Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,297
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya NISA ayaa sheegtay Ciidamada ammaanka inay gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab. Kadib hawlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ayaa la sheegay in lagu soo qabtay xubin ka tirsanaa amniyaadka Shabaab. Qoraal la soo dhigay Bogga Twitterka ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sidaasi lagu sheegay. “Howlgal aan cidi wax ku noqon oo ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan. Saraakiisha amniga ayaa ku haya baaritaan la xariira howlaha gurracan ee uu ku jiray.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo galiyay barta Twitter-ka. NISA ayaa habeen hore sheegtay xubin ka tirsanaa amniyaadka Shabaab in laga soo qabtay Degmada Shibis, kadib hawlgal Ciidamada ammaanka ay sameeyeen. Muddooyinkii dambe Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegaysay in la soo qabtay shaqsiyaad Shabaab ka tirsan oo Ciidamada ammaanka ay hawlgal ku soo qabteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ujeedka Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in Hormuud telecom kaqaybqaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare, deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho. Habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqada waxbarahso ee Hormuud ayaa ah imtixaan lagu gelayo 11 maaddo kaas oo ay ka qaybgelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo soddonka arday ee ugu sareysa tiradaas labada boqol ah ay heli doonaan deeqdan waxbarasho ee Hormuud. Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud waxaa kaqaybgalay Wasiiro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururada bulshada iyo marti badan oo kaladuwan Basma Caamir guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay sheegtay u soo jeedisay Hormuud in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee kaqalin jebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso ardaydaas. Jawaahir Baarqab oo kuhadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsan tahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soo bandhigidda Barnaamijka deeqada waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadan doonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa jaamacadda. Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlay magaca bulshada rayidka ayaa kasheegay munaasabadda in lacagtu aanay ahayn oo keli ah qaadasho balse ay soo celinna ay jirto sidaas awgeedna ay tahay in canshuuraha iyo lacagaha ay qaataan shirkadaha ganacsiguna ay tahay in bulshada dib loogu celiyo sida Hormuudba ay sameysay. Guddoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Galaanbe oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in soo bandhigidda Barnaamijkani uu kadhigan yahay rajo weyn oo ay helayaan ardayada Soomaaliyeed sidaas awgeedna ay ardayda ka faa’iideysn doonta barnaamijkan ay iyagana waajib ku tahay in sida loogu tabcay ay tahay in iyaguna ay ugu tabcaan dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa sheegay in Barnaamijka deeqada waxbarasho uu muujinayo rejo iyo yididiilo weyn oo kaalin fiican ka qaadan karta waxbarashada Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha ciidanka Usluubta ayaa sheegay in marka ay dareemaan culeys soo wajahaya tusaale ahaan Usluubta oo kale ay la xiriiraan Hormuud Foundation, waxa uu codsaday in waxbaridda dhallinyarada xoog badan la geliyo si looga baaqsado dhibaato ay sameeyaan dhallinyaradu. Waxa uu si gaar ah u codsaday in dhallinyarada kujirta laamaha kaladuwan ee ciidanka qalabka sida ay hesho waxbarasho isaga oo sheegay in waxbaradda dhallinyaradaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta nabadgelyada iyo in jidadka si fiican loogu shaqeysto. Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxabrasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud kuwaas oo lagu beddelay dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar. Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka Faysal Cumar Guuleed wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada oo Hormuud uga mahadceliyey soo bandhiggidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ayaa sheegay in waxaasarradda waxbarashadu ay kujirto dadaal ballaaran oo dib loogu hagaajinayo waxbarashada, waxa uu sheegay in wasaaraddu diyaarineyso dhismaha guddiga tacliinta sare, taasina ay fududeyn doonto hagaajinta tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada. Eng: Cabdi Cashuur Xasan wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isaga oo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo halabuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyo shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan. Soo bandhigidda iyo hirgelinta ololayaal nuucaan ah ayaa kaalin libaax ka qaadan kara sidii ay kumanaan arday oo Soomaali ah oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay ku heli lahaayeen fursad ay ugu biiraan Jaamacadaha.
  3. (SLT-Moscow)-Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadamir Putin waxa uu shalay soo saaray 2 Wareegto uu ku soo magacaabay Danjire ee Raashiya wakiilka uga noqon doona dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti. Russian President Vladimir Putin listens to Greek President Prokopis Pavlopoulos during their meeting at the Novo-Ogaryovo residence outside Moscow, Russia, Friday, Jan. 15, 2016. (AP Photo/Ivan Sekretarev, pool) Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Macluumaadka Qaanuuniga ee dalkaasi waxaa Danjiraha cusub lagu magacaabaa Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof waxa uu tan iyo sannadkii 2013-kii ahaa Qunsulkii Guud ee Dowladda Raashiya u joogay magaalada Cinaabat ee Bariga dalka Algeria. Dowladda Raashiya wax Safaarad ah kuma laha Soomaaliya. Dhinaca kale Lama shaacinin Rugta Diplomaasiyadeed ee rasmiga ee uu Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof ka hawl-geli doono inay tahay Soomaaliya ama Jabuuti, iyadoo inta badan Danjirayaasha loo soo magacaabo inay Dowladooda u matalaan laba Waddan ay Rug Diplomaasiyadeed ama Safaarad ku yeeshaan mid ka mid ah Waddamadda loo soo magacaabo. Source
  4. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland , ahna xildhibaan ka tirsan aqalka sare Baarlamanka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, ayaa dhaliil culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Faroole oo maanta Garoowe ku soo dhaweeyay, xubno ka tirsan xildhibaannada aqalka sare ku metala dowladda Puntland oo wada-tashi u yimid, ayaa ugu horrayn maamulka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu qalday Dastuurkii KMG ahaa dalka, wixii ay soo diyaariyeenna la isku raaci waayay, sidaas tarteedna dalku haatan uusan wax Dastuura lahayn. “ Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole. Xildhibaanka ayaa sidoo kale xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan. Balse wuxuu tilmaamay in Villa Somalia ay ku fashilantay fara-gelin ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland oo sida uu sheegay ay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaar inkastoo aysan soo bixin dadkii ay wadatay. Senetor Faroole ayaa sii raaciyay in weli xukuumadda Federaalku ay waddo fara-gelinta dowlad goboleedyada, isagoo xusay in ay gebi ahaanba ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay Jubaland islamarkaana ay dabada ka soo riixayso murashixiin dhankeeda ka socda , si ay doorashada Jubaland u fara-geliso. Dhinaca kale, wuxuu Villa Somalia ku eedeeyay, in ay furfurid iyo kala qeybin ku hayso, heerarka kala duwan ee Baarlamaannada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo sida uu sheegay ay shirar iyo kulamo abaabulan ka dhex waddo. Isagoo sii hadlayay ayaa senator Faroole carrabka ku adkeeyay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula jirto nidaamka Federaalka ee dalku qaatay, balse aan cidna laga yeeli doonin in ay burburiso hannaankii umadda Soomaaliyeed ku heshiisay ee Federaalismka. PUNTLAND POST The post Dr Faroole oo eedayn culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 17 bishan ciidamada boolisku ka soo qabtay suuqa Burco ayaan wali dacwad rasmi ah lagu soo oogin laakiin, garyaqaanka difaacaya ayaa iftiimiyay in eedaha hordhaca ahi tilmaamayaan in lagu haysto aragtiyihiisa uu ku qoro baraha bulshada. Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo difaacaya Coldoon ayaa tilmaamay eedaha hor dhaca ah ee lagu soo oogi doono Coldoon “In kastoon dawladu dacwad Rasmi ah ku soo oogin suxufi Abdilmalik Musa Coldoon balse Eedaha Hor dhaca ah ee loo haysto suxufiga waxay yihiin inuu Baahiyay warbixino lidi ku ah qaranimada somaliland iyo Dacaayadayn Madaxda sare ee dawlada ah oo uu qaab maqal iyo muuqaal ah ku baahiyay,” sidaas ayuu ku yidhi Mubaarik qoraal uu ku baahiyay boggiisa. Waxa uu intaasi raaciyay in aanay aragtida qofku dambi ahayn “Anigu markaan fikiray waxay si buuxda u cadaynaysa in suxufiga loo xidhay qoraaladiisa uu ku baahiyo baraha bulshada ee uu ku dhaliilo xukuumada ,Abdilmalik Musa Coldoon waxa uu u xidhan yahay aragtidiisa Aragtiduna dembi maaha oo dastuurka dalka ayaa u damaanad qaaday Muwadiniintu inay cabiraan Afkaartooda.” Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ogolaatay in dacwadda Coldoon lagu qaado maxkamadda gobolka Maroodijeex kadib markii guddoomiyaha maxkamadda Maroodijeex amray in kiista lagu qaado Burco laakiin, xeer ilaalinta iyo booliska oo arrimo ammaan dartood u sheegay in aan Burco lagu qaadin ayay toodu socotay. Source
  6. Dhoobley (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Kenya howlgallo baaritaano ah ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya ay la leedahay dalka Kenya. Ciidamada ayaa la sheegay in tiro dad ah oo u badan Haween ay ku qab qabteen howlgalladaasi. Dadka deegaanka ayaa baaritaanadan walaac ka muujiyay, waxaana ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay ku hayaan dhibaatooyin xoogan. Howlgalladan ayaaku soo aadayaan, xilli dhawaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabeen G/Jubbada Hoose. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa oo saaray qodobo uu kaga hadlayo mowqifkooda ay ka taagan yihiin qabsoomida doorashooyinka dalka waxaanay soo saareen qodobadan. Halkan hoose ka akhriso: Source
  8. Somali security forces confirmed on Thursday the arrest of a senior al-Shabab fighter during a sting operation carried out in Mogadishu. The National Intelligence and Security Agency (NISA) said the suspect who is a member of Amniyat, al-Shabab’s intelligence wing, was rounded up during the security operation on Wednesday night in Elasha area, west of Mogadishu. “The suspect is being investigated over acts of terrorism,” said NISA. The arrest came as both Somalia and African Union Mission in Somali (AMISOM) forces have intensified their onslaught against the extremist group across the Horn of Africa nation. The intensified tactical operations on the frontline have been buoyed by the return to normalcy in some liberated areas, especially in southern Somalia. The allied forces ousted al-Shabab from the capital Mogadishu in August 2011, but the terror group is still in control of certain areas in southern Somalia and capable of conducting attacks. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawan isku afgartay in dib lo bilaabo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey labada dal. Labada dal ayaa ku heshiiyey in safiiradooda dib u bilaabaan howshooda Dimlomaasiyadeed kadib asbuucyo ay hakad ku jirtay maadaama ay taagneyd xiisad ka dhalatay dacwad ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka kadib markii ay Kenya sheegatay qeybo kamid ah Badda Soomaaliya. Lucas Tumbo oo ah Safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Safiirka ayaa dib u dib Muqdisho uga bilaabay howlihiisa diblomasiyadeed, balse waxaa is waydiin mudan sababta uusan Safiirka Soomaaliya weli u tagin Magaalada Nairobi. Amb. Tarsan ayaa Habeen hore Transit ku ahaa Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxaa xilligaas wada hadal dheer loo ogolaaday inuu seexdo Hotel ku yaalla gudaha garoonka, saacadihii uu ku sugnaa garoonka. Tarsan ayaa Shalay Muqdisho kusoo laabtay, waxaana jiro caqabado ka hor taagan inuu dib ugu laabto Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya si uu u qabsado howlihiisa diblomaasiyadeed. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaan weli qorin warqadii codsiga aheyd ee dib u laabashadiisa Nairobi, sidoo kalana waxaa jiraan arrimo kale oo la isla dhex marayo oo ay kamid tahay inuusan Tarsan ku qanacsaneyn inuu dib ugu laabto Nairobi uuna ka fakarayo inay Dowladda Soomaaliya u magacowdo xil kale. Dowladda Kenya ayaa bartamihii bishii February ku amartay Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi inuu dib ugu laabto dalkiisa, halka Safiirkii u joogay Muqdisho ay u yeeratay inuu si degdeg ah u soo galo, iyadoo Kenya xilligaas cabasho ka muujineysay xaraash ay sheegtay in lagu sameeyay shidaal ku jira dhulka badeedka ay sheeganeyso ee uu muranka ka taagan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 33-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25/04/2019, warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda, horumarinta beeraha iyo horumarinta Biyaha. Ugu horayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey arrimaha dhaqaalaha dalka isagoo wasiirku isbarbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay. Waxa kale oo wasiirku uu xusay in hoos u dhac weyni ku yimid arrimaha sicir bararka (Inflation) oo isbedel balaadhan laga gaadhay marka loo eego sanadkii hore bishii march oo uu ahaa 18.9% halka sanadkan bisha march ka ahaa 7.0%. waxaanu wasiirku iftiimiyey in dhakhliga saddex biloodka Jan-March ee sanadkan 2019-ku uu sameeyey kor u kac gaadhaya 43%, marka la barbar dhigo saddex biloodkii Jan-march ee 2018-kii. Dhinaca kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo sharaxay xaaladda roob yaraanta ee sanadkan iyo dib u dhac ku iman doona wax beerista dalagyadii loo qorsheeyey inay ku baxaan roobabkii la filayey inay ku da’aan wakhtigii la sugayey sannadkan, waxaanu xusay wasiirku inay xooga saari doonaan beerista midhaha ku baxaya wakhtiga kooban sida qamandiga, gallayda IWM. Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa golaha u akhriyey warbixin la xidhiidha safar uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah gobollada bariga, waxaanu wasiirku ku dheeraaday biyo yaraan soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Saraar iyo baahida ay u qabaan inay helaan biyo ku filan wakhtigan. Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan. Source
  11. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ahna ku-simaha madaxweynha mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray hirgelinta iyo fulinta xeerka kufsiga, iyada oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii golaha xukuumadda ee khamiistii oo taarikhdu ahayd April, 17, 2019. Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay wasiiradda wasaaraddaha Haweenka, cadaaladda, caafimaadka, taliyaha ciidanka booliska Puntland, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, taliyaha ciidanka danbi baarista, guddoomiyaha guddiga xuuqda aadanaha iyo guddiga sare ee garsoorka. Sidoo kale, madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aasaasay guddiga gaarka ah ee fullinta iyo maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha. Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron 1. Hubinta iyo dabagalka fullinta xukumada kufsiga, 2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga, 3. Baarista haddii ay jiraan waxyaalo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada cilka kufsiga ee dilku la socdo, 4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo ka warbixinayey shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay gargaar caafimaad oo deg deg ah gaarsiisay degmada Taleex ee gobolka Sool kadib markii halkaasi uu ka dillaacay cudurka Shuban-biyoodka. Sabareey ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadka Puntland ay laba kooxood oo caafimaad u dirtay degmada Taleex si ay ula tacaalaan xaaladda cudurka Shuban-biyoodka oo ku dhacay qaar kamid ah bulshada degmadaasi ku nool. Wasiirka ayaa sii raaciyay in kadib markii ay gurmad caafimaad u fidisay xukuumadda Puntland ay haatan xaaladoodu soo hagaagayso dadkii uu ku dhacay cudurka Shuban-biyood ee ka dillaacay degmada Taleex. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay gurmad caafimaad gaarsiisay degmada Taleex oo Shuban ka dillaacay appeared first on Puntland Post.
  13. Balanbale (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xiisad colaadeed laga dareemayo deegaanka Balanbale ee gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa in ay u dhexeyso Maleeshiyo Beeleed wada daga halkaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya in markale dagaallo ay ka dhacay gudaha deegaankaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona Maleeshiyaadka labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiiro, Xildhibaano, Senataro, siyaasiyiin iyo dadweyne faran bada ayaa si weyn u soo dhaweeyay Sheekh Shariif oo haatan ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran. Waxa uu tilmaamay isaga oo la hadlay taageerayaashiisa inuu u yimid arrimo la xariira xisbigiisa oo la sheegay in dib u habeyn iyo isbedal lagu samey rabo. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa tan iyo markii uu isaga tagay xilka ku noolaa dalka dibaddiisa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  15. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna si weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxaa soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb waxaana loo dhigay Roog Cagaaran. Xildhibaanka ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey dadweyne farabadan, Xildhibaano, Wasiiro iyo Odayaal dhaqameedyo. Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal ayaa sharaxaad ka bixiyey Sababta ka dambeyso safarkiisa uu ku kala tagayo Dhuusamareeb iyo Guriceel. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay Mahad Salaad Saakay waxaan safar ugu anbabaxay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug. Safarkeygu wuxuu isugu jiraa: Dib-u-heshiisiin guud iyo mid gaar ahaaneed. Gogol xaar sidii loogu diyaar garoobi lahaa gogashii uu fidiyay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur. Furida mashaariic dhinaca biyaha ah oo aan ka fuliyay tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Guriceel, Balanbale iyo Dhuusamareeb. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  16. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda ay gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka M/Muqdisho. “Howlgal aan cidi wax ku noqon oo Ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka NISA. Hay’adda Nabad Sugida ayaa sidoo kale tilmaantay in Saraakiisha amniga ay ku hayaan baaritaan la xariira howlaha uu ku jiray ninka la soo qabtey, oo aan wali magaciisa iyo goorta gacanta lagu dhigay aan la shaacin. Maalin ka hor, NISA ayaa sheegtay in Ciidanka amniga ay qabten xubin ka mid ah Amniyaatka Al Shabaab oo ku sugnaa degmada Shibis, kaas oo ay xustay in uu ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ee gobolka Banaadir. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan sheegashada NISA ee ah in la qabtey labo xubnood oo garabka Sirdoonkeeda ka tirsanaa. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda horumarinta khayraadka Badda, Kalluumaysiga iyo Xannaanada Xoolaha Xasan Maxamed Cali Xasan gaafaadhi Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyey, Halkan hoose ka akhriso Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo shalay dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa uu isla maanta-ba cisbitalka Gargaar ee magaalada Hargeysa uu ku booqdey Saxafi Khadar Macalin Deeq Tifatirihii Bulsho Tv oo ciidammada Boolisku ay jidh dil u geysteen muddo afar cisho ah ka hor Saxafi Khadar Macalin Deeq ayaa dhawaac ka soo gaadhay misig-ta oo laba meelood dilaac ku yimid, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Addis Ababa (SMN) – Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay go’aankii horaantii bishan April ka soo baxay dowladda Belgium ee ay ku shaacisay in ay ku aqoonsatay baasaboorka dalka Soomaaliya. War-Saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid xoojinaysa xiriirka Soomaaliya iyo Belgium-ka, sidoo kalena u fududeynayso dowladda Federaalka in ay si toos ah ula macaamisho hay’adaha Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay magaaladda Brussels. Xoghayaha Guud ee IGAD Mahboub Maalim ayaa tilmaamay in go’aanka Belgium-ka uu muujinayso in ay jirto kalsooni sii xoogeysanaysa oo Beesha Caalamka ay ku qabaan dowladda Federalka ah ee Soomaaliya. Mahboub Maalim ayaa ugu baaqay dalalka kale ee Yurub inay ku daydaan tallaabada Belgium-ka isagoo ka codsaday in ay aqoonsadaan Baasaboorka Soomaaliya. Dowladda Belgium-ka ayaa todobaad ka hor shaaciayay in ay aqoonsatay Baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha ee Soomaaliya, balse dib u dhigtay aqoonsiga Baasaboorka dadka caadiga ah ah ee aan u shaqeynin dowladda. Dowlado badan ayaa joojiyay in dalalkooda lagu tago Baasaboorka Soomaaliya, kadib markii la riday dowladdii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991, sababo la xiriira amniga. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee heysto Dhalashada dalka UK ayaa waxay Magaalada Muqdisho kula kulmeyn safiirkooda u fadhiyo Soomaaliya. Kulanka labada dhinac oo ka dhacay safaaradda UK ee Muqdisho ayaa waxaa la iskula soo qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya, sida ay u wada shaqeyn karaan labada dal iyo waxyaabaha la midka ah. Safaaradda INgiriiska ee Soomaaliya ayaa intii uu kulanka socday waxaa ay soo bandhigtay habka ay u socdaan kaalmada Dowladda UK ay ku bixiso Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Dalalka Ingiriiska iyo Soomaaliya oo ay si wadajir ah uga shaqeynayaan safaaradda UK ee Muqdisho iyo Xildhibaannada heysta dhalashada Ingiriiska eek u jira Baarlamaanka Soomaaliya. Inta badan Xildhibanada, Wasiirada iyo madaxda ugu sareeyo dalka ayaa heysto dhalasho dalal kale taasoo qeyb ka ah Xisilooni darada siyaasadeed ee ka taagan dalka maadaama ay ka shaqeenayaan danaha dalal kale isla markaasna aysan dan ka laheyn dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-250419-sx.mp3 View the full article