-
Content Count
208,277 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Ciidammada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa sheegay inay duqeyn ka geysteen degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose halkaasoo sidoo kale ay sheegeen in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay qabsadeen aagag cusub. War ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay lagu dilay laba dagaalyahan oo ka mid ah Al-shabaab. Waxaa kale oo lagu sheegay in howlgalkaas uu barbar socday mid dhulka ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya u suurtageliyay inay Al-shabaab ka saaraan Jiinka wabiga Jubba. Ciidammada isku dhafka ah ayaa dhulka ay ka baxeen Al-shabaab ee Wabiga Jiinkiisa ah waxaa ay ka sameysteen difaacyo cusub sida lagu sheegay qoraalka Mareykanka. Source
-
Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka imtixaanka ardayda Fasaladda 12-aad ee Dugsiga Sare ee Sanadkaan 2018/19, ee galidoono Imitixaanka Shahaadiga ah. Sidoo kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in la diyaariyay oo mardhow ay ardayda la wadaagi doonto xarumaha imtixaanka ee Gobolka Banaadir. Halkan Ka Akhriso Jadwalka: Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hindiya)-Xaakimka ugu sarreeya Hindiya, Ranjan Gogoi, ayaa lagu eedeeyay inuu faro-xumeyn kula kacay haweeney ka shaqeyn jirtay maxkamada gudoomiyaha ka yahay. Haweeneyda oo 35 jir ah ayaa gudbisay dacwad ay ku sheegayso in bishii Oktoobar ee sannadkii hore uu xaakimka laba goor ku xadgudbay, xilligaasi oo ahayd waxyar uun kadib markii xilka loo magacaabay. Waxa ay intaa ku dartay in qoyskeeda la dhibaateeyay markii ay diidday faro-xumeynta uga timid xaakimka. Xaakim Gogoi oo war qoraal ah ka soo saaray eedeynta ayaa “si buuxda u beeniyay” waxaana uu ku tilmaamay isku day “xasillooni darro looga dhex abuurayo waaxda garsoorka”. Haweeneyda oo ah xaas la qabo, magaceedana aan la shaacin karin sida uu dhigayo sharciga Hindiya, ayaa sheegtay in faro-xumeynta ay dhacday 10-kii iyo 11-kii Oktoobar xilli ay ku sugnaayeen xafiis uu xaakimka ku leeyahay hoygiisa. Waxa ay ku andacooneysaa in xaakim Gogoi uu “xabadka geliyay, isla markaana uu ka taabtay meelo badan oo jirkeeda ah, isagoo isku dhajinaya”. Markii uu joojin waayay ayay sheegtay inay ku qasbanaatay inay iska riixdo. Haweeneyda ayaa sheegtay in Gogoi uu u sheegay in aanay cidna ku wargelin waxa dhexmaray, haddii kalena ay qoyskeeda la kulmi doonaan “dhibaatooyin waaweyn”. Waxa ay intaa ku dartay in saddex goor laga bedelay goobteedii shaqada oo loo wareejiyay meelo kale, ka hor intii aan bishii Disembar shaqada laga eryin. Waxa kale oo ay sheegtay in ninkeeda iyo walaalkeeda labaduba shaqadoodii laga jooiyay. Bishii Maarso ayaa nin kamid ah dadka ku nool magaalada Jhajjar waxa uu dacwad ka gudbiyay haweeneydan isagoo sheegay inay usoo celin weyday lacag laaluush ahaan ay uga qaadatay si ay shaqo uga raadiso maxkamada. Waa ay beenisay eedeyntaasi, waxaana ay sheegtay in isla bishaasi ay iyada iyo xubno ka tirsan qoyskeeda tageen saldhig boolis halkaasoo lagu aflagaadeeyay. “Waxay u muuqataa in cagajugleynta, dhibaatada iyo jirdilka aanay joogsan doonin ilaa iyo inta aan ka sheegayo halka uu arinka ka soo bilowday iyo ujeedada laga leeyahay,” ayay ku sheegtay warqada dacwada ah ee ay u dirtay maxkamada. Muxuu eedeynta ka yidhi xaakim Gogoi ? Qoraal ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee maxkamada ugu saraysa Hindiya oo wakiil ka ah xaakimka ayaa ugu horreyn looga jawaabay eedeynta. Waxaa qoraalka lagu sheegay in eedeymaha ay “gebi ahaanba been yihiin, si buuxdana uu u beeninayo”. Waxaa lagu sheegay in haweeneyda “aysan fursad u heli karin inay si toos ah ula tacaamusho xaakimka ugu sarreeya dalka”. Qoraalka ayaa tilmaamay eedeynta laaluush qaadashada ah ee loo jeediyay haweeneyda, waxaana lagu sheegay “inay u muuqato in eedeymaha been abuurka ah looga gol leeyahay xeelad cadaadis lagu saarayo dacwadaha kala duwan ee ay billaabeen maxkamadaha.” Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in haweeneydaasi shaqada laga eryay “iyadoo la raacayo hannaanka saxda ah” kadib markii lagu helay “hab-dhaqan aan habooneyn”. Xaakim Gogoi ayaa qudhiisa Sabtidii arintan uga jawaabay guddi gaar ah oo ka tirsan maxkamada ugu saraysa Hindiya. “Ma doonayo inaan sharafteyda hoos u dhigo oo aan ka jawaabo eedeymahan,” ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray “Si xushmad leh ayaan ula dhaqmaa dhammaan shaqaalaha maxkamada ugu saraysa dalka.” Waxa uu intaa ku daray inay jiraan xoogag isku dayaya inay xasillooni darro ka dhex abuuraan garsoorka ayna jiraan xoogag waaweyn oo ka dambeeya eedeymahaasi ka dhanka ah. Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Docol ee gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu gubtay baqaar hubka lagu keydiyo oo ku yaala saldhiga dhexe ee deegaankaasi. Dabka ayaa bilowday waaberigii saaka, waxaana lagu waramayaa inaan la ogeyn waxyaabaha ka dambeeyay inuu dabka ka kaco qol ku dhex yaala saldhiga deegaanka Docol ee gobolka Mudug. Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Docol Axmed Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo lala tacaalayo daminta dabka ka kacay qeybta keydka hubka ee saldhiga deegaanka. Wuxuu sheegay inaysan heysan dab damis wanaagsan oo ay dabka ku daminayaan, waxaana dabka uu faafay kadib markii laga baqay in hubka qolka ku jira ay qaraxyo sameeyaan. Cabsi xoogan ayaa deegaanka ka jirta, waxaana socdo dadaalo ay wadaan dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka Docol ee gobolka Mudug. Axmed Xuseen, wuxuu sheegay in hal ruux oo waxyeelo ay dabka kasoo gaartay loo qaaday magaalada Gaalkacyo si halkaasi loogu daaweeyo. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, qaraxyadaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen, waxaana ciidamada qaraxa lala eegtay xilli ciidamadu ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ay ku baadi goobayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Wararka ka imaanaya deegaanka Sabiib ayaa sheegaya in qaraxa ka dhacay ay ku geeriyoodeen ku dhawaad lix askari oo ciidamada kamid ahaa, halka kuwo kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen. Qaraxa ka dhacay Sabiib ayaa la sheegay inuu haleelay gaari dagaal oo ciidamada ay la socdeen, waxaana askarta dhaawacantay la sheegay in loosoo qaaday magaalada Muqdisho. Dhinaca kale qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca booyada ah kaas oo la sheegay in uu shidaal u siday Ciidamada Bangaraafta ee Mareykanka uu tababaray,kuwaas oo ku sugan Saldhiga ay lu leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay dhimashada labo askari iyo dhaawaca labo kale, waxaana burburay Booyada uu qaraxa haleelay, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin qaraxyada lagula eegtay Shabeelaha Hoose, waxaana masuuliyadda qaraxyada sheegtay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyksa Marxuum Maxamed Cali Dacar oo ahaa siyaasi hore oo ka tirsanaa ururkii SYL iyo dowladii rayidka ayaa ka hadlay dhulka mirinaayada ee degmada Cabdi Casiis oo ay isku hayaan dowladda iyo Xaaji Muuse Suudi. Dhulkan oo ah xaruntii hore ee ciidamada badda (Ex-Marino) ayaa loo sheegay inuu Muuse Suudi ka guuro, si dowladda ay uga dhigto dhul safaaradaha caalamka ay degaan, ayada oo Muuse uu diiday isaga oo ku doodaya inay siisay dowladdii hore. Si kastaba, qoyska Maxamed Cali Dacar ayaa sheegay in dhulka la isku hayo uu ku jiro dhul uu lahaa aabahood, oo dowladda ay dooneyso inay dan-guud dhigto, halka Muuse Suudi uu isna xoog ku haysto. Cabdi Maalik Maxamed Dacar ayaa sheegay inay dhulkaasi ku leeyihiin laba boos oo dhinaca badda ka xiga xarunta uu Muuse Suudi degan yahay Gurigii taliyaha ciidamada Badad, waxaana dhacday inuu dhulkaasi la wareegay Muuse Suudi, kuna darsaday xarunta uu heysto. Cabdi Maalik Maxamed Cali Dacar oo ku sugan Mareykanka, ayaa faahfaahin ka bixiyey sida dhulkaasi uu aabihii ku milkiyey iyo waxa dhex maray iyaga iyo Muuse Suudi, isagoo caddeeyay in Guddoomiyaha xilligan ee G/Banaadir uu ka mid ahaa dadkii waanwaanta ka galay in dhulkooda looga qaado Muuse Suudi. Cabdimaalik ayaa soo bandhigaya dokumintiyo muujinaya lahaanshaha dhulkaas oo uu lahaa Aabihiis Maxamed Cali Dacar dhulkaas yeeshay sanadkii 1965, ayna lahaayeen muddo 54 sano ah. Qoyskan ayaa waxaa isugu darsantay iyadoo dhulkooda markii hore uu awood uga heystay Senator Muuse Suudi, kadibna ay Dan guud uu ka dhigay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana hadda isku heysta dowladda Soomaaliya Senator Muuse Suudi. Hoos ka daawo Cabdi Maalik Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Magaalada Hargeysa oo is-fadeexaysay + Sawirro Caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa maalmihii dambe waxa ka curtay roobabkii Gu’ga, iyadoo maalintii Jimcihii uu ka da’ay Roob biyo badan dhigay. Roobkan Hargeysa ka da’ay Jimcihii ayaa waxa uu banaanka usoo saaray hab dhaqano caan ka ah Magaalada Hargeysa dhexdeeda oo Dadweynaha magaaladu ay sameeyan marka uu da’o roob weyn oo keena biyo badan oo qul-qula wadooyinka. Dadweynaha caasimada Hargeysa ayaa caado ka dhigtay marka uu roob weyn da’o inay biyaha roobka raaciyan qashinka guryahooda u yaala, kuwaasi oo u arka fursad ay iskaga fogeyn karaan qashinka tuban guryahooda. Waxa dhacda mararka qaar inay biyahaasi roobku ee xawliga u socdaa ay qashinka si toosa u gaadhsiiyan badhtamaha Magaalada, weliba iyaga oo dhex dhiga wadooyinka waaweyn ee ugu isticmaalka badan. Arrinkan ayaa fool-xumo ku ah Bilicda Hargeysa, kaasi oo muujinayana hab-dhaqanka Bulshada ku nool qaarkood, iyadoona dood ka dhex abuurtay Bulshada, gaar ahaan dadka isticmaala baraha bulshadu kuwada xidhiidha. Doodan ayaa ka dhalatay kadib markii Baraha bulshada lagu baahiyey sawirro muujinaya qashin badan oo Daadadku sidaan, kuwaasi oo tubnaa suuqa badhtanka Hargeysa. Bulshada qaar kamid ah ayaa u arka in Dadku xaq u leeyihiin inay qashinka raaciyan Biyaha roobka, haddii ay Dowladda hoose ee Hargeysa ay shaqadeeda gabtay, halka kuwa kalena ku doodayaan in Dadku si ka wanaagsan sidan ay qashinkooda iskaga fogayn lahaayen. Dadka arrinkan kaga hadlay Baraha Bulshada, qaarkood ayaa yidhi “Xashiishka aad roobka la sugaysaan reer Hargeysay, ka daaya shacabyahow mucaaridka iyo muxaafidkaba iskugu jira”. Halka, Dadka qaarkood ay iyaguna qabaan aragti midaa ka duwan oo ah in qashinka ay dadweynuhu raacinayaan biyaha roobka ay ahayd in xili horeba ay Dowlada Hoose ka qaado bulshada, iyaga oo Mas’uuliyada qashinka tuban caasimada dusha u saaray Dowladda Hoose ee Hargeysa. Dhinaca kalena, Dadyowga qaarkood ayaa iyaguna ku dhaliilay Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu kasoo baxay Maayarka Hargeysa inay kaalinteedi ay gabtay. Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa qandaraas ku siisay labo shirkadooda Nadaafada Magaalada, kuwaasi oo bil walba guri kasta $5 dollar kaga qaada qashinka, iyadoo hadana taasi jirto ilaa hadda malaha shirkadahaasi hab nidaamsan oo ay qashinka ku guraan. Sikastaba, Golaha deegaanka Hargeysa ayaa waxay ka koobanyihiin 25-xubnood, kuwaasi oo la doortay sannadkii 2012-kii, iyagoo markii wakhtigu ka dhamaaday muddo kordhin loo sameeyay sannadkii 2017-kii, waqtigaas oo bishii hore ee March ku idlaa, illaa iyo haddana weli waxay ku fadhiyaan sharci darro. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Betroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney isku koobtey wax ka bedelka sharciga shidaalka, iyada oo shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Djibouti 17-kii bishan aaney ka qeyb gelin dowlad goboleedyada. Waxaa goobta tagay wasaaradda Betroolka iyo Macdanta iyo guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada ee golaha shacabka. Sida ka duwan Cahdi qarameedkii Embakasi 2004-tii, waxaa ku cad heshiiskii Baydhabo ee June 5, 2018 iyo xataa sharcigii 2008 ee dib u eegista lagu sameeyey in shidaalka ku jira dal bad iyo bariba ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed ayna wakiil uga yihiin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, qodobbadaas dastuurig a ah oo qasab uga dhigaya dowladda federaalka ah iney tallaabo walbo kala tashtaan dowlad goboleedyada. Haddaba xubno ka tirsan wasaaradda Betroolka oo nala soo xiriiray, isla markaana codsadey in magacooda la qariyo ayaa xaqiijiyey in wasaaradda Betroolka aaney casuumin dowlad goboleedyada, kooxdan oo su’aalo ka keenay sababta dowladda federaalka ah ay diyaarinta sharciga uga fogeyneyso dowlad goboleedyada iyada oo wasiirka wasaaradda Betroolka ku eedeeyey inuu iska indho-tirayo talooyin ay u soo-jeediyeen, waxaa ayna cabsi ka qabaan in ay dowladda federaalka ah isku koobto qandaraasyada xaraashka iyo guud ahaan arrimaha shidaalka. Dowladda federaalka ah ayaa la filayaa iney baarlamaanka federaalka ah hor geyso sharciga shidaalka ka hor bisha Ramadaan, si ay uga hor marto xilliga la shaacinayo shirkadaha ku guuleystay xaraashka oo ah November 7, 2019 iyo December 9, 2019 uu wasiirka saxiix doono heshiiska shirkadaha ku guuleystay iyada oo isla bishaas la hor-geyn doono golaha wasiirrada si uu u dhaqan galo January 2020-ka. Dhinaca kale, marka laga reebo sharciga shidaalka, jahawareer ayaa ka jira gudaha wasaaradda Betroolka ee dowladda federaalka ah, howlihii kale ee la xiriiray fududeynta ee hannaanka shidaalka waxaa galay gaabis kadib markii hal mar la ceyriyey 3 khabiir oo agaasimeyaal ka ahaa wasaaradda Betroolka. Khubaradan ayaa kala ah: Cabdulqaadir Abiikar Xuseen oo ahaa agaasimaha Arrimaha Tiknikada ama technical director Cabdulahi Xeydar oo isna ahaa Regulatory Director Cabduqadir Tahiil. Legal Director Si uu eedeymahan uu uga jawaabo, waxaan la xiriirnay wasiirka Betroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka ah ee Cabdirashiid Maxamed Axmed isaga oo ku jawaabay “ Ciddii sheegtay Information kaas haloo raadsado”! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta mar kale ka hadlay heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Caynaba. Cali Khaliif, ayaa waxa uu sheegay in xiligan Somaliland looga baahan-yahay inay fuliso heshiiskii uu hore ula galay madaxweynihii hore ee Siilaanyo, wuxuuna yiri “Waayadan waxaad maqlayseen in qolyo khaatumo ah iyo qolyo guddi Somaliland ah oo wasiiro u badan uu wada hadal u socday, arimo cul-culusna waa ka wada hadalnay iyada oo ay jiraan qaar aanu heshiis ku gaadhnay,waxaana jiray heshiis aanu ku saxeexnay Caynaba 20 October 2017, kaas oo madaxweyne Siilaanyo saxeexay aniguna aan saxeexay baarlamaankuna ansixiyey”. “Hadaba dimuqraadiyadeena iyo is-xukunkeenu waaba inagu cusub yahay waana laga yaabaa in hawsha sidaas u dhacday ee madaxweyne saxeexay oo baarlamaanku ansixiyey in loo qaadanayo toos oo la hirgelinayo balse ma dhicin iyada oo labada madaxweyne ee la kala wareegay heshiisku ay xisbiga Kulmiye ahaayeen, waxay noqotay in hadana hawshaas oo culus darteed waxay dhabtu tahay in siyaasadu ay marmar sakal gasho bal markaa in siyaabo kale oo wax lagu xaliyo la raadiyaa, markaa waxaan is idhi armaa tabliiq siyaasi ahi wax soo kordhin karaan oo dadka shacabka ah ee Somaliland oo arimahani khuseeyaan armay fiican tahay inay war ka hayaan”. Galeyr ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey ineysan jirin wax mansab ah oo uu ka rabo Somaliland iyo Soomaliyaba, isagoona sheegay in Somaliland ay dagaal dad laayen ka geysteen deegaanada Khaatumo, wuxuuna yiri “Anigu Cali ahaan mansab aan Somaliland iyo Soomaaliya ka rabaa ma jiro, dhaqaale aan ka rabaana ma jiro laakiin waxa ii muuqata in somaliland iyo hogaamiyaha maanta jooga haddi aanay ka fiirsan arimaha gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Boorama oo darafyada ah wax aynu xamar nidhaahno waan ula doodaynaa oo laynaga dhagaysanayaa ma jirto.” “Waa nala laayey soo maaha, waar Somaliland waa na laysay iyaga oo qabaa’il ah iyo ciidamo ahba oo hubkii Somaliland ayey magaaloyinkayaga kusoo galeen, waar anaga ayaa ku haysana maxaad noo layseen, balse anaga ayaa rabna Somaliland oo dantayada ka aragnay, meel kale oo aanu ku doorsanaynaana ma jirto”. Wuxuuna intaas kusii daray Cali Khaliif Galeyr “Haddii dhag loo dhigi waayo xitaa haddii aan anigu iska dhoofo oo aan iska tacabiro, waxa la yidhaa rayi wakhtigiisa yimid wax is hortaagi karaa ma jiro, waan ogahay oo fule xantiisa ma moogee cida odhanaysa Cali Khaliif yuu wataa Sool clan lama socdee waa beentood, fikirka dadkayagu rabaan waxa weeyaan in aanaan Somaliland iyo reer sheekh Isxaaq marti uma noqonayno ee waxbaanu wada yeelanaynaa ama waxba iskuma nihin”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa maalmihii dambe waxa ka curtay roobabkii Gu’ga, iyadoo maalintii Jimcihii uu ka da’ay Roob biyo badan dhigay. Roobkan Hargeysa ka da’ay Jimcihii ayaa waxa uu banaanka usoo saaray hab dhaqano caan ka ah Magaalada Hargeysa dhexdeeda oo Dadweynaha magaaladu ay sameeyan marka uu da’o roob weyn oo keena biyo badan oo qul-qula wadooyinka. Dadweynaha caasimada Hargeysa ayaa caado ka dhigtay marka uu roob weyn da’o inay biyaha roobka raaciyan qashinka guryahooda u yaala, kuwaasi oo u arka fursad ay iskaga fogeyn karaan qashinka tuban guryahooda. Waxa dhacda mararka qaar inay biyahaasi roobku ee xawliga u socdaa ay qashinka si toosa u gaadhsiiyan badhtamaha Magaalada, weliba iyaga oo dhex dhiga wadooyinka waaweyn ee ugu isticmaalka badan. Arrinkan ayaa fool-xumo ku ah Bilicda Hargeysa, kaasi oo muujinayana hab-dhaqanka Bulshada ku nool qaarkood, iyadoona dood ka dhex abuurtay Bulshada, gaar ahaan dadka isticmaala baraha bulshadu kuwada xiriirto. Doodan ayaa ka dhalatay kadib markii Baraha bulshada lagu baahiyey sawirro muujinaya qashin badan oo Daadadku sidaan, kuwaasi oo tubnaa suuqa badhtanka Hargeysa. Bulshada qaar kamid ah ayaa u arka in Dadku xaq u leeyihiin inay qashinka raaciyan Biyaha roobka, haddii ay Dowladda hoose ee Hargeysa ay shaqadeeda gabtay, halka kuwa kalena ku doodayaan in Dadku si ka wanaagsan sidan ay qashinkooda iskaga fogayn lahaayen. Dadka arrinkan kaga hadlay Baraha Bulshada, qaarkood ayaa yiri “Xashiishka aad roobka la sugaysaan reer Hargeysay, ka daaya shacabyahow mucaaridka iyo muxaafidkaba iskugu jira”. Halka, Dadka qaarkood ay iyaguna qabaan aragti midaa ka duwan oo ah in qashinka ay dadweynuhu raacinayaan biyaha roobka ay ahayd in xili horeba ay Dowlada Hoose ka qaado bulshada, iyaga oo Mas’uuliyada qashinka tuban caasimada dusha u saaray Dowladda Hoose ee Hargeysa. Dhinaca kalena, Dadyowga qaarkood ayaa iyaguna ku dhaliilay Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu kasoo baxay Maayarka Hargeysa inay kaalinteedi ay gabtay. Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa qandaraas ku siisay labo shirkadooda Nadaafada Magaalada, kuwaasi oo bil walba guri kasta $5 dollar kaga qaada qashinka, iyadoo hadana taasi jirto ilaa hadda malaha shirkadahaasi hab nidaamsan oo ay qashinka ku guraan. Sikastaba, Golaha deegaanka Hargeysa ayaa waxay ka koobanyihiin 25-xubnood, kuwaasi oo la doortay sannadkii 2012-kii, iyagoo markii wakhtigu ka dhamaaday muddo kordhin loo sameeyay sannadkii 2017-kii, waqtigaas oo bishii hore ee March ku idlaa, illaa iyo haddana weli waxay ku fadhiyaan sharci darro. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya ayaa wali ku adkeysanaya Go’aankii uu ugu hanjabay Ardayda iyo Waalidiinta kunool maamulka Puntland oo ku aadanaa in aysan heli doonin Shihaadada dowladda. Maanta ayuu kulan la qaatay Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga doortay degaanada maamulka Puntland, waxaana uu ku adkeystay in ay ka go’an tahay in uu dhaqan galo go’aankii kasoo baxay Wasaaradda. Waxaa uu sheegay in ay tahay sharci u degsan Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya in la qaado Imtixaan Mideysan, islamarkaana uusan waxba ka badalikarin. Goodax ayaa shaaca ka qaaday in arrinta ay isku hayaan Puntland ay tahay arrin mabda’ iyo sharci ah, oo aysan ahayn arrin farsamo, taasi oo ka dhigeysa inuusan ka tanaasuli karin. Waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu Puntland kala hadlo wax kasta oo sharciga aan ka hor-imaneyn. Hoos ka dhageyso Goodax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/goodax.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
April 20, 2019 Garowe 20, 2019 – The education minister of the Federal Government of Somalia, Mr. Abdullahi Godax, is increasingly becoming a spoiler in [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa waxa Jimcihii Shalay ka da’ay Roob biyo dhigay isla-markaana keenay in biyo badan qul-qulaan jidadka. Roobkan oo noqonaya kii koowaad ee si wanaagsan uga da’a Magaalada, intay Dalka ka bilaabmeen Roobabka Gu’ga, ayaa waxa soo dhaweeyay, kuna farxay inta badan Shacabka ku dhaqan. Hase-ahaatee, waxa markiiba soo if-baxay Hab-dhaqan Caan ka ahaa Hargeysa, kaasi oo ahaa in Dad-weynuhu ay Daadadka Guryahooda hor-maraya raaciyaan Qashinka guryaha u yaalla. Dadka reer Hargeysa qaarkood ayaa waxay Caado ka dhigteen in marka Roob weyni ka da’o Magaalada inay Qashinka Guryaha u yaalla raaciyaan, iyago oo aaminsan in Biyuhu ay Qashinka geynayaan meel dhowrsoon, iyagana ka fogaynayaan. Laakiin biyuhu waxay Qashinkaasi si toos ah u soo gaadhsiiyaan badhtamaha Magaalada, gaar ahaan Jidadka waaweyn ee Dadka iyo Gaadiidku isticmaalaan. Arrintan oo fool-xumo ku ah Bilicda Magaalada, muujinaysana hab-dhaqanka Bulshada ku nool qaarkood, waxay dood ka dhex abuurtaa Bulshada, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha Bulshada. Dooddan oo dhalatay markii Baraha Bulshada lagu baahiyey Sawirro muujinaya Qashin badan oo yaalla suuqa badhtamaha Magaalada oo Daadadku sidaan, ayaa waxa Dadka qaarkood qabaan in Dadku xaq u leeyihiin inay Qashinka raaciyaan Biyaha, haddii ay Dawladda hoose oo ay shaqadeeda ahayd inay ka qaadi wayday, halka kuwa kalena ku doodayaan in Dadku si ka wanaagsan sida ay Qashinkooda iskaga fogayn lahaayeen. Maxamed Haaruun oo ka mid ah Dadka arrintan kaga hadlay Baraha Bulshada Bulshadu ku xidhiidho ayaa yidhi “Hargeisa Somaliland, Xashiishka aad roobka La sugaysaan Ka daaya Shacabyow mucaaridka Iyo Muxaafidka iskugu jiraa..” Laakiin, Dadka qaarkood ayaa qaba aragti ah in Qashinka ay Dadku raacinayaan biyaha Roobku ay ahayd in xilli horeba ay Dawladda Hoose Dadka ka qaaddo, sidaa darteedna ay Masuuliyadda Qashinka biyaha la raaciyey leedahay Dawladda Hoose, sida uu qaba Axmed Rooble … Doodda caynkaas ah waxa barbar socota dood kale oo Dadka qaarkood ku dhaliilayaan Xisbiga Kulmiye oo uu ka soo baxay Maayarka Hargeysa, halka qaarkoodna ay ku doodayaan in Shacabku khaldan yihiin, balse ay Dawladda Hoose shaqaynayso, hase-ahaatee dooddan oo isku mashquulisay Shacabka laftooda ayaa keenaysa in Dawladaha hoose ee ay waajibaadkooda si wanaagsan u gudan waayaan. Dawladda hoose ee Hargeysa waxay Nadaafadda Magaalada Qandaraas ku siisay laba Shirkadood, kuwaasi oo bishii guri walba $5 dollar kaga qaada qashinka, iyadoo taasi jirto, haddana Qashinku maaha mid illaa hadda nidaamsan, Dadka Sawirradan baahiyeyna waxay ku doodayaan inay doonayaan inay baraarujiyaan Maamulka Magaalada, si wax looga qabto nadaafad-darrada Magaalada. Golaha deegaanka Hargeysa oo ka kooban 25 xubnood, waxa la doortay sannadkii 2012-kii, laakiin markii wakhtigu ka dhamaaday ayaa muddo kordhin loo sameeyay sannadkii 2017-kii, wakhtigaas oo bishii hore kaga ekaa, illaa haddana sharci kuma fadhiyaan. Source
-
(SLT-Washington)-Booliska Gobalka Florida ee dalka Maraykanka waxay shalay oo Jimco ahayd xidheen Nin Maraykan oo u hanjabay Senatarada Somali-maraykanka ee Ilhaan Cumar iyo dhowr Senatar oo ka tirsan Kongareeska dalkaasi. Eedeysanaha oo lagu magacaabo John Kless ayaa la shegay inuu farriimo codad ah oo hanjabaadyo cabsi-gelin dilal ah u kala diray Xafiisyadda Ilhaan Cumar, Rashiida Talayba iyo Erik Sawalwel, waxayna Booliska sheegeen in Farriimaha Eedeysanaha isugu jireen Islaam-nacayb, Cunsuriyad iyo Aflagaado xad-gudub ah. John Kless oo 49-jir ah oo deggan Degmadda Tamarak ee Gobalka Florida ayaa la sheegay inuu Fariimihiisa u muuqdeen kuwo si gaar ah u beegsanayey Ilhaan Cumar, oo iyada horey Madaxweyne Trump kala kulantay weerar. Eedeysanaha waxa uu Senator Ilhaan Cumar ku sifeeyey xubin ka tirsan Ururka Dalibaanta Afganistan ,waxayan Oraahdiisa ahayd mid uu ku tixraacay hadalkii iyo Muuqaalkii Donald Trump ee uu Ilhaam Cumar ku xidhiidhiyey Weerarkii Qaraxyadii Diyaaradaha ee Alqaacida ku weerareen Daarihii Mataanaha New York bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii. Eedeysanaha, John Kless waxa uu sheegay inuu farriimihiisa ku difaacayo Madaxweyne Donald Trump iyo inuu Siyaasiyiinta uga digayo inay joojiyaan naqdinta ay ku hayaan Madaxweynaha, waa sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Boliska US Capitol Police waxay kaloo sheegeen inuu Eedeysanaha wicitaano dhibaatayn ah u diray AfhayeenaddaAqalka Wakiiladda Maraykanka, Nancy Pelosi bishii Feberaayo ee la soo dhaafay, isagoo aad u aflagaadeeyey xubnaha Muslimiinta ka tirsan Kongareeska. Ilhaan Cumar iyo Rashiida Talayba ayaa ahaa Labadii Haween ee Muslimka ah ee ka mid noqda Xildhibaanadda Kongareeska Maraykanka, iyadoo Senatorka kale ee Erik Sawalwel yahay Murashaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka ee sannadka 2020-ka. Eedeysane oo shalay ka soo hor muuqday Maxkamadda Degmadda ee Gobalka Florida waxaa lagu dacweeyey inuu Isgaarsiinta ku cabsi geliyey Siyaasiyiin. Xeer-ilaaliyaha Maxkmaadda waxa uu Eedeysanaha ku sii daayey damiin, iyadoo jirkisa lagu xiray qalabka La-socodka Dhaqdhaqaaqiisa ee GPS Monitor. Eedeysnaha, John Kless waxaana looga digay inuu ka fogaado qoryaha iyo dadkii uu cabsi-geliyey. Bilowgii bishan ayaye ahayd, markii ay Hay’adda Dembi-baarista Mraaykanka ee FBI-da xireen Nin ku nool magaalladda New York, kaasi oo ku hanjabay inuu dili doono Ilhaan Cumar oo iyadu ku caan baxday Naqdinta Falal-siyaasadeedka qalafsan ee Trump. Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka loo hanjabo, waxayna horey u sheegtay inay Farriimaha cabsi-gelinta ee iyada ka dhanka ah kordheen, tan iyo markii uu Madaxweyne Trump soo dhigay Muuqaalkii Video-ga ee uu iyada ku xidhiidhiyey waxa uu ugu yeeray weerarkii Qaraxyadii Mataanaha ee September 11 oo ay Ururka Alqacaida horey u sheegteen. Source
-
(SLT-Khartoum)-Baadhitaan lagu sameeyay guriga uu ka degenaa magaalada Khartoum madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa laga helay lacago isugu jira dollar iyo Yuro. Dacwad oogaha dalka Suudaan ayaa sheegay in eedaha loo haysto Cumar Al-Bashiir ay ka mid yihiin inuu si sharci-darra ah lacago isugu kala gudiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ee uu sameeyay golaha millateriga dalka Sudan in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doolar. Taliska milateriga Suudaan ayaa 11 bisha Abriil shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel ammaan ah lagu xidhay madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir. Hase yeeshee dhowr maalmood kadib ayaa loo taxaabay Al-Bashir xabsi si xoog ah loo ilaaliyo kaasoo uu hore ugu xidhi jirey dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa. Cumar Al-Bashiir ayaa xukumayay dalka Suudaan ku dhawaad 30 sano isagoo xilkaas qabtay isagoo horkacayay ciidamo afgambiyay dowladii ka jirtey dalkaas Suudaan. Wararka kale ee ka imanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in hogaamiyaasha kooxaha banaanbaxyada ka wada dalkaas ay qorsheynayaan inay berri oo Axad ay ku dhowaaqaan dowlad rayid ah. Dadka banaanbaxaya oo gaadhaya kumanaan ruux ayaa waxa ay dalbanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah. Source
-
Khartuum (PP) ─ Wararka laga helayo waddanka Suudaan ayaa sheegaya in baaritaan lagu sameeyay guriga madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir laga helay lacago isugu jira Dollar, Euro iyo lacagta laga isticmaalo dalkaas. Dacwad-oogaha Waddanka Suudaan, ayaa sheegay in eedaha Cumar Xasan Al-Bashiir loo haysto ay ka mid yihiin inuu si sharci-darra ah lacag aad u fara badan uu gurigiisa ku qarsaday. Wararka ayaa waxay sheegayaan in guddiga la dagaallama Musuq-maasuqa ee uu sameeyay golaha milateriga Suudaan in ciidammda ammaanku ay soo heleen lacago Euro, Dollar iyo Geniga Suudaan isugu jira oo wadar-toodu ay ka badan tahay 130-milyan oo doollar. Sidoo kale, Taliska Millateriga Suudaan ayaa bishan 11-keedii shaaciyay in xilkii laga qaaday, isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir. Balse, dhowr maalin kaddib ayaa xabsi loo taxaabay Al-Bashiir si xoog ah loo ilaaliyo kaasoo uu hore ugu xiri jiray dadka ka soo horjeeda siyaasaddiisa. Dhanka kale, Al-Bashiir ayaa xukumayay Sudan ku dhawaad 30 sano isagoo xilkaas qabtay isagoo hor-kacayay ciidammo af-gambiyay Dowladdii ka jirtay Suudaan. Ugu dambeyn, Dibadbaxayaasha oo gaaraya kumannaan ruux ayaa waxay dalbanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah, inkastoo aan la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan madaxda hoggaanka dalkaas gacanta ku haya. PUNTLAND POST The post Guriga Madaxweynihii hore ee Dalka Sudan oo laga helay lacago fara badan oo la kaydiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka arrimaha dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa gudoomiyay shir u dhaxeeyay wasaaradda, gudigga baarlamaanka ee la-socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo gudigga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka. Ujeeddada kulankaan ayaa ahaa dar-dargelinta iyo ka miro-dhalinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Waxaa shirka furay wasiir saalax Jaamac oo sheegay inay ka go’an tahay la shaqeeynta gudiyada Qaran ee ay howsha kala dhaxeeyso. Gudomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirka uga xog-waramay howlihii la soo qabtay, Gudoomiyaha wuxuu xusay heshiiskii dhexmaray Gudiyada iyo Wasaaradda ee lagu wadashqeeynayay sanadkii tagay isagoona sheegay in la raaco heshiiskaas si dhowna loo wadashaqeeyo si looga mira-dhaliyo howlaha dib-u-eegista Dastuurka. Dhanka kale, Proff Xasan Mahadalle oo ah xubin katirsan Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ka hadlay howsha gudigga iyo halka ay wax marinayaan. Wasiir Saalax ayaa sheegay in loo baahanyahay in dastuurka lagu dhameesytiro sida ugu dhakhsiyaha badan. “Waxaa iga go’an in aan si dhow idiin la shaqeeyo oo sida ugu dhakhsiyaha badan ku soo dhameeystirno dastuurka, ogaada dastuurka aan iminka ka shaqeeyneyno waa uu ka durugsanyahay sanadka 2020ka; waa inaa ka dhignaa mid qarniyada soo socda sii jira” ayuu yiri Wasiirka. Ugu dambayn, seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa ku ballamay shir kale oo ay uga arinsanayaan sii ambaqaadidda howlaha dib-u-eegista dastuurka. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlay dhameystirka Dastuurka Qabyada ah ee dalka oo lagu Qabtay Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa galabta ka qayb-galay aas-qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo Puntland kasoo qabtay xilal muhiim ah, Xildhibaan Baarlamaanka Puntland, Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Puntland 2009-2014, iyo Wasiirkii Wasaaradaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta iyo Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda 2014-2019. Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa kasoo qayb-galay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaya magaca shacabka Puntland iyo kan dowladdoodaba ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, samir iyo imaanna ka siiyo, ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun anoo ku hadlaya magaca reer Puntland, dowlad iyo shicibba waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadka reer Puntland meel kastay joogaanba, waxaan kale oo tacsi u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxaan Alle ka baryaynaa inuu samir iyo imaan inaga wadasiiyo, isagana naxariistii Janno ka waraabiyo” “Marxuumka anagu waan soo wada-shaqaynay Wasiiro ayaanu ka wada ahayn dowladdii Cabdiweli, waxaan ka maqraanti ka cayaa in marxuumku ahaa sidaas lagu siweeyey, waxaan codsanayaa in loo duceeyo, oo la cafiyo” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha. Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Sanator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dhankooda Alle uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal-mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo imaanna ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, caruurtii iyo xaasaskii uu ka baxay Marxuumku. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo aas Qaran Garoowe loogu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: Reliable Sources, Secret Meeting Between President Muse Bihi & Puntland Leader Deni in Dubai. According to reliable sources, the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, who is currently on a brief visit to the United Arab Emirates has held a closely guarded meeting with the leader of the Puntland administration of Somalia, Saeed Abdhullahi Mohamed “Deni” Our sources confirm that the meeting took place in Dubai, UAE, on Friday night and was closed to the media. In fact, neither side, Somaliland or Puntland were pleased to learn about leak on the meeting. The Republic Somaliland and the administration region of Puntland have had serious political difference over the past 20 years, since Puntland was created in 1998. There have been a few border wars and skirmishes, resulting in strained relations. However, with the appointment of the new Puntland leader, Saeed Abdillahi Deni, it is hoped that a new chapter in relations can begin. It is also worth noting, that both Somaliland and Puntland have strong ties with the United Arab Emirates, both commercially and politically. If, the meeting between President Muse Bihi Abdi and his counterpart, Saeed Abdullahi Deni in Dubai, is confirmed, it will be a political bombshell in the region, in particular, to the federal entity in Mogadishu. Qaran News
-
Popular Contributors