Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,898
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku dooday inaanu jirin kulan uu magaalada Nayrobi kula yeeshay danjiraha dawladda Qatar u fadhiya Muqdisho, oo maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay, wuxuuse sheegay inaanu jirin wax ka hor istaagaya inuu kulamo la yeesho safiirada. Shirjaraa’id oo uu shalay Hargeysa ku qabtay ayuu kaga hadlay arrintan iyo arrimo kaleba. Ugu horayn Cabdiraxmaan Cirro waxa uu eheladooda iyo bulshada Somaliland ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku naf waayay roobkii Hargeysa ka da’ay iyo hantidii uu wax yeelay waxaanu masuuliyad darro ku eedeeyay madaxda masuuliyadda lahayd “Waxa aan odhan kara waa fool xumo weyn in balligii Daami ee sanadkii horena madaxweynuhu ka bixiyay amarka wali khatartii ay sideedii tahay. Madaxweynuhu wuxuu sanadkii hore amar ku bixiyay in wax laga qabto, madaxweynihii amarka bixiyay iyo maayarkii uu amarka siiyayna xalay way wada socdeen balliguna waa sidiisii wali,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay habboon tahay in aanay Somaliland kala jeclaysan Waddamada Caalamka maaddaama ay citiraaf raadis tahay dal kastana cod ku leeyahay Qaramada Midoobay. Waxa uu sheegay in aanay jirin siyaasad Somaliland u taalla oo dalalka qaar mamnuucaysa sidaas awgeedna aanay waxba ka hor taagnayn in uu la kulmo safiirrada Qadar iyo Maraykanka laakiin aanu jirin warka hadda sheegay in uu Nairobi kula soo kulmay. “Waxaad ka war qabtaan in aan sanadkii hore January tagay Nairobi oo aan kula kulmay in ka badan 10 safiir waxaan kala hadlayna waxa ay ahayd siyaasadda arrimaha dibadda, arrimaha Somaliland, arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha citiraafka. Maalmahan waxa jirtay saxaafadda qaarkeed malaha qaar la yaqaannaba may ahayne in aan kula kulmay danjiraha Qadar iyo danjiraha Maraykanka magaalada Nairobi warkaasi ma jiro waa war been abuur ah laakiin, kama duwana safiirka Qadar kuwii aan la kulmay ka Maraykankuna kama duwana wax noo diidaya in aanu la kulano safiirro gaar ahna ma jiro, taas macnaheedu waxa weeye cidna nooma yeedhin karto cidda aanu la kulmayno. Danjireyaasha dhammaantoodba waanu la kulmi karna kuwaas la sheegay iyo kuwo kaleba, diyaar baanu u nahay kuwaas la sheegay ee Qadar iyo Maraykanku ka mid yihiin iyo kuwa kale ee Dunidaba in aanu la kulano xilli kasta oo munaasib ah meel kasta oo munaasib ah, aniga oo qudha maaha ee waxaa la kulmi kara xisbi ahaana waanu la kulmi karnaa masuuliyiinta xisbiguna way la kulmi karaan waxa aanu kala kulmaynaana waa danta Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Xadhigga Xildhibaan Dhakool Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Dastuur jabin ku tilmaamay xadhigga xukuumaddu kula kacday Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland “Qof kasta oo muwaadin ah sharcigu wuu xidhi karaa laakiin, waa in dariiq sax ah loo maraa. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka ayaa xasaanad siiyay, Dastuurka sharci ka sareeyana ma lihin, mudanaha ka tirsan Wakiillada ama Guurtida lama xidhi karo lamana baadhi karo, marka waxa dhacday in xildhibaanka goor habeenimo ah isaga oo waliba hurda oo aan wax dambi ah faraha kula jirin la qabtay, marka taasi waa dastuur Jabin, madaxweynahaana ugu sareeya in uu ilaaliyo dastuurka, madaxweynaha laftiisu haddii uu dastuurka jabiyo ee dastuurku wuu tilmaamaya tallaabooyinka laga qaadayo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu intaasi raaciyay in ay la yaab noqotay in wali xildhibaan Dhakool xidhan yahay iyada oo guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex iyo guddida joogtada ah ee golaha wakiillada metelaysa markii ay Dastuurka arkeen ku gacan saydheen xadhigga una arkeen sharci jabin. Waxa kale oo uu cambaareeyay in guddoomiyaha Wakiillada oo ah masuulka 3-aad ee Qaranka, xildhibaannada iyo ehelkiisaba laga hor istaago in ay arkaan Xildhibaan Dhakool. “Xadhiggiisu(Xildhibaan Dhakool) sidiisaba waa Dastuur Jabin haddii aynu shuruucda ku tumanana waxa uun ka dambeeya fawdo, mar walba in la ixtiraamo shuruucda iyo dastuurka waxay dantu ugu jirtaa marka koobaad cidda xukunka haysa. Rayigiisa kuma waafaqsanin (Dhakool) laakiin, wuu dooday oo wax buu yidhi waxaana Dastuurka ku qoran ra’yigiisa laguma xidhi karo mudanaha Golaha Wakiillada, haddiise ay dambi u aragto ciddii dambi u aragtaa waa in ay u soo marto dariiqa saxda ah oo ay golaha waydiisato in laga qaado xasaanadda markaa kadib uun.. Marka waxaanu u soo jeedinayna madaxweynaha iyo xukuumaddiisa in sharciga loo soo noqdo in dastuurka loo soo noqdo mudanahana xorriyaddiisa loo soo celiyo,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in xukuumaddu sii waddo xadhigga muwaadiniinta “Waxa ugu dambeeyay guddoomiyihii garabka dhallinyarada Maxamed Sidiiq, xukuumaddu waxay tidhi way na caayeen haddii cay la isku xidhxidhayo Ina Muuse Diiriye in