-
Content Count
208,277 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khamiistii socdaal kedis ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Ma jiro wax war ah oo laga hayo socdaalka Madaxweyne Biixi iyo ujeedada ka dambaysa, isagoo bishii hore ee March socdaal ku tagay dalkaas UAE. Hase yeeshee warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Biixi uu salka ku hayo arrimo ku saabsan saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo magaalada Berbera. Sida uu warku sheegay weli dawladda Somaliland may bixin warqada u dambaysa ee ogolaanshaha ee saldhiga, waxaanu warku sheegay in Madaxweyne Biixi uu socdaalkiisii u dambeeyay ee bishii March uu madaxda UAE ee uu la kulmay ka codsaday in madaarka ay UAE ka dhisanayso Berbera loo isticmaali karo in laga soo dejin karo shixnadaha Kaargooga ee shacabku leeyihiin, waxaanu warku intaas ku daray inaanay dawladda UAE jawaab rasmi ah weli ka bixin dalabka Somaliland. Waxase ay warar laga helayo ilo kale oo diblomaasiyadeed tilmaamayaan suurtogalnimada in dawladda UAE ay garoonkan oo ay markii hore ugu tallo gashay arrimo ciidan hadda u bedesho xarumo saad ‘Logistic centers’ Geesta kale, waxa ay doodi ka dhalatay hawsha dhigista dhagaxa jayga ah ee garoonka Berbera, waxaanu warku sheegay inay dawladda Somaliland joojisay hawshaas ka dib markii qandaraas lagu soo siiyay nin Carab iyadoo ay awoodi karaan inay hawshaas qabtaan shirkadaha waddaniga ahi. Geesta kale, waxa toddobaad ka hor Hargeysa socdaal ku yimid Mr. Maxamed Kidib Al Rashaad oo la taliye ka ah xafiiska Mansour bin Zayed Al Nahyan oo ah Raysalwasaare-xigeenka UAE iyo Wasiirka madaxtooyada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ayaan daro ku tilmaamay iyadoo biyo balaadhinta Caasimadda lagu bixiyey 250 milyan inuu haddana Madaxweynuhu saluug ka muujiyo Biyaha Caasimadda, waxaanu tilmaamay in Madaxweynaha laga sugaayo inuu qanciyo Wadamada lacagta ku bixiya biyo balaadhinta, iyo inuu la yimaado Siyaasad wanaagsan iyo Qorshe Qaran. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo Somalilandtoday ka soo xigatay ayaa sidoo kale ka hadlay musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida umadda, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay biyo jirin, oo Hargeysa aan biyo laga sugin, waxaa ku jira Geed-deeble, lacagta lagu bixiyey biyo balaadhinta Hargeysana 250 milyan bay maraysaa, haddana waa ayaan daro inuu Madaxweynuhu afkiisa ka yidhaahdo reer Hargaysoow tashada Biyo ma jiraane, iyadoo 250 milyan lagu bixiyey biyo balaadhinta Caasimadda, Madaxweynaha lagama sugayan inuu yidhaahdo tashada reer Hargeysoow, ee waxaa laga sugaayey inuu Qorshe qaran iyo Siyaasad wanaagsan uu keeno,Caalamkii 250 milyan galiyey biyo balaadhinta Hargeysana wixii lagu qancinayey Madaxweynaha ayaanu ka sugaynaa,dadka wada yaala Hargeysana sida uu Biyaha ugu xaqsoori lahaana isaga ayaanu ka sugaynaa” Mar uu ka hadlaayey musuqa ayaa yidhi“Aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa Xeer ilaaliyaha qaabka uu wax u wado, dambi baa dhacay, ee dambiga cidda sameeysay in la daba galo ayeynu u baahan nahay, Xeer ilaaliyuhuna cid kasta oo dambi lagu soo oogo ama gasha inuu sheego oo uu daba galo xaq buu u leeyahay, cid kasta oo musuqa gasha xitta haddii uu Madaxweynuhu xasaanad ka qaado in laga hadho maaha, waana inay Xeer ilaalinta iyo Hanti-dhawrku hawshooda sii wataan, haddii aanay taasi dhici weydana waxay sharci noqonaysa inay Xukuumadda Muuse Biixi ay xalaalayso musuqa iyo boobka hantida umadda, adduunkana lama arag Dawlad iyadu wadankeenda xalaal ka dhigta musuqa, marka ay sidaas noqotana Madaxweynaha ayaa musuq-maasuq ku eedaysan, markaas in musuq-maasuqa lala dagaalamo oo laga hor tago ayaa loo baahan yahay, ee anigu waxaan odhan lahaa Madaxweyne wax wanaagsan baad sameeysay madaama aad xilkii ka qaaday cidii lagu eedayey musuq-maasuq ee laba mid bay ku taagan tahay inuu dalkan musuq dartii u burburo, oo sidaas musuqu xalaal ku noqdo, oo raggaas laga hadho, ama Sharciga ha la ilaaliyo, oo cid kasta oo dambi musuq gashay sharciga ha la soo taago, cidda isku dayday inay damiinato Wasiiraddii xanaada laga qaaday ee musuqa lagu eeddayey dambi bay gashay waa inuu dambigooda lagu ooga, Maxkamad iyo cid kale oo damaanad ku sii dayan kartaa midna ma jiro’. Source
-
Khartoum (Caasimadda Online) – Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee REUTERS Guriga Madaxweynihii hore ee Dalka Suudaan Ee Xabsiga ku jiro Cumar Al-Bashiir ayaa laga helay lacago Malaayiin Dollar ah taasoo weliba aheyd lacago kala duwan. Sida ay sheegeyn illo wareedyo ka tirsan Sirodonka Milliteriga Dalka Suudaan hoyga Cumar Xasan Al-bashiir ayaa laga helay shandado ay ku jiraan in ka badan 351,000 oo Dollar, 6 million oo Lacagta Euro iyo 5 million ee Giniga dalka Suudaan taasoo noqotay arrin aad looga hadal hayo dhammaan Dalka Suudaan. Dacwad Oogaha Dowladda Suudaan ayaa si deg deg ah u amray in lasoo xiro Madaxweynihii hore ee AL-Bashiir. Dacwad oogaha ayaa amray in Al-Bashiir maxkamad loogu soo taago eedeymaha lagu hayo oo ay ugu weyn tahay midda Xasuuqa Shacab badan iyo lacagaha sharci darrada ah ee gurigiisa laga soo bixiyey. Xabsiga uu ku xiran yahay Al-Bashiir ee lagu magacaabo Kobar ayaa la filayaa inuu Dacwad-oogaha Su’aalo ku waydiiyo Al-Bashiir oo hadda ah Maxbuus. Dacwad-Oogaha ayaa sidoo kale sheegay inuu baaritaan ku hayo lacago la sheegay inuu AL-Bashiir u xawishay wadamo kale. Al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday. Sidoo kale al-Bashiir waxaa laga doondoonayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loo soo gaabiyo ICC, taas oo u haysata eedo ah inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq gaystay. Caasimada Online Xafiiska Khartoum Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari la sheegay inuu ahaa kuwa xamuulka qaada oo lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb, kaasi oo hub lag dhex qariyay. Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay gaarigaasi oo marayay magaalada, xili uu doonayay inuu kasii gudbaa magaalada Dhuusomareeb sida masuuliyiinta ay sheegeen. Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay in sidoo kale laamaha amaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad gaariga hubka lagu dhex qariyay la socday. Sidoo kale masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay in xubnaha la qabtay ay ku xiran yihiin saldhiga magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana socda baaritaanka shaqsiyaadkaasi ku socda. Galmudug ayaa ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso hubkaan, tiradiisa, nooca uu yahay, halka loo waday iyo halka uu ka yimid, waxaana ay sheegtay in ay socdaan baaritaano xubnaha waday gaariga hubka lagu dhex arkay. Galmudug ayaa dhawaan magaalada Dhuusomareeb ku qabatay gaari xamuul ahaa oo hub badan la sheegay inuu u waday Al Shabaab, waxaana wali jirin faahfaahin ay Galmudug ay ka bixisay gaarigaasi iyo halka uu ku dambeeyay. Ahlu sunna ayaa horey marar badan u qabatay gaadiid hub u waday Al Shabaab, waxaana hadda markii labaad Galmudug sidaasi oo kale ay sheegtay in Dhuusomareeb lagu qabtay gaari hubka lagu qariyay. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Shirkada Qatar Petroleum ayaa heshiis waxay la saxiixatay Shirkada ENI ee Talyaaniga laga leeyshay tasoo wadanka Kenya baaris shidaal uga wada Bada. Arintaan ayaa khatar [...] Source
-
Somaliland: From The Ashes, Hargeisa Has Risen Like A Pheonix Hargeisa, (Qaran news)-Between 1988-1991, the city of Hargeisa, along with Buroa in Somaliland were obliterated by the shelling and bombing of the forces of the Barre regime. Over 90% of Hargeisa, along with a countless thousands of its citizen were massacred by the mercenary pilots hired from Zimbabwe by the Barre regime. These mercenaries flew from Hargeisa airport turned around and dropped their bombs indiscriminately on the city and its inhabitants. Furthermore, these mercanaries strafed the civilians fleeing the city on foot. Meanwhile, the forces of the Barre regime, under the notorious Colonel Tuke shelled the city with heavy artillery, not bothering to differentiate between civilian areas and SNM strong holds. When, the cities of Hargeisa and Buroa, were finally liberated in 1991, they resembled a scene from the apocalypse, hardly a building left standing, no roofs, doors, windows, even the copper strips for the street lighting were looted. Today, Hargeisa, and Buroa are both flourishing, much like all the other cities in Somaliland. More has been achieved by both the inhabitants, the local and central governments than in the entire 30 year union with the defunct Somali Republic. Those who dream of another union, should take a page from history and never forget. Qaran News
-
Afgooye (SMN) – Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaano hor leh oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada oo qaaday howlgal qorsheysan ayaa waxa ay kula wareegeen deegaanada Baladul-Amiin iyo Cumar Beere oo ka wada tirsan gobolkaasi. Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay isaga baxeen halkaasi, kadib markii ay ku dhawaadeen Ciidanka milatariga dowladda federaalka Soomaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo gobolka Shabeelaha Hoose. Muddooyinkii dambe Ciidamada Xoogga Dalka ayaa weeraro ka dhan ah Al Shabaab ka waday deegaano iyo degmooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Waddani Party of Somaliland was founded in 2012. Its MPs in Somaliland Parliament belonged to Udub, which was dissolved in 2011 and UCID on whose ticket Waddani Party Chairman secured parliamentary speakership before resigning in 2017. In a short period of time Waddani turned out to become an usually progressive party championing, among other causes, rights of minorities, more female MPs, constitutional reform and decentralisation. Those themes distinguish it from the ruling party, Kulmiye. Waddani garnered 40% of votes cast during 2017 presidential elections. That is a remarkable achievement for a party in competition with a well-funded and older party. Many Kulmiye supporters accuse Waddani of undermining Somaliland democratic processes by not agreeing to timeframe to hold parliamentary elections. The evidence to back up this claim does not hold water. Who should take responsibility for Somaliland not escaping the unflattering assessment by electoral observers that the political system’s weakness lies in being “over-reliant on a customary system to solve problems, and with representative electoral institutions not yet fully capable of supporting the transition to a stronger nation-state.” If Somaliland political parties remain reluctant to observe electoral rules, why should they commit voters to a polarising election cycle yet again? While on tour in the United Kingdom last year Waddani Chairman, Abdirahman Mohamed Abdullahi, discussed challenges the party is facing of which competing with a ruling party using public resources is the most pressing. Kulmiye took the decision to hold parliamentary and presidential elections separately several years ago. The party leadership might have reasoned, without explicitly stating, that 2017 presidential elections could split the electorate along clan lines. Waddani’s political programme based on decentralisation and accountability chimed with constituencies not allied with the party chairman clanwise. Waddani Party Chairman at a meeting with party supporters Without substantive changes to electoral rules Waddani will find it hard to justify to its supporters the democratic necessity to hold parliamentary elections. Any changes to electoral rules should not leave citizens in doubt that Kulmiye will not abuse its mandate to deepen distrust caused by misuse of public resources for political ends. The presidential system of Somaliland is not based on the percentage of votes won by a ruling party to form a majority government. A ruling party can govern without holding an absolute majority of parliamentary seats. In the last 2005 parliamentary elections Kulmiye, then an opposition party, won 28% of seats but 49.50 % of votes cast during 2010 presidential elections. The democratic deficit in Somaliland institutions benefits Kulmiye. Reflecting on how democracy fared in East European countries Professor Mark Lilla said that political elites had put in place democratic institutions without democratic citizens. Election observers’ observations on the mismatch between democratic institutions and reliance upon a customary system in Somaliland bears out Professor Lilla’s judgement. In a 1986 Time magazine essay the late editor-in-chief Henry Grunwald summed up the logic of democracy: If I rob my neighbour today, he will rob me tomorrow. My neighbour’s possessions are just as important as public resources to which we both contribute to ensure delivery of many services including the administration of justice. This common understanding constitutes one of the foundations of democracy. Somaliland political institutions are at a crossroads. Waddani may not give in to pressure from Kulmiye to agree to a parliamentary elections schedule. If it does, there is no guarantee that Waddani will not win 40% of parliamentary seats. If Somaliland were governed on the basis of seats won during 2005 parliamentary elections a coalition government would have been in place by now. Kulmiye exploited ambiguities after the dissolution of Udub, the party it unseated in 2010. Kulmiye has increased the number of its MPs who haven’t won a seat on the party’s ticket. Kulmiye’s goal to perpetuate the dysfunctional Somaliland political system through parliamentary elections without addressing causes of democratic deficit and polarisation gives Waddani reasons to stand back and reflect on a failing political experiment. At a question and answer session of a public lecture given by Professor Ahmed Samatar in Hargeysa three weeks ago, a young man posed the following question: how can the practice of giving jobs and other opportunities to less competent candidates be curbed? Professor Samatar, who is a Kulmiye party member but is critical of the direction taken by the Somaliland government, did not answer it. Liban Ahmad libahm@gmail.com The post Waddani on horns of dilemma in parliamentary elections appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa xog dheeri ah ka heshay kulanka xasaasiga ah ee Maanta Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya uga furmay madaxda Maamul GOboleedyada gaar ahaan Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Kulankaan Maanta furmay ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Midka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxwyenaha Puntland Deni oo Xalay soo gaaray Magaalada Nairobi. Kulamaddaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana ay sidoo kale ka hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda iyo soo celinta Shirarkii Madaxda maamul goboleedyadda. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi, waxaana xalay ku biiray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani. Madaxda Saddexda maamul ayaa dhawaan diiday Shirkii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay aad uga soo horjeeddaan sidda ay dowladda Soomaaliya ay wax ku waddo. Warar qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Hirshabeelle laga yaabo in uu ku biiro Shirka ka socda Nairobi. Sida ay Caasimadda Online ogaatay waxaa jiraan dadaallo ay waddaan Madaxda Beesha Caalamka ee ku sugan Nairobi oo ku aadan xalinta Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Madaxweynaha Puntland oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in halkaas uu kulamo kulayeeshay Madaxda Imaaraadka iyo Mas’uuliyiin Shirkadda DP World. Sida ay Caasimadda Online ogaatay Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland in wadajir magaalada Nairobi kula kulmi doonaaan wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo kala hadlaya barnaamijka la macaamilka gaarka oo Beesha Caalamka dib u soo cusbooneysiisay in maamul goboleedyada si gaar ah uga taageerto barnaamijka Horumarinta iyo arrimaha bani’aadaminada. Waxaa weli taagan Khilaafkii xoogaana ee u dhaxeeyey Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo kasoo bilowday go’aanka ay Dowladda Dhexe ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay Dowladaha Khaliijka. Tan iyo markaas waxaa hakad la geliyay barnaamijyadii mashaariicda horumarineed ee Beesha Caalamka soo marsiin jireen dowladda Federaalka, waxaana muddo la hadal hayay in Beesha Caalamka ay qorsheyneyso sidii ay dib ugu soo celin laheyd barnaamijka macaamilka gaarka ah ee Maamulada iyo dowladda Federaalka ay si isku mid ah uga taageereyso mashaariicda horumarineed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Daawo:Xaflad Xisbiga Waddani ku qabsaday UK & Waxay daareyd
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
US forces conducted an airstrike on Friday, April 19, in Somalia’s Lower Juba region, killing two al-Shabaab militants, the US Africa Command said on Saturday. Friday’s airstrike was conducted in coordination with Somali forces and was the second by the US forces this week. The attack was carried out in the vicinity of Jamaame, some 50 kilometers from Kismayo which was a few years ago an al-Shabaab-controlled region. Africom said its assessment had shown that no civilians were killed on injured in the airstrike. The force pledged to continue working together with Somali forces to rid the country of terrorists. It also hailed training offered to Somali forces, saying they “are paying dividends.” “When we train a relatively small unit and that unit then engages with other Somali forces, the experience and professionalism we instilled in the original unit spreads to others, and that’s making a difference,” Africom said. View the full article
-
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen shalay nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen labo xubnoo oo katirsanaa Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey duqeynta ka dhacay duleedka Jamaame, oo qiyastii 40-Km u jirta magaaladda Kismaayo, ee caasimadda KMG ee Jubbaland. Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka gacan siisay weerarka, oo noqonaya midkii ugu dambeeyay duqeymo joogto ah oo diyaarado ay ka fulinayaan degaanada ay maamusho Al-Shabaab. Warka kasoo baxay AFRICOM aya lagu xusay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto washaqeynta iyo iskaashiga dowladda Federaalka ee dhinaca la dagaalanka Al-Shabaab. Warbixin ay dhawaan soo saartey Amnesty International ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu dad shacab ah ku diley duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya. View the full article
