-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha iyo safiirka Nairobi, April, 23, 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa. Kulanka oo muhiimad balaadhan u lahaa Puntland ayaa waxaa looga hadlay xidhiidhka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad. Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka baaaladhan ee Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaadhan. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in muhiimad balaadhan uu u leeyahay kulan kan Dowladda Puntland, khaasatan dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaadhay dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee kor ku xusan. _DHAMMAAD_ The post War-saxaafadeed: Dowladda Puntland iyo boqortooyada Sacuudiga oo iska kaashanaya la’daagaallanka argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimadda Online) – Warbixin cusub oo lasoo saaray ayaa muujineysa in Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeyn culus oo ku saabsan inay buunbuunisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii. Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha loo yaqaanno Black Hawk ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabay “Black Hawk Down”, oo laga malatay sida ay wax u dhacayeen. Sida ku xusan warbixinta, Ilhaan Cumar oo lagu yaqaanno inay hadal kulushahay ayaa sheegtay in “kumannaan” qof ay ku dhinteen dagaalkii uu Mareykanka ku galay magaalada Muqdisho. Haase ahaatee, xildhibaanaddan aqalka Koongareeska u matasha gobolka Minnesota ayaa hadalkaas Twitter-keeda ku qortay mar sii horreysay, waxaana warbixintan shaacisay hay’ad baaritaanno ku sameysa arrimaha la xiriira argagixisada. Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraalkan oo ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii. “Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!”, sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay. Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo “kumannaan”, sida ay qortay warbaahinta Fox News. Dadka dhaleeceeyay Ilhaan, oo ay ka mid yihiin rugcaddaayadii ka qeyb galay dagaalkaas ayaa eedeyn culus u jeediyay gabadhan oo ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee ka tagay Soomaaliya, haddana noqotay mid ka mid ah haweenkii muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay aqalka Koongareeska. “Ciidankeenna aad baa looga tiro batay, waxayna u dagaallamayeen inay naftooda difaacaan. Dhammaan maleyshiyaadka Soomaalida ah waxay u carari kareen meesha ay doonaan laakiin kuweenna wax waddo ah uma aysan furneyn”, waxaa sidaas yidhi Mike Durant, oo ah sarkaal howlgab noqday. Mr Durant ayaa ahaa duuliyihii diyaaraddiisa dhulka lasoo dhigay 3-dii bishii Oktober ee sannadkii 1993-kii, kadibna ay afduubteen xoogaggii Muqdisho ka dagaallamayay. Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer jeedisay hadallo liddi ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo mar sii horreysayna lagu dhaliilay inay soo qortay hadal muujinaya waxa loogu yeeray “Yahuud Naceyb”. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe ka furtay, kulan ku saabsan, sidii gabdhaha ka shaqeeya xarumaha degmooyinka ay goobahooda shaqada uga heli lahaayeen meelo ay ku nastaan. kulanka ayaa loo qabtay mas’uuliyiinta degmooyinka; Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso iyo xubno ka kala socday degmooyinkaasi afarta oo wasaaraddu ka samaysay xog uruurin ku aaddan baahida ay gabdhaha degmooyinka ka shaqeeya u qabaan helista jawi ay ku nastaan. Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo ugu horrayn kulanka faahfaahiyay, ayaa sheegay in kulanka ku saabsanyahay, ansixinta xogta ay soo uruurisay wasaaaradda ee ku aaddan in gabdhaha degmooyinka ka shaqeeyaa helaan jawi ay ku shaqeyn karaan iyo meelo ay kaga nastaan shaqada. Duqa ayaa sidoo kale sheegay in gabdhaha ka shaqeeya degmadiisa, ay haystaan jawi shaqadooda ku habboon, ayna ka caawiyaan culaysyada ay shaqada kala kulmaan, islamarkaana fasaxyo siiyaan, isagoo ku baaqay in degmooyinka oo dhan sidaasi laga sameeyo. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, Sahra Axmed Xirsi, ayaa dhankeeda kulanka ka sheegtay in macluumaad iyo xog-uruurin wasaaraddu ka samaysay degmooyinka lagu ogaaday, in gabdhaha ka shaqeeya xarumaha degmooyinka ay u baahan yihiin jawi shaqadooda ku habboon iyo in ay helaan gooba ay ku nastaan. Kulanka oo socon doona mudda laba maalmood ah, ayaa looga doodi doona macluumaadka la xiriira baahida gabdhuhu u qabaan jawi ku wanaagsan shaqadooda, macluumaadkaasi oo laga soo uruuriyay degmooyin, iyadoo ugu dambeyntii xog-uruurinta la ansixin doono. halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Garoowe: Kulan ku saabsan sidii gabdhaha xarumaha degmooyinka ka shaqeeya jawi nasasho u heli lahaayeen appeared first on Puntland Post.
-
Qaahira (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka. Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag. Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika. Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Vladivostok)- Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa maalmaha soo socda booqasho ku tagi doona dalka Ruushka, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin. Warbaahinta Waqooyiga Kuuriya ayaa xaqiijisay maanta in labada Hoggaamiye ay ka wada-hadli doonaan arrimo badan, iyadoo markii u horreysay ay noqoneyso kulanka Kim iyo Putin. Kulankan ayaa ka dhici doona dhammaadka bishan April magaalada Vladivostok oo u dhow xuduuda Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya. Wada-hadalada labada hoggaamiye ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, iyadoo wada hadaladii bishii February dhex-maray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Kim Jong Un uu ku dhamaaday natiijo la’aan. Midowgii Soviet iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa ahaa xulufo, waxayna lahaayeen iskaashi dhaqaale iyo kaalmo uu Midowgii Soviet siin jiray Waqooyiga Kuuriya. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka. Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag. Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika. Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa Masar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan codsaday in laga shaqeeyo sidii loo wada hadalsiin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Argagixisada xiriirka la leh ee Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa baaqaas ka jeediyey kulankii ay dhawaan yeesheen culimada Soomaaliyeed halkaas oo uu Farmaajo culimada uga codsaday inay ka shaqeeyaan sidii ay u wada hadalsiin lahaayeen AL-Shabaab iyo Dowladda Dhexe. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin, qabyaaladda iyo musuq maasuqa. Baaqii Madaxweyne Farmaajo ayaa durba waxaa ka jawaabay Culimada Soomaaliyeed, waxayna sheegeyn inay arrintaas diyaar u yihiin. Sheekh Xasan Jaamici oo kamida Culimada kulanka uga soconaya Magaalada Mogadisho ayaa sheegay in diyaar u yihiin wadahadalsiinta Al-ShabAab iyo dowladda, ayna fududahay arintaasi. Shiikh ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay u fasaxdo inay tagaan deegaanada ay Al-Shabaab maamulaan si ay dhinacaas ula kulmaan isla markaasna ay ka dhaadhacsiiyaan inay la hadlaan Dowladda Dhexe. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey dhawr jeer ugu celcelisay inaysan marnaba wadahadal la geli doonin Dowladda Soomaaliya inta ay Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM. Lama yaqaan sid ay ku suurtageli karto wadahadal dhexmaro Dowladda Dhexe iyo Al-Shabaab iyadoo la ogyahay meesha ay la Al-Shabaab ka joogaan inay wadahadal la furaan Dowlada Soomaaliya oo ay ku arkaan in madaxdeeda ay ka baxeyn Diinta Islaamka. Halkaan hoose ka dhageyso codka Shiikha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Dhageyso-Dowladda-Somalia-iyo-Al-Shabaab-oo-la-wadahadal-siinayo-Radio-Risaala-Somali-News-Online.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Siyaasi Cali Canter Oo Qaaday Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Siyaasi Duur Iyo Waabeeye & Soo Dhaweynta Madaxweyne Biixi Oo Uu Saf U Galay . Guddoomiyaha gudida anshax marinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Siyaasi Cali Axmed Canter oo hore siyaasiyiin Xisbigaasi ka tirsan ugu eedayn jiray ka qayb-galka munaasabadaha ay madaxtooyaddu agaasinto ayaa isagu doraad saf u galay soo dhaweyntii Madaxweyne Biixi loogu sameeyey madaarkar Hargeysa ka dib markii uu kasoo laabtay Madaxweynuhu socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta,waxaanu hadda u muuqdaa siyaasi Cali Canter mid cagta saaray jidkii uu hore ugu canaan jiray saxiibadiisa Xisbiga WADDANI qaarkood , kaasi oo ugu hanjabi jiray in Xisbiga laga saari doono oo lagu samayn doono anshax marin, waxaana la is weydiinayaa waxa iska badelay mawqifkliisii hore Siyaasi Cali Canter ayaa si kadis ah uga soo dhex muuqday masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo madaarka Hargeysa safaf u galay salaanta Madaxweyne Biixi iyo soo dhaweyntiisa. Dhanka kalene Siyaasi Cali Axmed Canter ayaa bishii Maraj ee aynu kasoo gudubnay siyaasi Duur ku eedeeyey in aanu xisbigooda haba yaraatee ku matalin ka qayb galka munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu dhagax dhigayey dhismaha jidka isku xidha Wajaale iyo Berbera,waxaanu Cali canter sheegay inuu Xisbigooda dhawaan war qoraal ah ka soo saari doono inaanu Siyaasigaasi ka mid ahayn Xisbiga Waddani, isagoo ku haystay munaasabadaa uu ka qayb-galay ee ay Xukuumaddu agaasintay Isagoo arrimahaasi ka hadlaya Cali Canter ayaa sheegay sidan:“ Xisbiga WADDANI haddii aanu nahayna annaga naguma matelo isaga ayaan danihiisa u tegay oo hawlihiisa u tegay , waana nin siyaasi ah oo madax-banaan cidduu doono wuu u tegi karaa, lakiin kuma mateli karro Xisbiga WADDANI , waayo Xisbiga WADDANI Xukuumadda arrimo badan ayaanu isku haynaa ilaa aanu arrimahaa ka heshiino fadhiyaddii ugu dambeeyey waanu ku kala kacnay ilaa aanu ku heshiino waxaanu ugu tegaynaa ma jirto .” Waxaanu intaasi ku sii daray “Qoraal rasmi ah ayaanu u soo saari doonaa war-baahinta in aanu ku jirin duur carraale Xisbiga aanu metelina , Duur Caraale isaga ayaa iskii ugu tegay Xisbiga oo jeclaaday mar haddi aanu ka hadhnay doorashadii wuxuu jeclaaday Dowlada joogta inuu la shaqaysto .” Geesta kalene Siyaasi Cali Canter ayaa sidoo kale munaasabad ay ka qayb-galeen Xildhibaan Waabeeyo iyo siyaasi duur sanadkii ina dhaafay, taasi oo ahayd mid ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi agaasintay ku eedeeyey labadaa siyaasi inay ka baxeen xayndaabka Xisbiga , isla markaana la anshax marin doono,, basle hadda ayaa isagii u muuqdaa Cali Canter mid qaaday dhabihii uu hore ugu canaanan jirey Siyaasiyiintaasi kale. Qaran News
-
Muxuu Cali Guray Ka Yidhi Shakhsiyaaad Mucaaradi Jiray Siilaanyo Oo Madaxweyne Biixi Ka Aamusay? Siyaasiyiin badan oo miisaan ku lahaa saaxada siyaasadda Somaliland oo iskugu jira Mujaahidiin, Siyaasiyiin iyo Madaxweyne ku xigeenadii hore ee soo maray Somaliland,ayaa gebi ahaan-ba hadda si toos ah uga muquurta ka haddalka xaaladaha dalka ka jiray, kuwaas oo cahdigii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka hadli jiray xaaladaha ka alloosnaa dalka, isla markaana dhaliilo kala duwan dusha u saari jiray Xukuumaddaasi,iyagoo hadda ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland tan iyo wakhtigii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegayaa inuu jiro is fahan hoose uu dhex-maray Madaxweyne Biixi iyo xubnahaasi Siyaasiyiinta ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland iyo ka haddalka xaaladaha dalka tan iyo wakhtigii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Biixi, ayaa waxa kamid ah Odayaashii madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland isku bahaystay, kuwaas oo ay kamid ahayeen Mujaahid Xasan Guure,Mujaahid dhega weyne, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Prof Cabdisalan Yaasiin iyo xubno kale, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madashu ay wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey inay ka hadli jireen xaaladaha dalka ka alloosan , isla markaana ay dhaliilo u jeedin jireen, waxaanay xuluufadaasi Madasha ku bahowday ay cahdigaasi ahayeen kuwa shirar saxaafadeed-yo is daba jooga qaban jiray oo ay ku dhaliili jireen Xukuumaddaasi Siilaanyo, haseyeeshee tan iyo wakhtigii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ayey noqdeen kuwa ka gaabsatay ka haddalka xaaladaha dalka oo ay gebi ahaan-ba ka muquurteen Xoggo kala duwan oo laga hellayo illo wareed-yo kale gedisan ayaa sheegaya in odayaasha Madasha iyo Madaxweyne Biixi uu jiro is fahan hoose oo u dhaxeeya, kaasi oo ah in aanay Xukuumaddiisa ka hor iman isla markaana aanay dhaliil iyo toosan mid-na war-baahinta u marini, balse ay wixii talo iyo toosin ah si hoos isaga ula wadaagaan, isla markaana uu albaabkiisu u furan yahay xili kasta Dhanka kale kalene Siyaasi Cali Guray oo kamid ah isaga laftiisu siyaasiyiintii dhaliili jiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo , haseyeeshaa hadda afka ka xidhay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa isagu arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay Bogga Facbuuga uu ku leeyahay kaasi oo u dhignaa sidan “Maxmed Xaashi mee? Xasan Guure mee? Boobe mee? Ibraahin Dhegawayne me? Caligurey mee?Raggan badankoodu CIRKIYO DHULKA MEEL DHEXDOODA AHOON DHANABA JIRIN BAY DHACDHACAYAANE ISKA DAAYA. Maxamed Xaashi isagu waa Muuse saaxiibkii muddo ayay kala baadeen malahase hadda dib ayaabay isu heleen. Mooyi ma hubo.”Ayuu ku yidhi Cali Gurey qoraalkiisa Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee soo maray Somaliland ayaa iyana u muuqda wakhtigan kuwa ka muquurtay ka hadalka xaaladaha dalka iyagoo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi talada dalka qabtay ay yihiin kuwa aan ka haddal xaaladaha dalka, halka ay cahdigii Madaxweyne Siilaanyo isku bahaysan jireen ka haddalka xaaladaha dalka ka jira oo ay keli keli iyo wadar jirba uga hadli jireen xaalada dalku uu marayo , balse bulshada reer Somalilana ayaa ah hadda kuwa su’aalo badan iska weydiinaya waxaay uga aamuseen inay ka hadlaan xaaladaha kala jeedka ah ee dalka ka taagan. Qaran News
-
Baardheere (Caasimadda Online) – Taliska Hay’adada nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee NISA ayaa Goordhow waxa uu sheegay in labada Sarkaal oo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab ay isku dhiibeen maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Jubbaland ayaa sheegtay in mid kamid ah Saraakiishii ka tirsanaa Al-shabaab ee iska dhiibay Baardheere lagu magacaabo Aadan coobe oo loo yaqaano Maxamed Qani,iyagoona ahaa kuwo aad looga yaqaano deegaanada Jubbaland. “Labo Sargaal oo ka tirsanaa Ururka nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa gordhow isku dhiibay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, midka ka mid ayaa lagu sheegay magaciisa Adan Coobe oo oo siwayn looga yaqaano deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska NISA ee Jubbaland. Ciidanka maamulka Jubbaland waxaa ay sheegeen in isasoo dhiibidda raggaan ay timid ka dib markii la xoojiyay howlgallada ka socda degmada Baardheere iyo degaanada hoos yimaada. Ma’ahan markii ugu horreysay oo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay iska dhiibaan deegaanada Jubbaland,welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan in Saraakiil ka tirsanaa iga ay isku dhiibeen maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaa maanta laga daah-furay, tababar kor loogu qaadayo aqoonta dhinaca Technology-ga. ee shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Puntland. Tababarkan oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Isgaarsiinta Boostada iyo Technology-ga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxa fulinaysa shirkadda Horumarinta dadka iyo shaqaalaha ee Agaasin, waxaana ka faa’idaysanaya 20 qof oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Puntland. Tababarkan oo socon doona mudda 30 cisha, ayaa shaqaalaha lagu barayaa kaydinta xogta, cillad-bixinta Computers-ka, guud ahaan farsamada la xiriirta Technology-ga iyo xirfadaha kale ee aysan shaqaaluhu ka maarmin. Wasiirka warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa daah-furay tababarkan oo ay goob-joog ahaayeen, madax ka socotay World Bank, agaasimaha wakaaladda Horumarinta iyo Technology-giyadda Puntland, maamulka sare ee shirkadda Agaasin oo fulinaysa tababarkan iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka ayaa shaqaalaha ku boorriyay in ay si wanaagsan uga faa’idaystan fursaddan tababar ee lagu tayeynayo farsamooyinka iyo xirfadahooda shaqo, isago u mahadceliyay dhammaan dhinacyada iska kaashaday tababarkan. Tababar sare, Cabdirashiid Ciise Cusmaan oo ku hadlay afka shirkadda Agaasin ee tababarkan bixinaysa, ayaa sheegay in ay shaqaalaha ku tababari doonaan mowduucyo muhiima oo ay kamid yihiin; kaydinta iyo maamulidda xogta iyo sidoo kale farsamooyinka casriga ee dhanka Technology-ga. Madaxa shirkadda Agaasin, Maxamuud Cabdi Xaaji Cumar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka tababarka, ayaa sheegay in shirkaddiisu ka shaqeyso Horumarinta xirfadda iyo farsamooyinka ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kala duwan, hagaajinta xafiisyada, samaynta cilmi-baarista iyo qabashada tababarada lagu horumarinayo dadka. Sidoo kale wuxuu xusay in tababarkan ay fulinayaan ujeedkiisu yahay sidii shaqaaluhu xafiisyada ugu shaqeyn lahaayeen habka ugu horumarsan ee wax soo saarka fiican. Dhammaan mas’uuliyiintii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay sida nidaamsan ee loo agaasimay tababarkan, waxaana ay shaqaalaha ku boorriyeen in ay ka faa’idaystaan aqoonta uu xambaarsanyahay. Halkan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Shaqaale ka tirsan wasaaradda Warfaafinta Puntland oo tababar looga furay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Egypt’s President Abdel-Fattah El-Sisi met on Tuesday morning in Cairo with his counterparts from Somalia and South Africa ahead of two meetings set to take place in the Egyptian capital today under the umbrella of the African Union (AU) to discuss the ongoing crises in Sudan and Libya. During the meeting with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, El-Sisi stressed Egypt’s unwavering support for Somalia’s unity, according to a statement by Egyptian presidency spokesman Bassam Rady. The meetings on Sudan and Libya, which will be hosted later today by President El-Sisi as the current chairman of the AU for 2019, will be attended by leaders from Chad, Djibouti, Rwanda, Congo, Somalia, and South Africa. Also participating in the meetings on Sudan and Libya will be the chief of the AU commission, the Ethiopian deputy prime minister, the South Sudanese advisor for security affairs, as well as officials from Uganda and Nigeria. The meeting on Sudan aims to discuss the developing conditions in Sudan and boosting joint work and consultations over the best methods to deal with developments in the country and continuing to support stability and peace. After meeting the Somali President, the Egyptian President met with his South African counterpart Cyril Ramaphosa, where they discussed African affairs of common interest, according to Rady. El-Sisi expressed to President Mohamed Farmaajo Egypt’s keenness to boost bilateral cooperation and offered any support Somalia needs in its efforts to build up its institutions and ensure security and stability. Meanwhile, the Somali president praised Egypt’s historical role in supporting Somalia and its efforts to help the country achieve peace and security. El-Sisi’s meeting with President Mohamed Farmaajo, which was attended by Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry and intelligence chief Abbas Kamel, also saw discussions on steps undertaken by Somalia’s central government to achieve peace and stability in the country. The Egyptian President also met with his South African counterpart Cyril Ramaphosa, where they discussed African affairs of common interest, according to Rady. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Rag hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhac baasan ay u geysteen gawaari Xumuul ah oo marayay inta u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Raggan oo ku hubeysnaa Qoryaha fudud ayaa la sheegay in ay dhabaha u galeen gaadiidkaasi, islamarkaana rakaabkii saarnaa ay ka qaateen wixii ay siteen. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan dhacaasi. Inta badan waxaa waddooyinka isku xira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo loo geysto dadka rayidka ah ee isaga kala goosha gobolladaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Haweenka xaamilada ah ayaa waxaa xilliga dhalmada soo wajaha xaalad adag oo ah in la kala badbaadiyo iyada iyo ubadka ay Caloosha ku sido tallaabadaas oo ugu dambeyn sababta in Hooyada lagu sameeyo qaliin, balse waxaa jira haween si caadi ah u dhala, iyagoo aan marin wax qaliin ah. Inta badan Soomaalida ayaa neceb qaliinka oo ay u arkaan in haweeneydu ay dhibato ka dhaxli karto mustqabkeeda dambe. Haddaba warbixin ku aadan arrimahaasi waxaa diyaariyay oo u kuur galayay Wariyaha Shabelle Jaamac Kadiye. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warbixin-Jaamac-Kadiye-Haweenka-Qalinka-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Lataliyha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka siyaasada Salaad Cali Jeele oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii Shalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Xubnaha mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Nairobi uu ahaa mid lagu duminayo dowladda Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka la tusayay in soomaaliya ay dib u laabatay oo aan wax ka jirin sida ay wax u sheegeen. Sidoo kale Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu mucaaradka ku eedeeyay in ay fowdo ku wadaan dowladda, islamarkaana waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimada soomaliyeed , isgoona ka dalbaday in ay iska ilaaliyeen kooxaha Argagixisada ah waa sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Salaad Cali Jeele ayaa kusoo aadayo xili Shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay shir ku yeesheen siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo sheegay in aysan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Siyaasiyiinta oo u badan xildhibaano iyo wasiiro hore aya ka hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, wadahadalada Somaliland, maqaamka Muqdisho, xuquuqda shacabka iyo jahwareer siyaasadeed oo ay shegeen in uu ka taagan yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxayna farta ku fiiqeen baahida loo qabo in dowladda ay wax ka qabato arrimahaas oo dhan. Inkastoo iska caddahay in marwalba la hela siyaasiyiin aan la dhacsaneyn siyaasadaha dowladda markaa xilka hayso, ayaa waxa horay u dhici jirtay in magaalada Addis Ababa laga taageri jiray siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxda maammul goboleedyada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta Biriq xoogan ay dad ku dishay qeybo ka mid ah gobolka Baay, kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay Roobabab mahiigaan ah ka da’een gobolkaasi. Biriqda oo ku dhacday deegaanka Kanaanax ayaa la sheegay in ugu yaraan hal Qof ay ku dishay deegaankaasi, kuna dhaawacday saddex kale. Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa in loo soo qaaday isbitalka guud ee magaalada Baydhabo, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad. Inta badan waxaa gobollada dalka ka curtay xilli Roobaadka go’a, kaas oo ay ku diirsadeen dad iyo duunyo intaba. View the full article
-
New York (SMN) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa ku eedeysay dowladda dalkaasi ay mas’uul ka tahay kumanaan Soomaali ah oo lagu dilay dalka Soomaaliya. Gabadhan oo Koongareeska ku matesha gobolka Minnesota ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in howlgalkii Marykanka ee “Black Hawk Down” uu galaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah. Howlalka “Black Hawk Down” oo ka dhacay 1993 ayaa waxaa Mareykanka looga dilay in ka badan 10 askari iyadoo looga dhaawacay 73 kale. Ilhan Cumar ayaa sheegtay in Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay weerar argagixiso midkii ugu xumaa taariikhda, isamarkaana wali ay Ciidamadiisa ay sii wadaan dilalka dadka shacabka ah ee lagu leynayo duqeymaha cirka. Hadalkan Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa dad badan oo Mareykanka u dhashay cambaareeyay iyagoo tilmaamay in tirada dadka ku dhintay howlgalkii “Black Hawk Down” ay ka yar tahay mida ay sheegtay. Ilhaan Cumar ayaa xilligan Khilaaf xoogan kala dhaxeeya Madaxweyne Trump, kadib markii ay dhawaan qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku weerartay dadka taageera Yahuudda ee ka tirsan dowladda. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta sarkaal ka tirsanaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Puntland loogu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacabi jiray Xasan Mire Jaceyl, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Dilka ayaa ka dhacay xarunta taliska Ciidanka ee loo yaqaano (PMPF), waxaana la sheegay in uu geystay Askari kale oo ka tiran Ciidamada Puntland, kadib markii uu muran soo kala dhe xgalay isaga iyo Marxuumka. Saraakiil ka tirsan kuwa amniga ayaa xusay in gacanta lagu dhigay Askarigii ka dambeeyay dilkaasi, islamarkaana si deg deg ah cadaalada loo horkeeni doono. Dhinaca kale maxkamadda Boosaaso, ayaa maanta xukun ku riday mas’uul ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland, ka gadaal markii lagu helay kiis musuq-maasuq ah. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cawaale Maxamuud Sheekh ayey maxkamaddu sheegtay in lagu helay Xatooyo Xoolo dadwayne oo dhan 2751 Doolar. Abuukar C/nuur Jaamac guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay go’aanka, waxaana uu shaaciyay in sarkaalkaasi lagu xukumay afar sano oo Xabsi ah, shan boqol oo Doolar oo ganaax ah iyo sidoo kale in uu bixiyo dhammaan lacagtii uu lunsaday. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Puntland maxkamadeyso mas’uul ka tirsanaa maamulkaasi oo lagu soo oogay arrimo ka dhan ah Musuq-maasuq. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye iyo xisbiga UCID ayaa gaadhay heshiis ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka Somaliland. Shir jaraa’id oo labada xisbi wada jir u qabteen ayaa lagu sheegay in ay fashilmeen wada hadallo u socday saddexda xisbi waxaanay xisbiga WADDANI ku eedeeyeen in aanu doorashada diyaar u ahayn. Halkan hoose ka akhriso: Source
-
Qaahira (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qeyb ka ah hoggaamiyeyaal ka socda Africa oo saacadaha soo aadan shir deg deg ah uga furmaya magaaladda Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Shirkan oo uu martigelinaya Madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Siisi ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda dalka Sudan, kadib afgembigii Cumar Xasan Al-Bashiir iyo dagaallada ka socda wadanka Libya. Al-Siisi oo xilligan ah guddoomiyaha Midowga Africa ayaa isugu yeeray shirka Qaahira ee looga hadlayo arrimaha Sudan iyo Libya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu kulamo gaar-gaar ah kula qaadan doono Qaahira mas’uuliyiin kala duwan, si uu ugu cadeeyo mowqifka dowladda ee taageerida shacabka Sudan. Shirkan ayaa la filayaa in Madaxweynuhu uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo arrimaha ka taagan Sudan iyo Libya, oo ah labo dal oo Soomaaliya kala dhaxeeya xiriiro taariikhi ah. View the full article
-
Horudhac Taariikhda saxaafada Waxaa la xusaa qaraalkii ugu horeeyay ee daabacaad in uu ka soo baxay dalka Shiinaha taariikhdu markay ahayd 1,041 miilaadiga. Waxaa uuna cirka isku sii shareeray Kacaankii daabicidda Jaraa’idka qarnigii shan iyo tobnaad. Waxana kale oo taariikhyahanadu xusaan wixii ka dambeeyay waqtigaas uu sii koray daabacaada iyo qoraalka wargeysyada kala duwan oo dhamaantood gundhig u ahayd siinta xog dadyowga caalamka iyo kuwa maxaliga ahba. Waxaa sidoo kale xusid mudan in markii ugu horaysay ee labaahiyo saxaafaada maqal iyo muuqaalka ah ay a hayd qarnigii labaatanaad taas oo tiknoolajiyada kaalin weyn ka qaadatay horumarinta warbaahinta iyo saxaafada caalamka. Hanaqaadka heerarka saxaafada iyo warbaahinta ee Dunida : Bilowgii qarnigii 20aad waxaa xooga la saarayay daabacaada wargeysyaya ama jaraa’idka mana jiran wax raadiyo ama telefishin ah. Sanadkii 1940-kii Raadiyaha ayaa si weyn u faafay intii lagu gudo jiray dagaalkii labaad ee Adduunka waxaana loo adeegsaday inuu faafiyo warar iyo isbedelada degdeg ah ee ka soo cusboonada dagaalka waxa uuna ahaa mid ka dhakhso badan marka la barbar dhigo isticmaalka jaaridka iyo wargaysyada. Sanadkii 1950-kii ayaa waxaa bilowday kacdoonkii warshadaynta Telefishinka. Sanadkii 1962-kii ayaa waxaa bilowday kacdoonkii dayaxgacmeedka kaas oo sahlay in fudud wararka dunida oo dhan si toos ah looga daawada telefishinka. Siddeedameeyadii qarnigii labaatanaad, waxay saxaafadda gashay kacaan cusub taas oo ka dhigtay warbaahinta mid si toos ah looga daawan karo adduunka oo idil aaladaha iyo kanaalada kala duwan ee satelliterka (dayax-gacmeedka). Sagaashameeyadii qarnigii labaatanaad waxaa lagu qiyaasey in 98% dadka Maraykanku ay telefishinnadooda ku haystaan guryahooda. Dhamaadkii qarnigii 20aad, kacaankii internetku wuxuu galay saxaafada iyo warbaahinta qeybaheeda kala gedisan. Saxaafada Saxaafada ama suxufinimada waa xirfad ku salaysan soo uruurinta, qaabeynta, tafatirka iyo baahinta wararka iyada oo utabinaysaa xogta dadweynaha. Saxaafada ayaa sidoo kale loo yaqaannaa warbaahinta, taas oo leh qeybo kale duwan kuwaas oo isku daya in ay toosh ku ifiso dhacdooyinka iyo arrimaha kala gedesan ee ku geedaaman siyaasada, dhaqaalaha, dhaqanka, ciyaaraha, amniga iyo nabada bulshooyinka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba iyo iwm. Warka Habada, Ereyga War (News) waxaa lagu qexaa War cusub “wax aan hore loo maqlin” isla markaasna isbedel sameeya si guudna marka loo macneeyo waxaa lagu qeexi karaa akhbaar cusub oo raad ku reebta dadweynaha. Warku waa khabar cusub oo ka hadlaya dhacdo taagan isla markaasna loo gudbiyo qeyb sadexaad (dadweynaha), marka aan leeyahay qeyb sadexaad waxaan ula jeedaa tusaale ahaan “Dowladdda Soomaaliya iyo Maamul goboleedya ka jira dalka ayaa heshiis gaaray” waa hal daraf, wariyaha ama warbaahinta warka gudbineysana waa darafka labaad, cidda loo gudbinayo oo ah dadweynaha waa darafka saddexaad. Haddaba War(News) waxaa noqon kara wax aan hore loo ogayn ama loo maqlin oo cusub oo markaasi dhaca sida tusaale: dagaal si kadis ah ku bilaabta, dhimasho iyo dhaawac meel ka dhaca,qof sun cabay,masuul la toogtay,madax la doortay ama iscasilay, qarax diyaaradeed,markab quusay,mudahraadyo dhaca ama dil, goobo ganacsi oo dab qabsaday, dhul gariir, duufaano, roobab khasaarooyin ama faa’iidooyin geystay,cudur halis ah oo dilaacay,dad daroogo lagu qabtay,afduub nooc walba leh,sicir barar,cimilo si kadis ah isku bedesha iyo arrimo kale oo fara badan. Haddaba wariyeyaasha si ay dhegeystayaashooda ama akhristayaashooda ugu gudbiyaan isla markaasna u qanciyaan una soo jiitaan waxaa khasab ah in ay siiyaan xog dhab ah, waxaana lama huraan ah in ay u soo raadiyaan warar sugan oo xaqiiqda ku qotoma. Hanaanka diyaarinta wararka Hababka wararka loo diyaariyo waxa ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan ee warbaahinta. Maxaa yeelay tan waa xirfad ay ku kala hormarsanyihiin suxufiyiinta ka hawlgala saxaafada qeybaheeda kala duwan. Sidaas owgeed, waxaa jira qodobo muhiim u ah marka la diyaarinayo, waxayna ka koobanyihiin lix qodob weydiimood kuwaas oo kala ah: Maxaa —————–What? Xagee—————— Where? Goorma ————— When Kuma ——————-Who? Sidee——————– How? Sabab——————- Why? Ugu yaraan 2 ka mid ah suu’alahan ama ka badan waa in laga helaa warka ama sheekadda aad diyaarinayso,tusaale haddii aad akhritayaasha ama dhageestayaasha aad u soo gudbineyso shil ka dhacay meel ama wado waxa ay kaa doonayaan in ay ogadaan goorta uu shilku dhacay,iyo cidda wax ku noqotay, sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay wax u dhaceen iyo xaalkii dadka shilka wax ku noqday halka uu ku dambeeyay shilka kadib. FIIRO GAAR AH: waa in la kala saaraa Ra’iga iyo warka, Ra’yi waxaa loo isticmaali karaa faalooyinka iyo sheekooyinka caadiga ah. Sifooyinka laga doonayo suxufiga Waxaan shaki ku jirin in shay kasta leeyahay miisan kaas oo lagu cabiro guushiisa iyo fashilkiisa. Sidaa owgeed, waxaa la isku raacsanyahay in suxufigu ama saxaafiyadu la yimaadaan sifooyinkan: Maskax korsan iyo masuuliyad weyn 2-Hal abuur 3-Aqoon guud oo balaaran (tani macnaheedu waxuu yahay in suxufigu wax ka yaqaano xiriirka caalamiga ah (international relationship) iyo juqaraafiga adduunka (geography of the world) 4-Dulqaad, adkeysi, iyo dhiiranaan 5-Dareen xog ogaalnimo doon ah 6-Cadaalad iyo daacadnimo 7-dhexdhexaadnimo,8-Maskax madax banaan oo wax isweydiisa iyo iwm. Inkasto ay jiraan tiro yar oo ka mid ah saxaafiyiinta Soomaalida kuwaas oo maadada saxaafada iskuulo uga soo baxay, hadana qaabka lagu noqon karo suxufinimaddu waa arrin aad u weyn marka loo eego masuuliyada uu qofku qaadayo, sababtoo ah ficil ahaan wey adagtahay sida suxufi lagu noqon karo mana jiraan imtixaano si cad loogu soo baxo oo kuu sahlaya in aad ku soo biirto saxaafada qeybaheeda kala duwan. Waxa keli ah ee lagaaga baahanyahay waxa weeyaan in aad awood weyn iyo hibo u leedahay wax qorista isla markaasna aad ku hubeysantahay aqoon sal adag leh. Marka sifahan lagaa helo ayay suurto galtahay in laguu aqoonsado suxufi ama saxafiyad aadna fursad fiican u heli kartaa in aad dhexgasho xirfada suxufinimo. Run ahaantii, saxafaddu ma ahan mid gabi ahaanba lagu hanan karo fasaladda ama barida lagu barto maadada saxaafada, Rasmi ahaanteedana, waxaad saxaafada ku baran kartaa in aad markasta ku dhexjirto shaqadda saxaafadda. Ogowna, in macalinkaaga kuugu wanaagsan ee saxafadda ku bari karo ay tahay qibradaada iyo inta waqti ee aad geliso barasha qaab dhismeedka diyaarinta iyo tabinta warka. Waa maxay meelaha ay warbaahinta ku wacantahay ama liidato ? Hanaanka Meelaha ay ku wacantahay Meelaha ay ku liitaan Websites, blogs, microblogs, social media Sifudud ayaa loo heli karaa adeegooda, waxaana kale uu leeyahay qaabab kala gedisan oo leh xiisahooda iyo soo jiidashadooda, waxa aadna ku heli karaysaa qiimo jaban oo degdegsiinyo ah Waxa uu u nugulyahay gudbinta wararka aan saxda ahayn; taasoo badanaa ku salaysan eex iyo aragta guracan. Wargeysyada, Jaraa’idka iyo buugta Gudbinta warar sax ah oo dhammaystiran isla markaasna soojiita dadweynaha Waxaa xadidan qoraalkiisa iyo sawiradiisa, heerka gudbintiisuna waa hooseysaa Fogaan-arag (TV) iyo idaacadaha Waxa uu leeyahay cod wacan oo maqal muuqaal leh kaas oo kusoo jiidanaya goor walba iyo goob kasta Waa alad ku salaysan ganacsi iyo wax ka dhaadhicin waxaana dhicikarta in loo isticmaalo eex iyo kicinta bulshada. Noocyada warbaahinta Noocyada warbaahinta waxaa loo kala saara labo qeybood oo waa weyn. Waxa ayna kalayihiin sidaan: warbaahintii hore iyo warbaahinta cusub ee maanta dunida ka jirta. Marka dib loo milicsado warbaahinta xiliyadii hore waxay ahaan jiraan mid ku dhisan tabinta iyo daabacaad waranka oo kaliyea; sida Jaraa’idada, wargeysyada iyo idaacada maxaliga ama dowliga ah( Radios) , laakin maanta waxaa jira isbedel weyn oo loo qaaday dhanka horumarinta warbaahinta cusub iyada oo la isticmaalayo hannaan dhijitaal ah(digital form) sida blogs and podcasts oo labada ay ku shaqeeyaan hannaanka dhijitaal ah ( digital form). Jaantuskaan ayaa wuxu sifudud kuu fahamsiinaya noocyada warbaahinti hore (traditional media iyo midda cusub ee maanta jirta (new media): Xeerka Anshaxa Saxaafada Soomaliya Runtii wax walba oo la unkayo waxay ubaahanyihiin xeer kaas oo ah marjaca ama meesha kala saarta sax iyo qaladka. Saxaafada Soomaalida waxay leedahay xeerka anshaxa kaas oo ka kooban 21 qodob oo muhiim u ah hanaanka iyo horumarinta saxaafada dalka. 21 kaas qodob waxay sidoo kale aad ugu nuuxnuuxsadeen kala hagedi iyo maaraynta anshaxa saxaafada iyo saxafiya labadaba. Qofkii doonayaa qodabadaan oo dhammaystiran waxa ka daalacan kartaa halkan: Habada,Xoriyadda Warbaahintu (Freedom of the press), waa mid aan la kala dhantaali karin lehna xuquuq iyo waajibaad la mid ah midka aas-aasiga ah ee ay bulshadu u leedahay in la wargeliyo islamarkaana loo ogolaado xornimo ay dadku afkaartooda ku baahiyaan iskuna dhaafsadaan. Sidaa daraadeed, waa muhiin in xeerkan loo karaameeyo si xushmad leh, islamarkaana aan loo fasirin hab khaldan ama horseedi kara in xeerkan uu hakad geliyo habsami u tebinta arimaha danta guud ee bulshadu ay ku jirto. Sidaas owgeed, qeybaha kala gedisan ee warbaahintu waxaa saaran waajibaad looga baahanyahay in ay meel mariyaan kaas oo ah habka ugu sareeya ee anshaxa laga doonayo xirfadlaha warbaahineed. Hadaba waa masuuliyadda tifaaftireyaasha, Hay’adaha Warbaahinta iyo Maamulayaashooda in ay meel mariyaan xeerkan kuna dabbaqaan xeerarka faafreeb ee iyaga u gaarka ah. Waa inay si adag u dhowraan dhamaanba qeybaha kala gedisan ee maamuleyaasha, tifaaftireyaasha, Saxafiyiinta iyo dhinacyada kale ee dibadda ka ah warbaahinta. Saxaafada waa Awooda 4-aad Qoraagii ugu horeeyay ee kalmadaan ku dhawaaqa waxaa uu ahaa nin u dhashay dalka Britain kaas oo lagu magacaabi jiray Edmundorek waxaa uuna dhintay taariikhdu markay ahayd (1797), waxaa la xusaa in mar uu ku sugnaa Aqalka Guurtida ee dowlada Britain uu u soo dhaqaaqay dhankii saxafiyiinta fadhiday waxa uuna ku yiri , ” idinka waxaad tihiin awaado afaraad.” Hadaba taas macnaheeda ma ahan in saxaafadu leeday awooda xeer dejinta, awooda fulinta iyo awooda garsoorka laakin waxay maamushaa maskaxda iyo maanka malaayiinta ku xiran ee kala socda dunida dacaladeeda iyo gudaha dalka kasta. Waxaana xaqiiq ah in saxaafada maanta dowr weyn ka ciyaarto qaabaynta fahamka bulshooyinka dunida. Sidaa owgeed, saxaafada waa awooda afaraad ee bulshooyinka dunida hagta. Taas oo la macna ah in saxaafuda ay tahay mid ka mid ah awoodaha had iyo jeer xakameeya hab dhaqan siyaasada iyo dhaqaalaha dowladaha dunida iyo kuwa ay ka hawlgalaan labaduba. Doorka warbaahinta ay ku leedahay arrimaha bulshada Warbaahinta waxa ay kaalin wayn ka ciyaartaa horumarinta arrimaha bulshada, waxa ay bulshooyinka usoo bandhigtaa macluumaadka iyo fikradaha saameynaya geeddi-socodka go’aan-qaadashada iyo hirgelinta arrimaha la xiriira horumarinta dhaqan-dhaqaalo ee bulsho. Waxaana shaki kujirin in warbaahintu tahay il muhiim ah oo wacyigelin iyo dhisidda fikirka bulshada. CAQABADA HAYSTA SAXAAFADA Caqabadaha haysta saxaafada Somaaliyeed way noocyo badanyihiin laakiin waxaan kusoo koobaynayaa 10-ka qodob ee soo socda: Qodabka 1 aad: Amniga suxufiyiinta Warbixin lagu daabacday webseedka ay leedahay hay’ada calaami ah ee u dhaq-dhaaqda xuquuqda iyo xoriyada saxafiyiinta(IFJ), ayaa waxa ay soo bandhigtay tirada suxuyiinta wax ku noqday rabshadihii ka dhacay dunida dacaladeed iyada oo xustay in 2018-dii uu hoos u dhac ku yimid dilalkii loo geysan jiray saxafiyiinta ka halgala warabaahinta qeybaheeda kala gedesan. Hadaba, sida ay daraasada xustay, waxaa lagu qiyaasay dadka suxufiyiinta ah dhibaatada ka soo gaartay rabshadahaas ilaa 94 suxufi. Waxay hadalkeeda kusoo afmeertay hay’ada xiriirka Caalamiga ah ee Saxafiyiinta (IFJ) dhimashadaas cusub ayaa kor u kacday boqolkiiba 82 marka loo barbar dhiga dilalkii dhicijiray sanadahii la soo dhaafay. Waxaana loo arkaa isbedel hoos u dhac ah laga bilaabo saddexdii sano ee la soo dhaafay. Suxufiyiintii lagu dilay iyaga oo gudanaya waajibaadkood shaqo Sanadkii tagay ee 2018 Dunida oo idil Hay’adaha u dooda xorriyatul qowlka ayaa iyagana sheegaya in dilka xarigga, iyo cagajugleynta saxafiyiinta uu weli yahay mid aan waxba laga qaban. Hay’adda Amnesty International ayaa Turkiga ku tilmaantay dalka ugu horreeya dhinaca xarigga lo gaysto suxufiyiinta. Qodabka 2 aad: aqoonta suxufiga iyo waayo aragnimadiisa Runtii aqoonta, waayo aragnimada iyo anshaxa suuban waa hiraalka iyo horumarka qofkasta. Sida owgeed, waxaad dareemaysaa haddaad u kuurgasho suxufiyiinta Soomaaliyeed in aysan culays weyn saarin barashada mihnada saxaafada. Laakiin, uu waqtiga kaga lumo raadinta xogta ilo wareedyada kala duwan ama raadinta magac iyo maamuus. Laakiin, haddii aad doonayso in aad noqoto suxufi ruugcadaa ah oo magac iyo maamuusba ku dhex leh bulshada qeybaheeda kala duwan,taasna waxay ku xirantahay hadba aqoontaada, waayo aragnimaada iyo kartidada suxufinimo inta ay la egtahay. Taas oo laga dheehankaro sida aad barnamijyada u diyaariso iyo sida aad u soo saarto labadaba. Taasna, waxay u baahantahay in aad waqti geliso barashada milgaha iyo maamuuska xirfada saxafinimada haddii kale Soomalida waxay ku maahmaahdaa , “Ama waa la muuqdaa ama waa la maqnaadaa.” Oo macnaheedu yahay haddaadan aqoon iyo karti ulahayn shayga aad sheeganayso aayar ayaa looga dhexbaxaa. Haddii kale, waxaad maciin bidaysaa maahmaahdii kale ee ahayd , “Nin daad qaaday xunbo cuskey.” Qodabka 3 aad: Iskaashi la’aanta haysta suxufiyiinta Iskaashi la’aanta suxufiyiinta waa mid ka mid ah caqabada ugu waa weynt haysta suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waayo Somaalida waxay kumaahmaahdaa,” Gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan”, taas macnaheeda yahay haddii suxufiyiinta ay u midooban dantooda iyo maslaxadooda waxaa fududaanaysa in si sahlan loo maareeyo dhibooyinka soo wajaha suxufiyiinta meelkasta oo ay dalka ka joogaan. Sidaas dareed, iskaashi waxa uu noqonkaraa mid dhaqan-dhaqaalo, aqoon iyo isbahaysi kaas oo dadka iskaashanaya u sakhiraya in ay si fudud ugu gudbaan caqabada ka horyimaada. Qodabka 4 aad: Awooda saxufiga u leeyahay diyaarinta iyo tabinta wararka Dadka u kuurgala hanaanka tabinta iyo war faafinta warbaahinta Soomaaliyeed waxay farta ku fiiqan in ay jirto aqoon yari la xiriirta hanaanka tabinta ,qoraalka iyo taftarka wararka, taas oo kaaga muuqan karto marka aad horfadhido Fogaan araga(TV), ama aad dhageysanayso idaacad ama aad akhrinayso wargeysyada qeybahooda kala duwan. Taas oo muujinaysa in aysan jiran hanaan kala gedisan( diversity model) oo ay isticmaalaan warbaahinta Soomaaliyeed.waxaana habboon in suxufiyiinta iyo hawlwadeena warbaahinta ay ka digtoonaadaan xuquuqda minguurinta(capy rights) marka ay timaado diyaarinta iyo tabinta warar kala gedisan. Waayo taas waxay dhaawacaysaa sharciga saxaafada,aqoonta suxufiga taas oo ka dhalankarta in uusan suxufigu yeealan hal abuur u gaar ah markasta uu ku tiirsanaado qofkale aqoontiisa. Sidaas owgeed, waxaa mudan in lagu baraarugo khatartaas ka imaanaysa arrintaas aan kor kusoo xusnay haddii kale waxay noqan maahmaahdi ahayd,” bartii yaqaan bari uma kororto!”sidaas owgeed, waxaan suxufiyiinta Soomaaliyeed kula dardaarmayaa barashada hanaanka kala gedisan ee loo tabiyo ama loo diyaariyo wararka in ay ubaahantahay aqoon iyo waayo aragmo mug weyn laakiin taas kaliya lagu gaari karo dadaal iy go’aan qaadasho suuban oo katimaada qofka suxufiyga ah waana in suxufiga markasta uu ilaaliyaa anshaxa iyo asluubta tabinta iyo qoraalka warbaahinta. Qodabka 5 aad: Manhajka iyo agabka waxbarasha suxufiga oo hooseeya Waxaan shaki ku jirin in manhajka iyo agabka waxbarasha saxaafada dalka Soomaaliyeed uu yahay mid aad u hooseeya marka la barbardhigo dalalka kale ee soo koraya.Waxaana kale oo jira tababarro soo noqnoqda kuwaas oo aan waafaqsanayn baahida warbaahinta. Sidaa owgeed waxaa laga codsanayaa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada in layimaadaan istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta daboolista baahida warbaahineed ee dalka ka jirta, iyada oo weliba la tayeeyo manhajka iyo macalimiinta si loo soo saaro suxufi u carbisan saxaafada qeybaheeda kala gedisan. Qodabka 6 aad: ku dhaqan la’aanta sharciga iyo xeerarka saxaafada ku dhaqan la’aanta sharciga iyo xeerarka saxaafada waxaa ka dhalanaya dhibaatooyin waa weyn, kuwaas oo dhibunahu uu yahay suxufiga. Sidaas owgeed, waxaa habboon in suxufigu ilaaliyo xeerarka iyo anshaxa saxaafada. Sidaas oo kale waxa iyada hobboon in dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ixtiraamaan xeerarka iyo sharciyada saxaafada oo aan saxafiga loo waxyeelayn in uu soo bandhigay runta ka jirta dalka, waayo saxaafada waa muraayada ay dowladda iska daawato isla markaasna ay ku qiimayso waxqabadkeeda. Sidaas owgeed, waxaa mudan in la hirgeliyo isla markaasna lagu dhaqmo xeerarka iyo sharciyada u yaala saxaafada . Qodabka 7 aad: Dhaqaale la’aan haysta Suxufiyiinka; Runtii saxaafada lagama helo dhaqaale, laakin waxaa laga helaa oo kaliya magac iyo maamuus uu ku dhexyeesho saxufiga wanaagsan bulshada dhexdeeda, laakin taas haan uma buuxin. Sidaas owgeed, waxa laga codsanayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyda in ay taageero buuxda siiyaan suxufiyiinta dhankasta oo ahaato waayo suxufiga waa isku xiraha dowladda iyo bulshada sidaas owgeen haddi la hagaajiyo xiriirka u dhexeeya suxufiyiinta iyo dowladda taas waxay dhalinaysaa horumar dhankasta ah. Qodabka 8 aad: Anshaxa baahinta qoraalka ama tabinta wararka Anshaxa baahinta qoraalka ama tabinta wararka oo ah mid liita, isla markaasna u baahan in suxufiyiintu ku baraarugaan kolka ay baahinayaan qoraal ama ay tabinayaan wararka ama barnamijyada taas oo haddaan si wacan laa maarayn dhaawici karta akhristayaasha, dhageystayaasha, daawaadayaasha iyo weliba iyada saamayn mug leh ku yeelan karta sumcada saxufiga ku dhexleeyay bulshada amaba keeni karta dhib ka weyn intaasba. Qodabka 9 aad: Dadka caanka ah oo saameyn ku leh saxaafada Saxaafada Soomalida inteeda badan maanta waxay noqotay meel la isku weydaarsato hadalada qalqalafsan iyo kuwa been abuurka ah, taas oo aad mooda in ay garabmarsan tahay ku dhaqanka xeerarka iyo anshaxa saxaafada dalka leeyahay. Qodabka 10 aad: maamulada xarumaha warbaahinta oo aan aqoon u lahayn mihnada saxaafada Maamulada xarumaha warbaahinta oo aan aqoon u lahayn mihnada saxaafada, xeerarka iyo anshaxa saxaafada.Habada, dadka u kuurgala qaabdhismeedka xarmuha iyo goobaha internetka(website), waxay farta ku fiiqaan in xarumahaas ama goobahaas loo maareeyay si ka duwan sidii looga talagalay oo ah in laga dhigtay meel loo maalgashto si looga sameeyo dhaqaalo iyo ganacsi taas oo dhabarjab weyn ku ah hirgelinta xeerka iyo anshaxa saxaafada Soomaaliyeed. Gunaanad Saxaafadu ma ahan wax fudud oo qaacido lagu soo koobi karo waxaana laga yaabaa in sida ugu dhaw uguna haboon aynu ku sharxi karno ay tahay kaalin muuhim ah oo u adeegta bulshada ama shacabka, War cusub oo joogta ahna gaarsiiya qeybaha kala duwan ee bulshadda mana ahan hawl damaanadeeda si fudud lagu qaadi karo. Saxaafada iyo suxufinimaddu waa muhiim waxayna u baahantahay masuuliyad weyn iyo u bislaansho qoto dheer waayo waxa ay saameyn ku dhex leeyihiin Ra’yu caalamka guud ee dadweynaha iyo miisaan weyn oo bulshadda dhexdeeda ah. Sidaa awgeed wa in suxufiyiintu si fiican u fahamasanyahihiin xirfadooda si aysan u geysan waxyeelooyin ka imaan kara xirfadooda suxufinimo oo aysan si qaldan u adeegsadaan ama loogu adeegsado. Waxaadna ogaataa in saxaafadu ka madax banaantahay qabyaalada iyo qof jeclaysi ama nacaybsi waana mid had iyo jeer ku salaysan runta, cadaalada iyo dhexdhexaadnimada xogta ama wararka ay tabinayso. Talo soo jeedin: Waa in lagu dhaqmaa xeerka iyo anshaxa saxaafada kaas oo aad hadda mooda mid aan weli la dhammaystiran Waa in la sameeyaa hanaanka sugan kaas leh islaxisaabtan ku aadan dadka si xun u isticmaala saxaafada iyo qalabka warbaahinta. In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wada-shaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta. In la dadajiyo sharciga saxaafadda ee baarlamaanka hor-yaalla, waxna laga beddelo qodobbada qaar ka hor inta aan la ansixin. Qodobbada walaaca leh waxaa ka mid ah Shuruudda wariyaha. Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waa in ay layimaadaan istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta daboolista baahida warbaahineed ee dalka ka jirta, iyada oo weliba la tayeeyo manhajka iyo macalimiinta si loo soo saaro suxufi u carbisan saxaafada qeybaheeda kala gedisan. In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wada-shaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta. Qoraalkaan waxaa igu kallifay in aan soo bandhigo markii aan arkay ahmiyadda ay leedahay saxaafada iyo sida dadka qaarkiis ay uga dhigtaan goob ama fagaaraha laga tabiyo wixi xun isla markaasna keeni kara burbur iyo qaran jab. Sidaas si lamid ah, ayaa waxaa kaloo ii muuqday in lagu tumanayo xeerarka iyo anshaxa ay leedaahay saxaafada dalka Soomaaliyeed. Habada, waxaa habboon in la dhaqangeliyo xeerarka iyo anshaxa saxaafadu leeday si looga badbaado wax kasta oo keenikaro burbur iyo in ummada hankeeda dowladnimo uu hoos u dhaco. Tixraac Wikipedia somaliatalk.com/2010/dec/xeerka_warbaahinta.pdf International federation of journalists: Al Jazeera and news agencies http://www. barbaarmedia.com https://mawdoo3.com www.bbc.com/somali Cismaan Maxamuud Nuur (Dheere) The post Saxaafadu waa Seef laba afleey ah (Maqaal) appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa Shalay magaalada Nairobi shir ku yeeshay qaar ka mid ah madaxda axsaabta siyaasadeed, xildhibaanno mucaarad ah oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale, kaas oo ay ku dalbanayeen in xukuumadda haatan la kala diro. Waxay xildhibaannadaas iyo siyaasiyiintu ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya inay diidday in mucaaradku ay shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho, sidaas daraaddeedna ay ugu qabteen Nairobi. Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galay kulankaas ayaa BBC-da u sheegay in hoteellada Muqdisho laga xannibay in lagu qabto shirar siyaasadeed. “Waxaa waajib ah in xaqa dastuuriga ah ee qofka la eego oo hoteellada loo fasaxo ganacsiyadooda, taas ayaa sabab u ah inaan Nairobi ku qabanno shirka, eeddeedana waxaa yeelaneysa xukuumadda,” ayuu yiri Cabdifitaax. Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in siyaasiyiintu ay la gudbooneyd inay iyagoo gudaha dalka jooga ay talooyin u soo jeediyaan dowladda. “Dalkan dowlad ayuu leeyahay, ceddii wax qabsanayso waa inay codsi u soo qorataa wasaaradaha iyo hay`adaha ay quseyso, waayo ammaankooda ayaa lagu sugayaa. Iyaga ayaa doonaya inay dad isu keenaan oo wixii amni darro dhacana dowladda ku eedeeyaan, taasi suurto gal maaha.” Ayay tiri. Inkastoo ay cudurdaar u yeeleen in dowlada hadda jirta ay u diiday inay ku shiraan magaalada Muqdisho, taasoo keentay inuu shirkooda ka dhaco magaalada Nairobi, haddana waxaa ku jiray xildhibanno fara badan oo maalin kasta ku dhegan madaxda dowladda iyadoo Muqdisho jooga. Siyaasiyiintan ayaa ujeeddada ugu weyn ee shirkooda ku sheegay inay walaac ka qabaan geeddi-socodka dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta ee dalka, iyagoo soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka, siyaasadda dibadda iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland. Waxay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda ammaanka dalka, ayna ka gaabisay la dagaallanka Alshabaab, waxayna soo jeediyeen in la dhiso xukuumad cusub. “Madaxweynaha labo sano ayaa u harsan, laakiin raysal wasaaraha waxaan soo jeedinayaa in xilka laga qaado oo lagu beddelo qof ka karti badan oo howlaha loo igmaday qabanaya. Annagu ma nihin xukun raadis oo ma dhahayno annaga ha nalagu beddelo, ee waxaan dooneynaa in qof kale oo ka habboon lagu beddelo .” Ayuu yiri Cabdifitaax. Khaladaadka ku jira war-murtiyeedka siyaasiyiintaasi waxaa ka mida: 1- Inay ahaayeen shaqsiyaad ilaa 30 xubnood ah oo u badan musharixiin hore iyo mas’uuliyiin xilal kasoo qabtay dowaldda hadda jirta, isla markaana aanay jirin cid ay hadda metelaan iyo sharciyad ay ku hadli karaan, marka laga reebo inay ahaayeen koox oo ra’yi isku darsatay. 2- Inay codsi u direen madaxweyne Frmaajo si uu meesha uga saaro xukuumadda hadda jirta, taasoo aan ahayn qaab lagu rido Ra’iisal wasaare iyo xukuumad; sida xukuumad loo rido waxaa loo maraa Baarlamaanka, iyadoo loo qaadayo codka kalsoonida marka mooshin laga keeno, kamana mid aha awoodaha madaxweynaha. 3- Qabashada shirweyne Qaran: Waxa ku hanjabeen inay shirweyne Qaran bisha June ku qabanayaan magaalada Muqdisho, haddii la casili waayo xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo micnaheedu yahay fowdo iyo sharci darro laga booday hay’adihii sharciga ahaa sida Baarlamaanka. Marka la isku soo duubo kooxda siyaasiyiinta ah ee ku shirtay magaalada Nairobi waxay u muuqdeen inay xilal u ooman yihiin oo kaliya, iyagoo og inaysan suuragal ahayn xilligan si loo kala saaro Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors