-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa muddo ku siman 6-cisho u xidhan xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi. Wariye Coldoon ayaa labo cisho ka hor la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex, iyadoo Ciidankii soo qabtay ku amartay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer, Balse Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta isaguna soo saaray go’aan ah in dacwada ka dhanka ah Coldoon lagu qaado maxkamada gobolka Maroodi-jeex, kadib markii Xeer ilaalintu ku andacootay arrimo la xidhiidha dhinaca amniga. Wiil ay walaalo yihiin Wariye Coldoon oo lagu magacaabo C/raxmaan, ayaa Caasimada Online u sheegay arrinta lagu xidhay wariyaha, wuxuuna yiri “Waxyar ka hor ayaan la hadlay Coldoon isagoo dhakhtarka jooga, wuxuuna ii sheegay in Ciidamadii Maxkamada geyay ay ku oogen dambi ah inuu wax ka sheegay ciidanka Somaliland, kuwaasi oo ku eedeynayey hadal uu qorin oo ku saabsan Saraakiil tiro badan oo isku beela kasoo jeeda”. Wiilkan la dhashay Coldoon oo la hadlayey Shabakada Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegay in Wariyuhu uu beeniyay warar maalmihii udambeeyay la isla dhex-marayey oo sheegayay inay shirqoolen Coldoon, Labadiisi saaxiib ee wada-shaqeyntu ka dhaxeysay. “Waxaan kale oo aan weydiiyey C/maalik in la shirqoolay qabashadiisi, wuxuuna ii sheegay inaan la shirqoolin, saaxiibadiina ay wax lug ku lahayn soo qabashadiisa” ayuu yiri C/raxman Muuse Coldoon. Sidoo kale C/raxman ayaa sheegay inay Xukuumada Muuse Biixi ay ciil badan u qabto Coldoon, kaasi oo ku tilmaamay talaabadan xadhigiisi mid ay Xukuumadu ku aarsaneyso. Si Kastaba, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa markii la horgeeyay Wariye Coldoon sheegay in aan Wariyaha xadhigiisa loo marin sifo sharci oo aysan haysan amar qabasho oo ay kusoo xidheen ciidankii soo qabtay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Magaalada Galdogob 12 October 2018 Degmada Galodob ee gobolka Mudug waxaa xalay fiidkii lagu dilay nin dhalinyara oo ka tirsanaa bahda isboortiga degmadaasi sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Caddaawe Cali Aadan ayaa u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray rasaas uu ku furay nin hubaysan oo aan weli faahfaahin laga hayn sababta uu dilka u geystay. Booliiska degmada Galdogob ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan ninkii dilay marxuumka islamarkaana uu ku socdo baaritaan. PUNTLAND POST The post Dil ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si farshaxanimo ka muuqato u weeraray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka hadlaya muddo kordhin u sheegay in loo sameeynayo Madaxweyne Biixi. Prof Samatar, ayaa ku micneeyay Muddo kordhinta loo sameynayo Madaxweyne Biixi, inay sameystaan dad aan nidaam dhisi aqoon oo uu ku sheegay dad dibu-socoda oo saaqiday. Sidoo kale waxa uu Professorku ka hadlay Golaha Baarlamaanka Somaliland oo muddo xileedkoodii dhamaaday waqti hore, isagoo Arrimahaas ka hadlaya wuxuuna yiri: “Waxaan maqlayey qaar igu leh koley Muuse Biixi waxaa loogu dari 2-sanno, Dad habsaamey oo saaqiday, oo nidaam dhisi aqoon unbaa waxaa sameeya”. Wuxuuna intaas kusoo darey Prof Samatar “Intaan noola maan arag weligay iyo allahay, meelna kuma akhriyin Baarlamaan 9-sanno ay waqtigoogii dhaaftay, Baarlamaankan waxa la doortay 2005 waxayna aheyd inuu dhamaado 2010-kii, waxaana la marayaa 2019 waana 9-sanno, berri hore ayuu khaayisey”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeeybgalaya shir lagaga arrinsanayo xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee haatan ka jira dalkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la kulmi doono madaxda shirkaasi ka qeeybgali doonto. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Masar appeared first on Puntland Post.
-
Ibrahim M Mead Ottawa, Canada Date: April 21, 2019 Somaliland at crossroads -1 In a conflict-ridden horn of Africa, Somaliland is a rare success story. Although the international community has not recognized the independence of this resurrected from the ashes 2nd Republic of Somaliland. Somaliland functions with complete autonomy. Somaliland is a de-facto state for over the last 27years. It has built a functioning democracy and relatively strong institutions of government; this is particularly impressive achievement in comparison to the repeatedly failed Mogadishu-based Somalia administrations. This progress, however, remains fragile, now more than ever. Somaliland’s continued stability is by no means guaranteed. It faces more challenges, both internal and external than ever, which it must overcome if it is to continue its promising development – and if it is to have any chance of receiving the international recognition she deserves which is its ultimate goal. With Municipal and Parliamentary elections overdue, I do not see any serious moves and undertakings to realize that national duties which is to hold the elections on time by the government. It is also the duty of The political parties to facilitate the elections take place by cooperating with the government! It is however the solemn duty of the government to do this task. The role of the government: the government is ‘responsible primarily for making public policy for an entire society. Services and holding elections are their primary duty. Unfortunately both K-1 and K-2 failed that duty dismally. In this circle of failures both the government and the opposition are the clients of this merry-go-round political inconsistencies and failures! The roles of the opposition.. Being in Opposition is not just about opposing the Government. “There are instances the Opposition agrees with the Government. That is when the government is doing the right thing, and then it’s natural for the Opposition to agree with the government. On the other hand, the opposition must expose the other side of the coin that is not shiny which the government otherwise prefers to hide from the public view. This role is vital for protecting the society from the excesses and corruption of power that innately exist wherever executive power resides.. The opposition failed their duty, as the government did her national duty of holding elections and uniting the people. The failure of the government and the opposition created a vacuum: Scavengers are not hovering above any more; they are on the ground already. They want to dismantle the constitution and through that process they want to create unrest and eventually civil war. Unfortunately, they even get receptive ears in some quarters because Somaliland is Divided and the government of the day has failed to address and remedy this problem in the right way.More you see certain activities going on these days in Hargeisa more you worry. It took us to un-dug and got Somaliland out from that grave for over 30 years, and not only that, we paid incredible blood and treasure to do that. In the end we came back home in 1991 by sacrifices and martyrdom of our people. Some people are now digging for Somaliland a mass grave. Somaliland sits on mass graves of her own already. Those who were part of the genocide or were cheerleaders of the dark history of Somaliland are roving around the county and the government may even pay their expenses! As Somaliland is divided now, one has every reason to smell a rat when some bad people came back to Somaliland! These personalities were against S /L most of their lives; however some are newly converted and indeed believe in their country Somaliland, but some are not; even though they say in their mouth what is not in their heart. What they say in their mouth does not correlate to their practice and believes. There is a pervasiveness of dishonesty and misdirection in Mr. Galayd’s so called political “Tabliiq” whatever that means! So BE AWARE SOMALILAND. To avoid that trap and other self-made ones President Musa’s administration must do the following and more forthwith: 1-Mr. Musa must hold the overdue House and Municipal elections with no delay 2-Contact, collect and accommodate and address the issues which alienated some communities 3-Resolve Hassan Dalab family land issue as soon as possible 4- Establish grownup counsel of advisors which the president utilizes in difficult times and in all times. 5- Revisit your government and Ministries of Finance and Interior must be part of the solution Absent of the above five point advice will render Somaliland to failure and we do not want Somaliland to fail. However peace and prayers Ibrahim M Mead Meadgd@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gunaanaday shir ay lahaayeen madaxda xisbiyada dalka ka jira ee kasoo horjeeda siyaaasdda dowladda federaalka ah. Shirkan ayaa waxaal laga soo saaray War-murtiyeed ku socday Dowladda uu horkacayo Madaxweyn Farmaajo, iyadoo qodobbada kasoo baxay shirkan ay ka mid tahay in la bedelo xukuumadda hadda jirta oo lagu eedeeyay inay ka soo bixi waday wixii loo igmaday. Xildhibaanada labada Aqal Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda kasoo saareen Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob,kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ah ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga, wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada, wadahadalladii Somalia iyo Soomaaliland, iyagoo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Ugu dmabeyn, Waxaa kulankan ka qayb-galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin; hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Warsame, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DF, Cabdi Faarax Siciid [Juxa], Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], Wasiirkii hore ee waxbarashada Somalia C/nuur Sheekh Maxamed iyo xubno kale. AKHRISO: Qodobbadii kasoo baxay shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/04/DHAGEYSO_War-mutiyeed_Mucaaradka_DF.mp3 PUNTLAND POST The post Xisbiyada Mucaaradka ah oo War-murtiyeed ka soo saaray kulankii ay ku yeesheen Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay sawir baraha bulshadu ay ku xiriirto qabsaday maalmihii ugu dambeeyay, kaasoo dad badan ay aad uga caroodeen. Sawirka ayaa muujinayay askari ka tirsan ciidamada booliska AMISOM oo cabiraya ruux dumar ah oo la sheegay in loo diyaarinayay ka mid noqoshada ciidamada booliiska ee HirShabelle. Askariga sawirka ka muuqday ayaa muuqaalkiisa waxaa uu shabahay ruux lab ah iyadoo gabadha Soomaaliyeed oo xiran xijaabna laga cabirayay qaybta hore ee jirkeeda, gaar ahaan laabta. Sidoo kale, Arrintan ayaa ka dhex-dhalisay dood badan shacabka isticmaala baraha bulshada inkastoo dadka badankii ay fahmeen in qofka wax cabiraya ay ahayd ruux dumar ah. Laakiinse, Qoraal ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay in qofka wax cabiraya ay ahayd qof dumar ah oo ka mid ah booliiska ka socda dalka Zimbabwe oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika. “Sarkaalka Booliiska AMISOM ka tirsan ee cabirka ka qaaday gabadha la ciidamaynayo ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal Rag ah inuu taabto haween Somaali ah,” oo lasoo dhigay Twitter-ka AMISOM. Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa hore loogu eedeeyay inay ka geysteen dalka Soomaaliya falal ka baxsan anshaxa. PUNTLAND POST The post AMISOM oo jawaab ka bixisay Sawir Maalmihii u dambeeyay Qabsaday Baraha Bulshadu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo geba-gaboobay, isla markaana Warmurtiyeed laga soo saarey shir ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Xisbiyo iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dalbaday in lasoo dhiso xukuumad cusub. Xildhibaanada labada Aqal Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda kasoo saareen Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob, kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya. Qodobada ay dowladda ku eedeeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa inay ku fashilantay amniga, wadashaqeynta dowlad goboleedyada, wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyaga oo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay Siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Marka laga soo tago eedeymaha ay u jeediyeen dowladda, qodobka ugu weyn ee shirkan kasoo baxay ayaa ah in ka qeyb-galayaasha ay madaxweynaha ka dalbadeen taliyey inuu soo dhiso xukuumad cusub oo meesha ka saaro xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay sheegeen inay fashilantay. Kulankaas waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin caan ka ah dalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur , Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur. Hoos ka aqriso qodobada shirka SHIRKA XISBIYADA & SIYAASIYIINTA SOOMAALIYA NAIROBI, 22 APRIL 2019 Maanta oo taariikhdu ay tahay 22ka Abril 2019, waxaa lagu qabtay shir ay ka soo qayb galeen hogaamiyayaasha qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed, xildhibaanno, siyaasiyiin kale, waxgarad & aqoonyahan magaalada Nairobi, kadib markii ay xukuumaddu diiday in shirar madaxbanaan lagu qabto Caasimada Muqdisho, iyadoo cadaaweysatay xoogagga siyaasadeed ee ka fikirka duwan. Sababta ugu weyn ee kulanka loo qabtay ayaa ahayd walaac laga qabo halista soo food-saartay geedi-socdka dhisamaha dawladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya ee ka soo bilaabatey Carta sanadkii 2000. Ka soo qayb galayaashu waxay ka doodeen xaaladda dalka ee faraha ka sii baxaysa oo ay ugu weyn yihiin qodobada soo socda: ARRIMAHA AMNIGA Ka soo qaybgalayaashu waxay hoosta ka xariiqeen in Xukuumaddu ku fashilantay sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan nabadgelyada caasimadda. Waxay kaloo Xukuumaddu ka mira-dhalin waysay hirgelinta heshiisyadii amni ee ay wada galeen dawladda Federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada, iyadoo muddo sanad ah aysan kulan yeelan Golahii Amniga Qaranka. Waxay xukuumadu mudnaanta ka leexisay la dagalaanka argagaxisada Alshabaab, iyadoo xooga isugu geysay caburinta, cadaadinta iyo cagajugleynta muwadiniinta ka aragtida duwan halkii ay kasban lahayd shacabka, ayey taa bedelkeeda si ula kac ah xukuumaddu qaaday talaabooyin kala fogaynaya xukuumadda iyo shacabka sida; xirista waddooyinkii, xannibaadda dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka bulshada, raafka joogtada oo dhalinyarada lagula kaco, iyo caburinta xoogsatada iyo danyarta. Tani waxay fursad siisay in kooxaha aragagexisada ahi xoogaystaan, fursadna u helaan in ay caasimadda iyo deegaanada kale ee dalka isku ballaariyaan. TALO-WADAAG, FEDERAALKA, DASTUURKA & DOORASHOOYINKA Waxay ka soo qaybgalayaashu walaac ka muujiyeen isku milanka hay’adaha (Fulinta, Sharci dejinta, iyo Garsoorka) kuwaasoo galey gacanta dad tira yar oo si joogta ah ugu takrifala. Waxay kaloo walaac ay ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada, Iyo wadada mugdiga ah ee lagu wado hawlaha dib u eegsita dastuurka, iyo doorashooyinka dalka. Talo la’aanta siyaasadeed, daciifinta hay’adaha Dastuuriga ah, daahfurnaanta la’aanta geedi socodka hawlaha dhamaystirka Dastuurka iyo doorashooyinka waxay cabsi geliyeen shacanka iyo saamilayda siyaasadeed ee dalka, iyadoo markii ugu horaysay ay halis gashay geedi socodkii dhismaha dawladnimada iyo nabadaynta Soomaaliya ee Carta ka soo bilawday sanadkii 2000. JAHWAREERKA SIYAASADDA ARRIMAHA DEBEDDA Ka soo qaybgalayaashu waxay walaac ka muujiyeen in aysan xukuumaddu lahayn siyaasad arrimo dibadeed oo deggan, iyadoo fudayd iyo fiirsi la’aan siyaasadeed ku maaraysa siyaasadaha halista gelin kara jiritaan qaranka, midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed. Waxay kaloo walaac ka muujiyeen heshiisyada mugdiga lagu gelayo ee taabanaya maslaxada qaranka iyo masiirka ummadda. WADAHADALKA SOMALILAND & MAQAAMKA MUQDISHO Waxay ka soo qaybgalayaashu dareen ka muujiyeen in mudo labo sano ka badan aysan xukuumaddu bilaabin wadahadaladii dawladda Federaalka ah iyo Soomaliland, taas bedelkeedana ay dhiillo iyo xasaasiyad kicin kula dhaqanto Somaliland. Waxay kaloo walaac ka muujiyeen cadaadiska joogta ah ee ay xukuumadu ku hayso shacabka Muqdisho, iyadoo hor istaagtay daddaal kasta oo lagu baadi goobayo maqaamka Muqdisho. XUQUUQDA MUWAADINKA Waxay ka soo qaybgalayaashu walaac ka muujiyeen caburinta & cadaadinta lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho. Hoggaanka dawladdu wuxuu iska indhatiray dhibaatooyinka shacabka Muqdisho la dulsaaray oo u baahan hiil dawladeed, Haddaba, waxay cabsi ka muujiyeen in cadaadiska iyo culayska shacabka oo sii socda uu keeni karo kacdoon shacab oo horseedi kara qas & fowdo, dalkuna mar kale uusan xamili karin GUNAANAD Waxaa ka soo qaybgalayaasha u muuqata in labadii sano ee la soo dhaafay in wixii horay u dhisnaa aan waxba lagu biirin, balse wax loo dhimay. Mana muuqata saasaan muujinaya isbedel dhinaca aragtida iyo ficilkaba ah kaasoo lagu saxayo khaladaadkii labadii sano. Sidaas darteed waxay kasoo qaybgalayaashu ku baaqayaan: 1. In hoggaanka dalku uu la yimaado talo dalka iyo dadka lagu badbaadinayo, lana helo Xukuumad kasban karta kalsoonida shacabka & xoogagga siyaasadeed ee dalka ka jira, si loo dhamaystiro hawlaha masiiriga ah ee horyaala qaranka sida xasilinta dalka, dib u eegista dastuurka, qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo xiligeeda ku dhacda, iyada oo aan la aqbli karin wax muddo kororsi ah. 2. Haddii ay madaxda dalku maqli waydo baaqyada tala soo jeedinta waxaan ku baaqaynaa in saamilayda siyaasadeed ay isugu yimaadaan dalka gudihiisa shir Qaran bisha Juun 2019, si dalka iyo dadka loo badbaadiyo 3. Beesha caalamka oo aan beryahan u muuqanin in ay daacad ka yihiin siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu baaqaynaa in ay mudnaanta siiyaan hawlaha lafdhabarka u ah nabadaynta iyo dhisamaha dawladda Soomaaliya, kana waantoobaan hoosaasinta ay ku hayaan shacabka.
-
(SLT-London)-Cabdiraxmaan Cabdillaahi Maxamed oo 42 jir ah ayaa la soo taagay Maxkamadda Old Baily ee magaalada London, isagoo lagu soo oogay inuu Kombiyuutarkiisa ku soo degsaday ama ku soo download-gareystay Xeeladaha dagaal ee Kooxda Daacish iyo weeraradda ay Mindiyaha u adeegsadaan iyo inuu sheegay inuu jecel yahay Daacish. Eedeysanaha oo ku nool Deegaanka Northolt ee Galbeedka London waxaa la sheegay in sannadkii 2017-kii lagu qabtay Dukumentiyo la sehegay inay waxtar u leeyihiin shaqsi isku diyaarinaya inuu geysto weerar Argagixiso, waa sida ay Dacwad-oogayaasha u sheegeen Maxkamadda. Garsoore Philip Katz waxa uu fasiray inuu Eedeysanaha danaynayey Dhaqdhaqaaqyadda Kooxda Daacish ee gudaha somalia, taasi oo la micno ah inuu garwaaqsaday inuu naftiisa khatar geliyo. Garsooraha waxa kale oo uu sheegay inuu Eedeysanaha sii waday inuu soo degsado Muuqaallaadda Kooxda Daacish iyo Wargeyskooda Rumiyah magazine. Mar sii horreysay, Dacwaad-ooge Kelly Brocklehurst waxa uu tilmaamay inay Sarakaiisha Boliska baareen guriga Eedeysanaha bishii July 21-dii ee sannadkii 2017-kii, kana soo heleen 2 Laptop, hal Mobayl nooca Samsung Galaxy iyo Xusuus-kaydiyaha USB Memory Stick. Dacwad-oogaha waxa kale oo uu Maxkamadda ka hor sheegay in qaar ka mid ah Muuqaalladad Video-ga ka koobnaayeen qoor-goyn, maydad iyo dad la tooganayey. Ugu dambeyntii, Garsooraha Maxkamadda Old Bailey waxa uu Eedeysanaha, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Maxamed oo Aabe u ah 2 carruur ku xukumay 15 bilood oo xabsi ah, wuxuuna cafis dalban kara marka uu dhamaysto kala-bar muddada lagu xukumay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka socday abaabulka ay sameynayeen xubnaha ugu badan ee xisbiyada, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Labo arin ayaa loo sababeynayaa in xubnaha ugu badan mucaaradka dowladda Soomaaliya inay ku shiraan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kulamadooda ay qalqal geliyaan hogaanka dalka. Arinta Koowaad ee loo sababeynayo ayaa ah in xubnaha mucaaradka lagu caburiyay magaalada Muqdisho, iyadoo hoteelo badan oo ay ku shiri lahaayeen lagu wargeliyay in xubnaha mucaaradka aysan shirar ku qabsan karin. Xubnahaan oo kala aragti duwanaa ayaa isku baheystay magaalada Nairobi oo ay u arkeen inay tahay halka ay ku yeelan karaan shirar kala duwan, islamarkaana ay ugu midoobi karaan hogaanka dowladda Soomaaliya. Arinta labaad ayaa lagu sheegayaa inay tahay Khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo fursad u noqday xubnaha mucaaradka, waxaana Kenya markii hore dalkeeda u diidi jirtay xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya,balse hadda taasi ma jirto. DOwladda Soomaaliya ayaa cadaadis badan saartay xubnaha mucaaradka, taasina waxay keentay inay meel ka baxsan magaalada Muqdisho ay ku shiraan, iyaga oo culees saaraya dowladda. Kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa abuuray walaac badan oo hogaanka dowladda ah. Waxaa kulamadaasi ka horeeyay kulamo kale oo madaxda maamul goboleedyada ku yeelanayeen magaalada Nairobi, waxaana sidoo kale ay kulamo la qaateen madaxda beesha caalamka. Xubnaha mucaaradka iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada ee ku shiraya magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowladda, maadaama wali aan la cadeyn hanaanka doorashada dalka ay noqoneyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qormadeydan aadka u koobani ma ahan qiimeyn siyaasadda Dowladda. Mana ahan xataa qiimeyn khudbadda uu Madaxweynuhu shalay jeediyay oo dhan. Waa isku day aan weyneyso dul joojinayo muhiimad iiga dhex muuqatay khudbadda. Waa sida uu u wajahay mid ka mid ah mowduucyada uu khudbaddiisa ku soo qaatay. Waa mowduuc ay maskaxdeydu ka fekerto habeen iyo maalin kasta. Waa mowduuca sidii xal looga xoroobi lahaa qaraxyada, weerarrada iyo dakanada u dhexeysa Shabaab iyo Dowladda iyo shacabka oo ku dhammaaday. Waa arrinta cuuryaamineysa Dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka dalka ee dhan kastaba. Madaxweynuhu isaga oo la hadlaya culimmo Soomaaliyeed, kuna tilmaamay in ay yihiin indhaha Ummadda, ayuu u sheegay kaalin u bannaan. Wuxuu qiray Madaxweynuhu in dagaalka Shabaab iyo Dowladda ay labada dhinacba ku dhimanayaan dad Soomaali ah. Shabaab in dhallinyaro badan laga laayay ayuu sheegay. Wuxuu dhallinyaradaa la laayay uu ku tilmaamay in ay yihiin wiilasheennii. Wuxuu ku daray in iyaguna ay dileen dad badan oo isugu jira dhallinyaro uu iyagana ku tilmaamay wiilasheenna, hooyooyin, carruur iyo hal-door Soomaaliyeed. Wuxuu is weydiiyay Madaxweynuhu, “yaan u faa’iideynay marka?” Wuxuu ku datay “yeey u faa’iideeyeen [Shabaabku]?” Su’aasha ugua wanaagsan ee uu Madaxweynuhu is weydiiyay waxay ahayd,Ilaa goorma ayaan ku jireynaa xaaladdaas? Wuxuu ku tilmaamay in uu soo dhoweynayo haddii ay suurta-gal, waa Culimmadee, ay dhexdhexaadin karaan Dowladda iyo Shabaab. Waxaan rajeynayaa in Madaxweynaha ay ka tahay siyaasad cusub oo ay Dowladdu qaadatay. Oo ku saleysan daraasad wadata baaris iyo lafa-gur, laga baaraan degay, gooreysan, miisaaniyaddeeda leh, aan lala daahin ku dhaqaaqiddeeda, daba-gal iyo dhammaystirna leh si looga miro dhaliyo. Maaddaama halista amni ee ugu weyn ay hadda ka taagan tahay Shabaab, isla markaana sida uu qiray ay Soomaali badani labada dhinacba ku dhammaadeen, waxaan qabaa in hadalka Madaxweynuhu aanuu ku dhex lumin khudbadihiisa kale. Waxay ila tahay hadalkani uu mudan yahay in si gooni ah dhug loogu lahaado, in la taageero, qofkii awoodaana uu talo iyo gacanba ka geysto in dagaalka Shabaab lagu xalliyo hab aan ahayn xabbad iyo dayaarad xambaarsan keliya gantaallo iyo ama bambaanooyin. Ayada oo aan ognahay in weerarkaas hordhaca ama Jawaabtu ay tahay Qarax caasimadda ka dhaca oo aan dadka loo kala aabbayeelin iyo isu socodka gobollada dalka iyo xataa caasimadda dhexdeeda oo ma-jire ku negaada. Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay maaddaama uu Madaxweynuhu isla khudbaddaas uga cawday siyaasiyiinta qaar, uu isagu ku tilmaamay in ay geedka ka jarayaan jirridda in aan culimmada lagu koobin dhexdhexaadinta Dowladda iyo Shabaab. Siyaasiyiinta ay Dowladda is diiddan yihiin, sababtu wax kasta ha ahaatee, waa dad aan Dowladda hub u sidan qaarkoodna ay qayb ka yihiin heykalka Dowladeed. Waxaa tijaabo noqon karta in culimmadu ay gacan ka geystaan isfahamsiinta siyaasiyiinta aan hubka isu sidan, si khibradda laga helo wadahadlkaas iyo niyad kabashada ka dhalataa ay waddada ugu xaarto in kuwa qoryaha iyo banbaanooyinka isu sita la heshiisiinyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku joogay caasimadda Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO khudbadii Madaxweynaha Source
-
(SLT-Khartoum)-Muwaadiniinta reer Suudaan ee Magaalada Khartuum ka sii wada Dibed-baxyada ay ku dalbanayaan in Milletarigu uu Xukunka ku wareejiyo Rayidka ayaa farriin u diray Dawladaha Khaliijka Carabta. Dibed-baxayaasha ayaa Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ugu baaqay in aanay deeq Lacageed ah siinin Suudaan isla-markaana ay haystaan Lacagtooda, Maalin ka dib markii Dawladaha Hodanka ku ah Saliidda ee Imaaraadka iyo Sucuudigu ku dhawaaqeen inay Suudaan ugu deeqayaan 3 Bilyan oo Dollar. Dibed-baxayaasha Suudaan oo weli hor-fadhiya Xarunta Wasaaradda Difaaca ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay Lacag deeq ah siinayaan Suudaan, waxay ku bilaabeen inay ku heesaan oo ay yidhaahdaan “Ma Rabno Taageerada Sucuudiga..” ayay ku heeseen Dibed-baxayaasha reer Suudaan. Dibed-baxayaashu waxay shaki ka muujiyeen in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay doonayaan inay Maamulaan Suudaan, iyagoo u soo maraya Taageerada Lacagta “Waxay u ololaynayaan Lacag, si ay iskugu dayaan inay Maamulaan Suudaan..” ayuu yidhi, Adil Gasem Alseed oo la hadlay Telefiishanka Al-jazeera oo Horn Cable ka soo xigtay, waxaanu intaa ku daray “Waanu haysanaa khayraad nagu filan. Dib baanu u dhisan karnaa Dalkayaga iyaga la’aantooda (Sucuudiga iyo Imaaraadka), sidaa darteed waxaanu leenahay, Waad Mahadsan tihiin, fadlan Lacagtiina haysta..” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku joogay caasimadda Hargeysa. Hadhimadan uu madaxweynuhu ku maamuusay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Badhan iyo Sanaag Bari oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo waxgaradka kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan. Xubno kamid ah waxgaradka iyo salaadiinta kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadceliyey sida fiican ee uu u qaabilay, waxana ay shaaca ka qaadeen inay diyaar u yihiin sidii ay xukuumadda uga shaqayn lahaayeen hirgelinta dhammaanba wixii adeeg dawladeed ah ee deegaannadaasi u baahan yihiin. Suldaan Maxamed Cabdilaahi Cartan oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda bariga gobolka Sanaag iyo Badhan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay madax-dhaqameed ahaan qaybtooda uga qaadan lahaayeen hirgelinta mashaariicda xukuumaddu deegaannadaas ugu talo-gashay iyo is-fahamsiinta bulshada halkaas ku dhaqan iyo xukuumadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxannu madaxweynaha u caddaynaynay inaannu diyaar u nahay inaannu dawladda kala shaqaynno wixii horumarin ah ee deegaankaas ku saabsani sidii ay u suuroobi lahayd ee ay dawladda iyo shacabkaasi u wada-shaqayn lahaayeen, loona dardargelin lahaa is-fahanka dawladda iyo shacabka, waxana aannu rajaynaynaa inay arrimahaasi dhammaan hirgeli doonaan, dadka dhulkaas deggenina ay gobollada kale lasoo sinmi doonaan, gacanta dawladduna gaadhi doonto, baahiyahooda iyo meelaha ugu daranna warbixintooda waannu dhiibnay, dawladduna way garowsatay, waxana ay ballan qaadday inay si rasmi ah wax uga qaban doonto.” Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna soo dhaweeyey waxgaradka iyo madax-dhaqameedka kasoo jeeda Bariga Sanaag iyo Badhan ee gobollada galbeedka dalka soo gaadhay, waxana uu usoo jeediyey inay qayb ka noqdaan horumarka iyo dal-dhiska ka socda guud ahaanba dalka Somaliland. Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha guurtida xildhibaan Siciid Jaamac Cali, ayaa hoosta ka xarriiqay in cuqaasha iyo waxgaradka bariga Sanaag iyo gobolka Badhan ay yimaaddeen dalkoodii, sida habsamida leh ee uu madaxweynuhu usoo dhaweeyeyna ay marag ka tahay jacaylka ka dhexeeya guud ahaanba bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya magaca golaha guurtida, magaca guddoomiyaha iyo xildhibaannadaba waxa aan halkan kusoo dhaweynayaa weftiga ka yimi gobollada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan, waxad timaaddeen dhulkiinniiye maydaan imannin dhul ajanabi ah, sida la idiin soo dhaweeyey iyo sida la idiin ixtiraamay waa Somaliland-nimada, dalku waa dalkiinii, xukuumadduna waa xukuumaddiinii, madaxweynuhuna waa madaxweynihiinnii, waanan uga mahad-celinayaa madaxweynaha sida fiican ee sharafta leh ee uu idiin qaabilay ee uu idiin soo dhaweeyey.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo taabanaya ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey salaadiinta, boqorrada iyo waxgaradka Sanaag Bari iyo Badhan kasoo jeeda ee Caasimadda soo gaadhay, waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay dhegaysiga tabashooyinka ay qabaan iyo xal u raadintoodaba. Madaxweynuhu waxa uu talada iyo aqoonta taalla gobollada ay waxgaradkani kasoo jeedaan ay Somaliland oo dhammi u baahan tahay oo aan laga maarmi Karin, “Weftiga ka yimi bariga Sanaag waannu soo dhaweynaynaa, waxannu usoo dhaweynaynaa waa qayb kamid ah Somaliland oo aannu muddo kala maqnayn oo Ilaahay Maanta isu kaaya keenay, Somaliland-na maanta waxa ay u baahan tahay taladiinna, maskaxdiinna, waxtarkiinna, aqoontiinna iyo baayac-mushtarkiinna, waayo deegaanka aad ka timmaadeen Soomaalida oo dhan wuu ka tilmaaman yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi mar uu ka hadlayey ujeeddada kulanka uu la qaatay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa waxa uu yidhi, “Dawladnimo aynnu wada-dhisanno baan idiinku yeedhay, waxa aynnu haysanno oo dhexdaas inoo yaalla ayeynu ka dhigannay, walaalow adigaa leh iyo cun iyo cun baynnu ku wada-hadalnay.” Madaxweynuhu waxa uu sharraxay muhiimadda ay nabaddu leedahay iyo sida ay furaha nolosha muhiimka ugu tahay, isaga oo waxgaradka reer Sanaagna ka codsaday inay nabadda ku mintidaan, Dalku wuxuu u kala horumaray siday nabadda ugu kala horreeyeen, mar baana jirtay ay hay’aduhu Awdal oo qudha degi jireen, mar baa jirtey ay Hargeysa soo gaadheen dhawr sano ka bacdi, sidaasi si le’eg marba halkii nabad noqota ayaa dadkuna xoolahooda iyo dadkoodaba ku aaminayaan, markaa waxa aynnu u baahannahay inaynnu labada gacmoodba nabadda isugu geynno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay ciidamo cutubyo katirsan ciidamada qaranka oo dhawaan gaadhay degmada Yubbe, isaga oo tilmaamay in ujeeddadoodu tahay kala ilaalinta bulshada iyo difaaca cadowga, waxana uu yidhi, “Ciidamada Yubbe joogaa gobolka aad odayaasha ka tihiin bay nabadgelyadiisa u joogaan, nabadgelyada dadka ayey sugayaan iyo inay dadkana kala ilaaliyaan, cadowgana idinka ilaaliyaan, innaguna iskuma soo duuli karno oo xoog iskuma muquunin karno.” Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulamada oo isugu jiray kuwo guud iyo mid gaar ah ayaa waxay Madaxda Maamul goboleedyada kala hadleen arrimo kala duwan oo la xiriira taageerada Beesha Caalamka, siyaasadda iyo khilaafka xilligan ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hakad geliyay wada shaqeyntii labada dhinac. Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah. In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada. Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay. Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in dawladda Soomaaliya ay haysato caqabodo badan oo ay kaw ka tahay midda Al Shabaab. Isagoo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo Shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato faragelin shisheeye. “Dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la bedelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Inkastoo Madaxweynuhu aanu cidna si gaar ah uga carabaabin, hadana hadalkiisa waxaa laga dareemayay inay jawaab u yihiin dhaq dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi, halkaasoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula shirsan yihiin Beesha Caalamka, sidoo kalena siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadda ayaa iyana shir ku leh Nairobi. Maamul Goboleedyada maku saxan yihiin go’aankaas? “Maamul goboleedyadu waxay rabaan in ay la kulmaan beesha caalamla, iyaguna wada shawraan, Soomaalida tusaan in iyaga iyo xukuumadda faderaal ah aysan isku fiicnayn,” ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare Jaamacadeed oo aad ugu dhuun duleela arrimahan oo la hadlay Idaacadda BBC Ibraahim Bursaliid Wuxuu sii raaciyey “Maamul goboleedyada sida ay wax u rabaan in ay u helaan macnaheedu ma aha in sida ugu habboon ay tahay, iyagana waxaa ku fiicnaan lahaa hal jamhuuriyad, hal hannaan dawladnimo iyo hal dhaqan siyaasadeed oo Soomaalidu ay wada leedahay,” Wuxuu kusii daray “Haddii ay noqoto in isbarbaryaac uu yimaaddo oo xukuumadda oo aan la marin calaaqaad toos ah lala furo waxay aflagaaddo ku tahay gobannimada iyo qarannimada.” Maxaa laga rabaa Maamul Goboleedyada? Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare Jaamacadeed oo aad ugu dhuun duleela arrimahan ayaa BBC u sheegay inay waajib ku tahay Maamul Goboleedyada inay la fadhiistaan Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ibraahim ayaa Dowladda Dhexe ugu baaqay inay isku daydo in ay raadiso Maamul Goboleedyada isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo si walaaltinimo ah iyadoo xoogga la saarayo in la qanciyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Mar uu la hadlayey Maamul Goboleedyada ayuu ugu baaqay inay qirtaan in waxa ay sameenayaan ay tahay khalad istaraatiiji ah oo ay ka galayaan qaranka loona baahan yahay inay kasoo noqdaan habka ku dhisan isbarbaryaaca. Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi taasoo haddii ay dhab tahay keeni karto khilaaf midkaan kasoo xoog badan oo dhexmaro Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
G. maxkamadda Abukar Cabdinur Jaamac Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta xukun ku ridday, sarkaal ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu helay musuq maasuq. Cawaale Maxamuud Sheikh, oo ka tirsanaa waaxda dakhliga wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ee degmada Carmo, ayaa lagu xukumay 4 sano xabsi ah iyo $500 (shan boqol oo Dollar) oo ganaax ah, kadib markii lagu helay, hanti-lunsasho iyo adeegsiga waraaqo been- abuura, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, Abukar Cabdinuur Jaamac. Sidoo kale, Cawaale ayaa lagu xukumay in uu bixiyo lacag dhan $2751 (labo kun todobo boqol konton iyo kow Doolar) oo maxkamaddu ku sheegtay, xatooyo xoola dadweyne oo uu lunsaday, isagoo adeegsanaya waraaqo been-abuura. Guddoomiyaha maxkamadda, Abukar Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in mas’uulkan uu qirtay dhammaan denbiyada lagu eedeeyay, sidaasi darteedna uu ku mutay xukunka, balse uu rafcaan ka qaadan karo mudda 30 cisha. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Boosaaso: Sarkaal lagu helay musuq maasuq oo xukun lagu riday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-AMISOM ayaa ka jawaabtay Sawir Buuq badan ka abuuray Baraha bulshada kaasi oo muujinayay Qof ka tirsan AMISOM oo cabiraya Gabar loo diyaarinayay ka mid noqoshada Police-ka Hirshabeelle. Sawirka ayaa ahaa gabar Soomaaliyeed oo kamid noqoneysay booliska ciidamada Hirshabeelle oo cabir xaga jirkeeda ah lagu sameynayay, waxaana Soomaalida aad ugu falanqeeyeen barta Facebook. Taliska AMISOM ayaa sheegay in Gabadha Somaaliyeed waxa cabiraya inay tahay Gabar kale oo u dhalatay dalka Zimbabwe, balse dadka Soomaaliyeed ay u maleeyeen in qof rag ah uu yahay. Qoraal ka soo dhigay barta Twetterka ee AMISOM ayaa lagu yiri “ Fadlan ogaada sarkaalka Booliiska ee AMISOM ee cabirka ka qaaday gabdha la qorayo (la ciidamaynayo) ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliiska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal lab (Rag) ah inuu taabto haween Somaali ah”. Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ayaa tababaro siiya ciidanka Booliska iyo Maamul goboleedyada dalka qaarkood. Arintaan ayaana qabsatay baraha Bulshada Saacadihii ugu dambeeyay, taasi oo keentay in ugu dambeyn AMISOM ay ka hadasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in ciidamada amniga ay [...] Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay dalka Masar appeared first on Puntland Post.
-
A high-level delegation headed by Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Monday for Cairo, Egypt’s capital. The president who is accompanied by top government officials is expected to hold talks with his Egyptian counterpart Abdel Fattah Saeed Hussein Khalil El-Sisi in Cairo. It’s yet unclear the reason behind the president’s trip to Egypt. Somalia maintains close historic ties with Egypt. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors