Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. US forces conducted an airstrike on Friday, April 19, in Somalia’s Lower Juba region, killing two al-Shabaab militants, the US Africa Command said on Saturday. Friday’s airstrike was conducted in coordination with Somali forces and was the second by the US forces this week. The attack was carried out in the vicinity of Jamaame, some 50 kilometers from Kismayo which was a few years ago an al-Shabaab-controlled region. Africom said its assessment had shown that no civilians were killed on injured in the airstrike. The force pledged to continue working together with Somali forces to rid the country of terrorists. It also hailed training offered to Somali forces, saying they “are paying dividends.” “When we train a relatively small unit and that unit then engages with other Somali forces, the experience and professionalism we instilled in the original unit spreads to others, and that’s making a difference,” Africom said. View the full article
  2. War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen shalay nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen labo xubnoo oo katirsanaa Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey duqeynta ka dhacay duleedka Jamaame, oo qiyastii 40-Km u jirta magaaladda Kismaayo, ee caasimadda KMG ee Jubbaland. Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka gacan siisay weerarka, oo noqonaya midkii ugu dambeeyay duqeymo joogto ah oo diyaarado ay ka fulinayaan degaanada ay maamusho Al-Shabaab. Warka kasoo baxay AFRICOM aya lagu xusay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto washaqeynta iyo iskaashiga dowladda Federaalka ee dhinaca la dagaalanka Al-Shabaab. Warbixin ay dhawaan soo saartey Amnesty International ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu dad shacab ah ku diley duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya. View the full article
  3. Police say the man threatened Ilhan Omar, Rashida Tlaib, Eric Swalwell and Cory Booker. Police arrested a Florida man on Friday on suspicion of leaving racist, homophobic and Islamophobic messages filled with death threats on the voicemails of several Democratic members of Congress. John Kless, 49, of Broward County, is accused of leaving expletive-strewn voicemail death threats at the Washington, DC, offices of California Representative Eric Swalwell, Detroit Congresswoman Rashida Tlaib and New Jersey Senator Cory Booker. In the messages, he allegedly threatened and expressed his hatred for Ilhan Omar. Tlaib and Omar are the first Muslim women in Congress. Booker, who is African America, and Swalwell are running for the Democratic 2020 presidential nomination. Kless allegedly said in his racist message to Booker that “you government officials will be in the graves where you … belong”. He also allegedly defended the white supremacist who rammed his car into a group of counterprotesters at the August 2017 Unite the Right rally and killed 32-year-old Heather Heyer, US media reported. Kless is said to have racially abused Omar, a Somali-American former refugee, referencing a recent controversy in which she was accused of downplaying the September 11, 2001 attacks, and allegation she and her supporters, including top Democrats deny. He allegedly said in one of the messages that he would like to throw Omar off the Empire State Building, according to local media. Kless, who reportedly defended President Donald Trump in the messages and warned the politicians to stop criticising the president, has been charged with making threatening communications. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waa magaalo micno badan oo siyaabo kala duwan lacagaha la isaga shaqeysto, gaar ahaan marka laga hadlayo Shaqooyinka dowladda iyo kuwa Hey’adaha. Ma jirto hey’ad ka tirsan ama wasaarad ka tirsan Dowladda oo aysan ka jirin Musuq maasuqa taasina waxay sanad kasta noo keentay inaan hormuud u noqono wadamada uu la dagay Musuq maasuqa. Marka aad Muqdisho joogto oo aad tahay Darawal kamid ah kuwa kaxeeyo noocyada kala duwan ee Gawaarida kuwa yar yar iyo kuwa waaweyn waxaa ku sugeysa xaalad adag oo kaa hor taagan inaad hesho Sharciga kuu ogolaanayo inaad Gaariga kaxeyso haddii aad sharci la’aan Gaariga laamiga soo saaratana waxaa jidadka kuu taagan wiilal yar yar oo u diyaarsan inay lacag kaa sameeyaan. Hadaad go’aansato inaad Sharciga kaxeynta Gawaarida (Driver License) waxaa kaa baxeyso lacagta hoos ku faahfaahsan oo guud ahaan noqoneyso 185 Dollar. 150 Dollar oo ay qaadaneyso Wasaaradda iyo shirkadda heysato Mashruucaas 10 Dollar oo Xarunta Dambi Baarista CID ah, si aad usoo qaadato waraaqda caddeyneyso inaadan dambi ka gelin dalka. 25 Dollar oo Caafimaad ah . Ujeedada warbixintaan maahan inaan ka hadalno lacagaha dhan sababtoo ah horey ayaan warbixin uga soo sameynay lacagahaas iyo dhibaatada uu qofka ka marayo inuu helo Sharcigaas isagoo bixiyey lacagtaan xad dhaafka ah. Waxaan rabnaa inaan ka hadalno lacagta cusub ee la dul saaray dadka Leysinada qaadanayo oo ah 25 Dollar oo looga qaado Xafiis ku yaalo Km4 oo la sheegay inuu Gobolka Banaadir qeybta Caafimaadka u qaabilsan yahay. Xafiiskaas ayaa lacagta uu dadka ka qaado la sheegay inay tahay mid lagu hubinayo Caafimaadka Qofka rabo inuu qaato Leysinka. Xafiiska dadka Caafimaad malagu mariyaa? Marka qofka rabo Leysinka tago Xafiiskaas waxaa laga qaadaa Dhiig lagu shubayo dhawr Silingo, waxaana loo sheegaa qofka in Cuduro badan laga baarayo. Sida sharciga ah qofka rabo inuu Leysin qaato lagama qaado Dhiig balse waxaa laga cabiraa Indhaha si loo hubiyo inuu aragiisa yahay 100%, haddii uusan aheyn waxaa loo qoraa Ookiyaale u saamaxayo inuu Gaariga wado, waxaana Leysinka lagu caddeeyaa inuu qofkaan yahay qof aan arigiisa dhameystirneyn oo lagama maarmaan ay tahay inuu Ookiyaale ku wado Gaariga, haddii la arko isagoo la’aantiis wadayana waxaa lagu ganaaxaa Lacag. Balse Sheekada ka jirto Muqdisho sidaas way ka duwan tahay, qofka Marka dhiigga laga qaado waxaa loo sheegaa inuu Jawaabta soo doonto Maalinta xigta, mar kastana ogsoonow jawaabta waa mid Positive ah oo qofka loo sheegayo inuu caafimaad qabo. Maxaa Dhiigga Lagu sameeyaa? Qof ka tirsan dadka Leysinada qaatay oo ay u suurta gashay inuu galo Xafiiska howshaan macaashka ah ay ka socoto ayaa indhiisa kusoo arkay in Xafiiskaas aysan oolin wax qalab ah oo indhaha lagu baaro iyo xataa qalab kale oo dhiiga lagu baaro mar uu la hadlayey Shabakadda Caasimadda Online. Qofkaan wareysiga siiyey Caasimadda Online ee dhiigga laga qaaday ayaa durba arkay dhiigiisa oo lagu ridayo Meesha loogu talagalay Qashinka halkii dhiigiisa la marin lahaa Baaritaan. Taas waxaa ka daran waa arrin cusub in qof Leysin la siinayo aan Indhaha laga baarin loona sheego in laga baarayo Sokor, Dhiigkar, Cagaarshow iyo Malaariyo. Sidee loo qeybsadaa Lacagta? Sida ay ogaatay Caasimadda Online qof tago xafiiskaas waxaa loo jaraa marka lacagta laga qaado illaa 3 Boono, Laba waxaa lagu kala qoraa min 10 Dollar, halka midda seddexaad lagu qoro 5 Dollar, taasoo guud ahaan noqoneyso 25 Dollar. Xisaabta ku darso Seddexda boono ee lacagaha kala duwan lagu kala qoro waxay kasoo baxdaa Hal Xafiis, waxaana ku wada qoran Gobolka Banaadir, qeybta Caafimaadka, waxaana arrintaan ku jirto qiyaano ah inaan Gobolka Banaadir loo gudbin guud ahaan lacagta 25 Dollar ah oo ay jirto Siyaabo kale oo loo kala qeybsado lacagta. Sida ay illo wareedyo ka tirsan Xafiikaas u sheegeyn Caasimadda Online, lacagtaas 25 Dollar ah ayaa waxaa ku heshiiyey inay kala qeybsadaan Wasaaradda Gaadiidka, Shirkadda heysato Mashruucda Leysin bixinta iyo Xafiiska dadka looga qaado dhigga oo aysan oolin wax qalab caafimaad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Hindiya)-Codbixiye u dhashay dalka Hindiya ayaa iska gooyay fartiisa kadib markii uu si khaldan uu codkiisa u siiyay doorashada guud ee ka socota dalkaasi. Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa Pawan Kumar waxaa uu sheegay in uu ku jahawareeray doorashada loo adeegsanayo qalabka casriga. Waxaa uu tilmaamay in uu doonayay in codkiisa uu siiyo xisbiga mucaaradka balse uu si khaldan uu ugu codeeyay xisbiga raysal wasaare Narendra Modi. Mr Kumar ayaa markii uu codkiisa ka dhiibtay gobolka Uttar Pradesh khamiistii tagay gurigiisa isaga oo gacanta farta isaga jaray faash af badan oo hilibka lagu Jarjaro. Doorashada Hindiya ayaa codbixiye yaasha haddii ay khaldaan ayna markale dib ugu laaban Karin waxaana codbixiyeyaasha laga doonayaa in uu si degan ula socdo ka hor inta uusan codkiisa Dhiiban. Source
  6. Baladweyne (SMN) – Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan HirShabelle ayaa maanta lagu soo dhaweeyay M/Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaa xubnaha wafdigani horkacaya guddoomiye ku xigeenka cusub ee dhanka siyaasadda iyo maaliyadda ee gobolkaasi Xasan Ibraahim Cabdulle. Ugu horreyn waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay xubno ka tirsan mamulka Baladweyne iyo kan G/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo sheegay in guddoomiye ku xigeenkau uu wax ka bedali karo xaaladaha adag ee ka jira gobolkaasi. Dhinaca kale Xasan Ibraahim Cabdulle guddoomiye ku xigeenka cusub ee dhanka siyaadda iyo maaliyadda gobolka Hiiraan oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in xaalado daran ay haatan ka jiraan deegaanada Hirshabelle, loona baahan yahay in si deg-dega ah wax looga qabto dhibaatooyinkaasi. Waasaradda arrimaha gudaha HirShabelle ayaa dhawaan is bedal ku sameysay xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee uu guddoomiyaha u yahay Yuusuf Dabageed. View the full article
  7. Folorida (SMN) – Booliska Mareykanka ayaa magaalada Folorida ku qabtay nin logu tuhunsan yahay in ay madax martay cunsuriyadda naceybka dadka soo galootiga ah iyo kuwa Islaamka a, kadib markii uu cod maqal ah u diray xubno ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka. Eedeysanahan oo 49 sano jir ah ayaa waxaa Lagu Magacaaba John Kless,waxaana lagu eedeeyay in hanjabaad ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ah haweenka Muslimka ah ee ku jira xisbigga Dimoqraadiga. Ninkan ayaa sidoo kale fariimo xambaarsan naceyb iyo hanjabaadyo dil ah u diray Eric Swalwell oo ah nin doonaya in xisbiga Dimoqraadiga uu ku matalo doorashooyinka sanadka 2020-ka ee madaxtinimada dalka Mareykanka. Waxaa kaloo ka mid ah dadka uu u hanjabay ninkan ku sifoobay isir naceybka Cory Booker oo ah Senetor madow oo Amerikaan ah. Ninkan ayaa la sheegay in uu fariintiisa codka ah ku muujiyay naceybka uu u qabo Ilhaan Cumar,waxaana uu sidoo kale afka ku ballaariyay sida uu u arko sarreynta dadka caddaanka ah. John Kless, ayaa fariintiisa ku difaacay Madaxweyne Trump,wuxuuna uga digay siyaasiyiinta in ay joojiyaan mucaaradnimada ay ku hayaan Madaxweynaha Mareykanka. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Mid Kamida Shirkadaha ugu Waaweyn Somaliland oo Musalaftay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Caabudwaaq (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay waqooyiga gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa ay u dhexesaa laba meleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan deegaanka Balicad ee gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi. Shalay ayey aheyd markii maleeshiyaadkan uu iska horimaad ku dhexmaray deegaano dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/warka-xiisada-bali-cad.mp3 View the full article
  10. Shirka golaha amniga ayaa mar kale ku fashilmay inuu qabsoomo kadib markii uu baaqday kulan lagu balansanaa inuu dhaco jimcihii, waana baaq kale ee uu madaxweyne Farmaajo u diro dowlad goboleedyada oo laga jawaabi waayo. Kulamada golahan waxaa saameeyey tan iyo markii la aasaasay khilaafyo soo kala dhex-galay dowlad federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shirka golaha waxaa uu qorshuhu ahaa inuu socdo April 19-23, oo sidaasi waxaa horay bartiisa Tweeterka ugu sheegay Cabdi Saciid Cali oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabudillahi Farmaajo u ah la taliyaha xagga amniga. “Iyada oo aan xal laga gaarin arrimaha siyaasadda, ma qabsoomi karo shir amni” waxaa sidaasi Goobjoog News u sheegay la taliyihii amniga ee maamulka Farmaajo Xuseen Macalim. Mr. Xuseen oo hadda ah agaasimaha xarunta Hiraal waxaa uu qabaa in marka hore meel la saaro arrimaha siyaasadda, oo la xaliyo dhammaan cabashada ay qabaan dowlad goboleedyada, kadibna arrimaha amniga laga wada hadlo. Dhinaca kale, saddex ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kala ah: Axmed Madoobada Jubbaland, Axmed Xaaf-ka Galmudug iyo Deniga Puntland waxaa ay joogaan Nairobi. Lama oga in inta kale ku biiri-doonaan iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si weyn u bogaadiyay shirkadda Takaful, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Jigjiga)-Nin muddo toddoba sana ah xil wasiirnimo ka soo hayey deegaanka soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa iisu beddelay Mu’aadin msaajid. Inta badan waxaa dhacda in marka siyaasiyiinta Soomaalidu ay xilalkooda waayaan ay ka tagaan deegaannadooda oo ay aaddaan meelo inta badan aan laga aqoon. Qaarkoodna waxaba ay raadiyaan shaqooyin mushaar fiican leh oo ay kasoo dhacsan karaan noolashooda. Balse Mustafe Muxumed Cigaal waa uu ka duwan yahay siyaasiyiintaasi. Muddo toddobo sano ah ayuu wasiir ka soo ahaa xukuumaddii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya haddase waxaa uu mu’addin ka yahay masaajid ku yaalla xaafadda ayar Daga ee magaalda Jigjiga. Mustafe Muxumed Cigaal oo u warramay wariyaha BBC ee magaalada Jigjiga ayaa sheegay “iney dadkuna fara badnaayeen xubnaha dowladdana aad ay u badnaayeen oo wax dambi galay iyo wax aan dambi gelinba ay isugu jireen”. “Anigu waxaan isleeyahay toddobadii sano ee aan dowladda ka tirsanaa oo aan wasiirka cabashooyinka ka soo ahaa qalbiga wixi aan ka nici karana waan ka nacay, wixi aan afka ka oran karana inaan ka iri ayaan aaminsanahay laakiin ismalihi dambi weyn oo aad waaga gashay oo aad ka towbad keneysaa ayaa jira”. “Inta aan dowladda ka tirsanaa lafteeda waxaan hoosta ka ah muwaaddin salaadda subax masaajid ka aadaama, marka 2012-kii la ii magacaabay wasiirka cabashooyinka oo xilka ii dhiibay haddana hoosta ayaan ka watay oo subaxa iyo xilliyada habeenki waan aadaami jiray” ayuu yiri. Mar la weydiiyey Mustafe Muxumed Cigaal xilligi uu wasiirka soo ahaa inuu ciidama ilaala ah ay la socon jireen marka waxa uu iska ilaalin jiray xilligaa waxaa uu yiri “Xilliga Cabdi qofki aan ciidan wadan waxaaba la oran lahaa wax kale ayaad aaminsan tahay oo waxaa fududeed in adoo mas’uul ah lagu yirahdo Al-shabaab, ONLF baad tahay baad tahay ama argagixisaad tahay”. “Adiga oo wasiir ah in lagu xiro god laguugu rido oo aakaharo laguu dhaadhiciyo ayaa ahayd mid aad u fudud, nasiib wanaag waxaan ahay wasiirka keli ah ee toddobada sano ee aan xilka hayey aan la xirin oo jeel ka badbaaday iyada oo ay wasiirrada kale jirin mid aan la xirin ama aan god lagu ridin” ayuu yiri Mustafe. “Howsha mu’aadinimada ee aan masaajidka ka hayana wax mushaar ah kuma qaato oo cidna iima magacaabin maadaamaa masaajidka xaafadda aan dagganahay uu ku yaallo, horayan dadki dhisay aan ka mid ahaa odayaasha masaajidkana aan ku jiray, anoo mas’uul ahna aan ku dukan jiray xilka markaan ka tagayna waxaan iska sii watay mu’addinimadeeyda”. “Dadku wey iigu hambalyeeyaan marki ay dowladdi aan ka tirsanaan burburtay oo raggi aan wada shaqeeyneynay ay dibadaha u kala carareen aniguna aan masaajidka imaamnimadaydi ka sii watay shacabka aad ayey iigu soo dhaweeyaan iyaga oo yirahda ilaahaa ku jecel mar haddii aad masaajidka meel u dhaafin adiga oo aan wax dakana ah gelinna dadkaagana aad la nooashahay”. Mustafe Muxumed Cigaal waxaa kale uu sheegay “inta uu xilka hayey lafteeda inuu masaajidka ku xirnaa uu nadaafadda masaajidka ka shaqeyn jiray, masaajidka ilaalin jiray, gaariga xaafiskana jameecaadka, dadka masaakiinta ee xanuunsanna, iyo Culimadaba uu ku qaadi jiray weligiiba uu hoosta diintiisa ka wadan jiray”. “Dadku inta badan marka ay madaxtinimada ka degaan waxbadan ayaa ku soo fakada ama culeys ayay dareemaan aniga haba yaraatee wax dhib ah lama kulmin dadkeyga ayaan ku dhex jiraa waxaanna ahay mas’uulka keli ah oo isaga oo koofi cad dadkiisa ku dhex jiro wax dakana ahna bulshada aan ka gelin.” “Soomaalida waxay tidhahdaa ‘Si xun u socde si xun buu u dhiman’ aniga weligeeyba hoosta unban adkaarteyda ka watay oo aan ayad kursigeeyga ka akhrisanayey.” Halka ay wasiirradi aan wada shaqeeynayey ee ila mid ahaa kuwoodi jigjiga ku sugan ay isgaabinayaan oo ay aad u soo bixin anigu alx ilaaheey waa ii nimceeyey oo mu’addinnimadeeyda ayaan iska sii wataa. “Xilka ka horba aniga oo aan shaqo hayn oo mushaar la’aan ah ayaan noolaa haddana waa noolahay oo risqiga Allah ayaa bixiya haddana sida dadku u nool yahay ayaan u noolahay ninka haddi uu dhulkiisa joogaba baahiba ma hayso.” Source
  13. Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dowladda Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo waraysi gaar ah siiyay maanta Warbaahinta Puntlandi.com ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid [...] Source
  14. Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si xoogan uga horyimid shir gaar ah oo lagu wado in madaxda dowlad goboleedyada saacadaha soo socda uu uga furmo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in xilligan aysan habooneyn is xulafeysi keeni kara khilaaf hor leh. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Jubbaland, Galmudug iyo Puntland. Dhanka kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa shirka Nairobi ku sheegay in uu yahay mid ay kula kulmayan xubnaha deeq bixiyaasha beesha caalamka. Balse warar hoose ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid siyaasadeed oo ay uga hadlayaan danahooda gaarka ah iyo xaaladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/VOXPOP-1.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wado qorshe uu ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto, Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la yeelanayey odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Beelaha ku matala Golaha Shacabka. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu dadaal ugu jiro sidii uu taageero ugu heli lahaa qorshe dowladdiisa ku dooneyso muddo kororsi, iyadoo muddo xileedkiisa uu ka dhiman yahay 20 bilood. Madaxweynaha ayaa la kulmay odayaal, XIldhibaano iyo waxgarad ka kala socday dhawr beel oo ka tirsan Beelaha Soomaaliya, wuxuuna qaarkood ku qanciyey inuu sameysto muddo kororsi halka Beelaha qaarna ay u sheegeyn inaysan arrintaas caqli gal aheyn oo ay keeni doonto dagaal Sokeeyo oo mar kale ka bilowdo Soomaaliya maadaama Madaxweyne Farmaajo tixgelintiisa ay ku egtahay muddo xilliyeedkiisa . Odayaasha , Xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha Habargidir ayaa diiday inay la kulmaan madaxweyne Farmaajo kadib markii ay sheegeyn inuu madaxweynaha wado qorsho aan lugo laheyn oo aysan jirin cid laga dhaadhacsiin karo. Waxaa baaqday Casho sharaf uu Madaxweynaha u diyaariyey Odayaasha , Xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha Habargidir xilli juhdi, Qarash iyo waqti badan la geliyey. Sidoo kale waxaa arrintaan ka hor imaaday inta badan Mogadishu Clan iyo Darood, waxayna taas cadaadis badan ku abuurtay Madaxweyne Farmaajo oo ay u muuqatay inuu qorshahaas yahay mid adag oo ay horey ugu soo fashilmeyn madaxdii ka horeysay. Madaxweynaha ayaa waqtigiisa inta ugu badan maalmihii dambe ku bixinayey qorshahaan, waxaana laga yaabaa inuu garab ka helo Dowladda Sacuudiga oo casuumaad u sameysay haddii uu sameeyo waxyaabaha ay doonayaan oo ay ugu horeyso in la badalo Ra’isulwasaare Kheyre xilkaasna loo dhiibo shakhsi ay iyada wadato. Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa wado qorshe ay Farmaajo ka dooneyso taasoo ah in xiriirka loo jaro Dowladda Qadar isla markaasna maamulka Dowladaan loo dhiibo iyada si ay Soomaaliya uga fulisay mashaariic ay kamid tahay lasoo bixitaanka shidaalka dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga ardayda Jaamacadaha Soomaaliyeed, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ardayda in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo horumarka dalkooda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ka dowladdiisu ay garab taagan doonaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda. Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee ka socday ardayda Jaamacadaha dalka ayaa ka hadlay dareenkooda iyo kulanka gaarka ee ay la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaraan oo lagu garab siinayo dhalinyarada, gaar ahaan ardayda, si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-20042019-web.mp3 View the full article
  18. Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku geeriyooday Cabdirashiid Maxamuud Xirsi oo ahaa guddomiyihii hore baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland. Allah u naxariistee, Cabdi rashiid ayaa xilka kala duwan ka soo qabtay Puntland isaga oo golaha wakiillada ku jira 15 sano, 5 sano uu hoggaamiyey, xildhibaan ahaa, guddoomiye iyo wasiir Barlamaanka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo soo noqday guddoomiyihihii barlamaanka Puntland 2009/2014, kaasoo saakay ku geeriyooday magaalada Garowe Sidoo kale waxa uu soo noqday wasiirka howlaha guud iyo Kaluumeysiga intii udhaxaysay 2014 ilaa 2018, waxaa kale geerida ka tacsiyeysay maamulka sare ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Xildhibbaan Axmed Maxamed Diiriye ayaa Doodiisa ka dhiibtay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo degmooyinka oo maalintii saddexaad ka socda golaha wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Barlamaanka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo soo noqday guddoomiyihihii barlamaanka Puntland 2009/2014, kaasoo saakay ku geeriyooday magaalada Garowe. Marxuumka [...] Source
  21. Jonathan Toroitich Moi oo uu dhalay Madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arap Mio ayaa jamcadii geeriyooday, waxaa sidaas xaqiijiyey Qoyska Reer Mio, i kastoo ay [...] Source
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon la hor geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex . Wariye Coldoon ayaa labo cisho ka hor ciidamada Somaliland kasoo qabteen magaalada Burco, iyagoo markii dambena u soo wareejiyey xabsi ku yaala Magalada Hargeysa. Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markii la horgeeyay Wariye Coldoon u sheegay Ciidankii soo qabtay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer. Guddoomiyaha Maxkamada ayaa go’aankaas ku sababeeyay labo arrin, sida ay Caasimada Online u sheegen qaar kamida ehelka Wariye Coldoon. Isagoona sheegay Gudoomiyuhu in aan Wariye Coldoon xadhigiisa loo marin sifo sharci oo aysan haysan amar qabasho oo kusoo xidhaan ciidankii soo qabtay iyo in aanu isagu awood u lahayd dhageysiga dacwad dhul kale ka dhacay, maadama awoodisu ku eegtahay dhageysiga dacwdaha Gobolka Maroodi-jeex. Wararka kale ee aan helayno ayaa sheegaya in Wariye Coldoon ay ka muuqden dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay markii la soo qabanayey, isagoona Gudoomiyaha Maxkamadu uu saaka ku amray Ciidankii waday Wariyaha inay geeyan Cisbitaal. Ilaa iyo hadda lama oga in Ciidamadii saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka, inay fuliyeen amarkii Guddoomiyaha iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com