-
Content Count
208,304 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaan xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga,kaasi oo la marsiiyay dhawaan aqrinta koowaad. Xildhibaabada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diray fariimo lagu wargalinayo in kulanka ay soo xaadiraan,islamarkaana ay waqtiga ilaaliyaan. “Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho,ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Puntland Post The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Dhibaatada qaadashada carruurta Soomaalida Yurub ayaa ah mid sii kordhaysa,wayna ku adag tahay waalidka Soomaalida in ay aqbalaan marka ay timaado in caruurtooda la qaato, Marka aad dhexmarayso caasimadaha waawayn ee wadamada Yurub, waxaad arkaysaa carruur Soomaaliyeed oo ay wataan waalid cusub oo cadaan ah. Yurub Xuseen Cismaan Ereg waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Norway,waxaa laga qaatay saddex ciyaal ah wiil iyo labba gabdhood sannadkii 2015, Yurub waxay bilowday olole ay ku doonayso in ay ku soo ceshato caruurteedii,waxay qabataa shirar ay kaga hadlayso dhibka haysta Hooyooyinka Soomaalida ee laga qaatay caruurta oo inta badan qarsada dhibaatadooda sababo la xariira bulshada Soomaalida oo faquuqda ama wax aka sheegta,dumarkaas intooda badan ayaa marka danbe noqda kuwo la jiran xannuunka dhimirka. ”Waxay ahayd waqtigii iigu xanuunka badnaa noloshayda, markii wiil iyo gabar aan dhalay laga qaatay Iskuulkii aan u diray,halka gabar yar oo aan haystayna guriga loogu yimid oo laqaatay,kaligay ayaa Maxkamada taga,waxay I gaarsiiiyeen in ay xabsi igaliyaan oo sharciga iga qaataan si ay iigu celiyaan Soomaaliya, bulshadeenu mawada xuma laakiin waxay caayayaan hooyo dhiban oo aan cunto cunin mudo oo ciyaalkii laga qaatay,taas ayaa keenaysa in ay hooyo walba qarsato ilmaha laga qaatay oo ay dadka u sheegto in ay safar jiraan” sidaas BBC-da waxaa u sheegtay Yurub Ereg. Dhibka soo gaara dumarka Soomaaliyeed ee dhibkan la kulmo ee xitaa waxay gaaraan in ay naftooda halis galiyaan halka qaar badan ay ku jiraan cisbitaalada dhimirka ee wadamada Yurub. ”Dhimaatooyin ay ka mid yihiin trauma ayaa ku dhaca hooyada marka laga qaato caruurta,hooyadu way ka duwan tahay Aabaha waayo Uur sagaal bilood ah ayay qaaday way u nugushahay xanuunada dhimirka,xitaa sida ka dhacday Oslo hooyadu waxay khatar u tahay in ay nafteeda disho” sidaa waxaa BBC-da u sheegay Dr Cabdi Siciid oo ah dhaqtar caafimaadka xanuunada dhimirka ka hawl gala cisbitaal ku yaala Oslo. Wadamada qaar waxaa jira haween waqtigooda siiya dumarka si ay u baraan xalka dhibaatooyinka ka soo wajaha nolosha adag ee ay ku nool yihiin wadamada galbeedka, Naadiya xassan waa gabar u dhaqdhaqaaqda sidii dumarka loo bari lahaa nolosha galbeedka iyo jawiga cusub ”Waxaan arkaa inta badan hooyadii kaligeed ayay shirarkii imaanaysaa ilmaha iyada ayaa iskuul gaysnaysa,xafiisyada kaligood ayay tagayaan,waxaan go’aansaday in aan ka caawiyo sidii aan ugu gudbin lahaa aqoonta la xariirta nolosha,waxa ay xaqa u leedahay,sida ugu fudud ee ay isku maarayn karto,shirar ayaan u qabtaa aqoonta inta aan leeyahay waan u gudbiya” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa talooyin kala duwan usoo jeediyay hogaanka ugu sareeyo dalka Soomaaliya, iyaga oo taladooda ku saleeyay shaqsiyaadka ay magacaabayaan madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre. Sheikh Xasan Jaamici oo kamid ah culumada Soomaaliyeed oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay hogaanka dalka inay seddex sifo ka fiiriyaan shaqsiyaad ay xilalka u magacaabayaan. Wuxuu sheegay in marka hore dhamaan hogaanka dalka looga baahan yahay inay dadka ay magacaabayaan ka fiiriyaan shaqsiyaadka ay magacaabayaan inuu yahay qof aamin ah oo aan TUUG aheyn ama wax xadin. Wuxuu sheegay in ruuxaasi uu ku wanaagsananaayo amaanada dadka loogu dhiibo, sidaasi daraadeedna looga baahan yahay in madaxda dalka ay fiiriyaan amaanada ruuxa ay magacabayaan uu leeyahay. Qodobka labaad ee u baahan in laga fiiriyo shaqsiyaadka xilalka loo magacaabayo ayuu ku tilmaamay ruuxa cilmiga uu leeyahay xilka loo dhiibaayo, maadaama haddii uusan aqoon u laheyn howsha uu qabanayo uusan awood u laheyn inuu u adeego dadweynaha. Ugu dambeyn madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayuu usoo jeediyay inay ka fiiriyaan ruuxa ay magacaabayaan waaya aragnimada uu leeyahay shaqsiga, taasi oo wax badan badali karta. Sheikh Xasan Jaamici ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka iyo xubnaha mucaaradka inay dhankooda cilmi ku saleeyaan mucaaradnimada, islamarkaana ay la shaqeeyaan dowladnimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Pakistan)-Dabley aan la aqoonin ayaa la sheegay in ay dileen haweeney ka mid ahaa shaqaale ku hawlanaa Tallaalka Dabaysha ama ku dileen Degaanka Jarman ee Gobalka Balusitaan ee Koonfur galbeed ee dalkaasi. Ciiddanka Ammaanka ayaa sheegay inay dableyda rasaas ku fureen kooxda shaqaalaha tallaalka oo ku sugnaa Tuulladda Suldaan Zaay oo 100 KM dhanka Waqooyi galbeed kaga caasimadda Gobalka Kuweeta, iyadoo mid ka mid ahay shaqaalaha lagu dilay, halka mid kalena lagu dhawaacay. Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay bilaabeen baadhitaanka kooxihii weerarka geystay, waxaana si ku-meel-gaar ah loo hakiyey Talaalka cuddurka dabaysha ee Tuulladda uu weerarku ka dhacay. Tirada guud ee shaqaalaha Tallaalka ee toddobaadkan lagu dilay dalka Pakistan waxay gaarayaan ugu yaraan 3 qof. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in doorashada seddex kursi oo ka banaan golaha shacabka ay ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya musharixiin kala duwan, waxaana dadka la doorto ay buuxinayaan Kuraasta ay baneeyeen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed iyo taliyihii NISA. Sidoo kale waxaa la dooranayaa kursi uu baneeyay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ruush oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Waxaa Kuraasta maanta ku tartamaya musharixiinta kala ah:- Kursiga taliyihii hore ee NISA waxaa u tartamaya; 1.Cali Shiiq C/Laahi . 2.Siid Cali Cisman Xusen. Kursigii Xildhibaan Korneyl Ruush waxaa u tartamaya,,, 1, Nuur Siidow Baba Xasan 2, Fiqi C/Laahi Mayow. Guddiga doorashada Madaxabanaan ayaa Magaalada Baydhaba tababar ugu soo xiray ergada ka qeyb galeysa doorashada oo la barayay habraaca codeynta. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
(SLT-Boosaaso)-Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah. Dadka socotada ah ee soo gaadhay tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha ee shalay kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas. Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, mana jirto wax war ah oo ilaa iminka maamulka Puntland ka soo saareen duqaymaha ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Bari. 14 bishan April ayay aheyd markii meel u dhow tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay Cabdixakiin Dhuqub oo maamulka Puntland sheegay inuu ka tirsanaa ururka Daacish. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Qatar iyo dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay soo kala dhex gashay xiisad diblomaasiyadeed, kadib markii Qatar ay diiday codsi ka yimid dowladda Soomaaliya. Qatar ayaa diiday dalabka dowladda Soomaaliya ee ku saabsanaa inay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI ay joojiso qodis shidaal oo ay ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya isku hayaan, iyadoo ay Kenya shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay inay dhulkan muranku ka taaganyahay ka bilowdo qodis. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa saami ku leh shirkadan Talyaaniga ah, waxaanay saamiyada Qatar ee shirkadani u badantahay hawlgalo shidaal baaris ah oo ay shirkadan Talyaaniga ka wado dalal ka tirsan qaaradda Afrika. Soomaaliya ayaa Qatar ka dalbatay inay ENI kala hadasho joojinta barista shidaal ama Qatar ay kala baxdo saamiga ay ku leedahay shirkadda, haddii aysan sidaas sameyn karin. Dawladda Soomaaliya ayaa wakhti hore ku eedaysay shirkadan Talyaaniga ah ee ENI inay Kenya ka iibsatay aagag shidaal oo ku yaala dhul badeedka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa u aragta dawladda Qatar inay muranka xuduudka badda ee Kenya iyo Soomaaliya ay la safatay Kenya maadaama oo ay shirkadda ENI ee ay Qatar saamiga ku leedahay ka bilowday dhulka lagu muransan yahay qodis, islamarkaana Qatar aysan arrintaas waxba ka qabin. Sidoo kale, Qatar oo isku dayday inay wada-hadlaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku fashilantay kadib markii Soomaaliya ay ku adkeysatay in maxkamad lagu kala baxo oo aysan arrinta badda wada-hadal ka galeyn. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khilaafka wadamada gacanka Carabta wuxuu la saftay dawladda Qatar, waxaanu ka diiday isbahaysiga Sucuudiga ee UAE ay ka mid tahay inuu xiriirka u jaro dawladda Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday ceel ku yaalla togga u dhexeeya tuulooyinka Timirshe iyo Cameeyra oo hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Puntland ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in duqeynta jimcihii halkaasi ka dhacday lagu garaacay malayshiyaad ka tirsan Daacish oo ka dhaansanayey ceel ku yaalla togga Timirshe islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay. Sarkaalka ayaa sheegay in halkaasi lagu dilay xubno ka tirsan malayshiyaadkii la duqeeyay oo uu xusay in qaarkood degaanka laga yaqaannay inkastoo uusan sheegin tiradooda iyo magacyadooda midna. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo kaashanaya xogta ay gudbiyeen sirdoonka gudaha. 14-kii bishan April ayay ahayd markii duqeyn ka dhacday tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban lagu dilay ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya sida ay sheegtay dowladda Maraykanka oo duqeyntasi fulisay. PUNTLAN POST The post Faahfaahin: Malayshiyaad lagu laayay duqeyn ka dhacday gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Adduunka oo dhan waxaa jira dad jecel in ay madaxda ku dhowaadaan iyaga oo u dhawaanshaha madaxda uga faa’iideysta meel marinta dano u gaar ah ama danaha dowlado kale oo ay daacad u yihiin balse qarsoon oo ay yar tahay cid og xiriirka iyo waxa ka dhexeeya iyaga dowladahaas. Dadkaasi waxa ay qaataan xilalka la taliyeyaal iyaga oo madaxda kala taliya dhinacyo badan oo kala duwan, waxa suuragal ah in aysan markoodii hore ku barbaarin hay’adda dowladda ama aysan bulshadu aqoon, sidaas awgeed iyaga oo maqnaanshaha labadaas arrimood kafaa’iideysanaya ayay joogaan xafiisyada madaxa iyo xitaa guryaha. Haddii aad ogtahay iyo haddii kalaba, dhammaan qaladaadka waa weyn iyo kuwa yaryar ee ay madaxdu galaan waxaa jira cid xagga dambe taagan oo talo iyo tigaadba ku lug leh balse aan mas’uuliyadda ka dhalata taladaas waxba ku lahayn. Marka ay madaxdu ka hadlayaan dhib jira ama arrin soo socota ama ay tilmaamayaan waxa ay qabteen iyo sida ay u qabteen waxa ay marka hore la kulmaan la-taliyeyaashooda dhinacyada kala duwan, sida Nabadgelyada Qaranka, Qaanuunka, Arrimaha dibadda iwm kaddibna hadba dhinaca ay rabaan in ay ka hadlaan ayay u adeegsadaan macluumaadka looga sheegay oo lagu daray dareenkooda jeediyaan. Tusaale ahaan, madaxweyne Farmaajo ayaa 13-April-2019 waxa uu degmada Wardhiigley ee magaaladaa Muqdisho ka jeediyey hadal ku saabsan bannaanbaxyada iyo nabadgelyada Muqdisho, hadalkaas uu madaxweynuhu jeediyey waxa ku dheehnaa dareen caaddifadeed iyo caro aad u sarreeya kaas oo gaarsiiyey madaxweynaha in uu yiraahdo “Dowladda aan madaxweynaha ka ahay waa dowlad Nadiif ah oo aan tuugo ahayn”, ogow ma jiro qof madaxweynaha weydiiyey wax ku saabsan dowladdiisa mana jirto cid muuqata oo si uun u sheegtay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay ay tahay mid wasaqeysan ama tuugo ah balse waxaa jiray wax isku xiraya dareenka madaxweynaha iyo waaqica yaal dhulka. Jeedinta khudbadaha qiirada iyo caadifaddu ku jiraan waxa ay ku iman kartaa dhowr sababood oo isku xiran, qaarkood waxa ay ku dhisan yihiin wixii talo iyo macluumaad ah oo ay madaxweynaha siiyeen dadka ku dhow ama la-taliyeyaasha u ah, waxa kale oo iyaguna madaxda halis maamul geilya dadka ay abaabulaan la-taliyeyaasha madaxda iyo saaxiibadooda siyaasadda oo u haysta una sheega madaxda in ay ka shaqeynayaan sidii ay u guuleysan lahaayeen. Marka sidaas loo dhigo hadalkii madaxweyne Farmaajo ee kusaabsanaa Bannaanbaxyada iyo Nabadgelyada Muqdisho waxa uu ku yimid labadaas sababood middood, sababaha hadaladaas keenana waxaa ugu muhiimsan:- In La-taliyeyaasha madaxweynuhu ay talo xun iyo xog qaldan siiyeen, tusaale ahaan reer hebel iyo koox hebla ayaa dhibka dhacaya ka dambeysa iyaga oo diiddan dowladda iyo xukunkaaga! sidaas awgeedna madaxweynuhu isaga oo aan qiimeyn dhimashada dhowr qof oo dhallinyaro ah oo raadinaya nolosha reerahooda islamarkaana Meyd yaal ayuu jeediyey hadal caadifad iyo ilduuf ku salaysan oo aan ku habboonayn xaaladda iyo dadka dhibbanayaasha ah tusaale ahaan hadalka madaxweynaha waxaa kujira:- “Dhowr qof oo qaswadeyaal ah ma aha in ay magac xumo siiyaan dowladnimada Soomaaliyeed! Oo inta soo baxaan oo jidadka qaadaan oo taayerro gubaan! Taayeradu macnaheedu waxay tahay waxaa joogta dowlad kaligitaliye ah! Annagu ma nihin kaligiis taliye, Rabitaankiina ayaan ku nimid, markii aan imaaneynay saad noo soo dhoweyseen waa ogeydeen, markii nala doortay waa na taageerteen, haddana ummadda Soomaaliyeed waa na taageersan yihiin maxaa yeelay dowladdaan dowlad fiican weeye aan madaxweynaha ka ahay, dowlad nadiif ah weeye, dowlad ammaanada illaalisa weeye oo aan tuugo ahayn” Saameynta la-taliyeyaasha iyo saaxiibada siyaasadda ee madaxda ayaa iyaduna ah sabab kale oo madaxda gebi karidda sida in koox dad ah la soo abuubulo loona sii sheego waxa laga rabo in ay u sheegaan ama ku dhahaan madaxda marka ay dhacayaan munaasbadaha waaweyn, tusaale ahaan munaasabaddii 12-April-2019 oo madaxweyne Farmaajo ka qaybg alay ayaa koox rag iyo dumar isugu jirta waxa ay qaadeen Caynaanka haay oo ka mid ah heesihii kacaanka balse madaxweynuhu waxa uu yiri: Heesahaasi waxa ay ahaayeen kuwo hore waxa la rabaa in aa heeso cusub sameyno, ogow dadkaasi isakama maagin in ay madaxweynaha heestaan u qaadaan waxa ay heli kareen in ay heeso kale u qaadaan balse sababta heestaas looga qaaday munaasabaddu waxa ay ahayd xulashada la-taliyeyaasha iyo saaxiibada siyaasadda. Haddaba dadka u dhow madaxda ee talooyinkoodu ay qaybta ka yihiin go’aanada madaxdu waa in ay ogaadaan in madaxda oo la marin habaabiyo ama been loo sheego ay tahay qiyaano weyn oo ka dhan ah dadka iyo dalka ayna suuragal tahay in adduunka lagu xisaabiyo waana la hubaa in aakhirada la xisaabiyo, ogaadana ma jiro dembi ka weyn ee madaxda been iyo laab la-kac lagula taliyo. Xigasho: Mustaqbal Radio
-
Googaa? Cigalle: Hasha geela cunta ee cabaadda? Waa Muuse Biixi. Googaa? Cigalle: Dhanna iima fiyooboo cidlaan dhaaminayaa? Waa Cali Khaliif. Googaa? Cigalle: Sidii Magan baan mar wada degay? Waa Prof. Samatar Googaa? Cigalle: Sidaan u caytamo wax uma calfado? Waa Faysal Cali Waraabe Googaa? Cigalle: Mana diiro mana damqado, haddii lay daaandaansadona daamankaan wax jebiyaa? Waa Cirro. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah xildhibaanada sida aadka ah ugu dhow, kuna beel ah madaxweyne Farmaajo ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka oo uu ugu yeeray daneystayaal. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ayuu Cabdishakuur ku sheegay in sababta Farmaajo loo mucaaradayo ay yihiin dano siyaasadeed iyo kuwa lacageed oo aan wax shaqo ah ku lahayn danta dalka. “Haddii Farmaajo uu wax ka qaban lahaa damaca siyaasadeed iyo kan lacageed ee waxa loogu yeeray kooxaha mucaaradka ma aysan iman lahayn qaylada iyo dacaayadda ka dhanka ah maamulkiisa.” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inaysan waxba ku jabneyn in la yeesho fikrado kala duwan, hase yeeshee kooxaha mucaaradka dowladda ay “ajendahooda siyaasadeed ka dhigayaan mid qaran” “Dadkeena ma qaldi karaan jilayaal aad loo yaqaan” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Cabdishakuur. Cabdishakuur Cali Mire ayaa aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxa uu ka mid ah siyaasiyiin dhowr ah oo madaxweynaha ku beel ah, kuwaas oo msharuucyo dhaqaale ka faa’iiday qabashada Farmaajo ee xilka madaxweynaha Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo ay sii kordhayaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda, oo isugu jira xildhibaano, madax hore iyo madaxda mamaul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar cirka ah ku qaadey saldhigyo Al-Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin degaano hoos yimaado degmada Iskushuban ee gobolka Bari. Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-Shabaab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah. Dadka socotada ah ee soo gaaray tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban, ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha ee shalay kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas. Wararka ayaa sheegaya in shanta gantaal lagu kala garaacay dhowrka goobood ee kooxahan ay isku hor-fadhiyaan. Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, hase yeeshee saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen labada kooxood oo dagaal uu ka dhex oogan yahay. 14 bishan April ayay aheyd markii meel u dhow tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay Cabdxakiin Dhuqub oo maamulka Puntland sheegay inuu ahaa ku-xigeenka madaxa kooxda Daacish. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Danjiraha Ireland u fadhiya Kenya Mrs. Lisa Doherty ayaa maanta ku kulmay Nairobi, iyagoona ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayen dhinacyada beeraha iyo dhaqaalaha. Sida Wargeyska East African Business Week uu qorey, danjiraha Somaliland u fadhiya Kenya Md. Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in Ireland muhiim u tahay Somaliland, waxaanu xusay inay ka faa’iidi doonaan khibrad la xiriirta sida loo hirgeliyo kobcinta dhaqaalaha. Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland iyo Ireland ay sii adkeynayaan cilaaqadkooda siyaasadeed, isla markaana ay sameyn doonaan fursado ku wajahan dhinaca iskaashiga dhaqaalaha. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE – UK aid to give clean, affordable renewable energy boost in Somaliland ESRES launches the Somaliland Renewable Energy Fund (SREF) Window 1 in Hargeisa, Somaliland Hargeisa: The UK-funded Energy Security and Resource Efficiency in Somaliland (ESRES) programme is giving more people across Somaliland access to affordable, clean and renewable energy. Through a phased approach, ESRES in partnership with the Somaliland’s Ministry of Energy and Minerals (MoEM) is addressing the high costs of electricity in Somaliland. The diversification of Somaliland’s energy mix, and the strengthening of energy security will help address the high costs of electricity which is a significant barrier to growth. During ESRES Phase 1 (September 2015 – August 2018), the programme supported the Ministry of Energy and Minerals (MoEM) to develop a policy and regulatory framework and implemented a pilot to establish six hybrid mini-grids that are now fully operational across Somaliland. The second phase of ESRES (ESRES II) (September 2018 – 2021) will expand its investment in renewable energy through the Somaliland Renewable Energy Fund (SREF). This investment will help increase affordability and accessibility through lower tariffs and more connections. ESRES II will partner with local energy service providers to develop hybrid mini grids through a cost sharing arrangement. Phil Evans, Head, DFID Somalia, said: “The biggest beneficiary of this new phase of ESRES will be the people of Somaliland who will now pay significantly less for their electricity – building on the successes of the first phase of the programme, we believe this new phase will help promote sustainable economic growth and reduce poverty in Somaliland.” Speaking during the launch second phase of the ESRES programme, event held in Hargeisa, the Director of Energy, Eng. Liban Mohamed at the Ministry of Energy and Minerals said: “We believe this event is crucial for the Somaliland Renewable Energy Fund under the ESRES Programme. This event will encourage all of us to share our ideas, coordinate our efforts and synchronise our thinking towards the successfulness of this programme.” “I wish to extend my deepest appreciation to the Government of the United Kingdom and the British tax payers for their support to the Ministry to deliver sustainable, reliable and affordable electricity service to the people of Somaliland. Both Somaliland and the UK have friendly relationships, and this generous and friendly support will inspire and be cherished by the Somalilanders.” Qaran News
-
ADDIS ABABA, Ethiopia The Customs Commission of Ethiopia announced Wednesday the arrests of three employees of a German company for abusing diplomatic privilege and importing goods worth nearly $8 million without paying taxes, local media reported. The suspects, along with two others arrested and one who managed to escape, prepared fake stamps of the German Corporation for International Cooperation (GIZ) and a transit company, ICAS, to import 9,000 pounds (4,100 kilograms) of products abusing duty-free import privileges of GIZ, according to New Business Ethiopia. “We don’t believe that GIZ, which has been doing many development projects in Ethiopia, is engaged in this illegal trade. We believe that this shows only the motives of the three employees of GIZ to make profit from this contraband trade abusing the diplomatic rights of the organization,” the online news site quoted Customs Commissioner Debele Kabeta. He said the suspects secured a letter from the Ministry of Foreign Affairs to import 410 goods duty free using GIZ’s diplomatic privilege. “Then they produced fake documents with fake stamps of GIZ and transit company (ICAS) to import ten times more,” he said. The equipment captured at Bole International Airport in Addis Ababa two weeks ago include 987 Cannon 5D cameras, 349,084 mobile screens, 6,734 different vehicle spare parts, 332 projectors, 24,250 packets of different medicines, 220 pounds (100 kilograms) of silver products that can be used to make jewelry and 1,318 cables, according to the website. A GIZ official told Anadolu Agency the company is cooperating with law enforcement officials. AA Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Standard ee kasoo baxa magaalada Naiorbi ayaa qoray in dowladda Kenya ay qaadday tallaabo tilmaamaysa in laga yaabo inay dal ahaan u aqoonsato Somaliland. Sida wargeyska uu qoray, wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa soo jeedisay in Githiora Philip Mundia uu aas-aaso howlgalka diblomaasiyeed ee Kenya uga wakiil noqon doona Somaliland. Githiora Philip Mundia ayaa hadda sugaya aqbalaadda madaxweyne Uhuru Kenyatta, si uu u tago Hargeysa. Wargeyska The Standard waxa uu sheegay in tani ay astaan u tahay in Naiorbi ay ugu dambeyn aqoonsan doonto jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee lagu soo jeediyey magacaabista Githiora Philip Mundia, ma bixin wax faah-faahin ah, hase yeeshee waxaa shaki dhalin kara adeegsiga ereyga “mission.” ama howl-gal. Waxba kuma jabna haddii Kenya ay qunsul u magacowdo Somaliland, maadaama goor horeba uu safiir u joogo Muqdisho, waana wax caadi ah in dalalku ay dal kale ku yeeshaan hal safiir iyo dhowr qunsul oo kala fadhiya dhowr magaalo. Hase yeeshee, aas-aaska howl-gal diblomaasiyeed ayaa is-weydiin mudan. Kenya howl-galkeeda diblomaasiyeed ee Soomaaliya, waa uu dhisan yahay wuxuuna fadhiyaa Muqdisho, sidaas darteed hal dal kuma yeelan karto laba howl-gal diblomaasiyeed. Haddii Githiora Philip Mundia loo magacaabi lahaa qunsul, wuxuu hoos iman lahaa howl-galka Kenya ee Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay safiir Lucas Tumbo, hase yeeshee aas-aaska howl-gal diblomaasiyeed cusub wax wax yaab leh. Waana taas sababta wargeyska The Standard uu tallaabadan ugu macneeyey mid muujineysaa in Kenya dooneyso inay aqoonsato Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
. Komishankii doorshooyinka qaranka (National Electoral Commission) wixii uurka ugu jirey ee dhexdhexadnimo la’aanta ahayd ayuu ficilkoodii fashiliyey oo dibedda u soo saaray, markay la shireen shaqona la bilaabeen xisbiyo yidhi doorasho noo gaar ah ayaanu qabsanaynaa. Maadaama sadexdii xisbi ku kala aragti duwanaadeen arrimihii doorashada; oo magaca ay sharci ahaan sitaan ee ah Komishanka doorshooyinka qaranka (National Electoral Commission) ka run sheegayaan; oo in uun ay yihiin dad damiir dhexdhexadnimo ku jiro; waxay odhan lahaayeen anagu komishan qaran baanu nahay wax aad heshiis ku tihiin oo aanu idiinku shaqayno saddexdiina xisbi noola kaalaya. Hase yeeshee waa kuwaa WADDANI u markhaati furay ee caddeeyey in aanay ahayn komishan qaran ee ay yihiin komishan Xisbul Xaakimka ka amar qaata; Allaylahe hadday sii go’een. Ma kuwa fikir xisbiyadu ku kala duwanaaday dhex ka noqon waayey ee dhinac hor kala saftay ayaa doorashada dhex ka noqonaaya? ciddii aan jibo kale haynin ee qiimaynaaya ficilkaa nimaankaasi ku dhaqaaqeen jawaabtoodu waa maya maya maya oo dhex ka noqon maayaan. Adam Ali Younis aayonis@hotmail.com . Qaran News
-
Hargeisa, ( Qaran news)-The Somaliland National Elections Commission, (NEC) held a meeting with two of Somaliland’s national political parties, Kulmiye and UCID, but failed to invite the other party, Waddani. The meeting which took place in the NEC’s offices in Hargeisa, was to according to a press release issued by UCID, to exchange views on the parliamentary and local elections scheduled for December, 2019. The delegation from both parties consisted of senior members, including the 1st Deputy-Chair of Kulmiye and Home Affairs minister, Mohamed Kahin Ahmed, 2nd Deputy-Chair, Ahmed Abdi Dhere “Obama”, Secretary-General, Hassan Saeed, former minister Abdi-asis Samale, meanwhile, UCID was represented by Ahmed Abdi Abyam prospective deputy-chair, Professer Qaasin Tubeec, and other officials. According to the UCID press release, the NEC briefed the two parties on the main hurdles to holding the elections, funding from the international donors, the election bill from the House of Representative and the directive from President Muse Bihi Abdi. The other Somaliland party, Waddani, was not at the meeting and according to reliable sources within the NEC, was not even invited to or made aware of the meeting. However, given the position of Waddani towards the current commission whose mandate is set to expire before the scheduled election in December, it would have been highly unlikely for them to participate. Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah iyo kan reer Ethiopia ee Haile Gebrselassie ayaa weerar afka ah isku qaaday ayada oo tababaraha Mo uu sheegay in lasoo weeraray. Mo Farah iyo Gebrselassie ayaa waxaa dhex mnaray muran ka dhashay alaab Mo Farah uu sheegay in looga xaday hotel uu Gebrselassie ku leeyahay magaalada Addis-Ababa. Gebrselassie ayaa maanta sheegay in Mo Farah uu feeray islamarkaana haraantiyey nin iyo xaaskiisa oo hotel-ka dhibnaca ka deganaa, hase yeeshee Gary Lough oo ah macllinka Mo Farah, ayaa sheegay inuu naftiisa difaacayey oo lasoo weeraray. Lough ayaa sheegay in Mo Farah iyo nin la tababarta oo lagu magacaabo Abi Bashir oo ku sugan qeybta jimcisiga ama gym-ka ee hotelka uu nin kale u yimid una hanjabay. “Waan sii jeestay kadibna waxaan arkay nin hanjabaya oo raba inuu wax ku dhufto Bashir, kadibna Mo wuxuu difaacay Bashir” ayuu yiri Lough oo intaas ku daray in la doonayey in Mo Farah lagu dhufto mid ka mid ah biraha gacanta lagu qaado ee culus ee muqaha dhisa. Mo Farah ayaa arbacadii sheegay in lacag, saacad iyo laba taleefon looga xaday hotelka Gebrselassie ee Addis Ababa, 23-kii March, wuxuuna sheegay inuu aad uga niyad jabay Gebrselassie maadaama uu awoodi waayey inuu u helo alaabtiisa. Gebrselassie oo 46 jir ah ayaa isla arbacadii soo saaray bayaan uu ku eedeeyey Mo Farah inuu dhaawacayo gacansigiisa iyo sumcaddiisa. Gebrselassie waxa uu sidoo kale sheegay in Mo Farah uu si aan wanaagsaneyn u dhaqmayey intii uu degenaa hotelka, islamarkaana lagu dacweeyey booliska, kadib markii uu feeray nin iyo xaaskiisa. Gebrselassie, oo afar goor ku guuleystay tartanka orodka adduunka ayaa sheegay in Mo Farah uu hotelka ku degenaa qiimo dhimis 50% ah, sidaas oo ay tahayna uusan bixin lacagtii laga rabay oo ahayd 81,000 oo birta dalka Itoobiya ah. Mo Farah ayaa ku jawaabay isaga oo sheegay in hadalka Gebrselassie uu yahay been lagu daboolayo fashilka hotelka ee ah in Mo Farah lagu dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeisa,(Qaran news)-Somaliland’s main opposition party, Waddani, has issued it’s official response to the recent agreement between Kulmiye & UCID with regard to the parliamentary and local elections scheduled for December 2019, as well as, the continuing dispute regarding the current National Elections Commission (NEC). In a press communique, Waddani, states the following:- Preamble: Mindful of the need to continue Somaliland’s path toward democracy and taking into consideration the recent visit to Somaliland by EU Ambassadors, Waddani, would like to make the following clear:- 1. That Waddani Supports the holding of parliamentary and local elections scheduled for December 2019. 2. That Waddani is willing and able to participate in any elections held in Somaliland, providing that an impartial National Elections Commission is constituted. 3. That Waddani would like to see following changes made to the Elections Bill currently in front of the House of Representatives, clause 6, article 12, sub-articles 1 and 2, should be amended to include that any future National Elections Commission should consist of nine (9) members. 4. That Waddani supports the calls from both within Somaliland and the international community to replace the current National Elections Commission on 6th of June, 2019, so that a new NEC have enough time to conduct the parliamentary and local elections scheduled for December, 2019. 5. That Waddani, although mindful of the protracted tenure of the current Somaliland House of Representative, still believes that the house can play a meaningful role in the creating the right environment to hold national elections. The party doesn’t support the administration’s stance that the House of Representative has failed in its duties. 6. That Waddani considers unconstitutional the attempt by the other two parties, Kulmiye and UCID to try and hold national elections in Somaliland without the participation of all the official parties in the country. 7. That Waddani will not accept the agreement between Kulmiye and UCID of the 23rd April, 2019, and believes that any attempt to circumvent the constitution of Somaliland will not only be illegal, but not in the interest of Somaliland and it’s citizens. The communique was signed by the chair of the party, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha mamaul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni, Axmed Maxamed Islaan iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga, la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madax goboleedyada ay safiirka Mareykanka ku war-geliyeen inaysan la dhacsaneyn siyaasadda iyo habka dowladda Soomaaliya ay dalka ku hoggaaminayso waqtigan. Waxa ay sheegeen inaysan muuqan in dowladda ay dalka ka hir-gelin karto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu ballan-sanaa, islamarkaana ay ku fashilantay ammaanka caasimadda. Saddex madaxweynaha, ayaa sida aan xogta ku helnay ka codsaday Mareykanka inuu xoojiyo la macaamilka tooska ah ee uu la leeyahay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, oo aysan usoo marin dowladda federaalka. Donald Yamamoto ayaa la sheegay inuu xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay waxbadan oo horumar ah ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
One of Trans Nation Airways choppers crashed this morning minutes after departure from the Bole International Airport in Addis Ababa, Ethiopia. All the two crew and five passengers of the chopper heading to Jimma are reportedly survived the accident. The chopper crashed around Bole Bulbula area in Addis Ababa, according to FBC, the ruling party owned media report, which quoted head of aviation contol agency. Trans Nation Airways is owned by the Ethiopian born Saudi billionaire Sheikh Mohammed Hussein Ali Al-Amoudi of MIDROC (Mohammed International Development Research and Organization Companies) Technology Group of Ethiopia. Trans Nation Airways company profile states that it has been providing passenger and cargo air Transportation services using its two Bombardier Dash-8-200Q Aircrafts. It is not yet clear what caused the accident and who were aboard. The Dash-8-200s are operated for domestic and international charter services. The aircraft is also leased out to other operators such as International Organizations, NGOs, Tour Operators, UN Agencies, and others mainly on wet lease basis. It is recalled that last year in August 2018 one military chopper coming from Eastern part of Ethiopia has crashed around Bishoftu leading to death of 18 people. In addition, the whole world mourn recently when Boeing 737 Max 8 has crashed six minutes after departing from Bole International Airport killing all its 157 passengers and crew. NBE Qaran News
-
labada dhinac ayaa ku kulmay Nairobi Nairobi April 26, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehelinayeen Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto. Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga , la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ambassador Donald Yamamoto ayaa xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay waxbadan oo horumar ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo badda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha. Sidoo kale Ambassador Yamamoto ayaa dowladda Puntland ku amaanay sida mar waliba ay uga go’antahay, la-dagaalanka Argagixisada iyo dhaqan gelinta hannaanka Federaalisamka, isaga oo xusay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada hirgelinta nidaamka dimuquraadiyaynta ee Puntland dedaalka ugu jirto inay hirgeliso. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda Maraykanka uga mahadnaqay taageerada balaadhan ee ay Puntland kasiiso ladagaalanka Argagixisada iyo tababarida ciidamada, isla mar’ahaantaana Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey kulankan muhiimka ah uu la qaatay Ambassador Yamamoto. -DHAMMAAD- The post War-saxaafadeed: Safiirka Maraykanka oo kulan la qaatay madaxweyne Deni oo ay weheliyaan Axmed Madoobe iyo Xaaf appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors