-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
” Kaftanka maanta ,Sunaha kulmiye ku socdo ” . Wax waliba dabeecad iyo sune ay ku socdaan ayay leeyihiine,Xisbiga kulmiye sunne iyo khariidad uu ku socdo ayuu leeyahay , taasoo marka aad muuqaalkeeda aragtaba aad si fudud u fahmi karto . Sunaha kulmiye ku socdana waa tubtii iyo wadadii uu jeexay maamulkii Siilaanyo . Tusaale . Xukuumaddii Siilaanyo , bahda Magaaladdu waxay ku lahayd shan wasiir , kuwaasoo kala ahaa afar wasiir oo rag ah iyo hal wasiir oo gabadh ah , waxaanay bahdu waagaas ahayd beesha ugu wasiirada badan . Xukuumadda Cusub ee Muuse , Bahda miyigu waxay ku leedahay Afar Wasiir oo rag ah iyo hal wasiir oo gabadh ah . Xukuumadii Siilaanyo , waxay soo kordhisay labadii sanno ee ugu horeeyey ,boos aan horre u jiri jirin , waxaana booskaas oo loo bixiyey Cheif of Cabinet loo magacaabay nin aan horre siyaasadda ugu jirin oo kasoo jeeda Raaska Madaxwayne Siilaanyo ee Maxamed Abokor kaasoo maamula madaxtooyadda . Xukuumadda Cusub ee Muusena , waxay soo kordhisay Agaasiimaha guud ee Madaxtooyadda , kaasoo ah nin aan siyaadadda horre ugu jiri jirin , oo kasoo jeeda jufada Madaxwaynaha ee Xuseen Abokor , waa Maxamed Cali Bille. Dawladii Siilaanyo Wasiirka keliya ee xilka lagga qaaday ee kasoo jeeday beesha Madaxwaynuhu waxay ahayd Marwo Ilhaan oo ka mid ahayd qurbe-jooga kasoo noqday Wadanka Kanadda , Dawlada Muuse na Wasiirka keliya ee xilka lagga qaaday ee kasoo jeeda beesha Madaxwaynuhu waa Guri-barwaaqo isna ka mida ah qurbe-jooga kasoo noqday Isla Wadankaas Kanadda . Xukuumadii Siilaanyo Beelaha Ciise , Ciidagale waxa kaga jirey min hal wasiir , xukuumada muuse na min hal wasiir . Sidoo kale , Beelaha Gadabiirsi iyo Habar yoonis iyo Dhulbahnte ,waxaa kaga jirey min3 wasiir ayaa kaga jirey Xukuumaddii Siilaanyo , ta Muuse na min sadex wasiir . Sidoo kale , Beelaha Arab iyo Ciise Muuse ayaa iyana labada dawladood ay kaga jireen min laba wasiir . Si kastaba ha ahaatee , taageerayaasha xukuumaddan muuse waxay jecel yihiin dhagaysiga heesta tidhaahda , hayaanka tubtiisa haysta , markaad eegto xukuumadda cusubi u leedahay talaabadda xukuumadii horre waxaad ogaanaysaa in hayaanku weli tubtiisii haysto . Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in la bilaabay kireynta qeybo kamid ah Xaruntii Wasaaradda Beeraha oo dadkii daganaa laga bixiyey 5 sano ka hor. Xarunta Wasaaradaaan oo ku dhagan Xarunta dambi Baarista ee CID ayaa asbuucaan lagu bilaabay in laga kireeyo dad ganacsato ah kuwaas oo durba bilaabay inay halkaas ka furaan ganacsiyo. Qeybaha kirada lagu bilaabay ayaa ah wajiga hore ee Wasaaradda oo saaran Laamiga, waxaana laga furay ganacsiyo dhawr ah. Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, kireynta Xaruntaan ayaa waxaa ka dambeeyo ciidamada Ilaalada u ah Xaruntaas iyo kuwa kale oo ka tirsan Xarunta Dambi Baarista ee CID, waxayna Caasimadda Online idiin ballan qaadeysaa inay idiin soo gudbiso magacyada dadka ka dambeeyo kireynta Guryahaan waxaana dadkaas kamid ah kuwa aad ugu dhow Wasiirka hadda ku magacaaban Wasaaradda Beeraha. Qaar ka tirsan Ganacstada halkaas laga ijaaray ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inay halkaas ka ijaareen Ciidamada Ilaalada u ah Wasaaradda Beeraha iyo Saraakiil ka tirsan Xarunta Dambi Baarista ee CID. Waxaa nasiib darro ah in Xarun laga saaray dad danyar ah oo loo sheegay inay Wasaaradda ku shaqeyn doonto hadda la bilaabo in la kireeyo iyadoo aan wax dayactir ah lagu sameyn xaruntaas oo haawaneyso muddo 5 Sano ah tan iyo sanadkii 2014. Xilligaas waxaa dalka Ra’isulwasaare ka ahaa Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna waqtigaas mar uu booqday Wasaaradda oo dadkii daganaa laga saaray yiri “Aad ayey ii farxad galinaysaa inaan maanta joogo xarunta Wasaarada beeraha oo ahayd xaruntii wax soo saarka, aqoont iyo cilmi baarista. Halkan aan maanta joogno waxaa laga maamuli jiray horumarka runta ah ee Soomaalidu u baahantahay” . Kireynta qeybo kamid ah Wasaaradda Beeraha ayaa kusoo aadeyso Xilli Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow uu wado olole dadka looga saarayo Xarumihii Dowladda laheyd oo aan loo heyn wax mashruuc ah maadaama kuwii hore dadka looga saaray shan sano ka hor la bilaabay in la kireeyo. Mar dhow la soco xog faahfaahsan oo ku saabsan dadka ka dambeeyo in la kireeyo Xarunta Wasaaradda Beeraha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Saddex kamid ah xubnaha ugu sarreeya golaha sare ee millatariga Suudaan ayaa xilka iska casilay, arrintani ayaa kamid aheyd waxyaabaha ay doonayeen dibadbaxyaasha dalkaasi. Xubnahan ayaa kamid ah hoggaanka sare ee golaha millatariga ee awoodda la wareegay. Saraakiishan is casishay ayaa waxay saaxiib dhaw la ahaayeen madaxweynihii Suudaan ee xilka laga tuuray, Cumar Xasan Al Bashiir. Waxaa maalmihii ugu dambeeyay dalka Suudaan ka socday kulan ay lahaayeen golaha sare ee militariga iyo hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa dhigaya si xukunka loogu wareejiyo dowlad rayid ah. Afahayeenka Millatariga Suudaan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dhinacyada militariga iyo hoggaamiyeyaasha dibadbaxyaasha ay ka heshiiyeen inta badan codsiyada shacabka oo ay kamid tahay in la helo dowlad rayid ah. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay laba dumar ah oo magaalada Hargeysa ku xidhna saddexdii bilood ee u dambeeyay. Haweenka ayaa lagu xukumay xabsi dhan laba bilood iyo badh kadib markii lagu eedeeyay in ay isticmaaleen daroogo. Qareennada difaacayay iyo dumarka ayaa diiday in ay isticmaaleen mukhaadaraad mamnuuc ka ah Somaliland waxaanay ku doodeen in aan laga helin wax maandooriye ah gurigii laga soo qabtay laakiin, dhawaan ayay si joogta ah warbaahinta Canada wax uga qortay arrinta dumarkan taas oo keentay in xeer ilaalinta Somaliland kiiska ka noqoto lana sii daayo. Wargeyska Globe and Mail oo ka soo baxa dalka Kanada oo arrintan markii u horaysay wax ka qoray ayaa sheegay in dawladda Kanada, safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Ayaan Maxamuud iyo Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) u xaqiijiyeen sii daynta labada dumarka ah lagana noqday kiiskii loo haystay. Dawladda Canada ayaa wargeyska u sheegtay in ay gacan ka gaysatay sii daynta labada dumarka ah oo kala ahaa Maymuuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo 23 jir ah kuwaas oo Somaliland u yimid hawlo la xidhiidha la dagaallanka tacadiyada haweenka. Dawladda Canada oo aan aqoonsanayn Somaliland ayaa ku tilmaantay dawlad iskeed ugu dhawaaqday madax bannaani oo citiraaf raadis ah waxaanu wargeyska Globe And Mail sheegay in dawladda Canada dhammaan muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalidda Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo kula talisay in aanay u socdaalin loona qabsan karo madax furasho lacageed. “Dhammaan Ajaaniibtu waxay halis heerkeedu sareeyo ugu jiraan in lagu afduubto guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Dhawr qof oo ajaanib ah oo arrimo bani’aadanimo ka shaqaynayay ayaa la afduubtay,” Sidaas ayuu wargeysku ka soo xigtay Bogga dawladda Canada ee talooyinka siiya muwaadiniinteeda. Ma cadda in digniintani la xidhiidho kiiska labadan dumar ah oo ay si weyn indhaha ugu hayeen todobaadadii u dambeeyay warbaahinta Canada iyo ururada xuquuqal iinsaanku. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka casbi in qaba kacdoon shacab kursiga uu muddada dheer ku fadhiyey lagaga tuuro, waxaanu sheegay in isaga illaahay ka bad-baadiyey waxa ku dhacay Madaxweynayaashi dalal ka mid ah Qaaradan Afrika muddo dheer ka talinayey keligood. Waxa uu xusay in la doonayo in la mariyo dhabihii ay mareen saaxiibadiisa Al-bashiir, Qadaafi, Xusni, Mubaarik iyo kuwa kale, waxaanu ugu baaqay shacbiga reer Jabuuti in haddii ay arrintaas ka feejignaan waayaan uu dalku halis gelayo. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in kooxo aan dalka joogin iyo dalal shisheeye ay ku hawlan yihiin dhaq-dhaqaayo la mid ah kuwii galaaftay saaxiibkiisa Sudan Al-bashiir oo ay ka wadaan Jabuuti, isla markaana la rabo in dalka Jabuuti uu ka istaadhmo dagaal sokeeye iyo qalaasi siyaasadeed Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalkiisu u dhignaa “ Nebigeenii wuxuu yidhi “CSW” fidna wey hurudaa nacladii illaahay ayaa ku degta ninkii kiciya , fidnad ayaa wadankeena lasoo gelinayaa kolba si ayaa lagu dayayaa waxa loo jeedaana waa in wadanka qas la geliyo, waxa loo jeedaa in aan galno meel dad kale galeen oo annagana illaahay naga bad-baadiyey xoogbay ku dayayaan dilbay doonayaa mashaakil noqonaya dagaal sokeeye ayey doonayaan , haddii dadkeenu uu ka feejignaan waayana halis ayuu wadanka oo dhani geli doonaa .” Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweyne Geelle waxa uu intaasi ku daray “Annagu waxaanu leenahay Dowladu dadka oo dhan ayey Dowlad u tahay ay ilaalin u tahay, ay wax siin u tahay, ay is barbar joog u tahay , cid ay cid kale uga dhaafi kartaayi ma jirto , haddii qabiil la dayona qabiil qudhaata ayaanu nahay calan midaata ayaan wadaagnaa diin mid ah ayaanu wadaagnaa , walaal-nimadu waa in la abuuro oo la dhaqo weeye.” Geesta kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aanu dalka iyo dadka wax u tarayn nin siyaasi ah oo doonaya inuu kursiga ku gaadho dhiig “Nin Siyaasi ah oo dhiiga dadka inta uu dul socdo leh waxaan ku gaadhayaa madax-nimada wuxuu ummada u tarayaa majiro dalkana wax-ba uma tarayo qasmooyaane .” Dhanka kalena Madaxweyne Geelle ayaa si dadban u sheegay in dad reer Jabuuti ah oo aan dalka joogin iyo wadamo kale ay wadaan qorshahan, kuwaas oo uu sheegay inuu diiday amaradoodii ay farayeen, isla markaana ay duulaan ku soo qaadeen “Waxa aan annigu afkaygaasi aan ka dhawrayo dadka fidnada soo abaabulayaa halkan lanama joogaan , meel kale ayey joogaan , kuwaasina kuwa kale ayaa ka dambeeya , waxa ay doonayaan waxa weeyaan in aan horumarkeena joojino, dadka aan xidhiidh wanaagsan oo walaal-nimo ah aan la leenahay iyo wax-qabad inay na garab mariyaan ayey doonayaan, halkaa maxaad u maraysaan ayaa nala leeyahay, maxaad Dowlada ula shiraysaan ayaa nala leehay, maxaad taa usoo dhaweynaysaan ayaan nala leeyahay, xor ayaanu nahay ayaan leenahay.” Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka sakow duufaannada ah kacdoono shacab oo saameeyay dalalka dariska la ah ee Itoobiya iyo Suudaan waxa dul hoganaya danaha is diidan ee reer Galbeedka, Shiinaha iyo xulufada Carabta ee Imaaraadku ka mid yahay kuwo ugu firfircoon. Reer Galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo ayaa si weyn uga soo horjeeda galaangalka Geelle la samaystay Shiinaha, Imaaraadka iyo xulufadiisa ayaa ka soo horjeeda Geelle kadib eryiddii Dp World waxaana jira dad mucaarad ku ah oo reer Jabuuti waana arrimaha u muuqda in ay tushuush ku fureen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhti dheer ka talinayay Jabuuti. Source
-
Arooryadii Sooyaalku ku suntanaa 6dii Feberweri 2017ka ayaan u jarmaaday goobjognimada munaasibad mug leh oo Xisbiga KULMIYE ku soo dhawaynayay Garab-weynihii NEW UCID ee uu hoggaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Waxa kale oo maalintaas Hargeysa ka soo degay Madaxweynihii Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo KULMIYE soo-dhaweyntiisa u haleeli waayay xafladda socotay, sidoo kale waxa isla barqannimadaas Hargeysa ka dhoofay Dr Cali Khaliif Galaydh oo ahaa Madaxweynaha Khaatumo. Cali Khaliif waxa loo diiday in uu ka duulo madaarka Buuhoodle. Waxa lagu qabtay hoolka weyn ee Maansoor waxaana ka soo qaybgalay kumannaan iyo kumannaan qof. Waxa ka mid ahaa: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo markaas ahaa Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee KULMIYE Jamaal Cali Xuseen Murashaxii Hore ee Madaxweynaha UCID Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo markaas ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad ee KULMIYE Samsam Cabdi Aadan Wasiirkii Maaliyadda Amina Sheekh Maxamed Jirde (Weris) Marwada Madaxweynihii Hore ee Somaliland Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadii Madaxweyne Cigaal (IHUN) Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirkii Xannaanada Xoolaha Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Maayarka Gebiley Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) Maayarka Berbera Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) Guddoomiye ku-xigeenkii 3aad ee UCID Yuusuf Googgooye Xoghayihii Guud ee UCID iyo xildhibaanno ka tirsan goleyaasha deegaanka Somaliland oo lix ahaa, marka lagu daro labada maayar ee aan xusay. Md Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu halkaas ka jeediyay fagaare-hadal aan dhegahagayga ku maqlayay oo uu ku bilaabay sidan: Salaama Calaykum Maanta waxa aynu marka hore u mahadnaqynnaa haddii aynu nahay bahweynta KULMIYE oo Madaxweynuhu ugu odaysan yahay, waxa aanu aad iyo aad u soo dhawaynaynnaa, garabka UCID ee uu hoggaaminaayo Murashaxii Hore Jamaal Cali Xuseen oo xoog iyo aqoon, gudo iyo dibadba, qurbe-jooggoodii iyo qolqol-jooggoodiiba xisbiga KULMIYE ku soo xoojiyay. Waxa aanu leennahay soo dhawaada. Kal iyo laab ku soo dhawaada. KULMIYE ku soo dhawaada. Aad iyo aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin. Waxa kale oo aan doonayaa in aan caddeeyo saacaddaa, inay dhammaantood ka mid yihiin xisbiga KULMIYE si rasmi ah Walaalleyaal, maanta waxa jira saddex dhacdo oo taariikhda geli doona ayaa Hargeysa ka jira Waa marka koowaad’e, waa garabkii iyo xooggii NEW UCID oo ku soo biiray oo xoojiyay KULMIYE. Waa dhacdo aad iyo aad taariikhda u gelaysa oo xusuus mug ah leh. Waa ta labaad’e, waxa kale oo aan halkan ka soo dhawaynayaa Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo intii munaasibaddu socotay ka soo degay madaarka. Iyaduna waa munaasibad. Madaxweyne ku soo dhawaw dalkaaga, aad iyo aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynnaa, haddii aanu KULMIYE nahay madaxweynihii hore ee Somaliland. Ta saddexaad, saaka intii aynu qabanqaabadan ku jirnay, waxa isaguna dalka ku soo galay dhinaca dhulka oo haddana dhoofay goor dhawayd, oo aynu xafladdan kaga mashquulnay oo aynu soo dhawaynaynnaa isaga oo nabad wada, isaga oo oday ah, isaga oo inay Somaliland isu timaaddo wada Mudane Cali Khaliif Galaydh oo Hargeysa yimi maanta” Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbaddiisa inta badan ku soo qaatay sida uu ula dhacsan yahay imaatinka Dr Cali Khaliif Galaydh ee Hargeysa. Waxa Cali Khaliif laga hor istaagay in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle, isaga oo u socday ka qayb-galka wada-hadal Somaliland iyo Khaatumo uga socday Jamhuuriyadda Jabuuti, sidaas ayuu aroorye hore uga dhoofay Hargeysa. Waxaana ka mid ahaa weedhaha uu taas kaga hadlay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland isaga oo dareenkiisa cabbiraya: “Maanta waa maalin ku suntan taariikhda, Somaliland ayaa isu timi daraf iyo daraf iyada oo isu soo hilawday. Waxa aad shalay saxaafadda ka arkayseen niman dhallinyaro ah oo Cali Khaliif ku eedayanaya Somaliland buu u tegay, oo uu nabad la gelayaa. Waxa aanu leennahay waayo-arag ma aydaan ahayn. Waxa aanu leennahay waad gaadhi doontaan mar waayo-aragnimada iyo xilka iyo dantu halka ay ku jirtaa ay kow tahay nabadda, nabadda, nabadda Somaliland. Cali Khaliif Galaydh waanu ku hambalyaynaynnaa goaanka uu qaatay. Waanu ka xunnahay dhibaatada ku soo gaadhay. Waanu ka xunnahay nimanka siyaasiyiinta ah ee ku eedaynaya “Cali Khaliif nabad buu wadaaa”. Maanta Geeska Afrika nabad buu u baahan yahay. Dunidu nabad bay u baahan tahay. Somaliland nabad bay u baahan tahay. Waxa aanu leennahay cid walba oo nabad wadda waa taageraynnaa, waan bogaadinaynnaa. Cali Khaliif nabadda uu wado iyo in uu maanta Hargeysa lug ku soo galay isaga oo nabad raadinaya, aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynnaa, waanan ku garab taagannahay. Waxa aan raacinayaa dhibaatada ay leedahay aragtida gaaban ee qabyaaladdu. Walaalleyaal Cali Khaliif waa Professor aad taqaanniin oo cimrigiisii iyo noloshiisii wax badan dadka Soomaaliyeed wax u soo taray, magacna ku leh. In badan ayuu haddii ay qabyaaladi wax tarayso uu kuwaas maanta qoriga isla hor taagay reer ahaan waxa ay doonayaan uu ugu hoggaansanaa. In badan buu u dib jiray. In badan buu duurka u joogay, iyada oo aan Ilaahay badin oo uu ka maarmi karaayo, in uu iyaga noloshooda meel la raadiyo. Nasiib-darro, aragtidii qabyaaladda ee soo gaabatay, waxa ay keentay ninkii iyaga naftooda u huray, in ay maanta ixtiraam-darro qori isla hor taagaan. Taasina waa abaalka qabyaaladda: inkii moodaya inuu qabyaalad wax ku helayow. Cali Khaliif Galaydhna waanu ka xunnahay waxaas gaadhay, waanan garab taagannahay. Malaha waan ku dheeraaday, waanay mudnayd. Waayo waa arrin mabda’iyan ah, waa arriin masiiriya, waana arrin caqliyan ah arrintaas saaka dhacday” Dr Cali Khaliif Galaydh waxa uu heshiis kama-dambays ah Magaalada Caynaba kula saxeexday Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii sooyaalku ahaa 20kii Oktoobar 2017ka, waxaana doorashada ka hadhsanaa 23 cisho. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Dr Cali Khaliif Galaydh waxa ay kulmeen markii uu maalmo kooban xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxa ka mid ah sidii loo hirgelin lahaa heshiiska Khaatumo iyo Somaliland kala saxeexdeen. Qof ahaantayda hal habeen ayaan Dr Cali Khaliif Galaydh ku arkay Hargeysa. 26kii Jeneweri 2018ka ayay ahayd. Waxa aanu Maansoor ku lahayn casho-sharaf ay Qalinleydu ku marti-qaadday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo). Annagu alooska dhacdadaas ayaanu u joognay dabaqa sare ee Maansoor, waxa meel dhinaca bari naga xigta wada fadhiyay Dr Cali Khaliif Galaydh iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Muddo laba saacadood ah oo aanu madashaas joognay iyo markii aanu ka dareenay oo noqonaysa intii u dhexaysay 07:30-09:30 cawaysnimo, Wasiir Maxamed Kaahin iyo Dr Cali Khaliif Galaydh waxa ay wada fadhiyeen gudaha dhismaha, gebagebadana bannaanka ama albaabka ayay taagnaayeen. Kollay waxa laga wada hadlayay waxa aan u arkayay ambaqaadka heshiiskii ay Somaliland iyo Khaatumo wada gaadheen. Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland waxa ka mid ahaa furitaanka Dastuurka. Waxa ay ahayd in ugu yaraan dib loo eego qodobbada heshiiska: haddii ay maangal noqdaan iyo haddii ay noqon waayaan. Laakiin waxa muuqata in aan fulintiisa diyaar loo ahayn, waxaana taas marag u ah marka aad aragto Wasiir Saleebaan Cali Koore oo leh “looma baahna in la furo”. Maalinta uu Cali Khaliif Galaydh ka dhoofayo Hargeysa ee 6dii Feberweri 2017ka waxa laga joogaa laba sanno, laba bilood iyo dheeraad ama maalmo dhan 807 dharaarood. Sidee ayuu kuula muuqdaa murkacashada heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Khaatumo? Siciid Maxamuud Gahayr saedmgahair@hotmail.com Source
-
Saddexda xisbi waxa loo sameeyey in hadba labada is ee raaca loo hogaansamo, tusaale, sanadkii 2009-kii waxa is raacay xisbiga UCID iyo KULMIYE waxaanay muquuniyeen xisbigii UDUB, ka dib markii la isku qabtay dib u dhaca doorashooyinka oo dhawr sanadood kolba dib u dhacayey, waxaana soo horeyn lahayd baarlamaanka, balse markii labadda xisbi mucaarad is raaceen waxa lagu qasbay inuu soo horumariyo ta madaxtooyadda, sidii baanay u dhacday oo waa tii 2010-kii doorashadii madaxtooyadu dhacda Marar kale waxa is raacay UDUB iyo UCID waxaanay qasab ku noqotay KULMIYE inuu labadda xisbi ee kale aragtidooda qaato, hadii kale dadkii uu codka ka rabay waxay u arkayaan inuu kulmiye khaldan yahay, isago arrintaasi diidaya ayuu marar badan raacay labaddii xisbi go’aanadooda isagoo hoosta ka ogolayn ku qasbanaaday. Xisbiga UCID door weyn iyo saameyn buu ku leeyahay wakhtiyada khilaafyada la is mari waayo dalka ka dhacayaan, waxaanay mar walba u janjeedhsadaan dhinaca danta guud oo wuxuu jecel yahay in aanu marna dadka shacabka wax ka nixinaya ku dhowaaqo.. Doorkan KULMIYE waxa uu raacay aragtidii UCID uu qabay, tusaale ahaan, xisbiga WADANI wuxuu watay in la kala diro komishanka, xukuumaddu way diidaneed, UCID waxa uu watay in la kordhiyo oo laba xubnood loogu daro labada xisbi mucaarad, xukuumaduna way diidanayd. markii sadddexda xisbi is mari waayeen ee ku kala kaceen, xisbiga KULMIYE wuxuu taageeray aragtidii dhexdhexaadka ahaa ee xisbiga UCID,waxaana ogolaadeen in laba xubnood loogu daro xisbiyad mucaaradka oo xeerkaasi wax laga bedelo doorashada ka dib, taasina waxay keentay inay isku soo dhowaadaan KULMIYE iyo UCID mar hadii tiisii la raacay. Waxa la moodaa in taladii ka qaloocantay WADDANI, waxay aragtidoodii ku qancin kari waayeen UCID, waxay ku qancin kari waayeen beesha caalamka ee doorashada taageerta, waayo xisbiga kulmiye wuxuu beesha caalamka u sheegay in sabab loo bedela jirin guddi aan muddu xiloodkoodii ka dhamaan, sharcina u lahayn inuu kala diro illaa iyagu is casilaan mooyee. Xisbiga WADANI markii beesha caalamku waydiiyeen sababta loo bedelayo, waxay ku doodeen in aanay ku qanacsanayn, taas macnaheedu waxa weeyi doorashadii hore kuma qanacsanid hadii aanad ku qanacsanayn doorashadii hore maxkamada geeya, ma gaynayo, waana ku qanacnay natiijadii doorashada balse guddidan inay shaqo dambe qabtaan ma doonayno ayey doodoodii ahayd, taasi waxay keentay inay ku qanci waayeen beesha caalamka go’aanka xisbiga WADANI ee ku aadan guddida doorashooyinka. Waayo natiijadii doorashadii madaxtooyadii ay soo saareen waan ku qanacsanahay balse guddi aan muddo xileedkoodu dhamaan sabab la’aan ha la eryo way u cuntami waayeen. Arrintaasi waxay fursad siisay xisbigii kulmiye, KULMIYE oo fajadii qaaxo ciyaaraya waxa uu raacay aragtidii xisbiga UCID ee dhexdhexaadka ahaa si bulshada caalamka u tusaan cidda kaliya ee khaldani inay tahay xisbiga WADANI oo ay ka dhigaan gar ma qatayaan aan xal keeneen, hadii WADDANI sidaas ku sii adkaysanaya waxay dhibaato u keenaysa uun sumcadda xisbiga. Hadhow marka liiska mushariinta la diyaarinayo ragii ka sharaxnaa xisbiga laba mid bay noqonaysa, inay hogaankooda ku qasbaan inay go’aankan labada xisbi qaataan iyo inay xisbiyada kale iska soo sharaxaan, taasina uma fiicna xisbiga WADDANI oo waxay isku diraysa musharaxiintii xildhibaanada xisbiga ka sharaxnaa iyo madaxda xisbi, waxaanay ku doodayaan marka doorashada madaxtooyada gaadho ama doon ama diid gudoomiye, balse doorkan waa markayagii ee doorashada ha naga reebin dibna ha u dhigin, waxaanay u eekaan doonta in xisbiga WADANI sabab u noqon karo in mar kale loo kordhiyo baarlamaanka hada jooga, taas oo si weyn uga cadhoon doonaan musharaxiinta qaarkood guryahoodii u iibiyey doorasahda soo socota ee kolba dib loo dhigayo. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dadweyne Badan ayaa soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay isaga iyo wafdi uu hogaaminayay. Shariif Sheikh Axmed waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay iyo masuuliyiin kale. Dadweynaha ayaa safnaa wadada ka timaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ilaa isgoyska KM4, waxaana ay wateen sawirada iyo astaanta xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay. Shariif Shariif ayaa ujeedooyin dhowr ah dalka ugu soo laabtay, waxaana kamid ah kulamo uu la qaadan doono xubnaha xisbiga iyo dhalinyarada kala duwan oo uu kala hadli doono nidaamka dowladninada iyo xisbiyadda. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale uu ka qeyb gali doono munaasabad weyn oo xisbiga ku qabsan doono magaalada Muqdisho, taasi oo xubno xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ay kasoo muuqan doonaan. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari la doonayo in laga dhigo guddoomiyaha xisbiga, iyadoo hogaamiye uu noqon doono Sheikh Shariif. Dowladda Soomaaliya ayaa culeesaad badan kala kulmeysa hogaamiyaashii dalka Soomaaliya oo hogaaminaya xisbiyo kala duwan, waxaana ay dowladaan yeelatay mucaaradkii ugu badnaa. Wali dowladda ma aysan shaacin nooca doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021, waxaana hadda moodaa inay socdaan olalaha doorashada oo aan waqtigooda la gaarin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland Mundane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinba maalinta Ka danbaysa u sii xuub siibanayaaya qaabkii lagu yaqaanay askartii kalitaliska ahayd ee soo maray gayiga afrikada Bari isaga oo cagta saaray dhabadii ay qaadeen askartaa kahoraysay ee ay kamidka ahaayeen:- Migiste Xayle-maryam, Maxamed Siyaad Bare,Iidi Amiin,Cumar Xasan Albashiir iyo kuwii lamidka ahaa. Waxa is weydiin mudan isaga oo Mudane Muuse Biixi aan Ku qabsan dalka qori caaradii iyo afganbi oo Ku yimid far khad loodaray iyo dooraasho dumuqraadiya maxaa kalifay inuu la halmaalo ragaa Ka tegey taariikhda madow? Jawaabtu waa Muuse waa Askari,oo aduunka oo dhan Dal Askari kataliyey oo mahadiyey lama hayo, dhanka kale waxa Mudane Muuse lagu sheegaa Mujaahid usoo halgamay dalka hadana waxa soo ifbaxaaya inuu ahaa uun Askari ka cadhooday askarigii u talinaayey wakhtigaa,waayo wixii wakhtigaa laga dagaalamaayey wax Ka xun ayuu Ku kacay ah kali-talisnimo, cadawnimo, cadaalad daro,caddaadis,cago-juglayn, cabudhin, Amar-kutaaglayn, barakicin, boob, xaraash-hanti-qaran,macangagnimo, arxandaro,qabyaalad iyo sifooyin ugaara askarta siiba kuwa kalitaliska ah oo ah waxba looma sheegaan keni adag oo cidna talo weydiin cidna dheg jalaq usiin. Waxaana taa u cadayn ah qasriga uu dhisanaayo Mudane Muuse ee uu ku sheegaayo madaxtooyo cusub ,waxa isweydiin mudan Jamhuuriyadan curdinka ah ee Somaliland waxa lagu dhidbay oo ay kusoo caano maashay wada tashi iyo wax wada gorfayn iyo caddaalad se haddii laga talaabsado wixii ummadu ku dhaqmi jirtay waa ayaan Daro iyo Qaran dumis. Iyada oo aan ciddi diidayn haddii xaajo lasoo bandhigo oo laysla gorfeeyo oo laysku raaco waa lawada meel marin wax meel marana wey noqon, se arin aan gudi loo saarin oo lawada gorfayn oo baarlamaan la horkeenin oo laysla eegin oo laga wada xaajoon oo bogcad booli ah oo shacab laga boobay oo maati laga bara-kiciyey laga yagleelay in lagu sheego madaxtooyo qaran maaha! se sakaaro xaar muuqmuuqday aas aastaaye waxa jira oo ayaan-daro ah in dalkii lawada xaraashay oo maantana Madaxtooyadii qaranka uu Mudane Muuse ka iibiyey ganacsade qoyskiisa ah oo ka hirgashan doona goobo ganacsi Marka uu Mudane Muuse xaafadiisuu kasoo jeedo qasri uga dhiso isna lagu wareejindoono furaha madaxtooyada,ganacsadahan oo mudo dabada kariixaayey si uu u hantiyo dhulka madaxtooyadu ku taal waana arinta keentay in aan qaranku ka xaajoon arinka rarida madaxtooyada. Iskusoo wada duub oo waligeedba Askari Dal loo dhiibay qasri uu dhisto ayuu Ka bilaabi jiray aakhirkana waa lagu dumin jiray isaga oo dhex yuurura, se waxa ayaan Daro ah shacabka maatida ah ee milatariga lageliyey ee la barakiciyey ee dhulkoodii laboobay ee waxyeelada loo geystay ee lagu eegaayo hagardaamada iyaga oo bacad-yaal ah waana ayaan-daro iyo arin ku ugub ah reer Somaliland ee ilaahow inoo sahal. Illaahay baa mahadleh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Source
-
Inter-Governmental Authority on Development has welcomed the decision by the Belgian government that recognized Somali service and diplomatic passport earlier this month. IGAD said in a press statement released on Wednesday that it welcomes the recent move by the Belgium government. “The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) welcomes the recent decision by the Government of Belgium to recognise diplomatic and service passports issued by the Federal Government of Somalia. “ IGAD Executive Secretary Ambassador Mahboub Maalim noted that the move will significantly boost bilateral relations between Somalia and Belgium and facilitate Somalia government officials to engage with European Union institutions based in Brussels. Ambassador Maalim further noted that the positive step demonstrates the growing confidence of the international community in the Government of Somalia and its institutions. “Ambassador Maalim hopes that Belgium will extend this recognition to the ordinary passport of Somalia. “The press statement said. He encouraged other remaining European Union countries to recognize to follow the suit by Brussels facilitating for the Federal Government of Somalia national for easy the visa process. Several countries restricted Somali passport holders after the fall of Siyad Barre regime in early the 1990s due to security reasons. View the full article
-
Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo arrived in the Eritrean capital, Asmara, on Wednesday morning for a days’ visit. The visiting president was accompanied by his Minister of Education and other senior officials. The delegation was welcomed by Eritrean president Isaias Afwerki at the Asmara International Airport. “In their meeting at State House today, the two Presidents discussed status & progress of Eritrea-Somalia ties of cooperation and partnership as well as vital matters pertaining to Red Sea & Gulf of Aden,” Eritrean Information Minister Yemane Meskel said on Twitter. The Somali president subsequently left Asmara for Mogadishu. The two Horn of Africa nations restored all brotherly and diplomatic ties last year in what was an offshoot of the Ethiopia-Eritrea peace deal of July 2018. Farmaajo has been to Asmara a number of times since the restoration of ties. Aside the trip where ties were normalized, he also joined a tripartite summit which involved the Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. The trio met again in Ethiopia in continuing with the tripartite arrangement that was meant at greater regional and economic integration. The meetings were at the heart of a move by Somalia’s parliament to impeach the president with the reason that he had entered into international agreements without legislative approval. View the full article
-
Orod-yahanka caanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya una orada dalka Bratian Mo Farah ayaa sheegay in dhac xooggan loogu geystay qolkii uu ka degganaa Hotelka Yaya Africa Athletics Village ee ku yaalla caasimadda Addis Abeba ee wadanka Ethiopia, wuxuuna sheegay in la jabsaday shandadiisa xilli uu ku maqnaa tababar. Mo Farah oo haytsa dhalashada wadanka UK caan ku ah Orodka Marathon-ka ayaa sheegay in laga dhacay lacag dhan 2,500 oo Giniga Ingiriiska, 11,850 Dirhamka Imaaraadaka, 2 Moobayl iyo sacaad qaali ah waxaana qalabkan haddiyad ahaan ugu keentay xaaskiisa. Waxa uu xusay in dhaca loo geystay shandadiisa oo taallay qolkii oo ka degganaa Hotelka bishii lasoo dhaafay Maarso,isagoo waqtigaas ku maqnaa tababar oo ku qaadanayay dalka Ethiopia. Mo Farah ayaa cambaareeyey Orod-yahanka reer Ethiopia Haile Gebreselassie oo ay isla degganaayeen Hotelka dhaca loogu geystay, wuxuuna xusay inuu Orod-yahanka Ethiopianka ah oo ku guul-daraystay inuu isaga caawiyo, kadib, markii dhaca loogu geystay Hotelka Yaya Africa Athletics Village. Mo Farah ayaa qeexay in uu gacan ka helay shaqaalaha Hoteelkii uu ka degnaa Ethiopia,isagoo sheegay in uusan marnaba uu san wax caawinaada uu ka helin saaxiibkii ay isla dagnaayeen Haile Gebreselassie oo ah muwaadin Ethiopian ah. Geesta kale, mar lala xiriiray Milkiilayaasha Hotelka lagu dhacay oradyahan Mo ayaa gabi ahaan iska gaabsaday arinkan maadaama mid ka tirsanaa macaamiishooda lagu dhacay Hoteelkooda,balse kama bixin wax jawaab waafi ah. Si kastaba horaantii bishii Maarso 2019-Mo Farah iyo Bashir Cabdi oo ah orodyahanno asal ahaan Soomaali ah,balse u kala orda wadamada Britain iyo Belgium ayaa kaalmaha 1aad iyo 2aad ka galay tartan orod oo ka dhacay magaalada London. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa dowladda Kenya u balanqaaday in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin heshiisyada dhanka dekadaha ah ee ay la galeen dalal Soomaaliya ay kamid tahay. Meles Alem oo ah danjiraha Ethiopia ee Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyaga oo ka wada hadlay arimo ay ka mid yihiin heshiisyadii labada dowladood ee dhanka Badda. Wuxuu u sheegay Kenyatta in heshiisyadii horey ay u wada saxiixdeen labada dowladood aysan waxba iska badali doonin marka loo eego heshiisyada Ethiopia la gashay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea. Kenya ayaa horey walaac badan kaga muujisay heshiisyadii Ethiopia la gashay dowladda Soomaaliya kaasi oo dhigayay inay maalgashi ku sameyneyso ku dhawaad 4 dekadood oo Soomaaliya ku yaala. Ethioia waxaa kale oo ay heshiis dhinaca dekadaha ah kula jirtaa dalka Jabuuti oo hadda ah halka ugu weyn ee ay badeecadaha dibadda uga soo degaan Ethiopia, sidoo kale xukuumadda Addis Ababa ayaa maalgashaneysa Dekadda Casab ee Dalka Eritrea. Ethiopia iyo Kenya ayaa horay ugu heshiisyay dhismaha Dekad laga dhisayo Lamu, taas oo sidoo kale loo sameynayo Waddo Tareen oo Dekaddaas ku xirta Ethiopia, Koofurta Suudaan iyo Rwanda. Ethiopia ayaa adeegsata dekadaha dowladda Kenya, waxaana Kenya halkaasi ay ka heshaa dhaqaalo badan oo canshuurta kaga soo xaroota. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
XOG: Musuqmaasuqa Masuuliyiinta Caafimaadka Togdheer, Xujada Wasiirka Cusub & Fashilka Mashruuca SHINE ee HPA/DFID. Qore Ciise Yaasiin Assalaamu Calaykum dhamaan wey salaamanyihiin akhristayaasha Shabakaddan Wararka. Waxaan halkan jeclaystay inaan idiin kusoo gudbiyo xog xaqiiq oo ka dhacday magaaladan aan joogo ee Burco, Togdheer. Hordhac: Kawaran laba masuul oo BILKASTA lunsada $40,000. Gobol dadkiisu u baahanyahay adeeg bulsho? Kawaran hadii 400 shaqaale caafimaad ah aan lagu xidhin cilmi caafimaad, imtixaana aan laga qaadin? Kawaran hadii 400 shaqaale midkasta laga qaaday lacag uu ku iibsado jago shaqo caafimaad? 400 oo shaqaale ah miyay qarinkaraan galdaloolooyinka & dulmiga, dhaawacaya quruxda dawladnimada iyo bixinta adeeg caafimaad? Dhamaan waa dhacdooyin xaqiiq ah oo magaaladaydan ka dhacay, qofkastana saamaynaya. Musuqmaasuq & Caafimaad waa labo aan isqaban: Musuqmaasuq waa Aafo baabi-isa dawladnimada iyo dadnimadaba. Somaliland oo sanadkan 28 jirsatay, markii ugu horeysay waxaa muuqmaasuq shaqada ku waayay Laba (2) Wasiir, agaasimayaal guud iyo Agaasima-waaxeedyo. Dhamaantood waxay ahaayeen masuuliyiin loo arkayay lama taabtaan, laakiin waxaa galaaftay tuhunno musuqmaasuq iyo maamul xumo. Waxaana suuragal ah inaanay masuuliyiintaasi waxba lunsan shakhsiyadoodu, laakiin maamulkoodii oo jilicsanaa ama ka warhayay musuqmaasuqa ayaa galaaftay. Waa tallaabo horey loo qaaday, Madaxweyne Muuse-na wuu ku mahadsanyahay. Wasaaradda Caafimaadka waxay dad badani ka war-qabaan inay tahay wasaaradaha ugu mashaariicda badan uguna hanta-lunsiga iyo musuqmaasuqa badan. Dabagal dheer oo aan sameeyay ka dib waxaa iisoo baxday musuqmaasuq caddaan ah oo ka dhexsocda hawlaha Wasaaradda, qaybo ka mid ah. Musuqmaasuq hadheeyay Mashruuca ee SHINE (DFID) ee Nafaqaynta & Daryeelka Caafimaad Musuqmaasuqqa Dhakhtarka weyn ee Hargeysa & Deynta $425,000 Shaqaalihii Dhakhtarka weyn ee aan la shaqaalaysiin 7 sano, qaar cusubna si hoose loo qaatay. Qoraalkani wuxuu ku koobanyahay Musuqmaasuqa Mashruuca SHINE. Somali Health And Nutrition Programme (SHINE) waa mashruuc caafimaad oo ay malaayiin Doolar ku maalgelinayso dawladda Ingiriisku (DFID-UK). Mashruucani wuxuu ka fulayaa labada gobol ee Awdal iyo Togdheer ee Somaliland iyo labaa gobol ee Banaadir iyo Galguduud ee Soomaaliya. Gobolka Togdheer waxaa fulinaya Haayadda HPA, waxaana gobolka Togdheer ka shaqeeya in ka badan 400 oo shaqaale caafimaad ah oo isugu jira Kalkaaliso (Nurse), Umuliso (Midwife) iyo Dhakhaatiir. Shaqaalaysiinta 400 ee muwaadin loo marin habka iyo sharciga qaadashada shaqaalaha. Waxaa loo xushay hab aad u foolxun. Waa kuwan dhacdooyinkii ku gedaamnaa qaadashada shaqaalaha caafimaad ee mashruuca SHINE-DFID, ee Gobolka Togdheer ee Somaliland: Qabyaalad ku koobnaatay labada masuul ee ugu sareeya caafimaadka gobolka Qofkasta oo hab qabyaaladeed lagu xushay waxaa lagu xidhay in uu bixiyo lacag fadhiisin lagu sheegay ama lacag baad ah oo xaaraan ah. Lacagtaasi waxay u dhaxaysay $50 ilaa $100, qofkiiba. Masuuliyiinta caafimaadka gobolka Togdheer waxay Jeebabkooda ku xeerooday lacag u dhaxaysa $20,000 ilaa $40,000 (50×400=20,000). Labadii bilood ee ugu horeeyay shaqada waxaa shaqaalaha laga goostay midkiiba $200. Waxaanay noqonaysaa = $200 x 400 shaqaale = $80,000 sideetan kun oo doolar. Waxaana kala qaatay labada Diktoor ee Gobolka ugu sareeya. Bil kasta waxaa shaqaalaha laga reebaa ama laga goostaa $100 ($100×400=$40,000) Hadda waa AFARTAN kun oo doolaar oo BILKASTA taagan. Kirada laba gaadhi oo si qasab loogu shaqaaleysiiyay (Conflict of Interest) iyagoo meesha ka saaray laba gaadhi oo kale dad shicib ahi lahaayeen oo si cadaalad ah hore ugu shaqayjiray. Waxaa musuqmaasuqa qayb weyn ku leh Haayadda HPA, oo u fududeysay in Masuuliyiintani Xisaabta Shaqaalaha u maamulaan la-Xisaabtan la’aan (NO Transparency and NO Supervision). Haayadda HPA waxay lacagta hore ugu shubi jirtay shaqaale kasta Xisaabtiisa Bangiga uga furan (Employee Bank account) laakiin imi waxay ku wareejisay Xisaabaadka Bangiyada ay maamulaan labadan masuul. Talo ku socota Wasiirka Caafimaadka: Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane Cumar Cali Cabdillaahi (Cumar Dheere) waxaanu ka codsanaynaa inuu baadhis weyn ku sameeyo dhamaan tuhunnada musuqmaasuq ee Wasaaradda ka jira, gaar ahaan uu baadhis ku sameeyo Maamulka caafimaadka Togdheer, Dhakhtar weyn ee Burco, iyo Mashruuca SHINE ee Haayadda HPA & DFID gobolka ka wadaan iyo Musuqa ku huursan shaqaalahaas. Wasiirka waa masuuliyadiisii shaqo, waana mid uu If iyo Aakhiroba u taala wuxuu gashado habsami u socodka hawlaha caafimaad ee dalkeenan tamarta daran. Talo ku socota Haayadaha HPA & DFID-UK: Haayadahan waxaa saaran masuuliyadda guuleysiga mashruucan oo lacag badani ku baxday. Hadii lacagtii loogu talo galay loo leexiyo jeebab kale waxaa fashilmaya mashruucan qiimaha badan, iyo lacagtii cashuur-bixiyayaasha Ingiriiska. Qore Ciise Yaasiin Cali Burco, Togdheer. Qaran News
-
Waxaan aad u jecelaystay inaan Bulshada Somaliland la wadaago Qoraalo taxane ah oo aan isleeyahay ugu iftiimi Shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Halka uu Shaqada Dawladda kasoo galay, cidda soo galisay, Dhacdooyin layaableh oo Musuq Maasuq oo taariikhdiisa shaqo ku sidkan, qaabka uu uga tujaaray Hantida Qaranka iyo arimo kale oo xasaasi ah oo si gaar ah qalbiga Qof kasta u taabanaya kuwaasi oo meesha ka saaraya inuu sii ahaado ama uu madax kasii ahaado Hay’addii dhamayd ee Qaranka ugu mudnayd ee loogu talo galay illaalinta Hantida Qaranka. Waa kuma Axmed Yuusuf Dirir, Sideebaanu Shaqada Dawladda Ku Soo Galay? Hanti Dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu kasoo jeedaa Qoys Sabool ah oo xoolo dhaqato ah (imika waa tujaar eh), waxaanu ku dhashay, kuna barbaaray Nolosha baadiyaha, isagoo da’ ahaan weyn ayaa magaaladda Berbera la keenay Bilawgii Shagaashanaadkii, waxaana miyiga kasoo kaxeeyay Mareeyihii ugu mudada dheeraa Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor oo ay ehel dhaw yihiin, waxaana shaqadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay Dekeda Berbera, isagoo ahaa shaqaale hoosaadka Dekeda, waxaana qoray Cali Xoor Xoor oo noloshiisa soo gacanta qabtay. Axmed Yuusuf Dirir, maanta waa maalqabeen hanti badan ka dhaqday, xilal kala duwana kasoo qabtay Dekeda Berbera. Fuuqyada ugu dhaadheer ayuu ku leeyahay Magaalada Berbera iyo Hargeysaba, sidoo kale waxa uu Dubai ku leeyahay Hanti xoog ah oo uu si qarsoodi ah uga samaystay Dubai iyo Baananka uu lacagta dhigto oo Dubai uga Furan. Sidoo kale waxa uu Dubai ku guursaday naag carabiyad ah oo uu imikana uu Hargeysa usoo raray taasi oo muujinaysa sida uu uga tujaaray Xoolihii umadda ee lagu aaminay. Door Noocee Ah Ayuu Cali Xoor Xoor Ku Lahaa Nolosha Axmed Yuusuf Dirir? Axmed Yuusuf Dirir waxa si weyn usoo gacan qabtay Cali Xoor Xoor oo waxbarashada dadka waa weyn ku daray, waxa uu markii dambe u diray isagoo shaqaale hoosaadka Dekedda Berbera ah(Xamaal), koorso dibadda ah, Muddo lix bilood ah ayaanu ku maqnaa dal Africa-da kuyaala(South Africa), markii uu soo noqdayna Waxaa uu u magacaabay oo uu u dhiibay Xisaabiyaha Guud ee Dekeda Berbera,wakhtigii Xukuumaddii UDUB. Waxa uu Axmed Yuusuf wakhtigaasi khaayimay Cali Xoor Xoor-kii noloshiisa qaybta weyn ku lahaa ee soo dhisay ee soo gacan qabtay, waxaanu Siraha dekeda u basaasi jiray Xisbigii wakhtigaasi mucaaridka ugu weyn ahaa ee Kulmiye, isagoo qorshihiisu ahaa inuu haddii uu Kulmiye Talada dalka ku guulaysto uu Xilka kala wareego Cali Xoor Xoor, taasi oo markii dambe dhacday, oo uu Kulmiye abaal gud uga dhigay basaasnimadii uu kula shaqayn jiray ee uu sirraha Cali Xoor Xoor dibada ku siin jiray. sidii ay ahayd, Islamarkii uu Xisbiga Kulmiye talada Dalka ku guulaystay 2010-kii waxa Axmed Yuusuf Dirir loo magacaabay Dekeda Berbera, inyar kadib waxaa lagu helay arimo Musuq Maasuq, markiiba waxa uu qaaatay lacago badan, fooqyo ayuu dhistay, dhulki danta guud ayuu boobay,waxaanu arinkiisu noqday mid ifka u soo baxay oo lawada ogaaday oo aan cidna ka qarsoonayn, sidaasi ayaan Xilkii looga qaaday. Markii Shirkadda Dp-World Dalka Timid iyo Dhacii Ugu Balaadhnaa Ee Uu Axmed Gaystay!!!! Afar sanno markii uu ka maqnaa Xilka Maareeyaha Dekeda Berbera, ee ay Shirkadda Dp-World timid ee Cali Xoor Xoor-na si aad ah ugasoo hore jeestay ayaa uu mar labaad dib ugu yeedhay Maxamuud Xaashi oo markaasi ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda. Markan dambe waa markii uu dhacay Wadanka. Gaadiid badan oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay oo ay dekedu lahayd, Alaabo safar dibadda ugu maqnaa Dekeda, iyo Lacago kaash ah oo Qasnadda ugu jirtay oo illaa 5-Milyan Dollar ahayd oo cadaan ah oo uu Cali Xoor Xoor Goob fagaare ah ka sheegay oo uu ku wareejiyay waxaasi oo dhan waa uu isku muudsaday oo kamuu xishoon. Waxa uu markiiba dib ulasoo noqday Lacagta alaabo Dekeda loo soo iibinayay oo Cali Xoor Xoor dalabkeeda ka tagay , taasi oo uu jeebka u shubtay lacagtoodii, arintaasi oo ku cadaatay markii dambe, kana mid noqotay dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee uu ku kacay ee fashiliyay. Inyar markii uu Xilka hayay, waxay Dawladdii Kulmiye Galisay Hanti dhawr, waxa kooxdii gashay hogaaminayay Hanti Dhawrihii hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire, Baadhistaasi waxaa lagu ogaaday in Hal milyan iyo boqol iyo konton kun maqantahay oo lacagtii Dekeda ee Akawnka kujirtay ahayd, waxa kale oo la ogaaday inay maqan tahay lacagtii Taagga lagu soo iibinayaya oo iyana Shan Milyan ahayd, sidoo kale waxa la waayay sagaal gaadhi oo Cali Xoor Xoor ku wareeejiyay, waxa kale oo la ogaaday qandarasyadii uu bixiyay Cali Xoor Xoor inuu dadkii kasoo celiyay oo uu lacagtii cunay. Halkaas markay maraysao waxay Hanti dhawrku sameeyeen in habeenimo gurigiisa loo daatay, waxa kooxdii Gurigiisa u daadatay ka mid ahaa oo hogaaminayay Ninka lagu magaabo Cali Bilyan, waxa islamarkan GURIGIISA loo daatay uu ku mashquulsanaa Guryo uu ka iibsanayay Magaaladda Dubai oo goobo mihiim ah ku yaalay kuwaasi oo laga war helay, Waxa markii loo daatay Gurigiisa loogu tagay oo laga soo helay laba gaadhi oo ka mid ah sagaalkii Gaadhi, todobaddii kale waa la waayay oo sidaasi ayaa lagaga quustay. Qaabkii Uu Ku Dhacay Lacagtii Shanta Milyan Ahayd Ee Taagga Iyo Siduu Uga Badbaaday Xadhigga + Cidda La Tacaashay. Waxa kale oo baadhistaa iyo dabagalkaasi lagu sameeyay ee lagu raadcaynayay hantida badan ee ku maqnayd lagu soo helay Foojarigii uu lacagta Shanta Milyan ah ee Taagga loogu talogalay uu kula baxay, kaasi oo ay kuyaalaan Hal saxeex oo aanay la saxeexin raggii sharci ahaan la saxeexa lalahaa sida Xisaabiyihii Guud ee Dekedda iyo Raggii ee lalahaa saxeexa jeegaga. Dhacdooyinkaasi fajicisada lahayd ee lagala kulmay baadhistaasi waxa ka mid ahayd in markii laga waraystay hantida baddan ee ku maqan halka uu mariyay iyo halka ay martay lacagtii Cadaanka ahayd ee Shanta milyan ahayd ee uu la baxay, waxa uu sheegay inuu Laba Milyan oo ka mid ah lacagtaasi uu Siiyay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo ahaa Wakhtigaasina Madaxweynaha Maanta Xilka haya Muuse Biixi Cabdi, arintaasi oo layaab ku noqotay Xukuumaddii Wakhtigaasi iyo masuuliyiintii baadhista sameeyay ee uu xogta la wadaagay. Waxa kale oo iyaduna layaab noqotay inuu sheegay inuu iyana Kharash galiyay oo uu lacagtaasi ku maqan ku soo sameeyay Calamaan iyo koofiyo Xisbiga Kulmiye iyo waxyaabihii kale ee Ololaha Xisbiga Kulmiye. Waxa waxa uu Meelna ku sheegi waayay 7-dii Gaadhi ee la waayay ee Cali Xoor Xoor ku wareejiyay. Waxa kale oo la ogaaday in dhisme xafiisyo Cusub oo loo dhisayay wakhtigaasi Dekeda oo ay Soo qiimaysay Shirkadda VILLA and mansion oo ay afar boqol oo Kun oo dollar kusoo qiimaysay dhismahaasi waxa uu Koontaraaka Dhismahaasi siiyay shirkad kale oo la yidhaa Daryeel Construction taasi oo uu heshiis kula galay inuu lacag badan uu dul dhigto, waxa uu ku sheegayHal Milyan iyo Laba Boqol inay ku baxeen dhismahaasi,halka Shirkadda VILLA and mansion hore ugu qiimaysay afarta Boqol oo Kun Oo Dollar,taasi oo iyaduna amakaag ku riday maasuuliyiintii wakhtigaasi baadhista ku sameeyay, iyo Xukuumaddii Wakhtigaasi Xilka u egmatay. Madaxweyne Muuse Iyo Axmed Dirir Halka Ay Iskala Jaan Qaadeen!!!. Waxay baadhistaasi ay bilaabantay 14/09/2017-kii, waxaanay socotay illaa 18-kii bisha oo ah Afar cisho gudaheed, waxaana mudadaasi afarta cisho ah la ogaaday in hanti malaayiin doolar ahi ay maqantahay. Madaxweynihii hore ee Siilaanyo ayaa laga codsaday inuu xilka ka qaado si loo xidho. Waxa dagaal u galay in xadhig laga badbaadiyo Odayaal iyo salaadiin reerkooda ah, waxa kale oo isna dagaal kala hortagay in ninkaasi la xidho Gudoomiyihii Xisiga Kulmiye ee Wakhtigaasi imikana ah Madaxweynaha Dalka Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Muuse ku qanciyay Xukuumaddii Siilaanyo in xilka uun laga qaado oo aan la xidhin, 22-kii Bishii Sagaal ee 2017-kii ayaa xilka laga qaaday. Muuse Biixi ayaa Siilaanyo ka codsaday oo ku yidhi “ reerka ha igu kicin”. Xogaha aanu helnay ayaa sheegaya inuu Muuse Biixi wakhtigaasi uu codsigan uu ka dalbanayay uu lugaha qabsaday Madaxweynihii wakhtigaas Siilaanyo. Waxa Xasuus Mudan in Axmed Yuusuf Dirir uu lacagaha lagu helay ee ku maqan uu ku sheegay inay qaybo ka mid ahi ku maqan tahay Xisbiga Kulmiye oo uu Gudoomiye ka ahaa Muuse Biixi Cabdi, waxaana Ficilka iyo dhaq dhaqaaq uu Muuse ku difaacayay ka muuqda inuu isaga laftiisu wax badan ka hortagayay. Waxa halkaasi ka cadaatay inay Muuse Biixi iyo Axmed Yuusuf Dirir isku xidhnaayeen islamarkaana uu dan gaar ah ku qabay, suurtagalna ay tahay inuu Lacagtaasi iyo hantidaasi uu dhacay wax ogaa. La Soco Qaybaha Dambe Ee Taxanahan …. Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2001@gmail.com) , London. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan go’aanka ay sida wada jirka ah u soo wada saareen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, diidmada Xisbiga Waddani, Maceeshada qaaliga ah iyo qiimaha sarifka ee hoos u dhacay. Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka tirsan Xisbiga Waddani, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, wuxuu Xisbiyada ugu baaqay inay isku tanaasul ay sameeyaan, wixii ay isku hayaana ay ka heshiiyaan, waxaanu yidhi “Somaliland isku tanaasul iyo is qancin bay halkaas ku soo gaadhay, markaas anigu waxaan mar walba danaynayaa sida uu dastuurku dhigayo in la isku tanaasulo, oo la is qanciyo, taas ayaan xal u arkaa”. Mar uu ka hadlaayey qiimaha maceeshada ee qaaliga ah iyo qiimaha sarifka ee hoos u dhacay ayaa yidhi “In Lacagteena Somaliland tayo yeelato, oo shilinkeenu tayo yeesho, oo wax lagu kala iibsado, oo kirooyinka lagu biixiyo, oo goobaha ganacsi iyo goobaha waxbarasho lagu bixiyo,oo Shacabkeenu aad u isticmaalahan, halka ay ka isticmaali lahaayeen lacagaha qalaad waa mid loo baahan yahay, waxaan se anigu ku talinayaa in maceeshada loo jabiyo dadka masaakiinta ah, oo sida uu doolarku u jabay, maceeshadana loogu jabiyo, iyada oo la ixtiraamayo bila’aadanimada iyo dadnimada, iyo dadkeena danyarta ah, waxaana ku talinayaa inaynu isku duubnaano, oo aynu is taageerno, oo dadkeena baahan aynu u gurmano” Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo isna ka hadlaya aragtidiisa ku waajahan go’aanka Xisbiyada UCID iyo Kulmiye gaadheen ayaa yidhi “In Doorashada la galo oo la qabto waa la ogol yahay, oo waanu ogol nahay, waxaanu se doonaynaa inay Somaliland oo dhami Doorashada gasho, waxaanada mooda in Xisbiyada Kulmiye iyo UCID wax gaar ah eryanayaan,mar haddii uu Xisbiga Waddani uu yidhi kuma kalsooni garsoorka Komishanka, Xisbigu xaq buu u leeyahay in laga bedelo oo Komishan kale la sameeyo, waana inagu ceeb iyada oo la helayo dad daacad ah oo Garsoor dhex ah noqda, in Komishankani sii joogana meesha, Xisbiga kulmiyena garan mayno wuxuu uga dhegan yahay, ee waxbaa jira, ee haddii la doonayo inay dalka Doorashooyin ka dhacaan waa in la bedelaa Komishankan, ta kale maaha in Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu faraha la galo waxaanu garanaynin, ee waa inuu wax ka weydiiyaa dad wax garanaya, saami qaybsiga kow laga dhigaa, oo beelaha darafyadu waxay xaqa u leeyihiin waa inay helaan, maxaa yeelay doodii iyo raggii cabanaayey weynu arkaynay, markaas Beelaha darafyadu wey cabanayaan, waxay ka cabanayaana in wax laga qabtaa waa daruuri, markaas saami qaybsiga iyo tirikoobkaba waa in la sameeyaa, tan kale ee ay leeyihiin Madaxweynaha iyo Wasiirka Dakhligu kooto ha loo xidho Haweenka, waa sharci daro, Dastuurkuna ma ogola, qof kasta oo Somaliland waa la dooranayaa, waxna uu dooran karaa, markaas Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxaan leeyahay wax kooto la yidhaahda ma jirto ee saami qaybsiga kootada ka muhiimsan”. Mar uu ka hadlaayey Maceeshada ayaa yidhi “Waa ayaan daro in Maceeshaduna ay cirka sii gasho, doolarkuna uu jabo, ninka askariga ah ee qaata 80 doolar, ee shanta caruurta leh uu dhiban yahay, inta la leeyahay Madaxtooyo cusub ayaa la dihsayaa, waxay ahayd in la daryeelo askarta jiida joogta, qoysaskooda, oo maceeshada laga jabiyo, mushahaaradkana loo kordhiyo, Caasimadda Somaliland waa Hargeysa, Madaxtooyaduna waxay ku taala meel umadda u dhex ah, oo aan xaafad ama degmo gaar ah lagu tilmaami karin, laakiin in halkaas laga raro oo degmo gaar ah oo Maadaxweynaha xaafadiisiya loo raraa waa sharci daro, ee Madaxweynuhu haddii uu doonayo halkaas inuu guriyo waawyn ha ka sameeysto, oo masaakiinta ha daayo, Madaxtooyadana halkeeda ha u daayo, haddii la doorbiday in Madaxtooyo cusub dalka loo dihsana, xaafada State House-ka ldadkaas degan ha laga raro oo guriyo ha loo dhiso, kadibna Madaxtooyo balaadhan ha laga dhiso” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaanu ku taliyey in wax walba oo la isku hayo in xal iyo heshiis laga gaadoh, xilli Xisbiyada Qaranku ay Siyaasad ahaan aad u kala fogaadeen. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay maceeshada qaaliga ah, qiimaha sarifka ee hoos u dhacay iyo abaaraha, waxaanu ugu horeyn yidhi “30 sanno in ku dhaw inaynu ahayn dal madax banaan, oo iskii u taagan, muddadaas aynu jirnay, waxaynu qabsanay, qaabka aynu uga soo gudubnay duruufihii iyo marxaladihii adkaa Caalamku aad buu ugu bogay, waxaana kale oo aad loogu riyaaqay qaabka aynu uga gudubnay nidaamkii qabaliga ahaa, ee aynu ugu gudubnay nidaamka dimuqraadiga iyo axsaabta badan, waxaa kale oo aad looga dharagsan yahay kala dambaynta, Dawladnimada, Dimuqraadiyada iyo qaabka wacan ee aynu u qabsanay Doorashooyinka,markaas waa in wada tashi iyo wanaag aynu ku xalinaa dhib kasta oo inala soo gudboonada,si aynu uga fogaano wax kasta oo qarankeena, dadkeena iyo dalkeena dhib ku keenaya, waana inaynu ka dheerano wax kasta oo dhaawac siyaasadeed inagu keenaya, waxaan aan xal lahayna ma jiro, ee wax kasta oo la isku hayo aynu xal uga gaadhno sida ugu haboon”. Mar uu ka hadlaayey Maceeshada iyo Sarifka ayaa yidhi “Qiimihii Sarifka ee Lacagta Doolarku inay jabto aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa, si uu Shilinkeenu wax tar u yeesho,isticmaalka Shilinkeenuna waa mid loo baahan yahay oo muhiim cid kasta u leh, laakiin in iyada oo sarifkii inoo jabay in maceeshadii wali qaali tahay looma baahna, mana wanaagsana, ee waa in Maceeshada la jabiyaa, Ganacstaduna waa inay dadkooda danyarta ah u naxaan, una naxariistaan, marka ay maceeshada u jabiyaan ALLENA ayaa iyana u barakeeynaya ganacsigooda, waxaana muhiim ah in la isku saleeyo qiimaha sarifka iyo qiimaha maceeshad,a si ay iskula jaanqaadan, laakiin maaha in dadka wax lagaga iibiyo qiimihii hore ee sarifka lacagta doolarku halku maraayey”. Mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Wax walba qadarka ALLE ayey ku dhacaan, inaguna dabcan waxaynu nahay dad islaam ah, oo ALLE ayaa inaga dihgay muslimiin ah, oo diinta qudha ee xaqa ah haysta, mar walbana ALLE waxaynu ka baryeynayaa naxariistiisa, nimcadiisa, raxmadiisa, waxaana la inooga baahan yahay inaynu mar walba ALLE ku xamdino, oo shugrigiisa, mahadnaqiisa iyo cabsidiisa aynu badino, abaaraha soo noq-noqdana ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, oo uu roobkiisa inoo khayr qaba inoo shubo, laakiin maaha inaynu ku baraaruugno oo qudha marka ay abaaruhu yimaadan, ee waa inaynu la nidaamna siyaasad iyo qorshe ku talagala, oo aynu kaga sii baaran-degayno abaaraha soo noqnoqda, ALLE inooma keeno mar kale, waxaa la inooga baahan yahay inaynu ka sii digtoonano abaaraha, oo aynu sameeysano Biyo xidheeno, iyo Dhamaam, oo aynu ka sameeysano Gobolada, Magalooyiinka iyo Deegaanada kale duwan ee dalka, iyada oo aan cid kale ama Wadan kale inaga caawin ayeyna sameeysan karnaa, tusaale ahaan qof walba wixii karaankiisa ah ayuu bixinaya, waxaana hubaal ah haddii qorshahan aynu ku dhaqaaqno inaynu wax badan qabsanayno”. Source
-
(SLT-Sri Lanka)-Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay muuqaalka kooxdii fulisay weeraradii is qarxinta ahaa ee Axadii la soo dhaafay ka dhacay dalka Sri Lanka, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan saddex boqol oo qof. Muuqaalkan oo ay ka dhex muuqdeen illaa sideed qof oo wajiga u xirnaa iyo hoggaamiyahooda ayaa waxay bayco ama balan la galayeen Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, iyagoo sheegaya inay awaamiirtiisa fulinayaan. Kooxdan ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood iyo saddex Hoteel caan ah, waxaana labo ka mid ah dadka is qarxiyay ku jiray labo walaalo oo ka soo jeeday Qoys caan ku ah Ganacsiga. ISIS ayaa sheegtay in weeraradaas ka dambeyso, hase ahaatee dowladda Sri Lanka ayaa sheegtay in weerarkan ay qaaday Koox Maxali Xagjir ah. In ka badan 60 ruux ayaa loo xiray qaraxyadan ka dhacay dalka Sri Lanka, waxaana la sheegayaa in weli lagu haayo baadigoob rag kale oo qeyb ka ahaa weeraradan. Source
-
(SLT-Tanzania)-Maxkamadda Sare ee caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam waxaa la soo taagay 7 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo loo haystay inay ahaayeen Budhcad-baddeed weerar u geysatay Markab marayey Xeebaha dalkaasi. Dacwad-oogaha waxa uu Maxkamadda ka hor sheegeen in Eedeysanayaasha ay bishii October 3-dii ee sannadkii 2011-kii weerareen Markab Shidaal oo lagu magacaabo SAM A. ALLGOOD, kaasi oo marayey Badweynta Hiondiya, gaar ahaan Aagga loo yaqaano xuduudka Dhaqaalaha ee dalkaasi. Eedeysnayaasha waxaa la sheegay inay Ciiddanka dalkaasi is-weydaarsadeen, ka hor inta aan loo itaal-sheeganin. Garsooraha Maxkamadda Darasalaam, Yose Mayambina waxa uu Eedeysanayaasha ku wada xukumay xabsi Daa’im, waxaana Eedeysanayaasha la xukumay magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Aadan, Bashiir Rooble, Faragani Cabdul, Ali Nuur Ali iyo Omar Maxamed oo lagu nanaayso Mudhee. Source
-
(SLT-London)-Amiirka labaad ee leh dhaxalka boqortooyada Britain William Arthur Philip oo lagu naanayso Duke of Cambridge ayaa ka dagay dalka New Zealand, halkaas oo uu kula kulmi doono dadkii ka badbaaday weerarradii argagixisada ee lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla Christchurch iyo qoysaska dadkaas. Booqashada amiirka oo laba maalmood ah ayaa ka billaabanaysa xuska Anzac Day oo lagu maamuuso askartii hore ee Australia iyo New Zealand. Wuxuuna sidoo kale la kulmi doonaa dadkii ay saameeyeen weerarradii bishii March dhacay ee 50 ruux ay ku dhinteen. Amiirka ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqan doono shaqaalaha gurmadka degdegga ah iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta ah. Amiir William ayaa booqashadan ku matalaya Boqoradda Ingiriiska ka dib markii ay casuumaad rasmi ah ka heshay Ra’isulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern. Maaliinta Anzac Day ayaa ku suntay dagaalkii ugu horreeyay ee wayn ee ciidammada Australia iyo New Zealand ay kaga qaybqaateen Dagaalkii Koobaad ee Adduunka. Catherine oo ah xaaska Amiirka ayaa iyaduna munaasabad middaas la mid ah kaga qayb gali doonta Westminster Abbey oo magaalada London ku taalla. Xafiiska boqortooyada Britain ayaa sheegay in William uu “bogaadin doona dadka reer New Zeraland isaga oo ku amaanaya garab istaagii iyo rafiiqnimadii ay muujiyeen markii ay weerarrada masaajidku dhaceen.” Ma aha markii koobaad ee Amiirku uu booqanayo Christchurch oo dhibaato ka dhacday. Sannadkii 2011 ayuu ka qayb galay xus loo samaynayay 185 qof oo ku dhintay dhulgariir. Hadal uu maalintaas jeediyay ayuu ku sheegay in uu ayaydii mar ka maqlay hadal macno ahaan u dhigma “cidda la jecel yahay ayaa loo murugoodaa, markaas ayuuna ku sii daray “halkan maanta waxaan ku sugannahay anaga oo idin jecel isla markaasna murugaysan.” Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Orod-yahanka Calaamiga ee Mo Farah ayaa sheegay in dhac xooggan loogu geystay qolkii uu ka degganaa Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ku yaalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Abeba, wuxuuna sheegay in la jabsaday shandadiisa xilli uu ku maqnaa Tababar Laylin Orod. Mo Farah oo ah dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland caan ku ah Orodada Marathon-ka ayaa sheegay in laga dhacay lacag dhan 2,500 oo Giniga Ingiriiska, 11,850 Dirhamka Imaaraadaka, 2 Mobayl iyo Sacaad Qiimo weyn leh oo ay xaaskiisa haddiyad ahaan u siisay. Waxa uu xusay in dhaca loo geystay Shandadiisa taallay qolka uu ka degganaa Hotelka ay ahayd bishii March ee la soo dhafaay 23-da, xilli uu ku maqnaa Tababar dhinaac Orodka. Dhinaca kale, Mo Farah waxa uu cambaareeyey Orod-yahanka Ethiopian-ka, Haile Gebreselassie oo ay isla degganaayeen Hotelka dhaca loogu geystay, wuxuuna xusay inuu Orod-yahanka Ethiopianka ku guul-daraystay inuu isaga caawiyo, kadib markii dhaca loogu geystay Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ay Ethiopian leeyihiin. Mo Fraah waxa uu tilmaamay inuu taageero kooban ka helay Shaqaalaha Hoteelka, wuxuuna xusay in aanu Haile Gebreselassie marnaba ka taageerin dhaca loo geystay. Dhinaca kale, mar lala xidhiidhay Milkiilayaasha Hotelka lagu dhacay Mo Fraah waxay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan Telefoonadooda, si wax looga weydiiyo falka lagu dhacay mid ka mid ah Macaamiisha Hoteelkooda. Source
-
Sida ay sheegeen Saraakiisha Midowga Europe ee howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida , ee ( ATLANTA) Burcadbadeeda ayaa weeraray doonyo kaluumeysi oo marayay meel u dhow Xeebaha Somalia. Waxa ay sheegeen saraakiishaasi in weerarkaasi ay fashiliyeen ilaalo la socday doonyahaasi kadib markii Burcadbadeeda Rasaas isweedaarsadeen. Howlgallada Burcadbadeeda ayaa gaabis ku yimid tan iyo sanadkii 2012 hase ahaatee weli waxaa jira cabsi laga qabo weeraro cusub ay fuliyaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Lataliyihii Hore ee madaxweyne Farmaajo Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya iyo dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al Shabaab. Ugu horeyn lataliyahii madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan hadda wax guul ah ka gaari karin dagaalka lagula jiro Al Shabaab, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in xal kale la raadiyo. Xuseen Macalin oo ah guddoomiyaha machad ka faalooda arimaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ka dhabeyso wadahadal lala galo Al Shabaab. Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dhawaan ka dhawaajiyay inuu wadahadal la galayo Al Shabaab, islamarkaana loo baahan yahay inuu ka dhabeeyo wadahadalkaasi si looga baxo dhibaatada ka jirto dalka. “Al shabaab Dowlada dagaal kagama adkaan karto ee xalku waa wada hadal wa in lagu dayaa oo waliba madaxweynuhu uu ka dhabeeyaa “ayuu yiri Xuseen Macalin maxamuud La taliyihi hore ee Madaxweyne Farmaajo. Dhawaan Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya usoo jeediyay inuu ka dhabeeya wadahadal uu la qeybo qeybaha kala duwan ee mucaaradka ku ah dowladiisa. Al Shabaab ayaa dagaal adag kula jira dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida ay wadahadal ku aqbali doonaan, maadaama ay horey usoo bandhigeen sharuuda ay kamid yihiin in dhamaan ciidamada ajaaniibta laga saaro dalka. Wasiirkii hore ee amniga xukuumaddii Xasan Shiekh ayaa horey u sheegay in dowladda Farmaajo ay ku wareejiyeen cadeymo la xiriira in wadahadal ay kula jireen Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors