-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulanka madaxweynaha iyo safiirka Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay, safiirka dalka Norway u qaabilsan Soomaliya Mrs Elin. Kulanka madaxweynaha waxaa ku wehelinayey, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, waxaana looga wad-hadlay arrimaha: amniga, dimuqoraaddiyadda, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta doorka haweenka ee siyaasadda doorashooyinka xisbiyada badan, maalgeshiga, waxbarashada iyo la’dagaallanka argagixisada sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ambassador Ms. Elin ay dowladda Puntland ku ammaantay biseylka siyaasadeed ee ay gaartay iyo sida mar waliba, si nabdoon ay uga qabsoonto doorasho xalaal ah, waxayna xustay in ay taasi muujinayso in Puntland ay u diyaarsan tahay, sidii ay ula tartami lahayd caalamka, isla markaana Ms. Elin ayaa balan qaaday in dowladdeedu ay si dhow ula shaqaynayso Puntland, ayna kordhinayaan mashaariicda ay Norway ka fuliso Puntland. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku ammaanay dowladda Norway doorka wanaagsan ee ay mar waliba ka qaataan Horumarinta Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan doorkooda wanaagsan ee Puntland khaasatan dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka iyo doorashooyinka, waxaana uu kulanku kusoo dhammaaday is af-garad iyo guul. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sida qorshuhu yahay, maalinta berriya oo sabtiya dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu Nairobi ku joogay. PUNTLAND POST The post Dowladda Norway oo kordhinaysa mashaariicda ay siiso Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-duhur-260419.mp3 View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Mudane Maxamed Xasan Xaad oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood oo loo igmaday samo ka talinta shacabka in ay haatan hor boodayaan shirar ka dhacay dal Somaliya uu khilaaf Masiiri ah kala dhexeeyo. Nabadoon Xaad ayaa tibaaxay in mucaaradka micnihiisu yahay in la saxo dowladda balse uusan ahayn wax dumin sida uu hadalka u dhigay. Waxaana eedeymo kulul uu u jeediyay siyaasiyiintii dhawaan ku kulmay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Waxaa isi soo taraya Cambaareynta loo jeedinayo shirkii Nairobi ee ka dhanka ahaa DFS. View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay shirka Magaalada Nairobi dhawaan ku yeesheen qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha maamul Goboleedyada , Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo xubno matalayay xibsiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirkaasi. Mudane Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in dalka haatan uu ku tallaabsanayo Horumarro la taaban karo sidaas daraadeed aan loo baahneen in la carqaladeeyo dowladda Soomaaliyeed. Eedeymaha Mucaaradka ayuu sheegay Xildhibaan Dalxa in ay niyad jab ku keeneyso dadaalada iyo Taageerada beesha Caalamku u fidiso Somalia. Si kastaba dhawaan ayaa waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya waxaa ku kulmay Siyaasiyiin Mucaarad ah oo dhaliilo kala duwan u jeediyay DFS. View the full article
-
Mas’uuliyiin ka kala socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway ayaa wada hadallo laba geesood oo miradhal ah ku yeeshay shalay Magaalada Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saarray wax wadaag joogta noqonaya, saaxiibtinimada iyo iyo ka guul keenidda dano is dhaafsiga. Norway waxa ay gacan ka geysanaysaa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo tubaha Xukuumadda ee kobcinta dhaqaallaha, siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta adeegyada bulshada, ammaanka iyo garsoorka. Labada dhinac ayaa waxa ay markale caddeeyeen sida ay uga dhab tahay qoto dheereynta xiriirka laba geesoodka, iyada oo loo marayo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo xooggan, taasi oo lagu taabagelinayo xiriirka wada-shaqayn iyo baahida loo qabo dardargelinta dadaallada hore loogu sii dhaqaajinayo danaha labada shacab. Wafdiga Soomaaliya waxaa madax u ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo ay ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka. Dhanka Wafdiga Dowladda Norway waxaa hoggaaminaysay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gobolka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Marwo Tine Mørch Smith oo ay ku wehliyeen Safiiradda Norway ee Soomaaliya Marwo Elin Bergithe Rognlie iyo saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo Safaaradda Norway ee Soomaaliya. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo safar ku jooga deegaan doorashadiisa ayaa kulamo kula qaatay magaalada Dhuusmareeb madaxda Galmudug. Kulan u dhaxeeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, waxaana kulanka ay kaga hadleen xaaladaha Galmudug. Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kulan gaar ah oo soo dhaweyn ah uu xildhibaanka kula yeeshay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Xildhibaanka uga Mahadceliyay Booqashadii uu ku tegay Deegaanada Galmudug.Sidoo kale waxa uu ku Xildhibaanka ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhankiisa u mahadceliyay madaxda Galmudug, wuxuuna sheegay inuu waxyaabo badan kala shaqeyn doono, sida dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanka. Xildhibaanka ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana uu sidoo kale tagayaa deegaano galmudug ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mariam iyo caruurteeda Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheeko cajiiba ka qortay, haweeney u dhalatay waddanka Uganda oo haysata 38 caruura oo dhammaantood mataano ah. Haweeneyda oo lagu magacaabo, Mariam Nabatanzi ayaa la guursaday iyadoo aad u da’yar, wxaana ay laba mataano ah ku curatay, iyadoo ay da’deedu tahay 12 sano jir. Haweeneydan ayaa markasta oo ay uur qaado, waxay dhashaa carruur mataano ah: sida laba, saddex , afar, shan ilaa ay ugu dambeyntii hal mar wada-dhashay lix mataano ah, inkastoo da’daasi ay dhammaantood ka dhinteen. Warbixinta ay qortay Reuters, waxaa lagu sheegay in haweeneydan uu ninkeedii ka tegay, saddex sano ka hor, iyadoo haysata 38 carruura oo dhammaantood mataano ah. Mariam iyo carruurteedu, waxay hadda ku nool yihiin tuulo 50 km u jirta magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda, waxaana guri u ah afar qol oo ku dhex yaalla mid kamid ah beeraha bunku ka baxo ee tuuladaasi. Sida ay sheegayso Mariam, markii u horreysay ee ay mataano dhashay, waxay tagtay xarun caafimaad, waxaana dhakhtarkii u sheegay, in cabbirka ugxan-sidayaasheedu ay aad u weyn yihiin, isagoo kula teliyay in aysan qaadan dawooyinka dhalmada lagu joojiyo, si aysan dhibaato caafimaad uga dhaxlin. Mariam ayaa wakhtigan la daala-dhacaysa korinta ubadkeedan badan, kadib markii uu ka tegay ninkii ka dhalay oo sida ay sheegtay kolkii horeba aad u dayici jiray qoyska. (Sheekada oo dhan halkaan ka akhriso) Waxay sheegtay in wakhtigeeda badankiisa ay ku qaadato, daryeelka ubadkeeda oo uu culays weyni ka haysto, maadaama ay cunto, dhar, daweyn iyo waxbarasho ka sugayaan 38 carruur ah oo aan cid kale la korinayn. Taasi oo ay sii dheertahay in aysan helin shaqa fiican oo ay noloshooda ku maarayn karto. PUNTLAND POST The post Sheeko Cajiiba: Haweeney dhashay 38 mataano ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Ware iyo ku-xigeenkiisa Cali Xuseen Guud-laawe, waxaana dacwadaas gudbiyay 11 xubnood oo ka mid ahaa wasiirradii hore ee maamulka Hir-Shabeelle. Mas’uuliyiinta dacwadda gudbiyay qaarkood ayaa waxay sheegeen inay la xiriirto dacwadooda xaquuq mushaari ah oo ay ku leeyihiin madaxda Hir-Shabeelle, isla markaana ay doonayaan in sharciga uu ka siiyo xuquuqda uga maqan. Wasiirkii hore ee Xanaanaha Xoolaha Hir-Shabeelle, Dr. Xuseen Cismaan oo ka mid ah xubnaha dacwada gudbiyay ayaa sheegay in dacwadaas ay soo martay heerar kala duwan, isla markaana shalay ay gaartay maxkamadda sare ee dalka, sidoo kalena maalinta Isniinta ah dacwada la guda geli doono. Waxa uu sheegay in dhamaan xubnaha dacwada gudbiyay ay shaqeynayeen muddo 15-bilood ah, isla markaana aysan helin wax mushaar ah, ayna tahay sababta ay dacwadda u gudbiyeen. “Innagu waxaan hoos-tagi jirtay madaxtooyada, iyada ayaana mushaarkii aan lahayn na siin waday, waana taas midda keentay inaan dacwaddan u gudbinno maxkamadda sare ee dalka, si aan xuquuqdeenna u helno,” ayuu yiri Dr. Xuseen Cismaan Cilmi. Dacwaddan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamul-goboleedyada dalka laga gudbiyo, waxaase dacwaddan ay ku soo beegmaysaa iyadoo khilaafyo siyaasadeed oo xooggan ay soo wajaheen dalka, gaar ahaan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa oo dacwaddan laga gudbiyay ayaan iyagu ka jawaabin dacwadda la sheegay in laga gudbiyay, taasoo aan la ogeyn go’aanka kasoo bixi doona. PUNTLAND POST The post Dacwo xasaasi ah oo laga gudbiyay Madaxda Maamul ka mid ah kuwa gobollada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa Sabtida berriya ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa. Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan magaalada Garoowe kulan kula qaadan doona xildhibaanno ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaannada Puntland kuwaasi oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland. Senetorada ayaa la sheegay in Puntland u yimaadeen wada-tashi ku aaddan arrimaha ka dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Puntland. Dr Cabdiraxmaan Faroole oo shalay soo dhoweeyay xubnaha ka socda aqalka sare ee Garoowe yimid ayaa dhaliilo culus u jeediyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayaan dowlad goboleedyada iyo in ay Dastuurkii dalka marin-habaabiyeen. Madaxweynaha Puntland oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah safiirada dalalka dunida u jooga Soomaaliya oo sida la sheegay uu kala hadlay arrimaha u gaarka Puntland. Sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo soo geba-gabeeyay safarkiisi Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-C/raxmaan Maxamed Faroole oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa markaan kamid noqonaya xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya oo markii hore saaxiib dhow uu la ahaa. C/raxmaan Faroole wuxuu kamid ahaa xubnaha dowladda Soomaaliya ku matalayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe, isaga oo mar walbaa doonayay isbadal ka dhaca Puntland, maadaama uu dagaal adag kula jiray madaxweyne Gaas. Senetor Faroole ayaa walaac xoogan kamuujiyay dhaqan gelinta heshiisyadii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya ay la gashay madaxweynaha Jubbaland, isaga oo sheegay inuu qeyb ka ahaa xubnaha loo qorsheeyay dhaqan gelinta heshiiskaasi. Wuxuu sidoo kale sheegay dowladda Soomaaliya xubno ay u qorsheysan inay doorashada Jubbaland u matalaan inay dhaqaalo ku qaataan magaalada Muqdisho, taasi ay wali cadeyneyso inay faragelin ku heyso Doorashada Jubbaland Dhaqaalo badan ayuu sheegay in dowladda ay ku bixisay doorashadii Puntland iyo Koofur Galbeed, haddana ay dooneyso sidaasi oo kale inay dhaqaalo ku bixiso Jubbaland. “Halkaan markaan imaanayay faragelin xoog leh ayaa ka dhacday oo dowladda dhexe lacag badan ku bixineysay, 21 ruux oo halkaan ku tartamayay badankood ayaa dowladda lacag siisay” “Arinta Jubbaland ayaa hadda taagan, oo heshiis hadda lala galay markii xamar la iskuugu yimid, waxaan isku daynay inaan ka shaqeyno sidii loo dhaqan geli lahaa heshiiskaasi, balse waxaa muuqata inaan la dhaqan gelin waxii lagu heshiiyay”. “Dad badan oo Xamar lagu masruufo ayaa oo halkaasi ka tartamaya, Faragelin ayaa wali lagu hayaa doorashada Jubbaland, caalamka wuu og yahay, shacabkana hadda ha ogaadaan”ayuu yiri Senetor Faroole. Dhawaan Jubbaland waxaa ka dhacaya doorashada madaxweynaha iyo soo xulista xildhibaanada, waxaana dowladda Soomaaliya markale culeesyo kaga imaanayaan maamul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Baydhabo(SMN):-Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ibraahim oo ku sugan Magalada Baydhabo Janaay ayaa sheegtay in ay Dardargalinayan Buuxinta Sedex Kursi oo ka banana Parlamaanka Soomaaliya Kuwaaso Matalaya Shacabka Koonfur Galbeed. Kuraasta lagu tartamayo ee ka banaaan Golaha shacabka waxaa kamid ah Midkiiuu Baneeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xassan maxamed Lafta Gareen Xaliimo yarey ayaa Xaqiijisay Xubinimadii Parlamanka ee uu Lumiyey Lafta Gareen in uusan wax damac ah uga Jirin Hada islamarkana uu isagu u balanqaadey in uu kala qayb qaadan doono sidii xubnahasi maqan loogu dooran lahaa Baydhabo. Dhanka kale waxaa ay ugu Baaqday Murashaxiinta u hanqal tagaya Kuraastan in ay Sharuudaha soo buuxiyan. Cod Xubno katirsan Parlamanka Soomaaliya ayaa Marar ka qaar lumiya Xasaanadooda ha noqoto in ay iyagu si isgood ah uga tanaasulan iyo in ay lasoo gudboonaato Xalado Dabiici ah sida in uu Mudanuhu Geeriyoodo ama Geeriyooto. View the full article
-
Sh/Hoose(SMN):-Rakaabkan oo saarnaa Gawaari Xamuul ah ayaa Ragan Hubaysan waxa ay ugaysteen Boob iyo dhibaatooyin kale, sida ilo Deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magalada Muqdisho. Ilaa 5 Ruux oo haween ah ayey jirdileen Kooxda, iyadoo 2 kamid ah Dumarkaasi la sheegay in ay qabaan Dhaawacyo halis ah. Inta badan wadooyinka isku xira Degmooyinka iyo Deegaanada hoostaga Gobolkaasi waxaa ka dhaca falal lagu dhibaateynayo shacabka masaakiinta ah, waxaana Mas’uuliyadda arintaasi dhabarka u ridanaya Maleeshiyaad Hubaysan oo mararka qaar xiran Tuutaha Ciidamada Dowladda. View the full article
-
Sh/Hoose(SMN):- Wararka laga helayo Deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu xalay ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Xarakadda Alshabaab iyo Ciidamadda Dowladda. Alshabaab ayaa Weerar kusoo qaadey Saldhigyo kuyaala Deeganadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal toos ah sida ay Shabelle xaqiijiyeen Ilo Madaxbanaan oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Goobta ay wax ka dhaceen xalay laga maqlayey dhawaaqa Hub culus. Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay in Dagalkasi ay ku hantiday fariisimo muhiim u ah Ciidamadda Dowladda. Majirto wax hadal ah oo kazoo baxay Taliska Ciidamada Dowladda balse Sabiid iyo Caanoole ayaa Alshabaab waxa dhawaan kala wareegay Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wasiiro ka tirsanaa golihii wasiirada Hirshabeelle ayaa cadeeyay in dacwad ka dhan ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ay u gacan geliyeen maxkamadda sare ee dalka. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa socday diyaarinta Dacwadaasi oo ay wadeen wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana hadda ay sheegeen in maxkamadda sare ee dalka ay aqbashay qabashada dacwadaasi. Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Hirshabeelle Dr Xuseen Cismaan Cilmi oo kamid ah wasiirada mushaaraadkooda ka maqan yahay ku dhawaad 15 bilood ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay mushaarkooda raadsanadaan, maadaama si qaldan loo maareeyay dhaqaalaha horey loogu qorsheeyay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay dacwadaasi ka gudbiyeen masuuliyiinta ugu sareyso madaxtooyada oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Guudlaawe Xuseen. “Madaxtooyada ayay quseysaa, madaxtooyadana Waare iyo Guudlaawe ayaa ka shaqeeya, dacwadaasina waan gudbinay, waxaana u dacwooneynaa waa Xuquuqda Mushaarkeena, wasiir kastaa 2000, ayuu leeyahay, wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha waxay xaq u lahaayeen 1500, muddo 15 bil ayuuna xaqa naga maqan yahay” “11 Wasiir ayaa hadda xaqooda raadsanaya, waan ka badneyn laakiin kuwa kale waxyaabo kale ayay xiirinayaan, mana ahan wax isku xiran, qofna xuquuqdiisa wuu ka tanaasuli karaa, qofna wuu raadsan karaa, anagana waan raadsaneynaa xaqeena oo si qaldan loo maamulay”ayuu yiri Wasiirkii hore xanaanada Xoolaha. Dhaqaalaha ugu badan ee Hirshabeelle kasoo gala Deegaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo lacagta dowladda u qorsheyso maamulka waxaa la tuhmayaa inay kala qeyb sadaan Waare, Guudlaawe iyo Sheikh Cismaan Barre oo ah guddoomiyaha baarlamaanka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxda ugu sareyso maamulka Hirshabeelle oo ay kaga hadlayaan dacwadda laga gudbiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Senetor C/risaaq Cusmaan Jurille oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay muddada u hartay dowladda Soomaaliya iyo culeesaadka ka jira doorasho dalka ka dhacda 2020/2021. Isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe ayuu sheegay inay u tageen Puntland inay kulamo la qaataan madaxda maamulkaasi, iyaga oo kala hadlaya arimo badan oo ay kamid yihiin siyaasadda dalka labada sano ee u hartay dowladda. Wuxuu sheegay in xildhibaanada labada aqal iyo madaxtooyada kaliya labo sano ay kaga hartay muddo xileedkooda, islamarkaana ilaa iyo hadda aan la iska wareysan hanaanka doorashada xigta ee dalka ka dhaceyso iyo qaabka ay noqoneyso. Wuxuu walaac badan ka muujiyay in doorasho ka dhici weyso dalka, maadaama aan ilaa iyo hadda go’aan cad laga gaarin qaabka ay noqoneyso doorasho ka dhacdo dalka. Wuxuu sheegay in magaalada Garowe ay u tageen sidii arimahaasi ay kagala hadli lahaayeen madaxda Puntland, islamarkaana xubnaha Puntland ku matala dowladda ay go’aano u qaadan lahaayeen. “Labo sano ayaa naga dhamaatay labadaasi sano wax isku yimid ilaa maanta ma jirto oo ka wada hadlay arimaha doorashada, ma waxaan ku noqoneynaa qaabkii hore, ma qaab cusub ayay noqoneynaa doorashada, waa inaa isku nimaadaa oo arimahaan ka wada hadalnaa”ayuu yiri Senetor Jurille. “Khilaaf xoog leh oo dastuurka dalka ah ayaa jira, waxaa todobaadkaan Meel ka baxsan Somalia ku shiray xubno badan oo dhaliilsan dowladda iyaga oo ka walaacsan Soomaaliya iyo halkay ku socoto, dalkoodana culees ayay kaga shiri waayeen.”ayuu hadalkiisa kusii daray. Dowladda Soomaaliya ayaa wajahday mucaaradkii ugu badnaa, waxaana xubnaha Puntland matala ay qabaan dhaiilo badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaya weerar xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ku qaadeen saldhiga deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka oo dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen, islamarkaana uu tagay madaxweyne Farmaajo. Dadka deegaanka Sabiid ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya Ururka Al Shabaab iyo ciidamada dowladda uu muddo halkaasi ka socday, waxaana jira khasaaro soo gaaray dhinacyada dagaalamay. Saraakiil u hadashay ciidamada xooga dalka oo ku sugan Sabiib ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Al Shabaab ay iska difaaceen, islamarkaana Al Shabaab ay ka dileen xubno badan. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee deegaanka Sabiib,isla markaana askar ay ku dileen. Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr todobaad ka hor waxaa Ciidamada Dowladda ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab. Al Shabaab ayaa waxay sido kale sheegay in markii hore weerarka uu ku bilowday madaafiic, kadibna ciidamadooda ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Mareykanka tababaray ku lahaayeen deegaanka Sabiib. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
Sawir hore: Burcad-badeed la qabtay Hawlgalka Midowga Yurub ee ka hortagga iyo la’dagaallanka burcad-beedda xeebaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay qabteen 5 ka tirsan burcad-beedda Soomaalida oo weerarro geystay maalmihii la soo dhaafay. War qoraal ah oo ka soo baxay hawlgal Midowga Yurub ee loo yaqaan EU NAVFOR ayaaa lagu sheegay in kooxda la qabtay ay jimcihii hore ee ku began 19-kii bishan April ay xeebaha Soomaaliya ka af-duubteen doonni kalluumeysi oo laga leeyahay waddanka Yemen kadibna ay doontaasi ku weerar tageen. Sida qoraalka lagu sheegay kooxda burcad-badeedda ah oo adeegsanaya doontii ay af-duubteen ayaa maalintii talaadada ee 23 bishan April weerar ku qaaday doonni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya xilli ay maraysay badweynta Hindiya gaar ahaanna meel 280 nautical miles u jirta xeebaha Soomaaliya. Doonnida Kuuriyaanka oo magaceeda lagu sheegay Adria ayaa si xawli ah ku socotay kadib markii ay soo weerareen kooxda burcad-badeedda waxaana ay u tagtay doonni kale oo kallluumeysi taasi oo iyadana laga leeyahay dalka Spain sida ay sheegtay EU NAVFOR. Doonnida Spanish-kaa oo magaceedu yahay Txori Argi iyo doonta Kuuriyaanka ee Adria oo iskaashanayaa ayaa sida qoraalka lagu sheegay iska difaacay kooxda burcad-badeedka ee weerarka qaaday. Isla maalintaasi doonni kale oo magaceedu yahay FV shin Shuen Far ayaa sheegtay in ay u soo dhowaadeen laba doonyood oo nooca yar yar ah balse ay dib u laabteen kadib markii ilaalo hubaysan oo doonta saarnaa ay rasaas huwiyeen. Hawlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay in kadib dhacdooyinkaa isxigay ay direen diyaarad nooca sahanka ah oo soo heshay halka lagu haysto doontii Yemen ee la af-duubtay jimcihii hore dabadeedna hawlgal ay ku qaadeen halkaasi lagu qabtay 5 burcad-beeda oo af-duub u haystay doonnida islamarkaana laga sii daayay doontii iyo 23 qof oo saarnaa. Hawlgalka EU NAVFOR ayaa sidoo kale doonyaha iyo maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya ku boorriyay in ay xoojiyaan ilaaladooda gaarka ah si ay isaga difaacaan haddii weerar uga yimaado kooxaha burcad-badeedda Soomaalida. Af-duubta marakiibta iyo doonyaha ay u gaystaan burcad-badeedda Soomaalida ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo sannadkii 2012 kadib markii la wiiqay awoodooda balse waxaa jiray dhacdooyin af-duub oo ay geysteen sannadihii tegay. PUNTLAND POST The post Koox ka tirsan burcad-badeeda Soomaalida oo 3 weerar qaaday kadibna la qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in saddex Gabdhood oo Soomaali ah lagu la’yahay Dalka Cyprus. Xafiiska UNHCR ee Cyprus, ayaa baahiyay xogtan waxaana xafiisku uu sheegay in Gabdhahaas la waayay hal Todobaad ka hor. UNHCR ma sheegin magacyada iyo xogta Gabdhaha Soomaalida ah ee lagu la’yahay dalkaasi kuwaas oo xeradii ay ku jireen laga waayay. Hay’addu waxaa ay sheegtay in ay u baahantahay baadgoob dhameystiran,waxaa kale oo ay soo jeedisay in wax laga qabto baahiyaha dadka qaxootiga ah eek u jira Xeryaha Dalka Cyprus, kuwaas oo aan heli Karin shaqo iyo dhaq dhaqaaq kale. Dadka aan qaan gaarin eek u jira xeryaha ku yaalla Dalka Cyprus ayaa loo oggolyahay in ay halkaas degganaadaan inta ay ka gaarayaan da’da 18 jir,waxaana kaddib qofkasta laga doonayaa in uu banneeyo halka uu ku noolyahay noloshiisana maareeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors