-
Content Count
208,277 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The United Nations has resumed making refunds for Kenya troops in Somalia with a Sh3.75 billion pay in March, boosting Treasury’s cash reserves at the end of the third quarter of the current financial year ending June. Latest document on exchequer transactions by Treasury secretary Henry Rotich shows refunds from African Union Mission to Somalia (Amisom) stood at Sh3.757 billion as of March 29. The Treasury had only received Sh10.20 million in the seven months to February for a refund meant to be paid quarterly, drawing concerns from Nairobi. The March compensation by UN represents 44.2 percent of the Sh8.5 billion the Treasury has budgeted for the current year, which has two and a half months to run. The amount released in the three quarters is Sh922.87 million less than Sh4.68 billion in the same period in 2018. Kenya is demanding more compensation this year from the UN than Sh6.1 billion it has budgeted for in the last four years. The UN has, however, been facing a record cash crunch, which its boss Antonio Guterres warned July last year would affect the delivery of its mandate if not expeditiously addressed. “Our cash flow has never been this low so early in the calendar year, and the broader trend is also concerning: we are running out of cash sooner and staying in the red longer,” Mr Guterres warned in a letter to staff, appealing to member states to timely pay their assessments in full. He also pledged austerity measures for non-staff expenditures. About 4,000 Kenyan soldiers are part of Amisom. The international community pays $1,028 (Sh103,728) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20,180) for administrative costs, meaning the soldiers take home about $800 (Sh80,722). The soldiers receive the funds through the government. Kenya formally sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join the African Union Mission to Somalia, a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Amisom’s soldiers are drawn from Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone and Kenya. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu shir uga soconayo xubno siyaasiin ah oo mucaarad ku ah dowlada Soomaaliya. Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog siyaasiin xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya xildhibaano labada gole ee Baarlamaanka katirsan. Waxaa shirkaasi ku sugan Cabdiraxmaan CabdiShakuur higaamiyaha xibsiga Wadajir ,Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur. Siyaasiinta ayaa ka shiraya xaaladaha dalka Soonaaliya iyaga oo gaba gabada sshirkoodasoo saari doobo warsaxaafadeed ku saabsan waxa ay ka wada hadleen. Sidoo kale magaalada Nairobi wwaxaaku sugan qaar kamid mmadaxdamaamul Goboleedyada dalka sida madaxweyne Dani Xaaf iyo Axmed Madoobe. Puntland Post The post Siyaasiin mucaarad ah oo shir uga soconayo Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
HirShabelle State has launched the second phase of its police recruitment programme with the enlisting of 200 youths from Hiran region. The exercise was conducted in Beletweyne by Somali Police Force and African Union Mission in Somalia (AMISOM) officers. “We have a very good number of recruits, most important, we have a good percentage of women and they will be going in for medical checkups and other tests conducted by AMISOM Police,” said Superintendent of Police (SP) Philemon Dantim, AMISOM Police Team leader in Beletweyne. Of the 200 youths recruited, 125 are from Hiran region, while the remaining 75 came from Middle Shabelle region. HirShabelle State plans to recruit 800 police officers under a grand programme supported AMISOM, European Union and the UK Department for International Development. The current recruitment comes two months after the graduation of the first batch of police recruits who have since been deployed to various parts of HirShabelle to maintain law and order. SP Dantim noted that the recruitment and training exercise was aimed at establishing a strong police force capable of securing the region once AMISOM exits. Hiran Police Commander, Isak Ali Abdulle, said the recruits were selected not only on the basis of clan and regional representation but also on merit. “The recruits comprise both male and female. They were selected based on their merit. We allowed the clans to share the numbers so that we establish real federal police and not one from a particular clan,” said Mr. Abdulle. The youths were recruited from the districts of Belet Weyne, Mataban, and Mahas. Recruitment from other districts, mainly Bula-burde and Mataban, is planned for the 24th and 25th of this month. The recruits expressed their joy