la soo xidho ayay ahayd iyo wasiirka gaadiidka haddii cay la isku xidhayo oo sharci cayda xidhaya uu jiro maalin walba waxa caytama masuul ka tirsan xukuumadda, marka waa in sharciga loo sinnaado oo iyagana la xidho oo jeelka la geeyo markaas ayaan odhan karna caddaalad baa jirta,’ Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro oo soo jeediyay in la soo daayo Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada Waddani, Samafale Cabdimaalik, Abwaan Baashe, macallin Cabdiqaadir iyo dadka kale ee xidhan. Ugu dambeyn Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bulshada Somaliland la wadaagay hambalyada maalinta Qaran ee 18 May “ Waxaan doonaya aniga oo ku hadlaya afka xisbiga in aan shacbiga Somaliland u soo qaddimo hambalyada maalinta la soo noqoshada Qarannimada Somaliland oo ah 18 May. Dhammaan xisbigu wuxuu diyaar u yahay in uu ka qayb galo munaasibadaheeda kala duwan ee maalintaasi leedahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba haddii Alle yidhaa, maalmo kale oo Qarrana waynu leenahay oo la xusi doono oo ay ka mid tahay maalintii aynu calanka ka qaadanay Ingiriiska ee 26-ka June maalmaha Qaranka dhammaantoodna waxay mudan yihiin in la wayneeyo,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro. Mar la weydiiyay ujeedada safarkiisii Nayrobi, wuxuu yidhi “ Arin gaar ah ayaan u tagay Nayroobi laba casho ayaan ku maqnaa Professor-kana diyaarada ayaanu ku kulanay, Professorkuna waa kii sheegay inuu Kulmiye yahay ee yaanay dawladu ka shakiyin.” Geeska Qaran News
  2. Labadii bilood ee u dambeeyay waxa Somaliland ka dhacay dhawr dhacdo oo qaabkii ay madaxtooyadu u maamushay banaanka u soo saareen awooda iyo miisaanka siyaasadeed ee madaxtooyada. Bilowgii bishii hore ee April waxa Somaliland gilgilay xiisad ka dhalatay markii qaar ka mid ah hay’adaha dawladda Somaliland ay qabteen kiis ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geele oo dhinaca Djibouti ka yimid, waxaanay madaxtooyada Somaliland si toos ah ganacsade Axmed Cismaan Geele ugu eedaysay inuu lacago ka soo dhacay bangiyo ku yaala Djibouti. Hase yeeshee ganacsade Axmed Cismaan Geele ayaa eeddaas iska difaacay, isagoo soo bandhigay garnaqsi, waxaana dalka Somaliland ka bilaabmay baaqyo lagu cambaaraynayo madaxtooyada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay inay la safatay dhinaca Djibouti. Aakhirkii waxa xiisadii qaboojiyay kulan la isku horfadhiisiyay Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele. Qaabkii ay madaxtooyadu uga hadashay arrinta Axmed Cismaan Geele, waxa ay dad badani u arkeen inuu dhaawac ku ahaa dawladnimada Somaliland, islamarkaana uu wiiqay kalsoonidii lagu qabay madaxtooyada. Isla bishan April waxa ay xiisadi dhex martay dawladda iyo qoys lahaa dhul ay dawladu sheegtay in laga dhisayo madaxtooyo cusub. Dad badan ayay dawladu xidhay, waxaana xiisada sii kiciyay hadal uu saxaafada siiyay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo ku saabsanaa qaabka loo maamulay loolana wareegay dhulkaas. Waxa ay hadda u muuqataa in si hoose lagu dhammeeyay arrintii, lana dejiyay, waxa laakiin aan weli dhaymo loo helin dhaawacii ka dhashay isku dhaca dawladda iyo qoyskaas oo waxyeelo dhinaca sumcada ah u gaystay dawladda iyo madaxtooyada. Dhacdadii lagu dilay labada sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta waxa uu Madaxweyne Biixi kaga jawaabay inuu xaalad deg deg ah ku soo rogo saddex degmo oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, waxaanu horgeeyay labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada oo fadhi deg deg ah la isugu yeedhay. Laakiin si aan la filayn ayay labada gole uga horyimaadeen soo jeedinta Madaxweyne Biixi, waxaanay inta badan xildhibaanada labada gole ka soo horjeesteen in xaalad deg deg ah lagu soo rogo degmooyinkaas, waxaana taageeray xildhibaano aan ka badnayn 40 mudane, halka ay ka soo horjeesteen xildhibaano tiradoodu gaadhayso 67 xildhibaan, taas oo noqonaysa aqlabiyadii golaha fadhiday. Waxa dad badan maalintaas u soo baxday miisaanka kalsoonida siyaasadeed ee madaxtooyada, waxa kale oo soo baxday in madaxtooyadu xaaladda deg deg ah ee ay soo rogtay oo ku soo baxday wareegto madaxweyne aan aad loo lafo-gurin. Bishan May, waxa ay dawladda Somaliland xidhay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada, ka dib markii uu maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ku tilmaamay maalin qoys. Xadhiga xildhibaan dhakool wuxuu abuuray dood sharci, maxkamadda gobalka Hargeysa oo la horgeeyay ayaa diiday inay furto dhagaysiga dacwada, waxaanu guddoomiyaha maxkamadu ku dooday inaanu haysan awood sharci uu ku dhagaysto dacwad ka dhan ah xildhibaanka maadaama oo aan laga qaadin xasaanadii xildhibaanimo. Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isna sharci jabin ku tilmaamay jidka loo maray xadhiga xildhibaan dhakool. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ka horyimid soo jeedin ahayd inay xasaanada ka qaadaan xildhibaan Dhakool si dacwadaha loo haysto loogu oogi karo, waxaanay eeddo u jeediyeen xukuumadda, iyagoo xadhiga xildhibaanka ku tilmaamay distoor jabin. Si kastaba ha ahaate, amuurahan iyo qaabka loo maamulay iyo qaabka ay ku socdaan waxay muujinaysaa laba mid uun inuu isbedel ku yimid miisaankii madaxtooyada iyo weliba kalsoonidii siyaasadeed ee madaxtooyada, waxaanay dad badani walaac ka qabaan in arrimaha noocan ah oo sii socdaa ay wiiqi karaan dawladnimada Somaliland. Geeska Afrika Qaran News
  3. A grandmother has lost her taxi accreditation after she racked up close to 30 traffic offences and asked a blind passenger for directions. Source: Hiiraan Online
  4. Waxaa saacadihii ugu dambeeyay soo Ifbaxay warar sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay heleen Liiska dhamaan Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya oo gaaraya in kabadan 5 kun oo qof. Caasimada Online ayaa maanta la kulantay dhalinyaro badan oo ka tirsan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, kuwaas oo qaba walaac xoogan oo ku aadan amnigooda kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab loo gacan geliyay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Dhalinyaradaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Warbixinta ay ka heleen Xafiiska Wasaarado ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta oo si cad ugu sheegay in uu jiro tuhun arintaasi ku saabsan. Dad kala duwan oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in ay soo gaartay Warbixinta nuucaas ah balse aan la ogayn ilaa hadda goobta laga helay. Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta amniga oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay warbixintaan, islamarkaana loo sheegay in ay aad u adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho si loo ilaaliyo shaqaalaha Dowladda oo ay qatar soo wajahday. Si rasmi ah looma oga halka laga helay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya balse waxay Caasimada Online ogaatay in Liiska Shaqaalaha uu yaalo dhowr Xafiis oo ay kamid yihiin. Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Xafiiska Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre Xafiisyada hey’adaha amniga Soomaaliya sida Booliiska iyo Nabad Sugidda. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Liiska sidoo kale yaalo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Arintaan ayaa maanta ah hadal heynta ugu wayn ee Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay hey’adaha Dowladda Soomaaliya ee dhanka amaanka ah ay wadaan baaritaanka arintaan si loo soo hubiyo sax ahaanshiyaheeda iyo hadii ay jirto halka laga bixiyay. Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wali hey’ adaha amaanka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan baaritaanka Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya. Ciidamada amaanka ayaa Todobaadkii baara ugu badnaan 2 Xarun oo ka diiwan gashan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya. Borama news Qaran News
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka. View the full article
  6. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-habeen-15052019.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidanka booliiska Somalia, Jen. Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhiggeen shaqsi lagu tuhmaayo in uu faafiyay imtixaanka dowladda ee dhawaan la joojiyay. Jen. Bashiir ayaa sheegay in shaqsiga la qabtay lagu magacaabo Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29-sano jir ah, kana mid ahaa shaqaallaha wasaaradda waxbarashadda Somalia oo lagu tuhmaayo inuu faafiyay imtixaanka dowladda Somalia. Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in shaqsigan lagu eedeeyay inuu si toos ah u faafiyay imtixaanka dowladda, isla markaana dhawaan la horkeeni doono sharciga, si haddii uu dambiga ku caddaado loo abaal-mariyo. Taliyaha booliiska Somalia ayaa sheegay in ciidamada booliska ay ku daba-jiraan shaqsiyaad kale oo lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen falkii lagu xaday Imtixaanka dowladda. Wasiirka waxbarashada Somalia, Cabdiraxmaan Goodax Barre ayaa habeen hore ku dhawaaqay inuu joojiyay imtixaankii dowladda ay ka qaadasay ardayda Dugsiyada sare ee Dowladda, kaddib markii qishka imtixaanka lagu arkay baraha ay bulshadu ku xiriirto. Dhanka kale, Joojinta imtixaanka ayaa wuxuu keenay in ardaydii kala duwanaa ee imtixaanka laga joojiyay ay mudaaharaadyo dhigeen, kuwaas oo keenay inuu arday ku dhinto kuwo kalena ay ku dhaawacmaan. Ugu dambeyn, Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in dhammaadka bishan lagu jiro la qaadi doono imtixaan kale oo ku celis ah, isla markaana la jarayo baraha ay bulshada ku xiriirto si looga gaashaanto in imtixaanka la dusiyo. PUNTLAND POST The post Booliiska Somalia oo sheegay in hal ruux ay u xireen imtixaankii Dowladda ee la xaday appeared first on Puntland Post.
  8. Dr. Nuur Diiriye Xirsi Dr. Nuur Diiriye Hersi (Fuursade), wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, sanadkii 1952dii. Wuxuu tacliinta Hoose iyo xifdinta Qur’aanka ku bartay isla magaaladii uu ku dhashay. Waxbarshada Dhexe iyo Sare waxa uu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho. Wuxuu ahaa kamid ahaa dufcaddii ugu horreysay ee loo qaatay kulliyada Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda sanadkii 1973-dii isaga oo kaga qalin jabiyay Shahaadada Darajada Koowaad ee Jaamacadda 1978-dii. Waxaa isla 1978-dii loo qaatay inuu Bare-kaaliye ka noqdo Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Shahaadada labaad (Masters) wuxuu ka diyaariyay Jaamacadda Missouri ee dalka Mareykanka sanadku markii uu ahaa 1983-dii, isaga oo ku diyaariyay Mechanical Engirineering. 1987-dii wuxuu ka qaatay Shahaadada Phd ee culuumta Injineeriyada isla Jaamacadda Misouri. Isla sanadkaas wuxuu noqday Madaxa Waaxda ICT-ga iyo Bare ka tirsan Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda. Wuxuu aasaasay 1987-dii Shirkad la yiraahdo Fuursade Engineering and Computer Services oo ahayd tii ugu horreysay ee si gaar ah looga barto culuumta Kumbuyuutarka, waxaana ka aflaxay arday badan oo xilliyadaas ku hana qaaday barasha cilmiga Kumyuutarka. Wuxuu dabayaaqadii 1990-kii u wareegay dalka Canada halkaas oo uu ka noqday La-taliye dhinaca culuumta Kumbiyuutarka ah, wuxuuna ka dhaqangeliyay magaalada Toronto Dugsi lagu barto softwares-ka. Waxaa intaas dheer inuu Prof Fuursade isla Canada kasii waday xirfaddiisa macallinimada iyo la-talinta culuumta ICT-ga. Sanadkii 2004 wuxuu Bare ka noqday Jaamacadda UAE ee magaalada Al Ceyn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. 2007 wuxuu ku laabtay dalka Canada isaga oo ku biiray macallimiinta Koleejka Seneca ee magaalada Toronto, isaga oo dib u bilaabay hawlaha tala-bixinta, gaar ahaan cilmiga xog-dhigista (Database). 2014 wuxuu dib ugu soo laabtay dalka isaga oo shaqooyin tala-bixin ah siiyay shirkado iyo Jaamacado ka hawl-gala Soomaaliya. Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo loo magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda. Waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu istaajiyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Pakistan iyo Bankiga Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Maajo, 2019 u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xigasho: Wakaaladda SONNA The post TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIYIRE FUURSADE appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray ayuu madaxweynaha ku yiri “Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” Fuursade ayaa beddelaya Drs. Aamin Saciid Cali, wuxuuna noqonayaa agaasimaha afaraad ee madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online ayaa labadii bishan si khaas ah (Exclusive) u shaacisay in xilkan loo magacaabayo Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Halkan hoose ka aqri warkii aan qornay, iyo xog ku saabsan xiriirka Fuursade kala dhaxeeya qoyska madaxweynaha. Halkan Riix. Nuur Diiriye Fuursade, waxay ehel yihiin xaaska madaxweyne Farmaajo, Zaynab Cabdi Macallin. Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, magacaabista Nuur ayaa waxaa aad ugu ololeeyey oo muddo ka shaqeynayey Cumar Faaruuq Cabdi Macallin oo la dhashay Zaynab Cabdi Macallin. Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxa uu qabaa Xuriyo Aadan Yuusuf oo habaryar u ah Zaynab iyo Cumar Faaruuq, lana dhalatay hooyadood Bishaara Aadan Yuusuf. Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-Gidir oo sidoo kale ay Dr. Aamina, ay kasoo jeedo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka. DHAMMAAD. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajooo xilkii ka aqaaday Agaasimaha madaxtooyada mid cusubna magacaabay appeared first on Puntland Post.
  12. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay si adag u cambaareynaysaa, weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee miinaysan, kuwaasi oo lala beegsaday goobaha Saliidda laga soo saaro ee Duwaaddimi iyo Cafiif oo ku yaalla bartamaha boqortooyada Sacuudi Carabiya. Soomaaliya, waxay falalka noocan ah ee kharbudaadda ah u aragtaa, mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxaana ay xoojinaysaa in ay si buuxda u garab-taagantahay, boqortooyada Sacuudi Carabiya ee hoggaan, xukuumad iyo shacaba u heellan in ay ka hortagaan isku-day kasta ee lagu waxyeellaynayo amniga Qarankooda. Halkaan ka akhriso Carabiga PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarro shalay Sacuudiga lagu qaaday appeared first on Puntland Post.
  13. A disastrous drought in Somalia could leave some 2.2 million people - nearly 18 percent of the population - faced with severe hunger during the July-September period, FAO warned today. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa sheegay inay soo qabteen shaqsi la tuhmaayo inuu bixiyay qishka Imtixaanaadkii Dugsiga Sare ee dalka. Eedeysanaha Booliska ay soo qabteen ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Xasan Xersi oo 29 jir ah, kaasi oo ka shaqeeya Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay shaqsigaan in loo gudbinaayo maxkamad si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. Wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanka ku aadan shaqsigaan & shaqsiyaad kale oo lala xiriirinaayo inay wax ka ogaayeen bixinta qishkii imtixaanaadka ee dowladda. “Waxaab rabaa in aan shacabka Somaliyed la wadaago in Qaybta baarista dambiyada Booliska ay soo qabteen shaqsi la tuhmaayo inuu ka dambeeyay qishkii la bixiyay ee Imtixaanaadka, shaqsigaasi waxaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Xasan Xersi 29 jir ah oo ka shaqeeya Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.” Qishkii Imtixaanaadka la bixiyay ayaa waxaa ka dhashay in Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu joojiyo dhamaan imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee socday, taasi oo dhalisay in Ardayda Banaanbaxyo ay ka dhigaan Magaalada Muqdisho gudaheeda & Gobolada dalka qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay xariga Xildhibaan Dhakool oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland. War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa looga hadlay xariga xildhibaanka iyo eedeymo xukuumada loogu soo jeediyey xarigiisa. Afhayeenka Madaxtooyada ayaa waxa uu Warbaahinta ka hor aqriyey war-qoraaleedkaas, oo u dhignaa sidan: “Madaxtooyada Somaliland oo Bulshada u Iftiimisay Gefafka Sharci Ee uu Qarannimada Ka Galay Xildhibaan Dhakool iyo Garabsiinta Guddoomiye Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo saxaafadda la hadlay, waxa uu xadhigga xildhibaan Dhakool ku sheegay sharci darro iyo dastuur jebin Xildhibaan Dhakool sharci-darro kuma xidhna ee wuxuu ku xidhan yahay sifo sharci ah, wuxuuna si cad ugu xa-gudbay jiritaanka qarannimada Somaliland, sharciyadda iyo Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay.  Dhakool 18 May Wuxuu ku sheegay maalin madow  Maalin aan gobonimo lahayn maalin qaranna aan ahayn  Maalin aan taariikh u lahayn Somaliland  Maalintii la qixiyey beelaha darafyada Shirkii Burco ee lagu aas-aasay goonii isu taaga Somaliland 18-May-1991-kii ee ay u dhammaayeen reer Somaliland, ayna kow ka ahaayeen Garaad Cabdiqani Garaad Cali, sheekh Muuse Goodaad iyo raggii kale ee reer Somaliland, xildhibaan Dhakool-na wuu ka been abuuray midnimadii maalintaasi lagu gaadhay go’aanka qaran. Dhakool waxa uu been cad ka sheegay inaan Somaliland Xusin halgankii daraawiishta, dastuurka Somaliland-na wuxuu mudnaanta koowaad siiyey oo ku xardhan xuskii daraawiishta, taasina waa been kale oo uu bulshada ku kala qaybinayo. Haddaba, sida ku cad waraaqda ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/96/19, kuna taariikhaaysan 11/05/2019, qodobada eedaynta xildhibaan Dhakool waxa ay yihiin: 1. Qodobka 184 XCG oo ka hadlaya khiyaamo qaran oo lagu wiiqayo gobonnimada iyo jiritaanka Somaliland, madaama oo uu si toosa ugu soo bandhigay warbaahinta inuu ka soo horjeedo maalinta madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May. 2. Qodobka 213 XCG oo dhigaya iska horkeenis bulshada Somaliland, sababtoo ah waxa uu shir saxaafadadeedkiisa ku sheegay in maalintaasi tahay maalintii la qaxiyey beelaha darafyada Somaliland, una tahay maalin madow halka beelaha SNM ka dhigayaan maalin qaran soona saaraan carruurtooda iyo dumarkooda. 3. Qodobka 215 XCG oo ah fidin warar been abuur ah oo lagu kicinayo bulshada Somaliland oo keenaysa nabadgelyo-darro, sababtoo ah waxa uu hadaladiisa ula jeeday inuu ku wax yeelleeyo midnimada iyo wada-jirka shacbiga Somaliland, si ay u abuuranto jawi colaadeed iyo nabadgelyo darro, loona waayo nidaamka iyo kala danbaynta sharciga. Warkaas oo uu ku baahiyey warbaahinta, kaasoo laga dhegeystay dalka gudihiisa iyo dibedadiisaba, danbiyadaas oo ah kuwo ka dhan ah qarannimada Somaliland, isla markaana qabashadiisu ay tahay waajib isla markiiba sida uu dhigayo qodobka 35-aad xeerka habka ciqaabta Sidaa awgeed, waxa aan shacbiga u sheegayaa gefkaa cad ee qaranka laga galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro-na ka doodayo sharci darrona ku tilmaamay inuu macneheedu yahay inuu ku raacsan yahay oo uu la qabo inay 18 May tahay maalin madow. Haddaba, ninka leh ha la sii daayo, 18-ka May ma maalin cad baa mise waa maalin madow. Hadalkii golaha wakiilada marnaba layskuma diidin inuu gef qaran galay Dhakool balse habkii loo maray qabashadiisa, ayuu hadalkoodu daarranaa, fasiraadda arrinkaasina wuxuu u yaallaa labada hay’adood ee xeer ilaalinta iyo sharci dejinta”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. A resident of Virginia is the subject of a lawsuit accusing him of human rights abuses while he was a high-ranking officer during the brutal reign of former Somali dictator Mohamed Siad Barre. A civil trial began this week in a U.S. federal courtroom in Alexandria, Virginia, against Yusuf Abdi Ali, in a suit brought against him by Farhan Mohamoud Tani Warfaa, who says he was tortured and nearly died in 1988 at the hands of Ali. The lawsuit says Ali was commander of the Somali army’s Fifth Brigade, which patrolled the breakaway region of Somaliland. Ali allegedly rounded up Warfaa and other young men in late 1987 for interrogation over a missing water tanker. Warfaa says he was detained for several months, during which time he was regularly stripped naked and beaten. In the last interrogation, Warfaa says, Ali shot him several times and ordered his soldiers to bury him, believing he was dead. But the soldiers realized he was alive and smuggled him to his family in exchange for a bribe. Ali fled to Canada after Barre’s regime was toppled in 1991. He was deported to the United States after his alleged war crimes were revealed in a television documentary. He has been living in Virginia for more than two decades, working at one time as a security guard at a Washington-area airport. His lawyer has denied the charges. The lawsuit was brought on Warfaa’s behalf by the San Francisco-based Center for Justice and Accountability, which seeks to bring alleged war criminals to justice A similar lawsuit brought a $21 million judgement against former Somali Prime Minister Mohammed Al Samantar, who had also taken up residence in Virginia after the fall of the Barre regime. VOA Qaran News
  17. Dhacdooyinka qaar maalinlaha ah ee ka dhacaya Soomaliya waa kuwo ugub ah, amakaag iyo afkalataagna kugu reebaya. Dilka, kufsiga, musuq iyo jahliga, meel sare ayaan kaga jirnaa caalamka!! Dhacdadii ugu danbeysay dadkuna ka dheregsanyihiin, waa imtixaankii dugsiyada waxbarashada oo la musuqay, bannaakana u baxay ka hor intaan la gelin. La yaab malaha in la musuqo imtixaan dowladeed, waxaase fajac lahaa wixii ay ardayda sameeyeen. In faseexo loo hadlaa gobi ku faaydaaye bal ila aqriso 4 wax aan ka bartay. 1 – Arday Ardaal u muuq eg La yaab malaha wuxuu jaahilka bi’iyo, lkn waa nasiib darro weyn ah kuwii loo diyaarinayay mustaqbalka dalka, inay u bannaan-baxaan si damiir la’aan oo mas’uuliyad darro ku jirto. Dhirtii wadooyinka oo la jaray, jidadka oo dhagxaan lagu gooyay iyo gaadiidki dadweynaha oo la xayiray, waa dhaqan aan marna laga filan Karin arday waxbaranaya qaarkoodna qalin-jebinayaan. Waxaan kala garan waayay inay bannan-baxayeen arday waxbarata iyo darawallada bajaajta kaxeeya. Waxayna taas cadeyn dhab u tahay, sida ay u liidato heerka akhlaaq iyo tarbiyo ee ardaydii bannaanbaxeysay. Waxaan la oran karaa waxaaba gebi ahaan maqan waxbarashadii aasaasiga aheyd ee tarbiyada ee arday lagu yaqaanay. Muuqa iyo magacana waa kaaf iyo kala dheeri! Haddii ay qiiro sabab u aheyd faraqsanaanta iyo fadqallalada, waa iga su’aale “Arday si la hubo iskugu diyaariyay imtixaanka, maxay u dhibi imtixaan baaqday iyo mid lasoo hormariyo iyadoo laga hortagayo qish qolo kale gacanta u galay?. Dhabcan ardayga is huba wuu ku farxi lahaa si looga hortago qishka in wax weliba loo sameeyo. Lkn midkaan banaanbaxay, baroortiisa orgiga ka weyn! 2 – Doorkii GURIGA oo dansan Guriga waa halka ay kasoo bilaabato waxbarashada ardayga, waa halka uu ka barto dhaqanka iyo tarbiyada wanaagsan. Tarbiyada uu guriga kasoo barto ayuu la hortagaa bulshada kale. Goobah kale ee waxbarashada waa meelaha uu ardaygu ka dhameytirto waxa ka dhiman. Haddii uu ardaygu seego tarbiyadi guriga, waxaan shaki ku jirin in wax waliba laga filan karo sida shalayba dhacday. Mas’uuliyaddaas weynna waxay saarantahay hooyada iyo aabaha ama cidda markaasi mas’uulka ka ah caruurta. Waxaan ii muuqanayay arday gabay tarbiyadii aasaasiga aheyd ee guriga. Wax micno ah ma sameyneyso shahaaddo la qaato mar haddii ay maqantahay tarbiyadii asaasiga aheyd. Waana dhibaatada heysata soomaalida, marka aad eegto kuwa mas’uuliyadda loo dhiibo iyo hab dhaqankooda. 3 – Shaqaalo qabiil lagu shaqaaleysiiyay Sida la fahmi karo waxaa imtixaanka bannaanka u bixiyay qaar ka mid aha shaqaalaha wasaaradda loo wakiishay. Xilalka wasaaradaha qabyaalad ayaa si xishood la’aan lagu qeybsadaa, midkan xigtada lagu keenay uma arko mas’uuliyad weyn howsha loo igmaday maadaama uusan wax tijaabo usoo marin helitaanka shaqadaas, cabsina kama qabo inuu waayo booskiisa, taas bedelkeed inuu iibsadaa howshi loo igmaday ma noqoneyso waxa la baciidsan karo. Ha sugin hufnaan inta howlaha wasaaraduhu hayaan kuwii qabiilka lagu keenay inay daacad u noqdaan howsha loo dhiibayo halka kuwii mudnaana la heyb soocay. Waa xaalad u baahan in la hufo lana haadiyo. 4 – Iskuullo dan ganacsi loo furtay Tiro maleh iskuulada iyo jaamacadaha dalka, badankood waxey u furanyihiin qaab ganacsi. Macallimiinta ka shaqeeya badankood waa kuwa xigto iyo xigaallo lagu keenay, marka ay sheekadu halkaas mareyso waxaad sugtaaba waa inay soo qalin-jebiyaan kuwo magac arday wata asii ardaal u muuq eg. Si kale, wax soo saarkoodu wuxuu noqdaa arday tiro badan oo tayadooda aad u liidato. Maxay la yaab kugu noqon mid saddex sano ka hor baadiya ka yimid maantana jaamacad dhiganaya. Allow sahal umuuraha W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. By: Ismail Osman Many of you ask via private messages “Can Somali government shutdown country internet? and the simple answer is No No No Somali Government does not have the capacity, technical know-how and Network Operation Center (NOC) to shutdown the internet. There is no even 2 servers own by the Government that are connected via intranet let alone internet. To shutdown or disrupt internet services Government must use or have (Internet Exchange Point) IXP and or physical infrastructure through which Internet service providers (ISPs) and content delivery networks (CDNs) exchange Internet traffic between their networks autonomously. As you may know there is no one entry point of internet in Somalia. We’ve many legal or illegal service providers that use other means to bring internet to Somalia. For example. Somaliland traffic comes straight from Djibouti, most of the Southern Somalia traffic is routed via Kenya. The only ISP that uses allocated IPv4 for Somalia is HORMUUD via VIASAT & DALKOM Cable via EASSY and these two does not have mechanism to exchange internet traffic. and no Government policy to govern from one another. Government that uses GMAIL for email service, cannot shutdown the internet.
  19. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay inay shir degdeg isugu yimaadaan maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo looga hadlo imtixaankii fashilmay ee shahaadiga dowladda Federaalka, kaasoo la joojiyey markii uu suuqa galay. Wasiirka Waxbarashada maamulka Galmudug Axmed Deeq Cabdi Falko oo Magaalada Gaalkacyo kula halday warbaahinta ayaa sheegay in si wax looga qabto cabashada ka timid ardayda Soomaaliyeed ee ku saabsan imtixaankii fashilmay ee dowladda ay muhiim tahay inay kulan isugu yimaadaan Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya iyo Dowlada goboleedyada si loo badbaadiyo ayuu dhahay mustaqabalka 30 kun oo arday. Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhaceen bannaanbaxyada ay sameeyeen ardayda dugsiyada Sare oo looga horjeedo go’aanka Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya. Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ardyda sanadkaan u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ay dhigeen dibad baxa ay kaga soo horjedan go’aanka wsiir Goodax. Baaqaan ayaa kusoo aadayo xilli Maamulka Puntland uu horey u diiday inuu ka qeyb qaato Imtixaanka halka Hirshabelle ay shalay sheegtay inay dowladda ku fashilmatay qaadista Imtixaanka hadda wixii ka dambeeyana ay iyaga qaadan doonaan imtixaanka. “Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado. “Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. (SLT-Washington)Telefishinka CNN-ta ee dalka Mareykanka aya barnaamijka THE LEAD ku baahiyay warbixin lagaga hadlayay qofka uu yahay Yuusuf Cabdi Cali oo ku magac dheer Kornayl Tuke. Barnaamijkan oo ciwaan looga dhigay waa kuma ‘Qofka ku qaadaya’ oo laga soo xigtay shaqadii ugu danbaysay ee uu Korneyl Tuke ka hayay Maraykanka oo ahayd taksiile. Hoos Ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka cadowga iyo kobocinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku ammaanay sida ay hormuud uga yihiin dhammaan hay’adaha dowladda. “Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Maanta waxaan u dabbaal dageynaa maalin taariikh ku leh dalkeenna, waa maalintii ay dhallinyaro Soomaaliyeed aasaaseen ururkii SYL oo horseed u noqday gobannimada aan maanta ku naallooneyno. Maanta dhallinyarada waxaa laga doonayaa halgan lamid ah kii halgamayaashii SYL ee xornimada gaarsiiyay dalkeenna. Maanta waxaa waajib idinka saaran yahay dib-u-dhiska dalka iyo sameynta is bedel dhab ah oo inoo horseeda nabad iyo horumar”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. “Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dhallinyarada ciidamada ah ee aagagga hore ee dagaalka cadowga kula dagaallamaya iyaga oo sooman, isla markaana guulo waaweyn ka soo hoynaya. Waxa ay hureen dhiiggooda si carruurteena iyo hooyooyinkeena ay nabad ugu seexdaan. Waa halgamayaasha dhabta ah ee dalkuunnu maanta leeyahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu. Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 76 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas. View the full article
  22. (SLT-Washington)Telefishinka CNN-ta ee dalka Mareykanka aya barnaamijka THE LEAD ku baahiyay warbixin lagaga hadlayay qofka uu yahay Yuusuf Cabdi Cali oo ku magac dheer Kornayl Tuke. Barnaamijkan oo ciwaan looga dhigay waa kuma ‘Qofka ku qaadaya’ oo laga soo xigtay shaqadii ugu danbaysay ee uu Korneyl Tuke ka hayay Maraykanka oo ahayd taksiile. Haddaba waa Kuma Kornayl Tuke? Kornayl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii Dawladdii M Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa ,Kornaylka wuxuu kamid ahaa sarakiil tababar fiican kusoo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter. Wuxuu dowladdii kacaanka ka ahaa taliyihii guutada shanaad ee milatariga Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa tacaddiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo uu ka geystay goboladii waqooyi oo haatan Ah Jamhuuriyadda Somaliland. Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa dhacay sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay. Kornaylkan Tuke ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay. Horaantii buburkii Dolwaddii Kacaanka, Tuke wuxu kamid noqday saraakiil sar sare oo qoxootinimo isaga dhiibay wadamada reer galbeedka, gaar ahaan dalka Canada oo dowladda dalkaas ay muddo kadib ogaatay in loo haysto eedeymo la xariira gobood fallo. Kornayl Tuke ayaa taksiile ka ahaa dalka Mareykanka Kornaylka ayaa waxaa uu u wareegay wadanka Maraykanka, kadib markii warbaahinta CBC ee Canada ay baahisay barnaamij lagu soo bandhigay gabood falada loo haystay, waxaana qaabka uu ku tagay dalka Maraykanka ka danbaysay xaaskiisa oo Visa ama dal ku gal usoo dirtay markii ay heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2006. Xaaskiisa ayaa sidoo kale loo haystay ka been sheegidda qaabka ay ku tagtay Mareykanka. Dadkii daba tagnaa kornayl Tuke ayaa dacwaddiisa u wareejiyay dalka Mareykanka, waxaana warbaahinta CNN ay sidoo kale baahisay muuqaal la duubay sanadkii 2016, kaas oo muujinaya booliska Maraykanka oo Kornaylka ka kaxaynaya goobtii uu ka shaqaynayay oo ahayd garoonka caalamiga ah ee Dulles ee waqooyiga Virginia. Tallaabada booliska ayaa timid, kadib markii xubin katirsan Aqalka Virginia ay dalbatay in la cadeeyo sababta qof dambi loo haysto looga shaqaalaysiiyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaasi, waxaana ay keentay in shaqada laga eryo. Wariye katirsan telefishenka CNN oo dabagal ku sameeyay kornaylka ayaa warbixantan kusoo bandhigay muuqaal muujinaya isagoo raacaya taksi uu waday kornaylka oo ka diiwaan gashan shirkadda takaasida ee Uber, waxaana taas ay keentay in shirkada ay shaqada ka eriday Kornayl Tuke oo 18 kii bilood ee u danbaysay uu ka shaqeynay. Kornyal Tuke ayaa ka hawgali jiray gobolladii waqooyi Jamhuuriyadda Somaliland ee hadda. CNN ayaa warbixintii ay baahiyeen ciwaan uga dhigay waa kuma “Qofka ku qaadaya”?. Dhacdadan ayaa horseeday in eedaymo loo jeediyo shirkada Tagaasida ee Uber oo lagu eedeeyay in baaritaan qotodheer aysan ku sameynin dadka ay shaqaaleysiineyso. Dacwadda la xiriirta kiiskan oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa si rasmi ah uga furmaya maxkamad ku taala Mareykanka, sida ay shaaciyeen wargeysyada kala ah The Guardian iyo New York Times ee kasoo kala baxa dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka. Farxaan Warfaa oo kamid ah dadka ku marqaati kacaya Kornayl Tuke ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu la kulmo ay ahayd bishii Maarso ee sanadkii 1988-kii. Wuxuu sheegay in Korneyl Tuke uu bastoolad ula soo baxay, kuna dhuftay shan xabadood oo uusan u meel dayin, balse uu ka badbaaday. Ka hor inta aan la tooganin ayuu sheegay in jirdil loo geystay, isagoo xilligaasna ku sugnaa deegaannada Somaliland. Sidoo kale gobolka Virginia ayaa waxa hore loogu maxkamadeeyay marxuun Maxamed Cali Samatar oo markii danbe lagu xukumay magdhow gaaraya 21 milyan oo doolar, lacagtas oo uu sheegay in aanu bixin karin. Waqooyiga Mareykanka waxa ka jira ugaarsiga lagu hayo saraakiishii milateriga ee dolwaddii Siyaad Barre, kuwaa oo loo haysto in ay gaysteen gabood falo lagu la kacay dad Soomaaliyeed. Source