-
Content Count
208,304 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray M/ Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira. Kulankan ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Sidoo kale Shariif iyo Madeira ayaa ka wada arrinsaday qodobo la xariira tayeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa ku amaanay Midowga Africa, sida ay uga go’an tahay in la wiiqo awooda Al Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Ciidanka AMISOM oo ka socda dhowr dal oo Africa ku yaalla ayaa Soomaaliya yimid 2007-dii, xilligaas oo uu bilowday howlgalkooda nabad ilaalinta ah. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-28042019-ww.mp3 View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax miino ayaa Ciidamo ka tirsan Millateriga lagula eegtay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Weydow, iyadoo qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac. Sida wararku sheegayaan ciidamada lala eegtay qaraxa ayaa saarnaa gaadiid kuwa dagaalka ah, kaasoo ka yimid dhanka degmada Afgooye, waxaana lagu qarxiyay agagaarka deegaanka Weydow. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu khasaare ka soo gaadhay ciidamada Millateriga, waxaana la xaqiijiyay in afar askari ku dhaawacantay, kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho. Wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana maalmo ka hor laga soo saaray miinooyin dhulka hoostiisa la geliyay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa warbaahinta u sheegay in uu iska casilay xilkaasi laakiin Guddoomiyaah Maxkamadda sare ayaa qoraal uu soo sheegay lagu sheegay in xilka laga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex iyo Kan degmada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland. Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa tilmaamay in Kenya ku wehelinayso Hargeysa Xafiisyada Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin. Waxa uu sheegay in hirgelinta xafiiskan iyo magacaabista masuulkani ku timid kulamo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma la yeelatay wakiilka Somaliland ee Nairobi Baashe Cawil Cumar iyo wasiir Sacad Cali Shire. Waxa uu sheegay in ay hadda bixisay amarka lagu dhisayo xafiiska Kenya ee Hargeysa. Wakiilka Somaliland ee Nairobi Amb Baashe ayaa wargeyska u sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh ilaa xilligii Gumaystaha “Xidhiidh dheer oo taariikhi ah ayaanu lahayn Kenya ilaa xilligii gumaystaha. Tallaabada Kenya u qaaday in ay Hargeysa Safaarad kaga furato waa mid si weyn kor ugu qaadaysa dhaqaalahayaga, horumarkayaga iyo Macaamilaadka bulshada,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe Cawil. “Dadka tirada badan ee reer Kenya ee ku nool Somaliland waxay caddayn u tahay soo dhawayntayada wanaagsan,” ayuu yidhi Danjiraha oo intaasi raaciyay in xidhiidh ganacsi oo dhexmara Kenya iyo Somaliland kor u qaadayo heerka nolosha iyo dhaqalaha. Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu dawladda Kenya ku boorriyay in ay shirkadda Kenya Airways duullimaadyo toos ah ka bilawdo Hargeysa iyo Nairobi taas oo sahlaysa isu socodka labada dal korna u qaadaysa in fursadaha labada dhinac laga wada faa’iidaysto. Somaliland ayaa hore Nairobi ugu qabatay shir ku saabsan fursadaha ganacsi ee Somaliland oo ay ugu baaqday in ganacsatada Kenya ka faa’iidaysato waxaana hore u jirtay danayn badan oo ka imanaysay gobolka qaadka Mirooga qaniga ku ah oo si weyn u danaynayay in uu suuq ka helo Somaliland. Source
-
Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has commended African Union Mission In Somalia (AMISOM) for commitment to restore peace in Somalia. In 2007, AU deployed troops in Somalia to support the Transitional Federal Government at the time. The forces defeated and ousted al-Shabaab from Mogadishu city. Sheikh Sharif held talks with Francisco Madeira, head of AMISOM over the improvement achieved by the forces so far. The two leaders discussed means to enhance Somali forces’ capacity. Speaking to the media, Sheikh said AMISOM helped Somalia to defeat al-Shabaab in many areas. “AU and AMISOM troops have supported Somalia to liberate many towns and even trained Somali forces,” he said. The president said he discussed with the head of AMISOM on ways and means to intensify operations to annihilate al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka Soomaaliya ayaa xayiraad kusoo rogay dhaqdhaqaaqa Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online. Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka ayaa waraaq amar ah u kala diray Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo Bankiga dhexe, waxaana si rasmi ah loo xayiray dhammaan akoonadii Maamulkaas. Sida aan xogta ku helnay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diiday in lagala xisaabtamo xisaab xirkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxayna taas keentay in la xayiro dhammaan dhaqdhaqaaqa Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir. Sababta uu Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in lala xisaabtamo ayaa lagu sheegay kadib markii lixdii bilood ee ka horeysaan lixdaan bil lagu helay Musuq maasuq xooggan iyo lacago badan oo la lunsaday isla markaasna ay haddana ka cabsanayaan in lasoo bandhigo musuq maasuqa ka jiro Maamulka Gobolka Banaadir. Waxaa maamulkA Gobolka Banaadir lagu eedeeyay iney ku maqantahay $16milion oo dollar, oo la waayay cida qaadatay iyo meesha lagu bixiyay sida ay isku raaceen guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka iyo Hanti-dhowrka guud. dhawaan la soco warbixintaan oo faahfaahsan inshaa Allah
-
The commander-in-chief of Somali military Dahir Aden Elmi held a meeting with a visiting delegation from Egypt in Mogadishu on Saturday. The two sides discussed a range of issues, mainly on how Egypt would help Somalia train and equip rebuild its national army in efforts to stabilize the country and restore peace and order. Elmi has expressed his gratitude to Egypt’s unwavering and continued support to Somalia in the fields of security and development. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has paid a visit to Cairo last week and bilateral talks with Egypt’s counterpart Abdul Fatah Al Sis View the full article
-
Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhaawacantay qarax Miino oo maanta ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho. Sida ay goob joogayaal inoo sheegeen, gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga DFS ayaa qaraxa lagula eegtay halkaasi, wuxuuna qaraxan ahaa miino nooca dhulka lagu aaso. Ciidamadan ayaa ka yimid dhanka gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho. 7 qof oo Afar ka mid ah ay yihiin dad shacab ah ayaa naloo xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday isbitaallada Muqdisho qaarkood. Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay iyo nawaaxigeeda waxa ay ka sameeyeen howlgallo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Several people were detained in connection with the Somalia-based Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab during a massive security operation by the government forces in Mogadishu. The sweep was carried out in the capital’s Dharkenley district on Saturday night, targeting suspected houses, where a number of youths were arrested on suspicion of having links with Al-Shabaab. The suspects have been taken into police for further investigation, according to the local residents who spoke to Radio Shabelle over the phone. The security officials are yet to statement in relation to the latest operation in the city, which has witnessed a series of attacks by Al-Shabaab. The government troops continue routine operations in Mogadishu to curb the insecurity and ensure law and order are maintained. View the full article
-
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa anadkii lasoo dhaafay 2018 markii ugu horeesay gaaray Fiinaalka tartanka da’yarta 17-jirada ee ka dhacay wadanka Burundi ciyaatooyda Soomaaliya ayaa bishii April 2018 kulankii ugu dambeeyay koobkii da’yarta ee qaarada Africa la ciyaaray dhigeeda Tanzania. Xiriirka kubbadda cagta dalka oo waqti iyo juhdi ku bixinaya horomarka heerarka kala duwan ee xulka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayo tiro badan oo macalimiin ah oo doonaysa laylinta xulka,iyagoo iminka ku nool qurbaha waxaana ka mid aha Tababare Maxamed Cabdiqaadir Sheikhdom oo iminka hogaamiya kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden. “Xiriirka Kubbadda Cagta diyaar ayuu u yahay in soo dhaweeyo Macalin Maxamed Cabdiqaadir iyo kuwa kale oo badan oo qurbajoog ah waxaana lee nahay kusoo dhawaada gacmo furan xulka qaranka Soomaaliya malahan shaqsi ee dhamaantooda ayuu waajiba naga saran yahay in aan horomarino dalkeena iyo dhalinyardeena”waxaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog u sheegay Jamaal Xaashi Tuure oo ah madaxa suuqa gaynta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya. Tababare Maxamed Cabdiqaadir oo mudo dheer ku noolaa qurbaha ayaa waqti ku bixiyay aas aasida kooxda Som United,isagoo kasoo bilaaway meel hoosaysa,balse iminka ay Som United ka mid tahay kooxaha ka dheela horyaalka afaraad ee Sweden,balse Macalin intii oo ku noolaa qurbaha waxa uu waqtii ku bixiyay in uu horomariyo xirfada macalimino,isagoo iminka haysta shahaadooyinka kala gedisan taas oo ka saacidi karta in loogu yeero shaqada hogaaminta xulka Soomaaliya. Daawo Warbixin Ay Goobjoog Ka Diyaarisay Macalinka Doonaya Xulka Soomaaliya “Qurbaha waxaa nool macalimiin iyo ciyaartooy badan oo xirfadooda aad u saraysa una baahan in ay ka ka faa,ideestaan kooxaha iyo macalimiinta xulka qaranka xiriirka kubbadda cagta tusaale waxa u ah laacib Feysal Axmed heerka uu la gaaray xulka mudadii yared waa in ay wakiilo u dirsadaan qurbaha ka dibna ay halkaa ka soo qaataan tiro badan oo tayadooda saraysa” Waxaa sidaas barnaamijka Xeyndaabka ugu waramay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar oo ah la taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir. Macalin Maxamed Cabdiqaadir oo la ahdlay Goobjoog Sports waxa uu sheegay in ciyaaraha Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay ay ku tilaabsadeen horomaro aad u saraya hadii si wanaagsan la isku kaashado mustaqbalka ay Soomaaliya kaalamaha hore ka galayso wadamada qaarada Africa. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Macalin Maxamed & Hogaaminta Xulka Qaranka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa siyaabooyin kala duwan u weeraray madaxda talada dalka haya, waxaana uu ka hadlay maqaamka Muqdisho. Ugu horeyn Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalaha ugu badan ka hesho shacabka magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan jirin magaalo kale oo dowladda ay dhaqaalo ka hesho. Sidaasi daraadeed ayuu sheegay in shacabka Muqdisho xaq u leeyihiin inay helaan xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin oo ay ugu horeyso inay matalaad ku yeeshaan golayaasha dowladda. Wuxuu sidoo kale sheegay in Canshuurta ay bixiyaan shacabka magaalada Muqdisho badalkeeda u baahan yihiin inay helaan adeegyada kala duwan ee dowladda, islamarkaana aan shacabka lagu qasbin inay iska diidaan bixinta dhaqaalahaasi. “Magaalada Muqdisho waa Midka maanta haya oo ay ku jirto dowladda Federaalka daraadiis, waa gobolkee gobolka kale ee wax la taaban karo dowladdan kusoo kordhiya”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. “Shalay waan sheegnay markaan dhahaynay waxbaa qabyo naga ah, waxaa kamid ahaa gobolka Banaadir, Dadka gobolka Banaadir waxay xaq u leeyihiin inay matalaad helaan, weyna helayaan Insha allah”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda Ummada Soomaaliyeed, balse lagu kala badan yahay. Hoos ka dhageyso codka Xasan Sheikh Maxamuud https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Xasan-Sheekh-hadaane-matalaad-jirin-Canshuur-majirto-yeenan-gaarsiinin-dadka-Gobolka-Banaadir.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa sheegay in eedaha xisbigu u jeediyay Guddida Doorashooyinka Qaranka ay yihiin kuwo loo hayo dalliillo cad-cad, islamarkaana ay waajib tahay in la kala diro Komishanka. Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa horraantii sanadkii hore madaxweyne Biixi u gudbiyay qoraal 14 bog ka kooban oo xambaarsan in la kala diro Komishanka doorashada. Qoraalka ayaa lagu xusay in guddidu khaladaad ka samaysay doorashadii madaxtooyada ee 2017. Xoghayaha WADDANI oo waraysi ku siiyay dalka Ingiriiska telefishanka Universal ayaa sheegay in xisbigu caddaymo u hayo khaladaadka ay guddida Doorashooyinku sameeyeen “Guul iyo guul darro cidi imika kama hadlayso oo doorashada waanu aqbalay waanu hanaynay oo way socotay, Madaxweyne Muuse Biixi-na waa madaxweynahayga iyo madaxweynaha dhammaan umadda Jamhuuriyadda Somaliland laakiin, waxa la isku haya waxa weeye Khaladaadkii iyo gefefkii Komishankani sameeyeen. Gefefka Komishankani sameeyeena gefef cadcad ayaa ka mid ahaa. Waxa la hayaa oo ‘live’ ah(Toos ah) oo duuban Guddoomiyihii Komishanka oo Ilmo Yar oo da’diisu ka hoosayso xilligii Codaynta isagu u fududaynaya sidii uu u codayn lahaa. Marka anagu taanu ka hadlayna taa weeye, waxaanu ka hadlayna waar doorashadeenii wax baa inaga khaldamay ee darsi maxay ah baynu ka baran karna? Sidee baynu doorashooyinkeena u hagaajin karna? Sidee baynu u qaban karna doorashooyin daahfuran doorashooyinka soo socda? Marka wixii tagay kama hadlayno ee mustaqbalka ayaanu ka hadlayna,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar Looge Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee xisbi ka cawdo Komishanka sida caadiga ahna cid kasta oo garsoorka ka cabata xaq u leedahay in laga bedelo “ Taariikhda Somaliland maaha markii u horaysay ee xisbi mucaarad ahi ka cawdo Komishan ee uu yidhaahdo ‘uma aragno in Komishankaasi shaqada gudan karaan’ 2009-kii ayay dhacday laakiinse waxa joogay madaxweyne ogol in uu dadkiisa u tanaasulo, waxa joogay madaxweyne ogol in doorashooyinku dhacaan oo hore loo socdo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Saddexdii xisbi waxay isla go’aansadeen in Komishankii la kala diro waliba Komishankaasi wax doorasho ah may qaban, marka waaba mandaqa caadiga ah aniga iyo adiga haddii qof inoo garqaadayo oo aad tidhaa qofka kuma kalsooni in aan anigu idhaahdo isaga uun baan wadanaya waxaan isleeyahay in ay jaban tahay,” Ayuu yidhi Xoghaye Khadar. Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in qoraalka xisbigu ka gudbiyay Komishanka 13 bilood ka hor ahaa mid qodobadiisu faahfaahsan yihiin oo lagu bandhigay khaladaadka Komishanka lana mariyay dariiqiisii sharci laakiin, madaxweynuhu qareen u noqday guddida doorashooyinka isaga oo aan jawaab ama aragtidiisa ku soo celin xisbiga WADDANI “Waxaanu u aragna in aanay masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka cid la wadaagta jirin madaxweynaha, masuuliyaddana madaxweynuhu leeyahay runtiina ceeb ay Qaranka ku tahay in ay doorashooyinku dib u dhacaan,” Sidaas ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadahay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya, waxayna sheegtay in aanu hadda jirin Xafiis Kenya ah oo dalka laga furay, balse lagu rajo weyn nahay in la furo, oo Madaxweynaha Kenyana saxeexo. Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xiisaha Beesha Caalamka ee qabsoomida Doorashada Somaliland iyo halkay marayso Siyaasadda Arrimaha Dibaddu, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay Xafiiska Kenya ay ka furayso Somaliland “Arintaasi waa arin muddo dheer laga shaqeeynayey, waana arin fiican inaynu dalka Kenya xidhiidhka inaga dhexeeya aynu sii wanaajino, oo dalkeena Xafiis ka furtaan,waana soo dhaweeynaynaa, aadna waanu uga rajo qabnaa, laakiin wali go’aan uu Madaxweynuhu ogolaaday oo uu saxeexay maaha, soo jeedin baa loo sameeyey, Golaha Wasiiradduna hore ayey iskugu afgarteen, inuu Madaxweynuhu saxeexana waa laga rajo qabaa, nin bay magacaabeen, laakiin inuu Madaxweynuhu saxeexo weeye, Madaxweynaha ayaa ka maqnaa imika, Madaxweynuhu marka uu yimaado ayey saxeexayaan”. Mar uu ka hadlaayey xiisaha Beesha Caalamka ee Doorashada Somaliland ayaa yidhi “Wax inoo cusub maaha inuu Caalamku xiiseeynayo Doorashooyinka oo inoo dhaca, Caalamkuna muddo inaga sugaayey inaynu Doorashooyinkeena qabsano, xaggeena ayey ka xanibnaayeen,oo ay ka xidhnaayeen, laakiin imika waa kuwan go’aan la gaadhay, haddii xaggeena ay ka fududaato, oo la isku wada afgarto inay Doorashadu inoo dhacdo, waa sida ugu wanaagsan ee Caalamkuna inaga sugaayey”. Source
-
(SLT-Ceel-afweyn)-Waxa shalay deegaanka Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag ka dhacay laba dil oo kala duwan balse u muuqda inay isku xidhiidhsanyihiin, kuwaas oo ka dhex dhacay beelaha gobalkaas wada dega. Sida ay wararku sheegeen laba ruux ayaa ku dhintay dilalkan, waxaana ku dhaawacmay hal ruux. Godcaanood oo Ceerigaabo u dhow hal qof oo magaciisa lagu sheegay Marxuum Faarax Caarshe Axmed ayaa lagu dilay, dilkaas ka dibna waxa isna deegaanka Dharin-yaxe lagu dilay Marxuum Ina Cabdi Dakhare, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay hal ruux oo kale. Alle haw naxariisto labada marxuum ee geeriyooday. Dilalkan ayaa argagax ku abuuray bulshada ku nool gobalka Sanaag, gaar ahaan galbeedka gobalka oo muddooyinkii u dambeeyay ka nastay colaado beeleed oo keena dilal qorshaysan oo loo gaysto dad aan waxba galabsan. Wararka aanu saaka ka helay deegaankii uushalay ka dhacday dil ayaa waxa au sheegayaan in xaaladu ay degan tahay. Source
-
(SLT-Washington)-Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay inuu dalkiisu diyaar u yahay inuu qaado tallabba kasta oo looga hortagayo khatarta Iiraan. Warkan oo aan ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya General Kenneth McKenzie oo ah taliska guud ee ciidamada Mareykanaka inuu sabtida shalay ahayd sheegay inuu Mareykanka ciidamadiisu diyaar yihiin marki loo baahdo in dalka Iiraan laga howlgeliyo. Waxuuna Mareykanka diyaar u yahay tallaaba kasta oo uu kaga hortagayo khatarta uga iman karta dhanka Iiraan inuu qaado. McKenzie oo booqasha ku maraya waddamada khaliijka oo u warramay Telefishiinka Sky News laantiisa carabiga wuxuu sheegay “Mareykanku wuxuu sii wadayaa inuu had iyo jeer garab siiyo saaxibbada iyo xulafada aan ku leennahay khaliijka iyo bariga dhexe si aan isaga kaashannno khatarta dhammaanteen naga soo wajihi karto dhinaca Iiran si wada jir ah si aan uga hortagno.” Xiisadda u dhaxeysa tehran iyo Washington waxay cirka isku sii sharertay wixi ka dambeeyey marka uu madaxweyne trump uu hoggaanka dalka mareykanaka la wareegay gaar ahaanna sanadki 2018-kii marka uu Mareykanaka ka baxay heshiiskii Niyuukilarka ee heer caalami ee lalal galay dalka Iiraan isla-markaana uu cunaqabateyno dheeraad ah uu saaray Tehraan. Washington waxay Isniinti aan soo dhaafnay sheegtay ciddi saliidda Iiraan iibsato iney cunaqabateyn la kulmeyso, iyada oo dalalki ugu badnaa ee saliidda Iiraan iibsan jiray qaarkood ay lixdi biloodee la soo dhaafay ay waddamada kale ee Asia ay billaabeen iney saliidda ka soo iibsadaan. Madaxweynaha Iiraan iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan dalka Iiraan ayaa iyaguna ku hanjabay haddii ay Washington isku daydo iney carqaladeyso Maraakiibta saliidda ka iibsada ay Tehraan qaadeyso tallabba kasta oo ay ku joojineyso dhammaan maraakiibta kale ee shidaalka sida ee ka yimaadda waddamada kahaliijak. General McKenzie waxaa kale uu sheegay inuu ku kalsoon yahay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iney mudda badan sii joogayaan ilaa ay ka xaqiijiyaan iney khatarta argagixidsada ka iman karta ay soo afjarantay. Source
-
(SLT-Khartoum)-Labada dhinac oo shalay yeeshay Kulan waxay isku raaceen qaabka dhismaha Golle KMG oo isku-dhaf ah, inkastoo aan la isla fahmin qeybsiga Kuraasta. Mar sii horreysay, Guddiga Wadajirka ee ka kala socday Golaha Milliteriga (TMC) iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Isbedelka ayaa ka wada xaajooday codsiyadooda xukunka Rayidka. Dhinaca kale, Madaxa Golaha Milliteriga ee TMC, Jeneral C/fataax Al-burhaan oo wareysi siiyey Telefishinka Alarabiya ayaa sheegay inuu jirin wax khilaaf oo u dhexeeya Golahiisa iyo Isbahaysiga Mucaaradka, wuxuuna xusay inay Wada-xaajoodyo dheeraad ah la furi doonaan dhamaan Xisbiyadda. Waxa kale oo uu ka hadlay qorshihii Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Jeneral Cumar Xsaan Al-bashiir, xuxuuna xusay inuu Albashiir doonayey inuu xoog ku maquuniyo Dibadbaxayaashii ka soo horjeeday Maamulkiisa. Source
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay Shir jaraa’id oo ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa dhaliil u jeediyay Xukuumadda ay gadhwadeenka ka yihiin madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre. Wuxuu khudbadiis inteeda badnayd kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoo sheegay inuu welweli weyn ka qabaan sida Soomaaliya loo maamulayo iyo halka uu ku socdo ”Khataraha ugu weyn ee Puntland dareemayso waxaa weeye nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay la gacan bidixaynayo oo wadadii loo baahnaa aanu ku socon, waxaa noo muuqata caqabad aan hadhow la xalin karin” ayuu yidhi madaxweyne Deni Wuxuu sheegtay in xukuumada federaalka oo ku guuldaraysatay amnigii Muqdisho ay sidoo kale ilowday oo hilmaamtay dhibaatooyinkii kale ka jiray dalka oo aan dareensanayn baahiyaha ka jira maamul goboleedyada ”Waxaa kaloo soo baxay tubaha oo loogu talagay in caalamka loogu gudbiyo baahiya Soomaaliya qabto, Deeqihii markii yimaadaan meel ay ku baxaan la garan laayahay” ayuu yidhi Deni Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay ku takri faleen habkii awoodqaybsiga dowladnimo ama beeleed, isagoo tusaale u soo qaatay guddoomiyihii bangiga dhexe ee federaalka oo uu sheegay in aqooyahanadii reer Puntland ee u tartamayay booskaas la reebay ”Waxaan dhaliil weyn ka qabnay sida loo maareeyay guddoomiyihoo bangiga dhexe oo runtii xadgudub dhinaca awoodqaybsiga uu muuqdo. markii la magacaabayay guddoomiyaha maxkamada, ninbaa la qaaday oo nin kale oo isla haybtii ah lagu bedelay, laakiin markii guddoomiyaha bangiga dhexe la soo gaaray waxaa la yidhi tartan furan ha la galo oo waxaa laga leexiyay habkii wax qaybsiga” ayuu yidhi Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu iclaamiyay in bisha 2deeda magaalada Garoowe lagu qaban doono shir kooban oo wadatashi , kaasi oo ay isugu imaan doonaan madaxdweynayaasha maamulxubineedka federaalka, sida Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sidoo kalena ay ka soo qaybgalaan madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaare dowladda federaalka ” Shirkaas waa mid si dhab ah loo wada hadli doono, waxaa lagu jaangoyn doonaa habka ay u wada shaqaynayeen dowladda iyo Dowlad xubineedka federaalka, sidoo kale in la xidadio magaca uu qaadan doono habka loo wada shaqaynayo oo uusan noqon kii hore ee la oran gollaha amniga qaranka” ayuu yiri mudane Deni Gabagabadii, Madaxweynaha Putland wuxuu sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yhay inuu garab istaago, gacana siiyo maamulka Galmudug oo uu sheegay in khilaaf iyo dhibaato siyaasadeed ay haysato, islamarkaana cabasho ka muujiyay dowladda Federaalka Source
-
QM oo shaacisay Liiska Ururo iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo ay xayiraad dul-dhigtay QM ayaa shaaca ka qaaday magacyada shaqsiyaad iyo ururo Soomaaliyeed oo xayiraad laga saaray inay soo dalbadaan qandaraasyada hay’adda horumarinta QM ee UNDP iyo ururada kale ee QM. Go’aankan ayaa ka dambeeyey kadib markii ay talooyin usoo jeediyeen gudiga qiimeeyaan soo dalbashada qalabeynta iyo keenista adeegyada iyo badeecada u baahan yihiin xafiisyada UNDP. Cunaqabateynta UNDP ay saartay dadkaas iyo ururada waa mid looga hortagaayo xatooyo qarsoon iyo musuq maasuq lagu kacay oo shaqsiyaadkan iyo ururadan lagu eedeeyey, waxayna UNDP la wadaagtay arimahan taagan hay’ado caalami ah, deeq bixiyayaal iyo Qaramada Midoobe xafiiskiisa ugu sareeyo si talaabadan loo hirgaliyo. Xanibaada la saaray shirkadaha iyo shaqsiyaadka dambiyada lagu eedeeyey, waxaa lagala laabtay heshiisyadii lagula jiray iyo qandaraasyadii horey loo siiyey iyo lacagihii la siin rabay waxayna cunuqabateyntan saameyneysaa qof walbo oo kasoo muuqday liiska. Shirkadaha ama shaqsiyaadka laga mamnuucay inay UNDP la shaqeeyaan qaybta iibka iyo qalabeynta waxay dib u dalban karaan la shaqeyn cusub oo gudiyo kala duwan qiimeyn doonaan marka uu dhamaado mudada cunaqabateynta la saaray ku eg tahay. Shakhsiyaadka iyo Hey’adaha Soomaalida ee Liiskaan ku jiro waxay kala yihiin: Centre for Research & Policy Analysis (CERPA), waxaa lagu eedeyey Khiyaano iyo Been Abuur Halima Daud Khalif, waxaa lagu eedeyey Khiyaano We Are Women Activists (WAWA), Waxaa lagu heystaa Been-Abuur Hawa Ali Jama, Waxaa lagu helay Been-Abuur Zainab Mwazige, Waxaa lagu helay Been-Abuur Zeinab Ayan Ahmed, Waxaa lagu helay Been-Abuur Intercooperation Social Development India (ICSD), waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur Joy Elamon, waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur Mohamud Isak, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Gargaar Relief and Development Organization (GREDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Tanaad Relief & Development Organization (TARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Ali Mohamed Mohamud, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Mohamed Shukri Moallim, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Hiran HIV/AIDS Prevention and Child Protection Organization (HAPO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Abdirizak Yusuf Mohamed waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Emergency Pastoralists Assistance Group – Kenya (EPAG-K), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Abdullahi Gessey, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin) Youth & HIV/AIDS Network (YAHAN), waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka Mr. Mohamed Abdirahaman Jama, oo sidoo kale loo yaqaan Mr. Muhammed Abdurahman Jama, waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Shir-weynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka waxaa loogu yeedho Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay dawladda Soomaaliya, maal-geliyay-na Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka furmaya Muqdisho maalinta Isniinta ee berri ah. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliya. Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya labada maalmood (29-30 April) , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada. Source
-
Suaal waa maxay xoriyadu? What’s the freedom? Afeef wadanigu reer maaha. Qofba sibuu u yaqaanaa maanta xoriyada iyo raaxada nolosha. Xoriyadduna waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro. Waddaniyada xoogda badnayd iyo guubaabadii wax-garadka waxaa ka dhashay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo wax kasta oo qaali ku ah u bixinaya waddanka , wax kastana wadanku uuga muhiim sanayahay, tusaale; Xalane waxa uu ahaa halyay soomaaliyeed , waxa uu soo arkay dhibaatada gumaysigu leeyahay , neecowda xoriyadda wuu la kowsaday , bal aan isla yara eegno taariikh kooban oo uu inooga tagay. Maxamed Cabdulle Xalane Hilaadii 1943-kii ku dhashay Magaalada Ceelbuur, wuxuunna Ciidamada Dalka Somalia ku biiray bishii Juun 20-keeddii 1960kii. Waxaa lagu dilay dagaalkii kowaad ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1964. Wuxuu ahaa geesi aan gaban mayal adag oo soomlinimadu lafya iyo dhiiga raacday. Qisadiisii ugu layaabka iyo taariikhda fiicnayd waxaa qaadaa dhigay oo tafatirey AHUN Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlaya taariikhda Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu yiri Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa horay joogtey; waxay ahayd koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ayuu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago. Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, markaasay ku fureen boobe naftiisii gooyey; Maxamed isaga oo calankii ku duuban oo aan sii deynin ilaa ay nafta tii u dambeysey kabaxday ayuu la soo gurguurtey; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoobaanka ah oo da’ walba da’da ka dambeysaa ay dhaxlidoonto wuxuu ahaa: CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA. Maxamed wuxuu ku soo simay colkii si uusan calanku cadow gacantiisa u gelin. Inkastoo naftiisii uu waayey ceebtii waa ka soo hoyiyey calankiisii Maxamed. Xasuusta uu reebay darteed, maanta nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, nin lagu xasuustaa Billad Dahab ah Maxamed Cabdulle Xalane, tan iyo maanta dalkeenna; waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddigle-nimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ah; tan saddexaad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka Kacaanka; Xarunta Xalane. In la idiin ka taariikheeyey mooyee xaaladdeenna iyo tan cadowgu sida ay kala ahaayeen (xagga tirada hubka iyo raashinka), cadowgaa gumeysi xoog badan dabada ku hayey ‘Soomaali in la baabi’yaana taladoodu ahayd. Kuweennu godkii ay galeen say ugu jireen baa dagaalku ku dhammaaday; saddex bilood baa korkooda ku go’day. Anigu waxaan shaahid ka ahay inaan nimankii dhalinyarada ahaa oo dharkii iyo dhidid dhawrkiiba ka dhammaadeen ugu tagay godkii; cunnadooduna bariid garcadde ah bay ahayd, dawadana daciif baan ka ahayn. Haddana uma ay suuragelin cadow dalka inuu cagta soo dhigo. Waad ogtihiin waanad maqasheen baan u malaynayaa kuwaa dhaawac ah oo xabbadi ku taal inay inta qorigoodii qaateen ka baxeen isbitaalka oo ay yiraahdeen kolleyba haddaan dhimanaynno, intaan sariir ku dhiman lahayn; aan goobta ku dhimanno oo dagaal ku galeen sidaas kuna biskoodeen; waana joogaan qaarkood haddeer. Markii aan ugu tagay godadka oo aan iri qaarkood: “waryaa waa adiga qaawane sidee ugu adkaysanaysaa qorraxda iyo dhaxanta?”, waxay igu jawaabeen: “waxaa i illowsiiyey dhaxanta iyo qorraxda sharafkayga iyo waddankayga iyo immaankayga; ma xanuunsanayo: adaa moodey inaan xanuunsanayee ha ka biqin meeshayda laga soo geli mahayo iyadoon maydkayga laga tallaabsan” La soco qaybaha dambe…. Qaran News
-
Popular Contributors