-
Content Count
208,297 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali minister for Finance, Abdirahman Baileh has talked with official International Monetary Fund (IMF) in Addis Ababa, the capital city of Ethiopia. In a Twitter post, the minister said he discussed with the officials over means to review the Staff-Monitored Program (SMP). The minister hoped that the meeting offered an opportunity to further discussed the SMP. “Today we have started SMP review with our colleagues from the IMF in #AddisAbaba. This review gives both sides an opportunity to finalise SMP III. We look forward to productive &positive discussions in the comings days on the next program. Reforms are key to Somalia‘s progress,” the twitter reads. The third staff-monitored programme is planned to run between May 2018-April 2019. The program will focus on broadening and deepening reform implementation to maintain macroeconomic stability and to continue rebuilding institutions and capacity to improve macroeconomic management and governance. SMP III is aimed at building achievements under the previous two SMPs. It will continue to lay the foundation so that Somalia will eventually have a SMP that meets the IMF Upper Credit Tranche (UCT) conditionality which is one of the key requirements for Somalia to reach the Decision Point under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha, waxaanu ugu baaqay inuu mar walba wanaag, tixigelin iyo cadalaad umadda ugu adeego, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda tixgaliyaan. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay sida wada jirka ah u gaadheen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Go’aankan la gaadhay maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan Xisbiyadu ku wada socdaan in la gaadho ayaa loo baahan yahay,laakiin maaha inay kala socdaan, oo kala fogaadan, Komishan laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan nahay, ee ha la simo, oo Xisbiyadu ha u sinaadan”. Mar uu ka hadlaayey Golaha Guurtida ayaa yidhi “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeye, cidda soo xulaysaana waa Salaadiinta,maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanayaa, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”. Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ee la dhisayo ayaa yidhi “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah, dad baana deganaa dhulkan loo asteeyey in Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama tahay Madaxweynihii Jahmuuriyada Somaliland,dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo,ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu doortay, ee ha la tixgaliyo, markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, wax kasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshaan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha xadhig iyo cadaadis in lagula kaco”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ayaa toddobaadkan lagaga hadlay geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka wakiilada iyo Baarlamaanka iyo xaaladda xuquuqal insaanka ee Somaliland. Xildhibaan Gill Furniss ayaa weydiisay wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin laba su’aalood oo Somaliland ku saabsan oo kala ah talaabooyinka diblomaasiyadeed ee uu Ingiriisku qaadayo si loo taageero geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo weliba talaabooyinka lagu taageeri karo xaaladda xuquuqal aadamaha ee Somailand. Wasiir Harreiet oo ugu horayn ka jawaabaysa su’aasha ku saabsan geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Ingiriiska waxay sheegtay inuu jiro wada hadal u socdo dawladda Ingiriiska iyo xukuumadda Somaliland oo ku saabsan inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay oo ah December 12 ee sannadkan. Ugu horayn Wasiir Harriet oo ka jawaabaysa su’aasha ku saabsan geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland waxay tidhi “Ingiriiska waxa ka go’an taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland; si gaar ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Tani waxay qayb muhiim ah ka tahay wada hadalo u socda Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo dawladda Somaliland.” Wasiir Harriet oo hadalkeeda si wadataa waxay tidhi “Horaantii bishan safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya wuxuu la kulmay Madaxweyne Biixiga Somaliland si hoosta looga xariiqo sida loogu baahanyahay in doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanku ku qabsoomaan wakhtigooda oo ah 12 December 2019. Ingiriisku wuxuu sidoo kale taageero dhinaca khibrada farasmada ah siiyaa guddiga doorashooyinka Somaliland, waxaanu kala shaqaynayaa horumarinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo kor u qaadista ka qayb galka haweenka.” Wasiirka ayaa waxa kale oo ay ka jawaabtay taalooyinka ku saabsan ilaalinta xuquuqal insaanka Somaliland ee uu Ingiriisku qaadayo, waxaanay tidhi “Ingiriisku wuxuu bixiyaa caawimo balaadhan oo lagu taageerayo xuquuqda bini-aadamka ee Somaliland. Waxa qayb ka ah in lagala shaqeeyo garsoorka Somaliland in la aasaaso xeer nidaamiye iyo guddi kormeer iyo baadhiseed si loo siiyo tababar sharci oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda, si loo hubiyo in Boolisku ku shaqaynayaan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda bini-aadamka iyo in kor loo qaado xaaladaha xabsiyada. Sidoo kale Ingiriisku wuxuu dawladda Somaliland ka taageeraa in la aasaaso xeer nidaamiye saxaafadeed, waxaanay si joogto ah ugala shaqeeyaan ururada bulshada xorriyatul qawlka, xuquuqda haweenka iyo xuquuqda dadka laga tirada badanyahay.” Source
-
Guddiga warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee golaha shacabka BF ayaa todobaadkan golaha waxaa uu hordhigay warbixin la xiriirta khasaaraha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay u gesyteen shirkadaha Hormuud Iyo Somtel. Shirkadda Hormuud: 05/10/2012, Ciidamada Kenya ayaa miino ku xiray Tower-ka shirkadda ee ee tuulada Dhegalaab ee Baardheere, khasaaraha waa $255,528,16. 17/09/2017: Ciidamada ayaa burburiyey Site-k tuulada Khadiijo Xaaji ee Beled Xaawo, khasaaraha waa $388,344,34. 20/01/2018: Ciidamada ayaa miino ku xiray Site-ka Tuulada Ceelbaade ee Gedo, khasaaraha waa $307,594.36 02/03/2018: Ciidamada ayaa burburiyey Site-ka Dhamase ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $390,410.56. Mar 3aad, waxaa ay burburiyeen Site-ka tuulada Dhuuntow ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $267,778.16 13/08/2018: Waxaa ay burburiyeen BTS-ka matoorada soolarada iyo Towerka shirkadda ee Cali-buley ee Dhoobley, khasaaraha waa 298,461.16. 20/01/2019: Waxaa ay burburiyeen agab, ateennada, soolarka, BTS-ka keydka shidaalka ee xarunta Dhuyac goron, khasaaraha waa $331,294.00 27/03/2019: ciidamada ayaa yimid xarunta Jaldeys ee u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley , waxaa ay burburiyeen qalabkii sida BTS-ka, Soolarada, Matoorada, Tower-ka, systemka iyo keydkii shidaalka iyo ugu dambeyntii 20/03/2019 waxaa ay soo weerareen xarunta shirkadda ee Xiisin guur, wax khasaaraha ma gaarsiin. Dhinca kale, shirkadda SOMTEL ayaa sheegtay iney ciidamo Kenyaan ah ay yimaadeen xaruntooda Jaldeys March 27, 2017 iyaga oo miino ku xiray Tower-ka halkaasna ku burburiyey dhammaan qalabkii, khasaaraha halkaasi ka dhashay waa $165,760.00 Haddaba, Khasaaraha guud ee ciidamada Kenya ay ka geysteen goobaha ay burburiyeen sida: Dhegalaab, Khadiijo Xaaji, Ceel-baande, Dhamase, Dhuuntow, Cali-buley, Dhuyac,garon iyo Jaldays waa $2,493,410.76 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Wajaale)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax bambo oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Wajaale. Inkastoo aanay dawladu wax ah ka soo saarin hadana wararka ayaa sheegay in Bambo ay qaraxday waxaanu dhaawac ka soo gaadhay ninkii gacanta ku hayay oo ay hayadaha ammaanku xidheen. Lama garanayo in bambadu qaraxday iyadoo qorshe lagu fulinayay iyo in kale. Source
-
(SLT-Nairobi)-Wargeyska The standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa cadadkiisii khamiistii baahiyay in dawladda Kenya ay ergay gaar ah u soo magacaabayso xafiis ay doonayso inay ka furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Wargeyska oo soo bandhigay magacyada safiiro kala duwan oo ay Kenya qorshaysay inay dunida u kala dirto, ayaa waxa sida uu wargeysku sheegay ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Ms. Monica Juma, qorshaysay in danjire Githiora Philip Mundia uu noqdo ergayga Kenya oo uu xafiis ay Kenya leedahay ka sameeyo caasimadda Somaliland. Wargeysku, wuxuu sheegay in qorshahani u muuqdo mid ay Kenya ku doonayso inay ku aqoonsato qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Danjire Philip ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, waxaanu hore u ahaa qunsulka safaaradda ay Kenya ku leedahay magaalada Moosko ee dalka Ruushka. Wargeysku wuxuu sheegay in isbedelka iyo magacaabista ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ku samaysay safiirada dalkeeda u jooga dunida dhawaan si rasmi ah loo shaacin doono. Dawladda Kenya ayaa dhawr goor oo kala duwan waxay sheegtay inay xafiis ka furanayso caasimadda Somaliland ee Kenya, laakiin doorkan waxay saxaafadda Kenya soo bandhigtay magaca ergayga ay Kenya doonayso inay u soo dirto caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Source
-
Washington (Caasimada Online)-Senetor Ilhaan Cumar oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee Mareykanka ayaa ka hadashay waxyaabaha ay isku hayaan iyada iyo madaxweyaha Mareykanka Donald Trump. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka ay isku hayaan arimo badan oo ay ugu horeeyaan naceybka soo galootiga Mareykanka, dadka Muslimiinta iyo faquuqa haweenka dalkaasi. Ilhaan waxay sheegtay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka inuusan aheyn mid cusub, balse uu muddo soo taagnaa, balse hadda xaaladda ay dadka dhan ogaadeen. Dhinaca kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay diyaarinayaan sharci ka dhan ah duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya. Ilhaan oo xalay la hadlaysay jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka laga soo doortay ayaa sheegtay in xeerkaasi uu markiisii hore sameeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, kaas oo fasaxay adeegsiga diyaaradaha. Xeerkan cusub ee ay wadaan ayey ku sheegtay in ay wax uga qabanayaan adeegsiga diyaaradahaas oo duqeyntooda ay ku dhintaan dad rayid ah. Waxaa ay sheegtay in markii uu Obama qaadanayay go’aankaas ujeedada kaliya ahayd wax ka qabashada Al-shabaab hayeeshee uu sababay dhimashada dad badan oo rayid ah. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Ilhaan-Cumar-oo-ka-hadashay-waxay-isku-seegeen-madaxweyne-Trump.mp3 Caasimada Online Xafiiska USA Caasimada@live.com
-
(SLT-Spain)-Ra’isal Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu iyo todoba sarkaal oo isugu jira kuwo hore iyo kuwo hadda xilal haya ayaa khatar ugu jira in la xidho, hadiiba ay cagta dhigaan dalka Spain, ka dib markii uu waaran qabasho ah u soo jaray xaakin maxakamadeed. Sida lagu baahiyay wargeyska ka soo baxa wadamada laatiinka ee American Herald Tribune, xaakinka guud ee dalka Spain Jose de la Mata ayaa ciidamadda booliska ee dalkaasi waxa uu amar ku siiyay in xabsiga dhigaan Ra’isal Wasaaraha Isreal iyo saraakiishaasi kale hadiiba ay dhacdo in ay soo galaan dalka Spain. Saraakiishan ayaa loo haystaa xasuuq dhacay 2010, waxaanay ay khatar ugu jiraan in xabsiga loo taxaabo. Saraakiisha kale ee maxakamaddu amartay in la xidho ayaa kala ah wasiirkii hore ee gaashaandhiga isreal Ehud Barak, Wasiirka arrimaha Dibadda Avigdor Leiberman, Wasiirkii hore ee qorshaha Moshe Yaalon, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Eli Yishai iyo xubno kale. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Isreal Oo lagu magacaabo Emmanuel Nachshon ayyaa u sheegay Wargeys ka soo baxa Isreal in ay xukuumadda Spain kala hadli doonaan sidii loo joojin lahaa xukunkaasi Source
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka ayaa sheegtay inay in muddo ahba is-hayeen madaxweyne Donald Trump. Waxa ay sheegtay inay arrintaasi salka ku hayso khilaafka Trump kala dhaxeeya Muslimiiinta, soo galootiga, haweenka iyo dadka madowga ah. “Khilaafka aniga iyo madaxweynaha [Trump] wax cusub ma ahan, waxaan aaminsanahay in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka Muslimiinta ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka qaxootiga waddankan ku ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka madowga ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka dumarka ah.” Ilhaan waxa ay sheegtay in iyada ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dadkaasi oo waxa ay tiri “aniga waxaan ahay qof dadkaas oo dhan wadamatalo, marka aniga iyo asaga inaan isku dhacno waa wax mar hore soo bilowday.” Ilhaan oo xaafad ka mid ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee laga soo doorto kula kulantay qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegtay in halista amni ee ay wajahayso uu madaxweyne Trump ka dambeeyo. “Halistaas waxaan u malaysanayaa in dadka badanaa ay dareemi karaan in sida madaxweynaha uu u hadlaayo inay keentay.” ayey tidhi. “Dadka hadda xabsiga daraadey ugu jira oo rabay inay aniga I dilaan kuligood waxay dhaheen madaxweynaha ayaan taageersannahay oo madaxweynaha magaciisa ayaan rabnaa inaan Ilhaan ku dilno.” Ilhaan waxa ay sheegtay in madaxweyne Trump uusan kaligeen halis galinee uu sidoo kale halis galiyay dadka iyada ay matasho iyadoo tiri: “wuxuu halis galiyay dadka qaxootiga ah ee raba inay waddankan [Mareykanka] soo galaan, halista uu galiyay dadka Muslimiinta, halista uu galiyay dadka madowga iyo dumarka sida uu uga hadlo halista ay keenayso.” Waxa ay intaasi ku dartay in Trump uusan ka fakarin dhibka uu hadalkiisa keeni karo “waa qof aanan ka fakarin hadalka uu isticmaalaayo iyo dhibaatooyinka uu keeni karo, iyadoo dadka uu ka dhigayo inay cadaw yihiin oo kale.” Ilhaan waxa ay tilmaantay in la soo gaaray waqtigii Trump laga qaadi lahaa xilka madaxtinimada. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bartamihii bishii Febraayo waxa uu ugu baaqay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongreska Mareykanka, inay iscasisho, kaddib markii ereyo “Yuhuud naceyb” ah ay ku qortay barteeda Twiter-ka. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi oo sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi. Trump ayaa sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay. Haddaba halkee ayay iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Trump? Xiligii uu madaxweyne Trump ku jiray ololaha doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yiri Soomaalida ku nool Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay kusoo kordhiyen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida. Waxaa kale oo aad loo xusuusta hadal caan baxay oo ay tiri Ilhaan oo aha in dadka Minnesota aysan soo dhaweynin qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedday doorashadeedii maadaamma ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay. Markii la dhaariyay lhaan Cumar aya waxay farta ku fiiqday arrimo ay kamid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen. Source
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan ammaanka magaalada Muqdisho. Yariisow ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka caasimadda oo maalmihii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey. Duqa Muqdisho oo ka qeybgalayey munaasabad lagu taageerayey guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir ayaa dhaka kale, shacabka ku dhaqan degmadaasi ku ammaanay arrimaha diriseynta iyo ka shaqeynta amniga. Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkan dambe wadey qorsheyaal lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baardheere (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo ka sameeyeen xaafado katirsan magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Guddoomiye ku xigeenka Baardheere Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay Ciidanka ammaanka ay fashiliyeen qarax nuuca miinada ah oo lagu aasay qeybo ka mid ah Dedgmadaasi. Sidoo kale Al-Qaadi ayaa tilmaamay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay waxyaaabaha Maanka-Dooriya iyo dhinyarado isticmaaleysay. Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan Ciidamada amniga sugida ammaanka magaaladaasi oo inta weeraro ay ka fuliyaan Al Shabaab. View the full article
-
Washington (SMN) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Marekanka ayaa ka dhawaajisay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ay waxyeelada ugu badan ka soo gaarto dadka rayidk ah. Ilhaan oo la hadleysay VOA-da ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay kula xisaabtamayaan duqeymaha uu khasaaraha ka soo gaaro shacabka. Sidoo kale waxa ay ugu baaqday Mareykanka in uu magdhow ka bixiyo dadka rayidka ah oo uu ku dilay duqeymihiisa Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Ilhaan-Cumar.mp3 View the full article
-
Ciidanka Nabad sugidda ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxay ku sheegeen iney ku qabteen walxaha qarxa. War kasoo baxay taliska nabad sugidda ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in Miino nooca dhulka lagu aaso ay ka bixiyeen meel waddo ah, taasi oo ay tilmaameen in la doonayey in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan degmada Baardheere “Ciidanka Nabad sugidda Jubbaland ee degmada Baardheere waxay miinadan kasoo saareen goob ay ku aaseen Argagaxisada Al-shabaab waxya doonayeen in shacabka ay ku dhibaateeyaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay nabad sugidda Jubbaland. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe waxa ay howlgal ka wadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa Magaalada Adis Ababa kaga qeyb-galay Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaa magaalada Adis Ababa inooga furmay Shirk IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo aan uga wada hada hadleyno horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo ka wada tashiga hiigsiga sanadaha soo socda”ayuu yiri Wasiir Bayle. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hada ay taagantahay meel Aduunku wada ogyahay taas oo ah in dhabihii guusha ay ku socoto. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-270419-v.mp3 View the full article
-
Qaar ka mid ah askartii Mareykanka ee ka qeyb gashay dagaalkii Muqdisho ee October 3 ama “Black Hawk Down” ayaa weerar afka ku qaadey Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka kadib markii la helay Tweet ay qortay October 2017-kii kaas oo ay ku sheegtay in dadka qaar ay iska indho tirayaan in ciidamada Mareykanka ay kumannaan ku dileen Soomaaliya. Marka laga soo tago askarta, waxaa jira dad badan oo difaacey Cumar, waxaa sidoo kale jiray buug lagu magacaabo “Black Hawk Down: A Story of Modern War” (1999) uu qoray Mark Bowden kaas oo dadka Soomaalida ah ee maalintaas dhintay ku qiyaasay ilaa 700 Qoraallada qaar ayaa qaba iney gaarayaan ilaa 1,000, laakin ma jirto warbixin rasmi ah oo arrintaas laga soo saarey. October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku sugnaa Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka 1,000 ka badana ku dhaawacmeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Sabti ah, xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka maanta ee xildhibaannada golaha shacabka ayaa ah akhrinta Labaad ee hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga,. Waxaa la filayaa in kooramka xildhibaannada ay soo dhammeystirmaan si aanu kulanka dib ugu dhicin kulamadii ka horreeyey camal. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allahj. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaan xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga,kaasi oo la marsiiyay dhawaan aqrinta koowaad. Xildhibaabada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diray fariimo lagu wargalinayo in kulanka ay soo xaadiraan,islamarkaana ay waqtiga ilaaliyaan. “Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho,ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Puntland Post The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Dhibaatada qaadashada carruurta Soomaalida Yurub ayaa ah mid sii kordhaysa,wayna ku adag tahay waalidka Soomaalida in ay aqbalaan marka ay timaado in caruurtooda la qaato, Marka aad dhexmarayso caasimadaha waawayn ee wadamada Yurub, waxaad arkaysaa carruur Soomaaliyeed oo ay wataan waalid cusub oo cadaan ah. Yurub Xuseen Cismaan Ereg waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Norway,waxaa laga qaatay saddex ciyaal ah wiil iyo labba gabdhood sannadkii 2015, Yurub waxay bilowday olole ay ku doonayso in ay ku soo ceshato caruurteedii,waxay qabataa shirar ay kaga hadlayso dhibka haysta Hooyooyinka Soomaalida ee laga qaatay caruurta oo inta badan qarsada dhibaatadooda sababo la xariira bulshada Soomaalida oo faquuqda ama wax aka sheegta,dumarkaas intooda badan ayaa marka danbe noqda kuwo la jiran xannuunka dhimirka. ”Waxay ahayd waqtigii iigu xanuunka badnaa noloshayda, markii wiil iyo gabar aan dhalay laga qaatay Iskuulkii aan u diray,halka gabar yar oo aan haystayna guriga loogu yimid oo laqaatay,kaligay ayaa Maxkamada taga,waxay I gaarsiiiyeen in ay xabsi igaliyaan oo sharciga iga qaataan si ay iigu celiyaan Soomaaliya, bulshadeenu mawada xuma laakiin waxay caayayaan hooyo dhiban oo aan cunto cunin mudo oo ciyaalkii laga qaatay,taas ayaa keenaysa in ay hooyo walba qarsato ilmaha laga qaatay oo ay dadka u sheegto in ay safar jiraan” sidaas BBC-da waxaa u sheegtay Yurub Ereg. Dhibka soo gaara dumarka Soomaaliyeed ee dhibkan la kulmo ee xitaa waxay gaaraan in ay naftooda halis galiyaan halka qaar badan ay ku jiraan cisbitaalada dhimirka ee wadamada Yurub. ”Dhimaatooyin ay ka mid yihiin trauma ayaa ku dhaca hooyada marka laga qaato caruurta,hooyadu way ka duwan tahay Aabaha waayo Uur sagaal bilood ah ayay qaaday way u nugushahay xanuunada dhimirka,xitaa sida ka dhacday Oslo hooyadu waxay khatar u tahay in ay nafteeda disho” sidaa waxaa BBC-da u sheegay Dr Cabdi Siciid oo ah dhaqtar caafimaadka xanuunada dhimirka ka hawl gala cisbitaal ku yaala Oslo. Wadamada qaar waxaa jira haween waqtigooda siiya dumarka si ay u baraan xalka dhibaatooyinka ka soo wajaha nolosha adag ee ay ku nool yihiin wadamada galbeedka, Naadiya xassan waa gabar u dhaqdhaqaaqda sidii dumarka loo bari lahaa nolosha galbeedka iyo jawiga cusub ”Waxaan arkaa inta badan hooyadii kaligeed ayay shirarkii imaanaysaa ilmaha iyada ayaa iskuul gaysnaysa,xafiisyada kaligood ayay tagayaan,waxaan go’aansaday in aan ka caawiyo sidii aan ugu gudbin lahaa aqoonta la xariirta nolosha,waxa ay xaqa u leedahay,sida ugu fudud ee ay isku maarayn karto,shirar ayaan u qabtaa aqoonta inta aan leeyahay waan u gudbiya” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa talooyin kala duwan usoo jeediyay hogaanka ugu sareeyo dalka Soomaaliya, iyaga oo taladooda ku saleeyay shaqsiyaadka ay magacaabayaan madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre. Sheikh Xasan Jaamici oo kamid ah culumada Soomaaliyeed oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay hogaanka dalka inay seddex sifo ka fiiriyaan shaqsiyaad ay xilalka u magacaabayaan. Wuxuu sheegay in marka hore dhamaan hogaanka dalka looga baahan yahay inay dadka ay magacaabayaan ka fiiriyaan shaqsiyaadka ay magacaabayaan inuu yahay qof aamin ah oo aan TUUG aheyn ama wax xadin. Wuxuu sheegay in ruuxaasi uu ku wanaagsananaayo amaanada dadka loogu dhiibo, sidaasi daraadeedna looga baahan yahay in madaxda dalka ay fiiriyaan amaanada ruuxa ay magacabayaan uu leeyahay. Qodobka labaad ee u baahan in laga fiiriyo shaqsiyaadka xilalka loo magacaabayo ayuu ku tilmaamay ruuxa cilmiga uu leeyahay xilka loo dhiibaayo, maadaama haddii uusan aqoon u laheyn howsha uu qabanayo uusan awood u laheyn inuu u adeego dadweynaha. Ugu dambeyn madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayuu usoo jeediyay inay ka fiiriyaan ruuxa ay magacaabayaan waaya aragnimada uu leeyahay shaqsiga, taasi oo wax badan badali karta. Sheikh Xasan Jaamici ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka iyo xubnaha mucaaradka inay dhankooda cilmi ku saleeyaan mucaaradnimada, islamarkaana ay la shaqeeyaan dowladnimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Pakistan)-Dabley aan la aqoonin ayaa la sheegay in ay dileen haweeney ka mid ahaa shaqaale ku hawlanaa Tallaalka Dabaysha ama ku dileen Degaanka Jarman ee Gobalka Balusitaan ee Koonfur galbeed ee dalkaasi. Ciiddanka Ammaanka ayaa sheegay inay dableyda rasaas ku fureen kooxda shaqaalaha tallaalka oo ku sugnaa Tuulladda Suldaan Zaay oo 100 KM dhanka Waqooyi galbeed kaga caasimadda Gobalka Kuweeta, iyadoo mid ka mid ahay shaqaalaha lagu dilay, halka mid kalena lagu dhawaacay. Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay bilaabeen baadhitaanka kooxihii weerarka geystay, waxaana si ku-meel-gaar ah loo hakiyey Talaalka cuddurka dabaysha ee Tuulladda uu weerarku ka dhacay. Tirada guud ee shaqaalaha Tallaalka ee toddobaadkan lagu dilay dalka Pakistan waxay gaarayaan ugu yaraan 3 qof. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in doorashada seddex kursi oo ka banaan golaha shacabka ay ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya musharixiin kala duwan, waxaana dadka la doorto ay buuxinayaan Kuraasta ay baneeyeen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed iyo taliyihii NISA. Sidoo kale waxaa la dooranayaa kursi uu baneeyay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ruush oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Waxaa Kuraasta maanta ku tartamaya musharixiinta kala ah:- Kursiga taliyihii hore ee NISA waxaa u tartamaya; 1.Cali Shiiq C/Laahi . 2.Siid Cali Cisman Xusen. Kursigii Xildhibaan Korneyl Ruush waxaa u tartamaya,,, 1, Nuur Siidow Baba Xasan 2, Fiqi C/Laahi Mayow. Guddiga doorashada Madaxabanaan ayaa Magaalada Baydhaba tababar ugu soo xiray ergada ka qeyb galeysa doorashada oo la barayay habraaca codeynta. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
(SLT-Boosaaso)-Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah. Dadka socotada ah ee soo gaadhay tuulada Timirshe ee degmada Isku-shuban ayaa sheegay inay salaadii Jimcaha ee shalay kadib ay maqlayeen ugu yaraan 5 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey deegaanka Ceelka Shidi Cameyra ee u dhow tuuladaas. Majirto cid xaqiijisay khasaaraha ay duqeymahaasi ka geysteen goobaha lala beegsaday, mana jirto wax war ah oo ilaa iminka maamulka Puntland ka soo saareen duqaymaha ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Bari. 14 bishan April ayay aheyd markii meel u dhow tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban duqeyn cirka ah lagu dilay Cabdixakiin Dhuqub oo maamulka Puntland sheegay inuu ka tirsanaa ururka Daacish. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Qatar iyo dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay soo kala dhex gashay xiisad diblomaasiyadeed, kadib markii Qatar ay diiday codsi ka yimid dowladda Soomaaliya. Qatar ayaa diiday dalabka dowladda Soomaaliya ee ku saabsanaa inay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI ay joojiso qodis shidaal oo ay ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya isku hayaan, iyadoo ay Kenya shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay inay dhulkan muranku ka taaganyahay ka bilowdo qodis. Shirkadda Qatar Petroleum ayaa saami ku leh shirkadan Talyaaniga ah, waxaanay saamiyada Qatar ee shirkadani u badantahay hawlgalo shidaal baaris ah oo ay shirkadan Talyaaniga ka wado dalal ka tirsan qaaradda Afrika. Soomaaliya ayaa Qatar ka dalbatay inay ENI kala hadasho joojinta barista shidaal ama Qatar ay kala baxdo saamiga ay ku leedahay shirkadda, haddii aysan sidaas sameyn karin. Dawladda Soomaaliya ayaa wakhti hore ku eedaysay shirkadan Talyaaniga ah ee ENI inay Kenya ka iibsatay aagag shidaal oo ku yaala dhul badeedka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa u aragta dawladda Qatar inay muranka xuduudka badda ee Kenya iyo Soomaaliya ay la safatay Kenya maadaama oo ay shirkadda ENI ee ay Qatar saamiga ku leedahay ka bilowday dhulka lagu muransan yahay qodis, islamarkaana Qatar aysan arrintaas waxba ka qabin. Sidoo kale, Qatar oo isku dayday inay wada-hadlaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku fashilantay kadib markii Soomaaliya ay ku adkeysatay in maxkamad lagu kala baxo oo aysan arrinta badda wada-hadal ka galeyn. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khilaafka wadamada gacanka Carabta wuxuu la saftay dawladda Qatar, waxaanu ka diiday isbahaysiga Sucuudiga ee UAE ay ka mid tahay inuu xiriirka u jaro dawladda Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors