-
Content Count
208,260 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali security forces in Mahas town in Hiran region have arrested several suspects in the killing of a senior local official on Friday in a bomb blast. At least one person has been killed and two others injured in a landmine explosion in Somalia’s central town. According to witnesses, the explosion hit a car belonging to the District Deputy Commissioner, Abdirashid Osman Arab in the town center of Mahas. Arab reportedly killed in the blast while two other occupants are said to have sustained injuries. The identity of the other two passengers did not yet been established. Officials say the blast was caused by a remote-controlled Improvised Explosive Devices (IED). Somali forces who reached the scene have launched an operation to pursue the perpetrators of the attack. In a statement posted on its affiliate online media, al-Shabaab has claimed the responsibility for the attack. View the full article
-
Somali forces backed by African Union Mission In Somalia (AMISOM) has foiled an al-Shabaab attack in Somalia’s Southern region. Heavily armed al-Shabaab on Friday night attempted to storm a military base manned by Somali forces in Garbaharey town of Gedo region, prompting brief gunfire between the sides. According to the sources, Ethiopian troops under the framework of AMISOM have dispatched reinforcement to the base. After firing several motor shells on bases of AMISOM and SNA, al-Shabaab reportedly retreated. No casualties caused by the attacks have so far been reported. Somali forces have this morning launched operations in and outside the town to smoke out al-Shabaab suspects in the town. According to the residents, the forces did make an arrest but the operations are still underway. View the full article
-
Wasaaradda Betroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney isku koobtey wax ka bedelka sharciga shidaalka, iyada oo shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Djibouti 17-kii bishan aaney ka qeyb gelin dowlad goboleedyada. Waxaa goobta tagay wasaaradda Betroolka iyo Macdanta iyo guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada ee golaha shacabka. Sida ka duwan Cahdi qarameedkii Embakasi 2004-tii, waxaa ku cad heshiiskii Baydhabo ee June 5, 2018 iyo xataa sharcigii 2008 ee dib u eegista lagu sameeyey in shidaalka ku jira dal bad iyo bariba ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed ayna wakiil uga yihiin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, qodobbadaas dastuurig a ah oo qasab uga dhigaya dowladda federaalka ah iney tallaabo walbo kala tashtaan dowlad goboleedyada. Haddaba xubno ka tirsan wasaaradda Betroolka oo la soo xiriiray Goobjoog News, isla markaana codsadey in magacooda la qariyo ayaa xaqiijiyey in wasaaradda Betroolka aaney casuumin dowlad goboleedyada, kooxdan oo su’aalo ka keenay sababta dowladda federaalka ah ay diyaarinta sharciga uga fogeyneyso dowlad goboleedyada iyada oo wasiirka wasaaradda Betroolka ku eedeeyey inuu iska indho-tirayo talooyin ay u soo-jeediyeen, waxaa ayna cabsi ka qabaan in ay dowladda federaalka ah isku koobto qandaraasyada xaraashka iyo guud ahaan arrimaha shidaalka. Dowladda federaalka ah ayaa la filayaa iney baarlamaanka federaalka ah hor geyso sharciga shidaalka ka hor bisha Ramadaan, si ay uga hor marto xilliga la shaacinayo shirkadaha ku guuleystay xaraashka oo ah November 7, 2019 iyo December 9, 2019 uu wasiirka saxiix doono heshiiska shirkadaha ku guuleystay iyada oo isla bishaas la hor-geyn doono golaha wasiirrada si uu u dhaqan galo January 2020-ka. Dhinaca kale, marka laga reebo sharciga shidaalka, jahawareer ayaa ka jira gudaha wasaaradda Betroolka ee dowladda federaalka ah, howlihii kale ee la xiriiray fududeynta ee hannaanka shidaalka waxaa galay gaabis kadib markii hal mar la ceyriyey 3 khabiir oo agaasimeyaal ka ahaa wasaaradda Betroolka. Khubaradan ayaa kala ah: Cabdulqaadir Abiikar Xuseen oo ahaa agaasimaha Arrimaha Tiknikada ama technical director Cabdulahi Xeydar oo isna ahaa Regulatory Director Cabduqadir Tahiil. Legal Director Si uu eedeymahan uu uga jawaabo, Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay wasiirka Betroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka ah ee Cabdirashiid Maxamed Axmed isaga oo ku jawaabay “ Ciddii sheegtay Information kaas haloo raadsado”! Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia and Egypt have agreed to enhance trade between the two countries following a meeting in Cairo town on Thursday. The meeting which was attended by Somali minister for Foreign Affairs, Ahmed Issa Awad and Egyptian counterpart, Sameh Shoukry had focused on means to boost bilateral ties in addition to a number of regional issues of mutual interest. In a statement, Spokesman for Egyptian Foreign Ministry Ahmed Hafez said three memorandums of understanding including trade, cooperation, and support were inked. According to the statement, Shoukry also voiced Egypt’s readiness to boost trade exchange with Somalia. Egyptian foreign minister underscored Egypt’s keenness on supporting the Somali government, asserting Egypt’s vision about the importance of the unity and integrity of Somalia’s territories and support to building national institutions. On regional issues, both ministers discussed the latest developments in Sudan and the Horn of Africa in addition to efforts exerted to combat terrorism. Isse praised the relations between Egypt and Somalia, appreciating Egypt’s role in supporting Somalia. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdo ka dhacday isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho ayaa aad loo hadal hayaa, taasi oo ku aadan in isbitaalka SOS laga xaday canug ay dhashay haweeney ku sugneyd Isbitaalka. Naciima Maxamed Maxamuud ayaa dhashay canuga yar ee la sheegay in lagu xaday Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho, waxaana xiligaasi la sheegay inay huraday haweeneyda. Sidoo kale dadka la joogay Hooyo Naciimo Maxamed ayaa la sheegay inay salaad soo aadeen, Markii ay ku noqdeen qolkii ay ku jirtayna waxay waayeen canuga, sida aabaha uu warbaahinta u sheegay. Markii falka uu dhacay kadib waxaa lagu guul dareystay baaritaan lagu sameeyay cidda qaaday canuga oo ilaa iyo hadda la sheegay inuu ka maqan yahay Hooyada Dhashay oo lagu magacaabo Naciimo Maxamed Maxamuud. “Markii aan Xaafadda tagay oo aan rabay inaan cashadii qaado ayaa la isoo wacay waxaa la ii sheegay wiilkii in la qaatay waan soo cararray, Isbitaalka ayaan imid wax ku fiirinaayo & wax kuu jawaabaayo malahan, meelaha qaarna inaad gasho lama ogala” “Qolka dad badan ayaa joogay, laakiin gabar yar ayaa qolka dhex joogtay oo agteena joogtay; dadkana waxa ay u maleynayeen inay anaga nala joogtay. Waa qadar Alle, balse waxaan la yaabanahay dayaca Isbitaalka ku jira ee ilmo yar irida loogala baxay, waa Cunugii iigu horeeyay.” Ayuu yiri Aabe Mustaf. Waa dhacdo ku cusub shacabka magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyiinta isbitaalka ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dhacdada ka dhacay gudaha Isbitaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta lasoo taagey maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, hase ahaatee guddoomiyaha maxkamadda ayaa ciidankii soo qabtay ku yidhi dib ugu celiya gobolkiisii Togdheer – sida ay sheegeen ehelladiisu. Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex waxaa uu ciidanka waydiiyay in ay haystaan waaran qabasho an, waxayna sheegeen in aanay haysan. Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu ciidankii soo qabtay Wariye Coldoon ku amray in ay goob caafimaad geeyaan maadaama dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry. kulamada oo lagaga hadlay arrimo la xidhiidha iskaashiga labada dal ayaa lagu sheegay in is faham wanaagsan laga gaadhay. Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar. Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar ayaa imanaya kadib markii dhammaadkii bishii hore wefti sare oo ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland marti qaad ka helay Masar, islamarkaana kulamo la qaatay madax sarsare oo wasaaradda arrimaha dibadda ah iyo gaashaandhigga. Xidhiidhka u bilawday Somaliland iyo Masar ayay saxaafadda Masar qaarkeed ku tilmaantay mid siyaasi ah oo ku lug leh isbedellada ka socda Geeska gaar ahaana xurgufta Masar iyo Itoobiya. Source
-
(SLT-Dubai)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa khamiistii safar shaqo ugu kicitimay dalka Isu-tagga Inaaradka Carabta. Halka shalayna Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo looga yeedhay Sucuudiga. Socdaalka Madaxweyne Biixi ayaa salka ku hayaa martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo diyaar gaar ah u soo diray, taasi oo ka qaaaday Madaxweynaha iyo waftigii la socday Cigaal International airport. Mar uu la hadlaayay wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin xaaji Maxamuud xiir faratoon warfidiyeenka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu safar shaqo labba ilaa hal maalin ah ku maqnaan doono AUE kaasi oo arrinaha labbada dal khuseeya ay ka soo wada xaajoon doonaan. Waftiga waxaa ku wehelinaayay Madaxweynaha wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiirka horumarinta Qorshaynta. Geesta Kala Madaxeyne Farmaajo ayaa shalay booqasho rasmi ah ka helay dalka Boqortooyadda Sucuudga oo la filaayo inuu kanwada hadlaan arrimaha dhoofka xoolaha. Labadan dal ee ku bahoobay quwadda Khaliijka ayaan la garan karin sabbata ay iskugu beegeen safarka labbada dowladeed ee somalia iyo somaliland. Source
-
Marxuum Cabdirishiid Maxamed Xirsi Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa maanta oo sabti ah ku geeriyooday magaalada Garowe ee xrunta Puntland. Allaha u naxariistee Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa sida la sheegay waxaa ku soo booday xanuun de deg ah, kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday. Marxuum Cabdirashiid ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013, sidoo kale wuxuu Wasiirada Howlaha guud iyo Kulluumeysiga Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018. Marxuum Cabdirashiid ayaa Aas qaran loogu sameyn doonaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Bahda PUNTLNAD POST waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii, geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxaristee Cabdirashiid Maxamed Xirsi, oo magac iyo maamuus weyn ku lahaa Puntland iyo Soomaali weynba. PUNTLAND POST The post Garowe: Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) ayaa shaaca ka qaaday in toddobaadka soo socda ay deegaamada Somaliland heli doonaan Roobab badan. Sida lagu sheegay qoraal hay’addani soo saartay Jimcahii shalay oo la xidhiidha saadaasha roobabka ee toddobada maalmood soo socda ayaa lagu yidhi; “Baddi Deegaamada Soomaaliya waxay ahaan doonaan kuwo qalallan saddexda maalmood ee soo socda, marka laga reebo geyiga Somaliland iyo meelo kale oo roobab koobkooban ka da’i doonaan.. Qoraalka FAO ayaa la raaciyey, saadaasha roobabka toddobaadka soo socda 18 April ilaa 24 April, sida jaantuska tilmaamayo ayaa muujinaya fursadaha roobab badan oo ka da’a dabayaaqada toddobaadkan Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya & deegaamda sarreeya ee Itoobiya. Si kastaba, Saadaasha ay hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) bixisay, ayaa yididiilo wanaagsan muujinaysa, waxaana loo baahan yahay in bulshada Somaliland ka faa’iidaystaan weeleynta raxmaadka Alle, una samaystaan keydad taasoo wax badan ka tari doonta dhinaca biyo-yaraanta dalka iyo dhigaalka dhaqaalaha kaga baxa bulshadeena helitaanka biyaha. Source
-
(SLT-London)-Weeraryahanka kooxda Liverpool, Maxamed Salaax, ayaa sheegay in ragga ay “dhaqanka wadaagaan iyo kuwa Bariga Dhexe” looga baahan yahay inay si xushmad dheeraad ah leh ula dhaqmaan dumarka, xilli uu laacibkan ka mid noqday boqolka qof ee ugu saamaynta badan caalamka ee ay soo xulatay jariirada Time. Laacibkan 26 jirka ah ee Masar u dhashay, ahna nin si wanaagsan ugu dhaqma diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa lixda qof ee sawirradooda lagu daabacay bogga hore ee jariiraddaasi Maraykanka ka soo baxda, waxaana waraysigii lala yeeshay uu uga hadlay xuquuqda dumarka. “Waxaan u baahannahay inaan wax ka bedelno dhaqankeena ku aaddan haweenka,” ayuu u sheegay jariirada Time. “Waa inaan sidaa samaynaa, oo ma aha wax khiyaari ah.” Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan u taageeraa dumarka si ka badan sidii aan horay ugu taageeri jiray, waayo waxaan dareensanahay inay u mudan yihiin wax ka badan waxa hadda la siiyo.” Waxaa Salaax liiskaasi ku wehliya dad caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan, asaasaha Facebook Mark Zuckerberg, xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka Michelle Obama iyo fanaaniinta kala ah Ariana Grande iyo Lady Gaga. Dadka ku soo baxay liiskan ayaa loo kala qeybiyay shakhiyaad horseed ah, fanaaniin, hogaamiyayaal, kuwo caanbaxay iyo shakhsiyaad aad muhiim u ah oo ka mid yahay Maxamed Salaax. John Oliver oo ah majaajileyste u dhashay Ingiriiska daadihiyana barnaamijka Last Week Tonight isla markaana taageero weyn u ah kooxda Liverpool ayaa maqaal kooban oo uu uga hadlayo Salaax u qoray jariirada. “Mo Salaax waxaa bani’aadan ka wanaagsan laacibka uu yahay,” ayuu qoray Oliver oo intaa ku daray, “waxaana uu kamid yahay laacibiinta ugu wanaagsan caalamka.” “Mo waa qof muhiim u ah Masaarida, dadka Liverpool iyo Muslimiinta dunida oo dhan, sidaa oo ay tahayna waa nin aan isla-weyni ku jirin, dadka ka fekera oo qosol badan.” Salaax ayaa noqday laacib ay aad u jecel yihiin taageerayaasha Liverpool Maxamed Salaax ayaa Juun 2017 Liverpool uga soo biiray kooxda Roma, waxaana xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay uu kooxdaasi u dhaliyay 44 gool. Xilli ciyaareedkan oo ay Liverpool dadaal weyn ugu jirto hanashada horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay tan iyo 1990, ayaa Salaax waxa uu dhaliyay 19 gool oo Premier league-ga ah. “Dadku markasta wax weyn ayay kaa filayaan,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “Waxaad arkeysaa carruur xiran funaanadaada oo sheegaya in maalin uun ay ku haminayaan inay adiga oo kale noqdaan.” “Marka cadaadiska ayay ku kordhinayaan, balse dhanka kale waxa ay kaa dhigaysaa qof ku faraxsan guulaha uu ilaa hadda gaadhay.” Shanta qof ee bogga hore ku wehlisa Salaax ayaa kala ah fanaanada Taylor Swift, jilaayaasha kala ah Dwayne Johnson iyo Sandra Oh, weriyaha Maraykanka ah ee Gayle King iyo afhayeenka aqalka wakiillada Maraykanka Nancy Pelosi. Salaax ayaa kamid ah saddex xiddig oo caalami ah oo dheela ciyaaraha kala kuwan, waxaana labada kale ay kala yihiin Caster Semenya oo u dhalatay Koonfur Afrika laba goorna qaaday horyaalka orodka sideeda boqol ee mitir ee Olimbikada iyo gabadha kaalinta koobaad kaga jirta tennis-ka ee Naomi Osaka oo u dhalatay Japan. Laacibiinta kale ee liiska ku jira balse u dhashay Maraykanka ayaa kala ah LeBron James oo caan ku ah kubadda kolayga ee NBA, Tiger Woods oo golf-ga dheela iyo laacibka kubadda cagta ee Alex Morgan. Source
-
magaalada Abidjan ee caasimadda dalka Ivory Coast waxaa ka dhacday shirwaynaha 28 ee xiriirada Cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika kaasoo lagu dooranayay hogaanka cayaaraha fudud ee qaaradda. Dooraashan waxaa Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir,waxaana ku loolamayay Hamad Kalkaba Malboum oo dalka Cameroon u dhashay iyo Amara Khaled dalka Tunisa u dhashay. Doorashadan oo ay codeeyeen 51 dal oo ku midaysan Xiriirka cayaaraha fudud ee qaaradda (Afrika(African Confederation of Athletics ) (CAA) waxaa44 cod helay Hamad Kalkaba Malboum halka 7 cod uu keensaday Amara Khaled, waxaana markale hogaanka qaaraddaloo doortay Hamad Kalkaba Malboum. Hamad Kalkaba Malboum oo xilkan hayay tan iyo 2003-di ayaa markii ay doorashada dhacday waxuu yiri” Aniga iyo Amara waxaan saaxiibo nahay tan 1999 waana nin wanaagsan oo halgan badan,” maanta aniga ayaa guulaystay berrina isagaa guulaysanaya. Xiriirka cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah xiriirada sida weyn loogu amaano cayaaraha fudud qaybtiisa orodka gaar ahaan 800 iyo waxii kasii sareeya,basle orodka 100 ilaa 400 aad looga gacan sareeya iyo qaybaha kale ee cayaaraha fudud, waxaana hogaanka cusub ee dib loo doortya laga doonayaan inuu horumariyo ciyaaraha qaaradda Afrika oo idil. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Boqorka dalka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa martiqaad soo gaadhsiiyay madaxda dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle. Martiqaadka Boqorka Sacudiga ayaa la xidhiidha ka qeybgalka shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo lagaga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga. Shirkan ayaa Magaalada Riyaad Bisha Ramadaan la filayaa in uu ka qabsoomo, Boqorka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah oo sare loogu qaadaayo xidhiidhka ka dhaxeeya dalalka Carabta ee ku yaalla Afrika, si ay qeyb kaga noqday dadaallada dowladda Sacuudiga ay ugu jirto horumarinta dalalka Carabta. Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan oo madaxweyne Farmaajo soo gaadhsiiyay martiqaad uu ka siday Boqorka Sacuudiga. Source
-
(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa xidhay laba nin oo looga shakiyay in ay u jaajuusayeen dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kalana hadda la baadhayo in ay lug ku lahaayeen dilkii magaalada Istanbul sannadki hore loogu geystay Jamal Khashoggi. Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, ayaa maanta sheegtay in raggaani uu xadhigooda qeyb ka yahay baaritaan ay dalbadeen dacwad oogayaasha Istanbul, kaasoo ku saabsan falal jaajuusnimo ah oo lagu eedeeyay Imaaraadka. Wargeyska taageera dowladda Turkiga ee Yeni Shafak, ayaa ku warramay in labada qof ee looga shakisanyahay in ay jawaasiis u ahaayeen dowladda Imaaraadka la xidhay Isniinti, kaddib howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada booliska Turkiga iyo kuwa sirdoonka Turkiga ee loo soo gaabiyo MIT. Wargeyska ayaa intaasi ku daray, in labadani qof oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ay xiriir la sameeyeen qof ay booliska kor kala socdeen oo lagu tuhunsanyahay inuu ku lug leeyahay dilka wiriyihii u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji. Sacuudiga ayaa qirtay in rag iyaga iskood usu abaabulay oo ka tirsanaa ciidanka boqortooyada ay ku dhex dileen Kashikji, qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa warbixin dheer ka qoray isbadalka ku yimid taageerada madaxweynaha Soomaaliya uu ka heystay Shacabka Soomaaliyeed. Qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook kaga hadlay arimo dhowr ah, wuxuuna ku sheegay in madaxweynaha marka uu wayay kalsoonida Shacabka Soomaaliya inuu ku tilmaamay Al Shabaab iyo Qabiilo is abaabulaya, waxaana uu qoraalkiisa uqornaa sidan:- AAMUSNAANTA & QAYLADA MASAAFO DHEER AYAA U DHEXAYSA! Marka fatwada culimadu ay kiro noqoto, siyaasi horey u fashilmayna uu u istaago difaacidda mid kale oo wadadiisii haaya, qaaqle shidaal lagu soo shubo, ogaada daaha gadaashiis waxaa ku jira hogaamiye fashilmay oo aan dayactir lahayn! Abu Xaamid Algazaali ayaa laga hayaa “Shacabka waxaa lumiya Madaxda xun, Madaxda xunna waxaa marin-habaabiya wadaad xumayaal. Haddii aanay jiri lahayn garsoorayaal xun iyo wadaad xumayaal, waxaa yaraan lahaa xumaanta & qaladaadka madaxda ayagoo ka cabsi qaba in ay ka hor-yimaadaan kuwaasi” Markii madaxweynihii dadkii uu taageeradooda taladaa ku yimid oo ka cabanaya dhibaatoooyinka ka soo gaarey hogaan-xumidiisa uu ku tilmaamay “qabiil iyo shabaab” uuna ugu hanjabay inuu ku qaban doono gacan-bir ah, meeshii laga sugayey in uu keeno xalka dhibkii dadku ka cabanayeen, fariimahaas hanjabaadaha ah waxay ku haboonaayeen in uu u diro kuwa “shacabkaas dhibaatada ay ka cabanyeen u geysanaya iyo argagixisada qaraxyada gaysanaysa, si maro loogu geliyo hadaladaas deelqaafka ah waxaa warbaahinta lagu soo yaacshay maalmihii na gudbay “wadaado fatwada laga ijaartay, iyo qaaqlayaal dalkaan laga yaqaano, waxaana heeso xawilaad ah soo qaaday fanaaniin beeleedyo”. Waxaa la isweydiinayaa haddii taageeradii madaxweynuhu ay ku soo koobantay kooxahaas, uuna dadka ka aragtida duwan ku tilmaamay “qaran dumis, siyaasiyiin xanaaqsan, qabiil, haddana uu marayo shabaab” tolow mudada u harsan ee labada sano ku dhow muxuu adeegsan doonaa maadaama kalimaad danbe oo erayo xun lagu cabbiri karo aysan harsanayn! Madaxweynaha waxaan xusuusinayaa in aamusnaan dheer iyo qaylada codka dheer lee soo biodada ah, ay jirto masaafo dheer oo u dhexeysa, halkaasna ay tahay barta laga baadi-goobayo xikamdda lunsan ee hogaamiye laga rabo, u wakiilashada in ay magaciisa ay ku hadlaan kuwa bulshadu ay nacday hadalkooda, kama ridayso mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran ee laga rabo in uu dalkan ku hogaamiyo mudada kooban ee u dhiman si ka turjumaysa baahida dadka iyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Yemen)-Gorgor lagu magacaabay Nelson ayaa dalka Yemen lagu qabtay isaga oo hawada Yemen duulaya, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada dalkaas. Markay ciidamadu gacanta ku dhigeen Shimbirka Gorgorka waxay ku xireen qol mugdi ah, iyagoo sheegay iney uga shakiyeen inuu ciidamada Yemen basaasayey. Gorgorkan oo ay ciidamadu ku qabteen magaalada Tiyaaz ee dalkaasi Yemen ayaa lugtiisa ka helay qalab loo maleeyey inuu wax duubo. Ciidamada qabtay gorgorkana waxay sheegeen qalabka ay gorgorka lugtiisa ay ka heleen ineysan horay u arag uuna yahay qalab ku cusub, waxa uu qabanayana ay u baahan tahay khubarada aqoonta u leh iney faahfaahin ka bixiyaan. Dagaal kasta oo dunida ka socda in noole lagu soo oogo dacwad ah inuu basaasnimo ku guda jiray waa dambi aad u adag oo xukun adag lagu muteysanayo, waloow waxa la qabtay uu shimbirka Gorgorka yahay iyadoo aan horay loo arag shimbir xukun lagu xukumay dalka Yemen. Ciidamada Yemen ee shimbirka qabtay oo taageero ka hela Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay sheegeen inay shimbirka uga shaki qabaan inuu u basaasayey kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen ee gacanta ka heleysa xulafada uu sacuudiga hoggaaminayo. Khubaro ku sugan dalka Bulgaria ayaa shaaciyay in shimbirkaasi uu ka soo fakaday xilli ay howla cilmi baadhis u adeegsanayeen, waxay sheegeen in qalabka ay lugihiisa ku xireen ay ugu tala galeen oo kali ah iney kula socdaan shimbirka halka uu marayo, balse ay waayeen. Waxay dowladda Yemen ka codsadeen iney Shimbirka ka soo fakaday ee ay ku raad joogeen ku soo wareejiyaan. Balse ciidamada Yemen ee gacanta ku haya Gorgorka waxay ku adkeysteen iney sii deyn doonin oo shimbirka dambi culus looga shakisan yahay ilaa laga xaqiijiyana aan laga soo saari doonin xabsiga lagu haynayo. Cilmi baadhayaasha sheegay inuu ka soo fakaday Gorgorka basaasnimada looga shakisan yahay ayaa ku dooday in ay u adeegsanayeen cilmi baadhis oo kali ah, ayna dowladda Yemen wixi xiriir ah ay kala sameyn doonaan dhanka safaaradda Bulgaria ay ku leedahay dalka Yemen. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Uganda ayaa ah ciidamada ugu badan ee ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana saraakiisha ciidamada Uganda ay ka hadleen sababta loogu doortay inay xarumahaasi ilaaliyaal ka noqdaan. Saraakiisha ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamadooda ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay inay xasilooni kusoo celiyaan dalka Soomaaliya, taasina ay tahay sababta loogu doortay inay ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho. Ciidamadan waxaa ay ka koobanyihiin 530 Askari, 63 waa Haween halka 467 ay yihiin Rag, waxaa ay kaalin muhiim ah ka qaataan nabadeynta Soomaaliya, sababta oo ah waxaa ay ilaaliyaan Xarumaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Korneyl Stuart Agaba, waa taliyaha ciidamadaasi, waxaa uu sheegay in sababta Uganda loogu dooray in ay ilaaliso xarumaha Qaramada Midoobey ay tahay in Uganda a ka go’antahay dowladnimada Soomaaliya. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Uganda ay yihiin kuwo daacadnimo u gudanaya waajibaadka iyo ilaalinta xarumaha ku yaala magaalada Muqdisho. Ciidamada Uganda ayaa ilaaliya xarumaha ugu muhiim Muqdisho sida garoonka diyaaradaha, Dekadda Muqdisho, madaxtooyada iyo xarumo kale oo ku yaala magaalada Muqdisho. Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka tagay ciidamo badan oo u dhashay dalka Uganda, kuwaasi oo dhameystay waajibaadka shaqo ee ay u joogeen magaalada Muqdisho, waxaana badalkooda soo dagay ciidamo kale oo dalkaasi ka socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo ka hadlay muranka imtixaanaadka ee u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada JFS iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in waxbarashada ay ka mid tahay arrimaha ay si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada. Guddoomiye Abshir Maxamed oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Arrinta tacliinta dalka waxa ay ka mid tahay arrimaha ay si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada amaba uu wadaxaajoodku ka furan yahay sida ku cad Qod. 52aad ee Dastuurka” isaga oo intaasi raaciyey “ ee wasiirka waxbarashadu go’aan kuma laha maareynta waxbarashada Puntland”. Waxaa uu guddoomiyaha sidoo kale ka hadlay arrimaha u gaarka ah dowladda federaalka ah “Qod. 54 wuxuu xeerinayaa marka laga reebo awooda Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda & Socdaalka & Siyaasadda Lacagta, oo ay awoodeeda & xilkeeda yeelaneyso dowlada federaalka, in wixii ka soo hara ee awood qaybsiga siyaasadeed & dhaqaale ay wada xaajood u furan yihiin” Dhinaca kale, waxaa uu wasaaradda waxbarashada u soo-jeediyey iney qabsato shaqadii loogu talo-galay, oo ah tacliinta dalka sida dastuurka ku qoran isaga oo yiri “Sidaa awgeed, waxaan ku boorinayaa wasiirka in uu u abbaaro arrinta tacliinta dalka sida uu Dastuurka Dalka farayo oo ah wadaxaajood & iskaashi ee sax ma ahan in wasiirku ku goodiyo in wasaarada waxabarashada ee heer Federal ay halis ku noqon karto mustaqbalka ardeyda Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Maxamed waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Ilaa iyo inta heshiis federaal ah ay ka gaarayaan Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada; waxaa habboon in xukuumada Federaalku ay ka fogaato adeegsashada siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka. Hadalka Senator Abshir ayaa imaanaya xilli todobaadkii hore uu wasiirka waxbarashada dowladda federaalka ah Cabdullahi Goodax Barre sheegay in Puntland iska diiday imtixaanaadka mideysan ee dowladda federaalaka ah, isaga oo waalidiinta iyo bahda waxbarashada kala hadlay cawaaqib xumo uu sheegay in arrintaasi ka dhalan karto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors