Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,322
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Go’aanka dowladda Kenya ee ah inay xafiis diblomaasiyadeed oo aan hoos iman safaaraddeeda Muqdisho ka furaneyso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waa astaan kale oo muujineysa fashilka siyaasadda arrimaha dibedda dowladda federaalka.. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu soo jeediyey in Githiora Philip Mundia uu aas-aaso howlgalka diblomaasiyeed ee Kenya uga wakiil noqon doona Somaliland. Githiora Philip Mundia ayaa hadda sugaya aqbalaadda madaxweyne Uhuru Kenyatta, si uu u tago Hargeysa. Wargeyska The Standard ee Kenya waxa uu tani ku macneeyey inay astaan u tahay in Nairobi ay ugu dambeyn aqoonsan doonto jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland. Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ayaan wax war ah weli kasoo saarin arirntan, oo muuqata gef ay Kenya ku sameeneyso qarannimada Soomaaliya, xilli xiisad ay u dhaxeyso labada dhinac. Waxaa sidoo kale yaab leh, in dowladda federaalka ay isha un ka daawaneysay dadaal maamulka Somaliland uu waday 10 bilood oo ahaa inuu dowladda Kenya ku qanciyo inay safaarad ku yeelato Hargeysa, kaasi oo hadda miro dhalay. Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkoodu xumaaday wixii ka dambeeyey murankii ka dhashay badda Soomaaliya, waxaana tallaabadan ay u muuqataa cadaadis aargudasho oo xukuumadda Nairobi ay saareyso Muqdisho. Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tan iyo markii ay xukunka la wareegtay waxay siyaasaddeeda arrimaha dibedda ahayd fashil uu mar walba mid kale kasii dambeeyo. Sanaddii 2017, waxay sameysay gef weyn oo ay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax ay ugu gacan gelisay dowladda Ethiopia kadib cadaadis kaga yimid Addis-Ababa. Isla sanadkaas, waxay dowladaha Carabta ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo saaxiibo dhow la ah Soomaaliya, islamarkaana xiriir ganacsi oo weyn uu kala dhaxeeyo ay kala safatay dowladda Qatar, oo wax dan ah aysan ku qabin Soomaaliya. Dhammaadkii 2018, waxay dalka ka cayrisay ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom kadib markii uu ka hadlay shacabkii ay ciidamada dowladda ku xasuuqeen magaalada Baydhaba. Cayrinta Haysom, ayaa waxay dhaawac dhaqaale oo culus gaarsiisay dowladda, kadib markii dalalka Yurub ay dhaqaalaha ka jarteen, taasi oo horseeday in ciidamada ay shan bilood mushahar la’aan noqdaan. La-yaab ma lahan iminka, in 10 bilood ay Somaliland dadaal ugu jirtay in Kenya ay xafiis ka furato Hargeysa, dowladdana aysan marnaba ku baraarugin, ama ay wax ka qaban weysay, welina aysan ka hadal xitaa kadib go’aankii Kenya. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Madaxweyne Deni Madaxweynaha Puntland Siciidd Cabdullaahi Deni ayaa caawa shir jaraa’id oo ku qabtay madaxtooda Garowe ka warbixiyey safarkisii dibada we dalalka Imaaraadka iyo Kenya. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, nidaamka loo wado dastuurka KMG ah ee dalka, qaybsiga khayraadka iyo shir wada-tashir ah oo uu sheegay in 2-da bisha soo socota ee May lagu qaban doono Garowe. Hoos ka daawo Deni oo ka hadlaya arimahaas. PUNTLAND POST The post Deni oo faahfaahiyay safarkii dibada appeared first on Puntland Post.
  3. Kulanka madaxweynaha iyo senetarada Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Garoowe qaar ka mid ah sanatarada Puntland ku metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Kulankan oo ujeedadiisa iyo gun-dhiggiisu ahaa is xogwaraysi guud ee xaaladda dhan-walba ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, hirgelinta nidaamka federaaliisamka, dhammaystirka nidaamka loo marayo dastuurka KMG ee DFS iyo arrimo kale oo muhiim ah. Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulankan muhiim ka ah ee uu la qaatay sanatarada. ” Waxaan Caawa Kulan la yeelanay aniga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku xubno Aqalka sare ku metela Puntland, dood dheer iyo isla-falanqayn ayaan ka yeelanay xaaladda dalka, meesha uu marayo, Puntland iyo waxa la gudboon, sidaas darteed ayaan doonaynaa in aan la wadaagno bulshada Puntland welwelka aan ka qabno habka siyaasadeed iyo dalka sida loo maamulayo”. “Khataraha ugu badan ee Puntland dareemayso waxaa ka mid ah in nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynaayo oo uusan wadadii loo baahnaa uusan ku socon, waxaa halkaas marka kasoo baxaysa in habka dalka hadda lagu wado uusan ahayn habkii lagu heshiiyey”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale xusay in Puntland diyaar u tahay sida tariikhda ku xusan dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo taama, taasi oo ku salaysan nidaamka Federaaliisamka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Kulan La qaatay xubnaha Puntland Ku Metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa banaanka keenay balan ka bax uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyay Xasan Sheikh Maxamuud oo doorasho uu kaga guuleystay sanadkii 2017. Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in balantaasi Madaxweyne Farmaajo uu qaaday kadib markii ay ku kulmeen magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasi oo ay ka dhaceysay xafladii Caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Arinta kulanka ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud lagu eedeeyay inuu waday olole xoogan oo lagu duminayo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo. Sheikh Shariif ayaa sheegay inuu ka shaqeeyay in magaalada Garowe uu ku kulansiiyo Farmaajo iyo Xasan Sheikh, islamarkaana halkaasi madaxweyne Farmaajo uu ku balanqaaday inuu kulan gaar ah la yeelan doono Xasan Sheikh. “Waxaa Rabaa inaan idinkaga sheekeeyo arrin dhacday aniga iyo Madaxweyne Xasan sheekh-na na dhex martay waagii aan joognay Garowe, waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda rido, gaar ayaan ula baxay waxaan ku iri: sidee wax u jireen.., wuxuu i yiri: waxba kama jiraan, gacanta ka qabtay waxaana u geeyay Madaxweyne Farmaajo” “Waxaa iri Madaxweyne ninkaan wixii lagu xamanayay waa beeniyey, wuxuu ogol yahay in labadaada sano dhammeysto… laakiin wuxuu rabaa cabashadiisa inaad dhageysato, waa yahay ayuu yiri, waana balameen, laakiin ilaa iyo hadda la isma arkin…” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Markale Sheikh Shariif ayaa weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo, isaga oo sidoo kale dhaliilay dadka marka hogaanka ay qabtaan iska fogeeya inay dadka kale la kulmaan. “Marka qofka Soomaaliga la doorto, jini ayaa ku dhaca, jinnigaas waxaa la yiraahda, anaa la i doortaye maxay rabaan dadka..? War fariista. Aaamusa, laakiin muddo haddaa joogto waxaad ogaaneysaa inaad tahay qofka ugu daciifsan, maxaa yeelay culeys kasta adiga ku saaran yahay..” ayuu yiri Shariifka oo xaaladda dowladda hadda jirta ku tilmaamay in waxqabadkeedu liito. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Unidentified gunmen opened fire on a bus heading to Mekele City of north Ethiopia carrying football players and killed one wounding several, the state broadcaster said. The car carrying Tigray Police Walta Football Club players was attacked yesterday in Afar Region of Ethiopia around Gewane town, according to ETV Sport news aired this afternoon. Football player Amanuel Berhane was killed while other wounded by the attack are taken to a hospital for treatment So far, no detail is released about motive of the gunmen. The report stated that the Afar Regional State is carrying out investigations to bring to justice those who attacked the footballers. The Afar Regional State is one of the nine regional states of Ethiopia, and is the homeland of the Afar people. Source NBE Qaran News
  6. Akhiristayaal waxaad qaybtii koowaad ku soo aragteen dhacdooyin badan oo yaableh oo xaqiiqo ah oo dul hoganaya Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, musuq maasuqii kala duwanaa ee uu sameeyay xiliyaddii uu Xilalka kala duwan kasoo qabtay Maamulka Dekeda Berbera, lacagtii Taagga lagu soo iibinayay ee uu cunay iyo hantida badan ee uu ka dhaqday Xoolihii Umadda ee lagu aaminay, waxa kale oo aad ku soo aragteen markii uu Siilaanyo xadhiga u diyaariyay cidda ka hawlgashay ee Siilaanyo ka ladqabaysay,taasi oo ay kuusii Xaqiijinayso xilkan isagoo tuugga ah lagu abaal mariyay ee mar kale Xoolihii u madda loogu loogay. Waa Kuma Mar Kale Axmed Yuusuf Dirir?, Hantiisu intay leeg tahay? Maanta Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu ka mid yahay dadka ugu tujaarsan Magaalooyinka Berbera & Hargeysa, waxa uu ku leeyahay Dhismayaal aad u badan oo iskugu jira huteelo waa weyn iyo goobo ganacsi magaalooyinka Berbera & Hargaysa umaduna ay wada ogtahay, oo aan cidna ka qarsoonayn, waxaana uu hantidaasi ka dhaqday Xoolihii umadda ee lagu aaminay. Musuqa ugu badan waxa uu gaystay wakhtigii kala wareegga Dekeda Berbera ee ay Shirkadda Dp-World la wareegtay isagoo hanti badan oo iskugu jirtay Lacag cadaan ah iyo gaadiid iyo hanti kale oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay afka iska mariyay, meel ay jaan iyo cidhib dhigeenna aanay ciddi garanayn, markii ay Xukuumaddii hore ku ogaatay ee ay damacday in Xabsiga loo taxaabana waxaa difaacay Madaxweynaha Maanta oo wakhtigaasi ahaa Gudoomiyaha Kulmiye kaasi oo dano badan ku qabay islamarkaana sida uu sheegay Axmed Dirir, ay qaybsadeen Lacagtii Malaayiinka ahayd ee Taagga ee la waayay ee uu Axmed Dirir sida badheedhka ah AKAWNKA Dekedda ugala baxay. Sidoo kale Waxa uu Axmed Dirir ku leeyahay dhismeyaal dhaadheer Magaalada Dubai. Axmed Dirir waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka intay xoolihii umada boobeen hadana umadii kala xishoon waayay ee xaaraantii ku furtay goobo ganacsi, iyo dhul, dhismayaal maalin walba la iibsado. Magacaabistii Xilkan Uu Hadda Haye Ee Hanti Dhawrka Iyo Dareenadda Ku Gadaanaa!!! Markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilka Madaxtinimadda Dalka ku guulaystay, ee uu Xilka la wareegay waxa uu xilka Hanti dhawrka Qaranka u magacaabay Axmed Yuusuf Dirir oo illaa imika haya. Dad badan ayaa aad ula yaabay Madaxweyne Muuse Biixi sababta uu tuuggii uu Xukuumaddii hore ka ladqabeeyay uu xilkan culus ugu abaal guday, waxaase dadka intaasi ka sii xog ogaalsane ay iyana jawaabteeda ku siinayaa jawaabteeda oo uu nuxurkeedu noqonayo inay Ninkani Madaxweyne Muuse Wax baddan isku qarsanayaan. Markii Uu Xilka Hanti Dhawrka La Wareegay Iyo Baadhisihii Uu Bilaabay + Fadeexadaha. Haddaba Markii uu Axmed Yuusuf Dirir la wareegay xafiiska hanti-dhawrka ee Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay, in yar kadib waxa uu baadhis ku bilaabay dawladaha hoose ee wadanka dhamaantood. Baadhitaanadaasi waxa ay Hanti Dhawrku ka bilaabeen Xafiisyadda Dawladdaha hoose ee Magaalooyinka Boorama Gebiley, Hargaysa, Berbera & Burco. Waxa dhamaantood wada baadhay hal Tiim oo uu si gaar ah ugu xil qarsanayay Axmed Yuusuf Dirir, waxaana tiimamkaasi haystay oo uu Madax uga dhigay Cali Bilyan. Dhamaan magaalooyinkaasi meel kaliya oo wax laga qabtay may jirin marka laga reebo Boorama oo la soo eedeeyey Maayarkii, xilkiina lagaga qaaday?. Akhri Dareenada Iyo Fadeexadaha Ka Soo Ifbaxay Baadhisahaasi? Waxaynu ku dul istaagaynaa oo aan ku hakanaynaa Baadhisahan oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee uu Sameeyay Axmed Yuusuf bilawgii Muddo Xileedkiisa iyo fadeexadihii kasoo noqday. Dabo-gal iyo faham gaar ah oo aan galiyay sida uu hantidhawruhu uu shaqada baadhistaa Hay’addahaasi u bilaabay iyo halka wax ka khaldameen ayaa waxa noo soo baxay qodobadan: 1. In Dhamaan Maayirada Magaalooyinka Hargaysa, Gebiley & Berbera Laga Qaatay Laaluush. 2. In Heshiis Joogto Ah Lala Galay Oo Bil Walba Ay Lacag Bixin Doonaan. 3. Iyo In Aan Culays Danbe La Saarin Ee Siday Doonayaan Ay Sameeyaan Oo Ay U Icticmaalaan Kharashka Mar Hadii Heshiis La Yahay. Bulshooy ilaahaybaan idinku dhaarshee ma waxaasi ayaa baadhitaan ah? In la yidhaa mayarkii boorama oo kaliya ayaa la qabtay oo dhamaan maayiradii kale waa wada nadiif inaga oo og maanta hargaysa waxa ka taagan ma waxaan aqbali karnaa?.Waxaan ognahay markii la baadhayey dawlada hoose ee Berbera toban cisho intaaynay gaadhin mudadii la hayey faylashooda ayaa habeen madaw inta hargaysa laga qaaday la geeyey Berbera inta qalinkii akhtarka ahaa loogu saxay. Ma waxaas ayaa baadhis ah? Muxuu Ku Badeshay Baadhisahaasi? Waxaanu ogaanay in dhamaanba dawladahaasi hoose ee uu baadhay uu Axmed Dirir ka qaatay laaluush iskugu jira lacag iyo dhul, meesha kaliya ee uu ka waayay waxaasina ay ahayd Boorama isagiina la eedeeyey, waana tii uu Xilka ku waayay maayarkii Boorama. Ma waxaas ayaa cadaalada ama baadhis aan odhan karnaa ? waa ninkaa hantidhawraheena guud ee maantu bulshooy. 6. Kooxo Uu Ku Shaqaysto Oo Uu Samaystay & Haykalkii Xafiiska Oo Uu Baabiiyey. Axmed dirir mudadii uu joogay hantidhawrka waxa uu sameeyey in uu shaqaalihii hantidhawrka kala qaybiyo, oo dadkii khibrada lahaa ee mudad dheer soo shaqaynay uu waxba u dirsan waayo ama ka qaado goobihii ay joogeen. Waxa uu samaystay laba kooxood oo beeshiisa ah oo uu u dirsado meeshii uu doonayo in la baadho si ay ugu soo ururiyaan laaluushka uguna fudaydiyaan musuqa uu doonayo, waxaad arkaysaa mar meel koox baadhis ah loo diro in 5 ama 6 qof ee goobtaa loo diro ay isku beel wada yihiin oo dawladnimadii meesha laga saaray, sobabta ugu waynina ay tahay musuqa uu doonayo si aan loo fahmin. Waxa kale oo dhacday in uu baabiiyay hawkalkii dawladnimo oo dhamaanba waaxyihii kala duwanaa ee xafiiska hantidhawrka uu ka dhigay wada beeshiisa dadkii kale oo dhana uu meesha ka saaray. 7. Miisaaniyadii Xafiiska Hantidhawrka Iyo Sida Uu Ugu Tagrifalo!!! Waxa uu sameeyey in uu musuqay miisaaniyadii xafiiska ee loogu talo galay in la siiyo shaqaalaha Hantidhawrka si meesha looga saaro in aanu ninka hantidhawrha ah ee wax baadhayaa aanu waxba waydiisan Masuulka uu baadhayo. Lacagtaasi Axmed Dirir wuu ka duudsiyey shaqaalihiisa, lacagtaasi oo dhan milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar sanadkii waxa uu ku shubtaa akoon gaar ah oo sadexdii biloodba loogu shubo lacag gaadhaysaa 3 boqol oo kun oo dollar. Taasi haddii aad rabto waxa aad boqataa Xafiiska Hanti dhawrka, waxaanad ka ogaan kartaa Shaqaalaha laftooda iyo masuuliyiinta halkaasi ku sugan ee dulman. Halkan U Fiirso Oo Fahan Buuxa Ka Qaado?. Lacagtaasi ma laha wax xisaab celin ah ee waxa uu ula baxaa sida uu doono, shaqaale waxba kama siiyo marka laga reebo kooxaha uu samaystay oo uu waxyar ka siiiyo iyaga. Madaxweyne ma dawladnimadaa in hantidhawrihii wax sixi lahaa uu isagii boobayo lacagtii shaqaalaha lagu tayayn lahaa? Wasaaradaada maaliyaduna ay si toosa ugu fudayso musuq oo akoon ugu shubto inaga oo ogsoon in hay’adihii kale iyo wasaaradihii dawladu ay foojar isticmaalan? Gebo-gebadii Madaxwayne waxay umadu kaa sugaysaa in aad si degdeg ah talaabo u qaado oo aad keento qof nadiifa oo umadu ay ku kalsoonan karto, musuqna aan hore u soo samayn oo baadhitaankii lagu qanci karo. Mudane Madaxweyne ma tuuganimadii ayaad ku abaalmarisay? Ma xoolihii umada ee uu sifaha khaldan uu adeegsaday ayaad abaal gud uga dhigtay goobtii la doonayey in aad gayso nin nadiifa oo umadu aamini karno, waxa uu soo qabtana lagu qanci karo? Madaxweyne, Ilaahaybaan kugu dhaarinee miyaanad umada Somaliland ka xishoonayn markaad ninkaa tuugaa ee aad ogtahay aad aad u magacaabayso meeshi musuqa lagala dagaalami lahaa?!!! Maxaad madaxweyne umada caqligooda u caayaysaa?!!! Somaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hal xaaraani nirig xalaala ma dhaso! Oo macanaheedu maanta noqonayo nin tuug ahi baadhitaan sax ah ma samayn karo. Shacab Somaliland-na waxaan leeyahay waa ninkaa hantidhowraha maanta ina leh waxbaan saxayaa. Waa kii la horgayn lahaa cadaalada ee xoolihii umada ee uu dhacay laga soo celin lahaa. Ilaahow cadaalad ayaan ku waydiisanay iyo dad sharaf iyo karaamo leh oo hantida umada lagu aamini karo. Lasoco Qaybo Dambe …. Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London. Virus-free. www.avast.com Qaran News
  7. Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga dowladda Puntand dhankeeda galbeed waxaa laga dhagax -dhigay maanta Xaafadda cusub oo loogu magac daray xaafada cagaaran ama (Green Village). [...] Source
  8. Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska The Star, ee ah kan saddexaad ee loogu akhris badan yahay Kenya, ayaa qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay “Kenya waa inay si qoto-dheer ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada Soomaaliya”. Wargeyska ayaa ku baaqey in Kenya ay ka digtoonaato ciidammada Danab ee loo sameynayo Soomaaliya iyo iskaashiyada kale ee Soomaaliya ay ku tallaabsanayso. The Star ayaa sheegay in ay dhacday booqasho heerkeedu sarreeyo oo ay Soomaaliya ku tageen mas’uuliyiin sare sare oo Maraykan ah, kuwaas oo kala ahaa Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, iyo hoggaamiyaha ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) General Thomas Waldhauser. Waxay labada mas’uul kulamo la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya. Wargeyska wuxuu sheegay in wadahadalladaasi diiradda lagu saaray iskaashi amni oo dhexmaro labada dhinac, siiba in la sii hormariyo ciidammada Soomaaliya ee Danab oo tayadoodu sarreeyso. Danab, ayuu Wargeyska sheegay in lagu tilmaami karo ciidammada ugu tayada sarreeyo Soomaaliya, kuwaas oo yeelan doono ilaa shan guuto. Wargeyska waxaa uu sidoo kale soo qaatay shirkii Maraykanka ku dhexmaray Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo la taliyaha arrimaha amniga ee madaxweyne Donald Trump, John Bolton. Waxaa shirkaasi sidoo kale ka qeyb-galay Wasiirka arrimaha horumarka ee Norway, Dag Inge Ulstein, taas oo loo baahan yahay, sida wargeysaka sheegay in Kenya aysan u deymo la’aanin maadaamma ay arrintu la xiriirto shidaalka laga helay badweynta Hindiya. Wargeyska ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo in ciidammadiisa kala soo baxo waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyadoo ciidammada Maraykanka ay haatan ku dhex-jiraan ciidammada Danab, oo loo diyaarinayo inay Al-Shabaab la dagaallamaan. Wargeyska waxaa uu is weydiiyay sababta ay Kenya dhibbane ugu tahay “argegixisada”. Waxaa kale oo is weydiiyay cidda ay tahay inay difaacdo madaxbanaanida Kenya, iyadoo dalalka kale ay arrintaas ka fakarayaan. Wargeyka wuxuu is weydiinayaa sababta ay Soomaaliya xilligan u dardargelisay inay waddamo kale u raadsato dhaqaale. Waxaa kale oo uu Waregsyka is weydiinayaa sababta ay Kenya uga hadli la’dahay kiiska maxkamadda cadaaladda ee dunida ee la xiriira muranka badda Soomaaliya iyo Kenya, maadaama bisha September ay soo dhawdahay, xiligaas oo uu wargeyska sheegayo in la filayo inuu soo baxo go’aanka maxkamadaasi. Wargeyska ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in danaha Kenya ay iska indha-tiraan madaxda dalka iyo waddamada kaleba, wuxuuna inta raaciyay waxa ku dhacay go’aankii ahaa in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, iyo in waaxda socdaalka ay diyaar u tahay in shacabka ay la wadaagto dadka ajnebiga ah ee ku sugan gudaha Kenya. Waxaa uu wargeyska warkiiska ku gaba-gabeeyay su’aal ah sida ay dowladda Kenya u kormeerto goobaha xuduudda ah ee dalka laga soo galo, si loo ilaaliyo danaha shacabka reer Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  9. (SLT-Canada)-Idiris iyo Sabrina Dhoorre ayaa is aroosay. Iyada oo heshiiskooda guurka uu dhacay sanadkii 2018-kii, 26-ka April ee sanadkaasina ku iclaamiyey huteelka Ksar Char Bagh ee ku yaalla Marrakesh iney isguursanayaan. Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhowre waxay soo xidhatay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xidhaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska. Xafladdooda arooska oo soconeysa seddex maalmood waxaa ka soo qayb galay saaxibbada iyo ehelada caruuska iyo caruusadda, xafladda arooska habeenka ka horreyeyna waxaa dhacday casha sharaf lagu qabtay Amanjena oo qayb ka ahayd xafladda arooskooda. Maantana wuxuu arooskooda ka dhacay Mandarin Oriental oo looga diyaariyey xaflad aad loo soo agaasimay. Haddaan dib u milicsanno waayaha Saabiriin iyo Idiris Saabriin Dhoorre (Sabrina Dhowre) waa 29 jir asalkeedu Soomaali yahay, laakinse ku dhalatay, kuna barbaartay waqooyiga Ameerika. Waxay muddo wada noolaayeen, una alkuman tahay jilaaga caanka ag ee Britain u dhashay Idiris Elba. Mihnadda Saabriin waa jilaa iyo xayeysiinta dharka. Waxay 2014 ku guulaysatay tartanka quruxda gobolka Vancouver ee dalka Canada. Source
  10. Cabdirisaaq Maxamed Warsame Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka oo aan saxaafadda lala wadaagin ayaa guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland lagu magacaabay Cabdirasaaq Maxamed Warsame oo ah nin dhalinyara. Dikreetada ayaa soo baxday laba maalmood ka hor oo ku beegan Khamiistii xilligaasi oo madaxweynaha Puntland uu safar ku joogay magaalada Nairobi islamarkaana uu ku simaha madaxweynaha ahaa mudane Axmed Karaash. Gudoomiyahan cusub ayaa la magacaabay 5 bilood kadib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar Cabdi Geelle oo xilka hayay mudda 6 bilood ah. Tan iyo markii la doortay madaxweyne Deni waxaa la magacaabay mas’uuliyiin kala duwan oo aan shacabka iyo warbaahinta midna lala wadaagin macaabistooda iyadoo maalmo kadib la arko xafiis qof joogay oo qof kale fadhiyo. PUNTLAND POST The post Puntland: Gobolka Sool oo guddoomiye cusub loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Berbera)-Dhalinyaradda Reer Berbera Ee Ka Baxay Jaamacadaha Oo Ka Cabanaya Ajaanib Shaqooyinkii Kala Wareegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Xaafadda cagaaran ee Boosaaso waa xaafad dhowaan la qorsheeyey in laga hirgeliyo dhanka galbeed ee magaalada Boosaaso. Waxaa mashruuca lagu dhisayo xaafadaan cusub iska kaashanaya qurbajoog soomaaliyeed oo maalkooda ku bixinaya horumarinta dalkooda. Dhulkan ayaa loo qaabeeyay in mustaqbalka dhow laga dhiso ilaa 2500 Guri iyo Goobo danta guud ah. Munaasibadda lagu dhagax dhigayey xaafadan cusub waxaa ka soo qayb-galay xubno katirsan golaha xukuumadda Puntlan , maamulka Gobalka bari kan degmada Boosaaso , isimo , siyaasiyiin xilal kala duwan soomaaliya ka soo qabtay ,waxgarad iyo dadweyne kala duwan. Dadkaasi oo ay aaad u soo jiidatay nidaamka cusub ee loo qorsheeyey in xaafadda cagaaran ee Boosaaso loo dhiso. Gudoomiyaha Degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam , Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado , Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Puntland Axmed Cirro iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa soo dhaweeyey xaafaddan cusub. Mas’uuliyiinta ayaa qurbajoogta soomaaliyeed ee mashruucaan hirgelinaya u balan qaaday wadashaqayn joogto ah Eng Cabdimahad Siciid Cali kawir oo ah injineerka xaafadan cusub dhismeheeda gacanta ku haya ayaa isna ka hadlay habka dhismayaasha xaafadaan noqon doonaan iyadoo aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo madaxa mashruuca uu si lamid ah uga hadlay sidoo kalena Cabdisalaam Cismaan Yuusuf oo kamid ah aasaasayaasha mashruucaa xaafadda cagaaran ee boosaaso . Dhegayso codadka Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Xaafad cusub oo laga dhagax-dhigay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  13. Warbixintaan hoose waxay Howlwdeenada Puntlandi.com idinka soo ururiyeen warar aan kasoo xigany dhowr Dublamaasi oo u dhuun daloola Safarkii Madaxweyne Dani,Xaaf iyo Axmed Madoobe ee [...] Source
  14. Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ee magaalada Hargaisa maamulka jeegaanta ee uu hor-joogaha ka yahay Muuse Biixi ayaa maanta dhagaystaya dacwadii loo haysaty wariye Cabdi Maalik [...] Source
  15. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn kulul u jeediyay maanta dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo, iyagoo sheegay inaysan waxba qaban hawlihii loo igmaday. Sheekh Sharif, Xasan Sheekh iyo Jawaari Hadalkan ayay ka sheegeen labada madaxweyne munaasabad uu Muqdisho ku qabtay xisbiga Himilo Qaran oo uu aasaasay Sheekh Shariif, kaasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda hadda jirta. Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah inaysan waxba ka qaban amniga dalka, sidoo kalena ay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay in halkii ay uga tagtay dowladdii midan ka horreysay uu weli taagan yahay. “Al-shabaabkii aan shalay Muqdisho iyo gobolo badan oo wadanka ka mid ah aan ka xoreynay in maanta nala yiraahdo dekedda Mogadishu ayay canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, annagu dowladda diyaar baan ula nahay inaan ku garab-istaagno hawlaha looga igmaday haddii ay doonayso inay wax ka qabato,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale, Wuxuu dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo Farmaajo ka dalbaday inay wax ka qabato saddex arrimood oo kala ah; Wax-ka qabashada Amniga oo meel fog laga keenay, dhameystirka Dastuurka KMG ah ee dalka iyo inay xilli hore caddeyso nooca doorashada dhacaysa 2020-ka si loogu diyaar garoobo. Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isagana ka hadlay goobta wuxuuna sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta mareyso meel xun oo loo baahan yahay in si deg-deg ah loo badbaadiyo. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ah ay caburin ku hayso siyaasiyiinta dalka ku sugan qaarkood, isagoo xusay in awood sheegashada dowaldda ay dalka burburin karto haddii madaxda sare ee hoggaanka haysa aysan muujin tanaasul siyaasadeed. “Waddanka hoggaamiye xoog badan iyo shacabka oo lagu qabto gacan bir ah – afkana la qabto waa tan maanta soddon sano na dhigtay meesha aan maanta aalno, fidnadii ka dhalatayna weli way socotaa,” ayuu Xasan Sh. Maxamuud ku yiri hadalkiisa. Ugu dambeyn, wuxuu hadalkiisa ku yiri. “Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagana si walbo ahaado waa isu tagayaan, haddii Qaranka wax kasoo hor-jeedo laga hadlana Qaran dumis in la yiraahdo waa afqabasho iyo wax aan raalli laga noqonayn, dhaqan suubanna ma ahan.” PUNTLAND POST The post Eedeymo kulul oo loo jeediyay madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacdey xafladda daah-furka xisbiga Himilo Qaran, waxaana ka soo qeyb galay xisbiyada siyaasadda iyo mas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka. Aden Madoobe oo horay u soo noqdey guddoomiyaha golaha shacabka kana tirsan golaha dhexe ee xisbiga Himilo Qaran Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan madaxda xisbiga Himilo Qaran oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xisbigan uu ku yimid baahida loo qabo xisbi siyaasadeed oo hano karo talada dalka, kana saari kara xaaladda lagu jiro. Mudane Shariif ayaa soo qaatey in maanta qaranka u baahanyahay “Yac” “Shalay annaga oo joogna ayuu korkaanna ku dumay, waqti ayaa lagu baxshay, dad badan oo qaali ah ayaan ku weynay, abaalmarintooda waxaa waaye in aan qarannimada ilaalinno” ayuu intaa raaciyey. Madaxweyne Shariif ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Arrin dhacdey ayaan rabaa in aan idiinkaga sheeko oo aniga iyo madaxweyne Xasan Sheekh na dhex martay waagii aan joogney Garoowe, xooga madaxweynaha waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda dumiyo, war heedhe adiga waxaa la rabay in aad dowladda dhisto ee maxaa jira ii sheeg? Wuxuu dhahay Xashaa lilaah, cabbaar ayaa sheekeysaney, gacabtaan ka qabtey, madaxweyne Farmaajo ayaan u geeyey waxaan iri, madaxweyne ninkan wixii lagu xamanaayey been waaye, 2-badaada sano in aan dhameysato ayuu ogol yahay, laakin waxuu rabaa wuxuu qoonsadey in aad dhageysto? Wuxuu dhahay waa aqbaley, waa ballameen la isma arkin ilaa hadda”. Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyihii hore golaha shacabka ayaa hambalyeeyey xisbigan, isaga oo ku dheeraaday heerarkii axsaabtii siyaasadda laga soo bilaabo 1945-1969 oo 60 xisbi ay jireen iyo dhaqan dimoqoraadi ah, 1969-1979 xisbi ma jirin, 1979 hal xisbi oo kacaanka ahaa ilaa 1990-2015 sidoo kale xisbi ma jirin ilaa laga ansixiyo xeerka xisbiyaga July 2015-kii. Mr. Jawaari waxaa uu soo-jeediyey in axsaabta ay ku midoobaan aragti iyo ajende mideysan, waxaa kale uu ammaaney sida xilalka isugu wareejiyeen kaas oo ah dhaqan ay soo bilaabeen Aden Cabdulle iyo Cabdirashiid Sharma’arke, waxaa uuna ku dar-daarmay in la digtoonaado in asxaabta la takooro iyo in awoodaha dowladnimada ee 3-da ah ay hal gacan gasho. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda xisbiga Himilo ayaa sheegay in dadka hoggaanka u haya ay waayo-aragnimo u leeyihiin dowladnimada. Mudane Xasan Sheekh oo arrimo badan ka hadley waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Dowladdu waa iney ogolaataa, raalli ka noqotaa, fududeysaa, dhiirigelisaa, ilaalisaa siyaasiyiinta marka ay hadalayaan, dadka waa mucaarad iyo waa qaran dumis yaan lagu dhihin ee gurigaaga iska gal qofna ma dhahayo, dadku waa dadlayaan, waa isu tagayaan, sida ugu haboon ay isugu tagi lahaayeen haddii laga hor istaago xataa si aan habooneyn ayey isugu tagayaan, marka marna iney isu tagaan, lama celin karo, dowladda iyo hogaankeeda waxaan ku dhiirigelineynaa in saaxada siyaasadda in la furo, annaguna diyaar ayaan u nahay in aan ku taageerno wax kasta oo qaanuunka waafaqsan, oo dastuurka waafaqsan, oo dowladdu ay wado in aan ku taageerno, wax kasta oo dastuurka dhinac marsan, qanuunka dhinac marsan in aan diidno ayaan diyaar u nahay, isku darnaa xaajada, haddii dastuurka wax ka soo horjeedo maya dhaho, qaran dumis ma ahi, dowlad diid ma ahi”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Can women save the world? By looking at the life Edna Adan Ismail, Somaliland’s former Foreign Minister and former First Lady, the answer would be a resounding, ‘YES.’ Labeled the ‘Muslim Mother Teresa,’ Edna has taken everything she learned through these prominent positions to save the lives of untold numbers of women and children. Edna Adan Ismail As the current director and founder of the Edna Adan Maternity Hospital in Hargeisa , her mission is to help improve the health of the local inhabitants and, even more urgently, to decrease Somaliland’s extreme levels of maternal and infant mortality, which are among the highest in the world. This non-profit making charity and midwifery teaching hospital, which Edna built from scratch, is also training student nurses and other health professionals. ‘I am just doing what needs to be done,’ Edna says, reflecting on her decision in 1998 to sell her home and car, as well as donate her U.N. pension, to fund the hospital. Edna Adan Maternity Hospital Officially opened on March 9, 2002, the Edna Adan Maternity Hospital was built on land donated to her by the regional government at a site formerly used as a garbage dump. The region lacked trained midwives/nurses to staff the hospital – as most had either fled the country or been killed during the Somali Civil War , which destroyed Somaliland’s entire health infrastructure. Edna recruited more than 30 candidates and began training them while the hospital was still under construction. Now completed, it houses two operating rooms, a laboratory, a library, a computer center and a university dedicated to training nurses and midwives as well as other health professionals. As of 2018, the university hospital has grown to 200 staff members and 1500 students. ‘Due to our training, our country now has the largest number of midwives per capita, and we have been able to reduce infant mortality significantly,’ Edna says proudly. The hospital’s historical survival rate is 75% higher than the national average. This facility is also the address where Edna calls home, having moved into the only room that had a door and a shower/toilet during construction. ‘I was born into this,’ she says, recalling that, as a child, ‘the problems of the world came to my father’s door.’ Edna witnessed her father, a prominent physician, display compassion, generosity and devotion to his patients throughout her childhood. ‘His patients came before his own needs,’ she recalls. ‘I brought this level of dedication to my diplomatic career, and now to this hospital.’ The first woman Minister of Social Affairs (August 2002 – June 2003), Edna then became Foreign Minister, and found she was able to more powerfully present the case for supporting Somaliland not only as a diplomat, but as a woman. ‘Being a woman, I am allowed to be forceful and angry and show sorrow for my people. I am allowed to express pain and sorrow and anger. I can be motherly and I can be tenacious. I can also shed a tear or two,’ Edna adds. ‘I can also share emotions I feel by witnessing the pain and Injustice my country has suffered.’ Further, as the Foreign Minister of Somaliland, Edna purposely hosts delegations at the hospital. ‘I do this so that I can prove to everyone that if this site is good enough for my patients, it is also good enough for me to live in, and it is also good enough for those who wish to associate with me.’ As the only woman in the delegation, she has also had to remind other dignitaries that she is the head of the delegation. ‘If I bang on a table or shed a tear, don’t try to appease me, I tell them. When I express anger, don’t tell me to cool down,’ she continues. ‘Don’t try to impose a different emotion to what I am expressing at that moment. I will know when I want to cool down, and I will tell you what I need. If I wish to show my emotions, it is because I have chosen to do so.’ Yet one of the most memorable stories she tells is of an experience that occurs time and time again, and often just before a woman is about to die. ‘Since a woman in our society does not have the authority to sign for her own surgery when requiring a Caesarean section, she must have a male (father, husband, brother or son) do it for her. Sometimes, when we tell the husband that we must have his consent immediately (because of a time-sensitive emergency) or his wife will die, he will refuse, or will want to wait to decide. But we cannot afford to wait. So I summon a policeman, and on the back of the form I write, ‘I want my wife to die, ‘ when she is in danger of dying without the surgical intervention that she needs. I then ask him if he wants to sign that instead. The husband approves the surgery for a C-section every single time. If not,’ Edna adds, ‘I would have taken the risk and signed it myself, which could cause me to go to prison if his wife did not survive the surgery. Fortunately, no one has ever called my bluff.’ Yet it doesn’t stop there. ‘My battle against female genital mutilation (FGM) has been the biggest battle of my life,’ Edna says. A victim of FGM herself, she was the first woman to speak out against it. ‘These young girls have survived measles, whooping cough, chronic diarrhea and other life-threatening diseases, and when they reach the age of seven or eight, when they are learning to jump and learn and talk…they are subjected to FGM.’ ‘It is not only cutting. It is total mutilation!’ she adds. Edna believes that fathers have to be educated about the dangers of FGM as well, so she is working on publishing an animated book about it since so many in her country cannot read. Based upon so many of Edna’s accomplishments, one would think there wouldn’t be anything she could fail at. But there is. ‘I want to get my country internationally recognized. That is my unfinished book,’ she says. ‘The world is losing the presence of a democratic country in Somaliland. We have managed to demobilize our militia with our own resources, we have a functioning, democratically elected government and we generate all taxes from our own country. While the international community is spending billions of dollars to try to bring peace in Somalia, they are ignoring the peace we have already achieved in Somaliland. We gain from peace and stability,’ she adds, ‘They gain from lawlessness.’ By Lori Sokol About the author: Lori Sokol, PhD, is Executive Director and Editor-in-Chief of Women’s eNews. Her book, #SheIsMe: How Women Can Save The World, will be published in the Spring, 2020. MENAFN2704201902070000ID1098445245 Qaran News
  18. Deegaanada Puntland waxaa laga soo sheegayaa abaaro xoogan oo samayn ku yeeshay dadka iyo duunyada, abaarahan ayaa si siman uga jira guud ahaan goboladda, waxaana isa soo taraya qaylo dhaanta kasoo yeeraysa dadka ku nool dhulka miyiga. Sida ay sheegaayaan wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST waxay tilmaamayaan in xaalada ugu xun ee hada jirtaa ay tahay biyo la’aan samayn ku yeelatay dadka iyo xoolahooda. Waxaa aad deegaanada Puntland ugu yar ama aan da’inba roobkii gu’ga illaa hada, iyada oo ay xusid mudan tahay inuu horayna u yaraa xili roobaadkii ka horeeyey ee dayrta, waxaana arimahani sababeen in dadka iyo xooluhuba u adkaysan waayaan abaarta daran walow waayadii danbeba ay xooluhu ku noolaayeen raashinka caadiga ee ay dadku quutaan. Maxay Dawladda Puntland uga aamusan tahay abaarahan? Xiliyadan oo kale dawladda Puntland waxay ku dhawaaqi jirtey in deegaanadeeda ka jiraan abaaro, iyadoo baaq u diri jirtey hay’adaha caalamiga ah, isla markaana dawladda qudheedu bilaabi jirtey wax ka qabashada xaaladaha jira hadba wixii ay awoodo, sidoo kale waxaa la samayn jirey gudi heer wasiiro oo arimaha abaaraha iyo taakulaynta dadka ay saameeyeen qaabilsan. Xukuumadda billaha yar jirta ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Siciid Deni inkastoo ay dhawaan abaabushay roob doon aan goboladda sidii la rabey uga wada dhicin, illaa iminka si mugleh ugama hadlin abaarahan, mana jirto gudi gaara oo ay xukuumaddu u xil saartay taakulaynta dadka reer miyiga iyo xoolahooda. Dadka ay abaaruhu haystaan ayaa Alle ka rajaynaya inuu xaaladan ka saaro maadama aysan jirin wax u dhigma raxmada Eebe oo ay kusoo kaban karaan, hadana waxay tabanayaan dhaliil iyo gaabis ka jira dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Madaxweyne Deni maxay uga aamusan tahay abaaraha ka jira Puntland? appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo racfaan ka soo qaatay xukuno horay ugu riday Maxkamadda, waana markii saddexaad oo dacwadan la dhageysto. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa weydiiyay xafiiska xeer ilaalinta ee Ciidamada iney keenaan Maxkamada horteeda marqaatiyaasha ku xusan eedeysanaha Kiiskiisa oo markii saddexaad loo fariistay. Ma jirin wax marqaati ah oo la horkeenay Maxkamadda, balse badalkeeda xafiiska ayaa soo jeediyay ineysan sii socon karin xilligan ka dib dacwad qaadista eedeysanahan, waxaa kale oo ay soo jeediyeen in Maxkamada go’aan ka gaarto eedeysanaha iyadoo la raacinayo tallaabooyin amni oo xadidaya dhaq dhaqaaq eedeysanaha. Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa soo xiray fadhiga Maxkamada, wuxuuna u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in Maxkamada go’aan ay ka soo saari doonto Kiiska. “Kiiska sidaasi ayuu ku gabagabeysan yahay, wixii go’aan ah Maxkamadda dib ayay ka soo sheegi doontaa, ” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida. Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa xilliyo kala duwan loo xiray arrimo la xiriira argagixisanimo, waxayna Maxkamadaha ciidamada Puntland xilliyo kala duwan ku xukumeen dil iyo xabsi, balse Bishii November 2018, ayaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Heer Federaal looga fursan waayay Kiiskan oo culeyskiia lahaa oo ay la soo wareegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa duqeyn diyaardadeed oo ka dhacday deegaano hoos taga degmada Iskushuban ee gobolka Bari. Duqaybta ayaa [...] Source
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon markii labaad la hor geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex . Wariye Coldoon ayaa muddo ku siman 10-cisho u xidhan xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi, Isagoo markii u horeysay ee la horgeeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex, uu Gudoomiyaha Maxkamadaasi ku amray ciidankii soo qabtay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer. Balse Maxkamada gobolka ee maanta lasoo taagay Wariye Coldoon ayaa daba socoto kadib markii uu Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland uu soo saaray go’aan ah in dacwada ka dhanka ah Coldoon lagu qaado maxkamada gobolka Maroodi-jeex, kadib markii Xeer ilaalintu ku andacootay arrimo la xidhiidha dhinaca amniga. Eedaymaha loo haysto Wariye Coldoon ayaa saaka qaar kamida laga hor-jeediyey fadhigii saaka lagu dhageysanayey dacwada sida uu sheegay garyaqaanka u doodaya Wariye Coldoon. Garyaqaan Mubaarik Cabdi oo ah garyaqaanka u doodaya Wariye Coldoon, ayaa soo saaray qoraal uu kaga waramayo sidey saaka wax u dhaceen, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Saaka subaxii waxa markii labaad la hor keenay maxakamada Gobolka maroodi jeex suxufi Abdilmalik Musa Coldoon Booliskuna waxay soo bandhigeen Eedaha ay dawladu u haysato suxufiga oo dhamantood ah qoraalada uu facebooka ku qoro sida hal ku dhiga Taliska Muuse biixi iyo taliskani wuxuu haya tabtii talisyadii hoogay, waxa cajiibka ah ee eedaha aan caqliga ku dhisnayn kamid ah Sawirka madaxweynaha iyo sawirka Cabdi iilaygii jigjiga oo uu qoraal ku dul qoray, iyo Warbixin madaxweynaha laga diyaariyay xilligii u mudaharaadi jiray iyo hada sida aanu u jeclayn madaxweynuhu in la mudaharaado. Qoraal uu facebookiisa ku qoray buu idhi laba taliye oo xanuunsaday baa cusbitaal ba la geeyay tiina waa loo xidhay> Coldoon Eheladiisu maxakamada damaanad bay u weydiiyeen si uu debada iskaga joogo intay dacwadiisu socoto maxakamaduna dalabkoodi way ka diiday walow ay ku sababaysay qodobada hor dhaca ahi inaanay lahayn Damaanad. FG: Wali dacwad rasmi ah laguma Soo oogin balse waa eedaha hor dhaca ah waxaanay saamaynayaan xoriyada hadalka iyo inuu qofku si xor ah u cabiri karro Aragtidiisa isagoon cabsi qabin”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Laba qof ayaa ku geeriyooday hal qof kale wuu dhaawac culus ayaa soo gaadhay ka dib markii colaad kale ka soo cusboonaatay deegaanka gobolka Sanaag. Colaadan ayaa waxay ka bilaabmatay ka dib markii ah uu nin toogtay nin, waxaana islama markiiba ka fal celiyay dilkaasi mid ka mid ah beesha wax laga dilay waxaana uu toogay laba qof oo midna qudh baxay halka kalena dhaawaciisu culus yahay. Deegaanka mashaqadu ka dhacday ayaa wax la yidhaahdaa Dharin Yaxye ka tirsan Godcaanood. Xukumadda Somaliland iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaan ka hadal arrinkan wali, Dhawaan ayay ahayd markii la soo afjaray colaad in muddo ah ka taagnayd deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa sheegay in Somaliland uu ragaadiyay musuq-maasuq, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Laydh Ku Shaqayn Doona Tamarta Cadceeda Oo Laga Hirgaliyey Magaalada Laasacaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source