in joining the police force, saying they were ready for the three-month intensive training to be conducted by AMISOM officers. “I am pleased to be one of the new police recruits for HirShabelle State. [I am ready] to serve my region and apply what I learned so as to develop the state,” said Nasro Mohamed Elmi. Her sentiments were echoed by Urur Abdulle Mumin who said he will use his skills and education experience to contribute to the development of HirShabelle. Their colleague Yusuf Muhumed Mohamed added that it will be an honour to serve his community as a police officer. “The reason why I decided to join the police is due to the need for this region to have a trained police force that will effectively serve the community and meet needs of the residents,” said Mr. Mohamed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi. Shirkaan oo ka socda Hotelka Pan Afrika ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka uu xilligaan marayo,waxaana Xubnaha ugu caansan ee shirkaas ka dhex muuqday uu ka mid yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur. Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed. Shirkan ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, iyagoo wakiilada Beesha Caalamka kala hadlaya arrimaha Soomaaliya iyo sidii taageero gaar ah loo siin lahaa maamuladooda, halkii horay loogu soo marsiin jiray dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
At least two civilians were reported to have been injured in an explosion in Mogadishu, the Somali capital on Monday morning. Eyewitnesses said the blast has resulted from an explosive device fitted to a vehicle that went off while passing the busy Tarabunka junction in the capital’s Hodon district. The wounded have been taken hospital for treatment, according the souraces. There was no immediate claim of responsibility for the bombing, but, police blamed Al-Shabaab for orchestrating the attack which was the latest in a series of insecurity incidents in the seaside city. View the full article
-
Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!” Qaybta 3aad – Qiimo Dhaca Dalka iyo Dadka Marka Qaranka Loo Agaasimo Sidii Qoys Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Laba sano ayaa laga joogaa curashada colaaddii ka dhex aloosantay Gacanka Carbeed. Loollanka siyaasadeed ee Imaaraatka iyo Sacuudiga oo dhinac ka soo wada jeeda iyo dalalka Qadar iyo Turkiga oo lid ku ah, waxaa uu dab ku sii qabtay dogobyadii ka holcayay Somaaliya. Dhimbilahu, waxaa ay soo gaadheen Geeska Afrika. Suudaan, 5tii June 2017, waxaa ay la safatay Xulufada Sacuudiga. Somaaliland waxaa ay ku biirtay 10kii June, Eretriya 12kii June iyo Jabuuti 14kii June. Balse, dalalka Itoobiya iyo Somaaliya waxaa ay ku adkaysteen in ay dhex ka ahaadaan gulufka Khaliijka. Marka lagu xisaabtamo sayladda xoolaheenna nool, lana tixgeliyo dadkeenna faraha badan ee ku nool Imaaraatka iyo Sacuudiga, waxaa aan ku tollan nahay in aan taageerno Xulufada Sacuudiga. Ku dar, magaalada Dubai oo saldhigga u ah ganacsiga dalkeenna. Somaaliland waxaa ay asiibtay danteedii. Se, waxaa isweydiin mudan waxii aan kaga bedelannay Xulufada. Weliba, innagoo ugu sii darnay Deked Istraatiiji ah, Gego dheer iyo Saldhig Ciidan oo intuba is kor barkan marsada Berbera. Warbixin uu soo saaray, Machadka Xidhiidhka Caalamiga ee Netherland “Clingendael”, April 2018, waxaa ku soo aroortay, dalalka Khaliijko, in ay geliyeen Geeska Afrika lacag ka badan $13 Billion, mudadii u dhexaysay 2014-2017. Deeqahaas, haba yaraatee, waxba kama soo gaadhin dalkeennu . Waxaana innaga reebay maqnaanshaha siyaasad cad iyo aqoon qotto dheer oo aan wax kula qaybsan karno asaageen. Mar kale, Somaaliland waxaa ay ka gaabisay in ay badeecadeeda ku goosato qiimahii ay mudnayd. Runtii, Qiimo dhaca waxaa keenay taladii oo ku soo ururtay gacmo kooban iyo QARANKII oo loo agaasimay sidii QOYS (Qabiil). Xukuumadahii kala danbeeyay, ayaa ahaa kuwo aan u sahan tegin QARAN, iyo kuwo aan u talo badsan heshiisyadii ay la galeen shisheeyaha. Isla markaa, waxaa meesha ka maqnaa baqdin ay ka qabeen QARAN la xisaabtama. Nasiiib-xumo, ilaa haddana, isla giraantii ayaa wareegaysa. Sidaa awgeed, waxaa aan kor ka xaadinayaa sida weyn ee dalalka Geesku uga faa’iidaysteen heshiisyadii Khaliijka. Suudaan: Si ay ugu biirto Xulufada Sacuudiga, waxaa ay cawda u gooysay xidhiidhkii dalka Iiraan. Tallaabadaa, waxaa ay ku mutaysatay ($5 Billion) in uu ku abaal-mariyo Sacuudigu. Isla markaa, waxaa ay ciidan u daabushay Isbahaysiga Gacanka ee ka dagaalamayay Yamen. Madaxweyne Bashir, intaa kuma uu joogsan. Mar kale, December 2017, waxaa uu Khartoum ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaasoo la safnaa Xulufada Qadar. Waxaana uu Turkiga iyo Qadar ku wareejiyay Jaziiradda Suakin si looga dhiso deked casri ah. Saukin oo laga difaaci jiray dhulkii barakaysnaa ee Xijaaz, (Makkah iyo Madiina) waxaa gacanta ku hayn jiray Cismaaniyiinta Turkiga (1555-1865). March 2018, Al Bashiir, waxaa uu afar bilyan ($4 Billion) ku faasaxay dekeddii Saukin. Saamiga waxaa loo kala qaybsaday 51% Suudaan iyo 49% Qadar. Sidaa ayuu ahaa halbeegga caalami ee ay wax ku qaybsadaan hantiilaha dhulka iyo maalgeliyahu. Taasoo ka duwan 30%ka Somaaliland kaga soo hagaagay Dekedda Berbera. Ogow, Dekedda Jabuutina waxaa loo kala leeyahay 66% Jabuuti iyo 34%, DP World. Cumar Al Bashir, waxaa kaloo uu ku dhiirraday in uu isku maalo dawladihii dirirto ka dhexaysay. Isla March, waxaa uu ka helay Imaraatku Carabta deeq lacageed oo dhan hal bilyan iyo afar boqol oo milyan ($1.4 Billion) si loogu agaasimo qiimo-dhac sarrif iyo sicir barar ka taagnaa dalkiisa. Shirkadda Ozturk ee Turkiga ayaa iyana amaahisay deyn muddo dheer lagu bixinayo oo dhan labo bilyan ($2 bilyan). Isla markaa, Sacuudiga oo aan ka maqnayn tartanka ayaa u oggolaaday in uu ka haqabtiro shidaal aad u jaban, oo lagu bixinayo muddo dheer. Jabuuti: Dalku waxaa uu ku yaallaa buqcad istraatiiji ah oo u muuqata marinka Bab el Mandab ee isku xidha biyaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, ilaa uu ku shubayo Gacan Biyoodka Suez ee Masar. Jabuuti, iyadoo ay ku hareeraysan yahiin dalal ay ragaadisay colaaddu, sida Somaaliya, Eretriya iyo Yamen, waxaa loogu xillanayaa nabadgelyada iyo xasilloonida ka jirta. Tirada yar ee dadka, dhulkuna uu ka sii yar yahay, waxaa u sii dheer, dalka oo sabool ka ah khayraad dabiici ah. Hase yeeshee, Madaxweyne Geelle, si xeeldheer ayuu u maareeyay badweyntiisa. Waxaana uu ku kulmiyay saldhigyo dalal aan isu san bannaaneyn, sida, Maraykan, Shiine, Faransiis, Jabaan, Talyaani, Jarmal, Isbayn iyo Sacuudi. Meesha, waxaaa aan ka maqnayn Itoobiya oo dekedaha casriga ah uga adeegta 100ka milyan ee dadkeeda iyadoo laga dhoofiyo ama laga soo dejiyo 95% baahidooda. Shiinahu, waxaa uu geliyay Jabuuti maalgashi gaadhaya ilaa ($9 Billion) oo isugu jira dhismaha Dekedda casriga ah ee Dooraleh, Xarunta Suuqa Xorta ah ee ugu weyn Afrika ($4 Billion), Tareenka Korontada ee Jabuuti/Addis Ababa ($3.5 Billion), iyo Mashruuca Biyaha Itoobiya/Jabuuti ($300 million). Dhinaca kale, waxaa dekedda uga soo xerooda ($1-2 Billion) sannadkii. Kirada saldhigyadana, waxaa aan ka xusayaa Shiinaha ($100 Million), Maraykanka ($70 Million) iyo Faransiiska ($30 Million) sannadkiiba. Haddaba, innagoo soo aragnay qiimaha dekedaha deriska, Somaaliland immisa ayay ku dheeftay Dekedeeda? Sida uu warbaahinta ka sheegay Wasiirka Maaliyadda ee Somaaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Dekadda Berbera waxaa ay ku kiraysan tahay $5 Million oo qudha, sannadkiiba. Dr. Sacad, waxaa uu ku ladhay, xukuumaddii hore in ay sii qadimatay kiradii 2018/2019! Hase yeeshee, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi ayaa madal ku beeneeyay warbixintii Dr. Sacad isagoo ku tiraabay kirada ay sii qaddimteen in ay ku koobnayd sannadahii ay xilka haysay xukuumaddii hore. Sidaa awgeed, miyaanay fadeexad ahayn in Dekeddii Berbera lagu xaraashay faro-guudkood? Balse, maxay tahay ceebta ka weyn in shacabka hortiisa laga qirto sida loogu takrifalay hantidii ummadda taasoo aan gelin miisaaniyadda qaranka, kuna bixin sifo sharci ah? Maxaase lagu daadifayn karaa qormadaydan tibaaxaysa in QARANKII loo agaasimay sidii QOYS? Waxaa dhici karta, dadka qaarkood in ay ku doodaan, aqoonsi la’aanta dalkeennu in ay keentay qiimo dhaca dalkeenna. Kuwaa, haddii ay ku qancayaan waxaa aan ugu warcelinayaa in ay milicsadaan warbixinta hoose oo biyo kama dhibcaan ah. Ha ila dhigteen sida Eretriya u maaraysay deked iyo saldhig ay heshiis ku la gashay Xulufada Khaliijka, xilli ay go’doon dhab ah kaga jirtay caalamka, isla markaana, ay ka maqaam hooseysay Somaaliland. Eretriya: Waxaa ay ka go’day Itoobiya 1991. Waxaana loo aqoonsaday dal madax bannaan. Balse, waxaa ay lumisay aqoonsigii bulshada caalmka, markii lagu eedeeyay in ay dagaallo daandaansi ah la gashay Yamen, Itoobiya iyo Jabuuti. Sidoo kale, in ay gacansaar la lahayd argagaxisada Al Shabaab, markaana ay farogelin mileteri ku sameysay Somaaliya si ay u dumiso xukuumad, waagaa, loo yagleelay. Haddaba, 23/12/2009, Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa ka soo baxay Go’aan Tirsi 1907 kaasoo Eretriya lagu saaray cunaqabatayn dhinaca hubka, xakamayn dhaqdhaqaaqa madaxda dalka iyo xayiraad hantida xukuumadda iyo madaxda qaranka. Tan iyo waagaa, Eretriya, waxaa ay ku sugnayd, duruufo aad u qalafsan iyo go’doomin ay iska kaashadeen dalalka derisku, iyo Ururada caalamka sida Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika (AU), iyo Ururka Qaramada Midoobay (UN). Waxaana si qorshaysan la isaga hortaagay la dhaqanka adduunka ee dhinacyada diblomaasi, dhaqaale iyo ganacsi. Ugu danbeyntii, Eretriya oo col la ahayd Jabuuti, waxaa ay ka faa’iidaysatay muran soo kala dhex galay Imaaraatka Carabta iyo Jabuuti. Madaxweyne Isaias Afewerki waxaa uu la kulmay Boqorka Sacuudiga, 29kii April, 2015, isla maalintaa oo ciidamada Imaraatka laga eryay Jabuuti. Sida uu u qorshaystay, waxaa uu qalinka ku duugay iskaashi dhexmara dalkiisa iyo dalalka Gacanka. Waxaa uu ku xisaabtamayay qiimaha adeegyada uu u fidinayo Xulafada iyo godobta dalkiisu uu ku mudan karo. Afewerki waxaa uu si weyn uga baaraan-degay in uu heshiiska ku dheefo dhammaan baahida dalkiisa. Nasiib wanaag, durba, wada hadaladii, waxaa uu ku jebiyay qufulkii saarnaa dalkiisa. Heshiiskii Afawerki uu Jiddah kula saxiixday dalalka Gacanka, waxaa uu suurta geliyay in, July 2018, la soo afjaro colaaddii Itoobiya iyo Eretriya ee soo jiitamaysay 20 sannadood, taasoo sababtay dhimashada 100,000, iyo qaxa ama barakaca dhowr milyan oo qof. Xulufada ayaa dhexdhexaadisay labada dal, isla markaana, ku deeqday maalgashi lexaad leh oo lagu furdaamiyo colaadda labada dal. Ka sokow, horumarinta dalkii, kabista miisaaniyaddii, dhismaha dekedahii, garoomadii iyo kaabayaasha dhaqaalaha, Madaxweyne Afawerki, wada xaajoodkii, waxaa uu ka dheefay nabad taam ah, la soo noqoshada dhulkii iyo dadkii (2 milyan) ay ka haysatay Itoobiya, 20 sannadood. Waxaa laga qaaday cunaqabatayntii adduunku saaray tan iyo 2009. Waxaana la filayaa, dhowaan, dekadaha dalka in uu uga soo xeeroodo dhaqaale balladhan iyagoo Itoobiya kula heshiiyay in ay adeegsadaan dekedaheeda. Runtii, Eretriya oo ku jirtay xayiraad caalami ah oo ka hortaagnayd in ay la macaamisho adduunka, waxaa ay ku hanatay heshiiskii, wax kastoo ka maqnaa. Hase ahaatee, Somaaliland oo haysatay madax-bannaani (De Facto State) u jidaynaysay in ay heshiisyo buuxa la geli karto dalalka, shirkadaha iyo hay’adaha caalamka, waxba kuma ay dheefin heshiiskii dalalka Gacanka. Mana ay jirin wax kaga gudbanaa in ay dunida la gasho heshiisyo u qalma, aan ka hayn aragtideenna dhow iyo hankeenna gaaban. Itoobiya: Dalkaa oo dhaqaalahiisu aad u xidhxidhan yahay, dimuqraadiyadiisu aad u kooban tahay, nabadduna ciirciirayso, waxaa Xulufada Sacuudigu dhexdhexaadisay in uu Dekedda Berbera ku yeesho saami dhan 19%. Isla markaa, sannadahan danbe, waxaa uu ka helay dalalka khaliijku kaalmo gaadhaysa lix bilyan iyo laba boqol oo milyan ($6.2 Billion). Waxaana ugu danbeeyay 3.0 bilyan oo dollar ($3 Billion) oo ay ugu deeqday Imaaraatka Carabtu, June 2018. Ayaan-darro, dekeddii, garoonkii iyo saldhiggii ciidan waxaa ay innoo jareen daleel. Isku soo xoori, haddii aan talada hareeraha laga wada joogin; haddii aan indheer-garadku mayalka u qaban qorshaha, sahanka iyo geeddiga QARAN; haddii aan la helin aragti QARAN oo loo dhan yahay; alaylahe agaasinka QOYS, ma uu deeqi karo QARAN. “Nin anbaday halkuu aaday, way ula ekoonayde, Anigoo arkaayaan waddadii, eerigoo maraye.” Abwaan Axmed Dirir Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!” La soco Qaybta 4aad “Gunnaanad: Maxaa Ka Baylahay Somaaliland, Maxaase Talo Ah?” ………… Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@hornid.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania Qaran News
-
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan la qaatay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Mustafa Madbuuli, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka dawladaha Soomaaliya iyo Masar. Madbuuli waxa uu bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee Soomaaliya ay samaysay sanadihii dambe, waxaana uu balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Mudane Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo ishkaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya waxa uu sidoo kale shir guddoomiyey kulanka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Jaaamacadda Carabta oo looga hadlay qadiyadda Falastiin iyo xaaladaha wadamada jaamacada Carabta. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo la kulmay Ra’iisual wasaaraha Masar appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay qarax la sheegay in uu ku xirnaa gaari halkaasi marayey. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxan oo ka dhex dhacay gaari nooca raaxada ah ay ku dhaawacmeen Labo qof, waxaana ka badbaaday qofkii gaarigaasi watey. Ciidamada Booliiska oo halkaasi gaaray ayaa wada baaritaanno, lamana oga cidda gaariga wadatey waxa ay ahayd. Waxa ay ciidanku xireen nawaaxiga halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana loo diidayaa iney dadweynaha halkaasi maraan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa tababar dhanka garsoorka magaalada muqdisho uga soo xeray garsoorayaasha heerka kala gedisan ee kubadda cagta, waxaana xeritaanka tababarkan kasoo qeyb galay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta. Tabarkan oo lagu baranayay isbadalada ku yimid shuruucda garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida iyo adeegsiga aalada lagu ogaado heerka tababarka garsoorka,waxaana maalimihii uu u socday bixinay Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadan Yabarow Wiish,Aweys Cabdullahi iyo macalimiinta xirirka ee kala ah Cabdi Cabdulle Baasaale iyo Macallin Maxamed Cabdulle Faraye. Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadab Xaaji Yabarow Wiish isla markaana ka mid ahaa macallimiintii tababarka wax ka bixinaya ayaa sheegay in tababarkan ay ugu tala galeen in ay sare ugu qaadaan heerka aqoonta garsoorayaasha iyo sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen dhigooga caalamka,isagoo sheegay in tababaro kala duwan loo qorsheeyay guud ahaan Garsoorka Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa garsoorayaasha kula dardaarmay in wixii la baray laga doonayo in laga arko tartamada kubbadda cagta gudaha iyo dibada ka xiriir ahaan ay ku da’daali doonaan kor u qaadida iyo homarinta Garsoorka Soomaaliya. Waaxda garsoorka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa dhawaan bilaaway isticmaalka iyo adeegsiga qalabka casriga ee loo yaqaano (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) (GPS) kaas oo lagu ogaanayo heerka tababarka garsoorayaasha waxaana qalabkan dhawaan laga her geliyay qaarada Afrika qaar ka mid ah garsoorka ayaa u mahad celiyay madaxda xiriika,iyagoo balan qaaday in ay kasoo bixidoonaan kaalintaada iyo wixii la baray. Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa waaxad garsoorka kula dardaarmay in ay laba jiraan da’daalkooda ku aadan kor u qaadista aqoonta iyo homarinta si guulo waaweyn looga gaaro tartamada gudaha iyo dibada. Gab gabadii xeritaanka tababarka guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa goobta ka sheegay in madaxda xiriirka ay juhdi iyo waqti ku bixinayaan waxaada garsoorka maadaama ay laf dhabar u tahay shaqada ay hayaan,isagoo garsoorayaasha kula dar daarmay in wixii la baray ay ka sugayaan in ay ku dabaqaan tartamada gudaha iyo qaarada Afrika. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xeritaanka Tababarka Garsoorka Soomaaliya W/D-W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon, waxaana qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray. Qaraxa ayaa sababay dhaawaca labo ruux, waxaana la sheegay inuu ka badbaaday ruuxii lahaa gaariga oo ahaa nooca raaxada oo yaalay meel ku dhow isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo mudo daqiiqado ah hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fasaxeen. Waxaana socday baaritaanka la xiriira sida gaarigaasi qaraxa loogu xiray, islamarkaana loo dhigay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon. Qof goobjooge ahaa xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa sheegay in mar qura ay ka war heleen jugta qaraxa,isla markaana ay kala carareen,waxaana uu sheegay in xaalada iminka ay tahay mid degan. Qaraxyada gawaarida lagu dhejiyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay aad ugu soo badanayeen gudaha Magalada Muqdisho,waxaana todobaadkii la soo dhaafay wadada Maka-Almukarama ka dhacay laba qarax oo ahaa kuwa gawaarida lagu dhejiyo. Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday baaritaanka amaanka lagu xaqiijinayo, waxaana haddana dhacayay qaraxyada iyo falalka amni darada ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Laascaanood)-Guddidii Golaha Guurtida Somaliland ee loo xil saaray Gobollada Bariga ayaa lagu soo dhaweeyey duleedka Magaalada Laascaanood. OLYMPUS DIGITAL CAMERA Guddidan oo ka Kooban 13 Xildhibaan waxa Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Sool, Maayarka Laascaanood iyo Mas’uuliyiin kale. Guddoomiyaha Guddidii Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada bariga Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir ayaa sheegay in Ujeeddadoodu tahay xog ogaal u noqoshada xaalada guud iyo abaaraha ka jira Gobolkaasi. Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maayarka Magaaladda Laascaanood, Agaasimaha Fullinta guddida qandaraasyada qaranka iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool C.qani Maxamud Jiidhe oo dhamaantoodba ku soo dhaweeyay Xubnaha Guddidan xarunta Gobolka Sool. Dhanka Kale Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wassaaradda Biyaha Somaliland oo Socdaal ku wajahan Xaalada abaaraha iyo Biyo la’aanta ka Jirta Gobolka Sool ayaa saaka u baxay koonfurta gobolka Sool gaar ahaan deegaanada Kala baydh,Dhumay,Daba taag iyo degmada dharkayn geeyo ee gobolka Sool. Source
-
(SLT-Boorama)-Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland. Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi. Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay. Sida ay warbaahinta u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi. Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan. Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa eedeyn u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle gaar ahaan xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan. Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Beledweyne ayuu sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay mooshin la daba taagin yihiin madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle. Wuxuu sheegay in xildhibaanada Hiiraan ku matala Baarlamaanka Hirshabeelle inaysan ka shaqeyn danaha shacabka gobolka Hiiraan, balse taasi badalkeeda ay ka shaqeeyaan inay mooshin ka keenaan hogaanka maamulka Hirshabeelle. Arinta mooshinka ayuu sheegay inay ku saleeyaan in loo magacaabo xildhibaanada guddoomiyaha ay la doonayaan inuu hogaanka u qabto gobolka Hiiraan. “Ma ahan dhibaatada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka ee waa Xildhibaanada oo mooshin la daba taagan, waxaa ay leeyihiin guddoomiye hebel bedel ama idinka ayaan mooshin idinka keeneynaa”ayuu yiri Dabageed. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatada kaliya ay ku kooban tahay shacabka Hiiraan, maadaama sida uu sheegay shacabka Shabeelaha Dhexe inaysan la qaban dhibaatada. “Dhibaatadaas Reer Hiiraan kaliya ayay gaar u tahay maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe kii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Magacaabey ayaa weli jooga ayuu yiri guddoomiye Dabageed”.ayuu hadalkiisa ku daray Dabageed. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xildhibaanada ugu badan ka dhigay golaha wasiirada, waxaana meesha ka baxay isla xisaabtanka maamulka. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Maxamuud Axmed oo 79 jir ah ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt in Isbedel lagu sameeyo Sharciga, si Diplomaasiyiinta tacadiyada u geysta Shaqaalaha loo masaafurin lahaa. Maxamuud Axmed oo xilligan Hawlgab ah ayaa waxa uu Tacad iyo Cunsuriyad kala kulmay U-qeybsanaha Caafimaadka ee Safaaradda Dwoaldda Qatar ku leedahay caasimadda dalka UK ee London. Dhibanahaasi oo Sarkaal Ammaanka ka ahaa Safaaradda Qatar ayaa waxa uu tacadi kala kulmay U-qeybsanaha Arrimaha Caafimaadka ee Safaaradaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansari, kaasi oo Muwaadinka Somali-Biritishka ugu yeeri jirey Erayo cunsuriyad xambaarsan, sida Addoonka Madow, Dameer iyo Eey, iyo inuu dhaawaacay Dhibanahaasi sannadkii 2013-kii. Bishii hore Maxkamadda Shaqaalaha ee magaalladda London waxay heshay inuu Diplomaasiga u dhashay ku xad-gudbay Dhibanaha Hawlgabka ah ee Maxamuud Axmed iyo in dhibaatadii loo geystay laga bixiyo lacag magdhow ah oo dhan 8,000 oo Giniga Ingiriiska ee Pound. Dhinaca kale, Xildhibaanka Deegaanka uu deggana yahay Dhibanaha u matala Barlamaanka dalkaasi, Greg Hands waxa uu ka codsaday Dowladda Britain inay garwaaqsadaan in Diplomaasiyiinta lagala laabto Xasaanadda Diplomaasiyadeed haddii ay ku xad-gudbaan shaqaalaha ka shaqeeya Safaaradaha. Xildhibaankaasi waxa uu qoraal u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt inuu mar kale dib u eego Xukunkii Maxkmaadda sare iyo haddii Talalabo Sharci lagu ciqaabi doono Diplomaasiyiinta Safaaradaha ee Shaqaalahooda kula kaca Tacadiyaddaas oo kale. Dhibane Hawlgab Maxamuud Axmed horey uma awoodin in Kiiskiisa la dhegeysto ilaa sannadkan 2019-ka, sababo la xiriira Safaaradda Qatar oo iyagu sheegtay Xasaanadda Diplomaasiyadeed ee lidka ku ah cabashadda uu ka gudbiyey Dhibanahaasi. Source
-
(SLT-Ankara)-Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP, Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa waxaa weeraray dad caraysan xilli uu ku sugnaa aas caasimada Ankara loogu sameynayay askari laga dilay milateriga dalkaasi. Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya ninkaasi oo lagu xoonsan yahay iyadoo qaar kamid ah dadka caraysan ay isku dayayaan inay feer la dhacaan. Ciidamada ammaanka ayaa Mr Kılıçdaroğlu ka waday meesha, waxaana uu galay guri meesha ka ag dhawaa ilaa inta ay ka dareerayeen dadka caraysan. Mr Kılıçdaroğlu ayaa ka qeybgalay aaska si uu uga tacsiyeeyo askariga Turkiga looga dilay dagaal ay milateriga dalkaasi kula galeen xooggaga Kurdiyiinta ee PKK meel u dhaw soohdinta Ciraaq. Qaar kamid ah dadka ka qeybgalayay aaska ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in hogaamiyaha mucaaradka uu goobta joogo, waxaana arinta ay markii dambe isu bedeshay gacan ka hadal sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Turkiga, Anadolu. Xisbiga CHP ayaa qiray in Mr Kılıçdaroğlu la weeraray, balse ma aanu sheegin inuu dhaawac soo gaaray iyo in kale. Waxa uu intaa ku daray in tallaabo sharci laga qaadi doono “dembiilayaasha falka geystay”. Xisbiga talada haya ee AKP iyo siyaasiyiinta wadaniyadu ku dheertahay ayaa ku dhaliiyay Mr Kılıçdaroğlu inuu wada shaqeyn la leeyahay xisbiga Kurdiyiinta u janjeera ee HDP. Xisbigaasi ayaa beeniya inuu xidhiidh kala dhexeeyo xooggaga la dagaallamaya Turkiga. Xiisad ayaa ka taagneyd Turkiga tan iyo markii uu xisbiga mucaaradka ah ee CHP ku guulaysatay kuraasta maayarada Ankara iyo Istanbul, taasoo guuldarro weyn ku noqotay xisbiga AKP ee uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan. Xisbiga AKP ayaa dood ka keenay guusha musharraxa xisbiga CHP ee maayarnimada Istanbul, Ekrem Imamoglu kaasoo codad aan sidaa u badneyn uga adkaaday musharraxii xisbiga talada haya. Dib u tirin lagu sameeyay codadkii la dhiibtay ayaa guddiga doorashada waxa uu ku go’aamiyay in Mr Imamoglu uu ku badiyay codad dhan 13,000, sidaana uu ku noqday maayarka sharciga ah. Source
-
(SLT-Khartoum)-Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada Suudaan ayaa sheegay inay xidhiidhka u jareen guddiga milatariga ee beddelay hoggaamiyihii xilka laga tuuray ee Cumar al-Bashir. Waxay ku eedeeyeen inay yihiin hadhaadiga xukuumaddii al-Bashir. Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa kulan isugu yimid bannaanka xarunta ciidammada ee magaalada Kahrtuum, si ay ugu dhawaaqaan guddi rayid ah iyagoo doonaya in xilka lagu wareejiyo. Millatariga ayaa sheegay inay ka go`antahay inay xilka wareejiyaan isla markaana ay ka fekeri doonaan guddi isugu jira milatari iyo rayid. Si kastaba, afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Mohamed al-Amin ayaa sheegay inay haatan guddiga milatariga u arkaan mid lagu sii dheereynayo muddada taliskii hore isla markaana ay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dibadbaxyada. Maxay madaxda dibadbaxayaashu qorsheynayaan? Ololaha meesha looga saaray Mr Bashir ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Xirfadleyda Suudaan ee SPA. Xubin sare oo SPA ka tirsan laguna magacaabo Ahmed al-Rabia ayaa hore u sheegay in laga yaabo inay dib u dhigaay magacaabidda guddiga balse wuxuu maanta xaqiijiyay in ku dhawaaqitaanka laga sameynayo halka ay dibadbaxyadu ka dhacayaan. Dibadbaxayaasha ayaa doonaya in guddigu uu dhiso dowlad ku meel gaar ah, oo xilka sii haysa ilaa ay doorasho ka dhacayso. Muxuu millatarigu sameyn doonaa? Waxay maanta sheegeen inay muddo toddobaad ah kaga jawaabi doonaan baaqa ah in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah, iyagoo xusay in laga yaabo inay door bidaan xukuumad isku dhaf ah. Sidey arrinta ku bilaabatay? Bishii December 2018, dowladda ayaa isku dayday inay wax ka qabato xaaladda dhaqaale ee dalkaas oo sii xumaaneysay iyadoo soo rogtay talaabooyin adag. Dhimis ay dowladdu ku sameysay lacagihii ku bixi jiray rootiga iyo shidaalka ayaa sababay mudaaharaadyo bariga dalkaasi ka bilowday oo looga cabanayo maciishadda, balse dibadbaxyada ayaa ku sii fiday magaalada Khartuum. Dibadbaxyada ayaa si degdeg ah isugu beddelay dalabaad ku aaddan in meesha laga saaro Cumar al-Bashiir, oo muddo 30 sano ku dhowaad xukumayay Suudaan. Milatariga Suudaan ayaa Mr Bashir xilka ka qaaday 11-kii April, balse dibadbaxayaasha ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan bannaanbaxyada ilaa laga dhiso dowlad rayid ah. Source
-
(SLT-Iran)-Hoggaamiyaha Sare ee dalkaasi, Aayatullaahi Cali Khamanii ayaa waxa uu Jeneral Xueen Salami u magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan, kaasi oo bedeli doona Taliyihii hore, Jeneral Maxamed Cali Jacfari o oxilkaasi hayey tan iyo bishi iSeptember ee sannadkii 2007-dii. Taliyaha Cuusb oo 59-jir ah waxa u ubishii Janaayo sheegeen inay Israel ka tirtiri doonaan Maabka Siyaasadeed ee Caalamka. Magacaabistiisa ayaa timid, iyadoo uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump sheegay bishan 8-dii inuu Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan u aqoonsaday Urur Argagixiso, halka ay Dowladda Iiraan sheegtay inay Taliska Ciiddanka Dhexe ee Maraykanka iyo dowladda Mraaykanka u aqoonsanayaan inay maalgeliyaan Kooxaha Argagixisadda ee Caalamka. Source
-
(SLT-Ukraine)-Majaajilesyta caan ka ah dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynanimada ee ka dhacday dalkaasi. Codadka doorashada wareegga labaad ee la tiriyey dadka codkooda dhiibtay 75% waxay codkooda siiyeen Mr Volodymyr Zelensky. Wareegga koobaad ee doorashada waxaa cod bixinta doorashada madaxweynanimada ku hoggaaminayey Mr Volodymyr isaga oo hoggaanka u hayey 39 musharrax. Mr Zelensky wuxuu loollan adag uu la galay madaxweynaha hadda haya xilka dalka Ukraine Petro Poroshenko. Madaxweynaha Ukraine wuxuu awood u leeyahay iney hoos yimaaddaan ammaanka, gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda wixi la xidhiidha. Mr Zelensky wuxuu taageerayaashiisa uu u sheegay ‘inuusan weligii illaawi doonin’. Mr Zelensky wuxuu xilka madaxweynanimada marka loo dhaariyo uu hayn doonaa muddo shan sana ah. Mr Poroshenko oo 2014-tii xilka madaxtinimada loo doortay wuxuu cod bixinta doorashada ee wareegga labaad oo kama dambeysta ahaa uu ka helay 25% oo keli ah. Mr Petro oo ah nin maalqabeen ah waxaa xilka loo doortay marki ay meesha ka baxday dowladdii gacan saarka la lahayd Ruushka. Mr Zelensky oo 41 jir ah oo siyaasadda khibrad badan u lahayn ayaa si lama filaan ah ku noqday madaxweynaha dalka Ukraine. Isaga oo aan lahayn khibrad siyaasadeed haddana xilligi uu ku jiray ololahiisa doorashada wuxuu musharrxiinta kale uu kaga duwanaa barnaamijyada siyaasadeed oo uu soo bandhigayey. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa dib u helay lacago badan oo ka maqnaa, kadib muddo sanad ku dhow. Kenya ayaa cabashooyin badan u gudbisay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub kadib markii ciidamadooda kaga sugan Soomaaliya muddo sanad ah aysan helin mushaaraadkooda. Ku dhawaad 3.7 milyan oo Shilinka Kenya ah ayay heleen ciidamada dowladda Kenya, lacagtaasi oo ka maqneyd tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, waxaana lacagtaasi lagu wareejiyay madaxda dowladda Kenya. Lacagta hadda lagu wareejiyay Kenya ayaa la sheegay inay aheyd lacagta ka maqneyd ciidamada 7 Bilood, sida saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ay sheegeen. Kenya ayaa marar badan walaac ka muujisay dhaqaalaha ka maqnaa ciidamadooda iyo dhaqaalo xumada ciidamada Kenya ku heysta dalka Soomaaliya, waxaana ay cabashadooda u gudbiyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Midowga Europe ayaa bixiya Lacagata ugu badan ee uu ku shaqeeyo Howlgalka AMISOM, QM ayaa sidoo kale qayb mug leh ka bixisa qaaraanka AMISOM ay uga howlgasho Soomaaliya. Ciidanka Midowga Africa ee Soomaaliya oo dalka muddo ka badan 10 sano ayaa hela dhaqaale ka badan mida ku baxa Ciidanka Soomaaliya. Qubaradda Amniguna waxay dhiiri galiyaan in Ciidanka Soomaaliya lagu bixiyo Qarashka Howlgalka si ay awood ugu yeeshaan in ay dalka amnigiisa gacanta ku dhigaan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen xaafadda Taleex, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ciidanku howlgalkaan ku qabteen Boqolaal dhallinyaro ah, kuwaasi oo la isugu geeyey ugu dambeyn xarunta degmadaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa dhallinyarada ay soo qabteen u sheegay oo kaliya in amniga la sugayo, iyadoo aanay jirin cid si gaar ah ay ciidanka u wateen. Saacado badan ayeey ciidamada dhallinyaradan haysteen, taasi oo cabasho ay ka keeneen dhallinyarada qaarkood. Ciidanka dowladda ayaa mararka qaar howlgallo Boqolaal qof lagu qabto ka sameeya degmooyinka magaalada Muqdisho, xilli ammaanka magaaladana uu yahay mid aan la isku haley karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaari lagu soo xiray, iyadoona la soo warinayo in uu ka bad baaday qofkii watay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ka agdhawaan meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
-
(SLT-Srilanka)-In kabadan 207 qof ayaa maanta oo Axad ah ku dhintay qaraxyo lala eegtay kaniisaddo iyo hoteello ku yaalla dalka Srilanka. Qaraxyadan waxaa ku dhaawacmay in ka badan 400 oo qof. Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa wakaaladdaha wararka u sheegay in laba ka mida qaraxyada ay fuliyeen dad isa soo miidaamiyay. Saraakiisha ayaa sheegaya in mid ka mid ah kaniisadaha la qarxiyay oo lagu magacaabo Saint Anthony iyo saddexda hotel ee la qarxiyay ay ku yaaleen Colombo oo ah caasimadda Srilanka. Kaniisadaha kale ayaa yaalla magaalada Negombo, oo ka baxsan Colombo, iyo magaalada Zion ee ku taala Batticaloa. Ma jirto cidda ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weeraradan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay si gaar ah Ciidamadu uga fuliyeen xaafadaha Taleex, Xaajo Baasto iyo Siigaale ee degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro. Saraakiil ka tirsan kuwa amniga oo ka hadlay howlgalladan ayaa sheegay in jeedkoodu uu ahaa kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaalada Muqdisho. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda ayaa xoojiyay ammaanka demooyinka gobolka Banaadir, si looga hortago weerarada ka dhaca Caasimadda. View the full article
-
Popular Contributors