-
Police say the man threatened Ilhan Omar, Rashida Tlaib, Eric Swalwell and Cory Booker. Police arrested a Florida man on Friday on suspicion of leaving racist, homophobic and Islamophobic messages filled with death threats on the voicemails of several Democratic members of Congress. John Kless, 49, of Broward County, is accused of leaving expletive-strewn voicemail death threats at the Washington, DC, offices of California Representative Eric Swalwell, Detroit Congresswoman Rashida Tlaib and New Jersey Senator Cory Booker. In the messages, he allegedly threatened and expressed his hatred for Ilhan Omar. Tlaib and Omar are the first Muslim women in Congress. Booker, who is African America, and Swalwell are running for the Democratic 2020 presidential nomination. Kless allegedly said in his racist message to Booker that “you government officials will be in the graves where you … belong”. He also allegedly defended the white supremacist who rammed his car into a group of counterprotesters at the August 2017 Unite the Right rally and killed 32-year-old Heather Heyer, US media reported. Kless is said to have racially abused Omar, a Somali-American former refugee, referencing a recent controversy in which she was accused of downplaying the September 11, 2001 attacks, and allegation she and her supporters, including top Democrats deny. He allegedly said in one of the messages that he would like to throw Omar off the Empire State Building, according to local media. Kless, who reportedly defended President Donald Trump in the messages and warned the politicians to stop criticising the president, has been charged with making threatening communications. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waa magaalo micno badan oo siyaabo kala duwan lacagaha la isaga shaqeysto, gaar ahaan marka laga hadlayo Shaqooyinka dowladda iyo kuwa Hey’adaha. Ma jirto hey’ad ka tirsan ama wasaarad ka tirsan Dowladda oo aysan ka jirin Musuq maasuqa taasina waxay sanad kasta noo keentay inaan hormuud u noqono wadamada uu la dagay Musuq maasuqa. Marka aad Muqdisho joogto oo aad tahay Darawal kamid ah kuwa kaxeeyo noocyada kala duwan ee Gawaarida kuwa yar yar iyo kuwa waaweyn waxaa ku sugeysa xaalad adag oo kaa hor taagan inaad hesho Sharciga kuu ogolaanayo inaad Gaariga kaxeyso haddii aad sharci la’aan Gaariga laamiga soo saaratana waxaa jidadka kuu taagan wiilal yar yar oo u diyaarsan inay lacag kaa sameeyaan. Hadaad go’aansato inaad Sharciga kaxeynta Gawaarida (Driver License) waxaa kaa baxeyso lacagta hoos ku faahfaahsan oo guud ahaan noqoneyso 185 Dollar. 150 Dollar oo ay qaadaneyso Wasaaradda iyo shirkadda heysato Mashruucaas 10 Dollar oo Xarunta Dambi Baarista CID ah, si aad usoo qaadato waraaqda caddeyneyso inaadan dambi ka gelin dalka. 25 Dollar oo Caafimaad ah . Ujeedada warbixintaan maahan inaan ka hadalno lacagaha dhan sababtoo ah horey ayaan warbixin uga soo sameynay lacagahaas iyo dhibaatada uu qofka ka marayo inuu helo Sharcigaas isagoo bixiyey lacagtaan xad dhaafka ah. Waxaan rabnaa inaan ka hadalno lacagta cusub ee la dul saaray dadka Leysinada qaadanayo oo ah 25 Dollar oo looga qaado Xafiis ku yaalo Km4 oo la sheegay inuu Gobolka Banaadir qeybta Caafimaadka u qaabilsan yahay. Xafiiskaas ayaa lacagta uu dadka ka qaado la sheegay inay tahay mid lagu hubinayo Caafimaadka Qofka rabo inuu qaato Leysinka. Xafiiska dadka Caafimaad malagu mariyaa? Marka qofka rabo Leysinka tago Xafiiskaas waxaa laga qaadaa Dhiig lagu shubayo dhawr Silingo, waxaana loo sheegaa qofka in Cuduro badan laga baarayo. Sida sharciga ah qofka rabo inuu Leysin qaato lagama qaado Dhiig balse waxaa laga cabiraa Indhaha si loo hubiyo inuu aragiisa yahay 100%, haddii uusan aheyn waxaa loo qoraa Ookiyaale u saamaxayo inuu Gaariga wado, waxaana Leysinka lagu caddeeyaa inuu qofkaan yahay qof aan arigiisa dhameystirneyn oo lagama maarmaan ay tahay inuu Ookiyaale ku wado Gaariga, haddii la arko isagoo la’aantiis wadayana waxaa lagu ganaaxaa Lacag. Balse Sheekada ka jirto Muqdisho sidaas way ka duwan tahay, qofka Marka dhiigga laga qaado waxaa loo sheegaa inuu Jawaabta soo doonto Maalinta xigta, mar kastana ogsoonow jawaabta waa mid Positive ah oo qofka loo sheegayo inuu caafimaad qabo. Maxaa Dhiigga Lagu sameeyaa? Qof ka tirsan dadka Leysinada qaatay oo ay u suurta gashay inuu galo Xafiiska howshaan macaashka ah ay ka socoto ayaa indhiisa kusoo arkay in Xafiiskaas aysan oolin wax qalab ah oo indhaha lagu baaro iyo xataa qalab kale oo dhiiga lagu baaro mar uu la hadlayey Shabakadda Caasimadda Online. Qofkaan wareysiga siiyey Caasimadda Online ee dhiigga laga qaaday ayaa durba arkay dhiigiisa oo lagu ridayo Meesha loogu talagalay Qashinka halkii dhiigiisa la marin lahaa Baaritaan. Taas waxaa ka daran waa arrin cusub in qof Leysin la siinayo aan Indhaha laga baarin loona sheego in laga baarayo Sokor, Dhiigkar, Cagaarshow iyo Malaariyo. Sidee loo qeybsadaa Lacagta? Sida ay ogaatay Caasimadda Online qof tago xafiiskaas waxaa loo jaraa marka lacagta laga qaado illaa 3 Boono, Laba waxaa lagu kala qoraa min 10 Dollar, halka midda seddexaad lagu qoro 5 Dollar, taasoo guud ahaan noqoneyso 25 Dollar. Xisaabta ku darso Seddexda boono ee lacagaha kala duwan lagu kala qoro waxay kasoo baxdaa Hal Xafiis, waxaana ku wada qoran Gobolka Banaadir, qeybta Caafimaadka, waxaana arrintaan ku jirto qiyaano ah inaan Gobolka Banaadir loo gudbin guud ahaan lacagta 25 Dollar ah oo ay jirto Siyaabo kale oo loo kala qeybsado lacagta. Sida ay illo wareedyo ka tirsan Xafiikaas u sheegeyn Caasimadda Online, lacagtaas 25 Dollar ah ayaa waxaa ku heshiiyey inay kala qeybsadaan Wasaaradda Gaadiidka, Shirkadda heysato Mashruucda Leysin bixinta iyo Xafiiska dadka looga qaado dhigga oo aysan oolin wax qalab caafimaad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hindiya)-Codbixiye u dhashay dalka Hindiya ayaa iska gooyay fartiisa kadib markii uu si khaldan uu codkiisa u siiyay doorashada guud ee ka socota dalkaasi. Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa Pawan Kumar waxaa uu sheegay in uu ku jahawareeray doorashada loo adeegsanayo qalabka casriga. Waxaa uu tilmaamay in uu doonayay in codkiisa uu siiyo xisbiga mucaaradka balse uu si khaldan uu ugu codeeyay xisbiga raysal wasaare Narendra Modi. Mr Kumar ayaa markii uu codkiisa ka dhiibtay gobolka Uttar Pradesh khamiistii tagay gurigiisa isaga oo gacanta farta isaga jaray faash af badan oo hilibka lagu Jarjaro. Doorashada Hindiya ayaa codbixiye yaasha haddii ay khaldaan ayna markale dib ugu laaban Karin waxaana codbixiyeyaasha laga doonayaa in uu si degan ula socdo ka hor inta uusan codkiisa Dhiiban. Source
-
Baladweyne (SMN) – Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan HirShabelle ayaa maanta lagu soo dhaweeyay M/Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaa xubnaha wafdigani horkacaya guddoomiye ku xigeenka cusub ee dhanka siyaasadda iyo maaliyadda ee gobolkaasi Xasan Ibraahim Cabdulle. Ugu horreyn waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay xubno ka tirsan mamulka Baladweyne iyo kan G/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo sheegay in guddoomiye ku xigeenkau uu wax ka bedali karo xaaladaha adag ee ka jira gobolkaasi. Dhinaca kale Xasan Ibraahim Cabdulle guddoomiye ku xigeenka cusub ee dhanka siyaadda iyo maaliyadda gobolka Hiiraan oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in xaalado daran ay haatan ka jiraan deegaanada Hirshabelle, loona baahan yahay in si deg-dega ah wax looga qabto dhibaatooyinkaasi. Waasaradda arrimaha gudaha HirShabelle ayaa dhawaan is bedal ku sameysay xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee uu guddoomiyaha u yahay Yuusuf Dabageed. View the full article
-
Folorida (SMN) – Booliska Mareykanka ayaa magaalada Folorida ku qabtay nin logu tuhunsan yahay in ay madax martay cunsuriyadda naceybka dadka soo galootiga ah iyo kuwa Islaamka a, kadib markii uu cod maqal ah u diray xubno ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka. Eedeysanahan oo 49 sano jir ah ayaa waxaa Lagu Magacaaba John Kless,waxaana lagu eedeeyay in hanjabaad ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ah haweenka Muslimka ah ee ku jira xisbigga Dimoqraadiga. Ninkan ayaa sidoo kale fariimo xambaarsan naceyb iyo hanjabaadyo dil ah u diray Eric Swalwell oo ah nin doonaya in xisbiga Dimoqraadiga uu ku matalo doorashooyinka sanadka 2020-ka ee madaxtinimada dalka Mareykanka. Waxaa kaloo ka mid ah dadka uu u hanjabay ninkan ku sifoobay isir naceybka Cory Booker oo ah Senetor madow oo Amerikaan ah. Ninkan ayaa la sheegay in uu fariintiisa codka ah ku muujiyay naceybka uu u qabo Ilhaan Cumar,waxaana uu sidoo kale afka ku ballaariyay sida uu u arko sarreynta dadka caddaanka ah. John Kless, ayaa fariintiisa ku difaacay Madaxweyne Trump,wuxuuna uga digay siyaasiyiinta in ay joojiyaan mucaaradnimada ay ku hayaan Madaxweynaha Mareykanka. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Mid Kamida Shirkadaha ugu Waaweyn Somaliland oo Musalaftay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Caabudwaaq (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay waqooyiga gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa ay u dhexesaa laba meleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan deegaanka Balicad ee gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi. Shalay ayey aheyd markii maleeshiyaadkan uu iska horimaad ku dhexmaray deegaano dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/warka-xiisada-bali-cad.mp3 View the full article
-
Shirka golaha amniga ayaa mar kale ku fashilmay inuu qabsoomo kadib markii uu baaqday kulan lagu balansanaa inuu dhaco jimcihii, waana baaq kale ee uu madaxweyne Farmaajo u diro dowlad goboleedyada oo laga jawaabi waayo. Kulamada golahan waxaa saameeyey tan iyo markii la aasaasay khilaafyo soo kala dhex-galay dowlad federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shirka golaha waxaa uu qorshuhu ahaa inuu socdo April 19-23, oo sidaasi waxaa horay bartiisa Tweeterka ugu sheegay Cabdi Saciid Cali oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabudillahi Farmaajo u ah la taliyaha xagga amniga. “Iyada oo aan xal laga gaarin arrimaha siyaasadda, ma qabsoomi karo shir amni” waxaa sidaasi Goobjoog News u sheegay la taliyihii amniga ee maamulka Farmaajo Xuseen Macalim. Mr. Xuseen oo hadda ah agaasimaha xarunta Hiraal waxaa uu qabaa in marka hore meel la saaro arrimaha siyaasadda, oo la xaliyo dhammaan cabashada ay qabaan dowlad goboleedyada, kadibna arrimaha amniga laga wada hadlo. Dhinaca kale, saddex ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kala ah: Axmed Madoobada Jubbaland, Axmed Xaaf-ka Galmudug iyo Deniga Puntland waxaa ay joogaan Nairobi. Lama oga in inta kale ku biiri-doonaan iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors