-
Content Count
208,283 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-21042019-cc.mp3 View the full article
-
Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ayaan daro ku tilmaamay iyadoo biyo balaadhinta Caasimadda lagu bixiyey 250 milyan inuu haddana Madaxweynuhu saluug ka muujiyo Biyaha Caasimadda, waxaanu tilmaamay in Madaxweynaha laga sugaayo inuu qanciyo Wadamada lacagta ku bixiya biyo balaadhinta, iyo inuu la yimaado Siyaasad wanaagsan iyo Qorshe Qaran. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida umadda, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay biyo jirin, oo Hargeysa aan biyo laga sugin, waxaa ku jira Geed-deeble, lacagta lagu bixiyey biyo balaadhinta Hargeysana 250 milyan bay maraysaa, haddana waa ayaan daro inuu Madaxweynuhu afkiisa ka yidhaahdo reer Hargaysoow tashada Biyo ma jiraane, iyadoo 250 milyan lagu bixiyey biyo balaadhinta Caasimadda, Madaxweynaha lagama sugayan inuu yidhaahdo tashada reer Hargeysoow, ee waxaa laga sugaayey inuu Qorshe qaran iyo Siyaasad wanaagsan uu keeno,Caalamkii 250 milyan galiyey biyo balaadhinta Hargeysana wixii lagu qancinayey Madaxweynaha ayaanu ka sugaynaa,dadka wada yaala Hargeysana sida uu Biyaha ugu xaqsoori lahaana isaga ayaanu ka sugaynaa” Mar uu ka hadlaayey musuqa ayaa yidhi“Aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa Xeer ilaaliyaha qaabka uu wax u wado, dambi baa dhacay, ee dambiga cidda sameeysay in la daba galo ayeynu u baahan nahay, Xeer ilaaliyuhuna cid kasta oo dambi lagu soo oogo ama gasha inuu sheego oo uu daba galo xaq buu u leeyahay, cid kasta oo musuqa gasha xitta haddii uu Madaxweynuhu xasaanad ka qaado in laga hadho maaha, waana inay Xeer ilaalinta iyo Hanti-dhawrku hawshooda sii wataan, haddii aanay taasi dhici weydana waxay sharci noqonaysa inay Xukuumadda Muuse Biixi ay xalaalayso musuqa iyo boobka hantida umadda, adduunkana lama arag Dawlad iyadu wadankeenda xalaal ka dhigta musuqa, marka ay sidaas noqotana Madaxweynaha ayaa musuq-maasuq ku eedaysan, markaas in musuq-maasuqa lala dagaalamo oo laga hor tago ayaa loo baahan yahay, ee anigu waxaan odhan lahaa Madaxweyne wax wanaagsan baad sameeysay madaama aad xilkii ka qaaday cidii lagu eedayey musuq-maasuq ee laba mid bay ku taagan tahay inuu dalkan musuq dartii u burburo, oo sidaas musuqu xalaal ku noqdo, oo raggaas laga hadho, ama Sharciga ha la ilaaliyo, oo cid kasta oo dambi musuq gashay sharciga ha la soo taago, cidda isku dayday inay damiinato Wasiiraddii xanaada laga qaaday ee musuqa lagu eeddayey dambi bay gashay waa inuu dambigooda lagu ooga, Maxkamad iyo cid kale oo damaanad ku sii dayan kartaa midna ma jiro Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax khasaaro geystay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrrika ee AMISOM. Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa deegaanada Weydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi. Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in rasaas badan ay fureen, iyadoona la tilmaamay in waxyeelo ay ka soo gaartay dadka Shacabka ah. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan maanta ka dhacay deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho,kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto furfurnaanta ganacsi iyo dhaqaale ee dalka Itoobiya oo hay’ado dawladdu maamulaysay laga dhigayo kuwo madax bannaan. Waxa kale oo ay shirkaddu sheegtay in ay gabogabo tahay daraasayn lagu waday xarun ay ku yeelan doonto magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya taas oo dalka Itoobiya iyo guud ahaan Bariga Afrika loogu qaybin doono alaabooyinka laga soo dejiyo dekedda Berbera. Madaxa shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika Mr Suhayl Al Banna ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda la soo gabogabayn doono qorshaynta iyo sahaminta xarun xuddun u noqonaysa alaabooyinka laga soo dejinayo dekedda Berbera taas oo laga dhigi doono Diridhaba sidoo kalena waxay shirkaddu doonaysa in ay Jigjiga ku yeelato xarun kale maaddaama ay suuqa ugu weyn ee ay doonaysa yahay Bariga Itoobiya siiba dhulka Soomaalidu degto. Suhail Al Banna Waxa uu wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya u sheegay in daraasaddani qiimaynayso muhiimadda magaalada Diridhaba iyo agagaarkeedu u leedahay in ay noqoto xarun ganacsi. Waxa uu sheegay in ay sidoo kale halkaasi ku xidhayso dekedda Berbera oo la doonayso in ay noqoto xuddunta Geeska Afrika wax laga soo dejiyo lagana dhoofiyo. Waxa uu sheegay in la darsayo sida la isugu xidhayo xarumaha gudaha Itoobiya iyo dekedda Berbera oo Badda Cas ilaa Yurub iyo Bariga Fog isku xidhaysa. Waxa kale oo uu sheegay in la eegayo muhiimadda Jigjiga oo xarun u ah gobolka Soomaalida Itoobiya. Suhail Al Banna waxa kale oo uu sheegay in wax badan laga qabtay dekedda Berbera intii ay maamulaysay shirkadda Dp World, kuwaas oo isugu jira qalabka dekedda iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha. Wargeyska Reporter waxa uu ku warramay in jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale oo dhismihiisu bilawday ay qayb ahaan maalgalinayso dawladda Imaaraadka Carabtu halka haddii loo baahdo Itoobiya la waydiinayo in ay gacan ka gaysato. Sida uu wargeysku ka soo xigtay wasiir Sacad Cali Shire suuqa bartilmaameedka ugu weyn u ah horumarinta dekedda Berbera waa arlada Soomaalidu degto ee Bariga Itoobiya taas oo u muuqata in ay sabab u tahay in DP World xarumo waaweyn oo kayd u ah alaabta ay Berbera ka soo dejiso la dhigo si ay halkaasi uga adeegtaan qaybaha Itoobiya iyo meelaha kale ee soo gaadhi kara. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online waxaa Maalinta Berri ah lagu wadaa inuu Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ka dhaco kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyo Siyaasiyiin horey xilal usoo qabtay iyo qaar ka tirsan Xisbiyada ka jiro dalka. Kulanka oo ah mid looga hadli doono Xaaladihii ugu dambeeyey Siyaasadda Dalka iyo Fashilka Amni ee heysto Dowladda Soomaaliya. Kulankaas oo ah mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inay kulankaas kadib la kulmaan Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo ku sugan Magaalada Nairobi halkaas oo ay Maanta kula meyn xubno ka socday Beesha Caalamka. Labadaan kulan ee kala duwan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda Dalka uu ku jiro. Kulamadaan Berri ayaa kusoo aadayo xilli Maamul Goboleedyada ay Maanta kulan la qaateen Xubno ka socday Beesha Caalamka, waxayna illo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi xaqiijinayaan in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah. In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada. Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay. Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Al-Shabaab fighters have attacked a government-controlled town in Lower Shabelle region of southern Somalia on Saturday night, local residents said. The attack near Golweyn area has sparked a heavy gunfight between the militants and Somali government forces backed by the African Union soldiers serving under AMISOM. Speaking to Radio Shabelle, the commissioner of Golweyn, Mohamed Sheikh Osman confirmed that the Somali and AU troops repulsed the overnight Al-Shabaab attack. Osman did not give further details about the casualty figures inflicted on both sides. The assault comes amid ongoing military operations against Al-Shabaab in the region by Somali government forces and their allied AMISOM troops. View the full article
-
6 qarax oo is xig xiga ayaa lagu Weeraray Sadax Kaniisad iyo Sadax Hoteel oo ku yaala Caasimada Dalka Sri Lanka ee Colombo. xiliga weerarka uu dhacayay ayaa waxaa socotay Dabaaldaga Ciida Masiixiga ee loo yaqaano Easter. 3 Qarax ee hore ayaa waxaa lagu weeraray Kansiido ku yaala Degmooyinka lagu magacabao Koch chikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa,Halka Sadaxda Qarax ee kalana lagu qaaday Hoteelada lagu kala magacaabo Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaala Magaalada Colombo. Sida ay sheegeen Laamaha Amniga Dalka Sri Lanka waxaa la rumeysanyahay in Qaraxyadaasi ay ku geeriyoodeen 129 Qof Halka 300 oo kalana ay ku dhaawcameen. Gawaarida gurmadka deg deg ah ee Amplsta ayaa soo daabulaya dhawacmayada dadka ku wax yeeloobay Qaraxyadaasi. Masuul u hadlay Isbitaalka Qaranka ee Dalka Sri Lanka ayaa saxaafada u sheegay in isbitaalka la soo gaarsiiyay 80 Qof oo qaba dhaawacyo kala duwan. Waxaa la rumeysanyhay in qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca intaan ay ka badan karan maadama weli dhismayaasha qaar laga baadi goobayo meydkadka dad hor leh oo la la’yahay. Wakaalada Wararka AFP ayaa sheegayasa in Dalxiisayaal u dhashay Wadamada caalamka la rumeysanyahay in ay qeyb ka yihiin Dadka ku geeriyooday Qaraxyadaasi. Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxayadan 6 ah ee lagu qaaday Dalka Sri lanka man jiro wax war ah oo weli ka soo baxay Dowlada Sri lanka oo ay kaga hadshay Qarxyadan maanta dhacay. Puntland Post The post 130 qof oo ku dhimatay qaraxyo qasaare geeystay oo ka dhacay dalka Sri Lanka appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay wali socdaan kulamada ay magaaladaasi ku yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka. Kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaray Beesha caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada. Taageerada beesha caalamka, arimaha siyaasadda iyo Khilaafka dowladda ayaa ahaa qodobada ugu waaweynaa ee looga hadlayay shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada ay caalamka dalbadeen Raod Map ku aadan hanaanka doorashada dalka ka dhaceyso dalka sanadka 2020. Sidoo kale waxay dalbadeen in caalama xiriir toos ah la sameeyaan maamul goboleedyada, maadaama dowladda Soomaaliya ay dhuun qabatay mashaariic badan oo dowlad goboleedyada heli lahaayeen. Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaanan weli wax jawaab ah aan ka bixin ama aan ka hadlin kulamada Magalada Nairobi uga socda Madaxda Saddex Maamul goboleed iyo Wakiilada beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya. Khilaaf sii xoogeysanaya ayaa u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana muuqata in markale madaxda maamul goboleedyada ay sameysan karaan isbaheysi ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021 ayaa u muuqda kuwo hadda dowladda Soomaaliya ay isku koobtay hanaanka loo marayo, waxaana madaxda maamul goboleedyada ay dhaliilsan yihiin inaan laga talo galin hanaanka doorashada dalka. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Colombo (Caasimada Online)-Khasaaro badan ayaa ka dhashay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Colombo ee caasimada dalka Sri lank, waxaana qaraxyada ay gaarayaan ku dhawaad lix qarax. Qaraxyada ayaa ka dhashay seddex magaalo oo kala ah Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa, waxaana ku dhintay ku dhawaad 120 ruux oo ku sugnaa kaniisadaha iyo Hoteelada ku yaal magaalooyinkaasi. Seddex Hotel oo kala ah Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo ku yaala bartamaha magaalada Colombo ayay qaraxyada koowaad ka dhaceen xili dadka ay u dabaal dagayeen ciidda Masiixiga. Sawirro la soo dhigay Baraha Bulsahda ayaa la arkayey dhiig farabadan oo daadsan mid ka mid ah Kaniisadaha la weeraray,waxaana la rumeysan yahay in dadka wax ku noqday qaraxyadaas ay ku jiraan dalxiisayaal shisheeye. Madaxweynaha Sri lank Maithripala Sirisena ayaa shacabka dalkaasi ka codsaday inay isdajiyaan, isaga oo sheegay in ciidamada amaanka ay dadaal badan wadaan. Majirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi qaraxyada ah, iyada oo ay horay u jirtay inay rabshado dhexmareen Muslimiinta iyo dad aaminsan diinta Buudiistaha oo dadka qaar ay aaminsan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Sri Lank Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro xusaska 18 May iyo 26 Juun, waxaanu sheegay in ay maalinta Qaranku ay tahay 26 Juun, isla markaana loo baahan yahay in la weyneeyo xuskeeda, isaga oo carrabka ku dhuftay in haddii xuska 26 Juun la weyneeyo uu dalku is raacayo Bari ilaa Galbeed. Prof Axmed Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in 18 May ay tahay maalin qiimo badan taasi oo ay dad badani ay dalka usoo dhinteen ,isla markaana ay lagama maar-maan tahay in meel la dhigo oo la xuso, balse waxa uu sheegay in Somaliland Xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska ee 26 June 1960 ay tahay maalinta mudan in laga dhigo maalinta Qaran. Prof Samatar ayaa sidaasi ka sheegay Hadhimo sharafeed magaalada Burco ay ugu sameeyeen Guddida Beesha West Burco Clan waxaanu yidhi “Waxa aan ku dooday Muddo hadda laga joogo ilaa afar sanadood iyada oo laga hadal 18-kii May iyo 26-kii Juun waa la isku qalday ,18 May waa maalin weyn dad badani u dhinteen in la xuso oo meel weyn la dhigo waa lagama maar-maan, laakiin annigu waxaan imika idiin sheegayaa idinka oo raali ah odayaashiina waa weyn ee aadka u culus 18 May inama khaarajinayso weligeedba gidaarada ha lagu dhedhejiyo, 26 juun weeye maalintii aynu lasoo noqonay Qaranimadeena in la kala cadeeyo weeye oo la yidhaah-do dee wax Somaliland la yidhaah-do ma jiri-jirin ee waxay dhalatay 18 May 1991, iyadoo dee hadalka la sheegayo ee la leeyahay waxaan lasoo noqonay Qaran-nimadeenii , 26 in la calaamadiyo oo ay noqoto maalin qaran , haddii 26 Juun maalin qaran laga dhigo anniga waxay ila tahay , wax badan ayaa israaci Bari iyo Galbeed iyo inta dhexe oo iminka soo anba baraysa oo arkaysa qiimaha 26 Juun ay leedahay , ayaa wax badan daweyn doonta wada jirka wadanka jacaylka soo celinaysa .” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu maanta ku soo laabto magaalada Hargeysa, ka dib socdaal qaatay saddex habeen oo uu ku tagay dalka UAE. Ma jiro wax war ah oo laga hayo ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi iyo weliba masuuliyiinta uu la kulmay, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanu jirin war la isla dhex marayo oo sheegaya inay dalka UAE ku kulmeen Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni, “Ma jiro kulan dhex maray Madaxweyne Biixi iyo madaxweynaha Puntland.” Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay ilo xogogaala. Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inay isku gaadheen dalka UAE, laakiin lama oga in socdaalkoodu ahaa qorshe ay dawladda UAE doonaysay inay ku kulansiiso labada masuul iyo in kale. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Kanada ayaa cadaadis lagu saarayaa inay dawladda Somaliland ka soo dayso laba hablood oo asal ahaan u dhashay Somaliland balse ku dhashay dalka Kanada oo dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa. Maymuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo iyaduna ah 23 jir ayaa bishii January ee sannadkan lagu xidhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ka dib markii lagu soo eedeeyay inay isticmaaleen maandooriye, waxaanay maxkamada Hargeysa ku xukuntay 40 jeedal in lagu dhufto gabadhiiba iyo weliba xabsi. Hooyada dhashay mid ka mid ah gabdhahan Fahima Xasan ayaa warbaahinta Kanada u sheegtay in aanay ku qanacsanayn xukunka gabdhaha lagu riday, iyadoo gabdhaha ku tilmaantay kuwo bilaa dambi ah, waxaanay dawladda Kanada ka codsatay inay dawladda Somaliland kala xaajooto sidii loo soo dayn lahaa hablahan oo ay sheegtay inay ku xidhanyihiin qaybta hwaeenka ee saldhiga Koodbuur ee magaalada Hargeysa. Hooyo Fahima waxay wargeyska Global and Mail u sheegtay in labada hablood oo ku dhashay magaalada Ottawa ee dalka Kanada ay ilaa yaraantoodii ahaayeen saaxiibo, waxaanay sheegtay in qoyskooda ka mid ahayd Ms. Karima ka dib markii ay iyadoo yar hooyadeed dhimatay. Qareenka difaacayay haweenkan Mubarik Maxamed ayaa wargeyskan Kanada ka soo baxa u sheegay, inkastoo hablaha lagu eedeeyay inay maandooriye isticmaaleen haddana inaan wax mukhaadaraad ah laga soo helin gurigii laga soo xidhay. Warbaahinta Kanada oo si aad ah wax uga qortay xadhiga hablahan ayaa sheegay inaanay ku guulaysan xidhiidho ay la sameeyeen dawladda Somaliland, waxaanay sheegeen in safaaradda Kanada ee Kenya ay dawladda Somaliland kala xidhiidhay kiiskan labadan hablood. Baraha twitterka ayaa laga sameeyay calaamad u gaar ah hablahan oo lagu dalbanayo in Somaliland culays lagu saaro sidii hablahaas xabsiga looga soo dayn lahaa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Munaasibad qado sharaf ah oo ay magaalada Burco ugu sameeyeen guddida beelaha West Burco Clan Prof Axmed ismaaciil Samatar, Prof Cali Khaliif Galaydh iyo xubno wehelinayay waxa hadheeyay walaac laga qabo mustaqbalka Somaliland. Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Axmed X Cali Cadami oo u soo ololeeyay madaxweyne Biixi ayaa ka mid ah xubnaha walaaca ugu weyn muujinaya. Astaanta ay bixinayaan ayaa ah mushkilado ka dhalan karo wada lahaansho la’aanta Somaliland taas oo ah ishaaro muujinaysa sida bulshadu u kala qaybsan tahay gudaha Somaliland. Source
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Labada qarax lala eegtay askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Qaraxyadan ayaa ka kala dhacay deegaannada Sabiib iyo Balidoogle, sidey inoo xaqiijiyeen dad halkaasi ka dhow. Qaraxa Koowaad ayaa lala eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ciidanka ay saarnaayeen, waxaana la xaqiijiyey dhimashada Labo askari, iyo dhaawaca Saddex kale. Sidoo kale, qaraxa Labaad oo isna miino dhulka lagu aasay ahaa ayaa lala eegtay gaaro nooca Booyadda ah oo shidaal u wadday ciidan ku sugan Ballidoogle, Shabellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaare aan weli si rasmi ah loo shaacin inta uu la egyahay. Dhanka kale, ciidanka xoogga dalka ayaa lagu soo waramayaa iney ku baxeen deegaanno dhowr ah oo Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabellaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/MUUSE-CABAAS.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab xooggan oo saakay ka kacay bakhaar hubka lagu keydiyo kaasi oo ku yaalla deegaanka Docol ee gobolka Mudug. Dabkan oo loo maleynayo inuu koronto ka dhashay ayaa waxaa uu baab’iyey dhammaan hubkii halkaasi yaallay, sidey sheegeen dadka deegaanka. Wariyaheenna Cali Cayn ayaa soo sheegaya in Bakhaarkan uu ahaa mid ay hubka ku keydsan jireen dadka deegaanka, welina ay socoto baariraanka saxda ah ee waxa dabkan uu ka dhashay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/WARIYE-CALI-CAYN-GAALKACYO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda federaalka ayaa u muuqata mid aan weli waxbo ka qaban cabashada ay soo jeediyeen agoonta ciidanka xoogga dalka oo muddo Afar bil ah aan wax gunno ah ka helin dowladda. Qaar ka mid ah hooyooyinka carruurta agoonta ah ee ay ka tageen askartii xoogga dalka ee dagaallada Al-shabaab kula jiraan ku dhintay ayaa u sheegay Goobjoog News, in caruurtooda aanay u hayn cunto, hoy iyo waxbarasho. Waxay sheegeen in mar hore la diiwaangeliyey, xitaa loo sameeyey xiisaabaad (Accounts) lacago loogu soo diro, balse aanay jirin wax ay arkeen muddo Afar bil ah. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayeey ka dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan cabashadooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Agoonta-Xoogga-Dalka-Ayaa-ka-dalbaday-Raisal-wasaaraha-in-loo-fasaxo-Gunooyi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Gaalkacyo)-Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare gaystay oo maanta ka kacay Bakhaar lagu kaydiyo hubka oo ay leeyihiin ciidammada Galmudug kaas oo ku yaalla deegaanka Docol ee Gobolka Mudug. Deegaanka Docol ayaa qiyaastii 40km u jira Magalada Gaalkacyo,waxaana deminta dambkaas oo ka bilaamay koronto ku guulleystay Maamulka deegaanka Docol iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaankaas. Bakhaarka dabka uu ka kacay ayaa kayd hub u ahaay Ciidammada Maamulka gobolleedka Galmudug, balse waxaa lagu guuleystay daminta dabkaasi. Source
-
(SLT-Sri Lanka)-Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka. Ilaa lix qarax ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado iyo hoteello ku yaal dalkaasi, xilli lagau guda jiro ciidda Masiixiga ee Easter. Qaraxyada ayaa la sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado ku yaal degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa. Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo. Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo. Maanta oo Axad ah ayaa masiixiyiinta caalamka waxa ay xusayaan ciidda masiixiga ee Easter. Sawirro la soo dhigay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinayay dhiig daadsan mid ka mid ah kaniisadaha la weeraray. Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Sri Lankan ayaa sheegaya in dalxiiseyaal shisheeye ay suurtagal tahay in ay ka mid yihiin dadka ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadani. Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka caawiyaan laamaha ammaanka. Wasiirka maaliyadda ee Sri Lanka Mangala Samaraweera ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter waxa uu ku sheegay in weerarradani ay u muuqdaan kuwo aad loo soo qorsheeyay oo looga gollahaa dil, jahawareer iyo xasilloonidarro. Waxa uu intaa ku daray in weerarradaasi lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan. Ma jirta cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi. Dalkaasi Sri Lanka waxaa u badan dadka aaminsan diinta Buudiistaha, waxaana dhawr jeer ay rabshado dhex mareen Muslimiinta iyo Buudiistaha. Rabshado dhacay bishii Maarso ee anadkii 2018 ayaa Buudiistuhu waxay gubeen masaajidda iyo hantida dadyowga Muslimiinta ahi, arrintaa oo sababtay in waddanka la geliyo xaalad deg deg ah. Sidoo kale waxaa jirtay cabsi ah in maleeshiyaadka kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish ay halis ammaan ka abuuraan dalkaasi Sri Lanka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay caburinta lagu eedeeyo inay ku hayaan siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in dad badan ay aamisan yihiin dowladda hadda jirtaa inay xoog u adeegsato shacabka, balse taasi ay tahay waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in amarka dowladnimo uu yahay in markii la doonayo in dhaqaalaha horumarin lagu sameeyo la fogaado musuq maasuqa,taasina ay hormuud u tahay la-xisaabtanka dowladda. Wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dadka kala ogaadaan Maxaan xoog aheyn maxaase Xoog ah, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa Muhiim ah in dadka kala ogaadaan maxaa xoog ah maxaasne xoog aheyn, marka aad musuq maasuq la dagaalameyso waxaa dhacaya waxyaabo badan, waxaan balanqaaday inaan ciidamada dib u habeyn ku sameyneyno, waxaan balanqaadnay inaan dadkii hore ka duwanaan doono, waadna aragtaan inaan aniga iyo madaxweynaha wali wada joogto”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay inay balan qaadeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso inay wada shaqeyn doonaan, walina ay wadadaasi ku socdaan sida uu hadalka u dhigay Xasan Cali Kheyre. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Kheyre.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka saaka ka imaanaya degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in shalay galab halkaasi lagu dilay taliye urur oo ka tirsan ciidamada Somaliland ee degmadaasi. Taliyaha oo magaciisa lagu koobay G/dhexe Nayjeeri ayaa sida la xaqiijiyay waxaa dilay askari ka tirsan ciidankiisa oo muran soo kala dhex galay inkastoo aan faahfaahin laga hayn waxa ay ku murmeen. Askariga oo isku dayay in uu goobta ka baxsado ayaa isna waxaa halkaasi ku toogtay ciidamada kadib rasaas mudda socotay oo ay is weydaarsadeen isaga iyo ciidamadii ceyrsaday. Faahfaahinta Puntland Post The post Mid kamid ah taliyaasha ciidamada Somaliland oo Yubbe lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Guddoomiyaha Ururka Majmaca Islaamka ee Culimadda Soomaaliya, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa la dhigay cisbitaalka Jamaacadda Al-azhar University Hospital ee Degmadda Nasar ee magaalada Qaahira, si looga daaweeyo dhaawacyo culus oo ka soo gaadhay qarax bishii la soo dhaafay ee March 28-dii ka dhacay magaaladdan Muqdisho. Hormuudka Jamaacadda Al-zahar, Dr, Maxamed Al-maharazaawi ayaa ku booqday Cisbitaalka, si uu u hubiyo xaaladda caafimaadka Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo inuu arko Adeegyadda Daaweynta ee uu u baahan yahay. Hadal ka soo baxay Xarunta Warbaahinta ee Al-zahar University ayaa lagu sheegay inay arrintaasi timid, kadib Jadwalka shaqo ee Iimaamka Weyn ee Al-azhar, Dr. Axmed Al-tayib, si loo daaweeyo Sheekh Caynte. Xarunta Warbaahinta Alazhar waxay sheegtay in markii uu Sheekh Yuusuf Caynte soo gaadhay Qaahira sida ugu dhaqsaha badan loogu sameeyey Baadhitaanadda muhiimka ah iyo barnaamijka daaweynta muhiimka ah in loo fidiyo. Cisbitaalka Jamaacadda Al-azhar ayaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah Cisbitaalaldda ugu waa weyn daalka Masar iyo guud ahaan dalalka Carabta. Source
-
Waxaa gebi ahaanba istaagay isku socodka ganagsiga iyo dadka dagmada Balad-xaawo iyo Kenya ka dib markii dowladda Kenya ay xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Zaytuun Maxamed Cali oo ka mid ah dadka ku nool dagmada Balad-xaawo oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in wax weliba ay istaageen sida ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada, sidoo kale waxa ay sheegtay inaan labada shacab marna ayna kala maarmin dadkana isku baahan yihiin. “ Annaga wax badan aaan uga baahneyn oo xaga nolosha ah sida waxbarashada, daawada iyo ganacsiga ayagana waxa aan u gudbin jirnay caanaha iyo ganacsiga Xamar ka imaanaya runtii annaga iyo ayaga waan isku nooleen,” Zaynab Maxamed oo hadalkeeda sii-wadato ayaa sheegtay in caruurtii waxbarashada aadeysay iyo dadkii u shaqo tagi jiray dhanka Kenya iney xaafada joogaan ayna jirin wax dad ah ama ganacsiya oo gudbaayo dhanka Kenya. “ Wax gudbaayo ma jiraan waa rajo la’aan in illaahey uu nasri uu keeno maahane, ciidamadu xabad ayeey la taagan yihiin oo qofkii soo gudbo ay ku dhufanayaan, dadkii waxa ay ku qasbanaadeen iney guryahooda iska joogaan” Dhanka kale Zaynab ayaa meesha ka saartay in wax wada hadal ah ay dowladda Kenya la gashay maamulka dagmada Baladxaawo ama ay isku deyday inay hadalkooda dhageysato, lakiin waxa ay sheegtay in labada shacab ay saamayneyso xirnaashiyaha xadka. “ Nin dalkiisii xirtay oo adiga kula munaaqashoonaynin maxaad adiga u sheegi kartaa oo lagaa koobinaa , annaga hadda waan aamusanahay koleey waa lawada hadli doonaa baahida naheyso ayagana waa ay heysaa labada dhinacna waa laysku baahan yahay, lakiin waxaan rajo ka qabnaa in lawada hadli doono asbuucyada soo socda” Ugu danbeyn Zaynab Maxamed Cali ayaa sheegtay in dadka reer Balad-xaawoo ay heystaan macalimiin dhaqaatiir iyo ganacsataba lakiin dadku ayugu umuuqato inay wax waliba dowladda Kenya ay hoos fariistaan. “ Annaga macalimiin, dhaqaatiir, ganacsato intaba waan qabnaa lakiin dad ayaa ah kuwo aan u jeedin waxa ay heystaan kaliya waxaa u muuqda waa iney marwaliba tusaan Kenya inay baahanyihiin ma arkaan waxa illaahey ku maneystay dadkeena, waxa ayna rabaan kaliya inay wax walba u hoos fariistaan Kenya, runtii haddaan la helin xal anaga waxaan rabnaa inaan u wareegno dhanka dalka Itoobiya” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nin 50 Dal Soo Maray Oo Shirkadda Dahabshiil Ammaanay Axmed Cabdiweli Al Qaasimi oo ah nin reer Yamaneed ah ayaa soo gaadhay Somaliland. Ninkan oo afartii sanaba mar socdaala ayaa waddamo badan ku soo maray socdaal dhinaca dhulka ah isaga oo adeegsanaya Awr waxaanu socdaal ku gala bixin doona meelo ka mid ah dhulka Somaliland. Axmed Cabdiweli Al Qaasimi oo sita calanka Somaliland, calanka Yemen iyo astaanta shirkadda Dahabshiil Group ayaa telefishanka Universal u sheegay in uu shirkadda Dahabshiil dalal badan ku soo arkay waxaanu ammaanay masuuliyiinta shirkadda oo uu sheegay in uu maalgalin ka helay markii uu yimid Somaliland. “Socdaalkayga waxaan ka bilaabay Yemen, kadibna Ereteriya, Suudaan, Liibiya, Aljeeriya, Marooko, Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, Urdun, Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Qadar, Cumaan, Kuwayd, Baagistan, Hindiya, Bangaladheesh, Barma, Thailand, Malaysiya, Jabuuti, Kenya, Tansaniya, Musanbiik, Saambiya, Koonfur Afrika, yacnii dalal badan ayaan soo maray,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Al Qaasimi. Al Qaasimi ayaa la waydiiyay sida ay ugu suuro gashay in uu wada maro dalal ku kala yaalla qaarado kala fog waxaanu ku jawaabay “Badda waxaan soo fuula doon meel ilaa meel kadibna waxaan lugeeyaa dhulka,” ayuu yidhi Axmed Al Qaasimi oo uu weheliyo Cabdulqafaar Al Qamari oo Hargeysa ka raacay waxa uu socdaal lug ah ku mari doona degaanno ka mid ah Bariga Somaliland waxaanu sharraxay ujeedada socdaalkiisa ee dalal kala duwan iyo Qaarado kala duwan uu ku maro “Waxay tahay aqoon korodhsi iyo ku cimro qaadasho barashada bani’aadamka iyo arlada iyo dabeecadda oo aan wax ka qoro oo aan sawiro oo ah wax qurux badan,” ayuu yidhi Al Qaasimi. Al Qaasimi oo 25 sanadood waday socdaalka ayaa sheegay in afar sanno marka uu hawlihiisa qabsadaba hal sanno safro waxaanu ka hadlay sababta uu u sito calamada Somaliland iyo Yemen “Waxaanu sidana calanka Somaliland iyo calanka Yemen oo is garab yaalla, waddan kasta oo aanu tagno waxaanu qaadana calankiisa, calanku wuxuu muujinaya nabad cid kasta oo nagu aragta waxba nama yeesho.” Waxa kale oo la waydiiyay sababta uu u sito astaanta shirkadda Dahabshiil Group waxaanu sheegay in uu ku soo arkay guud ahaan dalalka uu marayay haddana uu qaabilaad fiican kala kulmay “Waxaanu u mahadnaqayna Xaaji Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) iyo shirkadihiisa Dahabshiil Group oo aanu maalintii u horaysay u tagnay waxbaanay na tartay oo way na maalgalisay Dahabshiil, dallaayaddan iyo astaantan magaca shirkadda waxaanu u soo qaadanay waa nooc ka mid ah karaamaynta iyo mahadnaqa,” sidaas ayuu yidhi Axmed Al Qaasimi. Al Qaasimi ayaa marka uu ka laabto Somaliland waxa uu ka qayb gali doona tartan dhanka awrta ah oo sanadkan ka dhici doona dalka Imaaraadka Carabta. Qaran News
-
Popular Contributors