-
Content Count
208,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Ceel-afweyn)-Waxa shalay deegaanka Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag ka dhacay laba dil oo kala duwan balse u muuqda inay isku xidhiidhsanyihiin, kuwaas oo ka dhex dhacay beelaha gobalkaas wada dega. Sida ay wararku sheegeen laba ruux ayaa ku dhintay dilalkan, waxaana ku dhaawacmay hal ruux. Godcaanood oo Ceerigaabo u dhow hal qof oo magaciisa lagu sheegay Marxuum Faarax Caarshe Axmed ayaa lagu dilay, dilkaas ka dibna waxa isna deegaanka Dharin-yaxe lagu dilay Marxuum Ina Cabdi Dakhare, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay hal ruux oo kale. Alle haw naxariisto labada marxuum ee geeriyooday. Dilalkan ayaa argagax ku abuuray bulshada ku nool gobalka Sanaag, gaar ahaan galbeedka gobalka oo muddooyinkii u dambeeyay ka nastay colaado beeleed oo keena dilal qorshaysan oo loo gaysto dad aan waxba galabsan. Wararka aanu saaka ka helay deegaankii uushalay ka dhacday dil ayaa waxa au sheegayaan in xaaladu ay degan tahay. Source
-
(SLT-Washington)-Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay inuu dalkiisu diyaar u yahay inuu qaado tallabba kasta oo looga hortagayo khatarta Iiraan. Warkan oo aan ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya General Kenneth McKenzie oo ah taliska guud ee ciidamada Mareykanaka inuu sabtida shalay ahayd sheegay inuu Mareykanka ciidamadiisu diyaar yihiin marki loo baahdo in dalka Iiraan laga howlgeliyo. Waxuuna Mareykanka diyaar u yahay tallaaba kasta oo uu kaga hortagayo khatarta uga iman karta dhanka Iiraan inuu qaado. McKenzie oo booqasha ku maraya waddamada khaliijka oo u warramay Telefishiinka Sky News laantiisa carabiga wuxuu sheegay “Mareykanku wuxuu sii wadayaa inuu had iyo jeer garab siiyo saaxibbada iyo xulafada aan ku leennahay khaliijka iyo bariga dhexe si aan isaga kaashannno khatarta dhammaanteen naga soo wajihi karto dhinaca Iiran si wada jir ah si aan uga hortagno.” Xiisadda u dhaxeysa tehran iyo Washington waxay cirka isku sii sharertay wixi ka dambeeyey marka uu madaxweyne trump uu hoggaanka dalka mareykanaka la wareegay gaar ahaanna sanadki 2018-kii marka uu Mareykanaka ka baxay heshiiskii Niyuukilarka ee heer caalami ee lalal galay dalka Iiraan isla-markaana uu cunaqabateyno dheeraad ah uu saaray Tehraan. Washington waxay Isniinti aan soo dhaafnay sheegtay ciddi saliidda Iiraan iibsato iney cunaqabateyn la kulmeyso, iyada oo dalalki ugu badnaa ee saliidda Iiraan iibsan jiray qaarkood ay lixdi biloodee la soo dhaafay ay waddamada kale ee Asia ay billaabeen iney saliidda ka soo iibsadaan. Madaxweynaha Iiraan iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan dalka Iiraan ayaa iyaguna ku hanjabay haddii ay Washington isku daydo iney carqaladeyso Maraakiibta saliidda ka iibsada ay Tehraan qaadeyso tallabba kasta oo ay ku joojineyso dhammaan maraakiibta kale ee shidaalka sida ee ka yimaadda waddamada kahaliijak. General McKenzie waxaa kale uu sheegay inuu ku kalsoon yahay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iney mudda badan sii joogayaan ilaa ay ka xaqiijiyaan iney khatarta argagixidsada ka iman karta ay soo afjarantay. Source
-
(SLT-Khartoum)-Labada dhinac oo shalay yeeshay Kulan waxay isku raaceen qaabka dhismaha Golle KMG oo isku-dhaf ah, inkastoo aan la isla fahmin qeybsiga Kuraasta. Mar sii horreysay, Guddiga Wadajirka ee ka kala socday Golaha Milliteriga (TMC) iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Isbedelka ayaa ka wada xaajooday codsiyadooda xukunka Rayidka. Dhinaca kale, Madaxa Golaha Milliteriga ee TMC, Jeneral C/fataax Al-burhaan oo wareysi siiyey Telefishinka Alarabiya ayaa sheegay inuu jirin wax khilaaf oo u dhexeeya Golahiisa iyo Isbahaysiga Mucaaradka, wuxuuna xusay inay Wada-xaajoodyo dheeraad ah la furi doonaan dhamaan Xisbiyadda. Waxa kale oo uu ka hadlay qorshihii Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Jeneral Cumar Xsaan Al-bashiir, xuxuuna xusay inuu Albashiir doonayey inuu xoog ku maquuniyo Dibadbaxayaashii ka soo horjeeday Maamulkiisa. Source
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay Shir jaraa’id oo ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa dhaliil u jeediyay Xukuumadda ay gadhwadeenka ka yihiin madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre. Wuxuu khudbadiis inteeda badnayd kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoo sheegay inuu welweli weyn ka qabaan sida Soomaaliya loo maamulayo iyo halka uu ku socdo ”Khataraha ugu weyn ee Puntland dareemayso waxaa weeye nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay la gacan bidixaynayo oo wadadii loo baahnaa aanu ku socon, waxaa noo muuqata caqabad aan hadhow la xalin karin” ayuu yidhi madaxweyne Deni Wuxuu sheegtay in xukuumada federaalka oo ku guuldaraysatay amnigii Muqdisho ay sidoo kale ilowday oo hilmaamtay dhibaatooyinkii kale ka jiray dalka oo aan dareensanayn baahiyaha ka jira maamul goboleedyada ”Waxaa kaloo soo baxay tubaha oo loogu talagay in caalamka loogu gudbiyo baahiya Soomaaliya qabto, Deeqihii markii yimaadaan meel ay ku baxaan la garan laayahay” ayuu yidhi Deni Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay ku takri faleen habkii awoodqaybsiga dowladnimo ama beeleed, isagoo tusaale u soo qaatay guddoomiyihii bangiga dhexe ee federaalka oo uu sheegay in aqooyahanadii reer Puntland ee u tartamayay booskaas la reebay ”Waxaan dhaliil weyn ka qabnay sida loo maareeyay guddoomiyihoo bangiga dhexe oo runtii xadgudub dhinaca awoodqaybsiga uu muuqdo. markii la magacaabayay guddoomiyaha maxkamada, ninbaa la qaaday oo nin kale oo isla haybtii ah lagu bedelay, laakiin markii guddoomiyaha bangiga dhexe la soo gaaray waxaa la yidhi tartan furan ha la galo oo waxaa laga leexiyay habkii wax qaybsiga” ayuu yidhi Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu iclaamiyay in bisha 2deeda magaalada Garoowe lagu qaban doono shir kooban oo wadatashi , kaasi oo ay isugu imaan doonaan madaxdweynayaasha maamulxubineedka federaalka, sida Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sidoo kalena ay ka soo qaybgalaan madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaare dowladda federaalka ” Shirkaas waa mid si dhab ah loo wada hadli doono, waxaa lagu jaangoyn doonaa habka ay u wada shaqaynayeen dowladda iyo Dowlad xubineedka federaalka, sidoo kale in la xidadio magaca uu qaadan doono habka loo wada shaqaynayo oo uusan noqon kii hore ee la oran gollaha amniga qaranka” ayuu yiri mudane Deni Gabagabadii, Madaxweynaha Putland wuxuu sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yhay inuu garab istaago, gacana siiyo maamulka Galmudug oo uu sheegay in khilaaf iyo dhibaato siyaasadeed ay haysato, islamarkaana cabasho ka muujiyay dowladda Federaalka Source
-
QM oo shaacisay Liiska Ururo iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo ay xayiraad dul-dhigtay QM ayaa shaaca ka qaaday magacyada shaqsiyaad iyo ururo Soomaaliyeed oo xayiraad laga saaray inay soo dalbadaan qandaraasyada hay’adda horumarinta QM ee UNDP iyo ururada kale ee QM. Go’aankan ayaa ka dambeeyey kadib markii ay talooyin usoo jeediyeen gudiga qiimeeyaan soo dalbashada qalabeynta iyo keenista adeegyada iyo badeecada u baahan yihiin xafiisyada UNDP. Cunaqabateynta UNDP ay saartay dadkaas iyo ururada waa mid looga hortagaayo xatooyo qarsoon iyo musuq maasuq lagu kacay oo shaqsiyaadkan iyo ururadan lagu eedeeyey, waxayna UNDP la wadaagtay arimahan taagan hay’ado caalami ah, deeq bixiyayaal iyo Qaramada Midoobe xafiiskiisa ugu sareeyo si talaabadan loo hirgaliyo. Xanibaada la saaray shirkadaha iyo shaqsiyaadka dambiyada lagu eedeeyey, waxaa lagala laabtay heshiisyadii lagula jiray iyo qandaraasyadii horey loo siiyey iyo lacagihii la siin rabay waxayna cunuqabateyntan saameyneysaa qof walbo oo kasoo muuqday liiska. Shirkadaha ama shaqsiyaadka laga mamnuucay inay UNDP la shaqeeyaan qaybta iibka iyo qalabeynta waxay dib u dalban karaan la shaqeyn cusub oo gudiyo kala duwan qiimeyn doonaan marka uu dhamaado mudada cunaqabateynta la saaray ku eg tahay. Shakhsiyaadka iyo Hey’adaha Soomaalida ee Liiskaan ku jiro waxay kala yihiin: Centre for Research & Policy Analysis (CERPA), waxaa lagu eedeyey Khiyaano iyo Been Abuur Halima Daud Khalif, waxaa lagu eedeyey Khiyaano We Are Women Activists (WAWA), Waxaa lagu heystaa Been-Abuur Hawa Ali Jama, Waxaa lagu helay Been-Abuur Zainab Mwazige, Waxaa lagu helay Been-Abuur Zeinab Ayan Ahmed, Waxaa lagu helay Been-Abuur Intercooperation Social Development India (ICSD), waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur Joy Elamon, waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur Mohamud Isak, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Gargaar Relief and Development Organization (GREDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Tanaad Relief & Development Organization (TARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Ali Mohamed Mohamud, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Mohamed Shukri Moallim, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Hiran HIV/AIDS Prevention and Child Protection Organization (HAPO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Abdirizak Yusuf Mohamed waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Emergency Pastoralists Assistance Group – Kenya (EPAG-K), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Abdullahi Gessey, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Youth & HIV/AIDS Network (YAHAN), waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka Mr. Mohamed Abdirahaman Jama, oo sidoo kale loo yaqaan Mr. Muhammed Abdurahman Jama, waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Shir-weynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka waxaa loogu yeedho Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay dawladda Soomaaliya, maal-geliyay-na Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka furmaya Muqdisho maalinta Isniinta ee berri ah. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliya. Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya labada maalmood (29-30 April) , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada. Source
-
Suaal waa maxay xoriyadu? What’s the freedom? Afeef wadanigu reer maaha. Qofba sibuu u yaqaanaa maanta xoriyada iyo raaxada nolosha. Xoriyadduna waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro. Waddaniyada xoogda badnayd iyo guubaabadii wax-garadka waxaa ka dhashay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo wax kasta oo qaali ku ah u bixinaya waddanka , wax kastana wadanku uuga muhiim sanayahay, tusaale; Xalane waxa uu ahaa halyay soomaaliyeed , waxa uu soo arkay dhibaatada gumaysigu leeyahay , neecowda xoriyadda wuu la kowsaday , bal aan isla yara eegno taariikh kooban oo uu inooga tagay. Maxamed Cabdulle Xalane Hilaadii 1943-kii ku dhashay Magaalada Ceelbuur, wuxuunna Ciidamada Dalka Somalia ku biiray bishii Juun 20-keeddii 1960kii. Waxaa lagu dilay dagaalkii kowaad ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1964. Wuxuu ahaa geesi aan gaban mayal adag oo soomlinimadu lafya iyo dhiiga raacday. Qisadiisii ugu layaabka iyo taariikhda fiicnayd waxaa qaadaa dhigay oo tafatirey AHUN Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlaya taariikhda Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu yiri Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa horay joogtey; waxay ahayd koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ayuu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago. Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, markaasay ku fureen boobe naftiisii gooyey; Maxamed isaga oo calankii ku duuban oo aan sii deynin ilaa ay nafta tii u dambeysey kabaxday ayuu la soo gurguurtey; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoobaanka ah oo da’ walba da’da ka dambeysaa ay dhaxlidoonto wuxuu ahaa: CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA. Maxamed wuxuu ku soo simay colkii si uusan calanku cadow gacantiisa u gelin. Inkastoo naftiisii uu waayey ceebtii waa ka soo hoyiyey calankiisii Maxamed. Xasuusta uu reebay darteed, maanta nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, nin lagu xasuustaa Billad Dahab ah Maxamed Cabdulle Xalane, tan iyo maanta dalkeenna; waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddigle-nimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ah; tan saddexaad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka Kacaanka; Xarunta Xalane. In la idiin ka taariikheeyey mooyee xaaladdeenna iyo tan cadowgu sida ay kala ahaayeen (xagga tirada hubka iyo raashinka), cadowgaa gumeysi xoog badan dabada ku hayey ‘Soomaali in la baabi’yaana taladoodu ahayd. Kuweennu godkii ay galeen say ugu jireen baa dagaalku ku dhammaaday; saddex bilood baa korkooda ku go’day. Anigu waxaan shaahid ka ahay inaan nimankii dhalinyarada ahaa oo dharkii iyo dhidid dhawrkiiba ka dhammaadeen ugu tagay godkii; cunnadooduna bariid garcadde ah bay ahayd, dawadana daciif baan ka ahayn. Haddana uma ay suuragelin cadow dalka inuu cagta soo dhigo. Waad ogtihiin waanad maqasheen baan u malaynayaa kuwaa dhaawac ah oo xabbadi ku taal inay inta qorigoodii qaateen ka baxeen isbitaalka oo ay yiraahdeen kolleyba haddaan dhimanaynno, intaan sariir ku dhiman lahayn; aan goobta ku dhimanno oo dagaal ku galeen sidaas kuna biskoodeen; waana joogaan qaarkood haddeer. Markii aan ugu tagay godadka oo aan iri qaarkood: “waryaa waa adiga qaawane sidee ugu adkaysanaysaa qorraxda iyo dhaxanta?”, waxay igu jawaabeen: “waxaa i illowsiiyey dhaxanta iyo qorraxda sharafkayga iyo waddankayga iyo immaankayga; ma xanuunsanayo: adaa moodey inaan xanuunsanayee ha ka biqin meeshayda laga soo geli mahayo iyadoon maydkayga laga tallaabsan” La soco qaybaha dambe…. Qaran News
-
(SLT-Newmarket)-Haweeneey 28 jir iyo wiil yar oo afar jir ah ayaa maydkooda laga helay guri ku yaalla gobolka Suffolk ee dalka Ingiriiska. Qof dadweynaha ka mid ah ayaa soo gudbiyey warka ku saabsan maydadka oo ku jiray dhisme ku yaalla Park Avenue ee magaalada Newmarket. Qof goob jooge ahaa ayaa wargayska Newmarket u sheegay in haweenaydu ay guriga kasoo baxday ayadoo ooyaysa. Dambi baadheyaasha ayaa baadhaya wixii dhaliyey dhimashadaas. Booliiska ayaa codsaday in ciddii wax xog ah ka haysa goobtaas ay lasoo xidhiidhaan. Afhayeen u hadlay booliiska Suffolk ayaa sheegay in aanay jirin cid ay ku raad joogaan oo ay la xidhiidhinayaan geerida dadkaas. Mid kamid ah dadka dariska ah, oo kunool meel aan sidaas uga fogayn goobta maydadka laga helay, ayaa yidhi: “Guriga ayaan imid abbaaro 20:00 fiidnimo saacadda Ingiriiska, boliiska ayaana xilligaas meel walba ku sugnaa”. “Habeenkii oo dhan halkan ayay joogeen, dambi baadheyaal ayaana halkaan kusoo noqnoqonayey”. Waxa uu sheegay in uu haweenaydaas dusha uun uu ka yaqaannnay balse uu la hadlay hal mar oo kaliya. Lammaane kale oo kunool xaafadda Park Avenue, ayaa sheegay in ay arkayeen wiilka oo ku ciyaaraya barxadda gawaarida la dhigto oo halkaas ka dhawayd. “Guryo badan oo kiro ah ayaa kuyaal xaafaddan, sidaas darteed dadku way yimaadaan wayna baxaan,” ayay yidhaahdeen. Nin waayeel ah oo halkaas daggan ayaa intaas raaciyey ” 60 sano ayaan halkaan dagganaa xaafaddana waxa ay ahayd mid aad u daggan oo wax dhib ah aanu ka jirin. “Waa wax aad looga naxo, waa musiibo.” Booliiska ayaa xidhay jidka xaafaddaas dhex mara. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ergooyin ka kala socda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka iskaashiga Islaamiga, ayaa la filayaa inuu berrito Shirweyne uga furmo magaaladda Muqdisho, sida ay sheegeen Ilo muhiim ah. Inkastoo aan la shaacinin Heerka Madaxda ka qeyb geli doonta Kulankaasi, haddana waxay Ergooyinka ka wada xaajoon doonaan Ajendayaasha kala ah: Amniga Fekerka iyo La-dagaalanka waxa loogu yeero Xag-jirayaasha. Qabsoomida Shirka OIC ee berrito ka furmi doona magaalladda Muqdisho waxa lagu go’aamiyey Shirkii Heerka Wasiir ee Kooxda Ururkaasi ugu qaabilsan Somalia ay ku yeesheen magaalladda Muqdisho bishii October 27-dii ee sannadkii hore. Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay xubno ka kala socda 15 Waddan oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo uu ka mid ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururkaasi, Hishaam Bin Yuusuf. Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo la asaasay sannadkii 1969-kii, waxaa xubno ka ah 57 Dowlood oo Islaam ah, iyadoa ay Xarunta Dhexe ee Ururka ku taallo magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga. Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday dadaalo ay wadaan laamaha amaanka si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdisho oo masuuliyiin kala duwan imaan doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Daahir C/qaadir Muuse Ciiro oo ka mid ah xildhibaannadii hore ee baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo aanay daacad ka ahayn dhammeystirka dastuurka qabyada ah ee dalka u yaalla. Wuxuu sheegay Ciiro in mudanayaasha aqalka sare ku matela Puntland hadalladii ay ka sheegeen Garoowe ahayd mid sax ah, islamarkaana dalka uu xaalad adag galay, waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, wuxuu sheegay Ciirro in dowladda aanay dooneyn iney dhaqaajiso Dastuurka, taasina ay tahay ayaan darro aad u weyn. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/WAREYSI-DAAHIR-CIIRO-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
C/raxmaan Daqare oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ugu baaqay madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in wax walbo oo ay kala tabanayaan muhiim ay tahay dalka iney ku xalliyaan. Wuxuu sheegay iney ka xun yihiin in shirar ka dhan ah dowladda dhexe lagu qabto Kenya oo uu sheegay in ay tahay cadow Soomaaliyeed. Daqare ayaa sheegay in dowladda qudaheeda looga baahan yahay iney sameyso tanaasul iyo iney aqbasho in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay si xor ah aragtidooda u cabiraan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/WAREYSI-CRAXMAAN-DAQARE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Dr Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa shirkiisi jaraa’id ee xalay ku dhaliilay, habka loo magacaabay, guddoomiyaha Bankiga dhex ee Soomaaliya, oo uu sheegay in lagu xad-gudbay hannaanka awood-qeybsiga beehala. Madaxweynaha ayaa sheegay in hab aad u qaldan loo maray, magacaabista guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka, maadaama sida uu tilmaamay kolkii hore loo ekaysiiyay tartan furan, balse markii uu liiska gaaban soo baxay, haddana la magaacabay ninkii imtixaanka saxayey. “Waxan dhaliil weyn ka qabnay, sidii loo maareeyay guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo runtii ah, xad-gudub habka nidaamka wax qeybsiga muuqda, oo haddana Process runtii aad u qaldan oo in la sheego habboonlagu sameeyay” ayuu yiri Deni. Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in marka la eego hannaanka wax qeybsiga beelaha ee 4.5 iyo sida hadda xilalka loo hayo , ay guddoomiyaha Bankiga dhexe qeyb ahaan u leeyihiin dadka reer Puntland, balse taasi laga weecday, kadib markii qaab maroorsi ah kursigaasi loo siiyay qof aan ka soo jeedin Puntland. “Tartankii markii uu soo dhowaaday oo dadkii Short list ay reer Puntland noqdeen ayaa waxa la qaatay, nin qolodii Vetting-ka samaynaysay ee dadka kala xulaysay ah oo aanan ahayn reer Puntland, iyaduna runtii waxay tahay nidaamka wax qeybsiga in lagu xad-gudbaayo” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Deni oo sheegay kursiga Bankiga dhexe ee dalka laga dhacay dadka reer Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waan waan laga dhex bilaabay labo Beelood oo dhawaan ku dagalaamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dadaallada dib u heshiisiineed ee lagu dhex dhexaadino Beelahasaasi. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa Odayaasha labada dhinac ugu baaqay in ay qaataan nabadda, islamarkaana ay ka dhabeeyaan wadallada socda. Dhawaan ayey aheyd markii Maleeshiyaadka labada Beelood ay ku dagaalameen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/ Hoose, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin xoogan. View the full article
-
Garowe (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa tilmaamay in heer gaba-gaba ah uu marayo baaritaanka Kiiska Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan oo Kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Axmed Karaash ayaa tilmaamay in Shacabka iyo Warbaahinta ay la soo wadaagi doonaan baaritaanka dhacdadaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in cadaalada la soo joojin doono dadkii ka dambeeyay falkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-puntland.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qabaan walwal xooggan oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Wuxuu sheegay iney ka walwalayaan habka wadashaqeynta ee DFS iyo sidoo kale sida dalka loo maamulayo. Dani ayaa sheegay in ay u muuqato qatar ah in la gacan bidixeynayo nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyey ee dalka u yaallay. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in habka dalka hadda lagu wado aanu ahayn kii lagu heshiiyey, caqabadna ku yahay dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla. Dowladaha caalamka ayuu sheegay in xilligan ay garan la yihiin qaab ay ula shaqeeyaan Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uu dowladda dhexe ku eedeeyey in ay hanan la dahay ammaanka wadada Makka Al-mukarrama, islamarkaana aanay la socon dareennada dowlad goboleedyada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/MADAXWEYNE-DANI-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo amniga Caasimadda. Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidanka Ammaanka, Guddoomiye ku xigeennada Gobolka, khubaro ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga iyo dariseynta, si looga hortago falalka arxan darrada ah ee Argagixsadu ay u maleegayaan shacabka. Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada degmooyinka, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Caasimadda. “Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah iyo guulo wax ku ool ah oo la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka ay hubaal tahay in lagu guuleysanayo xasilinta caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.” Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, sidoo kalena dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada oo muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan ammaanka. View the full article
-
Afgooye (SMN) – Maxamed Xuseen oo ka mid ah dadka deegaanka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in xaalad amni daro ay ka soo cusboonaatay gobolkaasi. Maxamed Ayaa tilmaamay in dhac baahsan dadka rayidka iyo gaadiidleyda loogu geysto inta u dhexeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxa uu cod dheer ku sheegtay in dhibaatooyinkaasi ay u sii dheer yihiin kuwa gaar ah oo lagula kaco Haweenka ku safra halkaasi Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalin ka hor dhac baahsan labo gaari loogu geystay gobolk Shabeelaha Hoose, kuwaas oo ay la socdeen labo Haween ah oo la sheegay in lagula kacay tacadiyo ka dhan ah Aadanaha. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qardshe) taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa M/Muqdisho kulan kula qaatay saraakiil iyo xubno ka socday Masar. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan taageerada iyo tababrada la siiyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliye Indha Qarshe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Masar ay ka qeyb qaadato taageerada iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka. Ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa waxa ay taageero kala duwan ka helaan qaar ka mid ah wadamada Caalamka, kuwaas oo siiya qalab iyo tababar intaba. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxda ugu sareyso maamulka Hirshabeelle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Kulanka ayaa ka dhacay hoyga magaalada Muqdisho uu ka degen yahay Sheikh Shariif, waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hirshabeelle. Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa madaxweyne Shariif Sheikh Axmed kula kulmay magaalada Muqdisho, waxaana ay ka wada hadleen arimo dhowr ah. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labada dhinac ay u gudbiyeen Shariif Sheikh Axmed cabashooyinka iyo culeesaadka dowladda Soomaaliya ay kala kulmeen iyo dhibaatada lagu hayo Hirshabeelle. Sheikh Shariif, ayaa sheegay inay tagi doonaan magaalada Jowhar si halkaasi loo geeyo xarun Xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran uu ka furanayo magaalada, sida wararka aan ku heleyno. Sheikh Shariif ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Shabeelaha Dhexe,waxaana uu ka warhayaa dhibaatada dowladda haatan jirta ay ku heysto maamulka Fadhiidka noqday ee Hirshabeelle. Saacadihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu Magalada Muqdisho ka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey siyaasiyiin iyo Wakiilada Beesha Caalamka eek u sugan Magalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-280419.MP3-bb.mp3 View the full article
-
Dharkenley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada ammaanka ee dowladda xalay ay ka sameeyeen degmada Dharkenley ee G/Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Ilo wareedyo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo lala xariirinayo Xarakada Al Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo howlgallo xoogan ka waday magaalada Muqdisho ayaa xoojiyay amniga guud ee Caasimadda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa ka hadlay culeesyo badan oo ka jira baarlamaanka iyo baaqashada kulamada baarlamaanka. Xildhibaanka ayaa kamid ahaa xubnaha sida weyn ula dhacsanaa hanaanka madaxda dalka ku hogaaminayaan, balse waxaa muuqata in hadda uu ka hor yimid qaabka aan la jecleysan ee madaxda xukuumadda ku maamulayaan dalka. Xildhibaan Idiris Cabdi ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanka ee ka maqan shirarka golaha islamarkaana ku sugan magaalada Muqdisho, inay yihiin kuwo qaadanaya mushaar aysan shaqeysan. Howlaha baarlamaanka ayuu sheegay inay fadhiid noqdeen, isaga oo tusaale usoo qaatay guddi uu kamid yahay oo tan iyo markii la aasasay wax shir ah iskuugu imaan, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale wuxuu ka dalbaday madaxda xukuumadda inay iska casilaan xilka ay hayaan haddii aysan shacabka Soomaaliyeed u qaban karin adeegyada ay u baahan yihiin. Wuxuu sheegay in dalalka Caalamka masuuliyiinta qaar ay xilalkooda iska casilaan marka ay kasoo daahaan kulamada baarlamaanka ugu yeero, balse Soomaaliya maalin walbaa kumanaan shacabka ah la dilo islamarkaana uusan jirin masuul xitaa lagula xisaabtamay. Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada ayuu sheegay inay sida ay hadda ku jiraan ay u dhaanto inay xilalka iska caasilaan haddii aysan shacabka waxba u qaban karin. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Idiris Cabdi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Xukuumadu-Ha-iscasisho-Sidaa-Waxaa-Yiri-Xildhibaan-idiris-Dhaqtar.-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka hadlayey shir jaraa’id ayaa dhaliil culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay ku fashilantay arrimihii loo doortay. Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gebi ahaanba ku fashilantay amniga dalka isagoo tusaale u soo qaatay in ay sugi la’dahay amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya ha hor inta aan la gaarin qeybaha kale ee magaalada Muqdisho iyo gobolada ka baxsan. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in Villa Somalia ay marin-habaabisay Dastuurkii dalka iyo nidaamka Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay iyo in ay ku tumatay awood-qeybsiga beelaha islamarkaana leexsatay dhammaan deeqaha caalamku bixiyo ee lagu qaaato magaca Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in malaayiin Dollar oo magaca Soomaaliya lagu qaato aan ilaa iyo haatan la garan meel ay xukuumadda Federaalku geysay isagoo xusay in shirarka isla xisaabtanka ee deeq-bixiyaasha lagu soo bandhigo malaayiin Dollar oo Soomaaliya la siiyay balse aan soo gaarin dadkii loogu tala-galay. Mudane Deni ayaa sidoo kale xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay mas’uul ka tahay wada-shaqeyn xumada kala dhexaysa madaxda dowlad goboleedyada maadaama sida uu sheegay ay maroorsatay arrimihii la wadaagay oo aan wax talo ah laga siin gobolada. Isagoo sii hadlayey ayuu ku cel-celiyay in dalku uu jiho qaldan ku socdo oo wax badan xumaadeen mudadii ay xilka haysay xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu ku taliyay in si dhab ah loo wajaho xaaladda waddanka. PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Villa Somalia ku fashilantay sugidda amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya! appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah madaxda maamul goboleedyada oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in shirkaasi ay yeelanayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada. Shirka ayuu sheegay inuu yahay mid lagu xalinayo tabashooyinka ay qabaan maamul goboleedyada dalka, waxaana mid dib u heshiisiin ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Bisha soo socota ee May ayuu sheegay in shirkaasi uu ka dhici doono magaalada Garowe, waxaana uu sheegay in la filayo inay natiijo kasoo baxdo ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan. Wuxuu sheegay in shirkaasi ay ka qeyb galayaan madaxweynha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha maamul goboleedyada dalka. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa soo bandhigay qaar kamid ah tabashooyinka ay Puntland qabto, waxaana kamid ah hanaanka loo qeybiyo deeqaha Soomaaliya ka hesho dalalka caalamka. “Waxaa dhacda hab aysan raali ka aheyn Puntland marka la qeybsanayo deeqaha caalamka kasoo gaaro Soomaaliya, waxaa Puntland loo yeeraa maalinta ugu dambeysa ee shirka dhacayo, iyadoo deeqihii la qeybsaday, Shirkana waxa kasoo baxaya lasii qoray, taasi micnaheedu yahay inaan loo baahneyn Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Deni. Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday magacaabista guddoomiyaha Bank dhexe inay qeyb ka tahay cabashooyinka ay qabaan. “Mar la badalayay guddoomiyaha maxkamadda sare nin ayaa laga qaaday nin isla heybtiisii ahaa loo dhiibay, laakiin guddoomiyaha Bank Dhexe markii lasoo gaaray waxaa layiri Tartan haloo galo, waxaa loo ololeeyay in halkaasi laga saaro qof kasoo jeeda Puntland, dadkii reer Puntland tartankii ayay galeen xitaa markii ay kusoo baxeen, waxaa xilka qabtay ruux aan tartamin oo reer Puntland aan aheyn”. “Runtii cabashadaasi ayaan qabtay marar badanna hoos ayaan u dhigi jirnay, laakiin ugu dambeyn waxaan la wadaagnay dadkii ay quseysay iyo dowladaha daneeya in Soomaaliya ay hagaagto, waxaan diyaar u nahay inay wax walbaa saxmaan”ayuu ku daray hadalkiisa. Caasimada Online Xafiika Puntland Caasimada@live.com
-
Popular Contributors