-
Content Count
210,898 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxtooyada Somaliland oo Bulshada u Iftiimisay Gefafka Sharci Ee uu Qarannimada Ka Galay Xildhibaan Dhakool iyo Garabsiinta Guddoomiye Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay, waxa uu xadhigga xildhibaan Dhakool ku sheegay sharci darro iyo dastuur jebin Xildhibaan Dhakool sharci-darro kuma xidhna ee wuxuu ku xidhan yahay sifo sharci ah, wuxuuna si cad ugu xa-gudbay jiritaanka qarannimada Somaliland, sharciyadda iyo Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay. Dhakool 18 May Wuxuu ku sheegay maalin madow Maalin aan gobonimo lahayn maalin qaranna aan ahayn Maalin aan taariikh u lahayn Somaliland Maalintii la qixiyey beelaha darafyada Shirkii Burco ee lagu aas-aasay goonii isu taaga Somaliland 18-May-1991-kii ee ay u dhammaayeen reer Somaliland, ayna kow ka ahaayeen Garaad Cabdiqani Garaad Cali, sheekh Muuse Goodaad iyo raggii kale ee reer Somaliland, xildhibaan Dhakool-na wuu ka been abuuray midnimadii maalintaasi lagu gaadhay go’aanka qaran. Dhakool waxa uu been cad ka sheegay inaan Somaliland Xusin halgankii daraawiishta, dastuurka Somaliland-na wuxuu mudnaanta koowaad siiyey oo ku xardhan xuskii daraawiishta, taasina waa been kale oo uu bulshada ku kala qaybinayo. Haddaba, sida ku cad waraaqda ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/96/19, kuna taariikhaaysan 11/05/2019, qodobada eedaynta xildhibaan Dhakool waxa ay yihiin: Qodobka 184 XCG oo ka hadlaya khiyaamo qaran oo lagu wiiqayo gobonnimada iyo jiritaanka Somaliland, madaama oo uu si toosa ugu soo bandhigay warbaahinta inuu ka soo horjeedo maalinta madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May. Qodobka 213 XCG oo dhigaya iska horkeenis bulshada Somaliland, sababtoo ah waxa uu shir saxaafadadeedkiisa ku sheegay in maalintaasi tahay maalintii la qaxiyey beelaha darafyada Somaliland, una tahay maalin madow halka beelaha SNM ka dhigayaan maalin qaran soona saaraan carruurtooda iyo dumarkooda. Qodobka 215 XCG oo ah fidin warar been abuur ah oo lagu kicinayo bulshada Somaliland oo keenaysa nabadgelyo-darro, sababtoo ah waxa uu hadaladiisa ula jeeday inuu ku wax yeelleeyo midnimada iyo wada-jirka shacbiga Somaliland, si ay u abuuranto jawi colaadeed iyo nabadgelyo darro, loona waayo nidaamka iyo kala danbaynta sharciga, warkaas oo uu ku baahiyey warbaahinta, kaasoo laga dhegeystay dalka gudihiisa iyo dibedadiisaba, danbiyadaas oo ah kuwo ka dhan ah qarannimada Somaliland, isla markaana qabashadiisu ay tahay waajib isla markiiba sida uu dhigayo qodobka 35-aad xeerka habka ciqaabta Sidaa awgeed, waxa aan shacbiga u sheegayaa gefkaa cad ee qaranka laga galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro-na ka doodayo sharci darrona ku tilmaamay inuu macneheedu yahay inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo inay 18 May tahay maalin madow, Haddaba, ninka leh ha la sii daayo, 18-ka May ma maalin cad baa mise waa maalin madow. Hadalkii golaha wakiilada marnaba layskuma diidin inuu gef qaran galay Dhakool balse habkii loo maray qabashadiisa, ayuu hadalkoodu daarranaa, fasiraadda arrinkaasina wuxuu u yaallaa labada hay’adood ee xeer ilaalinta iyo sharci dejinta. Source
-
(SLT-Virginia)-Nin Soomaali ah oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad rayid lala koray, ayada oo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu gaystay xilli uu sarkaal sare ka ahaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Dacwad madani oo ka dhan ah Yuusuf Cabdi Cali ayaa toddobaadkan ka billaabatay maxkamadda federaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, waxaana la koray Farhan Mohamoud Tani Warfaa. Farhan ayaa ku eedeeyey Yuusuf inuu jir-dilay, islamarkaanauu geeri ku sigtay sanaddii 1988-kii. Dacwaddan ayaa lagu sheegay in Yuusuf uu ahaa taliye ku tirsan Guutada Shanaad ee Ciidamadii Xoogga Dalka ee ku sugnaa Somaliland. Yuusuf ayaa lagu eedeeyey inuu Farhan iyo rag kale oo dad’yar xiray 1987-kii, isaga oo wax ka weydiinaya haan biyo oo la waayey. Farhan ayaa sheegay inuu dhowr bil xirnaa, markaasi oo dhowr mar dharka laga dhigay lana garaacay, sida uu sheegay. Farhan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Yuusuf inuu dhowr mar toogtay islamarkaana askartiisa ku amray inay aasaan, isaga oo mooday inuu dhintay. Hase yeeshee, askartii ayaa garowsaday in Farhan weli nool yahay, waxayna kadib si qarsoodi ah ugu geeyeen qoyskiisa, ayaga oo taas ku beddeshay laaluush, sida lagu sheegay dacwaddan madaniga ah. Yuusf ayaa markii ay dowladdii Soomaaliya dhacday sanaddii 1991-kii u qaxay dalka Canada, hase yeeshee waxaa laga soo masaafuriyey markii taleefishinka CBC ee dalkaas uu barnaamij ka diyaariyey eedeymaha loo haysto. Wuxuu hadda muddo labaatan sano ka badan degan yahay gobolka Virginia. Qareenka u doodaya Yuusuf ayaa beeniyey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey. Source
-
(SLT-Washington)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa maanta ku amartay dhammaan shaqaalaheeda laga maarmi karo inay ka baxaan safaaradeeda Baghdad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran. Washington ayaa maalmihii dhowaa sare u qaaday cadaadiska ay ku hayso Tehran, ayada oo Iran ku eedeysay inay qorsheeneyso weerar soo socda oo ay ka fulineyso gobolka. “Kooxo argagixiso iyo muqaawamo oo dhowr ah ayaa ka shaqeynaya Iraq, waxayna si joogto ah u weeraraan ciidamada iyo shacabka Iraq” ayaa lagu yiri digniinta socdaal ee ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. “Maleeshiyo diimeedyada kasoo horjeeda Mareykanka ayaa sidoo kale helis gelin kara muwaadiniinta Mareykanka iyo shirkadaha reer galbeedka ee Iraq ku sugan” Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii tagay xirtay qunsuliyadeeda magaalada Basra oo dibadbadbaxyo xoogan ay ka dhaceen, waxayna ciidamada Iran ay taageerto ku eedeysay inay si aan toos ah usoo weerareen. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa toddobaadkii tagay booqasho aan la fileyn ku tagay magaalada Baghdad si uu u xoojiyo xiriirka Iraq, ka hor inta Mareykanka uusan Iraq saarin cadaadis xooggan. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Sh/dhexe ee HirShabelle ayaa tallaabo la yaab leh ka qaaday Baabuurta dadweynaha ee ka dhex shaqeeyo inta u dhaxeyso Jowhar iyo Muqdisho kadib markii ay Shalay diideyn inay qaadaan dadweyne badan oo la doonayey inay Garoonka Diyaardaha kusoo dhaweeyaan Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo Shalay halkaas gaaray. Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe ee hoos tago Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inay shaqo joojin ku sameeyeen gawaarida dadweynaha ee isaga goosha inta u dhaxeyso Jowhar iyo Muqdisho. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay sababta ka dambeysay xayiraadaan ayaa lagu sheegay in qaar ka tirsan gaadiidleydaas ay shalay diideen in ay qaadaa ndad shacab ah oo Garoonka Diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyey Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle. Sababta ku kaliftay Gaadiidleyda inay diidaan qaadista dadweynahaas ayey ku sheegeyn cabsi ay Al-Sabaab ka qabaan haddii ay qaadaan dadka soo dhaweynayo madaxda Hirshabelle, maadaama arrintaas horey loo sheegay in looga digay. Gaadiidleyda ayaa ku dooday in jidka ay ka shaqeeyaan ee isku xira Jowhar iyo Muqdisho ay ka buuxaan ciidamo ka tirsan AL-Shabaab kuwaas oo ku hanjabay inay gubi doonaan Baabuurtii la shaqeyso maamulka darawadana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah. Amarka gaadiidka Shaqada looga joojiyey ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo si weyn uga carooday inay Gawaarida diidaan qaadista dadweynaha soo dhaweynayo Madaxweynaha Hirshabelle. Gaaliidleyda ayaa codsaday in shaqadooda loo fasaxo isla markaasna go’aankaas uu yahay mid ay aad uga xumaadeen. Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeysay waxay aad ugu soo xoogeysteen jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Jowhar, waxayna halkaas ka fuliyeen dhowr weerar sidoo kalana waxay jidkaas ku gubeen baabuur ay lahaayeen dad shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dad ku soo xoomay goobta shilka Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhintay, 11 kalena waa ku dhaawacmeen, shil gaadiid oo ka dhacay laamiga dheer ee u dhexeeya magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, gaar ahaanna nawaaxiga degmada Carmo ee gobolka Bari. Qof soo arkay goobta shilku ka dhacay, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in shilkaasi uu ka dhashay kadib markii Bas nooca rakaabka qaada oo ka yimid magaalada Boosaaso, kuna socday caasimadda Puntland ee Garoowe, ay isku dhaceen gaari booyada oo kuwa biyaha dhaamiya. Labada gaari oo burbur xoogleh ka soo gaaray shilkaasi, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 3 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 11 qof oo kale, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo halis ah qabaan. Dadka ku dhaawacmay shilka, ayaa markiiba loola cararay isbitaalka degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasi oo haatan lagu dabiibayo dhaawacyadooda. Shilalka noocaasi ah, ayaa ku soo noq-noqday laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo weliba xilligaan ay u dheertahay roobabka gu’ga oo meelaha qaar burbur u geystay laamiga. Halkaan ka eeg sawirada shilkaasi PUNTLAND POST The post Shil khasaare ba’an geystay oo ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Fuleey! Fuleey ma calfado wuxuu rabo saa naftaan ku simaynee! Doqon ma calfado wuxuu rabo saa xin baa u diidiyee! Tukana caano ma calfado saa qarkuu kaga istaagiyee!… Madaxdii dalka waa ay soo kala tageen, muddoo 7aad ku dhow oo ay shirayeen gunaanadkeedii wuxuu noqday gacmo isku seyr iyo iyadoo la kala xanaaqsanyahay in la soo kala tago, dad-weynahana laga wada qarsaday xogtii ay xaqa u lahaayeen xan ay war-baahinta soo ururisay oo aan rasmi ahayn mooyee, waxa ugu weyn ee shirkaas laga faa’idayna waxay tahay in maanta dad-weynaha u qiimaysanyihiin madaxda dalka hoggaankiisa haysa iyo nooca ay yihiin, haba ugu horeeyso madaxda xukuummadda dhexe, madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha, waxaana la oran karaa wax dhab ahaan shirkaas ku khasaaray waa xukuummadda dhexe. Waxaa cajiib ah in shirkii laysugu yimid Garowe ay madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha qaabkii ay ku yimaadeen uu ahaa mid ay caro ku jirto oo ujeeddadiisu ahayd wax iska dhicin iyo inay ka soo adkaadaan maamullada ay la kulmayaan, mana aysan rumaysnayn in labada dhinaca ee madaxda maamul-gobleeddada iyo iyaga ay labadaba yihiin dowladdii Soomaaliya, waxaana ku talo galkoodu ahaa inay la kulmayaan dad ka soo hor jeeda dowladda ama kooxo mucaarrad ah oo kale, waana meesha ay ka soo bilaabanayso colaadda ay madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa abuureen isla markaasna ay kula jiraan maamul-goboleeddada, waxaadna moodaa in labada nin aysan rumaysnayn ama garowsanayn in dowladda goboleeddada ay ka tirsanyihiin si rasmi ah dowladda federal-ka, waana arrin si cad dhaqankooda looga dheehan karo haddii ay tahay hadal iyo ficilba. DHinaca kale, madaxda maamul-goboleeddada ayaa iyagana u muuqda inay fahamsanyihiin oo ay indhaha ku hayaan in hab dhaqanka dowladdu federalka uu ka maqanyahay ama uu inkirsanyahay si cad oo ku talo gal ah inay yihiin dowlad goboleeddada ay ka samaysantahay dowladda federal-ka xubinimadoodana ay ku dhisantahay dowladnimmada isla markaasna ay leeyihiin si dastuurka waafaqsan awoodo is maamul hoose oo gaar u ah, iyo mid siyaasadeed oo ay tahay in laga talo galiyo arrimaha dalka… marka shirkii Garowe laysugu tegay way iska cadayd inuu natiijo la’aan ku dhammaanayo laguna sii kala fogaanayo, waxaana hadda ay arrintu noqonaysaa si ka duwan siyaabihii hore, waxaana shaki la’aan bilaabanaysa in wax kasta oo ay dowladda federal-ka soo jeediso ay mawqif ka qaataan maamul goboleeddada xataa haddii uusan iyaga dhib ku ahayn si ay u muujiyaan kaalinta siyaasadeed ee ay leeyihiin iyo waliba si ay shakiga uga saaraan kaalinta wakiillada aqalka sare ee iyaga ku fadhiya magaca maamul goboleeddada, waana sababta keentay in dowladda federal-ka ay la colowdo aqalka sare, waxayna xubnaha aqalka sare u aragtaa wakiilo si toos ah ugu taagan maamul-goboleeddada, waayo xubnaha aqalka sare ayaa ku fadhiya oo laga soo xulay magaca maamul goboleeddada, waana waxa ay uga duwanyihiin golaha shacabka oo isaga xubnihisa lagu soo xulay nidaamkii hab beeleedka ahaa ee 4.5. Farmaajo, inuu maamul goboleeddada heerkaas la gaaro waxaa inta badan ku dhiiri geliyay Abiy Axmed Cali, ra’iisal wazaaraha Itoobiya, oo uu la galay heshiisyo aan ilaa iyo hadda cid ka war haysa waxay ku salaysanyihiin aysan jirin, xataa xubnaha xukuumadda. Waxaa arrintaas si cad looga dheehan karay duulaankii ay ciidammada Itoobiya ka geysteen maagaallada Baydhabo December 13, 2018, iyagoo si barer ah u faro gelinaya arrimaha gudaha dalka, hor joogsadayna inay doorasho xor ah ka dhacdo maamulka Koonfur-Galbeed isla markaasna ku xad-gudbay oo soo xiray murashax Mukhtaar Roobow oo isagu guddiigii doorashada ee maamul goboleedku u aqoonsadeen inuu yahay murashax buuxiyay shuruuddii tartanka, oo la siiyay shahaadadii murashaxnimmada!…. talaabadaas oo waqtigaas ahayd farriin cabsi gelin ah oo ku socotay maamul goboleeddada kale oo ay ugu horeysay Puntland oo doorashadeedu maalmo ka dhinaanyeen. Si kastaba ha ahaatee, Puntland oo uu markaas xukumay hoggaan aad jilicsan oo musuqmaasuqu heerkii ugu sareeyay gaaray waxay fara gelinta handdadaadda, cudud sheegashada, iyo laaluushka loo soo adeegsaday ka badbaadday xil-dhibaannadii cusbaa oo aad u fahmsanaa dagaalka iyo colaadda ay dowladda federal-ka ku hayso maamul goboleeddada. War-bixintii la xiriirtya shirkii Garowe ee uu jeediyay madax-weynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Max’ed (Saciid Dani) waxay iyadana marqaati cad u ahayd sida dowladda dhexe uga madax adaygtay in talada iyo dejinta nidaamka siyaasadeed ay qayb ku yeeshaan dowadaha xubnaha ka ah nidaamka federal-ka ah ee uu dalku qaatay, in kastoo sida ka muuqatay Deni uu ka aslaaubaysnayay wuxuu czdeeyay inaysan jirin wax natiija ah oo laysla gaaray, waxaase tallaabo la xiiseeyo ahayd tallaabada ay maamul goboleeddadu uga jawaabeen natiijadii uu ku dhammaaday shirkii Garowe taasoo ay diideen nidaamkii canshuurta ay dowladda federal-ka ku soo rogtay maamul-goboleeddada, waxaana arrintan loo qaadan karaa bilowga talaabooyinka ay maamul-goboleeddada ku barayaan dowladda federal-ka ah awoodda ay leeyihiin… waxaa iyadana hubaal ah in go’aankaas ay qaateen dowlad goboleeddad oo ay ku diideen canshuurta ay soo rogtay wazaaradda maaliyadda haddii ay ka dhabeeyaan ay tallaabadaas soo dedejin karta in loo noqdo wada xaajood luuqadda qaynuunka lagu wada hadlayo, waana irrid keliya ee u furan dowladaha federal-ka tirsan. Waxaa arrin kale oo muhiima ah in dowlad goboleeddada ay ajandayaashooda ku darsadaan in dowladda federal-ka ay baraan hadaysan aqoon Aqlka Sare, isla markaasna ay fahamsiiyaan inay tahay hay’ad sharci ah oo madax bannaan awoodeeduna ku qeexantahay dastuurka. Farmaajo iyo KHeyre, waxay heleen fursad ay wajiga siyaasadeed ee dalka oo dhan wax kaga bedeli kari lahaayeen kuna midayn kareen nidaamka siyaasadda ee dowladda, laakiin qof ay meel u cadahay ama dano gaar ah leh waxaa damqaya dantaas oo keliya, waxana gelaysa fuleynimo iyo cabsi uu dantaas u baqayo, sidaa daraadeed waxaa adkaanaysa siduu u gaaro danta weyn ee waajibaadkiis ah. Irrido furnaa ayeey soo xireen, waxayna garan waayeen xataa inay wax dabciyaan, rajo muujiyaan, waqtiga jiidaan, dib wax u dhigtaan, laakiin mar keliya intay jilibka aasteen bay MAYA mooyee wax kale aysan shirka la tegin, si aad moodeyso inay fulinayaan qof kale amar uu soo siiyaya oo aysan talada rogrogi Karin…hadaysan dadkii talada la lahaa oo ahaa dowlad goboleeddada la tashanayn yeey la tashanayaan?!…Sidaan u burburnay waxaa ka daran sida laynoo soo dhex galay!…Allow guuli u dhoweydaa!…Markuu Farmaajo ku haray Garowe, dad badan ayaa filayay inuu talo u horay oo uu wax soo kordhin doono, waxayse rajadaas ku dhammaatay in sidii caadadiisa ahayd uu albaabka hoosta ka xirto!… Natiijadii shirkii Garowe waxay shacabka u qeexday tayada ay leedahay dowladda ay taladooda ku aamineen, waxayna ku abuurtay wallaac weyn oo ay ka qabaan sida ay dowladda u maarreyn karayso arrimaha la soo gudboonaan kara siiba marka ay timaado siyaasadda arrimaha gudaha, waxayna dareemayaan inaysan dowladda dhexe ahayd tix geliso isu soo dhoweynta dadka, talada dalkana aysan ku koobin golaha fulinta ee dowladda dhexe oo keliya. Dowladda federal-ka iyo xubnaha dowlad goboleeddada waxaa hadda looga fadhiyaa inay sii wadaan wada hadalkii bilowday, waxaana taas ay ka bilaaban karaysaa guddii isku dhaf ah oo khubara ah oo laga soo xulaya golayaasha dowladda dhexe, dowlad goboleeddada, oo xog ogaal u ah arrimaha iyo khilaafaadka jira in lagu soo daro kulanaka dhex maraya dowladd dhexe ee federal-ka iyo dowlad goboleeddada, waayo talada ma aha id gaar u ah madax-weynaha dowladda federal-ka, ra’iisal-wazaaraha iyo madaxda dowlad goboleeddada, waxaana shaki la’aan ah in laga gudbi caqabadaha jira haddii lala yimaado daacadnimo iyo danta guud oo keliya miiska loo soo wada fariisto…waxaana la gudboon dhammaan dhinacyada wada hadlaya inay maanka ku hayaan in xeer kasta oo lagu heshiiyo ama la dhigto in marka cilado lagala kulmo la bedeli karo, oo aysan ahayn waxyi samaawi ah!…goob-joog shisheeyaan loo baahnayn, talo shisheeyaan loo baahnayn, baahideenna ugu weyn waa daacadninmo, wax isu quurid, iyo in loo dhabar adaygo ilaa danta ummadda meel lagu soo gunto…wada hadalkuna ha socdo!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garowe (SMN) – Wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhilinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland ayaa waxa ay amaro dul dhigtay Ajaaniibta ka shaqeysata deegaanada maamulkaasi. Wareegto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Axmed Cabdulle Tigaana ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha ka howlgala Puntland in aysan shaqaaleyn karin qof aan soo marin hab sharciga waafaqsan. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay dhammaan fartay in cid kasto oo ay quseyso amarkan ay hoggaansato xeerarka iyo shuruucda dowlad goboleedka Puntland. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Nairobi (SMN) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha,isagoo halkaas ku daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya. Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya. Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha. Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta. Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka. Gabagabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, isagoo xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya. “Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan, kaas oo shaqaalaha aqoontoodda iyo kartidoodda kor loogu qaadayo, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo.” Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa fulinaysa mashruucan oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo kala matalaya gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa caawa ku ballsan tartan aqooneedka Shabelle. Labada degmo ayaa ku wada jira Group-ka A is araga labaad ee wareega koowaad oo caawa la guda galayo. Baraawe ayaa tartankii hore laga soo badiyay, kadib markii ay isku dhaceen degmada Kaxda ee gobolka Banadir. Sidoo kale Hodan ayaa horay looga soo badiyay, waxaana guul ka gaartay degmada ay dariska yihiin ee howlwadaag. Taaba gelinta sanadkan tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article
-
Marka (SMN) – Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan la marin mudo ku dhow 7 sano. Howlgalkan ayaa ahaa mid Miinooyin looga saarayay wadadaasi oo muhiim u ah dadweynaha. Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan) oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan. View the full article
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Puntland ayaa dhallinyarada Soomaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka may oo ku beegan 76 guuradii kasoo wareegatey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL. “Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed, hambalyo dhallinta Puntland oo maanta ay u tahay sannad guuradii 76-aad ee aas-aaskii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyey waa dhallinyaro dedaashey, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badan yahay maanta, waa in aad dalka horumarkiisa ka shaqaysaan, Gacmaha isqabsataan, kuna baraarugsanaataan sidii aad horumar u gaari-lahaydeen, dalkana aad horumar u gaarsiin lahaydeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Maalinta 15-ka May waxaa ay ku weyn tahay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan tariikhda gobonimadoonka Soomaaliyeed, waana maalintii la aas-aasay ururkii SYL sanadku markuu ahaa 1943, kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed oo hadafkoodu ahaa sidii ummada Soomaaliyeed ay uga xoroobi laheyd Gumaystihii xilligaasi, arrintaas oo ugu danbeyn guul laga gaaray 1960. Madaxweynaha Puntland ayaa dhallinyaradii ururka SYL Alle uga baryey inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo acmaashooda wanaagsan iyo dhaxalkooda taariikhdu maanta xusayso ee ay dalkooda, dadkooda, diintooda iyo nafahoodaba u dhiteeyeen. Ugu dambey, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan dalkooda oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soo-socdaba, si looga mira-dhaliyo hadafkii dhallintii u istaagtey sidii uu dalkan ku hagaagi lahaa, u xoroobilahaa, horumar u gaadhilahaa, nabad iyo xasilooni waartaa uga hirgalin-lahaydeen. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo mida Madaxweyne Muuse Biixi. Mustafe Shiine ayaa sheegay in Xukuumaddii Axmed Siilaanyo iyo xukuumadihii ka horeeyayba aysan jirin in ummaddu kaga cabato cadaalad daro iyo sad-bursiiyo qoys, sida tan maanta joogta ee Madaxweyne Muuse Biixi. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Xukuumadii Siilaanyo aysan jirin xariga xadhkaha goostay ee maraya in xildhibaanadii xasaanada lahaa xabsiga la dhigo, isagoona ka dhawaajiyey in Xukuumada Biixi ay ku kacday dastuur jebin bareer ah, wuxuuna yiri: “Kulmiye markay ku jireen, Kulmiye muu xumayn,iyaguna may xumeen, intan uun baa jirtay ” sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha barakacayaasha xukuumadda Somaliland. Cabdikiin xinif waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in kolkii ay KULMIYE ku jireen xubnihii Wadani u hadlay inay inta ay hadda ku dhaliilayaan xukuumadda ay jirtay oo ay wanaagsanayd inay markaa sheegaan. Sida ka muuqata hadalka Xinif oon aniga shaqsiyan uu ka mid yahay dadka aan u ixtiraamaa in aanu dafirsanayn dhaliisha jirta ee ay xubnaha xisbiga Wadani ee xukuumaddii hore ee Siilaanyo ka tirsanaa ku ganayaan tan Muuse Biixi. Keliya waxa dooda gudoomiyuhu u dhacaysaa inay siyaasiyiinta xisbiga Wadani ee mar ka tirsanaa Kulmiye ay iska aamusaan mar haddaanay dhaliishan ay hada arkayaan oo xiligaaba jirtay aanay sheegin. Haddaba waxa ayaan darada jirtaaba ay tahay in Cabdikariin uu ka mid ahaa raggii tamar iyo tacab kaleba geliyay xukuumaddii Siilaanyo, sida uu tan Muuseba u geliyay, islamarkaana ka mid ahaa raggii ugu dhawaa uguna awooda badnaa xukuumaddaa,balse arrinka uu seegay ayaa ah laba qodob:- *masuulka xilka hayaa haddii wax qaloocdaan ama ay dhaliil arkaan suuqa iyo warbaahinta midna kama sheegaan ee waxa ay la tagaan fagaarayaasha xukuumadeed ee lagaga hadli karo, laguna sixi karo, haddise uu lee yahay dhaliishaa iyo dhaliishaa ayaa jirtoo aanay goobaheedii kaga hadal waa dood kale. *tan labaad anigaaba leh, dhaliisha maanta jirtaa may jirin xukuumaddii Siilaanyo, waxana aan ku sababaynayaa qodobada soo socda. Xukuumaddii Siilaanyo iyo mid kastoo ka horeysay may jirin in ummaddu kaga cabato cadaalad daro iyo sadbursiiyo qoys, sida tan maanta joogtaa. *Xukuumaddii Siilaanyo may jirin dhaliisha maanta taagan ee ah in xukuumaddu tahli kariweyday inay midayso shacabkeeda oo madaxweynuhu soo dhiso xukuumad u eg in ummaddu ka wada muuqato oo loo siman yahay. *Xukuumadsii Siilaanyo ma jirin xadhigan xadhkaha goostay ee maraaya in xildhibaanadii xasaanada lahaa gudaha la dhigo. * Xukuumaddii Siilaanyo ma jirin dastuur jebin badheedh ah oo uu weliba ku adkaysan jiray madaxweynuhu, isagoo inoo sheegaaya in sharcigu saraynaayo, tiiyoo ay jirto in golihii wakiilada iyo garsoorkiiba xadhig ay ku sheegeen mid baal marsan shacabka in uu weli dabada sii hayo hogaamiyaha dalku. Waxa aan dood hore maqlaayay Maxamuud Xaashi oo leh qaabkii wada-hadaladii hore ay xukuumaddii hore u waday lagu sii wadi kari maayo. Waxa hore loo yidhi “hal libaax arkaysaa ma godlatee”. Waxaan is weydiinayaa ma madaxweyne Muuse ayaa dhegihiisu jecel yihiin in khaladaadkiisa lagu difaaco is barbar dhiga xukuumaddii Siilaanyo iyo tiisa, mise siyaasiyiinta wakhtigan u hadla xukuumadda Muuse ayaan hay wax kale oo ay ku dufaacaan dhaliilaha shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaridka uga imanaaya xukuumadda?. Jawaabta su’aashaa inta ehlu caqliga ah ee dood yaqaankaa baan u deynayaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Somali Minister of Labor and Social Affairs Saadiq Warfaa launches Reviving National Capacity to Promote Decent Employment in Somalia project that will improve the civil service of the Federal Government of Somalia and it’s Member states. Minster Saadiq Hersi Warfaa met with donors in Nairobi to inaugurate the Project. Source: Hiiraan Online
-
Somali Minister of Labor and Social Affairs Sadik Warfa launches Reviving National Capacity to Promote Decent Employment in Somalia project that will improve the civil service of the Federal Government of Somalia and it’s Member states. Minster Saadiq Hersi Warfaa met with donors in Nairobi to inaugurate the Project. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-150519.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyey Imtixaankii socday iyo banaanbaxyadii ay dhigeen Ardayda. Taabit Cabdi, oo hadda ah Hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka, waxa uu sheegay in nasiibdarro ay tahay waxa ku dhacay Ardayda Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka Berito ee dalka. Taabit ayaa sheegay inuu rajaynayo in Wasaaradda Waxbarashada, Ardayda iyo Waalidiinta ay isku ragti ka noqdaan Imtixaanka, isla markaana muranka jira laga gudbo. Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay waajib saaran qof walba oo Soomaali ah in uu dhageysto cabashada ardayda Soomaaliyeed loona baahan yahay in loo dabacsanaado, si wadajir iyo wadashaqeyn looga gudbo wixii dhacay. Go’aankii habeen ka hor Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu ku joojiyey imtixaankii fasalka 12aad ee shahaadiga ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ay dhigeen Ardayda Soomalaiyeed badankood iyo go’aano ay qaateen Maamulada qaar ee dalka ka jira. Dhageyso Taabit Cabdi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Taabit-Cabdi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maamulka Gobalka Sh/dhexe ee Hirshabelle ayaa shaqa joojin ku sameeyay dhamaan gaadiidka qaada dadweynaha kuwaas oo istaacmaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar wadada xariirisa. Sababaha gaadiidkaan shaqada looga hor istaagay ayaa ah in Qaar ka mid ah gaadiidleyda Magaalada Jowhar ay shalay ka biyo diideen in ay qaadaan dad shacab ah oo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar shalay ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Gaadiidleyda ayaana Sabab uga dhigay arintaasi in ay jirto cabsi ay Al Shabaab ka qabaan haddii ay qaadaan dadka soo dhaweeya Madaxda. Amarka gaadiidka shaqada looga joojiyay ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe oo ka carooday diidmada gaadiidleyda shalay ay sameeyeen. Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen inay aad uga xumaadeen go’aanka ka soo baxay Maamulka Gobolka islamarkaana ay dalbanayaan in shaqadooda loo fasaxo si ay u wataan shaqadoodii la joojiyay. Ammaanka wadada xiriirisa Muqdisho & Jowhar ayaa noqotay mid faraha ka baxday, kadib markii wadadaasi ay ku bateen weerarada Shabaab ay ka fuliyaan halkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxa la xaqiijinayaa in xubno ku kala sugan UK Iyo Muqdisho in ay Mashruuc ku soo qaateen caruurta ku nool magaalooyinka Somaliland in ay u qaybiyaan maryo ka tolan calanka Somaliya, si khalkhal loogu galiyo Somaliland oo halkaasi ku soo gaadhay nabada Iyo xasi loonida aan ku Iman si hawl yar hase ahaatee ay dhiigooda Iyo naftoodaba u soo hureen aabayaasheen. Iyada oo la is wada garanaayo waxa haboonaa in aan caruurta lagu soo dhuuman ee dalka Iyo dadka loo tudho, Lana joojiyo shilimaadka laga soo qaadanaayo Farmaajo oo jar ka sii laalaada. Qaran News
-
A heavy gunfight between Somali military and Al-Shabaab fighters took place on Tuesday night Qoryoley district located in the southern volatile Lower Shabelle region. The battle broke out following an ambush attack against army bases in the town by armed militants from different directions, according to the sources. The two sides exchanged heavy and light weaponry during the fighting which raged on for a few minutes. The details of the casualties on both parties remained sketchy. The situation has returned to normal on Wednesday morning and there have been reports on security operation to ensure the stability after the attack. View the full article