-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-23042019-ww.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti kooban oo uu hoggaaminayay oo dhawr maalmood safar ugu maqnaa dalka UAE ayaa Axadii ku soo laabtay caasimadda Hargeysa. Madaxweyne Biixi, ayaan sidii looga bartay saxaafadda wax war ah siinin si ay umada ugu sii gudbiso, bedelkiisana waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo sheegay in Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta UAE ay ka wada hadleen dhawr qodob oo ay shacabku su’aalo badan iska weydiiyeen. Madaxweyne; yaad la kulantay? Mudane Madaxweyne, inkastoo uu Wasiirkaaga khaarajigu sheegay inaad masuuliyiitna dawladda UAE ka wada hadasheen dhawr qodob oo kala duwan, haddana wasiirku ma sheegin masuuliyiinta aad la kulantay kuwa ay yihiin iyo darajadooda, lamana arag wax muuqaal ah oo ay madaxtooyadu la wadaagtay warbaahinta oo ku saabsan kulamadaas, sidii looga bartay safaradii aad hore dibadda uga baxday oo ay madaxtooyadu warbaahinta la wadaagtay meel kasta oo aad martay. Waxa keliya ee la ogyahay inaad saddex habeen ku maqnayd dalka UAE. Madaarkii Berbera Mudane Madaxweyne, Wasiirkaaga arrimaha dibaddu wuxuu sheegay in saldhigii milatari ee UAE ka dhisanaysay Berbera sidoo kalena loo isticmaali doono duulimaadyada rayidka ah, “Waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon. Laakiin Madaxweyne heshiiskii ay xukuumadii Siilaanyo ka ansixisay labada gole Baarlamaan waxa ku jiray qodob sheegayay in UAE dhisi doonto madaar shacab. Qodobka 8aad ee heshiiskaas, faqradiisa ‘T’ waxay odhanaysay in dawladda UAE dhisi doonto madaar cusub “ T) Dhismaha Madaar cusub oo laga hirgeliyo Magaalada Berbera (Civilian and Cargo Airport).” Sidaas ayuu u dhignaai qodobka 8aad ee heshiiskaas labada gole ansixiyeen, faqradiisa ‘T’. Waxa markaas Madaxweynoow la isweydiinayaa ma isbedel ayaa lagu sameeyay qodobadii heshiiska oo UAE waxay joojisay dhismaha madaarkii cusbaa ee heshiiskaas ku jiray. Waa su’aal Madaxweyne, lagaa sugayo inaad umadda uga jawaabto Is afgarad, heshiis mise wada hadal Madaxweyne, wuxuu wasiirkaaga arrimaha dibadu sheegay in qodobada kale ee in la xuso mudan ee aad ka wada hadasheen dawladda UAE ay ka mid ahaayeen in UAE iyo Somaliland sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland oo gaadhsiisa caalamka ama dalalka kale ee Carbeed, “Arrintaasi waa arrin weyn oo la soo galay oo la filayo inay dhaqaalaha badan ka qaban doonto” ayuu yidi Wasiirul khaarajigu. Madaxweyne, Wasiirku ma sheegin in hay’adan cusub laga wada hadlay, ama is afgarad laga gaadhay amaba heshiis la saxeexay. Saddexdaas midka ay tahayba waxa lagaa sugayaa inaad umadda u soo bandhigto, waayo xooluhu waa laf dhabarta dhaqaalaha umadda Somaliland, waxaana dhoofinta xoolaha Somaliland ka shaqaysa ganacsato badan oo reer Somaliland. Sidoo kale wuxuu Wasiirku sheegay in laga wada hadlay in sidii loo xoojin lahaa baanka dhexe ee Somaliland. Laakiin waxa xiiso badan inaanay weftiga Madaxweyne Biixi ka mid ahayn cid ka socota Baanka Somaliland amaba wasaaradda xanaanada xoolaha oo ay labadan qodoba khuseeyaan. Warbaahinta UAE Socdaalkan uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalka UAE wuxuu noqonayaa socdaalkii saddexaad. Marka laga reebo socdalakiisii u horeeyay oo ay warbaahinta UAE warbixino badan oo kala duwan ka diyaarisay, socdaalkan u dambeeyay iyo socdaalkii ka horeeyay waxa muuqata in warbaahinta UAE oo ay gacanta ku hayso dawladda UAE aanay wax warbixino ah ka diyaarin Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa. Madaxweyne, socdaalkaagii u horeeyay waxay warbaahinta UAE siisay ahmiyad gaar ah, socdaalkii labaad waxay warbaahinta UAE u muuqatay inaanay wax dareen ah siinin, socdaalkan u dambeeyayna waxa xataa la waayay wax muuqaal ah oo ku saabsan socdaalkaaga shaqo ee UAE iyo kulamada aad ka qayb gashay. Gunaanad Madaxweyne, socdaalkaagan u dambeeyay wuxuu ahaa kedis, iyadoo aanay bil ka soo wareegin socdaalkii u dambeeyay ee aad UAE ku tago, ayaad haddana socdaalkan u dambeeyay ku gaadhay dalkaas. Waxa socdaalkan la iska weydiinayaa Madaxweyne su’aalo badan oo ay ka mid yihiin su’aalahn xagga sare ku xusan iyo weliba kuwo kale oo badan. Madaxweyne, waxa markaas loo baahanyahay inaad umadda la hadasho oo aad uga jawaabto su’aalo badan oo ka dhashay socdaalkan iyo weliba hadalka wasiirkaaga arrimaha dibadu siiyay saxaafadda. Source
-
Hargeysa (Somalilandtoday) Siyaasiyiin badan oo miisaan ku lahaa saaxada siyaasadda Somaliland oo iskugu jira Mujaahidiin, Siyaasiyiin iyo Madaxweyne ku xigeenadii hore ee soo maray Somaliland,ayaa gebi ahaan-ba hadda si toos ah uga muquurta ka haddalka xaaladaha dalka ka jiray, kuwaas oo cahdigii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka hadli jiray xaaladaha ka alloosnaa dalka, isla markaana dhaliilo kala duwan dusha u saari jiray Xukuumaddaasi,iyagoo hadda ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland tan iyo wakhtigii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegayaa inuu jiro is fahan hoose uu dhex-maray Madaxweyne Biixi iyo xubnahaasi Siyaasiyiinta ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland iyo ka haddalka xaaladaha dalka tan iyo wakhtigii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Biixi, ayaa waxa kamid ah Odayaashii madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland isku bahaystay, kuwaas oo ay kamid ahayeen Mujaahid Xasan Guure,Mujaahid dhega weyne, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Prof Cabdisalan Yaasiin iyo xubno kale, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madashu ay wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey inay ka hadli jireen xaaladaha dalka ka alloosan , isla markaana ay dhaliilo u jeedin jireen, waxaanay xuluufadaasi Madasha ku bahowday ay cahdigaasi ahayeen kuwa shirar saxaafadeed-yo is daba jooga qaban jiray oo ay ku dhaliili jireen Xukuumaddaasi Siilaanyo, haseyeeshee tan iyo wakhtigii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ayey noqdeen kuwa ka gaabsatay ka haddalka xaaladaha dalka oo ay gebi ahaan-ba ka muquurteen Xoggo kala duwan oo laga hellayo illo wareed-yo kale gedisan ayaa sheegaya in odayaasha Madasha iyo Madaxweyne Biixi uu jiro is fahan hoose oo u dhaxeeya, kaasi oo ah in aanay Xukuumaddiisa ka hor iman isla markaana aanay dhaliil iyo toosan mid-na war-baahinta u marini, balse ay wixii talo iyo toosin ah si hoos isaga ula wadaagaan, isla markaana uu albaabkiisu u furan yahay xili kasta Dhanka kale kalene Siyaasi Cali Guray oo kamid ah isaga laftiisu siyaasiyiintii dhaliili jiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo , haseyeeshaa hadda afka ka xidhay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa isagu arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay Bogga Facbuuga uu ku leeyahay kaasi oo u dhignaa sidan “Maxmed Xaashi mee? Xasan Guure mee? Boobe mee? Ibraahin Dhegawayne me? Caligurey mee?Raggan badankoodu CIRKIYO DHULKA MEEL DHEXDOODA AHOON DHANABA JIRIN BAY DHACDHACAYAANE ISKA DAAYA. Maxamed Xaashi isagu waa Muuse saaxiibkii muddo ayay kala baadeen malahase hadda dib ayaabay isu heleen. Mooyi ma hubo.”Ayuu ku yidhi Cali Gurey qoraalkiisa Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee soo maray Somaliland ayaa iyana u muuqda wakhtigan kuwa ka muquurtay ka hadalka xaaladaha dalka iyagoo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi talada dalka qabtay ay yihiin kuwa aan ka haddal xaaladaha dalka, halka ay cahdigii Madaxweyne Siilaanyo isku bahaysan jireen ka haddalka xaaladaha dalka ka jira oo ay keli keli iyo wadar jirba uga hadli jireen xaalada dalku uu marayo , balse bulshada reer Somalilana ayaa ah hadda kuwa su’aalo badan iska weydiinaya waxaay uga aamuseen inay ka hadlaan xaaladaha kala jeedka ah ee dalka ka taagan. Source
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu Maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 25 April uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Shariifka ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweynta uu diyaarinayo Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyaha ka yahay. Wararka ayaa sheegaya in ujeedada safarka Sheekh Sharifi ee Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas. Sheekh Shariif oo looga adkaaday doorashadii 2017 ayaa isu diyaarinaya in markii saddexaad uu diyaar garow xoog leh u galo Tartanka doorashada soo socota ee 2020/21. Imaanshaha Shariif ee Muqdisho ayaa la rumeysan yahay inuu culeys siyaasadeed ku yahay dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo horay Muqdisho ugu sugnaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Shiikh Shariif ayaa Muqdisho imaanayo xili ay Dowladda Soomaaliya la kulmeyso culeyso siyaasadeed oo kaga imaanayo Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku kacsan Dowladda uu hoggaamiye Farmaajo. Sidoo kalana wuxuu kusoo aadayaa Xilli madaxda Maamul Goboleedyada ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaas oo ay kulan kula yeesheen Beesha Caalamka iyagoo dacwad ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Eritrea reportedly closed the Bure-Assab road starting Monday morning, according to a report by DW Amharic. This was the only border that was not closed. The road was opened ceremoniously with the presence of Eritrean president Isayas Afeworki and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed after the two countries ended two decades old hostility in 2018. The border closure came four days after the Omhajer-Humera border, which is in the north Western part of Ethiopia and South West of Eritrea, is closed. The road closure is only on the Eritrean side. Why Eritrea has to close the border is unclear but the DW Amharic reported that there are speculations that the action has something to do with move to regulate commerce between the two countries. What is clear is, based on DW Amharic Report which is published on Monday April 22,2018 is that higher authority in Asmara has ordered the closure. Qaran News
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo arrived in the Egyptian capital, Cairo on Monday. The president and his delegation will take part in a consultation meeting convened by Egyptian President, Abdulfatah al Sisi who is the current African Union Chairman on the ongoing political development in Sudan and Libya. “The President will take part in a meeting by the neighbors of Sudan and IGAD,” Somali Foreign Minister Ahmed Awad said. Somali head of state and his delegation will also have sideline meeting with President Al Sisi of Egypt before the summit to discuss the mutual interest of both Arab countries. Heads of Governments from Chad, Djibouti, Rwanda, Congo, South Africa, the Ethiopian deputy prime minister, the South Sudanese advisor for security affairs, as well as officials from Uganda and Nigeria will be attending the consultation meeting in Cairo on Tuesday. Sudan has been witnessing a clash between the Sudanese Transitional Military Council (TMC) and protesters over the handover to civilian rule, only 10 days after the ousting of former President Omar Hassan Al-Bashir. The talks between the military and opposition parties continue despite calls for the transfer of power to civilian rule. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kumaandooska Puntland. Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada sida gaarka u tababaran ee PMPF waxaana la sheegay in askari kale uu ku dilay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Sarkaal la dilay oo lagu Magacaabi jiray Xasan Mire jaceyl ayaa ka dhacay taliska ciidamada (PMPF). Ee duleedka Boosaaso,waxaana la sheegay in uu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada, kadib khilaaf soo kala dhex galay. Dilka kadib Ciidamada Puntland ee Saldhigaasi ku sugan ayaa la xaqiijiyey inay Gacanta ku dhigeen Askariga dilka u geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa Kumaandoosta. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in askariga dilka u geystay sarkaalka dhawaan Maxkamad la horgeyn doono,isla markaana ay gacanta ku hayaan. Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sida ay isku qabteen labada ruux, waxaana xabsiga la dhigay askariga dilka geystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xidigihii saddexlayda bishii December 2018 ka dhaliyay xulka Jabuuti Feysal Axmed Xasan kana mid ahaa ciyaartooydii dalka u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka ayaa si rasmi ugu mid noqday naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club waxaana saxiixan laacibkan isha ku hayay kooxaha waaweyn ee dalka. Cabdi Wali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka tirsan macalimiinta kooxda Muqdsiho City Club ayaa sheegay in uu kalsoonyahay xirfada laacib Feysal Axmed si weyn loo sugayo xirfadiisa goolasha uu kusoo bandhigay waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay 2018. Feysal Axmed Xasan ayaa ka haray kooxdii ka timid wadanka Britain,balse isaga uu kasoo raacay dalka Norway wuxuuna caasimada Muqdisho laacibka u imaaday ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhagal bulsho,balse laacibkan waxa uu safarka kooxdii uu la soccday uga haray waajibaadka xulka qaranka. Kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa si weyn ugu loolalamay saxiixan xidigana,balse falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragti ah in laaciibkan uu biixin karo boosas badan oo iminka ka maqana kooxda Muqdisho City Club sanadaha soo aadan oo koobab badan kula guulaysandoono M.C.C. Taageerayaasha kooxda Muqdisho City Club ayaa qaba rajo wanaagsan taas oo ku aadan in sanadkan tartamada kubbadda cagta mid ka mid ah ay ku guulaysan karaan maadaama sanadkii lasoo dhaafay 2018 ay hanteyn koobka sanadalaha ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse . Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Feysal Iyo Ku Biiritaankiisa Kooxda Muqdisho City Club W/D-W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa sheegay inay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyay saddexda xisbi sidaa darareed labadooda oo keliya ay gaadheen heshiis rasmiya. Qodobada ay ku heshiiyeen Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa waxa ka mid ah in guddidan doorashada ee hadda joogaa ay sii wadaan hawlaha ka horreeya doorashada, marka wakhtigoodu dhammaadana la soo magacaabo guddi doorasho oo 7 xubnood ka kooban. Labada xisbi ayaa ku eedeeyay xisbiga WADDANI in aanu diyaar u ahayn doorasho wakhtigeedii ku dhacda. Xisbiga WADDANI ayaa hore kalsoonida ugala noqday guddida doorashada ee hadda la sheegay in ay sii wadayaan hawlaha ka horreeya doorashada. Warkan oo faah-faahsan goor-dhaw la soco Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliyo iyo maamulka Puntland ayaa khilaaf hoose uu soo kala dhex galay, kaasi oo ka dhashay mashaariic dhanka caafimaadka ah. Warar Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay isku qabteen la wareegida Mashaariic Caafimaad oo muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ay maamuleysay. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in sanado kadib la wareegto maamulka Mashaariic dhanka caafimaadka la xiriira oo laga fulin jiray deegaanada maamulka Puntland, halka Puntland ay dooneyso inaan laga wareejin mashaariicda caafimaadka. Muddo 10 sano ah ayaa la sheegay in mashaariicda dhanka caafimaadka laga fulin jiray deegaanada maamulkaasi, islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay maamulaan Mashaariicda, sida wararka aan ku heleyno. Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in xubno matalayay Puntland oo Muqdisho kaga qeyb galayay shir arimahaasi looga hadlayay ay caro darteed ka baxeen shirka, waxaana taasi ay keentay in natiijo la’aan lagu kala tago. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan kulanka lagu kala tagay, waxaana socda sidii markale xubnaha kala matalaya labada dhinac ay kulamo kala ku yeelan lahaayeen. Ma wanaagsana xiriirka Puntland kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxaana Puntland ay ka carootay markii Garowe laga wareejiyay kulan u dhaxeeyay dowladda iyo maamul goboleedyada ku yeelan lahaayeen magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee M/Muqdisho ayaa ka hadlay shir siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Xildhibaano ka tiran BFS ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Natiijada ka soo baxday shirkaasi ayuu sheegay in aysan wax tar u laheyn guud ahaan Ummadda Soomaliyeed. Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in ay la shireen Beesha Calamka, balse waxa uu xusay in ay isku soo Sawireen shaqaale ka tirsan QM, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Sofeysane-1.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Tan iyo intii Somaliland Xornimada lasoo noqotay ee dib u dhiska lagu samaynayay dalka, ciidamada kala duwan ee qaranku waxa ay ahaayeen kuwo shacabka tix-gelin ballaadhan ka haysta marka la eego doorka ay ku lahaayeen dib u dhiska iyo nabadaynta qaranka iyo dhinaca kale duruufaha adag ee ay muddodaasi soddonka sano ku dhaw ku soo shaqaynayeen. Ciidamada Booliska Somaliland oo ka mid ah ciidamada qaranka ee kala duwani waxa ay hore ugu suntanaayeen dadaal iyo naf-huris ay qarankooda ugu shaqaynayeen tan iyo maalintii dhidibada loo taagay sannadkii 1993-kii wakhtigaasi oo ay soo mareen duruufo kala duwan oo waayahooda lahaa bulshaduna in badan ka war qabtay doorka iyo kaalinta ay qaranka ugu jiraan balse muddooyinkii ugu dambeeyey marka aad eegto hab-dhaqannada layaabka leh ee ay marar badan ku kacaan ciidamada ammaanku waxa soo baxaya hoos u dhac weyn oo ku yimid shacbiyaddii ay umadda ku dhex lahaayeen iyada oo intaasi Bulsahdu ku baaqayso in la gaadhay wakhtigii ciidamada booliska dib u habayn ballaadhan lagu samayn lahaa (Reform). Hannaanka ay uga jawaabaan rabshadaha wakhtiyada qaarkood dhaca ee ay rabshadaha uga hor tagaan waxa ay hore u keentay marar badan in ay rasaas nool dad badan ku laayeen. Sidoo kale waxa muddo badan isa soo tarayay cabashada culus ee ay qabaan dadka danta yar ee suuqyada ku ganacsadaa dhibaatada ay kala kulmaan ciidamada ammaanka sida rarista dadkaasi ku ganacsada jidadka hareerahooda oo marar badan la arko qaabka arxan darrada ah ee Boolisku u jiidjiidaan dadka una galalafaan hantida bacad-yaalka ah. Saxaafadda ayaa iyana muddo dheer cabasho ka soo yeedhaysay hannaanka dhibka badan ee boolisku ula dhaqmaan marka ay hawlgallo ka dhan ah saxaafadda fulinayaan iyada oo la wada xasuusto qaabkii uu dhawaan askari ka tirsan ciidamada boolisku u waxyeeleeyey gabadh wariye ah iyo sawir qaadaheedii oo ka tirsanaa Telefishanka HCTV iyo waliba hawlgalkii ugu dambeeyey oo shalay ciidamada Boolisku ku waxyeeleeyeen mid ka mid ah wariyayaasha Telefishanka kaasi oo la sheegay in askari ka tirsan ciidamada nabad galyada waddooyinku soo gaadhsiiyey dhaawac jabniin ah. Dhinaca kale falkii loogu hadal haynta badnaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey si gaar ahna u qabsaday waxa baraha Bulshadu waxa uu ahaa muuqaalka muujinaya qaabka argagaxa leh ee laba ka tirsan ciidamada Boolisku ula dhaqmayaan haweenay ummul ah oo ka mid ahaa dadkii khasabka lagaga rarayay dhulka laga binaynayo madaxtooyada cusub ee galbeedka Hargeysa. Badiba dadka aaraada iyo afkaaraha kala duwan ka bixinayay muuqaalka laga soo duubay falkaasi labada askari kula kaceen haweenaydan uurka leh oo ay baastoolad qoorta kaga qabteen marar badana jiidjiidayaan waxa kaaa muuqanaysa sida shacabku khaati uga taagan yahay soo laab laabashada falalka gurracan ee ciidamada ammaanku ku dhaqmayaan muddooyinkan ugu dambeeyey iyada oo sannadkii hore dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF ay soo saartay warbixin dheer ay ay kaga hadlayaan duruufaha ka jira xabsiyada dalka ee ay gacanta ku hayaan Boolisku iyaga oo ku tala bixiyay in ciidamada booliska Somaliland u baahan yihiin dib u habayn. Waxa iyana xusid mudan in dhawaan Golayaasha sharci dejinta ee dalku baas gareeyeen wax ka baddal lagu sameeyey xeerka Booliska Somaliland oo ay shacabku filayeen in uu xeerkaasi noqon doono mid dammaanad qaada in ay kaga badbaadaan dhibaatada ka soo gaadha Booliska balse xeerkaasi dib loos oo celiyey wax ka baddalna lagu sameeyey. Ururrada u doodda xuquuqal insaanka iyo qaar ka mid ah qareennada Somaliland ayaa dhawaan mar ay arrinka xeerkan ka hadlayeen waxa ay sheegeen in ay walaac weyn ka qabaan in xeerkaasi laga saaray qodobo badan oo muhiim ah oo Booliska xakamayn lahaa. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Qaar kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah raysal wasaaraha Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid loogu yeedhayo raysal wasaaraha dalka Soomaaliya inuu ku hor yimaado baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana wax laga weydiin doono waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayo. Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in qorshahaasi ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaana uu sheegay inay doonayaan in raysal wasaaraha Su’aalo badan ka weydiin doonaan xaaladda dalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Xildhibaanka in weli ayna dhicin in raysal Wasaare laba Sanno Shaqeynayey ee aan Baarlamaanka hor-imaan, isla markaana raysal Wasaare kheyre uu hore u balan qaaday in uu hortagayo balse ayna dhicin taasina uu juhdi badan ku bixiyey. Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in raysal wasaaraha uu kasoo bixi waayo balamihii uu hore kaga dhawaaqay xarunta golaha shacabka, kaasi oo ahaa in bil walbaa uu hor imaan doono baarlamaanka. Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxa uu ka mid yahay Xildhibaannada aad u dhaliilsan Siyaasada xukuumadda Soomaaliya, waxaan uu ka mid ahaa Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii ku shiray Magalada Nairobi. Source
-
Xassan Mire Jeceel Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegay in saaka halkaasi lagu dilay, sarkaal ka tirsanaa guutada kumaandooska ee ciidanka badda Puntland (PMPF). Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xassan Mire Jeceel, ayaa sida la sheegay waxa taliska PMPF ee duleedka magaalada Boosaaso ku dhex dilay, askari kale oo isla ciidankaasi ka tirsan, kadib markii ay murmeen. Askarigii dilka geystay ayaa gacanta lagu dhigay, sida ay warbaahinta Puntland Post ka xaqiijisay, taliska ciidanka PMPF ee magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan PMPF oo lagu dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa xalay gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasoo uu maanta uga qeyb galayo shir madaxeed gaar ah oo lagaga hadlayo arrimaha Sudan. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa waxaa uu shirka ku casuumay dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD, Chad, Rwanda iyo Koofur Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shir madaxeed kooban uu Madaxweynuhu ka qeyb galayo, waxaa uu xusay in shirkaan isugu imaanayaan dalalka deriska la ah dalka Sudan. “Masar ayaa shirka marti gelineysa, sida ogtahay Masar waa dal deris la ah Sudan, Madaxweynaheeda waa Guddoomiyaha Midowga Afrika, shirka waxaa looga hadlayaa xaalada Sudan”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda IGAD. 11-kii bishan ayaa dalka Sudan waxaa ka dhacay afgambi millateri oo xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalkaas xukumayay muddo 30 sanno ah, waxaana dibad baxyo bilihii la soo dhaafay oo ka dhacay dalkaas uu soo afjaray xukunkii dheeraa ee Madaxweyne Al-Bashiir. Source
-
(SLT-Hindiya)-Waxaa dad badan oo daawada aflaanta Hindiga aan ka qarsooneyn in jilaaga caanka ah ee Salman Khan aanu guursanin waligiis. Salman Khan oo ay da’diisu tahay 53 sano, loogana bartay aflaanta Hindiga ee jaceylka iyo dagaalka ku saleysan ayaa su’aasha ugu badan ee la weydiiyay noolashiisa waxaa la sheegay inay ahayd sababta uu u guursan waayay, waxana marar badan su’aashaas weydiiyay warbaahinta dalka Hindiya oo in muddo ah doonayay inay ogaadaan waxa jilaagan ku kalifay in uusan ku dhiiranin in uu guursado. Salman Khan oo dhowr jeer la weydiiyay sababta uu u guursan la’yahay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, isagoona horay u sheegay in sababta uu u guursan la’yahay ay tahay dhaqaalaha guurka ku baxa oo ka badan intii ay ku guursan jireen dadkii hore. Hase ahaatee, jawaabtaas ayey dad badan ay u arkeen in Salman uu isaga jeedinayo indaha shacabka iyo taageerayaashiisa, maadaama jilaaga uu kamid yahay jillayaasha ugu hantida badan dalkaas, ayna jirin sabab ku kalifi karta in dhaqaale la’aan uu u guursan waayo. Bale warbaahinta dalka Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadal hayay xog hoose oo ay ka heleen qoyska Salman khan. Salman Khan iyo Katrina Kaif aya mar lagu xaman jiray inay xidhiidh leeyihiin Inkastoo BBC-da aysna xaqiijin karin xogtaas ayaa haddana qaar kamid ah warbaahinta dalka Hindiya oo soo xiganaya qof kamid ah qoyska Salman waxay kusoo warrameen in Khan uusan dooneyn in uu qoyskiisa ka fogaado. “Salman waxaa aad loogu yaqaanaa qadarinta uu u hayo qoyskiisa, dhowr jeer oo hore oo uu isku dayay in uu guursado waxa ay la noqon weyday in fursad la noolaasho uu siiyo qofkale oo aan ahayn qoyskiisa, taasi na ay tahay sababta uu u guursan la’yahay”, sidaas waxaa qaar kamid ah warbaahinbta Hindiya u sheegay qof kamid ah qoyska Salman Khan. Sanadihii dambe waxa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheeegaya in Salman khan uu doonayo in uu guursado gabdho ay kamid yihiin Katrina Kaif iyo Iulia Vantur, balse wararkaas ayaa noqday kuwa xan ah oo kaliya oo aysan waxba ka suurtagelin, waxaana qoyska Salman Khan la sheegay in mar walba ay ku booriyaan in uu guursado, balse isaga uu go’aankaas qaatay. “Qoyskiisa waxay mar walba doonayeen in Salman Khan uu guursado qaar kamid ah gabdhaha ugu caansan dalkaas, balse dantiisa shakhsiga wuxuu mar walba ka hor mariya tan qoyskiisa oo wuxuu jecel yahay in uu la noolaado qoyskiisa, ayna noqdaan qoys boqortooyo ah.”Ayuu raaciyay. Salman Khan oo dad badan ay u arkaan in uu sii duqoobayo marka la eego da’diisa ayaanan wax reer ah yeelanin waligii, arrintan oo dad badan ay la fajaceen maadaama qaar kamid ah caruurta jilayaashii ay isku wakhtiga ahaayen Salman ay durba kusoo biireen jilista aflaanta. Salman Khan oo uu dhalay jilaaga caanka ah ee Salim Khan ayaa shirkadda Bollywood-ka kusoo biiray horaantii sagaashameeyadi, waxaana tan iyo xiligaas uu soo jilay inkabadan boqol Filim oo uu dhaqaale badan ka sameeyay. Hantida uu heysto waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 300 oo milyan oo doolar. Qaar ka mid ah hay’adaha falanqeeya arrimaha filimada ayaa Salmaan Khan ku tilmaamay inuu yahay jilaagii ugu wanaagsanaa ee abid soo maray dunida, inkastoo kuwo kale ay dood ka keeneen arrintaas, ayna barbar dhigeen jilaaga kale ee lagu magacaabo Shakrukh Khan. Source
-
(SLT-Garoowe)-Cawaale maxamuud Sheekh oo ah Sarkaal ka tirsan wasaaaradda maaliyadda maamulka Puntland ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari waxay xukuntay Xabsi iyo ganaax lacageed ka dib markii lagu soo eedeeyay Musuqmaasuq. Guddoomiyaha maxkamada Abuukar Cabdinuur Jaamac oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in lagu soo eedeeyay Cawaalo musuqmaasuq iyo adeegsiga waraaqo been abuur ah, waxaana uu ku xukumay 4 sanno oo xadhig ah, Shan boqol oo dollar oo ganaax ah iyo inuu bixiyo lacag dhan $ 2751 (labo kun toddobo boqol konton iyo kow doollar) oo la sheegay inuu lunsaday. Cawaale oo 26 jir ah ayaa ciidamada booliisku waxay ka soo qabteen degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaa uu ka shaqaynayay qaybta dakhliga ee degmada. Wasiirka Maaliyadda Xasan shire Abgaal oo toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Bosaso ayaa sheegay inay hayaan labo nin oo ku eedaysan musuqmaasuq, kuwasoo uu sheegay inay Maxkamad soo taagi doonaan. Ma aha markii u horraysay ee Maxkamadi ku xunto xadhig iyo ganaax lacageed sarkaal ka tirsan maamul gobolleedka Puntland, iyadoo hore saraakiil hore xabsi balse markii dambe la sii daayay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid loogu yeerayo ra’iisul wasaaraha dalka inuu ku hor yimaado baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana wax laga weydiin doono waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayo. Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in qorshahaasi ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaana uu sheegay inay doonayaan in ra’iisul wasaaraha Su’aalo badan ka weydiin doonaan xaaladda dalka. Waxa uu sheegay Xildhibaanka in weli aysan dhicin in Ra’iisul Wasaare laba Sano Shaqeynayey ee aan Baarlamaanka hor-imaan,isla markaana Ra’iisul Wasaare kheyre uu horay u balan qaaday in uu hortagayo balse aysan dhicin taasina uu juhdi badan ku bixiyey. Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in ra’iisul wasaaraha uu kasoo bixi waayo balamihii uu horey kaga dhawaaqay xarunta golaha shacabka, kaasi oo ahaa in bil walbaa uu hor imaan doono baarlamaanka. Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxa uu ka mid yahay Xildhibaannada aad u dhaliilsan Siyaasada xukuumadda Soomaaliya,waxaan uu ka mid ahaa Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii ku shiray Magalada Nairobi. Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan C/Fataax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Xildhibaan.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors