-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaahira (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan oo muddooyinii ugu dambeeyay ku noolaa dalka Masar. Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka. Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaageen dowladooda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibaatada Al Shabaab ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay mid caqabad ku ah hormar iyo amni Soomaaliya ka hana qaada. Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar. Sidaan oo kale markii hore markii ay ku kulmeen magaalada Qaahira, waxaa qeybaha kala duwan ee warbaahinta la hadlay C/qaasim Salaad Xasan oo ku baaqayay xiligaasi in laga wada shaqeeyo danta ummadda Soomaaliyeed. Kulanka labada madaxweyne ayaa kusoo aadaya iyadoo culees badan uu heysto dowladda madaxweyne Farmaajo oo aad mucaaradka ay ku dhaliilayaan habka dhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay. Caasimada Online Xafiiska Masar Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in cadaaladda la horkeeno askari dhaawac halis ah u geystay wiilkiisa, oo markii la xiray kadib lagala baxay xabsiga. Mukhtaar Ciid Miiney, oo la xiriiray idaacadda Goobjoog wuxuu sheegay in wiilkiisa oo wadey Mooto Bajaaj Lixdii bisha March lagu dhaawacay degmada Shibis, balse askarigii dhibka geystay laga sii daayey saldhiggii lagu hayey iyadoo aan cadaaladda la marin. Wuxuu tilmaamay in sidoo kale, askarigaasi uu dhaawacay maalintaasi Labo qof kale, balse shaqsi uu sheegay in xil sare uu ka hayo Booliiska uu sii daayey askarigaas oo ku xirnaa saldhigga degmada Yaaqshiid, islamarkaana shaqadiisa uu hadda si caadi ah u wato. Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo taliska Booliiska ayuu ka dalbaday in cadaalad uu helo wiilkiisa. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/WAREYSI-AABE-SOOMAALIYEED-OO-CADAALAD-U-BAAHAN.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa siyaasiyiin shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo laga doonayo iney caddeyso maqaamka magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Gaandi in shirkii Carte ee Jabuuti illaa hadda la sheegayey un maqaamka caasimadda, balse aanay jirin dowlad si rasmi ah uga hadasha. Sidoo kale, Gaandi ayaa sheegay in dowladda ay dayacday dalka, islamarkaana bedalkii Al-shabaab ay dalka ka saari lahayd lasoo faarujiyey deegaanno kale, waa sida uu hadalka u dhigaye. Gaandi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay in fasiraad laga siiyo sababta loo diidan yahay in xal laga gaaro maqaamka Muqdisho, oo dowlad kasta ay arrintaas isku hor-taageyso. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/PROFSOR-GAANDI-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hawlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga iyo la’dagaallanka burcad-beedda Soomaalida, ayaa sheegay in Axaddii la soo dhaafay laba doonyood oo kalluumaysi ay burcad-beed ku weerartay xeebaha Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan (EUNAVFOR), ayaa lagu sheegay in labada weerarba ay fashiliyeen ilaalo hubaysan oo saarnaa doonyaha kalluumaysi ee la weeraray. Doonyaha oo magacyadooda lagu sheegay; Adria iyo Txori Argi, ayaa burcad-beedu ku weerartay, meel 280 Nautical miles u jirta xeebaha Soomaaliya, sida ku xusan qoraalka EUNAVFOR. Hawlgalka Midowga Yurub, ayaa sidoo kale sheegay in labada doonyoodba ay saarnaayeen, ilaalo hubaysan oo ka difaacday, isku’ dayga kooxda burcadda ah ku doonayeen in ay af-duubtan. Kooxda weerarka qaadday, ayaa laga shaki qabaa in ay wateen, doonni la sheegay in jimcihii hore laga qafaashay xeebaha ku beegan bartamaha Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay hawgalka Midowga Yurub, ayaa digniin lagu siiyay maraakiibta iyo doonyaha gooshaya xeebaha Soomaaliya, in ay xoojiyaan ilaaladooda hubaysan, si ay isaga difaacan weerarada noocaan oo kale. Burcad-beedda Soomaalida oo mar halis weyn gelisay amniga maraakiibta iyo doonyaha ka goosha xeebaha Soomaaliya, ayaa hoos u dhac ballaaran ku yimid, tan iyo sannadkii 2012, kadib hawlgallada joogtada ah ee ciidamada NATO ka ka wadaan halkaasi. Sidoo kale, maraakiibta iyo doonyaha oo samaystay ilaalo hubaysan, ayaa qeyb ka ah hoos u dhaca burcad-beedda, sida ay rumaysan yihiin khubarada wax ka yaqaan amniga badaha. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Burcad-beed doonyo ku weerartay xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diyaariyey Ciidamo gaar ah oo loogu talo galay Sugida amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidamadaan oo Maanta la soo bandhigay ayaa qorshohoodu yahay in amniga Magalada Muqdisho ay xaqiijiyaan Maalmaha Bisha Ramaadaan oo maqalma qura inaga xigaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in ciidamadaas ay gaarayaan ilaa Saddex kun oo askari oo aan wax balwad ah laheyn kuwaas oo dhawaan tababar soo dhameystay. Bishii ramadaan ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho wadooyinkeeda la dhigay Ciidamo farabadan oo ka qeyb qaatay sugida amniga,iyada oo dowladda ku dhawaaqday Nabad ku afur,waxaana amniga Magalada uu ahaa mid wanaagsan oo aysan ka dhicin falal amnidarro. Hoos ka dhageyso guddoomiye Yariisow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Yariisow-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
In less than a year since the two countries made peace, Eritrea has shut all border crossings with neighbouring Ethiopia, according to reports. The final route to be blocked according to the DW Amharic service was the Bure – Assab crossing which was opened only last December. The Afar region communication bureau confirmed the report adding that the closure was only on the Eritrean side. “After closing Serha-Zalambesa border crossing in December and Om Hajer-Humera last week, Ethiopia officials saying Eritrea shut Assab-Bure this morning – meaning all border points are now closed,” a Reuters journalist, Aaron Maasho said in a tweet of April 2 Thelast time a border closure was reported was in December 2018 with the particular crossing point located in the Tigray regional state. A regional spokesperson said at the time, “The restrictions have only been imposed on the Eritrean side. We did not receive any prior notice.” The Serha-Zalambesa crossing was opened in September 2018, coinciding with the Ethiopian New Year, after the countries agreed to remove their troops as part of a reconciliation process. Thousands of people have crossed since. Trade has flourished and families separated since war broke out between Ethiopia and Eritrea in 1998 have reunited. A spokesman for Ethiopia’s Foreign Ministry at the time told reporters that he had no information about any border restrictions. Eritrea government has routinely not responded to reports. Africa news Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhaliil kulul u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Xildhibaan Axmed Cabdi Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay ka dambeeyaan dhibaatada heysata deegaanada Hirshabeelle. Xildhibaan Axmed Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhuun qabatay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, islamarkaana ay horumar ka sameyn waayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka. SIdoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay yareysay dhaqaalaha loogu talo mashaariicda dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanka taasi badalkeeda Jubbaland iyo Puntland la siiyay dhaqaalo dheeraad ah. “Dhibaatada Hirshabeelle heysata waa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre, waxaad og tihiin in lacag dib u heshiisiin loogu talo galay in lagu hagraday Galmudug iyo Hirshabeelle halka maamulada kale loo kordhiyay” “Galmudug iyo Hirshabeelle ayay diidan yihiin inay horumar gaaraan, Hirshabeelle waad og tihiin dad magac leh ayaa ka dhashay, waxaa la diidan yahay horumarkooda iyo xadaarada ay gaareen”ayuu yiri xildhibaanka. Hoos ka daawo Muuqaalka Xildhibaan Axmed Cabdi Cali. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Xildhibaan-Ahmed-Abdi-Ali-Hirshabeelle-Dhibaatada-Haysataa-Waa-Raiisul-Wasaa.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A jubilant Ruqia Wehliye was at the Saint John Airport surrounded by family for the first time since she fled Mogadishu, alone and scared, in 2009. “One person gets 10 people? God is great!” the Somali refugee said after she first laid eyes on her nephew, his wife and their eight children, ranging in age from 20 to a toddler. They’d been torn apart for at least 16 years, a consequence of the civil war and violence that has displaced more than two million Somalis over the past two decades. Wehliye, now 30, escaped to India as a teenager, after her father died. She said she has never seen her mother and presumes she is dead. She learned to speak English, working as a housekeeper, and had hoped to stay in New Delhi. But as an undocumented person, her bid was denied. “The smugglers took away my passport,” she said. Eventually, she made her way to a United Nations High Commissioner for Refugees office and applied for refugee status. Abdallah Muhammed Hassan’s children were the family Wehliye never expected to find in Saint John. (Rachel Cave/CBC) Ultimately, she was accepted and assigned to come to Saint John in November 2017, where she said she’s been living with no connection to any surviving relatives. Wehliye’s nephew, 37-year-old Abdallah Muhammed Hassan, was also separated from his wife and children after a 2008 attack on their family compound that killed Hassan’s father, mother and brother. “When I came back home, I couldn’t find anyone,” he said. The story of his journey to find his own children in the sprawling Nakivale refugee camp west of Kampala would have taken hours to unspool, but Hassan was happy to focus on his discovery of his aunt in a city where he can sleep at night. Their shockingly coincidental assignments to Saint John, by Immigration, Refugee and Citizenship Canada, were utterly random, they later learned from settlement workers at the YSomali Ruqia Wehliye had not seen her family in more than a decade. They reunited by chance in the Saint John Airport. 0:48 “The gate when it opened, I saw Ruqia in front of me, coming. I said, ‘Is it true … true … true … true,” said Hassan, recalling his airport arrival. “I said, ‘Are you the real Ruqia? Are you the one?’” “She said, ‘Yeah, it’s me.’” “I started touching her face. It was so amazing to see her.” Wehliye said she got a feeling that something wonderful was going to happen when she was asked by the YMCA to help interpret for a family of 10. She asked to go to the airport to greet them and in the car on the way there, she asked a Y employee for a name. She said she was told she’d be meeting Abdallah Muhammed Hassan. Wehliye and the Hassans’ assignments to Saint John, by Immigration, Refugee and Citizenship Canada, were utterly random. (Mike Heenan/CBC) “And Muhammed Hassan is my eldest brother — my father’s eldest son,” said Wehliye. Wehliye screamed in the car and started to feel real hope, she said. Then when she saw Abdallah, the oldest son of her oldest brother, she recognized him and his wife, Fardowsa, even though she hadn’t seen them since she was about 14. “I jumped up and I was hugging everyone,” she said. More Somalis coming In a pile-on of coincidences, Shilo Boucher, president and CEO of the YMCA of Greater Saint John, happened to be on the same flight that brought the Hassans to Saint John from Toronto. She said refugee families always get off the airplane last because their arrival, after an arduous journey, can be overwhelming. “And as soon as they walked through the doors, Ruqia really got quite emotional and just ran to them, and I think everybody in the airport was crying,” said Boucher. The Y helps settle government-sponsored refugees and also tracks where they go. Ruqia Wehliye holding Hassan’s daughter in their Saint John house. (Mike Heenan/CBC) Boucher said she started seeing Somalis come to Saint John about four years ago, but she doesn’t know why. Another eight families are due to arrive within the next six months. “They’re not quite as big as the [Hassan family] but we do know we’re getting 47 people,” said Boucher. Asked why Saint John, Boucher speculated that it may have to do with the city’s success when it comes to making refugees feel welcome and at home. 88 per cent retention rate Boucher said there are now 493 refugees in Saint John and many are choosing to stay. According to their records, the retention rate has increased from 85 per cent in 2016 to 88 per cent last year. Boucher said anyone who wants to help the refugee community might consider donating to the furniture bank at the Lancaster Baptist Church. She said volunteers are also welcome to join the First Friends program. “That’s really where a volunteer can come and meet the family and have a cup of tea with them and just be their Canadian friend and introduce them to their friends and build a network for them.” The 37-year-old Hassan was also separated from his wife and children after a 2008 attack on their family compound that killed his father, mother and brother. (Mike Heenan/CBC) Wehliye and Hassan said they plan to stay in Saint John. The Hassans live in a five-bedroom house in the north end of the city, which is rented from Habitat for Humanity. Hassan’s wife opens the fridge to show off the food inside, while the children put on boots to go play in the yard. Hassan said it’s the happiest life he could ever imagine. “I want to say thank you to all Saint John people,” he said. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u direy dowladda Puntland, xili uu shalay qudbad u jeedinayay Aqoonyahan iyo Madax-dhaqameed kasoo jeeda beesha Warsangali oo uu ku qaabilay Madaxtooyada. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay iney Xukuumadiisu diyaar u tahay inay Puntland si nabada u wada macaamilaan, iyagoo aan ku xad-gudbeyn xuduudaha u dhaxeeya, wuxuuna yiri: “Soomaaliya waxaanu xad kala leenahay waa intaa Puntland, intaa in Nabad kuwada noolaano oo wada baayac-mushtareyno, oo si wacan oo walaaltinima udhaqano, oo xadkuna kaa noo dhaxeeyo yahay baanu anagu diyaar unahay”. Wuxuuna intaas kusii daray Madaxweyne Biixi “Bilaahi-caleykum bal uyara fiirsada meeshan yar ee carabta ee Abu Dubai, waa todoba imaaradood, waxaad mareysa meel yar oo ah meesha uu gaarigu ku wareego oo kale, dhinac mid baa canshuurta qaada, dhinaca kalena midbaa qaata canshuurta, waana walaalo oo wey wada noolyihiin, waana kala xad, maxaa noo diiday inaga iyo Puntland inaan sidaas iskula noolaano, anagana nabad baa naga go’an”. Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa qudbadiisa kaga hadlay ciidamada Somaliland ay dhowaan geysay degmada Yube, wuxuuna yiri “Ciidamada Yubbe joogaa gobolka aad odayaasha ka tihiin bay nabadgelyadiisa u joogaan, nabadgelyada dadka ayey sugayaan iyo inay dadkana kala ilaaliyaan, cadowgana idinka ilaaliyaan, innaguna iskuma soo duuli karno oo xoog iskuma muquunin karno”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Bulsho-weynta ku nool deegaanada Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhaqano arxan-daro ah oo muddooyinkii udambeeyay Ciidamada Boolisku kula kacayeen Shacabka reer Somaliland. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay ku kacayeen hab-dhaqano layaab leh oo hoos u dhac weyn ku keenay kalsoonidii ay umadda reer Somaliland ku dhex lahaayeen. Waxaana muddo badan isa-soo tarayay cabashada culus ee ay qabaan dadka danta-yar ee suuqyada ku ganacsada dhibaatada ay kala kulmaan Ciidamada ammaanka, sida rarista dadkaasi ku ganacsada jidadka hareerahooda oo marar badan la arko qaabka arxan darrada ah ee Boolisku u jiidjiidaan dadka una galalafaan hantida qorax-yaalka ah. Sidoo kale Saxaafadda ayaa iyadana muddo dheer ka cabaneysay habka dhibka badan ee Ciidamada Boolisku ula dhaqmaan marka ay howlagalo ka dhan ah Saxaafada fulinayaan, waxaana aad loo wada xasuustaa qaabkii uu dhowaan Askari katirsan Ciidamada Boolisku uu ku waxyeeleeyay gabadh wariye ah iyo sawir qaadaheedii. Dhinaca kale, falkii loogu hadal haynta badnaa 48-kii saacadood ee ugu dambeeyey ee ay geystaan Ciidamadu ayaa waxa uu qabsaday Baraha Bulshada, kaasi oo ahaa muuqaal muujinaya qaabka argagaxa leh ee labo askari oo katirsan ciidamada Boolisku ula dhaqmayeen haweenay ummul ah oo kamid aheyd dadkii khasabka lagaga rarayay dhulka laga dhisayo Madaxtooyada cusub ee galbeedka Hargeysa. Falkan argagax leh ee Labada askari, ayaa soo if-bixiyey sida shacabku khaati uga taagan-yihiin soo laab-laabashada falalka arxan-darada ah ee ciidamada ammaanku kula dhaqmaan muddooyinkan ugu dambeeyey. Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa sanadkii hore soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadlayaan duruufaha ka jira xabsiyada Somaliland ee ay gacanta ku hayaan Boolisku iyaga oo ku tala-bixiyay in Ciidamada booliska Somaliland u baahan yihiin dib u habayn. Waxa sidoo kale xusid mudan in dhowaan Golayaasha sharci dejinta ay ansixiyeen wax ka baddal lagu sameeyey xeerka Booliska Somaliland oo ay shacabku filayeen inuu xeerkaasi noqon doono mid dammaanad qaada inay kaga badbaadaan dhibaatada ka soo gaadha Booliska, balse xeerkaasi ayaa dib loo soo celiyey isagoo wax ka baddalna lagu sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Deni iyo Nasar Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa shalay galab magaalada Nairobi ee dalkaasi kulan kula qaatay safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambasador Maxamed Ibraahim Nasar. Kulanka madaxweynaha Puntland iyo safiirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin adkaynta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Puntland iyo dalka Masar ee dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka iyo Tayaynta Hay’addaha Amniga Puntland. Danjiraha dalka Masar ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Nasar oo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay kulanka madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa xaqiijiyey inay dhankooda diyaar u yihiin adkaynta, dardargelinta iyo ka *****nta wadashaynta muhiim ka ah ee ka dhexaysa Puntland iyo dalkiisa, waxa uu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo dalka Masar lahayeen, haddana leeyihiin xidhiidh wada-shaqayneed oo ay bud-dhig u yihiin ganacsiga iyo waxbarashada. Madaxweyne Deni ayaa isna kulankani xoogga ku saaray arrimaha kor ku xusan, kuwaasi oo muhiim u ah dhan-walba shacabka Puntland iyo dowladdoodaba. Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Deni ayaa xusay in safiirka dalka Masar ay ka wada-hadleen, sidii gacan buuxda Puntland uga siinlahaayeen, tayaynta garsoorka Puntland iyo tababarka hay’addaha amniga, maadaama siyaasadda koowaad iyo labaadba ee dowladdu tahay arrimaha Amniga. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo Puntland ka caawinaysa tababarka hay’adaha amniga appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Fariimo nagu beeray murugo iyo calool xumo ayaa Caawa naga soo gaaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, Warbixintaas oo ah in ay Soomaaliya ka baxeen Qoyska Caasho Ilyaas oo aheyd Gabar 12 sano jir ah oo dil iyo kufsi loogu geestay Gaalkacyo. Qoysaskii dariska la ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoyska Caasho markii ay ka quusteen helitaanka Cadaalad sidoo kalane loo hanjabay ay ka baxeen Soomaaliya waxayna galabta faarujiyeen Gurigii ay daganaayeen. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Qoyska Caasho ay u safreen dalka Itoobiya, halkaas oo ku sii nagaan doonaan ilaa bilooyin sida ay u sheegeen dad daris la ah. Gaari nuuca Xamuulka qaada ayaa galabta ka raray dhamaan xubnihii qoyska iyo wixii agab ah oo ay heesteen waxayna ka gudbeen Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Arintaan ayaa murugo ku abuurtay dadka reer Gaalkacyo. Dadka ku nool Waqooyiga Gaalkacyo ayaa Caasimada Online u sheegay in qoyskaan ay ka niyad jabeen markii Madaxweyne Deni uu sii daayay dalkana ka dhoofiyay laba nin oo kufsiga ku eedeesnaa laba kalane xabsiga lagu sii haayay. Sidoo kale qoyskaan ayaa waxaa soo wajahay Cabsi kadib markii dhowr jeer loo hanjabay. Lama oga cidda u hanjabtay sidoo kalane ma jirto cid ka caawisay baaritaanka arintaan. Waxay Soomaaliya uga baxeen sidii ay ku badbaadin lahaayeen nafta dhallaanka kale ee u harsan iyo sidii ay ilaabi lahaayeen Uur ku taalada xanuunka badan oo ay dhibkii loo geestay Gabadhooda Caasho Ilyaas.
-
The Editor, The Globe & Mail, Toronto, Ontario, Canada Subject: Somaliland & detention of two Canadian women Sir/Madam, In a recent article on the detention of two women with Canadian nationality, your newspaper had mentioned that according to the Canadian government ” foreigners are at risk of being kidnapped in Somalia, including Somaliland, and several workers have already being kidnapped for ransom” First of all, I am glad to hear that both women have been released after serving their sentence. Secondly, Somaliland is a Muslim country and the consumption of alcohol is not permitted due to religious strictures. Thirdly, no foreigner has ever been kidnapped or held for ransom in Somaliland. Somaliland is not Somalia. It is a peaceful, stable and democratic country. There are many people with Canadian citizenship living and working in Somaliland. In fact, recently, a Canadian couple held a wedding in Hargeisa, the Somaliland capital, in full traditional dress that was the toast of the town. (Photo attached) Somalilanders are a welcoming and hospitable folks, and as long as one follows the rules and regulations of the country, then one should not have any problems at all. Sincerely, Ahmed Kheyre ruraledcomm44@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay waxay u aheyd habeen ay qal qal gashay Madaxtooyada Soomaaliya waxaana aad looga dooday War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Mucaaradka ee ku soo gaba-gaboobay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Koox Saraakiil ah oo katirsan Villa Somalia oo heshay War-Murtiyeedka ayaa la sheegay in ay daabacdeen kadibna ay ka doodeen qodobadii la soo saaray, iyadoo ay qireen in Shirka uu ahaa mid Qarax wayn oo siyaasadeed, kaas oo ka dhan ahaa Dowladda Soomaaliya laguna soo aadiyay waqti aad u adag. Xubnahaan oo ay ku jiraan Siyaasiin hore oo xilal soo qabtay ayaa isla qiray in Beesha Caalamka ay shirkaan wax ka abaabushay aadna ay uga warqabtay. Sidoo kale waxay ku tilmaameen Olalo waqtigoodii laga soo hormariyay oo lagu duminayo Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xubnahaan ay cadeeyeen in uu jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayna taasi fududeysay in ay ka faa’ideestaan Siyaasiinta Mucaaradka ah. Arinta ayaa u muuqata in labada dhinac oo Siyaasadeed oo waliba aad u adag ay ku furantay Dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay Saqdii dhexe kulan deg deg ah arintaan ka yeeshay waxaana kulankaasi ka qayb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiin kale iyadoo la isku raacay in la soo saaro Guddi ka shaqeeya sidii loo soo bandhigi lahaa wax ka duwan qayla dhaantii ka soo baxday Shirkaasi. Wali ma jirto wax go’aan ah oo la isku raacay hayeeshee waxaa wali socda doodo Shirkaan ku saabsan. Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee Xukuumadda taageersan ayaa shirkaan u arka weerarkii ugu adkaa oo ay mucaaradka ku soo qaadaan bilooyinkii la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali madaxda dowlad goboleedyada kulamo kala duwan ay ka wadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen. Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa waxayna ka wada hadleen arimo dhowr ah. Ambassador Dr. Mohammed Khayat Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaaran. Dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayuu madaxweyne Deni sheegay in kulankaan muhiimad gaar ahaaneed uu u lahaa, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaaray dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee laga wada hadlay. Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo weli booqasho ku jooga Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa Maanta uu halkaasi kula kulmay safiirka dawladda Sweden u fadhiya Soomaliya. Madaxweyne Xaaf iyo Safiirka dawladda Sweden, ambassador. Andreas von Vexkull,ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya sigaar ah tan degaanada Galmudug oo xilligaan dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan. Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyey dawladda Sweden hawsha adag ay ka wadaan Somalia gaar ahaanna kuwa ay ka wadaan Galmudug. Wuxuuna u bandhigay baahiyaha ka jira Galmudug loona baahan yahay in dawladda jarmalka gacan ka geysato. Horay ayaa Madaxweynaha Galmudug waxa uu ula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz, isaga oo u sharaxay in Dowlada dhexe ay siyaasadeysay mashaariicdii horumarineed ee Galmudug caalamka ugu talagalay. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Somaliland: Waddani Chair Expected To Return On Wednesday Hargeisa,(Qaran news)- The chair of Somaliland’s main opposition party and former Speaker of the Somaliland House of Representatives, Abdirhaman Mohamed Abdillahi “Cirro” is expected back in Somaliland on Wednesday, Apri 24th, 2019. Insha’Allah. The chair who has been in Europe for almost the past three months, on both official and personal business, will return to Somaliland, at a time that two other political parties, Kulmiye and UCID, have reached an agreement on the current impasse pertaining to the scheduled parliamentary and local elections. The prolonged absence of the chair has had an effect on the party, which needed focused leadership at a crucial time. Although both interim chair, Abdilqadir Ismail Jirde and Party Leader, Xersi Haji Ali Hassan, have done their best to fill in the void, the past few months have seen Waddani outmaneuvered on the political front by the ruling Kulmiye party. With the parliamentary and local elections scheduled for December, 2019, Waddani needs to get its programme across to the Somaliland voters, and prepare for the elections. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta golaha shacabka oo xildhibaanada ay ku shiraan. Kulanka xildhibaanada baarlamaanka ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamada maalmihii ugu dambeeyay xildhibanada ku yeelanayeen golaha shacabka. Kulanka maalinta beri ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa xildhibaanada waxay warbixin kaga dhageysanayaan guddiga madaxa banaan ee xuduudaha dalka, sida guddoonka baarlamaanka uu sheegay. “Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah warbixin ka dhageysanaya guddiga madaxa banaan ee xuduudaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka. Kulamada baarlamaanka ee Kalfadhiga Shanaad ayaa buuq badan dhaliyay, walow markii dambe la xaliyay khilaafka ka dhex yimid xildhibaanada baarlamaanka. Kulamadii ugu dambeeyay ayaa lagula xisaabtamay islamarkaana warbixino looga dhageystay guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland: Kulmiye & UCID Reach A Deal Over Elections & NEC Hargeisa,(Qaran news)-The ruling party of Somaliland, Kulmiye and the opposition party of UCID have reached an agreement over the proposed parliamentary and local elections scheduled for December 2019. According a joint communique issued today, Tuesday, April 23rd, 2019, the two parties agreed on the following points. 1. That the scheduled parliamentary and local elections take place on December 2019. 2. That the Somaliland National Elections Commission, (NEC) begin the necessary work to prepare for the elections. 3. That on 1st of August 2019, a new Commission should be selected, consisting of seven members. Both the current and new Commission will work together in a training and assisting capacity, although, the current Commission will be responsible for organizing and holding the elections. 4. That the new Commission should be expanded to nine members, with the addition of two new members at a date to be determined after the 1st of August, 2019. 5. That Kulmiye and UCID call for all Somaliland political parties to participate in the elections and work together for the good of the country. 6. That a new Monitoring Group be created consisting of members for the donor nations and a select group from Somaliland’s civil, academic and legal sector. That the donor nations proceed with the funding for the elections, and that the NEC issue the timetable for voter registration, campaign dates, technical facilities and other matters pertaining to holding the elections. Finally, the two parties stated in their agreement, their commitment to the democratic institutions of Somaliland. It is not clear, what the response will be from Somaliland’s main opposition party, Waddani, who had steadfastly refused to accept the holding of any further elections by the current NEC. Qaran News
-
Popular Contributors