-
Content Count
208,271 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Galmudug state forces seize illegal arms in central Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The security forces of Somalia’s central Federal state of Galmudug have succeeded to seize illegal weapons in a lorry truck near the town of Dhusamareb on Saturday. The local officials say several suspects were arrested in connection with the arms as an investigation is still underway for find out the destination and the owners. This is the latest in an attempt to prevent illegal weapons being smuggled into the Galmudug controlled areas in central Somalia. View the full article -
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar maalmo qaatay dalka kaga maqnaa, ayaa waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka ah, maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo agaasimeyaal guud. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ka wada-hadleen muddadii ay safarka shaqo halkaas ugu maqnaayeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aad looga wada-hadlay is-kaashiga xagga nabadgelyada, sida aad og tihiinna mandaqadda waxa aad ugu soo xoogaysanaya Argagixisada oo meelo badan ku sugan, sidii arrintaas looga hor tagi lahaa, la isagana kaashan lahaa ayaa kamid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu wada-hadalkaasi ku saabsanaa.” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay kulamada ay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa la qaateen masuuliyiinta ugu sarreeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta lagaga wada hadlay arrimo dhinaca horumarinta dhaqaalaha Somaliland la xidhiidhiidha, kuwaas oo ay ugu weyn tahay Aas-aasidda shirkad ka shaqaysa xoolaha Somaliland, “Arrinta nabadgelyada waxa wehelinayey arrimo kale oo muhiim ah oo ku saabsan xagga dhaqaalaha, waxana kamid ahaa in Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka carabtu ay si wada-jir ah u sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland, taas oo iyadu qaadda oo usii gudbisa caalamka intiisa kale, ama dalalka carabta ha noqoto, ama dalal kale oo kasoo fog ha noqoto’e, arrintaasina waa arrin weyn oo lasoo galay oo la filayo inay dhaqaalaha dalkan wax badan ka qaban doonto. Qodobbada kale ee laga wada hadlay waxa kamid ahaa sidii Somaliland baankeeda dhexe loo xoojin lahaa, dalkastana dhaqaalihiisa qayb weyn buu ka yahay baanku, Baanka, ayaana dalka maaliyaddiisa haya oo xukuma oo qorsheeya, haddii uu dhaqaale haystana wax badan kuu tari karaa,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu intaas ku daray inay Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isla garteen in Madaarka Berbera ee ay dib-u-dhiska ku waddo dawladda Imaaraadku ay diyaaradaha rayidka iyo kuwa ganacsiguba isticmaali doonaan, waxana uu yidhi, “Arrimaha kale ee muhiimka ah ee dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha ee laga wada-hadlay waxa kamid ahaa madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.” halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo madaxda kale ee dowladda ku dacweynaya Beesha Caalamka ay yihiin kuwa doonaya in ay dowladda dumiyaan. Waxaa uu sheegay in Mucaaradnimada ay wanaagsan tahay laakiin in Beesha Caalamka la isku dacweeyo ay tahay dowlad dumin iyo faragelin shisheeye. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dad badan ay u maleeyaan haddii beesha Caalamka aysan taageerin dowladda in aysan dowladda dhaqaaqi Karin, dad badanna ay isdhiibeen. “Dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la bedelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dadka dowladda ka soo horjeedo ayuu sheegay in yihiin dowlad dumiyayaal ee aysan ahayn mucaarid sax ah oo kala aragti duwanaan ku shaqeeya. Inkastoo Madaxweynuhu aanu cidna si gaar ah uga carabaabin, hadana hadalkiisa waxaa laga dareemayay inay jawaab u yihiin dhaq dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi, halkaasoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula shirsan yihiin Beesha Caalamka, sidoo kalena siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadda ayaa iyana shir ku leh Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baladweyne (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise oo maanta Warbaahinta kula hadashay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan aya qeylo dhaan ka muujisay xaalado bani’aadanimo oo ka taagan deegaanada maamulkaasi. Canab Axmed Ciise ayaa tilmaamtay in haatan xaaladaha ugu daran ay ka taagan yihiin deegaano kala kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. Sidoo kale waxa ay dowladda Soomaliya iyo hay’adaha Samafalka ugu baaqday ay gurmad la soo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaanadaasi. Deegaano iyop degmooyin dhaca gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka jira xaalado daran oo dhanka nolosha ah oo ay ugu horreyso Biyo laa’aan ka taagan gobolladaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jireen dhibaatooyin ka dhex oognaa dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta iyo Ciidamada ammaanka ayaa Shabelle oo u kuurgaleysa arrimahaasi waxaa ay Wariyeyaasheedu socdaallo kala duwan ku bixiyeen isgoysyada magaalada Muqdisho. Waxyaabaha aan isku taxalujinay in aan ogaano waxay aheyd sababaha inta badan loo dilo ama loo waxyeeleeyo wadayaasha Bajaajta. Aweys Macalin isaga oo dhex fadhiya Mootadiisa ayuu Shebelle u sheegay in ay la kulmaan tacadiyo uga imaanaya Askarta, laftigiisu wuxuu qirsan yahay dhibaatadaasi qeyb ka mid ah in masuuliyadeeda ay leeyihiin iyagu. Dhankiisa Jaamac Axmed oo kaxeeya gaadiida dadweynaha ee Hoomeyda wuxuu qaladka saarayaa Bajaajleyda, wuxuu ku eedeeyay in ay aysan aqoon shuruucda waddooyinka. Dadweynaha isticmaala Mootadan waxa ay aaminsan yihiin in waqti fudud ay ku tagaan halka ay doonayaan. Axmed Cabdiraxmaan wuxuu xilliga aan la kulmay ka soo dagay Mooto Bajaaj. Aqoonyahan Maxamed C/raxmaan Khaliif oo Jaamacad ku taalla Kenya ka diyaariyay cilmiga bulshada talo ahaan wuxuu soo jeedinayaa in la helo sharci qoran oo kala hagaya Askarta iyo dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta. Dilalka ka dhanka ah wadayaasha Mootadan saddexda lugood leh ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo aysan jirin eedeysanayaal loo soo qabtay ficiladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/wwwwwwwwwwwww.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab maanta ka kacay Bakhaar hubka lagu keydiyo oo ku yaalla deegaanka Docol ee gobolka Mudug. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhasahy Koronto, islamarkaana uu baabi’iyay qeybo ka mid ah Bakhaarkaasi. Sidoo kale hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in dhaawac halis ah uu ka soo gaaray dabkani. Wariyaha Shabelle Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab ) ayaa soo diray warbixin ku aadan dhacdadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/war-cali-gaab-hubka.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa si adag u dhaliilay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladdiisa. Ugu horreyn Madaxweyne Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in aysan kala garaneyn Mucaaradnimo iyo waxa loo yaqaano dumin. Sidoo kale waxa uu xusay in ay leeyihiin dhaqan xumo siyaasadeed oo dib u dhigaya horumarka Soomaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-1-guuleed.mp3 View the full article
-
Birmingham oo lagu qabtey xaflad lagu soo dhaweeyey Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga kulmiye & Ex- Wasiir Cukase Magaalada Birmingham ee Caasimadda Ku-xigeenka Ingiriiska ayaa shalay waxaa Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Xisbul xaakimka kulmiye Md, Axmed Cabdi Dheere iyo Ex- Wasiir Maxamed Daahir Cukuse, Xafladda oo ay isku dubaridkeeda lahaayeen Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham UK gaar ahaana odayashooda Musdanbeedka u ah oo uu hogaaminaayey Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye ee Birmingham Mudane Fariid Diiriye Nuur. Waxaa ugu horay lagu furay Aayadaha Quraanka kariimka ah, waxaa xafladda daahinaayey Wariyaha Ruug-Cadaaga ah ee Daahir Ismaaciil Xaaji Aden. waxaa Goob joog ahaa dadweyne badan , oo isaga kala yimid Gobolka Midlands ee Birmingham Gudihiisa iyo Dibadiisa iyo Marti sharaf kale. Xafladani ayaa ka duwanayd kuwii hore ee lagu qaban-jirey Magaalada Birmingham, waxaanay ahayd mid mideysay dhamaan tageerayaasha xisbiyada Qaran Somaliland oo dhan. Mudadii ay socotay Xafladda ayaa waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay qaar ka mid ahaa ka soo qayb galayaashi munaasibada oo ay ka mid ahayeen: oday Maxamuud X. Xasan Geelle, Gudoomiyaha Jaaliyadda Birmingham Uk, Md, Cumar Cabdilaahi Yaasiin, Siyaasi Axmed Jawhari oo ka yimi Magaalada Sheifeld, Caaqil Cabdi Ibraahim Cigaal, Dr, Omar Muuse, Oday Faarax , Maxamed Cali Axmed (Jaadhi) , Siyaasi Cabdilaahi Feyr.iyo Maxamed Maakhiri. iyagoona si wadajir ah taageero balaadhan ugu muujiyay Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga kulmiye, Md,Axmed Cabdi Dheere iyo Ex- Wasiir Md Maxamed Daahir “Cukuse”, isla-markaana fariin u diray Xisbiyada Qaranka gaar ahaan xukuumadda Xisbul-xaakimka kulmiye , in ay markasta in ay tanaasul ka sameeyeen hawlaha Qaranka. Waxaa kaloo iyaguna xafladda Goob joog ahaa, Ambassador Abdirizak Meecaad , La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland Md Cabdo Axmed “Aayir” iyo Ex- Agasimihii tvga Qaranka ee Qaarada Yurub Garyaqaan Abdirahman Ali Ubaxle oo ka hadlay xaflada kuna soo dhaweeyey Magaalada Birmingham ; Gudoomiyaha 2″aad ee Xisbiga kulmiye iyo Ex-Wasiir Cukuse, waxaanay aad ugu dheeradeen qaabka xafladdu u dhacday iyo sida quruxda badan iyo wadajir ku dheehnayd ee tageerayaasha Xisbiyada Somaliland ugu soo wada qayb-galeen, waxaanay u mahad-naqeen Qaban-qaabiyaashii xaflada iyo Dadweynaha Somaliland ee wada jirka muujiyey, iyagoo ku booriyey inay markasta isku duubnidaa lagu muujiyo Wax-qabadka iyo wada jirka Somaliland. Ugu danbeyn : Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere Iyo Ex-wasiir Cukuse : Hadalo ay ka jeediyeen Madasha, intii ay xafladu ka socotay ayaa waxay u mahad celiyeen Xafladda Soo dhaweynta ah ee Birmingham loogu sameeyay, iyagoona jaaliyadaha Somaliland ee Ingiriiska, gaar ahaana reer Birmingham ku tilmaantay in ay yihiin Bulsho isku duuban dhamaantood iyo u howlanayaasha Dadka iyo Dalkooda. Su’aalo la weydiiyey oo ka mid ahayeen fulinta heshiiskii khaatumo ee xukuumada kulmiye la gashay Prof Cali Khaliif “Galeydh” ayey dhamaantood ka jawabeen. Waxaana ay xafladii ku soo dhamaatay jawi wanaagsan oo qurux badan. -DHAMMAAD- Adan Yusuf Elmi B,ham/Uk Qaran News
-
Nairobi (SMN) – Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Fulgencio Garido-Ruiz, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira Galmudug, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaasi. Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan Nairobi ayaa shirar is daba joog ah ka wada magaaladaasi, waxaana galinkii dambe ee shalay uu la kulmay safiirka Uk u qaalbilsan Soomaaliya. Dhinac kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah dalka Kenya kula yeeshay xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii ay taageero joogta ah maamulladaasi uga heli lahayeen hay’adaha iyo dalalka deeq bixiyeyaasha. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay Xaaskiisi Anita Aadan shalay ku geeriyootay Dalka Ingiriiska. Ku simaha madaxweynuhu waxa uu gudoomiyaha Alle uga baryayaa inuu Samir iyo iimaan ka siiyo xaaskiisa. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dismaha xarunata Sadaxaad ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay taageerayaan bangiga Aduunka ayaa muhiim u ah helitaanka howlwadeenada wasaaradda Maaliyada xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibka Qaran ee saaran Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Cabdirxamaan Ducaael Beyle dhagax dhigay xaruntaan waxa uu ka balan qaaday inay xoojinaynayaan hufnaan Maaliyada isaga oo u mahad celiyay Bangiga aduunka. ” Waxaa farxad inoo ah inaan dhagax dhigno daartii sadaxaad ee wasaaradda maaliyadda waxaan dhawaan xarig ka jarnay daartii labaad oo ay naga taageertay dowladda Sweden oo aan dhawaan u soo guureyno, tan aan maanta dhagax dhigayno oo dhawaan la bilaabayo waxaana naga taageeraya dhismaheeda Bangiga Aduunka waan u mahad celinaynaa, waxaan balan qaadaynaa in shilin walba sidii loogu talagalay uu ku baxo” ayuu yirii wasiir Beyle Wasiirka maaliyadda waxa uu intaa ku daray in dalku sameynayo hormar dhinac dhismaha xarumaha muhiimka u ah adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dhismaha Xaruntaan sadaxaad ee wasaaradda Maaliyada Soomaaliya ayaa la mataanaha xarunta labaad ee wasaaradda oo dhismhaheeda xariga laga jaray bishii November ee sanadkii tagay waxaana xarumahani dhismahooda gacan ka geysanayaan horumarinta howlaha maaliyadda iyo adeegyada ay howlwadeenkeedu u qabtaan bulshada Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-21042019-cc.mp3 View the full article
-
Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ayaan daro ku tilmaamay iyadoo biyo balaadhinta Caasimadda lagu bixiyey 250 milyan inuu haddana Madaxweynuhu saluug ka muujiyo Biyaha Caasimadda, waxaanu tilmaamay in Madaxweynaha laga sugaayo inuu qanciyo Wadamada lacagta ku bixiya biyo balaadhinta, iyo inuu la yimaado Siyaasad wanaagsan iyo Qorshe Qaran. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida umadda, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay biyo jirin, oo Hargeysa aan biyo laga sugin, waxaa ku jira Geed-deeble, lacagta lagu bixiyey biyo balaadhinta Hargeysana 250 milyan bay maraysaa, haddana waa ayaan daro inuu Madaxweynuhu afkiisa ka yidhaahdo reer Hargaysoow tashada Biyo ma jiraane, iyadoo 250 milyan lagu bixiyey biyo balaadhinta Caasimadda, Madaxweynaha lagama sugayan inuu yidhaahdo tashada reer Hargeysoow, ee waxaa laga sugaayey inuu Qorshe qaran iyo Siyaasad wanaagsan uu keeno,Caalamkii 250 milyan galiyey biyo balaadhinta Hargeysana wixii lagu qancinayey Madaxweynaha ayaanu ka sugaynaa,dadka wada yaala Hargeysana sida uu Biyaha ugu xaqsoori lahaana isaga ayaanu ka sugaynaa” Mar uu ka hadlaayey musuqa ayaa yidhi“Aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa Xeer ilaaliyaha qaabka uu wax u wado, dambi baa dhacay, ee dambiga cidda sameeysay in la daba galo ayeynu u baahan nahay, Xeer ilaaliyuhuna cid kasta oo dambi lagu soo oogo ama gasha inuu sheego oo uu daba galo xaq buu u leeyahay, cid kasta oo musuqa gasha xitta haddii uu Madaxweynuhu xasaanad ka qaado in laga hadho maaha, waana inay Xeer ilaalinta iyo Hanti-dhawrku hawshooda sii wataan, haddii aanay taasi dhici weydana waxay sharci noqonaysa inay Xukuumadda Muuse Biixi ay xalaalayso musuqa iyo boobka hantida umadda, adduunkana lama arag Dawlad iyadu wadankeenda xalaal ka dhigta musuqa, marka ay sidaas noqotana Madaxweynaha ayaa musuq-maasuq ku eedaysan, markaas in musuq-maasuqa lala dagaalamo oo laga hor tago ayaa loo baahan yahay, ee anigu waxaan odhan lahaa Madaxweyne wax wanaagsan baad sameeysay madaama aad xilkii ka qaaday cidii lagu eedayey musuq-maasuq ee laba mid bay ku taagan tahay inuu dalkan musuq dartii u burburo, oo sidaas musuqu xalaal ku noqdo, oo raggaas laga hadho, ama Sharciga ha la ilaaliyo, oo cid kasta oo dambi musuq gashay sharciga ha la soo taago, cidda isku dayday inay damiinato Wasiiraddii xanaada laga qaaday ee musuqa lagu eeddayey dambi bay gashay waa inuu dambigooda lagu ooga, Maxkamad iyo cid kale oo damaanad ku sii dayan kartaa midna ma jiro Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax khasaaro geystay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrrika ee AMISOM. Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa deegaanada Weydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi. Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in rasaas badan ay fureen, iyadoona la tilmaamay in waxyeelo ay ka soo gaartay dadka Shacabka ah. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan maanta ka dhacay deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho,kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto furfurnaanta ganacsi iyo dhaqaale ee dalka Itoobiya oo hay’ado dawladdu maamulaysay laga dhigayo kuwo madax bannaan. Waxa kale oo ay shirkaddu sheegtay in ay gabogabo tahay daraasayn lagu waday xarun ay ku yeelan doonto magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya taas oo dalka Itoobiya iyo guud ahaan Bariga Afrika loogu qaybin doono alaabooyinka laga soo dejiyo dekedda Berbera. Madaxa shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika Mr Suhayl Al Banna ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda la soo gabogabayn doono qorshaynta iyo sahaminta xarun xuddun u noqonaysa alaabooyinka laga soo dejinayo dekedda Berbera taas oo laga dhigi doono Diridhaba sidoo kalena waxay shirkaddu doonaysa in ay Jigjiga ku yeelato xarun kale maaddaama ay suuqa ugu weyn ee ay doonaysa yahay Bariga Itoobiya siiba dhulka Soomaalidu degto. Suhail Al Banna Waxa uu wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya u sheegay in daraasaddani qiimaynayso muhiimadda magaalada Diridhaba iyo agagaarkeedu u leedahay in ay noqoto xarun ganacsi. Waxa uu sheegay in ay sidoo kale halkaasi ku xidhayso dekedda Berbera oo la doonayso in ay noqoto xuddunta Geeska Afrika wax laga soo dejiyo lagana dhoofiyo. Waxa uu sheegay in la darsayo sida la isugu xidhayo xarumaha gudaha Itoobiya iyo dekedda Berbera oo Badda Cas ilaa Yurub iyo Bariga Fog isku xidhaysa. Waxa kale oo uu sheegay in la eegayo muhiimadda Jigjiga oo xarun u ah gobolka Soomaalida Itoobiya. Suhail Al Banna waxa kale oo uu sheegay in wax badan laga qabtay dekedda Berbera intii ay maamulaysay shirkadda Dp World, kuwaas oo isugu jira qalabka dekedda iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha. Wargeyska Reporter waxa uu ku warramay in jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale oo dhismihiisu bilawday ay qayb ahaan maalgalinayso dawladda Imaaraadka Carabtu halka haddii loo baahdo Itoobiya la waydiinayo in ay gacan ka gaysato. Sida uu wargeysku ka soo xigtay wasiir Sacad Cali Shire suuqa bartilmaameedka ugu weyn u ah horumarinta dekedda Berbera waa arlada Soomaalidu degto ee Bariga Itoobiya taas oo u muuqata in ay sabab u tahay in DP World xarumo waaweyn oo kayd u ah alaabta ay Berbera ka soo dejiso la dhigo si ay halkaasi uga adeegtaan qaybaha Itoobiya iyo meelaha kale ee soo gaadhi kara. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online waxaa Maalinta Berri ah lagu wadaa inuu Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ka dhaco kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyo Siyaasiyiin horey xilal usoo qabtay iyo qaar ka tirsan Xisbiyada ka jiro dalka. Kulanka oo ah mid looga hadli doono Xaaladihii ugu dambeeyey Siyaasadda Dalka iyo Fashilka Amni ee heysto Dowladda Soomaaliya. Kulankaas oo ah mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inay kulankaas kadib la kulmaan Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo ku sugan Magaalada Nairobi halkaas oo ay Maanta kula meyn xubno ka socday Beesha Caalamka. Labadaan kulan ee kala duwan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda Dalka uu ku jiro. Kulamadaan Berri ayaa kusoo aadayo xilli Maamul Goboleedyada ay Maanta kulan la qaateen Xubno ka socday Beesha Caalamka, waxayna illo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi xaqiijinayaan in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah. In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada. Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay. Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Al-Shabaab fighters have attacked a government-controlled town in Lower Shabelle region of southern Somalia on Saturday night, local residents said. The attack near Golweyn area has sparked a heavy gunfight between the militants and Somali government forces backed by the African Union soldiers serving under AMISOM. Speaking to Radio Shabelle, the commissioner of Golweyn, Mohamed Sheikh Osman confirmed that the Somali and AU troops repulsed the overnight Al-Shabaab attack. Osman did not give further details about the casualty figures inflicted on both sides. The assault comes amid ongoing military operations against Al-Shabaab in the region by Somali government forces and their allied AMISOM troops. View the full article
-
6 qarax oo is xig xiga ayaa lagu Weeraray Sadax Kaniisad iyo Sadax Hoteel oo ku yaala Caasimada Dalka Sri Lanka ee Colombo. xiliga weerarka uu dhacayay ayaa waxaa socotay Dabaaldaga Ciida Masiixiga ee loo yaqaano Easter. 3 Qarax ee hore ayaa waxaa lagu weeraray Kansiido ku yaala Degmooyinka lagu magacabao Koch chikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa,Halka Sadaxda Qarax ee kalana lagu qaaday Hoteelada lagu kala magacaabo Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaala Magaalada Colombo. Sida ay sheegeen Laamaha Amniga Dalka Sri Lanka waxaa la rumeysanyahay in Qaraxyadaasi ay ku geeriyoodeen 129 Qof Halka 300 oo kalana ay ku dhaawcameen. Gawaarida gurmadka deg deg ah ee Amplsta ayaa soo daabulaya dhawacmayada dadka ku wax yeeloobay Qaraxyadaasi. Masuul u hadlay Isbitaalka Qaranka ee Dalka Sri Lanka ayaa saxaafada u sheegay in isbitaalka la soo gaarsiiyay 80 Qof oo qaba dhaawacyo kala duwan. Waxaa la rumeysanyhay in qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca intaan ay ka badan karan maadama weli dhismayaasha qaar laga baadi goobayo meydkadka dad hor leh oo la la’yahay. Wakaalada Wararka AFP ayaa sheegayasa in Dalxiisayaal u dhashay Wadamada caalamka la rumeysanyahay in ay qeyb ka yihiin Dadka ku geeriyooday Qaraxyadaasi. Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxayadan 6 ah ee lagu qaaday Dalka Sri lanka man jiro wax war ah oo weli ka soo baxay Dowlada Sri lanka oo ay kaga hadshay Qarxyadan maanta dhacay. Puntland Post The post 130 qof oo ku dhimatay qaraxyo qasaare geeystay oo ka dhacay dalka Sri Lanka appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay wali socdaan kulamada ay magaaladaasi ku yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka. Kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaray Beesha caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada. Taageerada beesha caalamka, arimaha siyaasadda iyo Khilaafka dowladda ayaa ahaa qodobada ugu waaweynaa ee looga hadlayay shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada ay caalamka dalbadeen Raod Map ku aadan hanaanka doorashada dalka ka dhaceyso dalka sanadka 2020. Sidoo kale waxay dalbadeen in caalama xiriir toos ah la sameeyaan maamul goboleedyada, maadaama dowladda Soomaaliya ay dhuun qabatay mashaariic badan oo dowlad goboleedyada heli lahaayeen. Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaanan weli wax jawaab ah aan ka bixin ama aan ka hadlin kulamada Magalada Nairobi uga socda Madaxda Saddex Maamul goboleed iyo Wakiilada beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya. Khilaaf sii xoogeysanaya ayaa u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana muuqata in markale madaxda maamul goboleedyada ay sameysan karaan isbaheysi ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021 ayaa u muuqda kuwo hadda dowladda Soomaaliya ay isku koobtay hanaanka loo marayo, waxaana madaxda maamul goboleedyada ay dhaliilsan yihiin inaan laga talo galin hanaanka doorashada dalka. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Colombo (Caasimada Online)-Khasaaro badan ayaa ka dhashay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Colombo ee caasimada dalka Sri lank, waxaana qaraxyada ay gaarayaan ku dhawaad lix qarax. Qaraxyada ayaa ka dhashay seddex magaalo oo kala ah Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa, waxaana ku dhintay ku dhawaad 120 ruux oo ku sugnaa kaniisadaha iyo Hoteelada ku yaal magaalooyinkaasi. Seddex Hotel oo kala ah Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo ku yaala bartamaha magaalada Colombo ayay qaraxyada koowaad ka dhaceen xili dadka ay u dabaal dagayeen ciidda Masiixiga. Sawirro la soo dhigay Baraha Bulsahda ayaa la arkayey dhiig farabadan oo daadsan mid ka mid ah Kaniisadaha la weeraray,waxaana la rumeysan yahay in dadka wax ku noqday qaraxyadaas ay ku jiraan dalxiisayaal shisheeye. Madaxweynaha Sri lank Maithripala Sirisena ayaa shacabka dalkaasi ka codsaday inay isdajiyaan, isaga oo sheegay in ciidamada amaanka ay dadaal badan wadaan. Majirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi qaraxyada ah, iyada oo ay horay u jirtay inay rabshado dhexmareen Muslimiinta iyo dad aaminsan diinta Buudiistaha oo dadka qaar ay aaminsan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Sri Lank Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro xusaska 18 May iyo 26 Juun, waxaanu sheegay in ay maalinta Qaranku ay tahay 26 Juun, isla markaana loo baahan yahay in la weyneeyo xuskeeda, isaga oo carrabka ku dhuftay in haddii xuska 26 Juun la weyneeyo uu dalku is raacayo Bari ilaa Galbeed. Prof Axmed Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in 18 May ay tahay maalin qiimo badan taasi oo ay dad badani ay dalka usoo dhinteen ,isla markaana ay lagama maar-maan tahay in meel la dhigo oo la xuso, balse waxa uu sheegay in Somaliland Xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska ee 26 June 1960 ay tahay maalinta mudan in laga dhigo maalinta Qaran. Prof Samatar ayaa sidaasi ka sheegay Hadhimo sharafeed magaalada Burco ay ugu sameeyeen Guddida Beesha West Burco Clan waxaanu yidhi “Waxa aan ku dooday Muddo hadda laga joogo ilaa afar sanadood iyada oo laga hadal 18-kii May iyo 26-kii Juun waa la isku qalday ,18 May waa maalin weyn dad badani u dhinteen in la xuso oo meel weyn la dhigo waa lagama maar-maan, laakiin annigu waxaan imika idiin sheegayaa idinka oo raali ah odayaashiina waa weyn ee aadka u culus 18 May inama khaarajinayso weligeedba gidaarada ha lagu dhedhejiyo, 26 juun weeye maalintii aynu lasoo noqonay Qaranimadeena in la kala cadeeyo weeye oo la yidhaah-do dee wax Somaliland la yidhaah-do ma jiri-jirin ee waxay dhalatay 18 May 1991, iyadoo dee hadalka la sheegayo ee la leeyahay waxaan lasoo noqonay Qaran-nimadeenii , 26 in la calaamadiyo oo ay noqoto maalin qaran , haddii 26 Juun maalin qaran laga dhigo anniga waxay ila tahay , wax badan ayaa israaci Bari iyo Galbeed iyo inta dhexe oo iminka soo anba baraysa oo arkaysa qiimaha 26 Juun ay leedahay , ayaa wax badan daweyn doonta wada jirka wadanka jacaylka soo celinaysa .” Source
-
Popular Contributors