-
Content Count
208,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeisa, ( Qaran news)-The Somaliland National Elections Commission, (NEC) held a meeting with two of Somaliland’s national political parties, Kulmiye and UCID, but failed to invite the other party, Waddani. The meeting which took place in the NEC’s offices in Hargeisa, was to according to a press release issued by UCID, to exchange views on the parliamentary and local elections scheduled for December, 2019. The delegation from both parties consisted of senior members, including the 1st Deputy-Chair of Kulmiye and Home Affairs minister, Mohamed Kahin Ahmed, 2nd Deputy-Chair, Ahmed Abdi Dhere “Obama”, Secretary-General, Hassan Saeed, former minister Abdi-asis Samale, meanwhile, UCID was represented by Ahmed Abdi Abyam prospective deputy-chair, Professer Qaasin Tubeec, and other officials. According to the UCID press release, the NEC briefed the two parties on the main hurdles to holding the elections, funding from the international donors, the election bill from the House of Representative and the directive from President Muse Bihi Abdi. The other Somaliland party, Waddani, was not at the meeting and according to reliable sources within the NEC, was not even invited to or made aware of the meeting. However, given the position of Waddani towards the current commission whose mandate is set to expire before the scheduled election in December, it would have been highly unlikely for them to participate. Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah iyo kan reer Ethiopia ee Haile Gebrselassie ayaa weerar afka ah isku qaaday ayada oo tababaraha Mo uu sheegay in lasoo weeraray. Mo Farah iyo Gebrselassie ayaa waxaa dhex mnaray muran ka dhashay alaab Mo Farah uu sheegay in looga xaday hotel uu Gebrselassie ku leeyahay magaalada Addis-Ababa. Gebrselassie ayaa maanta sheegay in Mo Farah uu feeray islamarkaana haraantiyey nin iyo xaaskiisa oo hotel-ka dhibnaca ka deganaa, hase yeeshee Gary Lough oo ah macllinka Mo Farah, ayaa sheegay inuu naftiisa difaacayey oo lasoo weeraray. Lough ayaa sheegay in Mo Farah iyo nin la tababarta oo lagu magacaabo Abi Bashir oo ku sugan qeybta jimcisiga ama gym-ka ee hotelka uu nin kale u yimid una hanjabay. “Waan sii jeestay kadibna waxaan arkay nin hanjabaya oo raba inuu wax ku dhufto Bashir, kadibna Mo wuxuu difaacay Bashir” ayuu yiri Lough oo intaas ku daray in la doonayey in Mo Farah lagu dhufto mid ka mid ah biraha gacanta lagu qaado ee culus ee muqaha dhisa. Mo Farah ayaa arbacadii sheegay in lacag, saacad iyo laba taleefon looga xaday hotelka Gebrselassie ee Addis Ababa, 23-kii March, wuxuuna sheegay inuu aad uga niyad jabay Gebrselassie maadaama uu awoodi waayey inuu u helo alaabtiisa. Gebrselassie oo 46 jir ah ayaa isla arbacadii soo saaray bayaan uu ku eedeeyey Mo Farah inuu dhaawacayo gacansigiisa iyo sumcaddiisa. Gebrselassie waxa uu sidoo kale sheegay in Mo Farah uu si aan wanaagsaneyn u dhaqmayey intii uu degenaa hotelka, islamarkaana lagu dacweeyey booliska, kadib markii uu feeray nin iyo xaaskiisa. Gebrselassie, oo afar goor ku guuleystay tartanka orodka adduunka ayaa sheegay in Mo Farah uu hotelka ku degenaa qiimo dhimis 50% ah, sidaas oo ay tahayna uusan bixin lacagtii laga rabay oo ahayd 81,000 oo birta dalka Itoobiya ah. Mo Farah ayaa ku jawaabay isaga oo sheegay in hadalka Gebrselassie uu yahay been lagu daboolayo fashilka hotelka ee ah in Mo Farah lagu dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeisa,(Qaran news)-Somaliland’s main opposition party, Waddani, has issued it’s official response to the recent agreement between Kulmiye & UCID with regard to the parliamentary and local elections scheduled for December 2019, as well as, the continuing dispute regarding the current National Elections Commission (NEC). In a press communique, Waddani, states the following:- Preamble: Mindful of the need to continue Somaliland’s path toward democracy and taking into consideration the recent visit to Somaliland by EU Ambassadors, Waddani, would like to make the following clear:- 1. That Waddani Supports the holding of parliamentary and local elections scheduled for December 2019. 2. That Waddani is willing and able to participate in any elections held in Somaliland, providing that an impartial National Elections Commission is constituted. 3. That Waddani would like to see following changes made to the Elections Bill currently in front of the House of Representatives, clause 6, article 12, sub-articles 1 and 2, should be amended to include that any future National Elections Commission should consist of nine (9) members. 4. That Waddani supports the calls from both within Somaliland and the international community to replace the current National Elections Commission on 6th of June, 2019, so that a new NEC have enough time to conduct the parliamentary and local elections scheduled for December, 2019. 5. That Waddani, although mindful of the protracted tenure of the current Somaliland House of Representative, still believes that the house can play a meaningful role in the creating the right environment to hold national elections. The party doesn’t support the administration’s stance that the House of Representative has failed in its duties. 6. That Waddani considers unconstitutional the attempt by the other two parties, Kulmiye and UCID to try and hold national elections in Somaliland without the participation of all the official parties in the country. 7. That Waddani will not accept the agreement between Kulmiye and UCID of the 23rd April, 2019, and believes that any attempt to circumvent the constitution of Somaliland will not only be illegal, but not in the interest of Somaliland and it’s citizens. The communique was signed by the chair of the party, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha mamaul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni, Axmed Maxamed Islaan iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga, la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madax goboleedyada ay safiirka Mareykanka ku war-geliyeen inaysan la dhacsaneyn siyaasadda iyo habka dowladda Soomaaliya ay dalka ku hoggaaminayso waqtigan. Waxa ay sheegeen inaysan muuqan in dowladda ay dalka ka hir-gelin karto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu ballan-sanaa, islamarkaana ay ku fashilantay ammaanka caasimadda. Saddex madaxweynaha, ayaa sida aan xogta ku helnay ka codsaday Mareykanka inuu xoojiyo la macaamilka tooska ah ee uu la leeyahay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, oo aysan usoo marin dowladda federaalka. Donald Yamamoto ayaa la sheegay inuu xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay waxbadan oo horumar ah ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
One of Trans Nation Airways choppers crashed this morning minutes after departure from the Bole International Airport in Addis Ababa, Ethiopia. All the two crew and five passengers of the chopper heading to Jimma are reportedly survived the accident. The chopper crashed around Bole Bulbula area in Addis Ababa, according to FBC, the ruling party owned media report, which quoted head of aviation contol agency. Trans Nation Airways is owned by the Ethiopian born Saudi billionaire Sheikh Mohammed Hussein Ali Al-Amoudi of MIDROC (Mohammed International Development Research and Organization Companies) Technology Group of Ethiopia. Trans Nation Airways company profile states that it has been providing passenger and cargo air Transportation services using its two Bombardier Dash-8-200Q Aircrafts. It is not yet clear what caused the accident and who were aboard. The Dash-8-200s are operated for domestic and international charter services. The aircraft is also leased out to other operators such as International Organizations, NGOs, Tour Operators, UN Agencies, and others mainly on wet lease basis. It is recalled that last year in August 2018 one military chopper coming from Eastern part of Ethiopia has crashed around Bishoftu leading to death of 18 people. In addition, the whole world mourn recently when Boeing 737 Max 8 has crashed six minutes after departing from Bole International Airport killing all its 157 passengers and crew. NBE Qaran News
-
labada dhinac ayaa ku kulmay Nairobi Nairobi April 26, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehelinayeen Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto. Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga , la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ambassador Donald Yamamoto ayaa xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay waxbadan oo horumar ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo badda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha. Sidoo kale Ambassador Yamamoto ayaa dowladda Puntland ku amaanay sida mar waliba ay uga go’antahay, la-dagaalanka Argagixisada iyo dhaqan gelinta hannaanka Federaalisamka, isaga oo xusay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada hirgelinta nidaamka dimuquraadiyaynta ee Puntland dedaalka ugu jirto inay hirgeliso. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda Maraykanka uga mahadnaqay taageerada balaadhan ee ay Puntland kasiiso ladagaalanka Argagixisada iyo tababarida ciidamada, isla mar’ahaantaana Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey kulankan muhiimka ah uu la qaatay Ambassador Yamamoto. -DHAMMAAD- The post War-saxaafadeed: Safiirka Maraykanka oo kulan la qaatay madaxweyne Deni oo ay weheliyaan Axmed Madoobe iyo Xaaf appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa isku beddeshay safiiradeeda u kala fadhiyey dalalka Switzerland iyo India, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Labada Safiir ugu yeertay magaalada Muqdisho, halkaasi oo loogu sheegay go’aanka is-beddel ee laga gaaray shaqooyinka ay horey u hayeen. Safiirkii Soomaaliya ee dalka India, Abyan Maxamed Saalax oo xilkaas haysay muddo ku dhow 12 sano, ayaa hadda loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna Ergeyga Soomaaliya ee Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha ee Geneva. Danjire Abyan ayaa xilka safiirka Soomaaliya ee India loo magacaabay sanadkii 2007-dii, xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waana safiiraddii ugu waqtiga dheereyd dowladdihii KMG iyo tii rasmiga aheyd. Dhinca kale, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Insaaniya) oo ahayd safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo xafiiska QM ee Geneva ayaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee India. Dowladda ma aysan shaacin sababta is-beddeladan loo sameeyey. Insaaniya ayaa bishii tagtay lagu amray inay deg deg ku timaado Muqdisho, kadib markii ay ka aamustay qaraarka golaha xuquuqda aadanaha QM uu ka cambaareeyey aqoonsiga Donald Trump ee dhulka Golan Heights ee dalka Syria uu ugu aqoonsado dhul Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)Urur hanti badan leh oo horumarka u dhaqdhaqaaqa ayaa aqoonsigooda ugu horreeya ee taageerada doorashada aqalka Koongareeska Mareykanka ee 2020-ka siiyay Ilhaan Cumar, oo ah gabar muslim ah oo ka tirsan aqalka wakiillada, sida ay shaacisay warbaahinta Fox News. Arrintan ayaa kusoo aadday xilli ay Ilhaan wajaheyso eedeymo xoog leh oo la xiriira Yuhuud Naceyb iyo waxyaabo kale oo muran salka ku haya. Bogga uu ururkan ku leeyahay internet-ka oo lagu magacaabo MoveOn.org ayaa Arbacadii lagu shaaciyay taageerada loo muujiyay Ilhaan Cumar oo Koongareeska u matasha xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka. Waxay ururku sheegeen inay arrintan kusoo beegeen dhaleeceynta daba socotay hadalladii ay jeedisay gabadhan laga soo doortay gobolka Minnesota. “Iyadoo ay jiraan falal cunsurinnimo ah iyo isku dayo lagu doonayo in lagu hor istaago gabadhan, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah, muslinna ah ee ku biirtay Koonagreeska Mareykanka, iyo isku dayada qaawan ee lagu kicinayo qalalaasaha ka dhanka ah iyada iyo bulshooyinka Muslimiinta ah, Ilhaan Cumar waxay sii wadday dadaalka ay ugu dagaallameyso bulshadeenna, mana aha dadka ay u doodeyso kuwa maalqabeennada iyo kuwa awoodda leh oo kaliya”, waxaa sidaas lagu yidhi warbixinta ay soo saareen ururka taageerada u muujiyay Ilhaan. Hase ahaatee, taageeradan ayaa noqon karta mid ku adag Ilhaan, maadaama ay horay marar badan uga hadashay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadda lacagta dabada looga riixo. Ururka MoveOn ayaa caan ku ah inuu mar walba xabadka u garaacdo musharraxiinta xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo uu dhaqaale badan ku garab istaago. Doorashadii 2018-kii ka dhacday Mareykanka, wuxuu ururkan ku taageeray lacag dhan $3.5 malyan oo doolar. Ilhaan Cumar ayaa dhawaanahan wajaheysay dhaleeceyn uga timid hadallo ay jeedisay, kuwaasoo siyaabo kala duwan loo arkay. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu eedeynayay hadallo la sheegay inay ku buun buunisay khasaaraha Soomaalida kasoo gaaray howlgalkii uu mareykanka Muqdisho ka fuliyay sannadkii 1993-kii. Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraal ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii. “Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!”, sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay. Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo “kumannaan”, sida ay qortay warbaahinta Fox News. “Ciidankeennu waxay difaacayeen naftooda” Dadka dhaleeceeyay Ilhaan, oo ay ka mid yihiin rugcaddaayadii ka qeyb galay dagaalkaas ayaa eedeyn culus u jeediyay gabadhan oo ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee ka tagay Soomaaliya, haddana noqotay mid ka mid ah haweenkii muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay aqalka Koongareeska. “Ciidankeenna aad baa looga tiro batay, waxayna u dagaallamayeen inay naftooda difaacaan. Dhammaan maleyshiyaadka Soomaalida ah waxay u carari kareen meesha ay doonaan laakiin kuweenna wax waddo ah uma aysan furneyn”, waxaa sidaas yidhi Mike Durant, oo ah sarkaal howlgab noqday. Mr Durant ayaa ahaa duuliyihii diyaaraddiisa dhulka lasoo dhigay 3-dii bishii Oktober ee sannadkii 1993-kii, kadibna ay afduubteen xoogaggii Muqdisho ka dagaallamayay. Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer jeedisay hadallo liddi ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo mar sii horreysayna lagu dhaliilay inay soo qortay hadal muujinaya waxa loogu yeeray “Yahuud Naceyb”. Gabadhan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon ee u dhaqdhaqaaqa xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka. Horraantii bishanna, Ilhaan Cumar waxa ay sidoo kale wajahday eedeymo ku saabsan sida ay uga hadashay weerarradii daaraha Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2001-dii. Source
-
(waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin). Ex Wasiir Maxamuud Xaashina wuxuu taagnaa halkii Nuur Xaashigii yidh: Wallaahi xayntuna ha iska-oontee inaanu runta sheegi. Saaxibayaal waxaan isku dayi doonnaa in aan falan qayn kooban ku sameeyo Dooddii xiisaha badneyd ee todobaadkan, Hargeysa lagu qabtay ee lagaga doodayey wada hadaladii Soamaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday ee hakadka galey. Somaliland ma waxay dani ugu jirtaa in ay wada hadaladaasi sii socdaan mise in halkaa lagu joojiyo? Doodan xiisaha badneyd waxa ka qayb galey Lixda siyaasi ee kala ahaa: 1: PROF Axmed Ismaacil Samatar 2: ENG Maxamed Xaashi Cilmi 3: Sucaad Carmiye 4 : PROF: Abyan 5: Ex Wasiir Maxamuud Xaashi 6: Hogaamiye Xirsi. Haddaba saaxibayaal waxaan falan qayntan ku soo koobayaa doodii dhex martay. Hogaamiye Xirsi iyo Ex Wasiir Maxamuud Xaashi sababta aan labadooda u doortay waxay tahay labadooduba waxay ka tirsanaayeen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waana labada xubnood ee kaliya ee dooda ka qayb galey ee wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya ka qayb gali jiray markaa labadooduba waxay goob joog u ahaayeen sidii ay wax u dhaceen. In kasta oo afarta xubnood ee kale ee dooda ka qayb galeyba ay ahaayeen dhammaantood dad leh miisaan siyaasadeed haba ugu horeeye PRO Axmed Ismaacil Samatar sidaa darteed Ayaan u doortay in aan is bar bar dhig ku sameeyo doodii hogaamiye Xirsi iyo EX Wasiir Maxamuud Xaashi. Hogaamiye xirsi waxa uu si aan gabasho lahayn ugu dooday in xukumadii uu ka tirsnaa ee Siilaanyo ay ku saxneyd inay wada hadal la furto Somaliya iyo waliba faa’dooyin la taaban karo laga helay iyo in wada hadalada la sii wado. Doodani waxay waafaqsan tahay intii uu xirsi markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa ummda u sheegi jiray. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu ku dooday in wada hadaladii Soamliland iyo Soomaaliya ay noqdeen ma dhaleys laguna khasaarey wax faa’iido ah oo Somaliland ay ka heshayna aanu jiri wada hadalkaasi. Hadalkani waxa uukhilaafsanyahay Maxamuud Xaashi markii uu Wasiirka Duulista ahaa iyo markii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa wixii uu ummada u sheegi jiray. Haddaba, marka aynu eegno doodii dhex martay labadaa Wasiir ee hore ee ka wada tirsanaa xukumadii hore xogogaalkana ahaa aynu falan qayno waxay aniga iila muuqadtaa sidan: Hogaamiye Xirsi wuxuu si geesinimo leh u difaacay mawqifkii ama rayigii uu ka rumaysnaa wada hadaladii u socday Soamaliland iyo Soomaaliya waana calaamada muujineysa in uu yahay siyaasi aan ka gabanin waxa uu rumaysan yahay waxana laga hayaa Alle ha u naxariistee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye) waxaa bir ku gooya talo markay gondihiisaa taal nimaan geesaha ka dayin. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi doodiisii waxay ku saleys neyd sida dadka qaarkii aaminsan yahay oo ah mar haddii ay xukumadi Meesha ka baxdo Madaxwenuhuna xilka ka dago in la difaaco in aanay faa’iido ku dhex jirin isaga oo Maxamuud Xaashi isku qanciyey in aanu Siilaanyo Maanta madaxweyne aheyn isaguna aanu Wasiirkii Madaxtooyada aheyn. Sidaa darteed wuxuu isticmaaley maah maahdii aheyd (Nin bari ayaa socod ku roon) ee wixii eed ah u sii xambaari Madaxweynihii xilka ka dagay ee Siilaanyo iyo xukumadiisii oo uu ku calaamadiyey in ay Soamliland u hor seedeen wada hadalo lagu khasaarey oo ma dhaleys noqday sidoo kalena waxa ka muuqatay raali galin badan oo uu u hayey madaxweynaha hada xilka haya Mudane Muuse Biixi iyo xukamadiisaba oo iyagu shaki badan ka qaba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa qisadan soo socota . Nin oday ah, (oo xayn yar oo adhiya lahaa) ayaa maalin maal-maha ka mida, waxaa markhaati been ah, u qabsaday odaygii lahaa barkada ay xayntan adhiga ahi ka cabto oo waliba si bilaash ah ama lacag la’aan ah odayga xaynta yar haysta loogu waraabin jiray. xilliguna waa jiilaal oo biyo la‘aan badan baa jirtay xayntii yareyd-na kalkeedii-baa taagan oo waxay u sii jeedaa xaggii barkada markaasaa odaygii barkada lahaa intuu waxaan jirin sheegay amma arrin aan dhicin sheega- iyada oo meel makhaayada la wada fadhiyo ayuu yidhi: Qoodhii iyo xeradiin-ba waakan I hor fadhiyee Nuur Xaashi-ba waydiiya isaggaa markhaati goob joog ka ahaaye, Nuur Xaashi mar xayntii yareyd iyo biyo la’aantii jirtay ayuu eegay marna xaga Ilaahey buu eegay iyo markhaatiga beenta ah, ee loo qabsaday dabadeed hadalkii uu Nuur Xaashi naftiisa kula faqayey ayaa dibadda u soo baxay oo la maqley si aan ku talo gal aheyn, waxaanu yidhi: wallaahi xayntuna ha iska oontee inaanu runta sheegi. Nin oday ahaa oo goobta fadhiyey oo barkada eeryada ugu wayna lahaa ayaa dhaar iyo xilo fur ku maray oo yidhi: Nuur Xaashiyoow intaan Noolahay xayntaadu waxay ka cabeysaa barakadayda ee runta sheeg Nuur Xaashina sidii buu runta ku sheegay oo markhaatigii beenta ahaana kaga badbaaday Hadaba qisadan waxaan u soo qaaday siyaasiyiinta Soomaalida ah ee wixii ay shaley markay xilka hayeen sheegayeen wax ka duwan Maanta dadka u sheega. Qallinkii: C/risaaq Suudi Nuur Tell: 4425243 Email: suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Source
-
Afartan marin-biyood waxa mara maraakiibta shidaalka qaada 80%, taasina waxa ay keentay mihiimada ay leeyihiin. Quwadaha adduunku waxa ay saldhigyo kala duwan ka samaysteen afartaa marin-biyood si ay uga ilaashadaan danahooda dhaqaale. Dalalka kulaalaya afartan marin-biyood ayaa noqday istaraatijiyada weyn oo ay u kala dheereeyaan quwadaha adduunku. Waxa aynu qormadan ku soo qaadan doonaa afartaa marin-biyood meelaha ay ku yaalaan iyo dalalka ku herdamaya: = Marin-biyoodka Hurmus (Strait of Hormuz): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa gacanka Beershiya iyo gacanka Cumaan. Dhinaca waqooyi/galbeed waxa ka kulaalaya dalka Iiraan, dhinaca bari dalka Imaaraadka halka dhinaca koonfureedna uu ka kulaalayo dalka Cumaan. Marin-biyoodka waxa maalintii mara ku dhawaad 17 Milyan oo foosto oo shidaal ah una dhigtan 20% ganacsiga shidaalka adduunka. Waxaanay shidaalka u kala qaadaan dalalka Japan, Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed. Sida laga soo xigtay ((U.S Energay Informatiho Adminstration). Marin-biyoodani waa mid aad u dhuuban oo dhererkiisu yahay 33 Kiiloomitir. Halka ugu dheerina ay tahay 95 Kiiloomitir. Mihiimada uu marinkani leeyahay ayaa keentay inay Iiraan ku hanjabtay inay xidhi doonto sannadkii 1980 ee ay socdeen dagaalkii u dhexeeyey Iiraan iyo Ciraaq, hasayeeshee Maraykanka ayaa hanjabaadaasi markii ka jawaabay oo ku yidhi Iiraan inay weerari doonaan haddii ay falkaasi ku dhaqaaqdo. Marinkan waxa saldhig ciidanka badda ah ku leh Maraykanka oo danihiisa ka ilaashada. = Marin-biyoodka Malaaka (Strait of Malacca): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa dalalka Maleesiya iyo Indooniisiya. Waana marin-biyoodka isku xidha badweynta Hindiya iyo badda Baasifiga. Waa marin dhuuban, balse ka weyn marin-biyoodkii hore, waxaanau dhererkiisu yahay 890 Kiiloomitir. Marin-biyoodkan waxa maalintii mara ku dhawaad 14 Milyan oo foosto oo shidaal ah. Waa meesha keliya ee shidaalku u maro dalalka bariga Aasiya ku yaalla. Dalalka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa si weyn isugu haya marin-biyoodkan. Maraykanka oo iska ilaalinaaya Shiinuhu inuu gacanta ku dhigo marin-biyoodkan ayaa saldhigyo ku leh dalalka kulaalaya marin-biyoodka, oo haddiiba ay isku dhacaan Shiinaha inuu ka ilaaliyo inuu xidho marin-biyoodkan. = Marin-biyoodka Baabul Mandab (Bab el-mandeb Strait): Marinkani wuxuu u dhexeeyaa dalalka Jabuuti iyo Yaman. Waxa maalintii mara ku dhawaad 6 Miylan oo foosto oo shidaal ah. Meesha uu ugu dhuuban yahay waa 16 Mayl. Dhinaca waqooyi waxa ka kulaalay dalka Yaman, halka dhinaca koonfur/galbeedna ay ka kulaalayaan dalalka Jabuuti iyo Eratariya. Waana qoorta kala qaybisa biyaha badda cas iyo badweynta Hindiya, taasina waxa ay keentay in dalalka Midowga Yurub, Ruushka, Shiinaha, iyo Maraykanku ay maraakiib dagaal ugu soo direen badda cas iyo badweynta Hindiya ee ay ku sheegeen inay budhcad-badeeda la dagaalamayaan. Mihiimada marin-biyoodkani leeyahay waa ta keentay in dalka Jabuuti ay saldhiyo ay danahooda kaga ilaalashanayaan uga samaysteen dalalka Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaanigu. M arin-biyoodkan waxa shantii sanno ee ugu dambeeyey ku soo kordhay oo sameyn ku yeeshay dagaallada ka socda dalka Yaman oo ay ku dagaalamayaan jabhada Xuutiyiinta iyo dawlada taageerada ka haysta xulufada Sucuudigu hoggaaminaayo. Sannadkii tegay ayey jabhada Xuutiyiintu gantaal ku soo rideen laba markab oo marayey marin-biyoodka Baabul Mandab, waxaanay taasi keentay inay ku khasbaan labadii markab oo Sucuudiga laga lahaa inay dib u noqdaan. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hadda saldhig ciidan ka samaysanaya magaalada Berbera oo uu doonaayo inuu danahiisa ka ilaashada dalalka ka ag-dhaw marin-biyoodka Baabul Mandab. Soomaalilaan waa dalka ugu dhaw marin-biyoodka Baabul Mandab marka la yimaado dalalka kulaalaya, taasina waxa ay mihiimad siisay inay wakhtigan xiiseeyaan dalal badani. = Marin-biyoodka Suweys Kanal (The Suez Canal): Marin-biyoodkani wuxuu isku xidhaa dalalka reer galbeedka, bariga dhexe iyo Eeshiya. Waxa sii mara dhammaan maraakiibta shidaalka sida ee ka gudubta marin-biyoodka Baabul Mandab. Wuxuu isku xidhaa badda cas iyo Medhatareeniyaanka. Waxa furay sannadkii 1869. Wuxuu kulaalaya dalka Masar. Intii aan furin Suweys Kanalka waxa ay maraakiibtu ka soo wareeji jireen dhankaa iyo Koonfur Afrika. Xeebaha Soomaalidu waxa ay mihiim noqdeen markii la furay Suweys Kanalka. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Tixraacyo: 1. Strait of Malacca – World Oil Transit Chokepoints Archived 2014-11-22 at the Wayback Machine, 2. Strait of Hormuz – History and Importance – ThoughtCo https://www.thoughtco.com/strait-of-hormuz-1435398 3. https://gcaptain.com/explainer-what-is-the-bab-el-mandeb-strait-and-why-is-it-important/ 4. https://www.quora.com/What-is-the-Suez-Canal-Why-is-it-important Source
-
Wararka ka imaanaya degaanka Timirshe oo hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka bari ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta halkaasi ay duqeymo ka geysteen diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay. Qof goobjooge ah oo magaciisa diiday ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in diyaarado dagaal aan la garaneyn ay duhurnimadi maanta duqeyn ka geysteen nawaaxiga tuuladaasi Timirshe balse uusan wax faahfaahin ah ka hayn cidda lala beegsaday iyo khasaaraah gaaray midna. Goobjoogaha ayaa sheegay in duqeynta oo si xiriir ah u dhacaysay aysan beegsan halmeel oo keliya isagoo xusay in ay u muuqatay mid lagu garaacayo meelo kala duwan oo isku dhow. Tuulada Timirshe waxaa ku dhow buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka bari halkaasi oo ay ku dhuumaalaystan malayshiyaad xiriir la leh Daacish oo uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Cabdulqaadir Mu’min. Sidoo kale malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo dagaal kula jira kooxda Daacish ayaa ku sugan isla buurahaasi oo ay marar hore ku dallaameen labada dhinac. 14-kii bishan April ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka Maraykanku ay duqeyn ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Puntland xilli uu marayey meel u dhow tuulada Xiriiro oo hoostagta isla degmada Isku-shuban ee gobolka bari. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in sugida Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dhibaato ku yihiin siyaasiyiin danleey ah. Waxa uu sheegay in Siyaasiyiintaas ay yihiin kuwo xaasid ah oo doonaya inay maamulka ridaan, isla markaana amniga ay dhibaato ku yihiin, iyaga oo og wixii la soo maray, kuwaas oo amniga siyaasadeynaya. “Waxaa jira dhaqan oo laga yaabo in dhalinyarada hadda jira kusoo koreen oo mar walba loo dhaxeeya, sida Hoggaamiye Kooxeed ama burcad, laakin hadda lama joogo waqti la dhaho iska gaabso yeysan Al-Shabaab ku arkine, laakin anaga hadaan shacabka fahmin amni lama sugi karo ayuu yiri Duqa Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahana Duqa Magalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa weerar dhinaca Afka ah ku qaaday xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda, kuwaas oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka dhageyso Yariisow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/cod-yariisow-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kulanka madaxweynaha iyo safiirka Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay, safiirka dalka Norway u qaabilsan Soomaliya Mrs Elin. Kulanka madaxweynaha waxaa ku wehelinayey, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, waxaana looga wad-hadlay arrimaha: amniga, dimuqoraaddiyadda, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta doorka haweenka ee siyaasadda doorashooyinka xisbiyada badan, maalgeshiga, waxbarashada iyo la’dagaallanka argagixisada sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ambassador Ms. Elin ay dowladda Puntland ku ammaantay biseylka siyaasadeed ee ay gaartay iyo sida mar waliba, si nabdoon ay uga qabsoonto doorasho xalaal ah, waxayna xustay in ay taasi muujinayso in Puntland ay u diyaarsan tahay, sidii ay ula tartami lahayd caalamka, isla markaana Ms. Elin ayaa balan qaaday in dowladdeedu ay si dhow ula shaqaynayso Puntland, ayna kordhinayaan mashaariicda ay Norway ka fuliso Puntland. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku ammaanay dowladda Norway doorka wanaagsan ee ay mar waliba ka qaataan Horumarinta Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan doorkooda wanaagsan ee Puntland khaasatan dhinacyada waxbarashada, Caafimaadka iyo doorashooyinka, waxaana uu kulanku kusoo dhammaaday is af-garad iyo guul. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sida qorshuhu yahay, maalinta berriya oo sabtiya dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu Nairobi ku joogay. PUNTLAND POST The post Dowladda Norway oo kordhinaysa mashaariicda ay siiso Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-duhur-260419.mp3 View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Mudane Maxamed Xasan Xaad oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood oo loo igmaday samo ka talinta shacabka in ay haatan hor boodayaan shirar ka dhacay dal Somaliya uu khilaaf Masiiri ah kala dhexeeyo. Nabadoon Xaad ayaa tibaaxay in mucaaradka micnihiisu yahay in la saxo dowladda balse uusan ahayn wax dumin sida uu hadalka u dhigay. Waxaana eedeymo kulul uu u jeediyay siyaasiyiintii dhawaan ku kulmay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Waxaa isi soo taraya Cambaareynta loo jeedinayo shirkii Nairobi ee ka dhanka ahaa DFS. View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay shirka Magaalada Nairobi dhawaan ku yeesheen qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha maamul Goboleedyada , Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo xubno matalayay xibsiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa ka soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirkaasi. Mudane Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in dalka haatan uu ku tallaabsanayo Horumarro la taaban karo sidaas daraadeed aan loo baahneen in la carqaladeeyo dowladda Soomaaliyeed. Eedeymaha Mucaaradka ayuu sheegay Xildhibaan Dalxa in ay niyad jab ku keeneyso dadaalada iyo Taageerada beesha Caalamku u fidiso Somalia. Si kastaba dhawaan ayaa waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya waxaa ku kulmay Siyaasiyiin Mucaarad ah oo dhaliilo kala duwan u jeediyay DFS. View the full article
-
Mas’uuliyiin ka kala socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway ayaa wada hadallo laba geesood oo miradhal ah ku yeeshay shalay Magaalada Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saarray wax wadaag joogta noqonaya, saaxiibtinimada iyo iyo ka guul keenidda dano is dhaafsiga. Norway waxa ay gacan ka geysanaysaa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo tubaha Xukuumadda ee kobcinta dhaqaallaha, siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta adeegyada bulshada, ammaanka iyo garsoorka. Labada dhinac ayaa waxa ay markale caddeeyeen sida ay uga dhab tahay qoto dheereynta xiriirka laba geesoodka, iyada oo loo marayo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo xooggan, taasi oo lagu taabagelinayo xiriirka wada-shaqayn iyo baahida loo qabo dardargelinta dadaallada hore loogu sii dhaqaajinayo danaha labada shacab. Wafdiga Soomaaliya waxaa madax u ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo ay ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka. Dhanka Wafdiga Dowladda Norway waxaa hoggaaminaysay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gobolka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Marwo Tine Mørch Smith oo ay ku wehliyeen Safiiradda Norway ee Soomaaliya Marwo Elin Bergithe Rognlie iyo saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo Safaaradda Norway ee Soomaaliya. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo safar ku jooga deegaan doorashadiisa ayaa kulamo kula qaatay magaalada Dhuusmareeb madaxda Galmudug. Kulan u dhaxeeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, waxaana kulanka ay kaga hadleen xaaladaha Galmudug. Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kulan gaar ah oo soo dhaweyn ah uu xildhibaanka kula yeeshay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Xildhibaanka uga Mahadceliyay Booqashadii uu ku tegay Deegaanada Galmudug.Sidoo kale waxa uu ku Xildhibaanka ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhankiisa u mahadceliyay madaxda Galmudug, wuxuuna sheegay inuu waxyaabo badan kala shaqeyn doono, sida dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanka. Xildhibaanka ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana uu sidoo kale tagayaa deegaano galmudug ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mariam iyo caruurteeda Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa sheeko cajiiba ka qortay, haweeney u dhalatay waddanka Uganda oo haysata 38 caruura oo dhammaantood mataano ah. Haweeneyda oo lagu magacaabo, Mariam Nabatanzi ayaa la guursaday iyadoo aad u da’yar, wxaana ay laba mataano ah ku curatay, iyadoo ay da’deedu tahay 12 sano jir. Haweeneydan ayaa markasta oo ay uur qaado, waxay dhashaa carruur mataano ah: sida laba, saddex , afar, shan ilaa ay ugu dambeyntii hal mar wada-dhashay lix mataano ah, inkastoo da’daasi ay dhammaantood ka dhinteen. Warbixinta ay qortay Reuters, waxaa lagu sheegay in haweeneydan uu ninkeedii ka tegay, saddex sano ka hor, iyadoo haysata 38 carruura oo dhammaantood mataano ah. Mariam iyo carruurteedu, waxay hadda ku nool yihiin tuulo 50 km u jirta magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda, waxaana guri u ah afar qol oo ku dhex yaalla mid kamid ah beeraha bunku ka baxo ee tuuladaasi. Sida ay sheegayso Mariam, markii u horreysay ee ay mataano dhashay, waxay tagtay xarun caafimaad, waxaana dhakhtarkii u sheegay, in cabbirka ugxan-sidayaasheedu ay aad u weyn yihiin, isagoo kula teliyay in aysan qaadan dawooyinka dhalmada lagu joojiyo, si aysan dhibaato caafimaad uga dhaxlin. Mariam ayaa wakhtigan la daala-dhacaysa korinta ubadkeedan badan, kadib markii uu ka tegay ninkii ka dhalay oo sida ay sheegtay kolkii horeba aad u dayici jiray qoyska. (Sheekada oo dhan halkaan ka akhriso) Waxay sheegtay in wakhtigeeda badankiisa ay ku qaadato, daryeelka ubadkeeda oo uu culays weyni ka haysto, maadaama ay cunto, dhar, daweyn iyo waxbarasho ka sugayaan 38 carruur ah oo aan cid kale la korinayn. Taasi oo ay sii dheertahay in aysan helin shaqa fiican oo ay noloshooda ku maarayn karto. PUNTLAND POST The post Sheeko Cajiiba: Haweeney dhashay 38 mataano ah appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors