Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,283
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay shirkii magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen xubnaha ugu badan ee mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Magaalada Nairobi waxaa xubnaha ku shiray ay ka koobnaayeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee dalka, shirkaas oo ay kasoo sareen qodobo ay ku dhaliilayeen dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xubnaha ku shiray magaalada Nairobi inaysan ku fogaan mucaaradnimada. Wuxuu wasiirka sheegay in xubnaha mucaaradka looga baahan yahay inaysan orodka ka badin mucaaradnimadooda, haddii aysan ka tanaasuleyn, maadaama sida uu sheegay ay wadaan isku soo dhawaansho shacabka Soomaaliyeed ah. Daahir Geelle, ayaa ugu baaqay mucaaradka hanka siyaasadeed leh inay la fariistaan dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku baaqayo in la fiiriyo danta ummadda Soomaaliyeed oo muddo badan dhibaatooyin kala duwan ku jirto. Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee ku shiray Nairobi ayaa qodobadii ay oo saareen waxaa ka mid ahaa inay qabsan doonaan shirweyne ay ku doonayaan inay kusoo dhisaan xukuumad Cusub ,iyaga oo ku eedeeyey Xukuumadda Soomaaliya inay fashilantay,waxaana badi ay ahaayeen kuwo xilal kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Warfaafinta. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Wasiir-Daahir-Geelle.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa lagu eedeeyay in uu Musuq Maasuq xoog leh uu kawada Wasaaradda waxaana qayla dhaan xoog leh muujinaya dhalinayaro muddo kabadan 2 sano ka shaqaynaya Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Qaar kamid ah dhalinyaradaan oo ka shaqeeya Wasaaradda Gaadiidka ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiirka dad badan oo qaraabadiisa ah uu ka shaqaalaysiiyay hey’adaha kala ah, ICAO, SCAMA iyo FAVORI LLC isagoo geeyay dad badan 20 qof oo ah dhalinyaro qaraabadiisa ah. Wasiir Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa la sheegay in uu shan qof ka shaqaalaysiiyay hey’adda ICAO, halka 5 qof oo kale uu ka shaqaalaysiiyay SCAMA iyo 12 qof oo uu ka shaqaalaysiiyay Shirkadda Turkiga ah ee Garoonka maamusha taas oo lagu magacaabo FAVORI LLC. Wadarta dadka uu shaqaalaysiiyay bilooyinkii la soo dhaafay ayaa ah 22 qof oo dhamaantood ka soo jeedo hal beel oo qoyskiisa ah. Qaar kamid ah dhalinyarada la shaqaalaysiiya ayaa laga keenay degaano ay ku badan yihiin beesha wasiirka. Dhalinyaro ka badan Sodomeeyo kale ayaa ku sugan Garoonka kuwaas oo aan qaadan wax lacag balse rajo ka qaba in ay helaan GUNNO ama la shaqaalaysiiyo laakiin waxay walaac ka qabaan dhalinyarada kale ee ka imaanaya Gobalada kuwaas oo si toos ah u shaqa gala lana siiyo mushaar fiican. Dhallinyaradan ayaa sheegay inay caddaalad darro tan ugu weyn tahay in ayaga oo muddo lkacag la’aan ku shaqeynayey, una sabrayey dowladda, lagu dul keeno dad kale. Caasimada Onmline Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Madaxweynaha Somaliland muuse Biixi 22 April 2019 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay magaalada Hargeysa Qado ugu sameeyay cuqaal iyo salaadiin ka tegay bariga gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay ciidamada Somaliland ee qabsaday degmada Yubbe iyo muranka dhuleed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalida maanta joogta ay aad u qiima rideen dagaallo sokeeye iyo colaad xiriir ah oo ay sal u tahay talo-xumo siyaasadeed islamarkaana weli ay ku sii socdaan wadadii lagu burburay. Balse wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga soo kabto colaadaha iyo dagaalka joogtada ah ee Soomaalida ragaadiyay si looga gaaro horumar iyo barwaaqo isagoo hadalkaasi ku cel-celiyay. Sidoo kale wuxuu ku faanay in Somaliland ay horumar iyo barwaaqo lagu majeerto(jamasho) ay gaartay halka Soomaaliya inteedii kale burbur iyo dagaallo weli ku sii socoto sida uu hadalka u dhigay. Isagoo sii hadlayey ayuu Cuqaasha iyo Salaadiinta Sanaag bari ee kulanka fadhiyay u sheegay in Somaliland ay ciidankeeda u geysay degmada Yubbe si ay amni iyo xasilooni u gaarsiiyaan bulshada halkaasi deggan isagoo ka dalbaday in ay si fiican u soo dhoweeyan ciidamada Somaliland ee qabsaday degmadaasi. Mudane Biixi ayaa meesha ka saaray in ciidamada Somaliland ay beelo gaar ah duullan ku yihiin iyo in ay dagaal u socdaanba isagoo xusay cidna in aan awood iyo dagaal lagu maquunin Karin laakiin nabad iyo walaalnimo wax lagu gaari karo. Mar uu ka hadlayay khilaafka dhuleed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay in mar walba dhankooda ay ka go’antahay in ay Puntland nabad kula noolaadan balse ay doonayaan xadkii Ingiriisku siiyay in ay tegaan. Wuxuu sii raaciyay in dalka Imaaraadka uu ku soo arkay hal aargo oo dhinacba immaarad gaar ah canshuurta ka qaadayso loona baahanyahay in sidaas oo kale Puntland iyo Somaliland noqdaan. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Muuse Biixi: Sida Imaaraadka innaga iyo Puntland midba dhinac canshuurta haka qaado appeared first on Puntland Post.
  4. Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo muddo saddex bilood ku dhawaada Safar Shaqo ugu maqnaa Dalka debediisa Siiba Dalalka Yurub ayaa la filaayaa haddii Eebe idmo inuu Berri subax oo Arbaco ah abaaro 10:45 AM ka soo degi doono Madaarka Hargeisa,isagoo ka iman doona xagga Itoobiya “Adis-ababa” . Gudoomiye Cirro ayaa sida ila wareedyo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warbaahinta Markuu dalka soo gaadho uu ka hadli doono safarkiisa & Arimo kale oo xasaasiya oo dalka ka taagan Qaran News
  5. Wuxuu Muqdisho iyo gobalada dalka muddo 6 bilood ah uga dhigay nabad. Inta hoggaankiisq u aragtay halis baa ciidamo ajnabiga ayagoo adeegsanaya burburiyay nabadduu yagleeyay. 3 sannadood kaddib wuxuu noqday madaxweyne. Casharada laga bartay waxaa ugu horeeyay: 1- Waddaniyad: In uu Itoobiyaankii yiri ka baxa dalka, weliba asagoo cudud military u baahan, Shabaabna ay magaalada heystaan. 2-Dib-u-heshiisiin: In uusan marnaba ka aarsan dadkii burburiyay maxaakiimtii uu naf iyo maal geliyay, weliba dadkaasi qaarkood xilal wasiiro u dhiibay. 3- La Dagaallanka Dowlad Diidka: Halkii uu dadkii shalay ay hoggaanka isku hayeen, maxaakiimtiina ajnabi ku soo hoggaamiyay uu beegsan lahaa, wuxuu ka doorbiday inuu dagaal la galo koox shalay halgankii uu waday ku soo dhex dhuuntay, balse intuu maqnaa caddeystay in ay dariiqii ka weecdeen. Wuxuuna ka saaray magaalada Muqdisho iyo gobollo kale xilli ay dowladdaba ku meel gaar ahayd. 4- Wuxuu maareeyay musiibooyin ay abaaro ka mid yihiin, asagoo ahaa qofkii indhaha bulshada caalamka ku soo jeeediyay Soomaaliya, oo uu Turkiga ugu horeeyo. 5- Halka maamulada asaga ka dambeeyay ay dagaql culus u galeen ama ugu jiraan sidii xildhibaano ayaga taageersan ay doorashooyinka ugu soo bixi lahaayeen, ka bilow maamulkii Xasan Sheekh oo arrinaasi dadaal fara badan geliyay, iyo midka Farmaajo oo xasuuq ka geystay maamulada qaar, halka qaarka uu qarash badan ku bixiyay si xildhibaanp asaga taageersan uga soo baxaan 2021, Sheekh Shariif uma galin loollan sidii 135 oday ee wax xulayay ay xulaan rag isaga doorta. 6- Ugu dambeyn wuxuu dalka ka saaray ku meel gaarkii, wuxuuna aqbalay in doorashada looga guuleystay. Maanta wuu ka cilmi iyo khibrad badan yahay shalay, cumrina waa u kordhay. Maalmo badan ayaan la sheekeystay, ma aha qof guulihiisa kaaga sheekeeya, wuxuu aad u jecel yahay in uu ka hadlo xaalado si ka duwan siduu shalay u maareeyay si ka fiican loo maareyn lahaa. Ma aha qof jecel inuu xil u dhiibo dadka ka aqoon yar, dadaal yar, karti yar. Taasna waxaa marqaati in dad badan oo mucaarad iyo Villa Somalia hadda hormuud u ah, in uu asaga soo saaray. Soo dhoweeya saaxiibkay madaxweyne Sheeky Shariif Sheekh Axmed. Qof aan ciil ka korin, cidna ma hoggaamin karo! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda dambi baarista ee Booliiska Soomaaliya ayaa laba Isbuuc kadib shalay baaris ku bilaawday isku dhacyadii dhaxmaray Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Milateriga kuwaas oo ka dhacay Isgoyska Sanca ee Gobalka Banaadir. Saraakiil katirsan Hey’adda CID ayaa tagay Isgoyska Sanca kuwaas oo Wareysi la yeeshay qaar kamid ah dadka ku Ganacsada Isgoyska Sanca iyo Goob joogayaal kale. Mid kamid ah Ganacsatada Sanca ayaa Caasimada Online u sheegay in Saakay ay la kulmeen Saraakiil u sheegay in ay ka socdaan CID-da waxayna dadka weydiinayeen su’aalo ku saabsan cidii rasaasta bilaawday dagaalkii dhaxmaray Milateriga iyo Booliiska Soomaaliya. “Waa ila kulmeen waxayna I waydiiyeen wixii ka ogaa, waana u sheegay siday wax u dhacee, laakiin waxaan weydiiyay sababta ilaa hadda loo baari la’yahay dilalkii kale ee Sanca ka dhacay iimana Jawaabin” ayuu Caasimada Online u sheegay Mid kamid ah Ganacsatada Sanca. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa toognaa doodo ku saabsan dagaalkii 3 maalin oo isku xigta Muqdisho ku dhaxmaray Ciidamo kawada tirasn Milateriga iyo Booliiska. Dagaalkii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa sidoo kalane ugu khasaaraha badnaa ayaa ka dhacay Igsoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Labada dhinac ee dagaalamay ayaa mid walba kan kale ku eedeynaya in uu rasaasta bilaabay balse dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay bilaabeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya wali waxaa taagan xiisad u dhaxeysa labada dhinac inkastoo aan aad looga dareemeyn Gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Onmline Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Wasiirka loo soo xulay inuu wararka dawlada iyo dalka gaadhsiiyo dhamaan shacabka iyo dunida waxa uu ku fashilmay inuu warka dawlada gaadhsiiyo qoyskiisa. Wasiirka larabay inuu hago in kabadan 700 oo shaqaalaha wasaarada warfaafinta ah, waxa uu ku fashilmay inuu hago qoyskiisa. Wasiirka runta u kala sheegi waayay Sodogii iyo Madaxwaynaha, ayaynu doonay inuu runta ka sheego wararka Qaranka. Barigii ay wasiiradu karaamada lahaayeen waxa loo diri jiray una soo joogsan jiray magaalooyin, gobalo, iyo beelo dhan, sidoo kale madaxwaynuhu wasiiradiisa wuu qadarin jiray waanuu maqli-jiray. Wasiirkan cidna may qadarin cidna umay soo joogsan waa hadaanu dhinac lasaf-nayn. Ugu dambayn waxa aan cadaalad u rajaynayaa qoyska wasiirkan ee la xidhxidhay. Amb.Axmed Safiina Qaran News
  8. Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gunaanaday shir ay lahaayeen madaxda xisbiyada Mucaaradka Somalia ee kasoo horjeeda siyaaasdda dowladda federaalka ah. Shirkan ayaa waxaal laga soo saaray War-murtiyeed ku socday Dowladda uu horkacayo Madaxweyn Farmaajo, iyadoo qodobbada kasoo baxay shirkan ay ka mid tahay in la bedelo xukuumadda hadda jirta oo lagu eedeeyay inay ka soo bixi waday wixii loo igmaday. Xildhibaanada labada Aqal Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda kasoo saareen Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob,kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ah ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga, wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada, wadahadalladii Somalia iyo Soomaaliland, iyagoo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Ugu dmabeyn, Waxaa kulankan ka qayb-galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin; hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Warsame, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DF, Cabdi Faarax Siciid [Juxa], Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], Wasiirkii hore ee waxbarashada Somalia C/nuur Sheekh Maxamed iyo xubno kale. AKHRISO: Qodobbadii kasoo baxay shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi; Qaran News
  9. Xaaladdahan amni xumo ee ka taagan Soomaaliya waa mid u baahaan in loo maro waddadii saxda ahayd ee lagaga gudbilahaa dhibtan aan dhammaadka iyo ka gun-gaadhista lahayn. Waxaad mooddaa in xeeladaha loo wajahaayo dagaalka iyo ka hortagga cadawga uu yahay mid aan sal fiican ku fadhiyin, waana qorshaha dagaal iyo hawl-gal ee is bedeli kara goor kasta oo masuul hormuud u ahaa qorshaha dagaalka xilka laga qaado ama mid aan khibrad u lahayn loo dhiibo hoggaanka duullaanka qorshaysan. Is bed-beddelka xaalladaha caynkan ahi waa kuwa hormuudka u ah in uu waddanku jiitamo, arrinta amniguna ay noqoto “jug-jug meeshada joog” Si looga gun-gaadho xaaladaha amni iyo qorshayaasha la jecelyahay ee ah in la helo amni waa in ay dawladdu dejisaa qorshe ka duwan midkan muddada lugu caano-waayay ee noqday ma-dhalayska. Amniga Soomaaliya wakhtigan waxa uu u baahanyahay in loo weeciyo ciddii khibradda iyo aragtida u lahayd, wanaa lagama maarmaan In meesha laga saaro nidaamka lugu soo xulo masuuliyiinta loo Xil-saaro sugidda amniga iyo howl-gallada, nidaamkaas oo ah mid qabiil. Sababta uugu weeyn ee amniga Soomaaliya ka dhigtay mid aan laga gun-gaadhin waa nidaamka qabiilka ee ay ku dhisantahay qaybaha kale ee dawladdu. Qorshaha labaad ee uu amnigu u baahanyahay waa in meesha laga saara nidaamka is beddelka badan ama qof ku habboona hoggaanka amniga lugu fogeeyo in la soo shaqeeyay xuukuumad hore oo wakhtigeedu dhammaaday, qofkaasna aan laga soo qaadin mid raacay xukuumaddii hore. Marka laga hadlaayo howlaha amniga iyo nidaamka ku habboon waxa uu tilmaamayaa, masuul kasta oo ciidamada iyo amniga hoggaan ka noqdaa in uu yahay qofkaasi hanti dalku uu leeyahay, mudannayahay illaalin iyo Qaddarin goonni ah. Balse dhibaatada uugu weeyn ee Soomaaliya haysata ayaa ah in maanta raggii amniga wax wanaagsan ka soo qabtay ay dhammaantood bannaanka joogan iyaga oo aan wax talo iyo go’aan ah aan ku lahayn xaaladda amni ee ka jirta waddanka, waana sababta amniga Soomaaliya uu salka u dhigan la’yahay. MAXAA LOO BAAHANYAHAY SI LOOGA GUN-GAADHO XAALADDA AMNI-XUMO EE WADDANAKA. Talo ahaan waxaan dalwadda u jeedinayaa in la sameeyo qorshe amni-qaran, lagana saaro meesha qorashaha kale ee logu magac daray golaha amniga oo ay ku midoobeen dad aan asal khibraddeed u lahayn xaaladda ammaan iyo ciidanba. Amniga waddanku waxa uu u baahanyahay in loo maro waddada saxda ah, waana in la sameeyo guddi amni-qaran oo ay hormuud u yihiin dadkii aynu naqaannay ee amniga dalka aan ku fashilmin balse looga caaydhiyay shaqada xukuumad is bedeshay ama habka wax qaybsiga beelaha, masuuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen raggii hoggaanka u soo noqday hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee ‘NISA’ iyo saraakiishii ciidamada qalabka sida. Waa in guddigaas la sameeyaa lagana dhigaa kuwo jiheeya qorshaha amni qaranka, waana in ay yeeshaan go’aammada uugu sarreeya ee amniga. Iyaguna waa in ay noqdaan kuwo jiheeya xaalladda mani ee waddanka, isla markaasna lagala xisaabtamo. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa muddo ku siman 6-cisho u xidhan xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi. Wariye Coldoon ayaa labo cisho ka hor la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex, iyadoo Ciidankii soo qabtay ku amartay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer, Balse Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta isaguna soo saaray go’aan ah in dacwada ka dhanka ah Coldoon lagu qaado maxkamada gobolka Maroodi-jeex, kadib markii Xeer ilaalintu ku andacootay arrimo la xidhiidha dhinaca amniga. Wiil ay walaalo yihiin Wariye Coldoon oo lagu magacaabo C/raxmaan, ayaa Caasimada Online u sheegay arrinta lagu xidhay wariyaha, wuxuuna yiri “Waxyar ka hor ayaan la hadlay Coldoon isagoo dhakhtarka jooga, wuxuuna ii sheegay in Ciidamadii Maxkamada geyay ay ku oogen dambi ah inuu wax ka sheegay ciidanka Somaliland, kuwaasi oo ku eedeynayey hadal uu qorin oo ku saabsan Saraakiil tiro badan oo isku beela kasoo jeeda”. Wiilkan la dhashay Coldoon oo la hadlayey Shabakada Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegay in Wariyuhu uu beeniyay warar maalmihii udambeeyay la isla dhex-marayey oo sheegayay inay shirqoolen Coldoon, Labadiisi saaxiib ee wada-shaqeyntu ka dhaxeysay. “Waxaan kale oo aan weydiiyey C/maalik in la shirqoolay qabashadiisi, wuxuuna ii sheegay inaan la shirqoolin, saaxiibadiina ay wax lug ku lahayn soo qabashadiisa” ayuu yiri C/raxman Muuse Coldoon. Sidoo kale C/raxman ayaa sheegay inay Xukuumada Muuse Biixi ay ciil badan u qabto Coldoon, kaasi oo ku tilmaamay talaabadan xadhigiisi mid ay Xukuumadu ku aarsaneyso. Si Kastaba, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa markii la horgeeyay Wariye Coldoon sheegay in aan Wariyaha xadhigiisa loo marin sifo sharci oo aysan haysan amar qabasho oo ay kusoo xidheen ciidankii soo qabtay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Magaalada Galdogob 12 October 2018 Degmada Galodob ee gobolka Mudug waxaa xalay fiidkii lagu dilay nin dhalinyara oo ka tirsanaa bahda isboortiga degmadaasi sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Caddaawe Cali Aadan ayaa u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray rasaas uu ku furay nin hubaysan oo aan weli faahfaahin laga hayn sababta uu dilka u geystay. Booliiska degmada Galdogob ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan ninkii dilay marxuumka islamarkaana uu ku socdo baaritaan. PUNTLAND POST The post Dil ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si farshaxanimo ka muuqato u weeraray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka hadlaya muddo kordhin u sheegay in loo sameeynayo Madaxweyne Biixi. Prof Samatar, ayaa ku micneeyay Muddo kordhinta loo sameynayo Madaxweyne Biixi, inay sameystaan dad aan nidaam dhisi aqoon oo uu ku sheegay dad dibu-socoda oo saaqiday. Sidoo kale waxa uu Professorku ka hadlay Golaha Baarlamaanka Somaliland oo muddo xileedkoodii dhamaaday waqti hore, isagoo Arrimahaas ka hadlaya wuxuuna yiri: “Waxaan maqlayey qaar igu leh koley Muuse Biixi waxaa loogu dari 2-sanno, Dad habsaamey oo saaqiday, oo nidaam dhisi aqoon unbaa waxaa sameeya”. Wuxuuna intaas kusoo darey Prof Samatar “Intaan noola maan arag weligay iyo allahay, meelna kuma akhriyin Baarlamaan 9-sanno ay waqtigoogii dhaaftay, Baarlamaankan waxa la doortay 2005 waxayna aheyd inuu dhamaado 2010-kii, waxaana la marayaa 2019 waana 9-sanno, berri hore ayuu khaayisey”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeeybgalaya shir lagaga arrinsanayo xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee haatan ka jira dalkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la kulmi doono madaxda shirkaasi ka qeeybgali doonto. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Masar appeared first on Puntland Post.
  14. Ibrahim M Mead Ottawa, Canada Date: April 21, 2019 Somaliland at crossroads -1 In a conflict-ridden horn of Africa, Somaliland is a rare success story. Although the international community has not recognized the independence of this resurrected from the ashes 2nd Republic of Somaliland. Somaliland functions with complete autonomy. Somaliland is a de-facto state for over the last 27years. It has built a functioning democracy and relatively strong institutions of government; this is particularly impressive achievement in comparison to the repeatedly failed Mogadishu-based Somalia administrations. This progress, however, remains fragile, now more than ever. Somaliland’s continued stability is by no means guaranteed. It faces more challenges, both internal and external than ever, which it must overcome if it is to continue its promising development – and if it is to have any chance of receiving the international recognition she deserves which is its ultimate goal. With Municipal and Parliamentary elections overdue, I do not see any serious moves and undertakings to realize that national duties which is to hold the elections on time by the government. It is also the duty of The political parties to facilitate the elections take place by cooperating with the government! It is however the solemn duty of the government to do this task. The role of the government: the government is ‘responsible primarily for making public policy for an entire society. Services and holding elections are their primary duty. Unfortunately both K-1 and K-2 failed that duty dismally. In this circle of failures both the government and the opposition are the clients of this merry-go-round political inconsistencies and failures! The roles of the opposition.. Being in Opposition is not just about opposing the Government. “There are instances the Opposition agrees with the Government. That is when the government is doing the right thing, and then it’s natural for the Opposition to agree with the government. On the other hand, the opposition must expose the other side of the coin that is not shiny which the government otherwise prefers to hide from the public view. This role is vital for protecting the society from the excesses and corruption of power that innately exist wherever executive power resides.. The opposition failed their duty, as the government did her national duty of holding elections and uniting the people. The failure of the government and the opposition created a vacuum: Scavengers are not hovering above any more; they are on the ground already. They want to dismantle the constitution and through that process they want to create unrest and eventually civil war. Unfortunately, they even get receptive ears in some quarters because Somaliland is Divided and the government of the day has failed to address and remedy this problem in the right way.More you see certain activities going on these days in Hargeisa more you worry. It took us to un-dug and got Somaliland out from that grave for over 30 years, and not only that, we paid incredible blood and treasure to do that. In the end we came back home in 1991 by sacrifices and martyrdom of our people. Some people are now digging for Somaliland a mass grave. Somaliland sits on mass graves of her own already. Those who were part of the genocide or were cheerleaders of the dark history of Somaliland are roving around the county and the government may even pay their expenses! As Somaliland is divided now, one has every reason to smell a rat when some bad people came back to Somaliland! These personalities were against S /L most of their lives; however some are newly converted and indeed believe in their country Somaliland, but some are not; even though they say in their mouth what is not in their heart. What they say in their mouth does not correlate to their practice and believes. There is a pervasiveness of dishonesty and misdirection in Mr. Galayd’s so called political “Tabliiq” whatever that means! So BE AWARE SOMALILAND. To avoid that trap and other self-made ones President Musa’s administration must do the following and more forthwith: 1-Mr. Musa must hold the overdue House and Municipal elections with no delay 2-Contact, collect and accommodate and address the issues which alienated some communities 3-Resolve Hassan Dalab family land issue as soon as possible 4- Establish grownup counsel of advisors which the president utilizes in difficult times and in all times. 5- Revisit your government and Ministries of Finance and Interior must be part of the solution Absent of the above five point advice will render Somaliland to failure and we do not want Somaliland to fail. However peace and prayers Ibrahim M Mead Meadgd@gmail.com Qaran News
  15. ​ Foreign Affairs PS Macharia Kamau speaks on April 16, 2019. Kenya has intensified lobbying among peers to gain a seat on the UN Security [...] Source
  16. Muqdisho (PP) ─ Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gunaanaday shir ay lahaayeen madaxda xisbiyada dalka ka jira ee kasoo horjeeda siyaaasdda dowladda federaalka ah. Shirkan ayaa waxaal laga soo saaray War-murtiyeed ku socday Dowladda uu horkacayo Madaxweyn Farmaajo, iyadoo qodobbada kasoo baxay shirkan ay ka mid tahay in la bedelo xukuumadda hadda jirta oo lagu eedeeyay inay ka soo bixi waday wixii loo igmaday. Xildhibaanada labada Aqal Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda kasoo saareen Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob,kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ah ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga, wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada, wadahadalladii Somalia iyo Soomaaliland, iyagoo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Ugu dmabeyn, Waxaa kulankan ka qayb-galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin; hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Warsame, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DF, Cabdi Faarax Siciid [Juxa], Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], Wasiirkii hore ee waxbarashada Somalia C/nuur Sheekh Maxamed iyo xubno kale. AKHRISO: Qodobbadii kasoo baxay shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/04/DHAGEYSO_War-mutiyeed_Mucaaradka_DF.mp3 PUNTLAND POST The post Xisbiyada Mucaaradka ah oo War-murtiyeed ka soo saaray kulankii ay ku yeesheen Kenya appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay sawir baraha bulshadu ay ku xiriirto qabsaday maalmihii ugu dambeeyay, kaasoo dad badan ay aad uga caroodeen. Sawirka ayaa muujinayay askari ka tirsan ciidamada booliska AMISOM oo cabiraya ruux dumar ah oo la sheegay in loo diyaarinayay ka mid noqoshada ciidamada booliiska ee HirShabelle. Askariga sawirka ka muuqday ayaa muuqaalkiisa waxaa uu shabahay ruux lab ah iyadoo gabadha Soomaaliyeed oo xiran xijaabna laga cabirayay qaybta hore ee jirkeeda, gaar ahaan laabta. Sidoo kale, Arrintan ayaa ka dhex-dhalisay dood badan shacabka isticmaala baraha bulshada inkastoo dadka badankii ay fahmeen in qofka wax cabiraya ay ahayd ruux dumar ah. Laakiinse, Qoraal ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay in qofka wax cabiraya ay ahayd qof dumar ah oo ka mid ah booliiska ka socda dalka Zimbabwe oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika. “Sarkaalka Booliiska AMISOM ka tirsan ee cabirka ka qaaday gabadha la ciidamaynayo ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal Rag ah inuu taabto haween Somaali ah,” oo lasoo dhigay Twitter-ka AMISOM. Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa hore loogu eedeeyay inay ka geysteen dalka Soomaaliya falal ka baxsan anshaxa. PUNTLAND POST The post AMISOM oo jawaab ka bixisay Sawir Maalmihii u dambeeyay Qabsaday Baraha Bulshadu appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo geba-gaboobay, isla markaana Warmurtiyeed laga soo saarey shir ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Xisbiyo iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dalbaday in lasoo dhiso xukuumad cusub. Xildhibaanada labada Aqal Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda kasoo saareen Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob, kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya. Qodobada ay dowladda ku eedeeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa inay ku fashilantay amniga, wadashaqeynta dowlad goboleedyada, wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyaga oo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay Siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Marka laga soo tago eedeymaha ay u jeediyeen dowladda, qodobka ugu weyn ee shirkan kasoo baxay ayaa ah in ka qeyb-galayaasha ay madaxweynaha ka dalbadeen taliyey inuu soo dhiso xukuumad cusub oo meesha ka saaro xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay sheegeen inay fashilantay. Kulankaas waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin caan ka ah dalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur , Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur. Hoos ka aqriso qodobada shirka SHIRKA XISBIYADA & SIYAASIYIINTA SOOMAALIYA NAIROBI, 22 APRIL 2019 Maanta oo taariikhdu ay tahay 22ka Abril 2019, waxaa lagu qabtay shir ay ka soo qayb galeen hogaamiyayaasha qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed, xildhibaanno, siyaasiyiin kale, waxgarad & aqoonyahan magaalada Nairobi, kadib markii ay xukuumaddu diiday in shirar madaxbanaan lagu qabto Caasimada Muqdisho, iyadoo cadaaweysatay xoogagga siyaasadeed ee ka fikirka duwan. Sababta ugu weyn ee kulanka loo qabtay ayaa ahayd walaac laga qabo halista soo food-saartay geedi-socdka dhisamaha dawladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya ee ka soo bilaabatey Carta sanadkii 2000. Ka soo qayb galayaashu waxay ka doodeen xaaladda dalka ee faraha ka sii baxaysa oo ay ugu weyn yihiin qodobada soo socda: ARRIMAHA AMNIGA Ka soo qaybgalayaashu waxay hoosta ka xariiqeen in Xukuumaddu ku fashilantay sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan nabadgelyada caasimadda. Waxay kaloo Xukuumaddu ka mira-dhalin waysay hirgelinta heshiisyadii amni ee ay wada galeen dawladda Federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada, iyadoo muddo sanad ah aysan kulan yeelan Golahii Amniga Qaranka. Waxay xukuumadu mudnaanta ka leexisay la dagalaanka argagaxisada Alshabaab, iyadoo xooga isugu geysay caburinta, cadaadinta iyo cagajugleynta muwadiniinta ka aragtida duwan halkii ay kasban lahayd shacabka, ayey taa bedelkeeda si ula kac ah xukuumaddu qaaday talaabooyin kala fogaynaya xukuumadda iyo shacabka sida; xirista waddooyinkii, xannibaadda dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka bulshada, raafka joogtada oo dhalinyarada lagula kaco, iyo caburinta xoogsatada iyo danyarta. Tani waxay fursad siisay in kooxaha aragagexisada ahi xoogaystaan, fursadna u helaan in ay caasimadda iyo deegaanada kale ee dalka isku ballaariyaan. TALO-WADAAG, FEDERAALKA, DASTUURKA & DOORASHOOYINKA Waxay ka soo qaybgalayaashu walaac ka muujiyeen isku milanka hay’adaha (Fulinta, Sharci dejinta, iyo Garsoorka) kuwaasoo galey gacanta dad tira yar oo si joogta ah ugu takrifala. Waxay kaloo walaac ay ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada, Iyo wadada mugdiga ah ee lagu wado hawlaha dib u eegsita dastuurka, iyo doorashooyinka dalka. Talo la’aanta siyaasadeed, daciifinta hay’adaha Dastuuriga ah, daahfurnaanta la’aanta geedi socodka hawlaha dhamaystirka Dastuurka iyo doorashooyinka waxay cabsi geliyeen shacanka iyo saamilayda siyaasadeed ee dalka, iyadoo markii ugu horaysay ay halis gashay geedi socodkii dhismaha dawladnimada iyo nabadaynta Soomaaliya ee Carta ka soo bilawday sanadkii 2000. JAHWAREERKA SIYAASADDA ARRIMAHA DEBEDDA Ka soo qaybgalayaashu waxay walaac ka muujiyeen in aysan xukuumaddu lahayn siyaasad arrimo dibadeed oo deggan, iyadoo fudayd iyo fiirsi la’aan siyaasadeed ku maaraysa siyaasadaha halista gelin kara jiritaan qaranka, midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed. Waxay kaloo walaac ka muujiyeen heshiisyada mugdiga lagu gelayo ee taabanaya maslaxada qaranka iyo masiirka ummadda. WADAHADALKA SOMALILAND & MAQAAMKA MUQDISHO Waxay ka soo qaybgalayaashu dareen ka muujiyeen in mudo labo sano ka badan aysan xukuumaddu bilaabin wadahadaladii dawladda Federaalka ah iyo Soomaliland, taas bedelkeedana ay dhiillo iyo xasaasiyad kicin kula dhaqanto Somaliland. Waxay kaloo walaac ka muujiyeen cadaadiska joogta ah ee ay xukuumadu ku hayso shacabka Muqdisho, iyadoo hor istaagtay daddaal kasta oo lagu baadi goobayo maqaamka Muqdisho. XUQUUQDA MUWAADINKA Waxay ka soo qaybgalayaashu walaac ka muujiyeen caburinta & cadaadinta lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho. Hoggaanka dawladdu wuxuu iska indhatiray dhibaatooyinka shacabka Muqdisho la dulsaaray oo u baahan hiil dawladeed, Haddaba, waxay cabsi ka muujiyeen in cadaadiska iyo culayska shacabka oo sii socda uu keeni karo kacdoon shacab oo horseedi kara qas & fowdo, dalkuna mar kale uusan xamili karin GUNAANAD Waxaa ka soo qaybgalayaasha u muuqata in labadii sano ee la soo dhaafay in wixii horay u dhisnaa aan waxba lagu biirin, balse wax loo dhimay. Mana muuqata saasaan muujinaya isbedel dhinaca aragtida iyo ficilkaba ah kaasoo lagu saxayo khaladaadkii labadii sano. Sidaas darteed waxay kasoo qaybgalayaashu ku baaqayaan: 1. In hoggaanka dalku uu la yimaado talo dalka iyo dadka lagu badbaadinayo, lana helo Xukuumad kasban karta kalsoonida shacabka & xoogagga siyaasadeed ee dalka ka jira, si loo dhamaystiro hawlaha masiiriga ah ee horyaala qaranka sida xasilinta dalka, dib u eegista dastuurka, qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo xiligeeda ku dhacda, iyada oo aan la aqbli karin wax muddo kororsi ah. 2. Haddii ay madaxda dalku maqli waydo baaqyada tala soo jeedinta waxaan ku baaqaynaa in saamilayda siyaasadeed ay isugu yimaadaan dalka gudihiisa shir Qaran bisha Juun 2019, si dalka iyo dadka loo badbaadiyo 3. Beesha caalamka oo aan beryahan u muuqanin in ay daacad ka yihiin siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu baaqaynaa in ay mudnaanta siiyaan hawlaha lafdhabarka u ah nabadaynta iyo dhisamaha dawladda Soomaaliya, kana waantoobaan hoosaasinta ay ku hayaan shacabka.
  19. (SLT-London)-Cabdiraxmaan Cabdillaahi Maxamed oo 42 jir ah ayaa la soo taagay Maxkamadda Old Baily ee magaalada London, isagoo lagu soo oogay inuu Kombiyuutarkiisa ku soo degsaday ama ku soo download-gareystay Xeeladaha dagaal ee Kooxda Daacish iyo weeraradda ay Mindiyaha u adeegsadaan iyo inuu sheegay inuu jecel yahay Daacish. Eedeysanaha oo ku nool Deegaanka Northolt ee Galbeedka London waxaa la sheegay in sannadkii 2017-kii lagu qabtay Dukumentiyo la sehegay inay waxtar u leeyihiin shaqsi isku diyaarinaya inuu geysto weerar Argagixiso, waa sida ay Dacwad-oogayaasha u sheegeen Maxkamadda. Garsoore Philip Katz waxa uu fasiray inuu Eedeysanaha danaynayey Dhaqdhaqaaqyadda Kooxda Daacish ee gudaha somalia, taasi oo la micno ah inuu garwaaqsaday inuu naftiisa khatar geliyo. Garsooraha waxa kale oo uu sheegay inuu Eedeysanaha sii waday inuu soo degsado Muuqaallaadda Kooxda Daacish iyo Wargeyskooda Rumiyah magazine. Mar sii horreysay, Dacwaad-ooge Kelly Brocklehurst waxa uu tilmaamay inay Sarakaiisha Boliska baareen guriga Eedeysanaha bishii July 21-dii ee sannadkii 2017-kii, kana soo heleen 2 Laptop, hal Mobayl nooca Samsung Galaxy iyo Xusuus-kaydiyaha USB Memory Stick. Dacwad-oogaha waxa kale oo uu Maxkamadda ka hor sheegay in qaar ka mid ah Muuqaalladad Video-ga ka koobnaayeen qoor-goyn, maydad iyo dad la tooganayey. Ugu dambeyntii, Garsooraha Maxkamadda Old Bailey waxa uu Eedeysanaha, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Maxamed oo Aabe u ah 2 carruur ku xukumay 15 bilood oo xabsi ah, wuxuuna cafis dalban kara marka uu dhamaysto kala-bar muddada lagu xukumay. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka socday abaabulka ay sameynayeen xubnaha ugu badan ee xisbiyada, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Labo arin ayaa loo sababeynayaa in xubnaha ugu badan mucaaradka dowladda Soomaaliya inay ku shiraan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kulamadooda ay qalqal geliyaan hogaanka dalka. Arinta Koowaad ee loo sababeynayo ayaa ah in xubnaha mucaaradka lagu caburiyay magaalada Muqdisho, iyadoo hoteelo badan oo ay ku shiri lahaayeen lagu wargeliyay in xubnaha mucaaradka aysan shirar ku qabsan karin. Xubnahaan oo kala aragti duwanaa ayaa isku baheystay magaalada Nairobi oo ay u arkeen inay tahay halka ay ku yeelan karaan shirar kala duwan, islamarkaana ay ugu midoobi karaan hogaanka dowladda Soomaaliya. Arinta labaad ayaa lagu sheegayaa inay tahay Khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo fursad u noqday xubnaha mucaaradka, waxaana Kenya markii hore dalkeeda u diidi jirtay xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya,balse hadda taasi ma jirto. DOwladda Soomaaliya ayaa cadaadis badan saartay xubnaha mucaaradka, taasina waxay keentay inay meel ka baxsan magaalada Muqdisho ay ku shiraan, iyaga oo culees saaraya dowladda. Kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa abuuray walaac badan oo hogaanka dowladda ah. Waxaa kulamadaasi ka horeeyay kulamo kale oo madaxda maamul goboleedyada ku yeelanayeen magaalada Nairobi, waxaana sidoo kale ay kulamo la qaateen madaxda beesha caalamka. Xubnaha mucaaradka iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada ee ku shiraya magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowladda, maadaama wali aan la cadeyn hanaanka doorashada dalka ay noqoneyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Qormadeydan aadka u koobani ma ahan qiimeyn siyaasadda Dowladda. Mana ahan xataa qiimeyn khudbadda uu Madaxweynuhu shalay jeediyay oo dhan. Waa isku day aan weyneyso dul joojinayo muhiimad iiga dhex muuqatay khudbadda. Waa sida uu u wajahay mid ka mid ah mowduucyada uu khudbaddiisa ku soo qaatay. Waa mowduuc ay maskaxdeydu ka fekerto habeen iyo maalin kasta. Waa mowduuca sidii xal looga xoroobi lahaa qaraxyada, weerarrada iyo dakanada u dhexeysa Shabaab iyo Dowladda iyo shacabka oo ku dhammaaday. Waa arrinta cuuryaamineysa Dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka dalka ee dhan kastaba. Madaxweynuhu isaga oo la hadlaya culimmo Soomaaliyeed, kuna tilmaamay in ay yihiin indhaha Ummadda, ayuu u sheegay kaalin u bannaan. Wuxuu qiray Madaxweynuhu in dagaalka Shabaab iyo Dowladda ay labada dhinacba ku dhimanayaan dad Soomaali ah. Shabaab in dhallinyaro badan laga laayay ayuu sheegay. Wuxuu dhallinyaradaa la laayay uu ku tilmaamay in ay yihiin wiilasheennii. Wuxuu ku daray in iyaguna ay dileen dad badan oo isugu jira dhallinyaro uu iyagana ku tilmaamay wiilasheenna, hooyooyin, carruur iyo hal-door Soomaaliyeed. Wuxuu is weydiiyay Madaxweynuhu, “yaan u faa’iideynay marka?” Wuxuu ku datay “yeey u faa’iideeyeen [Shabaabku]?” Su’aasha ugua wanaagsan ee uu Madaxweynuhu is weydiiyay waxay ahayd,Ilaa goorma ayaan ku jireynaa xaaladdaas? Wuxuu ku tilmaamay in uu soo dhoweynayo haddii ay suurta-gal, waa Culimmadee, ay dhexdhexaadin karaan Dowladda iyo Shabaab. Waxaan rajeynayaa in Madaxweynaha ay ka tahay siyaasad cusub oo ay Dowladdu qaadatay. Oo ku saleysan daraasad wadata baaris iyo lafa-gur, laga baaraan degay, gooreysan, miisaaniyaddeeda leh, aan lala daahin ku dhaqaaqiddeeda, daba-gal iyo dhammaystirna leh si looga miro dhaliyo. Maaddaama halista amni ee ugu weyn ay hadda ka taagan tahay Shabaab, isla markaana sida uu qiray ay Soomaali badani labada dhinacba ku dhammaadeen, waxaan qabaa in hadalka Madaxweynuhu aanuu ku dhex lumin khudbadihiisa kale. Waxay ila tahay hadalkani uu mudan yahay in si gooni ah dhug loogu lahaado, in la taageero, qofkii awoodaana uu talo iyo gacanba ka geysto in dagaalka Shabaab lagu xalliyo hab aan ahayn xabbad iyo dayaarad xambaarsan keliya gantaallo iyo ama bambaanooyin. Ayada oo aan ognahay in weerarkaas hordhaca ama Jawaabtu ay tahay Qarax caasimadda ka dhaca oo aan dadka loo kala aabbayeelin iyo isu socodka gobollada dalka iyo xataa caasimadda dhexdeeda oo ma-jire ku negaada. Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay maaddaama uu Madaxweynuhu isla khudbaddaas uga cawday siyaasiyiinta qaar, uu isagu ku tilmaamay in ay geedka ka jarayaan jirridda in aan culimmada lagu koobin dhexdhexaadinta Dowladda iyo Shabaab. Siyaasiyiinta ay Dowladda is diiddan yihiin, sababtu wax kasta ha ahaatee, waa dad aan Dowladda hub u sidan qaarkoodna ay qayb ka yihiin heykalka Dowladeed. Waxaa tijaabo noqon karta in culimmadu ay gacan ka geystaan isfahamsiinta siyaasiyiinta aan hubka isu sidan, si khibradda laga helo wadahadlkaas iyo niyad kabashada ka dhalataa ay waddada ugu xaarto in kuwa qoryaha iyo banbaanooyinka isu sita la heshiisiinyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyeyaasha Wakiillada Iyo Guurtida Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxda Dhaqanka Deegaannada Sanaag Bari Iyo Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku joogay caasimadda Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO khudbadii Madaxweynaha Source