-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baladxaawo ( SMN )Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Xaafadaha degmada Baladxaawo ayaa waxa ay billaabeen burburin ka dhan ah Darbiga ay sida sharci darrada ah Kenya uga dhiseyso dhulka soo xiga xuduuda Somalia. Dowladda Kenya ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii ay ay u sii wadi lahayd dhismaha Darbigaasi. Muddo 5 Cisho ah ayey wadaan shacabkani Burburinta waxaana ay sheegeen in arrintaasi ay u sahashay Roobab ka da’aya halkaasi iyagoona qeybo badan dhulka la simay dhismahaasi sharci darrada ah. Weli maamulka Jubbaland kama uusan hadlin kacdoonka Shacabka ay ka billaabeen degmada Baladxaawo. View the full article
-
(SLT-Qaahira)-Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha qaarada Afrika oo kulan ku yeeshay magaalada Qahira ee dalka Masar ayaa u qabtay muddo saddex bilood ah inay ku dhamaystiraan dib u habeynta dimuqraadiyada golaha millatariga ee haya maamulka dalka Suudaan. Go’aankan ayaa waxaa uu sii dheereynayaa waqti ay hore ugu qabteen ururka Midowga Afrika golaha millatariga ee Sudan inay ku wareejiyaan xilka dowlad rayid ah. Golaha Milatariga dalka Sudan oo xukunka la wareegay 11kii bishan kadib markii ay afgambiyeen dowladii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Cumar Xasan Al-Bashir ayaa wajahaysa cadaadis kaga imanaya kumanaan banaanbaxayaal ah kuwasoo dalbanaya in dowlad rayid ah xukunka lagu wareejiyo. Midowga Afrika ayaa haddii uu go’aan ka gaadho hogaanka Milatariga dalka Sudan waxaa wadankaasi soo wajahi kara in uu dhibaato kale gudaha u galo iyadoo haatan uu dalkaasi ku jiro qalalaase siyaasadeed. Madaxweynaha dalka Masar Sisi oo ka hadlay kulankan oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah madaxda dalalka qaarada Afrika ayaa sheegay in kulankan la isla oggolaaday baahida loo qabo in xal deg-deg ah oo kama dambeys ah ay ka gaaraan shacabka Sudan si dib loogu soo celiyo habkii dastuuriga ahaa. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiekh Shariif Shiekh Axmed ayaa lagu wadaa in uu maanta soo garao Magalada Muqdisho. Xubno katirsan Xisbigiisa Himilo Qaran ayaa Shabelle u sheegay ujeedada imaatinkiisa in ay tahay arimo la xiriira shaqada Xisbiga. Shiekh Shariif Shiekh Axmed Madaxweynaha Dowladii KMG ahayd ayaa marka uu yimaado la filayaa in uu ka hadlo safarkiisa iyo arimo kale oo ku saaban Xaaladda Soomaaliya. Safarkan ayaa kusoo Beegmaya xili ay madaxda Xisbiyadda Siyaasadda iyo xubno kale oo dowladgoboleedyadda katirsan ay kulan ku yeeshen Dalka Kenya, iyadoo Shirkaasi ay ku dhaliilayeen Xukumadda Haatan shaqaysa View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay magaalada Muqdisho ku casuumeen inay yimaadaan guddoonada baarlamaanka 11 dal oo ku yaala Qaarada Africa. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa ka sheegay maalintii shalay kulan xildhibaanada baarlamaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho, in Muqdisho kuso wajahan yihiin guddoonada baarlamaanada Africa. Gole isbaheysi oo ay ku mideysan yihiin baarlamaanada 11 dal oo ku yaala Africa, waxaana sida la qorsheeyay isbaheysigan golahaan ay imaan doonaan magaalada Muqdisho. Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in ujeedada xubnahaan u imaanayaan magaalada Muqdisho ay tahay inay qibrad ahaan wax badan ka faa’ideystaan qaababka ay ku xaliyaan dhibaatooyinka ka jira dalalkooda. Hogaanka Isbaheysigaan ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la sheegay in isaga uu warbixin golaha ka siiyay isbaheysigaan iyo ujeedada laga leeyahay. “Golaha shacabka ayaa marti qaaday, waxaana rabnaa inaan ka faa’ideysano qibradooda iyo qaabkii ay kaga guuleysteen dhibaatooyinkii dhacay”ayuu yiri guddoomiye Muudeey. Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cabdi Cali uu bixiyay talooyin badan oo la xiriirta casuumaada loo fidiyay xubnaha isbaheysigaan oo imaanaya magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ay la kulmeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid, ayaga oo kulanka ay albaabadu u xirnaayeen, Saxaafaduna dibad joog ka aheyd, wararka ayaa sheegaya in looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho ay qeybgalaan labada xisbi. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday go’aankii ay shalay wada gaareen labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye iyo sida labadaas xisbi oo kaliya ay doorasho ku gali karaan maadaama xisbiga Wadani uu qaadacay shirka ayagoona horay ugu baaqay in la kala diro guddiga doorashada. Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid iyo Guddiga doorashooyinka ayaa ku balamay in kulan danbe dib laysugu yimaado, waxaana rajo xumo laga muujiyey qabsoomidda doorasho ay 3-da xisbi ku loolamaan. Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo ah xisbi ballaaran, taageero bandanna ku leh gudaha Somalinland ayaa sheegay inaysan jirin doorasho labada xisbi kaligood ay qaban karaan, waxa ayna wax lagu xumaado ku tilmaameen dhawaqa ka soo yeeray labada xisbi waa Kulmiye iyo Ucid oo maanta guddiga doorashada la qaatay kulan ku soo dhmaaday natiijo la’aan. Khilaafka u dhaxeeyo Sedexda xisibi ayaa ah mid dhowaanahaan soo laablaabanayay shacabkuna waxa ay ka war sugayaan waxa uu noqonayo xalka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Erateria, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Asias Afwerki ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Asmara ee caasimadda Erateria. Shirka labada madaxweyne ayaa looga hadlay ahmiyada labada dal ay ugu fadhiso joogteynta iyo hormarinta xiriirka ku dhisan iskaashi iyo wada shaqeyn. Sidoo kale shirkan labada madaxweyne ayaa waxaa uu ahaa mid daba socday Shirar ay horay labada madaxweyne ugu kala yesheen magaalooyinka Muqdisho iyo Asmara, waxaana shirkan looga hadlay dardargalinta waxyaabihi horay labada dal isugu afgarteen View the full article
-
Deni iyo Chabbra oo kulmay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, ayaa xalay kulan la qaatay safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya, Rahul Chabbra. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay: arrimaha ganacsiga & maalgeshiga, waxbarashada, Caafimaadka iyo tababaridda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. Ambassador Chabbra, ayaa xukuumadda Puntland ku ammaanay, kaalinta ay ka qaadatay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo la’dagaallanka burcad-badeedda, waxaana uu ballan-qaaday in dowladdiisu xiriir wanaagsan la yeelan doonto Puntland, sida ku cad war-saxaafadeedka. Madaxweyne Deni, ayaa isna dhankiisa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay, in ay wada-shaqeyn la yeelato dowladda Hindiya, si kor loogu qaado xiriirka Puntland iyo waddanka Hindiya. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Safiirka Hindiya oo ballan-qaad u sameeyay Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Faysal Rooble oo su’aalo la weydiiyay Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Faysal Cabdi Rooble oo xalay su’aalo lagu weydiiyay kulan dadweyne oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada. Rooble oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay asalka khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka? ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dagaal ku hayo nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dhisan taasina ay sal u tahay khilaafka dhammaan la’ ee labada dhinac. Faysal Rooble ayaa sheegay in hannaanka Federaalka ee dalku qaatay uu si cad u qeexayo Dastuurka GMG ee Soomaaliya islamarkaana aysan jirin faham la’aan ka timid dhankaasi balse madaxweyne Farmaajo uu si bareer ah ula dagaallamayo nidaamka Federaalismka. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uusan gebi ahaanba ku qanacsaneyn hannaanka baahinta maamulka ee Federaalismka ee ay ku heshiiyeen umadda Soomaaliyeed ee uu madaxweynaha u yahay sidaasi darteedna uu dagaal aan joogsi lahayn kula jiro nidaamkii lagu doortay. Mudane Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in 6-dii bilood ee u dambaysay dowladda federaalka Soomaaliya ay waday qorshe lagu majaxaabinayo nidaamka Federaalka dalka kaasi oo lagu burburinayo dowlad goboleedyada dhisan si aan nidaamkaasi u hirgelin. Ugu dambayntii wuxuu dowladda madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in ay doonayso in ay Dastuurka ka saarto qodobada qeexaya Federaalismka si uu ugu ekaado hannaan dowlad dhexe taasi oo aan lahayn nidaam baahsan. PUNTLAND POST The post Aqoonyahan Faysal Rooble oo sheegay in madaxweyne Farmaajo Nidaamkii lagu doortay la dagaallamayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaqada ka ruqsaysay 130 qof oo dhalinyaro dalka wax ku bartay ah. Dhalinyaradaan ayaa ku dhowaad 4 sano si lacag la’aan ah ugu shaqaynayay Isbitaalka Martiini oo ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay hey’addi gacanta ku haysay. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar, Agaasimaha Wasaaradda, HRM-ka Wasaaradda iyo Xubno kale ayaa shaqaalaha Khamiistii ku wargeliyay in shaqada laga ruqseeyay, dowladana ay qaadan doonto Shaqaale cusub. Qaar kamid ah Dhaqaatiirtaan oo aan la hadlnay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ubadan yihiin dhalinyaro dalka Gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa kale oo dibadda waxbarasho u aaday oo dalka ku soo laabtay kuna qanacsanaa dalkooda, balse ay dowladda Soomaaliya shaqo la’aan dhigayso halkii ay aheyd in ay dhalinyarada Shaqo u abuurto. Shaqaalahaan oo isugu jira hablo iyo wiilal ayaa ka walaacsan halka ay Xaaladooda ku dambeyn doonto hadii ay ka tagaan shaqadaan, waxayna dowladda Soomaaliya dalbadeen in ay ka laabato go’aankaasi. Mid kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Martiina ee shaqada laga eryay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ka fekarayaan sidii ay ku heli lahaayeen badalka shaqo kale. Qaarkood ayaa sheegay in ay dalka ka tahriibayaan hadii ay go’aansato dowladda Soomaaliya in shaqada ka Cayriso sababtoo ah waxay sheegayn in aysan haysan shaqo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Akhri: Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir?, Siduu Shaqada Dawlada Ku Bilaabay Iyo Ruuxa Uu Yahay. Waxaan aad u jecelaystay inaan Bulshada Somaliland la wadaago Qoraalo taxane ah oo aan isleeyahay ugu iftiimi Shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Halka uu Shaqada Dawladda kasoo galay, cidda soo galisay, Dhacdooyin layaableh oo Musuq Maasuq oo taariikhdiisa shaqo ku sidkan, qaabka uu uga tujaaray Hantida Qaranka iyo arimo kale oo xasaasi ah oo si gaar ah qalbiga Qof kasta u taabanaya kuwaasi oo meesha ka saaraya inuu sii ahaado ama uu madax kasii ahaado Hay’addii dhamayd ee Qaranka ugu mudnayd ee loogu talo galay illaalinta Hantida Qaranka. Waa kuma Axmed Yuusuf Dirir, Sideebaanu Shaqada Dawladda Ku Soo Galay? Hanti Dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu kasoo jeedaa Qoys Sabool ah oo xoolo dhaqato ah (imika waa tujaar eh), waxaanu ku dhashay, kuna barbaaray Nolosha baadiyaha, isagoo da’ ahaan weyn ayaa magaaladda Berbera la keenay Bilawgii Shagaashanaadkii, waxaana miyiga kasoo kaxeeyay Mareeyihii ugu mudada dheeraa Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor oo ay ehel dhaw yihiin, waxaana shaqadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay Dekeda Berbera, isagoo ahaa shaqaale hoosaadka Dekeda, waxaana qoray Cali Xoor Xoor oo noloshiisa soo gacanta qabtay. Axmed Yuusuf Dirir, maanta waa maalqabeen hanti badan ka dhaqday, xilal kala duwana kasoo qabtay Dekeda Berbera. Fuuqyada ugu dhaadheer ayuu ku leeyahay Magaalada Berbera iyo Hargeysaba, sidoo kale waxa uu Dubai ku leeyahay Hanti xoog ah oo uu si qarsoodi ah uga samaystay Dubai iyo Baananka uu lacagta dhigto oo Dubai uga Furan. Sidoo kale waxa uu Dubai ku guursaday naag carabiyad ah oo uu imikana uu Hargeysa usoo raray taasi oo muujinaysa sida uu uga tujaaray Xoolihii umadda ee lagu aaminay. Door Noocee Ah Ayuu Cali Xoor Xoor Ku Lahaa Nolosha Axmed Yuusuf Dirir? Axmed Yuusuf Dirir waxa si weyn usoo gacan qabtay Cali Xoor Xoor oo waxbarashada dadka waa weyn ku daray, waxa uu markii dambe u diray isagoo shaqaale hoosaadka Dekedda Berbera ah(Xamaal), koorso dibadda ah, Muddo lix bilood ah ayaanu ku maqnaa dal Africa-da kuyaala(South Africa), markii uu soo noqdayna Waxaa uu u magacaabay oo uu u dhiibay Xisaabiyaha Guud ee Dekeda Berbera,wakhtigii Xukuumaddii UDUB. Waxa uu Axmed Yuusuf wakhtigaasi khaayimay Cali Xoor Xoor-kii noloshiisa qaybta weyn ku lahaa ee soo dhisay ee soo gacan qabtay, waxaanu Siraha dekeda u basaasi jiray Xisbigii wakhtigaasi mucaaridka ugu weyn ahaa ee Kulmiye, isagoo qorshihiisu ahaa inuu haddii uu Kulmiye Talada dalka ku guulaysto uu Xilka kala wareego Cali Xoor Xoor, taasi oo markii dambe dhacday, oo uu Kulmiye abaal gud uga dhigay basaasnimadii uu kula shaqayn jiray ee uu sirraha Cali Xoor Xoor dibada ku siin jiray. sidii ay ahayd, Islamarkii uu Xisbiga Kulmiye talada Dalka ku guulaystay 2010-kii waxa Axmed Yuusuf Dirir loo magacaabay Dekeda Berbera, inyar kadib waxaa lagu helay arimo Musuq Maasuq, markiiba waxa uu qaaatay lacago badan, fooqyo ayuu dhistay, dhulki danta guud ayuu boobay,waxaanu arinkiisu noqday mid ifka u soo baxay oo lawada ogaaday oo aan cidna ka qarsoonayn, sidaasi ayaan Xilkii looga qaaday. Markii Shirkadda Dp-World Dalka Timid iyo Dhacii Ugu Balaadhnaa Ee Uu Axmed Gaystay!!!! Afar sanno markii uu ka maqnaa Xilka Maareeyaha Dekeda Berbera, ee ay Shirkadda Dp-World timid ee Cali Xoor Xoor-na si aad ah ugasoo hore jeestay ayaa uu mar labaad dib ugu yeedhay Maxamuud Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda. Markan dambe waa markii uu dhacay Wadanka. Gaadiid badan oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay oo ay dekedu lahayd, Alaabo safar dibadda ugu maqnaa Dekeda, iyo Lacago kaash ah oo Qasnadda ugu jirtay oo illaa 5-Milyan Dollar ahayd oo cadaan ah oo uu Cali Xoor Xoor Goob fagaare ah ka sheegay oo uu ku wareejiyay waxaasi oo dhan waa uu isku muudsaday oo kamuu xishoon. Waxa uu markiiba dib ulasoo noqday Lacagta alaabo Dekeda loo soo iibinayay oo Cali Xoor Xoor dalabkeeda ka tagay , taasi oo uu jeebka u shubtay lacagtoodii, arintaasi oo ku cadaatay markii dambe, kana mid noqotay dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee uu ku kacay ee fashiliyay. Inyar markii uu Xilka hayay, waxay Dawladdii Kulmiye Galisay Hanti dhawr, waxa kooxdii gashay hogaaminayay Hanti Dhawrihii hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire, Baadhistaasi waxaa lagu ogaaday in Hal milyan iyo boqol iyo konton kun maqantahay oo lacagtii Dekeda ee Akawnka kujirtay ahayd, waxa kale oo la ogaaday inay maqan tahay lacagtii Taagga lagu soo iibinayaya oo iyana Shan Milyan ahayd, sidoo kale waxa la waayay sagaal gaadhi oo Cali Xoor Xoor ku wareeejiyay, waxa kale oo la ogaaday qandarasyadii uu bixiyay Cali Xoor Xoor inuu dadkii kasoo celiyay oo uu lacagtii cunay. Halkaas markay maraysao waxay Hanti dhawrku sameeyeen in habeenimo gurigiisa loo daatay, waxa kooxdii Gurigiisa u daadatay ka mid ahaa oo hogaaminayay Ninka lagu magaabo Cali Bilyan, waxa islamarkan GURIGIISA loo daatay uu ku mashquulsanaa Guryo uu ka iibsanayay Magaaladda Dubai oo goobo mihiim ah ku yaalay kuwaasi oo laga war helay, Waxa markii loo daatay Gurigiisa loogu tagay oo laga soo helay laba gaadhi oo ka mid ah sagaalkii Gaadhi, todobaddii kale waa la waayay oo sidaasi ayaa lagaga quustay. Qaabkii Uu Ku Dhacay Lacagtii Shanta Milyan Ahayd Ee Taagga Iyo Siduu Uga Badbaaday Xadhigga + Cidda La Tacaashay. Waxa kale oo baadhistaa iyo dabagalkaasi lagu sameeyay ee lagu raadcaynayay hantida badan ee ku maqnayd lagu soo helay Foojarigii uu lacagta Shanta Milyan ah ee Taagga loogu talogalay uu kula baxay, kaasi oo ay kuyaalaan Hal saxeex oo aanay la saxeexin raggii sharci ahaan la saxeexa lalahaa sida Xisaabiyihii Guud ee Dekedda iyo Raggii ee lalahaa saxeexa jeegaga. Dhacdooyinkaasi fajicisada lahayd ee lagala kulmay baadhistaasi waxa ka mid ahayd in markii laga waraystay hantida baddan ee ku maqan halka uu mariyay iyo halka ay martay lacagtii Cadaanka ahayd ee Shanta milyan ahayd ee uu la baxay, waxa uu sheegay inuu Laba Milyan oo ka mid ah lacagtaasi uu Siiyay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo ahaa Wakhtigaasina Madaxweynaha Maanta Xilka haya Muuse Biixi Cabdi, arintaasi oo layaab ku noqotay Xukuumaddii Wakhtigaasi iyo masuuliyiintii baadhista sameeyay ee uu xogta la wadaagay. Waxa kale oo iyaduna layaab noqotay inuu sheegay inuu iyana Kharash galiyay oo uu lacagtaasi ku maqan ku soo sameeyay Calamaan iyo koofiyo Xisbiga Kulmiye iyo waxyaabihii kale ee Ololaha Xisbiga Kulmiye. Waxa waxa uu Meelna ku sheegi waayay 7-dii Gaadhi ee la waayay ee Cali Xoor Xoor ku wareejiyay. Waxa kale oo la ogaaday in dhisme xafiisyo Cusub oo loo dhisayay wakhtigaasi Dekeda oo ay Soo qiimaysay Shirkadda VILLA and mansion oo ay afar boqol oo Kun oo dollar kusoo qiimaysay dhismahaasi waxa uu Koontaraaka Dhismahaasi siiyay shirkad kale oo la yidhaa Daryeel Construction taasi oo uu heshiis kula galay inuu lacag badan uu dul dhigto, waxa uu ku sheegayHal Milyan iyo Laba Boqol inay ku baxeen dhismahaasi,halka Shirkadda VILLA and mansion hore ugu qiimaysay afarta Boqol oo Kun Oo Dollar,taasi oo iyaduna amakaag ku riday maasuuliyiintii wakhtigaasi baadhista ku sameeyay, iyo Xukuumaddii Wakhtigaasi Xilka u egmatay. Madaxweyne Muuse Iyo Axmed Dirir Halka Ay Iskala Jaan Qaadeen!!!. Waxay baadhistaasi ay bilaabantay 14/09/2017-kii, waxaanay socotay illaa 18-kii bisha oo ah Afar cisho gudaheed, waxaana mudadaasi afarta cisho ah la ogaaday in hanti malaayiin doolar ahi ay maqantahay. Madaxweynihii hore ee Siilaanyo ayaa laga codsaday inuu xilka ka qaado si loo xidho. Waxa dagaal u galay in xadhig laga badbaadiyo Odayaal iyo salaadiin reerkooda ah, waxa kale oo isna dagaal kala hortagay in ninkaasi la xidho Gudoomiyihii Xisiga Kulmiye ee Wakhtigaasi imikana ah Madaxweynaha Dalka Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Muuse ku qanciyay Xukuumaddii Siilaanyo in xilka uun laga qaado oo aan la xidhin, 22-kii Bishii Sagaal ee 2017-kii ayaa xilka laga qaaday. Muuse Biixi ayaa Siilaanyo ka codsaday oo ku yidhi “ reerka ha igu kicin”. Xogaha aanu helnay ayaa sheegaya inuu Muuse Biixi wakhtigaasi uu codsigan uu ka dalbanayay uu lugaha qabsaday Madaxweynihii wakhtigaas Siilaanyo. Waxa Xasuus Mudan in Axmed Yuusuf Dirir uu lacagaha lagu helay ee ku maqan uu ku sheegay inay qaybo ka mid ahi ku maqan tahay Xisbiga Kulmiye oo uu Gudoomiye ka ahaa Muuse Biixi Cabdi, waxaana Ficilka iyo dhaq dhaqaaq uu Muuse ku difaacayay ka muuqda inuu isaga laftiisu wax badan ka hortagayay. Waxa halkaasi ka cadaatay inay Muuse Biixi iyo Axmed Yuusuf Dirir isku xidhnaayeen islamarkaana uu dan gaar ah ku qabay, suurtagalna ay tahay inuu Lacagtaasi iyo hantidaasi uu dhacay wax ogaa. La Soco Qaybaha Dambe Ee Taxanahan …. Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2001@gmail.com) , London. ………………………………………….. Qaran News
-
Todobaadkan ayey aheyd markii rag u badan xil-dhibaano iyo masuuliyiin kale shir ku qabsadeen magaalada Nairobi dalka Kenya. Kulankaan oo uu ka soo baxay qodobo dhaliil loogu jeedinayo xukumadda hada dalka hoggaamise ee horumoodka ka yahiin Khayre iyo madaxweyne Farmaajo. Dabcan muwaadiniinta noocay rabaan ha la haadaane xaq dastuuri ah ayey u leeyahiin kulamo in ay qabsadaan oo wax iska weydiiyaan xaaladda dalkooda, dhaliilano soo jeediyaan. Laakiin Kulankan Nairobi lagu qabtay iyo qadobadii ka soo baxay ee dhaliilaha lahaa ee warbaahinta lagu baahiyey anshax ahaan waxay ahaayeen qalad, waana tan sababta; Waxaa ceeb ah inta dalkii xil-dhibaanka ka aheyd ka tagtid oo waddan shisheeye tagtid in aad madaxdaada soo dhaleeceysid. Aduunkana ma jirto waddan kale oo ay sidaan ka dhacdo oo aan aheyn Soomaaliya. Waxayna marqaati ka tahay garaad xumada siyaasiin ku sheega soomaali maanta illaahey ku ibtileeyey. Waxaa marqaati kuugu filan in aysan aheyn wax aduunka kale ka dhaca, maalmo ka hor inta uusan shirkan ka dhacin magaalada Nairobi, waxaa booqasho ku joogtay dalka Irland Nancy Pelosy oo ah guddoomiyaha aqalka Congres-ka ee Maraykanka. Socdaalkeeda waxa uu ku soo aadey soo baxitaankii warbaxintii la wado sugayey ee baaraha khaaska ah ee Bob Mueller. Nuxurka warbaxintaan ku jiray oo ay warbaaahinta tabineysay lana sheegay in ay ku jiraan falal guracan oo madaxweynaha Marankanka Donald Trump ku kacay ayaa saxaafadda ka codsatay Nancy Pelosy in ay wax ka tiraahdo. Balse waxay ku jawaabtay “waddanka intaan ka soo dhuufno madaxweynaha dhaleeceyn mayno” https://cbsn.ws/2W4apfQ. Nancy waxa si fiican uga warheysaa anshax xumuda ku jirta in hoggaanka waddankaaga aad dhaleeceysid adoo dal shisheeye marti ku ah, si kasta oo aad ugu kacsan tahay. Garaadkas waa ka dhoohanyahiin soo lama oran karo kuwii Nairobi ku shiray? Sheegasho “caburin” Madaxda soomaalida ee ku shiray Nairobi waxay ku andacoodeen in aan aysan shirkaan ku qabsan karin dalka gudahiisa oo ayna daruuf ku kaliftay Nairobi in ay ku kulmaan maadaame sida ay yiraahdeen “la caburiyey”. Xasuusnow ragga sidaas leh intooda badan waa wakiilo xil-dhibaano ah oo laga sugayey dimokaraatiyadda curdunka ah daddka in ay u illaaliyaan. Laakiin qof kasta oo garaad leh warkooda markuu sii dhuuxo waxa u soo baxaysa sheegashadooda run badan in aysan ku jirin. Waa la wado ogyahay dowladda Xamar in ay ku xoogan tahay, dalkana Xamar keliya ma wado ahan oo deegano badan oo caburinta ay sheegteen uga badbaadi kareen baa jirta. Halka uu ka soo bilowday dhaqankaan ah dibadaha in layska soo dhaleeceeyo? Dhaqankaan ah in dalalka dariska ah dowladda laga soo dhaleeceeyo ma ahan mid hadda soo bilowday balse waxaa mid soo bilowday xilligii xukumaddii keli taliska aheyd. Gar bay u lahaaayeen siyaasiintii wagaas in shirarkooda in ay ku qabsadaa waddamada derisk ah dowladda ka soo dhaleeceeyaan dibadaha. Waayo xukumaddii wagaas si furan gudaha waddanka looguma dhaleeceyn karin qatar dhaf iyo maal leh awgeed. Xiliyadii burburkana daruufahii jiray baa kalifay in qolyahii isdiidanaa ay dibadaha iska soo dhaleeceeyaan shirarkooda ku qabsadaan caasimadaha deriska. Ceebteenu ma carwo la dhoofiyey noqotay? Waxaan moodeynay hadaan dadka soomaaliyeed nahay in albaabkas mar hore la xiray oo aan gaarnay waqti aan dalkeena gudahiisa ku doodi karno oo isku dhaleeceyn karno inaga oo dhibaato isku geysan, lagana soo gudbay kalsooni daradii nagu dirqin jirtay u kala oradka shisheeyaha. Dabcan kuwa maanta xukunka hayaa wax badan waa qaldeen dhaliilna waa mudan yahiin laakiin marna naguma qancin karaan mucaarad ku sheegu in arrimaheena gudaha ay ku haboontahay in looga doodo caasimadaha shisheeye. Ceebteena ay ahaato carwo gurguurto oo hadba magaalo shisheeye lagu soo bandhigo. W/Q: Warsame Elmi Elmiwar@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Heshiiska Labada xisbi ee Kulmiye Iyo UCID Go’aan siyaasadeysan oo lagu deg-degay Taladda halkeedi ha lagu soo celiyo haddii la doonayo in doorashooyinku waqtigoodi ku qabsooman,…. Shalay ayaa Labada xisbi ee Kulmiye Iyo UCID , Waxa ay shaaciyeen in uu Gabi-ahaanba uu fashilmay shirkii mudo sanad ah u socdey sadexda xisbi qaran ee Somaliland , sidaas awgeed-na ay labadda xisbi UCID iyo Kulmiye oo keliya ay gaadheen heshiis rasmiya oo ka kooban lix qodob, Iyadoo xisbiga WADDANI ay ka maqan-yihiin heshiishkani ay gaadheen labadaasi xisbi, taasi oo ay dhawr jeer ku kala kaceen xisbiyadu kulamo ay yeesheen, sababta uu xisbiga WADANI ugu biyo diiday markasta, kuna dooday ayaa ahayd , in marka hore la kala diro komishanka hadda shaqaynaaya iyo in la kordhiyo xubnaha komishanka doorashooyinka. Heshiiskani shalayna Maaha markii ugu horaysay ee ay yidhaahdan Ucid Iyo Kulmiye doorasho ayaanu wada galaynaa, Balse waa markii labaad laakiin Go’aan gaadhis deg-deg ah , sidoo kale marka eegto tageeradda shacabka iyo sharciyada dalkaba. Lknse suaashu waxay tahay , doorasho uu xisbi qaran ka maqan-yahay suurta-gal ma tahay inay dalka ka dhici karto, Hadaba marka loo eego Qodobada heshiiskan labada xisbi oo keliya ay galeen , Ayaa ah kuwo horseedaaya sidii doorashadu aanay ugaba dhici Lahayn Somaliland , xitaa si lagu wada kalsoon-yahay laakiin markii loo fiiryo guul-darrooyin la xidhiidha Heshiis la,aanta xisbiyadda Qaranka iyo dhinaca Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo laga rabay inuu go’aan ka qaato waxii arrimaha doorashada ku saabsan , Siiba in uu isagu tanaasul ka sameeyo. iyadoo iminka xaaladu ku sii siqayso meel aan arimaha doorashooyinka aan cidi isu joojinayn. Markaan dib ugu noqono Madaxweynayaashii Rayaale iyo Siilaanyo. markay timaado xaalad ama cakirnaaba , waxay ku ku soo dabaali jireen Garnaqsi, Talo-wadaag iyo Isu-tanaasul. Laakiin haddana markaad eegto dib-u-dhacyada iyo kordhinaha inagu soo socda, dee quruumaha dunida ayaa runtii inala yabaaya haddii aan la nimaadno “Heshiis waraabe u taag ah” . Dareenka kala duwan ee Bulshadda Somaliland waxaa uu noqonayaa heshiis siyaasadeysan oo lagu deg-degay ama arin oo loo dhameyn. Dadkuna way ka daaleen dibu-dhicid doorasho iyo muddo kordhin aan xadba lahayn. Ogow, waa xiisaha nolosha in isbedel kolba yimaado. Qaar ka mid ah dadka Somaliland waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin heshiiska cusub ee labada Xisbi oo keliya ku kooban, waxayna sheegeen in lagu degdegay iyo curyaamin doorasshooyin dalka oo waqtigoodii ka dhici lahaa. Waxay tani ina tusaysaa tabcooyinka heshiisyada u dahsoon xukuumadda Iyo danaha laga yeelan-karo dibu-dhacyada doorashooyinka Somaliland. marka la fiiriyo waqtiga doorashada ka hadhay, hawlaha qabyada ah ee ku xidhan, Ayey dadka arrimaha siyaasadda ka faallooda waxay qabaan in taasi ay ku hoos jirto in xukuumaddu ay doonayso : In doorashooyinka golayaasha degaanka iyo baarlamaanku dib u dhacaan si loogu helo muddo kordhin qorshaysan. GEBAGEBO Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Muuse Biixi inuu awoodiisa sharci ku faro-galiyo arimaha ay doorashadu u xaniban-tahay ayna tahay isaga masuuliyadiisa in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyinku. waxaase xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ka saaran yahay waa madaxweynaha inuu sugo qabsoomida doorashooyinka dalka xiligii loo qorsheeyay iyo Nidaamka doorashooyinka dimuquraadiyada loo maraayo ama ay ku salaysantahay, taasina waxa dooratay bulshada reer Somaliland, una igmaday Madaxdooda inay taabo galiyaan. waxaan leenahay “Taladda halkeedi ha lagu soo celiyo haddii la doonayo in doorashooyinka waqtigoodi ku qabsooman”. Adan Yusuf Elmi Qaran News
-
Sababaha Fashilka Somalia: Siyaasadda Somaliweyn 4.5 iyo Nidaamka Fadaraalka Somalia waxaa loola jeedaa dhulkii iyo dadkii Somaliyeed ee dalka Talyaanigu gumaysanjiray kana xoroobay 1dii July, 1960. Laga soo bilaabo rididii kelitaliyihii Somalia, Janaraal Siyaad Barre, sannadkii 1991 waxaa shacabka Somalia soo wajahay dawlad-xumo, nabadgelyo-xumo, geeri joogto ah, barakac, macaluul, argagixiso iyo faragelin shisheeye. Arrimahaasu waxay qofkasta oo uu ku jiro damiir Somalinimo ku abuureen naxdin iyo werwer joogto ah. Marka la darso sababaha dhabta ah ee ay dawladda Somalia u fashilantay, dalkuna u degila’yahay mudada ku dhow 30 sano isla markaana ay ka taaganyihiin dhibaatooyin joogto ah ee xagga nabadgelyada iyo maamulka dawladnimada, waxaa cad inay fashilkaas ka mas’uul yihiin labada arrimood ee kala ah: Siyassadda Somaliweyn ee 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah. Siyaasadda 4.5 macnahedu waxa weeye in Somalia ay tahay dal ay wada leeyihiin 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) oo aan la kala lahayn lana kala sheegankarin sidaas daraadeedna Baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia lagu saleeyo siyaasadda 4.5 ee Somaliweyn. Siyaasadaasu waxay keentay in dadka Somalia laga faramaroojiyo dawladoodii ay iyagu u soo halgameen oo xoraysteen 1dii July 1960 isla markaana laga hoosaasiyo inay wax qabsadaan. Dadka Somalia waxaa lagu majarahabaabiyaa, lagu hoosaasiyaa laguna jaahwareeriyaa Somaliweyn riyo ah oo aan la garanayn samanka ay hirgelidoonto iyo in kale. Si 5ta Somaliyeed uga qaybgasho dawladda Somalia ayaa waxaa dadka Somalia lagu beerlaxawsadaa in Muqdisho tahay “HOOYADII SOMALIYEED”, sidaas daraadeedna aan la kala lahayn dalka iyo dawladda Somalia. Macnaha Somaliweyn waxaa uu maanta noqday figrad uu adeegsado qof raba inuu xukumo dal iyo dad aanu u dhalan si uu ugu danaysto. Maanta cashuurta Muqdisho oo qudha ayaa lagu boobaa magaca Somaliweyn (Siyaasadda 4.5) iyo nidaamka fadaraalnimada. Dhulka Somalia waxaa Taalyaanigii ka xoreeyay dadka Somalia, sida dadka Somaliland dhulkooda uga xoreeyeen Ingiriiskii, dadka Reer Jabuutina uga xoreeyeen dhulkooda Faransiiskii. Haddii Somalia iyo Somaliland kala noqdeen, maxay siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo madaxda dhaqanka Somalia ilaa maanta u garanla’yihiin inay iyaguna samaystaan dawlad ay leeyihiin si ay uga baxaan dhibaatooyinka ay ku jiraan? Goorma ayay fahmidoonaan ujeedada ka dambaysa figradda “Somaliweyn” oo ah in dawladda Somalia la dhigo raq ay wada cunaan 5ta Somaliyeed, dadka lehna laga hoosaasiyo inay aayahooda ka tashadaan, masiirkoodana gacanta ku dhigaan? Dal aan la kala lahayn lama xukumikaro, dhibaatada lagama saarikaro lamana horumarinkaro. Dal waxaa dhibaatada ka saara oo horumariya dadkiisa oo qura. Dadka ka socda Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya ee ku yimid siyaasadda 4.5 ee naftooda oo qudha matala kuna jira baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka Somalia maxay u qabtaan Somalia? Ma cashuur ayay u keenaan Somalia? Ma ciidan la dagaallama Shabaab, nabadgelyadana ka shaqeeya ayay u keenaan? Marka doorasho timaado Somalia, xagee laga soo dooranayaa? Malaayiinta doolar ee ay qaataan una dhoofiyaan dalalkii ay ka yimaadeen, miyaanay dadka Somalia xaq u lahayn in loogu sameeyo wadooyin, caafimaad, waxbarasho, nabadgelyo iwm? Dadka Somalia maxay u fahmila’yihiin in muddo ka badan rubuc qarni loo soo shaqo tago lagana hoosaasiyo inay wax qabsadaan? Maxay dadka Somalia u garanla’yihiin in dad usoo shaqo tagay oo aan cidna matalin aanay u keenayn Somaliweyn aan jirin? Qofkasta oo Somali ah wuu rabaa inay Somaliweyn run noqoto oo 5ta Somaliyeed inta ay xoroobaan is-wada raacaan dabadeedna ay Geeska Afrika ka dhalato dawlad Somaliyeed oo xoogweyn laakiin waa gacan uur ku jirta lamana garanayo inay hirgeli iyo in kale. Markaas, ma garbaa in Somalia mustaqbalkeeda ku lumiso Somaliweyn aan jirin maanta balse hugun uun ah. Somalidu waxay dhahdaa: “Midho gunti ku jira looma daadiyo midho geed saaran.” Somaliweyn waxaa dishay qabyaalad, markaas sow gar maaha in dantaada la qabsado oo la sugo samanka ay Somaliweyn hirgeli iyo in kale? Figradda Somaliweyn waa u simantahay 5ta Somaliyeed ee maaha mid ay wakiil ama mas’uul ka tahay Somalia oo qura. Gar maaha markaas in Somaliweyn lagu baaba’sho Somalia oo qura. Dadka u dhashay Somalia looma oggola inay galaaan baarlamaanada iyo xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya sababta oo ah uma dhalan. Waxaa hubaal ah in haddii dadka Somalia gacanta ku dhigilahaayeen dawladnimadooda iskuna tashanlahaayeen muddo hore ay ka bixilahaayeen dhibaatooyinka maanta haysta isla markaana ka adkaan lahaayeen Shabaab iskana saarilahaayeen ciidamada Afrikaanka ah. Carta, Imbagaati iyo dawladihii ka dambeeyayba way wada fashilmeen sababta oo ah waxay ku salaysnaayeen siyaasadda 4.5 ee Somaliweyn iyo nidaamka fadaraalka ah ee loo soo dhoofiyay Somalia. Labadaas arrimood midna dan uma aha Somalia. Kooxda u dhalatay Somaliland ee u soo shaqo tagtay Somalia kama wakiil ah mana matalaan Somaliland iyo dadkeeda. Waxay matalaan calooshooda oo qudha. Somaliland waxay leedahay dawlad matasha dadkeeda iyo dalkeeda. Kooxdaas u dhalatay Somaliland ee ku jirta baarlamaanka, xukuumadda iyo garsoorka Somalia waxay sii kala fogaynayaan Somalia iyo Somaliland sababta oo ah ummadda Somaliland ayaa u aragta in kooxdaas siyaasad ahaan lagula dagaallamayo qaranimadeeda iyo dawladnimadeeda lagana dhigayo dad aan xaq u lahayn inay ka tashadaan aayahooda iyo masiirkooda. Sida Somalidu ugu kala baxdo 5ta Somaliyeed ayaa Carabtuna ugu kala baxdaa 18 dal oo isku Diin, Af, Dhaqan, Caado, iyo Midab ah. Sida Somalida oo kale lama garanayo goorta ay hirgelidoonto figradda: “Carabweyn”. Sidaas daraadeed, dalna ma oggola in dal kale oo Carbeed ku xad-gudbo dawladnimadiisa si uu u ilaasho masiirka iyo xornimada ummaddiisa. Ninka Reer Masar ah ma gelikaro baarlamaanka ama xukuumadda Urdun. Xataa kama noqonkaro sarkaal ciidan. Masar iyo Suuriya ayaa midoobay 1958 si ay u horseedaan “Carabweyn” laakiinse way fashilantay arrintaasu markii Suuriya ka baxday midnimadii sannadkii 1961. Somaliland iyo Somalia waxay midoobeen 1960 si ay u horseedaan Somaliweyn laakiin arrintaasu waa fashilantay markii ay kala noqdeen 1991. Haddaba, maxaa dadka Somalia waalay oo ay dawladnimadooda ugu loogeen Somaliweyn lagu danaysto maanta? Maxay u samaysanwaayeen dastuur ay leedahay Somalia oo qudha? Ma iyagaa og in Somaliland usoo moqondoonto? Ma iyagaa og in haddii Kilinka 5aad iyo Waqooyi Bari Kenya xorooban ay ku soo biirayaan Somalia? Ma iyagaa og in Jabuuti soo raacidoonto? Maxay dadka Somalia aayahooda iyo masiirkooda uga tashanwaayeen oo u dhisanwaayeen baarlamaan iyo dawlad ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha sida Jabuuti iyo Somaliland? Maxay masiirkooda u dhexdhigeen 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) oo aan la ogayn inay isu iman iyo in kale? Dadka Somalia miyay ka wadaninimo yaryihiin Somalida kale? Xaaladda daran ee Somalia maanta ku jirto waxaa ka faa’iida hay’adaha ajanabiga ah iyo ciidamada Afrikaanka ah oo ay ku baxdo boqolaal malaayiin dollar sannadkasta oo aan rabin in Somalia hagaagto. Dal waxaa hagaajinkara dadkiisa oo qura. Arrinta nidaamka fadaraalka iyaduna waxay curyaamisay Kala dambaynta dawladnimada Somalia isla markaana dhaawacday midnimada shacabkeeda oo u sii kala qaybsamay qabaa’il sida ay siyaasadda 4.5 u curyaamisay dawladda dhexe ee Muqdisho kana dhigtay waxaan la kala lahayn oo ku dhisan jaahwareer iyo danaystinimo Somaliweyn. Somalia dadkeedu waa isku Af, isku Diin, isku Dhaqan iyo isku Midab, sidaas darteedna uma baahna nidaam fadaraal ah sida dalkasta oo Carbeed aanu ugu baahnayn nidaam fadaraal ah. Nidaamka fadaraalka ah waxaa loogu talagalay oo u baahan dad aan Diin, Af, iyo Dhaqan wadaagin sida dalka Itoobiya. Somalia uma baahna nidaamka fadaraalka ah sababta oo ah waxaa uu kala geeyay dadkeedii wada dhashay ee walaalaha ah kuna sii kala fogeeyay qabyaalad. Bal hadda eeg Gaalkacayo oo u qaybsan laba maamul goboleed (Puntland iyo Galmudug). Waxaa Somalia yeelatay 5 madaxweyne oo aan adduunka ka jirin arrintaas oo uu u keenay nidaamka fadaraalka ah ee loo soo dhoofiyay Somalia oo la rabo in lagu burburiyo Somalia oo aanay dib dambe u soo kicin, cadowgeeda jaarkuna si fudud u qabsado. Fadaraalnimadu waxay Somalia u keentay kala dambayn la’aan iyo kala qaybinta shacabka halka siyaasadda 4.5 u keentay dal iyo dawlad aan la kala lahayn, labadaas arrimood oo ah burburka dawladnimada Somalia. Haddii aanay ummadda Somalia dhakhso uga takhalusin siyaasadda 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah oo galaaftay dawladnimadii Somalia lagama yaabo in dawlad midaysan ka dhalato Somalia oo soo celisa dawladnimadii iyo nabadgelyadii Somalia kana adkaata Shabaab sababta oo ah kuma jirto gacmo dan u ah Somalia. Waxaa habboon in dadka Somalia qabsadaan Shirweyne Qaran oo ay ku heshiiyaan isla markaana ka takhalusaan siyaasadda 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah ee curyaamiyay una horseeday dawlad aan la kala lahayn oo ku dhisan danaystinimo, kala dambayn la’aan iyo qaybsanaan. Dabadeedna dhistaan dawlad ay baarlamaankeeda, xukuumadeeda, garsoorkeeda iyo ciidamadeeda ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha. Waxaa kale oo muhiim ah in gobollada Somalia lagu soo cesho gobollo caadi ah sidii ay ahaanjireen isla markaana loo magacaabo guddoomiyayaal gobollo hoos yimaada dawladda dhexe sida ay yihiin Somaliland iyo Jabuuti. Haddii Somalia dhisato dawlad ay iyadu leedahay, waxaa hubaal ah in wada hadalada Somalia iyo Somaliland ay midho dhalaan la iskuna soo dhawaado. Kuwa maanta ku baaqaya midnimo dhexmarta Somaliland iyo Somalia waxay rabaan inay Somaliland ku ridaan godka weyn ee Somalia ku dhacday oo ah dawladnimo aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) kuna dhisan siyaasadda 4.5 iyo nidaam fadaraal ah oo keenay kala qaybin iyo kala dambayn la’aan lumisa dawladnimada. Somaliland ismay raacin 5ta Somaliyeed 1960 balse waxay is-raaceen Somalia oo qudha, waxayna wadahadal la gelaysaa marka ay dhalato dawlad ay leeyihiin dadka Somalia oo qudha. Somaliweyn wax-ma-wada laha, qolo kasta iyada ayaa iska leh dhulkeeda iyo dawladnimadeeda. Somaliland waxaa leh dadkeeda oo qudha oo xoraystay. Somalia waa in dadkeeda xoraystay uu yeeshaa kana baxdaa siyaasadda 4.5 ee dawladii Somalia ka dhaxaysiisay 5ta Somaliyeed iyo fadaraalka kala irdheeyay. Somalia waxaa fashilkeeda mas’uul ka ah Siyassadda Somaliweyn ee 4.5 iyo nidaamka fadaraalka ah. Allaahumma Balaqtu, Wa Billaahi Towfiiq Ibrahim Hassan Gagale April 25, 2019 Show quoted text Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online)- Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka dhacaya doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana doorashadaasi ay tahay mid isha lagu wada hayo dadka ku tartami doono. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale isha ku haysa doorashada, waxaana socota kala xod xodashada Musharixiinta ku tartameysa doorashada Kismaayo, iyadoo madaxweyne Axmed Madoobe markaan uu wajahayo tartan adag. Dowladda Kenya ayaa dhankeeda Door iyo saameyn ku leh doorashada magaalada Kismaayo, maadaama ay doonayaan inuu hogaanka qabto ruux ay taageersan yihiin, iyadoo ay faragelin weyn ku hayaan deegaanada maamulka Jubbaland. Haddaba Yey yihiin Musharixiinta tartanka la gali kara Axmed Madoobe iyo saameynta dowladda Kenya? Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi, musharixiintaasi waxaa ku jira wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyo ruux ay isku xisbi ahaayeen Axmed Madoobe oo magaciisa lagu koobay Sheikh Daahir, waxaana labadooda ay isku reer yihiin Axmed Madoobe. Axmed Madoobe awood ayuu ku leeyahay deegaanada Jubbooyinka, waxaana kale oo uu heystaa awood dhanka meletariga ah, dhaqaalo iyo saameyn awooda Jubbaland ah, Axmed Madoobe ayaa dhibaatooyin kale kala kulmi kara qabiilada kale wuxuuna isku dayayaa inuu dajiyo xaalada iyo culeesaadka ka heysta qabiilada kale. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si uu taageero kaga helo. Siyaasadda Soomaaliya waxaa saameyn ku leh qabiilada, waxaana Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe uu ahaa mid diirada lagu saaray tabashooyinka beelaha kale ay ka qabaan maamulka Jubbaland. Cabdirisaaq Fartaag oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, islamarkaana dhowaanahan ku caan baxay dhaliilihiisa ka dhanka ah nidaamka maaliyadda Soomaaliya, ayaa ka mid ah xubnaha rajada ka leh inay booska ka riixdaan Axmed Madoobe, Si kastaba, Fartaag, wali ma uusan cadeyn inuu musharax yahay “Waxaan go’aan qaadan doonaa seddexda ilaa afarta isbuuc ee soo socda”ayuu Yiri Mr Fartaag oo la hadlay wargeyska Daily Nation oo kasoo baxa dalka Kenya. C/Wahaab Sheikh Cabdi oo la taliye ka ah xarunta talo soo jeedinta Bariga Africa ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu culees badan ka heysto dhanka qabiilada, isaga oo garab ka helaya Kenya oo dhabarka ka taagan. “Qabiilada kale ayaa isaga kasoo horjeeda, waxay aamisan yihiin inuu helayo taageerada Kenya, laakiin haddii doorashada ay tahay mid cadaalad ah oo madax banaan wuu guul dareysan doonaa”ayuu yiri C/Wahaab. DANAHA KENYA Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ayaa marar badan lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo cambaareyn la xiriirta dhanka ganacsiga magaalada Kismaayo. Qabiilkiisa ayaa lagu eedeeyay inay qabiilada kale ay ka leexsadeen Dhaqaalaha iyo nidaamka dowladnimada. “Kenya muddo badan ayay daneyneysay inay hagto mabaadii’da Jubbaland, Ma dooneyso in dadka colaadaha ah ay la wareegaan hoggaaminta Deegaanka”sidaa waxaa yiri Prof Macharia Munene oo ah falanqeeyo siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Golaha ku meel gaarka ah ee militariga dalka Suudaan ayaa shaaciyay in saddex kamid ah xubnihiisa ay is casileen gelinkii dambe ee Arbacadii shalay si looga jawaabo cadaadiska dibad-baxayaasha oo ku eedeeyay saddexdaasi xubnood in ay ka tirsanayeen maamulkii dhacay ee Omar al-Bashir. Xubnaha iscasilay waxaa ku jira guddoomiyihii guddiga siyaasadda ee golaha ku meel gaarka dalkaasi maamula Omar Zainal Abideen iyo laba sarkaal oo kale sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha. Isbahaysiga xorriyadda iyo isbeddelka oo kamid ah dhinacyada hoggaaminaya dibad-baxyada ka socda waddanka Suudaan ayaa durbadiiba soo dhoweeyay iscasilaadda xubnahaasi oo ay ku tilmaameen “haraaga nidaamkii hore”. Isbahaysiga ayaa sidoo kale ogolaaday in ay la fadhiistan golaha ku meel gaarka ah ee militariga maadaama sida ay sheegeen meesha ay ka baxeen xubnihii ay diiddanaayeen ee ka soo shaqeeyay nidaamkii hore. Dhinacyada kale ee kacdoonka Suudaan ayaa iyana la sheegayaa in qaarkood soo dhoweeyeen islcasilaadda saddexda xubnood ee lagu eedaynayey nidaamkii hore balse weli lama xaqiijin in ay ogolaan doonaan wada-xaajoodka militarigu ku baaqay. PUNTLAND POST The post Saddex kamid ahaa golaha maamula Suudaan oo lagu khasbay in ay iscasilaan appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Xafiiskooda kulan kula qaatay xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, oo shalay soo saaray heshiis ay ka gaadhen khilaafka doorashooyinka Somaliland. Gudida Doorashooyinku kulanka ay la qaaten labadan xisbi ayaa ahaa mid albaabadu u xidhnayeen oo warbaahintuna dibed joog ka aheyd, iyagoooo kaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa qabsoomida doorashooyinka. Kulankan ayaa sidoo kale si gaara looga wada hadlay Go’aankii ay shalay wada gaaren xisbiyadda Kulmiye iyo Ucid, inkastoo xisbigii Waddani uu isagu go’aankas meel adag iska taagay, kaasi oo ku baaqayna in la kala diro gudida doorashooyinka ee waqtigan. Wararka aan ka helayno kulankan ay yeeshen labadan xisbi iyo gudida doorashooyinku ayaa sheegaya inuu kusoo dhamaaday is-fahan, inkastoo guddida doorashooyinku ay walaac badan ka muujiyen maqnaashaha xisbiga Waddani, iyagoo u balamayna kulan dambe oo ay iskugu yimaadan. Dhinaca kale, Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee Waddani ayaa isagu maanta cadeeyay inaanay jirin laba xisbi oo kaligood doorasho qabsan karaa, wuxuuna ku tilmaamay mid laga xumaado in go’aanka ay gaadhen xisbiyada Kulmiye iyo Ucid. Khilaafka xisbiyada u dhaxeeya ee ku aadan Doorashooyinka Somaliland ayaa ah mid in badan soo noq-noqday oo Bulshada reer Somaliland ku abuuray jahwareer, iyagoona u hanqal taagaya halkuu sal dhigan doono khilaafka ka taagan doorashooyinka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa xabsiga kasii deysay labo hablood oo u dhashay dalka Canada, kuwaasi oo asal ahaan kasoo jeeda Somaliland sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Caalamku. Labadan hablood ayaa lagu kala magacaaba Maymona Cabdi oo da’deedu tahay 28-jir iyo Karima Watts oo 24-jir ah, ayaa la xidhay saddex bilood ka hor, kuwaasi ciidamada boolisku ay kasoo qabteen guri ku yaala Hargeysa. Labadan hablood ayaa markii hore waxay ka imaaden magaalada Ottawa ee dalka Canada, hablahan ayaa waxa xarigooga ka dambeeyay kadib markii lagu eedeyay inay cabeen khamri, kaasi oo ka mamnuuc ah deeganada Somaliland. Jason Jeremias oo ka tirsan Hay’add ka shaqeysa xuquuqal insaanka oo fadhigeedu yahay New York ayaa sheegtay in Maymona Cabdi ay Somaliland u tagtay si ay gacan uga geysato dumar dhibaatooyin dhinaca Genderka ah la kulmay. Qareenka u doodayey labadan hablood ayaa wuxuu sheegay in lagu xukumay labadooba min labo sanadood iyo badh xabsi ah, balse ay midaas uga badbaaden kadib markii xariga loo iibiyey. Hooyada dhashay mid kamid ah labadan hablood ee saaxiibka ah ee u dashay dalka Canada, ayaa dhowaan ka codsatay dowlada Canada inay ka caawiso sidii hablaheeda loo sii dayn lahaa oo looguna soo celin lahaa dalkooda Canada, waxaanay tilmaantay hooyada dhashay hablahan oo la yiraahdo Fahima Hassan in dowlada Canada ay ka codsaneyso inay la xiriiraan xukuumada Somaliland oo ay kala hadlaan sidii loo sii dayn lahaa hablahaasi. “Waxaan doonayaa in gabadheyda ay timaado dalkeeda Canada. Waxay wajahday waxyaabo badan, Maymona iyo Karima ayaa labaduba waxay ku dhasheen oo ay ku koreen Ottawa-Canada, waxeyna ahaayen saaxiibo. Markii Karima hooyadeed dhimatay waxay soo raacday inantayda oo ay saaxiib ahaayen”. ayey tiri hooyada dhashay Maymona oo la hadleysay warbaahinta dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa shalay kulan la qaatay Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya Colonel Matt Munro. Kulankan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayey Wasiirka gaashaandhiga Taliyaha ciidanka Somaliland S/G Nuux Ismaaciil Taani iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada Maxamuud Cabdirisaaq iyo masuuliyiin kale oo ka kala socotay hay’ada Axiom iyo taliska ciidanka. Kulankani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan Wasiirka cusub ee waasaaradda gaashaandhiga iyo Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya, kaasi oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya dawlada ingriiska iyo Somaliland. Sidoo kale kulankan ayaa lagaga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayeynta iyo tababarada dhanka aqoonta ee ciidanka Somaliland, iyo sidii ay kaalin mug leh uga qaadan laheyd dowladda Ingiriisku dhisida aqooneed ee ciidanka iyo howl-wadeenada wasaaradda gaashaaandhiga Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
“Ma mucaarid baan ahay haddaan XAQQA ku maansoodo?” Erayo iga Raacay soo Dhoweyntii Madaxweyne Biixi ee Salaadiinta B. Sanaag Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Waxaa aan ka hayaa, AUN Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab),”ma xiniin yahay moodayaan muunad na la saaray, maalshiyo haddaan mililka duro, malow miyay fuuli, ma mucaarid baan ahay haddaan Xaqqa ku maansoodo?” Maansadan waxaa uu tiriyay kolkii uu arkay calankii sudhnaa Buuhoodle oo idlaaday, lana waayay wax lagu beddelo calalka. Dulucdu waxaa ay daarranayd toosin aan dalab lahayn taasoo ay tahay inuu halqafo masuul kastoo shacabka xil u haya. Kow, waxaa aan bogaadin martiqaadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay qayb ka mid salaadiinta Bariga Sanaag. Inkastoo dadka qaarkood u maleeyeen mid lagu kala qaybinayo reerka, dad badan ayaa u araka Madaxweynahu in uu ku fooggan yahay sidii Beeshu ugu soo dhamman lahayd ka qayb qaadashada curashada Somaaliland cusub. Isla sidaa, waxaa qaba salaadiintii oo si dhab ah u xambaaray farriintii Madaxweynaha, xilna iska saaray fulinta waxii ku soo hagaagay. Madaxweynahu, waxaa uu ku soo dhoweeyay salaadiinta, weedho ay ka mid ahaayeen: “Soddon sannadood dad kala gar-bixi waaya, oo in yariba meel ku oodnaato, innaguun (Somaali) baa la hayaa….” “Waxaa la yidhaahdaa qolada Somaaliland joogtaa, waxay doonayaan dawlad yaroo qolo leedahay, war sidaa maaha….” “Somaaliland oo aan isu dhammayn ma dhismayso, waxaa la innooga baahan yahay in Somaaliland aan wada dhisno Somaalidii kalena aan u gurmanno…” “Waxaan doonaynaa Somaaliland aynu u siman nahay, arrinkeeda, adduunkeeda, iyo taladeedaba….” Erayadu waxaa ay yididiilo geliyeen qof kastoo lexejeclo ka lahaa dalka. Haddii, ficil loo rogona, waxaa ay horseedi doonaan dhismaha Somaaliland mid ah. Arrinka, Madaxweynahu waxaa uu soo taagay meel laga sii ambaqaadi karo. Gobna xurmo ayaa deeqda. Waxaan aan ka ducaynaynaa in aanay innaga noqon sabaaladii 20ka sannadood soo jiitamaysay. Runtii, dulqaadka dadku waxaa uu marayaa gabaabsi. Waxaa aan ka mahad celinaynaa, maanta, haddii indhahii Madaxweynahu ay qabteen degaankii Bariga Sanaag. Waxaa uu ballan-qaaday gurmad loo fidiyo dadka iyo xoolaha abaarahu tabaaleeyeen. Arrintaa degaanku waxaa uu ku ilaabay, waxii hore u baaqday. Dad iyo degaanba waxaa deeqay erayadii Madaxweynaha, “hoo na waa naga intaa, hagarna waa naga Wallaahi”. Sidoo kale, waxaa aan ka mahad naqaynaa, in uu Bariga Sanaag ugu baaqay mudnaanta kowaad ee horumarinta dalka. Waxaa loo aayi doono waxii gala degaankaa. Dadkuna waxaa ay gudi doonaan abaalka qarankoodu u galay. Dhinaca kale, hadalkii Madaxweynaha, waxaa iga raacay dhowr eray oo u baahan in la is kor taago. Waxaa uu sheegay dadku in ay leeyahiin waxii ay goostaan. Sax. Ogow, muwaadinnimadu qof kasta waxaa ay u goysaa in uu dalkiisu ku helo nabad, aqoonsi, diiwaangelin, codayn, is-sharraxaad, saami qaybsi, jagooyin sare, shaqo gelin, iyo dhismaha iyo horumarinta degaankiisa. Intaaba waxaa ay yahiin xuquuq aanu marti ka noqdon karayn muwaadinku. Waxaana xil ka saaran yahay xukuumadda. Madaxweynahu waxaa kale oo uu ku tiraabay, “ciidan idin ku filan, kiinana tababara oo ay ka mid noqdaan, waa diyaar. Waana idin dhow yahay. Ciidan dadka kala badbaadiya, cadowgana ka badbaadiya.” “Maamulka in aan dhisno, markaan isla garano oo amaan uu helno badhasaabkii, badhasaab gurigiisa jooga, gaadhigiisana laga dhacayo dee siduu wax u maamulayaa, waa in laga adkeeyaa…… Ileyn xabaal buuxin maynee.” Degaanka waxaa taalla nabad. Waxbana ka ma jiraan Badhasaab gaadhigiisii laga dhacay, xaasha. Balse, warxumo tashiilka Madaxweynaha u gudbiyay eedda uu beesha u soo jeediyay, ayaa ku kala dhex jira xukuumadda iyo degaanka. Dhismaha maamulkuna ma aha in uu shuruud galo. Keliya, waxaa loo baahan yahay ku dhac iyo hagar la’aan hoos loogu daadejiyo lixda dagmo ee degaanka. Mudnaanta waxaa la siin doonaa dhismaha xafiisyo maamul, wasaarado, saldhigyo boolis, maxkamddo, iyo xabsi dhexe. Dadku iyaaga ayaa u jeellan maamulka, gacanna ka geysan doona. Sidaa awgeed, waxaa aan tebayna talo. Talo iyo iskaashi lagaga badbaado isku dhaca ka dhasha ciidamada is hor fadhiya Yubbe. Talo iyo kalsooni keenta in la aamino Ciidamda Bariga Sanaag, la qalabeeyo, loona ekayso kuwa la midka ah. Talo, in la qarameeyo waxii ka dhiman iyadoo lala tashanayo ergada salaadiinta. Gobolka, waxaa ku sugan guutooyin qaramaysan, kana soo jeeda Bariga Sanaag. Waxaa ay leeyahiin Janan, Korneello, Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo Dablay, intaba. Waxaana fadhiisimo u ah Yubbe, Carmaale, Xingalool, Ceelbuh, Badhan, Laasqorey, Ceelaayo iyo Dhahar. Hase ahaatee, ciidankaa, muddo aad u dheer, waxaa ay ku sugnaayeen dulmi iyo duudsi. Maantana, haddii la dulgeeyo ciidan wax kasti u dhan yahiin, waxaa ay dhoolatus iyo yesmo ku tahay iyaga iyo dadka degaankaba. Ciidamadaa, intooda badan waxaa lagu tilmaamo kuwa ugu fiican Gobolka. Balse, faro ku tiris ayay derajado ku gaadhay. Waxaa la iska hortaagay in ay waxbarasho saraakiil u tagaan Itoobiya. Waxaa ka reebban in uu gacantooda galo gaadiidka, hubka iyo saanadda Qaranku. Xattaa, waxaa laga lexe-jeclaystay dirayska. Waxaa ay ku dhaansadaan dameero. Saldhigga Ilaalada Xeebta ee Laasqorey, isaguna, waxaa uu ka arradan yahay wax walba, halka sadeexda saldhig ee kale ay u dhan yahiin. Waxaa ka taliya Gaashaanle, dableydii uu soo xukumi jiray qaarkood ay ka raran yihiin Gaashaanlayaal Sare. Sarkaalkaa kuma uu hadhin aqoon, waayo-aragnimo iyo karti toona. Balse waxaa reebay haybtiisa. Guutada 116aad oo ka mid ah ciidankaa, waxaa ay dhowr bilood ku kala dhex jirtay beelaha jiidda Ceelafweyn iyagoo ku lahaa magac iyo haybad. Isla markaa, waxaa ay kasbadeen kalsoonidii beelahii shaqaaqadu dhex martay. Se, waxaa aan xasuustaa, maalmahii ugu danbeeyay, waxgaradka reerku in ay ka odayeeyeen dejinta qaar ka mid ah ciidanka oo ka gadooday sida loo dayacay iyo isku filaanshaha ka shaacayay ciidamada dhiggooda ah. Waxaa, iyana, xusid mudan, maalmahii 18 May 2018, Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Laasqorey, in uu gacanta ku hayay nabadgelyada Ceerigaabo, magaala madaxda Sanaag. Nasiib-darro, rasaasta uu hawsha ku fulinayay, waxaa uu ka amaahday ciidan dhiggiisa ah. Sidoo kale, Guutada 93aad waxaa ay ku dhereran tahay Xingalool ilaa Dhahar. Waxaana ay ku filnaan lahayd sugidda nabadgelyada xuduudaha, haddii ay heli lahayd waxa ay haystaan ciidamada asaagood. Madaxweynahu waxaa uu salaadiintii u sheegay in QALBIGA la iska aamino. Sidaa darteed, waxaa habboon xukuumadda, weliba taliska ciidanka, in ay QALBIGA u sii daayaan cidankooda ku sugan Bariga fog. Suurtagal ma aha “Dudumo” in la dugsado iyo la dareensado. Qoddobada aan soo sheegay haddii ay helaan tixgelinta ay mudan yahiin, waxaa hubaal ah ciidanka qaranku in uu ka hillaaci doono xuduudaha, iyadoo aan loo sadqeyn qof keliya. Waxaa aan ognahay, xattaa ciidamada innaga soo horjeeda oo hadda beelaysan, qalbigoodu in uu u soo jeedo xaggeenna. Balse, waxaa ay la maqan yahiin gacan-bidixayntii kaga dhacday taliska ciidanka. Gunnaanad: Rasuulka Allah (NNKA) waxaa uu yidhi, “xikamaddu (talada fiican) waxaa weeye baadi ka maqan Muuminka. Meel kastoo uu ka helona, isagaa xaq u leh”. Mar kalena, waxaa uu yidhi (NNKA), “Hoggaamiye kasta waxaa ku lammaan la taliyayaal (waxgarad) nasteex u ah iyo kuwo jar ka tuura. Waxaana dhowrsoon kii uu Allah dhowrayo”. Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@hornid.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa todobaadkii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku wargeliyay fariin digniin ah oo uga timid Xildhibaano ka badan 100 qof . Fariintaan digniinta ah oo ku wajahan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wargeliyay Guddi Xildhibaano ah, kuwaas oo wakiil ka ahaa Xildhibaano kale iyadoo Guddoomiyaha laga dalbaday in uu Jawaab deg deg ah ku soo celiyo. Fariinta digniinta ah ee ku wajahan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa aheyd in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu aqbalo Mooshin Xil ka qaadis ah oo ay saxiixeen tiro ka badan 110 Xildhibaan, kuwaas oo damacsan in ay Kalsoonadi kala noqdaan Raysal Wasaaraha Soomaaliya hadii uu diidana ay Xildhibaanada Mooshin ka keeni doonaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ama Madaxweynaha Soomaaliya. Arintaan ayaa todobaadkii hore baajisay dhowr kulan kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ka cudur daartay ku jawaab celinta Xildhibaanadii fariinta u dhiibay, isagoo u sheegay in uusan helin Jaanis uu kula shiro Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa saacadihii la soo dhaafay arintaan ogaatay, waxaana u xaqiijiyay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Xubno dhowr qof ah oo katirsan Golaha Shacabka. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa arintaan ka shiray. waxaana la sheegay in uu Guddoomiye Maxamed Mursal Madaxweynaha ku wargeliyay Mooshinka uu haayo ee ka dhanka ah Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre. Mursal ayaa la sheegay in Madaxweynaha kula taliyay in Raysal Wasaare Kheyrre baarlamaanka hortago oo uu iska difaaca Mooshinka. isagoo diyaarsanaya Wasiiradiisa iyo Saaxiibada uu ku leeyahay Golaha Shacabka. halka Madaxweynaha uu dalbaday in uu ka soo laabto safar uu ku aadayo Masar iyo Eritrea waana socdaalka uu hada ku marayo wadamo kamid ah Afrika. Lama oga sida uu u qaabilo doono Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaanadaan ku kacsan Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre. kuwaas oo doonaya in uu Raysal Wasaaraha baneeyo hey’adda fulinta maadaama uu soo joogay muddo kabadan 2 sano. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hindiya)-Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood, Sunny Deol ayaa talaadadii ku biiray xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP). Atoorahan siyaasiga isku baddalay oo kasoo jeeda magaalada Gurdaspur, oo ka tirsan gobolka Punjab ayaa u tartami doona inuu xisbiga musharrax ugu noqdo xilka kursiga baarlamaanka, waxaana booskaas kula loollamaya Kirron kher oo kasoo jeeda Chandigarh. Jilaaga ayaa tallaabo u qaaday inuu kasoo jeesto xisbiga talada haya, isagoo raacaya raadkii aabihiis Dharmendra. “Sida uu aabahay Dharmendra ula saftay Vajpayee ayaan aniguna ula safanayaa Modi”, ayuu yidhi mar uu ka hadlayay sababta uu u qaatay go’aanka ku saabsan inuu siyaasadda ku biiro. “Wax badan ayuu Modi u qabtay dalka wuuna nasii hormarin karaa. Waddanku wuxuu u baahan yahay hoggaamiye isagoo kale ah”. Sunny Deol, oo hadda 62 sano jir ah ayaa sheegay in howl walba oo uu qabanayo inta uu siyaasadda ku jiro ay noqon doonto mid qalbigiisa kasoo go’day. Wasiirka gaashaan dhigga, Nirmala Sitharaman, oo jilaagan kusoo dhaweynayay siyaasadda ayaa yidhi: “Waan ku faraxsanahay inaan xisbiga BJP kusoo dhaweeyo jilaagan caanka ah, howlkarka ah, geesiga ah, isagoo da’ yarna xirfaddiisa ay heer sare ahayd”. Hoggaamiyaha xisbiga, Piyush Goel, oo isagana dib u milicsanayay sida ay qoyska Deol usoo garab istaageen xisbigan ayaa soo hadal qaaday sida uu aabihiis isagoo xanuunsan u aqbalay inuu u tartamo kursiga baarlamaanka ee Bikaner, sannadkii 2004-kii, uuna si weyn ugu guuleystay. Sunny Deol aabihiis, Dharmendra ayaa kursiga baarlamaanka u matalayay magaalada Bikaner ee gobolka Lok Sabha, intii u dhaxeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2009-kii. Doorashadan hadda socota, Dharmendra wuxuu dhowr jeer fagaareyaasha kasoo muuqday isagoo u ol’oleynaya xaaskiisa Hema Malini, oo hadda ah xildhibaanka magaalada Mathura. Deol, waxa uu madaxweynaha xisbiga BJP oo lagu magacaabo Amit Shah la kulmay isbuucii lasoo dhaafay. Sunny Deol ayaa xirfaddiisa jilitaanka filimada ee shirkadda Bollywood-ka kusoo jiray muddo ka badan 30 sano, wuxuuna dadka filimada daawada ku reebay xasuus lama illoobaan ah. Filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah Betaab, Border, Damini, Gadar iyo Ghayal. Jilaagan ayaa hadda sugaya in lasii daayo filim uu dhawaan dhameystiray oo lagu magacaabo Blank, kaasoo uu ku matalay sarkaal madax u ah ciidanka la dagaallanka argagixisada. Dhammaan 13-ka kursi ee baarlamaanka gobolka Punjab ayey doorashadooda dhici doontaa 19-ka bisha May ee soo socota, waana wajiga ugu dambeeya ee doorashada dalka Hindiya. Natiijada waxaa lagu dhawaaqi doonaa 23-ka isla bisha May, xilligaas oo la ogaan doono in Sunny Doel uu kursigaas ku guuleystay iyo inkale. Jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Govinda ayaa horay ugu biiray baarlamaanka Hindiya, inkastoo markii dambe uu ka baxay siyaasadda, isagoo u sababeeyay inay tahay meel lagu caajiso oo aan dhaqaale fiicanna laga helin. Govinda ayaa la sheegaa in uusan ka qeyb gali jirin kulamada baarlamaanka, wuxuuna sida lagu dhaliilo aqalka kasoo muuqday dhowr jeer oo kaliya. Source
-
Popular Contributors