Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,283
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland: Keep Armed Forces from Politics Somaliland Armed Forces, whether they are military, police or prison force, are self-less servants for the country and for the people and are solely responsible for the defense, internal security and safety and order of the country and the nation. Armed forces should not be politicized by politicians, opposition parties or traditional leaders that could affect the effectiveness of their duties and, as a result of that, could undermine the stability and peace of the country. In anyway, armed forces should not be used for political or for tribal gains. Joining armed forces is voluntary and not forcible. Once a person (soldier) is enlisted for the armed forces, takes oath of the service and puts on uniform for the national duties, they have no allegiance for particular tribe, party, region or group but for the nation and for the country. They should be given maximum respect for the service. Their sole duties are to defend the country from external aggression or invasion and to keep the internal security and safety to make sure that the nation lives in peace and safety for making progress and development in tranquility for self-sufficiency and better life. Politicizing armed forces undermines and weakens their patriotic duties to defend the country from external enemies and to protect it from internal insecurity, anarchy and chaotic situation. The public sleeps safe and works safe with the armed forces. So, people should support and respect their armed forces all the time. Politicization of the armed forces, especially military, weakens their ability and role to defend the country effectively. Political parties, especially opposition parties, or individuals who politicize armed forces break the laws governing the armed forces expressed in the constitution and should be liable to legal proceedings to protect the duties of the armed forces for the nation and for the country. The definition of a national military means that the members of the army are from all tribes or ethnic groups of a country balanced well in their enlistment and accepted by the public as national armed forces while militia is defined as an armed group of a particular tribe run by renegade political leader. Any political leader who organizes or forms an armed tribal militia fights the peace, stability and common good of a nation. According to military doctrine, the success and accomplishment of the armed forces depend on fulfilling military discipline and regulations expressed in military law of a particular nation. Military Discipline is a state of order and obedience existing within a command to promote patriotism and nationalism. Ibrahim Hassan Gagale April 19, 2019 Qaran News
  2. Maamulka iyo shacabka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa ku guulaystay in ay si wada jir ah u dhamaystiraan waddada wayn ee dhexmarta magaalada Burtinle. [...] Source
  3. Dugsiga hoose/dhexe ee Ibnu-Baz ee magaalada Bosaso ayaa waxa uu xaflad sagootin ah u sameeyey ardayda fasalka 8aad ee Dugsiga hoose dhex ee ibnu Baz. [...] Source
  4. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay shirka culummada Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Xamar, ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jirta ay ka mid tahay dhaqan-xumo siyaasadeed, isagoo xusay inaan la kala garaneyn mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin. Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay heysato faragelin shisheeye, wuxuuna ku tilmaamay wax aan la qaadan karin xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira iyo mucaaradku ay dowladdiisa ku dacweeyaan beesha caalamka. “Dumin Qaran ayaa jirta, marka laga hadlayo Dowladnimada geedka jiridda in laga gooyo oo xasillooni loo diird oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la beddelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye,” ayuu yiri maaxweyne Farmaajo. Isagoo sii hadlaya ayuu wuxuu hadalkiisa ku daray. Caqabadaha na haysta ayay ka mid tahay arrintaan, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo intii ay dowladnimada Soomaaliya burburtay.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa cidna si gaar ah farta ugu fiiqin, wuxuuse wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda laga tashado oo sidoo kale intii lala hadli lahaa madaxda dalka loo kala dhuunto in caalamka lagu daweeyo. Hadalka Madaxweynaha ayaa laga dareemayay inuu jawaab u yihiin dhaq-dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi oo ay wadaan xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira, kuwaasoo doonaya inay beesha calaamka weydiistaan in si toos ah kaalmooyinkooda loo soo gaarsiiyo intii loosoo marin lahaa dowladda dhexe ee dalka. Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Somalia ka eriday Muqdisho ergaygii Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom ayaa waxaa dowladda la saaray cadaadisyo caalami ah, iyadoo la billaabay in si gooni-gooni ah loola kulmo madaxda maamullada dalka ka jira. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadlay dacwo uu sheegay in laga gudbiyay Dowlada appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradka ah ahaa weeraray madaxweyne Farmaajo isagoo arimo badan ku dhaliilay. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u muuqda mid ka jawaabayay hadal maanta uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyn in dowlanimo aysan aheyn in dowladda Soomaaliya lagu dacweeyo Beesha caalamka. Qoraalka xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:- Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta sheegay in kulanka beesha caalamka ay Nairobi kula yeelanayaan Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug uu yahay QARAN DUMISNIMO. Haddaba, Qaranka Madaxweyne Farmaajo ka sheekeynayo tolow waa kee ma midka Maraykankaa mise waa midka Soomaaliya?! Madaxweyne Farmaajo markii la doortay bishii Febaraayo 2017 wuxuu diiday in uu ka tanaasulo dhalashada Maraykanka ee uu haysto, taas oo ay ka dhalanayso xuquuq iyo waajibaad badan oo dastuurka Maraykanka farayo qof kasta oo dhalasahada Maraykanka heysta ee dal kale madax ka noqda. Wuxuuna doortay in uu noqdo muwaadin Maraykan ah oo ka shaqeeya masaalixda Maraykanka, intii uu noqon lahaa Madaxweyne xalaal ah oo mudnaanta koobaad siiya dalkiisa iyo dadkiisa. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo wuxuu rabaa in uu been iyo boor isku qaris ku indho sarcaadiyo dadka Soomaaliyeed si uu uga dhuunto eedeynta la xariirta lacago la lunsaday oo beesha caalamka ugu talo gashay in lagu maalgeliyo adeegyada aasaasiga iyo mashaariicda horumarineed ee dowlad goboleedyada. Lacagahaas oo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis labadii sano ee lasoo dhaafay ku qarash gareeyeen duminta iyo kala qaybinta dowlad goboleedyada. Shirka Nairobi na waxaa looga arinsanayaa sidii beesha caalamka iyo madaxda dowlad gobleedyada isaga waraysan lahaayeen meesha lacagtaasi aaday iyo cida lunsatay! Sidaas daraadeed, waa nasiib daro aad u weyn runtii in maanta Madaxweynaheena la soo istaago wadamo shisheeye ayaa lala shirayaa iyo wadaninimo been ah oo faruuryaha Madaxweyne Farmaajo aan soo dhaafin labadii sano ee uu Madaxweynaha ahaa! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa oo maanta ka hadlayey kulan culimada Soomaaliyeed ah oo ku saabsan amniga iyo dib u heshiisiinta ayaa sheegay sida uu u arko in mucaaradka uu labo yahay, mid wax dhisa iyo mid wax dumiya. Farmaajo oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Dhibaatooyinka aan ka qabno waa dhaqan xumo siyaasiyiinta ah ama siyaasadeed oo runtii aan la garaneynin qofkan siyaasiga ah waxaa uu u yaqaano mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin, mucaaradka waa wax wanaagsan, in lagu kala feker duwanaado, qof walba ra’yigiisa soo jeediyo uu ka hadlo ajende, uuna sheego xalka..kaasi mucaarad ma aha” Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay iney mucaaradka ku dacweynayaan beesha caalamka “Laakin dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano, oo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad, oo la laga hadlo dowladda dhan in la bedelo oo loo beesha caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, mucaarad ma aha, iyada nafteeda waa caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay caado noqotay, mar hadii aan tabar darnaaney”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay ku guuldareystay kasbashada mucaaradkiisa, horay waxaa uu u sheegay inuu albaabkii uu ka soo xiran, isla isagii ayaa leh maanta waxaa ay igu dacweeyeen beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Galmudug state president Ahmed Dualle Gelle has met with the EU’s envoy for Somalia, Fulgencio Garido-Ruiz in the Kenyan capital, Nairobi on Sunday. The two officials discussed several issues related to Galmudug, as confirmed by sources close to the meeting. The president, who is currently in Nairobi, held a series of meetings with diplomats in Kenya and met with the UK’s ambassador to Somalia later Saturday. The Presidents of Jubbaland and Puntland states, Ahmed Madobe and Said Abdullahi Deni respectively met with members of the international community in Kenya. These meetings were focused on maintaining consistent support from agencies and donors to Galmudug, Jubbaland and Puntland states in Somalia. View the full article
  8. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culummada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa. “Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaalanno xagjirnimada oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada iyo dowladda, waxa uuna tilmaamay in sare u qaadidda dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladdu ay aasaas u yihiin xalka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida, taas oo kaalin weyn ay ku leeyihiin culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka taakuleynta iyo wacyigelinta. Ugu dambeyn, Furitaanka Shirkan waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, Culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xassan iyo Wasiirro kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Culummadu waa inay dowladda kala shaqeeyaan sugidda Amngia appeared first on Puntland Post.
  9. The minister of Finance, Abdirahman Dualle Belleh has laid the foundation stone for the third installation of the Ministry in Mogadishu, the Somali capital on Sunday. The building was completed with support of the World Bank and is said to be crucial for the staff of the Ministry of Finance to adequately carry out the national obligations The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, has pledged to boost the transparency of the funds and thanked to the World Bank. “It’s a pleasure to lay the foundation stone of the third complex of the Ministry of Finance as we’ve just cut the ribbon of the second building that supported by the Swedish government and we are moving to the new building,” he said. The finance minister added that the country is making progress in the development of key infrastructure for social services and infrastructure. View the full article
  10. The security forces of Somalia’s central Federal state of Galmudug have succeeded to seize illegal weapons in a lorry truck near the town of Dhusamareb on Saturday. The local officials say several suspects were arrested in connection with the arms as an investigation is still underway for find out the destination and the owners. This is the latest in an attempt to prevent illegal weapons being smuggled into the Galmudug controlled areas in central Somalia. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar maalmo qaatay dalka kaga maqnaa, ayaa waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka ah, maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo agaasimeyaal guud. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ka wada-hadleen muddadii ay safarka shaqo halkaas ugu maqnaayeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aad looga wada-hadlay is-kaashiga xagga nabadgelyada, sida aad og tihiinna mandaqadda waxa aad ugu soo xoogaysanaya Argagixisada oo meelo badan ku sugan, sidii arrintaas looga hor tagi lahaa, la isagana kaashan lahaa ayaa kamid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu wada-hadalkaasi ku saabsanaa.” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay kulamada ay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa la qaateen masuuliyiinta ugu sarreeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta lagaga wada hadlay arrimo dhinaca horumarinta dhaqaalaha Somaliland la xidhiidhiidha, kuwaas oo ay ugu weyn tahay Aas-aasidda shirkad ka shaqaysa xoolaha Somaliland, “Arrinta nabadgelyada waxa wehelinayey arrimo kale oo muhiim ah oo ku saabsan xagga dhaqaalaha, waxana kamid ahaa in Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka carabtu ay si wada-jir ah u sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland, taas oo iyadu qaadda oo usii gudbisa caalamka intiisa kale, ama dalalka carabta ha noqoto, ama dalal kale oo kasoo fog ha noqoto’e, arrintaasina waa arrin weyn oo lasoo galay oo la filayo inay dhaqaalaha dalkan wax badan ka qaban doonto. Qodobbada kale ee laga wada hadlay waxa kamid ahaa sidii Somaliland baankeeda dhexe loo xoojin lahaa, dalkastana dhaqaalihiisa qayb weyn buu ka yahay baanku, Baanka, ayaana dalka maaliyaddiisa haya oo xukuma oo qorsheeya, haddii uu dhaqaale haystana wax badan kuu tari karaa,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu intaas ku daray inay Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isla garteen in Madaarka Berbera ee ay dib-u-dhiska ku waddo dawladda Imaaraadku ay diyaaradaha rayidka iyo kuwa ganacsiguba isticmaali doonaan, waxana uu yidhi, “Arrimaha kale ee muhiimka ah ee dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha ee laga wada-hadlay waxa kamid ahaa madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.” halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo madaxda kale ee dowladda ku dacweynaya Beesha Caalamka ay yihiin kuwa doonaya in ay dowladda dumiyaan. Waxaa uu sheegay in Mucaaradnimada ay wanaagsan tahay laakiin in Beesha Caalamka la isku dacweeyo ay tahay dowlad dumin iyo faragelin shisheeye. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dad badan ay u maleeyaan haddii beesha Caalamka aysan taageerin dowladda in aysan dowladda dhaqaaqi Karin, dad badanna ay isdhiibeen. “Dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la bedelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dadka dowladda ka soo horjeedo ayuu sheegay in yihiin dowlad dumiyayaal ee aysan ahayn mucaarid sax ah oo kala aragti duwanaan ku shaqeeya. Inkastoo Madaxweynuhu aanu cidna si gaar ah uga carabaabin, hadana hadalkiisa waxaa laga dareemayay inay jawaab u yihiin dhaq dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi, halkaasoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula shirsan yihiin Beesha Caalamka, sidoo kalena siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadda ayaa iyana shir ku leh Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Baladweyne (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise oo maanta Warbaahinta kula hadashay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan aya qeylo dhaan ka muujisay xaalado bani’aadanimo oo ka taagan deegaanada maamulkaasi. Canab Axmed Ciise ayaa tilmaamtay in haatan xaaladaha ugu daran ay ka taagan yihiin deegaano kala kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. Sidoo kale waxa ay dowladda Soomaliya iyo hay’adaha Samafalka ugu baaqday ay gurmad la soo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaanadaasi. Deegaano iyop degmooyin dhaca gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka jira xaalado daran oo dhanka nolosha ah oo ay ugu horreyso Biyo laa’aan ka taagan gobolladaasi. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jireen dhibaatooyin ka dhex oognaa dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta iyo Ciidamada ammaanka ayaa Shabelle oo u kuurgaleysa arrimahaasi waxaa ay Wariyeyaasheedu socdaallo kala duwan ku bixiyeen isgoysyada magaalada Muqdisho. Waxyaabaha aan isku taxalujinay in aan ogaano waxay aheyd sababaha inta badan loo dilo ama loo waxyeeleeyo wadayaasha Bajaajta. Aweys Macalin isaga oo dhex fadhiya Mootadiisa ayuu Shebelle u sheegay in ay la kulmaan tacadiyo uga imaanaya Askarta, laftigiisu wuxuu qirsan yahay dhibaatadaasi qeyb ka mid ah in masuuliyadeeda ay leeyihiin iyagu. Dhankiisa Jaamac Axmed oo kaxeeya gaadiida dadweynaha ee Hoomeyda wuxuu qaladka saarayaa Bajaajleyda, wuxuu ku eedeeyay in ay aysan aqoon shuruucda waddooyinka. Dadweynaha isticmaala Mootadan waxa ay aaminsan yihiin in waqti fudud ay ku tagaan halka ay doonayaan. Axmed Cabdiraxmaan wuxuu xilliga aan la kulmay ka soo dagay Mooto Bajaaj. Aqoonyahan Maxamed C/raxmaan Khaliif oo Jaamacad ku taalla Kenya ka diyaariyay cilmiga bulshada talo ahaan wuxuu soo jeedinayaa in la helo sharci qoran oo kala hagaya Askarta iyo dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta. Dilalka ka dhanka ah wadayaasha Mootadan saddexda lugood leh ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo aysan jirin eedeysanayaal loo soo qabtay ficiladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/wwwwwwwwwwwww.mp3 View the full article
  15. Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab maanta ka kacay Bakhaar hubka lagu keydiyo oo ku yaalla deegaanka Docol ee gobolka Mudug. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhasahy Koronto, islamarkaana uu baabi’iyay qeybo ka mid ah Bakhaarkaasi. Sidoo kale hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in dhaawac halis ah uu ka soo gaaray dabkani. Wariyaha Shabelle Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab ) ayaa soo diray warbixin ku aadan dhacdadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/war-cali-gaab-hubka.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Ragga Qayila Oo La Sheegay In Aanay Shahwadda Xejisan Karin Iyo Haweenka Oo Ka Cabanaya Muqayiliinta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa si adag u dhaliilay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladdiisa. Ugu horreyn Madaxweyne Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in aysan kala garaneyn Mucaaradnimo iyo waxa loo yaqaano dumin. Sidoo kale waxa uu xusay in ay leeyihiin dhaqan xumo siyaasadeed oo dib u dhigaya horumarka Soomaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-1-guuleed.mp3 View the full article
  18. Sri Lankan military officials stand guard in front of the St. Anthony’s Shrine, Kochchikade church after an explosion in Colombo, Sri Lanka, on Sunday. (Dinuka [...] Source
  19. Birmingham oo lagu qabtey xaflad lagu soo dhaweeyey Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga kulmiye & Ex- Wasiir Cukase Magaalada Birmingham ee Caasimadda Ku-xigeenka Ingiriiska ayaa shalay waxaa Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Xisbul xaakimka kulmiye Md, Axmed Cabdi Dheere iyo Ex- Wasiir Maxamed Daahir Cukuse, Xafladda oo ay isku dubaridkeeda lahaayeen Jaaliyadda Somaliland ee Birmingham UK gaar ahaana odayashooda Musdanbeedka u ah oo uu hogaaminaayey Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye ee Birmingham Mudane Fariid Diiriye Nuur. Waxaa ugu horay lagu furay Aayadaha Quraanka kariimka ah, waxaa xafladda daahinaayey Wariyaha Ruug-Cadaaga ah ee Daahir Ismaaciil Xaaji Aden. waxaa Goob joog ahaa dadweyne badan , oo isaga kala yimid Gobolka Midlands ee Birmingham Gudihiisa iyo Dibadiisa iyo Marti sharaf kale. Xafladani ayaa ka duwanayd kuwii hore ee lagu qaban-jirey Magaalada Birmingham, waxaanay ahayd mid mideysay dhamaan tageerayaasha xisbiyada Qaran Somaliland oo dhan. Mudadii ay socotay Xafladda ayaa waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay qaar ka mid ahaa ka soo qayb galayaashi munaasibada oo ay ka mid ahayeen: oday Maxamuud X. Xasan Geelle, Gudoomiyaha Jaaliyadda Birmingham Uk, Md, Cumar Cabdilaahi Yaasiin, Siyaasi Axmed Jawhari oo ka yimi Magaalada Sheifeld, Caaqil Cabdi Ibraahim Cigaal, Dr, Omar Muuse, Oday Faarax , Maxamed Cali Axmed (Jaadhi) , Siyaasi Cabdilaahi Feyr.iyo Maxamed Maakhiri. iyagoona si wadajir ah taageero balaadhan ugu muujiyay Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga kulmiye, Md,Axmed Cabdi Dheere iyo Ex- Wasiir Md Maxamed Daahir “Cukuse”, isla-markaana fariin u diray Xisbiyada Qaranka gaar ahaan xukuumadda Xisbul-xaakimka kulmiye , in ay markasta in ay tanaasul ka sameeyeen hawlaha Qaranka. Waxaa kaloo iyaguna xafladda Goob joog ahaa, Ambassador Abdirizak Meecaad , La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland Md Cabdo Axmed “Aayir” iyo Ex- Agasimihii tvga Qaranka ee Qaarada Yurub Garyaqaan Abdirahman Ali Ubaxle oo ka hadlay xaflada kuna soo dhaweeyey Magaalada Birmingham ; Gudoomiyaha 2″aad ee Xisbiga kulmiye iyo Ex-Wasiir Cukuse, waxaanay aad ugu dheeradeen qaabka xafladdu u dhacday iyo sida quruxda badan iyo wadajir ku dheehnayd ee tageerayaasha Xisbiyada Somaliland ugu soo wada qayb-galeen, waxaanay u mahad-naqeen Qaban-qaabiyaashii xaflada iyo Dadweynaha Somaliland ee wada jirka muujiyey, iyagoo ku booriyey inay markasta isku duubnidaa lagu muujiyo Wax-qabadka iyo wada jirka Somaliland. Ugu danbeyn : Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere Iyo Ex-wasiir Cukuse : Hadalo ay ka jeediyeen Madasha, intii ay xafladu ka socotay ayaa waxay u mahad celiyeen Xafladda Soo dhaweynta ah ee Birmingham loogu sameeyay, iyagoona jaaliyadaha Somaliland ee Ingiriiska, gaar ahaana reer Birmingham ku tilmaantay in ay yihiin Bulsho isku duuban dhamaantood iyo u howlanayaasha Dadka iyo Dalkooda. Su’aalo la weydiiyey oo ka mid ahayeen fulinta heshiiskii khaatumo ee xukuumada kulmiye la gashay Prof Cali Khaliif “Galeydh” ayey dhamaantood ka jawabeen. Waxaana ay xafladii ku soo dhamaatay jawi wanaagsan oo qurux badan. -DHAMMAAD- Adan Yusuf Elmi B,ham/Uk Qaran News
  20. Nairobi (SMN) – Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Fulgencio Garido-Ruiz, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira Galmudug, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaasi. Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan Nairobi ayaa shirar is daba joog ah ka wada magaaladaasi, waxaana galinkii dambe ee shalay uu la kulmay safiirka Uk u qaalbilsan Soomaaliya. Dhinac kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah dalka Kenya kula yeeshay xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii ay taageero joogta ah maamulladaasi uga heli lahayeen hay’adaha iyo dalalka deeq bixiyeyaasha. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay Xaaskiisi Anita Aadan shalay ku geeriyootay Dalka Ingiriiska. Ku simaha madaxweynuhu waxa uu gudoomiyaha Alle uga baryayaa inuu Samir iyo iimaan ka siiyo xaaskiisa. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  22. Muqdisho (SMN) – Dismaha xarunata Sadaxaad ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay taageerayaan bangiga Aduunka ayaa muhiim u ah helitaanka howlwadeenada wasaaradda Maaliyada xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibka Qaran ee saaran Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Cabdirxamaan Ducaael Beyle dhagax dhigay xaruntaan waxa uu ka balan qaaday inay xoojinaynayaan hufnaan Maaliyada isaga oo u mahad celiyay Bangiga aduunka. ” Waxaa farxad inoo ah inaan dhagax dhigno daartii sadaxaad ee wasaaradda maaliyadda waxaan dhawaan xarig ka jarnay daartii labaad oo ay naga taageertay dowladda Sweden oo aan dhawaan u soo guureyno, tan aan maanta dhagax dhigayno oo dhawaan la bilaabayo waxaana naga taageeraya dhismaheeda Bangiga Aduunka waan u mahad celinaynaa, waxaan balan qaadaynaa in shilin walba sidii loogu talagalay uu ku baxo” ayuu yirii wasiir Beyle Wasiirka maaliyadda waxa uu intaa ku daray in dalku sameynayo hormar dhinac dhismaha xarumaha muhiimka u ah adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dhismaha Xaruntaan sadaxaad ee wasaaradda Maaliyada Soomaaliya ayaa la mataanaha xarunta labaad ee wasaaradda oo dhismhaheeda xariga laga jaray bishii November ee sanadkii tagay waxaana xarumahani dhismahooda gacan ka geysanayaan horumarinta howlaha maaliyadda iyo adeegyada ay howlwadeenkeedu u qabtaan bulshada Soomaaliyeed. View the full article