-
Content Count
208,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi; Aqristoow waxaa maalintii Isniinta, taariikhduna kubeegneyd 22-kii bishan Abriil ee 2019-ka, shir lagu qabtay caasimada Nairobi, ee dalka xurgufta arinta badda inaga dhaxeeysee Kenya. Shirkaa oo ay isugu yimadeen qeyb ka mid ah, siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, dowladda dhexee loowada dhanyahee Soomaaliyeed. Shirkaa waxaa laga soosaaray war-Murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob, oo eey ka mid aheyd, ineey xukuumad cusuboo tan hada jirta garab-yaacda, soodhisi doonaan bisha Juune 2019-ka (Bil kabacdi), hadaan sideey rabaan looyeelin. Marka aad eegto sawirka guude siyaasadeed (The bigger political picture), iyo xurgufta dhanka baddeena ah, ee qarankeena Soomaaliyeed kala dhaxeeysa dalka Kenya, waxaa kuu muuqaneeysa, in Kenya oo hore uga mamnuucday siyaasiyiinta mucaaradka sheegta, ineey dalkeeda kuqabtaan shirar lagu duminayo dowlada Soomaaliya, ay hada iskadaa ineey ufasaxdo’e, eeyba wax ka abaabuleeyso shirarkii dowlada Soomaaliya horeyba loogu foowdeeyn jiraye dalkeeda lagu qaban jiray, si eey cabur siyaasadeed (Political pressure) uga dhigto doowlada Soomaaliya. Nasiibdarrada! Ugu weyn ayaase ah, ineey isticmaaleeyso siyaasi-isku sheegyo, duubka sare Soomaali ka ah, balse aan garan karin, ama aanba kala jecleyn, meesha Kenya ka dabaaqtameeyso ee ah, ineey dowlada Soomaaliya cadaadis siyaasadeed saarto, buuq iyo foowdana ku furto, maadaama dowlada maanta jirta, ee matasha qaranka ummadeena Soomaaliyeed iska diiday, ineey la laabato kiista badda, ee yaalla maxkamada caalamiga ah, si loogu wada hadlo maxkamada bannaankeeda, xeer jajabna loogu xalliyo, maadaama Kenya sidaa dalbatey, una aragto ineey danta qarankeeda sidaa ugu jirto, ogtahayna in laga guuleeysanayo, mar hadii lagu kala baxayo maxkamada aduunka. Waa su’aale, maxaa damiirka, iyo dadnimada kaqaaday, kuwan laga dhiganayo, dubbihii dalkooda lagu garaacan lahaa, si dalkaa shisheeyee Kenya ugaaro danaha qarankiisa? Waxaa jirta xikmad aduunkoo dhan caan ka ah, oo uu yiri nin la dhoho Mark Twain, ninkaa oo noolaa intii u dhaxeeysey (30-kii Nofeembar 18350-kii–Illaa- 21-kii Abriil, 1910-kii). Ninkaa wuxuu ahaa qoraa, macallin, daabacaa, iyo garacsade intaba. Wuxuu af-qalaad ku yiri sidatan: “Patriotism is supporting your country all the time, and your government when it deserves it”, taasoo micnaheedu yahay: “Wadaniyadu waa in aad taageero, ama garab-istaagto dalkaada markasta, doowladaadana marka eey u qalanto, ama istaahisho”. Waa yaabka yaabkiise! Siyaasiyiintaa eey Kenya kushirisey Nairobi, ma intaa ayey garan waayeen subxaanallaahiye! Bal hadana aan iftiiminno kooxdan Kenya inoo isticmaaleeysee, xerada eey kusoo xareeysatay. Siyaasiyiinta meesha isugu yimid waxeey ahaayeen illaa shan (5) qeeybood: 1-Qeeybta koobaad; Waa kuwii in mudo ahba qeeylada, sawaxanka, iyo buuqa kawaday caasimada qarankee Muqdisho. Kuwan waxaa ugu caansan “Afarta Isku Jufada ah”, iyo “Qeeyla-Quutayaasha” aan kaxishoone, meelaha la taagan ereyada ah: 91-kiibaa loo noqonayaa, iyo RW Xasan Cali Kheyre sidee raysalwasaare looga dhigay, Sida: C/Raxmaan C/Shakuur Warsame (Mr. Farmaajo ayaa xamar marti ku ah), Axmed Macalin Fiqi (Mr. 91 ayaa loo noqonayaa), Kamaal Daahir Gutaale, & C/Qaadir Cosoble, …. Iyo kuwa la midka ah. Raysalwasaaraha hala eryo, oo midkeen halagu badaladii eey bilaabeen isla maalintii raysalwasaaraha lamagacaabay, ayey maantana ku sooceliyeen. Wax cusub masoo kordhin, illeen hadafkoodu waa intaase. Nasiibwanaag! Illaa maanta weey ushaqeyn la’dahay, beriba yeelkeede. 2-Qeybna labaad; Waa kuwo xilal looga qaaday sababo kala duwan, kana caareeysan xil ka qaadistaa, oo dowlada uga aargoosanaya shirkan, iyo fowdada laga soosaaray, Sida: Cabdi Faarax Juxa (kaasoo xilka looga qaaaday qabyaaladeyntii ba’neyd, ee Wasaarada Arimaha Gudaha), iyo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe (kaasoo xilka looga qaaday, iskudaygii gudaha ka fashilinta doowladada maanta jirta, waa siduu u abaabulay kiiskii Qalbi-Dhagax’e ), …. Iyo kuwa la midka ah. 3-Qeybta sadexaad; Waa koox in mudo ahba doowlada ka taageereeysey/difaaceeysey dhanka warbaahinta, maadaama qaarkood madaxda dowlada saaxiibo dhow la yihiin, halka qaar kalana saaxiibtinimadaa ku darsadeen, ineey isku xisbiba (Tayo) ahaayeen madaxweyne Farmaajo, balse markii eey ku hungoobeen, rajadii aheyd in arimahaa dartood xil culus loogu magacaabidoono, ayey furka ku tuureen doowlada, si eey umuujiyaan caradooda xargaha goosatay, isuguna diyaariyaan sidii eey ulasii qabsan lahaayeen, madaxda imaandoonta mutaqbalka, waa hadii madaxda maanta joogta aaneey soonoqone, maadaama dowlada maanta jirta, waqtiga kasii dhamaanayo. Dadkaa waxaa ka mid ah: Dr. Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, …. Iyo kuwa la midka ah. 4-Qeybta afaraad; Waa kuwo dagaal qabyaaladeedoo fac weyn kujira, oo mabda’a qabyaaladeed shalayna madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku weerarayey, in mudo ahna madaxweyne Farmaajana ku taageerayey. Waxeey rajeeynayeen ineey arkaan madaxweyne Farmaajo oo dhankasta ugu sad-buriya maamullada qaarkood (Sida Jubbaland iyo Puntland), kuwa kalana u geysta, burburin eeysan abidkood kasoo kaban (Sida Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle). Waxeey sidoo kale filayeen, inuu madaxweeynuhu isku darsandoono awoodaha qarankoo dhan, sidii hore u dhici jirtayba.Waxeey aad uga careeysan yihiin, madaxweynahan awoodiisii sharciga aheyd udaayey raysalwasaaraha, kuna ekaaday tiisa dastuuriga ah. Ragaa waxaa horboodaya: Feeysal Cabdi Rooble (Mr. No diin Islaam!). Waxaana ka mid ah Prof. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi), …. Iyo kuwa la midka ah 5-Qeybta ugu dambeeyseysee shanaad, Waa qeyb tirade lagu badsado, iskana ah “Sumeeynu Dhaan Raacday”, iyo halagaa dhex arko wixiiba doowlada ushiraya. Mahadsanidiin Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (PP) ─ Dagaal culus ayaa xalay ku dhexmaray ciidamada DF iyo xoogag ka tirsan kuwa Al-shabaab deegaannada Sabiid iyo Caanoole oo ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, inkastoo aan weli la ogeyn khasaarha ka dhashay inta ay le’eg tahay. Iska-hor-imadkan ayaa billowday kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidammada dowladda Spmalia ku leeyihiin labadaan deegaan, deegaannadaas oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada DF uuna booqday madaxweyne Farmaajo. Wararrka ayaa sheegaya in dagaalkan uu socday muddo saacado ah, balse illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay, inkastoo dadka deegaankaas ku nool ay sheegayaan inay khasaarooyin kala duwan jiraan. Saraakiil ka tirsan ciidanka millateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale, Kooxdas Al-Shabaab ayaa warar ku qoreen baraha internet-ka ay ku leeyihiin waxay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah saldhigyada ciidamada Dowladda ee deegaanadaas, isla markaana ay ku dileen tiro askar ah. Ugu dambeyn, Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka Afgooye ayaa waxaa dhowr todobaad ka hor la wareegay ciidamada DF, iyadoo saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay sii wadi doonaan hawl-galka ka dhan ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xalay weerartay Saldhigyo ay Ciidamada DF ku leeyihiin Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan islamarkaana wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda qoyskii Marxuum Caasho Ilyaas oo dil iyo kufsi loogu geestay Gaalkacyo. Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in falkii ka dhacay Gaalkacyo hadii aan loo helin Ciqaab la marsiiyo dadkii ka dambeeyay ay ka dhalan doonto Ciqaab iyo Aafo xun oo saamayso dhamaan umadda Soomaaliyeed. Sheekha ayaa sidoo kale fal aad u xun ku micneeyay in qoyskii dhibka gaaray hadana ay la sii kulmaan jir xumeen iyo faquuq bulshada dhaxdeeda ah. Sheekh Maxamuu ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Gaalkacyo ka dalbaday in ay ka dhiidhiyaan cadaalad darrada dadkii falkaasi fuliyay iyo faquuqa lagu sameeyay qoyska oo Ciqaab laga dhaxli karo aduun iyo Aakhiro. Halkan ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Sheekh-Maxamuud-Aw-Cabdulle-Cariif-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liis halis ah oo uu soo saaray Mareykanku Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadashay waddamada ugu halista badan Caalamka ee ay tahay in ay ka fogaadaan muwaaddiniinteeda. Waddamadan oo guud ahaan ka kooban 35 dal, ayaa loo kala sameeyay heerarka 4aad, 3aad, 2aad iyo 1aad. Heerka ugu halista badan waxaa uu yahay midka 4aad,waddamada kujira waxaa ka mid ah Soomaaliya,waxaana loo aqoonsaday in ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee lagu afduubto dadka Mareykanka ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa uga digtay muwaaddiniinteeda in guud ahaan heerka 4aad waddamada ku jira ay u safraan halka heerarka kale la faray in ay feejignaadaan. Haiti Iran Iraq Libya Mali Somalia South Sudan Syria Venezuela Yemen. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta Somaliland Cawaale Ibraahim Shirwac oo dhawaan uu xilkii ka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadlay xil ka qaadistiisa. Wasiirka ayaa beeniyey in sababta uu Madaxweynuhu xilka uga qaaday ay tahay inuu ka qayb-galay dood lagu marti-qaaday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo xiligan ay siyaasiyan is hayaan Madaxweyne Biixi. Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta oo arrimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Dadku waxay leeyihiin anigu jawaab uma hayo, Bani-aadamkuna boqol sababood ayay sameyn karaan, laakiin anigu taan qirayaa waxa weeyaan Madaxweynuhu aniga ayuu xilka ii dhiibay oo shuruud kale igala muu gelin, oo shaqada ayaa noo ahayd shuruud oo aan shaqadeyda kasoo baxo oo dadkuna ii sinaadaan, oo aan noqdo Wasiir tusaale ah, sidaan qabo Madaxweynuhu markuu xilka iga qaaday kulamadii ka dambeeyay ee aanu yeelanay, wax shaqadayda khuseysa oo dhaliil ah maan arag, jewi wanaagsan ayaanu Madaxweynaha ku kala tagnay”. Wuxuu intaas kusii daray “Anigu shaqsiyan ma qabo hadaad i waydiiso, mana qabo in Madaxweynuhu uu qaabkaa u dhaqmo, Sannad iyo badh baanu soo wada shaqaynay, Madaxweynuhu waa qof arrimahaa ka sareeya, aragtidiisuna wax kale ayay ku mashquulsan tahay, markaa waxaan qabaa in Madaxweynuhu jeclaystay inuu Qof kale xilka u dhiibo”. Wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta Somaliland Cawaale Shirwac ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyey xilkii Wasaaradda qorsheynta oo uu hayey muddo sannad iyo badh ku dhow. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa soo jeedisay in caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ku gudban doorashooyinka Somaliland looga gudbo hab sharciya. Shirkii Golaha Wasiirrada ee khamiistii qabsoomay oo uu Shir-gudominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biix Cabdi, ayaa waxa Golaha Wasiirradu ku go’aamiyeen in caqabadaha siyaasadeed ee doorashooyinka looga gudbo hab waafaqsan sharciga. Qoraal kasoo baxay Shirkaas ayaa waxa lagu yiri “Goluhu isaga oo ka duulaya dareensana ahmiyadda ay doorashooyinku u leeyihiin Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan” Caqabadaha siyaasadeed ee ku gudban Doorashooyinka Somaliland ayaa waxa kamid ah isla markaana ugu muhiimsan muranka ka taagan Saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, kaasi oo ilaa hadda aan wax xal ah laga gaarin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka casbi in qaba kacdoon shacab kursiga uu muddada dheer ku fadhiyey lagaga tuuro, waxaanu sheegay in isaga illaahay ka bad-baadiyey waxa ku dhacay Madaxweynayaashi dalal ka mid ah Qaaradan Afrika muddo dheer ka talinayey keligood. Waxa uu xusay in la doonayo in la mariyo dhabihii ay mareen saaxiibadiisa Al-bashiir, Qadaafi, Xusni, Mubaarik iyo kuwa kale, waxaanu ugu baaqay shacbiga reer Jabuuti in haddii ay arrintaas ka feejignaan waayaan uu dalku halis gelayo. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in kooxo aan dalka joogin iyo dalal shisheeye ay ku hawlan yihiin dhaq-dhaqaayo la mid ah kuwii galaaftay saaxiibkiisa Sudan Al-bashiir oo ay ka wadaan Jabuuti, isla markaana la rabo in dalka Jabuuti uu ka istaadhmo dagaal sokeeye iyo qalaasi siyaasadeed Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalkiisu u dhignaa “ Nebigeenii wuxuu yidhi “CSW” fidna wey hurudaa nacladii illaahay ayaa ku degta ninkii kiciya , fidnad ayaa wadankeena lasoo gelinayaa kolba si ayaa lagu dayayaa waxa loo jeedaana waa in wadanka qas la geliyo, waxa loo jeedaa in aan galno meel dad kale galeen oo annagana illaahay naga bad-baadiyey xoogbay ku dayayaan dilbay doonayaa mashaakil noqonaya dagaal sokeeye ayey doonayaan , haddii dadkeenu uu ka feejignaan waayana halis ayuu wadanka oo dhani geli doonaa .” Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweyne Geelle waxa uu intaasi ku daray “Annagu waxaanu leenahay Dowladu dadka oo dhan ayey Dowlad u tahay ay ilaalin u tahay, ay wax siin u tahay, ay is barbar joog u tahay , cid ay cid kale uga dhaafi kartaayi ma jirto , haddii qabiil la dayona qabiil qudhaata ayaanu nahay calan midaata ayaan wadaagnaa diin mid ah ayaanu wadaagnaa , walaal-nimadu waa in la abuuro oo la dhaqo weeye.” Geesta kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aanu dalka iyo dadka wax u tarayn nin siyaasi ah oo doonaya inuu kursiga ku gaadho dhiig “Nin Siyaasi ah oo dhiiga dadka inta uu dul socdo leh waxaan ku gaadhayaa madax-nimada wuxuu ummada u tarayaa majiro dalkana wax-ba uma tarayo qasmooyaane .” Dhanka kalena Madaxweyne Geelle ayaa si dadban u sheegay in dad reer Jabuuti ah oo aan dalka joogin iyo wadamo kale ay wadaan qorshahan, kuwaas oo uu sheegay inuu diiday amaradoodii ay farayeen, isla markaana ay duulaan ku soo qaadeen. “Waxa aan annigu afkaygaasi aan ka dhawrayo dadka fidnada soo abaabulayaa halkan lanama joogaan , meel kale ayey joogaan , kuwaasina kuwa kale ayaa ka dambeeya , waxa ay doonayaan waxa weeyaan in aan horumarkeena joojino, dadka aan xidhiidh wanaagsan oo walaal-nimo ah aan la leenahay iyo wax-qabad inay na garab mariyaan ayey doonayaan, halkaa maxaad u maraysaan ayaa nala leeyahay, maxaad Dowlada ula shiraysaan ayaa nala leehay, maxaad taa usoo dhaweynaysaan ayaan nala leeyahay, xor ayaanu nahay ayaan leenahay.” Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka sakow duufaannada ah kacdoono shacab oo saameeyay dalalka dariska la ah ee Itoobiya iyo Suudaan waxa dul hoganaya danaha is diidan ee reer Galbeedka, Shiinaha iyo xulufada Carabta ee Imaaraadku ka mid yahay kuwo ugu firfircoon. Reer Galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo ayaa si weyn uga soo horjeeda galaangalka Geelle la samaystay Shiinaha, Imaaraadka iyo xulufadiisa ayaa ka soo horjeeda Geelle kadib eryiddii Dp World waxaana jira dad mucaarad ku ah oo reer Jabuuti waana arrimaha u muuqda in ay tushuush ku fureen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhti dheer ka talinayay Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
-
Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa shalay shir doceed ay albaabadu u xidhanayeen oo saddex-geesood ah ku wada yeeshay xarunta guud ee komishanka Doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ka yimid kadib markii ay dorraad labadan xisbi soo bandhigeen nuxurka heshiis-yo dhex maray iyo go’aamo la xidhiidha qaddiyadda doorashada. Kulankan saddex geesoodka ahaa ee ay wada yeesheen labada xisbi ee KULMIYE,UCID & Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid ay saxaafaddu debad joog ka ahayd, waxa uga qayb-galay xisbiga KULMIYE Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Cabdi dheere Guddoomiye xigeenka 2-aad ,Xasan Siciid Xoghayaha Guud, Cabdicasiis Samaale iyo xubno kale, halka ay dhinaca xisbiga UCID ku matelayeen, Musharax ku-xigeenkii xisbigaasi Axmed Cabdi Abyan, Prof Qaasin Tubeec, Axmed Xirsi Ducaale iyo afar xubnood oo kale. Dhinaca kale maaddaama oo uu kulan-kaasi ahaa mid ay al-baabadu u xidhnayeen, isla markaana aanay labada dhinac markii uu soo idlaaday wax tafaasiil ah ka bixin ayaa xoggaha aanu ka hellayno illo wareed-yo mihiim ah ay tibaaxeen inuu ahaa mid ay kaga wada hadleen saddex-da dhinac caqabadaha ku gadaaman doorashada golaha wakiillada ee mudaysan inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada gu’gan, taasi oo ay dood dheer ka yeesheen, isla markaana ay isla lafa gureen . Waxa kale oo ay Xogguhu sheegeen inay Komishankan u sheegeen labadan xisbi in arrimo la xidhiidha qabashada doorashadaasi inay dhanka Xukuumadda Madaxweyne Biixi laga sugayo oo qabyo ka yihiin iyo arrimo kale oo ay sheegeen inay ku xidhan yihiin qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhanka doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda. Arrimaha dhiman ayaa ah kuwo dhaqaale. Xisbiga UCID ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in kulankaasi ay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay sidoo kale kaga wada hadleen Komishanka heshiis-yaddii dhexmaray labadaasi xisbi iyo go’aamadii ay soo wada saareen dorraad ee ku tacaluqay dhanka doorashada Sidoo kale Xisbiga UCID ayaa qoraalkaasi kooban ee ay bahiyeen ku sheegay in kulankaas saddex-da dhinac dhexmaray uu kusoo dhammaaday is afgarad iyo jawi degen Geesta kalene kulan-ka ay wada yeesheen guddida doorashooyinka iyo xisbiyadda UCID KULMIYE ayaa la sheegay in aanay Komishanka doorashooyinku ku casuumin xisbiga WADDANI inuu kasoo qayb-gale , kaasi oo ahaa mid ay si gaar ah ugu cusuumeen labadaas Xisbi. Qoraal Kooban oo Komishanka doorashooyinku soo saaray ayaa lagu sheegay in loo ballamay kulamo dambe oo noocan ah laakiin, xisbiga WADDANI oo hore kalsoonida ugala laabtay Komishanka ayaa sidoo kale si xooggan u diiday qodobada ay ku heshiiyeen Kulmiye iyo UCID. Qaran News
-
Somaliland: Are The Police Force Losing Control & Becoming Oppressors? We will never accuse all the members of the Somaliland Police Force of being ill-trained, out of control brutes, because for every few bad apples, there are countless others doing their work diligently and serving the public. But, there is no smoke without fire. The recent actions by some members of the Somaliland Police Force, as the pictures below indicate, have tainted the image of the force. From dire conditions in many of the police divisions and stations in the country with regard to people in custody, corruption, physical abuse and other malfeasance, and all of this despite extensive training from both public and private organisations. So, what ails the Somaliland Police Force? It all starts at the top. If the chain of command is unable to make changes to or discipline the officers walking the beat and manning the stations, then it is time for a change at the top. Major General Abdillahi Fadal Iman has been commissioner for more than a decade. The commissioner is a dedicated servant of the republic, but has he been too long in place? Has he become complacent and out of touch? Does he have what it takes to improve the conduct of his officers? His deputy, Abdirahman Liban Fohle, another dedicated public servant, has also been in place just as long. Is he also out of touch? A new generation of younger and more active officers are now in the force, is it time for them to take charge? The actions of certain officers in contravention of police guidelines need to be addressed and remedied. Police Officers are public servants. They are there to help and protect the population, they are not there to harass women and children, or beat up journalists. It is time to root out those unfit to be law enforcement officers and make changes at the top. The Somaliland Police Force needs an inspector general to investigate police conduct and monitor their training and education. Somaliland prides itself on being a democratic and stable country, but if our law enforcement officers consider themselves to be above the law, then that pride is hollow. Wa Bilaahi Towfiq. Ahmed Kheyre Qaran News
-
Muqdisho ( SMN). Shirkadda Isgarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay Deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideyan doonaan ardayada Soomaaliyeed ee dhammeysa dugsiyada sare ee dalka. Ujeedka Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in Hormuud telecom kaqaybqaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare, deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho Habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqada waxbarahso ee Hormuud ayaa ah imtixaan lagu gelayo 11 maaddo kaas oo ay ka qaybgelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo soddonka arday ee ugu sareysa tiradaas labada boqol ah ay heli doonaan deeqdan waxbarasho ee Hormuud. Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud waxaa kaqaybgalay Wasiiro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururada bulshada iyo marti badan oo kaladuwan Basma Caamir guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay sheegtay u soo jeedisay Hormuud in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee kaqalin jebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso ardaydaas. Jawaahir Baarqab oo kuhadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsan tahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soo bandhigidda Barnaamijka deeqada waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadan doonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa jaamacadda. Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlay magaca bulshada rayidka ayaa kasheegay munaasabadda in lacagtu aanay ahayn oo keli ah qaadasho balse ay soo celinna ay jirto sidaas awgeedna ay tahay in canshuuraha iyo lacagaha ay qaataan shirkadaha ganacsiguna ay tahay in bulshada dib loogu celiyo sida Hormuudba ay sameysay. Guddoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Galaanbe oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in soo bandhigidda Barnaamijkani uu kadhigan yahay rajo weyn oo ay helayaan ardayada Soomaaliyeed sidaas awgeedna ay ardayda ka faa’iideysn doonta barnaamijkan ay iyagana waajib ku tahay in sida loogu tabcay ay tahay in iyaguna ay ugu tabcaan dalka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa sheegay in Barnaamijka deeqada waxbarasho uu muujinayo rejo iyo yididiilo weyn oo kaalin fiican ka qaadan karta waxbarashada Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha ciidanka Usluubta ayaa sheegay in marka ay dareemaan culeys soo wajahaya tusaale ahaan Usluubta oo kale ay la xiriiraan Hormuud Foundation, waxa uu codsaday in waxbaridda dhallinyarada xoog badan la geliyo si looga baaqsado dhibaato ay sameeyaan dhallinyaradu. Waxa uu si gaar ah u codsaday in dhallinyarada kujirta laamaha kaladuwan ee ciidanka qalabka sida ay hesho waxbarasho isaga oo sheegay in waxbaradda dhallinyaradaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta nabadgelyada iyo in jidadka si fiican loogu shaqeysto. Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxabrasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud kuwaas oo lagu beddelay dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar. Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka Faysal Cumar Guuleed wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada oo Hormuud uga mahadceliyey soo bandhiggidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ayaa sheegay in waxaasarradda waxbarashadu ay kujirto dadaal ballaaran oo dib loogu hagaajinayo waxbarashada, waxa uu sheegay in wasaaraddu diyaarineyso dhismaha guddiga tacliinta sare, taasina ay fududeyn doonto hagaajinta tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada. Eng: Cabdi Cashuur Xasan wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isaga oo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo halabuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyo shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan. Soo bandhigidda iyo hirgelinta ololayaal nuucaan ah ayaa kaalin libaax ka qaadan kara sidii ay kumanaan arday oo Soomaali ah oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay ku heli lahaayeen fursad ay ugu biiraan Jaamacadaha. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Taliyaha Ciidanka Badda ee waddanka Yemen, Jen. Khaalid Al-qamli ayaa sheegay in tahriibayaasha geeska Afrika ka yimaada ay khatar weyn ku yihiin dalkiisa, isagoo xusay inay ku biiraan xuuthiyiinta ama ay tahriib ahaan ugu sii gudbaan Sacuudiga, Sudan iyo Liibiya. Sidoo kale, taliyaha ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey shabakada khaaska ee wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, isgaoo xusay inay dadka tahriibayaasha Itoobiya ay si joogta ah u soo gaaraan xeebaha gobollada kala ah; Shabwa, Laxaj iyo Abyan oo dhammaantood ka tirsan Yemen. Wuxuu kaloo taliyuhu xusay inay qaarkood ku biiraan kooxaha Xuuthiyiinta oo ay u dhisaan dhufaysyadda ama ay ka bar-bar dagaalamaan, halka kuwo kale ay u gudbaan Sacuudiga ama Sudan oo ay uga sii gudbaan Liibiya illaa ay ka gaaraan Qaaradda Yurub. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Badda Yemen, Jen, Khaalid Al-qamli wuxuu ku sheegay wareysigiisa inay tahriibayaasha hub iyo daroogo ka keenaan geeska Afrika, si ay ugu gudbiyaan waddamada gobalka, sida ay xaqiijiyeen isbahaysiga dowliga ee saldhigiisu yahay dalka Baxrayn iyo Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo. Dhanka kale, Jen. Khaalid Al-qamli ma uusan soo hadal qaadin haddii in muhaajiriinta Soomaalida ah ay ku lug leeyihiin falalkaas, iyadoo ay ka mid yihiin muhaajiriinta gaara dalka Yemen dhallinyaro Soomaaliyeed oo rag iyo hablo isugu jira. Ugu dambeyn, Billowgii bishan Abriil ee 2019-ka ayay shabakadda wararka u faafisa millateriga Yemen waxay qortay inay milliteriga Yemen dileen 30-qof oo Soomaali ah oo ka bar-bar dagaallamaysay kooxda xuuthiyiinta ah ee ka dagalaamaya yemen. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Yemen oo walaac ka muujinaysa Tahriibayaasha uga imaanaya dhanka Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya eeuu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. Faroole ayaa ku dhaliilay dowladda Federalka Soomaaliya inay u hartay kaliya laba sano, sidaasi ay tahayna Dastuurkii dalka uu qabyo yahay wado qaldana lagu wado. “Dastuurkii la isla raacay oo Federaalka ahaa oo qabyada ahaa, wadadu ku socdaa maaha wadda saxa ee waa qaldanyahay, wax ka hagaagayna ma jiraan, afartii sano ee dowladda Federaalka ah maadxweynaheeda iyo Baarlamanadeeda la doortayna, waxaa ka haray mudda laba sano ka yar, wax Dastuura oo maanta jiraana ma jiraan” ayuu yiri Faroole oo Garoowe ka hadlay maanta. Xildhibaanka ayaa sidoo kale Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay in fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay ay ka dhalatay dhibaato iyo fidno lagu laayay dad aan waxba galabsan. Balse wuxuu tilmaamay in Villa Somalia ay ku fashilantay fara-gelin ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Puntland oo sida uu sheegay ay lacago badan ku bixisay murashixiinta qaar inkastoo aysan soo bixin dadkii ay wadatay. Senetor Faroole ayaa sii raaciyay in weli xukuumadda Federaalku ay waddo fara-gelinta dowlad goboleedyada, isagoo xusay in ay gebi ahaanba ka baxday heshiis ay dhowaan la gashay Jubaland islamarkaana ay dabada ka soo riixayso murashixiin dhankeeda ka socda , si ay doorashada Jubaland u fara-geliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu isku koobay taladii dalka. Cali Guray ayaa tusaale u soo qaatey hadii ay laba islaamood ay is qabsadaan in aaney dhamaaneen ilaa xafiiska madaxweynaha ay gaadho oo uu madaxweynuhu go’aan ka gaadho, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (PP) ─ Boqolaal shacabayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyay Muqdihso madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo xubanaha soo dhaweeyay ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia. Imaashaha Sheeh Shariif ayaa la sheegay inay salka ku hayso kulan uu maalinta Sabtida ah Muqdisho ku yeelan doono xisbiga Himilo Qaran oo uu aasaaskiisa lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Wafdiga Shariifka ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kulan muddo qaatay kula yeeshay wasiirka amniga Somalia, Maxamed Abuukar Isloow [Ducaale], iyagoo kawada hadlay xaaladda ammaan ee dalka, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qodobbada kale ee ay kawada hadleen. Madaxweynihii hor ee Somalia hadal kooban oo uu taageerayaashiisa ugu jeediyay dhismaha uu ka daggan yahay Muqdisho, wuxuu ku sheegay inuu u mahad-celinayo cid walba oo gacan ka geysatay soo dhaweyntiisa, ayna dib iska arki donaan. Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xisbiga Himilo Qaran ay xubnihiisu kulan ballaaran ku yeelan doonaan Muqdisho Sabtida soo socota, iyadoo la filayo in looga dhawaaqo kulankaas hoggaanka iyo xubnaha xisbiga iyadoo la sheegay in hoggaamiye laga dhigi doono Guddoomiyihiii Hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Warar kale, ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kulan kula yeelan doono Vlla Somalia Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo haatan safar uga maqan dalka, iyadoo aan la ogeyn qodobbada ay kawada hadli doonaan iyo waxa kulankooda kusoo beegan xilligan oo ay socoto dambeyl siyaasadeed. Ugu dambeyn, Imaanshaha Shariif Sheekh Axmed iyo kulanka xisbiga uu aasaaskiisa leeyahay ee Himilo Qaran ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli ay dalka ka jiraan muranno siyaasadeed oo u dhexeeya DF iyo Axsaabta kasoo horjeeda hab-maamulka madaxda dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Geel-jire ayaa waxaa uu arrin lala yaabo ku tilmaamay heshiis ay xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay si gaar ah uga wada gaadheen arrimaha doorashooyinka. Siyaasi Cabdillaahi Geel-jire ayaa sidoo kale madaxweyne Biixi ku eedeyay in aanu shacabka Somaliland dhex u aheyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Senatarada Aqalka Sare ee ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland oo maanta ku laabtay deegaan doorashada Garoowe ayaa sheegay iney halkaasi u tageen wadatashi iyaga oo walaac ka muujiyey xaaladda dalka ee amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo xubnaha soo dhoweeyey ayaa ugu horeyntii sheegay in dalku ku jiro xaalad degenaanshiyo la’aan isaga oo soo qaatey in dhex-dhexaadintii aqalka sare ee dowladda federaalaka ah iyo dowladaha xubnaha ah aan weli dib la isugu soo noqon sii la rabay, oo weli waa taagan. Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri‘Dastuurkii qabyada ahaa waddada uu ku socdo waa qalad, oo wax ka hagaagey ma jiraan, 4-tii sano ee hey’adaha dowladda waxaa ka haray 18 bil wax dastuur ahna ma jiraan, maxaa yeelay dadkii ka shaqeyn lahaa dastuurka ayaa qaarkood maqan, waxaa maqan xubnihii maamullada ka socon lahaa, oo waxaa is hortaagey dowladda dhexe, waxaa ku xiga amniga dalka meesha uu marayo dhibaato badan ayaa ka jirta, waxaa jirta fagalelin doorasho oo Koonfur galbeed faragelintii ka dhacdey, dadka la dilay, kuwa xiran, waad ka war heysaan, doorashadii Puntland dowladda dhexe lacag xoog ah bey ku bixisay oo 21-ka tartamayey badidooda lacag ayaa la siiyey, si loo carqaladeeyo iney dhacdo doorasho xaq ah, oo xalaal ah, laakin nasiib wanaag dadka halkan jooga ciddii ay rabaan ayey doorteen, waxaa hadda taagan arrintii Jubbaland, oo xukuumadda heshiis la soo gashay wixii lagu heshiiyey wax micno leh oo ka hirgalay ma jiraan, dad badab baa jira Xamar lagu masruufo oo tartamaya, dad badan ayaa jira carqalad halkaasi ka wada, taasi international Communityga waa ogtahay, innagu waan ognahay, shacabkuna waa inuu ogaa, labadii aqal faragelin iyo furfurid ayaa lagu hayaa waddanka meel fiican uma socdo, ninkii is leh wax baad ka bedeli kartaa waa inuu ogaadaa qol buu ku xiran yahay federaal la yiraahdo oo furihii ay maamulada heystaan iyo aqalka sare haystaan,” Senator Cabdirisaq Xasan Jurille ayaa dhankiisa xusay iney halkaasi u tageen wadatashi iyo in Puntland dowlad goboleed ahaan iyo Senatorro ahaan hal dhinac wax ka wada arkaan oo hal buug wax ka akhriyaan. Senator Jurille oo arrimahaas ka hadlayey waxaa uu yiri” Guddiga aqalka sare ee arrimaha gudaha iyo federaleynta inuu bilaabayo safar uu ku marayo dowladaha xubnaha ka ah, Puntland ayey ka bilaabayaan, xubnaha hadda socda guddiyo kale ayey ku kala jiraan sida guddiga arrimaha gudaha, guddiga kheyraadka, guddiga xeer-hoosaadka aqalka”. Senator Mahdi Daahir Sheikh Nuur oo ka mid ah mid ah guddiga xeer-hoosaadka iyo shuruucda ee Aqalka sare oo ka Hadley shirka jaraa’id ayaa sheegay in khakhal uu jiro oo siyaasi iyo mid amni “Kacsoon siyaasi ayaa jira, intii uu siyaasiyiinta dhexdooda yaal waa baab, laakin shacabkana ay lugta la gashay” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa, waxaa uu soo qaatey in Siyaad Barre u dhacay markii uu kalsooni ka waayey shacabka, taasina ay taagan tahay. “Horta illaah waxaan ka baryaynaa Xamar mar bay burburtay in aanay mar labaad burburin” ayuu yiri Sen. Mahdi Sen. Mahdi ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey“Waxaan u fadhinnaa in Soomaaliya kala tagin, askarta ilaalisa shacabka waadhagax, ganacsihihii kala wareeg galaayo waa dhib, waxaa looga fadhiyaa xal waafi ah, oo laga gudbo midda lagu jiro”. Senator Maxamuud Axmed Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in imaatinkooda uu xaq dastuuri ah yahay, waxaa uu xusay in 2-badii sano ee tagay ay caan noqotey xiriirka ayaa loo jaray, khilaaf xoog lehna uu jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors