-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda amniga XFS ayaa xalay soo bandhigtay hub fara badan oo ay sheegtay in loo waday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Hubka ayey sheegtay wasaaraddu in uu ka mid ahaa Bambo gacmeedyo, la doonayay in loo gudbiyay Xildhibaankaasi. “Dooddiisu waxay u dhigan tahay bad-qabkayga ayaan ku dhowrayaa, Bambo gacmeed iyo walxa-qarxa nabad galyo ma dhowraan ee iyagaa LID ku ah, waxaana loogu talo galay dagaal galid iyo gumaadka goobo la gali waayay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga. Warkani laguma shaacin magaca Mudanahaasi, marka laga reebo in uu ka tirsan yahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Muddooyinkii dambe Ciidamada ammaanka ayaa xoojiyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
-
(SLT- Sri Lanka)-Saddex kamid ah afarta canug ee uu dhalay maalqabeenka u dhashay Denmark ee Anders Holch Povlsen ayaa ku dhintay qaraxyadii Axadii lala beegsaday dalka Sri Lanka, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay bilyaneerkaasi. Qoyska ninkaasi maalqabeenka ah ayaa xilliga ay qaraxyada dhacayeen booqasho ku joogay dalka Sri Lanka. Magacyada carruurta dhimatay ayaan la shaacin. Mr Holch Povlsen ayaa leh dukaamada caalamiga ah ee lagu iibiyo dharka ee Bestseller. Waxa uu sidoo kale saamiga ugu weyn ku leeyahay shirka dharka ee Asos, iyadoo wargeyska Times uu sheegay in ninkan uu yahay shakhsiga dhulka u badan ku leh UK. “Waxaa nasiib darro ah inaan xaqiijinay wararka ku aaddan geerida carruurta,” ayuu yiri afhayeen u hadlay dukaamada Bestseller oo email ugu soo jawaabay BBC. “Waxaan idin ka codsaneynaa inaad ixtiraamtaan qoyska, faahfaahin intaa dheerna idin ma siin karno.” ayuu intaa raaciyay. Meydad la aqoonsan waayay Waxaa la xaqiijiyay in 290 qof ay ku dhinteen qaraxyadii sideeda ahaa ee Axadii lala beegsaday kaniisadaha iyo huteellada lagu raaxaysto ee Sri Lanka. Booliska ayaa xiray 24 qof, balse ma jirto cid sheegtay mas’uuliyadda weerarradaasi. Waxaa la rumaysan yahay in inta badan dadka ku dhintay weerarrada ay yihiin muwaadiniin Sri Lanka u dhashay, gaar ahaan dad Kiristaan ah oo xilligaasi ku sugnaa kaniisadaha. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in 36 qof oo ajaaniib ah ay kamid yihiin dadka dhintay, kuwaasoo intooda badan aan weli meydadkooda la aqoonsan. Waxaa kamid ah: Ugu yaraan sideed qof oo u dhashay Britain, laba kamid ahna ay sidoo kale haysteen baasaboorka Maraykanka Saddex u dhalatay Denmark Qof Bortaqiis ah, iyo lix Hindi ah Laba injineer oo Turki ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu Laba muwaadin oo Shiineys ah, sida uu sheegay wargeyska China Daily Laba qof oo Australia u dhashay, sida uu sheegay ra’iisal wasaare Scott Morrison Qof u dhashay Netherlands Qof Japan u dhashay sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalkaasi Source
-
Qoryooley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada milatariga ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkani oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Xoghayaha maamulka degmada Qoryooley oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, waxaana uu sheegay in ay ku dileen labo ka tirsanaa Al Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona meelihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Tehran)-Mareykanka ayaa shalay soo gaba gabeysay ogolaashihi uu dalalka qaar u ogolaaday inay saliidda ka sii iibsan karaan dowladda Iran, taasoo hadda culeys dhaqaale oo xoog leh ku keeni doonto xukumadda Tehran. Aqalka Cad ayaa Isniinti shalay ku dhawaaqay, in madaxweyne Donald Trump uu go’aansaday in uu dhameeyo cafiski uu Mareykanka ka cafiyay dalalka Japan, Kuuriyada Koofureed, Turkiga, Shiinaha iyo Hindia inay Iran ka iibsan karaan saliidda xilli ay saarantahay cunaqabteynta dhaqaale ee uu maamulka Trump dul dhigay Iran. Waxaa horay u joojiyay iibsiga saliida iyo shidaalka Iran, dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga, Gariiga iyo Taiwan, iyaga oo raaca dalamka Mareykanka ee ah in la fuliyo cunaqabateynta Iran. Mareykanka wuxuu sheegay in Sacuudiga iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ay ogolaadeen in ay kordhiyaan wax soo saarkooda saliidda, si loo haqab-tiro dalabka saliidda ee caalamka, halka saliidda Iranna laga tiri doono suuqayada saliidda ee caalamka. Source
-
Qaahira (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar halkaas oo uu ka furmi doono shir lagaga arrinsanayo xaaladda dalka Suudaan. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas. Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-23042019-.mp3 View the full article
-
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay shir mucaaradka ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si wadajir ah uga hadlay shirka siyaasiinta ku yeesheen Nairobi Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in siyaasiinta looga baahanyahay in dalkooda aanay dumin islamarkaasina loo baahanyahay in dowladda ay soo horyfariistaan. “Dalka hogaamintiisa ayaad dooneysaan wixii maanta aaad sameysaan ayaa bari la idin ku sameynayaa” ayuu yiri Daahir Gelle. Dhinaca kale Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in siyaasiintaasi ay doonayaan in dalka fowdo galiyaan. Shalay siyaasiin mucaarad ah ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, kaas loogasoo horjeeday dowladda Soomaaliya. Hoos ka dhegeyso codka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay shirka Mucaraadka Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Aabe Soomaaliyeed ayaa DFS ka codsaday in cadaaladda la horkeeno askari dhaawac halis ah u geystay wiilkiisa. Mukhtaar Ciid Miiney oo lasoo xiriiray Goobjoog, wuxuu sheegay in wiilkiisa oo wadey Mooto Bajaaj Lixdii bisha March lagu dhaawacay degmada Shibis, balse askarigii dhibka geystay laga sii daayey saldhiggii lagu hayey iyadoo aan cadaaladda la marin. Wuxuu tilmaamay in sidoo kale, askarigaasi uu dhaawacay maalintaasi Labo qof kale, balse shaqsi uu sheegay in xil sare uu ka hayo Booliiska uu sii daayey askarigaas oo ku xirnaa saldhigga degmada Yaaqshiid, islamarkaana shaqadiisa uu hadda si caadi ah u wato. Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo taliska Booliiska ayuu ka dalbaday in cadaalad uu helo wiilkiisa. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/WAREYSI-AABE-SOOMAALIYEED-OO-CADAALAD-U-BAAHAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maxkamad ku taala magaaladaasi ay xukun ku riday sarkaal ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland. Maxkamadda darajada Koowaad ee Maamulka Puntland ayaa xukun iyo Ganaax lacageed isugu dartay sarkaal horay uga tirsanaa Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland kaas oo musuq lagu soo eedeeyay. Ninkan oo 26 jir ah ayaa ka tirsanaa qeybta Dakhli ururinta Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland waxaana eedaha loo heysto ka mid ah lunsiga lacag dhan $2751 doollar, sameynta waraaqo been abuur ah oo uu lacago ku qaadanayay iyo eedo kale. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Puntland Abuukar C/Nuur Jaamac ayaa Cawaale Maxamuud Sheekh ku xukumay 4 Sano oo Xabsi ah iyo bixinta lacag ganaax ah oo gaareysa $500 Doollar. Booliska Maamulka Puntland ayaa Cawaale Maxamuud Sheekh waxaa ay ka qabteen degmada Carmo ee Gobolka Bari. Muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ayaa la dagaalameysay dadka lagu eedeeyo Musuq maasuqa hantida dadweynaha, waxaana sidoo kale maxkamadda ay shaacisay in dad kale maxkamad lasoo taagi doono. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Maamulka Galmudug ayaa gabi ahaanba qaadacay shirka Culimada ee ka socda magaalada Muqdisho ee casimadda dalka. Xubnihii Galmudug ku matalayey shirkan ayaa isaga baxay, kadib markii ay sheegeen in wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ay musuq sameysay. C/shakuur Macalin Ciise, wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta ee Galmudug ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay shirkaasi ku casuuntay dad iyaga u gaar ah islamarkaana sida ay hadda wax u socdaan aysan ku qancin ka maamul ahaan. Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan yahay mid guud oo ay qabaan madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xaaf. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/WASIIRKA-DIINTA-EE-GALMUDUG.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa siyaasiyiin shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo laga doonayo iney caddeyso maqaamka magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Gaandi in shirkii Carte ee Jabuuti illaa hadda la sheegayey un maqaamka caasimadda, balse aanay jirin dowlad si rasmi ah uga hadasha. Sidoo kale, Gaandi ayaa sheegay in dowladda ay dayacday dalka, islamarkaana bedalkii Al-shabaab ay dalka ka saari lahayd lasoo faarujiyey deegaanno kale, waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/PROFSOR-GAANDI-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar halkaas oo uu ka furmi doono shir lagaga arrinsanayo xaaladda dalka Suudaan. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas. Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan. Source: goobjoog.com
-
Qaar kamid ah Axsaabta siyaasadda ee dalka iyo xildhibaanno ayaa sheegay in xukuumad cusub loo bahanyahay xilligan kadib shir ay ku yeeshay Magaaladda nairobi ee dalka Kenya. Shirkan ka dhacay magaalada Nairobi waxaa kasoo muuqday siyaasiyiin inta badan aan la dhacsaneyn siyaasadda madaxda ugu sarreysa dalka, kuwaas oo muujinayey in waxba aan laga qaban balamadii Madaxweynaha uu sheegay intii ololaha lagu jiray. Dalka ayeey sheegeen in meel adag uu xaalad ahaan marayo, sidaasi darteedna loo baahan yahay in lasoo dhiso xukuumad cusub, meeshana laga saaro tan Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale, waxay sheegeen in Muqdisho maamulkeeda aan loo baahneyn inuu ahaado mid lasoo magacaabo ee loo baahan yahay maamul ay shacabka soo doortaan. Halkaan hoose ka dhageyso bayaankii ay soo saareen: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/BAYAANKA-WAXAA-AQRINAYA-Cabadinuur-sheekh-Maxa-xmed-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay dhisayaan xukuumad Cusub, isaga oo ku eedeeyey Xukuumadda hadda jirta inay fashilantay. Waxa uu sheegay hadii xukuumadda Soomaaliya ay diido ama uu qabsoomi waayo shirka Bisha Jun ee looga hadlayo maqaanka Caasimadda ay deegaano kale ku qabanayaan, sidoo kalena ay Xukuumad Cusub dhisayaan. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay ka shaqeyn weysay amniga dalka, isla markaana Shacabka Magalada dhibaatooyin horleh ay u horseeday, waxaana uu sheegay in afar qof oo heshiis ah aysan waxba qaban karin. “Madaxweynaah iyo Ra’iisul Wasaraha waa ay isku qoslaan, Wasiiradu Ra’iisul Wasaaraha ayay u nacab leeyaan laakin dalak wax micno ah uguma fadhiyo, marka waxana talo ugu soo jeedineynaa Madaxweynaha in uu isbedel sameeyo isaga ayay talada la go’daa ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka mid ah xildhibaanada aad u dhaliilsan Siyaasada ay ku Shaqeyso dowladda Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in sidaan oo kale uu u dhaliili jiray dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Hoos ka dhageyso Fiqi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/xildhibaan-fiqi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay shirkii magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen xubnaha ugu badan ee mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Magaalada Nairobi waxaa xubnaha ku shiray ay ka koobnaayeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee dalka, shirkaas oo ay kasoo sareen qodobo ay ku dhaliilayeen dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xubnaha ku shiray magaalada Nairobi inaysan ku fogaan mucaaradnimada. Wuxuu wasiirka sheegay in xubnaha mucaaradka looga baahan yahay inaysan orodka ka badin mucaaradnimadooda, haddii aysan ka tanaasuleyn, maadaama sida uu sheegay ay wadaan isku soo dhawaansho shacabka Soomaaliyeed ah. Daahir Geelle, ayaa ugu baaqay mucaaradka hanka siyaasadeed leh inay la fariistaan dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku baaqayo in la fiiriyo danta ummadda Soomaaliyeed oo muddo badan dhibaatooyin kala duwan ku jirto. Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee ku shiray Nairobi ayaa qodobadii ay oo saareen waxaa ka mid ahaa inay qabsan doonaan shirweyne ay ku doonayaan inay kusoo dhisaan xukuumad Cusub ,iyaga oo ku eedeeyey Xukuumadda Soomaaliya inay fashilantay,waxaana badi ay ahaayeen kuwo xilal kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Warfaafinta. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Wasiir-Daahir-Geelle.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa lagu eedeeyay in uu Musuq Maasuq xoog leh uu kawada Wasaaradda waxaana qayla dhaan xoog leh muujinaya dhalinayaro muddo kabadan 2 sano ka shaqaynaya Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Qaar kamid ah dhalinyaradaan oo ka shaqeeya Wasaaradda Gaadiidka ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiirka dad badan oo qaraabadiisa ah uu ka shaqaalaysiiyay hey’adaha kala ah, ICAO, SCAMA iyo FAVORI LLC isagoo geeyay dad badan 20 qof oo ah dhalinyaro qaraabadiisa ah. Wasiir Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa la sheegay in uu shan qof ka shaqaalaysiiyay hey’adda ICAO, halka 5 qof oo kale uu ka shaqaalaysiiyay SCAMA iyo 12 qof oo uu ka shaqaalaysiiyay Shirkadda Turkiga ah ee Garoonka maamusha taas oo lagu magacaabo FAVORI LLC. Wadarta dadka uu shaqaalaysiiyay bilooyinkii la soo dhaafay ayaa ah 22 qof oo dhamaantood ka soo jeedo hal beel oo qoyskiisa ah. Qaar kamid ah dhalinyarada la shaqaalaysiiya ayaa laga keenay degaano ay ku badan yihiin beesha wasiirka. Dhalinyaro ka badan Sodomeeyo kale ayaa ku sugan Garoonka kuwaas oo aan qaadan wax lacag balse rajo ka qaba in ay helaan GUNNO ama la shaqaalaysiiyo laakiin waxay walaac ka qabaan dhalinyarada kale ee ka imaanaya Gobalada kuwaas oo si toos ah u shaqa gala lana siiyo mushaar fiican. Dhallinyaradan ayaa sheegay inay caddaalad darro tan ugu weyn tahay in ayaga oo muddo lkacag la’aan ku shaqeynayey, una sabrayey dowladda, lagu dul keeno dad kale. Caasimada Onmline Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland muuse Biixi 22 April 2019 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay magaalada Hargeysa Qado ugu sameeyay cuqaal iyo salaadiin ka tegay bariga gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay ciidamada Somaliland ee qabsaday degmada Yubbe iyo muranka dhuleed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalida maanta joogta ay aad u qiima rideen dagaallo sokeeye iyo colaad xiriir ah oo ay sal u tahay talo-xumo siyaasadeed islamarkaana weli ay ku sii socdaan wadadii lagu burburay. Balse wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga soo kabto colaadaha iyo dagaalka joogtada ah ee Soomaalida ragaadiyay si looga gaaro horumar iyo barwaaqo isagoo hadalkaasi ku cel-celiyay. Sidoo kale wuxuu ku faanay in Somaliland ay horumar iyo barwaaqo lagu majeerto(jamasho) ay gaartay halka Soomaaliya inteedii kale burbur iyo dagaallo weli ku sii socoto sida uu hadalka u dhigay. Isagoo sii hadlayey ayuu Cuqaasha iyo Salaadiinta Sanaag bari ee kulanka fadhiyay u sheegay in Somaliland ay ciidankeeda u geysay degmada Yubbe si ay amni iyo xasilooni u gaarsiiyaan bulshada halkaasi deggan isagoo ka dalbaday in ay si fiican u soo dhoweeyan ciidamada Somaliland ee qabsaday degmadaasi. Mudane Biixi ayaa meesha ka saaray in ciidamada Somaliland ay beelo gaar ah duullan ku yihiin iyo in ay dagaal u socdaanba isagoo xusay cidna in aan awood iyo dagaal lagu maquunin Karin laakiin nabad iyo walaalnimo wax lagu gaari karo. Mar uu ka hadlayay khilaafka dhuleed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay in mar walba dhankooda ay ka go’antahay in ay Puntland nabad kula noolaadan balse ay doonayaan xadkii Ingiriisku siiyay in ay tegaan. Wuxuu sii raaciyay in dalka Imaaraadka uu ku soo arkay hal aargo oo dhinacba immaarad gaar ah canshuurta ka qaadayso loona baahanyahay in sidaas oo kale Puntland iyo Somaliland noqdaan. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Muuse Biixi: Sida Imaaraadka innaga iyo Puntland midba dhinac canshuurta haka qaado appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo muddo saddex bilood ku dhawaada Safar Shaqo ugu maqnaa Dalka debediisa Siiba Dalalka Yurub ayaa la filaayaa haddii Eebe idmo inuu Berri subax oo Arbaco ah abaaro 10:45 AM ka soo degi doono Madaarka Hargeisa,isagoo ka iman doona xagga Itoobiya “Adis-ababa” . Gudoomiye Cirro ayaa sida ila wareedyo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warbaahinta Markuu dalka soo gaadho uu ka hadli doono safarkiisa & Arimo kale oo xasaasiya oo dalka ka taagan Qaran News
-
Wuxuu Muqdisho iyo gobalada dalka muddo 6 bilood ah uga dhigay nabad. Inta hoggaankiisq u aragtay halis baa ciidamo ajnabiga ayagoo adeegsanaya burburiyay nabadduu yagleeyay. 3 sannadood kaddib wuxuu noqday madaxweyne. Casharada laga bartay waxaa ugu horeeyay: 1- Waddaniyad: In uu Itoobiyaankii yiri ka baxa dalka, weliba asagoo cudud military u baahan, Shabaabna ay magaalada heystaan. 2-Dib-u-heshiisiin: In uusan marnaba ka aarsan dadkii burburiyay maxaakiimtii uu naf iyo maal geliyay, weliba dadkaasi qaarkood xilal wasiiro u dhiibay. 3- La Dagaallanka Dowlad Diidka: Halkii uu dadkii shalay ay hoggaanka isku hayeen, maxaakiimtiina ajnabi ku soo hoggaamiyay uu beegsan lahaa, wuxuu ka doorbiday inuu dagaal la galo koox shalay halgankii uu waday ku soo dhex dhuuntay, balse intuu maqnaa caddeystay in ay dariiqii ka weecdeen. Wuxuuna ka saaray magaalada Muqdisho iyo gobollo kale xilli ay dowladdaba ku meel gaar ahayd. 4- Wuxuu maareeyay musiibooyin ay abaaro ka mid yihiin, asagoo ahaa qofkii indhaha bulshada caalamka ku soo jeeediyay Soomaaliya, oo uu Turkiga ugu horeeyo. 5- Halka maamulada asaga ka dambeeyay ay dagaql culus u galeen ama ugu jiraan sidii xildhibaano ayaga taageersan ay doorashooyinka ugu soo bixi lahaayeen, ka bilow maamulkii Xasan Sheekh oo arrinaasi dadaal fara badan geliyay, iyo midka Farmaajo oo xasuuq ka geystay maamulada qaar, halka qaarka uu qarash badan ku bixiyay si xildhibaanp asaga taageersan uga soo baxaan 2021, Sheekh Shariif uma galin loollan sidii 135 oday ee wax xulayay ay xulaan rag isaga doorta. 6- Ugu dambeyn wuxuu dalka ka saaray ku meel gaarkii, wuxuuna aqbalay in doorashada looga guuleystay. Maanta wuu ka cilmi iyo khibrad badan yahay shalay, cumrina waa u kordhay. Maalmo badan ayaan la sheekeystay, ma aha qof guulihiisa kaaga sheekeeya, wuxuu aad u jecel yahay in uu ka hadlo xaalado si ka duwan siduu shalay u maareeyay si ka fiican loo maareyn lahaa. Ma aha qof jecel inuu xil u dhiibo dadka ka aqoon yar, dadaal yar, karti yar. Taasna waxaa marqaati in dad badan oo mucaarad iyo Villa Somalia hadda hormuud u ah, in uu asaga soo saaray. Soo dhoweeya saaxiibkay madaxweyne Sheeky Shariif Sheekh Axmed. Qof aan ciil ka korin, cidna ma hoggaamin karo! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda dambi baarista ee Booliiska Soomaaliya ayaa laba Isbuuc kadib shalay baaris ku bilaawday isku dhacyadii dhaxmaray Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Milateriga kuwaas oo ka dhacay Isgoyska Sanca ee Gobalka Banaadir. Saraakiil katirsan Hey’adda CID ayaa tagay Isgoyska Sanca kuwaas oo Wareysi la yeeshay qaar kamid ah dadka ku Ganacsada Isgoyska Sanca iyo Goob joogayaal kale. Mid kamid ah Ganacsatada Sanca ayaa Caasimada Online u sheegay in Saakay ay la kulmeen Saraakiil u sheegay in ay ka socdaan CID-da waxayna dadka weydiinayeen su’aalo ku saabsan cidii rasaasta bilaawday dagaalkii dhaxmaray Milateriga iyo Booliiska Soomaaliya. “Waa ila kulmeen waxayna I waydiiyeen wixii ka ogaa, waana u sheegay siday wax u dhacee, laakiin waxaan weydiiyay sababta ilaa hadda loo baari la’yahay dilalkii kale ee Sanca ka dhacay iimana Jawaabin” ayuu Caasimada Online u sheegay Mid kamid ah Ganacsatada Sanca. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa toognaa doodo ku saabsan dagaalkii 3 maalin oo isku xigta Muqdisho ku dhaxmaray Ciidamo kawada tirasn Milateriga iyo Booliiska. Dagaalkii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa sidoo kalane ugu khasaaraha badnaa ayaa ka dhacay Igsoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Labada dhinac ee dagaalamay ayaa mid walba kan kale ku eedeynaya in uu rasaasta bilaabay balse dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay bilaabeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya wali waxaa taagan xiisad u dhaxeysa labada dhinac inkastoo aan aad looga dareemeyn Gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Onmline Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiirka loo soo xulay inuu wararka dawlada iyo dalka gaadhsiiyo dhamaan shacabka iyo dunida waxa uu ku fashilmay inuu warka dawlada gaadhsiiyo qoyskiisa. Wasiirka larabay inuu hago in kabadan 700 oo shaqaalaha wasaarada warfaafinta ah, waxa uu ku fashilmay inuu hago qoyskiisa. Wasiirka runta u kala sheegi waayay Sodogii iyo Madaxwaynaha, ayaynu doonay inuu runta ka sheego wararka Qaranka. Barigii ay wasiiradu karaamada lahaayeen waxa loo diri jiray una soo joogsan jiray magaalooyin, gobalo, iyo beelo dhan, sidoo kale madaxwaynuhu wasiiradiisa wuu qadarin jiray waanuu maqli-jiray. Wasiirkan cidna may qadarin cidna umay soo joogsan waa hadaanu dhinac lasaf-nayn. Ugu dambayn waxa aan cadaalad u rajaynayaa qoyska wasiirkan ee la xidhxidhay. Amb.Axmed Safiina Qaran News
-
Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gunaanaday shir ay lahaayeen madaxda xisbiyada Mucaaradka Somalia ee kasoo horjeeda siyaaasdda dowladda federaalka ah. Shirkan ayaa waxaal laga soo saaray War-murtiyeed ku socday Dowladda uu horkacayo Madaxweyn Farmaajo, iyadoo qodobbada kasoo baxay shirkan ay ka mid tahay in la bedelo xukuumadda hadda jirta oo lagu eedeeyay inay ka soo bixi waday wixii loo igmaday. Xildhibaanada labada Aqal Siyaasiyinta, Madaxda Xisbiyada Ileys iyo Wadajir ayaa waxaa ay shirkooda kasoo saareen Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob,kuwaas oo intooda badan eedeyn loogu jeediyey Madaxda Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ah ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga, wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada, wadahadalladii Somalia iyo Soomaaliland, iyagoo sidoo kale ku eedeeyeen inay caburisay siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Ugu dmabeyn, Waxaa kulankan ka qayb-galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin; hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Warsame, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DF, Cabdi Faarax Siciid [Juxa], Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], Wasiirkii hore ee waxbarashada Somalia C/nuur Sheekh Maxamed iyo xubno kale. AKHRISO: Qodobbadii kasoo baxay shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi; Qaran News
-
Xaaladdahan amni xumo ee ka taagan Soomaaliya waa mid u baahaan in loo maro waddadii saxda ahayd ee lagaga gudbilahaa dhibtan aan dhammaadka iyo ka gun-gaadhista lahayn. Waxaad mooddaa in xeeladaha loo wajahaayo dagaalka iyo ka hortagga cadawga uu yahay mid aan sal fiican ku fadhiyin, waana qorshaha dagaal iyo hawl-gal ee is bedeli kara goor kasta oo masuul hormuud u ahaa qorshaha dagaalka xilka laga qaado ama mid aan khibrad u lahayn loo dhiibo hoggaanka duullaanka qorshaysan. Is bed-beddelka xaalladaha caynkan ahi waa kuwa hormuudka u ah in uu waddanku jiitamo, arrinta amniguna ay noqoto “jug-jug meeshada joog” Si looga gun-gaadho xaaladaha amni iyo qorshayaasha la jecelyahay ee ah in la helo amni waa in ay dawladdu dejisaa qorshe ka duwan midkan muddada lugu caano-waayay ee noqday ma-dhalayska. Amniga Soomaaliya wakhtigan waxa uu u baahanyahay in loo weeciyo ciddii khibradda iyo aragtida u lahayd, wanaa lagama maarmaan In meesha laga saaro nidaamka lugu soo xulo masuuliyiinta loo Xil-saaro sugidda amniga iyo howl-gallada, nidaamkaas oo ah mid qabiil. Sababta uugu weeyn ee amniga Soomaaliya ka dhigtay mid aan laga gun-gaadhin waa nidaamka qabiilka ee ay ku dhisantahay qaybaha kale ee dawladdu. Qorshaha labaad ee uu amnigu u baahanyahay waa in meesha laga saara nidaamka is beddelka badan ama qof ku habboona hoggaanka amniga lugu fogeeyo in la soo shaqeeyay xuukuumad hore oo wakhtigeedu dhammaaday, qofkaasna aan laga soo qaadin mid raacay xukuumaddii hore. Marka laga hadlaayo howlaha amniga iyo nidaamka ku habboon waxa uu tilmaamayaa, masuul kasta oo ciidamada iyo amniga hoggaan ka noqdaa in uu yahay qofkaasi hanti dalku uu leeyahay, mudannayahay illaalin iyo Qaddarin goonni ah. Balse dhibaatada uugu weeyn ee Soomaaliya haysata ayaa ah in maanta raggii amniga wax wanaagsan ka soo qabtay ay dhammaantood bannaanka joogan iyaga oo aan wax talo iyo go’aan ah aan ku lahayn xaaladda amni ee ka jirta waddanka, waana sababta amniga Soomaaliya uu salka u dhigan la’yahay. MAXAA LOO BAAHANYAHAY SI LOOGA GUN-GAADHO XAALADDA AMNI-XUMO EE WADDANAKA. Talo ahaan waxaan dalwadda u jeedinayaa in la sameeyo qorshe amni-qaran, lagana saaro meesha qorashaha kale ee logu magac daray golaha amniga oo ay ku midoobeen dad aan asal khibraddeed u lahayn xaaladda ammaan iyo ciidanba. Amniga waddanku waxa uu u baahanyahay in loo maro waddada saxda ah, waana in la sameeyo guddi amni-qaran oo ay hormuud u yihiin dadkii aynu naqaannay ee amniga dalka aan ku fashilmin balse looga caaydhiyay shaqada xukuumad is bedeshay ama habka wax qaybsiga beelaha, masuuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen raggii hoggaanka u soo noqday hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee ‘NISA’ iyo saraakiishii ciidamada qalabka sida. Waa in guddigaas la sameeyaa lagana dhigaa kuwo jiheeya qorshaha amni qaranka, waana in ay yeeshaan go’aammada uugu sarreeya ee amniga. Iyaguna waa in ay noqdaan kuwo jiheeya xaalladda mani ee waddanka, isla markaasna lagala xisaabtamo. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors