-
Content Count
208,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) ayaa ku guuleytay kursiga xildhibaanimo ee uu baneeyay agaasimihii Hay’adda NISA. Cali Afgooye ayaa helay dhamaan codadkii Ergada dhiibteen , musharaxii kale ee loo diiwaan geliyay inuu la tartamo ayaa goobta ka maqnaa, dalka Canada ayuu jiraa sida guddiga sheegeen. Kursigan waxaa ku tartamayay Wiil uu dhalay Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo Cali Afgooye waxaana dhamaan Ergadii codeysay ugu shubeen Cali Afgooye. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxabanaan Xaliimo Ismaaciil ayaa doorasha inta aysan billaaban sheegtay in kursigan ay hayeen hal Sano iyo bar intaas ka badanna uusan banaanaan karin. Wiilka uu dhalay Xuseen Cismaan ayaa ku maqan Dalka Canada,waxaana Guddiga doorashada uu sheegay in uusan soo wargelin sababta uu ku maqanyahay maaddaaam 24kii Bishan doorashada u baaqatay. Taliyayaasha NISA iyo Kuraasta Baarlamaanka:Taliyihii hore ee Hay’addda Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa iska casilay Xldhibaannimo,waxaa uu qaatay xilka Taliyaha, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka qaadis ku sameeyay. Waxaa uu dib ugu tartamay Kursigiisii Golaha shacabka,waxaana uga adkaaday Xildhibaan Nuur Iidow Beyle.Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa iska casilay kursiga Golaha shacabka waxaa loo magaacabay Taliyaha NISA, 8 bilood kaddib waxaa uu u tartamay Xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed isaga oo xilkii Taliyaha NISA iska casilay.Waxaa uu ku guuldarreystay xilkaas,waxaana uu Wiilkiisa u tartansiiyay kursigii Golaha shacabka ee uu horay isaga casilay kaas oo looga adkaaday. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in ay saddex ka tirsan malayshiyaadka Daacish ku dileen duqeyn dhanka cirka oo jimcihii shalay ay ka geysteen buuraleyda Golis ee gobolka Bari (Puntland). Qoraal Sabtida maanta ka soo baxay taliska AFRICOM ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladd Federaalka Soomaaliya lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in aan wax khasaare ah soo gaarin dadka rayidka ah ee k nool degaannada duqeyntaasi ka dhacday. Militariga Maraykanku wuxuu intaasi raaciyay in uu duqeynta halkaasi ka dhacday faahfaahin kale oo dheeriya ka bixin doono wakhtiga ku habboon. 14-kii bishan April ayey ahayd markii diyaaradaha Maraykanku ay duqeyn ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee SoomaaliyaCabdixakiin Dhuqub xilli uu marayey aga’gaarka tuulada Xiriiro ee gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Militariga Maraykanka oo sheegay in uu xubno Daacish ka tirsan ku dilay gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xilligan ka socota Hoolka Sahal ee ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4 Xaflada Daah furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed. Xafladdan ayaa waxaa ka qeyb galaya oo lagu casuumay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale. Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta si rasmi ah u shaacinaya xubnihiisa iyo dhoolatuskiisa siyaasadeed, iyadoo uu noqonayo Xisbigii labaad ee ugu miisaanka culus, Xisbiyadii bilihii la soo dhaafay looga dhawaaqayay Muqdisho. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale doonaya inuu boorka iska jafo, una sameysto isbaheysi siyaasadeed, si uu ugu diyaar garoobo doorashada soo socota ee 2021. Nidaamka Xisbiyada badan oo la filayo in dhowaan Soomaaliya ka bilaabato ayaa noqday mid ay ka soo muuqanayaan Siyaasiyiin hore oo xilal soo qabtay, kuwaasoo ku haminaya inay dalka hoggaamiyaan.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Faatixa Suruur, oo ahayd ku-xigeenkii xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Qaramada Midoobe aan sharixi karin Fikirka Al-Shabaab ee ay kaga qayb qaadan karaan dhismaha nabadda. Waxa ay intaa ku dartay in Al-Shabaab ay wataan fikir gaar u ah oo ay adagtahay in laga dhaadhiciyo in miiska wada hadalka wax waliba ay geeyaan oo lagu dhameeyo, si loo dhiso nabadda. Faatixa suruur ayaa tusaale usoo qaadatay kooxda Daalibaan ee ka dagaalanka Afgaanistaan oo ay sheegtay in wada hadal lala furay. Dhibaatada Qaramada Midoobe ka heysata dhismaha nabadda Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in Al-Shabaab aanu ogoleen in wada hadal ay abuuraan. Aragtidooda ayay sheegtay in ay dadka usii gudbiyeen, si ay usii joogaan mudo dheerna ay usii shaqeyso aragtidooda. “waxaan ku dhahay,waynu dhisi karnaa Nabada,hadii aanay isku dayno in la xaajoono kuwa masuulka ka ah dhibaatada,Dhab ahaantii waa sida xaalada afgaanista iyo taalibaan. Tobon sano kadib maanta wada hadal ayay ogol yihiin waana lala bilaabay,Wan ku wareeray kuwa aan la laheyn Darajo sare hadana aadaya xaafadaha sida ay ula kulmaan wakiilada alshabaab,Waxaa jira qaar aragtideyda ah oo ku aadan arinta. Waxaa jira dad faqiir ah kuwaas oo ayaga ku biira sababta ah in ay cuno siiyeen,Waa Tusaalee,kama leexaneyn in aan la furno wada hadal nabadeed,Waynu ku guuldareysanay. Anaga qaramada midoobe ahaan,Nabada Waa waxa ugu weyn ee aan hada wajaheyno” ayay tiri Faatixa Suruur oo ahayd ku xigeenkii Wakiilkii Qaramada Midoobe ee Soomaaliya. Qaramada Midoobe ayaa isku dayda ka miro dhalinta heshiisyada dhinacyada is haya, si aanu saameyn ku yeelan dadka shacabka oo ah dhibanayaasha koowaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha, waxaanu ugu baaqay inuu mar walba wanaag, tixigelin iyo cadalaad umadda ugu adeego, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda tixgaliyaan. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay sida wada jirka ah u gaadheen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Go’aankan la gaadhay maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan Xisbiyadu ku wada socdaan in la gaadho ayaa loo baahan yahay,laakiin maaha inay kala socdaan, oo kala fogaadan, Komishan laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan nahay, ee ha la simo, oo Xisbiyadu ha u sinaadan”. Mar uu ka hadlaayey Golaha Guurtida ayaa yidhi “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeye, cidda soo xulaysaana waa Salaadiinta,maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanayaa, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”. Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ee la dhisayo ayaa yidhi “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah, dad baana deganaa dhulkan loo asteeyey in Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama tahay Madaxweynihii Jahmuuriyada Somaliland,dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo,ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu doortay, ee ha la tixgaliyo, markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, wax kasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshaan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha xadhig iyo cadaadis in lagula kaco” Qaran News
-
Xaalada Degmada Faqaayuub Oo Cirka Isku Shareertay+Shirkadu Boobku Wada Khayraadka Ku Duugan Buuraha +Xaalada Ugu Dambaysay Ee Deegaankaas Xaalad Degmada Faqaayuub Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Shirkadu Boobku Wada Khayraadka Ku Duugan Buuraha +Xaalada Ugu Dambaysay Ee Deegaanadaasi Xaalada Deegaanada Faqaayuub Iyo Ceel Baxay Ayaa Aad Looga Dayriyaan Ka Dib Markii Halkaas Hawlo Macdan Qodidi Ah Ka Bilaabeen Shirkado Shisheeye Oo Laga Yeeyahay Dalka Chine ] Shirkadaha Ayaa Gurnaya Khayraadka Ku Duugan Buuraha Gaar Ahaan Dhagax Loo Yaqaano Jeedhka Dadka Ku Nool Deegaanadaasi Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujiyay Shirkadaha Shisheeye EE Gurnaya Khayraadka Dalka Taas Oo Sababta In Ay Sameeyaa Iska Caabin Dhowaan Waxa Halkaas Gaadhay Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Macdanta Jaamaca Maxamud Cigaal Kuwaas Oo Halkaas Ka Dhagax Dhigay Xarumaha Iyo Fadhiismaha Shirkadaha Guranaya Macdanta Ku Doogan Buurahaasi Ay Ku Yeelan Doonaan Halkaasi Wasiiradan Ayaa Dadka Degamada Faqaayuub U Sheegay In Macdantan Laga Qodayo Deegaanka Ay Faaido U Tahay Dadka Deegaanka Ismarkaana Lagu Hor Marinayo Degmada Waxa Halkaas La Geeyay Ciidamo Tiro Badan Oo Isku Jira Boolis Iyo Milatiri Si Loo Sugo Amniga Shirkadaha Soo Saaray Macdanta Geesta Kale Ilo Xogo Gaal Ah Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Salaadiin, Cuqaal ,Madax Dhaqameed Iyo Siyaasi Shirar Ku Yeelanayaan Magaalooyinka Berbera Iyo Burco Kuwaas Ka Arinsanaya Xaalada Ka Soo Cusboonaatay Deegaanada Ceel Baxay Iyo Faqaayuub Ila Hadan Lama Oga Halka Ay Saldhigan Doonto Xaaladan Cakiran Ee Ka Deegaanadan . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee golaha shacabka BF ayaa todobaadkan golaha waxaa uu hordhigay warbixin la xiriirta khasaaraha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay u gesyteen shirkadaha Hormuud Iyo Somtel. Shirkadda Hormuud: 05/10/2012, Ciidamada Kenya ayaa miino ku xiray Tower-ka shirkadda ee ee tuulada Dhegalaab ee Baardheere, khasaaraha waa $255,528,16. 17/09/2017: Ciidamada ayaa burburiyey Site-k tuulada Khadiijo Xaaji ee Beled Xaawo, khasaaraha waa $388,344,34. 20/01/2018: Ciidamada ayaa miino ku xiray Site-ka Tuulada Ceelbaade ee Gedo, khasaaraha waa $307,594.36 02/03/2018: Ciidamada ayaa burburiyey Site-ka Dhamase ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $390,410.56. Mar 3aad, waxaa ay burburiyeen Site-ka tuulada Dhuuntow ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $267,778.16 13/08/2018: Waxaa ay burburiyeen BTS-ka matoorada soolarada iyo Towerka shirkadda ee Cali-buley ee Dhoobley, khasaaraha waa 298,461.16. 20/01/2019: Waxaa ay burburiyeen agab, ateennada, soolarka, BTS-ka keydka shidaalka ee xarunta Dhuyac goron, khasaaraha waa $331,294.00 27/03/2019: ciidamada ayaa yimid xarunta Jaldeys ee u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley , waxaa ay burburiyeen qalabkii sida BTS-ka, Soolarada, Matoorada, Tower-ka, systemka iyo keydkii shidaalka iyo ugu dambeyntii 20/03/2019 waxaa ay soo weerareen xarunta shirkadda ee Xiisin guur, wax khasaaraha ma gaarsiin. Dhinca kale, shirkadda SOMTEL ayaa sheegtay iney ciidamo Kenyaan ah ay yimaadeen xaruntooda Jaldeys March 27, 2017 iyaga oo miino ku xiray Tower-ka halkaasna ku burburiyey dhammaan qalabkii, khasaaraha halkaasi ka dhashay waa $165,760.00 Haddaba, Khasaaraha guud ee ciidamada Kenya ay ka geysteen goobaha ay burburiyeen sida: Dhegalaab, Khadiijo Xaaji, Ceel-baande, Dhamase, Dhuuntow, Cali-buley, Dhuyac,garon iyo Jaldays waa $2,493,410.76 Xigasho Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa haatan ka soo degay caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Mudane Deni ayaa daqiiqado kadib faahfaahin doona safarkiisa dibadda ee uu ku tegay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan. Faahfaahinta Puntland Post The post Madaxweynaha Puntland oo haatan ka soo degay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said it has been intensifying training for Somali national security officials to prepare them for the handover of security responsibility ahead of the AU mission’s exit in 2021. AMISOM said as part of the effort, the security officials on Wednesday completed four-day training on human rights aimed at strengthening transparency and accountability in the country’s law enforcement system. Francis Ndiema, AMISOM acting police training coordinator said in a statement issued on Friday that the training would go a long way in helping law enforcement agencies uphold the rule of law in their daily functions. “The course was aimed at enlightening officials from different law enforcement agencies in Somalia on international human rights standards that are relevant in law enforcement to enable them effectively uphold and protect people’s rights,” Ndiema observed. Ndiema reiterated AMISOM’s commitment to continue building the capacity of the Somali security institutions during the transition period. “As AMISOM Police, we will continue executing our mandate of supporting law enforcement agencies in Somalia and more specifically the police to take a leading role in maintaining law and order,” he added. The pan African troops are expected to relinquish the security of the key towns, to the Somali forces, through a conditions based transition plan, to allow them take the lead responsibility as part of the planed exit. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)- Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta markii labaad la hor keenay Maxkamadda gobolka Maroodijeex. Qodobada lagu soo eedeeyay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo maanta la horkeenay maxkamaadda gobolka Maroodi-jeex waxa ka mid ah in uu sameeyay hal ku dhigga, Sida uu sheegay garyaqaan Mubaarik Cabdi, oo u doodaya Cabdimaalik Muuse Coldoon. Garyaqaan Mubaarik Cabdi ayaa qoraal uu ku baahiyay facebook waxa uu ku yidhi sidan “Saaka subaxii waxa markii labaad la hor keenay maxakamada Gobolka maroodi jeex suxufi Abdilmalik Musa Coldoon Booliskuna waxay soo bandhigeen Eedaha ay dawladu u haysato suxufiga oo dhamantood ah qoraalada uu facebooka ku qoro sida hal ku dhiga Taliska Muuse biixi iyo taliskani wuxuu haya tabtii talisyadii hoogay,waxa cajiibka ah ee eedaha aan caqliga ku dhisnayn ka mid ah Sawirka madaxweynaha iyo sawirka Cabdi iilaygii jig jiga oo uu qoraal ku dul qoray . Iyo Warbixin madaxweynaha laga diyaariyay xilligii u mudaharaadi jiray iyo hada sida aanu u jeclayn madaxweynuhu in la mudaharaado. Qoraal uu facebookiisa ku qoray buu idhi laba taliye oo xanuunsaday baa cusbitaal ba la geeyay tiina waa loo xidhay . Coldoon Eheladiisu maxakamada damaanad bay u weydiiyeen si uu debada iskaga joogo intay dacwadiisu socoto maxakamaduna dalabkoodi way ka diiday walow ay ku sababaysay qodobada hor dhaca ahi inaanay lahayn Damaanad.” FG:Wali dacwad rasmi ah laguma Soo oogin balse waa eedaha hor dhaca ah waxaanay saamaynayaan xoriyada hadalka iyo inuu qofku si xor ah u cabiri karro Aragtidiisa isagoon cabsi qabin. Source
-
Baydhabo (SMN) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo lagu qabanayaa doorashada saddex kursi oo ka banaan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kuraasta la dooranayo ayaa waxaa kala baneeyey taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdulle Mayow (Korneyl Ruush) oo dhintay. Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ku sugan Baydhabo ayaa maamulaya hawsha doorashada oo goor dhaw bilaabanaysa. Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,iyadoo ay diyaar yihiin musharixiinta u tartamaysa buuxinta boosaskaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada Degmada Wadajir ayaa sheegay in uu socdo qorshe dhammeystiran oo lagu sii xoojinayo amniga caasimadda. Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey hawlgallada joogtada ah ee habeen iyo maalin ay ku guda jiraan geesiyaasha Soomaaliyeed ee sugaya amniga Caasimadda, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaadanayaan shacabku sugidda amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan muwaadiniinta. Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay bulshada Degmada Wadajir in ay u istaagaan dardar gelinta is-dhexgalka bulshada, deriseynta, nabadeynta iyo horumarka Caasimada Muqdisho,iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saarayo awood siinta shacabka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray Maamulka Cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Degmada Wadajir kor u qaadidda bilicda degmada, xaqiijinta qorsheyaasha horumarineed iyo ilaalinta fayo dhowrka. “Maadaama Degmadu yeelatay Maamul cusub waxaan filayaa in howlihii socday la sii dardargeliyo, gaar ahaan isdhexgalka bulshada, Deriseynta, nabadeynta iyo horumarka Caasimada”. Duqa Muqdisho ayaa xusay in 15kii bilood ee la soo dhaafay lagu guuleystay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka, iyadoo la hirgeliyay barnaamijka dariseynta oo qeyb muhiim ah ka qaatay isku xirka shacabka iyo Maamulka, gaar ahaan fulinta adeegyada bulshada, amniga iyo dib-u-dhiska Caasimadda. View the full article
-
Rep. Ilhan Omar, D-Minn., once said “thousands” of Somalis were killed by U.S. forces in the 1993 “Black Hawk Down” mission. The freshman congresswoman’s missive in a 2017 tweet was dug up on Monday. She had been rebuffing a Twitter user’s assertion that the Battle of Mogadishu, which killed more than a dozen U.S. soldiers, was the “worst terrorist attack in Somalia history.” “In his selective memory, he forgets to also mention the thousands of Somalis killed by the American forces that day! #NotTodaySatan,” Omar, a Somali refugee, tweeted back. More than a dozen U.S. soldiers were killed and 73 others were injured in the 1993 raid in Mogadishu, which was portrayed in the 2001 movie “Black Hawk Down” starring Josh Hartnett. Somali death toll estimates have varied. Journalist Mark Bowden, who wrote the book on which the “Black Hawk Down” movie was based, estimated roughly 500 Somali militia men had been killed, according to Fox News. Other Somali death toll estimates have varied, going up as high as 1,000, and the Rand Corporation estimated approximately 300 civilians were killed. Omar’s tweet was first identified by journalist John Rossomando of the Investigative Project on Terrorism. Omar was serving as a state representative in Minnesota when she sent the tweet. U.S. troops headed into Somalia in 1992 as part of a humanitarian mission to aid famished victims as the country was in turmoil from civil war. The Battle of Mogadishu was launched on Oct. 3, 1993 to capture allies of Somali warlord Mohammed Farah Aidid. The Battle of Mogadishu lasted 15 hours and killed 18 Americans, including Sgt. James Casey Joyce, 24; Cpl. James “Jamie” Smith, 21; and Sgt. 1st Class Randy Shughart, 35. A well-known photograph from the battle depicts a U.S. soldier being dragged through the streets of Mogadishu. Several days after the mission, then-President Bill Clinton announced U.S. troops would withdraw from Somalia. View the full article
-
Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, oo ah xildhibaan golaha shacabka BF, laga soo doortay Galmudug, kana tirsan xulafada iyo gacanyareyaasha madaxweyne Farmaajo ayaa weerar ku qaadey mucaaradka madaxweynaha Soomaaliya isaga oo ku eedeeyey in qeyladooda tahay uun jago iyo lacag. Xildhibaan Mire oo arrintaas ka hadalaya waxaa uu yiri ““Haddii Madaxweyne Farmaajo uu wax ka qaban lahaa baahida siyaasaseed iyo midka dhaqaale ee mucaarad ku sheega, kama hor yimaadeen, ma sameeyeen qeylo iyo dacaayad ka dhan ah maamulkiisa”. Xildhibaan Cabdishakuur Cali ayaa si joogta ah u dacaayadeedo xisbiyada dalka, dowlad goboleedyada, bulshada rayidka, shaqaalaha mushaar la’aanta ka cabanaya iyo cid kasta oo qeyb ka ah jamhuuriyadda federaalka ah oo u doodda xuquuqa dastuuriga ah. Haddalada uu bulshada ku weeraro waxaa ka mid ah “Wax badan oo umad ahan naga qaldamay, waxaa loo aaneeya sameynta ay bulshadena ku ledahay fafinta benta & xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin hababiyo ,dacayadu waxay noqotay awoda kaliya ee mucaradku adegsado.Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa”. Waxaa qoraalladiisa ku weeraro mucaaradka ka mid ah“Afkaar qurxoon oo aan ficil wanaagsan ka dambeyn horaa shacabka loogu qaldey. Hogaamiyeyaal intii horey loo tijaabiyey ku fashilmay masuuliyadii loo doortay, magaran karo sida ay shacabka ugu qancin karaan inay madax cusub oo hogaamin wanaagsan noqonayaan hadii markale la doorto”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Burco(SL-T):Xaalad Degmada Faqaayuub Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Shirkadu Boobku Wada Khayraadka Ku Duugan Buuraha +Xaalada Ugu Dambaysay Ee Deegaanadaasi Xaalada Deegaanada Faqaayuub Iyo Ceel Baxay Ayaa Aad Looga Dayriyaan Ka Dib Markii Halkaas Hawlo Macdan Qodidi Ah Ka Bilaabeen Shirkado Shisheeye Oo Laga Yeeyahay Dalka Chine ] Shirkadaha Ayaa Gurnaya Khayraadka Ku Duugan Buuraha Gaar Ahaan Dhagax Loo Yaqaano Jeedhka Dadka Ku Nool Deegaanadaasi Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujiyay Shirkadaha Shisheeye EE Gurnaya Khayraadka Dalka Taas Oo Sababta In Ay Sameeyaa Iska Caabin Dhowaan Waxa Halkaas Gaadhay Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Macdanta Jaamaca Maxamud Cigaal Kuwaas Oo Halkaas Ka Dhagax Dhigay Xarumaha Iyo Fadhiismaha Shirkadaha Guranaya Macdanta Ku Doogan Buurahaasi Ay Ku Yeelan Doonaan Halkaasi Wasiiradan Ayaa Dadka Degamada Faqaayuub U Sheegay In Macdantan Laga Qodayo Deegaanka Ay Faaido U Tahay Dadka Deegaanka Ismarkaana Lagu Hor Marinayo Degmada Waxa Halkaas La Geeyay Ciidamo Tiro Badan Oo Isku Jira Boolis Iyo Milatiri Si Loo Sugo Amniga Shirkadaha Soo Saaray Macdanta Geesta Kale Ilo Xogo Gaal Ah Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Salaadiin, Cuqaal ,Madax Dhaqameed Iyo Siyaasi Shirar Ku Yeelanayaan Magaalooyinka Berbera Iyo Burco Kuwaas Ka Arinsanaya Xaalada Ka Soo Cusboonaatay Deegaanada Ceel Baxay Iyo Faqaayuub Ila Hadan Lama Oga Halka Ay Saldhigan Doonto Xaaladan Cakiran Ee Ka Deegaanadan . Source
-
Somali minister for Finance, Abdirahman Baileh has talked with official International Monetary Fund (IMF) in Addis Ababa, the capital city of Ethiopia. In a Twitter post, the minister said he discussed with the officials over means to review the Staff-Monitored Program (SMP). The minister hoped that the meeting offered an opportunity to further discussed the SMP. “Today we have started SMP review with our colleagues from the IMF in #AddisAbaba. This review gives both sides an opportunity to finalise SMP III. We look forward to productive &positive discussions in the comings days on the next program. Reforms are key to Somalia‘s progress,” the twitter reads. The third staff-monitored programme is planned to run between May 2018-April 2019. The program will focus on broadening and deepening reform implementation to maintain macroeconomic stability and to continue rebuilding institutions and capacity to improve macroeconomic management and governance. SMP III is aimed at building achievements under the previous two SMPs. It will continue to lay the foundation so that Somalia will eventually have a SMP that meets the IMF Upper Credit Tranche (UCT) conditionality which is one of the key requirements for Somalia to reach the Decision Point under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha, waxaanu ugu baaqay inuu mar walba wanaag, tixigelin iyo cadalaad umadda ugu adeego, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda tixgaliyaan. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay sida wada jirka ah u gaadheen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Go’aankan la gaadhay maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan Xisbiyadu ku wada socdaan in la gaadho ayaa loo baahan yahay,laakiin maaha inay kala socdaan, oo kala fogaadan, Komishan laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan nahay, ee ha la simo, oo Xisbiyadu ha u sinaadan”. Mar uu ka hadlaayey Golaha Guurtida ayaa yidhi “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeye, cidda soo xulaysaana waa Salaadiinta,maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanayaa, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”. Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ee la dhisayo ayaa yidhi “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah, dad baana deganaa dhulkan loo asteeyey in Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama tahay Madaxweynihii Jahmuuriyada Somaliland,dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo,ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu doortay, ee ha la tixgaliyo, markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, wax kasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshaan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha xadhig iyo cadaadis in lagula kaco”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ayaa toddobaadkan lagaga hadlay geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka wakiilada iyo Baarlamaanka iyo xaaladda xuquuqal insaanka ee Somaliland. Xildhibaan Gill Furniss ayaa weydiisay wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin laba su’aalood oo Somaliland ku saabsan oo kala ah talaabooyinka diblomaasiyadeed ee uu Ingiriisku qaadayo si loo taageero geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo weliba talaabooyinka lagu taageeri karo xaaladda xuquuqal aadamaha ee Somailand. Wasiir Harreiet oo ugu horayn ka jawaabaysa su’aasha ku saabsan geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Ingiriiska waxay sheegtay inuu jiro wada hadal u socdo dawladda Ingiriiska iyo xukuumadda Somaliland oo ku saabsan inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay oo ah December 12 ee sannadkan. Ugu horayn Wasiir Harriet oo ka jawaabaysa su’aasha ku saabsan geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland waxay tidhi “Ingiriiska waxa ka go’an taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland; si gaar ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Tani waxay qayb muhiim ah ka tahay wada hadalo u socda Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo dawladda Somaliland.” Wasiir Harriet oo hadalkeeda si wadataa waxay tidhi “Horaantii bishan safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya wuxuu la kulmay Madaxweyne Biixiga Somaliland si hoosta looga xariiqo sida loogu baahanyahay in doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanku ku qabsoomaan wakhtigooda oo ah 12 December 2019. Ingiriisku wuxuu sidoo kale taageero dhinaca khibrada farasmada ah siiyaa guddiga doorashooyinka Somaliland, waxaanu kala shaqaynayaa horumarinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo kor u qaadista ka qayb galka haweenka.” Wasiirka ayaa waxa kale oo ay ka jawaabtay taalooyinka ku saabsan ilaalinta xuquuqal insaanka Somaliland ee uu Ingiriisku qaadayo, waxaanay tidhi “Ingiriisku wuxuu bixiyaa caawimo balaadhan oo lagu taageerayo xuquuqda bini-aadamka ee Somaliland. Waxa qayb ka ah in lagala shaqeeyo garsoorka Somaliland in la aasaaso xeer nidaamiye iyo guddi kormeer iyo baadhiseed si loo siiyo tababar sharci oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda, si loo hubiyo in Boolisku ku shaqaynayaan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda bini-aadamka iyo in kor loo qaado xaaladaha xabsiyada. Sidoo kale Ingiriisku wuxuu dawladda Somaliland ka taageeraa in la aasaaso xeer nidaamiye saxaafadeed, waxaanay si joogto ah ugala shaqeeyaan ururada bulshada xorriyatul qawlka, xuquuqda haweenka iyo xuquuqda dadka laga tirada badanyahay.” Source
-
Guddiga warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee golaha shacabka BF ayaa todobaadkan golaha waxaa uu hordhigay warbixin la xiriirta khasaaraha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay u gesyteen shirkadaha Hormuud Iyo Somtel. Shirkadda Hormuud: 05/10/2012, Ciidamada Kenya ayaa miino ku xiray Tower-ka shirkadda ee ee tuulada Dhegalaab ee Baardheere, khasaaraha waa $255,528,16. 17/09/2017: Ciidamada ayaa burburiyey Site-k tuulada Khadiijo Xaaji ee Beled Xaawo, khasaaraha waa $388,344,34. 20/01/2018: Ciidamada ayaa miino ku xiray Site-ka Tuulada Ceelbaade ee Gedo, khasaaraha waa $307,594.36 02/03/2018: Ciidamada ayaa burburiyey Site-ka Dhamase ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $390,410.56. Mar 3aad, waxaa ay burburiyeen Site-ka tuulada Dhuuntow ee Ceel-waaq, khasaaraha waa $267,778.16 13/08/2018: Waxaa ay burburiyeen BTS-ka matoorada soolarada iyo Towerka shirkadda ee Cali-buley ee Dhoobley, khasaaraha waa 298,461.16. 20/01/2019: Waxaa ay burburiyeen agab, ateennada, soolarka, BTS-ka keydka shidaalka ee xarunta Dhuyac goron, khasaaraha waa $331,294.00 27/03/2019: ciidamada ayaa yimid xarunta Jaldeys ee u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley , waxaa ay burburiyeen qalabkii sida BTS-ka, Soolarada, Matoorada, Tower-ka, systemka iyo keydkii shidaalka iyo ugu dambeyntii 20/03/2019 waxaa ay soo weerareen xarunta shirkadda ee Xiisin guur, wax khasaaraha ma gaarsiin. Dhinca kale, shirkadda SOMTEL ayaa sheegtay iney ciidamo Kenyaan ah ay yimaadeen xaruntooda Jaldeys March 27, 2017 iyaga oo miino ku xiray Tower-ka halkaasna ku burburiyey dhammaan qalabkii, khasaaraha halkaasi ka dhashay waa $165,760.00 Haddaba, Khasaaraha guud ee ciidamada Kenya ay ka geysteen goobaha ay burburiyeen sida: Dhegalaab, Khadiijo Xaaji, Ceel-baande, Dhamase, Dhuuntow, Cali-buley, Dhuyac,garon iyo Jaldays waa $2,493,410.76 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Wajaale)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax bambo oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Wajaale. Inkastoo aanay dawladu wax ah ka soo saarin hadana wararka ayaa sheegay in Bambo ay qaraxday waxaanu dhaawac ka soo gaadhay ninkii gacanta ku hayay oo ay hayadaha ammaanku xidheen. Lama garanayo in bambadu qaraxday iyadoo qorshe lagu fulinayay iyo in kale. Source
-
(SLT-Nairobi)-Wargeyska The standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa cadadkiisii khamiistii baahiyay in dawladda Kenya ay ergay gaar ah u soo magacaabayso xafiis ay doonayso inay ka furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Wargeyska oo soo bandhigay magacyada safiiro kala duwan oo ay Kenya qorshaysay inay dunida u kala dirto, ayaa waxa sida uu wargeysku sheegay ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Ms. Monica Juma, qorshaysay in danjire Githiora Philip Mundia uu noqdo ergayga Kenya oo uu xafiis ay Kenya leedahay ka sameeyo caasimadda Somaliland. Wargeysku, wuxuu sheegay in qorshahani u muuqdo mid ay Kenya ku doonayso inay ku aqoonsato qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Danjire Philip ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, waxaanu hore u ahaa qunsulka safaaradda ay Kenya ku leedahay magaalada Moosko ee dalka Ruushka. Wargeysku wuxuu sheegay in isbedelka iyo magacaabista ay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ku samaysay safiirada dalkeeda u jooga dunida dhawaan si rasmi ah loo shaacin doono. Dawladda Kenya ayaa dhawr goor oo kala duwan waxay sheegtay inay xafiis ka furanayso caasimadda Somaliland ee Kenya, laakiin doorkan waxay saxaafadda Kenya soo bandhigtay magaca ergayga ay Kenya doonayso inay u soo dirto caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Source
-
Washington (Caasimada Online)-Senetor Ilhaan Cumar oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee Mareykanka ayaa ka hadashay waxyaabaha ay isku hayaan iyada iyo madaxweyaha Mareykanka Donald Trump. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka ay isku hayaan arimo badan oo ay ugu horeeyaan naceybka soo galootiga Mareykanka, dadka Muslimiinta iyo faquuqa haweenka dalkaasi. Ilhaan waxay sheegtay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka inuusan aheyn mid cusub, balse uu muddo soo taagnaa, balse hadda xaaladda ay dadka dhan ogaadeen. Dhinaca kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay diyaarinayaan sharci ka dhan ah duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya. Ilhaan oo xalay la hadlaysay jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka laga soo doortay ayaa sheegtay in xeerkaasi uu markiisii hore sameeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, kaas oo fasaxay adeegsiga diyaaradaha. Xeerkan cusub ee ay wadaan ayey ku sheegtay in ay wax uga qabanayaan adeegsiga diyaaradahaas oo duqeyntooda ay ku dhintaan dad rayid ah. Waxaa ay sheegtay in markii uu Obama qaadanayay go’aankaas ujeedada kaliya ahayd wax ka qabashada Al-shabaab hayeeshee uu sababay dhimashada dad badan oo rayid ah. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Ilhaan-Cumar-oo-ka-hadashay-waxay-isku-seegeen-madaxweyne-Trump.mp3 Caasimada Online Xafiiska USA Caasimada@live.com
-
(SLT-Spain)-Ra’isal Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu iyo todoba sarkaal oo isugu jira kuwo hore iyo kuwo hadda xilal haya ayaa khatar ugu jira in la xidho, hadiiba ay cagta dhigaan dalka Spain, ka dib markii uu waaran qabasho ah u soo jaray xaakin maxakamadeed. Sida lagu baahiyay wargeyska ka soo baxa wadamada laatiinka ee American Herald Tribune, xaakinka guud ee dalka Spain Jose de la Mata ayaa ciidamadda booliska ee dalkaasi waxa uu amar ku siiyay in xabsiga dhigaan Ra’isal Wasaaraha Isreal iyo saraakiishaasi kale hadiiba ay dhacdo in ay soo galaan dalka Spain. Saraakiishan ayaa loo haystaa xasuuq dhacay 2010, waxaanay ay khatar ugu jiraan in xabsiga loo taxaabo. Saraakiisha kale ee maxakamaddu amartay in la xidho ayaa kala ah wasiirkii hore ee gaashaandhiga isreal Ehud Barak, Wasiirka arrimaha Dibadda Avigdor Leiberman, Wasiirkii hore ee qorshaha Moshe Yaalon, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Eli Yishai iyo xubno kale. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Isreal Oo lagu magacaabo Emmanuel Nachshon ayyaa u sheegay Wargeys ka soo baxa Isreal in ay xukuumadda Spain kala hadli doonaan sidii loo joojin lahaa xukunkaasi Source
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka ayaa sheegtay inay in muddo ahba is-hayeen madaxweyne Donald Trump. Waxa ay sheegtay inay arrintaasi salka ku hayso khilaafka Trump kala dhaxeeya Muslimiiinta, soo galootiga, haweenka iyo dadka madowga ah. “Khilaafka aniga iyo madaxweynaha [Trump] wax cusub ma ahan, waxaan aaminsanahay in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka Muslimiinta ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka qaxootiga waddankan ku ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka madowga ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka dumarka ah.” Ilhaan waxa ay sheegtay in iyada ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dadkaasi oo waxa ay tiri “aniga waxaan ahay qof dadkaas oo dhan wadamatalo, marka aniga iyo asaga inaan isku dhacno waa wax mar hore soo bilowday.” Ilhaan oo xaafad ka mid ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee laga soo doorto kula kulantay qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegtay in halista amni ee ay wajahayso uu madaxweyne Trump ka dambeeyo. “Halistaas waxaan u malaysanayaa in dadka badanaa ay dareemi karaan in sida madaxweynaha uu u hadlaayo inay keentay.” ayey tidhi. “Dadka hadda xabsiga daraadey ugu jira oo rabay inay aniga I dilaan kuligood waxay dhaheen madaxweynaha ayaan taageersannahay oo madaxweynaha magaciisa ayaan rabnaa inaan Ilhaan ku dilno.” Ilhaan waxa ay sheegtay in madaxweyne Trump uusan kaligeen halis galinee uu sidoo kale halis galiyay dadka iyada ay matasho iyadoo tiri: “wuxuu halis galiyay dadka qaxootiga ah ee raba inay waddankan [Mareykanka] soo galaan, halista uu galiyay dadka Muslimiinta, halista uu galiyay dadka madowga iyo dumarka sida uu uga hadlo halista ay keenayso.” Waxa ay intaasi ku dartay in Trump uusan ka fakarin dhibka uu hadalkiisa keeni karo “waa qof aanan ka fakarin hadalka uu isticmaalaayo iyo dhibaatooyinka uu keeni karo, iyadoo dadka uu ka dhigayo inay cadaw yihiin oo kale.” Ilhaan waxa ay tilmaantay in la soo gaaray waqtigii Trump laga qaadi lahaa xilka madaxtinimada. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bartamihii bishii Febraayo waxa uu ugu baaqay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongreska Mareykanka, inay iscasisho, kaddib markii ereyo “Yuhuud naceyb” ah ay ku qortay barteeda Twiter-ka. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi oo sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi. Trump ayaa sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay. Haddaba halkee ayay iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Trump? Xiligii uu madaxweyne Trump ku jiray ololaha doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yiri Soomaalida ku nool Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay kusoo kordhiyen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida. Waxaa kale oo aad loo xusuusta hadal caan baxay oo ay tiri Ilhaan oo aha in dadka Minnesota aysan soo dhaweynin qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedday doorashadeedii maadaamma ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay. Markii la dhaariyay lhaan Cumar aya waxay farta ku fiiqday arrimo ay kamid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen. Source
-
Popular Contributors