada oo ay dad kala duwan ay ugu nafwaayeen siyaabo kala duwan. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlay Dadkii ku dhintay Roobkii Xalay ka da’ay Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 6 Qof, halka 12 kalena ku dhaawacmeen. Shirkadaha Laydhka ayuu Madaxweynuhu ka hadlay dhibaatada ay Dadka ku hayaan isaga si gaar ah farta ugu fiiqay 2 qof oo xalay ku dhintay laydhka Shirkadda Sompwer waxaanu yidhi “Dadka dhintay waxa ku jira Dad Laydh soo go’ay ku dhacay, Shirkadaha Laydhka ee Waarrada Jilicsan dusha marinaya ee maalin walba oo Roob da’o Dadka qabsanaya, waa arrin Tallaabo laga qaadi doono, taasi oo ah in Dadka laga bedbaadiyo Laydhka..”ayuu yidhi. Source
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo weyn oo ay ku dooneyso inay Dowladda Soomaaliya kaga adkaato dacwadda Badda ee taalo Maxkamadda Adduunka. Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa waxaa loo gudbiyey miisaaniyad cusub oo loogu talagalay in lagu wajaho kiiska Muranka Dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeyo dalka Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa Todobaadkii la soo dhaafay Baarlamaanka Kenya horgeysay miisaaniyadda cusub ee loogu talagalay qareennada difaacaya Kenya. Wasaaradda Maalliyadda ayaa Miisaaniyadda loogu talagalay Kiiska Badda ku kordhisay lacag gaareyso illaa 300 Milyan oo lacagta dalka Kenya ah. Lacagta ay Wasaaradda markii hore u gudbisay Baarlamaank dalkaas ayaa waxay aheyd illaa 1.7 Bilyan oo lacagta Kenya ah, waxayna wasaaradda Maaliyadda hadda gaarsiisay illaa 2 Bilayn ee lacagta Shilinka Kenya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dooday in Kiiskaan uu u baahan yahay Miisaaniyad dheeri a h maadaama uu mar kale dib u furmayo Bisha September ee soo scoto. Wasaaradda ayaa Baarlamaanka dalkaas ka codsatay in shuruud la’aan lacagtaas lagu ansixiyo si ay Dowladda Kenya ugu guuleysato dacwadda kala dhaxeyso Soomaaliya oo u muuqato in looga guuleystay. Dacwadda u dhaxeyso Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo bilowday dhawr sano ka hor kadib markii Dowladda Kenya ay sheegatay dhul badeed ay leedahay Soomaaliya oo gaarayo illaa 100KM2. Somalia waxay doonaysaa in xuduud-baddeedka la calaamadeeyo, iyado ola waafijinayo xuduudka berriga ee ay labada waddan wadaagaan, balse Kenya waxay doonaysaa in xuduud-baddeedka lagu calaamadeeyo sohdimihii ay Xooggagii Gumeystayaasha sameeyeen. Dacwadda taalo Maxkamadda Adduunka ayaa la filayaa in go’aankeeda uu soo baxo maalmaha ugu dambeeyo sanadkaan haddii Kenya laga xukmiyana waxay taas ka dhigan tahay inay weyn doonto qeybo ka mid ah Berriga waana sababta keeneyso inay Kenya lacago tiro badan ku bixiso dacwadaan. Dowladda Kenya ayaa laga yaabaa inaysan ku qancin go’aanka Maxkamadda Adduunka maadaama ay maalmihii ugu dambeeyey saxaafadda dalkaas baahinayeen in inta badan aysan wadamada qaadan go’aanada ay gaarto Maxkamadda ICJ taasina ay Kenya u fududneyso inay ka hor timaado go’aanka. Muranka xuduud-baddeedkaasi waxa uu Khilaaf Diplomaasi ka ka dhex dhaliyey labada Waddan, iyadoo Dowladda Kenya horey u sheegtay inay Somalia u aqoonsan yihiin dal caddow ku ah Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir Puntland Post photofile Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka Nugaal, ahna taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal , G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa awaamiir culus ka soo saaray sugidda amniga caasimadda Garoowe. Taliyaha ayaa sheegay, in maanta laga bilaabo magaalada Garoowe ay mamnuuc ka yihiin, bacaha madoow ee lagu dhejiyo gaadiidka, isagoo digniin ku siiyay dhammaan gaadiidleyda in ay iska fiiqaan bacaha loo yaqaan beersolka, ka hor intaan ciidanku ka fiiqin. Wuxuu caddeeyay in aysan jirin cid loo ogolyahay adeegsiga bacaha madow ee gaadiidka, marka laga reebo madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo keliyah. G/sare Cabdixamiid Dirir ayaa sidoo kale sheegay, in gudaha magaalada Garoowe uu mamnuuc ka yahay hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka hubku saaranyahay marka laga reebo ciidanka sugaya amniga ee hawlgallada ku jira. Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay dad uu sheegay in ay Ramadaanta cunta xaaraan ah maalintii kariyaan oo qaarkood magaalada kala baxaan, isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo jebisa awaamiirta uu soo saaray. PUNTLAND POST The post Garoowe: Booliiska oo soo saaray awaamiir culus appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari laga buuxiyay walxaha qarxa uu galay gudaha Xarunta. Gaariga qaraxa waday ayaa waxaa uu Xarunta Degmada ka galay dhinaca Waqooyi oo ah goob ay degganyihiin dad danyar ah oo ay ka dhisanyihiin Guryo cooshado ka sameysan. Dhinaca uu Baabuurka kasoo galay ayaa ah meel barxad ah oo aysan joogin ilaalada Degmada halka jidadka kale ee soo galo degmada si weyn loo adkeeyey. Maamulka Degmada ayaa waxaa ay sheegeen in halka Gaariga uu ka galay degmada aysan ahayn meel ay ka filayeen,laakiin ay tani cashar ka baran doonaan. Xoghayaha degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xarunta degmada Wardhiigley ka socday raashin qeybin dadka masaakiinta ah, inkastoo maanta xilliga qaraxa uu dhacayay aysan goobta ka socon wax raashin qeybin ah. Xarunta Degmada Wardhiigley ayaa ku dhow Aqalka Madaxtooyada, waxaa bishii hore xaruntaas booqday Madaxweyne Farmaajo oo kula hadlayay shacabka deegaanka, iyadoo la xusuusto inuu xilligaas inuu hanjabaad u jeediyay dadka rabshadaha wada. Bishii September ee sanadkii la soo dhaafay labo qarax oo isku xigay waxaa lagu bur buriyay xuramaha Degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu bur buriyay xarumaha degmooyinka Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Heavy Rains Cause Loss Of Life & Properties Across The Country. Hargeisa,(Qaran news)-Heavy rains, accompanied by gale force winds have caused havoc in many parts of Somaliland. In Hargeisa, at least six people were said to have lost their lives and several more still missing and many ramshackle abodes were swept away in heavy rains that brought the city to a standstill. The major thoroughfares of the city were flooded and the already decrepit roads became even more impassable. In Caynabo, heavy rains with strong winds also caused flooding and damages to properties in the town. The town of Burao also saw some flooding as a result of the heavy rains. As welcome as these rains are, with many parts of the country facing drought, the inability of the local authorities to prepare and deal with resulting floods and damages remains acute. Given the meager resources of the country, a certain amount of ingenuity and self-help is required. The Somaliland President Muse Bihi Abdi inspected the damages caused by the rains in Hargeisa, accompanied by central and local government officials. Qaran News
-
In 2017, Kemri, while citing a study carried out in Embu and Meru counties, had declared that miraa does not cause oral, sexual or mental health problems.But publishing the same data last week in a scientific journal... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed ay maanta si wadajir ah u soo saareen shan ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa waxaa ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan nooca doorasho ay ka dhaceysa dalka markii uu waqtigooda dhamaado madaxda dowladda Soomaaliya. Xisbiyada UPD, Ilays, NPP, Wadajir iyo NDP ayaa waxaa ay soo jeediyeen in nooca doorasho ee la filayo inay dalka ka dhacdo ay noqoto Hal qof iyo Hal cod oo ay balan qaadeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay sheegeen in Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira uu waqtigiisa ku eg yahay 26 Bisha December ee sanadka 2020, isla markaana dowladda laga rabo inay dhameystirto oo la soo doorto xubnaha Golaha Shacabka iyo Wakiilada Dowlad goboleedyada oo ah Aqalka Sare. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka
-
War Qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa lagu sheegay in Hay’adda iyo dowladda Federaalka soomaaliya ay isku afgarteen ka gudbidda wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta loona gudbay qeybta afaraad oo soconaysa bishan May ilaa bisha Jully ee sanadka soo aadan ee 2020-ka. Hay’adda lacagata waxa ay u soo jeedisay madaxda Soomaaliya joogteynta Wadadii guuleysatay ee looga soo gudbay wajiyadii hore ee Barnaamijka kooxda la socodka SMP. Qoraalkaan waxaa uu ka dambeeyay kulan ka dhacay Addis ababa 24 bishii April ilaa 2dii Bishaan May kaasoo u dhaxeeyay madaxda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo koox ka socotay IMF oo ay hogaaminaysay Allison Holland waxaana ay isla meel dhigeen ka gudbida wajigaan. Kulankaan waxaa ka kale oo ka qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Guddmooiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka ayaa intii ay wada hadalaada Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka Deyn Cafintu socdeen waxa uu la kulmay madaxda Hey’ada IMF si uu uga dhaadhiciyo in Soomaaliya deymaha lagu leeyahay laga cafiyo waxaa kale oo uu la kulmay waddamada iyo hey’adaha kale ee Soomaaliya ku leh deymaha. Allison Holland Hoggaamiyaha kooxda Wadahadalka ee IMF ayaa madaxda dowladda waxaa ay uga mahad celisay sida ay uga go’antahay hirgalinta shuruudaha Barnaamijka deyn cafinta iyo sida xooggan ay oo ay uga dhiiran yihiin. Hay’adda lacagta aduunka ayaa markale bogaadisay kororka Dakhliga soo gala dowladda Federaalka iyo dadaalka hagaajinta maamulka maaliyadda. Dr Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay warbixinta Hay’adda lacagta aduunka ay soo saartay ee looga gudbay Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafiska SMP3 “ Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta IMF oo shaacisay in aan si guul ah uga gudubnay Barnaamishkii #SMP3 taasoo muujisay inaan fulinay dhamaan shuruudihii na looga baahnaa. Waxaa naga go’an har iyo habeen in aan ka shaqeyno dhameystirka howlaha ina horyaala” ayuu yirri Wasiirka Maaliyada Toddobaakan shir jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka gududbtay wajiga sadaxaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliyana raja weyn ka qabto in sanadka soo aadan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Labadii sano ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga gudubtay dhamaan shuruudaha Deyn cafinta ee sadaxdii waji ee SMP, sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda waxaana haray shirka go’aan gaarista in Soomaaliya deymaha laga cafiyo kaa soo loo madlan yahay in la qabto bisha december ee sanadkaan 2019 ilaa bisha January ee sanadka soo aadan ee 2020 ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka xabsiga dhigay wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Ciidamada ayaa badhtanka suuqa Hargeysa ka soo xiray wiilkan dhalinyarada ah oo ka tukaameysanay meel dhar lagu gado. Deegaanada Somaliland ayaa waxa looga diyaar garoowaya xuska 18-May, taasi oo loo badinayo in Xukuumada Biixi u aragtay in wiilkan dhalinyarada ah uu kasoo hor-jeedo dowladnimada aan wali la aqoonsan ee Somaliland. Ilaa iyo hadda ma jirto wax faah-faahin ah oo Laamaha amaanku ay ka bixiyeen xariga wiilkan dhalinyarada ah ee lagu soo xiray calanka Soomaaliya ee uu ku labistay darteed. Si kastaba, Maaha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay xabsiga dhigto dad ku labisan calanka Soomaaliya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay uu sarre u kacay xariga Xukuumada Biixi kula kacdo dadweynaha ku nool Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Growth in Somalia’s economy is expected to strengthen to 3% in 2019 from 2.8% last year, but it is vulnerable to destabilizing factors including fragile security, climate change, and poverty, the International Monetary Fund said on Tuesday. The Horn of Africa country has been in turmoil since 1991 when clan warlords overthrew President Siad Barre and then turned on each other. Over the past decade, it has been hit by famine and sporadic terror attacks by al Qaeda-linked militant group al Shabaab. “Somalia’s economy continues to recover, supported by vigorous activity in the construction, telecommunications, and financial services sector in 2018,” Allison Holland, who led an IMF team there, said in a statement. The upbeat review from the IMF, which also forecast inflation would this year ease to 3% from 3.2%, is a sign that the government’s public finance reforms are on track, Finance Minister Abdirahman Duale Beileh said. “No matter how hard these reforms are they are good for our country and we are moving forward with them,” he told Reuters. The government has broadened the tax base and strengthened tax administration, boosting domestic revenue almost 30% to $184 million in 2018, and to $54 million for the first quarter of 2019, Holland said. The reforms are a key step toward accessing billions in international debt relief, and last year the World Bank approved $80 million in grants to fund financial reforms, the first disbursement to Somalia in 30 years. Holland cautioned that the economic outlook remained “vulnerable to the still-fragile security situation, climate shocks, and the still-developing institutional capacity.” More efforts were needed to “improve economic resilience, increase employment and reduce poverty,” she said The IMF team discussed Somalia’s Article IV program, which scrutinizes a member state’s economic, financial and exchange rate policies. Minister Beileh said he expected Somalia to reach the “decision point” stage in the IMF and the World Bank’s debt relief process by early 2020. View the full article
-
(SLT-Bhutan)-Waa Sabti, Gudaha Dalka Bhutan, Lotay Tshering hadda wuxuu dhamaystirtay Qaliin dib u habayn ah oo uu Qof bukaan ah ugu sameeyay Cisbitaalka Jigme Dorji Wangchuck. Laakiin, Lotay Tshering maaha Dhakhtar Caadi ah oo si Maalin leh Shaqadan u qabta Toddobaadkii, waayo? Waa Raysal-wasaaraha Dalka Bhutan oo Juquraafi ahaan dhaca Koonfurta Qaaradda Aasiya. “Anigu waan ku nafisaa..” ayuu yidhi, Tshering oo sannadkan loo doortay Raysal-wasaaraha Qaran Dadkiisu ka kooban yahay 750,000, doorashadana waa tii saddexaad ee si dimuqraadi ah uga dhacda halkaa, tan iyo markii la laalay Nidaamkii Boqortooyada ahaa sannadkii 2008-dii. Raysal-wasaaruhu wuxuu sheegay inuu dhammaadka Toddobaad walba uu Qaliin sameeyo, marka uu booqdo Cisbitaalka “Dadka qaar waxay ciyaaraan Golf, Aniguse waxaan jecelahay Qaliinnada, waxaanan ku qaataa Fasaxayga halkan (Dhakhtarka)..” ayuu AFP u sheegay Raysal-wasaare Lotay Tshering oo xilligan da’diisu tahay 50 Jir, isagoo ka warramayey sida aanu Xirfaddiisa Caafimaad ugaga mashquulin shaqada kale ee siyaasadeed ee uu hayo. Caasimadda Dalka Bhutan waa Thimphu, malaha Laydhka Gaadiidka kala haga, in Sigaarka lagu dhex iibiyo waa la mabnuucay, Telefiishannada waxa la ogoladaay 1999-kii, sidaa waxa ku warramay standard media. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka lagu qaaday meelo ka mid ah Goobaha Shidaalka ee Sucuudiga. Weerarka ayaa lagu ekeeyay Goobo ka mid ah Meelaha Shidaal soo-saarka ee Dalka Sucuudiga, Goobaha Weerarka lagu qaaday ayaa ah laba. Weerarkan oo dhacay Salaasada Maanta, ayaa waxa uu sababay khasaare aan badnayd, kaasi oo soo gaadhay dhuumaha Saliidda qaada ee gaadhsiinaya Dekedda Yanbu, sidaa waxa sheegay Wasiirka Tamarta ee Dalka Sucuudiga Khalid al-Falih oo Qoraal uu soo saaray ay baahisay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee loo yaqaano SPA. Markii diyaaraduhu bilaabeen duqaynta ayaa Shirkadda Aramco joojisay inay dhuumaha Shidaalka ku siidayso, laakiin dab baa kacay markaa ka dib, sida Qoraalka lagu sheegay “Aramco waxay samaysay Tallaabo kasta oo muhiim ah, si ay u bakhtiisu dhuumaha shidaalka..” ayaa lagu sheegay Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Tamartu. Weerarkan ayaa yimid, Maalin ka dib markii Weerar lagu qaaday laba ka mid ah Maraakiibta Shidaalka Sucuudiga oo marayey Xeebta dalka Imaaraadka Carabta. Al Masirah TV channel oo ah Telefiishan ku hadla Afka Xuutiyiinta ka dagaalama Dalka Yemen, ayaa xaqiijiyey in Milletariga Xuutiyiintu uu Weerarkan ka dambeeyo. Source
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaarado Drones ah oo sida walxa qarxa ay maanta weerar ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh. Wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan oo lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saarouusan gaysan wax qarribaad ah oo hakad geliyey saliid soo saaristii. KhalidAl-Falih ayaa war ay baahisay warbaahinta dowladda ku sheegay in weeraradan ay halis ku yihiin qeybinta saliida caalamka, islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago “aragagixisada ka dambeysay ficilladan” oo ay ku jiraan kooxah Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto. Taleefishinta Xuutiyiinta ee Masirah ayaa sarkaal milatari kasoo xigtay in Xuutiyiinya ay weerar ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga. Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo iyo Xuutiyiinta ayaa muddo afar sano ah ku dagaalamaya dalka Yemen. Weerarka maanta ayaa yimid maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta. Reuters
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Masuuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kalluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka. Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay dalka Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Jamhuuryadda Somaliland ku duugan. Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey masuuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa caasimada Somaliland dib ugu soo laabtay, kadib safar uu dalka Kenya ugu maqnaa. Guddoomiye Cirro oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu beeniyey warar si aad ah loo hadal hayey intii uu ku maqnaa dalka Kenya. Ciro ayaa waxa uu sheegay inaysan wax kulan ah magaalada Nairobi ku dhex-marin Safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar u fadhiya Kenya, balse wuxuu xaqiijiyey inuu kulan la qaatay Wafdiyo kale oo safiiro iskugu jirey. Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa wuxuu yiri “Warbaahinta qaarkood waxay qoreen inaan Kenya kula kulmay danjiraha Dalka Qadar iyo Danjiraha Maraykanka, warkaasi ma jiro, laakiin Safiirka Qadar kama duwana kuwii aan la kulmay, wax noo diidanaya inaanu la kulano Safiirro gaar ahina ma jiro, Cidna nooma yeerin karto cidda aanu la kulmayno”. Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyuhu “Waxa weli socota ku xad-gudubka iyo Xadhigga Muwaadiniinta, waxa u dambeeyay Guddoomiyihii Garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI oo isna Rayi lagu xidhay, waxa la yidhi Dawladdu waa lana caayey, haddii ay Cid Cay lagu xidhayo waxay ahad in Maxamed Muuse Diiriye la soo xidho”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu si gaar ah u sameysanayo imtixaanka dugsiyada sare kadib markii dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la baabi’iyay imtixaanka oo dhan. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka soo dirty inay dib ugu laabtaan Muqdisho . “Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in saraakiisha loo xilsaaray qaadista Imtixaanka ee ka socday Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ay fashilmeen,waxaana uu ku amray Saraakiishaas inay si deg deg ah uga baxaan deegaanada Hir-Shabeelle. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado. “Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu Magacaabi doono Guddi laga soo xulayo, Aqoonyanada, Culumada iyo waxgaradka deeganada Hir-Shabelle,kuwaas oo ka Shaqeyn doono qabsoomida Imtixaanka Ardayda ku nool deegaannada Hir-Shabeelle. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho Ilo deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay Gaari CabdiBile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya. Hal Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay kuwa kale, walow aan la xaqiijin inta ay tiro ahaan gaarsiisan yihiin. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa qaraxyo nuuca Miinada ah lagula eegtaa Waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Muqdisho (SMN ) – War Qoraal ah oo Bartiisa Facebook uu ku daabacay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayuu kaga hadlay Dibadbaxyadii maanta ay Ardayda Sanadkaan ka qalin Jabineysa Dugsiga Sare ka dhigeen Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka. Wasiir Goodax ayaa cod dheer ku sheegay in Cabashada Ardayda ay dib u eegis ku sameynayaan soona saari doonaan war Farxad galiya Ardayda. Qoraalka uu Wasiirku Facebookiisa soo dhigay ayaa sidaan u qornaa!. Waxaan halkan baaq uga dirayaa ardayda soomaliyeed ee banaanbaxa rabshadaha wata ka wada magaalada muqdisho xaq ayaad uleedihiin inaad banaanbaxdaan balse marnaba dawladu raali kama ahaaneyso in shaqsiyaad shaati kale wata ay ka faaidaystaan ardayda masaakinta ee dareenkooda muujinaya wax walba amniga ayaa ka muhiimsan waad ujeedan jawaabta ay ka bixiyeen qolyaha nabad diidka ah oo marwalba ka faaidaysta fursadaha noocan oo kale ah dawlada somaliya waxay diyaar u tahay inay wax kaqabato cabashada ardayda marnaba xaq maaha arday juhdi iyo dadaal badan bixiyey iyo mid qash so helay inay imtixaan soo wada fariistaan waana sababta nagu kaliftay inaan goaan noocas ah soo saarno waxaan mar kowaad iyo marlabaad idinku xoojinaya inaad nabad ilaalisan guryihiinana kulabataan dawladuna waxay diyaar utahay inay soo saari doonto goaan idin farxad geliya wabilaaahi tawfiiq. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo dadaal uga jiray in uu dajiyo Ardayda Isusoo baxa ka sameysay Muqdisho ayaa tagay goob fagaaro ah oo u dhow Isgoyska KM4 , waxaana xilli uu doonayay in uu la hadlo Ardaydaasi meesha ka dhacay Rabshad xoogan iyadoo la dhagaxyeey Wasiirka iyo Saraakiil la socotay oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaana Ciidamada Ammaanka iyo qaar ka mid ah Ilaaladaha Hoteelada nawaaxiga ka dhawaa Rasaas ay fureen la sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 ka mid ah Dibadbaxayaasha , iyadoo wararka intaas ku darayaaan in Ciidmada Ammaanka ay hub ka dhigis ku sameeyeen ilaalada Hoteelka Lagu Magacaabo Giyaajo oo la sheegay Rasaas ay ku fureen dibadbaxayaashaasi lana xir xiray ilaaladaasi. Dowladda Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay kago’antahay in Ardaydu u fariistaan Imtixaan hufan islamarkaana ay la xisaabtami doonto shaqsiyaadka ku lugta leh Iibsiga Imtixaanaadkeeda. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Roob aad u xoog badan ayaa xalay ka da’ay Caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasi oo geystay khasaare badan. Roobkan ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, isagoona bur-buriyey hanti kala duwan. Ilaa inta hadda la xaqiijiyey waxa roobkan ku geeriyooday Lix qof halka ay Sagaal qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimada cisbitaal weyn ee magaalada Hargeysa. Dadka ku naf waayey roobkan ayaa waxa ka mid ahaa Afar qof oo gaari wada saarnaa oo ay qaaday laag biyo mareen ah oo kutaala xaafadda Boqol iyo kontonka ee Hargeysa. Roobka oo dabaylo watay ayaa sidoo kale waxa ka dhashay khasaare hantiyeed oo soo gaaray hotelo, tukaano, Meherado iyo goobo kale oo ganacsi. Roobkan ayaa magaalada Hargeysa waxa uu ka da’ayey muddo saacado ah kaasi oo hakad galiyay isku socodkii magalada, kadib markii uu wadooyinka halbowlaha ah uu soo dhoobay dhagaxaan badan. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday xalay oo soo kormeeray meelaha khasaaruhu ka dhacay iyo guud ahaan waxyeelada magaalada uu roobku gaarsiiyey, wuxuuna ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobkaa oo ahaa mid mahiigaan ah, isagoona ka tacsiyeeyay ehelada dadkii ku dhintay roobka. Waxa kale oo xusid mudan in Roobkaasi uu waxyeelo soo gaarsiiyay ilaa 50-gaari, halka ay gaadiid kale oo badan ay samato-bixiyeen Ciidammada Dab-damisku. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com