Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,312
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Gardafuu ayaa kormeer shaqo ku maray qaybo ka mid ah Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi. Waftigan kormeerka shaqo ku tagay [...] Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Marwo Faadumo Siciid Oo Ka Warbixisay Nuxurka Kulamo Ay Maanta La Qaadatay Madaxda Ugu Sarraysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Sweden, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Somaliland: Are The Police Force Losing Control & Becoming Oppressors? We will never accuse all the members of the Somaliland Police Force of being ill-trained, out of control brutes, because for every few bad apples, there are countless others doing their work diligently and serving the public. But, there is no smoke without fire. The recent actions by some members of the Somaliland Police Force, as the pictures below indicate, have tainted the image of the force. From dire conditions in many of the police divisions and stations in the country with regard to people in custody, corruption, physical abuse and other malfeasance, and all of this despite extensive training from both public and private organisations. So, what ails the Somaliland Police Force? It all starts at the top. If the chain of command is unable to make changes to or discipline the officers walking the beat and manning the stations, then it is time for a change at the top. Major General Abdillahi Fadal Iman has been commissioner for more than a decade. The commissioner is a dedicated servant of the republic, but has he been too long in place? Has he become complacent and out of touch? Does he have what it takes to improve the conduct of his officers? His deputy, Abdirahman Liban Fohle, another dedicated public servant, has also been in place just as long. Is he also out of touch? A new generation of younger and more active officers are now in the force, is it time for them to take charge? The actions of certain officers in contravention of police guidelines need to be addressed and remedied. Police Officers are public servants. They are there to help and protect the population, they are not there to harass women and children, or beat up journalists. It is time to root out those unfit to be law enforcement officers and make changes at the top. The Somaliland Police Force needs an inspector general to investigate police conduct and monitor their training and education. Somaliland prides itself on being a democratic and stable country, but if our law enforcement officers consider themselves to be above the law, then that pride is hollow. Wa Bilaahi Towfiq. Ahmed Kheyre Qaran News
  4. Shirkii Golaha Wasiirada ee dowladda Puntland oo uu Shir Goddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta waxaa looga [...] Source
  5. Magaalada Bosaaso ayaa maanta waxaa laga xusay maalinta malaaliyada 25-4-219, waxaana halkudhiga sanadkan uu ahaa kabilow ciribtirka duumada naftaada. Halkan kadaawo. Source
  6. Muqdisho ( SMN). Shirkadda Isgarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay Deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideyan doonaan ardayada Soomaaliyeed ee dhammeysa dugsiyada sare ee dalka. Ujeedka Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in Hormuud telecom kaqaybqaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare, deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho Habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqada waxbarahso ee Hormuud ayaa ah imtixaan lagu gelayo 11 maaddo kaas oo ay ka qaybgelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo soddonka arday ee ugu sareysa tiradaas labada boqol ah ay heli doonaan deeqdan waxbarasho ee Hormuud. Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud waxaa kaqaybgalay Wasiiro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururada bulshada iyo marti badan oo kaladuwan Basma Caamir guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay sheegtay u soo jeedisay Hormuud in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee kaqalin jebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso ardaydaas. Jawaahir Baarqab oo kuhadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsan tahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soo bandhigidda Barnaamijka deeqada waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadan doonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa jaamacadda. Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlay magaca bulshada rayidka ayaa kasheegay munaasabadda in lacagtu aanay ahayn oo keli ah qaadasho balse ay soo celinna ay jirto sidaas awgeedna ay tahay in canshuuraha iyo lacagaha ay qaataan shirkadaha ganacsiguna ay tahay in bulshada dib loogu celiyo sida Hormuudba ay sameysay. Guddoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Galaanbe oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in soo bandhigidda Barnaamijkani uu kadhigan yahay rajo weyn oo ay helayaan ardayada Soomaaliyeed sidaas awgeedna ay ardayda ka faa’iideysn doonta barnaamijkan ay iyagana waajib ku tahay in sida loogu tabcay ay tahay in iyaguna ay ugu tabcaan dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa sheegay in Barnaamijka deeqada waxbarasho uu muujinayo rejo iyo yididiilo weyn oo kaalin fiican ka qaadan karta waxbarashada Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha ciidanka Usluubta ayaa sheegay in marka ay dareemaan culeys soo wajahaya tusaale ahaan Usluubta oo kale ay la xiriiraan Hormuud Foundation, waxa uu codsaday in waxbaridda dhallinyarada xoog badan la geliyo si looga baaqsado dhibaato ay sameeyaan dhallinyaradu. Waxa uu si gaar ah u codsaday in dhallinyarada kujirta laamaha kaladuwan ee ciidanka qalabka sida ay hesho waxbarasho isaga oo sheegay in waxbaradda dhallinyaradaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta nabadgelyada iyo in jidadka si fiican loogu shaqeysto. Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxabrasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud kuwaas oo lagu beddelay dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar. Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka Faysal Cumar Guuleed wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada oo Hormuud uga mahadceliyey soo bandhiggidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ayaa sheegay in waxaasarradda waxbarashadu ay kujirto dadaal ballaaran oo dib loogu hagaajinayo waxbarashada, waxa uu sheegay in wasaaraddu diyaarineyso dhismaha guddiga tacliinta sare, taasina ay fududeyn doonto hagaajinta tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada. Eng: Cabdi Cashuur Xasan wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isaga oo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo halabuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyo shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan. Soo bandhigidda iyo hirgelinta ololayaal nuucaan ah ayaa kaalin libaax ka qaadan kara sidii ay kumanaan arday oo Soomaali ah oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay ku heli lahaayeen fursad ay ugu biiraan Jaamacadaha. View the full article
  7. Muqdisho (PP) ─ Taliyaha Ciidanka Badda ee waddanka Yemen, Jen. Khaalid Al-qamli ayaa sheegay in tahriibayaasha geeska Afrika ka yimaada ay khatar weyn ku yihiin dalkiisa, isagoo xusay inay ku biiraan xuuthiyiinta ama ay tahriib ahaan ugu sii gudbaan Sacuudiga, Sudan iyo Liibiya. Sidoo kale, taliyaha ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey shabakada khaaska ee wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, isgaoo xusay inay dadka tahriibayaasha Itoobiya ay si joogta ah u soo gaaraan xeebaha gobollada kala ah; Shabwa, Laxaj iyo Abyan oo dhammaantood ka tirsan Yemen. Wuxuu kaloo taliyuhu xusay inay qaarkood ku biiraan kooxaha Xuuthiyiinta oo ay u dhisaan dhufaysyadda ama ay ka bar-bar dagaalamaan, halka kuwo kale ay u gudbaan Sacuudiga ama Sudan oo ay uga sii gudbaan Liibiya illaa ay ka gaaraan Qaaradda Yurub. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Badda Yemen, Jen, Khaalid Al-qamli wuxuu ku sheegay wareysigiisa inay tahriibayaasha hub iyo daroogo ka keenaan geeska Afrika, si ay ugu gudbiyaan waddamada gobalka, sida ay xaqiijiyeen isbahaysiga dowliga ee saldhigiisu yahay dalka Baxrayn iyo Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo. Dhanka kale, Jen. Khaalid Al-qamli ma uusan soo hadal qaadin haddii in muhaajiriinta Soomaalida ah ay ku lug leeyihiin falalkaas, iyadoo ay ka mid yihiin muhaajiriinta gaara dalka Yemen dhallinyaro Soomaaliyeed oo rag iyo hablo isugu jira. Ugu dambeyn, Billowgii bishan Abriil ee 2019-ka ayay shabakadda wararka u faafisa millateriga Yemen waxay qortay inay milliteriga Yemen dileen 30-qof oo Soomaali ah oo ka bar-bar dagaallamaysay kooxda xuuthiyiinta ah ee ka dagalaamaya yemen. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Yemen oo walaac ka muujinaysa Tahriibayaasha uga imaanaya dhanka Afrika appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya eeuu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. Faroole ayaa ku dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya inay u hartay kaliya laba sano, sidaasi ay tahayna Dastuurkii dalka uu qabyo yahay wado qaldana lagu wado. “Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole oo Garoowe ka hadlay maanta. Xildhibaanka ayaa sidoo kale Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan. Balse wuxuu tilmaamay in Villa Somalia ay ku fashilantay fara-gelin ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland oo sida uu sheegay ay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaar inkastoo aysan soo bixin dadkii ay wadatay. Senetor Faroole ayaa sii raaciyay in weli xukuumadda Federaalku ay waddo fara-gelinta dowlad goboleedyada, isagoo xusay in ay gebi ahaanba ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay Jubaland islamarkaana ay dabada ka soo riixayso murashixiin dhankeeda ka socda , si ay doorashada Jubaland u fara-geliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu isku koobay taladii dalka. Cali Guray ayaa tusaale u soo qaatey hadii ay laba islaamood ay is qabsadaan in aaney dhamaaneen ilaa xafiiska madaxweynaha ay gaadho oo uu madaxweynuhu go’aan ka gaadho, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (PP) ─ Boqolaal shacabayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyay Muqdihso madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo xubanaha soo dhaweeyay ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia. Imaashaha Sheeh Shariif ayaa la sheegay inay salka ku hayso kulan uu maalinta Sabtida ah Muqdisho ku yeelan doono xisbiga Himilo Qaran oo uu aasaaskiisa lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Wafdiga Shariifka ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kulan muddo qaatay kula yeeshay wasiirka amniga Somalia, Maxamed Abuukar Isloow [Ducaale], iyagoo kawada hadlay xaaladda ammaan ee dalka, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qodobbada kale ee ay kawada hadleen. Madaxweynihii hor ee Somalia hadal kooban oo uu taageerayaashiisa ugu jeediyay dhismaha uu ka daggan yahay Muqdisho, wuxuu ku sheegay inuu u mahad-celinayo cid walba oo gacan ka geysatay soo dhaweyntiisa, ayna dib iska arki donaan. Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xisbiga Himilo Qaran ay xubnihiisu kulan ballaaran ku yeelan doonaan Muqdisho Sabtida soo socota, iyadoo la filayo in looga dhawaaqo kulankaas hoggaanka iyo xubnaha xisbiga iyadoo la sheegay in hoggaamiye laga dhigi doono Guddoomiyihiii Hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Warar kale, ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kulan kula yeelan doono Vlla Somalia Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo haatan safar uga maqan dalka, iyadoo aan la ogeyn qodobbada ay kawada hadli doonaan iyo waxa kulankooda kusoo beegan xilligan oo ay socoto dambeyl siyaasadeed. Ugu dambeyn, Imaanshaha Shariif Sheekh Axmed iyo kulanka xisbiga uu aasaaskiisa leeyahay ee Himilo Qaran ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli ay dalka ka jiraan muranno siyaasadeed oo u dhexeeya DF iyo Axsaabta kasoo horjeeda hab-maamulka madaxda dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Safiirka Jabuuti Fadhiya Hargeysa Oo Casuumay Wasiiradda Gaashandhiga iyo Warfaafinta Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Geel-jire ayaa waxaa uu arrin lala yaabo ku tilmaamay heshiis ay xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay si gaar ah uga wada gaadheen arrimaha doorashooyinka. Siyaasi Cabdillaahi Geel-jire ayaa sidoo kale madaxweyne Biixi ku eedeyay in aanu shacabka Somaliland dhex u aheyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Senatarada Aqalka Sare ee ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland oo maanta ku laabtay deegaan doorashada Garoowe ayaa sheegay iney halkaasi u tageen wadatashi iyaga oo walaac ka muujiyey xaaladda dalka ee amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo xubnaha soo dhoweeyey ayaa ugu horeyntii sheegay in dalku ku jiro xaalad degenaanshiyo la’aan isaga oo soo qaatey in dhex-dhexaadintii aqalka sare ee dowladda federaalaka ah iyo dowladaha xubnaha ah aan weli dib la isugu soo noqon sii la rabay, oo weli waa taagan. Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri‘Dastuurkii qabyada ahaa waddada uu ku socdo waa qalad, oo wax ka hagaagey ma jiraan, 4-tii sano ee hey’adaha dowladda waxaa ka haray 18 bil wax dastuur ahna ma jiraan, maxaa yeelay dadkii ka shaqeyn lahaa dastuurka ayaa qaarkood maqan, waxaa maqan xubnihii maamullada ka socon lahaa, oo waxaa is hortaagey dowladda dhexe, waxaa ku xiga amniga dalka meesha uu marayo dhibaato badan ayaa ka jirta, waxaa jirta fagalelin doorasho oo Koonfur galbeed faragelintii ka dhacdey, dadka la dilay, kuwa xiran, waad ka war heysaan, doorashadii Puntland dowladda dhexe lacag xoog ah bey ku bixisay oo 21-ka tartamayey badidooda lacag ayaa la siiyey, si loo carqaladeeyo iney dhacdo doorasho xaq ah, oo xalaal ah, laakin nasiib wanaag dadka halkan jooga ciddii ay rabaan ayey doorteen, waxaa hadda taagan arrintii Jubbaland, oo xukuumadda heshiis la soo gashay wixii lagu heshiiyey wax micno leh oo ka hirgalay ma jiraan, dad badab baa jira Xamar lagu masruufo oo tartamaya, dad badan ayaa jira carqalad halkaasi ka wada, taasi international Communityga waa ogtahay, innagu waan ognahay, shacabkuna waa inuu ogaa, labadii aqal faragelin iyo furfurid ayaa lagu hayaa waddanka meel fiican uma socdo, ninkii is leh wax baad ka bedeli kartaa waa inuu ogaadaa qol buu ku xiran yahay federaal la yiraahdo oo furihii ay maamulada heystaan iyo aqalka sare haystaan,” Senator Cabdirisaq Xasan Jurille ayaa dhankiisa xusay iney halkaasi u tageen wadatashi iyo in Puntland dowlad goboleed ahaan iyo Senatorro ahaan hal dhinac wax ka wada arkaan oo hal buug wax ka akhriyaan. Senator Jurille oo arrimahaas ka hadlayey waxaa uu yiri” Guddiga aqalka sare ee arrimaha gudaha iyo federaleynta inuu bilaabayo safar uu ku marayo dowladaha xubnaha ka ah, Puntland ayey ka bilaabayaan, xubnaha hadda socda guddiyo kale ayey ku kala jiraan sida guddiga arrimaha gudaha, guddiga kheyraadka, guddiga xeer-hoosaadka aqalka”. Senator Mahdi Daahir Sheikh Nuur oo ka mid ah mid ah guddiga xeer-hoosaadka iyo shuruucda ee Aqalka sare oo ka Hadley shirka jaraa’id ayaa sheegay in khakhal uu jiro oo siyaasi iyo mid amni “Kacsoon siyaasi ayaa jira, intii uu siyaasiyiinta dhexdooda yaal waa baab, laakin shacabkana ay lugta la gashay” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa, waxaa uu soo qaatey in Siyaad Barre u dhacay markii uu kalsooni ka waayey shacabka, taasina ay taagan tahay. “Horta illaah waxaan ka baryaynaa Xamar mar bay burburtay in aanay mar labaad burburin” ayuu yiri Sen. Mahdi Sen. Mahdi ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey“Waxaan u fadhinnaa in Soomaaliya kala tagin, askarta ilaalisa shacabka waadhagax, ganacsihihii kala wareeg galaayo waa dhib, waxaa looga fadhiyaa xal waafi ah, oo laga gudbo midda lagu jiro”. Senator Maxamuud Axmed Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in imaatinkooda uu xaq dastuuri ah yahay, waxaa uu xusay in 2-badii sano ee tagay ay caan noqotey xiriirka ayaa loo jaray, khilaaf xoog lehna uu jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadashay waddamada ugu halista badan Caalamka ee ay tahay in ay ka fogaadaan muwaaddiniinteeda. Waddamadan oo guud ahaan ka kooban 35 dal, ayaa loo kala sameeyay heerarka 4aad, 3aad, 2aad iyo 1aad. Heerka ugu halista badan waxaa uu yahay midka 4aad,waddamada kujira waxaa ka mid ah Soomaaliya,waxaana loo aqoonsaday in ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee lagu afduubto dadka Mareykanka ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa uga digtay muwaaddiniinteeda in guud ahaan heerka 4aad waddamada ku jira ay u safraan halka heerarka kale la faray in ay feejignaadaan. Haiti Iran Iraq Libya Mali Somalia South Sudan Syria Venezuela Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya NISA ayaa sheegtay Ciidamada ammaanka inay gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab. Kadib hawlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ayaa la sheegay in lagu soo qabtay xubin ka tirsanaa amniyaadka Shabaab. Qoraal la soo dhigay Bogga Twitterka ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sidaasi lagu sheegay. “Howlgal aan cidi wax ku noqon oo ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan. Saraakiisha amniga ayaa ku haya baaritaan la xariira howlaha gurracan ee uu ku jiray.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo galiyay barta Twitter-ka. NISA ayaa habeen hore sheegtay xubin ka tirsanaa amniyaadka Shabaab in laga soo qabtay Degmada Shibis, kadib hawlgal Ciidamada ammaanka ay sameeyeen. Muddooyinkii dambe Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegaysay in la soo qabtay shaqsiyaad Shabaab ka tirsan oo Ciidamada ammaanka ay hawlgal ku soo qabteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ujeedka Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in Hormuud telecom kaqaybqaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare, deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho. Habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqada waxbarahso ee Hormuud ayaa ah imtixaan lagu gelayo 11 maaddo kaas oo ay ka qaybgelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo soddonka arday ee ugu sareysa tiradaas labada boqol ah ay heli doonaan deeqdan waxbarasho ee Hormuud. Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud waxaa kaqaybgalay Wasiiro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururada bulshada iyo marti badan oo kaladuwan Basma Caamir guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay sheegtay u soo jeedisay Hormuud in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee kaqalin jebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso ardaydaas. Jawaahir Baarqab oo kuhadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsan tahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soo bandhigidda Barnaamijka deeqada waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadan doonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa jaamacadda. Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlay magaca bulshada rayidka ayaa kasheegay munaasabadda in lacagtu aanay ahayn oo keli ah qaadasho balse ay soo celinna ay jirto sidaas awgeedna ay tahay in canshuuraha iyo lacagaha ay qaataan shirkadaha ganacsiguna ay tahay in bulshada dib loogu celiyo sida Hormuudba ay sameysay. Guddoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Galaanbe oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in soo bandhigidda Barnaamijkani uu kadhigan yahay rajo weyn oo ay helayaan ardayada Soomaaliyeed sidaas awgeedna ay ardayda ka faa’iideysn doonta barnaamijkan ay iyagana waajib ku tahay in sida loogu tabcay ay tahay in iyaguna ay ugu tabcaan dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa sheegay in Barnaamijka deeqada waxbarasho uu muujinayo rejo iyo yididiilo weyn oo kaalin fiican ka qaadan karta waxbarashada Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha ciidanka Usluubta ayaa sheegay in marka ay dareemaan culeys soo wajahaya tusaale ahaan Usluubta oo kale ay la xiriiraan Hormuud Foundation, waxa uu codsaday in waxbaridda dhallinyarada xoog badan la geliyo si looga baaqsado dhibaato ay sameeyaan dhallinyaradu. Waxa uu si gaar ah u codsaday in dhallinyarada kujirta laamaha kaladuwan ee ciidanka qalabka sida ay hesho waxbarasho isaga oo sheegay in waxbaradda dhallinyaradaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta nabadgelyada iyo in jidadka si fiican loogu shaqeysto. Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxabrasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud kuwaas oo lagu beddelay dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar. Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka Faysal Cumar Guuleed wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada oo Hormuud uga mahadceliyey soo bandhiggidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ayaa sheegay in waxaasarradda waxbarashadu ay kujirto dadaal ballaaran oo dib loogu hagaajinayo waxbarashada, waxa uu sheegay in wasaaraddu diyaarineyso dhismaha guddiga tacliinta sare, taasina ay fududeyn doonto hagaajinta tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada. Eng: Cabdi Cashuur Xasan wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isaga oo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo halabuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyo shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan. Soo bandhigidda iyo hirgelinta ololayaal nuucaan ah ayaa kaalin libaax ka qaadan kara sidii ay kumanaan arday oo Soomaali ah oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay ku heli lahaayeen fursad ay ugu biiraan Jaamacadaha.
  17. (SLT-Moscow)-Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadamir Putin waxa uu shalay soo saaray 2 Wareegto uu ku soo magacaabay Danjire ee Raashiya wakiilka uga noqon doona dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti. Russian President Vladimir Putin listens to Greek President Prokopis Pavlopoulos during their meeting at the Novo-Ogaryovo residence outside Moscow, Russia, Friday, Jan. 15, 2016. (AP Photo/Ivan Sekretarev, pool) Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Macluumaadka Qaanuuniga ee dalkaasi waxaa Danjiraha cusub lagu magacaabaa Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof waxa uu tan iyo sannadkii 2013-kii ahaa Qunsulkii Guud ee Dowladda Raashiya u joogay magaalada Cinaabat ee Bariga dalka Algeria. Dowladda Raashiya wax Safaarad ah kuma laha Soomaaliya. Dhinaca kale Lama shaacinin Rugta Diplomaasiyadeed ee rasmiga ee uu Danjire Mikaa’iil Al-yaksifiish Golofanoof ka hawl-geli doono inay tahay Soomaaliya ama Jabuuti, iyadoo inta badan Danjirayaasha loo soo magacaabo inay Dowladooda u matalaan laba Waddan ay Rug Diplomaasiyadeed ama Safaarad ku yeeshaan mid ka mid ah Waddamadda loo soo magacaabo. Source
  18. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland , ahna xildhibaan ka tirsan aqalka sare Baarlamanka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, ayaa dhaliil culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Faroole oo maanta Garoowe ku soo dhaweeyay, xubno ka tirsan xildhibaannada aqalka sare ku metala dowladda Puntland oo wada-tashi u yimid, ayaa ugu horrayn maamulka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu qalday Dastuurkii KMG ahaa dalka, wixii ay soo diyaariyeenna la isku raaci waayay, sidaas tarteedna dalku haatan uusan wax Dastuura lahayn. “ Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole. Xildhibaanka ayaa sidoo kale xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan. Balse wuxuu tilmaamay in Villa Somalia ay ku fashilantay fara-gelin ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland oo sida uu sheegay ay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaar inkastoo aysan soo bixin dadkii ay wadatay. Senetor Faroole ayaa sii raaciyay in weli xukuumadda Federaalku ay waddo fara-gelinta dowlad goboleedyada, isagoo xusay in ay gebi ahaanba ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay Jubaland islamarkaana ay dabada ka soo riixayso murashixiin dhankeeda ka socda , si ay doorashada Jubaland u fara-geliso. Dhinaca kale, wuxuu Villa Somalia ku eedeeyay, in ay furfurid iyo kala qeybin ku hayso, heerarka kala duwan ee Baarlamaannada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo sida uu sheegay ay shirar iyo kulamo abaabulan ka dhex waddo. Isagoo sii hadlayay ayaa senator Faroole carrabka ku adkeeyay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula jirto nidaamka Federaalka ee dalku qaatay, balse aan cidna laga yeeli doonin in ay burburiso hannaankii umadda Soomaaliyeed ku heshiisay ee Federaalismka. PUNTLAND POST The post Dr Faroole oo eedayn culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Hargeysa)-Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 17 bishan ciidamada boolisku ka soo qabtay suuqa Burco ayaan wali dacwad rasmi ah lagu soo oogin laakiin, garyaqaanka difaacaya ayaa iftiimiyay in eedaha hordhaca ahi tilmaamayaan in lagu haysto aragtiyihiisa uu ku qoro baraha bulshada. Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo difaacaya Coldoon ayaa tilmaamay eedaha hor dhaca ah ee lagu soo oogi doono Coldoon “In kastoon dawladu dacwad Rasmi ah ku soo oogin suxufi Abdilmalik Musa Coldoon balse Eedaha Hor dhaca ah ee loo haysto suxufiga waxay yihiin inuu Baahiyay warbixino lidi ku ah qaranimada somaliland iyo Dacaayadayn Madaxda sare ee dawlada ah oo uu qaab maqal iyo muuqaal ah ku baahiyay,” sidaas ayuu ku yidhi Mubaarik qoraal uu ku baahiyay boggiisa. Waxa uu intaasi raaciyay in aanay aragtida qofku dambi ahayn “Anigu markaan fikiray waxay si buuxda u cadaynaysa in suxufiga loo xidhay qoraaladiisa uu ku baahiyo baraha bulshada ee uu ku dhaliilo xukuumada ,Abdilmalik Musa Coldoon waxa uu u xidhan yahay aragtidiisa Aragtiduna dembi maaha oo dastuurka dalka ayaa u damaanad qaaday Muwadiniintu inay cabiraan Afkaartooda.” Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ogolaatay in dacwadda Coldoon lagu qaado maxkamadda gobolka Maroodijeex kadib markii guddoomiyaha maxkamadda Maroodijeex amray in kiista lagu qaado Burco laakiin, xeer ilaalinta iyo booliska oo arrimo ammaan dartood u sheegay in aan Burco lagu qaadin ayay toodu socotay. Source
  20. Dhoobley (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Kenya howlgallo baaritaano ah ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya ay la leedahay dalka Kenya. Ciidamada ayaa la sheegay in tiro dad ah oo u badan Haween ay ku qab qabteen howlgalladaasi. Dadka deegaanka ayaa baaritaanadan walaac ka muujiyay, waxaana ay sheegeen in Ciidamada Kenya ay ku hayaan dhibaatooyin xoogan. Howlgalladan ayaaku soo aadayaan, xilli dhawaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabeen G/Jubbada Hoose. View the full article