Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,297
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hogaamiye Xirsi Xaaji Xasan wuxuu Dooddii kaga Adkaaday Maxamuud Xaashi Hogaamiye Xirsi badheedhihii uu doodda kaga qayb-galey, waxay aheyd (waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin). Ex Wasiir Maxamuud Xaashina wuxuu taagnaa halkii Nuur Xaashigii yidh: Wallaahi xayntuna ha iska-oontee inaanu runta sheegi. Saaxibayaal waxaan isku dayi doonnaa in aan falan qayn kooban ku sameeyo Dooddii xiisaha badneyd ee todobaadkan, Hargeysa lagu qabtay ee lagaga doodayey wada hadaladii Soamaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday ee hakadka galey. Somaliland ma waxay dani ugu jirtaa in ay wada hadaladaasi sii socdaan mise in halkaa lagu joojiyo? Doodan xiisaha badneyd waxa ka qayb galey Lixda siyaasi ee kala ahaa: 1: PROF Axmed Ismaacil Samatar 2: ENG Maxamed Xaashi Cilmi 3: Sucaad Carmiye 4 : PROF: Abyan 5: Ex Wasiir Maxamuud Xaashi 6: Hogaamiye Xirsi. Haddaba saaxibayaal waxaan falan qayntan ku soo koobayaa doodii dhex martay. Hogaamiye Xirsi iyo Ex Wasiir Maxamuud Xaashi sababta aan labadooda u doortay waxay tahay labadooduba waxay ka tirsanaayeen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waana labada xubnood ee kaliya ee dooda ka qayb galey ee wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya ka qayb gali jiray markaa labadooduba waxay goob joog u ahaayeen sidii ay wax u dhaceen. In kasta oo afarta xubnood ee kale ee dooda ka qayb galeyba ay ahaayeen dhammaantood dad leh miisaan siyaasadeed haba ugu horeeye PRO Axmed Ismaacil Samatar sidaa darteed Ayaan u doortay in aan is bar bar dhig ku sameeyo doodii hogaamiye Xirsi iyo EX Wasiir Maxamuud Xaashi. Hogaamiye xirsi waxa uu si aan gabasho lahayn ugu dooday in xukumadii uu ka tirsnaa ee Siilaanyo ay ku saxneyd inay wada hadal la furto Somaliya iyo waliba faa’dooyin la taaban karo laga helay iyo in wada hadalada la sii wado. Doodani waxay waafaqsan tahay intii uu xirsi markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa ummda u sheegi jiray. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu ku dooday in wada hadaladii Soamliland iyo Soomaaliya ay noqdeen ma dhaleys laguna khasaarey wax faa’iido ah oo Somaliland ay ka heshayna aanu jiri wada hadalkaasi. Hadalkani waxa uukhilaafsanyahay Maxamuud Xaashi markii uu Wasiirka Duulista ahaa iyo markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa wixii uu ummada u sheegi jiray. Haddaba, marka aynu eegno doodii dhex martay labadaa Wasiir ee hore ee ka wada tirsanaa xukumadii hore xogogaalkana ahaa aynu falan qayno waxay aniga iila muuqadtaa sidan: Hogaamiye Xirsi wuxuu si geesinimo leh u difaacay mawqifkii ama rayigii uu ka rumaysnaa wada hadaladii u socday Soamaliland iyo Soomaaliya waana calaamada muujineysa in uu yahay siyaasi aan ka gabanin waxa uu rumaysan yahay waxana laga hayaa Alle ha u naxariistee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi doodiisii waxay ku saleys neyd sida dadka qaarkii aaminsan yahay oo ah mar haddii ay xukumadi Meesha ka baxdo Madaxwenuhuna xilka ka dago in la difaaco in aanay faa’iido ku dhex jirin isaga oo Maxamuud Xaashi isku qanciyey in aanu Siilaanyo Maanta madaxweyne aheyn isaguna aanu Wasiirkii Madaxtooyada aheyn. Sidaa darteed wuxuu isticmaaley maah maahdii aheyd (Nin bari ayaa socod ku roon) ee wixii eed ah u sii xambaari Madaxweynihii xilka ka dagay ee Siilaanyo iyo xukumadiisii oo uu ku calaamadiyey in ay Soamliland u hor seedeen wada hadalo lagu khasaarey oo ma dhaleys noqday sidoo kalena waxa ka muuqatay raali galin badan oo uu u hayey madaxweynaha hada xilka haya Mudane Muuse Biixi iyo xukamadiisaba oo iyagu shaki badan ka qaba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa qisadan soo socota . Nin oday ah, (oo xayn yar oo adhiya lahaa) ayaa maalin maal-maha ka mida, waxaa markhaati been ah, u qabsaday odaygii lahaa barkada ay xayntan adhiga ahi ka cabto oo waliba si bilaash ah ama lacag la’aan ah odayga xaynta yar haysta loogu waraabin jiray. xilliguna waa jiilaal oo biyo la‘aan badan baa jirtay xayntii yareyd-na kalkeedii-baa taagan oo waxay u sii jeedaa xaggii barkada markaasaa odaygii barkada lahaa intuu waxaan jirin sheegay amma arrin aan dhicin sheega- iyada oo meel makhaayada la wada fadhiyo ayuu yidhi: Qoodhii iyo xeradiin-ba waakan I hor fadhiyee Nuur Xaashi-ba waydiiya isaggaa markhaati goob joog ka ahaaye, Nuur Xaashi mar xayntii yareyd iyo biyo la’aantii jirtay ayuu eegay marna xaga Ilaahey buu eegay iyo markhaatiga beenta ah, ee loo qabsaday dabadeed hadalkii uu Nuur Xaashi naftiisa kula faqayey ayaa dibadda u soo baxay oo la maqley si aan ku talo gal aheyn, waxaanu yidhi: wallaahi xayntuna ha iska oontee inaanu runta sheegi. Nin oday ahaa oo goobta fadhiyey oo barkada eeryada ugu wayna lahaa ayaa dhaar iyo xilo fur ku maray oo yidhi: Nuur Xaashiyoow intaan Noolahay xayntaadu waxay ka cabeysaa barakadayda ee runta sheeg Nuur Xaashina sidii buu runta ku sheegay oo markhaatigii beenta ahaana kaga badbaaday Hadaba qisadan waxaan u soo qaaday siyaasiyiinta Soomaalida ah ee wixii ay shaley markay xilka hayeen sheegayeen wax ka duwan Maanta dadka u sheega. Qallinkii: C/risaaq Suudi Nuur Tell: 4425243 Email: suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
  2. (SLT-Hargeysa)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Iyo Cali Khaliif Galaydh Oo Loo Ogolaaday Dood Ay Ku Qabanayaan Magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Somaliland: Waddani Chair Returns After Prolonged Absence. Hargeisa,(Qaran news)-The chair of Somaliland’s main opposition party, Waddani, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” returned home after more than three months overseas. The former speaker of the Somaliland parliament, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” was given a large and warm welcome by party members and a vocal group of supporters upon his arrival in Hargeisa. Speaking to the media, Abdirahman “Cirro” spoke about the events that have taken place in Somaliland during his absence, and strongly came out against the recent deal by the two other Somaliland political parties Kulmiye and UCID. Former speaker, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” stated that Waddani is ready and willing to participate in scheduled parliamentary and local elections, but will not be forced to do so without the addressing the issues such as the current National Elections Commission (NEC), the election bill, and the distribution of parliamentary seats. The chair of Waddani, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” castigated the administration of President Muse Bihi Abdi for ruthlessness towards the certain sections of the Somaliland community including the media and the destitute. The head of Waddani, Abdirahman “Cirro” also stated his intention to hold a comprehensive press conference after conferring with senior party officials. This press conference is expected to take place within the next few days. Qaran News
  4. Somaliland: Defence Minister & Army Chief Meet UK Military Officers. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland Minister of Defence, Abdiqani Mohamud Ateye “Farid” accompanied by the Somaliland Army Chief, M/General Nuh Ismail Tani, along with the head of the planning department of the ministry and other senior Army officers met with a delegation UK military officers led by Colonel Matt Munro. The UK Delegation arrived from Addis Ababa, Ethiopia, were they are based, to discuss areas of mutual interest including the training and the logistic support for the Somaliland Defence Forces. The Somaliland Defence Forces and their United Kingdom counterparts work together in the areas of training, education and capacity building. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan ku yeesheen xaruntooda Magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu soo bandhigay xog ku saabsan in dhulka Soomaaliya la qaatay ayada oo aan laga war-hayn Ajandeha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu ahaa warbixin ay ka dhageysteen guddiga madaxa banaan ee xuduudaha, iyadoona Kulanka ay hortageen Xubnaha Gudigaas, waxayna warbixin siiyeen Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxbanaan ee Xuduudaha Soomaaliya Xuseen Nuur Xaashi ayaa Golaha Shacabka warbixin ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay 4tii bil ee la soo dhaafay iyo Caqabadaha ku horgudban islamarkaana caqabad ku noqon kara qorshaha afarta bil ee soo aadan. Sidoo kale waxay ka hadleen Arimaha Xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya iyagoo cadeeyay in Kenya ay dhul ballaaran gudaha Soomaaliya u soo gashay, arintaasna loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto. Guddiga Xuduudaha waxay sheegayn in Kenya ay qaateen qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo dhirirkiisu dhan yahay 476 KM, waxaa ayna shaaca ka qaadeen in taasi ay dhibaato ku tahay shacabka Soomaaliyeed, iyagoona tilmaamay in madaxda Dowladda ay la wadaageen arintaasi. Arrintan ayaa la sheegay inaysan jirin cid ku baraarugsan marka laga reebo dadweynaha ku nool dhulkan oo marar badan ka qeyliyey arrintan balse aysan jirin cid dhageysatay qeyl-dhaantooda. Ciidamo aad u badan oo ka tirsan Kenya ayaa haatan waxaa ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo dowladooda ka caawinaya inay gudaha isugu soo riixdo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-habeen-24042019vvv.mp3 View the full article
  7. Fox News host Tucker Carlson said Tuesday that Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) has “spent the rest of her life attacking” the U.S. after immigrating to the country from Somalia. Carlson’s comments came as part of a discussion of a 2017 tweet from Omar highlighting the number of Somalis killed by U.S. forces in a 1993 battle in Mogadishu. The fight was dramatized in the film “Black Hawk Down.” “Here’s someone who was brought to the United States at public defense simply because we’re a kind country that accepts a lot of refugees,” Carlson said as he interviewed Kyle Lame, a retired sergeant major who fought in Mogadishu. “And rather than being grateful for that, she’s spent the rest of her life attacking this country. Why?” The remarks are just the latest criticism from Carlson toward Omar, who has become a huge target for the right. Omar is one of the first two Muslim women elected to Congress, and has stirred controversy with comments about Israel some have viewed as anti-Semitic. She has sought to highlight the discrimination and prejudice faced by Muslims, and also came under criticism earlier this year from conservatives for remarks about the Sept. 11 attacks — including from President Trump. In the 2017 tweet about Mogadishu, Omar wrote that “thousands of Somalis” had been killed in response to another tweet that referred to the battle as the “worst terrorist attack in Somalia history.” “In his selective memory, he forgets to also mention the thousands of Somalis killed by the American forces that day!” Omar wrote, adding the hashtag #NotTodaySatan. In his selective memory, he forgets to also mention the thousands of Somalis killed by the American forces that day! #NotTodaySatan https://t.co/wrFocrZymQ — Ilhan Omar (@IlhanMN) October 16, 2017 NPR reported in 2013 that it is unclear how many Somali casualties occurred during the battle, noting “hundreds, perhaps thousands of Somalis were killed.” Eighteen American soldiers died in the fighting and dozens more were wounded after two Black Hawk helicopters were shot down flying into Mogadishu on a mission against Somali militiamen. The bodies of several U.S. solders were dragged through the streets, and the entire episode was a black eye for President Clinton’s new administration, which withdrew much of its involvement in the region. Omar fled violence in Somalia as a child and spent four years in a Kenyan refugee camp before entering the United States in 1992 — before the Mogadishu battle took place. Source: The Hill
  8. Two Canadian women jailed in Somalia and facing 40 lashes were released Tuesday, according to sources. Maymona Abdi, 28, and Karima Watts, 24, were arrested in January after police entered a house in Hargeisa, their lawyer Mubarik Mohamoud Abdi said. The women, who are originally from Ottawa, were accused of having consumed alcohol, which is illegal in Somaliland, a self-declared republic still internationally considered to be part of Somalia. New York-based human rights activist Jason Jeremias said Abdi was in Somaliland to help women facing gender-based violence. Their lawyer said they signed confessions under duress, hoping to avoid jail, but they were sentenced to 2½ months in prison and 40 lashes. “[The prosecution] did not prove before the court that they used alcohol,” their lawyer said. Conditions were awful In a statement, Maymona Abdi’s mother Fahima Hassan wrote, “Maymona and Karima were born and grew up in Ottawa, Canada, as best friends. When Karima’s mother died, she became our daughter.” Karima Watts was jailed in Somaliland on Jan. 19. She and her friend Abdi were accused of consuming alcohol and were facing 40 lashes. (Supplied) Jeremias, who has been advocating on their behalf, said both women struggled to cope in jail. “The conditions were awful,” he said. ” They didn’t understand why they were being detained — and detained for so long.” He said Abdi contracted pneumonia while in jail and was denied medical access. The women were also sometimes denied food, showers and sanitary pads he added. “They suffered physically and mentally, and they didn’t understand why this was happening to them.” Lashings very rare Ayan Mahamoud, a representative of Somaliland to the U.K., and the Commonwealth said being sentenced to lashings is rare in Somaliland. “I thought, what’s going on?” she said. “I think the last capital crime in Somaliland was in ’92, ’93.” Mahamoud said initially it was challenging for her to confirm the arrest and to get details on the status of the women. “I asked around … no one was able to tell me anything about this story,” she said. After reaching out to journalists and human rights activists in Somaliland, she connected with their lawyer who informed her about their release. Canada cautions travelers to avoid Somalia and describes the country as “extremely volatile” with the threat of domestic terrorism “high.” Global Affairs Canada said it is aware two Canadian citizens have been released and is providing consular assistance. Source: CBC Canada
  9. (SLT-Begin)-Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka China President Xi Jinping, kuwaas oo si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidoo kale sidii dib loogu habanayn lahaa jidka tareenka ee u dhexeeya Addis Ababa iyo Djibouti. Waxaanay labada dhinac ay is-faham guud ka yeesheen horumarinta dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo jidadka, waxaanay tilmaameen in China iyo Ethiopia-ba ay dedaal dheeraad ah ugu jiraan dhinacyada horumarka, isla markaana uu dal kasta ka jiro arimihiisa gaarka ah. Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed booqashadan uu ku joogo dalka China ayaa waxa kale oo uu kulan la qaatay madaxda shirkadda shidaalka ee dalka shiinaha. Kulanka labada mas’uul ayaa waxaay ku kala saxeexdeen heshiisyo dhinaca horumarinta ah oo gaadhaya 1.8 bilyan oo dollar, kaa oo ku saabsan horumarinta bixinta tamarta korantada iyo qaybin-teeda. Mashruucan ayaa waxaa uu awood u siin doonaa dowladda Itoobiya ilaa 16 beeraha warshadaha; Addis Ababa ilaa Jidka Tareenka 2aad iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, sida lagu sheegay war-kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa ballan-qaadey wada-shaqeyn buuxda inay la yeelato Shirkadda China gaar ahaan in ay awood u yeelato maal-galinta tamarta. Heshiiskaas waxaa dowladda Itoobiya u saxiixay oo wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed ka mid ah wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddiga Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa Maanta Xafiiskooda Kulan Albaabadu U Xidhnayeen Kula qaatay xisbiyadda KULMIYE iyo UCID kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo dardar galin lahaa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd. Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday go’aankii ay shalay wadda gadheen xisbiyadda UCID iyo KULMIYE sida ay labadaasi xisbi oo kaliya doorasho ku gali karaan madaama oo xisbigii WADDANI isagu taagan yahay go’aan adag oo ah in la kala diro gudida doorashooyinka ee wakhtigan. Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE ayaa loo balamay in kulan dambe ay iskugu yimadaan gudida doorashooyinka waxaana uu kulankani ku soo dhammaaday mid aan rajo fiican laga qaban sida ay doorasho dalka uga qabsoomi karto madaama oo loo baahan yahay saddexda xisbi doorashadda wada galaan. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaamay heshiis ay Shalay Hargeysa ku kala saxeexdeen Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, kaasi oo uu ka maqnaa WADDANI. Guddoomiye Cirro oo Maanta Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ka dib Safar uu ugu maqnaa Dalka dibeddiisa, ayaa isagoo ka hadlaya heshiiska ay wada gaadheen UCID iyo KULMIYE ee ah in Komiishanka xilka hayaa sii shaqeeyo illaa muddo xileedkoodu ka dhamaanayo, Komiishanka cusub ee la sii dhisi doonana laba xubnood lagu kordhiyo ka dib doorashada, ayaa yidhi “Shalay, Xukuumadda Somaliland iyo Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay soo saareen waxay ku sheegeen Go’aan (Heshiis), Go’aan muu ahayn kaasi, waxaynu ku macnayn karnaa oo keliya inuu ahaa shahaadadii dhimashada ee Hanaankii Dimuqraadiyadda iyo Doorashoooyinka ee Somaliland, ilaahayna ha inooga sahlo. Waxaanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay ahayn mid u danaynaysa hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, maaha tallaabo u danaynaysa midnimada Shacabka iyo Wada-jirkooda, hase-yeeshee waa Tallaabo dil-dilaac ku keeni karta Bulshada Somaliland, waxa kale oo aanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay Somaliland sinaba uga suurto-gal ahayn in laba Xisbi yidhaahdaan annaga ayaa Somaliland sidaanu doono ka yeelayna intay gaar u tashadaan..” Guddoomiyaha WADDANI wuxuu farriin u diray Beesha Caalamka “Beesha Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Go’aankaa magacay doonaan ha u bixiyaane inaanu deedafayney oo aanaan ogolayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xisbiga WADDANI wuxuu beesha Caalamka iyo Shacabkaba ugu sheegayaa inuu diyaar u yahay doorashooyin, siduu horeba diyaarka ugu ahaa, kuwaasi oo wakhtigoodii ku qabsooma. Waxaanu leenahay Xukuumadda iyo labada xisbi, taladi waad la ambateen, annaguna Miiskii wada-hadallada ayaanu diyaar u nahay sidii aanu awalba ugu ahayn..” Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa u muuqda kuwo si cad ula saftay xisbiyadda UCID iyo KULMIYE. Source
  11. Somaliland: Police Officers Physically Abuse Bulsho TV Reporter Khadar Macalin Deeq, a reporter from Bulsho TV based in Hargeisa was physically assaulted by several police officers whilst going about his work. The assault occurred on Sunday, and the reporter his currently in hospital suffering from wounds to his head, back and hips. Although, his condition is improving daily, as these pictures show, reporter Khadar Macallin Deeq suffered significant injuries and was taken to casualty department of Gargaar Hospital. The injuries to reporter Khadar Macallin Deeq were allegedly caused by an officer of the Traffic Police who apparently neglected to heed his duties to “serve and protect”. The Somaliland Police Force has been accused of being heavy handed in their dealings with both the members of the public and journalist. This is not the first time that a member of the Somaliland media has been physically assaulted by police officers. Despite the continued training and education provided to Somaliland Police Officers by various organisations, both public and private, such as the UNDP and Axiom International, it would seem that there are still rogue officers who are neither suited to law enforcement work nor capable of following basic policing guidelines. The Somaliland Police Force have yet to comment on this situation and the matter is awaiting adjudication. Qaran News
  12. Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda nin dhulka usoo dagay, oo uu isbadal ku dhacay, halka ra’iisul wasaare Kheyre uu wali u muuqdo nin rag iska celin ku mashquulsan. Madaxweynuhu wuxuu aqbalay, oo uu qirtay wax badan oo laga yaabo in saaxiibadii ay guuldaro u arkaan, waxaana ka mid ah. 1- Ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu sheegay in ciidanku mushaarkoodii qaateen, laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa beeniyay oo sheegay in aan saddex bilood askartu mushaar qaadan. 2-Kheyre wuxuu madal walba ka sheegaa in dhaqaaluhu soo hagaagay, oo lacag badan usoo xarootay, laakiin Farmaajo ayaa asbuucan taas beeniyay isagoo sheegay in Dowladiisu ay dhaqaalo xumo la dhaqaaqi la’adahay. 3-Ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu wareysigii u dambeeyay ku sheegay in guulo amni oo muhiim ah la gaaray, laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa beeniyay oo sheegay in dagaalka socda lagu wada dhamaaday, uuna yahay mid ka mid ah waxyaabaha cuuryamiyay Dowladiisa, wuxuuna culimada ka dalbaday in wada hadal loo maro arrinta Al Shabaab, taas oo ka dhigan in dhabihii dagaalka uu socon waayay. Wali wax badan ayaa dhiman oo u baahan in runta laga sheego sida siyaasada arrimaha dibbada, heshiiska Itoobiya, arrinta shidaalka, doorka Qatar iyo khilaafka maamul goboleedyada, laakiin isbadalka xaqiiqada wata ee madaxweynaha waa arrin amaan mudan. (Wax ummad ka dhaxeeya Af laguma qarin karo). W/Q: Abdullahi Osman Farah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray. “Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”. UGu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo amray in la baneeyo dhisme ay lahayd Wasaarad ka mid… appeared first on Puntland Post.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro ayaa maanta caasimada Somaliland si balaadhan loogu soo dhoweeyey kadib safar uu muddo ugu maqnaa dalka dibadiisa. Gudoomiye Ciro ayaa si adag uga hadley heshiiskii ay shalay arrimaha doorashooyinka ay kaa gaareen xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, wuxuuna sheegay in labadaas xisbi marna go’aan ka gaadhi karin masiirka Somaliland. “Shalay labadii Xisbi ee Kulmiye Iyo Ucid waxay soo saaren wax ay heshiis ku sheegen go’aan kaasi muu aheyn, waxaynu ku macneen karnaa oo kaliya in uu ahaa shahaadadii dhimashada ee dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu sheegaynaa in aaney si naba suurto gal u noqon inay laba xisbi yidhaahdaan anaga ayaa masiirka Somaliland ka go’aan gaadheyna intay gaar u tashadaan” ayuu yiri Gudoomiye Ciro. Wuxuuna intaas kusii daray Gudoomiyuhu “Waxaan beesha caalamka iyo shacabka Somaliland u sheegaya, siduu horeba ugu sheegay inuu diyaar u yahay doorashooyin waqtigoodi ku qabsooma, talada halkeedi ha lagu soo celiyo haddii la doonayo in doorashooyinka waqtigoodi ku qabsooman, waxa shacbiga reer Somaliland ugu baaqaya dee Xukuumadii aan dooranay wanu aragnaa, labadii xisbina waanu aragnaa, inay anbadeena waanu aragnaa, midnimadeenu waa muhiim wada jirkeenu waa muhiim, duruufaha na haysta ee nagu gadaaman waxaynu kaga bixi karnaa midnimo”. Sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu ka hadley dad laga qaadey dhul ay xukuumada Biixi ay ka dhisaneyso Madaxtooyada cusub iyo tacadiyada Saxaafada lagula kaco, wuxuuna yiri: “Dharaarba wax yaab leh baa igu soo dhacaya, intii aan maqnaa dhacdooyinka dhacay wey badnaayen, Laakiin waxan kasoo qaadan doona inyaro faro ku tiris ah, waxa kamida hooyoyinkii iyo umulihii lagu laayay dhulkoodi ee iyagana la xidh-xidhay, oohintooda iyo baroortooda qof walba oo reer Somaliland gudo iyo dibedba u gaadhey codkoodu, waxa kamida Saxaafadii madaxa banaaneyd oo sidii xoolaha loo xaraasayo oo jeelka laga buuxinayo, waxa ugu dambeeyay tifaftirihii bulsho iyo Cabdimaalik coldoon oo burco laga soo afduubay. Waxaad mooda dhacdooyinka is-daba socda inay midiba mid ka yaab badantahay, Waxaynu dooneynay Somaliland la ururiyo oo shacbigeeda la ururiyo oo la wada leeyahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Khartoum (Caasimadda Online) – Ku-xigeenka xoghayaha Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa ugu baaqday militariga Suudaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xukunka ugu wareejiyaan dowlad rayid ah. Makila James waxay sheegtay in arrinta ku aadan in dalka Suudaan liiska dalalka maalgeliyo argagixisada uu ka saaro Mareykanka ay imaan karto oo kaliya ah waa haddii militariga ay awoodda ku wareejiyaan dowlad rayid ah. Makila oo la hadleysay BBC kaddib markii kulan ay la qaadatay madaxa kumeel gaarka ah ee golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fataax Cabdulraxmaan Burhaan. Waxay ku tilmaantay taliyeyaasha militariga inay daacad yihiin isla markaasna ay si wanaagsan uga falceliyeen cosdiga shacabka reer Suudaan. Shalay, Janaraal Burhaan waxaa uu xaqiijiyay in ciidammada aysan awood xadh-dhaaf u adeegsan doonin dibadbaxyaasha. Militariga dalka Suudaan ayaa afgambiyey Madaxweynihii waqtiga badan ka talinayey dalkaas ee Al-Bashiir kaasoo hadda la filayo in lasoo taago maxkamad. Al-Bashiir ayaa maalmo ka hor waxaa gurigiisa laga soo helay lacago Malaayiin Dollar ah oo ku jiray Boorsooyin, waxayna garsoorka dalkaas deg deg u amreen in Maxkamad lasoo taago. Caasimada Online Xafiiska Khartoum Caasimada@live.com
  16. On Sunday, two fishing vessels were attacked by pirates off the coast of Somalia. The attempted boardings were both thwarted, but security officials said that they represent a reminder that antipiracy measures are still required when transiting the high-risk area off Somalia. According to EUNAVFOR, the fishing vessels Adria and Txori Argi were both approached by suspected pirates in the Indian Ocean on Sunday at a position about 280 nm off the coast of somalia. Both fishing vessels had private maritime security teams on board, and by exercising unspecified antipiracy best practices, the two attempted attacks were defeated. EUNAVFOR Operation Atalanta confirmed the attacks and said that it is likely that they were facilitated by a hijacked “mothership,” which was reportedly seized by armed men on Friday off the central Somali coast. EUNAVFOR searched the area with aerial assets and dispatches the warship ESPS Navarra from Mombasa. On Tuesday, the Navarra successfully intercepted and boarded the dhow mothership. EUNAVFOR teams interdict the suspected mothership dhow (EUNAVFOR) In a statement, EUNAVFOR warned that the maritime industry must still adhere to antipiracy best practices in order to maximize the safety of the ship and crew while transiting the high-risk area. The designated area will be reduced in size in May 2019, but Operation Atalanta commander Rear Adm. Antonio Martorell (Spanish Navy) warned that the change to the chart is not a signal for merchant vessel operators to lower their guard. “Both EU NAVFOR and CMF, stress that piracy off the Horn of Africa is by no means eradicated; it is only suppressed,” he said at a meeting April 23. Ten years ago, Somali piracy was a continuous, urgent threat in the western Indian Ocean and the Gulf of Aden. Pirates based on Somalia’s coast routinely conducted hijackings and kidnap-for-ransom operations until 2012, when a combination of private maritime security contractors, vessel hardening measures and NATO naval patrols effectively suppressed the threat. No successful attacks on merchant vessels were reported between 2013 and March 2017, when pirate groups began ramping up activity once more. Qaran News
  17. Ardayda qalin-jebisay In ka badan 60 arday ayaa maanta ka qalin-jebisay dugsiga H/Dhexe/ Sare degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal. Ardaydan oo ka kooban fasalka 8 aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiga sare, ayaa maamulka iyo macallimiintu ku sheegeen dufcaddii 26 aad ee ka qalin-jebisa dugsiga Qarxis oo la aas’aasay sannadkii 1978-dii. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Puntland, maamulka degaanka, waalidiin, waxgarad, culimaa’uddiin iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda ay ku qalin-jebinayeen ardaydan oo lagu qabtay isla degaankaasi Qarxis ee gobolka Nugaal. Maamulaha dugsiga Qarxis Mukhtaar Khaliif Faarax oo ka warbixiyay tirada ardayda qalin-jebisay ayaa sheegay in sannadba-sannadka ka dambeeya ay sii kordhayaan ardayda ka baxayaa dugsiga oo sida uu sheegay la as’aasay sannadkii 1978. Dhankooda Qaar kamid ah waalidiinta ardayda qalin-jebisay oo munaasabadda ka hadlay, ayaa bogaadiyay guusha ay da’yartaasi ka gaareen waxbarashadooda, waxaan ay ku boorriyeen in ay halkaasi ka sii wadan dadaalka. Sidoo kale, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax ayaa isna u hambalyeeyay ardayda qalin-jebisay, isagoo ku dhiirri-geliyay in ay heerarka waxbarasho ee u harsan ka mira-dhaliyaan, si ay dadka iyo dalkaba u anfacaan. Ugu dambeyn, Xafladda ayaa ku soo dhammaatay jawi qurux badan oo farxadi ka buuxdo. PUNTLAND POST The post Arday ka qalin-jebisay dugsiga degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray. “Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta.
  19. Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray. “Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Iyadoo lagu lagu jiro diyaar-garowga xuska dabaal-daga 18 May ayaa qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka siddaa ay ku guddo jiree gaado ka ciyaar ay samaynayeen todobaadyadii ugu dambeeyay, Marka laga yimaado Gaado-ka ciyaarka ay sameenayaan Ciidamada Milatariga, Booliska, Asluubta, Badda, laanta socdaalka, iyo Damdamisku ayaa waxaa intaasi u dheer in uu dhexdooda ka jiro tartan gaaddo ka ciyaar ka dhexeeya lana xuso Ciidanka ugu marista wanaagsan. Haddaba saaka oo ciidamadu iskugu yimaadeen tartartankoodii koowaad ayaa waxaa ku guulaystay Ciidanka Asluubta Somaliland oo sanadahii ugu dambeeyay hogaaminayay guusha gaaddo ka ciyaarka ciidanka ugu wanaagsan, Guddida Dabaal-daga 18may ayaa qiray in saaka oo tartanka Boroobada koowaad bilaamay ay ku guulaysteen Ciidanka Asluubtu, Wali waxaa hadhay sidda saraakiisha Ciidamadu sheegeen laba tartan oo kale oo Baroobo ah kaas oo dhex mari doona ciidamada, waxaana halkaas marka ugu dambeeya lagu shaacin doono cidda ku guulaystay labada gaada-ka ciyaarkaasi. Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye-Guuto Axmed Cawaale Yuusuf “Libaax” iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Sarreeye-Guuto Xasan Cali Cawad ayaa bogaadiyay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Asluubta, waxaanay Xuseen in Ciidanka Asluubtu majaraha u hayn doono Gaaddo-ka ciyaarkasta oo la soo bandhigo, Ciidanka Asluubta ayaa sanad-kasta ku guulasta in loo aqoonsado Ciidanka ugu gaardiska wanaagsan Ciidamad qalabka sidda ee dalka waxaana kal-hore Madaxwayne Muuse Biixi warqad bogaadin iyo Hambalyo ah u soo qoray Ciidanka Asluubta markii uu dhamaaday doola-tuskii 18May ee Kal hore. Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto dad ku eedeysan gubid iyo dil ay u geysteen marxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo) Dadka maanta maxkamada ka soo hormuuqday ayaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 6 ruux, kuwaasi oo dhamantood ku eedeysan in ay geysteen falkan isugu jirtay gubis iyo dil si arxan dara ah. Ilo wareedyo ayaa Caasimadda Online u sheegay in maxkamada ay ku qanci weysay eedaha la horkeenay Maxkamada, waxaa na la sheegay in dib loo dhigay kiiska Axmed Dowlo, inkastoo aan la shaacin waqtiga rasmi ah. Wararka qaar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in maxkamada ay dalbatay in la soo dhameystiro eedaha loo heysto eedeysanayaashan. Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. (SLT-San Jose)-Foos Cabdi Xaashi oo 70 jir ah ayaa waxaa Jimcihii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada San Jose ee Gobalka California ee dalka Maraykanka, iyadoo lagu soo eedeeyey dilkii wiil 3 jir oo ay Ayeeyo u ahayd, waa sida hadalka loo dhigay. Booliska Degmadda Milpitas ee isla Gobalka California waxay sheegeen inuu falkaasi dhacay maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore, kadib markii laga soo wacay Telefoonks 911, waxayna sheegeen inuu ilmaha yar hal saac kadib ku geeriyooday cisbitaal ku yaallaa Degmadda Milipitas oo ku taalla Koonfurta magaalada San Faransiisko. Gabadh la dhalatay wiilka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Ayuub waxay u sheegtay Booliska inay daawanaysay markii ay Ayeeyada wiilka yar dhulka ku tuurtay. Ayeeyada waxay Booliska u sheegtay inuu wiilka yar hunqaacayey, kadibna uu geeriyooday, markii ay sarriirta seexisay, si uu u nasto. Shabakadda Wararka ee AB7 News ayaa qortay in Foos Cabi Xaashi lagu soo oogay dilka ilmahaasi oo ah heerka 1-aad ee fal-dembiyeedka dilka. Dacwad-ooge Luis Ramos waxa uu dhegeysiga Dacadaasi ee Jimcihii la soo dhafaay waxa uu tilmaamay in caddaymaha ay hayaan u muuqdaan inay Ayeeyada ka dambeysay geerida wiilka yar ee la oran jirey Ayuub, waa sida hadalka loo dhigay. Foos Cabdi Xaashi oo uu Turjumaan u fasirayey dacwadaha lagu soo oogay way ka gaabsatay inay qirato eedeymaha loo haysto. Garsooraha waxa uu dib u dhigay dhegeysiga dacwadaasi oo dib loo qaadi oono bisha soo socota ee May 8-da, waxayna muteysan kartaa Xabsi 25-sanno, haddii lagu helo dilka wiilka yar ee ay Ayeeyada u ahayd. Source
  23. Dowladda federaalka ah gaar ahaan ciidammada ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay iney isku soo dhiibeen rag ka tirsan Al-shabaab Labadan horjooge ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) iyo Food Aadan Maxamuud. Ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiisha ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka. Raggaan waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee tallada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab. Labada nin ayaa la socday baabuur Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale, iyagoo kaddibna ku soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere. Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada isaga oo u matalin jiray gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. (SLT-Hargeysa)-Muwaadiniin U Dhashay Canada Oo Muddo Ku Xidhnaa Magaalada Hargeysa Oo La xukumay Iyo Dambiga Loo Haystay, Halkan hoose ka DAAWO Source