Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa sheegay in Somaliland uu ragaadiyay musuq-maasuq, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Laydh Ku Shaqayn Doona Tamarta Cadceeda Oo Laga Hirgaliyey Magaalada Laasacaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Wasiirka Caddaalada dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud oo Sabtida maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in Puntland lagu soo qaaday dagaal warbaahineed oo sumcadda iyo sharafta looga dilayo. Wasiir Xaamud ayaa sheegay in Puntland ay wajahayso dagaal looga soo qaaday baraha bulshada oo ay wadaan dad doonaya in ay sawir fool-xun ka bixiyaan Puntland si ay sumcadda iyo sharafta uga dilaan. “Puntland waxa ku wajahan dagaal social media-da ama gudaheena ha ahaato ama meel kale ha ahaateeoo lagu baabi’inayo image-ka Puntland” ayuu yiri xaamud. Wuxuu tusaale u soo qaatay in gabadh shil gaadhi ku dhimatay laga faafiyay warar been-abuura oo sheegaya in la kufsaday balse markii dambe beenoobay. Wasiirka ayaa ku baaqay in la helo dhalinyaro baraha bulshada aad u isticmaala oo weerarkaasi ka difaacda dowladda si loo ilaaliyo sumcadda Puntland. “Waa in aynu helno dad dhalinyara social media-yaha iyaguna dee waxa weeye aad u isticmaala oo arrintaa ka hortaga” ayuu sii raaciyay wasiir Xaamud. PUNTLAND POST The post Cawil Sheikh Xaamud: Puntland Waxa ku wajahan dagaal appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa waxaa uu sheegay in xuska 18-ka may ee la xusi doono wakhtigeedii oo ku beegan 12 bisha barakaysan ee ramadaan oo aan la soo rari doonin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay Xaaladda dalka, waxaana uu sheegay in dowladda Maanta jirtaa aysan Mas’uuliyad badan iska saarin Xaaladda dalka. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka Al-Shabaab. “Shabaabkii aan shaley Muqdisho iyo gobolo badan oo dalka ah ka xureyney in nala yiraahdo maanta Dekeda Muqdisho ayey Canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, anagu Dowlada diyaarbaan ula nahay inaan ku garab istaagno” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Shariif ayaa hordhigay dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay Caddeyso Saddex qodob oo kala ah: 1. Qorshaheeda amniga dalka, oo meel fog laga keeney 2. Goorta ay soo dhameystirayso dastuurka kumeel gaarka ah 2. Inay xili hore caddeyso nooca Ddoorashada 2021 Sheekh Shariif ayaa Muqdisho kusoo laabtay jimcihii, wuxuuna daaha ka rogay xisbigiisa cusub ee Himilo Qaran, oo la filayo inuu ka mid noqdo xisbiyada ugu miisaanka culus ee doorashada dalka ka dhaceysa 2021. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Xasan Shiikh Maxamuudf"dalkaan wuu soo arkay nidaam kaligii talis ah hana laga diktoonaado" Xasan Shiikh Maxamuudf"dalkaan wuu soo arkay nidaam kaligii talis ah hana laga [...] Source
  7. Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacdey xafladda daah-furka xisbiga Himilo Qaran, waxaana ka soo qeyb galay xisbiyada siyaasadda iyo mas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka. Aden Madoobe oo horay u soo noqdey guddoomiyaha golaha shacabka kana tirsan golaha dhexe ee xisbiga Himilo Qaran Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan madaxda xisbiga Himilo Qaran oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xisbigan uu ku yimid baahida loo qabo xisbi siyaasadeed oo hano karo talada dalka, kana saari kara xaaladda lagu jiro. Mudane Shariif ayaa soo qaatey in maanta qaranka u baahanyahay “Yac” “Shalay annaga oo joogna ayuu korkaanna ku dumay, waqti ayaa lagu baxshay, dad badan oo qaali ah ayaan ku weynay, abaalmarintooda waxaa waaye in aan qarannimada ilaalinno” ayuu intaa raaciyey. Madaxweyne Shariif ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Arrin dhacdey ayaan rabaa in aan idiinkaga sheeko oo aniga iyo madaxweyne Xasan Sheekh na dhex martay waagii aan joogney Garoowe, xooga madaxweynaha waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda dumiyo, war heedhe adiga waxaa la rabay in aad dowladda dhisto ee maxaa jira ii sheeg? Wuxuu dhahay Xashaa lilaah, cabbaar ayaa sheekeysaney, gacabtaan ka qabtey, madaxweyne Farmaajo ayaan u geeyey waxaan iri, madaxweyne ninkan wixii lagu xamanaayey been waaye, 2-badaada sano in aan dhameysato ayuu ogol yahay, laakin waxuu rabaa wuxuu qoonsadey in aad dhageysto? Wuxuu dhahay waa aqbaley, waa ballameen la isma arkin ilaa hadda”. Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyihii hore golaha shacabka ayaa hambalyeeyey xisbigan, isaga oo ku dheeraaday heerarkii axsaabtii siyaasadda laga soo bilaabo 1945-1969 oo 60 xisbi ay jireen iyo dhaqan dimoqoraadi ah, 1969-1979 xisbi ma jirin, 1979 hal xisbi oo kacaanka ahaa ilaa 1990-2015 sidoo kale xisbi ma jirin ilaa laga ansixiyo xeerka xisbiyaga July 2015-kii. Mr. Jawaari waxaa uu soo-jeediyey in axsaabta ay ku midoobaan aragti iyo ajende mideysan, waxaa kale uu ammaaney sida xilalka isugu wareejiyeen kaas oo ah dhaqan ay soo bilaabeen Aden Cabdulle iyo Cabdirashiid Sharma’arke, waxaa uuna ku dar-daarmay in la digtoonaado in asxaabta la takooro iyo in awoodaha dowladnimada ee 3-da ah ay hal gacan gasho. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda xisbiga Himilo ayaa sheegay in dadka hoggaanka u haya ay waayo-aragnimo u leeyihiin dowladnimada. Mudane Xasan Sheekh oo arrimo badan ka hadley waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Dowladdu waa iney ogolaataa, raalli ka noqotaa, fududeysaa, dhiirigelisaa, ilaalisaa siyaasiyiinta marka ay hadalayaan, dadka waa mucaarad iyo waa qaran dumis yaan lagu dhihin ee gurigaaga iska gal qofna ma dhahayo, dadku waa dadlayaan, waa isu tagayaan, sida ugu haboon ay isugu tagi lahaayeen haddii laga hor istaago xataa si aan habooneyn ayey isugu tagayaan, marka marna iney isu tagaan, lama celin karo, dowladda iyo hogaankeeda waxaan ku dhiirigelineynaa in saaxada siyaasadda in la furo, annaguna diyaar ayaan u nahay in aan ku taageerno wax kasta oo qaanuunka waafaqsan, oo dastuurka waafaqsan, oo dowladdu ay wado in aan ku taageerno, wax kasta oo dastuurka dhinac marsan, qanuunka dhinac marsan in aan diidno ayaan diyaar u nahay, isku darnaa xaajada, haddii dastuurka wax ka soo horjeedo maya dhaho, qaran dumis ma ahi, dowlad diid ma ahi”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Magaalada Bosaaso ayaa maanta waxaa laga dhagax -dhigay xaafad cusub oo loogu magac daray Green Village, waxaan dhagax dhigay qaar kamid ah golaha Wasiirda ee dowladda Puntland. [...] Source
  9. safiirka UK iyo madaxweynaha Puntland Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Sabtiya magaalada Garoowe kula kulmay, safiirka dalka UK u qaabilsan Soomaaliya Ben Fender. Kulanka madaxweynaha iyo safiirka ayaa looga hadlay arrimaha: abaaraha ka jira Puntland, amniga, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, sida ay labada mas’uul ka sheegeen hadal ay warbaahinta siiyeen kulankooda kadib. Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horreeyay ayaa sheegay in ay ka wada-hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo qodoba kale, isagoo xusay in ay kulamo kale yeelan doonaan mudada safiirku Puntland joogo. Safiirka ayaa isna socdaalkiisa ku tilmaamay markii u horraysay ee uu yimaado degaannada Puntland, waxaana uu sheegay in kulanka looga hadlay afar qodob oo kala ah; arrimaha abaaraha , horumarinta dhaqaalaha, amniga & la’daagallanka argagixisada iyo guud ahaan siyaasadda dalka. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo Puntland ka caawinaya dhinacyo kala duwan appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxda Soomaalida Markay kasoo degayaan Garoomada Diyaaradaha waxay u dhaqmaan qaab kaligii taliye waxaa garoonka Diyaaradaha loo daabuleeyaa raxan shacab ah oo soo dhaweeya. Halka [...] Source
  11. Taliyaha Jabhada dib u xoraynta degmada Yube Iyo deegaanada hoos-yimaada Taliye Bashiir Axmed Jaamac Shire ayaa fariin adag waxa uu u diray maamulka Muuse Biixi [...] Source
  12. Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee magaalada Garowe, ka dhacay shir u dhaxeeyay Senataro katirsan aqalka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta wasaaraddaas. [...] Source
  13. Ilaa saddex kursi oo doorashada xildhibaannada golaha shacabka ah ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Ilaa hadda waxaa soo baxay labo xildhibaan, oo kala baday taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo Col. Ruush Xildhibaan Cali Sheekh Cabdulahi (Cali Afgooye) ayaa badalay Xuseen Cismaan Xuseen halka Nuur Siidow Baaba Xasan uu isna badalay Col. Ruush. Waxaa socda doorashada kursiga 3aad, ee natiijada la soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad “Oomaar” oo bilaabay Musuqmaasuqida arimaha Xajka sanadkan 2019. Sida aynu la wada socono, sanadkii hore ee 2018ka waxa habsaan iyo dib u dhac weyni ku yimid safaradii ay Xujaajta Soomaalidu ku tagi lahaayeen Xajka iyo Xaramka, iyaga oo kuba sigtay inay sanadkaa ka hadhaan Xajka. Sidoo kale waxa aad u yarayd (marka loo eego sanadihii hore) tiradii nasiibka u heshay inay tagaan Xajka sanadkaa maadaama wakhti dambe la bilaabay xaraynta visayaasha Xujaajta. Dib u dhacaa, habsankaa iyo tiro yaraantaa Xujaajta waxa masuuliyadeeda koowaad lahaa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar) oo isagu xanibay shirkadihii waaweynaa ee Daallo Airlines iyo Jubba Airways kuwaas oo muddo dheer qaadi jiray Xujaajta Soomaalida. Taa badalkeeda, Wasiirku waxa uu watay shirkado isagu heshiis la galay, qaarkoodna uu lacag laaluush ah ka qaatay isaga oo magacyada shirkadahaas u gudbiyey Hayada Duulista Madaniga ah ee Sucuudiga una sheegay inay shirkadahani yihiin kuwa soo qaadaya Xujaajta Soomaalida sanadkaa. Dawlada Sucuudigu waxay aad iyo aad ula yaabtay Wasiirka, sababta oo ah shirkadahaa uu sheegay rukhsad ama ogolaansho kamay haysan Sucuudiga, ma jirin wax duulimaad ah oo ay hore ugu tageen Sucuudiga, ma jirin codsiyo ay ku dalbadeen ogolaansho (permission), xafiisyo ama wakiilo kumay lahayn Sucuudiga isla markaana may ahayn shirkado laga yaqaan ama maqlayba dalka Sucuudiga. Sidaa daraadeed, Wasiirku waxa uu diidmo kala kulmay Hayada Duulista Sucuudiga oo qorshihiisii waxba kama jiraan ka dhigtay, waxaana si toos ah loogu sheegay in Daallo Airlines iyo Jubba Airways ay yihiin shirkadaha rasmi ahaan loo aqoonsan yahay inay qaadayaan Xujaajta Soomaalida. Hadaba, Wasiir Oomaar oo sanadkii hore hungo iyo fadeexad kala kulmay qorshihiisii hungurigu hagayey, waxa uu sanadkan xilli hore sii bilaabay una sii diyaar garoobay siduu u musuqmaasuqi lahaa arimaha Xajka. Wasiirku sanadkan waxa uu wataa shirkado yaryar oo laga leeyahay dalka Kenya kuwaas oo uu doonayo inuu magaca Soomaaliya huwiyo si ay uga mid noqdaan shirkadaha qaadaya Xujaajta Soomaaliya. Waa dhuumasho dhabarku muuqdo. Sidoo kale Wasiirku waxa uu isku dayayaa inuu si khaldan ugu shaqaysto guddi uu magacaabay oo la yidhaahdo Guddida arimaha Xajka, isaga oo raba inuu daaha dabadiisa ka hago hawshiisa musuqmaasuqa ku salaysan. Wasiir Oomaar waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi “Farmaajo” u sheegay in Wasaaradiisu ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka hawada taasi oo been cad ahayd maadaama ilaa maanta ay hayada ICAO gacanta ku hayso masuuliyada hawada Soomaaliya kana maamusho Muqdisho. Arinkani waxa uu sababay in Wasiirku canaan kala kulmo Madaxweynaha isla markaana lumiyo/waayo kalsoonidii Madaxweynaha loona arkay Wasiir aan daacad ahayn. Intaa waxa dheer, Wasiirka waxa lagu eedeeyey inuu sameeyey musuqmaasuq balaadhan ka dib markii shirkad uu isagu leeyahay uu siiyey qandaraasyo aan dadka loo soo bandhigin oo ay bixinaysay Wasaarada uu masuulka ka yahay (Xigasho Goobjoog) arinkaa oo uu aad uga cadhooday Raysal-Wasaare Khayre. Arimahaa iyo kuwo kale oo jira awgeed, Wasiir Oomaar maanta waxa uu ogsoon yahay in wakhtigii uu ka sii mid ahaan lahaa dawlada Khayre inay soo gaabatay isla markaana gabogabo ku dhaw dahay, sidaa daraadeed waxa uu taagan yahay “Nin qoyani biyo iskama dhawro” waxaanuu ku dadaalayaa in wakhtiga yar ee uu sii joogo Wasaarada inuu helo lacagta ugu badan ee suurtogal ah si uu uga qabgalo tartanka Madaxtinimada Jubbaland kaas oo dhici doono badhtamaha bisha August ee sanadkan. Guntii iyo gabogabadii, musuqmaasuqan uu faraha kula jiro Wasiir Oomaar waa mid ka mid ah sababaha ay Soomaaliya u noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka oo dhan. Ugu danbayntii waxaan Wasiirkan “Lacag daydayga ah” xasuusinayaa inuu illaahay ka baqo, ummadana ka xishoodo oo faraha kala baxo musuqmaasuqan uu ku hayo arimaha Xajka. Qore: Cabdikariim Cali baarjeex1979@gmail.com Qaran News
  15. Kulankii maanta ee golaha shacabka BF waxaa yimid ilaa 128 xildhibaan, taas oo ka yar tirada loogu talo-galay inuu kooramka ku furmo. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kooramka aanu buuxsamin, sidaa darteedna sharcigii maanta laga hadli karaa dib loogu dhigay maalinta xigta. Ajendaha xildhibaannada golaha shacabka loo diray ayaa ahaa akhrinta Labaad ee hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga,. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (SMN) – Waxaa manta kooram la’aan u baaqday kulankii sideedaad Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Illaa 128 Mudane ayaa soo xaadiray, kuwaas oo aan dhameyn tirada rasmiga ee uu ku furmo fadhiga golaha shacabka. Kulankan ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in akhrinta labaad Xildhibaanadu ay mariyaan hindise sharciyeedka shirkada ganacsiga dalka. Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Cabdi C/laahi (Dr Goo) wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay xarunta golaha shacabka ayaa ka codsaday guddiyada joogtada ee BFS in ay keenaan golaha sharciyada muhiimka u ah dalka. Dr Goo ayaa muujiyay in golaha shacabka ay hor yaallaan sharciyo badan oo waxtar u leh Ummadda Soomaaliyeed. Kulamadii ugu dambeeyay ee golaha shacabka ayaa waxaa jiray murano u dhexeeyay Xildhibaabada dhexdooda, kuwaas oo ka dhashay ka doodista amniga dalka. View the full article
  17. Garoowe Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay safiirka dalka UK u fadhiya Soomaaliya Mr Ben Fender. Slået op af [...] Source
  18. Garoowe (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in saddex ka mid ah Ururka Daacish ay ku dhinteen duqeyn uu ka geystay Gobolka Bari gaar ahaanna Buuraleyda Golis. War qoraal ah oo ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish laguna dilay saddex ka mid ah Ururkaas. Qoraalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in faah faahinta iyo baaritaanka Weerarkaas uu socdo, waxaa kale oo lagu sheegay in uusan jirin khasaare dadka rayidka ah. Waxaa Qoraalka lagu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya islamarkaana looga gol lahaa in Daacish looga hortago weerarradeeda gudaha Soomaaliya. Duqeynta shalay ayaa waxaa ay ka dhacday Ceel Biyood ku yaalla inta u dhaxeysa Cameyra iyo Timirshe oo ka tirsan Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari. Weerarka shalay waxaa uu daba socday weerarkii 14kii Bishan ka dhacay isla Gobolkaas laguna dilay hoggaamiye ku xigeenkii Daacishta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Baydhabo (SMN) – Waxaa magaalada Baydhabo ka socota doorashada illaa saddex Kursi oo ka banaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kuraastan ayaa waxaa baneeyey taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdulle Mayow (Korneyl Ruush) oo dhintay. Doorashada Kursiga koowaad oo la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Cali Kheekh Cabdullahi (Afgooye), waxaana xubinimadaasi horay u baneenyay taliyihii hore ee nabad sugida Xuseen Cismaan Xuseen. Sidoo kale waxaa haatan socota doorashada labada Kursi ee kale, iyadoo ay madasha ay lagu qabanayo ay goob joog tahay Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) guddoomniyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka. Dhawaan guddoonka golaha shacabka ayaa amar ku bixiyay in si deg-deg ah loo soo buuxiyo Kuraasta ka banaan golahaasi. View the full article
  20. Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamid, ayaa maanta shaaciyay in Puntland lagusoo qaaday dagaal xaga sacial mediyaha ah, kaasoo lagula diriyo [...] Source
  21. Xubno ka tirsan guddiga la magacaabay oo kulmay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa magacaabay guddi-hoosaadka farsamo ee gurmadka abaaraha. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu magacaabay guddi-hoosaadkan oo ka kooban 8 xubnood kuwaasi oo ka kala socda qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland. Sida dikreetada ku xusan guddoomiyaha guddi-hoosaadka gurmadka abaaraha waxaa loo magacaabay Cawil Maxamed Xirsi halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdi Xaashi. Degaanno ka tirsan Puntland ayaa wakhtigan laga soo sheegayaa abaaro baahsan iyo biya la’aan daran inkastoo gobolada qaar ay ka da’een roobab yar ilaa iyo haddana warbaahinta looma soo bandhigin wax gurmad ah oo dowladdu gaarsiisay dhulka ay abaaruhu ka jiraan. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo magacaabay guddi-hoosaadka gurmadka abaaraha appeared first on Puntland Post.
  22. Burco:(SL-T)Maamulka Gobalka Togdheer Oo Magaacabay Guddida Qaban Qaabada Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May 2019. Source
  23. Yaaqshiid (SMN) – Qaraxan oo ahaa nuuca Miinada oo la dhigay waddada dhinaceeda ayaa ka dhacay inta u dhexeysa halka loo yaqaano Ayaan daran iyo isgoyska Towfiiq degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhintay hal Qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxan oo qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo muddooyinkii dambe ka dhacayay M/Muqdisho. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa halkaas ka bilaabay Olole uu taagero uga raadinayo xubnaha Beesha Caalamka u joogo Magaalada Muqdisho. Shiikh Shariif ayaa kulan la aqaatey Safiirka midowga Africa ahna madaxa ciidanka nabad ilaalinta ujooga Somalia ee AMISOM, Ambassador Francisco Madeira. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey doorka nabad ilaalineed ee ay lagarab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu sidoo kale qaabilay Qunsulka dalka Masar u jooga Soomaaliya Tamer Safwat oo booqasho sharafed ugu yimid Madaxweyne hore Sharif Sheikh Ahmed, isagoona uga mahad celiyey sida ay Shacabka Soomaaliyeed ugarab taaganyihiin. Shiikh Shariif ayaa Musharax u ah Xisbiga Himilo Qaran kaasoo la filayo inuu Guddoomiye looga dhigo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari. Shiikh Shariif oo labadii doorasho ee ugu dambeysay ee Soomaaliya ka dhacday musharax ahaa ayaa rajeenayo inuu markii seddexaad isku soo taago xilkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Ali Sheikh has been elected as a member of Somali House of the People following a by-election in Baidoa town, 139 miles South of Somali capital, Mogadishu. Somali National Independent Electoral Commission (NIEC) has held the election of the Parliamentary seat vacated by Hussein Osman Hussein, former head of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA). The poll agency has announced the results, and Ali Sheikh was declared the election. Sheikh has garnered 51 out of the 51 votes to win the seat as his opponent Saed Ali got no votes. There were no invalid or spoilt votes. Officials from NIEC who were at the polling centre said the voting was free and fair. The process was observed by officials from Southwest state and Federal Government representatives. Sheikh previously served two terms in eighth and nineth parliament before he went abroad. According to sources, he returned to the country two months ago to take part in the electoral process. View the full article